26 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Gaza oo gashay xaalad adag kadib amarkii Netanyahu

0

Gaza (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ciidamada milatariga ku amray in ay si degdeg ah u fuliyaan duqeymo “xooggan” oo ka dhan ah Gaza, sida goor sii horreysay laga soo xigtay xafiiskiisa.

Arrintan waxay timid kadib markii Israa’iil ay sheegtay in naxash ay Xamaas ku wareejisay Isniintii aanu ku jirin maydka mid ka mid ahaa lahaystayaasha Israa’iil.

Waxay ku eedeeyeen Xamaas “in ay si cad u jabisay” heshiiskii xabbad-joojinta Gaza ee laba toddobaad jirsaday.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxa ay haatan sheegayaan in duqeymo ay ka sii socdaan marinka Gaza, iyadoo weerarradii u dambeeyay ay diyaaradaha Israa’iil ka fuliyeen xaafadda Saytuun ee bariga Gaza oo ah goobta ay ku noolyihiin dadka ugu badan ee barakaca ah.

Al Jazeera ayaa dhankeeda werisay inay duqeymo ka socdaan Gaza, iyada oo goobaha la duqeeyay ay ku jiraan agagaarka isbitaalka ugu weyn Gaza ee Al-Shifa, oo hoy u ah kumannaan qoys oo guryahooda dagaalka lagu burburiyay.

Sidoo kale waxa ay weli Israa’iil ballaarinaysa aagga ay ciidanka ka joogaan gudaha Gaza, tallaabo ay ku sheegeen in lagu cadaadinayo Xamaas oo lagu yareynayo aagga ay maamulaan, sida uu baahiyay raadiyaha ciidanka Israa’iil, balse tani waxay ka dhigan tahay inay Israa’iil ka baxday heshiiskii Masar.

Xamaas waxay dhankeeda sheegtay in Israa’iil ay isku dayayso “in ay samayso marmarsiyo been abuur ah si ay ugu diyaar garowdo tallaabooyin cusub oo gardarro ah” oo ku wajahan gudaha Gaza.

Fal-celin aan caadi ahayn oo ka dhalatay tallaabadii uu maanta qaaday Deni

0

Garoowe (Caasimada Online) – Falcelin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay tallaabadii uu maanta qaaday Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo kala diray maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ee maamulkaasi.

Sababta keentay kala dirista maxkamadda ciidamada ayaa lagu sheegay in cabasho isdaba joog ay soo gaartay Madaxweynaha, taasi oo ay la kulmayaan dadka rayidka ah.

“Waxaa la kala diray dhammaan Guddoomiyeyaasha, Garsoorayaasha iyo Xeer- ilaaliyayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Dowladda Puntland,” ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland.

Go’aannada xabsi-xalaalaynta ah ee la xiriira denbiyada culus ayaa la sheegay in ay gaarayaan maxkamadaha racfaanka ee maamulka Puntland, inta laga soo dhisayo maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus.

Hadabba sidee looga falceliyay tallaabada uu qaaday Saciid Deni?

Maliika Maxamed: “Xilku waa meerto inta ay soo shaqeeyeen waa ku mahadsanyihiin. Waaxyaha garsoorka dumarka halo badiyo iyaga halkaas ku daacadsane”.

Sihaam Cabdalle: “Weli yaaa is gaaray is badalllo waaa dhiman yihiin dhuuuqsada suuumanka”.

Cali Cabdullahi Cali: “Isla xisaabtanka wax ma haleeyo rukub dheh Saciid Deniyoow”.

Jaamac Cabdullahi: “Kolba dad fiican oo diin iyo imaan leh la keeni maayo caada-qaatayaal baa la keeni”.

Saxardiid Qaaje: “Kuwa rayidka jooga ayaa iyagana kala diris u baahan iyo la xisaabtan dhab ah”.

Muna Kaamil: “Waa arrin fiican. Dowladdu nidaam adag ha soo dhisto oo cadaalad ah meeshaana ha u dhiibto dad aqoon leh”.

Sawirro: DF oo tallaabo deg-deg ah qaaday kadib weerarkii xalay ee gudaha Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo deg-deg ah oo ku aadan weerarkii tooska ahaa ee ay xalay Al-Shabaab kusoo qaadeen fariisimo ay ciidanka ammaanka ku leeyihiin duleedka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay kontoroolka Buurta Cali Janaale, oo ka mid ah meelaha muhiimka ah ee laga ilaaliyo amniga caasimadda. Dagaal culus ayaa halkaas ku dhexmaray labada dhinac, kaas oo socday ku dhowaad 30 daqiiqo.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa markii hore adeegsatay baasuukeyaal, waxaana xigay iska horimaad fool ka fool ah oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogeyn tirada rasmiga ah ee khasaaraha.

Dowladda oo ka duuleysa ka hortagga weerarada Al-Shabaab ayaa isla maanta ciidamo ka tirsan Haramcad gaysay daafaha caasimada, gaar ahaan dhinaca Shabeellaha Hoose, kuwaas oo haatan howlgallo ka bilaabay deegaannada u dhow magaalada Muqdisho.

“Iyada oo la fulinayo amarka Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guud Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa cutubyada Ciidanka Haramcad maanta sameeyay howlgal ballaaran oo lagu sifeynayo kooxaha Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanayay deegaannada Maracade iyo Galla Saalimow ee gobolka Shabeellaha Hoose” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska ciidanka gaarka ah ee Haramcad.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Howlgalka ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo ammaanka iyo xasilloonida caasimadda Muqdisho, iyadoo ciidanku ay wadaan baaritaanno iyo burburin fadhiisimadii ay kooxdaasi hore ugu dhuuman jirtay”.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ay weli ku raad joogaan xubno ka tirsan Khawaarijta oo dhuumaaleysi ku joogay halkaasi, balse ka cararay goobta.

“Markii ay maqleen dhaq-dhaqaaqa ciidamada, xubnihii ka tirsanaa kooxda ayaa si baqdin leh uga kala cararay goobihii ay ku sugnaayeen. Ciidanka Haramcad ayaa weli raadin iyo baaris joogto ah ka wada aagagga lagu tuhunsan yahay inay ku sugan yihiin kooxahaas nabad-diidka ah” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Horay dowladda ayaa ciidamo u gaysay waddooyinka lasoo gala caasimada, si ay ula socdaan dhaq-dhaaqa dadka soo galaya iyo kuwa ka baxaya magaalada Muqdisho.

Aabe iyo wiilkiisa oo si arxan darro ah loogu dilay Galgaduud

0

Balanballe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dhacdo kale argagax leh ay maanta ka dhacday gobolkaasi, kadib markii si arxan darro ah aano qabiil darteed loogu dilay Aabe iyo wiil uu dhalay.

Falkan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaan hoostaga degmada Balanballe, waxaana ka dambeeyay maleeshiyaad hubeysan oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Labada marxuum ayaa waxaa  lagu kala magacaabi jiray Cabdullahi Maxamed Lugtii Jiic iyo wiilkiisa Baashi Cabdullahi Maxamed, kuwaas oo lagu dilay deegaanka Labi Kooraale ee gobolka Galgaduud.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in maleeshiyaadka dilka gaystay oo haatan la baadi goobayo ay kasoo jeedaan dhanka degmada Balanballe, kuwaas oo wiilka iyo Aabihiisa u dilay aargoosi aano qabiil ah.

Dilkan ayaa sidoo kale dhaliyay xiisad xoogan oo ka taagan deegaanka, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo madaxda sare ee Galmudug.

Dhowaan ayay ahayd markii sidaan oo kale loo laayay hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay, iyada oo loo beegsaday aano qabiil oo ka taagan gobolka Galgaduud.

Allaha u naxariistee marxuumiintaas ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Hooyo Sahro Cartan Xirsi iyo saddexdeeda gabdhood oo kala ah Nuurto Axmed Maxamuud, Xaawo Axmed Maxamuud & Faa’iso Axmed Maxamuud, iyadoo falkan ay ka argagaxeen shacabka.

Si kastaba, Galgaduud ayaa waxaa ku badan dilalka salka ku haya aanooyinka qabiil, mana jiro illaa iyo hadda tallaabo wax looga qabanayo oo ay qaaday Galmudug.

