26.5 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Afwerki oo weerar culus ku qaaday Trump xilli Mareykanku doonayo in uu la heshiiyo

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa si adag u dhaliilay siyaasadda caalamiga ah ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, xilli Washington ay muujineyso inay dooneyso dib-u-hagaajin xiriir oo ay la sameyso Asmara.

Isaias oo Sabtidii khudbad ka jeediyay magaalada Asmara, munaasabadda 35-guurada maalinta xorriyadda Eritrea, ayaa sheegay in siyaasadda Trump ee “Make America Great Again” ay u baahan tahay “qiimeyn culus oo taxaddar leh.”

Wuxuu sidoo kale ka digay in si degdeg ah go’aan looga gaaro jihada ay qaadan karto siyaasadda Mareykanka ee dibadda.

“Arrintan weli waa mid aad u murugsan oo culus,” ayuu yiri Isaias, isagoo intaas ku daray in soo laabashada Trump ee Aqalka Cad lagu qiimeeyo dhinacyada dhaqaalaha, wax-soo-saarka warshadaha, awoodda teknoolojiyadda, awoodda milateri iyo saameynta Mareykanka ee caalamka.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya toddobaadyo kadib markii warbixinno caalami ah ay sheegeen in maamulka Trump uu ka fiirsanayo inuu qaado cunaqabateyn hore loogu soo rogay Eritrea, xilli Washington ay raadineyso saameyn dheeraad ah oo ku saabsan Badda Cas iyo Geeska Afrika.

Haddii tallaabadaas la qaado, waxay noqon kartaa isbeddel weyn oo ku yimaada xiriirka Mareykanka iyo Eritrea, kaas oo muddo dheer ahaa mid qabow.

Maamulka madaxweynihii hore ee Mareykanka Joe Biden ayaa 2021 cunaqabateyn saaray xisbiga talada haya ee Eritrea, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale, sababo la xiriira doorkii Eritrea ee dagaalkii gobolka Tigray ee Itoobiya.

Isaias khudbaddiisa kuma soo hadal qaadin wararka sheegaya in Washington ay ka fiirsaneyso qaadista cunaqabateynta, mana uusan si toos ah uga jawaabin farriimaha diblomaasiyadeed ee Mareykanka.

Hoos u dhaca Mareykanka

Taas beddelkeeda, wuxuu ku eedeeyay maamulladii kala dambeeyay ee Mareykanka inay horseedeen xasillooni-darro caalami ah, faragelin milateri, deyn faro badan iyo nidaam dhaqaale oo uu ku tilmaamay mid lagu xukumo dunida.

Isaias ayaa sheegay in deynta Mareykanka ay gaartay heer “walwal leh,” kadib sanado uu ku tilmaamay “kharash-bixin xad-dhaaf ah,” isagoo ku dooday inay hadda ku dhowdahay 40 tiriliyan oo dollar.

Wuxuu sheegay in Trump uu u muuqdo inuu garwaaqsaday “jihada iyo mustaqbalka hoos u dhaca Mareykanka,” balse wuxuu su’aal geliyay in canshuuraha, dib-u-soo-celinta warshadaha, dhimista canshuuraha, xakameynta macdanta dhifka ah iyo “hanjabaadda iyo cabsi-gelinta” ay wax ka beddeli karaan xaaladdaas.

“Xaggee, yaase lala kaashan karaa si ay siyaasadahani u guuleystaan?” ayuu Isaias weydiiyay.

Madaxweynaha Eritrea ayaa sidoo kale su’aal geliyay sheegashada Mareykanka ee ah inuu leeyahay awood milateri iyo mid teknoolojiyadeed oo ka sarreysa dalalka kale.

Wuxuu sheegay inaan awoodda lagu cabbiri karin oo kaliya “dhacdooyin lagu muujiyo cabsi-gelin, dilal bartilmaameed ah” ama lahaanshaha hubka nukliyeerka, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada casriga ah.

Isaias ayaa sheegay inaysan jirin “tilmaamo” caddeynaya in Mareykanka uu weli hoggaaminayo dhinacyada sida sirdoonka macmalka ah, isagoo ku dooday in Washington ay awooddeeda milateri marar badan u adeegsatay cabsi-gelin halkii ay ka noqon lahayd hoggaan sharci ah oo caalami ah.

Iran iyo marin-biyoodka Hormuz

Qeyb kale oo khudbaddiisa ka mid ah, Isaias ayaa si gaar ah uga hadlay Iran iyo Venezuela, isagoo su’aal geliyay saldhigga sharci iyo akhlaaqeed ee tallaabooyinka Mareykanka uu si gooni ah uga qaado dalalkaas.

“Maxaa Iran kaligeed looga mamnuucayaa?” ayuu yiri, isagoo ka hadlayay barnaamijka nukliyeerka ee Tehran. “Maxay tahay mudnaanta sharci ee Mareykanku u leeyahay inuu qaado tallaabo milateri oo keli ah?”

Isaias ayaa ka digay in xiisadda ka taagan marin-biyoodka Hormuz ay ka dhalatay “xisaab khaldan oo khatar ah,” wuxuuna sheegay in dunidu ay xoogga saarto sidii looga hortegi lahaa qalalaase ballaaran, halkii laga doodi lahaa oo kaliya suurtagalnimada in marin-biyoodkaas la xiro.

Hadalkiisa ayaa aad uga duwanaa farriin kasoo baxday Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio 24-kii May, taas oo uu ugu hambalyeeyay shacabka Eritrea munaasabadda maalinta xorriyadda.

Rubio ayaa sheegay in Mareykanka uu aqoonsan yahay “muhiimadda nabadda, amniga iyo horumarka dhaqaale ee Geeska Afrika,” wuxuuna intaas ku daray in Washington ay rajeyneyso “wada-hadal sii socda” oo ay Eritrea kala yeelato xasilloonida gobolka iyo danaha labada dhinac.

Warbixinnada ku saabsan suurta-galnimada isu-soo-dhawaanshaha Washington iyo Asmara ayaa si weyn diiradda u saaray xeebta dheer ee Eritrea ku leedahay Badda Cas, oo ku taalla meel istaraatiiji ah oo ka soo horjeedda Sacuudiga, kuna dhow marinno ganacsi oo muhiim u ah isku xirka Yurub, Bariga Dhexe iyo Aasiya.

Badda Cas ayaa yeelatay muhiimad istaraatiiji ah oo sii kordheysa tan iyo markii weerarro lala xiriiriyay dagaalka Gaza ay carqaladeeyeen maraakiibta ganacsiga, taas oo ku khasabtay qaar ka mid ah maraakiibta inay isticmaalaan waddo dheer oo ku wareegta koonfurta Afrika.

Khudbadda Isaias jawaab cad kama bixin in Eritrea ay diyaar u tahay inay ka falceliso furitaanka cusub ee Washington.

Wuxuu halkii ka sii waday dhaliishiisa muddada dheer ee ku wajahan nidaamka caalamiga ah, isagoo sheegay in nidaamka hadda jira uu ku dhisan yahay ka faa’iideysi iyo aragti ah in guusha dhinac ay khasaaraha dhinac kale ka dhalato.

“Ka guurista nidaamkii hore ee daalay ee caalamka hadda ma aha arrin ikhtiyaari ah,” ayuu yiri, isagoo ku baaqay nidaam cusub oo ku dhisan “caddaalad iyo sinnaan.”

Xaaladda Geeska Afrika

Isaias ayaa qeyb kooban oo khudbaddiisa ah ku eegay xaaladda Geeska Afrika, isagoo sheegay in xaaladaha Soomaaliya, Itoobiya, Sudan iyo South Sudan ay yihiin kuwo “aad u khatar badan” oo u baahan feejignaan degdeg ah.

Wuxuu dib u xusuustay dadaallo hore oo Eritrea ay ku dooneysay in IGAD laga beddelo urur ku kooban abaaraha iyo la-dagaallanka saxaraha, loona rogo hay’ad ballaaran oo ka shaqeysa horumarinta iyo iskaashiga gobolka.

Balse wuxuu sheegay in himilooyinkaas “aysan rumoobin.”

Isaias ayaa ku eedeeyay dhibaatooyinka gobolka dhismaha dowladnimo oo fashilmay, musuq-maasuq, qabqablayaal dagaal iyo faragelin shisheeye.

“Halkii la dhisi lahaa qarannimo ku saleysan muwaadinnimo, bulshooyinka waxaa lagu kala qeybiyay xariiqyo qowmiyadeed, qabiil iyo diimeed, taas oo hurineysa nacayb iyo dagaal sokeeye,” ayuu yiri.

Wuxuu ku tilmaamay faragelinta shisheeye iyo “u adeegidda danaha dibadda” dhibaatada ugu weyn ee gobolka, wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo faragelinta iyo maalgelinta dibadda haddii la doonayo xasillooni ka dhalata Geeska Afrika.

Hadalkaas ayaa muujiyay in Isaias uu weli si adag uga soo horjeedo saameynta shisheeye, xitaa xilli Washington ay isku dayeyso inay dib u dhisto xiriirkii ay la lahayd Eritrea.

Dagaal culus oo ka dhacay Baydhabo kadib markii ciidanka Lafta-gareen…

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo saaka ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen.

