29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

Wada-hadallada Iran iyo Mareykanka oo bilowday iyo qodobo culus oo miiska saaran

Islamabad (Caasimada Online) – Wada-hadallo saddex geesood ah oo u dhexeeya Mareykanka, Iiraan iyo Pakistan ayaa billowday kaddib markii la dhimay duqeymaha Israa’iil ay ka waddo koonfurta Lubnaan iyo shuruudo kale oo la buuxiyay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Iiraan ee IRNA.

Wada-xaajoodyadan ayaa dhex-maraya Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance oo Sabtida maanta gaaray magaalada Islamabad iyo mas’uuliyiinta Iiraan oo uu hoggaaminayo afhayeenka baarlamaanka, Mohammad Bagher Qalibaf kaddib horumar laga sameeyay wada-hadallo aan toos ahayn oo hore u dhacay.

Kani waa wareeggii ugu horreeyay ee wada-hadallo lagu doonayo in xabbad-joojin laba toddobaad ah oo lala galay Iiraan loogu beddelo marin nabdoon oo ay maraan maraakiibta caalamiga ah ee marinka Hormuz (Strait of Hormuz) iyo sidoo kale in lagu gaaro nabad waarta, xilli mas’uuliyiintu si furan u soo bandhigeen shuruudo iska soo horjeeda.

Vance ayaa hoggaaminaya wafdiga Mareykanka, kaas oo ay sidoo kale ka mid yihiin ergeyga gaarka ah ee Madaxweyne Donald Trump, Steve Witkoff iyo wiilka uu soddogga u yahay, Jared Kushner.

Ka hor inta uusan u ambabixin Pakistan, Vance ayaa uga digay Iiraan in aysan “la ciyaarin” Mareykanka, isagoo sheegay in wada-xaajoodayaasha Mareykanka aysan aqbali doonin wax uu ku tilmaamay dhagri.

Faah-faahinta wada-xaajoodyada weli si rasmi ah looma shaacin. Si kastaba, waxaa jira warar sheegaya in Iiraan ay diyaarisay qorshe ka kooban 10 qodob, kaas oo Madaxweyne Trump ku tilmaamay “asal wax ku ool ah oo laga gorgortami karo.”

Sidoo kale, waxaa jira qorshe kale oo la sheegay in Washington ay waddo oo ka kooban 15 qodob, kuwaas oo aan weli si rasmi ah loo soo bandhigin.

Qodobbada ugu muhiimsan ee ajandaha

Cunaqabateynta, marinka Hormuz, kobcinta nukliyeerka iyo weerarrada Israa’iil ay ku hayso Lubnaan ayaa ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee ku jira ajandaha wada-hadallada Islamabad.

Mareykanka ayaa dalbaday in Iiraan ay dib u furto marinka Hormuz, oo ah waddo istaraatiiji ah oo muhiim u ah isku-socodka badda. Tehran ayaa si wax ku ool ah u xirtay marinkan tan iyo weerarradii dhimashada badnaa ee Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan 28-kii Febraayo, kuwaas oo horseeday dagaalkan.

Iiraan ayaa soo jeedisay in lacago canshuur ah laga qaado maraakiibta maraya marinkan, waxayna doonaysaa in si rasmi ah loo aqoonsado gacan-ku-haynteeda. Hase yeeshee, Mareykanka ayaa si cad u diiday soo jeedintaas.

Dhanka kale, Madaxweyne Donald Trump ayaa soo jeediyay in Mareykanka iyo Iiraan ay sameeyaan “shirkad wadajir ah” oo ka shaqeysa maamulka iyo canshuuraha marinka Hormuz. Arrintan ayaa toddobaadkan horraantiisii walaac ka abuurtay dalalka Yurub, isla markaana dhalisay falcelin diidmo ah.

“Marinka Hormuz, sida marin kasta oo baddeed, waa hanti guud oo ay wadaagaan bini’aadamka, taasoo macnaheedu yahay in isku-socodku ahaado mid xor ah,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Guddiga Yurub maalintii Khamiista.

Dhinaca Iiraan, wada-hadalladan ayaa la sheegay in ay guul gaari karaan oo keliya haddii xabbad-joojin laga sameeyo Lubnaan, isla markaana la sii daayo hantida xayiran ee dalkaas.

Qoraal lagu daabacay baraha bulshada, xafiiska Araghchi ayaa ku baaqay in la joojiyo weerarrada Israa’iil ee Lubnaan, isagoo xusay in Iiraan ay is-difaaci doonto haddii mar kale la soo weeraro.

Trump oo weli muujinaya guul

Dhanka kale, Sabtidii ayuu Trump si kulul ugu dhaleeceeyay waxa uu ugu yeeray “warbaahinta wararka been-abuurka ah,” isagoo ka soo horjeestay sheegashooyinka ah in Iiraan ay ku guuleysaneyso dagaalka.

Trump ayaa yiri: “Qof walba wuu ogyahay inay khasaarayaan, si weynna u khasaarayaan. Ciidankoodii badda wuu burburay, ciidankoodii cirka wuu burburay, nidaamkoodii difaaca hawada ma shaqeynayo, raadaarkooduna wuu burburay. Warshadahoodii gantaalaha iyo drones-ka inta badan waa la tirtiray, waxaana la socda qalabkoodii. Tan ugu muhiimsanna, hoggaamiyeyaashoodii muddada dheer nala ma joogaan — Eebbe ayaa mahad leh.”

Dagaalkan ayaa si weyn u saameeyay dhaqaalaha caalamka, gaar ahaan dalalka ku hareeraysan Gacanka Faaris, wuxuuna sababay burbur ku yimid kaabayaasha dhaqaalaha ee lix dal oo gobolka ah, iyadoo sidoo kale uu sare u kac ku yimid qiimaha shidaalka adduunka.

Ugu yaraan 3,000 oo qof ayaa lagu dilay Iiraan, halka 1,953 qof lagu dilay Lubnaan weerarrada Israa’iil. Sidoo kale, 23 qof ayaa ku dhintay Israa’iil, halka in ka badan 10 qof ay ku dhinteen dalalka Carabta ee Gacanka weerarro kaga yimid dhanka Iiraan.

Cumar Cabdirashiid oo digniin culus kasoo saaray laba arrin – Maxaa soo kordhay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa diginin culus kasoo saaray qorshaha dowladdda ee ku aadan shidaal qodista iyo xaaladaha siyaasadeed ee ka taagan dalka, gaar ahaan dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka.

Cumar Cabdirashiid oo qoraal soo saaray ayaa marka hore ka digay in ka faa’iideysiga shidaalka iyo khayraadka macdanta ay isku beddeli karaan khilaaf siyaasadeed, haddii aan laga gaarin heshiis rasmi ah.

Sidoo kale wuxuu muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan dib u dhac ku yimaada heshiisyada muhiimka ah ee qaranka, taasina ay horseedi karo halis ku timaada geeddi socodka dowladnimada.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sidoo kale carrabka ku dhuftay in ay muhiim tahay in xal waara loo helo siyaasadaha is-diidan ee ka dhashay wax ka beddelka dastuurka iyo hannaanka loo wajahayo doorashooyinka, maadaama ay saldhig u yihiin dowladnimada, isaga oo xusay in arrimahan iyo shidaal qodistaba ay u baahan yihiin is-afgarad buuxa.

Waxaa kale oo uu farriin culus u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ka codsaday inuu ka shaqeeyo sidii loo dhammeyn lahaa khilaafaadka gudaha, maadaama uu sii dhamaanaayo muddo xileedkiisa iyo kan Baarlamaanka, welina ay taagan tahay xiisaddu.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay dekedda wayn ee magaalada Muqdisho lagu soo dhaweeyay markabka Turkiga ee qodayo shidaalka, kaas oo lagu magacaabo Çağrı Bey, waxaana loo sameeyay munaasabad wayn oo ay ka qay-galeen  mas’uuliyiin ka tirsan labada dal.

Ceelka shidaalka oo lagu magac daray ‘Curad-1’ ayaa waxaa  laga qodi doonaa xeebaha Galmudug, gaar ahaan inta u dhexeysa deegaannada Mareeg iyo Xarardheere, halkaas oo masaafo ahaan aad uga fog barriga, sida uu shaaciyay wasiirka batroolka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed.

“Curad-1 waxaa laga qodayaa badda ku toosan Dowlad-Goboleedka Galmudug, gaar ahaan inta ku aadan Mareeg ilaa Xarardheere. Aad buu uga fog yahay barriga, waxaana u jiraa masaafo ku dhow 275 km,” ayuu yiri Wasiir Daahir Shire.

Si kastaba, Hawlgalka baadhista shidaalka ee ay Turkigu ka wadaan Badda Soomaaliya ayaa qayb ka ah heshiis iskaashi oo labada dal ay horay u galeen, kaas oo diiradda saaraya sahminta iyo horumarinta khayraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah. Mashruucan ayaa sidoo kale la filayaa inuu xoojiyo awoodda Soomaaliya ee ka faa’iidaysiga khayraadkeeda dabiiciga ah, isla markaana uu albaab cusub u furo fursado dhaqaale oo ballaaran oo mustaqbalka fog wax ka beddeli kara dhaqaalaha dalka.

