25.4 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Jadwalka doorashada qof iyo codka ah oo la shaaciyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa maanta soo saaray jadwalka doorashada golaha deegaanka ee gobolka Banaadir, taas oo in muddo ah laga soo shaqeynayay

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka iyo sohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo galabta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa shaaciyay jadwalka rasmiga ah ee doorashada golaha deegaanka ee gobolka Banaadir.

Cabdikariim ayaa ku dhawaaqay in shacabka gobolka Banaadir ay 25-ka bisha December u dareeri doonaan dooraahada golaha deegaanka, si ay codkooda ugu doortaan mas’uuliyiintii hoggaamin lahayd.

“25 bisha soo socota waxaa Gobolka Banaadir looga dareeri doonaa doorasho qof iyo cod ah,” ayuu yiri guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan.

Sidoo kale wuxuu fariin u diray xisbiyada iyo musharrixiintooda, isaga oo ugu baaqay inay u hoggaansamaan habraaca doorashooyinka ee ee guddigu mas’uul ka yahay.

Dhinaca kale, ururada siyaasadda ee isdiiwaangeliyay ayaa goor horena sii bilaabay ololahooda doorashooyinka, si ay shacabka uga helaan codadka lagu soo baxayo

Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso doorasho qof iyo cod ah oo ay dalka ku hoggaamineyso Villa Soomaaliya oo taageerto ka heleyso qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka, waxaase dhanka kale diidan Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka la baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Dagaal culus oo dib uga qarxay xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

0

Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed maanta dib uga qarxay xadka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee maamul-goboleedka HirShabelle.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Calaag oo ku yaalla xadka labada gobol, iyada maleeshiyaadka labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in labada beelood ay isku hayaan arrimo la xiriira dhul-daaqsimeed ku yaalla halkaasi, waxayna xiisaddooda isku rogtay dagaal toos ah.

Sidoo kale maleeshiyaadka ayaa helayo gurmadyo, taas oo uga sii dareysa xiisadda ka taagan xadka kala qaybiya Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo muddo ay ka taagan tahay colaad xooggan.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale cabsi ka muujinayo in colaadda ay sii ballaarato, isla markaana dagaalka uu sii socda, maadaama aan weli la helin cid kala dhex gasha labada dhinac.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka, iyadoo weli ay horfadhiyaan maleeshiyaadka labada dhinac ee ku dagaalamay halkaasi.

Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay HirShabelle oo ku aadan dagaalkan mar kale dib uga qarxay qaybo kamid ah deegaannadeeda, kaas oo durbo saameyn ku yeeshay dadka deegaanka.

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo ay weli ka socdaan howlgallo xoreyn ah ayaa waxaa haddana ka qarxay dagaal beeleedyo wajiyo kala duwan leh oo saameyn ku yeeshay guud ahaan HirShabelle.

Xildhibaan Sanyare oo ka horyimid go’aankii ka soo baxay maamulka Puntland

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa si kulul ugu jawaabay maamul Puntland oo deegaan doorasho ahaan uu kasoo jeedo, kadib markii ay diiday kaarka aqoonsiga NIRA.

Xildhibaanka ayaa qaadacay go’aanka Puntland oo dhawaan shaaca ka qaaday in dadka ku sugan deegaannadeeda aysan qaadan karin kaarka NIRA

“Kaarka NIRA kaarka Soomaaliya weeye argagixiso ma ah ciddii qaadata” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare).

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay in la ilaaliyo midnimada iyo qarannimada Soomaaliya, maadaama dalku leeyahay nidaam iyo kala dambeyn.

Horay Wasiirka Warfaafinta Puntland, Mudane Maxamuud Caydiid Dirir oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa u sheegay in cid kasta oo qaadata kaarka NIRA ay u aqoonsan doonaan cadow, ayna xiri doonaan, sida uu hadalka u dhigay

Caydiid oo xilligaas jawaab ka bixinayay hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa in Al-Shabaab ay qaadan karaan kaarka aqoonsiga ee Hay’adda NIRA.

“Haddaba ciddii kaarka NIRA qaadata annagu haddii aynu Puntland nahay cadow ayaan u naqaan, Al-Shabaab haddii Xasan ku baaqay NIRA kaarkeedana inay qaadato waa cadow, qofkii lagu arkana waa cadow, waana xarig” ayuu yiri Wasiir Caydiid.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Kaarka NIRA ebel sharci darro ayuu ku yimid wax Soomaali isku raacsaneyd maaheyn, Xasana isagaa hadda Madaxweyne ah isagaana sheegtay inuu Al-Shabaab kaarka siinayo”.

DAGAAL maanta ka dhacay Marka – Yuu u dhexeeyay?

0

Marka (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal kooban oo maanta ka dhacay gudaha degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Dagaalka aya ka dhacay xarunta maamulka, wuxuuna dhex-maray ciidamo ay kala wateen gudoomiyaha degmada iyo guddoomiye ku xigeenka amniga ee magaalo xeebeedka Marka.

Is rasaaseynta ayaa waxaa ku dhaawacmay hal askari, waxaana sidoo kale dagaalka uu sameeyay shacabka, sida uu sheegay guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmadaasi.

“Shaqaaqo yar ayaa dhacday ninyahow waxaa isku dhacay ciidankii istaafka guddoomiyaha degmada iyo ciidanka guddoomiye ku xigeenka amniga hadda wax dhibaato oo saas ah ma dhicin hal askari ayaa ku dhaawacmay intaa ognahay” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Marka.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Meesha ay xabadaha ka dhaceen waxay ahayd xarunta gobolka markii aan ku baxnayna annagaa ku guuleysana inaan dagaalka istaajino”.

Sidoo kale, wuxuu guddoomiye ku xigeenkii hore ee Marka oo la hadlay Idaacadda Kulmiye uu sheegay in labada nin ay isku dagaaleen arrimo la xiriira kaarka NIRA oo dhawaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay gaysay magaaladaas, si loo gaarsiiyo shacabka.

“Waxay isku qabteen karaarka hadda la sameynaayo ee NIRA hadda xaaladda waa qabowday, ciidamadiina waa kala dirnay, wixii dhacay waa la’iskula xisaabtami doonaan” ayuu sii raaciyay.

Marka ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca isku dhacyo ciidanka dhexdiisa ah iyo weeraro gaamdo ah oo mararka qaar ay kusoo qaadaan dagaalyahannada Al-Shabaab.

Sacuudiga oo daah-furay mashruuc ballaaran oo guryo loogu dhisayo Soomaalida

0

Kismaayo (Caasimada Online) — Hay’adda Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada ee Boqortooyada Sucuudiga (KSrelief) ayaa dhagax-dhigtay mashruuc ballaaran oo 200 oo guri loogu dhisayo qoysaska ay saameeyeen fatahaadaha ku dhuftay deegaannada dowlad-goboleedka Jubaland.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Jubbaland, Cabdiraxmaan Maxamed Dhiriq, Agaasimaha Xafiiska Afrika ee hay’adda KSrelief, Yazeed Cabdullaahi, iyo mas’uuliyiin kale oo heer dowlad-goboleed ah.

Mashruucan ayaa ujeeddadiisa ugu weyni tahay in hoy loo sameeyo qoysaska guryahoodii ku waayey masiibadii fatahaadaha. Qorshaha mashruuca kuma koobna oo kaliya dhismaha guryaha, balse waxaa barbar socda hirgelinta xarumo caafimaad iyo kuwo waxbarasho, iyo weliba dhismaha kaabayaasha nolosha asaasiga u ah sida biyaha iyo waddooyinka.

