26.5 C
Mogadishu
Wednesday, July 16, 2025

7 qodob oo laga soo saaray shirka xulufada Puntland, HirShabelle iyo K/Galbeed

Garoowe (Caasimada Online) – Maamullada Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, ayaa shir saddex geesood ah oo ay ku samaysanayeen is-bahaysi ka furay magaalada Garoowe ee xarunta Galmudug.

Shirkan oo furay madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni, ayaa  waxaa ku wehelinaayey Madaxweynayaasha Maamulada Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan Laftagareen, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wasiirada sadexda garab ee shirku u furmay.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta saddexdan maamul ay u yeesheen shir gaar ah oo ay ka maqan yihiin maamul goboleedyada Jubaland iyo Galmudug, inkasta oo Puntland ay isbahaysi kale oo gaar ah la leedahay maamulladaas.

Si kastaba, shirkan oo looga wada-hadlay iskaashiga dhinacyada federaalaynta dalka, amniga, horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga, tayaynta hay’addaha dowladda iyo isweydaarsiga xogaha iyo khibradaha, ayaa waxaa kasoo baxay qodobada soo socda:

Sawirro: Madaxweyne Muuse Biixi oo la kulmay safiirka UK

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Ben Fender oo maanta soo gaaray magaalada Hargeysa.

Kulanka waxa lagaga wada hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen sidii looga wada shaqayn lahaa siyaasada guud iyo amaanka mandaqada geeska oo ay Somaliland ku leedahay door, diyaar garawga iyo qabsoomida arrimaha doorashooyinka wakiilada iyo golayaasha deegaanka, geediga dimuquraadiyada, dardar-gelinta iyo kor u qaadida kaalmooyinka horumarineed ee dawladda Ingiriisku ku taageerto Somaliland iyo xoojinta xidhiidhka labada dhinac.

Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu safiirka iyo weftiga uu hoggaaminayo warbixin mug iyo miisaan leh ka siiyey horumarka ay ku tallaabsadeen shacbiga iyo Xukuumadiisu.

Dhiniciisa waxa uu safiirku madaxweynaha ku bogaadiyey sida qiimaha leh ee uu u qaabilay iyo warbixinaha waafiga ah ee uu ka siiyey horumarka ay ku talaabsadeen.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Shanta maamul goboleed oo ka hor-yimid tallaabo ay qaaday xukuumadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Iskaashiga Wasaaradaha Maaliyada ee xubnaha ka ah Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa ka hor-yimid xeerka Cashuuraha dalka ee Wasiirka Maaliyadda dowladda federaalka uu horgeeyey Golaha baarlamanka federaalka Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay maamul goboleedyada ayaa lagu sheegay inay yaab ku noqotay in wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle “uu Xeerka Cashuuraha Dalka horgeeyey Golaha Baarlamaanka Soomaaliya isagoo aan cidna kala tashan kung xadgudbay hiigsiga nidaam federal ah oo ka dhaqangala dalka oo dhan.”

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in xeerkan “uu Wasiirku afduubay islamarkaana uu si buuxda uga hor-imaanayo Dastuurada Maamullada iyo hab-fulinta xeerarka cashuuraha dalka. “

Maamul goboleedyada ayaa ugu baaqay xildhibaannada baarlamanka in aysan ansixin xeerkan, maadaama ay sheegeen inuusan ka dhaqan gali doonin deeganadooda.

Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka

“Dowlad timid 2017 ma aha inay culeys ku noqoto maqaamka caasimadda”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay waxqabadkii dowladii Xasan Sheikh Maxamuud iyo waxqabadka dowladda hadda dhisan ee dhanka dhismaha maamulada.

Yuusuf Garaad ayaa sheega in dowladii uu hogaaminayay madaxweyne Xasan Sheikh Dhibaato badan kadib iney ku guuleysatay dhismaha maamul goboleedyada hadda ka jira dalka qaarkood.

Wuxuu sheegay in awood, isku dhac iyo Khilaaf badan kadib uu ku guuleystay inuu dhiso maamulada Hirshabeelle, Galmudug, Jubbaland iyo Koofur Galbeed, waxaana ka horeeyay maamulka Puntland.

Wuxuu sheegay in dowladda hadda dhisan looga baahan yahay inay ka shaqeyso dhismaha maqaamka gobolka Banaadir, waxaana uu si dadban u weeraray dowladda.

“Dowladdii xilka qabatay 2012, Khilaaf, muran, gacan maroojis xanuun badan iyo isku dhac ka dib waxay aqbashay ama iyadu ay hirgelisay unkidda Afar Dowlad Goboleed”

“Dowladda Xilka qabatay 2017 ma ahan in uu culeys ku noqdo Maqaamka Caasimaddu, si uu u dhammaystirmo heykalka Federaalku”ayuu yiri Yuusuf Garaad Cumar.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda xiriir aan wanaagsan uu kala dhaxeeyaa dowlad goboleedyada kale ee dalka, waxaana muuqata in hadda isbaheysi cusub uu ka dhex abuurmay Puntland, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

Shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Garowe ayaa lagu kala booday, waxaana Galmudug iyo Jubbaland ay ku qanci waayeen waxyaabaha shirka la keenay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muuse Biixi oo xalay kulan afur iyo casho sharaf ah u sameeyey culumaa’udiin

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan Afur iyo casho isugu jira xalay u sameeyey culimada waaweyn ee reer Somaliland kuwaas oo isaga kala imaaday gobollada iyo degmooyinka.

Kulankan uu madaxweynuhu u sameeyey culimada waaweyn ee dalka oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland, islamarkaana ujeeddadiisu ahayd sidii ay culimada dalka iyo madaxweynuhu isu xog-waraysan lahaayeen, ayaa waxa ka qayb-galay hormuudka culimaa’udiinka reer Somaliland, shirguddoonka golaha wakiillada, hoggaanka xisbiyada UCID iyo KULMIYE iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada, waxana si furan la isugu weydaarsaday waanooyin iyo hogo-tusaalayn la xidhiidha sidii xukuumadda iyo culimadu u wada-shaqayn lahaayeen.

Xubno kamid ah culimada waaweyn ee reer Somaliland wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed, Sheekh Cabdirisaaq Albaani iyo culimo kale oo kulanka hadallo ka jeedisay, ayaa si weyn u ammaanay wada-shaqaynta iyo isku-xidhnaanta u dhaxaysa xukuumadda iyo culimada, waxana ay hoosta ka xarriiqeen in kulamada noocan oo kale ahi ay xoojinayaan isku-duubnida iyo wada-tashiga qaybaha kala duwan ee bulshada.

Sheekhul beledka gobolka Awdal, Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jowhar oo hadal dhinacyo badan taabanaya oo waano, waxsheeg iyo wacdi isugu jira kulanka ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday qiimaha nabadda iyo wada-jirka bulshadu leeyahay, waxana uu axsaabta qaranka ku waaniyey inaan la dhaawicin ammaanka iyo isku-duubnida shacabka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya wuxuu yirir

“Axsaabtu tartankooda ha tartamaan, laakiin dawladnimada yaanay wax yeelin oo yeynaan qalin-daarin, qofkuna isaga oo ra’yigiisa wanaaggiisa u cabbiraya, haddana ka ilaashado nidaamka dawliga ah, waxana ay ahayd waxyaabaha aynnu Koonfur kaga duwanayn, waxannu isku ognahay nabadgelyada inaynu ilaashanno, dalkeenna waxaynu ku joognaa oo aynnu ku dhisannahay waa nabadgelyo, adduunkuna wuxuu inagu ammaanaa nabadgelyada aynnu haysanno.”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa isaguna culimada ugu baaqay inay xukuumadda kala shaqeeyaan kor-u-qaadista wacyiga bulshada, kana qayb-qaataan hirgelinta iyo dhaqangelinta wax kasta oo ay shacabka faa’iido ugu jirto.