Imaaraadka Carabta oo loo haysto inuu jebiyay xayiraad saarneyd Soomaaliya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay Imaaraadka Carabta inuu jebiyay xayiraadda hubka ee saaran dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

Tan ayaa imaneysa kadib markii la ogaaday in qalab milatari oo laga keenay Boqortooyada Ingiriiska oo loo iibiyay Imaaraadka lagu arkay gudaha Soomaaliya, iyadoo uu gacanta u galay kooxo hubeysan oo ka howl-gala Soomaaliya iyo Liibiya.

Warbixin ay soo saareen khubarada Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Imaaraadku uu qayb ka yahay shabakado si qarsoodi ah hubka u kala gudbiya, waxaana marar badan la arkay gaadiidka dagaalka ee nooca Nimr Ajban oo ay soo saarto shirkad Imaaraad ah, oo lagu isticmaalayo dalal ay ka jiraan dagaallo iyo cuna-qabateyn hub.

Warbixinta oo ay akhriyeen xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale xustay in Imaaraadku uu hub British ah siiyay kooxda RSF ee Sudan, taas oo dhalisay su’aalo cusub oo ku saabsan doorkiisa ku aaddan dagaallada gobolka Bariga Afrika iyo Saaxil.

Khubarada Qaramada Midoobay ayaa uga digay in dhaqanka noocan ahi uu khatar ku yahay xasilloonida gobolka, islamarkaana uu sii hurin karo ganacsiga hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya, halkaas oo amni darro wali ka jirto.

Dowladda Imaaraadka ayaa si adag u beenisay eedeymahaas, balse dalal reer galbeed ah ayaa cadaadis saaraya in dib loo eego dhoofinta hubka iyo qalabka dagaal ee loo diro Imaaraadka, maadaama uu suuragal yahay in lagu isticmaalo goobaha ay colaadaha ka socdaan, sida Soomaaliya iyo Sudan.

Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer wajahayay eedeymo sheegaya inuu taageero oo uu hubeeyo ciidanka RSF, inkastoo Abu Dhabi ay iska fogeysay ku lug lahaanshaha colaadda. Si kastaba ha ahaatee, baaritaanno dhowr ah ayaa muujinaya doorka istaraatiijiyadeed ee magaalada Boosaaso ay ku leedahay hawl-gallada gobolka ee Imaaraadka.

Sawirro dayax-gacmeed ah oo la daabacay bishii Abriil 2025 ayaa muujiyay diyaarado waaweyn oo xamuul ah oo taagan Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso, taasoo sii kicisay walaaca ah in goobtaasi ay noqotay xarun saadka looga daabulo RSF.

Saldhigga Boosaaso, oo markii hore uu Imaaraadku u dhisay xarun tababar oo loogu talagalay ciidanka badda ee Puntland, ayaa hadda la aaminsan yahay inuu yahay saldhig si buuxda uu Imaaraadku u maamulo oo aysan wax kormeer ah oo macno leh ku lahayn mas’uuliyiinta Soomaalida.

Dhanka kale, warar kale oo soo baxay ayaa sheegaya in falanqeeyayaal sirdoon ay horraantii sanadkan sheegeen inay arkeen Raadaarka Hawlaha Badan ee ELM-2084 (ELM-2084 Multi-Mission Radar) oo lagu sameeyay Israel, kaasoo la dhigay meel u dhow isla saldhiggaas.

Nidaamkan, oo ay samaysay shirkadda ELTA Systems ee laga leeyahay Israel oo awood u leh inuu la socdo in ka badan 1,000 bartilmaameed, ayaa waxaa loo malaynayaa inuu Imaaraadku rakibay iyadoo aysan ka warqabin dawladda federaalka Soomaaliya iyo baarlamaanka Puntland midna.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu oggolaaday meelaynta raadaarka iyadoo la raacayo heshiis qarsoodi ah oo lala galay Abu Dhabi.

Wararkan soo baxay waxay ku soo beegmayaan xilli ay jiraan caddeymo muujinaya istaraatiijiyad ballaaran oo Imaaraadku ku doonayo inuu saameyntiisa ku fidiyo guud ahaan Geeska Afrika.

Xulufo goboleedyada Imaaraadka

Falanqeeyayaasha amniga ayaa ku tilmaamay abuuritaanka Abu Dhabi ee wax ay ugu yeereen “isbahaysiga gooni-u-goosad”, oo ah shabakad ka kooban hoggaamiyeyaal maxalli ah oo awood leh iyo maamul-goboleedyo madaxbannaan sida Somaliland iyo Puntland, kuwaasoo loo adeegsado in lagu muujiyo awoodda Imaaraadka iyadoo laga tallaabsanayo dawladaha dhexe.

Warbixintaasi waxay faah-faahisay sida Imaaraadku u abuuray isbahaysiyo gobol oo uu u maray heshiisyo dekedo, shirkado amni oo gaar loo leeyahay, iyo shabakado maaliyadeed si uu u helo saameyn istaraatiiji ah oo ka soo billaabata Liibiya ilaa Yemen iyo Soomaaliya.

Waxa kale oo ay iftiiminaysaa raadka militari ee sii fidaysa ee Imaaraadka Carabta ee guud ahaan Geeska Afrika, oo ay ku jiraan xarumo militari oo ku fidsan jasiiradaha Suqadara ee Yemen ilaa Berbera oo ku taal Somaliland iyo Boosaaso oo ku taal Puntland.

Saraakiil Colombian ah ayaa qiray in boqollaal askari oo hore ay shaqaaleysiiyeen shirkado gaar loo leeyahay oo ku xiran colaadaha dibadda, iyadoo qaarkood la sheegay inay tababaraan askarta cusub ee RSF, oo ay ku jiraan carruur aan qaan-gaarin, sida ay sheegtay warbaahinta La Silla Vacía.

Wararkan soo shaac baxay ayaa su’aalo cusub ka keenay madax-bannaanida Soomaaliya iyo heerka dhulkeeda loo adeegsan karo hawlgallo militari oo shisheeye.

Dawladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland weli kama aysan hadlin eedeymahan, Imaaraadka Carabtuna weli jawaab rasmi ah kama uusan bixin.

Dagaalka Sudan wuxuu qarxay bishii Abriil 2023, wuxuuna u dhexeeyaa ciidanka RSF oo uu hoggaamiyo Janaraal Maxamed Xamdaan Dagalo (Xameti), iyo Ciidanka Qalabka Sida ee Sudan oo uu hoggaamiyo Janaraal Cabdifataax al-Burhan.

Colaaddu waxay barakicisay malaayiin qof, waxay sababtay macaluul baahsan, waxayna dhalisay in dib loogu kuurgalo doorka shisheeyaha ee lagu eedeeyay inay sii hurinayaan dagaalka.

Ciidamo ka tirsan kuwa Jubaland oo lagu weeraray…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax culus oo maanta ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland lagula eegtay deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo dhaliyay khasaare xoogleh.

Qaraxa ayaa lasoo wariyay in ciidamada lala eegtay xilli ay howlgal ka wadeen halkaasi, waxaana uu haleelay qaar kamid ah kolonyada oo goobta ku burburay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxa uu xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo saacado qaatay, waxaana guul ka kala sheegtay Jubbaland iyo Shabaab.

Qoraal ay baahiyeen Al-Shabaab waxa ay ku sheegeen in qaraxa iyo dagaalka xigay ay ku dileen illaa 5 askari, kuna dhaawaceen 4 kale, sidoo kalena waxa intaasi ku dareen in ay gubeen qaar kamid ah gaadiidka dagaalka oo ay wateen ciidamada maanta la qaraxiyay.

Dhanka kale, saraakiisha ciidamada Jubbaland oo iyana hadlay waxa ay sheegeen in dagaalka ay galeen A-Shabaab ay ku jabiyeen, isla markaana ay goobta ku dileen ugu yraan 6 xubnood, ayna ku dhaawacen 4 kale oo kamid ah xubnaha weerarka soo qaaday.

Ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijin kara sheegashada labada dhinac, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobolka Jubbada Hoose.

