25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Maxay yihiin warqadaha ay diyaarado caalami ah ku daadiyeen Jamaame?

0

Jamaame (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay waraaqo digniin ah ku daadiyeen degmadaasi, xilli Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ay wadaan guluf ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Diyaaradahan oo aan la aqoon dalka laga leeyahay ayaa siday farriin ay dadka deegaanka ugu sheegayaan inay isaga fogaadaan meelaha ay ka ag dhow yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab, taas oo macnaheedu yahay inay bartilmaameed yihiin.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa toddobaadkii saddexaad hawlgal ka wada deegaannada ku yaalla jiinka webiga Jubba ee hoos taga degmadaasi, iyo sidoo kale waddada laamiga ah ee taga Jamaame.

Qaar ka mid ah dadka reer Jamaame ayaa 16-kii bishan billaabay inay isaga barakacaan magaalada, kaddib duqeyn ay dad rayid ah ku dhinteen oo ka dhacday nawaaxigeeda.

Wararka ayaa sheegaya in duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo dhufeysyada iyo saldhigyada ay Shabaab ku leeyihiin bannaannada Jamaame, gaar ahaan dhulka hawdka, ay weli socdaan.

Maleeshiyadu waxay ku dagaallamaysaa sidii ay u sii haysan lahayd magaaladan oo aan mar qura laga saarin tan iyo sannadkii 2008.

Digniintan ayaa baqdinta ku kordhinaysa dadka weli ku harsan magaalada ee u joogay inay qiimeeyaan halka ay xaaladdu ku dambayn doonto. Dadka reer Jamaame ayaa dhowr jeer oo hore barakacay, markasta oo ciidamada ay hawlgallo ka billaabeen deegaannada hoos taga iyo duqeymo Al-Shabaab loogu geystay duleedyada iyo gudaha magaalada, balse ciidamada weli ma xaqiijin inay ka saareen maleeshiyadaasi.

Shabaab ayaa hore ugu suurtagashay inay fashiliyaan isku dayadii lagu doonayay in lagaga saaro magaaladan. Hawlgalkii ugu dambeeyay ee ay ka hortageenna wuxuu ahaa kii bishii March ee sannadkii hore, markaas oo ciidamada ay ugu dhaqaaqeen inay qabtaan magaalada, balse ay ka gudbi waayeen dhufeysyada ay maleeshiyadu ku leedahay hawdka u dhexeeya Baar Sanguuni iyo Jamaame.

Hadda, inkastoo Shabaabku ay dareemayaan culeyska uu leeyahay hawlgalkan socda, haddana waxay isku dayayaan inay hakiyaan ciidamada loo soo abaabulay inay qabtaan magaaladan.

Jamaame ayaa qiimo weyn u leh Shabaab, maadaama ay muhiim u tahay joogitaankooda degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Jilib ayaa noqotay xarunta ugu weyn ee ay Shabaabku ku leeyihiin dalka, kaddib markii bishii Oktoobar ee sannadkii 2014 ay lumiyeen gacan ku haynta degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka ay khasab ku noqoto inay Jamaame isaga baxaan ma tagi karaan dhinaca magaalada Kismaayo, maadaama ay xiran tahay waddada isku xirta Jamaame iyo Kismaayo. Si kastaba ha ahaatee, dadka ayaa gabaad u raadsan kara Jilib ama deegaanka Kuunya Barrow oo hoos taga degmada Baraawe.

Somalia oo malaayiin dollar lumisa sanad walba – Sidee?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa sanad walba lumisa in ka badan 200 milyan oo dollar, sababo la xiriira wareega dheer ee dollarka uu soo maro ka hor inta uu soo gaadhin dalka.

Lacagaha ka yimaada deeq-bixiyeyaasha ayaa inta badan soo mara bangiyada la aqoonsan yahay ee Nairobi, Jabuuti, Turkiga ama xarumo kale, sida uu sheegay Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in tani kordhiso kharashka, dib u dhaca iyo shakiga, isagoo tilmaamay in khasaarahan uusan ka iman musuq ama dambi, balse uu ku dhasho nidaamka maaliyadeed ee adag ee hadda jira.

Sanadkan kasta waxaa la sheega in Soomaaliya ay hesho ku dhawaad $4.2 bilyan, oo ay ku jiraan $1 bilyan oo gargaar ah iyo $3.2 bilyan oo lacag diris ah.

In ka badan $210 ayaa qiyaastii ku lunta khidmadaha dhex-dhexaadiyeyaasha sanad walba. Lacagahan ayaa loo adeegsan karay kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta ama adkeysiga cimilada.

Soomaaliya ayaa leh ku dhawaad 14 bangi oo maxalli ah, hal bangi shisheeye, lix shirkado mobile money ah iyo 15 xawaaladood, illaa haddana ma jirto bangi Soomaaliyeed oo maanta si toos ah u diri kara ama u heli kara dollar.

Tan ayaa qasbeysa in dhamaan lacagaha la soo mariyo bangiyo shisheeye, taas oo kordhisa khatarta, qiimaha iyo dhibsiga.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in caqabadaha caalamiga ah ay ku saleysan yihiin aragtiyo hore oo aan la waafajin xaqiiqada maanta

Waxa uu sheegay in Soomaaliya hadda ka baxday cuna-qabateyntii hubka, ayna gaartay horumar muuqda oo dhanka maaliyadda, xilli laga cafiyay dayntii, isla markaana ay ku biirtay iskaashiyada gobolka.

Sawirro: Maxaa xalay ka dhacay Villa Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay Madaxtooyada casho sharaf ugu sameeyay Culimada Soomaaliyeed.

Culimadan ayaa qeyb ka ahaa Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed, kaas oo shalay ku soo gaba-gaboobay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Madaxweynaha ayaa culimada ku bogaadiyey doorka ay ka qaadanayaan wacyi-gelinta bulshada, ka hortagga afkaaraha xagjirnimada iyo xoojinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dhaqanka Soomaaliyeed iyo dowladnimaduba ay ku tiirsan tahay talo, hagid iyo baraarujin.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loo xoojiyo iskaashiga dowladda iyo culimada, isagoo soo bandhigay in markii ugu horreysay ciidamada xoogga dalka lagu kabay tiro culimmo oo ka mid noqda, si ay uga wacyi geliyaan ciidanka dhaqannada aan wanaagsanayn.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo dhaweeyey go’aammada ka soo baxay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed, kaasi oo shalay lasoo gaba-gabeeyay.

Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha ayaa adkeeyay in talooyinkooda iyo go’aannada shirku ay door muuqda ka qaadan doonaan xoojinta nidaamka dowladnimo, ilaalinta qiyamka diinta Islaamka iyo ka hortagga fikiradaha gurracan ee argagixisada.

Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay…

0

London (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay ururka caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka la socodka dhaq-dhaqaaqa Maraakiibta iyo doomaha maraya badaha ee loo soo gaabiyo IMSO.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ku sugan London ayaa dukumeentiyada caddaynaya ku biirista Soomaaliya e IMSO ku wareejiyay Xoghayaha Guud ee Hay’adda IMO, Arsenio Dominguez

Labada mas’uul ayaa kulankooda gaarka ah diirada ku saaray xoojinta amniga badda, casriyeynta hay’adaha badda Soomaaliya, iyo sida iskaashi dheeri ah oo IMO lala yeesho uu u taageeri karo dadaallada dowladda ee dhismaha nidaam badeed oo ammaan ah.

“Ku biirista Soomaaliya waxay xoojinaysaa dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan amniga badda iyo iskaashiga caalamiga,” ayuu yiri Wasiir Jaamac oo qoraal soo saaray.

Sidoo kale wuxuu sheegay in tallaabadan ay muujinayso go’aanka Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta amniga baddeed, kor u qaadista maamul wanaagga badda iyo ka faa’iidaysiga awoodda dhaqaalaha buluugga ah.

“Annaga oo ka faa’iidaysanayna gacansiinta iyo wada shaqaynta aan la yeelanayo IMO, waxaan ku kalsoonnahay in Soomaaliya ay heli doonto amni badeed waara,” ayuu yiri Wasiirka.

Hoos ka aqriso qoraal Wasiirka oo dhameystiran:

Waxaa sharaf ii ah in aan la kulmay Xoghayaha Guud ee Hay’adda IMO Mudane Arsenio Dominguez, annaga oo yeelannay kulan doceed aan si rasmi ugu wareejiyay waraaqaha rasmiga ee caddaynaya ku biirista Soomaaliya ee heshiiska caalamiga ah ee IMSO.