Dagaalka oo qarxay saaka aruurtii hore ayaa yimid kadib markii ciidamada daacadda u ah Lafta-gareen ay soo weerareen magaalada kadibna waxa ay iska caabin adag kala kulmeen ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada weerarka soo qaaday ay gudaha galeen qaybo kamid ah degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, balse saacado kadib ay dib uga baxeen magaalada.

Dagaalka ayaa sidoo kale dhaliyay khasaare xooggan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad kala duwan oo isugu jiro askar iyo shacab intaba.

Xaaladda guud ee magaalad ayaa lagu soo warramayaa inay hadda caadi ku soo laabatay, waxaana si buuxda u maamulaya ciidamada dowladda, kuwaas oo lagu arkayo xaafadaha iyo waddooyinka waa wayn.

Dhanka kale, ciidamada weerarka soo qaaday ayaa iyaguna ku sugan duleedka Baydhabo oo ay markii horeba weerarka kasoo qaadeen, halkaas oo ay ku leeyihiin fariisimo iyo xarumo muhiim ah.

Ciidankan oo kamid ah Daraawiishtii Koonfur Galbeed ayaa horay magaalada looga saaray kadib isbeddalkii ay dowladda ka saameysay halkaasi, waxaana tan iyo markaas guul darraystay dadaallo la sameeyay oo ku aadanaa in dib loogu soo celiyo Baydhabo si ay usii wataan howlahooda shaqo ee dhanka amniga ah,l.

Si kastaba, dagaalkan ayaa kusoo aaday, iyada oo haatan la filayo in lagu qabto doorashada gudoonka Golaha Wakiilada iyo mida Madaxweynaha ee Maamul-Goboleedka Koonfur Galbeed oo ay horay digniin uga soo saareen ciidamada maanta weerarka soo qaaday.

Sheekh Kaariye oo u digay Somaliland: “Annaga Illaah ayaan leenahay, idinkana Israel”

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Cali Kaariye ayaa maanta si weyn uga hadlay aqoonsiga Somaliland ee Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil iyo sida ay arrintaasi dhaawac ugu tahay Muslimiinta, gaar ahaan ummadda Somaliland, isagoo sheegay inay tahay ka-fogaansho shareecada iyo diinta Islaamka.

Sheekha ayaa sheegay inaan la aqbali karin in siyaasad la geliyo qibladii Nabiga CSW, isla markaana loo aqoonsado caasimad ay leedahay Israa’iil. Wuxuu carabka ku adkeeyay inay “dhimasho ka xigaan” in la aqbalo arrintaas.

“Wixii dhacaya ha dhacaan. Wallaahi haddii qoorta nalaga goynayo, haddii diyaaradaha drone-ka Israa’iil ay nagu dilayaan gudaha Hargeysa, ma beddeli doonno mowqifka shareecada, diinta iyo caqiidadeenna. Qibladii Nabiga CSW baa siyaasad la geliyay. Waar diin baanu leenahay, caqiido baanu leenahay iyo sharci. Kii ka xanaaqaya ha ka xanaaqo. Annaga waxaa noo muhiim ah inaan Ilaahay la kulmi doonno, oo na oofsan doona, oo aanu raalli-gelinno,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Kaariye.

“Ninka ku hanjabaya inuu gacan bir ah ku qabanayo ciddii ka soo horjeedda, waxaanu leenahay: ma laga yaabaa in gacantaas birta ah adiga lagugu qabto ka hor intaadan dadka kale ku qaban? Ma laga yaabaa in geeridu kaaga soo horreyso?” ayuu si kulul u yiri Sheekhu, isagoo madaxda maamulka Somaliland xusuusiyey inay cibro ku qaataan hoggaamiyeyaashii Afrika, sida Mucammar Al-Qaddaafi iyo dowladdii Kacaanka ee Soomaaliya soo martay.

Sheekh Maxamed Kaariye ayaa intaas ku daray in Qudus ay Muslimiinta u tahay caqiido, isla markaana ay tahay meeshii Nabi Muxamed CSW ku helay maamuus iyo sharaf, isagoo sheegay inaan la aqbali doonin in looga tanaasulo Israa’iil.

Booliiska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Sheekh Maxamed Cali Kaariye, oo ka mid ah culimada Somaliland, kadib markii uu baraha bulshada ku baahiyay qoraal uu kaga soo horjeeday aqoonsiga ay dowladda Israa’iil siisay Somaliland, maalin kadib markii lagu dhawaaqay heshiiskaas, oo ku beegnaa 26-kii December 2025.

Qudus waa magaalo Muslimiinta u ah meel barakeysan, isla markaana ay Falastiiniyiintu u arkaan dhul ay Israa’iil xoog ku haysato. Waa arrin loo arko xariiq cas oo lama taabtaan ah, waana xudunta dagaalka muddada dheer soo socday ee u dhexeeya Falastiin iyo Israa’iil.

Inkasta oo xukuumadda Somaliland ay aqoonsigan iyo is-dhaafsiga safiirrada u aragto guul weyn oo diblomaasiyadeed, haddana arrintan waxay gudaha Somaliland iyo bulshada dhexdeeda ka dhalisay dood ballaaran iyo diidmo xooggan.

Culimada diinta, siyaasiyiin iyo qaybo ka mid ah bulshada ayaa si adag uga horyimid xiriirkaas, iyagoo ka eegaya dhinaca diinta iyo qaddiyadda Falastiin. Taas beddelkeeda, xukuumadda Somaliland waxay si adag u xakameysay hadallada saameyn kara xiriirka diblomaasiyadeed ama sawirka ay Somaliland ka bixinayso fagaarayaasha caalamka.

Beesha Cayr oo war-murtiyeed culus kasoo saartay doorashada Galmudug

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir ballaaran oo magaalada Muqdisho ku yeelatay beesha Cayr ee Habar Gidir ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Galmudug, xilli ay taagan tahay xiisad siyaasadeed.

Kadib wadatashi iyo doodo ay yeesheen ka qayb-galayaasha shirka, beesha Cayr ayaa ku baaqday in Dowladda Federaalka, maamulka Galmudug iyo dhammaan waxgaradka deegaanka ay mudnaanta koowaad siiyaan, isla markaana xil gaar ah iska saaraan, ilaalinta nabadgelyada, xasilloonida, midnimada, iyo wadajirka Galmudug.

“Beesha Cayr waxay garwaaqsatay in ay jiraan khataro saameyn ku yeelan kara nabadda, xasilloonida, iyo midnimada guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Galmudug, haddii aan marxaladdan xasaasiga ah looga gudbin wadahadal, is-afgarad, iskaashi, iyo is-tanaasul,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay shirka beesha beesha Cayr.

Beesha ayaa dalbatay in si degdeg ah loo qabto doorasho madax-bannaan, loo dhan yahay, heshiis lagu yahay, isla markaana daahfuran, maadaama uu dhammaaday muddo-xileedkii sharciga ahaa ee maamulka Galmudug, dalkuna galay marxalad kala-guur siyaasadeed.

“Beeshu waxay adkaynaysaa in laga fogaado wax kasta oo horseedi kara gacan ka hadal, xiisad siyaasadeed, ama qalqal amni oo saamayn taban ku yeesha nabadda, xasilloonida, iyo wadajirka Galmudug. Sidoo kale, khilaaf kasta oo la xiriira arrimaha doorashooyinka waa in lagu xalliyaa wadahadal, is-afgarad siyaasadeed, iyo hannaan nabadeed oo ay qayb ka yihiin dhammaan saamileyda Galmudug,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka beesha.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran:

Maanta oo ay taariikhdu tahay 29 May 2026, waxaa shir ballaaran isugu yimid Beesha Cayr ee Habar Gidir, kaas oo uu shir guddoominayay Ugaaska Beesha, Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur.

Shirweynaha ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Galmudug. Beesha Cayr waxay garwaaqsatay in ay jiraan khataro saameyn ku yeelan kara nabadda, xasilloonida, iyo midnimada guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Galmudug, haddii aan marxaladdan xasaasiga ah looga gudbin wadahadal, is-afgarad, iskaashi, iyo is-tanaasul.

Kadib wadatashi iyo doodo ay yeesheen ka qaybgalayaasha kulanka, ayaa Beesha Cayr, iyadoo ka duuleysa mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta nabadda, xasilloonida, iyo wadajirka dalka guud ahaan, gaar ahaan Galmudug, waxay isku raacday qodobbada soo socda:

In Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Galmudug, iyo dhammaan waxgaradka deegaanka ay mudnaanta koowaad siiyaan, isla markaana xil gaar ah iska saaraan, ilaalinta nabadgelyada, xasilloonida, midnimada, iyo wadajirka Galmudug.

Maadaama uu dhammaaday muddo-xileedkii sharciga ahaa ee maamulka Galmudug, dalkuna galay marxalad kala-guur siyaasadeed, in si degdeg ah loo qabto doorasho madax-bannaan, loo dhan yahay, heshiis lagu yahay, isla markaana daahfuran.

Beeshu waxay adkaynaysaa in laga fogaado wax kasta oo horseedi kara gacan ka hadal, xiisad siyaasadeed, ama qalqal amni oo saamayn taban ku yeesha nabadda, xasilloonida, iyo wadajirka Galmudug. Sidoo kale, khilaaf kasta oo la xiriira arrimaha doorashooyinka waa in lagu xalliyaa wadahadal, is-afgarad siyaasadeed, iyo hannaan nabadeed oo ay qayb ka yihiin dhammaan saamileyda Galmudug.