DF oo guddi cusub u magacowday Koonfur Galbeed + Shaqadooda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo wareegto soo saartay ayaa maanta magacowday guddi farsamo oo ka shaqeynaya dib-u-heshiisiin dhab ah oo ka dhacda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddiga oo ka kooban illaa 10 xubnood ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul), halka guddoomiye ku xigeen looga dhigay Cali Cabdullaahi Isaaq.

Wasaaradda ayaa sheegtay in guddigan loo xilsaaray hirgelinta iyo fududeynta geedi-socodka nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta, si xal looga gaaro xiisadda Koonfur Galbeed, maadaama lasoo dhisayo maamu cusub oo rasmi ah.

“Go’aan: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay magacowday Guddiga Farsamada Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo loo xilsaaray hirgelinta iyo fududeynta geedi-socodka nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta,” ayaa lagu yiri wareegtada.

Sidoo kale, waxaa waajibaadka guddiga kamid ah xaqiijinta matalaad caddaalad ah iyo hufnaan inta ay socdaan wada-hadalladu iyo xoojinta kalsoonida iyo wada-noolaanshaha bulshada dhexdeeda ah.

Waxaa kale oo wasaaradda intaas ku dartay in ay kor kala socon doonto howsha, iyada oo kaashaneysa wasaaradda arrimaha gudaha Koonfur Galbeed oo qayb ka aha dadaallada nabadeynta ee laga sameynayo maamulkaas.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii wadashiyo lala sameeyay dhinacyada ay quseyso xaaladda Koofur Galbeed, iyadoo laga amba qaadayo fulinta amarkii kasoo baxay madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowaan booqday Baydhaba.

Koonfur Galbeed ayaa gashay marxalad cusub, kadib markii meesha la gaaray madaxweynihii maamulkaas Cabdicasiis Lafta-gareen, waxaana haatan dowladda ay qorsheyneysaa in doorasho qof iyo cod ah ay ka qabato halkaas.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka

Xogta kulan dhex-maray madaxweyne Xasan iyo Isimada Puntland + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta madaxtooyada qaranka ku qaabilay qaar kamid ah isimada dhaqanka ee Puntland, isaga oo u sameeyey soo dhaweyn heer sare ah, sida ay muujinayaan sawirro ay baahisay Villada.

Kulanka waxaa ka qayb-galay isimo ay kamid yihiin Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin, Suldaan Mursal, iyo Suldaan Maxamuud Xaaji Cabdullaahi, iyo marti sharaf kale.

Intiisa badan waxaa kulanka diiradda lagu saaray baahiyaha ka jira deegaannada Puntland, iyo xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa shacabka iyo dowladdooda, si loo gaaro xasillooni iyo horumar waara.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in kulankan lagu soo qaaday xaaladaha Puntland iyo arrimaha doorashooyinka oo ay dowladda dhexe dooneyso in ay noqdaan kuwo toos ah oo dadweynuhu soo dooranayaan cidda ay rabaan.

Kulankan wuxuu kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana ay is-hayaan Dowladda Federaalka iyo Puntland, maadaama uu khilaafkoodu sii fogaaday.

Villa Soomaaliya ayaa horay sidaan oo kale ula shirtay inta badan siyaasiyiinta mucaaradka Puntland oo hadda jooga Muqdisho, waxaa kale oo ay saameysay dhaq-dhaqaaq ciidan oo uu qaylo dhaan kasoo saaray madaxweyne Saciid Deni.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana la’isku hayaa nooca doorasho ee ka dhaceysa dalka iyo wax ka beddel lagu sameeyay dastuurka dalka.

Waxaa kale oo intaas sii dheer xiisado haatan kasoo cusboonaaday maamul-goboleedyada, kadib tallaabadii laga qaaday Cabdicasiis Lafta-gareen oo meesha laga saaray markii ay duulaan toos ah ku qaaday dowladda dhexe

Soomaalidii uu Donald Trump u tarxiilay dalka Eswatini oo helay war rajo wanaagsan leh

Mbabane (Caasimada Online) – Maxkamad ku taal Boqortooyada Eswatini ayaa xukuntay in shantii muhaajir ee ugu horreysay ee uu maamulka Madaxweyne Donald Trump u musafuriyay dalkaas ay xaq buuxa u leeyihiin qareen difaaca.

Go’aankan ayaa imaanaya kadib markii dadkan laga hor istaagay inay helaan matalaad sharci markii bishii Luulyo laga soo wareejiyay Mareykanka, laguna xiray xabsi ku yaalla dalkaas dhaca Koonfurta Afrika.

Maxkamadda ayaa diiday dood ay dowladda dalkaas soo jeedisay oo ahayd in maxaabiistu aysan si gaar ah u dalban inuu matalo Sibusiso Nhlabatsi, oo ah qareen u dooda xuquuqda aadanaha. Qareenkan ayaa muddooyinkii dambe u halgamayay difaacida kiiska muhaajiriintan isagoo aan wax oggolaansho ah u helin inuu la kulmo ama la hadlo.

Saddexda garsoore ee kiiskan qaadayay ayaa qaraar ay soo saareen oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters ku sheegay in wax dhib ah aysan ku jirin in qareenka loo oggolaado inuu arko maxaabiista. “Haddii aysan dooneyn inay arkaan qareenka, waxay si toos ah iyo fool-ka-fool ah ugu sheegi karaan isaga,” ayay yiraahdeen garsoorayaasha.

Dadkan xiran ayaa qayb ka ah ugu yaraan 19 muhaajir oo ka soo jeeda dalal saddexaad – oo isugu jira qaaradaha Afrika, Aasiya iyo Ameerika – kuwaas oo maamulka Trump uu u tarxiilay Eswatini, taas oo qayb ka ah olole ballaaran oo ka dhan ah socdaalka.

Muhaajiriintan ayaa waxaa ku jira ugu yaraan laba muwaadin oo u dhashay Soomaaliya, sida ay horay u xaqiijisay Caasimada Online, in kasta oo la rumeysan yahay in tirada Soomaalidu ay intaas ka badan karto.

Go’aankan maxkamadeed ayaa khuseeya oo keliya shantii qof ee ugu horreysay, maadaama dacwadda iyaga dartood loo furay, balse wuxuu hordhac iyo tusaale sharci u noqon karaa in inta kalena ay helaan xuquuq la mid ah.

Boqortooyada Eswatini, oo uu xukunkeeda si buuxda u gacanta ugu hayo Boqor Mswati III, ayaa ilaa iyo haatan sii deysay laba keliya oo ka mid ah maxaabiistaas, kuwaas oo kala ah nin u dhashay Jamaica oo la sii daayay sanadkii hore iyo muwaadin u dhashay Cambodia oo isna xabsiga laga sii daayay bishii la soo dhaafay.

Qareeno ku sugan Eswatini iyo Mareykanka ayaa su’aal geliyay sharciga waafaqsanaanta heshiiska ku kacaya 5.1 milyan ee dollar ee u dhexeeya labada dal. Heshiiskan ayaa sababay in dadkan la soo tarxiilay lagu xero waddankan dhaca koonfurta Afrika, in kasta oo ay horay u soo dhameysteen xukunno xabsi ah oo la xiriira dambiyo ay ka galeen ciidda Mareykanka.

Maxkamadda sare ee Eswatini ayaa bishii hore laashay dacwad uu gudbiyay qareen u dooda xuquuqda aadanaha oo maxalli ah, taas oo ka dhan ahayd heshiiska laftiisa, in kasta oo qareenku uu go’aankaas racfaan ka qaatay, rajona uu ka qabo in dib u eegis lagu sameeyo.

Sirdoonka Mareykanka oo dusiyey xog ka nixin doonta Trump oo ku saabsan Iiraan

Tehran (Caasimada Online) – Sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah oo xog-ogaal u ah qiimeynta sirdoonka, dowladda Iiraan ayaa weli kaydkeeda hubka ku haysata kumanaan gantaallada ballistic-ga ah, kuwaas oo ay dib u adeegsan karto iyadoo soo saaraysa aaladaha gantaallada tuura ee ku jira xarumaha kaydka ee dhulka hoostiisa ah.

Qiimeyntan ayaa imaneysa xilli Mareykanku uu ka shaqeynayo in la meel-mariyo xabbad-joojin si buuxda dib ugu fureysa Marinka Hormuz, kana ilaalineysa Iiraan, ciidamada Mareykanka iyo dalalka gobolka weerarro hor leh. Labada dhinac ayaa la filayaa in ay Sabtida maanta ah wada-hadallo uga furmaan Islamabad.