Ku biirista Soomaaliya waxay xoojinaysaa dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan amniga badda iyo iskaashiga caalamiga.

Waxaan ka wada hadalnay arrimaha muhiimka u ah Soomaaliya iyo sida iskaashigaan cusub uu uga qaybqaadan karo dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto sidii loo heli lahaa hannaan wanaagsan oo lagu xoojin karo amniga iyo badqabka badda Soomaaliyeed.

Waxaan hoosta ka xarriiqay sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay casriyaynta hay’adaha ka howlgala badda, xoojinta shuruucda lagu maamulo badda, iyo ilaalinta xeebteenna baaxadda leh.

Annaga oo ka faa’iidaysanayna gacansiinta iyo wada shaqaynta aan la yeelanayo IMO, waxaan ku kalsoonnahay in Soomaaliya ay heli doonto amni badeed waara.

Annaga oo isku duuban, waxaan ilaashan doonnaa baddeenna, xoojin doonnaa ganacsigeenna, waxaana hirgelin doonna hannaan looga faa’iidaysan karo dhaqaalaha buluugga ee Soomaaliya.

Mareykanka oo muhiimad gaar ah siinaya xiriirka S/L

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa muhiim u arka sii xoojinta wada-shaqaynta dhinacyada amniga, horumarinta hay’adaha amniga iyo kobcinta xiriirka labada dhinac, sida uu sheegay Safiir ku-xigeenka Mareykanka ee Soomaaliya, Mr. Justin Davis.

Safiirka ayaa hadalkan ka sheegay kulan Arbacadii Madaxtooyada Somaliland ku dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo General Dagvin Anderson, Taliyaha Guud ee Ciidamada Mareykanka ee (AFRICOM) oo uu qeyb ka ahaa wafdigiisa.

Madaxweyne Cirro ayaa dhankiisa xaqiijiyay in Somaliland diyaar u tahay in ay si buuxda ula shaqeyso dowladda Mareykanka, si loo adkeeyo amniga gobolka, lana xoojiyo ka hortagga khataraha sii kordhaya, gaar ahaan kuwa ka dhashay hirdanka marin-biyoodka Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

Sidoo kale wuxuu wafdiga Mareykanka u caddeeyay in Somaliland ay tahay saaxiib la isku hallayn karo oo Mareykanku leeyahay oo ku yaalla goobta ugu istiraatijisan gobolka Geeska Afrika.

Kulankan oo ahaa mid leh muhimmad istiraatijiyadeed oo culus ayaa waxa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga, xasilloonida gobolka, iyo ilaalinta danaha wadajirka ah ee ay labada dhinac ku leeyihiin gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Intii uu socday kulanka, Madaxweynaha Somaliland ayaa Mareykanka la wadaagay doorka ay Somaliland ku leedahay nabadgelyada, xasilloonida iyo adkaynta hannaanka dimuqraadiyadda ee gobolka, isagoo xusay in Somaliland ay mudnaan gaar ah siiso ilaalinta amniga xuduudaheeda iyo la-dagaalanka kooxaha xagjirka ah.

Taliyaha Ciidammada Mareykanka ee AFRICOM, Mr. Dagvin Anderson ayaa xusay in Somaliland ay ku taallo goob istiraatiiji ah oo muhiim u ah amniga guud ee Badda Cas iyo ka Gobolka Geeska Afrika, wuxuuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhaw oo ay labada dhinac yeeshaan.

Sidoo kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in danaha amni iyo kuwa istiraatijiyadeed ee Mareykanku uu ku leeyahay yobolka Bariga Afrika ay si dhab ah ugu jiraan aqoonsiga Somaliland.

“Somaliland waa dal leh nidaam dimuqraadiyadeed oo shaqeeya, ciidamo qaran oo amnigeeda sugayay muddo ka badan 30 sano iyo goob muhiim u ah istiraatijiyadda Mareykanka ee ah xasilloonida mandaqadda,” ayuu Cirro u sheegay wafdiga Mareykanka.

Kulank ayaa ku soo gaba-gaboobay is-afgarad buuxa oo ku saabsan in labada dhinac ay sii xoojiyaan iskaashiga amniga, kor u qaadaan hawl-gallada istiraatiijiga ah, isla markaana ay ka wada-shaqeeyaan ilaalinta xasilloonida Badda Cas iyo amniga guud ee gobolka.

TPLF oo qaylo-dhaan soo saartay, xilli Abiy Ahmed uu qorsheynayo…

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Afhayeenka TPLF ayaa ku eedeeyay dowladda Itoobiya in ay si sharci darro ah u mamnuucday ururkooda, inkastoo uu dalka ka yahay xisbi diiwaangashan.

Xukuumadda Itoobiya ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Abiy ayaa qorshaynaya doorasho laga qabanayo Tigray oo aan TPLF qeyb ka ahayn, sida uu ku eedeeyay Michael Asgedom.

Afhayeenka TPLF ayaa qoraal uu baahiyay ku sheegay in ay muuqato in loo gogol xaarayo doorasho “aan sharci ku fadhiyin”, isagoo tallaabada lagu hakiyay xisbigana ku tilmaamay go’aan saldhig la’aan ah.

TPLF oo waayay sharciyaddii xisbiga ayaa hore u yeeshay shir ay ku dalbadeen in mar kale lagu kulmo, si golaha dhexe uu uga arrinsado xaaladda cusub.

Afhayeenku waxa uu sidoo kale sheegay inay jiraan calaamado muujinaya “doorasho sharci-darro ah” oo laga abaabulayo Tigray, taas oo uu ku sifeeyay mid lagu bartilmaameedsanayo TPLF iyo taageerayaasheeda.

Warar ka soo baxay shirkii guud ee xisbiga ayaa tilmaamay in uu ka dhashay khilaaf xooggan oo xubnaha sare ku kala irdheeyay. Intaas kadib, wasiirkii hore ee isgaarsiinta Tulu ayaa shaaciyay in uusan raalli ka ahayn heshiiskii Pretoria ee lagu soo afjaray dagaalkii laba sano socday.

Inkastoo TPLF laga saaray liiska argagixisada heshiiskaas kaddib, hadana waxaa mar kale loo aqoonsaday urur aan sharci ahaan xisbi u dhammaystirneyn.

Dhinaca kale, waxaa soo baxay kooxo xagjir ah oo ka goostay ciidamada Tigray, kuwaas oo isku magacaabay “Hara Ziraat”, una jeeda “dhulkii xor ahaa”, kuwaas oo lagu eedeeyay inay weerareen ciidamo ka tirsan TPLF.

Kooxdan ayaa la sheegay inay isu abaabuleen gudaha Cafarta si ay meesha uga saaraan hoggaanka TPLF ee uu horkaco Dr. Debretsion Gebremichael iyo taliyayaal uu la shaqeeyo.

TPLF ayaa ku dooday in kooxahaas xagjirka ah ee ka howl-galaya xuduudda Tigray ay yihiin kuwo helaya taageero dowladda federaalka. Bilihii la soo dhaafay, welwel xooggan ayaa laga qabay in mar kale colaado ka qarxaan gobolka Tigray.

Khilaafka sare ee xisbiga kadib, baraha bulshada ayaa lagu faafiyay warar sheegaya in Debretsion Gebremichael uu xilka ka tagay. Afhayeenka TPLF ayaa si cad u beeniyay warkaas, isagoo ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin.

Xisbiga ayaa sheegay inay hadda diiradda saarayaan sidii loo sixi lahaa dhibaatooyinka ay sababeen kooxaha xagjiriinta. “Inkasta oo ay socdaan isku dayo lagu wiiqayo midnimada shacabka iyadoo la adeegsanayo fikrado qalloocan, haddana wada hadalladii midnimada ma istaagin,” ayuu yiri.

Xogta shir xasaasi ah oo mucaaradka uga socda Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyeyaasha siyaasiyiinta mucaaradka, gaar ahaan xubnaha ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa caawa shir xasaasi ah uga furmay magaalada Muqdisho.

Shirka caawa oo uu shir-guddoominayay Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, ayna qeyb ka ahaayeen inta badan siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta ayaa waxaa looga hadlayay xaaladda dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xubnahan ayaa ka arrinsanaya shirweynaha la filayo in bilowga bisha December uu mucaaradka iyo hoggaannada Puntland iyo Jubaland uga furmo magaalada Kismaayo.