Sidoo kale, waxaa mashruuca qayb ka ah barnaamij dhireyn ah oo laga fulinayo goobta, si loo ilaaliyo badqabka iyo jiritaanka deegaanka.

Tallaabadan ayaa sidoo kale la filayaa inay gacan ka geysato xoojinta xasilloonida bulshada ee deegaankaas, maadaama ay qoysaska dhibaateysan helayaan dib-u-dejin rasmi ah.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sucuudiga taageeradeeda joogtada ah ee dhanka gargaarka iyo bani’aadannimada. Wuxuu xaqiijiyay in mashruucani uu yahay kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee dalka laga hirgeliyo, kaas oo bixinaya xal waara oo dhanka deegaanka ah.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in fatahaadihii dhowaan dhacay ay lagama maarmaan ka dhigeen in la helo gurmad degdeg ah si wax looga beddelo xaaladda nololeed ee boqollaalka qoys ee guryo la’aantu haysato.

Hindisahan ayaa qayb ka ah silsiladda mashaariicda gargaarka iyo bani’aadannimada ee ay Dowladda Sucuudigu ka waddo Soomaaliya, kuwaas oo looga golleeyahay in lagu yareeyo dhibaatooyinka haysta shacabka Soomaaliyeed.

 

Guddoonka BF Soomaaliya oo go’aan culus ka gaaray xildhibaannadii maanta…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii caadiga ahaa oo maanta oo Sabti ah ay lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa baaqday, kadib markii uu kooramka Baarlamaanka uu dhaafi waayay 12 Mudane, sida uu sheegay guddoonka sare.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa u sheegay xildhibaanada in kulankii maanta uu baaqday, isaga oo u sheegay in maalinta Isniinta ah uu qabsoomi doono kulanka xiga.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in xildhibaannada iyaga oo jooga magaalada Muqdisho ay soo xaadiri waayeen shaqadooda, isla markaana uu aad uga xun yahay.

“Xildhibaannadii iyagoo magaalada jooga ay maqan yihiin oo aysan soo xaadirin, sidoo kale xubnaha kamid ah golaha wasiirrada oo xildhibaanno iyagana sidoo kale waa imaan waayeen iyaga oo jooga magaalada Muqdisho” ayuu guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Xildhibaannada hadda fadhiya waa mahadsan tihiin shaqadiina waa soo xaadirteen, waana idin kaaga mahad-celineynaa”.

Abshirow ayaa sidoo kale soo saaray go’aan culus oo ka dhan ah xubnaha maqan, wuxuuna sheegay in laga jarayo gunnada, si loogula xisaabtamo maqnaashahooda.

“Maalin kasta ayaan yeeri jirnay xildhibaannada maqan laakiin manta yeeriska waxaan ku dreynaa inaan dabaqno heer hoosaadka qaybta in laga jaro gunnada” ayuu mar kale yiri.

Fadhiyada baarlamaanka ayaa sida caadiga ah qabsooma maalmaha Sabtida, Isniinta iyo Arbacada, waxaana laga sugayaa golaha inay meel mariyaan shuruuc muhiim u ah dalka.

Baaqashada kulamamadan ayaa kusoo aadaya, xilli xasaasi ah ayna taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay hannaanka loo wajahayo doorashada dalka oo ay isku hayaan Dowladda Federaalka, Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Marka laga soo tego xiisaddan, waxaa Baarlamaanka Soomaaliya horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu horreyso arrinta doorashada, maadaama laga sugayo shuruucdii lagu hagi lahaa.

Kadib toogashadii dhacday Trump oo joojiyey socdaalka dadka ka imanaya Soomaaliya

0

Washington (Caasimada Online) — Madaxweyne Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday inuu “gebi ahaanba hakin doono” socdaalka dadka ka imanaya Soomaaliya iyo waddamada uu ugu yeeray “Dunida Saddexaad,” isagoo dhinaca kalena riixaya qorshe uu bixiyay “dib-u-celinta qaxootiga”.

Dhambaal xamaasad leh oo uu maalintii Thanksgiving-ka soo dhigay bartiisa Truth Social, ayuu Trump cod dheer ku dalbaday in la billaabo “DIB-U-CELINTA QAXOOTIGA,” isagoo eedda dambiyada iyo guri-yari’da dusha ka saaray soo-galootiga. Wuxuu wacad ku maray inuu jari doono kaalmada dowladda, xitaa uu kala noqon doono dhalashada dadka uu u arko inay yihiin “kuwa aan la jaanqaadi karin ilbaxnimada Reer Galbeedka.”

Go’aankan adag ayaa salka ku haya toogashadii dhawaan loo geystay laba askari oo ka tirsan Ilaalada Qaranka (National Guard) ee gobolka West Virginia, kuwaas oo ilaalo ka hayay agagaarka Aqalka Cad amar ka soo baxay Trump awgiis.

Sarah Beckstrom, oo 20 jir ahayd, ayaa u geeriyootay dhaawaceeda, halka Andrew Wolfe, 24 jir ah, ay xaaladdiisu weli halis tahay. Xeer-ilaaliyeyaasha ayaa dacwad dil ah kusoo oogay Rahmanullah Lakanwal, oo ah 29-jir u dhashay Afghanistan, kaas oo Mareykanka ku yimid barnaamij dib-u-dejin loogu sameeyay dadkii caawiyay ciidamada Mareykanka xilligii dagaalka dalkaas.

Inkasta oo Trump uusan qoraalkiisa si toos ah ugu xusin weerarkaas, haddana dhacdadaasi waxay noqotay dhimbisha hurisay ololahan cusub ee ka dhanka ah soo-galootiga.

Wuxuu amray in dib u eegis lagu sameeyo malaayiin fayl oo la xiriira dadka soo-galootiga ah, isagoo si gaar ah diiradda u saaraya dadka kasoo jeeda 19 waddan oo loo arko “khatar sare,” kuwaas oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Afghanistan. Sidoo kale, wuxuu shaaciyay qorshe uu ku laalayo waxa uu ugu yeeray “aqbalaaddii sharci-darrada ahayd ee maamulka Biden.”

Isla farriintaas, Trump wuxuu si gaar ah u weeraray Soomaalida gobolka Minnesota, isagoo ku andacooday inay “si buuxda u qabsadeen gobolkii weynaa ee Minnesota,” wuxuuna ku tilmaamay “burcad Soomaali ah” oo uu sheegay inay “waddooyinka u wareegayaan sidii inay ugaarsanayaan dadka.”

Wuxuu adeegsaday eray aflagaaddo ah oo lagu durayo dadka naafada ka ah dhanka maskaxda si uu u caayo Guddoomiyaha Minnesota Tim Walz, wuxuuna dib u soo nooleeyay sheegashooyin aan caddeyn loo hayn oo ku saabsan taariikhda socdaalka ee xildhibaan Ilhaan Cumar.

Xaqiiqada jirta ayaa ah in Minnesota ay hoy u tahay bulshada ugu badan ee Soomaalida Mareykanka, iyadoo tirada dadka ku dhashay Soomaaliya ee halkaas ku nool ay gaarayaan tobanaan kun—taas oo ka dhigan wax yar in ka badan 1% shacabka gobolka, waana tiro aad uga yar “boqollaalka kun” ee uu Trump ku celceliyo.