Beesha Cayr waxay gogol wadatashi iyo nabadayn u fidinaysaa dhammaan beelaha ku bahoobay Galmudug, si looga wada hadlo wixii khilaaf ah ee jira, loo adkeeyo wadajirka bulshada, loogana gudbo marxaladda kala-guurka si nabad iyo is-afgarad leh.

In la xoojiyo wadatashiga, iskaashiga, iyo is-tanaasulka siyaasadeed, si loo sii adkeeyo midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, gaar ahaan wadajirka Beesha Cayr, loogana gudbo marxaladda kala-guurka si nabad, xasillooni, iyo is-afgarad ku dhisan.

Ugu dambayn, Beesha Cayr waxay u mahadcelinaysaa guddiga qabanqaabada, Ugaaska Beesha, iyo dhammaan kasoo qaybgalayaashii shirka dadaalkii ay geliyeen qabsoomidda shirkan iyo doorkooda ku aaddan ilaalinta nabadda, wadajirka, horumarka, iyo mustaqbalka Galmudug.

Hay’adda caalamiga ah ee IPI oo ka digtay tallaabooyinkii is-xigay ee DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda caalamiga ah ee International Press Institute (IPI) ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda sii xumaaneysa ee xorriyadda saxaafadda Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay kordheen weerarrada, xarigga, handadaadaha iyo caburinta loo geysanayo saxafiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan bishii May 2026.

War-saxaafadeed ay hay’addu soo saartay ayaa lagu sheegay in saxafiyiinta iyo xarumaha warbaahinta ay wajahayaan cadaadis isa soo taraya, xilli dalka uu ku jiro marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah oo ay ka socdaan doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo doodaha la xiriira muddo xileedka dowladda iyo hannaanka dimuqraadiyadda.

IPI ayaa sheegtay in xaaladda hadda jirta ay khatar ku tahay xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta, iyadoo xustay in warbaahinta madaxa-bannaan ay door muhiim ah ka ciyaarto ilaalinta isla-xisaabtanka, wacyigelinta bulshada iyo dabagalka arrimaha siyaasadda iyo amniga dalka.

Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay inay, iyada iyo hay’adaha la shaqeeya, diiwaangeliyeen kiisas badan oo la xiriira weerarro iyo cadaadis lagu hayo wariyeyaasha Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan kuwa ka shaqeeya arrimaha deegaanka, isbeddelka cimilada iyo barakicinta dadka rayidka ah.

Sida lagu sheegay warbixinta, qaar kamid ah saxafiyiinta ayaa la kulmay handadaad iyo caga-jugleyn la xiriirta wararka ay tabinayaan, taas oo IPI ay ku tilmaantay arrin si weyn u dhaawaceysa xorriyadda warbaahinta iyo badqabka wariyeyaasha.

IPI ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay qaaddo tallaabooyin degdeg ah oo lagu ilaalinayo saxafiyiinta, isla markaana la xaqiijiyo in caddaalad la marsiiyo dadka ku lugta leh tacaddiyada iyo weerarrada ka dhanka ah warbaahinta.

Dhanka kale, hay’addu waxay beesha caalamka iyo saaxiibbada Soomaaliya ugu baaqday inay kordhiyaan dadaallada iyo cadaadiska lagu taageerayo xorriyadda saxaafadda, iyadoo ka digtay in weerarrada joogtada ah ee lagu hayo warbaahinta madaxa-bannaan ay wiiqi karaan kalsoonida shacabka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda dalka.

Axmed Madoobe oo maanta sameeyay dhoolatus ciidan + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maalinkii saddexaad ee Ciidul Adxaa booqasho ugu tagay ciidamada Daraawiishta Jubaland ee ku sugan aagga deegaanka Jannaa Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa furimaha hore kulan la qaatay saraakiisha iyo ciidamada, isaga oo warbixin ka dhageystay xaaladda amni iyo howlgallada ay ciidamadu ka wadaan deegaannada Jubaland.

Axmed Madoobe ayaa ciidamada uga mahadceliyey heeganka joogtada ah ee ay ugu jiraan difaaca deegaannada Jubaland iyo dadaallada ay ku bixinayaan xoreynta goobaha ay weli ku sugan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Waxa uu sidoo kale ku ammaanay ciidamada Daraawiishta doorka ay ka qaadanayaan sugidda amniga, isagoo sheegay in naf-hurnimada ay sameynayaan ay muhiim u tahay xasilloonida iyo badbaadada shacabka reer Jubaland.

Madaxweynaha Jubaland ayaa tilmaamay in dowladdu ay waddo qorsheyaal cusub oo la xiriira dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaasi oo la filayo inay dhawaan ka billowdaan deegaannada ay kooxdaasi kaga sugan tahay Jubaland.

Madoobe ayaa ciidamada ku dhiirrigeliyey inay sii laba jibbaaraan dadaalladooda, isla markaana ay u diyaar garoobaan howl-gallada qorsheysan ee lagu doonayo in lagu xoreeyo deegaannada harsan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay rajeynayaan in la helo nabad iyo xasillooni waarta, isagoo xusay in ciidamada Daraawiishta Jubaland ay laf-dhabar u yihiin dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xoreynta dalka.

Xog: Xasan iyo Mahad Salaad oo shir xasaasi ah uga socdo Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad ayaa haatan shir saacado qaatay uga socda xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweynaha iyo Mahad Salaad ayaa maanta salaaddii Jimcaha ku wada tukaday masaajidka Madaxtooyada, iyagoo markii laga baxay salaadda kadib galay shirka illaa haatan uga socda Madaxtooyada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirkan oo albaabadu u xiran yihiin ayaa labada mas’uul waxay uga wada-hadlayaan arrimaha doorashooyinka maamulka Galmudug, oo ay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin.

Mahad Salaad oo ah musharrax u taagan xilka madaxtinimada Galmudug ayaa doonaya in doorashadu noqoto mid furan oo ka maran faragelinta Villa Somalia. Waxaa sidoo kale la sheegay in dowladda federaalka ay wadato musharrax Ganacsi Liibaan Shuluq.

Mahad ayaa sidoo kale doonaya in cadaadis militari aan la saarin Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), oo markale doonaya inuu xilka kusoo laabto. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Mahad uu ka biyo-diiddan yahay in awood ciidan loo adeegsado arrimaha siyaasadda Galmudug.

Agaasimaha NISA ayaa la sheegay inuu aaminsan yahay in xal siyaasadeed lagu gaari karo arrinta Galmudug, isaga oo ku doodaya in Qoor-Qoor lagu qancin karo tanaasul siyaasadeed, halkii loo adeegsan lahaa awood ciidan ama cadaadis siyaasadeed oo toos ah.

Dhanka kale, inta badan siyaasiyiinta kasoo jeeda Galmudug ayaa walaac ka muujiyay suurta-galnimada in Dhuusamareeb ay ka dhacaan xiisado la mid ah kuwii hore uga dhacay Baydhabo, kuwaas oo saameyn amni iyo mid siyaasadeed ku yeeshay deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Si kastaba, doorashada Galmudug ayaa lagu wadaa sida qorshuhu yahay inay qabsoonto 20-ka bisha June 2026, markaas oo loo dareeri doono codbixinta doorashada golayaasha deegaanka iyo xubnaha Baarlamaanka dowlad-goboleedka.

Sidoo kale, jadwalka doorashooyinka ayaa muujinaya in doorashada guddoonka Baarlamaanka Galmudug la qaban doono 2-da bisha July, halka doorashada madaxweynaha dowlad-goboleedkaasi loo asteeyay 9-ka July.

Wixii kasoo baxa shirkan kala soco Caasimada Online.

Netanyahu oo ciidamada Israel ku amray inay la wareegaan…

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ciidamada Israa’iil faray inay la wareegaan boqolkiiba 70% dhulka Marinka Gaza.

Wareysi uu ku bixiyay shir ka dhacay Daanta Galbeed ee la haysto, ayuu Netanyahu ku sheegay in Israa’iil ay “sii adkeyneyso” go’doominta ay ku hayso ururka Xamaas.

“Waxaan hadda gacanta ku haynaa 60% dhulka Marinka Gaza. Waxaan ka nimid 50%, waxaana u gudubnay 60%,” ayuu yiri.

“Amarkeygu waa inaan u gudubno — oo aan tallaabo tallaabo u qaadno — marka hore 70%. Aan halkaas ka bilowno,” ayuu sii raaciyay. Xilli uu Netanyahu hadlayay, ayaa dadkii dhegeysanayay waxay ugu baaqayeen inuu la wareego guud ahaan dhulka Gaza.

Dabayaaqadii bishii Abriil, Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa soo saaray khariidado loo qaybiyay hay’adaha gargaarka caalamiga ah, kuwaas oo muujinayay in ciidamadu ay durba gacanta ku hayaan qiyaastii 64% dhulka Marinka Gaza.

Qabsashada dhul horleh oo ka tirsan Gaza ayaa ku qasbi doonta qiyaastii 2 milyan oo Falastiiniyiin ah inay ku ururaan qayb aad u yar oo ciriiri ah oo ka tirsan dhul-xeebeedkaas horay u burburay.

