25.7 C
Mogadishu
Wednesday, July 22, 2026

Muxuu Qoor-Qoor uga tanaasulay musharaxnimada Galmudug?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa shaaciyey inuu ka tanaasulay u tartamidda xilka madaxweynaha Galmudug kadib wada-hadallo uu la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsanaa hannaanka doorashooyinka dalka.

Qoor-Qoor ayaa sheegay in muddooyinkii u dambeeyey ay jireen aragtiyo kala duwan oo u dhexeeyey Dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug, gaar ahaan qaabka loo wajahayo doorashooyinka iyo marxaladda kala guurka ee dalka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa qiray in labada dhinac ay arrimaha doorashooyinka isku khilaafsanaayeen, hase yeeshee uu ugu dambayn dhacay is-afgarad kadib kulamo iyo wadatashiyo ay yeesheen mas’uuliyiinta labada dhinac.

Waxa uu sheegay in Galmudug ay ku jirto marxalad la mid ah tan guud ee dalka, taas oo u baahan in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii loo heli lahaa hannaan doorasho oo la isku raacsan yahay.

“Dowlad-goboleedka Galmudug waxay ku jirtaa marxaladda kala guurka ee dalka uu ku jiro. Muddooyinkii u dambeeyey waxaa jiray kala duwanaansho ku saabsan sida doorashadu u dhacayso. Markii ay noqotay arrin aan si isku mid ah loo wadin, waxay u baahatay in si qoto dheer looga fikiro,” ayuu yiri Madaxweyne Qoor-Qoor.

Qoor-Qoor ayaa intaas ku daray inuu go’aansaday inuu ka haro tartanka xilka, isaga oo sheegay inuu taageeray jihada ay Dowladda Federaalka u waddo geeddi-socodka doorashooyinka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in maamulka uu sii wadi doono gudashada waajibaadkiisa illaa laga soo dooranayo hoggaan cusub, isaga oo xusay in xil wareejinta loo sameyn doono si waafaqsan habraacyada dowladeed.

“Galmudug waxay igu leedahay jacayl gaar ah, sida carruurta la dhalay oo kale. Waxaan go’aansaday inaan ka haro nidaamka hadda socda. Xilka waan sii haynaynaa, si habsami leh ayaanna u sii wadi doonnaa. Cid kasta oo la doorto waxaan ku wareejin doonnaa Galmudug mideysan oo caafimaad qabta,” ayuu yiri Qoor-Qoor.

Waxa uu faray hay’adaha kala duwan ee dowlad-goboleedka Galmudug inay sii xoojiyaan shaqooyinka horumarinta, amniga iyo adeegyada bulshada, si loo ilaaliyo xasilloonida iyo horumarka laga gaaray maamulka.

Go’aanka uu ku dhawaaqay Qoor-Qoor ayaa soo afjaraya doodihii siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka dhex taagnaa Dowladda Federaalka iyo Galmudug ee la xiriiray hannaanka doorashooyinka. Sidoo kale, waxaa la filayaa in deegaannada Galmudug ay ka dhacaan doorashooyin dadweyne, sida ay hore u shaaciyeen Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii naga tagay ayaa maanta…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in Soomaaliya ay si weyn uga soo kabatay dhibaatooyinkii ka dhashay burburkii dowladnimada iyo colaadihii sokeeye ee muddada dheer saameynta taban ku yeeshay dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Soomaaliya ay soo martay marxalado kala duwan oo dhinacyada siyaasadda, amniga, nolosha iyo bulshada ah, hase yeeshee ay hadda dib uga soo kabanayso dhibaatooyinkii ay ka dhaxashay burburkii dowladdii dhexe.

Xamza ayaa tilmaamay in dalka uu galay heer cusub oo dib-u-dhis iyo xasillooni ah, isaga oo sheegay in horumarka laga sameeyey dhinacyo kala duwan uu muujinayo in Soomaaliya ay ka gudubtay caqabadihii waaweynaa ee hortaagnaa.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dalalkii iyo hay’adihii caalamiga ahaa ee hore uga fogaaday Soomaaliya ay haatan dib ugu soo laabanayaan dalka, iyaga oo danaynaya maalgashi iyo iskaashi dhaqaale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaas ku daray in kalsoonida caalamka ee Soomaaliya ay sii kordhayso, taas oo uu sheegay inay ka dhalatay horumarka laga gaaray dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida.

“Caalamkii naga tegay ayaa maanta dib noogu soo noqonaya isaga oo inoo baahan oo dalka maalgashanaya. Dalka horay ayuu u socdaa, meel walibana wuu ka soo kabtay, dibna uma noqon doonno, waxaana u gudbaynaa dhismo, nabad iyo xalal waara,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo aadaya xilli Dowladda Federaalka ay xoojinayso dadaallada dib-u-dhiska dalka, horumarinta dhaqaalaha iyo soo jiidashada maalgashiga dibadda, iyadoo mas’uuliyiinta dowladda ay marar badan ku celceliyeen in Soomaaliya ay ka gudubtay marxaladihii adkaa ee ay soo martay.

Xasan Sheekh oo shaaciyay sababta xayiraadda fiisaha Midowga Yurub ee Soomaalida

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka jawaabay xayiraadaha cusub ee Midowga Yurub ku soo rogay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee codsanaya fiisaha dalalka Schengen, isagoo sheegay in Soomaaliya aysan diidaneyn dib u soo celinta dadkeeda, balse ay ku adkeysaneyso in marka hore la xaqiijiyo qofka la celinayo inuu yahay muwaadin Soomaali ah.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii Golaha Midowga Yurub uu Khamiistii sheegay inuu xayiraado dhinaca dal-ku-galka ah ku soo rogay muwaadiniinta Soomaaliyeed, sababo la xiriira waxa uu ku tilmaamay wada-shaqeyn aan ku filneyn oo Soomaaliya kala sameyso dib-u-qaabilaadda muwaadiniinteeda sida sharci-darrada ah ku jooga dalalka Yurub.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in khilaafka u dhexeeya Muqdisho iyo Brussels uusan ahayn in Soomaaliya diiddan tahay muwaadiniinteeda, balse uu salka ku hayo habka loo xaqiijinayo dadka la sheegayo in Soomaaliya lagu soo celinayo.

“Waxaan rabaa inaan u sheego Midowga Yurub iyo Soomaalida: maanaan diidin dadkeenna. Dadkeenna dalkan ayey leeyihiin, mana diidi karno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay su’aal ka qabto dadka Yurub ay dooneyso inay Soomaaliya ku soo celiso, gaar ahaan marka aan si cad loo xaqiijin jinsiyaddooda.

“Waxaan su’aal ka qabnaa oo keliya sida dadkaas loo soo celinayo. Qof kasta oo midabkeenna leh, muuqaalkeenna leh, oo Geeska Afrika ka soo jeeda ayaa magaceenna isku dhiibay si uu u helo magangalyo siyaasadeed,” ayuu yiri.

Muranka aqoonsiga

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay horey u aragtay kiisas dad lagu soo celiyay magaca Soomaali, balse markii ay dalka yimaadeen la ogaaday in aysan Soomaali ahayn.

“Waxaan waaya-arag u nahay dad la soo celiyay oo la yiri waa Soomaali, balse markii dalka ay yimaadeen aysan noqon Soomaali, Af-Soomaalina aysan aqoon, Soomaali-na aysan ahayn,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

“Markii ay is-dhiibayeen waxay sheegteen inay Soomaali yihiin. Maanta waxaan taaganahay hal arrin: aan hubinno dadkaas, ma yihiin muwaadiniin ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya? Intaas ayaan isku haynaa,” ayuu raaciyay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in muwaadiniinteeda sharciyada ku waayay Yurub ay dalka ku soo noqdaan, balse aan la aqbali karin in qof aan Soomaali ahayn lagu soo celiyo magaca Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dowladda aysan jeclayn in Soomaalida ku dhibaateysan Yurub lagu daawado dhibaatada, balse ay muhiim tahay in dib-u-celintu ku dhacdo hannaan sax ah, sharci ah, oo lagu kala saarayo muwaadinka Soomaaliyeed iyo dadka kale ee sheeganaya magaca Soomaaliya.

Xannibaadaha cusub

Golaha Midowga Yurub ayaa Khamiistii ku dhawaaqay tallaabooyin cusub oo si toos ah u saameynaya codsiyada fiisaha muddada-gaaban ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Tallaabada ugu weyn ayaa ah in dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub aysan hadda muwaadiniinta Soomaaliyeed siin karin fiisaha dhowrka jeer lagu galo dalalka Schengen, oo loo yaqaan multiple-entry visa.

Sidoo kale, dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ma fududeyn karaan shuruudaha caddeymaha looga baahan yahay dadka Soomaaliyeed ee codsanaya fiisaha. Taas waxay ka dhigan tahay in codsadayaasha Soomaaliyeed laga doonayo inay keenaan dukumentiyo buuxa oo caddeynaya ujeeddada safarkooda, halka ay ka deggan yihiin, awoodda dhaqaale iyo shuruudaha kale ee gelitaanka.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale meesha ka saaray dhaafitaanka khidmadda fiisaha ee dadka haysta baasaboorrada diblomaasiga iyo kuwa adeegga dowladda.

Muddada caadiga ah ee lagu baari jiray codsiyada fiisaha ayaa iyaduna laga dhigay 45 maalmood, halka markii hore ay ahayd 15 maalmood.

Golaha Midowga Yurub ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid ku-meel-gaar ah, balse ma uusan sheegin waqti rasmi ah oo ay ku egtahay.

Cadaadiska Brussels

Midowga Yurub ayaa sheegay in qiimeyn ay sameysay Guddiga Yurub lagu ogaaday in Soomaaliya aysan si ku filan ugala shaqeyn dib-u-qaabilaadda muwaadiniinteeda aan sharciga ku lahayn dalalka Yurub.

