29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

Guddoomiye Muungaab oo wax ka qabtay khatar weyn oo Muqdisho ka jirtay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray mashruuca istiraatiijiga ah ee biyo-qabadka Warta Siigaale, oo la dhagax-dhigay dabayaaqadii bishii August 2025.

Munaasabadda xarig-ka-jarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ay ka mid yihiin: Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud, Cabdimajid Daahir Aadan, Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, Bilan Bile Maxamuud, maamulka degmada Hodan, iyo mas’uuliyiin kale oo sarsare oo ka tirsan Dowladda Hoose ee Xamar.

“Maanta waxa aan daah-fureynaa mashruuc istiraatiiji ah oo door weyn ka qaadanaya badbaadinta nafaha iyo hantida shacabka caasimadda, gaar ahaan xilliyada roobabka iyo fatahaadaha,” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Waxa uu intaas kusii daray “Warta Siigaale waxa ay si toos ah u adeegtaa toddobo degmo, hirgelinta mashruucanna waa tallaabo muuqata oo lagu xoojinayo amniga iyo nolosha bulshada.”

Biyo-qabadka Warta Siigaale oo leh muhiimad gaar ah, maadaama ay isugu ururaan biyaha toddobo degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir, ayaa waxaa fulisay Dowladda Hoose ee Xamar oo kaashaneysa mashruuca NAGAAD si loo xoojiyo kaabayaasha muhiimka ah ee adeegyada bulshada.

Dhinaca kale, waxaa la qorsheynayaa in si degdeg ah loo guda galo wejiga labaad ee mashruuca, kaasoo diiradda lagu saari doono horumarinta deegaanka ku xeeran, oo ay ka mid yihiin nadiifinta guud, hagaajinta bilicda, iyo ku-beerista dhir si loo xaqiijiyo joogtaynta iyo waaritaanka deegaanka, sida uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Dr. Muungaab:

“Mashruucan ma aha mid halkan ku eg; waxa aan si qorsheysan u sii wadaynaa wejigiisa xiga, si loo ballaariyo adeegyada, loona xaqiijiyo horumar waara oo ay ka faa’iideystaan dhammaan shacabka Gobolka Banaadir.”

Xaaska Trump oo beenisay fadeexad aad loo hadal hayo

Washington (Caasimada Online) – Marwada Koowaad ee Mareykanka, Melania Trump, ayaa Khamiistii si cad u beenisay inay wax xiriir ah la lahayd Jeffrey Epstein ama ay wax ka ogtahay dambiyadii galmada ee loo haystay, iyadoo sheegtay in “sheekooyinkaasi ay gebi ahaanba been yihiin” isla markaana ku tilmaantay eedeymaha lagula xiriirinayo “sumcad dil igu wajahan.”

Bayaan naadir ah oo ay ka akhrisay Aqalka Cad, ayay Melania ku sheegtay in iyada iyo qareenadeedu ay ka soo horjeedaan wax ay ugu yeertay “been abuur aan sal iyo raad toona lahayn” oo ku saabsan xiriirka la sheegay inay la lahayd maalqabeenkii geeriyooday, kaas oo ahaa dambiile galmo oo xiriirkiisa dadka taajiriinta ah, kuwa awoodda leh iyo kuwa caanka ah u adeegsaday inuu ku soo xero-geliyo dhibbanayaashiisa, dambiyadiisana ku qariyo.

“Beenta igu xiriirinaysa ninka fadeexadda ku suntan ee Jeffrey Epstein waa inay maanta soo afjarantaa. Shakhsiyaadka beenta iga faafinaya waa kuwo ka maran mabaadi’da anshaxa, is-dhul-dhigga iyo ixtiraamka,” ayay tiri. Waxay intaas ku dartay inay diiddan tahay isku-dayga xaasidnimada ah ee lagu doonayo in lagu xumeeyo sumcaddeeda.

Farriintan lama filaanka ah ayaa soo baxday xilli seygeeda, Madaxweyne Donald Trump, iyo maamulkiisu ay u muuqdeen inay ugu dambeyn ka gudbeen in ka badan hal sano oo muran ah oo ku gedaamnaa kiiska Epstein, gaar ahaan xilli dagaalka Iiraan uu noqday midka ugu weyn ee looga hadlo Washington.