Xaalada ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo iyo guluf ay wadaan labada dhinac laga dareemayaa aagga Qooqaani oo ah meesha la’isku fara saaray.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa deegaannada Jubbaland ka socday howlgallo culus oo ay iska kaashanayeen ciidanka maamulkaas & kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

Saciid DENI oo maanta kala diray maxkamadda ciidamada

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kala diray maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ee maamulkaasi.

Sababta keentay kala dirista maxkamadda ciidamada ayaa lagu sheegay in cabasho isdaba joog ay soo gaartay Madaxweynaha, taasi oo ay la kulmayaan dadka rayidka ah.

“Waxaa la kala diray dhammaan Guddoomiyeyaasha, Garsoorayaasha iyo Xeer- ilaaliyayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Dowladda Puntland,” ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland.

Go’aannada xabsi-xalaalaynta ah ee la xiriira denbiyada culus ayaa la sheegay in ay gaarayaan maxkamadaha racfaanka ee maamulka Puntland, inta laga soo dhisayo maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus.

Hoos ka akhriso wareegtada:

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 09 ee 28-da Oktoobar 2025, kuna saabsan kala dirida Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Denbiyada Culus ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland:

Markuu arkay: Qodobka 80-aad, faqraddiisa 19-aad iyo Qodobka 87-aad ee dastuurka dowladda Puntland

Markuu arkay: Cabashooyinka taxanaha ah ee caddaalad-darro ee ka imaanaya guddoonka iyo Ggarsoorayaasha maxkamadda ciidamada qslabka sida iyo denbiyada culus.

Markuu tixgeliyey: Baahida dib-u-habeyn ee ka jirta guddoonka iyo xafiiska xeer-ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa la kala diray dhammaan guddoomiyeyaasha, garsoorayaasha iyo xeer- ilaaliyayaasha maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ee dowladda Puntland.

2. Go’aannada xabsi-xalaalaynta ah ee la xiriira denbiyada culus waxa gaaraya Maxkamadaha Racfaanka ee dowladda Puntland, inta laga soo dhisayo maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus

3. Saraakiishii hore ee garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ee dowladda Puntland waxay dib ugu laabanayaan talisyadoodii.

4. Xeerkani wuxuu dhaqan-galayaa marka uu madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Khasaare culus oo ka dhashay diyaarad ku burburtay Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) –  Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa diyaarad yar oo maanta ku burburtay degmada Kwale ee gobolka xeebta ee dalka Kenya.

Agaasimaha guud ee hay’adda duulista rayidka ee Kenya Emile Arao ayaa xaqiijiyay in diyaaradda oo lambarkeedu ahaa 5Y-CCA, ayna siday dad dalxiis u socday oo ku sii jeeday Kichwa Tembo oo ka tirsan gobolka Maasai Mara.

Stephen Orinde oo ah guddoomiyaha gobolka Kwale ayaa sheegay in diyaaradda ay ku dhacday qiyaastii meel qiyaastii 6 mayl u jirta magaalada Kwale, iyadoo ka duushay garoon yar oo ku yaalla magaalada Diani.

Waxaa dhintay dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda oo ahaa illaa 12 qof, waxayna ahaayeen dalxiisayaal kusii jeeday Maasai Mara oo inta badan loo dalxiis tego.

Sidoo kale, Sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday goobta uu shilka ka dhacay ayaa muujinayo diyaaradda oo gubaneysa.

Weli lama oga halka ama waddamada ay ka soo kala jeedaan, balse dhammaantood waxay ahaayeen dad ajnabi ah oo dalxiis u yimid.

Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay shilkan diyaaradeed, waxaana durba goobta gaaray kooxaha gurmadka.

Dhanka kale, dowladda Kenya ayaa goobta ay ku dhacday diyaaradda u dirtay ciidamo boolis ah waxaana socda gurmad deg-deg ah.

Si kastaa Shilalka nuucaani ah ayaa ku badan gudaha dalka Kenya, waxaana ahayd dhawaan markii diyaarad yar oo ay lahayd hay’adda caafimaadka Amref ay ku dhacday duleedka magaalada Nairobi, taas oo dishay 6 qof isla markaana dhaawacday laba kale.

Kadib weerarkii xalay, Duqa Muqdisho oo guddoomiyey kulan xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka amniga, oo ay goobjoog ahaayeen guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda, ku-xigeenka arrimaha bulshada, xoghayaha guud ee maamulka gobolka iyo guddoomiyeyaasha 20-ka degmo ee caasimadda.

Kulanka ayaa looga hadlay dardar-gelinta qorshayaasha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda iyo degmooyinka gobolka, xoojinta wada-shaqeynta iyo isku xirnaanta maamullada degmooyinka.

Sidoo kale waxaa diirada lagu saaray ka hortagga falalka amni-darrada dhaliya sida maandooriyaha iyo la-dagaallanka burcadda abaabulan ee weerada ku gambada, xilli uu xalay magaalada Muqdisho ka dhacay weerar ay fulisay kooxda Al-Shabaab.

Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa hoosta ka xarriiqay in ilaalinta nabadda iyo degganaanshaha ay aasaas u tahay horumarka guud ee dalka, isla markaana maamulkiisu uu diiradda saarayo gaaridda in bulshadu nabad ku leddo.

Shirka ayaa soo saaray in la sii joogteeyo tallaabooyinka lagu xaqiijinayo nabad-gelyada iyo difaaca shacabka ku nool caasimadda iyo daafaheeda, si’ aan loo wiiqin kobaca iyo horumarka magaalo-madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Kulankan ayaa imanaya xilli ay xalay kooxda Al-Shabaab weerar ku qaadeen kontoroolka Buurta Cali Janaale, oo ka mid ah meelaha muhiimka ah ee laga ilaaliyo amniga caasimadda.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa markii hore adeegsatay baasuukeyaal, waxaana xigay iska horimaad fool ka fool ah oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, kaas oo socday ku dhowaad 30 daqiiqo.

Fariisinka ciidan ee weerarka lagu qaaday waxaa degenaa ciidanka booliska ee gaarka u tababaran ee Haramcad, kuwaas oo si wadajir ah ula shaqeeya ciidanka Polizia Militare ee sugaya amniga magaalada.

Si kastaba, amniga caasimadda oo sanadihii dambe si weyn usoo hagaagayay ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro iyo falal lidi ku ah amniga oo ay fuliyaan dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab.

Dowladda oo shaacisay inay diyaaradaha ku qasbi doonto…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday qorshe cusub oo lagu doonayo in lagu qasbo shirkadaha diyaaradaha ee gudaha dalka inay qaadaan qudaarta iyo miraha laga soo saaro gobollada.

Qorshahan ayaa looga dan leeyahay in kor loogu qaado amniga cuntada iyo suuq-geynta wax-soo-saarka maxalliga ah, sida uu sheegay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Maxamed Cabdi Xayir.

Wasiirka oo ka hadlayey Madasha Horumarinta Beeraha ee Wasaaraddu qabatay Axaddii, ayaa xusay in beeraha iyo xoolaha ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, hase yeeshee ay jiraan caqabado badan sida dagaallo iyo burbur ku yimid kaabayaasha dhaqaale.

“Diyaaradaha waxaan ku qasbi doonaa inay qaadaan khudaarta gobollada laga soo saaro, si loo geeyo suuqyada dalka. Tani ma aha hadal cusub ee hore ayaan u sheegay,” ayuu yiri Wasiir Xayir, isagoo tilmaamay in shirkadaha diyaaradaha qaarkood aanay danaynin wax-soo-saarka gudaha.

Wuxuu ku eedeeyay shirkadaha diyaaradaha inay mudnaan siiyaan qudaarta laga keeno dalalka shisheeye, halka ay dayacaan midda laga soo saaro Soomaaliya.

“Nasiib-darro ayay tahay in diyaarado Soomaaliyeed ay khudaar dibadda ka keenaan, halka ay Baydhaba ka soo qaadi waayeen,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Wasiir Maxamed Cabdi Xayir.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in la ballaarin doono qeybta suuq-geynta qudaarta iyo miraha si loo kordhiyo wax-soo-saarka iyo tayada dalagyada gudaha, isagoo xusay in qorshahan uu qayb ka yahay dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo amniga cuntada iyo horumarinta dhaqaalaha reer miyiga, gaar ahaan suuqyada gudaha, si loo kordhiyo dakhliga iyo shaqo-abuurka bulshada reer miyiga.