“Dalalka ay dadku ka soo jeedaan waa inay gutaan waajibaadkooda, haddii kale cawaaqib ayaa ka dhalan kara,” ayuu yiri Magnus Brunner, Wakiilka Arrimaha Gudaha iyo Socdaalka ee Midowga Yurub.

“Go’aanka maanta wuxuu muujinayaa hawlgelin iyo go’aan dheeraad ah oo lagu gaarayo iskaashi wanaagsan oo dhinaca dib-u-qaabilaadda ah,” ayuu raaciyay.

Go’aanka ka dhanka ah Soomaaliya ayaa qeyb ka ah cadaadis ballaaran oo Midowga Yurub ku saarayo dalalka aan si buuxda ula shaqeyn marka la doonayo in lagu celiyo muwaadiniintooda aan haysan sharci ay ku joogaan Yurub.

Midowga Yurub ayaa horey tallaabooyin la mid ah ugu qaaday dalal ay ka mid yihiin Gambia iyo Itoobiya. Xannibaadihii lagu soo rogay Itoobiya sanadkii 2024 ayaa laga qaaday bishii May ee sanadkan, kadib markii Brussels ay sheegtay in Addis Ababa ay hagaajisay iskaashiga dib-u-qaabilaadda.

Saameynta Soomaalida

Inkasta oo tallaabada cusub aysan ahayn mamnuucid guud oo fiisaha Soomaalida ah, haddana waxay adkeyneysaa nidaamka codsiga, waxayna kordhineysaa muddada sugitaanka iyo culayska dukumentiyada laga doonayo dadka Soomaaliyeed ee u safraya Yurub.

Waxay si gaar ah u saameyn kartaa ganacsatada, ardayda, dadka booqashada ugu taga qoysaskooda, iyo mas’uuliyiinta heysta baasaboorrada diblomaasiga ama kuwa adeegga.

Jawaabta Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujineysa in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in muranka dib-u-celinta lagu xalliyo hubinta aqoonsiga dadka la soo celinayo, halkii si guud loogu fasiri lahaa inay Muqdisho diidan tahay muwaadiniinteeda.

Midowga Yurub ayaa sheegay inuu sii wadi doono qiimeynta horumarka Soomaaliya ka sameyso wada-shaqeynta dib-u-qaabilaadda, taas oo ka dhigan in xannibaadaha laga qaadi karo haddii Brussels ay ku qanacdo in isbeddel muuqda uu dhacay.

R/W ku-xigeenka Soomaaliya oo laga soo tarxiilay Kenya kadib markii lagu qabtay…

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Jibril Cabdirashiid Xaaji, ayaa laga masaafuriyey Kenya kadib markii saraakiisha socdaalka ee dalkaas ay shaki geliyeen sax ahaanshaha baasaboor Kenyan ah oo la sheegay inuu watay, sida uu qoray wargeyska The Standard ee ka soo baxa Nairobi.

Jibril ayaa Arbacadii, 24-ka June 2026, abbaaro 4:00 galabnimo, ka degay Terminal 2 ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta, isaga oo ka yimid Muqdisho, kuna safray diyaarad ay leedahay shirkadda Saacid Airlines, sida ay sheegeen saraakiil socdaal iyo dad goobjoogeyaal ah oo wargeysku soo xigtay.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in mas’uulkan uu watay baasaboor diblomaasi oo Soomaali ah, kaas oo shaqeynaya illaa 18-ka September 2029, isla markaana uu soo bandhigay fiise sax ah markii lagu guda jiray hubinta caadiga ah ee socdaalka.

Hase yeeshee, saraakiisha socdaalka Kenya ayaa la sheegay inay shaki muujiyeen markii ay ogaadeen in mas’uulka sare ee dowladda Soomaaliya uu sidoo kale haysto baasaboor Kenyan ah.

“Intii lagu jiray hubinta caadiga ah ee socdaalka, waxaa laga shakiyey inuu si sharci darro ah ku helay baasaboor Kenyan ah. Markii laga codsaday inuu wareejiyo, wuu diiday, wuxuuna sheegay inuu kaliya ku soo bandhigi karo maxkamad,” ayaa lagu yiri warbixin boolis oo uu soo xigtay The Standard.

Kadib su’aalaha la weydiiyey, Jibril ayaa loo qaaday qeybta VIP-da ee Terminal 2, halkaas oo ay hay’adaha socdaalka iyo ammaanka Kenya ku wadeen baaritaanka arrinta la xiriirta dukumentiga lagu muransan yahay.

Mas’uulkan ayaa markii dambe loo diyaariyey tikit dib loogu celinayo Soomaaliya, waxaana uu garoonka JKIA ka dhoofay Khamiistii, 25-ka June 2026, abbaaro 6:45 subaxnimo, isaga oo raacay diyaarad ay leedahay Daallo Airlines, sida warbixintu sheegtay.

Ilaa hadda dowladda Kenya si rasmi ah ugama hadlin sababta keentay in Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya dib loogu celiyo dalkiisa, mana cadda haddii hay’adaha Kenya ay wadaan baaritaan dheeraad ah oo ku saabsan baasaboor-ka Kenyan-ka ah ee lagu sheegay inuu watay.

Sidoo kale dowladda federaalka Soomaaliya weli kama aysan soo saarin wax war rasmi ah dhacdadan, oo imanaysa xilli xiriirka Muqdisho iyo Nairobi uu muhiim u yahay arrimaha amniga, ganacsiga iyo isu socodka labada dal.

Dhacdadan ayaa la filayaa inay dhaliso hadal-hayn diblomaasiyadeed, maadaama ay la xiriirto mas’uul sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Kenya ayaa sanadihii la soo dhaafay dhowr jeer sheegtay inay la tacaaleyso kiisas ku saabsan ajaaniib si sharci darro ah ku helay aqoonsiyo iyo dukumentiyo Kenyan ah, iyadoo musuq-maasuq lagu tilmaamo mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan nidaamka diiwaangelinta dalkaas.

Midowga Yurub oo xayiraad fiiso ku soo rogay Soomaalida

0

Brussels (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa Khamiistii xayiraado cusub oo dhinaca dal-ku-galka ah ku soo rogay muwaadiniinta Soomaaliyeed, kadib markii uu sheegay in Soomaaliya aysan si ku filan ugala shaqeyn dib-u-qaabilaadda muwaadiniinteeda sida sharci-darrada ah ku jooga dalalka Yurub.

Go’aanka oo ka soo baxay Golaha Midowga Yurub ayaa si toos ah u saameynaya codsiyada fiisaha muddada-gaaban ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa doonaya fiisaha dhowrka jeer lagu galo dalalka Schengen.

Golaha Midowga Yurub ayaa sheegay in qiimeyn ay sameysay Guddiga Yurub lagu ogaaday in wada-shaqeynta Soomaaliya ee dib loogu celinayo muwaadiniinteeda aan sharciga ku joogin Yurub ay tahay mid aan ku filneyn.

“Dalalka ay dadku ka soo jeedaan waa inay gutaan waajibaadkooda, haddii kale cawaaqib ayaa ka dhalan kara,” ayuu yiri Magnus Brunner, Wakiilka Arrimaha Gudaha iyo Socdaalka ee Midowga Yurub.

“Go’aanka maanta wuxuu muujinayaa hawlgelin iyo go’aan dheeraad ah oo lagu gaarayo iskaashi wanaagsan oo dhinaca dib-u-qaabilaadda ah,” ayuu raaciyay.

Xannibaadaha cusub

Tallaabada cusub ayaa ka dhigan in dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub aysan hadda muwaadiniinta Soomaaliyeed siin karin fiisaha dhowrka jeer lagu galo, oo loo yaqaan multiple-entry visa.

Sidoo kale, dalalka xubnaha ka ah ma fududeyn karaan shuruudaha caddeymaha looga baahan yahay dadka Soomaaliyeed ee codsanaya fiisaha, taas oo ka dhigan in codsadayaashu ay soo gudbiyaan dukumentiyo buuxa oo caddeynaya ujeeddada safarkooda iyo shuruudaha kale ee gelitaanka.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale meesha ka saaray dhaafitaanka khidmadda fiisaha ee dadka haysta baasaboorrada diblomaasiga iyo kuwa adeegga dowladda.

Muddada caadiga ah ee lagu baari jiray codsiyada fiisaha ayaa iyaduna laga dhigay 45 maalmood, halka markii hore ay ahayd 15 maalmood.

Go’aanka ayaa lagu sheegay mid ku-meel-gaar ah, balse Midowga Yurub ma uusan sheegin waqti rasmi ah oo uu ku egyahay. Golaha ayaa sheegay in ujeeddadu tahay in Soomaaliya lagu dhiirrigeliyo inay hagaajiso wada-shaqeynta dib-u-qaabilaadda muwaadiniinteeda.

Cadaadiska dib-u-celinta

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah cadaadis ballaaran oo Midowga Yurub ku saarayo dalalka aan si buuxda ula shaqeyn marka la doonayo in dib loogu celiyo muwaadiniintooda ku sugan Yurub ee aan haysan sharci ay ku joogaan.

Midowga Yurub ayaa horay tallaabooyin la mid ah ugu qaaday dalal ay ka mid yihiin Gambia iyo Itoobiya. Xannibaadihii lagu soo rogay Itoobiya sanadkii 2024 ayaa laga qaaday bishii May ee sanadkan, kadib markii Midowga Yurub uu sheegay in Addis Ababa ay si weyn u hagaajisay iskaashiga dib-u-qaabilaadda.

Go’aanka ka dhanka ah Soomaaliya ayaa imanaya xilli Midowga Yurub uu si weyn u adkeynayo siyaasaddiisa socdaalka, gaar ahaan dib-u-celinta dadka codsiyadooda magangalyo la diiday iyo kuwa aan sharci ku lahayn dalalka xubnaha ka ah.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, hoggaamiyeyaal ka kala socda dalal badan oo Yurub ah ayaa taageeray qorshe lagu dhisayo xarumo dib-u-celin oo ku yaalla meel ka baxsan Midowga Yurub, si loogu diro dadka aan loo oggolaan inay sii joogaan Yurub.