Hadallada Marwada Koowaad ayaa u muuqda kuwa kiiskan dib ugu soo celiyay fagaaraha siyaasadda, xitaa iyadoo madaxweynuhu uu shacabka iyo warbaahinta ugu baaqay inay ka gudbaan dhacdadan. Dhanka kale, cinwaanka Aqalka Cad ee barta X ayaa dib u baahiyay muuqaalka ay soo dhigtay Marwada Koowaad, iyadoo aan wax faallo ah lagu darin.

Melania Trump ayaa sidoo kale ugu baaqday Koongareeska Mareykanka inuu qabto dhegeysi dadweyne oo diiradda lagu saarayo dadkii ka badbaaday dambiyada Epstein, si ay fursad ugu helaan inay hor istaagaan sharci-dejiyeyaasha, sheekooyinkoodana loogu daro diiwaanka Koongareeska. “Haweeney kasta waa inay heshaa maalin ay sheekadeeda fagaare uga sheegto haddii ay rabto,” ayay tiri. “Markaas, iyo markaas oo keliya, ayaan heli doonnaa xaqiiqada dhabta ah.”

Xubnaha Xisbiga Dimoqraadiga ayaa si degdeg ah uga falceliyay hadallada Melania Trump, iyagoo sheegay inay ku raacsan yihiin baaqeeda ku aaddan dhegeysiga Koongareeska. Xildhibaan Robert Garcia, oo ah sarkaalka ugu sarreeya Dimoqraadiga ee Guddiga Kormeerka Aqalka Wakiilada ee baaraya kiiska Epstein, ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ugu baaqay guddoomiyaha Jamhuuriga ee guddigaas, Xildhibaan James Comer, inuu “si degdeg ah” u muddeeyo dhegeysi dadweyne.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ku kalliftay Marwada Koowaad inay xilligan ka hadasho arrintan. Baaqeeda ku aaddan in arrintan dib loogu celiyo Koongareeska ayaa yimid kaddib markii hay’adaha federaalku ay sii daayeen malaayiin bog oo dokumiintiyo ah oo hoos yimaada Sharciga Daah-furnaanta Faylasha Epstein. Sharcigan ayaa la meel-mariyay kaddib bilooyin ay socdeen cadaadis dadweyne iyo mid siyaasadeed, wuxuuna dowladda farayaa inay soo bandhigto faylasheeda ku saabsan maalqabeenkii dhintay iyo saaxiibtiisii hore Ghislaine Maxwell.

Wasaaradda Caddaaladda ayaa bishii hore sii deysay xog kooban, arrintaas oo ay sharci-dejiyeyaashu ka cawdeen, balse mas’uuliyiinta ayaa sheegay in waqti dheeraad ah loo baahan yahay si dib u eegis loogu sameeyo dokumiintiyo dheeraad ah oo la helay, loona xaqiijiyo inaan la shaacin xog xasaasi ah oo ku saabsan dhibbanayaasha.

Melania Trump ayaa bayaankeeda ku caddeysay in aysan saaxiib la ahayn Epstein ama saaxiibtiisii hore Ghislaine Maxwell, balse ay isku soo gaareen goobo bulsho oo ku yaalla New York iyo Florida. Waxay ku sifeysay jawaab email oo ay u dirtay Maxwell inay ahayd “wada-xiriir caadi ah”, iyadoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah. Waxay tiri: “Jawaabteyda asluubeysan ee email-keeda kama dhigna wax ka badan arrin iska fudud.”

Dokumiintiyada ay sii deysay Wasaaradda Caddaaladda waxaa ka mid ahaa email gaaban oo la diray sanadkii 2002-dii, kaas oo la qariyay magacyada ciddii dirtay iyo ciddii loo diray. Wuxuu ku bilaabanayaa, “Dear G.!” wuxuuna ku dhammaanayaa “Love, Melania,” isagoo ku bogaadinaya qofka loo diray maqaal wargeys oo ka hadlayay “JE.” Email-ka ayaa u qornaa: “Waan ogahay inaad aad ugu mashquulsan tahay inaad u duusho daafaha caalamka. Sidee ahayd Palm Beach? Ma sugi karo inaan halkaas imaado. I soo wac marka aad ku soo laabato NY.”