Xildhibaannada deegaanka, hoggaamiyeyaasha diinta iyo u dhaq-dhaqaaqayaasha Soomaalida ayaa sheegay in hadallada madaxweynaha ay sii hurinayaan dhibaateynta iyo cabsigelinta bulshada, xitaa ka hor inta aan la dhaqangelin sharciyo cusub.

Hoggaamiyeyaasha bulshada ayaa ku nuux-nuuxsaday in Soomaalidu ay laf-dhabar u yihiin dhaqaalaha gobolka, iyagoo ka shaqeeya daryeelka caafimaadka guryaha, warshadaha, taksiileyaasha, ganacsiga yar-yar iyo maqaayadaha, iyadoo qaarkoodna loo doortay xilal dowladeed iyo kuwa deegaanka.

Ururrada ganacsiga ayaa digaya in tarxiil wadareed iyo joojinta soo-galootiga cusub ay sii xumeyn doonto shaqaale yaraanta ka jirta waaxyaha muhiimka ah ee dhaqaalaha.

Sawirka uu Trump ka bixinayo soo-galootiga oo uu ku tilmaamayo isha ugu weyn ee dambiyada iyo “burburka bulshada” ayaa ah mid si weyn uga hor imaanaya xaqiiqooyinka cilmiyeed ee la diiwaangeliyay tobanaan sano.

Daraasado laga sameeyay magaalooyinka Mareykanka ayaa muujiyay in deegaannada ay ku badan yihiin soo-galootiga aysan lahayn heerar dambi oo sarreeya, balse ay badanaa ka nabadgelyo badan yihiin xaafadaha dhiggooda ah. Daraasad muddo dheer socotay oo la adeegsaday xogta tirakoobka ee 150-kii sano ee lasoo dhaafay ayaa lagu ogaaday in soo-galootiga ay aad uga yar yihiin xabsiyada marka loo barbardhigo dadka ku dhashay Mareykanka.

Trump weli ma uusan soo saarin qoraallo sharci oo faahfaahsan oo qeexaya sida uu u shaqeyn doono “hakinta rasmiga ah” ee socdaalka Soomaaliya iyo dalalka kale ee la beegsanayo, ama sida uu isugu dayi doono inuu laalo fiisooyinka, kaararka degenaanshaha (Green Cards) iyo dhalashada.

Kooxaha u dooda xuquuqda madaniga ah iyo qareennada socdaalka ayaa durba u diyaar garoobaya dagaallo dhanka sharciga ah, iyagoo ku doodaya in xayiraadaha guud ee ku saleysan jinsiyadda iyo isku dayga lagula noqonayo dhalashada dad aan dambi gelin ay si toos ah uga hor imaanayaan Dastuurka Mareykanka iyo sharciyada soo jireenka ah ee socdaalka.

Xog ka cusub toogashadii ka dhacday meel u dhow Aqalka Cad iyo ninka ka dambeeyey

0

Washington (Caasimada Online) – Ninka u dhashay dalka Afghanistan ee lagu eedeeyay inuu toogtay laba askari oo ka tirsan ciidanka Ilaalada Qaranka Mareykanka ayaa wajihi doona dacwad dil heerka koowaad ah. 

Xeer-ilaaliyaha Mareykanka ee Washington, D.C., Jeanine Pirro, ayaa Jimcihii sheegtay in eedeymo kale lagu soo oogi doono 29-jirka lagu magacaabo Rahmanullah Lakanwal, kaas oo ay sheegtay inuu weerar gaadmo ah ku qaaday askarta ka timid gobolka West Virginia meel u dhow Aqalka Cad maalintii Arbacada.

Isagoo khadka taleefanka kula hadlayay xubnaha milatariga Mareykanka maalintii Thanksgiving-ka ee Khamiista, Trump ayaa toogashada ku tilmaamay “weerar argagixiso,” saraakiishuna waxay sheegeen inay wadaan baaritaan la xiriira argagixisanimo oo ku saabsan toogashadii dhacday Arbacada.

“Wixii goobtaas ka dhacay waa wax aan mugdi ku jirin. Waa dil si ula kac ah loo qorsheeyay,” ayay Pirro u sheegtay barnaamijka “Fox and Friends” ee taleefishinka Fox News. Waxay intaas ku dartay, “Waxaan eedeymihii hore ee ahaa weerarka u badaleynaa dil heerka koowaad ah.”

Sarah Beckstrom, oo 20 jir ahayd, ayaa Khamiistii u geeriyootay dhaawacyadii soo gaaray. Pirro ayaa u sheegtay Fox in askariga kale ee la socday Beckstrom, Andrew Wolfe, oo 24 jir ah, ay xaaladiisu aad u liidato.

Lakanwal ayaa Mareykanka soo galay sanadkii 2021 isagoo soo maray barnaamijka “Operation Allies Welcome,” oo ahaa barnaamij socdaal oo xilligii Biden la sameeyay si dib loogu dejiyo kumanaan reer Afghanistan ah oo Mareykanka caawiyay xilligii dagaalka, kuwaas oo ka cabsanayay aargoosi kaga yimaada xoogaga Taliban ee la wareegay talada kadib bixitaankii Mareykanka.

In ka badan 70,000 oo reer Afghanistan ah ayaa dib loogu dejiyay Mareykanka barnaamijkaas hoostiisa. Saraakiisha ayaa sheegay in Lakanwal uu ka tirsanaa unug ay taageerayso CIA-da gudaha Afghanistan ka hor inta uusan imaan Mareykanka. Waxaa la siiyay magangalyo sanadkan xilliga Trump, sida lagu sheegay faylka dowladda Mareykanka oo ay aragtay Reuters.

Baarayaasha ayaa sheegay in Lakanwal uu baabuur kaga soo safray gurigiisa oo ku yaalla gobolka Washington, uuna ku toogtay labada askari qori awood badan oo ah .357 Magnum, ka hor inta uusan dhaawacmin kadib markii ay rasaas is weydaarsadeen ciidamo kale.

Toogashooyinka ayaa laga yaabaa inay Trump siiyaan fursad uu ku doodo in xitaa waddooyinka sharciga ah sida magangalyada ay khatar dhanka amniga ah ku yihiin dadka Mareykanka.

Wax ka yar 24 saacadood kadib toogashada, saraakiisha Trump ayaa bilaabay inay amraan dib u eegis ballaaran oo lagu sameeyo siyaasadaha socdaalka.

Lakanwal ayaa xaaskiisa iyo shantiisa carruur ah kula noolaa gobolka Washington, sida ay sheegeen baarayaashu. Markii la weydiiyay inuu qorsheynayo inuu masaafuriyo xaaska eedeysanaha iyo carruurtiisa, Trump ayaa yiri, “Waxaan eegeynaa xaaladda oo dhan oo ay qoysku ku lug leeyihiin.”

Isagoo isticmaalaya bartiisa Truth Social goor dambe oo Khamiistii ah, Trump ayaa sare u qaaday hadaladiisa adag ee ku saabsan socdaalka. Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay sanadkan, wuxuu kordhiyay xarigga dadka sida sharci darrada ah ku jooga Mareykanka, wuxuu adkeeyay ka gudubka xuduudaha, wuxuuna boqolaal kun oo qof kala noqday sharciyada joogitaanka.