Baarlamaanka Yurub ayaa sidoo kale dhawaan meel mariyay sharci cusub oo fududeynaya masaafurinta dadka sida sharci-darrada ah ku jooga dalalka Midowga Yurub.

Saameynta Soomaalida

Go’aankan ayaa caqabad ku noqon kara muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaya inay u safraan dalalka Midowga Yurub, gaar ahaan ganacsatada, ardayda, dadka booqashada u taga qoysaskooda iyo mas’uuliyiinta heysta baasaboorrada diblomaasiga ama kuwa adeegga.

Inkasta oo tallaabadu aysan ahayn mamnuucid guud oo fiisaha Soomaalida ah, haddana waxay adkeyneysaa nidaamka codsiga, waxayna kordhineysaa muddada sugitaanka iyo culayska dukumentiyada laga doonayo codsadayaasha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan soo saarin jawaab rasmi ah go’aankan, kaas oo cadaadis cusub saaraya xiriirka Muqdisho iyo Brussels ee dhinaca socdaalka iyo dib-u-celinta muwaadiniinta.

Midowga Yurub ayaa sheegay inuu sii wadi doono qiimeynta horumarka ay Soomaaliya ka sameyso wada-shaqeynta dib-u-qaabilaadda, taas oo ka dhigan in xannibaadaha laga qaadi karo haddii Brussels ay ku qanacdo isbeddel muuqda.

Xog: Puntland oo lagu kala qeybsamay tallaabadda DF ee ciidamada iyo abaabulka

0

Brussels (Caasimada Online) – Khilaafka u dhexeeya maamulka Puntland iyo siyaasiyiinta dhaliilsan nidaamka siyaasadeed ee Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa gaaray meel fog, iyadoo arrintaasi dhalisay in lagu kala qeybsamo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee dowladda federaalku uga lug yeelatay dhismaha ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliya oo laga abaabulay deegaannada Puntland.

Kulankii Golaha Wasiirrada Puntland ee Khamiistii ayaa looga hadlay xaaladda amni ee kusoo korortay Puntland, iyadoo dood laga yeeshay tallaabada ku habboon ee laga qaadi karo ciidamada dowladda federaalku ku diyaarisay deegaannada Puntland. Waxaa la isla gartay in arrintaas laga galo difaac wadajir ah.

Siyaasiyiinta kasoo horjeeda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo maamulkiisa ayaa ku kala qeybsamay dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee kasoo cusboonaaday Puntland, iyadoo qaar ka mid ah kooxaha mucaaradka ah ay arrintan u arkaan mid badbaadineysa Puntland.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal, ayaa shalay ku dhawaaqay in Madaxweyne Deni uu Puntland geliyey xaalad adag. Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay xaq u leedahay inay ciidamo aan ka amar qaadan Puntland ka qorto deegaannada maamulkaas.

Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay in dhaqaalaha laga qaato Muqdisho ee lagu siiyo ciidamada ku sugan Puntland ay ku nool yihiin shacabka Garoowe iyo deegaannada kale. Wuxuu intaas ku daray in, taas cagsigeeda, maamulka Deni uusan saddex bilood iyo ka badan wax mushahar ah siinin ciidamada kala duwan ee Puntland, kuwaas oo ku nool xaalado adag.

Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland, Cali Xaaji Warsame, ayaa dhinaciisa uga digay qof kasta oo Puntland han siyaasadeed ka leh inuusan qeyb ka noqon dhibaateynta maamulka. Wuxuu mucaaradka ugu baaqay inaysan colaad usoo jiidin Puntland, halka xukuumadda Deni uu ugu baaqay inay ka shaqeyso midnimada.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa ku baaqay in la iska qabto cid kasta oo ku howlan burburinta Puntland, isagoo far ku fiiqay hannaanka federaalka ee xilligan ka jira Soomaaliya.

Deegaannada Puntland, gaar ahaan magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe iyo Boosaaso, waxaa ku sugan oo lagu diyaariyey ciidamo ka amar qaata Guutada 54-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay dowladda federaalku taliyahooda u magacowday Jen. Jimcaale Jaamac Takar. Waa sarkaal heyb ahaan kasoo jeeda gobolka Nugaal, awood xooggan ku leh Puntland, horayna dagaallo adag ula galay maamulka Madaxweyne Saciid Deni.

Xasan Sheekh oo garowshiyo ka bixiyay gooni u goosadka Somaliland, una jeediyay in…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlayay munaasabadda 26-ka Juun oo lagu qabtay xarunta gobolka Banaadir, ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahayso marxalad adag iyo dhibaatooyin, balse ay barbar yaallaan fursado qaali ah iyo rajo ifaysa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in toban sano ka hor shacabka Soomaaliyeed aysan si buuxda ugu dhiirran karin inay xusaan 26-ka Juun, balse maanta ay waddooyinka isugu soo baxeen 65 kun oo arday oo ka qalin-jabiyay dugsiyada hoose, iyo ku dhowaad 50 kun oo arday oo u fadhiistay imtixaanka dugsiyada sare. Wuxuu sheegay in arrintaas ay muujineyso fursadda maanta u soo hoyatay qaranka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qaran iyo awooddiisa aan lagu dhisi karin hub iyo qori, balse lagu dhisi karo qalin iyo is-oggolaansho. Wuxuu si gaar ah uga hadlay qaranimada iyo gobannimada dalka, isagoo sheegay inay ku timid iska caabin iyo gumeysi-naceyb ay hormuud u ahaayeen dadka ka soo jeeda gobollada Waqooyi, kuwaas oo door weyn ka qaatay xornimada iyo dowladnimada Soomaaliya.

“Maanta oo qarniga 21-aad ah, dalal iyo dowlado ayaa is-doonaya. Marka ay ugu yaraato siyaasadda iyo dowladnimada halkeeda ha ahaatee, waxay ku haminayaan in dhaqaalaha iyo suuqyada la isku furo, nolol fiicanna kor loo qaado. Kala joogis marna annaga dan nooma aha,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, oo ka hadlayay aragtida gooni-u-goosadka Somaliland.

“Waxaan rabaa, walaalayaal, wax kasta oo aad tirsaneysaan ama tabaneysaan, hore waan uga garaabnay, haddana inaan ka garaabno ayaan rabnaa. Kama daaleyno, kamana caajiseyno. Wax kasta oo ay dadkaasi tabanayaan, si ay uga calool-fayoobaadaan inaan sameyno kama daaleyno, kamana caajiseyno,” ayuu sii raaciyay Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo sheegay in dhinacooda ay diyaar u yihiin garowshiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa, si uu bulshada Soomaaliyeed ugu baraarujiyo, soo qaatay aayadda 78-aad ee Suuradda Huud, taas oo Nabi Luud uu ku yiri qoomkiisii: “Miyaanay idinku jirin xataa hal nin oo caqli iyo garasho leh oo xumaanta idinka reeba, martidana iiga xishooda?”

Xasan Sheekh ayaa bulshada Soomaaliyeed iyo dadka Somaliland u sheegay in fikirkii xornimada iyo midowga uu ahaa mid ay gaareen dad waxgarad ah oo xorriyad iyo gobannimo doonayay. Wuxuu sheegay in haddii dadaalkaas uu markii dambe ku dhammaaday xanuun, aysan bulshada Soomaaliyeed badankeed raalli ka ahayn wixii dhacay.

Wuxuu intaas ku daray in dad iyo shaqsiyaad xanuunkaas wax ku lahaa aysan maanta nooleyn, halka dadkii diidanaa tacaddiyada iyo wixii dhacay ay maanta joogaan, isla markaana ay doonayaan in dib loo xoojiyo midnimadaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in muddadii xileedkiisii koowaad iyo muddada hadda uu joogo uu aad u jeclaa, una dadaalay, in la sameeyo wax kasta oo bixin kara murugada iyo xanuunkaas. Si kastaba, wuxuu sheegay in aan weli lagu guuleysan xalinta mushkiladdaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in siyaasadda iyo qorshayaasha ay dowladda federaalka ka leedahay Somaliland lagu sameyn doono dib-u-eegis, si loo helo fikir iyo talo siyaasadeed oo walaalaha Somaliland ku qancin kara inay la midoobaan walaalahooda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inay diidi doonaan wax kasta oo aysan u qalmin dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada Waqooyi. Wuxuu sidoo kale ka tacsiyadeeyay hadallada aan wanaagsaneyn ee mararka qaar laga sheego dadkaas, isagoo sheegay in aysan u qalmin in sidaas loola hadlo.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in saddexda qaybood ee Soomaaliyeed ee weli ka maqan midnimada ay ku faraxsan yihiin yididiilada horumarka iyo rajada ka muuqata Soomaaliya. Wuxuu sheegay inay bogaadinayaan horumarka muuqda, ayna ku faraxsan yihiin rajada soo ifaysa.

Madaxweynaha ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 26-ka Juun iyo maalinta 1-da Luulyo oo ku beegan maalmaha soo socda, isagoo shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay inay adkeeyaan dowladnimadooda iyo midnimadooda.

Bandow lagu soo rogay magaalada Nairobi kadib cabsi laga qabo…

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa maanta bandow ku soo rogay qeybo badan oo ka tirsan magaalada Nairobi, iyadoo la adkeeyay dhaq-dhaqaaqa gudaha caasimadda, sababo la xiriira dibadbaxyo ay dhigayaan dhalinyarada loo yaqaan Gen Z.

Dibadbaxyadan ayaa ku soo beegmay sannad-guuradii labaad ee ka soo wareegtay kacdoonkii ballaarnaa ee looga soo horjeeday canshuurihii dowladda ee dhacay sannadkii 2024, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan, isla markaana ku qasbay Madaxweyne William Ruto inuu ka laabto xeerkii maaliyadda ee muranka dhaliyay.