Sida uu dhigayo heshiiskii xabad-joojinta ee Oktoobar 2025 dhex maray Israa’iil iyo Xamaas, ciidamada Israa’iil ayaa dib ugu gurtay xariiqda kala xadeynta ee loo yaqaan “Xariiqda Jaallaha ah” (Yellow Line), taas oo u reebtay inay gacanta ku hayaan ilaa 53% dhulka Gaza.

Maalintii Talaadada, ururka Xamaas ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay dhaqaajisay xariiqdaas, iyagoo sheegay in arrintaasi “ay tahay wiiqid cad oo joogto ah oo lagu hayo heshiiskii xabad-joojinta, xad-gudub halis ah oo ka dhan ah qodobadiisa, iyo isku day qaawan oo lagu doonayo in xoog lagu soo rogo xaqiiqooyin cusub oo dhulka ah, iyadoo ujeedadu tahay in la sii xoojiyo gacan ku haynta milatari ee marinka iyo in la wiiqo fursad kasta oo dhab ah oo lagu xasilin karo xaaladda ama lagu guuleysan karo dadaallada nabadeed.”

Israa’iil iyo Xamaas ayaa labadaba looga fadhiyaa inay u hoggaansamaan shuruudaha heshiiska xabad-joojinta ee uu Mareykanku garwadeenka ka yahay, kaas oo dhaqan galay bishii Oktoobar.

Si kastaba ha ahaatee, horumarka qorshahan oo uu si weyn u dhiirrigeliyay Madaxweyne Donald Trump ayaa istaagay, taas oo keeni karta halis ah in dhulka Gaza uu noqdo mid si joogto ah u kala qaybsama.

Nickolay Mladenov, oo ah diblomaasi u dhashay dalka Bulgaariya isla markaana ah sarkaalka u xilsaaran fulinta heshiiska, ayaa horraantii bishan ka digay in haddii aan horumar la sameynin, xariiqda jaallaha ah ay isu beddeli karto “deyr ama derbi si joogto ah u kala qaybiya Gaza.”

Mladenov ayaa sidoo kale qiray xaaladda adag ee ka jirta Gaza, isaga oo sheegay in “wali la dilayo dad rayid ah” isla markaana “qoysasku ay cabsi ku dhex nool yihiin,” iyagoo ka baqaya duqeymaha cirka ee Israa’iil.

Israa’iil ayaa marar badan duqeymo ka fulisay Gaza tan iyo markii xabad-joojintu bilaabatay, iyadoo Xamaas ku eedeysay inay jabisay heshiiska maadaama ay dib u hubeyneyso isla markaana ay dib u dhisayso ciidamadeeda.

Duqeymahaas ayaa lagu dilay in ka badan 850 qof oo ku sugnaa Gaza tan iyo markii ay xabad-joojintu dhaqan gashay, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin.

Horraantii bishan, Israa’iil ayaa dishay Cisadiin Al-Xaddaad (Izz al-Din al-Haddad), oo ahaa hoggaamiyaha garabka milatari ee Xamaas. Kow iyo toban maalmood kadib, Israa’iil ayaa duqeyn kale ku dishay sarkaalkii xilka kala wareegay.

“Waxaan ku dhaarannay inaan baabi’in doono qof kasta oo hoggaamiyay weerarkii Oktoobar 7-deedii, waana taas waxa la sameyn doono. Dhammaantood waxay wajahayaan xukun dil ah meel kasta oo ay joogaan,” ayuu Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, ku qoray baraha bulshada maalintii Khamiista.

Dhanka kale, ururka Xamaas ayaa sidoo kale diiday in hubka laga dhigo ama ay wareejiyaan hubkooda, ayuu yiri Mladenov, taas oo ah qodob udub dhexaad u ah qorshaha xabad-joojinta, isla markaana si weyn ugu xiran mustaqbalka Gaza.

Ciidamada Israa’iil ayaa la filayaa inay si tartiib tartiib ah uga baxaan dhulka ay qabsadeen ee Gaza marka Xamaas hubka dhigto, isla markaana ciidamo amni oo caalami ah ay sugaan ammaanka qaybo ka mid ah marinka.

Inkasta oo waddamo qaar ay muujiyeen inay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan ciidamada ammaanka, haddana ma jiro jadwal cad oo lagu daadgureynayo ciidamadaas.

Maaddaama uusan jirin wax horumar ah oo laga gaaray heshiiskii xabad-joojinta, Israa’iil ayaa si tartiib tartiib ah u qabsatay qaybo badan oo ka mid ah Gaza, iyadoo sii xoojinaysa gacan ku haynteeda dhulkan burburay.

Wararkii ugu dambeeyay xiisad dagaal oo ka taagan gobolka Sool

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan dadaallo nabadeed oo lagu xallinayo xiisad u dhexeysa laba maleeshiyo beeleed oo shalay ku dagaallamay deegaan ka tirsan gobolkaasi.

Dagaalka oo ka dhacay deegaanka Madax-lagu-xoor ayaa sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac soo gaaray dadka rayidka ah, iyadoo sidoo kale ay jirto cabsi laga qabo in colaaddaasi sii fiddo haddii aan si degdeg ah loo xakameyn.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in labada dhinac ay isku hayaan muran la xiriira dhul iyo deegaanno, kaas oo muddooyinkii dambe sii xoogeysanayay. Xiisadda ayaa la sheegay inay ugu dambeyn isku beddeshay dagaal hubeysan oo si weyn looga dareemay deegaannada ku dhow halka uu ka dhacay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in inta badan qoysaskii ku noolaa deegaanka Madax-lagu-xoor ay halkaasi ka barakaceen, kadib markii ay ka cabsi qabeen in dagaalladu dib u qarxaan. Dadka barakacay ayaa u kala firxaday deegaanno kale oo ka tirsan gobolka.

Dhanka kale, waxaa socda waan-waan iyo dadaallo nabadeed oo ay wadaan odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka, kuwaasi oo isku dayaya in labada dhinac la kala qaado si loo gaaro xabbad-joojin degdeg ah.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in maamulka Waqooyi Bari uu bilaabay dhaq-dhaqaaqyo lagu abaabulayo kulan ay isugu imanayaan duubabka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si xal waara loogu helo colaadda ka taagan deegaankaasi.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Waqooyi Bari oo ku saabsan dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay, hase yeeshee waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu maamulkaasi ka hadlo xaaladda iyo tallaabooyinka uu qaaday.

Dalal Afrikan ah oo dowladda Turkiga ka codsanaya qorshe la mid ah midka Soomaaliya

Ankara (Caasimada Online) – Dalal badan oo Afrikaan ah ayaa doonaya inay Turkiga la yeeshaan xiriir u eg kan uu Ankara la dhistay Soomaaliya, kaas oo isku daraya taageero amni, tababar ciidan, maalgashi dhaqaale iyo ilaalinta danaha istaraatiijiga ah.

Wasiirka Difaaca Turkiga Yaşar Güler ayaa sheegay in dalal dhowr ah ay Ankara ka codsadeen in lagu taageero qaab la mid ah midka Turkigu ka hirgeliyey Soomaaliya, halkaas oo xiriirkii markii hore ku bilowday gargaar bani’aadannimo uu isu beddelay iskaashi ballaaran oo dhinacyo badan leh.

“Annagoo ka jawaabayna codsiyada naloo soo gudbiyo, waxaan sii wadnaa tababarka iyo taageerada farsamo ee aan siino ciidamada qalabka sida ee dalalka Afrika, si aan uga qeyb qaadanno dhisidda awooddooda,” ayuu Güler u sheegay wariyeyaasha xilli uu ka qeybgalayey dhoolatuska milateri ee Efes oo ka dhacay galbeedka Turkiga.

“Xaaladdan gudaheeda, dalal kale oo dhowr ah ayaa codsanaya isla qaabkii aan ka hirgelinnay Soomaaliya. Codsiyadaas waan qiimeyneynaa,” ayuu raaciyay.

Hadalkan ayaa muujinaya sida Soomaaliya, oo muddo dheer loo arkayey dal dagaallo iyo burbur ka soo kabanaya, ay hadda u noqotay tusaale ay dalal kale oo Afrikaan ah u eegayaan marka ay doonayaan xiriir amni iyo dhaqaale oo ay la yeeshaan Turkiga.

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa si weyn u billowday sanadkii 2011, markii Recep Tayyip Erdogan, oo markaas ahaa ra’iisul wasaaraha Turkiga, uu booqday Muqdisho xilli Soomaaliya ay wajahaysay abaar daran iyo xaalad bani’aadannimo oo culus.

Booqashadaas ayaa noqotay billowga xiriir si tartiib ah uga gudbay gargaar iyo mashaariic adeeg bulsho, una wareegay iskaashi amni, difaac, dhaqaale, waxbarasho, caafimaad iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka dhisay xarumo caafimaad, iskuullo iyo mashaariic kale, wuxuuna sidoo kale door muuqda ku yeeshay maamulka iyo howlgelinta dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Ankara ayaa sidoo kale saldhiggeeda milateri ee ugu weyn dibadda ka furtay Muqdisho sanadkii 2017, halkaas oo lagu tababaray kumannaan askari oo Soomaali ah.

Ciidamo kale oo Soomaali ah ayaa tababar dheeraad ah loogu qaaday Turkiga, arrintaas oo qeyb ka noqotay dadaalka Ankara ee lagu dhisayo awoodda ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo ilaalinta hay’adaha dowladda.

