27 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Video: Arrin uu soo jeediyey xildhibaan ka hadlay kulankii taageerayaasha Farmaajo oo buuq dhalisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo xildhibaanada taageersan madaxweynaha Soomaaliya ay kulan ku yeesheen Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho ayaa qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka waxay buuq ka kiciyeen kulankaasi.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo kamid ah xildhibaanada diidan mooshinka ayaa soo jeediyay in guddoomiyaha baarlamaanka  iyo labadiisa ku xigeen ls iska tuuro haddii ay heshiin waayaan, maadaama sida uu sheegay ay qeyb ka yihiin khilaafka taagan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in khilaafka ka dhasha baarlamaanka uusan dhamaaneyn ilaa inta ay heshiis aheyn guddoonka baarlamaanka ay xilka sii hayaan, wuxuuna soo jeediyay in la iska tuuro seddexdooda.

“Dowladdan Labo sano ayaa u dhiman, annaga labo sano ayaa inoo dhiman, Inaan Mooshin La’aan ku dhameysano ma igu raacsan tihiin “HAA”, Guddoomiyaheena haku soo laabto halkuu ka guurey, Khilaafka wuu batay guddoomiyaha iyo kuxigeenada haddii ay heshiin waayaan seddexdooda aan isla tuurno, Runta ma rabtaan, Mursal, Muudey, iyo Mahad, saddexdooda isku mid ayay noo yihiin”.

“Buux iyo xitaa aan ku darno, haddii ay soo heshiin waayaan oo maalinta Isniinta ay noo furi waayaan baarlamaanka, aniga waxaan soo jeedinayaa inaan seddexdooda ridno oo guddoon cusub aan doorano, ninka noogu da’ weyna u dhiibano xilka”ayuu yiri Xildhibaan Dhaqtar.

Kadib xildhibaanada kale ayaa bilaabay inay ku buuqaan ama ku oriyaan, waxaana meesha ka dhashay is fahamwaa sababay inuu iska wareejiyo cod baahiyaha uu ku hadlayay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaanada taageersan FARMAAJO oo shaaciyey tiradooda rasmig ah (Arag magacyada iyo saxiixooda)

Muqdisho (Caasimada Online)  – Xildhibaanada taageersan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Muqdisho ku qabtay kulan ay madaxweynaha taageero ugu muujiyeen.

Xildhibaanadan ayaa warar is khilaafsan ay kasoo baxeen tiradooda, waxaana horey u qornay inay ahaayeen 135 xildhibaan, hase yeeshee xiriir ay nala soo sameeyeen ayay ku sheegeen inay intaas ka badan yihiin oon ay gaarayaan 167 xildhibaan.

Xildhibaanada ayaa Caasimada Online soo gaariyey warqad ay ku qoran yihiin magacyadooda iyo saxiixooda oo ay sheegeen inay caddeyn u tahay tiradooda rasmiga ah. Si kastaba, sida mar kasta dhacday, waxaa dhici doonta in xildhibaano badan ay sheegtaan in magacooda laga been abuurtay.

Xildhibaanadan oo isugu yeeray “aqlabiyadda golaha shacabka” ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin hoggaanka Madaxweynaha iyo waxqabadka xukuumadiisa uu hoggaamiyo Raysal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Hoos ka aqriso liiska magacyada iyo saxiixda xildhibaanada

MAHAD SALAAD oo jawaab cajiib ah ka bixiyey hadalkii ka soo baxay AMISOM

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa jawaab ka bixiyey qoraalkii maanta kasoo baxay hoggaanka ciidamada Amisom, kaasi oo ay isaga fogeeyeen inay kaalin ku lahaayeen xariga Mukhtaar Roobow. Hoos ka aqriso qoraalka xildhibaan Mahad Salaad, oo uu faceook soo dhigay:-

Dharka iyo gaadiidka Midowga Afrika miyaa suuqyada magaalada Baydhabo lagu gadaa mise?!

Shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa docwo ka dhan ah Ergayga gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb. Fransisco Madeira u gudbiyay Gudoomiyaha Midawga Afrika Moussa Faki iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholas Haysom.

Dacwadaan ayaa timid kadib markii ciidamada Itoobiya ee katirsan kuwa AMISOM ee jooga magaalada Baydhabo ay maalintii Khamiista soo afduubeen Mukhtaar Roobow. Afduubkaas oo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac dad shacab ah iyo Xildhibaan katirsan Barlamaanka Koonfur Galbeed.