Soomaaliya ayaa weli soo dhoofsata qudaar iyo miro, inkastoo ay leedahay dhul bacrin ah oo dabooli kara baahida gudaha haddii si buuxda loo maalgashado.

AL-SHABAAB oo weerar ka fulisay Muqdisho iyo dagaal toos ah oo dhacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar habeenkii xalay ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday fariisin ay ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa ka dhacay kontoroolka Buurta Cali Janaale, oo ka mid ah meelaha muhiimka ah ee laga ilaaliyo amniga caasimadda. Dagaal culus ayaa halkaas ku dhexmaray labada dhinac, kaas oo socday ku dhowaad 30 daqiiqo.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa markii hore adeegsatay baasuukeyaal, waxaana xigay iska horimaad fool ka fool ah oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogeyn tirada rasmiga ah ee khasaaraha.

Fariisinka ciidan ee weerarka lagu qaaday waxaa degenaa ciidanka Booliska ee gaarka u tababaran ee Haramcad, kuwaas oo si wadajir ah ula shaqeeya ciidanka Polizia Militare ee sugaya amniga magaalada.

Qoraal kooban oo kasoo baxay taliska Haramcad ayaa lagu sheegay in ay ciidamadu fashiliyeen qorshe ay Al-Shabaab ku doonayeen inay hoobiyeyaal kusoo tuuraan gudaha Muqdisho.

“Hawl-galka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Qabuuraha Kaxda iyo deegaanka Maracadde, oo dhanka koonfureed kaga beegan degmada Kaxda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxday taliska booliska Haramcad.

Taliska ma uusan shaacin cidda ku waxyeelloowday weerarka xalay ka dhacay Buurta Cali Janaale, goobtan oo marar badan ay hore ugu beegsadeen weerarro kooxda Al-Shabaab.

Daawo: Heshiis dhex-maray Soomaaliya iyo Pakistan oo walaac ka abuuray Hindiya

New Delhi (Caasimada Online) — Heshiis cusub oo dhinaca difaaca ah oo ay wada galeen Soomaaliya iyo Pakistan, kaasi oo ay ansixiyeen golaha wasiirrada Soomaaliya dabayaaqadii bishii Ogosto 2025, ayaa soo jiitay dareenka warbaahinta India. Warbaahinta India ayaa sheegaysa in heshiiskan uu Pakistan siin karo saameyn muddo dheer ah oo ay ku yeelato gudaha ciidanka badda Soomaaliya.

Saraakiisha Soomaalida ayaa sheegay in heshiisku yahay mid caadi ah. Waxay sheegeen inuu qayb ka yahay qorshe dib loogu dhisayo laguna casriyeynayo ciidamada ammaanka Soomaaliya kaddib sannado badan oo colaado ah.

Soomaaliya waxay isku dayeysaa inay ciidankeeda badda ka soo dhisto meel eber ah. Inta badan ciidankeeda badda wuxuu burburay wixii ka dambeeyay 1991, inkastoo dalku ay qasab ku tahay inuu ilaaliyo xeeb dhererkeedu yahay in ka badan 3,300 km, taasoo ah tan ugu dheer qaaradda Afrika.

Warbixinadu waxay sheegayaan in heshiisku uu ka kooban yahay tababar la siinayo ciidanka badda Soomaaliya, la dagaallanka burcad-badeedda, iyo taageero farsamo oo la siinayo doonyaha Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale aasaasayaa wax loogu yeeray Guddi Wadajir ah oo Iskaashiga Difaaca ah (JDCC). Guddigan ayaa kulmi doona sannad kasta si uu “dib-u-eegis iyo jiheyn” ugu sameeyo sida heshiiska loo fulinayo.

Falanqeeyayaasha reer India, guddigan ayaa ah welwelka ugu weyn.

Waxay sheegeen in JDCC uusan ahayn kulan kaliya. Waxay ku doodayaan inuu Pakistan siinayo door joogto ah oo ay ku leedahay gaarista go’aannada muhiimka ah ee ku saabsan ciidanka badda Soomaaliya. Sannad kasta, guddigu wuxuu gacan ka geysan karaa go’aaminta sida loo tababarayo saraakiisha Soomaalida, waxa ay noqonayaan shuruucda iyo habraacyada rasmiga ah ee ciidanka badda, sida loo dayactirayo maraakiibta, iyo sida loo abaabulayo roondooyinka badda.

Warbaahinta India waxay sheegtay in marka ay arrintani soo noqnoqoto sannad kasta, ay qaabeyn karto dhaqanka, fikirka, iyo nidaamyada maalinlaha ah ee ciidanka badda. Sida ay u arkaan, tani waxay ka dhigan tahay in Pakistan aysan kaliya tababari doonin Soomaaliya, balse ay gacan ka geysan doonto qaabeynta sida uu u shaqeeyo ciidanka badda Soomaaliya.

Wargeyska The Sunday Guardian, oo ah warbaahin ka soo baxda India, ayaa ka digay in guddigu uu Soomaaliya ka abuuri karo nooc ka mid ah “saameyn militari oo barbar socota.” Wargeysku wuxuu sheegay in arrinta dhabta ah aysan ahayn kaliya cida tababaraysa badmaaxiinta Soomaalida. Arrintu waxay tahay: waa kuma cida go’aaminaysa waxa la dhigayo, iyo sababta.

Warbaahin kale oo Indian ah, Zee News, ayaa sheegtay in halistu ay tahay ku-tiirsanaan. Waxay ku doodaysaa in haddii tababarka, buugaagta hagista, agabka kaydka, dayactirka, iyo daryeelka maraakiibta ay dhammaan ka yimaadaan hal dal, markaas ay Soomaaliya “ku dhegeyso” dalkaas. Isbeddelka dambe wuxuu noqonayaa mid qaali ah oo adag. Zee News waxay sheegtay in JDCC ay tahay meesha ay ku-tiirsanaantani ku noqon karto mid rasmi ah, sababtoo ah waa meesha lagu ansixin doono qorshayaasha tababarka, jadwallada dayactirka, iyo qandaraasyada taageerada.

Warbaahin saddexaad, TFIpost, ayaa heshiiska u aragta si ka ballaaran oo istiraatiiji ah. Waxay sheegtay in Pakistan ay doorkan Soomaaliya uga faa’iideysan karto inay kula socoto oo ay ku qaabeyso dhaq-dhaqaaqyada ka jira biyaha ku wajahan marinka Bab el-Mandeb — oo ah waddo badeed muhiim u ah ganacsiga iyo tamarta India.

Warbixinnada India ayaa sidoo kale tilmaamaya in Pakistan aysan ahayn saaxiibka kaliya ee ajnabiga ah ee jooga Soomaaliya.

Turkey wuxuu horay Soomaaliya uga waday mid ka mid ah barnaamijyada tababar ee shisheeye ee ugu waaweyn, wuxuuna ballaariyay doorkiisa sannadkii 2024, oo ay ku jirto taageerada dhinaca badda. Zee News waxay sheegtay in tani ay abuurayso dhibaato ah “laba taageere, hal ciidan bad”: oo ah laba dal oo kala duwan oo tababaraya islamarkaana qalabeeynaya isku ciidan bad. Taasi waxay keeni kartaa nidaamyo iska hor imanaya, qalab isku dhex jira, iyo jahawareer dambe marka ay Soomaaliya isku daydo inay la shaqeyso saaxiibbo kale, oo ay ku jirto India.

Faallooyinka qaar ee India ayaa sidoo kale doorka Pakistan la xiriiriya China. Warbaahinta Asian Lite ayaa sheegtay in hababka iyo heerarka loo isticmaalo dhoollatusyada badda ee China iyo Pakistan ee “Sea Guardian” ay inta badan raacaan tababarayaasha Pakistan.