Ciidamada booliska oo wata fardo iyo gaadiid gaashaaman ayaa si weyn loogu daadiyay waddooyinka waaweyn ee Nairobi, oo ay ka mid yihiin Thika Super Highway, Mombasa Road, Waiyaki Way iyo Jogoo Road, iyagoo xannibay isu-socodka gaadiidka iyo dadka lugaynaya ee ku wajahan bartamaha magaalada.

Bandowga iyo tallaabooyinka amni ee la qaaday ayaa saameyn ku yeeshay isu-socodka dadweynaha iyo ganacsiga magaalada, iyadoo meelo badan oo ganacsi albaabada loo laabay cabsi laga qabo rabshado iyo isku dhacyo ka dhaca gudaha Nairobi.

Dibadbaxayaasha ayaa dalbanaya in caddaalad la horkeeno mas’uuliyiinta ku lugta lahaa dilalkii iyo xadgudubyadii dhacay intii lagu jiray dibadbaxyadii sannadkii 2024 iyo kuwii xigay, iyagoo sheegaya in in ka badan 80 qof ay ku dhinteen howlihii lagu kala dirayay mudaharaadyada.

Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in Dastuurka Kenya uu dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa, balse wuxuu caddeeyay in dowladdiisu aysan aqbali doonin falal rabshado wata ama burbur hantiyeed oo loo geysto hantida shacabka iyo tan dowladda.

Toddobaadkii hore ayuu Ruto ku dhawaaqay sanduuq lacageed oo dhan 15 milyan oo dollar, kaas oo loogu talagalay in lagu magdhabo dhibanayaashii xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee dhacay intii u dhexeysay 2017 illaa 2025. Hase yeeshee, ururrada xuquuqda aadanaha ayaa dhaliilay qorshahan, iyagoo sheegay inuu weli ka maqan yahay isla xisaabtan iyo caddaalad dhab ah.

DF Soomaaliya oo dalab ka dhan ah Somaliland u dirtay dalalka Carabta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta in aan loo oggolaan dhulkooda, dekedahooda, shirkadahooda iyo nidaamyadooda maaliyadeed in loo adeegsado wax kasta oo sahli kara xiriir ama maalgashi lala yeesho maamulka Somaliland.

Baaqan waxaa jeediyey Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) xilli uu ka hadlayay furitaanka shirka Golaha Jaamacadda Carabta ee ka socda magaalada Ammaan ee dalka Urdun.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka walaacsan tahay dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed iyo xiriirada caalamiga ah ee maamulka Somaliland la yeelanayso dalal iyo hay’ado kala duwan, isaga oo ku adkeystay in Somaliland ay weli qayb ka tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya waxay si ixtiraam leh uga codsanaysaa dhammaan dalalka Carabta inay hubiyaan in aan dhulkooda loo adeegsan maalgelin, fududayn, sharciyeyn ama caadiyeyn wax kasta oo la xidhiidha gobolkan gooni u goosadka ah ee waqooyi-galbeed,” ayuu yiri Cali Balcad.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay dowladaha Carabta in aanay u oggolaan nidaamyadooda maaliyadeed, shirkadahooda, dekedahooda iyo hay’adahooda kale in loo adeegsado wax kasta oo Soomaaliya ay u aragto xidhiidh aan sharci ahayn oo lala yeesho Somaliland.

Cali Balcad ayaa sheegay in arrintan ay la xidhiidho ilaalinta mabda’a dhowrista midnimada dhuleed ee dalalka Carabta, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in laga hortago tallaabo kasta oo horseedi karta sharciyeyn ama aqoonsi loo fidiyo dhaqdhaqaaqyada gooni isu taagga.

Baaqa Soomaaliya ayaa imanaya xilli ay sii xoogaysanayaan dadaallada Somaliland ee ku aaddan ballaadhinta xiriiradeeda dibadda, gaar ahaan xiriirka cusub u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil, iyadoo Muqdisho ay mar kale ku celisay inay ka go’an tahay difaaca madax-bannaanideeda, midnimadeeda iyo xuduudaheeda caalamku aqoonsan yahay.

Muxuu yahay is-afgaradka ay DF Soomaaliya ku saxiixday Nairobi? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA), Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Laanqeyrta Cas ee Kenya (KRCS), Dr. Ahmed Idris ayaa magaalada Nairobi ku kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee dhinaca maareynta musiibooyinka.

Heshiiskan ayaa diiradda saaraya taageeridda bulshooyinka ku nool deegaannada xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa sidoo kale lagu heshiiyey in la horumariyo nidaamyada digniinta hore, falanqaynta khataraha iyo wadaagga xogta la xiriirta cimilada iyo xaaladaha degdegga ah.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa isku afgartay xoojinta tababarrada gurmadka, kaydinta agabka gargaarka iyo tayeynta awoodda kooxaha ka jawaaba xaaladaha degdegga ah.

Tallaabooyinkan ayaa looga dan leeyahay in la dardar-geliyo adeegyada bini’aadannimo ee laga fuliyo deegaannada ay saameeyaan masiibooyinka, sida ay sheegeen dhinacyadu.

Heshiiskan oo socon doona muddo saddex sano ah ayaa sidoo kale lagu adkaynayaa iskaashiga ku aaddan u-diyaargarowga, gurmadka bini’aadannimo iyo ka-soo-kabashada musiibooyinka, taasoo gacan ka geysan doonta yareynta saameynta xaaladaha degdegga ah.

Guddoomiyaha SODMA, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa bogaadiyey heshiiska, isagoo sheegay inuu muhiim u yahay xoojinta wada-shaqeynta Soomaaliya iyo Kenya iyo badbaadinta nolosha dadka nugul ee ay saameeyaan musiibooyinka.

Soomaaliya: Gole 10 xubnood ka kooban oo la magacaabay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magacawday Gollaha Haweenka Qaranka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda, magacaabistan ayaa lagu saleeyey qodobo ka mid ah dastuurka Soomaaliya iyo xeerarka dowladda ee la xiriira maamulka iyo nidaamka xukuumadda, kuwaas oo dhigaya ilaalinta xuquuqda aadanaha, sinnaanta iyo ka-qaybgalka muwaadiniinta.

Wasaaraddu waxay sheegtay in dhismaha Gollaha Haweenka Qaranka uu yahay mid looga gol leeyahay in la helo madal mideysa codka haweenka Soomaaliyeed, si ay uga qayb qaataan horumarinta siyaasadaha, istaraatiijiyadaha iyo barnaamijyada qaran ee la xiriira arrimaha haweenka iyo sinnaanta jinsiga.

Sidoo kale, golahan ayaa noqon doona gole qaran oo talo-bixin, isku-duwid iyo matalaad u ah haweenka Soomaaliyeed, kaas oo si rasmi ah ula shaqayn doona Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka.

Wasiiradda ayaa guddoomiyaha golaha u magacawday Naciimo Ibraahim Yuusuf, halka Faaiza Cali Boolaay loo magacaabay guddoomiye ku xigeen, iyadoo Aamina Axmed Samatar loo magacaabay xoghayaha guud ee guddiga. Sidoo kale, waxaa la magacaabay toddobo xubnood oo kale oo ka mid noqonaya golahan cusub.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in la kala diray ururkii hore ee Haweenka Qaranka oo ka tirsanaa nidaamkii dowladdii dhexe ee kacaanka, maadaama dalka uu haatan qaatay hannaan federaali ah, isla markaana aanu jirin xisbigii uu ururkaasi ka tirsanaa.

Wasiir Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa xubnaha cusub kula dardaarantay inay waajibaadkooda si hufan u gutaan, iyadoo xustay in magacaabista golahan ay ka dhalatay baahi weyn oo loo qabay in la helo hay’ad qaran oo mideysa kana shaqaysa horumarinta iyo matalaadda haweenka Soomaaliyeed.

War ka cusub markabka shidaal ee lagu afduubtay aagga xeebaha Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Walaac xooggan ayaa laga muujinayaa xaaladda shaqaale saarnaa markab shidaal oo lagu afduubtay meel u dhow xeebaha Soomaaliya, iyadoo qoysaska la haystayaasha ay sheegeen inay heleen hanjabaado toos ah oo uga yimid kooxaha hubeysan ee markabka qabsaday.

Qoysaska badmaaxiinta ayaa sheegay in wada-hadallada lagu doonayo sii-deynta shaqaalaha ay wajahayaan caqabado cusub, halka afduubayaashuna ay ku hanjabeen inay dilayaan qaar ka mid ah la haystayaasha haddii aan muddo kooban gudaheed lagu bixin lacagta madax-furashada ee ay dalbanayaan.

Sida ay sheegeen ehellada shaqaalaha, siddeed muwaadin oo u dhashay Masar iyo afar u dhashay Hindiya ayaa wajahaya khatar sii kordheysa kadib markii kooxda afduubka geysatay ay sare u qaadday cadaadiska la xiriira bixinta lacagta madax-furashada.

Xaaska mid ka mid ah badmaaxiinta ayaa warbaahinta u sheegtay in heshiis hore oo laga gaaray lacagta madax-furashada uusan dhaqan gelin kadib dib-u-dhac ku yimid habraacyada xawilaadda lacagaha. Arrintan ayaa la sheegay inay dhalisay caro ay muujiyeen afduubayaashu.

Waxay intaas ku dartay in kooxda hubeysan ay ku hanjabtay inay qaar ka mid ah shaqaalaha u wareejin doonto deegaanno buuraley ah oo fog si cadaadis dheeraad ah loogu saaro milkiilayaasha markabka, iyagoo dib-u-dhaca lacag-bixinta ku tilmaamay mid dhaawacaya wada-hadallada socda.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda shaqaalaha la haysto, iyadoo la kaashanaysa safaaradda Masar ee Muqdisho iyo hay’adaha ay khusayso ee Soomaaliya si loo xaqiijiyo sii-deyntooda.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in xiisaddu sii korortay kadib markii milkiilaha markabka uu codsaday waqti dheeraad ah oo lagu dhammaystirayo bixinta lacagta madax-furashada, balse codsigaas ay si cad u diideen afduubayaashu.