Qaar ka mid ah saraakiisha Mareykanka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay in Iiraan ay fursadda hakadka dagaalka u adeegsan doonto in ay dib u dhisato qayb ka mid ah awooddeeda gantaallada, kana sii badiso inta ay hadda haysato.

Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka Pete Hegseth ayaa toddobaadkan saxafiyiinta u sheegay in barnaamijka gantaallada Iiraan uu yahay mid “awooddiisii shaqo la burburiyay,” isagoo xusay in gantaallada iyo aaladaha tuura la dhammeeyay, la tirtiray, gabi ahaanna aysan waxba tari karin.

Hase yeeshee, xogta sirdoonka Mareykanka ayaa muujineysa in Iiraan ay dib u soo nooleyn karto qayb ka mid ah awooddeeda gantaallada.

In kasta oo saraakiisha Mareykanku ay sheegeen in in ka badan kala bar aaladaha gantaallada tuura ee Iiraan la burburiyay, la dhaawacay ama ay ku go’doonsan yihiin dhulka hoostiisa, haddana qaar badan oo ka mid ah kuwaas ayaa la dayactiri karaa ama dib looga soo qodi karaa xarumaha dhulka hoostiisa ah, sida ay xaqiijiyeen saraakiishu.

Kaydka gantaallada Iiraan ayaa sidoo kale qiyaastii kala bar hoos u dhacay intii uu dagaalku socday, balse saraakiisha Mareykanka iyo Israa’iil ayaa sheegay inay weli haystaan kumanaan gantaallada riddada dhexe iyo kuwa dhow ah.

Dhanka kale, saraakiisha Mareykanka ayaa xusay in Iiraan ay haysato qiyaasti 50% diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee is-qarxiya ee ay haysatay bilowgii dagaalka, inkasta oo in badan oo ka mid ah ay adeegsatay, goobaheedii wax-soo-saarka hubkana ay duqeeyeen Mareykanka iyo Israa’iil.

Balse nidaamka Tehran ayaa nidaamyo hub oo la mid ah kuwan ka heli kara dalka Ruushka si uu ugu adeegsado deriskiisa, sida ay saraakiishu sheegeen. Iiraan ayaa sidoo kale weli haysata kayd yar oo ah gantaallada (cruise missiles), kuwaas oo loo adeegsan karo maraakiibta Gacanka Persia ama ciidamada Mareykanka, haddii wada-hadalladu ay bur-buraan.

Kenneth Pollack, oo horay falanqeeye uga ahaa hay’adda C.I.A, haddana ah madaxweyne ku-xigeenka siyaasadda ee Machadka Bariga Dhexe, ayaa yiri: “Iiraaniyiintu waxay muujiyeen awood layaab leh oo ay si degdeg ah ugu allifi karaan uguna soo nooleyn karaan ciidamadooda. Waa cadow aad uga awood badan inta badan milatariyada Bariga Dhexe marka laga reebo Israa’iil.”

Falanqeeyayaasha Mareykanka ayaan saadaalineyn in milateriga Iiraan uu dhowaan ku soo laaban doono tiradii gantaallada iyo diyaaradaha ee dagaalka kahor, marka la eego dadaalka ay Mareykanka iyo Israa’iil ku bixiyeen duqeynta warshadaha difaaca ee Iiraan. Balse Iiraan ayaa muujisay inay tahay quwad adkeysi leh, iyadoo falanqeeyayaasha dowladda Mareykankuna ay saadaaliyeen in Iiraan ay weli hawlgelin karto qaar ka mid ah gantaal-tuurayaasheeda ballistic-ga.

Qiimeyntan ayaa argagax ku rideysa madaxweyne Donald Trump oo doonaya in dagaalka la soo afjaro, oo heshiis la gaaro, balse sidoo kale doonaya in uu Tehran ku qasbo heshiis u janjeera dhankiisa. Hase yeeshee xaqiiqda ah in Iiraan ay sii dagaalami karto bilo, ayaa ka dhigeysa in ay gacanta sare haystaan inta ay socdaan wada-hadallada, maadaama cidda heshiiska raadineysa ay tahay Mareykanka.

Trump ayaa fashil kala kulmay dagaalka, kadib markii qiimaha shidaalka Mareykanka uu aad u kacay, dhulka uu galay suuqa samiyada, ayna shacab badan oo Mareykan ah ka soo horjeesteen, xilli xisbigiisa Jamhuuriga uu wajahayo doorashooyinka dhexe ee November.

Afhayeen u hadlay Taliska Dhexe ee Mareykanka, oo kormeera ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe, ayaa diiday inuu faallo ka bixiyo arrintan, isagoo tixraacay hadalladii u dambeeyay ee saraakiisha sare ee milateriga Mareykanka ee ku saabsanaa baaxadda ololeyaasha cirka ee Mareykanka iyo Israa’iil.

Iiraan, oo lahayd ciidan cir oo tabar daran dagaalka kahor, ayaa muddo dheer ku tiirsanayd kaydkeeda gantaallada si ay uga hortagto cadowgeeda. Ugaarsiga gantaallada cadowga ayaa caqabad weyn ku ahaa Mareykanka dagaalkii Ciraaq ee 1991, maadaama gantaallada Scud ee ay Ciraaqiyiintu isticmaali jireen ay ahaayeen kuwa guurguura. Dagaalkaas, Mareykanka iyo xulafadiisa Ingiriiska ayaa ciidamo gaar ah u diray Ciraaq, kumana aysan tiirsanaan duqeymo cirka ah oo keliya.

Balse weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah gantaallada Iiraan ayaa dhammaantood laga fuliyay cirka. Arrintan ayaa ku adkaysay Mareykanka iyo Israa’iil in Iiraan ay leedahay xarumo gantaallo oo si qoto dheer loogu dhex aasay buuraha. Israa’iil ayaa diiradda saartay adeegsiga duqeymaha cirka si ay u xirto tunnel-yada (godadka) laga soo saaro aaladaha gantaallada tuura, balse saldhigyada laftooda ayaa noqday kuwo adag in la burburiyo, sida ay sheegeen saraakiisha Israa’iil.

In kasta oo Israa’iil aysan eber ka dhigi karin awoodda Iiraan ee ridista gantaallada, saraakiisha Israa’iil ayaa guul ku tilmaamay inay awooddooda hoos ugu dhigeen inta u dhexaysa 10 ilaa 15 gantaal maalintii inta badan xilligii dagaalka, marka loo eego daraasiin gantaal ah oo ay maalin kasta ridayeen maalmihii hore ee dagaalka.

Saraakiisha Israa’iil ayaa sheegay in Iiraan aysan xilligan soo saari karin gantaallo horleh, heerka ay Tehran dib ugu dhisan karto barnaamijkeedana uu ku xirnaan doono nooca caawinaad ee ay ka helaan Ruushka ama Shiinaha.

Xakameynta awoodaha milateri ee Iiraan ee mustaqbalka kuma xirnaan doonto oo keliya hanjabaadda weerarro cusub oo kaga yimaada ciidamada Mareykanka iyo Israa’iil, balse waxay sidoo kale ku xiran tahay cunaqabateynta iyo xakamaynta dhoofinta.

Mid ka mid ah dalabaadka Iiraan ee soo afjaridda colaadda ayaa ah in la qaado dhammaan cunaqabateynta aasaasiga ah iyo kuwa labaad, taas oo ciqaabaysa waddamada ganacsiga la sameeya Iiraan.

“Mid ka mid ah casharrada ugu waaweyn ee laga baranayo arrintan ayaa ah in Iiraan, oo haysata qayb aad u yar oo ka mid ah awooddeedii hore, ay weli noqon karto jilaaga ugu weyn ee xakameeya nabadda iyo amniga Khaliijka,” ayuu yiri Jon Alterman oo ka tirsan Xarunta Daraasaadka Istaraatiijiyadeed iyo Caalamiga ah ee (CSIS).

“Waxay haystaan faa’iidadan weyn oo ah in maalin kasta oo aysan guuldareysan, ay guuleysanayaan, iyo maalin kasta oo aanan annagu guuleysan, aan guuldareysaneyno.”

Soomaaliya oo gashay heshiis dalka dib loogu soo celinayo 400 muwaadin

0

Tripoi (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa maanta kulan xasaasi ah la yeeshay dhiggiisa Liibiya Mudane Daahir Al-Baour, iyagoo ku heshiiyay in dib loogu soo celiyo dalka ilaa 400 oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ku sugan dalkaas.

Kulanka labada wasiir ayaa waxaa looga hadlay horumarinta iskaashiga iyo saaxiibtinimada labada dal, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa sidoo kale kulankooda diiradda ku saaray arrimaha tahriibka iyo socdaalka sharci-darrada ah, maadaama ay dhibaato xooggan kala kulmaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee inta badan u gacan-gala magefaha.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanqeeyay dhibaatooyinka ay la kulmaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku safra marinnada halista ah, iyagoo adkeeyay muhiimadda la-dagaallanka kooxaha dambiyada abaabulan.