Welwelka halkan ka jira ayaa ah in Soomaaliya ay si tartiib ah u qaadan karto nidaamyo u eg kuwa China — ma aha inay martigeliso saldhig Shiineys ah, balse iyadoo loo marinayo barnaamijyada tababarka, buugaagta hagista, iyo silsiladaha agabka kaydka. Falanqeeyayaasha India waxay sheegeen in taasi ay adkeyn karto wada-shaqeynta mustaqbalka ee lala yeesho India, sida roondooyinka la-dagaallanka burcad-badeedda.

Dowladda India si rasmi ah ugama aysan mudaharaadin heshiiskan. Haatan, welwelkan wuxuu ka imaanayaa warbaahinta India iyo faalleeyayaasha amniga, ee kama imaanayo Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee India.

Soomaaliya waxay sheegtay in heshiisku uu ku saabsan yahay madax-bannaani iyo awood-dhisid. Laakiin falanqeeyayaashu waxay sheegeen in Soomaaliya ay u baahan doonto dammaanad qaadyo adag si ay xakamaynta u sii haysato.

Talooyinka la soo jeediyay waxaa ka mid ah: in la daabaco ajandayaasha iyo qodobbada kulammada guddiga, in faahfaahinta iibka lala wadaago baarlamaanka, iyo in loo oggolaado goobjoogayaal dhex-dhexaad ah inay ka qayb galaan si loo hubiyo in ciidanka badda Soomaaliya uusan “ku xirmin” hal shirkad oo keliya oo ajnabi ah.

Marka la soo koobo, warbaahinta India waxay sheegtay in halistu ay tahay in guddiga cusub ee wadajirka ah uu si aamusan Pakistan “kaga siin karo kursi” gudaha ciidanka badda Soomaaliya xilli dib loo dhisayo. Waxay ku doodayaan in waxa ka dhaca guddigaas ay go’aamin doonaan heerka ay gaarsiisan tahay halistaas.

Xog ka cusub fadeexadda lacagta la sheegay in xafiiska Xamza uu ka qaatay Sweden

Stockholm (Caasimada Online) – Dowladda Sweden ayaa siisay Soomaaliya shan milyan oo kronor (qiyaastii 450,000 oo dollarka Mareykanka ah) si ay Soomaaliya u aqbasho dad badan oo laga tarxiilayo Sweden, sida ay sheegeen warbaahinta Sweden.

Xisbiga mucaaradka ah ee Social Democratic Party ayaa Wasiirka Socdaalka ee Sweden Johan Forssell u gudbiyay guddiga dastuuriga ah ee Sweden, iyagoo ka dalbanaya inuu sharraxaad ka bixiyo lacagahaas la bixiyay.

Wasiirka ayaa loo gudbiyay guddiga dastuuriga ah ee baarlamanka (oo Swedish-ka loogu yaqaan Konstitutionsutskottet, ama KU) kaddib markii wargeyska Dagens Nyheter (DN) ee ka soo baxa Sweden uu kashifay in dowladda Sweden ay lacag siisay Soomaaliya si ay Soomaaliya ugu oggolaato inay dib u qaadato dad badan oo la tarxiilay.

Sida uu sheegay wargeyska DN, dowladda Soomaaliya ayaa lacagtan u adeegsatay inay ku maalgeliso saddex shaqo oo loo abuuray dad ku dhow ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Morgan Johansson, oo ah afhayeenka arrimaha dibadda ee xisbiga Social Democrats ee Sweden (xisbiga ugu weyn mucaaradka), ayaa lacag bixintan ku tilmaamay “laaluush cad” oo la siiyay wax uu ku sifeeyay dowlad Islaami ah oo Soomaaliya ka jirta, sida uu tabiyay barnaamijka wararka ee raadiyaha dowladda Sweden ee Ekot.

“Tani waxay meel fog ka maraysaa waxa ay ahayd in dowladdu sameyso,” ayuu Johansson u sheegay Ekot. “Waa heshiis gebi ahaanba musuq-maasuq ku dhisan.”

Forssell ayaa difaacay heshiiska. Wuxuu u sheegay wakaaladda wararka TT ee Sweden in kani yahay “iskaashi aad muhiim u ah si aan awood ugu yeelanno inaan Sweden ka tarxiilno dembiilayaasha halista ah.”

“Iyagu ma rabaan inay guryahoodii ku noqdaan, taasina waxay ka dhigan tahay inaad u baahan tahay inaad hesho iskaashiyo si, tusaale ahaan, loo xaqiijiyo aqoonsigooda iyo waxyaabo kale. Haddii kale Sweden ayay iska joogayaan,” ayuu yiri.

Horraantii bishan, Ekot wuxuu tabiyay in lacag gargaar oo Swedish ah loo diray Bankiga Adduunka iyo Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) si loogu isticmaalo mashaariic ku dhow ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Sida ay sheegtay Ekot, tani waxay qayb ka ahayd heshiis lagu doonayay in Soomaaliya lagu oggoleysiiyo inay aqbasho dad badan oo laga tarxiilay Sweden.

Forssell – oo ahaa wasiirka gargaarka iyo ganacsiga Sweden xilligii lacagta la bixinayay – ayaa arrintan dafiray. Wuxuu sheegay in lacagta la isticmaalay aysan ahayn “lacag gargaar.”

“Waxaan heshiis la leenahay hay’ad ka tirsan Qaramada Midoobay, Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM). Kaddib IOM waxay heshiis la leedahay Soomaaliya,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in dowladda Sweden ay ahayd “mid gebi ahaanba daah-furan.”

Soomaaliya waxaa loo arkaa mid ka mid ah dalalka ugu musuq-maasuqa badan adduunka, wargeyska DN wuxuu kaloo sheegay in xubno ka tirsan qoyska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya si gaar ah loogu xushay shaqooyinka lagu maalgeliyay lacagta Sweden.

“Waan ku kalsoonahay go’aannada ay gaarto IOM,” ayuu yiri Forssell. “Haddii aan heli lahayn xog tilmaamaysa in ay jiraan wax is-daba marin ah, markaas dabcan waan ka falcelin lahayn. Laakiin ilaa hadda ma aanan helin wax xog ah oo noocaas ah.”

Sida uu sheegay Forssell, tirada dadka ku laabanaya dalalkoodii ee ka tagaya Sweden – ha ahaato kuwo si ikhtiyaar ah u baxay ama kuwo si qasab ah loo tarxiilay – ayaa si weyn u kordhay tan iyo markii ay dowladda hadda jirta ee Sweden ay xilka kala wareegtay xisbiga Social Democrats in ka badan saddex sano ka hor.

“Xisbiga Social Democrats waxba kama aysan qaban tarxiilidda dadka halista ah ee dembiyada ka galay Sweden. Arrintaasi hadda way dhammaatay,” ayuu yiri.

Loo gudbiyay KU? Maxay taasi ka dhigan tahay?

Gudaha Sweden, waa wax iska caadi ah in siyaasiyiinta mucaaradka ah ama xisbiyadu ay wasiir u gudbiyaan guddiga dastuuriga ah ee baarlamanka. Afka Swedish-ka waxaa lagu magacaabaa “KU-anmälan.”

Guddigan wuxuu si rasmi ah u leeyahay awoodda uu dacwado sharci ah kaga soo oogo wasiir haddii ay go’aansato in wasiirku uu sharciga jabiyay. Xaqiiqdii, taasi ma dhicin tan iyo bartamihii 1800-meeyadii.

Sida caadiga ah, “KU-anmälan” waxay ku dhammaataa laba qaab midkood: guddigu wuxuu soo saaraa dhaleecayn (asal ahaan digniin rasmi ah), ama baarlamanka ayaa laga codsadaa inuu u codeeyo kalsooni kala noqosho wasiirka.

Codka kalsooni kala noqoshada micnaheedu waa in aqlabiyadda baarlamanku ay tahay inay u codeeyaan sidii wasiirka xilka looga qaadi lahaa. Taasi marar dhif ah ayay guuleysataa, sababtoo ah wasiirradu waxay badanaa ka tirsan yihiin isbaheysiga siyaasadeed ee horayba u haystay aqlabiyadda baarlamanka.