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo hadal ka jeediyey kulanka uu madaxweynuhu u sameeyey culimada, ayaa ku dheeraaday doorka ay culimadu ku leeyihiin wacyigelinta bulshada iyo kor u qaadista Diinta Islaamka, wuxuuna yiri

“Culimadu kaalin weyn ayey kaga jirtaa wacyigelinta bulshada iyo ilaalinta anshaxa guud iyo dawladnimada, iyaga oo u xilsaaran barista ubadkeenna, diinta Islaamka iyo guud ahaanba bulshadeenna iyaga oo u xilsaaran barista ubadkeena Diinta Islaamka iyo guud ahaanba bulshadeena inay ku barbaariyaan Diinta kuna wacyigeliyaan, waxana hawsha ugu ballaadhani tahay inay iskeen garab taagaan maalinta ay dhibaato timaaddo”.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kulanka soo gunaanaday, ayaa, ayaa culimada ka codsaday Inay kala shaqeeyaan adkaynta nabadda, ka hortagga fidnooyinka, islamarkaana uu madaxweyne ahaan diyaar u yahay inuu si dhegaha u raariciyo talooyinka ay iyo wanooyinka ay culimadu soo jeediyaan oo ay ugu horrayso dabbaqidda Diinta Islaamku, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya wuxuu yiri

“Waxan dhigay halkii ay culimada waaweyni dhigeen, dardaarankiinniina waannu qaadannay oo ay kow ka tahay in Diinta loo gargaaro oo wixii la qabanayoba dhinaca Diinta laga bilaabo oo Diinta la taageero oo ay ku xigto in nabadda iyo amniga dalka si wada-jir ah loo ilaaliyo, ciddii khalkhal gelinaysa dalka xilkasta oo ay haysana in gacan bir ah lagu qabto”.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu shahaado-sharafyo guddoonsiiyey guddi culimo ah oo soo afmeeray diyaarinta iyo isku-dubba-ridka manhaj midaysan oo yeelan doonaan maddarasadaha kala duwan ee ka jira Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Sawirro: Khayre oo xalay kormeeray taliska qaybta guud ee booliska Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedreaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, oo xalay kormeer amni ku tegay taliska Qaybta Guud ee booliiska gobalka Banaadir iyo Isgoysada ay ku sugaynyihiin ciidamada sugaya amniga caasimadda, ayaa booqday xarunta hagista iyo ka jawaabidda numberka 991 ee Booliisku dhawaan howl geliyeen si shacabku ay ugu soo gudbiyaan xogaha ay helaan.

Howl-wadeennada Booliiska ee u xil saaran shaqada isku xirka booliiska iyo shacabka xogta usoo gudbinaya, ayaa Ra’iisul Wasaaraha siiyay warbixin la xariixta hannaanka ay u shaqeeyaan iyo wixii u qabsoomay booliika wixii ka dambeeyay markii dhawaan la howl geliyay nambarka 991.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay saraakiisha booliiska in wada-shaqaynta booliiska iyo bulshada inteeda kale ay muhiim u yihiin sugidda amniga, dalka nambarka gaabaanna uu kamid yahay wadiiqooyinka ugu muhiimsan ee isku xirka, waxa uuna laamaha amniga kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu sugayo amniga.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo booqday qaybo kamid ah goobaha ay bulshadu isugu timaado iyo xarumo ganacsi ayaa kormeeray taalladda SYL oo ay ka socoto howl dardar leh oo si is-xilqaan ah loogu dhisayo, iyada oo lagu jiro toddobaadka munaasabadda xuska dhallinyara Soomaaliyeed.

Ciidamada ammaanka oo maqaayad Muqdisho ku taalla kala baxay laba wiil

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay laba wiil oo dhalinyaro ah kala baxay maqaayad ku taala degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir.

Wiilashaan ayaa ka tirsanaa shaqaalaha maqaayadda, waxaana la sheegay in Ciidamada markii ay soo galeen maqaayadda ay toos u abaareen labada wiil, kadibna ay ka kaxeesteen goobtaasi.

Dadkii Maqaayadda ku sugnaa iyo shaqaalaha kale ee maqaayadda ayey ku wargeliyeen in aysan jirin wax dhib ah oo ay shaqadooda sii wataan ragaana la soo baari doono.

Maqaayadda Wiilashaan laga ka xeestay ayaa habeen hore banaankeeda waxaa lagu dilay sarkaal ka tirsan wasaaradda amniga Soomaaliya, waana markii saddexaad oo maqaayadaan gudaheeda iyo banaankeeda lagu dilo shaqaale iyo ciidan ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Ma jirto wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay hey’adaha amaanka Soomaaliya iyo maamulka Gobalka Banaadir oo arintaan ku saabsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Somaliland oo war cusub kasoo saartay dilkii labada sarkaal ee gobolka Sanaag

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Somaliland, Xasan Gaafaadhi oo warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa ayaa wuxuu ka hadlay dilkii loo geystay labo sarkaal oo ka tirsanaa Ciidanka Somaliland..

Wasiirka ayaa sheegay in weli lagu raad-joogo dadkii falkaasi geystay, isagoona sheegay inay jiraan dad loo soo qab-qabtay dilkaasi.

Wasiir Gaafaadhi oo ka hadlaya arrimahaasi wuxuu yiri “Dhacdada howl badan ayaa laga galay dadkii geystay waxna waa la hayaa waxna waa lagu daba jiraa, sharciga iyo cadaaladuna wuxuu farayaa in dambiilaha lasoo qabto, Xukuumada iyo ciidamada qarankuna xil weyn-bey howshaa ay ka hayaan, dhowaana ‘Insha-allahu-tacaala’ waxaan rajeynaynaa wixii waxaa geystay in lasoo qabto”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Dadka taakuleyay dadkaa wax geystay iyo iyagu waa isku dambi meel ay ku kala harayaana ma-jiraan, waxaanu leenahay cidii uu dambigaa la galay dadkaa waa inay soo dhiiban, hayn kari maysaan waana ku eedoweysan, waadna ku godobowaysan, sharciga ayaa idin qabanaya, iska soo dhiiba, iska tilmaama oo sheega”.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ka jawaabay hadal uu dhowaan ka yiri Boqor Cismaan Buur-Madow dilkii Saraakiishaas, wuxuuna yiri “Waxaan rabaa inaan tix-raac ku sameeyo boqor Cismaan Buur-Madow oo ku tiraabay dhacdadani inay horeba u dhici jirtay, waa ayaan-daro Dhacdadaa dhacdo la mid ah hore u dhacday ma jirto”.

“Marka la eego waxyaabihii ka dhacay deegaankaasi oo ay ugu danbeysay dhacdadani waxay maraysa dad boqol ku dhaw-dhaw inay dhintaan, laakiin meel ay ka dhacday oo loo nisbeyn karo oo la odhan karo hore u dhici jirtay ma jirto, hadalkaasi dadkii dhibaatadu gaadheyna dacar iyo naxli buu ku abuuray, dadkii geystayna dad aan kala garaneyn dhibaatada iyo khaladka iyo saxa ayuu ku tilmaamay. Waxaan leeyahay waa dhacdo xun oo fool-xun oo aan hore u dhicin oo aan qaranka qaban”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Xaqiiqda Lafta-gareen iyo Waare ee shirka Garoowe iyo waxay ka ahaayeen (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland waxaa guud ahaan kusoo dhamaaday Shir looga hadlaayay Xaaladda Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen Madaxda maamul goboleedyadda iyo kuwa dowladda dhexe ee Soomaaliya, kaasoo socday Muddo 10 maalmood ah.

Shirkaan ayaa markii ugu horreysay waxaa lagu ballamay in looga hadlo Arrimaha doorashooyinka, dib u eegista dastuurka iyo Khilaafka dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda qaarkood.

Shirkaan ayaa ka dhashay kulan Nairobi ay ku yeesheen Madaxda maamul goboleedyadda Jubbaland, Galmudug iyo Puntland, kuwaasoo ku ballamay in Madaxweyne Dani uu isku yeero Madaxda maamul goboleedyadda iyo Labadda Mas’uul ee ugu sareysa dalka sidda Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Inkastoo uu shirkii Garowe kusoo dhamaaday Fashil iyo heshiis la’aan haddana waxaa su’aal ka taagan tahay doorkii ay shirkaasi ka qaateen guul iyo guuldaraba Madaxweynayeyaasha Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Xubno ka qeyb galay Shirkii Garowe ayaa xaqiijiyay in labadda Madaxweyne aysan door ka qaadan Shirkaasi Arrimihii looga hadlaayay oo dooda ugu badan ay dhexmartay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo madaxda dowladda dhexe.

Shan maalmood waxaa shirar gaar ah ku jiray Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Jubbaland, Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Galmudug, kuwaasoo looga hadlaayay Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda Jubbaland iyo Galmudug.