Email-kaas ayaa la diray isla bishii la daabacay maqaal ku soo baxay Wargeyska New York Magazine oo ka hadlayay Epstein, kaas oo Trump uu maalqabeenkaas ku tilmaamay “nin aad u wanaagsan.” Dokumiintiyada kale ee la sii daayay waxaa ka mid ahaa sawir laga qaaday guriga Epstein oo muujinaya sawirro taxane ah. Sawirkaas dhexdiisa, khaanad ay ku jiraan sawirro kale, waxaa ku jiray sawir ay wada-galeen Trump, Epstein, Melania Trump iyo Maxwell oo muddo dheer xiriir la lahayd Epstein.

Hadalladeeda, Marwada Koowaad waxay dhowr jeer soo hadal qaaday seygeeda. Waxay sheegtay, si ka duwan wararka xanta ah ee jira, in Epstein uusan is-barin iyada iyo Trump, balse ninkeeda ay isku barteen xaflad ka dhacday magaalada New York sanadkii 1998-kii.

Sawirro: Xamza oo ka qeyb-galay tartan orod oo maanta Muqdisho lagu qabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa ka qeyb-galay munaasabadda xiritaanka tartanka orodka ee toddobaadka ciyaaraha nabadda iyo horumarka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale la orday qeyb ka mid ah masaafada 3 kiiloomitir, iyadoo tartankan ay ka qeyb galeen in ka badan 300 oo dhallinyaro orodyahanno ah. Sannadkan, tartanka waxaa loogu magac daray Toddobaadka Nabadda iyo Horumarka Isboortiga.

Markii uu tartanku soo idlaaday, Ra’iisul Wasaaraha ayaa billado iyo abaalmarinno guddoonsiiyay dhallinyaradii kaalmaha hore ka galay tartanka, isaga oo ku bogaadiyay dadaalkooda, kartidooda iyo anshaxa ciyaareed ee ay muujiyeen intii uu socday tartanku.

Wuxuu sidoo kale xusay in ciyaaraha noocan oo kale ah ay door muhiim ah ka ciyaaraan xoojinta nabadda, dhiirrigelinta wadajirka bulshada iyo horumarinta caafimaadka jirka iyo maskaxda ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

Munaasabadda tartankan orodka ah waxaa sidoo kale ka qeyb-galay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Daahir Shire Maxamed, Wasiirka Beeraha, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamed Cabdulqaadir Cali, iyadoo goobjoog uu ahaa Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Qaban-qaabada munaasabaddan ayaa waxaaa iska kaashaday Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Xiriirka Ciyaaraha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa qaabilsan ciyaaraha fudud.

Si kastaba, orodkan ayaa ka tarjumaya horumarka dhanka nabadda ee dalku ku tallaabsanayo iyo isku duubnida dhallinyarada ee rejada wanaagsan ee ku aaddan mustaqbalka dalkeenna iyo horumarka guud ee qaranka.

Jermaine Grant oo loo maxkamadeynayo doorkiisii hogaamineed ee Al-Shabaab

London (Caasimada Online) – Nin u dhashay dalka UK oo 43 jir ah ayaa kasoo muuqday maxkamad isagoo ku eedeysan inuu door hoggaamineed ku lahaa kooxda hubeysan ee Al-Shabaab, oo ah urur xiriir la leh Al-Qaacida iyo kooxda dowladda Islaamiga ah (Daacish).

Jermaine Grant ayaa lagu eedeeyay inuu maamulayay hawlgallada Al-Shabaab in ka badan 16 sano kahor, dabayaaqadii sanadihii 2000-meeyadii. Eedeynta ayaa qeexaysa inuu noqday taliye horin.

Qiimeyn ay sameysay dowladda UK 2025-kii ayaa Al-Shabaab ku tilmaantay “khatar joogto ah” oo ka jirta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, taas oo fulisa “weeraro waaweyn oo caqabad ku ah awoodda dowladda”. Kooxdan ayaa bartilmaameedsata shaqaalaha gargaarka caalamiga ah, saxafiyiinta, ganacsatada iyo hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka soo horjeeda ama iska caabiya.