Khubaro ku takhasustay arrimaha maraakiibta ayaa sheegay in hanjabaadaha noocan oo kale ah marar badan loo adeegsado cadaadis nafsi ah oo lagu dardargelinayo bixinta lacagta madax-furashada, iyagoo xusay in kooxda afduubka geysatay aysan u muuqan shabakadihii burcad-badeedda ee si nidaamsan uga hawlgeli jiray xeebaha Soomaaliya sannadihii hore.

Guddoomiyaha Ururka Saraakiisha Maraakiibta ee Masar, Kabtan Sayid Al-Shadhali, ayaa sheegay in fariimaha ay dirayaan afduubayaashu ay u muuqdaan kuwo lagu cadaadinayo dhinacyada ku lugta leh heshiiska madax-furashada, si loo dedejiyo gunaanadka wada-xaajoodka.

Khubarada amniga badda ayaa sidoo kale ka digay in dib-u-soo-noqoshada falalka afduubka maraakiibta ee marin-biyoodkan muhiimka ah ay xiriir la leedahay xaaladaha amni ee gobolka, taas oo sii kordhinaysa walaaca laga qabo badqabka shaqaalaha maraakiibta iyo ammaanka isu-socodka ganacsiga badda.

Cirro oo dib ugu laabtay Hargeysa kadib safarkiisii Israa’iil + Sawirro

0

Hargeysa (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo maanta dib ugu laabtay magaalada Hargeysa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay gudaha magaaladaasi, kadib markii booqashadii uu ku tegay gudaha Israa’iil.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa si diirran oo xamaasad leh waxaa usoo dhaweeyay mas’uuliyiinta Somaliland, goleyaasha dowladda, saraakiisha ciidamada iyo dadweynaha ku nool caasimadda Hargeysa oo banaanka usoo baxay.

Muuqaallo iyo sawirro ay baahisay Madaxtooyada Somaliland ayaa muujinayo Madaxweynaha oo lagu galbinayo gawaari tiro badan, sidoo kalena  la damaashadaya shacabka iyo madaxda kusoo dhaweeyay gudaha garoonka.

Cirro oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa tilmaamay in safarkiisu ahaa mid guul u ah Somaliland, isla markaana sii xoojinaya dedaallada ku aaddan ictiraaf raadinta iyo ballaadhinta xidhiidhada caalamiga ah iyo horumarinta danaha ay leedahay Somaliland.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda iyo shacabka Israa’iil ay muujiyeen rabitaan dhab ah oo ku aaddan iskaashi iyo wax wada qabsi dhinacyo badan leh oo u dhexeeya labada shacab iyo labada dal, kuwaas oo ay ka mid yihiin;-

Horumarinta dhaqaalaha, ka wada shaqaynta amniga, beeraha, biyaha, maalgashiga, teknoolajiyadda, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo kobcinta awoodaha hay’adaha, si loo abuuro fursado horumarineed oo waara oo ay ka wada faa’iidaystaan labada dal iyo labada shacab.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo loo galbiyay Xarunta madaxtooyada ayaa haatan kulamO la leh madaxda sare oo uu uga warbixinayo safarkiisii Tel Aviv iyo tallaabooyinkii kale ee ay wada qaadeen iyaga iyo xukuumadda Israa’iil.

Soo laabashada Cabdiraxmaan Cirro ayaa kusoo beegantay munaasibadda 66-guurada maalinta Xorriyadda Gobollada Waqooyi ee 26 June oo caawa ku beegan, iyadoa oo uu khudbad ka jeedin doono Madaxweynuhu, taas oo uu uga waramayo guulaha xukuumadda iyo dadaallada diblumaasiyadeed intaba.

Sidee mucaaradka uga fal-celiyeen xukunka lagu riday Sacdiyo Bajaaj?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka oo siyaabo kala duwan qoraallo usoo saaray ayaa ka hadlay xukun ay maanta Maxkamadda Gobolka Banaadir ku ridday Sacdiyo Macalin Cali Xasan (Bajaaj) oo lagu helay kiis xasaasi ah, gaar ahaan aflagaado madaxeed iyo sidoo kale kicin bulsho.

Maxkamadda Gobolka ayaa Sacdiyo Bajaaj ku xukuntay saddex sano xarig ah, sida uu manta ku dhawaaqay guddoomiye Saalax Dabbaan. Kiiskan ayaa muddo soo socday, iyadoo Maxkamadda Gobolka ay ka yeelatay fadhiyo kala duwan, waxaana intii ay socotay maxkamadeynta lagu soo bandhigay caddaymo ay ku jiraan muuqaallo lagu dhex daawaday hoolka maxkamadda, inkastoo ay qareennada iyo Sacdiyo Bajaaj qudheedaba ah ay iska difaaceen eedeymaha ay soo jeedisay Xeer Ilaalinta Qaranka.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si adag uga horyimid xukunka dhacay, waxayna ku tilmaameen mid gaboodfal ah oo layaab ku noqday, sida ay hadalka u dhigeen.

Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaca ka qaaday in xukunka maxkamadda uu dirayo farriin cabsi gein ah, isla markaana uu amray Madaxweyne Xasan Sheekh, sida uu ku sheegay qoraal uu soo saaray.

“Xukunka sadexda sanno ee xaqdarada ah ee lagu riday Sacdiyo Macallin Cali wuxuu la yaab ku noqday dadka Soomaaliyeed waana farriin cabsi galin ah oo uu Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Xasan Sheekh Maxamuud u diray dhallinyarada iyo dadka ka soo horjeeda tacadiyadda ka dhanka ah bulshada caasimadda. Waxaan dhallinyarada caasimadda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ku dhiirragalinayaa inaysan aqbalin cabsi-galinta nidaamka ka leexday sharcigii iyo dowlanimadii.” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale wuxuu dhaleeceeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ku eedeeyay inuu beegsanayo dhalinyarada iyo dadka danta-yar, sida uu hadalka u dhigay. “Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday wuxuu u xuubsiibtay beegsiga danyarta, waana innaan dhammaanteen si iskumid ah u diidno dulmiga iyo cadaalad darrada lagula kacay Sacdiyo Macallin Cali,” ayuu raaciyay.

Dhankiisa Ra’iisul wasaarihii Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo qoraal soo saaray ayaa dulmi ku tilmaamay xukunka lagu riday Sacdiyo Macallin oo uu tilmaamay inay tahay hooyo u halgameysay carruurteeda iyo qoyskeeda. Sidoo kale wuxuu sheegay inay dhibane u tahay dowladdii taageeri lahayd.

“Sacdiya Bajaaj ma aha dambiile ee waa hooyo u halgamaysay quudinta qoyskeeda oo ay duruufuhu ku qasbeen in ay bajaaj ku shaqeyso, maadaama ay shaqo ka waysay cilmigii ay ka baratay Jaamacadda. Waxaana ayaandarro ah in ay maanta dhibbane u tahay dowladdii ku taageeri lahayd sidii ay u heli lahayd shaqo aqoonteeda waafaqsan, oo u xirtay, una xukuntay in ay si nabdoon u cabbirtay aragtideeda iyo dareenkeeda, taas oo ah xaq dastuuri ah oo uu u dammaanadqaaday Qodobka 18aad ee Dastuurka Dalka” ayuu yiri Khayre.

Waxaa kale oo uu sii raaciay “Waxaa musiibo qaran ah in ay dulmi ku kacayso Maxkamaddii loo doonan lahaa caddaaladda, taas oo dhaawacaysa hufnaanta Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo kalsoonida ay dadweynuhu ku qabaan garsoorka Maxkamadda. Xarigga Sacdiya waa cabsigelin lagu aamusinayo muwaadin kasta oo doonaya in uu si nabdoon u cabbiro aragtidiisa dastuuriga ah. Waxaanse hubaa in dadka Soomaaliyeed aaney marnaba aqbali doonin dowladnimo ku dhisan xoog, xarig, caburin, iyo cabsigelin, taas oo ah damac horay loogu soo hungoobay”.

Si kastaba, Sacdiyo Macalin oo xirnayd muddo 74 maalin ah ayaa hadda kusii jiri doonto xabsiga, waxaana lagu helay dambi la xiriira kicin dadweyne iyo sumcad dilka hay’adaha iyo madaxda sare Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Gabdhahan oo caan ka ah baraha bulshada ayaa horay si wayn uga soo muuqan jirtay warbaahinta, waxaana sidoo kale marar badan ay ka qayb gashay kulamo ay qabteen mucaaradka oo looga soo horjeeday Dowladda

Soomaaliya oo safiir aan joogto ahayn u dirtay Canada + Sawirro

0

Ottawa (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa safiir aan joogto ahayn u dirtay dalka Canada, kaas oo maanta si rasmi ah looga guddoomay waraaqaha aqoonsiga ee Danjirenimo, kadib munaasabad ka dhacday Rideau Hall ee magaalada Ottawa.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Mareykanka, Mudane Daahir Xasan Cabdi (Daahir Carab) ayaa noqday safiirka aan joogtada ahayn ee Jmhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan wadanka Canada, kaas oo haatan gudbiyay waraaqaha aqoonsiga, waxayna tani u oggolaanaysa inuu si buuxda u guto waajibaadka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

Daahir Carab waxaa waraaqaha ka guddoomay guddoomiyaha guud ee dowladda Canada (Governor General of Canada), Mss Louise Arbour, oo sidoo kale ah wakiilka rasmiga ah ee Boqorka Kanada, Boqor Charles III, isla markaana ah madaxa qaranka ee dalka Canada.

