25 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

FARMAAJO oo sheegay in 5 milyan qof oo Soomaali ah…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda bani’aadanimo ee Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha ka jira qaybo kamid ah dalka.

Farmaajo ayaa sheegay in abaar daran ay u dhufatay gobollada qaar, isla markaana xaaladdan ay saameysay ku dhawaad 5 milyan oo qof, kuwaas oo aan helin gurmad ku filan, isla markaana xaalad adag ay ku haysato gudaha dalka.

“Xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhalatay abaaraha ka jira dalka waxa ay si toos ah u saameeyeen ku dhowaad 5 milyan oo qof, kuwaas oo aan helin gurmad u dhigma xaaladda ay ku jiraan oo soo jiitamaysay labadii sano ee la soo dhaafay” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay in ay isku gurmadaan, si loo caawiyo dadka dhibanayaasha ah.

“Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan culimada iyo ganacsatada waxaan ugu baaqayaa in ay u istaagaan samata bixinta dadkeenna dhibaataysan, maadaama ay hoos u dhaceen kaalmadii binu-aadantinimo ee caalamiga ah, taas oo aan daboolin haatan wax ka badan 25% dadka u baahan gurmadka degdegga ah” ayuu mar kale yiri Maxamed Farmaajo.

Sidoo kale, wuxuu qurba-joogta Soomaaliyeed, madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ugu baaqay in loo midoobo ka jawaabista xaaladdan adag ee ay wajahayaan dadka Soomaaliyeed, waxaa kale oo uu rajo ka muujiyay Beesha Caalamka in ay dardar-geliso sidii gurmad degdeg ah loo gaarsiin lahaa kumannaanka qoys ee tabaaleysan.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Alle waxaan ka baryayaa in uu dalkeenna iyo dadkeenna ka dulqaado duruufaha adag, naguna mannaysto nimcadiisa oo ay ugu horreeyaan raxmadda roobka oo ay ku tiirsan tahay nolasha dadka Soomaaliyeed”.

Dhawaan, Farmaajo ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xaalad cakiran, isla markaana dadka Soomaaliyeed ay wajahayaan gaajo iyo sicir barar baahsan, sida uu hadalka u dhigay.

“Runtii waxaan darsay oo aan ogaaday in dalka uu ku jiro xaalad aad iyo aad u cakiran maciishadda oo kale qofka bishii 200 ama 300 qaadan jiray in aysan ku filneyn xittaa 500 oo dollar, welina mushaaraadkii uu halkiisii taagan yahay” ayuu khudbaddiisa ku yiri Farmaajo.

Waxaa kale oo uu xusay in xaaladda uu waddanka u maraayo aan indhaha laga qabsan karin, isla markaana sicirka bararka jira uu ka daran yahay kii horay loo arkay.

“Dadka Soomaaliyeed waxay gaareen heer in maalinkii ay hal mar wax cunaan haddii ay nasiib leeyihiin ama maalin dhaaf waxaa lagu leeyahay mararka qaarkood caga-bararka xilligii uu dagaalka sokeeye aad u darnaa in hadda ay ka daran yahay” ayuu sii raaciyay.

Sawirro: Xasan Sheekh oo codeeyey doorashada…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay si rasmi ah u dhiibtay codkiisa ku aaddan doorsho hoosaadka ururka JSP ee musharrixiinta doorashada golaha deegaanka ee gobolka Banaadir.

Xasan Sheekh oo ah Guddoomiyaha Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa ka qeyb qaatay doorashadan oo maanta gashay maalinkeedii labaad.

Doorashadan ayaa u dhacaysa hannaanka danabaysan ee elektrooniga (online-ka), iyadoo xubanaha horey u diiwaangashanaa ee ururku ay u codeeynayaan musharrxiinta ururka JSP ku matali doona doorashooyinka tooska ee golaha deegaanka gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid billow u ah nidaamka xisbiyeynta siyaasadda dalka iyo dimuqraadiyadda go’aan gaarista xisbiga dhexdiisa.

“Waxaan ku boorinayaa xubnaha ururka ee gbolka Banaadir inay ka qeyb qaataan codeynta danabeysan, ayna go’aanna ka gaaraan xubnaha musharaxiinta ee ku matalaya doorashada golayaasha deegaanka gobolka Banaadir,” ayuu Xasan ku yiri qoraal uu caawa soo saaray kadib codeynta.

Maalmo ka hor, ururka shaaciyay in 16-ka degmo ee gobolka Banaadir ay iska diiwaan-geliyeen 522 xubnood oo u sharaxan ururka, kuwaas oo lagu kala saarayo doorashada haatan socota.

Guddiga KMG ee doorasho hoosaadka degmooyinka gobolka Banaadir ee xisbiga ayaa sheegay in codbixinta Online-ka ah ay soo idlaan doonto 27 November, marka ay saacadu tahay 8:00AM.

JSP ayaa isku diyaarinaya inuu ka qeyb qaato doorashooyinka qof iyo cod, gaar ahaan midda golaha deegaanka gobolka Banaadir oo dhawaan ka qabsoomi doonta, sida uu sheegay guddiga doorashooyinka qaranka.

Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xilli aan weli heshiis laga gaarin doorashooyinka qaranka, taas oo ay diidan yihiin qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada iyo xisbiyada mucaaradka oo ay ugu weyn tahay Madasha Samatabixinta Qaranka.

Shabakad Al-Shabaab u qaabilsaneyd shaqo halis ah oo lagu qabtay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa NISA oo howlgal culus ka sameeyay gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa maanta gacanta kusoo dhigay shabakad ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnayd Muqdisho.

Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska Nabad-Sugidda ayaa lagu sheegay in howlgalka oo u dhacay sidii loo qorsheeyay lagu qabtay 11 xubnood oo ku howlanaaa falal amni darro ah.

Hay’adda NISA ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha lasoo qabtay oo isku xirnaa ay ku dhuumaaleysanayeen gudaha caasimada iyo deegaanno ka tirsan labada Shabelle, kadibna markii la ogaaday gacanta lagu soo dhigay.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee (NISA) ayaa gacanta ku dhigay shabakad Khawaarij ah oo ka kooban ilaa 11 dhagar-qabe, kuwaas oo ku howlanaa falal argagixiso isla markaana ku dhuumaaleysanayay Muqdisho iyo deegaanno ka tirsan Gobollada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, NISA ayaa intaas kusii dartay in xubnahan loo diyaariyay inay shirqoolo iyo falal basaasnimo ah ka sameeyaan Muqdisho, iyaga oo isku dhex-qarinaya shacabka.

Waxaa kale oo raggan oo mid mid loo qabtay ay gacanta soo galeen, iyaga gacanta kula jireen fal-dambiyeedyo argagixiso, sida lagu sheegay qoraalka.

“Dhagar-qabeyaashan ayey Khawaarijtu u soo diyaariyeen inay fuliyaan shirqoollo argagixiso, basaasnimo, iyo inay isku dhex qarin karaan shacabka, Ciidanka Sirdoonka Qaranka oo hayay xogtooda oo dhammeystiran ayaa mid mid u soo qabtay xilli ay qaarkood gacanta kula jireen fal-dambiyeedyo argagixiso” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Taliska ayaa ballan qaaday in raggan ay wajihi doonaan cadaalad, isla-markaana loo gudbin doono hay’adaha ku shaqada leh , si looga qaado tallaabada ku habboon.