Iyagoo ka jawaabaya eedeyntaas ayaa saakay war saxaafadeed kasoo baxay xaafiiska Midawga Afrika waxay iskaga fogeeyeen in ay ku lug lahaayeen howl galkii lagu soo qabtay Mukhtaar Roobow iyo dhibkii ka dhashay.

Hadaba waxaa iswaydiin mudan TAANGIYADAAN ay ku buufsanyihiin magaca Midowga Afrika iyo CIIDAMADAAN labbisan dharkooda ma’ahan miyaa kuwoodii mise dharka iyo gadiidka Midowga Afrika ayaa suuqyada magaalada Baydhabo lagu gadaa?!

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Keating oo shaaciyey inuu FARMAAJO mooshinka ka bad-baadi karo iyo in kale

Nairobi (Caasimada Online) – Wakiilkii hore ee xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya Michael Keating ayaa ka hadlay mooshinka xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ay ka gudbiyeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Keating oo wareysi siiyey taleefishinka Jarmalka ee DW, ayaa sheegay in mooshin cod kalsooni oo Farmaajo laga keenay aanu macnaheedu ahayn xasilooni darro siyaasadeed, oo dalal badan oo caalamka ah ay taas oo kale ay ka dhacdo, sidii dalka Britain oo kale oo toddobaadkan ay ka dhacday markii xisbiga muxaafadka ay cod u qaadeen ra’iisul wasaare Theresa May.

“Si kastaba, marka aad eegto Soomaaliya, nasiib darro waa astaan muujineysa suuq siyaasadeed oo caan ku ah gacmo badan oo la isku dhaafsado lacag aan la ogeyn halka ay ka yimaadeen” ayuu yiri Keating,

Keating waxa uu sheegay in mooshinka Farmaajo uu astaan u yahay walaac ku saleysan qabyaalad iyo loolan loogu jiro kuraasta xukunka iyo sidii awoodda gacanta loogu dhigi lahaa.

“Waxaan rumeysanahy in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka bad-baadi doono mooshinkan” ayuu yiri

“Saddexdii sano ee aan joogay Soomaaliya waxaan marar badan arkay mooshino noocan oo kale ah oo laga keenay ra’iisul wasaareyaal iyo madaxweyne, marka la-yaab maaha” ayuu yiri Michael Keating oo xafiiska QM ee Soomaaliya ka tegay bishii October.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Muuqaal: Juxa oo loogu soo dhoweeyay GAROOWE

0

Garoowe (Caasimada Online)- Wuxu ahaa isu soo bax noociisa aaney mudooyinkaan arag shacabka reer Puntland. Dadka ayaa ka yimmid Mudug, Nugaal, Bari ilaa Karkaar si ay usoo dhoweeyaan musharax Cabdi Faarax Siciid Juxa.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ayaa maanta dib ugu soo laabtay Garoowe, waxaana ay kumanaan shacab ah uga hor tageen daroonka diyaaraha ee Jeneraal Maxamed Abshir. Dadka ayaa tixanaa guud ahaan wadooyinka waa weyn ee magaalada Garoowe.

Juxa oo loo arko musharaxa ugu cadcad doorashada madaxtinimada ee Puntland ayaa shacabka kula hadlay fagaaraha barxada Garoowe, halkaas oo uu ka jeediyay qudbad 19 daqiiqo ah.

Juxa ayaa hadalkiisa ku bilaabay in sida ay shacabku isugu soo baxeen maanta iney muujineyso sida ay reer Puntland u doonayan iney doortaan hogaan wanaagsan, wuxuuse nasiib daro ku tilmaamay in 20 sanno kadib ay wali Puntland doorashadeeda odayaashu hagaan.

Wuxuu shacabkii isu soo baxay u balan qaaday in hadii la doorto uu shaqadiisa koowaad ka dhigi doono dhismaha xisbiyada, si doorashada xigta ay shacabku u doortaan hogaankooda.

Xiliga ay kusoo aaday doorashada Puntland ayuu musharax Juxa ku sheegay waqti aad xasaasi u ah oo uu dayacan yahay amniga Puntland, dhaqaale uusan jirin, Dowlada dhexe iyo maamuladu ay is heystaan wax badana loo baahan yahay in taxadar lagu wajaho ,waxaana uu ku baaqay in qofka la dooranaayo uu noqdo qof xogogaal ah, lasoo tijaabiyay, arrimaha taagana ka bixi kara.