Markii loo gudbay qodobadda Arrimaha dib u eegista Dastuurka, xeerka doorashooyinka iyo deeqaha beesha Caalamka ay siiso Soomaaliya, waxaa marna dooda ku saabsan qeybahaasi ka qeyb qaadan Madaxweyneyaasha Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in Madaxweynayeyaasha Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed uu kaga lumay Waqti joogitaanka Magaalada Garowe, islamarkaana ay habooneyd in ka baaqdaan oo ay howlaha kale ee maamulkooda ay qabsaddaan, Maadaama wax walba ay heshiis kula yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Madaxda Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa shirka kusoo bandhigin baahiyaha ka jira degaanada ay maamulaan, maadaama qaarkoood ay ku jiraan Go’doon oo ay adag in la isku kala gudbo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa kursiga waxaa geysay dowladda dhexe ee Soomaaliya oo ku bixisay dhaqaalle badan, taasoo xataa sababtay in lasoo xiro shaqsiyaad kula tartamayay kursiga oo looga cabsaday in ay guuleystaan, waxaana jirta in uusan taageero ka heysan Shacabka marka laga reebo dowladda oo kursiga geysay.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo horay dhowr jeer dowladda uga soo horjeestay ayaa lagu kiciyay Khalalaase sababay in Xildhibaanda Hirshabeelle oo Xamar dhaqaallo looga dhiibay in ay ugu hanjabaan in ay xilka ka qaadi doonaan, taasoo markii ugu dambeysay sababtay in hoos yimaado dowladda dhexe si shuruud la’aan ah uuna kasoo baxo Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay labadda Madaxweyne ka hor inta uusan bilaaban Shirka, waxaana labadda Madaxweyne ka muuqatay in aysan sinaba dowladda dhexe aysan ula xisaabtami karin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Hormuud Foundation oo 100,000 dollar u qeybisay kun carruur oo agoon ah

Muqdisho (Caasimadda Online) – Munaasabad ay sooo qabanqaabisay hayadda Hormuud Telecom Foundation oo lagu qabtay xaafadda Daarusalaam ee magaalada Muqdisho ayaa kun Carruur oo agoon ah waxa lagu guddoonsiiyey kaalmo loogu talagalay in qoysaska carruurtaasi ay u kaashadaan Afruka iyo ciidda.

Cabdullaahi Nuur Cismaan guddoomiyaha Hormuud Telecom Foundation oo kahadlay munaasabadda ayaa sheegay in Lacagta loo qaybiyey carruurtan agoonta ah ay dhan tahay $100.000 (Boqol kun oo dollar) taas oo ah in Agoon kasta la siiyey $100 (Boqol Dollar)

Cabdullaahi Nuur ayaa sidoo kale ka sheegay munaasabadda ay HTF ku daahfurtay Kaalmadan in caawinta carruurta agoonta ah ay tahay waajib bulsho oo weyn isaga oo xusay in Carruur badan oo agoon Soomaaliyeed ah ay u baahan yihiin caawin iyo garab istaag mar haddii ay waayeen aabeyaashood ayna ku bannaanaatay kaalin weyn.

Maamulaha Xarunta Hormuud KM5 Cabdi Cali Maxamed oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay Hormuud Telecom ay weligeed caan ku eheed Saddaqada & kaalmeynta kuwa u baahan.

Agoontaan oo laga soo kala xulay 21 Jamciyadood, ayaa ahaa Carruur aad u da’ yar, qoysaskooda iyo Jamciyadaha gacanta ku haya agoonta oo joogay munaasabadda ayaa  Hormuud Telecom Foundation uga mahad celiyey Deeqdan iyagoo sheegay in caawintani ay kaalin wax ku ool ka qaadan doonto Afurka iyo farxadda ciidda ee carruurta agoonta ah ee helay kaalmadan.

Qoysaska agoonta maanta guddoontay lacagta kaalmaada ah ee Hormuud Telecom Foundation oo kahadlay xafladda caawinta Kun Agoon ayaa sheegay in ay lacagta la siiyey ka caawin doonto Afurka iyo farxadda ciidda taas oo ay sheegeen in ay yihiin arrimaha ugu muhiimsan ee ay hadda  ka welwelsan yihiin qoysaska haysta carruurta agoonta ah oo ay yartahay cid caawisa.

Hormuud Telecom Foundation ayaa waayadanba soo wadey Kaalmaha ay u fidineyso Dadka u baahan kaalmada, waxaana ugu dambeysay Deeqihii ay gaarsiiyeen Xabsiga Dhexe & Naafada Ciidanka Xoogga ee deggan Isbitaal Martiini.

Sheekh Maxamed Kaariye oo qormo cajiib ah ka qoray wixii kala qabsaday isaga iyo dowladda Mareykanka

Arinka iga soo maray dowladda Maraykanku maaha mid lagu soo Koobi karo qoraalkan, waayo waa Arrin soo jiitamayay 16 sano iyo 8 bilood, sagaal sano oo ka midana aan ku jiray liiska Xayiraadda Duulimaadka.Cinwaanka maqaalkan ayaan ka qaatay talo uu i siiyay barafosoor aanu saaxiib nahay oo igula taliyay inaan u bixiyo buug aan ka qoro qisadayda, waxa kale oo taladan i siiyay qareen ka mida qareenadayada oo isna yidhi qisadaadu waxay mudan tahay in buug laga qoro.

Calaa ayati xaal waa sheeko dheer oo ku dawinan kumanaan xaashiyo oo laga qoray dacwadda uu Maraykanku ila maganaa si la iigu rido xabsi aan ku dhammaysto inta nolosha iiga hadhay, waa sheeko warinaysa sidaanu ugu dhabar adaygnay dagaal arxan daran oon kala go’ lahayn oo ay hayado dhowra oo Maraykani nagu qaadeen , laakiin ay ku fashilmeen, anagana Ilaahay na sugay, nagana badbaadiyay inaanu diintayada ku iibsano doolaro iyo raaxada gaaban ee dunida,

Taa macnaheedu maaha inay arrimhu sahlanaayeen, waxay ahaayeen maalmo qadhaadh oo naga soo saaray cirada gadhkayga ka muuqata, laakiin wax walba waa rakhiis Ilaahay dartii, muslinkuna mar walba wuxuu beegsanayaa waa liibaanta aakhiro iyo raaxada janada ee waaraysa, Ilaahay ayaan ku mahadinayaa inuu i sugay , iguna kaalmeeyay xasilooni iimaaniya oon ku waajahay dowladda dunida ugu xoog badan oo si walba iskugu dayday inay i liiciso iskuna dhiibo, iyadoo adeegsanaysa hanjabaad, cabsiin iyo cadaadis nafsaaniya.

Waxase Ilaahay mahaddii ah in kuwii muddaadaa dulmiga nagu hayay ay iyagu maanta isku madheen, Ilaahayna isku diray kuna salliday Taraam oo sumcaddii FBI da cagta mariyay !

Waxaan si kooban u dul mari doonaa waxyaabo akhlaaq darro ah oo ka mida sida Maraykanku iskugu dayay inuu ii sameeyo dambiyo laygu maxkamdeeyo , layna galiyo xabsi dheer.

1-Inay ku andacoodeen inaan anigu u fatwooday, lacagna u ururiyay, jamaacada na duco uga dalbay todoba qof oo ay dowladdu ku andcootay inay rabeen inay galaan Afqaanistaan sanadkii 2002 , inakstoo lix dadkaa ka mida la maxkamdeeyay kuwa ugu xabsi dheeraan lagu xukumay 18 sano, haddana dowladda Maraykanku waxay si fool xun ugu fashilantay inay arrinkan igu maxkamdeeyaan, laba ka mida oo ay u soo bandhigeen ina laga khafiifiyo xuklunka 18 sano ah haddii ay igu furaan markhaati labaduba way diideen, waxay ka doorteen xabsigaa dheer oo midkood soo dhamaystay.Waxay ahayd dhirbaaxo weyn oo ku dhacday xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Oregon iyo shaqaalihiisa daalimiinta ah.