Grant, oo ku dhashay magaalada London, ayaa sidoo kale wajahaya saddex eedeymood oo ah inuu ka qaybgalay xero tababar komaandoos oo Al-Shabaab ay ku lahayd magaalada Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya, iyo laba eedeymood oo ah inuu qori AK-47 ah u haystay falal argagixiso intii ay socdeen dagaallo ka kala dhacay garoonka cayaaraha ee Muqdisho iyo degmada Kaaraan ee waqooyiga magaalada.

Dhammaan dembiyadan la eedeeyay ayaa la sheegay inay dheceen intii u dhexaysay 31-kii Diseembar 2007 iyo 1-dii Janaayo 2010. Waa xilligii ay Al-Shabaab soo shaacbaxday, ayna ku biireen dagaalyahanno caan baxay oo ay ka mid tahay Samantha Lewthwaite, oo u dhalatay UK, mararka qaarna loo yaqaano ‘Carmaladdii Caddayd’ (White Widow).

Al-Shabaab ayaa markii dambe sheegatay mas’uuliyadda weerarkii 2013 lagu qaaday xarunta ganacsiga Westgate ee caasimadda Kenya ee Nairobi, halkaas oo ay ku dhinteen 67 qof.

Taliyaha ciidanka la-dagaallanka argagixisada ee London, Kris Wright, ayaa sheegay in kiiskani uu muujinayo in ciidanku ay “mar walba daba-geli doonaan qof kasta oo looga shakiyo inuu ku lug leeyahay falal argagixiso, meel kasta oo dunida ka mid ah ama waqti kasta oo la sheego inuu falkaas dhacay”.

Frank Ferguson, oo ka tirsan waaxda la-dagaallanka argagixisada ee Xafiiska Xeer-ilaalinta dowladda (CPS), ayaa sheegay in kooxdiisu ay ka shaqeysay sidii loo xaqiijin lahaa inay jirto “caddeyn ku filan oo kiiskan lagu horgeeyo maxkamadda, ayna dan guud tahay in la sii wado dacwaddan ciqaabeed”.

Kiiskan ayaa dib loo dhigay muddo toddoba maalmood ah si loo helo oggolaanshaha Xeer-ilaaliyaha Guud si dacwadda loo sii wado. Grant ayaa mar kale kasoo muuqan doona maxkamadda Westminster Magistrates Court 16-ka bisha Abriil. Eedeysanaha ayaa xabsiga lagu sii haynayaa, mana la weydiin inuu caddeeyo inuu dembiga qirayo iyo in kale.

Iiraan iyo Sacuudi Carabiya oo markii ugu horeysay wada-hadlay kadib dagaalka

Riyaad (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Amiir Faisal bin Farhan ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Iiraan, Abbas Araghchi, sida ay Khamiistii sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudigu.

Tani waa xiriirkii ugu horreeyay ee si cad loo shaaciyo oo dhexmara labada dal tan iyo markii Iiraan ay weeraro ku qaadday dalalka deriska la ah ee Khaliijka, taas oo aargudasho u ahayd weeraro ay geysteen Israa’iil iyo Mareykanka.

Intii uu socday wada-hadalku, labada wasiir waxay “eegis ku sameeyeen isbeddelladii ugu dambeeyay, iyagoo ka wada-hadlay siyaabaha loo yareyn karo xiisadda si dib loogu soo celiyo amniga iyo xasiloonida gobolka,” sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga.

Wada-hadalkan ayaa dabo-socday ku dhawaaqista xabbad-joojin labo toddobaad ah oo u dhexaysa Iiraan iyo Mareykanka, wuxuuna ku soo beegmay maalmo un ka hor wada-hadalo qorsheysan oo u dhexeeya labada dhinac, kuwaas oo dhammaadka toddobaadkan ka dhici doona caasimadda Islamabad.

Doorka Pakistan iyo saameynta gobolka

Pakistan ayaa muujinaysa inay tahay dhex-dhexaadiye nabadeed oo xallinaya khilaafkan, iyadoo ka faa’iideysanaysa xiriirka deggan ee ay la leedahay Tehraan iyo Washington iyo sidoo kale xuduudaha ay wadaagaan iyo xiriirka dhaqameed ee kala dhexeeya Iiraan.