Qaabka hadda loogu yeerayo “Somali Model” ayaa ah in Turkigu marka hore gacan ka geysto dhismaha amniga iyo xasilloonida, kadibna uu ka qeyb qaato mashaariic dhaqaale iyo kaabeyaal muhiim ah, isaga oo sidoo kale ka faa’iideysanaya fursadaha ka dhasha maalgashigaas.

Qof xog-ogaal ah oo arrintan kala hadlay Middle East Eye ayaa sheegay in dalalka doonaya qaabkan ay fahmeen in aanay suurtagal ahayn in adeegyo iyo khayraad dadweyne la gaarsiiyo shacabka haddii aan marka hore la helin xasillooni amni.

“Soomaaliya, dowlado kala duwan ayaa diyaar u ahaa inay helaan taageero milateri oo Turkish ah si ay u xoojiyaan awooddooda difaac,” ayuu yiri qofkaas xog-ogaalka ah. “Waxay doonayeen inay adeegyo iyo khayraad gaarsiiyaan shacabka Soomaaliyeed, taasna suurtagal ma aha haddii aan xasillooni jirin.”

Turkiga ayaa sannadihii la soo dhaafay qaaday khataro muuqda oo ku saabsan joogitaankiisa Soomaaliya, oo weli wajahaysa weerarro ay fuliyaan Al-Shabaab. Si kastaba, Ankara waxay aragtaa Soomaaliya dal muhiim ah oo ku yaalla meel istaraatiiji ah, una dhow marinno badeed oo waaweyn iyo goobaha loollanka gobolka.

Warbixinta Middle East Eye ayaa sheegtay in dad dhawaan booqday Muqdisho ay arkeen isbeddel amni iyo dhisme oo ka muuqda caasimadda, inkasta oo magaalada weli ay wajahdo khataro amni. Waxay sheegeen in qaraxyadii joogtada ahaa ay yaraadeen marka loo eego sanadihii hore, halka dhismayaal cusub iyo maalgashi gaar loo leeyahay ay ka muuqdaan qeybo badan oo magaalada ah.

Xiriirka labada dal ayaa sanadihii ugu dambeeyay galay marxalad cusub, kadib heshiis difaac iyo dhaqaale oo Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdeen 2024. Heshiiskaas ayaa Ankara siinaya door ku saabsan taageerada amniga badda Soomaaliya, ilaalinta xeebaha iyo dhismaha awoodda ciidamada badda.

Turkiga ayaa sidoo kale bilaabay inuu si qoto dheer ugu lug yeesho sahaminta khayraadka badda Soomaaliya, gaar ahaan shidaalka iyo gaaska. Maraakiib Turkish ah ayaa billaabay inay ka howlgalaan xeebaha Soomaaliya, halka ciidamo iyo qalab milateri oo Turkish ah lagu sheegay inay taageerayaan amniga howlahaas.

Arrinta kale ee si weyn loo hadal hayo ayaa ah qorshaha Turkiga ee lagu dhisayo xarun hawada sare ah oo Soomaaliya laga hirgeliyo. Madaxweyne Erdogan ayaa hore u sheegay in Turkigu qorsheynayo inuu Soomaaliya ka sameeyo xarun noocaas ah, inkasta oo faahfaahin rasmi ah oo dhameystiran aan weli la shaacin.

Horumarkan ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli loollanka gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas uu sii xoogeysanayo, gaar ahaan kadib markii Israel ay aqoonsatay Somaliland, tallaabo ay Soomaaliya si adag u diidday, Turkiguna ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo gobolka xasillooni darro u horseedi karta.

Qoraa Turkish ah oo lagu magacaabo Yahya Bostan, oo wax ku qora wargeyska Yeni Şafak, ayaa ku dooday in Israel iyo Imaaraadka Carabta ay kordhin karaan dhaq-dhaqaaqyada uu ku sheegay kuwo “xasillooni darro” ka abuuraya Afrika, gaar ahaan dalalka uu Turkigu xiriir dheer la leeyahay.

Wuxuu sheegay in dalal ay ka mid yihiin Sudan ay noqon karaan kuwa xiga ee doonaya in Turkigu ka caawiyo tababarka ciidamada, dhismaha hay’adaha amniga iyo gudbinta teknoolajiyadda iyo khibradda.

Qofka xog-ogaalka ah ee Ankara ayaa sidoo kale sheegay in dalal ka tirsan Saaxilka, sida Niger iyo Burkina Faso, iyo sidoo kale Itoobiya, ay ka mid noqon karaan kuwa xiiseynaya qaabkan.

Si kastaba, Ankara si rasmi ah uma shaacin magacyada dalalka codsiyada soo gudbiyey, taas oo muujineysa in Turkigu si taxaddar leh u wajahayo ballaarinta qaabkan, maadaama xiriir kasta oo noocan ah uu leeyahay culeys amni, siyaasadeed iyo dhaqaale.

Soomaaliya, qaabkan wuxuu u leeyahay laba macne. Marka koowaad, wuxuu muujinayaa in dalka oo muddo dheer lagu tilmaami jiray meel burbur iyo gargaar u baahan uu hadda noqday tusaale istaraatiiji ah oo dalal kale ay eegayaan. Marka labaad, wuxuu kordhinayaa muhiimadda Soomaaliya ee loollanka gobolka, gaar ahaan marka la eego badda, shidaalka, amniga iyo xiriirka quwadaha shisheeye.

Turkiga, dhanka kale, wuxuu u arkaa Soomaaliya meel uu ka dhistay kalsooni, joogitaan milateri iyo dano dhaqaale oo muddo dheer ah. Taas ayaa Ankara u oggolaaneysa inay qaabkan u soo bandhigto dalal kale oo Afrikaan ah oo wajahaya amni darro, dhaqaale xumo iyo baahi ay u qabaan saaxiib aan reer Galbeed ahayn.

Laakiin ballaarinta “Qaabka Soomaaliya” ama “Somalia Model” waxay sidoo kale dhalin kartaa su’aalo cusub oo ku saabsan madax-bannaanida dalalka Afrika, doorka quwadaha shisheeye, iyo sida loo hubin karo in iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha uu si dhab ah uga faa’iideeyo shacabka, halkii uu u adeegi lahaa keliya danaha dowladaha iyo quwadaha dibadda.

Arrinta cad ayaa ah in xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya uusan hadda ku koobnayn labada dal. Wuxuu noqday qaab siyaasadeed iyo amni oo laga doodayo gudaha Afrika, isla markaana laga dareemayo xarumaha loollanka ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Saaxilka.

Al-Shabaab oo ka qeylisay Turkiga iyo Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa si kulul u weerartay Mareykanka iyo Turkiga, iyadoo ku eedeysay inay door militari iyo mid siyaasadeed ku leeyihiin Soomaaliya, isla markaana ay taageeraan dowladda federaalka.

Eedeymahan ayaa ku jiray farriinta sanadlaha ah ee kooxda ay soo saarto munaasabadda Ciidul Adxa, taas oo uu jeediyay afhayeenka rasmiga ah ee Al-Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

Cali Dheere ayaa si gaar ah u weeraray duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay Washington inay beegsato dad rayid ah, xilli ay ku doodayso inay fulineyso hawlgallo ka dhan ah argagixisada.

Eedeymahaas si madax-bannaan looma xaqiijin. Al-Shabaab ayaa marar badan adeegsata sheegashooyinka khasaaraha rayidka si ay ugu faafiso dacaayaddeeda ka dhanka ah dowladda Soomaaliya iyo dalalka shisheeye ee taageera.

Mareykanka ayaa sanadihii u dambeeyay kordhiyay duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya. Warbixin ay soo saartay mareegta Long War Journal, oo la socota duqeymaha ka dhaca Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Mareykanku fuliyay 132 duqeyn sanadkii 2025, kuwaas oo 54 ka mid ah lala beegsaday Al-Shabaab.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in ugu yaraan 64 duqeyn la diiwaangeliyay illaa hadda sanadkan 2026, iyadoo ugu yaraan 31 ka mid ah lagu bartilmaameedsaday kooxda Al-Shabaab.

Cali Dheere ayaa sheegay in duqeymo dhowaan ka dhacay agagaarka Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya iyo Buq Aqable oo ka tirsan bartamaha dalka ay ku dhinteen dad rayid ah, halkii ay ka ahaan lahaayeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

Taliska Mareykanka ee Afrika, AFRICOM, ayaa inta badan sheegay in duqeymaha lagu fuliyo wada-shaqeyn kala dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya, isla markaana looga gol leeyahay in lagu wiiqo awoodda Al-Shabaab ee qorsheynta iyo fulinta weerarrada.

AFRICOM ayaa sidoo kale marar badan sheegtay inay qaaddo tallaabooyin lagu yareynayo waxyeellada rayidka.

Qeyb weyn oo ka mid ah khudbadda Cali Dheere ayaa sidoo kale lagu weeraray Turkiga, oo ka mid ah dalalka ugu dhow dowladda federaalka Soomaaliya.

Turkiga ayaa tababar siiya ciidamada Soomaaliya, wuxuuna taageero militari, diblomaasiyadeed iyo dhaqaale u fidiyaa dowladda federaalka. Ankara ayaa sidoo kale Muqdisho ku leh saldhigga tababarka militari ee ugu weyn ee ay ku leedahay meel ka baxsan dalkeeda.