Maalmihii u dambeeyay laamaha ammanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xoojiyay howlgallada ay ka wadaan caasimada, si looga hortego weerarada kooxda Al-Shabaab.

Toogasho ka dhacday meel aad ugu dhow Aqalka Cad

Washington (Caasimada Online) — Laba askari oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Qaranka (National Guard) ayaa Arbacadii dhaawacyo culus kasoo gaareen toogasho ka dhacday meel aan ka fogeyn Aqalka Cad, taas oo saraakiishu ku tilmaameen “weerar gaadmo ah oo si gaar ah loo qorsheeyey.”

Eedeysanihii falka geystay ayaa gacanta lagu dhigay kadib markii ay haleeleen rasaas ay ciidamadu ugu jawaabeen weerarka. 

Xilliga uu weerarku dhacayey, Madaxweyne Donald Trump wuxuu ku sugnaa gobolka Florida. Dhacdadan ayaa sababtay in Aqalka Cad la geliyo xaalad heegan degdeg ah oo albaabada loo laabay, iyadoo ay goobta soo dhoobteen ciidamo isugu jira kuwa federaalka iyo booliska magaalada oo aad u hubeysan.

Kaaliyaha Taliyaha Booliska Magaalada, Jeff Carroll, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in askarta la beegsaday ay ku guda jireen howlgal roondo ah abbaare 2:15 duhurnimo (xilliga Washington) agagaarka isgoyska waddooyinka 17-aad iyo I, oo dhowr tallaabo u jira Aqalka Cad. Wuxuu intaas ku daray in eedeysanuhu uu si lama filaan ah ugu soo baxay askarta, kadibna uu si gaadmo ah rasaas ugu furay.

“Kadib is-rasaaseyn dhexmartay labada dhinac, xubno kale oo ka tirsan Ilaalada Qaranka ayaa ku guuleystay inay ninkaas ka awood roonaadaan oo ay qabtaan,” ayuu yiri Carroll. Agaasimaha FBI-da, Kash Patel, ayaa xaqiijiyey in labada askari ee dhaawacmay loola cararay isbitaallada maxalliga ah, xaaladdooduna ay tahay mid halis ah.

Duqa Magaalada Washington, Muriel Bowser, oo goobta ka hadashay ayaa tiri: “Kani wuxuu ahaa weerar qorsheysan oo si gaar ah loola dan lahaa.”

Barasaabka Gobolka West Virginia, Patrick Morrisey, ayaa markii hore qoraal uu soo dhigay barta X ku sheegay in labada askari ee la beegsaday ay ka tirsanaayeen Ilaalada Qaranka ee gobolkiisa, uuna helay war sheegaya inay u geeriyoodeen dhaawacyadii soo gaaray. Hase yeeshee, wuxuu goor dambe soo saaray qoraal labaad oo uu ku sheegayo in xaaladdooda ay ku hareereysan yihiin “warar is-khilaafsan,” isagoo ka noqday xaqiijintii dhimashada.

Illaa iyo hadda ma cadda ujeedka rasmiga ah ee ka dambeeya toogashadan, balse saraakiisha ayaa rumeysan in ninka hubeysan uu ahaa shakhsi keli socod ah. Magacyada eedeysanaha iyo askarta la dhaawacay midna weli lama shaacin.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxweyne Trump uu fasaxa Maalinta Mahadnaqa (Thanksgiving) u joogo deegaankiisa Palm Beach, halka Madaxweyne ku-xigeenka JD Vance uu ku sugan yahay gobolka Kentucky.

Qoraal uu bartiisa bulshada soo dhigay ayuu Trump ninka weerarka geystay ku tilmaamay “bahal” wuxuuna wacad ku maray inuu “bixin doono qiimo aad u culus,” isagoo dhanka kale ammaan u jeediyey Ciidanka Ilaalada Qaranka.

Goobjoogayaal ka warramay xaalad jahawareer ah

Toogashadan ayaa ka dhacday agagaarka Farragut Square, oo ah goob caan ah oo ay shaqaalaha xafiisyada magaalada u tagaan qadada, taas oo dhowr baloog oo qura u jirta Aqalka Cad. Beertan, oo tiirarkeeda nalalka lagu sharraxay ubaxyo iyo calaamadaha ciidda masiixiga, waxaa ku hareereysan maqaayado iyo goobo qaxwada laga cabo, waxaana u dhow laba xarun oo tareenka dhulka hoostiisa mara laga raaco.

Dad goobjoogayaal ah ayaa ku tilmaamay goobta mid ay hareeyeen fowdo iyo kala carar markii rasaastu billaabatay, iyadoo dadkii lugaynayey ay naf la caari u kala firxadeen.

Mike Ryan, oo 55 jir ah, ayaa sheegay inuu u socday inuu soo qadeeyo markii uu maqlay dhawaqa rasaas xooggan. Wuxuu sheegay inuu cararay masaafo yar kadibna uu maqlay rasaas kale oo xigta.

Markii uu dib ugu soo laabtay goobta, wuxuu arkay laba xubnood oo ka tirsan Ilaalada Qaranka oo yaalla dhanka kale ee wadada, iyadoo dadku ay isku dayayeen inay midkood nafta ku hayaan. Isla waqtigaas, xubno kale oo ciidanka ah ayaa dhulka ku hayey qof kale, sida uu Ryan sheegay.

Emma McDonald, oo iyaduna goobjoog ahayd, ayaa sheegtay inay aragtay mid kamid ah askarta oo daqiiqado kadib weerarka lagu qaadayo bareelo, iyadoo madaxiisa uu dhiig qariyey, xabadkiisana lagu xiray qalab neefsashada caawiya.

Ciidanka Ilaalada Qaranka ayaa ku sugnaa Washington tan iyo bishii August, xilligaas oo Trump uu waddooyinka soo dhoobay, qayb ka mid ah tallaabooyinkiisa adag ee uu ku wajahayo socdaalka sharci-darrada ah iyo dembiyada, waana tallaabo uu si gaar ah ugu beegsanayo magaalooyinka ay maamulaan Dimoqraadiga.

Ilaa Arbacadii, waxaa magaalada Washington ku sugnaa qiyaastii 2,200 oo askari oo ka tirsan Ilaalada Qaranka, kuwaas oo ka kala yimid Degmada Columbia (DC) iyo gobollada Louisiana, Mississippi, Ohio, South Carolina, West Virginia, Georgia, iyo Alabama.

Trump, oo Jamhuuri ah, ayaa marar badan ku dooday in joogitaanka ciidamadan ay sababtay in dembiyadii caasimadda ay gebi ahaanba suuleen, inkastoo tallaabadan ay si weyn u dhaleeceeyeen saraakiisha maxalliga ah iyo xisbiga Dimuqraadiga.

Xoghayaha Gaashaandhigga, Pete Hegseth, ayaa warfidiyeenka u sheegay in Trump uu dalbaday in 500 oo askari oo dheeraad ah la keeno Washington si ay gacan uga geystaan sugidda amniga kadib toogashadan dhacday.

Maryan Maxamed Nuur oo lagu riday xukun lama filaan ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa lix sano oo xabsi ah ku xukuntay Maryan Maxamed Nuur, kadib markii lagu helay dambiyada maalgelinta argagixisada iyo lacag-dhaqid, sida lagu sheegay bayaan uu Talaadadii soo saaray Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya.