Amiir Faisal ayaa qayb ka ahaa kulan uu bishii Maarso martigeliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan Ishaq Dar, kaas oo ay sidoo kale ka qayb-galeen dhiggooda dalalka Turkiga iyo Masar, si looga wada-hadlo dejinta xiisadda iyo khilaafka taagan.

Sikastaba, Pakistan iyo Sacuudiga ayaa saxiixay heshiis iskaashi difaac oo istiraatiiji ah sanadkii 2025-ka, taas oo xoojisay xiriirkoodii soo jireenka ahaa, balse sidoo kale xaddidaysa ilaa heerka ay Islamabad garab istaagi karto Tehraan.

Weerarada Khaliijka iyo go’doonka marinka Hormuz

Dhammaan waddamada Khaliijka, oo uu ku jiro Sacuudiga ayaa la kulmay weeraro tan iyo 28-kii Febraayo, xilli Iiraan ay ka aargudanaysay duqeymaha cirka ee Israa’iil iyo Mareykanka.

Iiraan ayaa dhowr jeer weerartay gobolka, waxayna si dhab ah u xanibtay marinka Hormuz (Strait of Hormuz), kaas oo ay caadi ahaan marto qiyaastii shan-meelood meel shidaalka adduunka.

Wax yar uun ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu ku dhawaaqay xabbad-joojinta lala galay Iiraan habeenkii Talaadada ayaa weeraro gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) laga soo sheegay guud ahaan waddamada Khaliijka.

Saacadihii hore ee Arbacada, Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE), Sacuudiga iyo Kuweyt ayaa sheegay inay ku hawlan yihiin sidii ay u soo ridi lahaayeen khataraha ku soo wajahan, iyadoo mar dambe oo maalintaas ahna la soo sheegay in la bur-buriyay gantaallo kale.

Dhuumaha shidaalka ee Sacuudiga isku xira Bariga iyo Galbeedka ayaa sidoo kale Arbacadii lala beegsaday weerar ay fulisay Iiraan, iyadoo lala helay xarumo kale, sida ay warisay wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo wareedyo dhanka warshadaha ah.

Dhuumahan ayaa ah waddada kaliya ee boqortooyadu u dhoofiso saliidda ceyriin, ka dib markii Iiraan ay xirtay marinka Hormuz.

Bishii la soo dhaafay, Amiir Faisal ayaa ka digay in weerarada Iiraan ee Sucuudiga iyo dalalka deriska la ah ay meesha ka saareen wax kasta oo aaminaad ah oo lagu qabi lahaa Tehraan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Iiraan “aysan hadda ahayn saaxiib istiraatiiji ah – waligeedna aysan ahayn”. “Waxay noqon lahayd mid iskaashi lala yeesho haddii ay qaadi lahayd waddo ka duwan tan,” ayuu raaciyay Amiir Faisal.

Garsoore Cartan oo soo hooyay guul taariikhi ah iyo Xasan Sheekh oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan kaddib markii uu noqday garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee ka qayb gala tartanka caalamiga ah ee FIFA World Cup.

Garsoore Cartan ayaa dhigay taariikh cusub, isagoo noqday garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee lagu daro liiska garsoorayaasha hoggaaminaya tartanka Koobka Adduunka 2026, kaas oo lagu qaban doono dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico.

FIFA ayaa si rasmi ah u shaacisay liiska garsoorayaasha, waxaana magaca Cumar Cartan uu ka dhex muuqday kuwa ugu sarreeya ee Afrika u matalaya masraxa caalamiga ah.

“Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa garsooraha heerka caalamiga ah ee Cumar Cabdulqaadir Cartan, oo taariikh cusub u soo hooyay dalkeenna, kaddib markii uu noqday garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee ka qayb gala tartanka caalamiga ah ee FIFA World Cup,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa guushan qiimaha leh ku tilmaamay mid kor u qaadaysa sumcadda Soomaaliya, isla markaana muujinaysa kartida iyo hibada ay leeyihiin dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku hanweyn inay dalkooda ku matalaan fagaarayaasha caalamka.