2. Maraykanku wuxuu doonay inuu igu soo oogo dacwado mid walba ciqaabteedu gaadhayso tobonaan sano, wayse ku fashilmeen.

3. Waxa la isku dayay in loo hanjbao dad laga dalbay inay markhaati beena igu furaan, waxa ka mid ahaa laba walaal oo midna Marookaan midna Falastiini ah oo markay diideen laga qaaday kaadhka degenaasha (green card), midkood xabsiga ayuu iga soo wacay (collect call) wuxuu ii sheegay inay ku yidhaahdeen Kaariye been ka sheeg ama kaadhkaa lagaa qaadayaa wuxuu doortay inaanu been ka sheegin walaal muslina, labadoodaba Waa la mustaafiriyay, waxaan Allaah uga baryayaa inuu adduunka ku siiyo nolol wanaagsan aakhirana ku arsaaqo janatul firdowsa.

4. Nin kale oo carabana waxay u soo badhigeen inay siinayaan jinsiyadda Maraykanka hadduu been iga sheeo isna wuu ku diiday.

5. Maraykanku wuxuu isticmaalay dowlad kale si ay u helaan markhaati beena oo la igu maxkamadeeyo, qof muslina oo soo islaamay ayaa lagu sameeyay Jidh dil, laakiin walaalkaasi siduu ku sheegay waraysi ay ka qaaday warbaahinta dalka Iswiidhan, kuna qoran dacwad uu ka dhiibay dowladda Maraykanka wuu diiday inuu sheekhiisa been ka sheego, Allaah ayaan ka baryayaa inuu kuwii jidh dilay ku cadaabo naarta jahannamo.

6. Walaal Soomaaliya oo wax ka baranayay dal carbeeed ayay ugu tageen dalkuu joogay, kana waraysteen aniga iyo laba sheekh oo soomaaliya oo caana kana mida kuwa ay Soomaalidu aad u dhagaysto duruustooda, waxayna ka dalbeen inuu jaasuus u noqdo, laakiin wuu ka diiday, kamana qarin inuu I yaqaano, saaxiibna nahay, markiiba waxay u sheegeen in lagu daray dadka aan ku safari karayn hawada Maraykanka, Kanada ayuu is yidhi soo gal, deetana diyaaraddii uu la socday ayaa qasab lagu fadhiisiyay, ninkii Waxaa oo dhan lagu sameeyay muddo gaaban ka dib ayay soo daayeen, soo riwaayad maaha.

7. Basaas u dhashay dalka Masar ayay ii soo direen oo muddo ka hawl galay masaajidka aan imaamka ka ahaa, laakiin way ku fashilmeen, wuxuu iska dhigay inuu ka ganacsado hubka lacag jabana igaga iibinayo qore, waan ka diiday, sidoo kale waxaan u sheegay in intaan Maraykan joogay qori iyo bastoolad midna u iibsan xitaa si sharciya, taqriiban wiig ka dib ayuu igu soo noqday isagoo leh dhul weyn ayaan leeyahay ee aynu ku soo dhoogtano waan ku diiday, .Waxa cajiiba in ay basaaskan ugu ballan qaadeen inay ka cafiyiyaan dambiyo daroogo ah oo ay ku haysteen hadduu na basaaso, muuddo ka dib ayuu farriimo kaga tagay telefonka masaajidka, wuxuu a sheegay in lagu qasbay inuu aniga been iga sheego, bal eeg akhlaaq xumida hayadaha dambi baadhka Maraykanka, kuwaasi ayaa sheeganaya inay nadiif yihiin.

8. Tan baa ugu daran ee bal iyadana eeg, taqriiban 2003 ayaa maalin ka dib markaan akhriyay khudbaddii jimcaha ayaa waxa I salaamay nin caraba oo isku sheegay Hishaam Abuu Zubayda, wuxuu ii raaciyay inuu yahay Abuu Zubayda walaalkii, markiiba waan iskaga dhaqaaqay, dareemayna inay wax qaldan yihiin, waayo abuu Zubayda waa ninkii koowaad ee ka mida Qaaciidada ee Maraykanku ku qabteen Baakistaan qaraxyadii 2001 ka bacdi, warkiisana aad iyo aad loogu sheegayay warbaahinta caalamka.

Muddo ka bacdi ayuu Hishaam afka furtay markay dowladdu ka baxday ballamihii ay u qaaday oo ay ka mid ahady inay siiyaan kaadhka degenaanshaha, wuxuu tafaasiil mug leh ka bixiyay siday FBI ugu soo dirtay inuu aniga iyo masaajidka basaaso, laakiin uu u caddeeyay in waxay u sheegeen been iyo masabid tahay, intuu uu na basaasayayna arkay in maadjidku aanu ahayn xero lagu tababaro mujahidiin, lacagna looga ururin.

9. Taqriiban 17 sano ayay dowladda dunida ugu weyni ku fashilantay inay igu hesho dambiyaday doonaysay oo ciqaabtoodu gaadhayso xabsi daayim iyo madaxaa ha ku furto, bal adba caqli baad leedahay fahan ammuurtan.

10. Shaki kuma jiro in fashilkan ku hoobtay hayadaha igu daba jiray fadeexadeeyay saraakiil sar sare oo is lahaa sallaanka dallacaada ku kora inaad maxkamdaysaan ina Kaariye, sidaa awgeed ayuu isku casilay madaxii FBI ee gobolka Oregon Jaarles maasiyoo oo ahaa ninkii bilaabay kayskayga. Waxana dhaba inuu arrinku isku baddelay shakhsi (personal) iyo aargoosi.

10. Baadhitaankan waxa lagu bixiyay malaayiin doolaro ah oo laga khasaariyay lacagta dadweynaha ee cashuurta ay bixiyaan lagu shaqo galiyo shaqaalah dowladda ee ay ka mid yihiin FBI du.

11. Waxa laga qoray kumaanaan qormooyin iyo warbixino, waxa laga duubay boqolaal saacadood oo coda oo iskugu jira hadalo si qarsoon la iiga duubay, khudbadahayga jimcaha iyo duruustayda.

12. Baadhitaankan jinsiyadda waxa ka qayb qaatay hayado dhowra, waxa uu si toosa u horyaalay xubno sare oo ka mida wasaaradda caddaaladda ee Maraykanka (haddayba caddalad yaqaanaan) waxana gacanta ku hayay afar sarkaal oo fadhiya caasimadda Waashington, in kastoo kii bilaabay ka baxay sababo caafimaad oo aad u daran awgeed siday noo sheegeen.

13. Siduu yidhi qareenka caanka ah ee Stanley Cohen, dowladda Maraykanku waa “seven hundred bounds gorilla” oo macanheedu yahay gorille todoba boqol oo rodol ah oo laabta kaaga fadhiya, hanti iyo awoodba waxay u leeyihiin inay ku bixiyaan dagaalka qaanuuniga ee ay kula jiraan culimada iyo hogaanada muslinka ee ay ku asteeyaa waxay ula baxeen argagxisada iyo xagjirka diiniga ah.

Ma anigaa been sheegay mise iyagaa been sheegay?

Wargeys cunsuriya oo ka soo baxa magaladaan degaanaa ayaa qoray inaan xog qaldan siiyay marykanka markaan qaadanayay jinsiyaddooda, saxafiga qoray waa mid ku talax tagay muslim nacayb, se waxa dhaba in warkiisu yahay hal bacaad lagu dhisay oon ka qaawan xujo iyo daliil, arrinka saxina waa sidan:

Warqadda codsiga ee jinsiyadda waxa ku yaal qodob odhanaya hore ma laguu xidhay inaad jabisay sharci dowladeed, jawaabtaan bixiyay waxay ahayd maya inkastoo sanadkii 1993 laygu xidhay dalka Baakistaan, sababtuna waxay ahayd in gardarro la ii xidhay, bal xidhataankayga uu ku yimid sidaan is leeyahay amar ay dowladda Maraykanku siisay dowladda Baakistaan oo ahaa in xabsiyada loo taxaabo dhalinyaradii muslinka ee ku noolayd magaalada Biishaawar.

Si islaamnimada ka baxsan ayaa loo raafay, aniga iyo inan aljeeriyaana ayaa isku raacnay xafiiska socdaalka si aanu u qaadano warqadda bixitaanka, way diideen inay fiisaha noo kordhiyaa iyo inay noo ogolaadaan inay na siiyaan bixitaan midna, waxay markiiba noo taxaabeen saldhiga boliiska oonu habeen u hoyanay iyagoo na siin furaash iyo gogol midna, aroortii ayaa noloo taxaabay xabsi uu gumaystihii Ingiriisku dhisay, waxayn na galiyeen hool weyn oo ay ku jiraan 110 maxbuus iyagoon na sii gogol, laakiin maxaabiista qaarkood ayaa noogu deeqay gogol, Msulin waa Muslin ,Ilaahay ha ka abaal mariyo.