Cali Dheere ayaa Turkiga ku eedeeyay inuu doonayo inuu “boobo” kheyraadka dhulka, badda iyo hawada Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale weeraray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeeyay inuu heshiisyo uu la galay Ankara ku “iibinayo” hantida qaranka.

“Waxaan dowladda Turkiga leenahay: dalkan iyo kheyraadkiisa nin tuug ah oo khaa’in ah idinma siin karo,” ayuu yiri Cali Dheere.

Hadalkaas ayaa u muuqday mid loola jeeday iskaashiga sii kordhaya ee Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinacyada difaaca, amniga badda iyo sahminta shidaalka badda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii 2024 Turkiga la saxiixatay heshiis ballaaran oo difaac iyo iskaashi dhaqaale ah, waxaana xigay heshiisyo la xiriira sahminta shidaalka oo ay ku lug leedahay shirkadda Turkish Petroleum.

Mas’uuliyiinta dowladda federaalka ayaa difaacay heshiisyadaas, iyagoo ku tilmaamay qeyb ka mid ah istaraatiijiyad lagu ilaalinayo xeebaha Soomaaliya, lagu horumarinayo kheyraadka dabiiciga ah, laguna xoojinayo awoodda hay’adaha dowladda kadib tobanaan sano oo colaado ah.

Al-Shabaab ayaa se marar badan iskaashiga amni iyo dhaqaale ee Soomaaliya la leedahay dalalka shisheeye ku tilmaantay isku-dayo lagu qabsanayo ama lagu boobayo dalka.

Cali Dheere ayaa sidoo kale Turkiga ku eedeeyay inuu fuliyo duqeymo ay ku dhintaan dad rayid ah. Turkiga si joogto ah ugama hadlo hawlgallada noocaas ah.

Long War Journal ayaa sheegtay inay diiwaangelisay ugu yaraan 23 duqeyn oo Turkigu ka fuliyay Soomaaliya tan iyo 2022, iyadoo xustay in tirada dhabta ah ay intaas ka badan karto maadaama Ankara aysan si joogto ah u shaacin hawlgalladeeda.

Trump oo mar kale weerar ku qaaday bulshada Soomaalida

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa beegsaday muhaajiriinta Soomaaliyeed iyo Xildhibaan Ilhan Omar intii uu socday kulankii Golaha Wasiirrada ee Arbacadii, isagoo ku celceliyay sheegashooyin been-abuur ah iyo hadallo kicin ah oo ku saabsan bulshada Minnesota, xilli maamulkiisu uu sii wado olole ballaaran oo ka dhan ah socdaalka.

Trump ayaa muhaajiriinta Soomaaliyeed ku tilmaamay “tuugo”, wuxuuna si gaar ah u xusay Ilhan Omar, oo ah xildhibaan Dimuqraadi ah oo laga soo doorto Minnesota, asalkeeduna Soomaali yahay, sida ay sheegtay NBC News.

“Soomaalida, waxa ay ku sameeyeen Minnesota, Soomaalida, waa tuugo aad u xun. Ilhan Omar waa tuug aad u xun,” ayuu yiri Trump. “Dhammaantood waa tuugo, waana qabanay, waana qabanay. Hadda waxaan saaraynaa cadaadis xooggan,” ayuu yiri Trump, isagoo sii laba-jibbaaray weerarradiisa intii uu socday kulankii Golaha Wasiirrada ee Arbacadii.

Ma cadda waxa uu ku eedeynayay Ilhan Omar. Af-hayeen u hadlay Omar ayaan isla markiiba ka jawaabin codsi ku saabsanaa inuu ka falceliyo eedeymaha Trump.

Kadib hadalladiisii ku saabsanaa Soomaalida, Trump ayaa ku faanay shaqada maamulkiisu qabtay toddobaadkii hore, taasoo lagu soo xiray dad dheeraad ah oo lagu eedeeyay lunsashada hantida dadweynaha gudaha Minnesota.

Trump ayaa u muuqda inuu aad u hadal hayay Soomaalida ku nool gobolkaas tan iyo markii ay soo baxeen warar sheegaya in sannadkii hore tobannaan qof oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya lagu xukumay khiyaanooyin la xiriiray barnaamijyadii gargaarka Covid-19, kuwaasoo lagu lunsaday lacag ka badan $1 bilyan oo doolar.

Wakaaladda wararka ee Associated Press (AP), oo soo xiganaysa xog laga helay xafiiska xeer-ilaalinta federaalka ee Minnesota, ayaa sheegtay bishii Diseembar in 82 ka mid ah 92 qof oo ilaa xilligaas lagu soo eedeeyay khiyaanadaas ay ahaayeen Soomaali-Mareykan.

Hadalkan ayaa imaanaya kadib dhowr bilood oo ay sii kordhayeen weerarrada ka dhanka ah Soomaalida ku nool Mareykanka, gaar ahaan gobolka Minnesota, oo hoy u ah bulshada Soomaalida ee ugu weyn dalkaas. Trump ayaa marar badan bulshadaas u sawiray inay qeyb ka yihiin dhibaatooyin la xiriira musuqmaasuq iyo khiyaano, isagoo arrintaas ku xiray dadaalkiisa ku aaddan in meesha laga saaro badbaadada muhaajiriinta Soomaaliyeed iyo in la xoojiyo sharci-fulinta gobolkaas.

Soomaalida Mareykanka ayaa dhistay joogitaan siyaasadeed iyo mid bulsho oo muuqda gudaha Minnesota tobannaankii sano ee la soo dhaafay. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay bishii Janaayo in weerarrada dowladda ee ka dhanka ah muhaajiriinta iyo cadaadiska federaalka ay hore cabsi ugu abuureen dadka deegaanka, iyadoo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha maxalliga ah ay Aqalka Cad ku eedeeyeen inuu sharciga u adeegsanayo hanjabaad ka dhan ah bulsho si weyn ugu firfircoon siyaasadda.

Hadalladan kulul ayaa sidoo kale imaanaya xilli Trump uu sii xoojiyay weerarrada uu ku hayo Omar, oo inta badan bartilmaameed u ahayd dhaleeceyntiisa. Trump ayaa bishii Diseembar ku tilmaamay “qashin”, wuxuuna sheegay inuu doonayo in Soomaalida dalka laga saaro.

Dad badan ayaa ka cabsi qaba in luuqaddan ay sii qoto-dheereyso welwelka ka jira xaafadaha Soomaalida, isla markaana ay caadi ka dhigto cadaawadda guud ee loo qabo muhaajiriinta.

“Madaxweynuhu mar kasta wuxuu lahaa hadallo aad u midab-takoor ah, naceyb shisheeye iyo Islaam-nacayb xambaarsan marka ay timaaddo dadka Muslimiinta ah ama dadka madow,” ayay Omar u sheegtay warbaahinta. “Waxaan aragnay isagoo ku tilmaamaya waddamada Afrika inay yihiin meelo wasakh ah (shitholes), sidaas darteed tani maahan wax lala yaabo.”

Waxaa jira qiyaastii 80,000 oo qof oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya oo ku nool Minnesota, sida ay sheegtay Wilder Research, oo ah hay’ad madax-bannaan oo cilmi-baaris ku sameysa magaalada St. Paul.

Xasan iyo Mahad Salaad oo isku khilaafay doorashada Galmudug iyo xiisad taagan

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf siyaasadeed oo xooggan ayaa la sheegay inuu soo kala dhex-galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, kaas oo salka ku haya arrimaha doorashada maamulka Galmudug.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Mahad Salaad uu si cad ugu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu doonayo inuu isu sharaxo xilka madaxweynaha Galmudug, isla markaana aanu taageersaneyn qorshe kasta oo lagu cadaadinayo madaxweynaha hadda talada haya ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).

Mahad Salaad ayaa la sheegay inuu aaminsan yahay in xal siyaasadeed lagu gaari karo arrinta Galmudug, isaga oo ku dooday in Qoor-Qoor lagu qancin karo tanaasul siyaasadeed, halkii loo adeegsan lahaa awood ciidan ama cadaadis siyaasadeed oo toos ah.

Sidoo kale, ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamay in kulamo dhowr ah oo u dhexeeyay Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad ay kusoo dhammaadeen is-afgaranwaa, iyadoo aan weli wax heshiis ah laga gaarin khilaafka taagan. Labada dhinac ayaa la filayaa inay yeeshaan kulamo kale oo arrintan looga hadlayo.

Mahad ayaa doonaya in doorashada Galmudug ay noqoto mid furan oo qolo kasta ay qaadato calafkeeda. Qoor-Qoor ayaa sidoo kale isna caddeeyay inuu keliya aqbalayo doorasho hufan.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa lagu warramayaa inuu taageersan yahay mowqifka Mahad Salaad, isla markaana aanu ku qanacsaneyn qorshaha la sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku taageerayo Liibaan Shuluq si uu ugu soo baxo madaxtinimada Galmudug.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in khilaafkan cusub uu saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ay ka socdaan kulamo iyo abaabulo la xiriira doorashada maamulkaasi.

Inta badan siyaasiyiinta kasoo jeeda Galmudug ayaa iyaguna walaac ka muujiyay suurta-galnimada in Dhuusamareeb ay ka dhacaan xiisado la mid ah kuwii hore uga dhacay Baydhabo, kuwaas oo saameyn amni iyo mid siyaasadeed ku yeeshay deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Si kastaba, dowladda federaalka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka la xiriira khilaafka la sheegay inuu u dhexeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Agaasime Mahad Salaad, xilli ay isa soo tarayaan hadal-heynta ku saabsan loolanka siyaasadeed ee Galmudug.