Gudbinta iyo guddoomista warqadaha safiirnimo ayaa astaan u ah in Danjiruhu si rasmi ah u billaabay gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed ee dalka Canada, taas oo si weyn u xoojinaysa xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Canada.

Safiirka cusub ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga horumarinta, dhaqaalaha, maalgashiga, waxbarashada iyo arrimaha bulshada.

Waxaa kale oo magacaabista Danjire Daahir Carab loo arkaa inay fure u noqon karto fursado cusub oo ay ka faa’iideystaan labada dowladood.

Canada waxaa ku nool Soomaali badan, kuwaas oo qaarkood xilal muhiim ah ka haya dowladda, halka kuwa kalena ay fursado ka helen dalkaas.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa sannadihii ugu dambeeyay xoogga saartay dib u soo nooleynta xiriirrada diblomaasiyadeed iyo ballaarinta matelaadda ay ku leedahay caalamka, iyadoo danjireyaal iyo wakiillo cusub u dirtay dalal kala duwan si loo xoojiyo doorka Soomaaliya ee masraxa caalamiga ah.

Cabsi ka taagan Nairobi iyo KENYA oo tallaabo qaaday

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska kenya ayaa jidgooyooyin iyo baro kontaroolo dhigay meelo badan oo muhiim ah oo laga galo bartamaha magaalada Nairobi, sababo la xiriira cabsi laga qabo dhaqdhaqaaqa ka hor inta aan la qaban munaasabadda xuska Gen Z.

Gaadiidka Matatuga loo yaqaano ee dadweynaha iyo kuwa kale ayaa laga hor istaagayaa inay soo galaan magaalada, taasoo ah tallaabo sababi karta in dadka safarka ah ay xayirmaan oo sababi karta carqalado waaweyn oo dhanka gaadiidka ah.

Sidoo kale, qaar ka mid ah dadweynaha Kenya, oo ay ku jiraan dadkii ka badbaaday toogashada Booliska, ayaa qorsheynaya inay sameeyaan dibadbaxyo qaran oo iyadoo la shidayo shumacyo si ay u maamuusaan geesiyaasha ku geeriyooday banaanbaxii weynaa ee gilgilay Kenya sanadkii 2024-kii iyo 2025-kii.

Ganacsiyada magaalada ayaa sidoo kale inta badan xiran oo ay ku jirto xaafadda Soomaalida ee Eastleigh, iyo faras-magaalaha Nairobi.

Dibadbaxyadii dhacay Juun 25, 2024 ayaa horseeday inay dadkii dibedbaxayay ay qaarkood gudaha u galaan baarlamaanka waddanka, kuwaas oo qaar la toogtay.

Dhalinyarada Kenya, oo loo yaqaan Gen Z, ayaa ka soo horjeestay Sharciga Maaliyadda ee soo jeediyay kordhinta canshuurta xad-dhaafka ah, cadaadiska lagu saarayo anshaxa siyaasiyiinta iyo xitaa in xilka laga qaado Madaxweyne William Ruto iyo hoggaamiyeyaasha kale.

Sannadkii 2025, dadweynaha Kenya waxay u dabaaldegeen sannad-guuradii koowaad ee dibadbaxyada Gen Z, taasoo keentay dhimashada 16 qof oo dheeraad ah oo ka dhashay dhaawacyo rasaas iyo dhaawacyo ka dhashay isticmaalka awoodda xad-dhaafka ah ee booliiska.

Si kastaba ha’ahaatee, waa sanadkii labaad oo xiriir ah oo la qabanayo xuska 25-ka Juun.

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun adag ku riday Sacdiyo Bajaaj

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ugu dambeyn soo gabagabeysay kiiska Sacdiyo Macalin Cali Xasan oo loo yaqaano (Sacdiyo Bajaaj) ayaa ku ridday xukun adag, kadib markii lagu helay qodobadii lagu soo eedeeyay.

Maxkamadda ayaa Sacdiyo Macallin oo ah gabar dhalinyaro ah ku xukuntay saddex sano xarig ah, sida uu ku dhawaaqay guddoomiye Saalax Dabbaan. Kiiskan ayaa muddo soo socday, iyadoo Maxkamadda Gobolka ay ka yeelatay fadhiyo kala duwan, waxaana intii ay socotay maxkamadeynta lagu soo bandhigay caddaymo ay ku jiraan muuqaallo lagu dhex daawaday hoolka maxkamadda, inkastoo ay qareennada iyo Sacdiyo Bajaaj qudheedaba ah ay iska difaaceen eedeymaha ay soo jeedisay Xeer Ilaalinta Qaranka.

Dhanka kale, mid kamid ah qareennada difaacayay gabadha oo la hadlay warbaahinta ayaa ka horyimid go’aanka adag ee maxkamadda, isaga oo tilmaamay in aysan ku qancin, isla markaana ay qaadan doonaan racfaan, si ay u aadaan Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, si mar kale loo furo kiiskeeda.

“Sacdiyo kuma qancin go’aanka Maxkamadda Gobolka Banaadir, waxayna isticmaashay go’aan adag oo laga baaqsan karay,” ayuu yiri Abuukate Maxamed Sheekh Cismaan oo u dooday Sacdiyo Bajaaj.

Si kastaba, Sacdiyo Macalin oo xirnayd muddo 74 maalin ah ayaa hadda kusii jiri doonto xabsiga, waxaana lagu helay dambi la xiriira kicin dadweyne iyo sumcad dilka hay’adaha iyo madaxda sare Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Gabdhahan oo caan ka noqotay baraha bulshada ayaa horay si wayn uga soo muuqan jirtay warbaahinta, waxaana sidoo kale marar badan ay ka qayb gashay kulamo ay qabteen mucaaradka oo looga soo horjeeday Dowladda.

Si kastaba ha’ahaatee, Kiiska Sacdiyo Macallin Xasan oo xasaasi ah ayaa si weyn isha loogu hayay iyada oo xukunka dhacay si weyn looga hadal-hayo baraha bulshada, maadaama ay jiraan dad badan oo uu saameyn karo kiiskan.

Trump oo xayiraado ku soo rogay Israa’iil iyo Netanyahu

Tel Aviv (Caasimada Online) — Telefishin laga leeyahay Israel ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu si tartiib tartiib ah u kordhinayo xayiraadaha uu saarayo Israel, taas oo saameyn ku yeelaneysa howlgallada militari iyo go’aannada siyaasadeed ee xukuumadda Benjamin Netanyahu.

Warbixin uu baahiyey Channel 13 ayaa lagu sheegay in cadaadiska Washington uusan ku koobneyn Lubnaan oo keliya, balse uu gaaray dhowr jiho oo ay Israel dagaallo iyo xiisado ka wado, gaar ahaan Gaza iyo xadka Lubnaan.

Sida warbixintu sheegtay, hoggaanka siyaasadda Israel ayaa amarro cusub siiyay milatariga, kuwaas oo qeexaya halka ay ciidamada Israel ka howl geli karaan iyo meelaha laga mamnuucay inay weerarro ka fuliyaan.

Amarka cusub ayaa dhigaya in ciidamada Israel ay si xor ah uga dhaqmi karaan gudaha waxa loogu yeero “xariiqda jaallaha ah”, isla markaana ay ka jawaabi karaan halis degdeg ah. Hase yeeshee, waxaa laga mamnuucay inay howlgallo ka fuliyaan magaalooyinka Beirut iyo Tyre ee dalka Lubnaan.

Mas’uul sare oo Israeli ah ayaa Channel 13 u sheegay in fariinta ka timid Mareykanka ay ahayd mid cad.

“Fariinta aan toddobaadyadii u dambeeyay ka helnay Mareykanka waa mid cad: waxaad horey u haysateen oggolaansho aad ku howl gashaan xannibaad la’aan, laakiin waqtigaas wuu dhammaaday,” ayuu yiri mas’uulkaasi.

Hadalkan ayaa muujinaya isbeddel weyn oo ku yimid qaabkii Mareykanku ula dhaqmi jiray howlgallada Israel, xilli Washington ay isku dayeyso inay ka hortagto dagaal ballaaran oo ka qarxa gobolka.

Dhanka kale, Taliyaha Guud ee ciidamada Israel, Eyal Zamir, ayaa Isniintii kulan la yeeshay saraakiil sare oo ka tirsan milatariga, iyagoo ka hadlay xaaladda Marinka Gaza iyo waxa Israel ay ku sheegtay awoodda militari ee sii kordheysa ee Xamaas.

Kulanka ayaa lagu soo qaaday qorshe lagu bilaabi karo howlgal militari oo lagu doonayo in hubka looga dhigo Xamaas. Hase yeeshee, baaxadda howlgalkaas ayaa lagu xiray go’aanka hoggaanka siyaasadda Israel.

Warbixinta ayaa sheegtay in saraakiil Israeli ah ay ka walaacsan yihiin in Trump uu hor istaagi karo howlgal ballaaran oo Gaza laga fuliyo, isla markaana uu ku riixi karo Israel inay dabacsanaan dheeraad ah ka muujiso arrimaha la xiriira hub ka dhigista Xamaas.

Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa dhankiisa ku celiyay in ciidamada Israel ay sii joogi doonaan aagga ammaanka ee koonfurta Lubnaan inta ay xukuumaddiisu u aragto lagama maarmaan.

“Waxaan mar kale xaqiijinayaa inaan ku sii sugnaan doonno aagga ammaanka ee koonfurta Lubnaan inta loo baahdo, si aan u ilaalinno dadka deggan waqooyiga iyo dhammaan muwaadiniinta dalka,” ayuu yiri Netanyahu.

Arrintan ayaa timid xilli wareeggii koowaad ee wada-hadallada Mareykanka iyo Iran uu soo dhammaaday. Kadib wada-hadalladaas, Qatar iyo Pakistan oo dhexdhexaadinaya dhinacyada ayaa ku dhawaaqay in la sameynayo “unug ka hortagga isku dhaca” oo ka shaqeyn doona xaaladda Lubnaan.