Maryan ayaa lagu eedeeyay inay isticmaashay shan xisaab bangi iyo shan lambar oo telefoon ah si ay u gudbiso lacago gaaraya $2,170,889, kuwaas oo lala xiriiriyay kooxda Al-Shabaab.

Lacagtan ayaa loo adeegsaday maalgelinta weerarro, taageeridda hawlgallo hubeysan, iyo fududeynta hawlo lagu wiiqayo amniga iyo degganaanshaha bulshada Soomaaliyeed.

“Caddeymaha iyo Baaritaanada uu Xafiisku horgeeyay Maxkamadda ayaa muujiyey in Dambiile Maryan Maxamed Nuur ay isticmaale yshay Shan Koonto Bangi iyo Shan Taleefan Lambar kuwaas oo la dhex marsiiyay lacag gaareysa $2,170,889,00,” ayey sheegtay xeer ilaalintu.

Sidoo kale, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in maxkamaddu ku ridday ganaax dhan $20,000, isla markaana ay amartay in la la wareego hantidii la dhaqay, oo ay ku jiraan siddeed dhul oo ay lahayd.

Akoonadeedii bangiga ayaa la xiray, halka wixii lacag ah ee ku jirayna lagu wareejin doono dowladda.

“Maxkamaddu waxay ku xukuntay: 1- 6 sano oo xari g ah, 2- Ganaax lacageed oo ah $20,000, 3- In lala wareego Hanti la dhaqay taas oo gaaraysa 8 Boos oo dhul ah iyo 4- In la baabi’iyo akoonada ay leedahay, laguna wareejiyo dowladda wixii hanti ah ee akoonadeed a ku jira,” ayaa lagu yiri qoraalka xeer ilaalinta.

Xukunkan ayaa dadka qaar ku tilmaameen mid lama filaan ah, maadaama dambiyada lagu soo eedeeyay Maryan, ayna sheegtay maxkamaddu in lagu helay ay yihiin kuwo culus, oo u qalmi kara ciqaab kasii adag.

Si kastaba, xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa ku adkeystay inay ka go’an tahay la-dagaallanka maalgelinta argagixisada iyo shabakadaha dhaqaale ee sharci-darrada ah, isaga oo digniin u diray cid kasta oo ku lug yeelata arrimahan in si buuxda sharciga loogu dhaqmi doono.

Daawo: Xildhibaanada Puntland ee BF oo sheegay cadaadis ay kala kulmayaan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Xildhibaanada Puntland ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay in cadaadis hor leh kala kulmayaan mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka, oo ay sheegeen inay ka xigsanayaan magaalada Muqdisho.

Xildhibaannadani ayaa tilmaamay in caasimaddu aysan u muuqan meel ay si xor ah uga shaqeyn karaan, iyagoo sheegay in muddada ay joogeen ay la kulmeen hanjabaado iyo hadallo cabsi gelin ah oo ka imaanaya xubno isla baarlamaanka ku jira.

Waxay sheegeen in Muqdisho aysan u qalmin in ay sii ahaato xarunta baarlamaanka, maadaama xildhibaanada qaar ka xigsadaan marka ay doodaha iyo shaqooyinka golaha ka hadlayaan.

Xildhibaan Sadaam oo kamid ah xubnaha arrintan ka hadlay ayaa sheegay in magaalada Muqdisho aysan ku dareemayn xorriyad, isla markaana aysan u qalmin inay sii ahaato xarunta baarlamaanka, sida uu hadalka u dhigay.

“Xildhibaankii hadlaba laga daba imaanayo la oranayo adoonkaas muxuu leeyahay, hadaa aragti dhiibto, baarlamaanka sharaftiisa yaan lagu ciyaarin. Magaaladan uma qalmato inuj baarlamaanka joogo, xoriyad kuma dareemayno,” ayuu yiri Xildhibaan Sadaam.

Arrintani ayaa imaneysa xilli dhawaan Senator Muuse Suudi Yalaxow uu Aqalka Sare ka jeediyay hadal muran weyn dhaliyay, kaas oo uu xildhibaan kale ugu yeeray eray loo fasiray yasitaan oo ah “addoonkaas.”

Hadalkaasi iyo eedeymaha cusub ayaa kordhiyay xiisadda u dhexeysa xubnaha baarlamaanka iyo kala sheegashada caasimadda, iyadoo weli muuqato in golaha ay ka dhex taagan tahay kala shaki siyaasadeed oo sii xoogeysanaya.

Hoos ka daawo muuqaalka

Uganda oo qaaday tallaabo ka dhan ah muwaadiniinta kasoo jeeda Soomaaliya

0

Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqday inay joojisay bixinga aqoonsiga qaxootinimo ee dadka ka yimaada Soomaaliya.

Wasiirka Gargaarka, Masiibooyinka iyo Qaxootiga Uganda, Hilary Onek ayaa shaaciyay in sidoo kale dowladdu ay ka joojisay dalalka Itoobiya iyo Eritrea, oo uu sheegay in aysan hadda ka jirin dagaallo.

Tallaabadan ayaa timid iyadoo taageerada deeq-bixiyeyaasha ay si weyn hoos ugu dhacday, halka tirada dadka magangalyo doonka ahi ay weli si joogto ah u kordhayaan.

Wasiir Onek wuxuu tilmaamay inuu faray saraakiisha in aan loo diiwaan-gelin qaxooti dadka kasoo jeeda dalalka aan dagaalladu ka socon.

“Dalkaan dagaal kama jiro, sidaas darteed aqoonsi ma siinayno dadka ka imaanaya Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea,” ayuu yiri Wasiirka, isagoo xusay in dadka horey u helay aqoonsiga qaxootinimo aan waxba laga beddelayn, balse dowladda aysan qaabili doonin dad cusub.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Uganda martigeliso labo milyan oo qaxooti ah, halka maalin kasta ay soo gaaraan boqollaal cusub, kuwaas oo intooda badan kasoo cararaya colaadaha DRC iyo Koonfurta Suudaan.

Waxa uu iftiimiyay in Uganda ay la shaqeynayso dalalka ay colaadaha ka jiraan si loo helo xasillooni u saamaxda qaxootiga inay dib ugu laabtaan.

“Siyaasaddeena furfuran ee qaxootiga waxay u ogolaanaysaa inay shaqeystaan, ganacsadaan, oo helaan adeegyada muhiimka ah, laakiin dhaqaale ahaan aad ayay noogu culus tahay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in taageeradii UNHCR ee Uganda ay hoos u dhacday, iyadoo sanadkii hore ay gaartay $240 milyan, halka sanadkan ay noqotay wax ka yar $100 milyan.

Sanadkan ayuu sheegay in dowladda Uganda ay heshay oo keliya $18 milyan, taas oo xaaladda ka dhigtay mid aad u adag.

Xogaha rasmiga ah ayaa muujinaya in Uganda ay martigelisay 51,845 qaxooti Soomaaliyeed, kuwaas oo ka dhigan qiyaastii 3.3% dadka qaxootiga ah ee dalka ku sugan.

Swan oo dalbaday in si deg deg ah Soomaaliya looga joojiyo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu billaabanayo ololaha sanadlaha ah ee 16ka maalmood ee u Hawlgelidda la dagaallanka Xadgudubka ku Salaysan Jinsiga, ayaa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ku baaqeysaa in la qaado tallaabooyin mideysan oo wax looga qabanayo xaaladaha sii kordhaya ee xadgudubka iyo kadeedka ka dhaca khadka internetka. 