Walaal xaafidul Qur’aan oo Urduniya ay noo dadaalay , laakiin wuxuu noo sheegay in qaadiga maxkamadda la siiyo lacag si laguu keeno maxkamadda, haddii kale halkaasi ayaad waligaa ku jiraysaa, lacagtii ayay siiyeen , maxkamadii sharci darrada ahayd iyo qaadigii daalimka ahaa ayaa lay hor keenay wuxuuna igu xukumay mustaafiris.

Bal ii sheeg sharciga dowladeed een jabiyay ee laygu xidhay, amar Maraykna ayaa laaygu xidhay waxayna doonayaan inaan jabiyay qaanuunkii, iyagaa qaanuunka mar walba jabiya oo soo fara galiya afaarha iyo amuuraha dowladaha iyo shucuubta ay u xoog sheegtaan

Sidaa awgeed ayaan ilaa iminka rumaysanahay inaan runta sheegay markaan qodobkaa kaga jawaabay maya.

Tusaale kale, magaaladan Hargeysa een Joogo waxa sanadkii 1978 laygu xidhay saldhiga booloska ee ku yaala badhtamaha magaalada, waxaan ahayn dhalinyaradii Waxdada oo sirdoonkii Nabad Sugidda loo yaqaanay soo taxaabay, waxa habeen saqbadhkii naloo wareejiyay xaruntii nabad sugidda ee ku taalay dhakhtarka gadaashiisa ee dhinaca shacabka, iyadoo ay dhaxan tahay oonu xidhanahay dhar khafiifa ayaa inta nala fiigay oo gacmaha iyo luguha laysku xidhay, oo waliba qoryo nala dul joogo ayaa biyo qobow korka nagala shubay.

Hogaankii sirdoonku wuxuu yidhi ” Waxaad ku dhacdeen dambiyo khatar ku ah badbaadada Qaranka, oo waxaad xubno ka tihiin urur qarsoodiyada, waxay isku dayeen inaanu qirano dambiga ay sheegayaan, laakiin waanu ku gacmo saydhnay.
Haddaba ma lagu doodi karaa xabsiga Hargeysana waa qariyay, jawaabtu waa maya, waayo dee umaaan haysan iminkana uma haysto inaan shacri xalaala jabiyay, runtuna waxay tahay kuwii na xidhay ee dhibta u gaystay inamo yar yar oon labaatan jirba gaadhin ee ku haystay diin baad barataan ayaa sharciga jabiyay!!

Gumaystuhu siduu doonuu u qeexaa shaciga iyo qaanuunka, ninka la gumaysanayo ee xaqiisa rabaana si xalaala ayuu sharciga u fasiraa, sidaa awgeed waxaan leeyahay iyagaa beenalayaal.

Anaa dalbay inaan Jinsiyaadda u celiyo

1- Siday dowladdu ogtahay , qareenkayguna markhaati ka yahay anigaa dalbay inaan jinsiyadda iska celiyo, qareenadayda oo dhami waxay igula taliyeen ha celin, qaadiga laftiisu wuxuu yidhi maxaad uga tanaazuylaysaa jinsiyaddaada, saxiibo badan ayaa sidaa igula taliyay, laakiin naftaya iyo damiirkayga ayaa sidaa murtaax ku ahaa.

Qaanuunka Maraykanku wuxuu dhigayaa ina qofna jinsiyaddiisa celin karain isagoo Maraykan dhex jooga, sidaa awgeed la iima ogolayn safarka diyaaradda, dalka Kanada way diideen inaan dalkooda soo galo ilaa aanu Maraykanka kala baxno, inaan Markab ku safro iyo inaan Mexico sii maro labadaba qreenka ayaa ka dayriyay oo yidhi si aamusan ayaa lagaaga takhulusi doonaa.

3- Qaabka kaliya ee ii furnaa waxa weeyi inay iyagu la noqdaan aniguna aan taasi ogolaado, dacwadna ka keenin, sidaasi ayaa ku qoran heshiiska .

4- Haddii kayskoodu xoog leeyahay maxay u ogolaadeen inaan ku safro baasaboorkooda oon iminka gacanta ku hayo una dirayo.

5- Waxa gacanta iigu jira oon isna u dirayaa warqad la yidhaa “Record of Abandonment of Lawful Permanent Resident Status” oon saxeexay 5/8/2019 anigoo joogay Hargeysa.

6- Taasi macnaheedu waa inaan anigu si xor oo ikhtiyaara uga tanaazulau oon celiyay “Degenaashaha Sharciga ah”.

7 Ugu dambayn markaanu dhammaysanay heshiiska ka hor intaan la saxeexin ayuu qareenka dowladdu soo codsaday in heshiiska lagu daro qodobkan “this agreement is in a favor of the United States of America and against Mr. Kariye”, waan ku gacan saydhay oon diiday, sidii ayay uga saareen, kuna ogolaadeen.

8- Maxay dowlaadu u ogalaatay waxyaabo badan oo muujinaya inuu kayskeedu jilicsan yahay, dadka qaanuunka darsaana soo faqi doonaa tooshna ku iftiimin doonaan. In badan ayaan is weydiinaya, talow ma saraakiil sar sare ayaa qaanuunka jabisay intay ku dhex jireen baadhitaankayga oo iyagaa la qarinayaa, sidaana ay ugu degdegayeen inaan sidii ugu dhaksaha badan uga tanaazulo jisiyadda. Mise qorsho kale ayay ila damacsan yihiin hadda.

Gabagabo

1- Kollay dowladdu ku farximayso qoraalkan, runtiina waxa talo la igu siiyay inaanu sidaa ku kala khaatumaysano Maraykan, laakiin waa waajib inuu Muslinku gartiisa sheegto, waxaan is idhi gartaad ka wayday maxkamadaha Maraykan ku naqso baraha bulshada, walaaladaana la wadaag xaqiiqada jirta ee warbaahinta Maraykanka iyo dabadhilfkooda soomaalidu ka been sheegeen.

2- 17kaa sano een la soo tacaalay dhibta ay ii gaysatay dowladda Maraykanka waxaan u arkaa camal suuban oon rajaynayo inuu Ilaahay iigu cusleeyo miisaanka xasanaatka maalinta qiyaamaha.

3. Kama murugoonayo wixii i soo maray, haddii maanta laygu baddeli lahaa malaayiin doolaro ah iyo raaxda adduunkana (Ilaahay baan ku dhaartee ) kumaan beddesheen, hadday rag raasamaal adduunyo urursadeen oo faraqa ka buuxsadeen, anigana waa kan raasamaalkaygu oon Rabbigay ka baryayo inaan abaalkiisa ku helo janatul Firdowsa iyo Raalidiisa, rajo weyna baan ka qabaa Rabigay.

4.koollay cimriga intii tagtay ayaa ka badan inta hadhaye , Waxaan Rabi ka baryayaa inuu i sugo inta hadhay, iguna arsaaqo khaatimada aan hadh iyo habeenba ka baryo.

6. Waxaan qalbiga iyo carrabkaba uga mahad celinayaa walaalaha daafaha dunida ku kala nool ee sida walaaltinimada ah ii taageeray iguna soo harqiyay weedhaha qalbiga xoojinaya caziimadana dhisaya.

7. Sidaan ku sheegay khudbad jimce oon sanadkii 2008 kii ka akhriyay masaajidka weyn ee Abubakar Assidiiq ee magaalada Miyanaabolis, kuna sheegay khudbado dhowra oon ka akhriyay masaajidkaan imaamkaa ka ahaa,waxaan wali leeyhay msulimiinta iyo dhalinyarda ku nool Maraykan iyo Galbeedkuba ogaada inaad dhulkaa ku joogtaan cahdi iyo ballan, oo ayna idiin banaanayn inaad wax yeeshaan dadka aad la nooshihiin ee gaalada ah, iyagaa ammaan iyo nabad idin siiyay ee ha ka bixina ballantaa aad la gasheen,
hadalkani nagama aha munaafaqo ee waa mowqifka fiqiga ah ee saxa .

8-Diintiina iyo astaan ummadeedkiina ilaashada oo ku fara adayga caqiidadiina, iskana ilaaliya siyaabaha lagu beddelayo asalada caqiidadiina iyo arkaanta diintiina.