Labada wasiir ayaa ugu dambeyn isku afgartay in dib loogu soo celiyo dalka ilaa 400 oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah, halka labada dhinac ay sidoo kale is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan xaaladaha gobolka iyo caalamka, iyagoo ku heshiiyay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dal.

Liibiya ayaa waxaa haatan ku sugan dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo sanado magafe uu ku haysto dalkaasi, waxaana ku haystaa xaalado nololeed oo aad u daran.

Si kastaba, kulankan ayaa kusoo aaday, ayada oo dhawaan dalka loogu soo celiyay qaar kamid ah dhalinyaradii Soomaaliyeed ee laga soo badbaadiyey Magafaha, waxaana soo celintooda iska kaashaday dowladda iyo hay’adda IOM.

Ciidanka amniga oo qabtay mooto lagu soo raray qaraxyo iyo hoobiyeyaal + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal guuleystay oo xalay ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, kaas oo lagu fashilyay weerar qaraxyo ah.

Ciidamada amniga oo helay xogo sirdoon ayaa gacanta kusoo dhigay mooto sidday qudaar oo lagu soo dhex qariyay hoobiyeyaal iyo qaraxyo ay laamaha sheegeen in la doonayay in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah ee ku dhaqan gudah caasimada.

Mootada iyo ninkii wday ayaa waxaa lagu qabtay aagga degmada Dayniile, xillii uu waduhu doonayay inuu gudaha usoo galo magaalada Muqdisho.

“Ciidamada ammaanka ee caasimadda Muqdisho oo ka duulaya xogo amni oo shacabka Caasimadda ay gacan ka geysteen ayaa caawa abaaro 23:40 PM ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan  Mooto lagu soo raray Hoobiyeyaal iyo Miinooyin ay Khawaarijtu rabeen inay ku dhibaateeyaan shacabka, kuna qalqal-geliyaan amaanka Caasimadda” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adaha amniga.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Ciidamada amniga oo hayey xogta dhaqdhaqaaqa cadowga ayaa gudaha iyo daafaha degmada Deyniile ka fuliyey howlgal ay ku soo qabteen Mooto siday ilaa shan Hoobiye oo juwaano Qudaar ah lagu soo dhex-qariyey, taas oo Khawaarijtu ay doonayeen inay soo geliyaan gudaha Caasimadda Muqdisho”.

Sidoo kale, ciidamada ayaa ka horrtegay in wadaha uu qarxiyo qalabkii uu waday iyo mootada, iyadoo lasoo bandhigay sawirrada hoobiyeyaasha la qabtay iyo mootadii Qudaarta siday ee lagu soo dhexqariyey.

Dhanka kale, saraakiishaa amniga ayaa shacabka uga mahadceliyey doorka muuqda ee sugidda amniga ay ka qaadanayaan, iyagoo balan-qaaday in habeen iyo maalin ay u taagnaa doonaan ilaalinta amniga, badqabka bulshada iyo ka hortagga dhagaraha cadowga Khawaarijta ah.

Ammaanka caasimada ayaa muddooyinkii u dambeeyay deganaa, iyadoo laga nastay weeraradii iyo qaraxyadii horay uga dhici jiray degmooyinka gobolka Banaadir.

Faa’iidada shidaalka la soo saarayo oo la shaaciyay in ay gaari doonto Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Beeraha Soomaaliya, Maxamed Xayir Maareeye oo ka hadlay hawlgalka qodista shidaalka Soomaaliya oo haatan si rasmi ah u bilaabanaya ayaa sheegay in faa’iidada ka dhalan doonta soo saarista shidaalka Soomaaliya ay gaari doonto Somaliland.

Wasiir Maareeye ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid astaan u ah furitaanka bog cusub oo ku saabsan ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee ku jira badda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa caddeeyay in faa’iidada ka dhalan doonta shidaalka la soo saarayo ay gaari doonto dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isagoo carrabka ku adkeeyay in aan la kala reebi doonin dadka Soomaaliyeed.

“Inkasta oo Somaliland ay ku maqan tahay khilaafaadka ka jira gudaha Soomaaliya, haddana waxay qayb ka tahay ummadda Soomaaliyeed, waxaana faa’iidada ka dhalanaysa shidaal soo saaristu ay gaari doonto dhammaan shacabka,” ayuu yiri Wasiir Maareeye oo maanta ka qeyb-galay munaasabadda soo dhoweynta markabka Turkiga ee qodaya shidaalka ee Çağrı Bey.

Sidoo kale wuxuu xusay in mashruucan uu leeyahay muhiimad qaran oo ballaaran, isagoo tilmaamay in uu horseedi doono isbeddel dhaqaale oo xooggan, isla markaana uu sare u qaadi doono rajada shacabka Soomaaliyeed ee mustaqbalka.

Mashruucan ayuu sheegay haddii uu si dhab ah u miro dhaliyo uu dalka u horseedi doono barwaaqo dhaqaale, shaqo abuur ballaaran iyo in Soomaaliya ay noqoto dal soo jiita maalgashi caalami ah.

Hawlgalka baadhista shidaalka ee ay Turkigu ka wadaan Badda Soomaaliya ayaa qayb ka ah heshiis iskaashi oo labada dal ay horay u galeen, kaas oo diiradda saaraya sahminta iyo horumarinta khayraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah.

Si kastaba, mashruucan ayaa la filayaa inuu xoojiyo awoodda Soomaaliya ee ka faa’iidaysiga khayraadkeeda dabiiciga ah, isla markaana uu albaab cusub u furo fursado dhaqaale oo ballaaran oo mustaqbalka fog wax ka beddeli kara dhaqaalaha dalka.

Trump oo qorsheynaya in uu ciidankiisa kala baxo Yurub, xilli uu xumaaday xiriirka NATO

Washington (Caasimada Online) — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo ka careysan in xulafada NATO ay gacan ka geysan waayeen sugidda amniga Marinka Hormuz, kana xun in qorshihiisii ahaa inuu la wareego Greenland uusan horay u socon, ayaa la-taliyeyaashiisa kala hadlay suurta-galnimada inuu ciidamada Mareykanka qaarkood kala soo baxo qaaradda Yurub, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad.

Sarkaalkan, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin si uu uga hadlo wada-tashiyada gudaha, ayaa xaqiijiyay inaan weli go’aan rasmi ah la gaarin, isla markaana Aqalka Cad uusan Wasaaradda Difaaca ee Pentagon-ka farin inay diyaariso qorsheyaal dhab ah oo ciidamada looga soo daadgureynayo qaaraddaas.

Balse wada-hadalladan oo keliya ayaa muujinaya sida weyn ee uu bilihii u dambeeyay u xumaaday xiriirka u dhexeeya Washington iyo xulafadeeda NATO ee Yurub. Waxay sidoo kale tilmaamayaan in booqashadii uu Arbacadii Aqalka Cad ku tagay Xoghayaha Guud ee NATO, Mark Rutte, aysan wax weyn ka beddelin xiriirka isbahaysiga, kaas oo la rumeysan yahay inuu marayo heerkii ugu hooseeyay tan iyo markii la aasaasay NATO sanadkii 1949-kii.

Aqalka Cad ayaa horay fagaaraha uga sheegay in Trump uu ka fiirsanayo inuu gabi ahaanba isaga baxo isbahaysiga. Ka-soo-saarista ciidamada ee Yurub ayaa Trump u oggolaanaysa inuu si weyn u yareeyo ballan-qaadyada amniga ee Washington ee qaaraddaas isagoo aan si rasmi ah uga bixin isbahaysiga, taas oo ah tallaabo tijaabin doonta sharciga dastuuriga ah.

Mareykanka ayaa haatan Yurub ku leh ciidamo ka badan 80,000 oo askari, wuxuuna door udub-dhexaad ah ku lahaa dhismaha amniga Yurub tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka. In ka badan 30,000 oo ka mid ah ciidamadaas ayaa ku sugan Jarmalka, iyadoo tiro intaas ku dhow ay sidoo kale joogaan dalalka Talyaaniga, Ingiriiska iyo Spain.

Sarkaalka ma uusan sheegin dalalka ay arrintani saameyn doonto ama tirada ciidamada la soo saari karo haddii Trump uu go’aansado inuu qorshahan fuliyo.

Afhayeen u hadlay NATO oo faallo laga weydiiyay arrintan ayaa wakaaladda Reuters u tixraacay wareysi uu Rutte Arbacadii siiyay telefishinka CNN. Wareysigaas, Rutte wuxuu ku sheegay inuu fahamsan yahay niyad-jabka Trump ee isbahaysiga, balse “aqlabiyad weyn oo ka mid ah dalalka Yurub” ay gacan ka geysteen dadaallada dagaalka Washington ee Iiraan.