Xogta Shamso iyo Xannaan Yuusuf oo loo haysto 21.2 milyan oo dollar

0

Minnesota (Caasimada Online) – Shamso Axmed Xasan oo 55 jir ah iyo Xanaan Mursal Yuusuf oo 25 jir ah, kuwaas oo labadubaba deggen magaalada Brooklyn Park ee gobolka Minnesota, ayaa lagu eedeeyay khiyaano maaliyadeed  dhan $21.2 milyan oo la xiriirta daryeelka caafimaadka  sida ay sheegtay maxkamadda federaalka ee dalka Maraykanka.

Sida ku cad dukumenti laga helay barta internetka ee Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka, labadan dumar ah ayaa u gudbiyay sheegashooyin been abuur ah Barnaamijka Waxqabadka Horumarinta iyo Dhaqanka ee Degdegga ah (EIDBI) ee hoos yimaada Medicaid-ka Minnesota, kuwaas oo lacagtoodu gaarayso $46.6 milyan oo doollar. Lacagtaas intieeda badan, oo dhan $21.2 milyan oo doollar, ayaa durba la siiyay dadka eedaysanayaasha ah ee falka gaystay.

Haweenkaan ayaa qoysaska u ballanqaaday laaluush bishii dhan $300 ilaa $1,500 si carruurtooda loogu qoro qorshahan lunsashada ah. Lacagtii ay bixisay Medicaid oo dhan $21.1 milyan ayaa loo adeegsaday iibsashada hanti guryo dhulal iyo xawaalado loo xawilay dalka Kenya.

Labadan qof ee kor ku xusan ayaa ka mid ah 15 eedeysane oo ku lug leh fashilinta ugu weyneyd abid ee qorshe khiyaano oo la xiriira barnaamijka autism-ka ee Medicaid, kaas oo sababay khasaare lagu qiyaasay in ka badan $90 milyan, sida ay sheegeen xeer-ilaaliyayaasha.

Maamulka gobolka ayaa sheegay in aanay jirin wax adeeg caafimaad ah oo dhab ahaan lagu qabtay beddelka lacagtaas, kuwaas oo aan xataa markii horeba u qalmin ama aan haysan aqoontii ay adeeggaas daryeelka ku bixin lahaayeen. mashruucaan  ayaa dhacay intii u dhaxeysay May 2020 iyo December 2024.

Bishii Febraayo ee sannadkan, Madaxweyne Ku-xigeenka Maraykanka JD Vance ayaa ku dhawaaqay in dawladda federaalku ay si kumeelgaar ah u joojisay dhammaan lacagaha Medicaid ee la siin jiray gobolka Minnesota, inta laga baarayo xadgudubyada ka dhanka ah nidaamka. Baaritaankan waxaa hormuud ka ah guddiga la-dagaallanka tuugada iyo musuqmaasuqa ee uu isagu madaxda ka yahay.

Fadeexaddan maaliyadeed ee Minnesota waxay soo shaacbaxday bishii Janaayo, kadib markii wariye madax-bannaan oo lagu magacaabo Nick Shirley uu muuqaallo ka duubay xarumo daryeel carruureed oo ay maamulaan muhaajiriin Soomaaliyeed, kuwaas oo u muuqday kuwo aan shaqaynayn balse lacago malaayiin dollar ah ka helay dawladda gobolka.

Midowga Yurub oo Xasan iyo mucaaradka u diray dalab la xiriira xiisadda siyaasadeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa ugu baaqay madaxda siyaasadda Soomaaliya inay si degdeg ah dib ugu bilaabaan wada-hadallada lagu raadinayo xal la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka, xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka.

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu xiriir joogto ah la leeyahay dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, isla markaana uu dhiirrigelinayo wada-hadalka sidii waddada ugu habboon loogu xallin karo murannada siyaasadeed ee taagan.

Danjire Di Mauro ayaa sheegtay in Midowga Yurub aanu qaadanayn mowqif dhinac gaar ah lagu taageerayo, balse uu xoogga saarayo sidii dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka loogu qancin lahaa inay miiska wada-hadalka dib ugu soo laabtaan.

“Ma qaadanno mowqif dhinac gaar ah lagu taageerayo. Waxa aan dhiirrigelinaynaa waa wada-hadal,” ayay tiri Danjiraha Midowga Yurub, iyadoo xustay inay aaminsan yihiin in khilaafaadka siyaasadeed lagu xallin karo wada-xaajood iyo is-afgarad laga gaaro arrimaha muranka dhaliyay.

Francesca Di Mauro ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu doonayo in dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay ka qeyb galaan wada-hadallada marka dib loo bilaabo, si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah oo lagu xallin karo ismari-waaga ka taagan geeddi-socodka doorashooyinka.

Danjiraha ayaa mar kale ku celisay baaqa ku aaddan in si degdeg ah dib loogu bilaabo wada-hadallada la xiriira doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo tilmaantay muhiimadda ay leedahay in la helo waddo siyaasadeed oo lagu wajahayo xaaladda cakiran ee taagan.

“Waxaan rabaa inaan ka faa’iideysto fursaddan si aan mar kale u caddeeyo inaan rajeynayno in wada-hadalladu si dhaqso leh dib ugu bilowdaan si loo helo waddo horay loogu socdo oo ku saabsan doorashooyinka Soomaaliya,” ayay hadalkeeda sii raacisay.

Hadalka kasoo baxay Danjiraha Midowga Yurub ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay weli ka jirto xiisad siyaasadeed oo la xiriirta nooca doorashooyinka dalka, doorka saamileyda siyaasadeed iyo baahida loo qabo in dowladda federaalka, mucaaradka iyo dowlad-goboleedyada ay gaaraan is-afgarad mideysan oo lagu wajahayo doorashooyinka soo socda.

Maxaa ka jira in ciidamo dheeraad ah laga dejiyay Dhuusamareeb?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xaaladda guud ee deegaannada dowlad-goboleedka Galmudug ayaa ah mid deggan, xilli saacadihii lasoo dhaafay la isla dhex marayay warar la xiriira dhaq-dhaqaaqyo amni iyo ciidan oo la geeyay caasimadda maamulkaasi ee Dhuusamareeb.

Ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay inaysan jirin ciidamo dheeraad ah oo gaaray magaalada, isla markaana xaaladda amni ay tahay mid deggan.

Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in ammaanka magaalada ay si caadi ah u sugayaan hay’adaha amniga ee heer federaal iyo kuwa dowlad-goboleedka Galmudug.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa tilmaamaya in magaalada aysan ka jirin wax xiisad amni ah, iyadoo sidoo kale halkaasi uu ku sugan yahay madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), oo weli sii wada howlihiisa maamulka.

Dhanka kale, waxaa magaalada iyo guud ahaan Galmudug ka socda dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka soo socda ee maamulkaasi.

Musharixiin dhowr ah ayaa la sheegay inay bilaabeen ololayaal iyo kulamo siyaasadeed oo ay ku doonayaan inay taageero uga helaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta deegaanka.

Doorashada Galmudug ayaa lagu wadaa, sida qorshuhu yahay, inay qabsoonto 20-ka bisha June 2026, markaas oo loo dareeri doono codbixinta doorashada golayaasha deegaanka iyo xubnaha Baarlamaanka dowlad-goboleedka.

Sidoo kale, jadwalka doorashooyinka ayaa muujinaya in doorashada guddoonka Baarlamaanka Galmudug la qaban doono 2-da bisha July, halka doorashada madaxweynaha dowlad-goboleedkaasi loo asteeyay 9-ka July.

Doorashooyinkan ayaa noqon doona kuwii ugu horreeyay ee Galmudug uga dhaca hannaan qof iyo cod ah, waxaana socda diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo diyaar-garowga xisbiyada siyaasadeed ee doonaya inay ka qayb galaan tartanka doorashada.

Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug iyo hay’adaha doorashooyinka ayaa dhinacooda wada dadaallo lagu xaqiijinayo in doorashooyinku ku dhacaan jawi amni iyo xasillooni leh, iyadoo indhaha siyaasadda Soomaaliya ay si gaar ah ugu jeedaan habka ay u qabsoomaan doorashooyinka maamulkaasi.

Trump oo ku hanjabay in uu dhulka la simi doono Cumaan

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii ku hanjabay in uu dhulka la simi doono Cumaan, oo ah xulufo Mareykan ah, haddii ay Iran kala safato arrinta dib u furista marin-biyoodka Hormuz.

Trump ayaa sheegay in Cumaan ay tahay inay “u dhaqanto si wanaagsan”, haddii kale uu “dhulka la simi doono”, xilli la weydiiyay in uu aqbali doono heshiis ku-meel-gaar ah oo Iran iyo dowladda Khaliijka ee Cumaan u oggolaanaya inay maamulaan marin-biyoodkaas.

“Maya, marin-biyoodka waa inuu u furnaadaa qof kasta,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaal intii lagu jiray shir golaha wasiirrada uu kula yeeshay Aqalka Cad.

“Waa biyo caalami ah, Cumaan-na waxay u dhaqmi doontaa sida dadka kale oo dhan, haddii kale waa inaan qarxinnaa. Way fahamsan yihiin taas, way is-toosin doonaan,” ayuu yiri.