“Waxaan si joogto ah u hakad gelinayaa socdaalka ka imanaya dhammaan Wadamada Dunida Saddexaad si aan nidaamka Mareykanka ugu ogolaano inuu si buuxda u soo kabsado, waxaan joojinayaa malaayiinta qof ee uu Biden si sharci darro ah u ogolaaday, oo ay ku jiraan kuwa lagu saxiixay ‘qalinka elektarooniga ah’ ee Biden (Sleepy Joe), waxaanan saarayaa qof kasta oo aan faa’iido u lahayn Mareykanka,” ayuu Trump ku yiri qoraalkiisa Truth Social, isagoo ula jeeda madaxweynihii ka horeeyay.

Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ka codsaday Washington inay sii waddo ogolaanshaha dadka magangalyo doonka ah inay soo galaan dalka, isla markaana la mariyo nidaam cadaalad ah.

“Waxaan ka rajeyneynaa dhammaan wadamada, oo uu ku jiro Mareykanka, inay ixtiraamaan ballanqaadyadooda ku aadan Heshiiskii Qaxootiga ee 1953,” ayuu Farhan Haq, oo ah ku xigeenka afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, u sheegay Reuters.

Afhayeenka xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, Jeremy Laurence, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Geneva ka sheegay: “Waxay xaq u leeyihiin in la ilaaliyo sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, waana in la mariyo nidaam sharci oo cadaalad ah.”

Jasmin Lilian Diab, oo ah agaasimaha Machadka Socdaalka ee Jaamacadda Lubnaan iyo Mareykanka (Lebanese American University), ayaa sheegtay in joojinta codsiyada dadka reer Afghanistan ama dib u eegista kumanaan codsi oo horey loo ansixiyay ay burburin doonto qoysas iyo bulshooyin, isla markaana ay wiiqi doonto sharafta nidaamka socdaalka.

“In kasta oo dhacdadan dhawaan dhacday ay tahay mid xanuun badan, in dhacdo gooni ah loo isticmaalo cudurdaar lagu soo rogo xayiraado wadareed waa mid aan waafaqsanayn xaqiiqada muujineysa inaanu jirin xiriir ka dhexeeya qaxootiga dalka soo galaya iyo dambiyada kordhaya,” ayay Diab u sheegtay Reuters.

Itoobiya oo ‘fasiraad khaldan ka bixisay’ kulankii uu Abiy la yeeshay taliyaha AFRICOM

0

Asmara (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa ku eedeeyay dowladda Itoobiya in booqashada ay saraakiisha milateri ee Maraykanka ku tageen Addis Ababa ay u adeegsatay ujeeddooyin kale.

Qoraal uu soo dhigay barta X (ex-Twitter) ayuu ku sheegay in booqashooyinka “caadiga ah ee joogtada ah” ee taliyayaasha ciidamada shisheeye ee Addis Ababa ay yihiin “riixid cad oo xooggan” oo ku saabsan dadaallada dowladda Itoobiya ee ay ku raadinayso helista marin badeed.

Warbixin ku saabsan booqashada, taliyaha Taliska Afrika ee Maraykanka (AFRICOM), Jenaraal Dagvin Anderson, ayaa sheegay inuu kala hadlay madaxda Itoobiya arrimo la xiriira Badda Cas iyo dalabaadka Itoobiya.

Warbixin ay dowladda Itoobiya soo saartay ayaa sheegtay in Jenaraal Anderson uu ka hadlay doorka Itoobiya ee Badda Cas iyo dalabkeeda marin-badeed, intii uu kulanka la lahaa Taliyaha Guud ee Ciidanka Itoobiya, Sareeye Guuto Berhanu Jula.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Jenaraal Anderson uu yiri: “Waxaan taageersanahay dadaallada Itoobiya ee ay si nabad ah ugu doonayso inay ku hesho deked.”

Warbixintu waxay intaa ku dartay: “Taliyaha Maraykanka wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in Itoobiya ay ka shaqayn karto nabadda gobolka haddii ay hesho Badda Cas.”

Wasiir Yemane ayaa sheegay in booqashooyinka dhabta ah ee ciidamada badda Talyaaniga, taliyaha AFRICOM ee Maraykanka, iyo ciidamada Faransiiska ee Addis Ababa aysan ku saabsanayn dekedaha.

Wuxuu sheegay in Itoobiya ay xiriir dhaqaale la samayn karto dalalka deriska ah iyadoo adeegsanaysa heshiisyo sharci ah oo ganacsi, balse wuxuu ka digay in rabitaanka deked madax-bannaan uu khatar ku yahay madaxbannaanida iyo xuduudaha dalalka deriska la ah Itoobiya, isla markaana uu ka hor imanayo sharciga caalamiga ah, Cahdiga Qaramada Midoobay, iyo Dastuurka Midowga Yurub.

Ujeeddada labaad ee “Xisbiga Barwaaqo” ayuu ku sheegay inay tahay arrinta dhisidda saldhig badeed oo ku yaalla Badda Cas.

“Badda Cas waa marin muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah,” ayuu yiri, balse “taasi macnaheedu ma aha in waddan kasta oo isticmaala ay xaq u leeyahay ama u baahanyahay inuu halkaas ka dhisto saldhig ciidan badeed.”

Wuxuu intaas ku daray in dalalka ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay isku raaceen in iyagu mas’uul ka yihiin oo ay xaq u leeyihiin xaqiijinta xasilloonida iyo amniga marinka badda.

Sidaas darteed, ayuu yiri, dadaallada dowladda Itoobiya ee ku saabsan “dhisidda saldhig badeed oo ku yaalla Badda Cas” wax faa’iido amni ah ma leh, waxayna abuuri karaan dhibaatooyin sharci iyo amni.

Muxuu sheegay taliyaha AFRICOM, Jenaraal Dagvin, kaddib booqashadiisii?

Jeneraalkii sare ee Maraykanka, Dagvin Anderson, oo booqasho ku tagay Addis Ababa, ayaa ka hadlay socdaalkiisa iyo kulamadii uu ku yeeshay Itoobiya.

Qoraal ka soo baxay safaaradda Maraykanka ee Addis Ababa ayaa lagu sheegay in taliyaha Taliska Afrika (AFRICOM) uu horay dalka ugu soo booqday, isla markaana uu Itoobiya ku tilmaamay “dal muhiim u ah” gobolka.

Wuxuu yiri: “Sababta ugu weyn ee aan u imid waa inaan wadaagno walaacyo mideysan. Anigu kuma cusbi gobolka, waanan fahamsanahay caqabadaha jira.

“Waxaan halkan u joognaa inaan awood siino dalalka Afrika si ay uga hortagaan khataraha.”

Taliyaha Maraykanka ayaa sheegay inuu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayna ka wada hadleen “khataraha argagixisada xuduudaha iyo hababka lagu taageeri karo xasilloonida gobolka.”

Wuxuu sharxay inuu Itoobiya u yimid “maadaama ay muhiim u tahay labadaba arrimood.”

Jenaraalku wuxuu intaas ku daray inuu sidoo kale la hadlay Midowga Afrika, isaga oo kala hadlay hanjabaadaha amni ee qaaradda ka jira.

Si kastaba ha ahaatee, muuqaalkii ay soo saartay safaaraddu kama uusan hadlin sheegashada Itoobiya ee dekedaha ama muranka kala dhaxeeya Eritrea ee marin-biyoodka Badda Cas.