Dowladda Yemen oo kashiftay xog xasaasi ah oo ku saabsan Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

0

Cadan (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Yemen, Sarreeye Guuto Ibrahim Haydan, ayaa waraysi uu siiyay telefishinka Al Hadath ku kashifay in qaar ka mid ah unugyada Xuutiyiinta ee ay dhowaan qabteen ciidamada ammaanku ay xiriir toos ah la leeyihiin Al-Shabaab, oo ah kooxda xagjirka ah ee fadhigeedu yahay Soomaaliya.

Hadalkan ayaa muujinaya walaac si weyn u sii kordhaya oo ku saabsan iskaashiga mintidiinta ee ka gudba xuduudaha ee gobolka.

“Qaar ka mid ah unugyada Xuutiyiinta ee aan burburinnay kaligood ma shaqeynaynin—waxay xiriir la lahaayeen shabakadaha Al-Shabaab, taasoo halis weyn ku ah amniga gudaha Yemen iyo xasiloonida gobolka,” ayuu yiri Ibrahim Haydan.

Wasiirku ma uusan shaacin tirada saxda ah ee dadka la xiray balse wuxuu xaqiijiyay in baaritaannadu ay socdaan iyo in warbixinnada sirdoonku ay muujinayaan isuduwid saadka iyo hawlgallada ah oo ay wadaagaan Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab.

Natiijooyinkan waxay la jaanqaadayaan qiimeyno caalami ah oo dhowaan soo baxay kuwaas oo ka digayay xiriirka sii xoogeysanaya ee labada kooxood, gaar ahaan gobollada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Falanqeeyayaasha amniga waxay aaminsan yihiin in iskaashigan uu ku jiri karo kala wareejinta hubka, is-dhaafsiga tababarrada, iyo wadaagista sirdoonka badda, gaar ahaan iyadoo labada kooxood ay doonayaan inay ballaariyaan saameyntooda ayna carqaladeeyaan waddooyinka maraakiibta ganacsiga iyo kuwa militariga.

Wasiir Haydan wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga gobolka iyo kan caalamiga ah si looga hortago halisahan, isagoo ugu baaqay waddamada deriska ah iyo saaxiibada caalamka inay taageeraan dadaallada Yemen ee lagu burburinayo shabakadaha xagjirka ah iyo ilaalinta marinnada badda.

Kashifaaddan waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ay jiraan walaacyo ballaaran oo ku saabsan isbahaysiga dibadda ee Xuutiyiinta, iyadoo warbixinno hore ay muujinayeen xiriiro ay la leeyihiin Xizbullah iyo maleeshiyooyin ay Iran taageerto oo ku lug leh ka ganacsiga maandooriyaha iyo tahriibinta hubka.

Dowladda Yemen ayaa ballanqaaday inay xoojin doonto hawlgallada la dagaallanka argagixisada ayna adkeyn doonto amniga xuduudaha si looga hortago soo dhex-galka dheeraadka ah ee kooxaha mintidiinta ah ee dibadda laga taageero. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa la filayaa inay warbixin faahfaahsan ka soo saarto natiijooyinka la helay toddobaadyada soo socda.

DIGNIIN laga soo saaray xeebaha Somalia kadib markii aagga Garacad lagu arkay….

Garoowe (Caasimada Online) – Shirkadaha amniga badaha ayaa uga digay milkiilayaasha maraakiibta khatar soo cusboonaatay oo ah dhaqdhaqaaq burcad-badeed oo ka imanaya xeebaha Soomaaliya.

Shirkadda Africa Risk Compliance (ARC) ayaa sheegtay in maalintii Axadda lagu soo warramay “in la arkay wax u eg” koox burcad-badeed ah, meel ka baxsan xeebta Garacad, oo ka tirsan deegaanka Puntland ee Soomaaliya.

Shirkadda Ambrey Analytics ayaa sidoo kale sheegtay inay heshay warbixin muujinaysa in la arkay koox looga shakisan yahay inay yihiin burcad-badeed.

Mas’uuliyiinta ciidamada badda ee gobolka ayaa waday baaritaan ku aaddan arrintan, ayay raacisay shirkadda.

Wax dhacdo ah oo la xiriirta burcad-badeednimo salka ku haysa Soomaaliya ma dhicin tan iyo bishii Abriil, inkastoo toddobaadyadii la soo dhaafay ay jireen warbixino sheegaya in la arkay wax u muuqday maraakiib iyo doonyo yaryar oo dheereeya, sida ay sheegtay ARC.

“Warbixino kale oo noocan ah ayaa la filan karaa marka uu dhammaado xilliga dabaylaha, maaddaama cimiladu ay u sahlanaanayso kooxaha burcad-badeedda inay hawlgalaan,” ayay shirkaddu raacisay.

Shirkadda Ambrey waxay kula talisay maraakiibta ganacsiga inay kordhiyaan heegankooda ayna adeegsadaan ilaalo hubeysan halkii ay kaga suurtogasho.

Waa in maraakiibtu ay soo wargeliyaan haddii ay arkaan wax dhaqdhaqaaq ah oo shaki dhaliya, ayay sheegtay.

Bishii Abriil, milkiilayaasha maraakiibta ayaa sidoo kale looga digay khatar dib usoo cusboonaan karta oo burcad-badeednimo ah oo ka iman karta xeebaha Soomaaliya.

Maalintii Axadda, waxaa la arkay koox looga shakisan yahay inay burcad-badeed yihiin oo ka amba-baxaysay deegaanka Marreya ee xeebta Eyl.

Doon ku sugnayd gobolka ayaa goor sii horreysay waxaa saarnaa oo dhacay kooxo hubeysan, kuwaas oo ka qaatay saddex doonyood oo yaryar oo midkiiba uu ku xiran yahay matoor awooddiisu tahay 60-horsepower.

Bilihii la soo dhaafay, Badda Cas, Galbeedka Afrika iyo Marinka Singapore ayaa dhinaca weerarrada iyo burcad-badeednimada walaac weyn ugu hayay maraakiibta marka loo barbardhigo Soomaaliya.

Bishii Maarso, ayaa lasii daayay dooni kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha, taasoo ay dabayaaqadii bishii Nofeembar afduubteen kooxo hubeysan oo Soomaali ah, si ay dib ugu laabato dalkeeda.

Doonida Liao Dong Yu “waa la xoreeyay”, sida ay ciidamada badda ee Hawlgalka Midowga Yurub ee Atalanta ku sheegeen qoraal ay soo dhigeen baraha bulshada, iyagoo soo xiganaya safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya.

“Wax dhaawac ah ma soo gaarin cid ka tirsan shaqaalihii doonida, markabkuna wuxuu ku sii socdaa biyo ammaan ah,” sida lagu sheegay qoraalka.

Agaasimihii Warfaafinta Villa Somalia oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbeddel maamul ayaa caawa lagu sameeyay Xafiiska Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta ee Villa Soomaaliya, sida ay shaacisay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa xilka Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada looga qaaday Maxamed Aadan Maxamed (Dugoow), oo xilkaas hayay muddo ku dhow sanad.

Xilka Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada ayaa si rasmi ah loogu magacaabay Cabdicasiis Xasan Maxamed (Golfyare), oo ah suxufi sare oo si weyn uga dhex muuqday saxaafadda Soomaaliya.

Cabdicasiis Golfyare ayaa xilka kala wareegi doona Maxamed Dugoow, oo horraantii sanadkan loo magacaabay xilka Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Dugoow ayaa markaas kusoo baxay isku shaandheyn ballaaran oo lagu sameeyay Agaasinka Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaliya, iyadoo uu markaas ahaa Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Madaxtooyada oo laga soo beddelay.

Isbeddelkan cusub ayaa imanaya xilli xasaasi ah oo isbeddelo dhowr ah ay ka dhaceen xafiiskan, iyadoo muddo kooban ay soo mareen agaasimayaal dhowr ah, kuwaas oo qaarkood ay xilka hayeen muddo ku siman laba bilood.

Sidoo kalena wuxuu qayb ka noqonayaa dadaallada lagu xoojinayo hab-maamulka iyo hufnaanta warfaafinta ee Madaxtooyada, waxaana la filayaa in agaasimaha cusub uu dardar geliyo howlaha la xiriira warbaahinta iyo xiriirka dadweynaha ee Villa Soomaaliya.