Kaddib kulankii Rutte iyo Trump, xoghayaha guud ayaa u sheegay dowladdaha Yurub in Trump uu doonayo ballan-qaadyo dhab ah oo lagu sugayo Marinka Hormuz maalmo gudahood, sida ay Reuters werisay goor sii horreysay oo Khamiista ah.

Xiisadda isbahaysiga

In kasta oo Trump uu muddo dheer xiriir isku-dhac badan la lahaa NATO—isagoo sanado badan ku eedeynayay dalalka Yurub inay ka caga-jiidayaan kharashaadka difaaca—saddexdii bilood ee u dambeeyay ayaa ahaa kuwo si gaar ah u qallafsan.

Bishii Janaayo, Trump ayaa dhaliyay xiisad weyn markii uu dib u soo nooleeyay hanjabaado muddo soo jiitamayay oo uu ku doonayay inuu ku goosto Greenland, oo ah dhul xeebeed ay leedahay dowladda Denmark.

Tan iyo markii uu dagaalka Iiraan qarxay 28-kii Febraayo, wuxuu muujiyay niyad-jab weyn oo uu ka qabo in xulafada NATO aysan gacan ka geysan dib u furista Marinka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah saadka tamarta adduunka, kaas oo weli xiran inkastoo asbuucan lagu dhawaaqay xabbad-joojin jilicsan.

Diblomaasiyiinta NATO ayaa horay u sheegay in Mareykanku uusan caddeyn haddii uu filayo in hawlgal kasta oo Marinka Hormuz ah uu bilowdo xilliga colaadda ama kaddib, waxayna sidoo kale xuseen in Washington aysan qeexin awoodaha gaarka ah ee ay ka filayso dal kasta oo NATO ah.

Wargeyska The Wall Street Journal ayaa Arbacadii weriyay in saraakiil sare oo ka tirsan maamulka ay ka wada-hadlayeen sidii ciidamada ku sugan Yurub looga saari lahaa dalalka ay madaxdoodu dhaliileen dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ee Iiraan, looguna wareejin lahaa dalalka Yurub ee madaxdoodu ay taageerada muujiyeen.

Balse sarkaalka Aqalka Cad ayaa u xaqiijiyay Reuters in Trump uu si gaar ah u darsayo in ciidamada dib loogu soo celiyo Mareykanka, beddelkii uu u wareejin lahaa dalal kale oo shisheeye. Sarkaalka ayaa intaas ku daray in Trump uu si gaar ah uga carooday waxa uu u arko isku-dayga Yurub ee ah inay iska indha-tiraan dadaalladiisa uu ku doonayo inuu kula wareego Greenland.

Kaddib markii uu bishii Janaayo kula kulmay Rutte dalka Switzerland, Trump ayaa muujiyey inuu dhow yahay heshiis lagu soo afjarayo muranka dhulka Denmark. Wax heshiis ah oo noocaas ah ma uusan dhaqan-gelin.

“Wuxuu NATO si gaar ah uga codsaday inay la yimaadaan qorshe markii aan joognay Davos, iyaguna si dhab ah uma qaadanayaan,” ayuu yiri sarkaalka.

Ismaaciil Cumar Geelle oo markii lixaad la doortay

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku guuleystay doorashadii lixaad ee muddo-xileedkeedu yahay shanta sano iyadoo natiijada la shaaciyay maanta ka dib doorasho ay qaadaceen inta badan mucaaradka, isagoo helay in ka badan 97.81% codadkii la dhiibtay, xogta rasmiga ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Sabtidii ayaa muujisay.

Codbixintii Jimcihii ayaa waxaa ku tartamay hal musharrax oo la tartamayey Maxamed Faarax Samatar. Xogta wasaaradda arrimaha gudaha ayaa muujisay in uu kaalinta labaad galay isagoo helay 2.19% 168,233 cod ee la dhiibtay.

Geelle ayaa ku guuleystay doorashadii ugu dambeysay ee 2021-ka, waxaana qaadacay inta badan mucaaradka, isagoo helay in ka badan 97% codadkii la dhiibtay.

Waxa uu ku dhawaaqay in uu xilka ka tagayo sanadkan, balse wax ka bedelka dastuurka bishii November ayaa meesha ka saaray da’da sare ee 75 musharaxiinta madaxtinimada.

Dadka dhaliila codeynta ayaa ku tilmaamay mid aan loo tartamin, halka taageerayaashuna ay ku doodayaan in hoggaamiyaha 78 jirka ah uu xasillooni gaadhsiiyay dalka ku yaalla Geeska Afrika oo istaraatiiji ah.

Siyaasiga caanka ah ee Daahir Axmed oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in sababta ay u qaadacayaan doorashada Jabuuti ay tahay in aan loo oggolayn in ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, taasoo ay aaminsan yihiin in ay wax u dhimeyso hannaanka dimuqraadiyadda iyo sharcinimada natiijada doorashada.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa u ololeeyay xasiloonida iyadoo ay jirto xiisadaha gobolka, gaar ahaan kuwa ku xiran colaadaha Bariga Dhexe, halka Samatar uu diiradda saaray dib u habeynta dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Geelle ayaa xukunka hayay tan iyo 1999-kii, waana madaxweynihii labaad ee dalkaasi yeesho tan iyo markii uu xornimada ka qaatay Faransiiska 1977-kii.

Isha: BBC

Daawo: Xasan oo meesha ka saaray arrin laga cabsi qabay oo la xiriirta qodista shidaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud oo maanta ka qayb-galay munaasabadda soo dhoweynta markabka qodaya shidaalka ee Çağrı Bey ayaa meesha ka saaray in soo saarista shidaalka ay Soomaalida u horseedi doonto inay is-dilaan, xilli si rasmi ah loo billaabayo howlaha qodista shidaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in Soomaaliya khayraadkeedu uu gaari doono dhammaan dadkeeda, sidaas darteedna uu dalkeenna u horseedi doono horumar ballaaran.

“Kheyraadka dalkeenna oo shidaalku ka mid yahay ma noqon doono mid dadkeenna isku dira. Waxa uu noqon doonaa mid dadkeenna horumariya oo dowladnimadeenna kor u qaada,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Dowladdu mudnaan gaar ah ayay siinaysa in kheyraadka dabiiciga ah looga faa’iideeyo si mas’uuliyad leh oo shacabka Soomaaliyeed dan u ah.”

Sidoo kale, waxa uu si cad u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay maareyn hufan oo caddaalad ku dhisan, si dakhliga ka soo baxa kheyraadka shidaalka loogu beddelo adeegyo bulsho, horumar dhaqaale iyo xasilooni waarta.

“Faa’iidada laga helo kheyraadkaasi waxay gaari doonta dhamaan umadda Soomaaliya meel kasta oo ay joogaan dalka. Ma ahan ceelka intan ayaa laga soo qoday qoladan ayaa iska leh oo qaadaneysa, kheyraadka dabiiciga ah waa hanti umadeed, wuxuuna gaaraya dhamaan umadda Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweynuhu.

Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ka faa’iideystaan fursaddan taariikhiga ah, isla markaana ay ka shaqeeyaan ilaalinta nabadda iyo xasilloonida, si loo xaqiijiyo in horumarka ka dhasha shidaalka uu gaaro dhammaan bulshada Soomaaliyeed, kana qeyb qaato dib u dhiska iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Hoos ka daawo muuqaalka

Kadib qodista shidaalka, Yuusuf Garaad oo soo jeediyay in aan laga leexan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad ayaa ka hadlay horumarka cusub ee laga gaaray sahminta iyo qodista shidaalka dalka, xilli rajo weyn laga qabo in Soomaaliya ay gasho marxalad cusub oo dhanka kheyraadka dabiiciga ah ah.

Qoraal uu soo saaray Yuusuf Garaad ayuu ku muujiyay farxaddiisa ku aaddan in dalka laga bilaabo qodista shidaalka, isagoo tilmaamay in tani ay tahay tallaabo taariikhi ah oo wax weyn ka beddeli karta mustaqbalka dhaqaale ee Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale xusay in shirkado waaweyn oo caalami ah ay durba xiiseynayaan xogta laga helay sahannadii hore, taasoo muujineysa in Soomaaliya ay yeelan karto kaalmo iyo maalgelin caalami ah oo dhanka shidaalka ah.

Dhanka kale, Yuusuf Garaad ayaa si gaar ah uga hadlay arrinta magac-bixinta ceelka ugu horreeya ee shidaalka, isagoo soo jeediyay aragti ku saabsan sida ay habboon tahay in loo maareeyo magacaas, si uu u yeesho micno qaran oo waara.

“Ceelka ugu horreeya ee la qodistiisa la billaabi rabo, waxaan maqlayaa in loo bixiyay Curad One, ama Curad Kow. Sida keliya oo loogu qiil dayi karo in ‘Curad’ tiro la raaciyo waa in qoditaankaan shidaal oo ah kii ugu horreeyay Soomaaliya dhammaantiis loo bixiyo Curad,” ayuu yiri Yuusuf Garaad oo soo jeediyay in aan laga leexan magac bixinta ceelka ugu horeeyay la siiyay.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Dekedda Xamar waxaa taagan markabkii Turkiga ee qodi lahaa shidaalka Soomaaliya ka dib markii la sahmiyay goobaha qaar.