9. Qof walba oo muslina waan saamaxay, mooyaana gaalo raaca na basaasayay iyagoo salaadda nagu daba tukanaya, khudbadaha jimcaha nala soo xaadiriya, waxaan ku leeyahay Allaah ayaa idin hoojiyay, aakhirna waxa inoo ballana Ilaahay hortiisa.

10. Kuwii na jirabay ee na dulmiyay ee ka mida dowladda Maraykanka waxaan iyagana ku leeyahay, Maxkamadda Ilaahay ee caadilka ah ayaan inoo ballana maalinta qiyaamha idinkoo ka qaawan xoogga aad maanta sheeganaysaan, waxaanan hubaa in kuwo badan oo idinka mida ama dhamaantiinba aad inta nolosha idiinka hadhay ku dambayn doontaan cudur nafsaaniya iyo raaxo la’aan idinka goysa dulmigaad gaysataan.

وعند الله تجتمع الخصوم
W/Q: Sheekh Maxamed Kaariye

Injineer Turkish ah oo lagu dilay qarax magaalada MUQDISHO ka dhacay..!!

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa faafaahin dheeraad ah ka soo baxaysaa qarax khasaare gaystay oo duhur nimadii maanta ka dhacay inta u dhexeysa Isgoysyada Taleex iyo KM4 ee wadada Maka Al- Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa nooca Dhejiska waxaana lagu xiray gaari HILUX ah oo uu watay Injineer Turki ah, iyadoo si gaar ah gaariga ugu qarxay ka soo horjeedka Jaamacada City ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan lagana maqlay inta badan degmooyinka Hodan iyo Howl wadaag ayaa dhaawac ka soo gaaray Injineerka u dhashay dalka Turki iyo wiil Soomaali ah oo la sheegay in uu la shaqaynayay Injineerka Turkiga ah.

Injineerka Turkiga oo dhaawac ahaan goobta looga qaaday, ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Turkidu Maamulaan ee Digfeer, halkaas oo xaaladiisa Caafimaad lagula tacaalayay.

Laamaha amaanka Dowlada Soomaaliya wali ka hadlin qaraxa ka dhacay Muqdisho oo uu ku geeriyooday Injineerka Turkiga ah iyo hadii ay jiraan dad loo soo qabtay dhacdadaan.

Waa Qaraxii ugu horeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya tan iyo markii ay bilaabay  bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Qaraxyo culus oo maanta ka dhacay IMAARAADKA

Fujayrah (Caasimadda Online) – Waxaa la soo werinayaa in qaraxyo waa weyn laga maqlay Dekedda magaalladda Fujayrah ee Imaaraadka Carabta, isla markaana ay gubanayaan Haamaha shidaalka ee yaallay Dekeddaasi.

Xilliga uu weerarka dhacay waxaa goobta ku sugnaa diyaaradaha Mareykanka iyo Faransiiska sida ay goobjogayaal sheegeen.

Masuuliyiinta goobta ay dhibaatadu ka dhacday ayaa beeniyay in Fujairah aysan ka dhicin wax qarax ah, iyagoo sheegay in Dakadda ay u shaqeynayso sida caadiga ah.

Wargeyska Al-Mayadeen ee fadhigiisu yahay Lubnaan ayaa sheegay, in Warbaahinta maxaliga ah ay sheegayso in qaraxyo culus ay ka dhaceen dekedda Fujairah.

Qaraxyada ayaa la maqlay inta u dhexeysa 4:00 subaxnimo iyo 7:00 subaxnimo saacada maxaliga ah, sidaana waxa lagu baahiyey wakaaladda wararka ee Reuters.

Illaa iyo hadda ma cada khasaaraha ka dhashay, qaraxyadaasi iyadoo dowladda ay si xooggan ugu dadaashay xogta ku gadaaman qaraxyadii dhacay.

Dhinaca kale war Goor dhow ay shaacisay Wakaaladda Wararka Imaaraadka ee WAM ayaa waxaa lagu beeniyay wararka sheegaya in qaraxyo ay ka dhaceen Dekedda magaalladda Fujayrah ee dalkaasi,isla markaana waxaa ay ku eedeysay in ay ka dambeeyaan faafinta warkaan Ikhwanul muslimiinta Iran iyo Turkiga.

Caasimada Online
Xafiiska Dubai
[email protected]

Somaliland oo shaacisay sababta ay u diiday safarkii Abiy Ahmed iyo Farmaajo

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Muuse Biixi ayaa ka jawaabtay hadal uu dhawaan yiri Raysul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamuud Guuleed, kaasi oo ahaa inay Somaliland lumisay fursad ay ku imaan lahaayen magaalada Hargeysa, Raysul-wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon, oo jooga magaalada London ayaa ka hadlay arrintaasi, isagoona sheegay inaysan jirin wax dan ah oo ugu jirtay inay Hargeysa yimaadan Abiy Ahmed iyo Farmaajo.

“Somaliland maaha meel la iska soo galo, maaha dal la iska yimaado ee waa dal nidaam leh, waa dal kala dambeyn leh, Farmaajo uma taliyo Somaliland ee waxaa ka taliya Mudane Muuse Biixi, oo ah Madaxweyne xogogaal u ah dalkiisa iyo dadkiisaba oo kalsoonida shacabkiisa haysta, Farmaajana waxaynu ka war qabnaa in aanu gacanta ku wada hayn Magaalada Muqdisho, markaas wax dan ah iyo faa’iido Somaliland ugu jirta imaanshaha Farmaajo ma jirto” ayuu yiri Wasiir Faratoon.

Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “Faa’iido aynu garan weynay oo imaanshihiisa iska hor tageyna ma jirto, ee Farmaajo dalka wuxuu iman kara oo qudha isagoo qirsan madax banaanida, qaranimada iyo jiritaanka Somaliland, haddii aynu nahay Somaliland waxaanu diyaar u nahay in aanu Somaliya ahaanu sidii laba dal oo jaara, oo wax badan iska kaashada, laakiin wax kale kama ogolin”.

Dhinaca kale, Wasiir Faratoon ayaa waxa kale oo uu ka hadlaya socdaal uu dhawaan Hargeysa ku yimid Madaxweynihii hore ee Nigeria, wuxuuna yiri

“Somaliland waa dal hore u socod iyo horumar ku jira, dabcan Madaxweynihii hore ee Nayjeeriya ee dalka yimidna, aad iyo aad buu ugu qushuucay nidaamka dawladnimo nidaamka dimuqraadiyadeed iyo kala dambaynta dalka ka jira, Wufuud iyo Wefdiyo badan oo Wadamada kala duwan oo Caalamka ka tirsana inay yimaadan ayaanu ku rajo weyn nahay”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Maxkamadda Garoowe oo xukuntay dadkii fuliyey kufsiga Caa’isha Ilyaas

Garowe (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee dagmada Garowe Shiikh Cabdinuur ayaa Ku dhawaaqday go’aanka Maxkamada ee Ku Aadan Kiiska Caaisho Ilyaas Aadan.

Waxaana seddex Eedaysane ee kala ah Cabdifataax Cabdirahman Warsame,Cabdisalaan Cabdirahman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige waxaa lagu xukumay dil toogasho ah oo ay fulinayso Punland.

Dhageysiga dacwadaan ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka socotay deegaanada maamulka Puntland.

Garsoorku waxa uu sheegay in Xukunka uu ka furan yahey Racfaan mudo Bil ah.

Waxaa kale oo ay Maxkamadu fasaxdey 7 kale ee Eedaysanayaasha ahaa oo ay Ku tilmaamtey kuwo aan danbi lahayn.

Qoyska Caaisha ayaa ka guuray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, iyagoo sheegay inay cadaalad ay ka waayeen Deegaanada Puntland, iyaga oo u guuray dalka Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

Golaha wakiilada oo ka hor yimid qorshe uu BIIXI ka damacsanaa DHAKOOL

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka hadda nasoo gaaraya ayaa sheegay in maanta kulan deg-deg ah ay iskugu imaaden Golaha Wakiilada Somaliland, kaasi oo ay ku eegayeen xariga xildhibaan Dhakool.

Kulankan ayaa waxa si gaara iskugu yimid Guddida joogtada ah ee Golaha Wakiilada, kuwaasi oo ku falan-qeynayey xariga ay ciidamada Somaliland kula kaceen Xildhibaan Dhakool oo ka tirsanaa xildhibaanada golahooda.