Unuggaas ayaan lagu darin Israel, taas oo dhalisay su’aalo ku saabsan sida uu u shaqeyn karo haddii aanay qayb ka ahayn dhinacyada ugu waaweyn ee ku lugta leh xiisadda Lubnaan.

Dhaqdhaqaaqyadan diblomaasiyadeed ayaa muujinaya in Mareykanku hadda doonayo inuu xakameeyo ficillada militari ee Israel, si looga baaqsado in dagaallada Gaza iyo Lubnaan ay isu beddelaan iska horimaad gobolka oo dhan ku fida.

Maxay tahay danta Azerbaijan ee Soomaaliya ee sida lama filaanka ah usoo muuqatay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dabayaaqadii April iyo bilowgii May, warbaahinta afka dowladda Azerbaijan ku hadasha ee AnewZ ayaa si aan caadi ahayn diiradda u saartay Soomaaliya, iyadoo soo saartay barnaamijyo iyo wareysiyo xiriir ah oo si cad u muujinayay in Baku ay Soomaaliya u aragto dal ay dan istiraatiiji ah ka leedahay.

Qaybta ugu horreysay waxay ahayd documentary 25 daqiiqo socday oo cinwaankiisu ahaa Somalia — Struggle for Sovereignty. Barnaamijkaas ayaa ku furmay muuqaal muujinayay ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, oo madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ku wargelinaya aqoonsiga Israel ee Somaliland, ka hor inta uusan documentary-gu u gudbin sawir kale oo Soomaaliya ka bixinaya — dal kasoo kabanaya burburkii, la dagaallamaya kooxo hubeysan, difaacayana midnimadiisa dhuleed iyo booskiisa istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika.

Maalmo kadib, AnewZ waxay baahisay wareysi ay la yeelatay wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud. Wareysigaas, wariyaha Azerbaijan ayaa si toos ah u soo qaaday aqoonsiga Israel ee Somaliland, kadibna wuxuu si xooggan u xusay taageerada Azerbaijan ee “madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed” ee Soomaaliya.

Halkaas waxaa ka muuqday arrin siyaasadeed oo muhiim ah: qalabka warbaahinta dowladda Azerbaijan ayaa si cad u difaacayay mowqifka Muqdisho, xilli arrinta la isku hayo ay ka timid Israel, oo ka mid ah xulafada ugu dhow ee Azerbaijan.

Soomaaliya, oo leh xeebta ugu dheer Afrika iyo marin muhiim ah oo ku dhow Baab al-Mandab, waxay ku taallaa goob maanta si sii kordheysa muhiim ugu noqonaysa loollanka awoodaha caalamka. Xeebteeda dheer ee Badweynta Hindiya, deriskeeda Jabuuti oo ay ku sugan yihiin saldhigyo shisheeye oo badan, kororka dhaqaale iyo siyaasadeed ee Itoobiya, iyo qalalaasaha ka taagan Gacanka Cadmeed iyo Yemen, dhammaantood waxay Soomaaliya ka dhigayaan dal aan la iska indho tiri karin.

Waxaa intaas dheer weerarrada Xuutiyiinta ee Badda Cas, amni darrada marinnada ganacsiga caalamiga ah, iyo tartanka Sacuudiga iyo Imaaraadka ee gobolka. Dhammaan arrimahan waxay kor u qaadeen qiimaha istiraatiijiga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan xilli loollanka ku saabsan dekedaha, saldhigyada, marin-biyoodka iyo saameynta siyaasadeed uu ku sii xoogeysanayo Geeska Afrika.

Sidaas darteed, taageerada Azerbaijan ee midnimada dhuleed ee Soomaaliya, gaar ahaan kadib aqoonsigii Israel ee Somaliland, ma ahayn kaliya jawaab degdeg ah oo ku timid hal dhacdo. Waxay ahayd natiijo ka dhalatay xiriir muddo sannad ku dhow si tartiib ah u dhismayay, una gudbay heer diblomaasiyadeed, amni, waxbarasho iyo horumarineed.

Xiriir si degdeg ah u xoogaystay

Dadaallada rasmiga ah ee lagu dhisay xiriirka Soomaaliya iyo Azerbaijan waxay bilowdeen 2024-kii, markii wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal ay kulan gaar ah ku yeesheen magaalada Baku, kana wada hadleen fursadaha iskaashi ee labada dhinac.

Bishii Febraayo 2025, toddobaad kadib markii wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Azerbaijan, Yalchin Rafiyev, uu booqday Soomaaliya, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna u safray Baku. Safarkaas wuxuu noqday mid sare u qaaday xiriirka labada dal.

Intii uu socday kulankaas, madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa Soomaaliya ku tilmaamay “saaxiib istiraatiiji ah oo Azerbaijan ku leedahay Geeska Afrika”. Weedhaas waxay ahayd fariin siyaasadeed oo cad. Waxay muujisay in Baku aysan Soomaaliya u arkin oo kaliya dal xiriir diblomaasiyadeed lala yeelanayo, balse ay u aragto meel laga dhisi karo iskaashi fog oo ku saleysan amni, dhaqaale iyo saameyn goboleed.

Kulankaas wuxuu dhigay saddex tiir oo xiriirka cusub lagu saleeyay: iskaashiga difaaca, wada shaqeynta tamarta, iyo isdhaafsiga waxbarashada.

Inkasta oo qodobka tamarta uu ahaa mid inta badan astaan siyaasadeed lahaa, haddana wuxuu ahaa qeyb ka mid ah fariinta guud ee labada dal doonayeen inay diraan. Ma jirin qaab ballaaran oo rasmi ah oo markaas lagu dhisay maalgashi weyn oo saliid, gaas ama marin tamareed ah, balse waxaa la muujiyay in labada dhinac ay diyaar u yihiin inay xiriirkooda u furaan dhinacyo badan.

Aliyev wuxuu sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh geeyay xarumo militari, goobo shidaal iyo gaas, iyo jaamacado. Taasi waxay muujisay in Azerbaijan ay dooneyso in xiriirka Soomaaliya uu noqdo mid isku daraya amni, dhaqaale iyo dhisidda awoodda hay’adaha mustaqbalka.

Difaaca iyo dagaalka Al-Shabaab

Laba bilood kadib, bishii April, Azerbaijan waxay ansixisay heshiis iskaashi difaac ah oo ay la gashay Soomaaliya. Heshiiskan ayaa yimid xilli dowladda Soomaaliya ay isku dayeysay inay xoojiso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo ku dhowaad labaatan sano qeyb weyn ka ahaa xasillooni darrada dalka.

Heshiiska difaaca wuxuu daboolayaa iskaashi militari iyo istiraatiiji ah, tababar, dhisidda awoodda ciidamada, iyo isdhaafsi hay’adeed oo u dhexeeya labada dhinac. Ansixintiisa waxay xiriirka ka saartay heer tijaabo iyo is-barasho, waxayna u gudbisay heer rasmi ah oo amni.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ee xilligaas, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa markii dambe si cad u soo dhoweeyay helitaanka Soomaaliya ee qaab-dhismeed amni oo ay ku jiraan Azerbaijan iyo Turkey. Taasi waxay Azerbaijan gelisay isla xayndaabka amni iyo dowlad-dhis ee ay Turkey hore uga ahayd saaxiib muhiim u ah Soomaaliya.

Sidaas darteed, markii AnewZ ay ka hadlaysay dagaalka Soomaaliya kula jirto kooxaha hubeysan, barakaca, iyo dib u soo kabashada awoodda dowladda, waxay ka hadlaysay arrimo si toos ah ula xiriira qaabka cusub ee iskaashiga Baku iyo Muqdisho.

Beeraha, waxbarashada iyo dhismaha hay’adaha

Markii xiriirka labada dal sii ballaartay, beeraha ayaa sidoo kale soo galay ajendaha. Bishii May, Azerbaijan iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad ah xilli wasiirka beeraha Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, uu ka qeyb-galayay bandhigga Caspian Agro ee Azerbaijan.

Inkasta oo iskaashiga beeraha uusan la miisaan ahayn difaaca ama tamarta, haddana wuxuu xiriirka siiyay wejiga rayidka iyo horumarinta. Wuxuu muujiyay in Baku iyo Muqdisho aysan doonayn xiriir ku kooban amni iyo siyaasadda sare oo keliya, balse ay raadinayaan xiriir taabanaya baahiyaha horumarineed ee Soomaaliya.

Bishii July, wasiirka arrimaha dibadda Azerbaijan, Jeyhun Bayramov, iyo dhiggiisa Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan sare ku yeeshay Baku. Labada dhinac waxay markale muujiyeen rajo weyn oo ku saabsan ballaarinta iskaashiga militari.

Safarka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya wuxuu lahaa astaan kale oo muhiim ah. Wuxuu booqday xusuusyo loogu talagalay dagaalladii koowaad iyo labaad ee Nagorno-Karabakh. Tallaabadaas, marka laga eego dhanka Baku, waxay ahayd calaamad muujineysa in Soomaaliya ay aqoonsan tahay dareenka Azerbaijan ee ku saabsan midnimada dhuleed iyo soo celinta dhulalkii ay ku muransaneyd.

Dhanka kale, waxbarashada ayaa noqotay mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee xiriirka cusub lagu xoojinayo. Mas’uuliyiinta Soomaaliya waxay muujiyeen xiisaha ay u qabaan inay wax ka bartaan dib-u-habeynta waxbarashada sare iyo maamulka dowladeed ee Azerbaijan.

Bayramov wuxuu ku dhawaaqay in dowladdiisu ay deeqo waxbarasho siin doonto arday Soomaaliyeed. Madaxweyne Aliyev-na wuxuu saxiixay amar madaxweyne oo lagu ansixiyay heshiis dowladeed oo waxbarashada ka dhigaya maalgelin fog oo lagu dhisayo awoodda iyo aqoonta hay’adaha Soomaaliya.