Jenaraal Anderson, oo xilka la wareegay bishii Agoosto, ayaa booqanaya caasimadaha qaaradda si uu u xoojiyo iskaashiga uu Maraykanku la leeyahay dalalka Afrika.

Labada taliyeyaal ciidan waxay sidoo kale ka wada hadleen arrimaha argagixisada, amniga gobolka iyo iskaashiga laba geesoodka ah.

Addis Ababa waxay waday dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan oo ay ku doonayso inay ku hesho deked ku taalla Badda Cas ama ay iyadu maamusho.

Dhanka kale, Eritrea waxay qaadaysay tallaabooyin ay ku hagaajinayso xiriirka Washington tan iyo markii uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump dib ugu soo laabtay talada. Si kastaba ha ahaatee, lama hubo halka ay arrimuhu hadda marayaan.

AFRICOM, oo fadhigeedu yahay Jarmalka, waa mid ka mid ah talisyada ciidan ee ugu waaweyn ee Maraykanku ku leeyahay Afrika. Maraykanku wuxuu sidoo kale xarumo waaweyn ku leeyahay Bariga Dhexe, halkaas oo taliska loo yaqaan ‘CENTCOM’ uu mas’uul ka ahaa kormeerka Badda Cas iyo gobolka Geeska Afrika ka hor intaan la aasaasin AFRICOM.

Addis Ababa waxay sheeganaysaa inay taageero ka haysato Ruushka iyo Faransiiska dhismaha ciidankeeda badda.

Taliyaha ciidanka lugta ee Faransiiska, Jenaraal Pierre Schill, oo Arbacadii gaaray Addis Ababa, ayaa la kulmay saraakiisha ciidanka Itoobiya. Ciidanka Itoobiya ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in booqashada jenaraalka ay “ujeedadeedu tahay xoojinta iskaashiga milateri ee labada dal.”

Warbixintu waxay intaas ku dartay in taliyaha Faransiisku uu ku dhiirrigeliyay ciidanka Itoobiya inay xoojiyaan ka-qaybgalka muhiimka ah ee hawlgallada nabad-ilaalinta.

Jenaraal Schill ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda la kulmo Fildumaarsal Berhanu Jula.

Dhanka kale, Taliyaha Ciidanka Difaaca Faransiiska, Jenaraal Fabien Mandon, ayaa booqday Imaaraadka Carabta, isagoo halkaas kula kulmay ciidanka Faransiiska ee dalka ku sugan.

Ciidanka Itoobiya ayaa ku sheegay bayaan kale oo ay hore u soo saareen shalay inay wada-hadallo laba geesood ah la yeesheen ciidamada badda Talyaaniga si ay uga wada shaqeeyaan tababarka iyo isweydaarsiga waayo-aragnimada. Warbixintu waxay intaas ku dartay in wafdiga ciidamada badda Talyaaniga sidoo kale la kulmeen taliyaha ciidamada badda Itoobiya, Admiral Sare Kindu Gezu.

Ma jirin wax faahfaahin degdeg ah oo ka soo baxday Talyaaniga ama ciidamada badda.

Sabtidii la soo dhaafay, Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni, ayaa la kulantay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, iyagoo ku sugnaa shir-madaxeedka G20 ee Koonfur Afrika, si ay uga wada hadlaan arrimaha labada dal.

Dhanka kale, Wasiirka Difaaca Itoobiya, Aisha Maxamed, ayaa sidoo kale wada-hadallo kula yeelatay madaxda Qadar ee Doha, sida ay ku warantay warbaahinta dowladda.

Eritrea ayaa ka carootay hadallo ay jeediyeen mas’uuliyiin sare oo dowladda Itoobiya ka tirsan, oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, iyo warbaahinta dalkaas oo ku saabsan dekedaha Badda Cas. Gaar ahaan, hadalladii u dambeeyay ee ka soo yeeray Addis Ababa ayaa shaki geliyay madax-bannaanida Eritrea ee ay qaadatay sanadkii 1993.

War-saxaafadeed ballaaran oo ay Sabtidii soo saartay, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Eritrea waxay kaga jawaabtay hadallada xooggan ee Itoobiya, iyagoo soo xigtay sharciga caalamiga ah oo dhigaya in dalalka aan bad lahayn sida Itoobiya ay xaq u leeyihiin inay isticmaalaan dekedaha dalalka deriska la ah, balse keliya iyadoo loo marayo wadahadal iyo heshiis labada dhinac ah.

Si kastaba ha ahaatee, waxay caddeeyeen in xuquuqdan aysan siinaynin dal kale madax-bannaani ama awood joogto ah oo uu ku yeesho xeebta waddan kale.

“Qawaaniinta dhulka iyo xuduudaha waa kuwo aan laga gorgortami karin,” ayuu bayaanku yiri, isaga oo intaas ku daray in isku day kasta oo lagu fasirayo ama lagu marin-habaabiyo qawaaniintan uu noqonayo ku xad-gudub toos ah oo lagu sameeyo madax-bannaanida Eritrea.

Isha: BBC

Sawirro: Maxay ku heshiiyeen Soomaaliya iyo Marooko?

0

Rabat (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo magaalada Rabat kula kulmay, wasiirka arrimaha dibadda, iskaashiga Afrika iyo qurbajoogta Morookaanka ee Boqortooyada Morooko ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa intii uu socday, labada wasiir waxa ay saxiixeen tubta iskaashiga oo taabagal noqon doonta inta u dhexeysa sanadaha 2026–2028, taas oo diirradda saari doonta ballaarinta iskaashiga qaybaha muhiimka ah, oo ay ka mid yihiin beeraha, biyaha, waraabka, kalluumeysiga badda, dalxiiska, tamarta la cusboonaysiiyo, waxbarashada, tababbarka xirfadaha, tacliinta sare, caafimaadka, ammaanka, maalgashiga dhaqaalaha, isbeddelka cimilada, ciyaaraha, iyo dhaqanka.

Sidoo kale, heshiisku wuxuu kordhinayaa tirada deeqaha waxbarasho ee sanadlaha ah ee la siiyo ardayda Soomaaliyeed oo la gaarsiiyay ilaa 120. Deeqahani ayaa waxa ay dabooli doonaan waxbarashada heerarka kala duwan ee jaamacadeed.

Labada Wasiir ayaa sidoo kale saxiixay heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Marooko oo ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan baasaboorka diblomaasiga shuruudaha dal-ku-galka, si loo fududeeyo socdaalka diblomaasiyiinta iyo booqashooyinka rasmiga ah.

Labada dhinac ayaa waxa ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay isku-duwidda iyo latashiyada siyaasadeed ee arrimaha fagaarayaasha heer gobol iyo heer caalami , iyada oo la isla qaatay in wadashaqayntani ay ka caawinayso in la mideeyo aragtiyada ku saabsan arrimaha labada dal ay wadaagaan, iyadoo la dhowrayo mabda’a nabadda, madax-bannaanida, iyo midnimada dhuleed.

Waxaa kale oo ay carabaabeen taageeriddooda madax-bannaanida iyo qarannimada labada dal, iyagoo bogaadiyay go’aanka ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2797.