“In la abuuro jawi casriyaysan/danabaysan oo bed-qaba isla markaana tixgelinaya haweenka iyo gabdhaha waa arrin u baahan iskaashi dhow oo dhex mara dowladda, shirkadaha tiknoolojiyadda, deeq-bixiyeyaasha, iyo bulshada rayidka ah,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Qaramada Midoobay waxay boorinaysaa in la ansixiyo sharciyo lagu daboolayo daldaloolada xooggan ee ka dhex jira hab-dhismeedka sharciyadeed, kaas oo hadda aan lahayn qodobo cad oo wax ka qabanaya dambiyada lagu geysto internetka iyo kuwa jinsiga ku salaysan. Waa lagama maarmaan in sharciyada la is-waafajiyo si ay uga turjumaan xaqiiqooyinka aaladaha danabaysan [dhijitaalka ah], iyo in la xoojiyo hay’adaha garsoorka iyo sharci-fulinta si ay wax uga qabtaan xadgudubyada ka dhex-daca internetka,” ayuu raaciyay Swan. 

Halkudhigga ololaha sanadkan oo ah – “U-Midooba Soo-afjaridda Xadgudubyada Danabaysan ee Ka-dhanka ah Dhamaan Haweenka iyo Gabdhaha” – ayaa iftiiminayaa kororka xadgudubka ka-dhaca internetka iyo baahida degdegga ah ee loo qabo in la isu yimaado si loo abuuro bey’ad [habab] dhijitaal ah oo qof walba ku ammaan helayo, gaar ahaan haweenka iyo gabdhaha. 

Inta lagu guda jiro ololaha 16-ka Maalmood, QM waxa ay ku garab istaagi doontaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, iyo ururada bulshada rayidka ah in ay muujiyaan baahida loo qabo in la soo afjaro xadgudubyada ku salaysan jinsiga ee danabaysan.

Hawshan waxaa qayb ka noqon doona u-qareemid iyo wacyi-gelin ka dhan ah dhaqamada waxyeelada leh ee loo adeegsado internetka, sare u qaadidda mas’uuliyadda qof ahaaneed ee ka hortagga takri-falka, taageeridda dhibanayaasha, iyo ku-dhiirigelinta dadka inay ka hadlaan xadgudubyada lagu geysto internetka. 

Sanadkan, ololaha 16-ka Maalmood wuxuu qayb ka yahay dadaallada caalamiga ah ee lagu xusayo sannad-guurada 30aad ee kasoo wareegtay Baaqa Beijing iyo Madasha Waxqabadka, iyo sidoo kale sannad-guurada 25aad ee kasoo wareegtay Qaraarka Golaha Amniga ee QM ee tirsigiisu yahay 1325 – kuwaas oo ah labo go’aan oo muhiim ah oo kor u qaaday sinnaanta jinsiga, awoodsiinta haweenka, iyo ka-qaybgalka haweenka ee geeddi-socodka nabadda iyo amniga.

Ololahan sanadlaha ah wuxuu billaabanayaa 25ka Nofeembar, oo ku beegan Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubka ka dhanka ah Haweenka, wuxuuna socon doonaa ilaa 10ka Diseembar, oo iyaduna ku beegan Maalinta Xuquuqda Aadanaha.

Ciidamada Xoogga dalka oo ku wajahan Jilib, oo ah xarunta ugu weyn ee Al-Shabaab

0

Jamaame (Caasimada Online) — Ciidamada maamulka Jubaland iyo kuwa dowladda federaalka ayaa u dhaqaaqay magaalada Jilib, iyaga oo guulihii dhawaan ka gaaray Jamaame u beddelaya cadaadis militari oo toos ah oo lagu saarayo xarunta dhaqameed ee Al-Shabaab ee ku taalla degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Taliska ciidamada ayaa sheegay in howlgallada ka socda Jubada Hoose iyo Jubada Dhexe ay yihiin wejiga koowaad ee qorshe ballaaran oo lagu doonayo in lagu jaro marinada sahayda iyo dhaqaaqa maleeshiyaadka, ka hor inta aan si toos ah loo wajihin gudaha Jilib. Jamaame, oo hore ugu ahayd xudun istiraatiiji ah, ayaa hadda u adeegaysa Jubaland ayada oo noqotay saldhig ku meel gaar ah oo lagu cadaadiyo Jilib.

Wararka laga helayo Jubaland ayaa sheegaya in cutubka gaarka ah ee Darawiish-ta, Duufaan (Haboobka), oo dhawaan la tababaray, uu diyaar u yahay in loo raro aagga u dhexeeya Jamaame iyo Jilib. Marinkan oo muhiim u ah isu socodka sahayda iyo dhaqaalaha Al-Shabaab ayaa la sheegay in ururku si joogto ah u kormeeri jiray, balse hadda uu wajahayo cadaadis sii kordhaya.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Jubaland, Jen. Maajo Yuusuf Xuseen Dhumal, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, Xareed Kales Cabdi, ayaa Axaddii booqday xarunta tababarka ee cutubka Duufaan. Taliyeyaasha militariga ayaa sheegay in unuggan uu dhammaystay tababar horumarsan oo jawaab degdeg ah, xasillinta deegaannada laga xoreeyo iyo ka hortagga ku soo noqoshada maleeshiyaadka, isla markaana uu diyaar u yahay in loo adeegsado safka hore ee hawlgallada ka dhanka ah Jilib.

Ciidamada Jubaland ayaa sheegay in Duufaan uu door weyn ka qaadan doono sugidda ammaanka meelaha dhawaan laga xoreeyay iyo ilaalinta xuduudda u dhexeysa Jamaame iyo Jilib, iyadoo muddadii laba toddobaad ee u dambeysay lagu soo warramay guulo waaweyn oo laga gaaray deegaanka Jamaame. Intii ay socdeen dhaqaaqyadaas, dhowr ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa lagu dilay, halka kuwo kalena lagu kala jabiyay duleeddada degmada.

Mas’uuliyiinta Jubaland waxay tilmaameen in wejigan cusub ee hawlgalka uu imanayo xilli Al-Shabaab ay ka sii yaraaneyso meelihii ay ku xoogganayd ee hareeraha Webiga Jubba, isla markaana uu sii kordhayo cadaadiska ka imanaya ciidamada dowladda federaalka, kuwa Jubaland iyo saaxiibada caalamiga ah. Si kastaba ha ahaatee, saraakiishu waxay sheegeen in xoogga hadda la saarayo xasillinta Jamaame iyo tuulooyinka ku dhow, ka hor inta aan si buuxda loo wajihin gudaha Jilib.

Unugyada amniga ee ku sugan Jamaame iyo nawaaxigeeda ayaa lagu soo warramayaa in ay si joogto ah u sugan yihiin waddooyinka iyo xaafadaha muhiimka ah, iyaga oo isku dayaya in ay xaqiijiyaan nabadda, ilaaliyaan shacabka, kana hortagaan weerarro carqaladeyn kara nolosha maalinlaha ah ee bulshada. Warbixinno hordhac ah ayaa muujinaya in ganacsiga, isu socodka dadka iyo adeegyada bulshada ay si tartiib ah dib ugu soo kabanayaan.