Bishii September, kooxdii ugu horreysay ee arday Soomaaliyeed ah ayaa tagtay Baku iyagoo helay deeqo waxbarasho oo dowladda Azerbaijan bixisay. Tani waxay xiriirka labada dal ka dhigtay mid ka gudbaya siyaasadda maalinlaha ah, una wareegaya dhisidda xiriir bulsho iyo aqooneed oo waqti dheer socon kara.

Bilaha xigay, labada dhinac waxay sidoo kale ka wada hadleen iskaashi ku saabsan adeegga bulshada, qaababka bixinta adeegyada dowladeed iyo xitaa ciyaaraha. Arrimahaas waxay sii ballaariyeen muuqaalka xiriirka cusub, waxayna ku dareen dhinacyo bulsho iyo maamul oo aan ku koobneyn amniga.

Dal-ku-galka iyo jaaliyadda

Bartamihii October, Soomaaliya iyo Azerbaijan waxay gaareen heshiisyo lagu fududeynayo shuruudaha dal-ku-galka. Inkasta oo arrintani u muuqan karto mid farsamo, haddana waa tallaabo kale oo muujineysa in xiriirka labada dal uu yeelanayo qaab rasmi ah oo sii xoogeysanaya.

Waxaa sidoo kale jira dhinac aan si rasmi ah u weyneyn, balse muhiim ah: jaaliyadda Soomaaliyeed ee dibadda, gaar ahaan Mareykanka.

Sanadkii 2024, Deqa Dhalac, oo ah xildhibaanad Somali-American ah oo laga soo doorto gobolka Maine, ayaa ka qeyb-gashay safar ay dowladda Azerbaijan maalgelisay, kaas oo ay ku wehliyaan mas’uuliyiin maxalli ah oo Mareykan ah iyo xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed.

Warbaahinta Azerbaijan waxay safarkaas u bandhigtay guul diblomaasiyadeed, iyadoo si gaar ah u muujisay hadallo lagu ammaanayay dib-u-dhiska ay dowladda Azerbaijan ka sameysay Shusha, Lachin iyo deegaanno kale oo ay Baku ku tilmaanto dhulal la xoreeyay.

Laakiin warbaahinta maxalliga ah ee Maine ayaa markii dambe safarka u eegtay si ka duwan. Qaar ka mid ah warbixinnada halkaas laga qoray waxay safarka ku xiriiriyeen doodaha ku saabsan shabakadaha siyaasadeed ee jaaliyadda Soomaaliyeed iyo codsiyo xog maaliyadeed oo ay sameeyeen xubno ka tirsan Congress-ka. Xitaa website olole guddoomiye gobol ayaa safarka ku tilmaamay “safar raaxo ah oo uu bixiyay nidaam kali-talis ah”.

Arrintani waxay muujineysaa in xiriirka Azerbaijan iyo Soomaaliya uusan ku koobneyn oo kaliya dowladaha Muqdisho iyo Baku, balse uu sidoo kale taabanayo jaaliyadaha, siyaasadda gudaha Mareykanka iyo loollanka aragtida ee ku saabsan Azerbaijan.

“Afrika ma aha qaarad naga fog”

25-kii May, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Azerbaijan waxay Baku ku qabatay shir heer sare ah oo lagu xusayay Maalinta Afrika. Shirkaas, diblomaasiyiinta Azerbaijan iyo Soomaaliya waxay xiriirka labada dal ku saleeyeen fikrad isku mid ah: madax-bannaani, midnimo dhuleed iyo is-ixtiraam.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Azerbaijan, Yalchin Rafiyev, ayaa sheegay in “Afrika aysan ahayn qaarad ka fog Azerbaijan”. Wuxuu Soomaaliya ku tilmaamay mid ka mid ah dalalka muhiimka u noqon doona wejiga xiga ee xiriirka Azerbaijan iyo Afrika, isaga oo sheegay in iskaashigaas lagu dhisayo “is-ixtiraam, garab-istaag iyo taageero loo hayo midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida”.

Safiirka Soomaaliya ee Azerbaijan, Cabdinuur Daahir Fidow, ayaa isna si cad u xiriiriyay waayo-aragnimada Azerbaijan iyo tan Soomaaliya.

“Azerbaijan waxay si joogto ah u difaacday madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed, duniduna waxay aragtay soo celinta midnimadeeda dhuleed. Soomaaliya ahaan, mabaa’diidan waxay leeyihiin macne aad u qoto dheer, mana aha kaliya fikrado siyaasadeed,” ayuu yiri.

Hadalkaas wuxuu si wanaagsan u soo koobayaa sababta xiriirka Baku iyo Muqdisho uu u xoogeysanayo. Labada dhinac waxay isku arkaan dalal ka hadlaya qadiyad isku dhow: difaaca qarannimada, diidmada gooni-u-goosadka, iyo taageerada xeerarka caalamiga ah ee ku saabsan midnimada dhuleed.

Xiriir aan burburin midka Israel

Taageerada Azerbaijan ee Soomaaliya, gaar ahaan marka ay timaado diidmada aqoonsiga Somaliland, macnaheedu ma aha in Baku ay ka leexatay Israel ama ay burburineyso xiriirka dhow ee labada dal. Azerbaijan iyo Israel weli waxay leeyihiin xiriir amni, tamar iyo istiraatiiji ah oo qoto dheer.

Laakiin arrintan waxay muujineysaa in Azerbaijan ay leedahay kala hormarin dano ah. Marka danaha Israel ay taabtaan mowduuc si toos ah ugu xiran mabda’a midnimada dhuleed — oo ah qodob aad muhiim ugu ah siyaasadda dibadda ee Azerbaijan — Baku waxay dooran kartaa inay taageerto dhinaca kale, gaar ahaan haddii dhinacaas uu noqday saaxiib cusub oo istiraatiiji ah.

Sidaas darteed, mowqifka Azerbaijan ee Soomaaliya waa in loo fahmo wax ka weyn jawaab ku kooban aqoonsiga Somaliland. Waa qeyb ka mid ah siyaasadda Baku ee ku wajahan Bariga Afrika, oo isku dartay difaaca mabda’a midnimada dhuleed, iskaashiga amniga, dhismaha kaabayaasha xiriirka, waxbarashada, iyo awood-jilicsan oo ay Azerbaijan dooneyso inay ka dhex dhisto qaaradda Afrika.

Waxaa sidoo kale muuqata in Azerbaijan ay Soomaaliya u aragto albaab muhiim ah oo laga galo Geeska Afrika, halka Soomaaliya ay Azerbaijan u aragto dal taageero diblomaasiyadeed, amni iyo waxbarasho ka heli karto xilli ay wajahdo caqabado gudaha iyo dibadda ah.

Ugu dambeyn, xiriirka cusub ee Muqdisho iyo Baku wuxuu ka tarjumayaa isbeddel weyn oo ka socda siyaasadda caalamka: dalalka aan markii hore si weyn loogu tirin jirin loollanka Geeska Afrika ayaa hadda raadinaya boos ay ku yeeshaan gobolka. Soomaaliya, oo muddo dheer loo arkayay dal dhibaatooyin gudaha ah ku mashquulsan, waxay maanta noqotay goob ay ku kulmayaan danaha amni, dhaqaale, marin-biyood iyo diblomaasiyadeed ee quwado badan.

Azerbaijan waxay u muuqataa inay arrintaas si fiican u fahantay — waxayna Soomaaliya u aragtaa “saaxiib istiraatiiji ah” oo ay ku yeelan karto Geeska Afrika.

Qarax ka dhacay dalka Iiraan + Khasaaraha

Tehran (Caasimada Online) – Shan qof ayaa ku dhaawacmay, laba ka mid ahna xaaladdoodu ay liidato kadib qarax gaas oo ka dhacay deegaanka Pulur ee gobolka Mazandaran ee waqooyiga dalka Iiraan, sida ay baahiyeen warbaahinta gudaha dalkaas.

Qaraxan ayaa dhacay fiidnimadii Arbacada, waxaana si degdeg ah goobta u gaaray ciidamada gurmadka, dab-damiska iyo adeegyada caafimaadka si ay uga jawaabaan xaaladda. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxu uu ka dhashay gaas, inkastoo baaritaanno dheeraad ah ay weli socdaan.

Mojtaba Bandad Kermani oo ah madaxa shabakadda caafimaadka iyo daaweynta ee degmada Damavand ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay soo gaareen gubashooyin iyo dhaawacyo culus, taasoo keentay in loo qaado xarumo caafimaad oo heer sare ah.

Mas’uulkan ayaa sheegay in dhammaan dadka dhaawacmay loo gudbiyay Xarunta Takhasuska Gubashada ee magaalada Tehran, halkaas oo ay ka helayaan daryeel caafimaad oo gaar ah. Waxa uu xusay in xaaladda laba ka mid ah dadka dhaawacmay ay tahay mid aad u daran.

Warbaahinta gudaha Iiraan ayaa sheegtay in kooxaha gurmadka iyo khubarada farsamada ay bilaabeen baaritaan ku saabsan sababta rasmiga ah ee qaraxa, iyadoo aan weli la shaacin wax khasaare ah oo soo gaaray dhismayaasha ku dhow goobta.

Warbixinnada ay daabaceen qaar ka mid ah warbaahinta caalamiga ah ayaa tilmaamay in qaraxyada la xiriira gaaska iyo shilalka warshadaha ay marar kala duwan ka dhacaan Iiraan, kuwaas oo inta badan lala xiriiriyo cilado farsamo, dayactir la’aan ama dhibaatooyin ka jira kaabeyaasha tamarta iyo gaaska.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo muujinaya in qaraxan uu la xiriiro fal amni ama weerar, iyadoo mas’uuliyiinta Iiraan ay sheegeen in baaritaannada socda lagu ogaan doono sababta saxda ah ee ka dambeysay dhacdadan.