Sharikadda Mareykanka ee Chevron ee Shidaalka, Gaaska iyo Tamarta ee fadhigeesu yahay Houston iyo Sharikadda British Petrolium oo loo soo gaabiyo BP iyagana waxaan maqlayaa, adiguna iska hubi, in ay iibsadeen macluumaadkii sharikadda Turkigu ay ka diyaarisay sahankii shidaalka Soomaaliya.

Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ka hadleyno shidaal laga soo saarayo Soomaaliya.

Ummadda Soomaaliyeed oo dhan ayaan ugu hambalyeynayaa. Rabbi ha nooga dhigo mid Soomaalidu ay wada mahadiso.

Magac Bixinta

Ceelka ugu horreeya ee la qodistiisa la billaabi rabo, waxaan maqlayaa in loo bixiyay Curad One, ama Curad Kow.

“Curad” macnihiisu waa ilmaha koowaad. Curad labaad iyo Curad saddexaadna ma jiraan.

Curad mar kasta waa Curad – waana kan koowaad.

Ceelka shidaal ee ugu horreeya ee Soomaaliya laga qodayo waa ku habboon yahay magaca Curad in loo bixiyo. Laakiin tirada daba socota ha laga reebo oo ha noqodo Ceelka Curad ee Shidaalka.

Sida keliya oo loogu qiil dayi karo in “Curad” tiro la raaciyo waa in qoditaankaan shidaal oo ah kii ugu horreeyay Soomaaliya dhammaantiis loo bixiyo Curad.

Oo markaa ceelashu ay tiro qaataan sida ay u kala horreeyaan.

Tusaale ahaan in loo bixiyo ceelka Koowaad ee Curad, Ceelka Labaad ee Curad. Ceelka saddexaad ee Curad…

Marka Chevron iyo BP ama duul kale ay yimaadaanna ceelasha ay qodi doonaan loo helo magacyo kale.

Mar kale, Soomaaliyeey hambalyo.

Sawirro: Muqdisho oo si cajiib ah u soo dhaweysay markabka shidaalka qodaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda soo dhoweynta markabka casriga ah ee qodista shidaalka ee Çağrı Bey, kaasi oo si rasmi ah u billaabaya howlaha qodista shidaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in imaanshaha markabka Çağrı Bey ay tahay tallaabo qaran oo dalkeenna u horseedaysa horumar dhaqaale, koboc maalgashi iyo fursado shaqo oo cusub.

“Kheyraadka dalkeenna oo shidaalku ka mid yahay ma noqon doono mid dadkeenna isku dira. Waxa uu noqon doonaa mid dadkeenna hormariya oo dowladnimadeenna kor u qaada,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale wuxuu xusay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siinayso in kheyraadka dabiiciga ah looga faa’iideeyo si mas’uuliyad leh oo shacabka Soomaaliyeed dan u ah.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay maareyn hufan oo caddaalad ku dhisan, si dakhliga ka soo baxa kheyraadka shidaalka loogu beddelo adeegyo bulsho, horumar dhaqaale iyo xasilooni waarta.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Dowladda Turkiga uga mahadceliyay iskaashiga dhow ee ay la leedahay Soomaaliya, kuna ammaanay taageerada joogtada ah ee ay ka geysanayso dib u dhiska, horumarinta iyo kobcinta awoodda dhaqaale ee dalka.

Munaasabaddan taariikhiga ah oo ka dhacday dekedda Muqdisho ayaa waxaa kale oo ka qayb-galay Guddoomiye ku-xigeenka ee Golaha Shacabka BJFS, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug, Wasiiro ka tirsan XFS, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka dabiiciga ah ee Turkiga, Safiiro iyo marti sharaf kale.

Iran oo go’aan ka gaartay maraakiibta Mareykanka ee marinka Hormuz

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda ka taagan marin biyoodka muhiimka ah ee Hormuz ayaa sii xoogeysaneysa, kadib markii dowladda Iiraan ay shuruudo adag ku xirtay maraakiibta doonaya inay maraan marinkan, xilli uu si kulul uga falceliyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee Iiraan, Saeed Khatibzadeh ayaa sheegay in marinka Hormuz uu weli furan yahay, balse maraakiibta Mareykanka iyo kuwa kale ay mari karaan oo keliya “haddii aysan si cadowtinimo ah u dhaqmin.”

Wuxuu sidoo kale xusay in maraakiibtu ay qasab ku tahay inay la shaqeeyaan ciidamada Iiraan, isagoo arrintaas ku macneeyay “xaddidaad farsamo oo jirta.”

Khatibzadeh ayaa carrabka ku adkeeyay in Tehran ay dammaanad qaadayso badbaadada maraakiibta, isagoo yiri “waxaan hubin doonnaa inay si ammaan ah u maraan maraakiibta”.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in tirada maraakiibta ka gudbeysa marinka Hormuz ay aad u yar tahay tan iyo markii lagu dhawaaqay xabbad-joojinta labada toddobaad ee u dhexeysay Iiraan iyo Mareykanka, taasoo ahayd mid lagu heshiiyay in si xor ah loo isticmaalo marinkan muhiimka u ah ganacsiga caalamiga ah.

Dhanka kale, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si caro leh uga falceliyay xaaladda, isagoo ku eedeeyay Iiraan inay jebisay heshiiskii la gaaray.

Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social ku yiri, “Iiraan waxay qabaneysaa shaqo aad u liidata – tani ma aha waxa aan ku heshiinay!”

Trump ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan warar muujinaya in Iiraan ay lacago ka qaadeyso maraakiibta isticmaalaya marinka Hormuz, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid aan la aqbali karin, wuxuuna ka digay in tallaabo degdeg ah laga qaado haddii ay sii socoto.

Dhinaca kald, warbixin laga helay MarineTraffic ayaa muujineysa in kaliya 18 markab ay ka gudbeen marinka tan iyo markii lagu dhawaaqay xabbad-joojinta Talaadadii, iyadoo afar ay mareen Arbacadii, 10 Khamiistii, iyo afar kale Jimcaha maanta.

Maraakiibtaas qaar ka mid ah ayaa la sheegay inay xiriir la leeyihiin Iiraan, halka kuwo kale ay horey Mareykanku cunaqabatayn ugu soo rogeen, oo ay ku jiraan markab sitay calanka Ruushka oo la saaray liiska cunaqabataynta bishii July 2025.

Sidoo kale, xogta la helay ayaa muujineysa in qaar ka mid ah maraakiibtaasi ay leeyihiin shirkado ka kala socda dalal ay ka mid yihiin Hindiya, Shiinaha iyo Giriigga, taasoo muujineysa sida ay u adag tahay in si buuxda loo fahmo cidda ka dambeysa dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee marinkan xasaasiga ah.

Muxuu yahay ninka ay DF ka dejisay Laascaanood ee loo gacan geliyay W/Bari?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan hoggaanka baarista dembiyada (CID) ayaa gacanta ku dhigay nin loo haysto inuu dil ka geystay deegaan ka tirsan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaddib howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen qeybaha kala duwan ee booliska.

War kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in eedeysanahan uu ahaa gacan-ku-dhiigle horey dil uga geystay deegaannada maamulka Waqooyi Bari, isla markaana muddo dheer ay ku raadjoogeen laamaha ammaanka kadib markii laga soo saaray waaran qabasho.

Howlgalka lagu soo qabtay ninkan ayaa ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen qorshe hawlgal oo si gaar ah loogu beegsaday eedeysanaha oo baxsad ahaa.

Hoggaanka baarista dambiyada (CID) ayaa sheegay in ninkan si rasmi ah loogu wareejiyay ciidamada Booliska ee maamulka Waqooyi Bari, si loogu horgeeyo maxkamadda awoodda u leh, loogana qaado dacwad ku saabsan falka dilka ah ee lagu eedeeyay.

Gacan ku dhiiglahan ayaa lagu qaaday diyaaradda, taas oo si toos u geysay Laascaanood, iyadoo halkaasi kula wareegeen saraakiisha ugu sarreeya hay’adaha ammaanka Waqooyi Bari, oo ay ka mid ahaayeen taliyaha guud ee ciidanka booliska, taliyaha ciidanka asluubta iyo taliyaha qaybta booliska gobolka Sool.

Howl-galladan noocan oo kale ah ayaa waxay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo amniga guud ee dalka, isla markaana lagu ciribtirayo dambiyada culus ee saameeya bulshada, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta CID-da.