Dadka deegaanka Jamaame ayaa soo dhoweeyay joogitaanka iyo howlgallada ciidamada Jubaland, iyaga oo qaar ka mid ah ku tilmaamay fursad lagu yareyn karo cabsi sanado badan ka soo jirtay gobolka. Degmada, oo muddo dheer ahayd xudun istiraatiiji ah oo maleeshiyaadku u isticmaali jireen qorsheynta iyo isku xirka sahayda, ayaa hadda ku jirta gacanta maamulka Jubaland.

Ciidamada ayaa sidoo kale xoojinaya difaacyada meelaha la qabsaday iyo sugidda tuulooyinka ku hareeraysan, oo ay ku jiraan Manamufo, Araare iyo Koban. Taliska Jubaland ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qayb ka yihiin diyaargarow militari oo ballaaran oo u jihaysan xarunta Al-Shabaab ee Jilib, halkaas oo la rumeysan yahay in ay deggan yihiin inta badan hoggaamiyeyaasha sare ee kooxda. 

Soomaaliya iyo Interpol oo afar qodob ka shaqeynaya + Sawirro

0

Marrakech (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Hay’adda Caalamiga ah ee booliska (Interpol), Axmed Naasir.

Kulanka ayaa qabsoomay intii uu socday fadhiga 93-aad ee Golaha Guud ee INTERPOL HQ, oo sanadkan ka dhacay magaalada Marrakech ee dalka Morocco.

Labada mas’uul ayaa kulankooda uga wada-hadlay xoojinta iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Interpol, iyadoo si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha soo socda:

  • La-dagaallanka dambiyada abaabulan
  •  Ka hortagga argagixisada
  • Is-weydaarsiga xogaha amniga ee caalamiga ah
  • Tababarrada iyo taageerada farsamo ee hay’adaha amniga Soomaaliyeed

Wasiirka Amniga ayaa uga mahad-celiyay Interpol doorka ay ku leedahay xoojinta amniga caalamka, isagoo muujiyay sida Soomaaliya uga go’an tahay ka qaybqaadashada iskaashiga amni ee caalamiga ah.

Dhankiisa, Madaxweynaha Interpol Mudane Axmed Naasir ayaa ammaanay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee amniga, waxaana uu ballan qaaday in Interpol ay sii kordhin doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.

Fadhiga 93-aad ee Golaha Guud ee Interpol ayaa ah mid ka mid ah madalaha ugu muhiimsan ee looga arrinsado amniga caalamiga ah, waxaana Soomaaliya ay ku yeelatay kaalin muuqata iyo dood wax-ku-ool ah.

Soomaaliya oo tallaabo u qaaday dhismaha ciidanka heeganka bariga Afrika

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa xarunta Villa Hargeysa ku yeeshay kalfadhigii 15-aad ee todobaadka, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), kaas oo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin dhismaha Ciidanka Heeganka Bariga Afrika.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waaa soo aadiray 140 xildhibaan, waxaana ajendahiisu ahaa akhrinta labaad ee Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka Bariga Afrika, kaasoo ay soo diyaarisay Wasaaradda Difaaca Soomaaliya.

 

Heshiiskan ayaa horey akhrinta koowaad u maray, waxaana ka shaqeeyey Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, oo kaashanaya Guddiga Difaaca.

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa ka dooday qodobada ku jiraheshiiska, iyagoo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga weydiiyey su’aalo ku saabsan muhiimadda iyo ahmiyadda uu dalka u leeyahay heshiiska.

Intaas kadib Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulanka soo xiray isaga oo faray guddiyada ku shaqada leh heshiiskan in ay diyaariyaan akhrinta 3-aad ee heshiiska, si dib loogu soo bandhigo Golaha loona qaado cod.

Waxaa kale oo Mudanayaasha Golaha Shacabka maanta ayaa loo qeybiyey akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Daawada.

Maalmihii u dambeeyay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dardar-gelinayay howlaha shaqo ee horyaalla, waxaana jira doodo adag oo hareeyay kulamada golaha oo ay isaga horyimaadeen xildhibaannada mucaaradka iyo kuwa muxaafadka ee ku jira Baarlamaanka.

Falcelinta go’aanka Puntland ay ka qaadatay NIRA kadib hadalkii Xasan Sheekh

0

Garoowe (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay go’aan xasaasi ah oo Talaadadii kasoo yeeray maamul-goboleedka Puntland, kaas oo ku aadan qaadasha kaarka Aqoonsiga Qaranka NIRA ee ay bixiso dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Mudane Maxamuud Caydiid Dirir oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa sheegay in cid kasta oo qaadata kaarka NIRA ay u aqoonsan doonaan cadow, ayna xiri doonaan, sida uu hadalka u dhigay

Caydiid ayaa sidoo kale jawaab ka bixiyay hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa in Al-Shabaab ay qaadan karaan kaarka aqoonsiga ee Hay’adda NIRA.

“Haddaba ciddii kaarka NIRA qaadata annagu haddii aynu Puntland nahay cadow ayaan u naqaan, Al-Shabaab haddii Xasan ku baaqay NIRA kaarkeedana inay qaadato waa cadow, qofkii lagu arkana waa cadow, waana xarig” ayuu yiri Wasiir Caydiid.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Kaarka NIRA ebel sharci darro ayuu ku yimid wax Soomaali isku raacsaneyd maaheyn, Xasana isagaa hadda Madaxweyne ah isagaana sheegtay inuu Al-Shabaab kaarka siinayo”.

Haddaba sidee looga fal-celiyay go’aanka ay Puntland ka qaadatay kaarka NIRA?

Iftin Aadan: “Ninkan go’aan ma lahan miyaa horta waa tuu lahaa NIRA ma rabno waa kaar siyaasadeed muxuu ka raba ciddii dooneyso ha la siiyee”.

Xasan Maxamed: “Qofka nuucaas u hadlaaya haddii uu dhul Soomaaliyeed mas’uul ka yahay walee dal iyo dadba waa nidaam guuuray”.

Saadaq Shakaal: “Waan ogaa inaan hadalka madaxwaynaha maangaabtu fahmayn”

Iqro Maxamed Saciid: “Reer Puntland dhammaantood ninkaan maa masuul ka ah?”.

Cabdiraxmaan Xasan: ” Af xume colaad wax kaagama tarto nabadna waa kaa fogeysaa. War ninkaan wax ceshta malahan miyaa dadkaan biri ayagoo heshiis ah ayaa la arkin doonaa”.

Cabdiraxmaan Sheekh: “Somalia allaa u maqan dad wada waaalan baa madax u ah”.

Ra’iisul wasaare Xamza oo magacaabis cusub sameeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta wareegto soo saaray ayaa agaasimaha guud ee arrimaha caddaaladda ee wasaaradda caddaaladda iyo arrimaha dastuurka u magacaabay Mudane Axmed Xasan Yuusuf.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wareegtada uu Soo saaray sidoo kale Mudane Axmed Xasan kula dardaarmay inuu la yimaado hufnaan iyo xil-gudasho.

Maalmo kahor Xamza ayaa sidaan kale u magacaabay Cabdinaasir Axmed Bashiir (Saxansaxo), kaas oo noqday Agaasimaha Waaxda Warfaafinta ahna Afhayeenka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha laga bilaabo maanta.

Saxansaxo oo ah suxufi caan ah ayaa horay uga soo shaqeeyay Villa Soomaaliya iyo sidoo kale Jubbaland, waana nin dhalinyaro ah oo leh qibrad sare.