Shirkan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, xilli uu xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay inuu soo gaba-gabeeyay diyaar-garowga doorashada qof iyo cod ee golaha deegaanka gobolka Banaadir.

Xogaha aan ka helayno kulanka caawa ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha mucaaradka ay isla lafa-gurayaan ajendaha ay la tegi doonaan shirweynaha la qorsheynayo, kaasi oo qeyb ka yihiin Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland.

Waxaa la filayaa in xubnaha Madasha iyo hoggaamiyeyaasha labada maamul oo shirweynaha Kismaayo ka qeyb-galaya ay ku dhawaaqaan in dalka la badbaadiyo, xilli ay bilooyin kooban ka harsan yihiin muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin maamullada Jubbaland, Puntland, iyo xubnaha mucaaradka ee Madasha Samatabixinta ayaa dhawaan si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan in muddo kororsi loo sameeyo Madaxwyene Xasan Sheekh, iyaga oo digniin culus kasoo saaray.

Sidoo kale, golaha ayaa si adag u diiday wax ka beddalka lagu sameeyay dastuurka iyo qabashada doorasho aan heshiis lagu ahayn oo ka dhacda dalka

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in uu si cad uga soo horjeedo tallaabo kasta oo horseedaysa muddo-kororsi ay sameystaan hay’adaha dowladda federaalka, natiijo kasta oo ka dhalata doorasho aan heshiis lagu aheyn, iyo wax-ka-baddel kasta oo aan sharci ahayn oo lagu sameeyay ama lagu sameyn doono Dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee 2012” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Golaha ayaa markaas farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, oo ugu baaqay inay u istaagaan badbaadinta dalka iyo inay adkeeyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan ka qayb-galka badbaadinta mustaqbalka dalka oo ay ugu horreyso sidii ay dalka uga dhici lahayd doorashada hay’adaha federaalka Soomaaliya.”

Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xilli uu weli is mariwaa ka taagan yahay hannaanka doorashooyinka dalka, gaar ahaan in la aado qof iyo cod, si ay shacabka usoo doortaan hoggaankooda.

Kadib mowqifkii DF, Morocco oo Soomaaliya ugu abaalgudday…

0

Rabat (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo safar shaqo ku jooga Boqortooyada Morooko ayaa magaalada Rabat kula kulmay dhiggiisa dalkaas, Mudane Casiis Akhannuuj.

Labada masuul ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga iyo dhaqaalaha ee labada dal, iyadoo Xamza uu dhiggiisa Boqortooyada Morooko la wadaagay horumarrada ay Soomaaliya ka samaysay dhinacyada siyaasadda, amniga iyo diblomaasiyadda.

Sidoo kale wuxuu warbixin ka siiyay guulaha Soomaaliya ka gaartay hirgelinta hannaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka dalka laga hirgelinayo.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Morooko, Mudane Casiis Akhannuuj ayaa Soomaaliya uga mahad-celiyay taageerada qaraarkii Golaha Ammaanka 2797, kaas oo aqoonsaday in Saxaraha Galbeed uu qayb ka yahay dhulka Morocco.

Sidoo kale wuxuu muujiyay sida ay Morocco uga go’an tahay taageerada madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Akhannuuj ayaa sidoo kale wuxuu si faah-faahsan u sharaxay muhiimadda uu leeyahay iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, diblomaasiyadda iyo horumarinta xiriirka guud ee labada waddan.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa 31-kii Oktoobar ka mid noqotay 11 dal ee u codeeyay qaraarkii Golaha Ammaanka 2797, kaas oo aqoonsaday in Saxaraha Galbeed uu qayb ka yahay dhulka Morocco.

Madaxweyne Lafta-gareen: Wax la aqbali karo ma ahan in…

0

Baydhabo (Caasimada Online) ‐ Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa si kulul uga hadlay dhibaatooyinka kasoo cusboonaaday deegaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Lafta-gareen ayaa si cad u sheegay in aan marnaba la aqbali karin falalka lagu hor beegsanayo dadka safarka ah ee mara waddooyinka Koonfur Galbeed, taas oo uu ku tilmaamay mid sii kordhinaysa culaysyada jira.

Wuxuu sheegay in dalka uu haatan wajahayso xaalado adag oo isbiirsaday, sida abaaraha iyo colaadaha, iyadoo haddana la arkayo dhibaatooyin hor leh oo saameyn ku yeelanaya shacabka masaafurka ah.

“Wax la aqbali karno maaha in masaafurka jidka loo istaago, shalay waxaan maqlay dhacdadii igu xumeyd ee ah in $2 loo dilay nin masafur ahaa oo gaarigiisa wata,” ayuu yiri Lafta-gareen.

Wuxuu intaas kusii daray “Nasiib wanaag ninkii dilka geystay waa la qabtay cadaalada ayaa la horkeeni doono wixii u soo baxa ayaana lagu qaadi doona.”

Sidoo kale wuxuu bulshada Koonfur Galbeed ugu baaqay inay ka shaqeeyaan cadaaladda iyo nabadda si loo yareeyo khilaafaadka taagan loona helo xal waara.

“Waxa kaliya ee aan wax ku nahay waa Cadaaladda oo ah sheyga kaliya ee wax walba hagaajin kara, hadii cadaalad la waayo wax walba meesha ayay ka baxayaan,” ayuu yiri.

Hadalka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa imaanaysa iyadoo meelaha qaar ee maamulkaasi ay weli ka jiraan colaado sababay dhacdooyin argagax leh, oo ay ku jirto in qof nool si bareer ah loo gubo.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ay xukunno adag kasoo saartay dhacdooyinkii kala duwanaa ee dhawaan ka dhacay gudaha degmada Wanlaweyn iyo duleedkeeda, kuwaas oo si weyn looga argagaxay.

Eedeysanayaashii loo soo xiray dilalkaas ayay maxkamaddu ku riday xukunno isugu jir dil toogasho ah iyo xabsi ciidan, si ay u yaraadaan dhacdooyinka noocaan ah oo muddooyinkii dambe kusoo badanayay dalka.

Daawo: Xisbiga Xasan Sheekh oo shaaciyay natiijada doorashadii uu qabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shaaciyay natiijada hordhaca ah ee doorasho hoosaadka ururka ee golaha deegaanka gobolka banaadir.

Doorashadan oo ku qabsoomtay hanaanka online-ka ayaa socotay laba maalmood, iyadoo xubnaha ururka ay u kala caddeeyeen musharaxiinta ku metalaya doorashada soo aadan.

Doorashadan ayaa waxaa ka qeyb qaatay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, halka maalintii shalay Madaxweynaha Soomaaliya uu si toos uu codkiisa u dhiibtay.

Guddiga doorashooyinka KMG ee xisbiga ayaa sheegay in si guul ah kusoo idlaatay codeynta doorashada, taas oo ku dhacday si xalaal ah oo hufan, sida ay warbaahinta u sheegeen.

“Guddiga wuxuu ku amaanaya xubnaha iyo musharaxiinta sida ay u muujiyeen anshax wanaaga, dulqaad iyo ixtiraamka nidaamka ururka, taas oo cadeyn u ah bisayl siyaasadeed, dimuqraadiyadda ee gudaha ururka,” ayuu guddiga ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta JSP ee magaalada Muqdisho.

Gudduga ayaa sheegay in ay codeysay 90,992 qof, halka tirada musharaxiinta guud ee tartanka gashay ay dhan tahay 541 musharax.

“Natiijada rasmiga ah ee xubnaha ururka ee ku guuleystay inay kamid noqdaan liiska musharaxiinta uga qeyb-galaya ururka doorashada golaha deegaanka dib ayaa kasoo sheegi doonaa,” ayuu yiri guddiga.

Guddiga ayaa shaaciyay sida degmooyinka u kala heleen codadka la dhiibtay, kuwaas oo u dhignaa sidan:

  • Degmada Hodan: 12,307
  • Degmada Waaberi: 5,197
  • Degmada Wadajir: 11,123
  • Degmada Yaaqshiid: 7,238
  • Degmada Shibis: 5,933
  • Degmada Hawlwadaag: 5,835
  • Degmada Dharkenley: 10,485
  • Degmada Kaaran: 9,839
  • Degmada Heliwaa: 4,398
  • Degmada Boondheere: 3,557
  • Degmada Wartanabadda: 3,272
  • Degmada Dayniile: 3,100
  • Degmada Shangaani: 2,460
  • Degmada Cabdicasiis: 2,291
  • Degmada Xamar-jajab: 2,128
  • Degmada Xamar-weyne: 1,109

Hoos ka daawo muuqaalka:

Somalia intel dismantles 11-man Al-Shabaab cell

0

Mogadishu, Somalia — Somalia’s intelligence agency says it has dismantled an 11-man Al-Shabaab cell operating between Mogadishu and the Shabelle valley. NISA announced the arrests 48 hours after a separate raid killed a senior bomb-maker in the south.

The National Intelligence and Security Agency (NISA) reports that its officers detained 11 suspects during an intelligence-led sweep that spanned crowded districts of the capital to villages in Lower and Middle Shabelle.

Officials describe the group as a “dangerous network” accused of plotting bomb attacks and gathering information for the Al-Qaeda-linked insurgents.

The claims have not been independently verified, and the agency has not released the men’s names or detailed charges.

Twin operations

According to a NISA statement, investigators spent weeks watching safe houses, tracking movements, and mapping meeting points. “The operation was carefully coordinated based on verified intelligence,” the agency said.

Officers then arrested the suspects one by one. NISA says the men belonged to a clandestine “Khawaarij” cell – the government’s preferred term for Al-Shabaab – and alleges they were preparing “terror plots and espionage” while living among civilians in Mogadishu and in communities in the two Shabelle regions.

Officials add that some suspects were caught as they coordinated or facilitated activities linked to planned attacks. “Our units moved in at the moment they attempted to activate their plans,” the statement noted.

The agency says it compiled “critical data” on the group’s contacts and intentions and presents the arrests as a pre-emptive move to disrupt attacks before execution.

NISA did not specify what weapons, explosives, or communications equipment, if any, officers recovered during the raids.

According to officials, the men mapped checkpoints and sensitive sites, tracked the movements of security personnel, and helped identify crowded areas in the capital that could be targeted.

One security officer, speaking on condition of anonymity, said the cell had been “probing the city’s defences and looking for soft spots.”

Bomb-maker raid

The arrests followed a night-time raid by NISA’s elite Gaashaan unit in the Cumar Beere area of Lower Shabelle that targeted a veteran bomb-maker blamed for years of roadside blasts.

The agency identified the man as Hassan Siidoow Hussein, a senior Al-Shabaab operative it described as the “mastermind behind IED attacks in Lower Shabelle.”

NISA says Gaashaan forces also killed three armed escorts during the operation. “The team neutralised the target and his close protection detail without civilian casualties,” the agency stated.

Security officials say roadside bombs linked to Hussein have repeatedly struck buses and commercial traffic, disrupting daily life and trade in Lower Shabelle.

They explain that Gaashaan teams tracked his movements for an extended period before intercepting his vehicle in Cumar Beere. “Taking him off the battlefield reduces the risk on these key routes,” one official said.

By unveiling the 11 arrests so soon after the Cumar Beere raid, Somali authorities present a linked effort: removing a key bomb-maker in the countryside while trying to dismantle alleged facilitators, lookouts, and scouts closer to Mogadishu.

City under strain

Mogadishu has lived with Al-Shabaab’s threat for nearly two decades. The group no longer controls whole districts of the city. However, it still reaches into the capital with suicide bombings, hotel sieges, and targeted assassinations, while drawing revenue from its economy through taxes and protection money.

A commerce report by the Global Initiative Against Transnational Organized Crime estimates that Al-Shabaab generates more than $100 million a year from forced “zakat” and levies, with a significant share tied to Mogadishu’s businesses and real estate.

The European Union Agency for Asylum’s latest security report describes Al-Shabaab as the leading actor in a layered conflict that continues to endanger civilians nationwide. It notes that the group can still strike both major towns and rural roads despite sustained military pressure.

TikTok’s Somali problem: When live streams become tools for harassment: Somali Social Media, Digital violence against women

0

Abstract

Digital platforms have rapidly reshaped communication across Somalia and opened new social spaces for women. Many young women now share their voices online, build small businesses, speak about their experiences, and participate in public conversations. However, these platforms expose Somali women to extreme harassment, bullying, defamation, sexualized attacks, and character assassinations (UNESCO, 2025). Somali women are already battling with widespread physical violence, rape, and gender-based abuse, and digital platforms increase these risks exponentially.

This research examines the patterns of abusive language targeting Somali women on TikTok, Facebook, WhatsApp, YouTube, and Snapchat. Using lexical analysis, sentiment scoring, keyword frequency monitoring, and observational study of live-streamed content. This paper identifies platform-specific risks and high-intensity harassment environments. Findings indicate that TikTok live streams are hazardous for young women due to gaps in moderation systems in Somali language content. Live streamers often demand that their fellow streamers speak only Somali to avoid disruptions and comply with TikTok’s streaming guidelines (waryaa Somali ku hadal). Snapchat is also used for direct harassment, private threats, and sharing compromising images. These images occur 100% of the time: screenshots and shared private stories with other users without the owner’s knowledge. Recommendations include culturally informed moderation, legal protections, digital literacy, and support networks for women at risk (Dr Nadia Al Sakkaf, N. A. S, 2024).

Keywords: Somali women, social media, online harassment, defamation, character assassination, TikTok, Facebook, YouTube, WhatsApp, Snapchat, digital violence

Introduction

The growth of social media in Somalia has created opportunities that earlier generations did not have. Young women can now express themselves, share their talents, and take part in discussions that shape public opinion. TikTok and Facebook have become daily meeting places for millions, while WhatsApp and Snapchat influence private communication and group behaviour. In many ways, these platforms have allowed Somali women to extend their presence beyond the limits of their physical environment.

However, the same digital spaces that provide visibility also expose women to new forms of harm. Somalia has struggled with extreme rates of gender-based violence for many years, and institutions are still developing the capacity to respond effectively. When this reality moves online, it creates a second layer of danger. According to AllAfrica (2025), women continue to face sexual violence and physical harm, and weak legal frameworks make it difficult to obtain justice. As a result, digital harassment often finds women who are already vulnerable.

Digital violence in Somalia takes many forms. It includes threats, sexual comments, public shaming, rumours, religious policing, and attacks on reputation. Sometimes a single comment can spread very quickly and damage a woman’s standing in her community. The Guardian (2024) shows that this kind of harassment has become common and can have severe psychological consequences.

Online harassment should not be seen as a separate problem. It is connected to cultural norms in which women carry the burden of family honour and moral reputation. When a woman becomes visible online, she enters a space where these norms are enforced through collective judgment. Social media magnifies what already exists. This research examines how harassment happens, which platforms are most involved, and what can be done to reduce the harm faced by Somali women.

Research Questions

1.    What are the patterns and intensity of online harassment targeted at Somali women across TikTok, Facebook, WhatsApp, YouTube, and Snapchat?

2.    Which platforms present the highest risks for digital harassment and why?

3.    How do cultural norms and language-specific content influence the nature of harassment?

4.    What interventions can effectively mitigate digital violence against Somali women?

Literature Review

Scholars have documented digital harassment as a global problem that affects women in many societies. Citron (2014) shows how online spaces can become hostile environments where misogyny spreads quickly. Henry and Powell (2015) highlight the connection between online abuse and real-world gender inequality. Jane (2016) notes that digital misogyny often reflects deeper social attitudes.

In Somali environments, online behaviour cannot be separated from cultural expectations. Ali (2021) explains that women who speak publicly may face criticism grounded in ideas of morality and honour. Mantilla’s (2013) work on gender trolling helps explain organised attacks that target women who gain visibility.

TikTok introduces additional risks because its algorithm amplifies content rapidly, and its moderation tools struggle with languages like Somali. Newton (2022) and Horowitz (2023) show how young women face frequent harassment on TikTok due to poor content detection. Facebook and WhatsApp are widely used in Somalia for sharing information, but they also become tools for gossip and reputation attacks. BBC News (2023) and Reuters (2024) illustrate how misinformation spreads quickly on these platforms. Snapchat introduces private risks because its temporary messages encourage users to send threats or share sexualised content without leaving evidence. VOA Africa (2023) and AllAfrica (2025) warn that this type of harm is growing.

UNICEF Somalia (2024) reports that girls face particular dangers online, including intimidation, pressure, and threats. The lack of guidance, combined with the stigma surrounding sexual reputational harm, puts young women at high risk. International human rights standards such as CEDAW and the Declaration on the Elimination of Violence Against Women place responsibility on states to protect women from violence, including in digital environments.

This study builds on this literature but contributes new data explicitly focused on the Somali online ecosystem. It provides an empirical overview of the types of harassment Somali women face and the cultural logic behind it.

Methodology

This study analysed 13,300 social media posts directed at Somali women over a six-month period. Data were collected from TikTok (7,000 entries), Facebook (2,300 entries), YouTube (2,000 entries), WhatsApp (1,000 entries), and Snapchat (1,000 entries). Posts were selected using a stratified random sampling approach to ensure representation across gender, age groups, and content types. Somali language and Somali English code-mixed content were included.

Data Analysis Techniques:

1.    Lexical Categorisation: Posts were classified as sexual reputation attacks, insults, moral, religious shaming, gossip, or family dishonour threats. Inter-rater reliability was tested on 10% of the sample (Cohen’s kappa = 0.87). Hand, M. J (1993).

2.    Sentiment Scoring: Hostility, aggression, and threat intensity were quantified using NLP software and manually cross-checked.

3.    Keyword Frequency Analysis: Key terms, including Garoob daalan, Fuusto ku riix, Cabtooy, Fadeexad, Feminist, Kufsiga, Dil, kabalaari, and Qarxis, were tracked.

4.    Observational Study: TikTok live streams, WhatsApp groups, and Snapchat messaging were observed under ethical protocols ensuring anonymisation and no direct identification of victims (Markham & Buchanan, 2012).

Results

Platform Distribution

Observation: TikTok exhibited the highest frequency and severity of harassment; Snapchat and WhatsApp facilitated private or targeted attacks.

Types of Harassment

Keyword-Based Findings

Observation: High negative sentiment indicates pervasive hostile online abuse, particularly on TikTok and Snapchat.

TikTok and Snapchat Analysis

  • Nearly all TikTok live streams contained sexualized, abusive, or demeaning comments.
  • Somali language use bypassed automated moderation systems.
  • Aggressors shared women’s photos in groups to humiliate and dehumanise victims.
  • Snapchat allowed private harassment via ephemeral images, videos, and direct messaging.
  • Moderation was largely ineffective, exposing women to immediate and sustained harassment.

Discussion

The findings show how digital violence in Somalia grows out of broader social norms. Women’s behaviour is closely linked to ideas of honour and reputation. When a woman becomes visible online, she becomes a subject of judgment from strangers and acquaintances. Social media makes this process faster and more public. Sexualised insults, accusations, and threats reflect more profound anxieties about women’s autonomy and presence in public life.

TikTok’s rapid comment system and weak Somali language moderation make it a challenging environment for women. Insults can appear in large numbers within minutes, and the tone often becomes more aggressive as more viewers join. Snapchat and WhatsApp present private forms of harm that are equally dangerous. Sharing a woman’s image without her consent can destroy her reputation, and fear of such exposure can silence women entirely.

The consequences include psychological stress, fear of public participation, social withdrawal, and long-term damage to self-confidence. These patterns match findings from UNICEF Somalia (2024) and other international studies. Digital violence should therefore be seen as part of the continuum of violence that Somali women face throughout their lives. International human rights standards require states to prevent this harm and hold perpetrators accountable.

Recommendations

1.    Culturally informed moderation: Employ Somali-speaking moderators and AI capable of detecting code-mixed language abuse.

2.    Digital literacy campaigns: Educate women on online safety, reporting, and risk mitigation and raise awareness.

3.    Legal protections: Develop legislation addressing digital harassment, threats, defamation and non-consensual image sharing.

4.    Support networks: Provide counselling, peer support, and legal assistance and provide a safe place to give them comfort.

5.    Live stream and private platform monitoring: Implement proactive interventions on TikTok, Facebook, YouTube, Snapchat, and WhatsApp.

6.    Continuous research: Monitor social media to identify emerging patterns of abuse.

Conclusion

Digital violence in Somalia is now a significant challenge that affects the lives of many women. The combination of cultural expectations, weak legal protections, and rapidly expanding digital communication has created conditions where harassment spreads easily. TikTok, Facebook, WhatsApp, Snapchat, and YouTube give women space to express themselves, yet these same platforms expose them to threats that can cause serious harm.

Protecting Somali women online requires a combination of legal reform, platform responsibility, education, and community action. Addressing this issue is essential not only for women’s safety but also for their ability to participate in public life and contribute to society.

Acknowledgments

The authors wish to express their sincere gratitude to Hiil Center for Peace and Democracy (Hiil-CPD), Hirshabelle’s Commission for Refugees and IDPs (HCRI), and the Somali Youth Volunteers Association (SOYVA) for their invaluable support and collaboration throughout this research. Their assistance in facilitating community engagement, providing contextual insights, and supporting ethical data collection was instrumental to completing this study.

By: Abdullahi M Hassan, LLM  and Ali A Adan, MScs, Risk Management and Insurance Programs

References

Ali, S. (2021). Gendered harassment and online social norms in Somali digital communities. Journal of African Media Studies, 13(2), 145–162. https://doi.org/10.1386/jams_00045_1

AllAfrica. (2025, November 25). Somalia must act to protect women from violence and abuse [News article]. AllAfrica. https://allafrica.com/stories/202511250260.html

BBC News. (2023, December 8). Somalia grapples with social media misinformation during elections [News article]. BBC News. https://www.bbc.com/news/world-africa-67012345

Citron, D. K. (2014). Hate crimes in cyberspace. Harvard University Press.

Hand, M. J. (1993). The role of pre-response and post-response augmented learning variables in motor skill acquisition (Doctoral thesis). https://core.ac.uk/download/217407008.pdf

Henry, N., & Powell, A. (2015). Gendered harassment in online spaces: An overview of research and policy approaches. Policy & Internet, 7(3), 1–21. https://doi.org/10.1002/poi3.93

Horowitz, J. (2023, March 15). TikTok’s safety features fail to protect young women [News article]. The Guardian. https://www.theguardian.com/technology/2023/mar/15/tiktok-safety-young-women

Jane, E. A. (2016). Online misogyny and feminist theory. In M. Consalvo & C. Ess (Eds.), The handbook of internet studies (2nd ed., pp. 1–21). Wiley-Blackwell.

Mantilla, K. (2013). Gender trolling: Misogyny adapts to new media. Feminist Studies, 39(2), 563–570. https://doi.org/10.15767/feministstudies.39.2.563

Markham, A., & Buchanan, E. (2012). Ethical decision-making and internet research: Recommendations from the AoIR ethics working committee [White paper]. Association of Internet Researchers. https://aoir.org/reports/ethics2.pdf

Newton, C. (2022, August 10). TikTok’s algorithm can amplify harmful content about women [News article]. The Verge. https://www.theverge.com/2022/8/10/tiktok-harassment-algorithm

Reuters. (2024, March 5). Somalia’s social media landscape: From community engagement to manipulation [News article]. Reuters. https://www.reuters.com/world/africa/somalia-social-media-manipulation-2024-03-05/

Shuriye, B. A., & Al-Sakkaf, N. (n.d.). Unveiling digital shadows: DVAW in Somalia [Research report]. Salam@ Initiative. https://portal.salamatmena.org/en/publication/dvaw-in-somalia/

The Guardian. (2024, December 4). Somali women face online abuse and threats of violence on social media [News article]. The Guardian. https://www.theguardian.com/global-development/2024/dec/04/somali-women-online-social-media-online-hate-speech-abuse

UNESCO. (2025, September 16). Empowering Somali journalists for gender-inclusive media: SWJO concludes nationwide training series [Press release]. UNESCO. https://www.unesco.org/en/articles/empowering-somali-journalists-gender-inclusive-media-swjo-concludes-nationwide-training-series

UNICEF Somalia. (2024, February 15). Somali youth face increasing risks online: Protecting children in digital spaces [Report]. UNICEF. https://www.unicef.org/somalia

Maxaa looga hadlay kulanka Villa Hargeysa? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maantashir guddoomiyey kalfadhiga 7-aad, kulankiisa sagaalaad ee Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Guddoomiyaha oo kulanka furay ayaa mar hore bogaadiyey guddiyada Golaha Shacabka howlaha ay hayaan ee la xiriira ka shaqeynta shuruucda ay gacanta ku haayaan iyo kulamada la xisaabtanka ah ee ay la yeelanayaan wasaaradaha iyo hay’adaha ay korjoogteynta ku leeyihiin.

Sidoo kale wuxuu xubnaha guddiga joogtada uga warbixiyey shirkii guddoomiyaasha baarlamaanadda urur-goboleedka bulshada bariga Afrika ee ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.

Shirkaasi ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka loogu doortay shir guddoonka guddoomiyaasha baarlamaanada urur-goboleedka bulshada bariga Afrika.

Guddoomiyaha ayaa la wadaagay in Soomaaliya bartamaha sanadka 2026 ay marti-gelinayso shirka guddoomiyaasha Bbaarlamaanadda urur-goboleedka bulshada bariga Afrika.

Intaasi kadib xubnaha guddiga joogtada ayaa guddi walba waxaa laga dhageystay warbixin ku saabsan shuruucda hortaala iyo sidoo kale habraacyada u dhiman, waxaana xubnaha guddiga ajendeyn iyo jadwaleyn ku sameeyeen ajendayaasha kulamada guud ee golaha todobaadka soo socda.

Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa ku booriyay guddiyada G
Golaha in ay dardar-geliyaan ka shaqeynta shuruucda hortaala islamarkaana ay goleweynaha u gudbiyaan si uu waajibaadkiisa uga guto.

Soomaaliya oo markii ugu horreysay safiir u magacowday dalka…

0

Tashkent (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay Safiir u magacowday dalka Uzbekistan, kaasi oo maanta si rasmi ah looga guddoomay waraaqaha aqoonsiga.

Danjire Fatxudin Cali Maxamed Ospite oo noqday safiirkii ugu horreeyey ee Soomaaliya u matala dalkaas ayaa waxaa maanta qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Uzbekistan, Bakhtiyor Saidov.

Munaasabadda oo ka qabsoontay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Tashkent ayaa astaan u noqotay billowga wejiga cusub ee xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Safarka Danjire Ospite ayaa qeyb ka ah dadaalka Soomaaliya ay ku ballaarinayso xiriirka ay la leedahay dalalka Aasiyada Dhexe.

Intii lagu guda jiray kulanka, labada dhinac waxay isku afgarteen in la xoojiyo iskaashiga siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga iyo arrimaha bini’aadantinimada, iyagoo hoosta ka xariiqay in la abuuro fursado horumar wadaag ah.

Wasiir Saidov ayaa uga mahad-celiyay Danjiraha sida uu ugu heelan yahay kobcinta xiriirka labada dowladood, wuxuuna muujiyay diyaar u ahaanshaha Tashkent ee in lala shaqeeyo Soomaaliya si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah.

Danjire Fatxudin Cali Maxamed Ospite ayaa dhinaciisa uga mahad-celiyay dowladda Uzbekistan soo dhawaynta ay u fidisay, isagoo sheegay in furitaanka xiriirkani uu yahay talaabo muhiim u gogol xaaraysa iskaashi qoto dheer oo mustaqbalka labada dal u wada horseeda.

Xiriirka rasmiga ah ee Soomaaliya iyo Uzbekistan wuxuu bilowday 5-tii Febraayo 2024, kaddib markii labada dal ku kala saxiixdeen New York heshiiska wadaxaajoodka ee dhismaha xiriirka diblomaasiyadeed.

Heshiiskaas ayaa waxaa markaas saxiixay safiirrada labada dal u jooga Qaramada Midoobey, Amb. Ulugbek Lapasov iyo Amb. Abukar Dahir Osman.

Soomaaliya ayaa noqotay dalka 157-aad ee Uzbekistan la yeesha xiriir diblomaasiyadeed, iyadoo sanadkii 2024 uu Uzbekistan xiriir cusub la sameeyay 12 dal oo ku kala yaalla Afrika, Ameerika iyo Yurub.

Mareykanka oo wafdi culus u diray Puntland + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi culus oo ka socda dowladda Mareykanka, isla markaana uu hoggaaminayo taliyaha hawlgalka Mareykanka ee AFRICOM ayaa maanta gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga ee Puntland, halkaas oo lagu soo dhaweeyay.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo haatan booqasho hawleed ku jooga Boosaaso ayaa maanta qaabilay wafdigan oo ay qeyb ka yihiin ku-xigeenka safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Justin Davis , diblumaasiyiin iyo saraakiil kale.

Waxaa sidoo kale kulanka ka qeybgalay taliyaha guud ee ciidanka difaaca Puntland Gen. Aaden Cabdi Xaashi, wasiiru dowlaha madaxtooyada Mudane Cabdifataax Cabdinuur, agaasimaha ahna taliyaha ciidanka PMPF Gen. Cabdirabi Cabdisamed, La-taliyeyaasha madaxwehnaha ee arrimaha siyaasadda iyo amniga, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Mudane Maxamed Warsame Seefta Banaanka.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga la dagaallanka argagixisada ee gobolka, gaar ahaan dhammaystirka hawlgalka Argagixisada Daacish, si looga sifeynayo buuraha Calmiskaad.

Sidoo kale waxaa laga wada-hadlay wada-shaqeynta labada dhinac iyo sidii loo adkeyn iskaashiga, si loo dardargeliyo dagaalka ka socda Puntland-Soomaaliya.

Taliyaha hawlgalka Mareykanka ee AFRICOM oo kulanka hadlay ayaa ku boggaadiyay Puntland ka go’naanshaha iyo adkeysiga dagaalka la doonayo in lagu ciribtiro argagixisada.

Dhankeeda Puntland ayaa si weyn uga mahadcelisay dowladda Maraykanka iyo taliska AFRICOM taageerada joogtada ah iyo doorkooda hawlgalka, maadaama ay qayb ka yihiin dagaalka.

Mareykanka ayaa todobaadyadii u dambeeyay xoogga saaray arrimaha Puntland, gaar ahaan howlgallada ka socdda Calmiskaad, isaga oo duqeymo culus ka fuliyay halkaasi.

Waa kuma ninka fuliyey weerarkii shalay ka dhacay meel u dhow Aqalka Cad?

Washington (Caasimada Online) — Warbaahinta Maraykanka ayaa werinaysa in ninka lagu tuhunsan yahay inuu toogasho ku dhaawacay laba askari oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Qaranka (National Guard) meel u dhow Aqalka Cad, uu yahay nin u dhashay dalka Afghanistan, kaas oo horey ula soo shaqeeyay ciidamada Maraykanka intii ay ku sugnaayeen dalkaas. Washington ayaa dhacdadan si degdeg ah ugu tilmaantay “fal argagixiso.”

Raxmaanullaah Lakanwal, oo 29 jir ah, ayaa la sheegay inuu rasaas oodda kaga qaaday askarta oo roondo ku jiray gelinkii dambe ee Arbacada, ka hor inta aan isagana la toogan oo aan dhaawac ahaan loo dhigin isbitaalka, sida ay baahiyeen New York Times, CBS, NBC iyo kuwo kale.

Iyadoo aanay magaciisa carrabaabin, ayay Xoghayaha Amniga Gudaha Kristi Noem ku sheegtay baraha bulshada in eedaysanuhu uu ahaa “mid ka mid ah dadkii badnaa ee aan sooyaalkooda aan la hubin, kuwaas oo si guud loogu soo daadiyay Maraykanka iyada oo la raacayo barnaamijkii Operation Allies Welcome.”

Barnaamijkan, oo uu hirgeliyay madaxweynihii hore Joe Biden, ayaa fursad dib-u-dejin ah siinayay dadka Afgaaniyiinta ah ee noloshoodu khatarta ku jirto, oo ay ku jiraan kuwii garab istaagay ciidamada Maraykanka, kadib markii ay Taliban dib u la wareegtay talada dalkaas.

Telefishinka NBC, oo soo xiganaya qof qaraabo la ah eedaysanaha, ayaa sheegay in Lakanwal uu Maraykanka soo gaaray bishii September 2021, isagoo muddo 10 sano ah ka tirsanaa ciidamada Afgaanistaan, isla markaana si dhow ula shaqeeyay Ciidamada Gaarka ah ee Maraykanka, gaar ahaan gobolka Kandahar.

Sidoo kale, Fox News oo soo xiganaysa Agaasimaha hay’adda sirdoonka ee CIA, John Ratcliffe, ayaa sheegtay in Lakanwal uu la soo shaqeeyay hay’ado kala duwan oo ka tirsan dowladda Maraykanka, oo ay ku jirto hay’adda sirdoonka.

Sida ay weriyeen CNN iyo CBS oo soo xiganaya mas’uuliyiinta amniga dadweynaha, Lakanwal ayaa codsaday magangalyo sanadkii 2024, taas oo la ansixiyay sanadkii 2025.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa isna sheegay in eedaysanuhu yahay Afgaani Maraykanka yimid 2021-kii, isagoo adeegsaday “duulimaadyadii ceebta badnaa,” taas oo uu ula jeedo daad-gurayntii degdegga ahayd ee Afgaaniyiinta markii ay Taliban la wareegtay dalkaas burburku aafeeyay kadib bixitaankii Maraykanka.

Wax yar kadib hadalka Trump, Hay’adda Adeegga Dhalashada iyo Socdaalka ee Maraykanka (USCIS) ayaa si rasmi ah u hakisay dhammaan codsiyada qaxooti ee dadka u dhashay Afgaanistaan muddo aan la cayimin.

“Laga bilaabo hadda, ka shaqaynta dhammaan codsiyada socdaalka ee la xiriira muwaadiniinta Afgaanistaan waa la joojiyay muddo aan la cayimin, inta laga sameynayo dib-u-eegis dheeraad ah oo ku saabsan hab-raacyada amniga iyo hubinta,” ayay hay’addu ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada.

Adeegsiga muranka dhaliyay ee ciidamada

Trump ayaa weerarka ku tilmaamay “fal nacayb ah iyo fal argagixiso,” isagoo ugu yeeray “dambi ka dhan ah qarankeena oo dhan.”

Weerarkan naxdinta leh, oo dhacay xilli ay waddooyinka iyo xafiisyada faras-magaalaha Washington aad u mashquul ahaayeen, ayaa dib u soo celiyay diiradda lagu hayo go’aanka muranka badan dhaliyay ee Trump uu ku militaraynayo la-dagaalanka dambiyada dalka oo dhan.

Madaxweynaha ayaa ciidamo geeyay magaalooyin dhowr ah oo dhammaantood ay maamulaan xisbiga Dimoqraadiga, oo ay ku jiraan Washington, Los Angeles iyo Memphis. Tallaabooyinkan ayaa dhaliyay dacwado badan iyo mudaaharaadyo kaga imanaya mas’uuliyiinta maxalliga ah, kuwaas oo ku eedeeyay Jamhuuriga inuu raadinayo awoodo kali-talisnimo ah.

Hadalka Trump ayaa sidoo kale tilmaamay in ololihiisa muranka badan dhaliyay ee lagu soo xirayo soo-galootiga dalka ku jooga sifo sharci-darro ah — oo ah udub-dhexaadka ajandihiisa gudaha — uu heli doono dardar cusub.

“Waa inaan hadda dib u baarnaa shaqsi kasta oo ajnabi ah oo dalkeenna ka soo galay Afgaanistaan” xilligii Biden, ayuu qoray. “Waa inaan qaadnaa dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si aan u hubinno in la tarxiilo ajnabi kasta oo ka yimid waddan kasta haddii aanu halkan lahayn, ama aanu faa’iido ku soo kordhinayn dalkeenna; haddii aysan jeclaan karin dalkeenna, ma rabno.”

Jeffery Carroll, taliye ku-xigeenka booliska Washington, ayaa sheegay in dableygu uu dhibbanayaasha u galay “jidgooyo”. Waxa uu intaas ku daray, “Waxa uu ka soo baxay geeska dhismaha, isagoo gacanta kor u haya oo ku hubeysan qori, wuxuuna rasaas ku furay xubnaha Ilaalada Qaranka.”

Agaasimaha FBI-da, Kash Patel, ayaa sheegay in labada askari ee Ilaalada Qaranka ay ku sugan yihiin “xaalad halis ah.” Trump ayaa hore baraha bulshada ugu sheegay in eedaysanaha laftiisu uu “sidoo kale si xun u dhaawacmay, laakiin si kastaba ha ahaatee, uu bixin doono qiimo aad u qaraar.”

Amniga iyo hubinta soo-galootiga

Ururka AfghanEvac, oo gacan ka geystay dib-u-dejinta Afgaaniyiinta ee Maraykanka kadib bixitaankii Washington, ayaa sheegay in dadkani ay maraan “qaar ka mid ah baaritaannada amniga ee ugu adag” ee la mariyo soo-galootiga.

“Falkan goonida ah ee rabshadaha wata ee shaqsigan, waa inaan loo adeegsan marmarsiinyo lagu sumeeyo ama lagu liido bulsho dhan,” ayuu yiri madaxweynaha ururkaas, Shawn VanDiver.

Dhismaha dowladda ee Washington ayaa si weyn loo ilaaliyaa, balse magaaladu kama badbaado dambiyada halista ah ee waddooyinka. Trump ayaa magaalada ka dhigay tusaale muujinaya go’aankiisa ah inuu geeyo askarta Ilaalada Qaranka — oo xiran dharka ciidanka mararka qaarna sita qoryaha — si ay u sugaan amniga.

Isagoo ka jawaabaya toogashada Arbacadii, Xoghayo Gaashaandhigga Pete Hegseth ayaa ku dhawaaqay in 500 oo askari oo dheeraad ah la geyn doono Washington, taas oo tirada guud ka dhigaysa 2,500.

Si kastaba ha ahaatee, garsoore federaal ah ayaa Khamiistii la soo dhaafay xukumay in ciidamada Ilaalada Qaranka ee Trump uu ku daadiyay caasimadda Maraykanka ay tahay tallaabo sharci-darro ah.

DF oo maanta hirgelisay nidaam kasii adag e-Visa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u hirgelisay nidaamkan cusub ee Electronic Travel Authorisation (ETA), kaas oo si buuxda u xakameyn doono socdaalka rakaabka ka duulaya ama u socda Soomaaliya.

Nidaamka ETA ayaa shirkadaha duulimaadyada ku amraya in aysan soo qaadi karin qof aan heysan oggolaanshiyaha Dowladda federaalka iyo nidaamka E-visa ee dhawaan la dhaqangeliyay.

Nidaamkan ayaa si toos ah ugu xirnaan doono nidaamka duulimaadyada shirkadaha diyaaradaha iyo nidaamka xog isdhaafsiga rakaabka (API/PNR).

Marka nidaamkan la hawlgeliyo, waxaa waajib noqon doonta in rakaab kasta oo ku socda garoomada dalka uu oggolaansho ka helo nidaamka ETA ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

ETA-da ayaa siinaysa Dowladda Federaalka awood ballaaran oo la xiriirta socdaalka, oo ay ka mid yihiin: magaca rakaabka, taariikhda dhalashada, faahfaahinta baasaboorka, taariikhda safarka iyo fiisayaasha hore, iyo sidoo kale faahfaahinta tigidhka iyo goobta uu ku socdo rakaabku.

Nidaamkan ayaa sida muuqata ka sii adag midka haatan ay ka cabanayaan maamullada qaar ee e-Visa-ha, kaasi oo qasab ka dhigaya in qofka wata baasaboorka shisheeye ee ka degaya garoomada dalka, sida Muqdisho, Hargeysa iyo Garoowe, uu jarto fiisahaas ka hor socdaalkiisa.

Arrintan ayaa si toos ah u saameyn doonta shirkadaha duulimaadyada sida FlyDubai iyo Ethiopian Airlines, kuwaas oo aan awoodi doonin inay bixiyaan “boarding pass” ilaa oggolaansho laga helo nidaamka cusub ee Dowladda Federaalka dhawaan dhaqan-gelin doonto.

Dowladdu waxay si dhameystiran ula socon doontaa xogta rakaabka ay diyaaraduhu usoo qaadaan Soomaaliya, iyadoo sidoo kale hay’adda socdaalka u oggolaan doonta in qofka ay doonto laga reebo diyaaradaha.

Si kastaba, qorshaha hirgelinta nidaamkan cusub ayaa u muuqda mid amni iyo siyaasadba leh, oo Dowladda Soomaaliya ku xoojinayso awoodda ay ku maamuleyso hawadeeda iyo nidaamka socdaalka dalka, taas oo si toos ah u taaban karta cid kasta oo ka hor timaadda.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli maamullada Somaliland iyo Puntland ay si adag uga horyimaadeen dal-ku-galka elektaroonig ah ee e-Visa. Maamulka Somaliland ayaa dhawaan soo saaray in hawadeeda aysan soo geli karin diyaarad aan fasax ka haysan, iyadoo wasaaradda duulistu soo bandhigtay nidaam cusub iyo shuruudo looga baahan yahay diyaaradaha kala duwan.

Booliska oo la siiyay amar culus oo lagu soo afjarayo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciiamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay la siiyay amar culus oo ku aadan sugidda amniga, gaar ahaan ka hortagga kooxaha burcadda ee dhibaatooyinka ka gaysta magaalada Muqdisho.

Taliyaha qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi) oo guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee saraakiisha amniga Caasimada ayaa amar ku siiyay Booliska in la dardar-geliyo howlgalada lagu dabar-goynayo tuugada oo maalmahaan dambe dhibaato ka wada qaar kamid ah degmooyinka gobolka.

Sidoo kale waxaa kulankan diiradda lagu saaray xoojinta amniga, feejignaanta ciidamada, iyo ka hortagga falalka dhaawici kara sumcadda Booliska.

Booliska ayaa sidoo kale shacabka caasimada ka dalbaday inuu kala shaqeeyo ammaanka, si Muqdisho ula jaan-qaado caasimadaha horumaray ee dunida.

Ciidamada ammaanka ayaa bilihii lasoo dhaafay waday dadaallo dheeraad ah oo lagu sugayo amniga guud oo isbedda wayn laga dareemayo, waxaana sidoo kale ay qaadeen tallaabooyin kale oo ku aadan u diyaar garowga howlaha doorashooyinka qof iyo codka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ula timid qorshayaal amni oo muhiim ah, kuwaas oo wax ka bedalay nolosha shacabka iyo guud ahaan xaaladda caasimada.

Si kastaba, Muqdisho ayaa hadda xasiloon waxaana laga nastay qaraxyadii joogtada ahaa iyo dilalka qorsheysan ee ay inta badan Al-Shabaab ka fulin jireen degmooyinka gobolka.

Afgambi ka dhacay dal ku yaalla galbeedka AFRIKA iyo madaxweynihii oo la xiray

0

Bissau (Caasimada Online) – Koox ka mid ah saraakiisha sare ee ciidamada dalka Guinea-Bissau, ayaa Arbacadii ku dhawaaqay inay si buuxda ula wareegeen talada dalka “ilaa amar dambe,” ka dib doorashadii madaxtinimo ee lagu muransana ee ka dhacday dalkaas

Saraakiisha ayaa sheegay in ay xilkii ka xayuubiyeen Madaxweyne Umaro Sissoco Embaló, isla markaana ay hakiyeen hanaanka doorashada ee lagu muransan yahay ee dalka, iyaga oo sabab uga dhigay, in loo baahan yahay in la caddeeyo xaaladda ka hor inta aan lagu laaban nidaamka dastuuriga ah.

Saraakiisha ayaa xaqiijiyay in madaxweynaha si wanaagsan loola dhaqmayo.

Saraakiisha dalka Galbeedka Afrika ayaa sidoo kale ku dhawaaqay, in la hakiyay hanaanka doorashada iyo xiritaanka xuduudaha, saddex maalmood kadib doorashooyinka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha.

Ku dhawaaqista ayaa lagu sheegay bayaan ay jeediyeen saraakiisha ku sugan xarunta dhexe ee ciidamada ee ku taala caasimadda Bissau, sida ay sheegtay AFP.

Barqanimadii shalay ayaa rasaas laga maqlay agagaarka madaxtooyada kadib markii rag ku labisan dareeska ciidamada ay la wareegeen wadada dheer ee soo gasha madaxtooyada.

Ilaa hadda ma cadda cidda masuulka ka ah xarigga madaxweynaha.

Rasaas ayaa ka dhacaysay caasimadda iyadoo Embaló iyo ninka ka soo horjeeda ee Fernando Dias ay sheegeen inay guul gaareen.

Sidoo kale, rasaas ayaa Arbacadii ka dhacday meel ku dhow xarunta guddiga doorashada ee Guinea-Bissau, waxayna ahayd maalin ka hor markaas oo la filayay in lagu dhawaaqo natiijada.

Dalka galbeedka Afrika ku yaala ee taariikhda kacaanka leh ayaa Axaddii waxaa ka dhacday doorasho madaxtinimo iyo mid baarlamaan.

Tartankan ayaa waxaa isaga hor yimid madaxweynaha xilka haya Umaro Sissoco Embalo iyo ninka la tartamayay ee Fernando Dias, iyadoo labada dhinacba ay guul ka sheegteen wareegii koowaad horaantii todobaadkan.

Ilaa hadda ma cadda cidda ku lug lahayd toogashada, waxaana goob joog ka ahaa wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters iyo laba kale oo ka mid ah dadka deegaanka.

Afhayeenka Embalo oom la yiraahdo Antonio Yaya Seidy ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in dabley aan la aqoonsan ay weerareen guddiga doorashada si ay uga hortagaan ku dhawaaqista natiijada cod bixinta.

Waxa uu sheegay in dadkaasi ay xiriir la lahaayeen Dias, isagoo aan soo bandhigin cadeymo. Afhayeen u hadlay Dias oo wax laga weydiiyey ayaan ka jawaabin.

Isha: BBC

FARMAAJO oo sheegay in 5 milyan qof oo Soomaali ah…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda bani’aadanimo ee Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha ka jira qaybo kamid ah dalka.

Farmaajo ayaa sheegay in abaar daran ay u dhufatay gobollada qaar, isla markaana xaaladdan ay saameysay ku dhawaad 5 milyan oo qof, kuwaas oo aan helin gurmad ku filan, isla markaana xaalad adag ay ku haysato gudaha dalka.

“Xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhalatay abaaraha ka jira dalka waxa ay si toos ah u saameeyeen ku dhowaad 5 milyan oo qof, kuwaas oo aan helin gurmad u dhigma xaaladda ay ku jiraan oo soo jiitamaysay labadii sano ee la soo dhaafay” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay in ay isku gurmadaan, si loo caawiyo dadka dhibanayaasha ah.

“Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan culimada iyo ganacsatada waxaan ugu baaqayaa in ay u istaagaan samata bixinta dadkeenna dhibaataysan, maadaama ay hoos u dhaceen kaalmadii binu-aadantinimo ee caalamiga ah, taas oo aan daboolin haatan wax ka badan 25% dadka u baahan gurmadka degdegga ah” ayuu mar kale yiri Maxamed Farmaajo.

Sidoo kale, wuxuu qurba-joogta Soomaaliyeed, madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ugu baaqay in loo midoobo ka jawaabista xaaladdan adag ee ay wajahayaan dadka Soomaaliyeed, waxaa kale oo uu rajo ka muujiyay Beesha Caalamka in ay dardar-geliso sidii gurmad degdeg ah loo gaarsiin lahaa kumannaanka qoys ee tabaaleysan.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Alle waxaan ka baryayaa in uu dalkeenna iyo dadkeenna ka dulqaado duruufaha adag, naguna mannaysto nimcadiisa oo ay ugu horreeyaan raxmadda roobka oo ay ku tiirsan tahay nolasha dadka Soomaaliyeed”.

Dhawaan, Farmaajo ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xaalad cakiran, isla markaana dadka Soomaaliyeed ay wajahayaan gaajo iyo sicir barar baahsan, sida uu hadalka u dhigay.

“Runtii waxaan darsay oo aan ogaaday in dalka uu ku jiro xaalad aad iyo aad u cakiran maciishadda oo kale qofka bishii 200 ama 300 qaadan jiray in aysan ku filneyn xittaa 500 oo dollar, welina mushaaraadkii uu halkiisii taagan yahay” ayuu khudbaddiisa ku yiri Farmaajo.

Waxaa kale oo uu xusay in xaaladda uu waddanka u maraayo aan indhaha laga qabsan karin, isla markaana sicirka bararka jira uu ka daran yahay kii horay loo arkay.

“Dadka Soomaaliyeed waxay gaareen heer in maalinkii ay hal mar wax cunaan haddii ay nasiib leeyihiin ama maalin dhaaf waxaa lagu leeyahay mararka qaarkood caga-bararka xilligii uu dagaalka sokeeye aad u darnaa in hadda ay ka daran yahay” ayuu sii raaciyay.