Guddigan ayaa waxay sheegen in qaabka loo maray xariga xildhibaan Dhakool inuu yahay mid baal-marsan sharciga, iyaga oo Xukuumada Muuse Biixi ugu baaqey in sida ugu dhakhsaha badan xabsiga uga sii daayan xildhibaanka.

Guddiga Joogtada ah ee kulanka deg-dega ah iskugu yimid, waxa kale oo ay ka hor-yimaaden dalab uga imaaday Madaxweyne Muuse Biixi, kaasi oo ku aadanaa in xasanaada xildhibanimo laga qaado xildhibaan Dhakool, si ay u xalaashato xarigiisa.

Xildhibaan Dhakool ayaa shalay waxa la hor-geeyay Maxkamada Hargeysa iyada oo uu Gudoomiyaha maxkamada G/Maroodi-jeex uu iska diiday dhageysiga dacwada lagu soo eedeyay xildhibaanka.

Guddoomiyaha Maxkamada G/Maroodi-jeex, Cabdi Qawdhan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Xildhibaan Dhakool aan xarigiisa loo marin sifo sharci, isagoona ka dhawaajiyey in xildhibaanka lasoo xiray isagoo Xasaanadii Xildhibaanimo laga qaadin.

Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxay dadaal ugu jirtaa siday xasanaada xildhibaanimo uga qaadi laheyd xildhibaan Dhakool, taasi oo ay ku xalaashaneyso xarigiisa sharci-darada ah.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Maxay Kenya ka baqeysaa oo aysan ka baqeyn dalalka Qatar, Ethiopia iyo Turkey?

Muqdisho (Caasimada Online) – Seddex maalin ka hor Sagaalkii Bishaan May dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi.

Go’aankaasi ayaa waxay Kenya ku sheegtay in diyaaradaha ka yimaada magaalada Muqdisho lagu baari doono magaalada Wajeer, iyadoo arintaasi loo sameeyay sabab dhanka amaanka ah.

Muddo labo Saacadood oo baaritaan ah ayay diyaaradaha kusii maraan garoonka diyaaradaha ee Wajeer, waxaana waaxda amaanka ee saadaasha Hawada Kenya ay sheegtay in sabab amaan go’aankaasi loo qaaday.

Dowladda Soomaaliya ayaa go’aanka Kenya ku tilmaantay mid siyaasadi ka dambeyso oo aysan sax ahayn sheekada amniga la xiriirta, amniga Garoonka Aadan Caddena suganyahay.

Haddaba sidee loo sugaa amniga Garoonka Aadan Cadde?

  • Marka hore waxaad mareysaa baaritaan gacanta ah oo ay sameynayaan Boolis Soomaali ah.
  • Waxaa ku xiga baaritaan ay sameynayaan AMISOM oo isna gacanta iyo jirka ah.
  • Waxaa ku xiga baaritaan AMISOM oo qalabka qaraxyada ka hor taga iyo iskaan ah.
  • Waxaa ku xiga baaritaan ay sameynayaan Booliska Soomaaliya, AMISOM iyo Eeyo, markan waxaa la baarayaa Boorsooyinka .
  • Waxaa ugu dambeeya baaritaan ay sameynayaa Askarta ka socota Turkiga,waxaa ay baarayaan Boorsooyinka, iyaga oo adeegsanaya qalab casri ah.

Waa qaabka uu maro baaritaanka dadka iyo agabka ay wataan ee sida joogta ah uga baxa Magaalada Muqdisho, waxaa intaas  dheer in duullimaadyada ka dhoofa Aadan Cadde aysan ahayn kaliya Diyaaradah taga Kenya waxaase jira Diyaaradaha Ethiopian Airline oo toos Adis ababa u tagta.

Waxaa kale oo jira Turkish Airline oo sidoo kale toos u aadda dalka Turkiga,waxaa ku soo xiga diyaaradda Qatar Airways oo dhawaan duullimaadyo toos oo Doxa iyo Muqdisho bilaabeysa kuwaas oo noqonaya todobaadkii saddex maalin.

Haddaba waa maxay Kenya waxaa ay ka baqeyso ee aysan ka baqeyn Qadar, Itoobiya iyo Turkiga?.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kenya oo shaacisay sababta duulimaadyadii Nairobi iyo Muqdisho ay u joojisay

Nairobo (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay Saacado kadib sabab yaableh u yeshay joojinta diyaaradaha ka taga magaalada Muqdisho ee sida toos ah u tagi jiray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sarkaal ka tirsan waaxda badbaadada Hawada dalka Kenya ayaa shaaciyay in sabab la xiriirta dhanka amaanka loo joojiyay diyaaradaha ka tagayay magaalada Muqdisho ee tagayay magaalada Nairobi.

Sarkaalka oo lagu magacaabo Gilbert Kibe ayaa sheegay in sababta dhanka amaanka ah ay keentay in diyaaradaha ka yimaada Somalia lagu baaro garoonka diyaaradaha ee magaalada Wajeer.

Wuxuu intaas ku daray inay arrintan socon doonto muddo saddex blilood ah ilaa 9 August 2019, xiligaas oo dib u eegis lagu sameyn doono inay sii socoto iyo in la qaado oo diyaaradaha Muqdisho ka yimaada loo ogoloaado inay toos ugu degaan magaalada Nairobi.

Kenya ayaa seddex maalin ka hor cadeysay inay joojisay diyaaradaha tooska u tagi jiray garoonka Jommo Kenyatta, islamarkaana lagu baari doono magaalada Wajeer.

Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabeysay go’aanka dowladda Kenya ayaa sheegtay in amaanka garoonka diyaaradaha Muqdisho uu ka wanaagsan yahay garoomo badan oo gobolka ku yaala.

Dowladda Soomaaliya gaar ahaanna Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Omaar ayaa sheegay in go’aanka Kenya ay ku soo celisay xayiraadda duullimaadyada Garoomada Aadan Cadde iyo JKIA ay tahay mid siyaasadi ka dambeyso.
Lama oga go’aanka xiga ee ay dowladda Soomaaliya qaadan doonto.
Caasimada Online
Xafiiska Kenya
[email protected]

Xog: Kismaayo oo qarka u saaran in lagu dagaalamo

ismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in maalintii 3aad ay ka taagan Xiisad dagaal oo u dhaxaysa Ciidamo Taabacsan Milateriga Soomaaliya oo ilaalo u ah qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Jubbaland ee ku sugan Kismaayo.

Sidoo kale Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay u abaabulan yihiin qaab Ciidamo beeleed ah, Islamarkaana ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo Ciidan kadib markii ay magaalada Kismaayo gashay xaalad kale oo dhanka amaanka ah.

Ciidamada ugu badan dhaq-dhaqaaqa wada ayaa ka amar qaata Af-hayeenkii hore ee maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar, oo sidoo kale ah Musharax u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha maamulka Jubbaland ee doorashada Sanadka 2019.

Ciidamada amaanka maamulka Jubbaland ayaa la sheegay in dhankooda ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo xoog leh waxayna isku ballaariyeen Xaafado katirsan magaalada Kismaayo ee xarunta Kumeel-gaarka ah ee Jubbaland.