“Waxaan ku bogaadinayaa dadaalka, xirfadda iyo hufnaanta uu muujiyay garsoore Cumar, isaga oo noqday astaan dhiirrigelin u ah jiilka cusub ee Soomaaliyeed. Hambalyo Cumar, guulo kale oo taariikhdeenna qayb ka noqda ayaan kuu rajeynayaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Si kastaba ha ahaatee, guushan taariikhiga ah ayaa si weyn kor ugu qaadaysa sumcadda Soomaaliya, isla markaana dhiirrigelin u noqoneysa jiilalka cusub ee hamiga leh.

Shirweynaha mucaaradka ee Garoowe oo dib loo dhigay iyo kulamo xasaasi ah oo socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u shaaciyay in dib loo dhigay shirweynihii ay qorsheynayeen in uu qabsoomo 10-ka April 2026, kaas oo hore loogu balansanaa in lagu qabto magaalada Garoowe.

War-saxaafadeed kasoo baxay golaha ayaa lagu sheegay in dib-u-dhigistan ay timid kadib qiimeyn iyo diyaar-garow dheeraad ah oo loo arkay in ay muhiim u yihiin guusha shirka iyo natiijooyinka laga filayo.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa xusay in ay weli ka go’an tahay qabashada shirweyne mideeya bulshada Soomaaliyeed, isla markaana horseeda wadahadal miro-dhal ah oo wax ku ool u ah mustaqbalka dalka.

“Golaha waxaa weli ka go’an xoojinta wada-hadal loo dhan yahay, horumarinta is-afgaradka qaran iyo in dalka laga badbaadiyo qalalaase siyaasadeed iyo firaaq dastuuri ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Goluhu wuxuu caddeeyay in ay muhiim tahay in shirka loo qabto si hufan, loogana soo saaro go’aamo macno leh oo wax ka tari kara xaaladda siyaasadeed iyo is-afgaradka qaran.

Dib-u-dhigista shirweymaha ayaa imaneysa xilli goluhu shirar goos-goos ah uga socdo magaalada Nairobi, kuwaas oo lagu falanqeynayo ajandayaasha muhiimka ah ee shirka weyn iyo xaaladda ka taagan dalka.

Sidoo kale, golaha ayaa qorsheynaya in shirweynaha xiga lagu qabto magaalada Gaalkacyo toddobaadyada soo socda, marka la soo afmeero kulamada haatan ka socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ugu dambayn, Golaha Mustaqbalka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan dadaallada socda, isla markaana ay ka qayb qaataan dhismaha mustaqbal wadajir ah oo ku saleysan midnimo, wadatashi iyo horumar.

Iran oo shaaca ka qaaday tirada uga dhimatay dagaalka Israa’iil iyo Mareykanka

Tehran (Caasimada Online) – Dowladda Iiraan ayaa shaacisay khasaaraha baaxadda leh ee ka dhashay dagaalka ay kusoo qaadeen Mareykanka iyo Israa’iil.

Warbaahinta Iiraan oo soo xiganeysa madaxa hay’adda baarista maydadka ee dalkaas, Abbas Masjedi Arani ayaa sheegtay in in ka badan 3,000 oo qof ay ku dhinteen Iiraan tan iyo markii uu bilowday dagaalka 28-kii Febraayo ee sanadkan.

Mas’uulkan ayaa tilmaamay in tiradan ay tahay mid hordhac ah, isla markaana ay suuragal tahay inay sii kororto maadaama dagaalka uu weli socdo, isla markaana ay jiraan meelo badan oo aan wali si buuxda loo baarin khasaaraha ka dhashay.

Wuxuu intaas ku daray in hay’adda, oo si dhow ula shaqaynaysa waaxda garsoorka ay isugu gaysay dhammaan awooddii iyo agabkii la heli karay si loo maareeyo khasaaraha dhacay, isagoo hoosta ka xariiqay in dadaallada aqoonsiga meydadka ay weli socdaan.

Dhanka kale, hay’adaha madaxa bannaan ayaa soo bandhigaya tirooyin ka duwan kuwa ay bixinayso dowladda Iiraan. Hay’adda Human Rights Activists News Agency (HRANA), oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka ayaa sheegtay in ilaa 7-da April ay diiwaangelisay dhimashada 1,701 qof oo rayid ah, kuwaas oo ay ku jiraan ugu yaraan 254 carruur ah.