Indhowaanahan Xamza ayaa waday isbeddallo waa wayn oo ku aadan xukuumadda Dan-Qaran, wuxuuna horay u magacaabay Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo loo magacaabay Mudane Prof. Saalim Caliyow Ibrow.

Magacaabista ka socota xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriirta isbeddalka wayn ee ay waddo xukuumaddiisa oo dhawan saddex sano jirsatay, si loo dardargeliyo shaqadeeda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale la yimid isla xisaabtan golaha wasiirada ah, isaga oo kormeer ku tegay dhowr xarumood oo muhiim ah, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo cabasho ay kadib, balse la xalliyay iyo xarumo wasaaradeed oo ku yaalla caasimada oo uu ku tegay booqashooyin, si uu qiimeeyo shaqada ka socota.

Waxaa kale ra’iisul wasaaruhu xalliyay cabashooyin badan oo ka yimid wasaaradaha qaar oo shaqaaluhu ay kasoo cawdeen, isagoo toos u farogeliyay, waxna ka qabtay arrimahaasi.

Wararkii ugu dambeeyey xiisadda Soomaalida iyo Trump oo weji cusub yeelatay

0

Minneapolis (Caasimada Online) – Xeer-ilaaliyaha Guud ee gobolka Minnesota, Keith Ellison, ayaa shaaca ka qaaday in xafiiskiisu uu heegan u yahay inuu tallaabo sharci ah qaado, haddii Madaxweyne Trump uu ku dhiirrado fulinta ballanqaadkiisii ahaa inuu Soomaaliya ka saaro liiska dalalka ay dadkoodu Maraykanka kaga joogaan sharciga magan-galyada ku-meel-gaarka ah (TPS). 

Isagoo ka barbar hadlayey hoggaamiyeyaasha Xisbiga Dimoqraadiga oo bannaanbax ku qabtay dhismaha Xarunta Gobolka (State Capitol), ayuu Ellison si cad u sheegay in Trump uu “baal-marsan yahay sharciga,” islamarkaana uu xafiiskiisu “rog-rogayo dhagax kasta iyo xulasho walba oo miiska saaran si looga hortago khatartan.”

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo Trump uu baraha bulshada ku baahiyey toddobaadkii hore inuu “si degdeg ah” u joojin doono barnaamijka TPS ee Soomaalida Minnesota, isagoo u muuqday mid cuskanaaya kiisaskii musuq-maasuqa ee ay ku lug yeesheen dad asalkoodu Soomaali yahay.

In kastoo badankooda Soomaalida ku nool Maraykanka iyo gobolka Minnesota ay yihiin muwaadiniin haysta dhalashada dalka, haddana TPS-tu waxay fursad siisaa dadka aan haysan sharciga degganaanshaha rasmiga ah (Green Card) inay dalka sii joogaan haddii waddankoodii hooyo loo arko mid halis ah.

“Tani waa wax lala yaabo, waa arrin siyaasadeysan, waana khalad cad,” ayuu yiri Ellison. “Laakiin xeeladdan Trump waa mid hore loo bartay, waana dhaqankiisii aan lala yaabin.”

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo uu Trump kaga dhawaaqay go’aankan baraha bulshada, haddana tallaabo kasta oo lagu soo afjarayo TPS-ta waddan—oo ay Soomaaliya ku jirto—waa inay soo martaa Wasaaradda Amniga Gudaha (DHS), iyadoo la bixinayo ogeysiis 60 maalmood ah. Go’aankaasna ma noqon karo mid ku kooban hal gobol oo kaliya, balse waa inuu saameeyaa dalka oo dhan. Tusaale ahaan, isla Isniintii, waaxda Amniga Gudaha waxay soo saartay ogeysiiskan oo kale oo 60 maalmood ah oo TPS-ta looga saarayo dalka Myanmar.

Tan iyo billowgii muddo-xileedkiisii koowaad, maamulka Trump waxa uu wajahay caqabado sharci oo badan oo la xiriira isku-daygiisa ku aaddan joojinta TPS-ta dalal dhowr ah. Bishan gudaheeda, maamulku wuxuu ku guuleystay inuu soo afjaro TPS-tii dalka Venezuela kaddib go’aan ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Maraykanka, halka isku-dayga Suuriya liiska looga saarayo uu weli horyaallo maxkamadaha.

Xoghaya Amniga Gudaha, Kristi Noem, oo toddobaadkan booqasho ku timid Minneapolis, ayaa sheegtay in hay’addeedu ay raaci doonto nidaamka sharciga ah ee saxda ah ka hor inta aysan gaarin go’aan ku saabsan maqaamka TPS-ta Soomaaliya. Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay la siiyey maqaamkan sannadkii 1991-kii, xilligaas oo uu dalka ka qarxay dagaalkii sokeeye.

“Barnaamijkan looguma talagalin magangalyo rasmi ah (Asylum). Ujeedku wuxuu ahaa in la hirgeliyo marka ay dhacaan dhacdooyin gaar ah, waana mid ku-meel-gaar ah; qiimeyntuna taas ayey ku saleysnaan doontaa,” ayey tiri Noem, iyadoo raacisay: “Waxa ay eegi doonaan ayaa ah in sababihii jiray 30 sano ka hor markii go’aanka la gaaray ay weli taagan yihiin, iyo in shakhsiyaadku ay weli u qalmaan barnaamijka TPS.”

Dhinaca kale, bannaanbaxii ka dhacay dhismaha Capitol-ka subaxnimadii Isniinta, hoggaamiyeyaasha Dimoqraadiga ee Minnesota ayaa ku eedeeyey maamulka Trump inuu Soomaalida ka dhiganayo “Gabbood siyaasadeed” si uu danihiisa ugu fushado.

Shir jaraa’id oo ay qabteen kaddib, Xildhibaanad Ilhan Cumar iyo xubno ka tirsan sharci-dejiyeyaasha gobolka ayaa si kulul u cambaareeyey isku-dayga bulshada loogu xambaarinayo mas’uuliyadda wadareed ee fadeexadaha musuq-maasuq, sida kiiskii “Feeding Our Future.” Waxay xuseen in dadka kiisaskaas ku eedaysan ay yihiin in yar oo faro-ku-tiris ah marka la barbardhigo tobannaan kun oo Soomaali-Maraykan ah oo si sharaf leh ugu nool Minnesota.

“Waxa uu madaxweynaheennu ugu jecel yahay waa abuurista fowdo iyo jahwareer,” ayey tiri Ilhan Cumar. “Waan aaminsanahay in ay jiraan dad xiriir la leh madaxweynaha oo doonaya guul siyaasadeed, waxayna u qaateen in beegsiga TPS-ta Soomaalida ay guushaas ku heli karaan. Guusha ay raadinayaan waa in si uun ay dhalashada nooga xayuubiyaan dhammaanteen, laakiin nasiib-darro ma heli doonaan guushaas. Annaga (xildhibaannada ah) midnaba kuma joogo TPS. Dhammaanteen waxaan nahay muwaadiniin u dhashay dalkan.”

Turkiga oo taageero wayn u muujiyay hay’adda socdaalka Soomaaliya + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Mustafa Sheekh Cali Duhulow ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Danjire Alper Aktaş.

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta safaaradda dowladda Turkiga ee magaalada Muqdisho, kadib markii uu booqasho ku tegay Mustafa Dhuxulow, halkaas oo lagu soo dhaweeyay.

Labada dhinac ayaa kulankooda diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee ku aaddan maamulka socdaalka iyo amniga xuduudaha.