Si kastaba, Kulankani waxa uu qayb ka yahay iskaashiga “Koonfur–Koonfur”, waxa uuna muujinayaa marxalad cusub oo lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Marooko

Kenya oo bilowday howlgal lagu beegsanayo dhalinyaro Soomaaliyeed + Sababta

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa haatan bilaabay howlgal culus oo lagu beegsanayo qaar kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi.

Booliska ayaa shaaca ka qaaday in uu ka hortagayo dhalinyaradaas oo bilaabay inay muuqaallo  kusoo duubaan waddooyinka muhiimka ah, iyaga oo ka dhigto (Challenge), waxayna ku duubayaan jidadka mashquulka badan ee caasimada Kenya.

Sidoo kale wuxuu Boolisku intaasi kusii daray in arrintan ay sababtay in ay sii kordheen shilalka iyo dhacdooyinka naxdinta leh oo ay ku dhinteen qaar kamid ah dhalinyarada halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, iyaga oo markaa duubayay muuqaallo baraha bulshada ah.

Kenya ayaa sdioo kale safaaradda Soomaaliya ee Nairobi u gudbisay dacwad ka dhan ah dhallinyaradaas, si wax ooga qabto, loona yareeyo halista ka imaan karta waddooyinka.

Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle oo dhankiisa ka hadlay arrintan ayaa tilmaamay in dambi ay tahay in la’isku sawirro waddooyinka, wuxuuna ugu baaqay dhalinyarada inay tegaan hoteellada iyo meelaha kale ee loo dalxiis tego.

Waxaa kale oo uu ugu baaqay dowladda Kenya iyo waalidiinta dhalinyarada in laga hortago ficillada dhalinyaradaas oo halis gelin kara naftooda iyo bulshada kale.

“Waxaa maalmahaan jira barnaamijyo la xiriira dhallinyaro Soomaaliyeed oo waddooyinka waa weyn ee Nairobi sawirro isaga qaado, waa khalad waana dambi, waxa aan leenahay hoteel ayaad isaga qaadi kartaa, guri ayaa isaga qaadi kartaa oo meelo kale ayaa ku samayn kartaa, muhiim ma ahan in aad gaari isku dhigtid, qof ayaa ku dhintay, dad kale ayaa ku dhaawacmay” ayuu yiri safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya.

Nairobi ayaa waxaa ku nool Soomaali fara badan oo waxbarasho iyo ganacsiyo ku haysta, taas oo Soomaalida ka dhigtay inay ka dhex muuqdaan bulshooyinka kale.

Wararkii ugu dambeeyay duqeyn ka dhacday Xawaadley

0

Balcad (Caaasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo xalay ka dhacday deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, taas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta oo ahayd mid culus ayaa lagu qaaday dhufeyso iyo godad waa wayn oo maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ka qoteen deegaanka, kuwaas oo dhulka lala simay.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in ugu yaraan ilaa 10 gantaal lagu dhuftay difaacyada ay dhigteen Al-Shabaab, isla markaana uu jiro khasaare xoogleh.

Xaaladda ayaa kacsan, waxaana Xawaadley iyo agagaarkeeda laga dareemayaa saameynta duqeynta xalay lagu garaacay deegaankaas oo ay gacanta ku hayso kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kale, ciidamada Gorgor iyo kuwa kale oo ka tirsan Xoogga dalka ayaa lasoo warinayaa inay kaabiga ku hayaan Xawaadley, iyaga oo doonayo inay ka saaraan Al-Shabaab.

Ma jiro war kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan duqeyntaasi iyo khaaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka ay fuliyeen saaxibada caalamiga ah.

Xawaadley ayaa waxaa bartamihii sanadkan kasoo baxay ciidamada Burundi, waxaana kadib la wareegtay kooxda Al-Shabaab iyo oo illaa iyo hadda gacanta ku hayso.

Deegaankan ayaa sidoo kale 30 KM u jira magaalada Jowhar, waxaana ku yaalla buundo, taas oo ka dhigtay deegaan isku xira bariga iyo galbeedka Shabeellaha Dhexe.

Dowladda Soomaaliya oo culimo geysay furimaha dagaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa culimo gaar ah geysay furimaha hore ee dagaalka, halkaasi oo ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ka wadaan howl-gallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Sida uu shaaciyay Madaxweynaha Soomaaliya, markii ugu horreysay ciidamada xoogga dalka ayaa lagu kabay tiro culimo oo ka mid noqda, si ay uga wacyi geliyaan ciidanka dhaqannada aan wanaagsanayn.

Xasan Sheekh ayaa culimada ku bogaadiyey doorka ay ka qaadanayaan wacyi-gelinta bulshada, ka hortagga afkaaraha xagjirnimada iyo xoojinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu xoojiyay muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loo xoojiyo iskaashiga dowladda iyo culimada, isagoo xusay in dhaqanka Soomaaliyeed iyo dowladnimaduba ay ku tiirsan tahay talo, hagid iyo baraarujin

Culimada Soomaaliyeed ayaa sanadihii dambe si weyn uga qeyb qaadanayay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyagoo si mideysan u shaaciyay in dagaalka lagula jiro kooxda uu yahay waajib diini ah (Jihaad) isla markaana ay kooxdaasi tahay Khawaarij.

Marka laga yimaado dagaalka tooska ah, sidoo kale kan fikriga ah waa mid muhiim ah, maadaama kooxda lala dagaalamayo ay ku ganbaneyso fikir diimeed, oo inta badan ay ku qaldaan dhalinyarada taabacsan.

Maxay Soomaaliya kusoo bandhigtay shirka IGAD?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Xildhibaan Cali Yuusuf Xoosh ayaa ka qeyb-galay shir heer wasiir ah oo dalalka IGAD uga arrinsanayeen hirgelinta baaqa Nairobi ee arrimaha qaxootiga.

Wasiir Cali Xoosh oo madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday xaaladda Soomaaliya gaar ahaan qaxootiga, dadka soo guryo noqday, brakacayaasha iyo dhibaatooyinka bani’aadnimada, isbadalka cimilada iyo abaaraha ay keenaan.

“Inkasta oo ay jiraan caqabado, haddana Soomaaliya waxaa si buuxda uga go’an hirgelinta mabaadi’da iyo himilooyinka baaqa Nairob,” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.

Waxa uu intaas kusii daray “Sanadihii la soo dhaafay, waxaan si joogto ah uga shaqeynay in ballanqaadyadaas loo beddelo xalal wax ku ool ah oo kor u qaada nolosha qaxootiga, barakacayaasha, dadka soo laabanaya iyo bulshadda gudaha dalka.”

Wasiirka waxa uu ka hadlay oo kale shuruucda ay Soomaaliya sameysay oo howshan xalkeeda qeyb ka ah ansixinta sharciga qaxootiga iyo magangalyo-doonka bishii Sebtembar 2023.

Sidoo kale, sharciga barakacayaasha gudaha (IDP Bill) oo isna la meel-mariyay bishan, taas oo nidaamkeenna qaran u dhoweysay heerarka caalamiga ah iyo kuwa gobolka.

Ugu dambeyntiina, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh) waxa uu dalalka IGAD usoo jeediyey in laga wada-shaqeeyo amniga gobolka, la iskana kaashado kor u qaadista adeegyada kaabayaasha ee hormarka keenaya.

DF oo maanta ciidan cusub ka dajisay Garbahaarey – Maxaa socda?