HRANA waxay sidoo kale sheegtay in 1,221 askari ay dhinteen muddadaas, halka 714 dhimasho oo kale aan si rasmi ah loo kala saarin, taasoo ka dhigaysa tirada guud mid aad u sareysa marka la isku daro dhammaan qaybaha kala duwan.

Warbixinta HRANA ayaa iftiimisay in dadka rayidka ah ay si gaar ah ugu nugul yihiin weerarrada socda, iyadoo carruurta iyo haweenka ay yihiin kuwa ugu badan ee dhibaatadu gaarto.

Si kastaba, helitaanka xog sax ah oo ku saabsan khasaaraha dagaalka ayaa ah mid aad u adag, maadaama Iiraan ay si weyn u xaddiday gelitaanka warbaahinta caalamiga ah iyo hay’adaha madax-bannaan.

Hay’adaha wararka ee caalamiga ah inta badan looma oggola fiisooyin ay ku galaan Iran, taasoo si weyn u curyaamineysa awooddooda ay si madax-bannaan ugu xaqiijiyaan wararka ka imanaya gudaha dalkaasi.

Intaa waxaa dheer, go’doomin dhinaca internet-ka ah oo muddo dheer socotay ayaa sii xumeysay xaaladda, iyadoo bogga NetBlocks uu sheegay in hakadkaasi uu galay maalintii 41-aad, taasoo adkeynaysa in si hufan loo helo xogta dhabta ah ee ka jirta gudaha Iiraan.

Dalalka Iiraan iyo Mareaykanka ayaa maalintii Talaadada ku dhawaaqay xabad-joojin soconaysa muddo labo toddobaad ah, taas oo ujeedadeedu tahay in waddo loo xaaro heshiis kama dambays ah oo lagu soo afjarayo dagaalka ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen dalka Iiraan 28-kii bishii Febraayo.

Heshiiskaas oo haatan cago badan ku taagneyn kadib sii socoshada weerarrada Israa’iil ee Lubnaan ayaa waxaa qayb weyn ka ahaa dadaallo diblomaasiyadeed oo ballaaran oo ay garwadeen ka ahayd Pakistan.

Heshiiska labada toddobaad ah ayaa dhigayay in la hakiyo weerarrada labada dhinac inta lagu guda jiro muddada xabbad-joojinta, ayna bilaabmaan wada-hadallada lagu raadinayo xal waara.

Milatariga Soomaaliya oo qorsheynaya qabsashada…

0

Maxaas (Caasimada Online) – Ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka wada deegaanno hoos yimaada degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa sheegay in cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ay gaareen dhowr deegaan oo muhiim ah, kuwaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, oo halkaas ka waday abaabul ciidan iyo falal lid ku ah amniga.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada ay sameeyeen baaritaanno iyo howlgallo sifeyn ah oo lagu xaqiijinayo amniga, isla markaana ay isku fidinayaan deegaannada ku teedsan Maxaas.

Saraakiisha ayaa sidoo kale xusay in howlgaladan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo Dowladda Federaalka ay ku dooneyso in dib loogu xoreeyo degmada Maxaas, taas oo bartamihii sanadkii 2025 ay dib ula wareegtay Al-Shabaab, kadib dagaallo culus oo halkaas ka dhacay.

Ciidamada howlgalka fulinaya ayaa waxaa garab siinaya ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda, kuwaas oo si wanaagsan u yaqaanna juqraafi ahaan dhulka, isla markaana door weyn ka qaadanaya hagidda iyo la socodka dhaq-dhaqaaqyada kooxda.

Iskaashiga u dhexeeya Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaa la sheegay in uu sare u qaaday waxtarka howlgalka, iyadoo la tilmaamay in guulo horudhac ah laga gaaray meelaha qaar oo horey ay u maamulayeen Al-Shabaab.