Safiirka Turkiga oo madasha ka hadlay ayaa ballan qaaday in dowladdiisa ay xoojin doonto taageeridda awoodda farsamo ee lagu horumarinayo nidaamka socdaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu taageeray horumaradda uu Agaasimaha Guud ku hoggaamiyay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, oo maalmihii u dambeeyay soo kordhisay adeegyo cusub oo muhiim ah.

Dhankiisa, agaasime Mustafa Duhulow, ayaa uga mahadceliyay danjiraha soo dhawaynta diirran, isagoo tilmaamay in wada-shaqayn wanaagsan kala dhaxayso safaaradda, ayna sii wadi doonaa labada dhinac.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in ay ka go’an tahay fududeynta adeegyada dalku-galka, deggenaanshaha, iyo habraacyada kale ee muwaadiniinta Turkiga ee u socdaalaya ama ku sugan Soomaaliya.

Kulankan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dood xooggan ay ka taagan tahay nidaamka cusub ee fiisaha elektaroonigga ah ee e-Visa ee ay soo kordhisay dowladda Soomaaliya, kaas oo ay diidmo kala horyimadeen Somaliland iyo Puntland oo uu sameeyay go’aankaasi.

Si kastaba, Turkiga oo haatan taageero u muujiyay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka ayaa ah saaxibka dhow ee Soomaaliya, wuxuuna ka caawiyaa dhinacyo kala duwan.

Daawo: Sheekh Cali Wajiis oo si weyn DF uga difaacay barakicinta shacabka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Cali Wajiis) oo kamid ah golaha sare ee Culimada Soomaaliyeed ayaa si weyn dowladda federaalka Soomaaliya uga difaacay eedeymaha la xiriira barakicinta shacabka ee dhulka danta guud ee caasimada.

Sheekha oo wareysi gaar siiyay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in ka culumo ahaan aysan xaqiiqo u hayn barakicinta mar kasta lagu eedeeyo dowladda, sida uu ku sheegay wareysiga.

“Arrinta barakicinta oo dowladdu wax barakicineyso intaan soo baarnay sow ma xaqiijin ma’uuliyiintana waa iska aragnay in dadka loo turo” ayuu yiri Sheekha.

Sheekh Cali Wajiis ayaa tilmaamay in dowladda ay xaq u leedahay dhulalka danta guud inay maamusho, cidda ay rabtana ay ka iibiso, maadaama ay milki ahaan iyadu leedahay.

“Dowladdu dhulka ay leedahay inay ka kiciso dadka hadane ay dad cusub ka gado ama ay u sharciyeyso kuwii hore intaba xaq ayay u leedahay” ayuu sii raaciyay Sheekh Cali Wajiis.

Waxaa kale oo uu ka hadlay arrinta jir-dilka loo gaysanayo dadka deggan dhulalka danta guud, wuxuuna sheegay in aan lagu eedeyn karin Madaxweynaha, balse ay tahay in lagula xisaabtamo ciidamada iyo taliyeyaashooda.

“Qofka wax dila ama dhulka wax ku jiida waa in askariga sameeya lasoo qabto oo sharciga la horgeeyo dowladda laguma eedeyn karo, laakiin askarta ayaa lagu eedeynaa taliyaha askartaas xukumo ayaa lasoo qabanayaa ama xilka laga qaadayaa” ayuu mar kale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Muqdisho ay ka taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay dhulalka danta guud, kadib markii la burburiyay xaafado dhowr ah oo ku yaalla caasimada, lana barakaciyay dhammaan qoysaskii deganaa.

Turkiga oo xiray basaasiin u shaqeynayey Imaaraadka

0

Istanbul (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Istanbul ayaa Talaadadii shaaciyey in laamaha ammaanka Turkigu ay xabsiga u taxaabeen saddex qof, kuwaas oo lagu tuhmayo inay u shaqeynayeen sirdoonka Imaaraadka Carabta.

Xafiiska ayaa sheegay in eedaysanayaashaas lagu helay inay ku hawlanaayeen ururinta xogta shakhsi ahaaneed ee mas’uuliyiin haya xilal xasaasi ah, iyagoo adeegsanaya lambar taleefan oo laga diiwaangeliyey gudaha Turkiga.

Bayaanka xeer-ilaalinta ayaa lagu yiri: “Waxa la xaqiijiyey in xubno ka tirsan sirdoonka Imaaraadku ay lambar ka heleen shirkad isgaarsiin oo maxalli ah, kadibna ay samaysteen aqoonsiyo been abuur ah si ay u helaan macluumaadka taariikh-nololeedka shakhsiyaad ka hawlgala xarumo halbowle u ah dalka.”

Sida warbixinta lagu xusay, beegsiga basaasnimadan ayaa diiradda lagu saarayey maamulayaasha shirkadaha warshadaha gaashaandhigga, khad taleefan oo ay isticmaasho Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyo weliba wakiillo shisheeye oo dalka ku sugan.

Baaritaanka ayaa daaha ka rogay in afar qof ay ku lug lahaayeen soo iibinta iyo dhoofinta kaarka taleefanka oo loo gudbiyey Imaaraadka si loogu wareejiyo sarkaal sirdoon, iyagoo kooxdani ay wada-xiriir joogto ah lahaayeen.

“Hawlgal qorsheysan oo maanta la fuliyey ayaa lagu soo qabtay saddex kamid ah eedaysanayaasha, laguna soo qabtay caddeymo la xiriira dembiga, halka eedaysanaha afraad oo dalka dibaddiisa ku maqan loo jaray waaran soo qabasho,” ayuu raaciyey xafiiska xeer-ilaalintu.

Isbeddel deg-deg ah iyo ka laabasho

 Si kastaba ha ahaatee, saacado kooban kadib markii warkaasi soo baxay, arrintu waxay yeelatay waji cusub. Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa bilaabay inay la xiriiraan warbaahinta kala duwan, iyagoo ka codsanaya in warkaas laga saaro hawada maadaama, sida ay sheegeen, uu xambaarsanaa macluumaad aan sax ahayn.

Intaas kadib, xafiiska xeer-ilaalinta ayaa bartiisa rasmiga ah ee X ka tiray bayaankii hore, wuxuuna soo saaray qoraal cusub oo gebi ahaanba meesha ka saaraya xiriirkii arrintu la laheyd Imaaraadka.

Fiidnimadii caawa, xafiiska ayaa soo saaray faahfaahin kale oo lagu caddeynayo mowqifka cusub:

“Sida aan ka soo xignay ilo dhanka ammaanka ah oo la xiriira baaritaanka basaasnimada ee maanta la shaaciyey, waxa la xaqiijiyey in eedaysanayaashu aysan wax xiriir ah la lahayn dowladda Imaaraadka Carabta.”

Turkiga iyo Imaaraadka ayaa boggooda xiriirka dib u furay sanadkii 2021-kii kadib wadahadallo dheer oo lagu dhameeyey khilaafkii gobolka iyo kii labada dhinac ee ka dhashay kacdoonkii Guga Carabta. Xiriirkan cusub ayaa lagu xoojiyey heshiis ganacsi xor ah, is-afgarad maalgashi, iyo safarro heer sare ah oo ay is-weydaarsadeen madaxda labada dal.