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidan cusub ka dejisay magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Ciidankan oo laga soo qaaday magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in tiro ahaan ay gaarayaan 50 askari, waxaana galabta maqribkii ay ka dagtay diyaaraddii waday garoonka Garbahaarey.

Ciidankan oo ka tirsan nabad-sugidda ayaa ku biiraya ciidamada Dowladda Federaalka ee horey u joogay Garbahaarey.

Garoonka waxaa ciidanka kusoo dhaweeyay Taliyaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka degmada Garbahaarey, Nuur Barre Good, iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, maalmaha soo aadan ayaa la sheegay in dowladdu qorsheyneyso in ciidamo kale ay u dirto degmada Garbahaarey, halkaasi oo lagu wado inay gaaraan wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Daabulka ciidamada ayaa markale dib u soo celinaya xiisaddii dagaal ee u dhaxeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubaland, xilli ay horey ciidamo kala taabacsan labada dhinac ku dagaalameen gobolka Gedo.

Tani waxay sidoo kale kusoo beegmeysaa xilli ay fashilmeen wada-hadalladii Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Jubaland, Axmed Madoobe, isla markaana la qorsheynayo in horraanta bisha December ee sanadkaan uu magaalada Kismaayo ka furmo shirweynaha mucaaradka kasoo horjeeda Dowladda Federaalka.

Waxaa la filayaa in xubnaha Madasha iyo hoggaamiyeyaasha labada maamul ay Kismaayo uga dhawaaqaan in dalka la badbaadiyo, xilli ay bilooyin kooban ka harsan yihiin muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin maamullada Jubaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka ee Madasha Samatabixinta ayaa dhawaan si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan muddo kororsi loo sameeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo digniin culus kasoo saaray.

Sidoo kale, golaha ayaa si adag u diiday wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka iyo qabashada doorasho aan heshiis lagu ahayn oo ka dhacda dalka.

Goluhu wuxuu farriin culus u diray shacabka Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay inay u istaagaan badbaadinta dalka, isla markaana ay adkeeyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.

Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xilli uu weli is mariwaa ka taagan yahay hannaanka doorashooyinka dalka, gaar ahaan doorashada qof iyo cod, si shacabka ay usoo doortaan hoggaankooda.

Soomaaliya oo maanta codkeeda ka dhiibatay doorasho caalami ah

0

London (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa maanta codkeeda ka dhiibatay doorashada Kalfahiga 34-aad ee Golaha Hay’adda Caalamiga ee Badaha – IMO ee sanadaha 2026/2027.

Codka Soomaaliya ayaa waxaa goobta ka dhiibtay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada London ee Boqortooyada Ingiriiska.

“Codkeennu wuxuu ka turjumayaa kaalinta sii kordheysa ee Soomaaliya ku leedahay arrimaha badaha caalamiga ah, iyo sida ay nooga go’an tahay in aan horumarino baddeenna,” ayuu yiri Wasiir Jaamac oo qoraal soo saaray doorashada kadib.

Sidoo kale wuxuu sheegay in codka Soomaaliya uu ka turjumayay danaha istaraatiijiga ah ee dalka, xoojinta iskaashiga gobolka, hagaajinta maamulka badda, iyo taageeridda himiladeenna muddada fog ee ku aaddan horumarinta Dhaqaalaha Buluugga ah.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Waxaa maanta sharaf ii ah inaan ku matalo bixinta codka Soomaaliya doorashada Kalfahiga 34-aad ee Golaha Hay’adda Caalamiga ee Badaha – IMO ee sanadaha 2026/2027.

Codkeennu wuxuu ka turjumayaa kaalinta sii kordheysa ee Soomaaliya ku leedahay arrimaha badaha caalamiga ah, iyo sida ay nooga go’an tahay in aan horumarino baddeenna.

Codkeennu wuxuu ka tarjumayay danaha istaraatiijiga ah ee dalka, xoojinta iskaashiga gobolka, hagaajinta maamulka badda, iyo taageeridda himiladeenna muddada fog ee ku aaddan horumarinta Dhaqaalaha Buluugga ah.

Waxaan ku faraxsanahay in aan hubiyo in codka Soomaaliya uu noqdo mid miisaan leh oo gacan ka geysta qaabeynta mustaqbalka iskaashiga iyo amniga badeed ee caalamka.

Ka xukuumad ahaan, waxaan sii wadi doonnaa inaan ka miro dhalino ballanqaadkeenna ahaa horumarina danaha baddeenna iyo kheyraadkeeda.

Booliska Muqdisho oo gacanta kusoo dhigay askari tacadi fool xun kula kacay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga booliska Xamarweyne ayaa gacanta ku dhigay eedeysane Dable Ciidnka Xoogga Dalka, Cabdifataax Maxamed Ibraahim.

Askarigan ayaa ku eedaysan inuu si sharciga baalmarsan ula dhaqmay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku ganacsanayay Suuqa Xamarweyne.

Eedeysanuhu wuxuu hadda ku jiraa gacanta booliska, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh si sharciga loogu waafajiyo, sida uu shaaciyay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Booliska ayaa ku wargeliyay dhammaan hay’adaha amniga inay gutaan waajibaadkooda sharciga ah, ayna ilaaliyaan xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed, Ee ay u dhaarteen ilaalinta naftooda iyo maalkooda.

Cabdifataax ayaa saacadihii lasoo dhaafay kasoo muuqday baraha bulshada, isagoo si fool xun ula dhaqmayay Maamo Soomaaliyeed oo ku ganacsanaysay suuqa Xamarweyne.

Muuqaallo ku faafay baraha bulshada ayaa muujinaya Cabdifataax oo qori ku bursanaya hooyada Soomaaliyeed, isla markaana dadkii goobta ku sugneyd ay ka cel-celinayaan inuu xabad ku furo.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa si carro leh uga fal-celisay in askarigii Soomaaliyeed ee aheyd inuu ilaaliyo muwaadinka uu asagii suuqa ku dhex bahdilayo hooyo Soomaaliyeed, oo wadada dhinaceeda ku ganacsanaysa, taas oo ugu dambeyntiina keentay in laamaha amniga ay ka howl-galaan, oo gacanta ay kusoo dhigaan.

War cusub oo kasoo kordhay barnaamijka group 5 ee Canada

0

Ottawa (Caasimada Online) – Dowladda Canada ayaa mar kale kordhisay hakinta barnaamijka codsiyada qaxootiga ee loo yaqaan Group Five.

Barnaamij ayaa dadka qaar u suurta­geliya inay Canada si kala duwan ku tagaan, kuwaas oo ah ka mid yihiin Soomaalida.

Hakintan oo markii hore lagu dhawaaqay sanadkii 2024, ayaa hadda muddo ahaan loo kordhiyay ilaa sanadka 2027. Arrintan ayaa lagu wargeliyay dhammaan dadka ay khuseyso, xilli la filayay in barnaamijku dib u furmo dabayaaqada 2025.

Qaar badan oo horey codsiyadooda ugu gudbiyay waaxda qaxootiga Canada ayaa si gaar ah u sugayay go’aankan, maadaama ay rajaynayeen dib u bilowga barnaamijka.

Soomaali tiro badan oo hore uga faa’iidaystay nidaamkan ayaa Canada ku tegay, halka kumannaan kalena ay sugayeen in mar kale la furo, balse hadda ka war heshay in hakinta barnaamijku sii socon doonto muddo dheeri ah.