Dhinaca kale, Taliska booliska Waqooyi Bari ayaa soo dhaweeyay qabashada eedeysanaha, iyagoo ku tilmaamay guul amni oo muhiim ah oo ka dhalatay iskaashiga hay’adaha kala duwan ee ammaanka.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID), ayaa maanta ku soo wareejiyey Ciidanka Booliska Dawlad-goboleedka Waqooyi Bari eedeysane gacan-ku-dhiigle Mahad Saleebaan Caabi oo hore dil uga geystay magaalada Dharkeyn-geenyo ee gobolka Sool,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska Waqooyi Bari.

Waxa sidoo kale lagu yiri: “Soo wareejintan ayaa loo arkaa guul amni oo weyn, maadaama eedeysanuhu muddo ka baxsanayay gacanta sharciga kadib dilkii ka dhacay Dharkeyn-geenyo.”

Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa ugu dambeyn sheegay in qabashada eedeysanahan ay fariin cad u dirayso cid kasta oo falal dembiyeed geysata, iyagoo adkeeyay in baxsadku uusan ahayn waddo looga baxsan karo gacanta cadaaladda.

Turkiga oo wafdi sare soo diray iyo Xasan Sheekh oo ku qaabilay Villada + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday Jamhuuriyadda Turkiga oo uu hoggaaminayey Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ee dalkaas, Alparslan Bayraktar.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda iyo Wasiirka ayaa kulankooda iskula soo qaaday sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba-geesoodka istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Sidoo kale, waxaa kulanka si gaar ah diiradda loogu saaray iskaashiga arrimaha tamarta, khayraadka dabiiciga ah iyo dhaqaalaha buluugga ee labada dal.

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in iskaashiga labada dal ee dhanka tamarta uu soo gaaray marxalad taariikhi ah oo shacabka labada dal ay ku faani karaan.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in soo xirashada markabka Cagri Bay uu baal cusub oo dahabi ah u furay dadaallada ay Dowladda Soomaaliya ugu jirtay sidii sare loogu qaadi lahaa koboca dhaqaalaha dalka, shaqo-abuurka iyo kaa faa’ideysiga khayraadka dabiiciga ee ceegaaga baddaheenna iyo barrigeenna.

Dhankiisa, Wasiir Alparslan Bayraktar ayaa ugu mahadceliyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhawaynta iyo martisoorka qaayaha leh ee ay u fidiyeen.

Sidoo kale wuxuu muujiyay in Markabka Cagri Bay iyo billaabashada hawlahiisa qodista ay tusaale u yihiin ka mirodhalinta yoolasha iskaashiga tamarta ee Soomaaliya iyo Turkiga ka dhexeeya.

Ciidanka Kenya oo taageero deg-deg ah la gaaray ciidanka xoogga ee ku sugan Dhoobley

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kana howl-galla deegaannada dowlad-goboleedka Jubaland ayaa maanta qalab caafimaad ku wareejiy ciidamada xoogga dalka ee ku sugan degmada Dhoobley.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska howlgalka ayaa lagu sheegay in agabkan caafimaad uu yahay mid loogu talagalay xoojinta adeegyada caafimaad ee ciidamada ku sugan furimaha hore, gaar ahaan kuwa la shaqeeya ciidamada AUSSOM, kuwaas oo si joogto ah uga qeyb qaata howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Deeqdan caafimaad ayaa ka koobnayd qalab loogu talagalay qalliinnada, dawooyin kala duwan iyo agab kale oo muhiim u ah badbaadinta nolosha askarta dhaawacanta, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray baahiyaha deg-degga ah ee ka jira goobaha dagaalka.

Taliyaha howl-gallada ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AUSSOM ayaa sheegay in agabkan uu door muhiim ah ka qaadan doono daryeelka caafimaad ee ciidamada la shaqeeya, isagoo xusay in ay sare u qaadi doonto awoodda ay u leeyihiin la tacaalidda dhaawacyada iyo xaaladaha degdegga ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in taageeradan ay qeyb ka tahay dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa dowladda Soomaaliya, si loo gaaro amni waara iyo xasillooni buuxda oo ka hanaqaada deegaannada ay ka howlgalaan.

Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Daraawiishta dowlad-goboleedyada iyo askarta howlgalka AUSSOM ayaa leh wada-shaqeyn dhow, iyagoo iska kaashanaya fulinta howl-gallada wadajirka ah, daweynta dhaawacyada iyo arrimo kale oo muhiim u ah guusha howlgalada amniga ee dalka.

Maalmo kahor ayey aheyd markii ciidamada howlgalka AUSSOM ee ku sugan Jowhar ay qaadeen olole caafimaad oo loogu talagalay bulshada HirShabelle, si loo xoojiyo xiriirka bulshada iyadoo loo marayo dadaallo bini’aadantinimo.

Ololahaas caafimaad ee ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Jowhar ayaa u adeegay dadka ku nool xerada barakacayaasha Towfik (IDP) iyo tuulooyinka ku dhow.

Shaqaalaha caafimaadka ee AUSSOM ee ka socda Burundi, oo ka hawlgala isbitaalka heerka 1-aad (Level 1 hospital), ayaa daweeyay ugu yaraan 20 bukaan, oo ay ku jiraan haween, carruur, iyo dad waayeel ah oo qaba xaalado caafimaad oo kala duwan.

Arrintan ayuu taliska ku tilmaamay mid muujineysa sida ay uga go’an tahay howlgalka taageeridda bulshada, gaar ahaan kuwa aan si fudud u heli karin adeegyada caafimaadka.

Khaladkii Trump uu ka fahmay Iiraan ee horseeday fashilka

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa mar ku hanjabay inuu soo afjari doono ilbaxnimada Iiraan, balse markii dambe wuxuu doortay inuu nabad raadiyo. Haddii xabbad-joojinta labada toddobaad ah la kordhiyo, sida hadda muuqata inay dhici karto, waqtigaas dheeraadka ahi ma xallin doono sababaha qotoda dheer ee colaaddan.

Jamhuuriyadda Islaamiga ah waxay dagaal kula jirtaa taariikhdeeda. In ka badan qarni, fikradaha reer Galbeedka iyo kuwii Faarisiga ahaa ee kusoo qulqulayay Iiraan waxay si tartiib tartiib ah u wiiqayeen sharciyadda nidaamka.

Marka laga tago hanjabaadaha Trump, madaxweynaha Mareykanku uma muuqdo inuu si dhab ah u fahmay halka nidaamkani weli awoodda uga helo ragga Iiraaniyiinta ah ee sii aaminsan kacaanka. Inkastoo ay jiraan musuqmaasuq, niyad-jab iyo burbur maamul oo iyaga qudhoodu qeyb ka yihiin, haddana dadkaas rumeysan weli waxay u arkaan dagaalkan halgan qeexaya loollanka u dhexeeya wanaagga iyo xumaanta.

Ragga mayalka adag ee xukuma Iiraan waxay dagaalkan u arkaan mid la xiriira jiritaankooda. Qorshahoodu wuxuu u muuqdaa mid ka xisaabtan badan sidii Mareykanku markii hore moodayay. Waxay si taxaddar leh u keydsadeen rasaastooda, iyagoo u adeegsaday weerarro aan aad u culusayn balse joogto ah. Sidaas ayay hoggaanka Jamhuuriyadda Islaamiga ahi u dheereeyeen dagaalka, una gilgileen dhaqaalaha caalamka.

Walaaca reer Galbeedka ee ku aaddan colaaddan, iyo bilowga wadahadallada u dhexeeya Tehran iyo Washington, waxay sidoo kale yareeyeen fursadda ah in Mareykanka, iyo si dadban Israa’iil, ay taageeraan kacdoon kale oo gudaha Iiraan ka dhasha.

Badbaadadu mar walba waxay ahayd mudnaanta koowaad ee nidaamka wadaaddada. Hoggaamiyayaashiisu si dhab ah ayay u aaminsan yihiin in mucaaradka ballaaran ee gudaha dalka uu qeyb ahaan ka dhasho shirqoolo shisheeye. Haddii ay xanuun ku filan gaarsiiyaan Mareykanka oo ay ku qasbaan inuu kaalintiisa ka yareeyo Bariga Dhexe, taasi waxay hoos u dhigeysaa suurta-galnimada in malaayiinta Iiraaniyiinta ah ee neceb nidaamka ay si guul leh ugu kacaan.

Tanaasul kasta oo dhab ah oo Washington lala galo wuxuu halis gelinayaa nidaamka gudaha dalka. Jamhuuriyadda Islaamiga ah waxaa durba si weyn u dhaawacmay sumcaddeedii. Hoggaamiyeyaal badan oo astaan u ahaa ayaa la dilay, awooddii difaac ee Iiraanna si weyn ayaa loo wiiqay.

Tan iyo Dhaqdhaqaaqii Cagaarnaa ee 2009, nidaamku wuxuu garwaaqsaday in dibadbaxyo qaran oo baahsan ay mar kasta u dhow yihiin. Xasillooni-darradaas joogtada ahi waxay u badan tahay inay Israa’iiliyiin badan, gaar ahaan Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, ku abuurtay aaminsanaanta ah in nidaamku ka jilicsan yahay sida uu dhab ahaan yahay.