Hase yeeshee, bilihii u dambeeyey, colaadda ka aloosan dalka Suudaan ayaa u muuqata mid dib u hurisay qaar kamid ah xiisadihii hore. Imaaraadka ayaa taageero u fidiya xoogagga gurmadka degdegga ah (RSF), halka ciidanka milatariga Suudaan uu sanadkii la soo dhaafay xiriir iskaashi oo dhow la yeeshay Ankara.

Saraakiisha Turkigu waxay ku adkaysanayaan in xiriirka kala dhexeeya Imaaraadku uu yahay mid saaxiibtinimo, isla markaana ay jirto is-faham ah in arrimaha la isku hayo si gaar ah loo xalliyo iyadoon la dhaawacayn xiriirka guud.

Dalka Turkiga ayaa sanadihii dhowaa xabsiga u taxaabay dad badan oo lagu eedeeyey inay u basaasayeen sirdoonno shisheeye, kuwaas oo ay kamid yihiin Israa’iil, Ruushka iyo Iiraan. 

Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

0

Cape Town (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya muwaadin Soomaaliyeed oo habeenimadii xalay lagu dilay deegaanka Philippi oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalo Xeebeedka Cape town.

Marxuumka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdi Xasan, waxaana burcad hubeysan oo u dhalatay dalkaas ay ku fureen rasaas.

Allaha u naxariistee, Cabdi Xasan ayaa markaas ku sugnaa dukaankiisa ganacsi, iyadoo dableydii dilka geysatay ay goobta ka baxsadeen isla markiiba.

Ciidamada Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa dhacdada kadib gaaray goobta, sidii caadadu ahaydna baaritaanno ka sameeyay halka lagu dilay marxuumka.

Inkastoo boolisku sheegay inuu bilaabay baarista kiiskan dilka, haddana ilaa hadda ma jirto cid loo soo qabtay falkaas.

Magaalooyinka dalka Koonfur Afrika waxaa si joogto ah uga dhaca weerarro isugu jira dilal, dhaawacyo iyo dhac loo geysto dhalinyarada Soomaaliyeed ee halkaas ka ganacsada.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa mar kasta sheegta inay wax ka qabanayso dhibaatooyinka heysta Soomaalida ku nool waddankaasi, balse weli ma muuqato qorshe cad oo looga hortago weerarrada iyo tacaddiyada lagu hayo ganacsatada Soomaaliyeed.

Si kastaba, ha’ahaatee mar kasta oo la gaaro dhammaadka sanad welba waxaa si aad ah u kordha dilalka iyo boobka loo geysanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Koofur Afrika, kuwaas oo wajahaya halis uga imaaneysa burcadda Koonfu Afrikaanka ah

Puntland oo go’aan culus soo saartay kadib hadalkii Xasan Sheekh

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Puntland, Mudane Maxamuud Caydiid Dirir oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka falceliyay hadal maanta kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh oo ahaa in Al-Shabaab ay qaadan karaan kaarka aqoonsiga ee Hay’adda NIRA.

Caydiid ayaa si weyn uga horyimid hadalkan, wuxuuna sheegay in cid kasta oo qaadata kaarka NIRA ay u aqoonsan doonaan cadow, ayna xiri doonaan, sida uu hadalka u dhigay

“Haddaba ciddii kaarka NIRA qaadata annagu haddii aynu Puntland nahay cadow ayaan u naqaan, Al-Shabaab haddii Xasan ku baaqay NIRA kaarkeedana inay qaadato waa cadow, qofkii lagu arkana waa cadow, waana xarig” ayuu yiri Wasiir Caydiid.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Kaarka NIRA ebel sharci darro ayuu ku yimid wax Soomaali isku raacsaneyd maaheyn, Xasana isagaa hadda Madaxweyne ah isagaana sheegtay inuu Al-Shabaab kaarka siinayo”.

Sidoo kae, wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka Soomaaliya iyo Al-Shabaab ay ka dhexeyso wada shaqeyn, isla markaana aysan daacad ka hayn dagaalka socda, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda Federaalka iyo Al-Shabaab waa wada shaqeystaan, haddii aysan wada shaqeyn maxaa loo soo afjari waayay kooxda” ayuu ma kale yiri Wasiirka Maxamuud Caydiid Dirir.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo oo maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb-galay shirweynaha labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo lagu soo gabagabeeyay teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho uu sheegay in xubnaha Al-Shabaab loo ogolyahay in ay qaataan kaarka, ayna ogyihiin in ay soo dirsadaan dad, sidaasna ay ku qaataan.

Madaxweynaha ayaa soo jeediyay in lasiiyo kaarka, lana diiwaangeliyo farahooda iyo wajigooda, isaga oo ku dooday in yihiin muwaadiniin Soomaali ah oo argagixiso noqday.

“Shabaab oo dhan maraduu doono iyo xijaab hasoo qaato kaarka ha qaato ha’is diiwaangeliyo farihiisa, wajigiisa hala diiwaangeliyo hala arko” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay taqaano sida loola dagaalamo argagixisada, ayna ka go’an tahay inay ka qabato Ummadda Soomaaliyeed.

“Muwaadin Soomaali ah oo la yaqaano, balse argagixiso noqday waayay muwaadinimada Soomaalinimada weli kama bixin, argagixise ayuu noqday dadka Soomaaliyeed ayuu col ku yahay, si looga qabto waa la yaqaanaa” ayuu mar kale yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

War cusub oo kasoo kordhay kiiska Saabiriin Saylaan + Sawirro

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa galabta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug aas loogu sameyay marxuumad Sabiriin Saylaan Cabdille oo 14 sano jir ahayd, taas oo si arxan darro ah loogu dilay gudaha magaaladaasi.

Maydka marxuumadda oo indhawaanahan yaallay Isbitaalka guud ee Gaalkacyo ayaa maanta la aasay, kadib markii shalay dil lagu xukumay haweeneydii lagu heley dilkeeda.

Aaska waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiin, ehellada marxuumadda iyo boqolaal shacab ah oo garab istaag u muujiyay qoyska marxuumadda, si ay cadaalad u hesho.

Kiiskan oo xasaasiyad wayn abuuray ayaa ugu dambeyn dil kusoo idlaaday maadaama la qisaasayo marxuumada Hodan Maxamuud oo lagu helay inay ka dambeysay falkaasi.

Maxkamadda Darajada koowaad ee degmada Gaalkacyo ayaa shalay toogasho ku xukuntay Hodan Maxamuud Diiriye ina Xaawo Xasan 34 sano jir ah, kadibna maxkamadda la horkeenay caddeymo waa wayn oo ay ku jiiraan muuqaallo muujinayo sida arxan darrada ah ee loo dilay gabadha yar, taas oo gilgishay quluubta dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale aabaha qoyska oo lagu magacaabo Cabdicasiis Nuur Xaashi Calas ina Ardo Maxamed Cali 65 sano jir ah ayay maxkamaddu sheegtay inay ku waysay inuu dilka wax ka galay, balse waxaa lagu helay dacaayad masuuliyadeed waxaana lagu xukumay 1 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 500 oo dollar.

Xukunkan ayaa si weyn loo sugayay, waxaana soo dhaweeyay ehellada marxuumadda oo cadaaladda dhowrayay, waxaana maydka gabadhooda uu weli yaal isbitaaka Gaalkacyo.

Waxaa sidoo kale, si weyn dhacdadan isha ugu haysay warbaahinta oo si dhow usoo tabineysay tan iyo markii la dilay Saabiiriin oo ahayd gabar yar oo 14 sano jir ahayd.