Wuxuu soo hadal qaaday arrinta gobalka Sool isagoo sheegay in hadii la doorto uusan wax gor gortan ah ka galin doonin arrinta gobalkaas, wuxuu fariin u diray Muuse Biixi (Madaxweynaha Somaliland) oo uu sheegay iney ceeb ku tahay in wixii uu 30 sanno ka cabanayay uu isagu maanta ummada ku hayo.

Juxa wuxuu sheegay in hadii la doorto uu dhiso doono ciidan amni oo xoogan iyo dhaqaale la isku haleyn karo, uuna ka dhabeyn doono riyada reer Puntland, sidoo kalana uu fursad siin doono dumarka iyo dhallinyarada waxbaratay. Dadka ayaa u muuqday kuwo aad ugu riyaaqay balan qaadyada musharax Cabdi Farax Siciid Juxa.

Hoos ka daawo qudbada oo dhemeystiran

 

Caasimada Online
Xafiiska-Garoowe
[email protected]

Ilaalada la-taliyaha Mursal oo hubka laga dhigay gaadiidna lagala wareegay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay baahisay Idaacadda Risaala oo kamid ah Idaacadaha Muqdisho, hay’adda nabad-sugidda qaranka ee NISA ayaa hub ka dhigis ku samaysay la-taliyaha guddoomiyaha baarlamaanka.

C/Qaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ah la-taliye sare oo ka tirsan Xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka ayaa la sheegayaa, in hubka dhigis lagu sameeyay ciidamo isaga ilaalo u ahaa una diiwaan gashan dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in ilaalada Jaamac looga yeeray xarunta Xisbiga oo ah taliska ciidamada Hoos tagaan, iyadoo lagu wargeliyay inay Mushaaraadkooda qaadan doonaan, balse markii halkaasi ay tageen lagu wargeliyay inay hubka dhigaan.

Sidoo kale waxaa lagu wargeliyay inay wareejiyaan Gaari ciidan oo ahaa Cabdi Bille u diiwaan gashan dowladda Soomaaliya, waxaana la sheegay inay kadib goobta kasoo baxeen iyaga oo aan hubeysneen.

Sababta hub ka dhigista loogu sameyay ilaalada la taliyaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lala xiriirnayaa in ay tahay arrimo la xiriira Mooshinka laga keenaya madaxweyne Farmaajo oo uu gacanta ku hayo gudoomiyaha golaha Shacabka.

Ma cadda ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee arintaan ka dambeysay, marka laga yimaad wararka sheegaya in mooshinka dartii sidan loogu sameeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

135 xildhibaan oo go’aan ka kooban 10 qodob maanta kasoo saaray Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka kid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshauy magaalada Muqdisho ayaa tageero xooggan u muujiyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaanadan oo isugu yeeray “aqlabiyadda golaha shacabka” ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin hoggaanka Madaxweynaha iyo waxqabadka xukuumadiisa uu hoggaamiyo Raysal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Xildhibaanada oo tiradooda lagu sheegay 135 xildhibaan, ayaa ugu baaqay guddoomiyaha baarlamanka in uu ka fiirsado ku adkeysiga Mooshinka oo ay ugu yeereen “mooshinka buray ee sharcidarada ah si hay’adaha dastuuriga ah looga badbaadiyo qalaalase siyaasadeed oo dowladda dib u dhac u keena, caqabadna ku noqda waajibaadkii sharcidajinta, matalaada shacabka iyo korjoogteynta hay’adda fulinta oo dhamaantood habacsanaan ku timid”

Hoos ka aqriso qoraalka ay soo saareen xildhibaanada

 

Faysal Waraabe oo mowqif aan laga fileyn ka muujiyey xariga Roobow (Dhageyso)

Hargeysa (Caasimada Online) – Gudoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay xiisada ka dhalatay soo xiritaankii Mukhtaar Rooboow, waxa uuna ku baaqay in lasii daayo.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in sharciga ay baal marsan tahay xariga la xiray Mukhtaar Rooboow, waxa uuna carabka ku dhuftay in loo baahanyahay in sharciga la dhowro, oo loo wada sinaado.

Waxa uu sheegay in uu xiranyahay maxkamad isaga oo aan la marsiin, taasi oo uu ku sheegay in ay tahay gef weyn oo ay dowladda federaalka Soomaaliya ka gashay sareynta sharciga.

“Waan cambaareynaynaa xariga loo geystay Mukhtaar Roobow,waana ka xunahay dadka ku dhintay magaalada Baydhabo, Farmaajo waxa uu wadaa kaligiis talisnimo ee ha joojiyo, sidoo kale waxaan ka dalbanayaa Ciidamada AMISOM inay Soomaaliya isaga baxaan” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Gudoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa ugu dambeyntii dowladda federaalka ee Soomaaliya ugu baaqay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay usii daayaan Rooboow.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Aqalka Sare oo war kasoo saaray xaaladda maamulka Koonfur Galbeed (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray uga hadlay xaaladda maamulka Koonfur Galbeed iyo rabshadaha ka socda magaalada Baydhaba, iyo sidoo kale dagaalka Mooyaale ee Soomaalida iyto Oromada.

Guddiga ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku lugta leh xaalada ka taagan magaalada Baydhabo in ay joojiyaan colaada iyo qalalaasaha ayna si nabadgelyo iyo wadahadal ah ku soo afjaraan is maandhaafka taagan si loo soo celiyo nidaamka iyo kala dambeynta Magaalada Baydhabo.

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa sidoo kale ugu baaqay dhamaan mas’uuliyiinta iyo shacabka dalwad goboleedka Koonfur Galbeed in ay si wadajir ah u dhowraan Dastuurka iyo Sharciyada kale ee dawlad Goboleedka si ay u suurtagasho qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah.

Dhinaca dagaalka Mooyaale, guddiga ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta deegaanadaas in ay si degdeg ah u soo farageliyaan dagaaladaas si loo joojiyo colaadaha soo noqnoqday ee deeganada kor ku xusan kuwaas oo sababay dilal, dhaawacyo, barakac iyo burbur hantiyeed.

Waxa uu Guddiga joogtada ah ee Goluhu ugu baaqay shacabka qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada in ay joojiyaan colaada ka dhex taagan kuna wada noolaadaan nabadgelyo iyo deriswanaag iyaga oo dhowraya mabaadiida iyo shuruucda caalamiga ah ee Xuquuqul Aadanaha

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhan

 

 

DEG DEG: Boqolaal ka mid ah shacabka Baydhabo oo xabsiyada lagu guray

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxa ay sheegayaan in halkaasi ay howlgal ballaaran ka fuliyeen ciidamada dowladda federaalka, K/Galbeed iyo kuwa Itoobiya.

Howlgalkan ayaa la doonayey in lagu joojiyo dibadbaxyada ka soconayey magaaladaasi, waxaana ciidanku ay xabsi dhigeen in ka badan 200 qof oo shacab ah una badan dhallinyaro dibadbaxyadan dhigayey.

Wararku waxay sheegayaan in dhammaan dadkan la xirey loo qaaday xabsiyada Baydhabo, iyadoo dhanka kale dib ay hawada ugu soo noqotay isgaarsiintii magaalada oo saacado badan maqneyd.

Wararka ayaa sheegaya in xaaladda magaalada ay hadda deggan tahay, dibna u furmeen xarumaha ganacsiga iyo isku socodka dadweynaha.

Saraakiisha ammaanka magaalada Baydhabo weli wax war ah kama aanay bixin howlgalladan ay ciidanku ka sameeyeen magaaladaasi.

Baydhabo waxaa Maalmihii lasoo dhaafay ka jiray dibadbaxyo xooggan oo ay dhigayeen dadka shacabka ah kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya halkaasi kasoo xireen musharrax Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected] 

Daawo: Gudoomiye Mursal oo markii ugu horeysay ka hadlay go’doonkii la geliyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa markii ugu horreysay xaqiijiyey in xukuumadda Soomaaliya ay go’doon gelisay oo ay ka hor-istaagtay xildhibaanada inay u yimaadaan.

“Maal-mahan dambe waxaa billowday in xildhibaanada loo diido in deegaanka aan deganahay ay usoo gudbaan, waxaan leeyahay arrintaas arrin wanaagsan maaha, Baarlamanka xor ayuu ka yahay, waana ka madax banaan yahay golaha fulinta”

“Xildhibaanada waxay xaq u leeyihiin in dhaq-dhaqooqda xor u noqdaan, waana in la ilaaliya dastuurka dalka iyo sharciga, loona ogolaadaa xildhibaanada inay xor u noqdaan dhaq-dhaqaaqooda” ayuu yiri Mursal

Mursal oo horey u degenaa dhisme ku dhex-yaalla Villa Somalia, ayaa kasoo guuray wuxuuna hadda degan yahay hotel Shabeel, oo xarun u ah xildhibaanada xisbiga UPD ee horey u kala ahaa Daljir iyo Damu-Jadiid.

Hoos ka daawo muuqaalka

Wararkii ugu dambeeyey ee rabshadaha Baydhabo iyo dad kale oo ku dhintay

Baydhabo (Caasimada Online) – Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday halka tiro kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii maanta ay isku dhaceen Dibaxayaal ku sugan Baydhaba ay isku Ciidamada ku sugan gudaha Magaalada.

Dibadbaxayaasha ayaa isku dayay in ay Dhagxaan ku tuuraan Kolonyo ka mid ah ciidamada la wareegay maaanka magaalada,waxaana ay ku jawaabeen Rasaas nool taas oo dhalisay dhimashada iyo dhaawac qaar ka mid ah banaanbaxayaasha.

Goobjoogayaal ayaa u xaqiijiyay Caasimada Online in rabashadaasi ay ka dhaceen agagaarka Guri uu Sheekh Mukhtaar Roobow ka degganaa Baydhaba iyo inta u dhaxeysa Hotel uu isna degganyahay Musharrax Maxamed Adan Ibraahim Farkeeti.

Dhinaca kale Isgaarsinta iyo Internetka ayaa dib ugu soo laabta Magaalada Baydhaba,kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay hakad ku jiray.

Rabashadii ka dhacay Baydhaba waxaa ku dhintay dad ku dhow 15 Qof,waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro kale.

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in la sii daayo musharrax Mukhtaar Roobow Cali  islamarkaana doorashada Koofur Galbeed dib loo dhigo.

Caasimada Online
“Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Daawo: Mursal oo 5 qodob kasoo saaray doorashada K/G iyo xariga ROOBOW

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa soo saaray shan qodob oo ku saabsan xariga Mukhtaar Roobow iyo xaaladda Koonfur Galbeed.

Mursal ayaa ku baaqay shanta qodob ee hoos ku qoran.

• In shacabka reer Koonfur Galbeed ay is dejiyaan, nabadda adkeeyaan, sharcigana dhowraan.

• In Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ay dib u dhigaan doorashada Madaxweynaha inta lagahelayo jawi xasiloon oo ku haboon qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.

• In ku simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ka shaqeeyo dejinta iyo qancinta shacabka iyo dib u soo celinta kala danbeyntii.

• In odayaasha dhaqanka ay muujiyaan kaalinta dhaqan ee ay ku leeyihiin nabbada iyo wadajirka guud ahaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaana Shacabka Koonfur Galbeed.

• In musharaxa xiran xorayadiisa dib loogu soo celiyo sida ugu dhakhsaha badan loona ogolaado in uu degaankiisii ugu laabto si nabad ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dalab culus oo gudoomiye Mursal kasoo baxay kadib shir jaraa’id uu qabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa shir jaraa’id oo uu kaga hadlay arrimo badan ku qabtay magaalada Muqdisho.

Labo arin ayaa ugu Muhiimsaneyd shirka Jaraa’id ee uu Guddoomiye Mursal ku qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ugu horeeyay xaaladda Siyaasadeed ee ka taagan Koofur Galbeed iyo xariga Mukhtaar Roobow.

Guddoomiye Mursal ayaa sharci daro ku tilmaamay xariga Mukhtaar Roobow, waxaana uu sheegay in Roobow uu buuxiyay dhamaan sharuudihii musharaxnimo ee laga doonayay inuu kaga qeyb galo doorashada Koofur Galbeed.

Wuxuu Sidoo kale sheegay in Xariga Mukhtaar Roobow uu muujiyay sida loo baalmaray Dastuurka, maadaama aan loo jarin warqad lagu xerayo, taasi badalkeeda qoorta laga soo qabtay.

Guddoomiye Mursal ayaa cadeeyay in rabitaanka Shacabka Koofur Galbeed loo baahan yahay in la tixgeliyo isagoo dalbaday in dib loo dhigo doorashada, islamarkaana xal laga gaaro arimaha taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Banaanbaxyo xoogan oo ka socda degmada Bardaale

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa sheegaya in dad ka careysan xariga Mukhtaar Roobow ay ka bilaabeen magaalada Banaanbaxyo Rabshado wata.

Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa ku dhawaaqaya erayo ay ku muujinayaan sida ay u taageersan yihiin Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, islamarkaana ay kasoo horjeedaan dowladda Soomaaliya.

Muuqaalo laga soo duubay dadka banaanbaxa ka bilaabay Bardaale ayaa muujinaya iyaga oo gubaya taayadarada Gaadiidka, waxaana ay ku banaanbaxayaan xaafadaha kala duwan ee degmada Bardaale.

Waxaa la arkayay ciidamada amaanka degmada Bardaale oo rasaas ku kala ceyrinaya dadka banaanbaxa dhigaya, mana jirto khasaaro ilaa iyo hadda lasoo wariyay.

Wariyaheena magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xaalada Bardaale ay lamid noqon karto tan ka taagan magaalada Baydhabo, Haddii aan wax laga qaban.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

“Hadii aan ahaan lahaa qof la wato musharaxnimada waan ka tanaasuli lahaa”

Baydhabo (Caasimada Online – Senetor Ilyaas Cali Xasan, oo kamid ah xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka kana careysan dhibaatooyinka ka socdo magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay xaaladda Koofur Galbeed.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook-ga uuna cinwaan uga dhigay Musharax Lawato! ayuu ku sheegay inuu ka xun yahay in musharax la wato uu ka qeyb qaato doorashada Koofur Galbeed.

Wuxuu Su’aal ka keenay Musharaxa la wato, Waxaana uu qoraalkiisa ahaa sidan:-

“Musharax Lawato! :- Iyadoo lajoogo 2018 dhamaadkiisa dalkuna Federal yahay, waa nasiib daro in sanka laga gelinaayo musharax ay Dowlada u arkeyso inuu danteeda kashaqeynaayo”.

“Waxaa amaan Mudan iney iska diideen dadka reer Koonfur Galbeed, waxaana leenahay Musharaxu lawato dadkaaga iyo deegaankaaga ku kalsoonow”. #SUAAL

“Hadii aad ahaan laheyd musharax lawato maxaad sameyn laheyd? Aniga Musharaxnimadeyda waan katanaasuli lahaa!  DoorashadaKG”.

Qaar kamid ah xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka ayaa si adag u dhaliilsan hanaanka dowladda Soomaaliya u mareyso doorashada Koofur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Goorma ayaa la bilaabayaa fulinta mashaaricda Qatar ay ka fulinayso Somalia

Doha (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqay waqtiga dowladda Qatar ay bilaabeyso fulinta Mashaariicda qaar oo la fulinayo Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre oo la hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qatar ayaa shaaciyay in dhamaadka sanadkaan 2018 oo Maalmo ay ka harsan yihiin la bilaabi doono dhismaha waddooyinka Jowhar iyo Afgooye ku xera magaalada Muqdisho.

Mashruucaasi oo dowladda Qatar ay maalgelineyso ayuu sheegay in qorshaha uu yahay in lasoo gabo gabeeyo dhamaadka sanadka 2019, taasi oo qeyb ka noqon doonto horumarada dowladda ay sameyneyso.

Wuxuu sheegay in dhismaha waddooyinkaasi dhaqaalaha ku baxaya ay bixin doonto dowladda Qatar, islamarkaana dowladda Soomaaliya wax dhaqaalo ah ku bixin doonaa in Amaanka ay xaqiijiso Mooyee.

Mashaariicda kale ee Qatar dhisi doonto waxaa kamid ah Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Qorsheynta iyo Xaruntii Xisbiga, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ugu Dambeyn Kheyre, ayaa sheegay in heshiisyada Cusub ee ay la galeen dowladda Qatar inay ku jiraan isku xirka Bangiyada Soomaaliya iyo Qadar, isku xiranka Ganacsiga, Ammaanka, iskaashiga dhaqaalaha, Maalgashiga iyo kuwo kale.

Caasimada Online
Xafiiska DOHA
[email protected]

Taliska AMISOM oo war ka soo saaray doorka ay ku lahaayeen xariga Roobow

Baydhabo (Caasimada Online) – Taliska ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa war kasoo saaray qalalaasihii ugu dambeeyay ee ka dhashay xariga Mukhtaar Roobow oo Khamiistii ka dhacay magaalada Baydhabo.

Qoraal kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay inaysan wax doo ahr ku laheyn xariga Baydhabo loogu geystay Mukhtaar Roobow iyo usoo wareejintiisii magaalada Muqdisho oo hadda uu ku xiran yahay.

Madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Francisco Madeire ayaa sheegay in ciidamada AMISOM aysan door ku laheyn xariga Mukhtaar Roobow, wuxuuna sheegay inaysan marnaba ka gudbeyn howlgalka ay u joogaan Soomaaliya.

“Waxaan dhowreynaa Xushmadda iyo aqoonsiga madaxbanaanida Soomaaliya, waana sii wadeynaa inaan dhowro, ciidamadeena wax door ah kuma laheyn xariga ka dhacay Baydhabo”ayaa lagu yiri qoraalka AMISOM.

Ciidamada Dowladda Ethiopia ayaa la xaqiijiyay inay door ku lahaayeen xariga Mukhtaar Roobow, laakiin AMISOM ma aysan xaqiijin in ciidamadaasi ay AMISOM ka tirsan yihiin iyo inaysan ka tirsaneyn.

Qalalaasaha ka dhashay xariga Mukhtaar Roobow ayaa sababay dhimashada xildhibaan ka tirsan baarlamaanka koofur Galbeed iyo dad shacab ah, waxaana wali taagan xiisadda ka dhalatay arintaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dooni siday hub oo markale lagu qabtay xeebta Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda India ayaa markale sheegtay in mid kamid ah maraakiibtooda dagaalka uu gacanta ku dhigay doon kaluumeysi oo hub badan uu saarnaa, sida qoraal kasoo baxay lagu sheegay.

Markabka dagaal ee India oo lagu magacaabo Sunayna ayaa la sheegay in markale uu meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya ku qabtay doon Kaluumeysi oo hub lagu qariyay, taasi oo noqoneyso doontii Labaad oo ay qabtaan.

Qoraal kasoo baxay dowladda India ayaa lagu sheegay in markabkooda Doonta uu ku qabtay shan qori oo ay ka midyihiin AK47 iyo Rasaas gaareysa 471 Xabo, waxaana ay sheegeen inay sii daayeen kooxda Hubka wadatay markii ay hubka ka reebeen.

Markabka INS Sunayna ayaa bishii October ee sanadkan howlgal ka billaabay biyaha Soomaaliya, waana markii labaad oo uu Hub ku qabto Xeebaha Soomaaliya, sida qoraalka lagu sheegay.

Xeebaha Soomaaliya oo hadda ay ku yaraadeen weerarada kooxaha burcad badeeda waxaa ku sugan maraakiib badan oo dagaal kuwaasi oo dalal kala duwan, lana dagaalamaya Burcad badeeda.

Sidaasi oo ay tahay xeebaha Soomaaliya waxaa ka socdo kaluumeysi sharci daro ah oo dhaqaalo badan laga sameeyo sanad walbaa, mana jiro cid wax iska weydiiso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wararkii ugu dambeeyey ee mooshinka FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadaallo kala duwan oo lagu xalinaayo Khilaafka ka dhashay Mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka bilowday Magaalada Muqdisho.

Dadaallada ayaa waxa wadda xildhibaano ka tirsan Golaha Aqalka Sare iyo sidoo kale qaar ka mid ah Waxgaradka Soomaaliyeed, waxaana ay booqdeen Guriga Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho.

Sanater, Cabdirisaaq Cismaan Xasan Guurinle, Cabdi kaafi Macallin Xasan , Cabdi Axmed Dhuxulow, Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex, Cabdullaahi Cabdi Garoon ,Yuusuf Geelle Ugaas ,iyo Sanater Cabdirisaaq Axmed Cali oo ka mid ah Golaha Shacabka ayaa ku howlan xalinta Khilaafka ka dhex taagan xildhibaanada Golaha Shacabka iyo waliba Mooshinkii laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa sidoo kale muuqda Khilaafka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku xigeenadiisa oo kasoo horjeedda Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Odayaal ka mid ah kuwo ugu Caansan Soomaaliya ayaa maanta booqday guriga Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,kuwaasoo kala hadlay Khilaafka Baarlamaanka iyo waliba Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]