Aqalka Cad si degdeg ah ugama jawaabin markii wakaaladda wararka AFP ay weydiisay in Trump uu hadalka si khaldan u yiri, isla markaana uu ula jeeday Iran halkii uu ka magacaabi lahaa Cumaan.

Cumaan ayaa ah xulufo muhiim u ah Mareykanka, waxayna isku dayday inay dhex-dhexaadiso dagaalka Bariga Dhexe, iyadoo sidoo kale hore weerar uga soo gaaray Tehran.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa markii dambe baahisay muuqaal iyo qoraal laga soo qaatay hadalka Trump ee ku saabsanaa Cumaan, iyada oo aan raacin wax sixid ama caddeyn ah.

Trump, oo 79 jir ah, ayaa horraantii isla shirka u muuqday inuu isku khalday Iran iyo Venezuela, kadib markii uu sheegay in dalkaas ku yaalla Koonfurta Ameerika, oo hoggaamiyihiisii Nicolas Maduro ay ciidamada Mareykanka xilka ka tuureen bishii January, “uusan lahayn ciidan badeed iyo ciidan cirka ah” midna.

Trump ayaa marar badan weedho noocaas ah u adeegsaday Iran, oo Mareykanka iyo Israel ay weerareen 28-kii February.

Iran ayaa muujisay inay dooneyso inay xaqiiqo cusub ka abuurto marin-biyoodka Hormuz, oo sida caadiga ah ay maraan shan meelood meel saliidda adduunka, iyadoo doonaysa inay lacag ka qaaddo maraakiibta halkaas maraya, dakhligaasna la wadaagto Cumaan.

Trump ayaa si isa soo taraysa uga carooday dib u dhaca ku yimid wada-hadallada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Bariga Dhexe, laguna furo marin-biyoodka Hormuz, maalmo kaliya kadib markii uu sheegay in heshiis uu dhow yahay.

Xiisadda cusub ayaa muujineysa sida marin-biyoodka Hormuz uu weli u yahay xudunta muranka u dhexeeya Mareykanka iyo Iran, iyadoo hadalka Trump uu markan si toos ah u taabtay Cumaan, oo Washington u aragto xulufo muhiim ah balse sidoo kale xiriir iyo door dhexdhexaadin la leh Tehran.

Dhinaca kale, Washington ayaa sheegtay in howlgallo cusub oo milateri ay ka fulisay gudaha Iran, gaar ahaan meel u dhow Bandar Abbas, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday xarun lagu maamulayey diyaarado aan duuliye lahayn.

Mas’uul Mareykan ah ayaa sheegay in weerarradaas lagu burburiyay diyaarado aan duuliye lahayn iyo xarun maamul, isaga oo ku tilmaamay tallaabo difaac ah oo looga hortagayo khatar ku soo wajahan ciidamada Mareykanka iyo maraakiibta ku sugan gobolka.

Iran ayaa dhankeeda ku eedeysay Washington inay ku xadgudubtay xabbad-joojin jilicsan oo hore loo sheegay inay dhaqan gashay, iyadoo sidoo kale ku adkeysatay in aysan ka tanaasuli doonin shuruudaha ay ku xirtay heshiis kasta oo lagu furayo marin-biyoodka Hormuz.

Trump ayaa maalmihii la soo dhaafay sheegayay in heshiis lagu xallinayo xiisadda uu dhow yahay, balse wuxuu Arbacadii muujiyay caro sii kordheysa kadib markii wada-hadallada ay mar kale istaageen.

Ilaa hadda, Cumaan si rasmi ah ugama jawaabin hadalka Trump. 

Qarax khasaare culus gaystay oo ka dhacay xadka Somalia iyo Kenya

0

Dhadhaab (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxa culus oo maanta ciidamo ka tirsan kuwa Kenya lagula eegtay agagaarka xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ay u dhigeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka Dhadhaab, waxaana lala beegsaday kolonyo ay wateen ciidamada Kenya, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxa uu si gaar uga dhacay waddo ku taal deegaan hoostaga xadka labada dal, iyada oo lasoo wariyay in gebi ahaan uu basbeelay gaariga uu qabsaday qaraxa oo ay saarnaayeen ciidan Kenyaan ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay ugu yaraan 4 askari oo uu ku jiro sarkaal sare, halka ay ku dhaawacmeen 11 kale oo saarnaa baabuurka la qarxiyay.

Maydadka askarta iyo kuwa dhaawacmay ayaa goobta looga daabulay gaadiid, iyada oo la geeyay qaybo kamid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan qaraxa loo adeegsaday, waxayna shaacisay in howlgalka uu u dhacay sidii loogu talagalay.

Xaaladda deegaanka ayaa weli kacsan, waxaana gaaray ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa Kenya oo howlgallo dabagal ka sameeyay halkaasi.

Weerarkan ayaa ku soo aaday, xilli ay ciidamada Kenya ay wadeen roondo amni oo ka dhan ah dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, si ay uga hortegaan suurtagalnimada weeraro ka dhaca xadka.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa gobolka Waqooyi Bari iyo deegaanada u dhow xadka Soomaaliya.

Fal-celin aan caadi ahayn oo ka dhalatay hanjabaadda Saadaq Joon

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay hanjabaad kasoo yeertay Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo xalay soo saaray digniin siyaasadeed oo culus.

Saadaq Joon oo sidoo kale ah sarkaal xilal kala duwan soo qabtay ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, oo ku socda madaxweyne Xasan Sheekh, ku sheegay in nabadda magaalada Dhuusamareeb iyo tan degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho ay isku xiran yihiin, taasi oo loo arkay hanjabaad ku socota madaxweynaha.

“Duq Xasanow, nabadda Dhuusamareeb iyo nabadda Wardhiigley waa isku xiran yihiin, ogoow,” ayuu yiri Saadaq Joon.

Inkastoo uusan si toos ah u magacaabin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, haddana erayga “Duq Xasan” ayaa si weyn loogu fasiray inuu ula jeedo madaxweynaha, gaar ahaan iyadoo qoraalka lagu xirey Dhuusamareeb iyo Wardhiigley, oo ah degmada ay ku taallo Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay wasiirro iyo xildhibaanno ku xiran Villa Somalia oo si kulul kaga falceliyay hanjabaadda Saadaq Joon

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne ayaa ku jawaabay: Saadaq Joon waxaan leeyahay Nabaddii Dhuusamareeb lagu joogay duq Xasan ayaa lahaa Tabar iyo talo Qoorqoor laguma joogin, ragii Wardhiigleyna duqa ayay ku garabyihiin!.

Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul ayaa isna yiri: Saadaq Joonow tanu tii maahan xisaabta ku darso.

Sidoo kale, Wasiir ku xigeenka wasaaradda deegaanka iyo isbeddeka cimilada Soomaaliya Xuseen Cali Xaaji ayaa isna ku jawaabay: Gen saadaq Waxaan rabaa inaan usheego wardhigley iyo galmudug waa soomali labo wadan makala ah duq xasan ayaa Madaxweyne u ah taladiisa ayaa ka socondoonto”.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli warar siyaasadeed ay sheegayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo in hoggaanka Galmudug loo riixo Liibaan Axmed Xasan, oo loo yaqaan Liibaan Shuluq, taas oo loo arko inay qeyb ka tahay loollan cusub oo ka dhex taagan siyaasadda maamulkaas.

Si kastaba, ha’ahaatee qoraalka Saadaq ayaa loo arkay fariin siyaasadeed oo ku socota Villa Somalia, laguna muujinayo in cadaadis ama isku day lagu wiiqayo Axmed Qoorqoor uu saameyn ama rabshado ka dhallin karo meel ka baxsan Dhuusamareeb, gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Cali Wajiis oo Xasan ka dalbaday inuu qabto doorasho deggan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Cali Wajiis) oo kamid ah golaha sare ee Culimada Soomaaliyeed oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khiaafka dowladda iyo mucaaradka.

Cali Wajiis ayaa marka hore Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku amaanay shaqooyinka uu qabtay ee horumarinta qaranka, isaga oo dhanka kale kula taliyay in haatanuu qabto doorasho deggan, si xal loogu helo is-mariwaaga taagan.

“Madaxweyne Xasan waa dhisay awood qaran oo xoog leh waxaa dhiman inuu qabto doorasho degan, weyna soo socotaa insha Allah” ayuu yiri Sheekha.

Sidoo kale, wuxuu mas’uuliyiinta labada dhinac ugu baaqay inay is xakameeyaan, isla markaana ay ka fakiraan saameynta ka dhalan karta hadalladooda.

“Waxaan ugu yeereynaa mas’uuliintu inay koontoroolaan erayada shacabka loo sheegaayo lagana fogaado erayada colaad abuurkaa ee la’isugu jawaabaayo aaladaha warbaahinta iyo baraha Bulshada,” ayuu mar kale yiri Cali Wajiis.

Sheekh Cali Wajiis ayaa si weyn loogu xasuustaa difaacidda Dowladda Xasan, wuxuuna marar badan kasoo muuqday warbaahinta, isaga oo ka hadlaya arrimama siyaasadda, taageerana u muujinaya Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Muqdisho ay ka taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay arrimaha doorashooyinka, isla markaana ay isku hayaan kooxda Villa Soomaaliya iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka ee Dalka.