Sida Deni u maareyn karo kala jabka siyaasadda Daaroodka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waa hoggaamiye ku soo beegmay xilli u eg xilliyo hore oo beelaha Daaroodka ku abtirsada siyaasad iskaga hor yimaadeen, tan iyo dhowr toddobaatankii sano ugu dambeeyay. Qarannimada iyo danta Soomaaliya ayaa ka faa’iidday iska ka hor imaadyadaas.Somalia history books

Dabayaaqadii kontonaadkii qarnigii hore (1954-1959) Xaaji Muuse Boqor, oo ka tirsanaa Golihii Wasiirrada ee dowladdii gobanimogaarsiinta (daakhliyada loo garan og yahay), ayaa ka hor yimid Ra’iisal Wasaare Cabdullaahi Ciise Maxamuud. Xaaji Muuse wuxuu ku guuldarraystay inuu abaabulo odaayaashii daroodka ugu magacweynaa kuna noolaa Muqdisho.

Xaaji Diiriye ayaa go’aanka beesha Daarood ku dhawaaqay. “Darood ma noqonayo Talyaani kalkaal (pro-Italian). Ra’iisal Wasaare Daarood ah ma qaban lahayn inta uu Cabdulaahi Ciise Maxamuud qabtay in ka badan” ayuu Xaaji Diiriye yiri.

Xaaji Muuse Boqor wuu aqbalay in laga guulaystay. Maxamuud Ciise Truniju wuxuu ku qoray buuggiisa Somalia The Untold History 1941-1969 in Xaaji Muusq Boqor midowgii kaddib uu yeeshay saameyn siyaasadeed oo weyn.

Dhammaadkii toddobaatankii ilaa billowgii siddeetamaadkii (1978-1984), ayuu kala-jabkii Daaroodku mar kale dhacay markii jabhaddii SSDF ay saldhigyo ka samaysatay Itoobiya kaddibna fududeysay in Itoobiya qabsatay degmooyin Soomaaliyeed (Galdogob iyo Balanbaalle). Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, oo la kufaakacay saameyntii dagaalkii 1977, ayaa fursad ka helay duullaankii Itoobiya ku soo qaaday Mudug iyo Galguduud.

Wuxuu sidoo kale helay taageerada Soomaalida oo dhan; Galbeedku aad ayay u hubeeyeen Xoogga Dalka oo waxay ka hortagayeen wax ay arkayeen in SSDF fulinaysay qorshayaashii Midowga Soofiyeeti ku doonayay inuu ku soo noqdo Badweynta Hindiya, inkastoo SSDF xubnaheedu badankood ay diiddanayeen Shuuciyadda, kana fekerayeen sidii ay uga soo guuri lahaayeen Itoobiya.

Markii dambe ciidammadii SSDF badankood waxay ku noqdeen Soomaaliya kaddib markii ay ogaadeen inay markii horeba qalad ahayd in jabhad doonaysa in xukun rayid lagu soo celiyo Soomaaliya ay saldhigyo ka samaysatay dal shuuciyad ka hirgashay oo ku tiirsanaa dalkii la oran jiray Midowga Soofiyeeti.

Billowgii sagaashankii (1991) ee qarnigii hore ayuu Daaroodku laba garab u kala jabay mar seddexaad: garab markii hore aad u awood-badnaa oo asaasay jabhadii SNF (Somali National Front) iyo garab aad awood u yaraa oo ay hoggaaminyeen Maxamed Abshir Muuse iyo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen. Maxamed Abshir Muuse wuxuu ahaa Ra’iisal Wasaare ku xigeenkii dowladdii uu ururkii USC (United Somali Congress) dhisay.

Wuxuu u arkayay dhibaatooyinkii Muqdisho ka dhacayay kuwo ay sababeen sharciga iyo kala-dambaynta oo meesha ka baxay. Wuxuu kale oo aamminsanaa in garwadeenka siyaasadda Soomaalida (Somali political elites) aysan awood ka raadinin isku dirka beelaha Soomaalida maadaama Soomaaliya markaas ay la rafanaysay saameyntii taliskii miltariga iyo kalitaliska ahaa oo 21 sano dalka ka talinayay.

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen isaguna sidaad buu aamminsanaa. Waxay isku raaceen in colaadda la joojiyo oo Daaroodkii u qaxay Kismaayo la heshiiyaan dowladdii ku meelgaarka.

Waxaa taladaas diiday kooxihii asaasay jabhaddii SNF oo u badnaa rag taliskii kacaanka la shaqaynayay, u badnaa rayid, qaarkood saldhiggoodu noqday Nayroobi oo baararka la taagnaa halheeskii “Sharafta Daarood baannu soo celinaynaa.” Waa isla madaxdii dhulka ay ka soo jeedaan ka hagraday horumarin iyo xitaa xeryo militari, taageerayay gaboodfalladii taliskii Siyaad Barre ka geystay Mudug iyo Nugaal.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waa hoggaamiye ku soo beegmay xilli u eg xilliyo hore oo beelaha Daaroodka ku abtirsada siyaasad iskaga hor yimaadeen, tan iyo dhowr toddobaatankii sano ugu dambeeyay. Qarannimada iyo danta Soomaaliya ayaa ka faa’iidday iska ka hor imaadyadaas.Somalia history books

Dabayaaqadii kontonaadkii qarnigii hore (1954-1959) Xaaji Muuse Boqor, oo ka tirsanaa Golihii Wasiirrada ee dowladdii gobanimogaarsiinta (daakhliyada loo garan og yahay), ayaa ka hor yimid Ra’iisal Wasaare Cabdullaahi Ciise Maxamuud.

Xaaji Muuse wuxuu ku guuldarraystay inuu abaabulo odaayaashii daroodka ugu magacweynaa kuna noolaa Muqdisho. Xaaji Diiriye ayaa go’aanka beesha Daarood ku dhawaaqay. “Darood ma noqonayo Talyaani kalkaal (pro-Italian). Ra’iisal Wasaare Daarood ah ma qaban lahayn inta uu Cabdulaahi Ciise Maxamuud qabtay in ka badan” ayuu Xaaji Diiriye yiri.

Xaaji Muuse Boqor wuu aqbalay in laga guulaystay. Maxamuud Ciise Truniju wuxuu ku qoray buuggiisa Somalia The Untold History 1941-1969 in Xaaji Muusq Boqor midowgii kaddib uu yeeshay saameyn siyaasadeed oo weyn.

Dhammaadkii toddobaatankii ilaa billowgii siddeetamaadkii (1978-1984), ayuu kala-jabkii Daaroodku mar kale dhacay markii jabhaddii SSDF ay saldhigyo ka samaysatay Itoobiya kaddibna fududeysay in Itoobiya qabsatay degmooyin Soomaaliyeed (Galdogob iyo Balanbaalle). Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, oo la kufaakacay saameyntii dagaalkii 1977, ayaa fursad ka helay duullaankii Itoobiya ku soo qaaday Mudug iyo Galguduud.

Wuxuu sidoo kale helay taageerada Soomaalida oo dhan; Galbeedku aad ayay u hubeeyeen Xoogga Dalka oo waxay ka hortagayeen wax ay arkayeen in SSDF fulinaysay qorshayaashii Midowga Soofiyeeti ku doonayay inuu ku soo noqdo Badweynta Hindiya, inkastoo SSDF xubnaheedu badankood ay diiddanayeen Shuuciyadda, kana fekerayeen sidii ay uga soo guuri lahaayeen Itoobiya.

Markii dambe ciidammadii SSDF badankood waxay ku noqdeen Soomaaliya kaddib markii ay ogaadeen inay markii horeba qalad ahayd in jabhad doonaysa in xukun rayid lagu soo celiyo Soomaaliya ay saldhigyo ka samaysatay dal shuuciyad ka hirgashay oo ku tiirsanaa dalkii la oran jiray Midowga Soofiyeeti.

Billowgii sagaashankii (1991) ee qarnigii hore ayuu Daaroodku laba garab u kala jabay mar seddexaad: garab markii hore aad u awood-badnaa oo asaasay jabhadii SNF (Somali National Front) iyo garab aad awood u yaraa oo ay hoggaaminyeen Maxamed Abshir Muuse iyo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen. Maxamed Abshir Muuse wuxuu ahaa Ra’iisal Wasaare ku xigeenkii dowladdii uu ururkii USC (United Somali Congress) dhisay.