Gaadiidka dagaalka ee maamulka Axmed Madoobe ayaa laga soo saaray Xarumaha Ciidamada, waxayna qaarkood la geliyay heegan iyadoo dhinaca kale dibadda loo soo saaray Ciidamo xareesnaa oo katirsan Maamulka Jubbaland, kana amar qaata Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Xiisadaan ayaa salka ku heysa arimaha doorashooyinka Jubbaland iyo Ciidamo dheeraad ah oo ay keensadeen Musharaxiinta qaarkood. Kismaayo ayaa u muuqato markale ay luguha la galayso xaalad dagaal oo salka ku heysa hogaanka Maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Waxba ma harin haddii ay dhacdadan dhex martay Farmaajo iyo Madoobe

Sida wararka Garowe ka  imanaya  ay sheegayaan  shirka DF iyo madaxda maamul goboleeddada waxaa  ka dhacay muran ku dhowaaday in laysu gacan qaado oo dhex maray madax-weynaha DFS Maxamed  Cabdullaahi Farmaajo  iyo  Axmed Maxamed Islaam (Axmed- Madoobe), madaxa-weynaha maamul goboleedka Jubbaland, taasoo runtii ah mid aan marna la qaadan karayn!… Axmed-Madoobe,  haddii uu garan waayay  oo uu ku ixtiraami waayay Farmaajo wax kasta uu yahayba  inuu yahay madax-weynihii Soomaaliya ma wuxuu garan waayay  isagoo waliba wadaad ah inuu soomanyahay?!  Ma wuxuu garan waayay in bishii rammadaan ee barakaysnayd lagu jiro?!… ma wuxuu garan waayay inuu ixtiraamo oo uu xaq dhowro malaayiinta shacabka Soomaaliyeed ee iyaga u haysta mas’uuliyiinta ee rajada ka qabay kana dhur sugayay iyaga?!…Farmaajo khayr kuma aynaan arag laakiin haddii uu ku soo baxay nidaam doorasho haba ahaato mid baarlamaan waxay ahayd Axmed-Madoobe inuu ilaaliyo  magaca iyo waxa ay ummaddu wadaagto, waxayna ahayd in laga qaado tallaabo qaynuun haddii aan la awoodinna in maamulka shirka ay ka qaadaan  tallaabo xagga anshaxa ah!…

Waa KHalad!…Farmaajo waa madax-weynihii dalka, wuxuuna leeyahay mudanaan dastuuri ah oo ay tahay inuu mas’uul kasta iyo muwaadhin kasta ku ixtiraamo, in mudnaantaas la siiyana waxay ka mid tahay  ilaalinta iyo hab-raaca dastuuriga ah!… Horay waxaa inoo soo maray Cabdi-Raxmaan Cabdi-SHakuur oo leh “…laakiin annagii martida naloo ahaa inaan sharciga wax ku doono!…” taasoo sida muuqata uu ula jeeday madax-weynaha, waxaana shaki la’aan ah in dad badan oo siyaasadda dalka saamayn ku leh  aysan fahamsanayn waxa ay dowladnimmadu tahay, una baahanyihiin taba-bar qoto dheer oo la xiriira shaqadooda iyo waxa la kala mudanyahay… Haddii sida warar ka imaanaya shirki ka dhacay Garowe ay dhab yihiin in la kala qabtay madax-weynaha iyo Axmed-Madoobe si  muran la’aan ah waxaa denbiga leh Axmed-Madoobe … Waxaas ma aha wax loo dul qaadan karo, mana aha arrin u cuntamaysa  dadka  Soomaaliyeed ee wali  la kufaa-kacaya sidii ay qaranimmadooda dib ugu soo yagleeli lahaayeen. Madax-weynaha waa la dhaliili karaa siyaasaddiisa, fikirkiisa, shaqadiisa, iyadoo waliba la cadaynayo, ama waa lagu qabsan karaa ama looga hor immaan karaa arrimo qaynuun ah iyadoo qaynuunka loo soo marayo, laakiin laguma gefi  karo sida aan loogu gefi Karin muwaadhin kasta oo kale, waxaana intaas u dheer  mudnaanta dheeriga ee uu dastuurka sida gaarka ah u siiyaya oo ah inuu huwanyahay sharafta ummadda iyo dalka!…

DHanka kale, Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, waxa meesha ka dhacay isaga aabbe iyo hooyo ka ah, isaga iyo ra’iisal wazaarihiisa KHeyre,  labo sano oo ay xilka hayeen siyaasiyiinta Soomaaliyeed ama ha ahaadaan madaxda maamul-goboleeddada ama kuwo kale oo iyaga ka fikrad duwan waxay ula dhaqmayeen sidii siyaasiyiin dal ay xoog ku qabsadeen, waxayna ku maamulayeen  xoog,  khayaano, kala-qaybin, isku dir… qaynuun iyo xeerna wadanka oo dhan bay ka laaleen, waxayna qaynuunkii u qaateen mansabka iyo jagada la yiri ugu adeega  qaynuunka!…Meelo  badan markaad dhaqankooda siyaasadeed ka fiiriso waxaad dareemaysaa inay isku dareen labo nidaam siyaasadeed;  midkii guumeystayaashii oo ahaa Qaybi oo Xukun, oo  xataa  golihii shacabka labo ayeey ka dhigeen kuwo muqarrabiin ah oo la soo dhoweeyay oo waziiro laga dhigay, ama dad ay wateen loo shaqaaleeyay, ama mushaar  aysan lahayn laysaga qoray iyo kuwo la fogeeyay oo xataa gunnadii (Allowance) ay lahaayeen laga ilaashay, wixii nidaam uu dalka lahaa oo dhanna way la dirireen oo waxay  ku  dadaaleen nidaam iyaga si gaar ah ugu adeegaya, walina wadaan inay xididdada u siibaan xeer kasta oo ay ummaddu lahayd haddii uusan danahooda gaarka ah u adeegeyn! Nidaamka labaadna waa mid shabaha  dabeecad ahaan kii Kacaankii Oktoober xagga marin habaabinta, dacaayadda, iyo inay sharciga u aqoonsanyihiin oo keliya waxay iyaga rabaan,  xoog  sheegashana aysan ka marnayn.

Waxaa siyaasiyiinta la gudboon inay gartaan ixtiraamka dhexdooda ah iyo is-tix gelin kasta oo iyaga  dhex marta inay noqonayso xudunta midnimmada iyo xiriirka ka dhexeeya shacabka, taasina waxay ku imaan karaysaa ilaalinta qawaaniinta iyo xeerarka ummaddu dhigatay, ixtiraamka dhaqanka iyo anshaxa ummaddu leedahay, waana middaas sirta qarsoon ee ka dambaysa awoodda iyo xoogga ay ummad  kasta oo horumartay ku faanto!…Xukuumadda federal-ka faragelinta ay ku samaysay doorashadii ka dhacday Koonfur-Galbeed oo kale haddii ay doonayso inay maamul goboleeddada oo dhan kula dhaqanto taasi waxay horseedaysaa kala fogaanshaha xukuummadda federal-ka  iyo gobollada, waxaase haboon oo doorka ugu wanaagsan ee xukuumadda federal-ka ay qaadan karto uu yahay inay kor joogto ka noqoto doorashooyinkaas haddii aysan bannaanka ka joogi karin, laakiin ay ku qasabto maamul goboleedka inuu sameeyo hay’adihii gar-soorka ee go’aanka ka gaari lahaa haddii uu khilaaf yimmado!…laakiin inay iyada keento madax-weynaha maamul goboleedka sida ka dhacday Koonfur-Galbeed.

Waxaa sidoo kale aan suuro gal noqonayn xukuumad aan iyadaba lahayn gole shacab iyo maxkamaddii sare oo madax banaan sidee  bay qaynuun uga hadashaa oo ay ku maamushaa nidaamka siyaasadeed  oo uu dal leeyahay?! Waxaa  sida laga war qabo illaa iyo hadda aysan xukuumadda Farmaajo iyo KHeyre ay diidanyihiin Aqalka Sare, kaasoo colaadda ay u qabaan sabab looga dhigay inay laaluush ku qancin waayeen inta badan xubnaha aqalka sare iyo gudoomiyaha Cabdi Xaashi Cabdullaahi sida ka dhacda golaha shacabka iyo Gudoomiye Mursal, marka madax-weynaha in lala murmo, in lagu af celiyo isagaa u sabab ah!…Farmaajo iyo KHeyre waxyay la dagaalameen hay’adihii madaxa bannaanaa ee isu dheeli tirayay awoodaha siyaasadeed ee  dowladda marka maxaa diidaya in maamul-goboleeddada ay walaacaan oo ku kalsoonaan waayaan dowldda?!…Cahdiyada iyo xeeraka ay ummaddu wada dhigato ama ay ku heshiiso waa tiirarka ay ku taaganyihiin nidaamyada siyaasadeed ee dalka lagu maamulo, haddii la dumiyana waxa soo baxaya waa la garan karaa, waa siyaasad wareersan oo aan jiho lahayn, waa is qab-qabsigaas joogtada ah ee aan dhammaadka lahayn, iyo shirarkaas aan natiijada lahayn … Golaha SHacabka iyo gudoomiyo Max’ed Mursal, ha ogaadaan shacabka inay danbi ka galeen dalkiina ay dib ugu celiyeen qaynuun la’aan!…Waana siday ahaan jirtay markii dastuurka laga tago!…..

W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid