27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Mucaaradka oo sameystay isbaheysi u dhigma kan Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Samata-bixinta ee xubnaha Mucaaradka oo maalmihii la soo dhaafay shir uga socday Hotelka Jazeera ay ku midoobeen ayaa doortay hoggaan ka kooban Guddoomiye, Saddex Ku xigeen, Xoghaye iyo Afhayeen KMG ah.

Qaab dhismeedka hoggaanka ayaa u dhigan hannaan awood qeybsi oo kale, inkastoo xubnaha hoggaanka aanay ku jirin xubin Beelaha Shanaad.

Mucaaradka ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay soo saaraan war-saxaafadeed ku saabsan xaalada dalka, kaas oo lagu saleynayo aragtiyihii ay isku dhaafsadeen shirkaan oo maalmo uga socday Muqdisho.

Qaabka loo dhisay Hoggaanka Madasha Mucaaradka ayaa u eg midda Xisbiga JSP ee ay ku mideysan yihiin madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka.

Xisbiga hoggaamiya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada qaar hoggaankiisa ayaa ka kooban Guddoomiye, Afar ku xigeen iyo Xoghaye oo la jaan-qaadaya hannaanka wax qeybsiga beelaha ee loo yaqaan 4.5.

Madasha cusub ee mucaaradka ayaa waxaa ku mideysan inta badan xubnaha ugu saameynta badan siyaasadda dalka ee banaanka ka jooga xeyndaabka dowladda ama aan xilalka ka heynin.

Xubnaha ka maqan ee muhiimka ah waxaa kamid ah Farmaajo, Cabdiweli Sheekh, Saciid Deni iyo masuuliyiin kale oo faro ku tiris ah, kuwaas oo dib uga soo biiri kara ama dhankooda ka abaabula kara qorshahooda siyaasadeed.

Dhaq-dhaqaaqa cusub ee mucaaradka ayaa cabsi weyn ku haya dowladda federaalka, waxaana la sugayaa warka ay ka soo saari doonaan shirka xasaasiga ah ee Muqdisho uga socda.

Hanaanka loo dhigayo doorashooyinka Soomaaliya iyo wax ka bedelka lagu sameeyey dastuurka ayey ka taagan tahay dooda ugu adag ee mucaaradka iyo dowladda dhex-taalla, sidoo kale guddiga doorashooyinka oo baarlamaanku ansixiyey ayey mucaaradku dood weyn ka qabaan.

 

Amniga aagga Jowhar oo la adkeeyay kadib xaalad…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in si aad lo adkeeyay ammaanka deegaannada u dhow magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle, sababo la xiriira weerarada Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Burundi ayaa lasoo warinayaa inay isku fidiyeen deegaannada u dhexeeya Jowhar iyo Mahadaay, halkaas oo haatan ay ka socdaan abaabullo culus oo ka dhan ah ka hortagga Al-Shabaabka soo galay Shabeellaha Dhexe.

Guddoomiyaha maamulka degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay dhaq-dhaqaaqyada socda, waxaana uu tilmaamay in Mahadaay ay hadda nabad tahay, balse ujeedkoodu yahay inay ka hortagaan Al-Shabaabka ku sugan deegaannada Cadaale Cadaale iyo Ceel Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Hadda degmada ayaan joognaa waa nabad qabnaa tuulooyinka nagu dhow dhowna marka laga reebo dhulkaas gadaale Caadle iyo Ceel Baraf halkaas oo ay joogaan nimankii iyaga ahaa, laakiin annaga hadda qorshaheynaa waa inaan ka hortagnaa” ayuu yiri Afrax.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in haatan ay ku jiran difaac adag, haddii weerar loo baahdana ay qaadi doonaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ku sheegayaa difaac ayaan ku jirnaa ka degmo ahaan iyo wixii ciidan oo innoo jooga, haddii loo baahdana weerar dowladda federaalka ayaa ka war sugeynaa” ayuu raaciyay.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in degmada Mahadaay ay isku filan tahay, isla markaana ciidamada jooga ay diyaar u yihiin difaaca deegaankooda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in arrintu isku rogto gacan ka hadal, uuna qarxo dagaal u dhexeeya labada dhinac.

Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa haatan ka soconayo guluf dagaal oo ka dhan ah argagixisada, waxaana iska kaashanayaa dowladda federaalka iyo dadka deegaanka.

Mucaaradka ku shirsan Muqdisho oo war culus ka soo saaray maqnaashaha Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka ee shirka ku yeeshay hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay maqnaashaha madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo aanu kasoo muuqan shirkaas oo si weyn looga soo horjeeday qorshaha Xasan Sheekh.

Afhayeenka isbaheysiga cusub ee ay ku dhowaaqeen mucaaradka Daahir Maxamuud Geelle ayaa si gaar ah uga hadlay arrinta Farmaajo, kadib markii ay wax ka waydiiyeen Wariyeyaasha.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaan rajeynayaa inuu yahay nin musharrax ah oo xukunka inuu kusoo noqdo raba waa madaxweyne dalka kasoo taliyay dadka qaar waa la fiicnaa, qaarna waa la qaldanaa, Baarlamaanka markii la’isugu tegeyna waxaa batay intii diidaneyd, intii ogoleydna waa yaraatay” ayuu yiri afhayeen Daahir Maxamuud Geelle.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Farmaajo uu yahay shaqsi, isla markaana uu ku biiri karo isbaheysigooda ama uu diidi karo, iyaguna aanay u diidin madasha.

Waxaa kale oo uu qiray inuu yahay musharrax madaxweyne oo xaq u leh inuu tartamo, ciddii uu doonana uu ku biiri karo.

“Hadda haddii uu yimaado waa muwaadin Soomaaliyeed oo tartami karo aniga inta aan la socdo madasha qof loo diiday la’iima sheegin, inta aan imidna ma aanan maqlin laakin waa nin siyaasi ah oo dad ay wax isku darsan karaan oo dad ay wax isku diidi karaan inuu yahay ayaan ogahay” ayuu mar kale yiri afhayeenka isbaheysiga cusub ee mucaaradka.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa sidoo kale ka hadlay ku biiristiisa mucaaradka, maadaama mucaaradka dowladda uuu isaga casilay xilkii la-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Carabta.

“Aniga sideydaba xilka aan dowladda ka hayo hadii aana si madax-banaan u guda karin, aragteydeydana aysan tix-gelin laheyn waan iska wareejiyaa shaqada,” ayuu yiri Daahir Geelle.

Wuxuu sheegay in khilaafka isaga iyo madaxda dowladda uu soo bilowday bishii October 2024, xiligaas oo Madaxweynaha uu ugu tegay Dhuusamareeb oo uu deganaa, kadibna uu kala taliyey qodobo markaas miiska u saaraa dowladda.

“Waxaa qodobadaas kamid ahaa in la joojiyo qorshaha lagu baabi’inayo xafiiska ra’iisul wasaaraha oo madaxweyne ku xigeen lagu bedeli rabay, waxaan xiligaas madaxeynaha kala soo hadlay in aysan munaasab ahayn in Soomaaliya ay qaadato nidaamka Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Geelle.

Soomaaliya ayaa haatan gashay marxalad cusub, waxaana sii laba kacleeyay xiisadda ka taagan hanaanka doorashada oo ay isk hayaan Villa Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka.

 

Somaliland oo ogolaatay in loo keeno Falastiiniyiinta laga soo barakicin rabo Gaza

Hargeysa (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay soo dhaweeyaan Falastiiniyiinta si khasab ah looga rarayo Gaza, kadib warar soo baxaya oo sheegaya in Israa’iil ay qorsheyneyso masaafurin ballaaran oo shacabkaas ah, xilli ay sii socdaan duqeymaha milatari ee ay waddo.

Inkasta oo aan weli la shaacin qorshe rasmi ah oo dib u dejin ah, haddana Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo saraakiil sare oo ka tirsan waaxda qaxootiga Somaliland ayaa xaqiijiyay in jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ay diyaar u tahay inay martigeliso Falastiiniyiinta—iyagoo xusay taariikhda Somaliland ee martigelinta bulshooyinka barakacay.

“Falastiiniyiintu waa walaalaheen,” ayuu yiri Madaxweyne Cabdillaahi mar uu la hadlay The Guardian. “Haddii ay si iskood ah u doortaan inay yimaadaan, waxba nagama galin. Laakiin ma jiraan wadahadallo rasmi ah oo naga dhexeeya Falastiiniyiinta ama waddan kale.”

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay jiraan warar sheegaya in ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu soo jeediyay in gabi ahaanba la masaafuriyo shacabka Gaza, halka madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu si cad uga hadlay qorshe ah in Falastiiniyiinta la raro si dhulka Gaza loogu beddelo xarun ganacsi iyo dalxiis.

Caydaruus Cismaan Xuseen, ku-xigeenka agaasimaha waaxda qaxootiga Somaliland, ayaa sheegay in qoysas Falastiiniyiin ah ay deegaanka degeen tan iyo horaantii 2000-meeyadii. “Falastiiniyiintu waxay halkan imanayeen tan iyo 2004, 2005. Somaliland waa meel soo dhoweysa dhammaan qaxootiga,” ayuu yiri isagoo la hadlay The Guardian.

Xilligan, 12 qoys oo Falastiiniyiin ah ayaa ku nool Somaliland, iyagoo la nool kumannaan kale oo barakacayaal ah. Mas’uuliyiintu waxay sheegayaan inay diyaar u yihiin inay qaabilaan kuwo kale oo dheeraad ah, balse waxay carrabka ku adkeeyeen in aqoonsi caalami ah uu lama huraan u yahay ballaarinta dadaallada bani’aadannimo.

“Haddii Somaliland la aqoonsado, waxaan heli doonnaa gargaar iyo iskaashi caalami ah oo dheeraad ah,” ayuu yiri Xuseen. “Taasi waxay noo sahlaysaa inaan caawinno qaxooti intaan ka badan.”

Somaliland ayaa si aamusnaan ah ugu noqotay meel nabdoon oo ay ku nool yihiin ku dhowaad 23,000 oo qaxooti ah oo ka kala yimid dalal kala duwan—oo ay ku jiraan 2,875 qof oo yimid sannadkii hore oo keliya.

 In ka badan 300 oo qoys oo ka yimid Suudaan ayaa u soo qaxay gobolka tan iyo markii uu billowday dagaalka sokeeye ee halkaas, halka bulshada reer Suuriya ee deggan Somaliland—oo uu aas-aasay dagaalkii Suuriya—ay hadda gaarayaan ku dhowaad 2,000.

Mid ka mid ah qaxootiga reer Suuriya, Xasan, oo ka soo cararay magaalada Dimishiq sannadkii 2023, ayaa Hargeysa ku tilmaamay meel nabdoon oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyo Muslimiinta. “Waxa iigu muhiimsanaa waxa uu ahaa ammaanka,” ayuu yiri isagoo ku sugnaa xarunta diiwaangelinta qaxootiga. “Dadka reer Somaliland waa Muslimiin. Waa meel ammaan ah oo qoyskayga u wanaagsan, bulshada deegaankuna waa furfuran tahay. Si fiican ayaan ula qabsanay.”

Deganaanshaha Somaliland, heerka amniga ee la isku halleyn karo, ayaa ka dhigay meel aad loogu doonto magan-galyo gobolka buuqa badan. Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiintu waxay sheegeen in awooddooda ay xaddidan tahay ilaa ay helaan aqoonsi caalami ah iyo marin u helidda maalgelin bini’aadannimo.

“Waxaan qaban karnaa wax ka badan hadda, balse waxaan u baahanahay in dunidu ay noo aragto lamaane rasmi ah,” ayuu yiri Xuseen.

Cirro oo shaaca ka qaaday in Mareykanku aqoonsanayo iyo jawaabta Mareykanka

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa sheegay in aqoonsiga caalamiga ah ee dalkiisa uu marayo marxalad aad uga dhow sidii hore, iyadoo la rajeynayo in madaxweyne Donald Trump uu noqon karo hoggaamiyaha tallaabadaasi bilaaba.

Wareysi uu siiyay The Guardian oo ka dhacay madaxtooyada Hargeysa, Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa sheegay in dadaalka muddada dheer ee Somaliland ugu jirtay in la aqoonsado uu haatan si dhab ah ugu dhow guul.

“Aqoonsigu waa soo dhow yahay,” ayuu yiri Cirro, oo xilka qabtay shan bilood ka hor. “Arrintu ma ahan mar dambe ‘haddii uu imaanayo’, balse waa goorma—iyo yaa noqon doona kii ugu horreeyay ee na aqoonsada.”

Somaliland waxay ku dhawaaqday madaxbannaanideeda 1991, kaddib markii ay burburtay dowladda dhexe ee Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, weli dowlad caalami ah ma aqoonsan jiritaankeeda. Khubaro ayaa sheegaya in haddii Mareykanku aqoonsado Somaliland, ay arrintaasi beddeli karto saameynta juqraafi-siyaasadeed ee Geeska Afrika, isla markaana kiciso xiisado gobolka ah.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa sheegay in wadahadallo heer sare ah ay ka socdaan Washington. Madaxweyne Cirro ayaa shaaca ka qaaday in saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Mareykanka, oo uu ku jiro taliyaha guud ee Geeska Afrika, ay dhowaan booqdeen Hargeysa si ay u qiimeeyaan dekedda istaraatijiga ah ee Berbera. Wafdi kale oo Mareykan ah ayaa la filayaa in uu sidoo kale booqdo halkaas.

Berbera, oo ku taalla Gacanka Cadmeed, ayaa si isa soo taraysa u kasbaneysa xiisaha caalamka, iyadoo ay sii kordhayaan walaacyada Mareykanka ee ku aaddan saameynta sii fidaysa ee Shiinaha ee dalka deriska la ah ee Jabuuti—halkaas oo uu ku yaallo saldhigga milatari ee kaliya ee rasmi ah ee Mareykanka ku leeyahay Afrika, Camp Lemonnier.

Qorshe siyaasadeed muran dhaliyay oo kasoo baxay xilligii Trump ku jiray ololaha doorashada loona yaqaan Project 2025, ayaa la sheegay inuu ku talinayo in Somaliland la aqoonsado si ay u noqoto istiraatiji si looga hortago hoos u dhaca saameynta Mareykanka ee Jabuuti.

“Waxaan nahay lammaane amni, dagaalka argagixisada, iyo sugidda badaha muhiimka u ah ganacsiga caalamka,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro, isagoo xusay in safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya uu saddex jeer la kulmay bilooyinkii u dambeeyay.

Si kastaba, maamulka Trump ayaa weli kala qaybsan arrinta siyaasadda muddada dheer jirta ee “Soomaali mid ah”, taas oo Somaliland u aqoonsan qayb ka mid ah dawladda Soomaaliyeed ee mideysan. Horumarrada dhulka ee kooxda Al-Shabaab iyo nuglaanta dowladda dhexe ee Muqdisho ayaa sababtay in mas’uuliyiin Mareykan ah ay bilaabaan inay dib u eegaan siyaasaddooda.

“Waqti dhaw ayaa imaan doona oo ay khasab noqoneyso in Mareykanka iyo beesha caalamku dib u eegaan habka ay ula macaamilayaan Soomaaliya,” ayuu yiri Cirro.

Si rasmi ah, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa weli ku adkaysaneysa in ay “aqoonsan tahay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.” Bayaan kooban oo ay la wadaagtay The Guardian ayey ku sheegtay in aanay jirin “wada-xaajoodyo ku saabsan aqoonsi” oo u dhexeeya Mareykanka iyo Somaliland.

Dhinaca kale, wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Britain, Gavin Williamson, oo si cad u taageera madaxbannaanida Somaliland, ayaa sheegay in saraakiil Mareykan ah ay muujinayaan in aqoonsigu uu hadda yahay arrin suurtagal ah.

“Waxay horeyba uga sii leexdeen siyaasaddii ‘hal Soomaali’,” ayuu Williamson u sheegay The Guardian. “Waxaan aaminsanahay in aqoonsigu iman doono ka hor 2028—xitaa waxaa laga yaabaa inuu yimaado sanadka soo socda.”

Imaaraadka Carabta, oo ah xulafo dhow oo Mareykan ah, ayaa in ka badan $442 milyan ku maalgeliyay casriyeynta dekedda Berbera iyo dhismaha waddooyin xiriiriya dekeddaas iyo Itoobiya, waxaana la sheegay inuu riixayo qorshaha aqoonsiga.

Addis Ababa, oo muddo dheer raadineysay marin badeed, ayaa la sheegay inay ogolaatay inay aqoonsato Somaliland si ay u hesho xuquuq deked—arrin si weyn uga careysiisay Soomaaliya iyo Masar, oo horeyba ugu muransanaa mashruuca biyo-xireenka wabiga Nile ee Itoobiya, inkasta oo weli heshiiskaas aan la dhaqan-gelin.

Inkasta oo Somaliland ay leedahay dad gaaraya ku dhowaad shan milyan, doorashooyin dimuqraadi ah oo joogto ah, iyo xasillooni siyaasadeed oo la isku halleyn karo, haddana ma jirto dowlad xubin ka ah Qaramada Midoobay oo aqoonsatay. Hase yeeshee, Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi wuxuu ku adkeysanayaa in isbeddelkaasi uu hadda aad ugu dhow yahay.

 

Kenya oo war cusub ka soo saartay furitaanka xafiiska SOMALILAND ee Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Jaaliyadaha Dibadda ee Kenya ayaa mar kale ku celisay in dowladda Kenya ay si buuxda u aqoonsan tahay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo si cad u diidday xafiiska ay Somaliland dhowaan ka furtay magaalada Nairobi.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa Khamiistii, 29-ka May, si rasmi ah u furay xafiis cusub oo ay Somaliland ku sheegtay “Mission” ay ku yeelanayso caasimadda Kenya—tallaabo ay qaaday inkastoo Kenya horey u caddeysay inaysan oggolayn in xafiis noocaas ah laga furo magaaladaasi.

Iyadoo ka jawaabeysa dhacdadaas oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin sare oo ka kala socday Somaliland iyo Kenya, ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya sheegtay in mowqifkeedii hore uu weli taagan yahay, isla markaana aanay dowladdu si rasmi ah u taageerin furitaanka xafiiska Somaliland.

Dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay in xafiis wakiil ah (liaison office) oo ay Somaliland ka furan karto Nairobi uusan u bixi karin heer diblomaasi rasmi ah, iyada oo xustay in Kenya ay weli ka go’an tahay ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Somaliland ayaa horey u guda gashay furitaanka xafiiskaasi, arrin loo arkay inay tahay tallaabo cusub oo ay uga gol leedahay inay horumariso dadaalka ay ugu jirto aqoonsi caalami ah.

Kenya ayaa mar kale si cad u sheegtay in ay u aqoonsan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay tahay hay’adda keliya ee sharciyan metesha dhulka Soomaaliyeed, oo ay ku jirto Somaliland.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Jaaliyadaha Dibadda waxay mar kale xusuusinaysaa in Dowladda Jamhuuriyadda Kenya ay si hufan oo ixtiraam leh u xaqiijineyso aqoonsigeeda joogtada ah ee madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda.

Inkasta oo Kenya ay mar kale ku celisay mowqifkeeda rasmiga ah, haddana xafladdii furitaanka xafiiska Somaliland waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin Kenyan ah oo miisaan leh, oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Ismaamulka Uasin Gishu, Jonathan Bii, iyo Senatarka Marsabit, Maxamed Siciid Chute—labaduba si cad u taageeray arrintaasi.

Sidoo kale, Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa la kulmay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, taasoo su’aalo ka dhalisay mowqifka rasmiga ah ee Kenya ee ku aaddan aqoonsiga Somaliland.

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Xuseen Aadan Cigeh, ayaa bartiisa X kusoo bandhigay sawir ay wada muuqdeen labada Madaxweyne, isagoo sidoo kale faahfaahin ka bixiyay kulankooda, kaasoo dhacay isla maalintii la furay xafiiska Somaliland ee Nairobi.

Si ka duwan hab-dhaqanka caadiga ah, ma jiro wax war ah ama sawirro rasmi ah oo ay baahisay Madaxtooyada Kenya (State House) oo la xiriira kulankaasi.

Kulanka dhex maray Ruto iyo Cirro ayaa la filayaa inuu si weyn uga caro geliyo dowladda Soomaaliya, taasoo marar badan si kulul u cambaareysay xiriirka dhow ee Kenya la leedahay Hargeysa. Sannadkii 2020, Soomaaliya waxay dib ugu yeertay safiirkeedii Nairobi, waxayna dalka ka saartay safiirkii Kenya, kadib markii uu dhacay kulan dhex maray madaxweynayaashii hore ee Kenya iyo Somaliland, Uhuru Kenyatta iyo Muuse Biixi Cabdi.

Waqtigaas, Soomaaliya waxay Kenya ku eedeysay “faragelin toos ah oo joogto ah” oo ku aaddan arrimaheeda gudaha. Ilaa iyo hadda, Muqdisho kama aysan jawaabin horumarkan cusub.

Dowladda Kenya ayaa marar badan muujisay mowqif aan caddayn oo ku saabsan Somaliland, iyadoo si rasmi ah u sheegta in ay u aragto maamul goboleed ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa mar kale adkaysay arrintaasi, iyadoo sheegtay in xiriir kasta oo lala yeesho Somaliland uu mari karo oo keliya dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Somaliland, oo madax-bannaanideeda ku dhawaaqday sanadkii 1991, ayaa si madax-bannaan u maamuleysa arrimaheeda, iyadoo leh dowlad, lacag, iyo ciidan amni oo u gaar ah. Si kastaba, ilaa iyo hadda, ma jirto dowlad xubinta ka ah Qaramada Midoobay oo si rasmi ah u aqoonsatay—Kenya-na kuma jirto.

Si kastaba, Kenya waxay weli la leedahay Somaliland xiriir aan rasmi ahayn oo ku kooban ganacsiga iyo iskaashiga dhanka amniga.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa mar kale xustay in wada-shaqeyn kasta oo lala yeesho Somaliland ay tahay in si toos ah loogu maro dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo muujineysa sida Kenya uga go’an tahay ilaalinta midnimada dhuleed ee dalkaas.

Dhanka kale, madaxda Somaliland ayaa furitaanka xafiiska ku tilmaamay guul diblomaasiyadeed oo muhiim ah oo qayb ka ah dadaalladooda lagu raadinayo aqoonsi buuxa.

Xog: Xubno Al-Shabaab ah oo tababar diyaaradeed ugu baxay waddan Carbeed

Sanca (Caasimada Online) – Caddeymo isa soo taraya ayaa muujinaya xiriir sii xoogeysanaya oo ka dhexeeya kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya iyo fallaagada Xuutiyiinta Yemen, taasoo si weyn u kordhineysa khataraha maraakiibta caalamiga ah iyo xasilloonida gobolka ee Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo badweynta Hindiya.

Warbixin faahfaahsan oo uu daabacay Xarunta Afrika (Africa Center) ayaa lagu sheegay in iskaashigan cusub uu kordhiyay awoodda labada kooxood ee ku aaddan carqaladeynta maraakiibta ganacsiga caalamiga ah iyo halista amni ee ka jirta marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee gobolka.

Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in kooxda Al-Shabaab ay heshay hub casri ah iyo tababarro farsamo oo ay ka heleen Xuutiyiinta intii u dhaxeysay bishii Juun ilaa September 2024. Hubkaasi ayaa la sheegay in loo adeegsaday weerarro ka dhan ah ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya intii u dhaxeysay September iyo November ee sanadkii hore.

Warbixin sirdoon oo Qaramada Midoobay soo saartay ayaa sidoo kale muujisay in tabaneeyo dagaalyahan oo Al-Shabaab ah loo diray Yemen, halkaas oo xubno ka tirsan Al-Qaacida Gacanka Carbeed (AQAP) ay ku siiyeen tababar ku saabsan adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taasoo si weyn u ballaarisay awoodda dagaal ee kooxda.

“Iskaashigan sii fidaya ee ku saabsan hubka, teknoolajiyada iyo tababarka wuxuu khatar weyn ku yahay amniga marin-biyoodka Bab al-Mandeb,” ayaa lagu yiri warbixinta. Khubarada ammaanka ayaa sidoo kale ka digeen in xiriirkan cusub uu carqaladeynayo kormeerka xeeb dhirirkeedu gaarayo 1,800 mayl, taasoo ku fidsan Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya ee galbeedka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sanado badan u adeegsanaysay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) in ay ururiyaan xogta sirdoonka, sameeyaan kormeer ciidan, isla markaana duubaan filimaan loogu talagalay ujeeddooyin barnaamijyo-propagando ah. Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda looma diiwaangelin in ay adeegsatay diyaaradaha weerar.

Khabiirro ayaa rumeysan in tani ay tahay bilowga adeegsiga hub casri ah oo lagu xiri karo diyaardaha drone-ka, kuwaas oo kooxda heli karto kadib tababarradii ay ka heshay Xuutiyiinta Yemen.

Sarkaal hore oo ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in sii socoshada ka bixitaanka Mareykanka ee Soomaaliya ay abuurayso fursado u sahlaya Al-Shabaab inay ballaariso hawlgalladeeda gudaha Kenya iyo Itoobiya, isla markaana ay sii adkeyso xiriirka ay la leedahay Xuutiyiinta.

“Arrintani ma ahan kaliya khatar gobolka ku eg—haddii aan si dhab ah loo joojin, waxay saameyn ku yeelan kartaa ganacsiga caalamiga ah iyo amniga badaha,” ayuu yiri sarkaalkaasi.

Kadib dhacdadii murugada laheyd, dowladda Spain oo soo bandhigtay Soomaali…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Spain ayaa soo badbaadiyay muhaajiriin Soomaali ah oo xaalad halis ah ku galay badda Mediterranean-ka, kuwaas oo ka baxay dalka Aljeeriya.

Wararka ayaa sheegaya in doonida ay saarnaayeen tahriibayaashan Soomaalida ah ay cilad soo wajahday, kadibna waxaa ka war helay ilaalada Spain oo gurmad deg-deg ah u fudiyay.

Sida ay Ogaatay Caasimada Online, tirada Soomaalida ee lasoo badbaadiyay ayaa ah 24 qof oo kala ah 19 rag ah, 3 dumar ah iyo ilmo yar, kuwaas oo la geeyay xarun gaar ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daray in haatan muhaajirinta loo fidiyay daryeel caafimaad, maadaama laba maalmood ay ku dhex jireen biyaha badda, kadibna waxaa ugu dambeyn howlgal samata bixin ah kusoo badbaadiyay ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Spain.

Ujeedka muhaajirintan ayaa ahaa inay gaaraan waddada Yurub, iyaga oo raadinayo nolol ka wanaagsan midd ay ku haysteen dalkooda hooyo ee Soomaaliya.

Dhacdadan waxaa ka horreeyay musiibo kale oo maalin ka hor ka dhacday badda Mediterranean-ka, kadib markii dooni siday dhalinyarro Soomaaliyeed ay halkaas ku degtay, taasoo sababtay geerida in ka badan 20 qof.

Dhalinyarada ayaa u safrayay si ay u gaaraan Jaziiradda Palma ee dalka Spain, iyaga oo rajeynayay nolol ka wanaagsan midda ay ka tageen.

Doonta ayaa la sheegay inay la kulantay xaalad adag, waxaana la rumeysan yahay in rakaabka ay u dhinteen haraad, nafaqo-darro, iyo qabow daran. Waxaa la tuhunsan yahay in ay ku wareereen badweynta, maadaama doontu luntay maalmo badan, taasoo keentay in xaaladoodu si xawli ah u xumaato.

Badda Mediterranean-ka ayaa sii ahaaneysa marin halis badan oo ay tahriibayaal badan isticmaalaan, iyaga oo doonaya in ay gaaraan qaaradda Yurub. Qof walba oo safar halis ah gelaya waxa uu xambaarsan yahay rajo nololeed, balse mararka qaar rajooyinkaas waxa ay ku dhammaadaan geeri iyo go’doon.

Musiibadan waxay mar kale iftiiminaysaa baahida loo qabo xal waara oo ku saabsan tahriibka dhalinyarada, si looga hortago in noloshooda khatarta gelinayaan iyaga oo raadinaya nolol ka wanaagsan tan dalka. Dowladda, bulshada caalamka, iyo hay’adaha samafalka ayaa loo baahan yahay inay si wadajir ah u wajahaan arrinkan.

Kuraastii Khadiija Diiriye iyo Seeseey oo lasoo buuxiyay – Yaa kusoo baxay maanta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lasoo buuxiyay laba kursi oo ka banaanaa Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ay horay uga geeriyoodeen Allaha u wada naxariistee Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye iyo Maxamuud Maxamed Seeseey.

Kuraastan oo doorashadooda lagu qabtay magaalada Jowhar ayaa waxaa soo buuxiyay wiil uu dhalay xildhibaan hore Seeyseey iyo nin kale la dhashay Khadiija Diiriye, kuwaas oo ku fariisan doono kuraasta kala ah Hop097 iyo Hop098.

Doorashada ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa xubno ka tirsan HirShabelle, bulshada rayidka iyo nabaddoonka beesha leh kuraasta bannaanaatay Axmed Maxamuud Cosoble.

Sidoo kale ergada doorashada ee kursaasta Hop097 iyo Hop098 ayaa waxaa soo xaadirtay 101 ergo, iyada oo ay doorashada u dhacday hab xasiloon ,waxaana guuleystay musharraxiinta kala ah :

Cabdikarin Maxamed Diriye oo helay 78 Cod, kuna guuleystay kursiga Hop097 iyo Cabdulqadir Maxamud Maxamed oo isna helay 90 Cod, kuna soo baxay kursiga Hop098, sida uu ku dhowaaqay Cabdi Caddow Maxamed oo ka socda Guddiga Doorashooyinka.

Musharaxiintan oo tiradoodu tahay afar, ayaa waxay kala yihiin: Cabdikarim Maxamed Diriye (#HOP097), Abdulqadir Maxamuud Maxamed (#HOP098), Maxamed Maxamuud Geeddi (#HOP097), iyo Axmed Aadan Muxyadiin (#HOP098).

Musharrixiinta guuleystay iyo kuwa laga guuleystay ayaa shalay lagu guddoonsiiyay shahaadooyinkii musharraxnimo magaalada Jowhar, taasoo u suurta-galineysa inay si rasmi ah ugu tartamaan kuraasta maanta lasoo buuxiyay

Labadaan kursi ayaa bannaanaday kaddib geeridii labada xildhibaan ee horey u matalayay. Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ayaa ku geeriyootay dalka Jabuuti bishii December 2023, halka Xildhibaan Seeseey uu geeriyooday bishii March ee isla sanadkaas.

Tan iyo xilligaas, kuraastaasi waxay ahaayeen kuwo bannaan, iyadoo Golaha Shacabkuna dhowaan ku dhawaaqay in loo baahan yahay in si degdeg ah loo buuxiyo.

Si kastaba, Doorashadan ayaa la filayaa in ay dardar cusub geliso howlaha Golaha Shacabka, iyada oo kuraastan si hufan oo nabad ah loo soo buuxiyay.

Guddiga Doorashooyinka ayaa muujiyay diyaar garow buuxa, waxaana la filayaa in iyana la qabto doorashada kuraasta kale ee ka banaan Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Sacuudi Carabiya oo farriin xasaasi gaarsiisay madaxda Iran: “Laba mid kala doorta”

Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Sacuudiga ayaa bishii la soo dhaafay fariin toos ah u gudbiyay mas’uuliyiinta Iran, isagoo ku booriyay inay si dhab ah u qaataan dalabka Madaxweyne Donald Trump ee ku saabsan wadaxaajood nukliyeer ah, si looga hortago khatarta dagaal ay Israa’iil ku qaado Iran.

Iyadoo ay jirto cabsi laga qabo in gobolka sii xasillooni darnaado, Boqorka Sacuudiga, Salman bin Cabdulcasiis, oo 89 jir ah, ayaa u diray wiilkiisa, Amiir Khalid bin Salman, Tehran si uu fariintaasi uga gaarsiiyo Hogaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei.

Kulankaasi gaarka ah oo dhacay 17-kii April kuna qabsoomay xarunta madaxtooyada Iran, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian, Taliyaha guud ee ciidamada Maxamed Baqeri, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabbaas Caraaqchi, sida ay sheegeen ilo wareedyo la hadlay Reuters.

Inkastoo warbaahinta ay tabiyeen booqashada Amiirka 37 jirka ah, haddana fariinta gaarka ah ee uu sitay wali lama shaacin ilaa hadda.

Amiir Khalid, oo ahaa safiirkii Sacuudiga ee Washington intii lagu jiray xilligii ugu horreeyay ee Trump, ayaa uga digay mas’uuliyiinta Iran in Madaxweyne Trump uusan dulqaad badan u lahayn wadahadallo waqti dheer qaata, sida ay xaqiijiyeen afar ilo xog ogaal ah.

Trump ayaa si lama filaan ah toddobaadyo ka hor ugu dhawaaqay in ay socdaan wadahadallo toos ah oo lala leeyahay Tehran, kuwaasoo lagu doonayo in lagu xakameeyo barnaamijka nukliyeerka Iran, beddelkeedna laga yareeyo cunaqabateynta. Wuxuu sidaas ku sheegay shir jaraa’id uu la qabtay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, oo Washington u tegay si uu u helo taageero weerar milatari oo ka dhan ah xarumaha nukliyeerka Iran.

Intii uu kulanku socday, Amiir Khalid wuxuu u sheegay madaxda Iran in kooxda Trump ay doonayso in si dhakhso leh loo gaaro heshiis, isla markaana fursadda diblomaasiyadeed aysan furnaan doonin muddo dheer, sida ay sheegeen afarta ilo wareed.

Wuxuu uga digay Tehran in heshiis lala gaaro Mareykanka uu ka roonaan doono khatar weerar Israa’iil haddii wadahadalladu burburaan, sida ay sheegeen laba ilo wareed oo reer Khaliij ah.

Labaduba waxay intaas ku dareen, iyadoo ay la socdaan diblomaasi reer Galbeed ah, in Amiirka Sacuudiga uu sheegay in gobolka—oo durba la daalaa dhacaya dagaalladii Gaza iyo Lubnaan—uusan u adkeysan karin xiisad kale oo sii kororta.

Dowladda Iran kama aysan jawaabin codsi faallo oo ay Reuters u dirtay ka hor daabacaadda warbixintan. Hase yeeshee, kadib, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmaeil Baghaei, ayaa si adag u beeniyay warbixinta, sida lagu sheegay war kasoo baxay wakaaladda Fars ee Iran. Sidoo kale, Sacuudiga kama aysan falcelin codsigaasi.

Booqashada uu Amiir Khalid ku tagay Tehran—oo ah walaalka ka yar dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman—ayaa ahayd tii ugu horreysay ee xubno sare oo reer boqor ah oo ka socda Riyadh ay booqdaan Iran muddo ku dhow labaatan sano.

Labada dal ayaa muddo dheer ahaa kuwo colaad siyaasadeed u dhexeeyso, marar badanna waxay taageereen dhinacyo iska soo horjeeda oo ku loolamaya dagaallo wakiilnimo ku dhisan, ilaa heshiis ay Shiinuhu dhexdhexaadiyeen sanadkii 2023 uu hoos u dhigay xiisaddii taagnayd, dibna u soo celiyay xiriir diblomaasiyadeed.

Saddex sano ee la soo dhaafay, saameynta gobolka ee Iran ayaa hoos u dhacday kaddib markii Israa’iil ay si xooggan u garaacday koxaha Xamaas ee Gaza iyo Xisbullah ee Lubnaan, halka xulufadooda ugu dhow ee Suuriya—diktatoor Bashaar Al-Asad—la riddo. Cunaqabateyntii reer Galbeedka ayaa sidoo kale si daran u saameysay dhaqaalaha saliidda ku tiirsan ee Iran.

Mohanad Hage Ali, khabiir ku takhasusay arrimaha Iran kana tirsan xarunta fikirka Carnegie Middle East Center ee Beirut, ayaa sheegay in daciifnimada Tehran ay siisay Sacuudiga fursad uu ku muujiyo saameyn diblomaasiyadeed si looga hortago dagaal goboleed oo hor leh.

“Waa hubaal in Sacuudiyaanku ay ka fogaadaan dagaal, sababtoo ah dagaal lala galo Iran wuxuu si toos ah u halis gelinayaa himilooyinkooda dhaqaale iyo yoolkooda mustaqbalka,” ayuu u sheegay Reuters.

Iran: Ma aqbalayno shuruudo aan la hubin

Reuters ma aysan xaqiijin karin saameynta ay fariinta amiirku ku yeelatay hoggaanka Iran, balse afarta ilo wareed ayaa sheegay in Madaxweyne Pezeshkian uu muujiyay rabitaanka Tehran ee heshiis, si cunaqabataynta looga qaado, dhaqaalahoodana loo kobciyo.

Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta Iran waxay muujiyeen cabsi ku saabsan hab-dhaqanka “aan la saadaalin karin” ee maamulka Trump—oo hal mar oggolaanaya kobcin xadidan oo uraniyam ah, halka mar kalena uu dalbanayo in gebi ahaanba la joojiyo barnaamijkaasi.

Trump ayaa sidoo kale hanjabay in uu adeegsan doono awood milatari haddii dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xakameynayo hamiga nukliyeerka Iran ay guul dareystaan.

Mid ka mid ah ilaha Iran ayaa sheegay in Pezeshkian uu caddeeyay in Tehran ay dooneyso heshiis, balse aysan aqbali doonin in ay ka tanaasusho barnaamijkeeda kobcinta uraniyamka si keliya maxaa yeelay Trump uu doonayo heshiis degdeg ah.

Wadahadallada u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ayaa maray shan wareeg, balse weli waxaa jira caqabado dhowr ah—kuwaasoo ay ugu culus tahay arrinta uraniyamka.

Reuters ayaa Arbacadii ku warrantay in Iran ay diyaar u tahay inay si ku-meelgaar ah u hakiso kobcinta uraniyamka haddii Mareykanka uu sii daayo lacagaha xayiran isla markaana uu si siyaasadeed u aqoonsado xaqa Iran u leedahay inay u isticmaasho uraniyamka ujeeddooyin nabadeed. Warbixintaasi waxaa beeniyay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran, sida ay qortay wakaaladda Fars.

Aqalka Cad kama uusan jawaabin su’aalihii Reuters ee ku saabsanaa in Mareykanku horey u ogaa digniinta Sacuudigu u diray Tehran.

Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay: “Madaxweyne Trump si cad ayuu u hadlay: heshiis samee ama la kulan cawaaqib halis ah. Dhammaan duniduna arrintaas si dhab ah ayay u qaadanayaan—sida ay ahaydba.”

Trump ayaa Arbacadii sheegay inuu Netanyahu uga digay toddobaadkii hore inuu qaado tallaabo kasta oo carqaladeyn karta wadahadallada, isagoo xusay in labada dhinac ee Mareykanka iyo Iran ay “aad isugu dhow yihiin xalka”.

Dowladda Israa’iil kama aysan jawaabin codsi faallo oo la xiriira arrintan.

Dhibaato hor leh oo laga digayo

Booqashadii afar-maalmood ahayd ee uu Trump ku tagay gobolka bishan ayaa Sacuudiga ku xardhay inuu yahay hoggaamiyaha cusub ee isbaheysiga dowladaha Sunniyiinta ee Bariga Dhexe, iyadoo laga buuxiyay booskii ay baneeyeen xulafadii Iran ee burburay. Intii lagu guda jiray safarkiisa, Amiir Maxamed Bin Salman ayaa dhexdhexaadiyay is-afgarad dhex maray Trump iyo hoggaamiyaha cusub ee Sunniyiinta Suuriya, Axmed al-Sharaa.

Saameynta gobolka ee Tehran ayaa sii daciiftay kaddib guuldarrooyin milatari oo gaaray xulafadeeda ku jira isbaheysiga Shiicada ee loo yaqaan Axis of Resistance, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xamaas, Xisbullah, Xuutiyiinta Yemen iyo maleeshiyaadka Ciraaq.

Kulankaasi, Amiir Khalid wuxuu Iran ku dhiirrigeliyay in ay dib u eegto siyaasaddeeda gobolka, isagoo xusay in isbeddel noocaas ah si weyn loogu soo dhawayn doono, gaar ahaan Riyadh, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah.

Inkasta oo uusan si toos ah u eedeynin Iran, Amiir Khalid wuxuu muujiyay walaac ku saabsan in weerarro la mid ah kuwii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee 2019 lagu qaaday xarumaha shidaalka Aramco ay soo noqdaan—kuwaas oo Sacuudiga uu ku eedeeyay Iran iyo xulafadeeda Xuutiyiinta, inkastoo Tehran ay diiday eedeyntaasi.

Mas’uuliyiinta Iran waxay sheegeen in Tehran ay saameyn ku leedahay Xuutiyiinta balse aysan si toos ah u maamulin ficilladooda.

Sanado badan oo colaad ah oo u dhaxeeyay Iran oo Shiico ah iyo Sacuudiga oo Sunni ah ayaa kacsanaan geliyay Khaliijka, waxayna kicisay dagaallo ka dhacay Yemen ilaa Suuriya. Heshiiskii dejinta xiisadda ee 2023, oo uu door weyn ku lahaa dhaxal-sugaha Sacuudiga, ayaa lagu saleeyay yoolkiisa dhaqaale iyo baahida xasillooni siyaasadeed.

Si kastaba, diblomaasiyiin iyo khubaro goboleed ayaa sheegaya in Sacuudiga iyo waddamada kale ee gobolka aysan weli u arkin Iran inay tahay lammaane lagu kalsoonaan karo marka la eego nabadda, waxayna ka cabsadeen in ficillada Tehran ay halis ku yihiin qorsheyaashooda horumarineed.

Ugu dambeyn, Amiir Khalid wuxuu Iran uga digay in iyadu ama xulafadeedu ay qaadaan tallaabooyin keeni kara caro kaga timaada Washington, isagoo si cad u sheegay in jawaabta Trump ay noqon doonto mid aad uga adag tii madaxda isaga ka horreysay sida Joe Biden ama Barack Obama.

Dhankiisa, wuxuu Tehran u ballanqaaday in Riyadh aysan oggolaan doonin in dhulkeeda ama hawadeeda laga adeegsado weerar kasta oo Mareykanka ama Israa’iil ay ku qaadaan Iran, sida ay sheegeen ilaha la hadlay Reuters.

Xog: Gaadiid qaraxyo usoo waday MUQDISHO oo…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay duqeymo diyaaradeed oo xalay Mareykanka uu ka fuliyay qaybo kamid ah gobollada Jubada Dhexe iyo Shabeellaha Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Diyaaradaha duqeymaha fuliyay ayaa ku howlgalay xog sirdoon oo ay ka heleen dowladda federaalka, gaar ahaan hay’adda NISA, waxayna beegsadeen xarumo muhiim ah oo maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku leeyihiin labadaas gobol.

Wararka ayaa sheegaya in duqeymaha lagu garaacay magaalooyin ay kamid yihiin Sablaale, Hawaay iyo Kunyo-barrow, waxaana khasaare lagu gaarsiiyay Khawaarijta.

Saraakiil amni oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan argagixisada lagu dilay weerarkan dhanka cirka ah, balse ma shaacin tiradooda.

Sidoo kale duqeymaha ayaa mid kamid ah waxaa lagu beegsay xero tababar oo ay lahayd kooxda, taas oo dhulka lala simay,waxaana jira jab lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Waxaa kale oo ay wararka intaasi kusii darayaan in la burburiyay gaadiid ay qaraxyo ku diyaariyeen Al-Shabaab, kuna soo wajahnaa magaalada Muqdisho, kuwaas oo lala eegtay duqeymaha ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Ilaa iyo hadda ma jiro faah-faahin rasmi ah oo ay Soomaaliya iyo Mareykanka ka bixiyeen duqeymahaan sida gaarka ah uga dhacay gobollada Jubada Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Maalmihii u dambeeyay ayaa lasii xoojiyay weerarada cirka ah iyo howlgallada ay wadaan ciidanka ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, si loo wiiqo awoodda Shabaab.

Duqeyntan ayaa sidoo kale kusoo aaday, xilli haatan dowladda federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso inay qaaddo guluf culus oo ka dhan ah argagixisada, si ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay db ugu laabteen deegaannadii ay horay uga soo baxeen.

PUNTLAND oo guul wayn ka gaartay dagaalka Daacish – Maxaa dhacay maanta?

0

Boosaaso (Caasimada Onoine) – Ciidamada ammaanka Puntland ee howlgallada ka wada gobolka Bari ayaa maanta guul wayn kasoo hoyay dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish, waxaana sidoo kale guul kusoo dhamaaday wajiga saddexaad ee howlgalkooda.

Puntland ayaa sheegtay in maanta ay qaaday howlgal dhulka iyo cirka ah, kaas oo ay ciidamadu ku qabsadeen fariisimo ay kooxda ku lahayd aagga Togga Miiraale.

Saraakiisha hoggaamineysay ayaa shaaca ka qaaday in cagta la mariyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen firxadka argagixisada, isla markaana ay cashir u dhigee.

Ciidamada ayaa sidoo kale la wareegay goobaha lagu dagaalamay oo ay ku jireen ceelashii xarunta u ahaa maleeshiyaadka iyo horjoogayaashooda, halkaas oo jab lagu gaarsiiyay.

Taliyaha ciidamada Booliska Puntland, Muumin Cabdi Shire oo ka hadlay howlgalka maanta dhacay ayaa guushaan ku tilmaamay mid dhamaan u ah kooxda Daacish.

“Guushan maanta waa bilow, ma aha dhammaad. Ilaa aanu ka ciribtirno argagixisada dalka oo dhan, dagaalku wuu soconayaa. Ciidamada Amniga Puntland waxay si hagar la’aan ah uga shaqeynayaan difaaca shacabka, sugidda amniga, iyo xaqiijinta mustaqbal nabdoon oo waara” ayuu yiri taliyaha guud ee ciidamada Booliska maamul-goboleedka Puntland.

Waxaa kale oo uu ballan qaaday in halganka uu sii socon doono, ayna soo afjari doonaan argagixisada ku dhuumaaleysaneyso buuraha hoostooda ee gobolka Bari.

“Waxaan ballan qaadaynaa in aan si buuxda uga hortagi doonno hanjabaadaha argagixisada, annagoo ka shaqeyn doona sidii looga saari lahaa dhulka hooyo ilaa meesha ugu dambeysa. Miiraale waa nabad, guushana waa middeena.” ayuu mar kale sii raaciyay.

Togga Miraale ayaa Daacish u ahaa saldhig muhiim ah oo ay muddo dheer ku sugnayd, waxaa haatan cagta mariyay ciidamada oo kusii siqaya buuraha hoostooda ee gobolka Bari.

Si kastaba ha ahaatee, Marka loo eego warbixinnada ka imaanaya goobaha dagaalka, wejiga saddexaad ee hawl-galka buuraha Calmiskaad ayaa lasoo sheegayaa inuu soo dhammaaday isla markaana ciidamadu ay ku xoreeyeen dhul ballaaran oo buuraley ah.

Israa’iil oo shaacisay in uu madaxweyne Macron ku soo qaaday ‘dagaal crusade ah’

Tel Aviv (Caasimada Online) – Israel ayaa Jimcihii si kulul u weerartay Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, iyadoo ku eedeysay inuu “dagaal crusade ah” ku hayo dowladda Yuhuudda, kadib markii uu ugu baaqay dalalka Yurub inay adkeeyaan mowqifkooda haddii Israel aysan wax ka beddelin xaaladda bini’aadannimo ee ka jirta Gaza.

“Ma jiro go’doomin bini’aadaninimo. Waa been cad oo laga faafinayo Israel,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel, oo difaaceysey dadaalka ay ku sheegtay in dalkaasi u galayo fududeynta gargaarka bani’aadannimo.

“Balse halkii uu cadaadis saari lahaa kooxaha jihaad-doonka ah, Macron wuxuu doonayaa inuu abaalmariyo iyaga, isagoo ku dhiirrigelinaya in loo aqoonsado dowlad Falastiini ah. Shaki kuma jiro in maalinta qarankeedu noqon doonto 7-da Oktoobar,” ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo la xiganayo weerarkii Xamaas ku qaaday Israel sanadkii 2023, kaas oo horseeday dagaalka Gaza.

Todobaadkii hore, Israel waxay si xaddidan uga qaaday go’doonkii muddo laba bilood ka badan saarnaa Gaza, halkaasoo ay ka jirto cunto yari, biyo la’aan, iyo daawo la’aan daran – inkastoo ay bilaabatay in gargaar bani’aadannimo kooban uu gudaha u galo.

Madaxweyne Macron ayaa dhankiisa kordhiyay taageerada uu u muujinayo shacabka Falastiin. Isagoo khudbad ka jeedinayay shir difaaca caalamiga ah ee ka dhacay Singapore Jimcihii, ayuu sheegay in dalalka Yurub ay tahay “inay adkeeyaan mowqifkooda wadajirka ah” haddii Israel aysan si dhab ah uga falcelin xaaladda bani’aadannimo ee Gaza – isagoo xusay in xitaa cunaqabatayn la tixgeliyo.

“Haddii aan Gaza ka jeesanno, haddii aan siino Israel marin furan, xitaa annagoo cambaareynayna weerarrada argagixisada, waxaan luminaynaa kalsoonida caalamka,” ayuu yiri Macron.

Wuxuu sidoo kale sheegay in aqoonsiga dowlad Falastiin ah, iyadoo la raacayo shuruudo cayiman, uu yahay “waajib anshaxeed iyo baahi siyaasadeed.”

Faransiiska iyo Sacuudi Carabiya ayaa si wadajir ah u martigelinaya shir caalami ah oo ka dhacaya xarunta Qaramada Midoobay ee New York, kaas oo lagu doonayo in dib loo soo nooleeyo hindisaha xalka laba dowladood — qorshe si adag uga soo horjeeda xukuumadda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska, Jean-Noël Barrot, ayaa bartiisa X ku qoray in dalkiisu taageersan yahay “dowlad Falastiin ah, kana mid noqon karta qaab-dhismeed amni oo goboleed oo ay ku jirto Israel.”

“Tani waxay danta ugu jirtaa shacabka Israel iyo amnigooda. Waa xalka kaliya ee lagu beddeli karo xaaladda dagaalka joogtada ah,” ayuu raaciyay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Saar, oo ka jawaabayay hadalka Barrot, ayaa ku dooday in Israel aysan u baahnayn cid u go’aamisa danaha ay leedahay.

“Shacabka Israel si buuxda ayay uga soo horjeedaan in dowlad Falastiin ah laga dhiso bartamaha dhulkooda hooyo,” ayuu yiri Saar.

 

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay gadood ka dhacay xabsiga dhexe ee Boorama

Boorama (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya shaqaaqo goordhow ka dhacday gudaha xabsiga dhexe ee magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, kadib markii hakaasi laga maqlay rasaas sababtay dhimasho iyo dhaawac intaba.

Shaqaaqada ayaa timid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada ilaalada xabsiga iyo qaar kamid ah maxaabiista xiran oo gadood sameeyay, waxaana kadib arrintu ay isku rogtay gacan ka hadal, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Maxaabiista gadoodka sameeyay ayaa garaacay qaar kamid ah askarta, iyaga oo u gaystay dhaawacyo jireed kadibna waxaa rasaas adeegsaday ciidanka, taas oo dhalisay khasaaraha.

Ugu yaraan hal qof oo ka mid ahaa maxaabiista ayaa ku dhintay falkan, halka ay ku dhaawacmeen illaa 3 kale oo haatan lagu dabiibayo isbitalka guud ee Boorama, sida ay warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah howlwadeennada isbitaalka guud ee magaalada.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo iyo maamulka degmada, isla markaana la xiriira dhimashada iyo dhaawaca ka dhacay xabsiga.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana lasoo warinayaa in ciidamo dheeraad ah la geeyay gudaha xabsiga, si ay uga hortagaan xiisadda ka taagan halkaasi.

Xabsiga Boorama ayaa ah mid ciriiri ah oo uu culays badan saaran yahay, taas oo kordhisay khasaaraha ka dhashay shaqaaqada maanta ka dhacday halkaasi.

Marar badan ayay Boorama ka dhaceen isku dhacyo sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta badan ka hortaga ciidanka ammaanka Somaliland ee ku sugan magaaladaasi.

Somaliland says recognition ‘on horizon’ after US talks

HARGEISA, Somaliland — The president of the self-declared Republic of Somaliland says international recognition of his country is closer than ever, with mounting hopes that U.S. President Donald Trump could lead the way.

In an interview with The Guardian at the presidential palace in Hargeisa, President Abdirahman Mohamed Abdullahi said it is “likely” that Somaliland’s long-standing quest for recognition is finally nearing success.

“Recognition is on the horizon,” said Abdullahi, who took office five months ago. “It’s no longer a question of if, but when—and who will be the first to recognize Somaliland.”

Somaliland declared independence from Somalia in 1991 following the collapse of the central government. However, no country has officially recognized its statehood. Analysts say the United States’ acknowledgment would be a game-changer, potentially altering the geopolitical balance in the Horn of Africa and sparking regional tensions.

According to Somaliland officials, high-level talks are underway with Washington. Abdullahi revealed that senior U.S. military officials, including the top officer for the Horn of Africa, have recently visited Hargeisa to assess the strategic port of Berbera. Another American delegation is expected to evaluate the site soon.

Berbera, located on the Gulf of Aden, has drawn increasing interest amid U.S. concerns over China’s growing influence in neighboring Djibouti, where Washington operates its only permanent military base in Africa, Camp Lemonnier.

A controversial Trump-era policy blueprint, Project 2025, reportedly calls for recognizing Somaliland as a strategic hedge against the U.S.’s weakening position in Djibouti.

“We are a partner in security, in counterterrorism, and in ensuring safe maritime routes for global trade,” Abdullahi said, noting that the U.S. ambassador to Somalia has visited him three times in recent months.

The Trump administration remains divided over the future of the long-standing “One Somalia” policy, which regards Somaliland as part of a unified Somali state. Recent territorial gains by al-Shabaab militants and the fragile state of Somalia’s central government have prompted some U.S. officials to consider a policy reset.

“There will come a point soon when the U.S. and other international actors will have to recalibrate their approach to Somalia,” Abdullahi said.

Officially, the US state department continues to assert that it “recognises the sovereignty and territorial integrity” of Somalia. A statement added that it was “not in discussions” with Somaliland to recognise it as a state.

Prominent international voices are also rallying behind Somaliland. Former UK Defence Secretary Gavin Williamson, a vocal supporter of the region’s independence, said U.S. officials had recently indicated that recognition is within reach.

“They’ve already started shifting away from the one Somalia policy,” Williamson told The Guardian. “I believe recognition will come before 2028—possibly within the next year.”

The United Arab Emirates, a close U.S. ally, has invested more than $442 million in Berbera’s modernization and road infrastructure linking the port to Ethiopia.

Addis Ababa, which has long sought access to the sea, reportedly agreed to recognize Somaliland in exchange for port rights—a deal that sparked a sharp backlash from Somalia and Egypt, already at odds over Ethiopia’s Nile dam project.

Despite its population of around five million, regular democratic elections, and a relatively stable government, Somaliland remains unrecognized by any UN member state. But Abdullahi insists that change is imminent.

Somaliland offers to take in Gazans forced out by Israel

HARGEISA, Somaliland — Somaliland officials say they are ready to welcome Palestinians forcibly displaced from Gaza, following reports that Israel may be planning the mass expulsion of the territory’s population amid its ongoing military campaign.

Although no official resettlement proposal has been made, President Abdirahman Mohamed Abdullahi and senior refugee officials confirmed the breakaway republic is open to offering refuge to Palestinians—emphasizing the region’s history of hosting displaced communities.

“The Palestinians are our brothers,” said Abdullahi in an interview with The Guardian . “If they choose to come of their own will, we don’t mind. But there are no formal discussions underway with the Palestinians or with any other country.”

The comment comes amid reports that Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu has proposed the complete removal of Gaza’s population, while U.S. President Donald Trump has publicly discussed relocating Palestinians to allow the reconstruction of Gaza into a commercial and tourist hub.

Aidrous Osman Hussain, deputy director of Somaliland’s refugee department, said Palestinian families have settled in the region since the early 2000s. “Palestinians have been moving here since 2004, 2005. Somaliland welcomes all refugees,” he told The Guardian.

Currently, 12 Palestinian families live in Somaliland, alongside thousands of other displaced people. Officials say they are prepared to accept more but stress that international recognition is crucial for scaling up humanitarian efforts.

“If Somaliland is recognized, we’ll have access to more international aid and partnerships,” said Hussain. “That would allow us to help even more refugees.”

Somaliland has quietly become a safe haven for nearly 23,000 refugees of various nationalities, including 2,875 who arrived last year alone. More than 300 Sudanese families have fled to the region since Sudan’s civil war began, and the local Syrian community—formed in the wake of the Syrian civil war—now numbers around 2,000.

One Syrian refugee, Hassan, who fled Damascus in 2023, described Hargeisa as a safe and welcoming place for Muslims. “What mattered to me most was security,” he said while verifying documents at a refugee processing center. “Somalilanders are Muslim. It’s safe here for our family, and the community is open. We integrate well.”

Somaliland’s stability, relative safety, and Islamic identity have made it a rare refuge in a turbulent region. However, officials say their capacity is limited without global recognition and access to international funding.

“We can do more, but we need the world to see us as a partner,” Hussain said.

Daahir Geelle oo shaaciyey sababta uu uga baxay DF ee kaliftay inuu ku biiro mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ambasador Daahir Maxamuud Geelle oo ku biiray mucaaradka dowladda ayaa caawa qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay sababta uu isaga casilay xilkii la-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Carabta iyo ku biiritaantiisa Mucaaradka.

“Aniga sideydaba xilka aan dowladda ka hayo hadii aana si madax-banaan u guda karin, aragteydeydana aysan tix-gelin laheyn waan iska wareejiyaa shaqada,” ayuu yiri Daahir Geelle.

Wuxuu sheegay in khilaafka isaga iyo madaxda dowladda uu soo bilowday bishii October 2024, xiligaas oo Madaxweynaha uu ugu tegay Dhuusamareeb oo uu deganaa, kadibna uu kala taliyey qodobo markaas miiska u saaraa dowladda.

“Waxaa qodobadaas kamid ahaa in la joojiyo qorshaha lagu baabi’inayo xafiiska ra’iisul wasaaraha oo madaxweyne ku xigeen lagu bedeli rabay, waxaan xiligaas madaxeynaha kala soo hadlay in aysan munaasab ahayn in Soomaaliya ay qaadato nidaamka Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Geelle.

Sidoo kale Daahir Geelle ayaa sheegay in markii uu gudaha joogay oo dowladda uu ku dhex jiray uu madaxda la wasaagi jiray taladiisa, halka markii uu banaanka joogana uu lamid yahay muwaadiniinta kale ee markii ay doonaan warbaahinta u mariya talooyinkooda.

Sidoo kale, Daahir Geelle ayaa la weydiiyey waxa ay ka ogyihiin wararka sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ‘mucaaradka ku dhex-darsaday dad u soo uruuriya xogta iyo go’aanadooda ka dhanka ah’ xukunkiisa.

“Anagu waan isku kalsoonahay, waxaasna ma ogin, jaajuus iyo lugooyo waxaa loo dirsadaa cadowga, marka waxaas uma baahna Madaxweynuhu, anaga aragtideena banaanka ayey taalaa wax noo qarsoona ma jiraan, war-saxaafadeed aan ku cadeyneyno waxa aan diidanahay ayaan soo saari doonaa,” ayuu yiri Daahir Geele.

Daahir Geelle ayaa sheegay inay diidan yihiin wax ka bedelka aan la isla ogeyn ee dastuurka iyo doorashooyinka in loo dhigo hanaan lagu wada qanacsan yahay.

Ugu dambeyntii wuxuu cadeeyey in Farmaajo aan loo diidin madasha, balse isagu uu iskiis uga haray, “Farmaajo waa madaxweyne hore, hadana raba in dib loo doorto, dadka qaar waa la saxnaa, qaarna waa la qaldanaa, marka ma jirto cid wax u diiday waa muwaadin waa imaanayaa dalkiisa waana tartamayaa,” ayuu yiri.

 

Sawirro: Maxay Odayaasha Hawiye caawa kala hadleen Guddoomiye Muungaab?

Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa kulankii ugu horeeyey la qaatay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad iyo Nabadoon Cabdinuur Axmed Diiriye ayaa hogaaminayey odayaasha caawa la kulmay Muungaab.

Nabadoonada, Odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka hoygiisa kusoo booqday Duqa Cusub ee Magaalada Muqdisho ayaa ugu hambalyeeyay in markale loo magacaabo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Odayaasha ayaa kala hadlay guddoomiyaha shaqooyinka horyaalla oo ay ugu horeyso in Muqdisho loo sameeyo Gole Deegaan oo soo doorta Guddoomiyaha.

Ugu dambeyntii, odayaasha ayaa ugu duceeyay in uu eebe kula garab galo masuuliyadda loo igmaday, iyagoo ka balan-qaaday inay la shaqeynayaan.

Guddoomiye Muungaab ayaa markii labaad loo soo magacaabay gobolka Banaadir, wuxuuna ku soo aaday xilli aad loogu baahan yahay in wax laga bedelo hab-maamulka gobolka Banaadir.

Muungaab ayaa bedelay Guddoomiye Maxamed Amiir oo noqday guddoomiyihii ugu muddo xileedka yaraa oo xafiiska joogay lix bilood kaliya.

FIQI oo ka maadsaday mucaaradka dowladda kadib arrintii dhacday maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta si maad ah uga fal-celiyay dib u dhaca ku yimid war-murtiyeedkii la fiyay in mucaaradka uu kasoo saaro shirka maalmihii dambe uga socday magaalada Muqdisho.

Inkasta oo markii hore warbaahinta ka howl-gasha caasimadda looga yeeray hoteel Jazeera oo ah goobta uu ku shirsanaa mucaaradka, haddana lama sii dayn war-murtiyeedka shirka, iyadoo mucaaradka uu sheegay in loo baahday la tashiyo dheeraad ah, illaa habeen dambena uu soo bixi doono bayaanka.

Intaas kadib waxaa warbaahinta saacadihii lasoo dhaafay lagu baahiyay muuqaalka Daahir Maxamuud Geelle oo telefishanada qaar u dhigeen war-murtiyeed kasoo baxay shirka, kaasi oo uusan ku jirin wax nuxur ah, marka laga imaado weerarka hoggaanka sare ee dalka iyo inuu baaqday war-murtiyeedkii la filayay.

Fiqi oo daba socda arrinta dhacday iyo in uu hoos u degay saameyntii bayaanka mucaaradka ayaa kusoo hal qabsaday sheeko faneed, taas oo u dhigneyd sidan:

Waxaa jirtay sheeko ah “in buur weyn ay bilowday inay ruxanto oo ay samayso dhawaaqyo culus iyo dildilaacyo xooggan sida in ay qarxi doonto oo kale.

Dadkii aagga ka ag-dhowaa oo dhan ayaa isku soo baxay cabsi iyo welwel awgii iyagoo wadnaha farta ku haya oo sugaya waxa ka soo bixi doona buurtaas weyn.

Qof walba wuxuu filayay in buurta dab xooggan ka soo bixi doono, ama balaayo kale oo naxdin leh, ama masiibo wayn ay banaanka iman doonto.

Laakiin kadib ruxmid, gariir badan iyo cabsi dheer, wax walba waxa ay ku soo dhammaadeen iyadoo jiir yar oo keliya foolatay.

Kenya oo ‘Jamhuuriyad’ ugu yeertay Somaliland, kuna dartay liiska rasmiga ah ee…

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa qaaday tallaabo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, iyadoo “Jamhuuriyad” ugu yeertay Somaliland, oo caalamku u aqoonsan yahay maamul ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa soo saartay liiska rasmiga ah ee safaaradaha iyo deegaannada diblomaasiyadeed, waxaana liiskaas kasoo muuqatay Somaliland oo sidata magaca “Jamhuuriyadda Somaliland”.

Liiskan ayaa waxaa si siman uga soo wada muuqaanaya Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Somaliland oo sidata magaca “Jamhuuriyadda”. Dowladda Kenya ayaa sida muuqata u bareertay arrintaan, iyadoo maanta si weyn Madaxtooyadda ugu soo dhaweysay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro.

William Ruto oo qaabilay Cirro ayaa waxay ka wada-hadleen iskaashiga labada dhinac iyo xoojinta xidhiidhka ganacsiga, maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha iyo isu-socodka diyaaradaha. Sidoo kale waxay diirada saareen xoojinta nabadda iyo amniga gobolka, gaar ahaan horumarinta xasilloonida, ka hortagga xagjirnimada, iyo taageeridda dadaallada nabad-dhisidda ee Geeska Afrika .

Si kastaba, Tallaabada ay qaaday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa imanaysa xilli ay Xukuumaddu Nairobi u ogolaatay Somaliland inay xafiiskeeda Kenya loo dalacsiiyo heer diblomaasiyadeed oo la mid ah “Mishanka Jamhuuriyadda Somaliland ee Kenya,” taas oo ka sarreysa heerkii hore ee xafiiska, kaasoo ahaa xafiis isgaadhsiineed (liaison office).

Dowladda Kenya ayaa markii hore diidday furitaanka xafiiska sabab la xiriirta darajada cusub ee loo beddelay, taasoo abuurtey dareen siyaasadeed, maadaama ay Nairobi sidoo kale xiriir wanaagsan la leedahay Muqdisho, hase yeeshee ugu dambeyntii wey ogolaatay iyadoo uu shalay xarigga ka jaray Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

Illaa hadda ma jirto wax fal-celin ah oo arrintaan ay ka sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Dowladda Kenya ay kula kacday xad-gudubka. Waxaana isha lagu hayaa sida ay Muqdisho uga jawaabto arrintaan.