Wuxuu u arkayay dhibaatooyinkii Muqdisho ka dhacayay kuwo ay sababeen sharciga iyo kala-dambaynta oo meesha ka baxay. Wuxuu kale oo aamminsanaa in garwadeenka siyaasadda Soomaalida (Somali political elites) aysan awood ka raadinin isku dirka beelaha Soomaalida maadaama Soomaaliya markaas ay la rafanaysay saameyntii taliskii miltariga iyo kalitaliska ahaa oo 21 sano dalka ka talinayay.

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen isaguna sidaad buu aamminsanaa. Waxay isku raaceen in colaadda la joojiyo oo Daaroodkii u qaxay Kismaayo la heshiiyaan dowladdii ku meelgaarka.

Waxaa taladaas diiday kooxihii asaasay jabhaddii SNF oo u badnaa rag taliskii kacaanka la shaqaynayay, u badnaa rayid, qaarkood saldhiggoodu noqday Nayroobi oo baararka la taagnaa halheeskii “Sharafta Daarood baannu soo celinaynaa.” Waa isla madaxdii dhulka ay ka soo jeedaan ka hagraday horumarin iyo xitaa xeryo militari, taageerayay gaboodfalladii taliskii Siyaad Barre ka geystay Mudug iyo Nugaal.

W/Q: Aadan M. Daawad

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Maxamuud Cabdi Xaamud – Saaxiibka dhow ee Axmed Diiriye oo la dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya saaxiibbada caalamka ayaa duqeyn qorshaysan ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdi Xaamud, kuna magac dheeraa Jacfar Gurey.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in horjooge Jacfar Gurey uu ka mid ahaa aas-aasayaashii Al-Shabaab, isagoo saaxiib dhow la ahaa horjoogayaashii isaga ka dambeeyay hoggaanka kooxda, Axmed Cabdi Godane iyo Axmed Diiriye, kuwaas oo uu muddo dheer la soo shaqeeyay.

Duqeynta Maxamuud Cabdi Xaashi (Jacfar Gurey) ayaa xalay ka dhacday magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe, sida ay shaacisay dowladda.

Horjoogahan sare ayaa hore u soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen, Madaxa Amniga Dibadda, Madaxa Amniga Madaxda Al-Shabaab, iyo Madaxa Daba-galka, dhammaan xilalkaas oo la xiriiray hawlaha sirdoonka, qorsheynta weerarrada iyo dilalka arxan darrada ah ee Khawaarijta.

Ninkan ayaa door muuqda ku lahaa maalgelintii iyo dhismihii hore ee Shabaabka, isagoo qayb ka ahaa lacag laga soo dhacay shirkad Itoobiyaan ah oo uu la socday horjoogihii hore ee kooxda, Axmed Cabdi Godane, taas oo lagu maalgeliyay aasaaskii ururka Al-Shabaab.

Howl-galka guuleystay ee lagu khaarijiyay Jacfar Gurey ayey dowladdu sheegtay in uu ka tarjumayo wada-shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamka ee ku aaddan la dagaallanka kooxahaargagixisada, si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida, iyo nabadda shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya waxay mar kale u xaqiijisat muwaadiniinta Soomaaliyeed in howl-gallada qorsheysan ee ka dhanka ah argagixisada ay sii socon doonaan ilaa dalka laga xoreeyo kooxahan, si shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad, xasillooni iyo horumar waara.

R/W Xamza oo sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta xilka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Yuusuf Maxamed, kadib wareegto uu soo saaray goordhaweyd, isagoo magacaabay mid kale.

Xamza ayaa Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada u magacaabay Mudane Prof. Saalim Caliyow Ibrow, wuxuuna sheegay inuu ku xushay aqoontiisa iyo kartidiisa.

“Ra’iisul Wasaaraha, ayaa markii uu arkay howsha baaxadda leh iyo shaqada hortaalla Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha  Bulshada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uu u magacaabay Mudane Prof. Saalim Caliyow Ibrow, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda JFS” ayaa lagu yiri wareegtada.

Saalim Caliyow Ibrow ayaa ah rugcadaa siyaasadeed oo xilal kala duwan kasoo qabtay dalka, wuxuuna mar isku soo sharraxay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Indhowaanahan Xamza ayaa waday isbeddallo waa wayn oo ku aadan xukuumadda Dan-Qaran, wuxuuna maalmo kahor sidaan kale u magacaabay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha howlaha guud, dib-u-dhiska iyo guriyeynta iyo wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoloojiyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Magacaabista ka socota xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriirta isbeddal wayn ee ay waddo xukuumaddiisa oo dhawan saddex sano jirsatay, si loo dardargeliyo shaqadeeda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale la yimid isla xisaabtan golaha wasiirada ah, isaga oo kormeer ku tegay dhowr xarumood oo muhiim ah, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo cabasho ay kadib, balse la xalliyay iyo xarumo wasaaradeed oo ku yaalla caasimada oo uu ku tegay booqashooyin, si uu qiimeeyo shaqada ka socota.

Waxaa kale ra’iisul wasaaruhu xalliyay cabashooyin badan oo ka yimid wasaaradaha qaar oo shaqaaluhu ay kasoo cawdeen, isagoo toos u farogeliyay, waxna ka qabtay arrimahaasi.

DF Soomaaliya oo war cusub ka soo saartay go’aanka lacag ka dhigista kaarka NIRA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Diiwaan-gelinta iyo Aqoonsiga Qaranka ee NIRA ayaa waqti dheeraad ah ku dartay xilliga rasmiga ah ee lacag laga dhigayo qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka oo muhiim u ah dadweynaha Soomaaliyeed.

NIRA ayaa hore u sheegtay in wixii ka dambeeya 31-ka bishaan October ee sanadkan qaadashada kaarka uu noqon doono adeeg lacag lagu bixiyo, balse haatan waxaa laga dhigay illaa bisha November.

“Waxaan rabnaa in fursad kale maanta ugu darno bulshada oo bisha November uu bilaash sii ahaan doono qaadashada kaarka aqoonsiga qaranka,” ayuu yiri Maareeyaha NIRA, Cabdiweli Timacadde oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho.

Go’aankan cusub ayaa imanaya xilli uu ciriiri badan ka jiro xarumaha qaadashada kaarka NIRA, isla markaana ay hay’addu qorsheynayso in waqtiyada shaqada ku darto habeenkii.

“Waxaa rabnaa si loo xoojiyo waqtiga shaqada in aan sameyno shift habeenkii ah, hadda hay’addu waxay shaqeysa 7-da subaxnimo illa Maqribkii, waxaan rabnaa in aan sameyno shift ka bilaabanaya Maqribkii illaa 12-ka habeennimo ” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Maareeyaha NIRA.

Hay’addu weli ma sheegin inta ay le’eg tahay lacagta laga qaadayo qofka u baahan kaarkaan marka uu dhamaado waqtiga kooban ee ka haray muddada bilaashka lagu qaadanayo kaarka NIRA.

Kaarka Aqoonsiga Qaranka ayaa muhiim u ah muwaadinka, waxaana dhawaan dowladda Soomaaliya ay waajib ka dhigtay qaadashada kaarkan oo ay ku xirtay adeegyada hay’adaha dowladda iyo shirkadaha sida gaarka ah ee loo yahay, iyada oo fartay in aysan u adeegin qof aan wadan kaarka NIRA.

“Ciddii u adeegta qof aan waddan kaarka NIRA waxaan u arkaynaa inay wax u fududeysay Khawaarijta waana lala xisaabtamayaa,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo horay ku dhawaaqay go’aanka lagu dhaqan-gelinayo kaarka NIRA.

Tallaabadan ayey dowladdu ku sheegtay mid qayb ka ah dadaalka qaran ee lagu doonayo in lagu casriyeeyo maamulka guud, laguna tayeynayo adeegyada bulshada, iyadoo lagu xoojinayo amniga, laguna xaqiijinayo in Soomaali kasta si sax ah loo aqoonsado loona diiwaan-geliyo.