Warsame Jirde Warsame oo madax ka ah barnaamijka qaxootiga ee ardayda wax ka barta Canada ayaa sheegay in hakintan ay salka ku hayso codsiyada ka imaanaya group 5 ay aad u bateen, xilli uu waddanka yareynayo dhaq-dhaqaaqa soo galootiga.

Sidoo kale wuxuu sheegay in hakinta ay si weyn u saameynayso Soomaalida oo ayagu ahaa dadka u badan ee barnaamijka Group Five ku yimaada Canada.

“Soomaali ahaan waa kuwa koowaad ee ka xirmay barnaamijkan, dad badan oo Soomaali ah ayaa ku imaan jiray Canada. Marka la fiiriyo dadka cadaadiska u badan ka imaanayo dadka Soomaalida ayaa u badan,” ayuu yiri Warsame.

Sawirro: Muxuu Xamza kusoo arkay dekada ugu weyn Afrika?

0

Tangier (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo weli ku guda jira howlihii shaqo ee uu u joogay Boqortooyada Morooko ayaa maanta booqday dekadda Tanger Med.

Dekaddan ayaa ah marsada ugu weyn Qaaradda Afrika iyo Badda Mediteraaniyaanka, kana mid ah dekedaha ugu muhiimsan ganacsiga caalamka.

Dekadda Tanger Med ayaa si istiraatiiji ah isugu xirta ganacsiga Afrika, Yurub, Aasiya iyo Ameerika, waxaana isticmaala in ka badan 20% maraakiibta ganacsiga caalamiga ah, taas oo ka dhigtay xarun muhiim u ah isku xirka dhaqaalaha dunida.

Intii uu kusugnaa dekadda, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxa Dekadda Tanger Med, Mudane Mehdi Tazi Riffi.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga dekedaha, fududeynta ganacsiga iyo wadaagga waayo-aragnimada horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in booqashadan iyo kulanka ay qeyb ka yihiin dadaallada ay xukuumaddu ku doonayso dhisidda kaabeyaasha muhiimka u ah kobaca dhaqaalaha dalka iyo kor u qaadidda xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Morooko.

Wada-hadalkan ayaa imanaya xilli horumar baaxad leh ay sameynayaan dekedaha Soomaaliya, iyada oo dhowaan abaalmarino caalami ah ay heleen dekedaha Muqdisho iyo Berbera, xukuumadda Dan-Qaran ay casriyeyn ku waddo dekedaha qaar, kuwa cusub oo waaweyna uu qorshaha ku jiro.

DF oo shaacisay in ay dekad cusub ka dhiseyso Muqdisho

0

London (Caasimada Online) — Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa shaaca ka qaaday in sanadka soo socda ay dowladdu daah-furi doonto dhismaha deked cusub oo casri ah, taas oo laga hirgelin doono magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa warkan kaga dhawaaqay magaalada London, xilli uu ka qayb-galayay Meertada 34-aad ee Golaha Guud ee Hay’adda Badaha Adduunka (IMO).

Cabdulqaadir ayaa faahfaahin ka bixiyay qorshaha dekeddan cusub, isagoo sheegay inay noqon doonto mid si buuxda ula jaan-qaadda shabakadaha ganacsiga ee caalamiga ah.

Waxa uu intaas ku daray in mashruucani uu ka koobnaan doono xuddun u adeegta isu-socodka gobolka (transit hub) iyo aag ganacsi oo canshuuraha ka caagan (free zone).

“Waxay noqon doontaa deked aad u baaxad weyn, qaab-dhismeedkeeduna wuxuu sahlayaa inay Soomaaliya ku xirto dunida inteeda kale, halkii ay markii hore ku koobnaan jirtay heer gobol,” ayuu Wasiirku u sheegay Wakaaladda Wararka ee Anadolu.

Wasiirka ayaa qiray in dekedda hadda shaqaysa ee Muqdisho — oo ah tan ugu weyn dalka — ay xilligan u badan tahay adeegga saadka ee maxalliga ah, isla markaana uu xaddidan yahay xiriirka tooska ah ee ay la leedahay marinada maraakiibta caalamiga ah.

Kaalinta koowaad ee Bariga Afrika 

Iyada oo ay jiraan caqabadahaas, haddana Wasiirku waxa uu iftiimiyay guul weyn oo ay gaartay Dekedda Muqdisho, taas oo dhowaan gashay kaalinta koowaad ee qiimayn lagu sameeyay 407 dekedood oo ku yaalla Bariga Afrika iyo caalamka.

Guushan ayuu Wasiirku ku tilmaamay miraha ka dhashay dadaallada dowladda ee ku aaddan casriyeynta iyo horumarinta nidaamyada farsamo ee dekedda.

“Marka dhinacaas laga eego, runtii uma baahnin tartan — waayo durba kaalinta koowaad ayaan haysannaa,” ayuu yiri Wasiirka oo muujinayay kalsoonida uu ku qabo horumarka socda.

Mas’uuliyiinta ayaa xaqiijiyay in Dekedda Muqdisho ay haatan shaqayso habeen iyo maalin (24 saac), tallaabadaas oo si weyn u yareysay saxmaddii jirtay, isla markaana soo gaabisay waqtigii ay maraakiibtu sugayeen dejinta badeecadaha.

Isaga oo arrintaas ka hadlayana, wasiirku wuxuu yiri: “Sanadkii 2020-kii, maraakiibtu waxay dekedda ku sugayeen dhowr maalmood si ay u dejiyaan konteenarrada. Maanta waxaan waqtigaas kusoo koobnay lix saacadood oo kaliya.”

“Ganacsatada adeegsata dekedda aad bay u soo dhoweeyeen isbeddelkan. Maadaama dekeddu ay shaqayso habeen iyo maalin, xitaa saxmaddii gaadiidka ee magaalada Muqdisho way yaraatay.”

Wasiirka ayaa guulahan ku sababeeyay maalgashiga ay dowladdu ku samaysay qalabka iyo nidaamyada casriga ah ee dekedda.

Dhinaca wax-soo-saarka, maaraynta maalinlaha ah ee konteenarrada ayaa kor u kacday 20 boqolkiiba, iyada oo la higsanayo in la gaarsiiyo 50 boqolkiiba.

Dekedda, oo ay maamusho shirkadda Turkiga ah ee Albayrak Group, ayaa awooddeeda qaadistii sanadkan kor uga qaadday 150,000 TEU (cabirka konteenarrada), iyada oo gaarsiisay 180,000 TEU, waxaana la qorsheynayaa in la gaaro 250,000 TEU.

“Bahda ganacsigu aad bay ugu qanacsan yihiin horumarradan la taaban karo,” ayuu raaciyay Wasiirku.

Ugu dambayn, Soomaaliya ayaa shaacisay inay xoojinayso iskaashiga ay la leedahay dowladda Turkiga ee dhinaca badaha.

Wasiir Nuur ayaa yiri: “Turkigu aad buu ugu horumaray dhinacan. Soomaaliya waa uun bilow inay ku biirto nidaamka badaha ee caalamiga ah, maadaama aan leenahay xeebta ugu dheer Afrika, waxaan rajeynaynaa inaan si degdeg ah u horumarno annagoo ka faa’iidaysanayna khibradda Turkiga.”

Shirweynaha 34-aad ee Golaha Guud ee IMO oo ka furmay London 24-kii bishan November, ayaa la filayaa inuu soo xirmo 3-da bisha December.