Fikradda la aaminsanaa waxay ahayd in haddii si xooggan loo beegsado meelaha saxda ah, oo ay ku jiraan Hoggaamiyaha Sare Cali Khamenei iyo xubnaha ugu dhow ee ku hareeraysan, nidaamku uu kala daadan doono.

Kadib dagaalkii 12-ka maalmood socday ee bishii Juun ee lasoo dhaafay, nidaamku wuxuu si degdeg ah ugu baahnaa sheeko guul. Hadda wuxuu ku andacoon karaa inuu iska caabiyay Mareykanka iyo Israa’iil, isla markaana uu “Shayddaanka Weyn” uga adkaaday Marinka Hormuz.

Gacanka Persia ayaa noqday kaarka ugu qiimaha badan ee Tehran gacanta ku hayso. Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Cabbaas Araghchi, ayaa si cad taas u muujiyay markii uu ku dhawaaqayay xabbad-joojinta, isagoo sheegay in “safar ammaan ah oo lagu maro Marinka Hormuz uu suurtagal noqon doono haddii la yeesho isku-duwid lala sameeyo ciidamada qalabka sida ee Iiraan, isla markaana la tixgeliyo xaddidaadaha farsamo.”

Bilowgii horeba, Israa’iiliyiintu waxay u muuqdeen kuwo si fiican u fahmay xadka awoodda ee Bariga Dhexe. Waxay og yihiin in guulo kama dambeys ahi ay dhif yihiin. Istaraatiijiyaddooda muddo dheer waxay ku dhisnayd in si joogto ah loo wiiqo awoodda cadowga. Sida Israa’iil aaminsan tahay, Jamhuuriyadda Islaamiga ah waxaa loo baahan yahay in marar badan la duqeeyo xitaa marka uusan jirin degdeg nukliyeer ama daandaansi toos ah.

Inta Tehran ay haysato taageerada Ruushka iyo Shiinaha, Israa’iil waxay u badan tahay inay sii aragto baahida loo qabo in si joogto ah loo wiiqo awoodda gantaallada iyo nidaamyada difaaca cirka ee Iiraan. Weerarradii 7-dii Oktoobar 2023 kadib, Netanyahu wuxuu u muuqday inuu doonayay wax ka badan wiiqid joogto ah. Trump-na wuxuu u muuqday inuu sidaas oo kale rabay, ugu yaraan muddo kooban.

Mareykanka ayaa ahaa dhinaca ugu saamaynta badan colaaddan, balse sidoo kale ahaa kan ugu isbeddelka badan. Trump wuxuu u muuqday inuu aaminsanaa in waxa Venezuela ka dhacay laga hirgelin karo Iiraan, isla markaana dhaxlayaasha hoggaamiyaha sare ee la dilo ay aqbali doonaan nabad lagu saleeyay shuruudaha Washington.

Aragtida ah in Jamhuuriyadda Islaamiga ahi ku fashilantay mashruuceedii diineed, ayna hadda inta badan ku taagan tahay musuq-maasuq iyo awood ciidan, ayaa laga yaabaa inay gaartay dadka ku xeeran Trump. Hase yeeshee, wuxuu isku khalday nidaam xatooyo ku dhisan oo ka jira Latin America iyo nidaam fikradeed oo ay maamulaan rag si dhab ah u aaminsan inay fulinayaan doonista Ilaahay. Hadda, Trump waxay u badan tahay inuu fahmay waxa Barack Obama u muuqday inuu bartay kadib markii uu xilka ka degay: Jamhuuriyadda Islaamiga ahi si sahlan isuma beddesho.

Trump wuxuu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah ee duqeeya Iiraan, waxaana laga yaabaa inuu noqdo kii ugu dambeeyay. Marka loo eego sida uu isha ugu hayo suuqa saamiyada, waxaa dhici karta inuu hadda dareenkiisa u weeciyo meel kale.

Xakamaynta cadow go’aan adag leh waxay u baahan tahay in gudaha dalka laga dhiso is-afgarad, isla markaana la qanciyo xulafada. In Gacanka laga soo celiyo saameynta Iiraan waxay u baahan tahay in muddo dheer la geeyo awood ciidan badeed oo aad u weyn, arrintaas oo qaadan karta bilo ama xitaa sanado. Siyaasi ku nool xaalad degdeg ah [Trump] oo inta badan u arka xulafada Mareykanka kuwo culeys ku ah dalkiisa, tani waxay u muuqataa hawl aad uga culus.

Dhanka gudaha Mareykanka, Xisbiga Dimoqraadiga wuxuu si adag uga soo horjeedaa dagaalka Trump. Falanqeeyayaal badanna waxay ku doodaan in kani ahaa dagaal aan lagu guuleysan karin, isla markaana aanba loo baahnayn in la galo.

Xisbiga Jamhuuriga dhexdiisana waxaa ku jira codad xooggan oo ka soo horjeeda faragelinta dibadda. Dadka Mareykankuna weligood si dhab ah uma taageerin dagaal aan yoolalkiisu si cad u qeexnayn. Fikradda ah in cadow si joogto ah loo wiiqo si fudud uguma habboona maskaxda Mareykanka. Dad badan oo Mareykan ahna waxay arrintaas u arkaan mid ka baxsan anshaxa.

Haddii Mareykanku dib u gurto, way adag tahay in la arko Israa’iil oo kaligeed tallaabo qaadaysa. Iiraaniyiintu waxay barteen in Gacanku yahay meel ay awood ku leeyihiin. Haddii Israa’iil mar kale rabto inay beegsato Iiraan, waxay u baahan doontaa dabool diblomaasiyadeed, hub iyo taageero saadka ah oo ka timaadda quwadda weyn ee taageerta. Dhammaan ra’iisul wasaarayaashii Israa’iil, oo uu ku jiro Netanyahu, waxay raadin jireen fasaxa Mareykanka ka hor inta aysan tallaabo ka qaadin Tehran. Marka Washington diiddo, Israa’iilna way hakataa.

Marna hubka nukliyeerku muhiim uguma noqon kacaanka Islaamiga ah sida uu hadda yahay. Cali Khamenei wuxuu muujiyay ka-caga-jiid, mana uusan ka tallaabin xadkaas xitaa markii wax walba isbeddeleen kadib weerarradii 7-dii Oktoobar. Laakiin haddii dhaxlayaashiisu sii hayn karaan talada dalka, laba jeer oo lagu duqeeyay siddeed bilood gudahood kaddib, uma badna inay khaladkaas ku sii ekaadaan. Waxa yaabka leh ayaa ah in dagaal loo galay in Jamhuuriyadda Islaamiga ah laga dhigo mid aan hubeysnayn uu ugu dambeyn waddada u xaarayo is-hubeynteedii ugu weyneyd.

Guddoomiye Muungaab oo wax ka qabtay khatar weyn oo Muqdisho ka jirtay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray mashruuca istiraatiijiga ah ee biyo-qabadka Warta Siigaale, oo la dhagax-dhigay dabayaaqadii bishii August 2025.

Munaasabadda xarig-ka-jarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ay ka mid yihiin: Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud, Cabdimajid Daahir Aadan, Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, Bilan Bile Maxamuud, maamulka degmada Hodan, iyo mas’uuliyiin kale oo sarsare oo ka tirsan Dowladda Hoose ee Xamar.

“Maanta waxa aan daah-fureynaa mashruuc istiraatiiji ah oo door weyn ka qaadanaya badbaadinta nafaha iyo hantida shacabka caasimadda, gaar ahaan xilliyada roobabka iyo fatahaadaha,” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Waxa uu intaas kusii daray “Warta Siigaale waxa ay si toos ah u adeegtaa toddobo degmo, hirgelinta mashruucanna waa tallaabo muuqata oo lagu xoojinayo amniga iyo nolosha bulshada.”

Biyo-qabadka Warta Siigaale oo leh muhiimad gaar ah, maadaama ay isugu ururaan biyaha toddobo degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir, ayaa waxaa fulisay Dowladda Hoose ee Xamar oo kaashaneysa mashruuca NAGAAD si loo xoojiyo kaabayaasha muhiimka ah ee adeegyada bulshada.

Dhinaca kale, waxaa la qorsheynayaa in si degdeg ah loo guda galo wejiga labaad ee mashruuca, kaasoo diiradda lagu saari doono horumarinta deegaanka ku xeeran, oo ay ka mid yihiin nadiifinta guud, hagaajinta bilicda, iyo ku-beerista dhir si loo xaqiijiyo joogtaynta iyo waaritaanka deegaanka, sida uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Dr. Muungaab:

“Mashruucan ma aha mid halkan ku eg; waxa aan si qorsheysan u sii wadaynaa wejigiisa xiga, si loo ballaariyo adeegyada, loona xaqiijiyo horumar waara oo ay ka faa’iideystaan dhammaan shacabka Gobolka Banaadir.”