Si kastaba, ciidamada iyo dadka deegaanka ayaa xoojiyay dhaq-dhaqaaqyada amni ee ka wadaan gobolka Hiiraan, oo goobo kamid ah la filayo in ay ka dhacaan doorashooyin qof iyo cod ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda adkaysay muhiimadda ay leedahay sugidda amniga guud ee dalka, iyadoo sheegtay inay dadaal xooggan ku bixinayso sidii looga hortagi lahaa weerarrada Al-Shabaab, loona xaqiijin lahaa xasillooni waarta oo ka hanaqaadda gobollada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh: Hogaamiyaha is-beddelka

Hogaamiyaha isbadalka: Sidiisaba isbadalku waa wax adag, cabsi leh, khatar leh balse ay ku qasban tahay ciddii doonayso in ay horumar samayso.

Madaxwayne Dr Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu goostay in uu si dhab ah  usameeyo isbadal saameeya xaaladda Dalka iyada oo loo marayo waddooyin adag,

Dabcan isaga oo ka faaiidaysanaya khibradiisa uu ku kasbaday xog-ogaalnimada uu ka helay muddo xileedkiisii hore, waqti badan kuma qaadan in uu doorto meelaha ugu muhiimsan ee uu wajahayo si uu u gaaro natiijo lataabankaro una abbaaro meelaha ay tahay in uu waqtigiisa galiyo.

Sanado halgan adag ah ka dib, hadda waxaa timid xilligii natiijada, waxaan Qormadaan ku dul  istaagayaa Sadex arrimood oo ah malaha kuwa ugu waawayn uguna saamaynta badan kuwaas oo hadda natiijadoodu ay bilaabatay in ay saamayso nolosha dadka badashana hab- nololeedkii soo jireenka ahaa.

1- Amniga.

Soo celinta nabadgalyada ayuu u arkay furaha ugu muhiimsan la’aantiisna aan laga fikirikarin inta kale.

Dagaal adag oo Dawladdu ay la gashay kooxaha abuura Amni Darradda oo ay ugu horeeyaan Khawaarijta, Hubka Sharcidarada ah, iyo xoojinta hay’adaha Amniga, hadda isbadal aan lagu muransanayn ayay ku nooloonaayaan Dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan Dadka Caasimadda Muqdisho oo muddo ka badan 40 Sano dareemaya xaaladdii Amni ee ugu wanaagsanayd.

Isbadalkaas amni wuxuu kale oo saameeyay Magaalooyinka waawayn ee Dalka oo dhan oo si aad u wayn ay hoos ugu dhaceen dhibaatooyinkii xagga Amniga, dabcan sababihii keenay guusha iyo jidkii loo maray Qormo kale ayaan ku eegidoonaa.

2- Xasilinta siyaasadda

Aagga labaad ee uu Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud doortay waxeey ahayd in uu badalo xaaladda Siyaasadeed Dalka oo aan muddo dheer samayn horumar muuqda, si la mid ah Amniga, wuxuu ka faaiidaystay fahamkiisa sare ee halka ay sartu ka quransantahay.

Wuxuu gartay in dalku aanu huraynin helista nidaam Siyaasadeed oo waafaqsan Dawladnimada Casriga ah, siinaya fursad Muwaanidiinta, abuurayana fagaare Siyaasadeed oo isku tola Dadka Soomaaliyeed kana saara qoqobka Qabaliga ah si loo helo hanaan wax isku darsi oo aan qabiil ku dhisnayn balse aragti ku dhisan, fursad sal sharci lehna siiya daneeyayaasha Siyaasadda.

Albaabka himiladaas hirgalinteedu wuxuu noqday in la dhamaystiro Dastuurka si loo xaqiijiyo ahdaafta sare ku xusan, gudanaysana waajibaadka soo jireenka ah ee Dawladihii kala dambeeyay 26-kii Sano ee tagtay kuwaas oo dhamaan waajibaadkoodkooda ay ugu horaysay gaarsiinta Dalka nidaam Dawladeed, Dimuquraddi ah, awoodana Shacabku leeyahay loogana gudbo xukunka ku yimaada xeer jajabka.

Si la mid ah xaaladda Amniga, Sanado shaqo adag ah ka dib, Dalku wuxuu u dhaqaaqay Doorasho Dadwaynuhu codaynayaan kuna dhisan Axsaab Siyaasadeed oo aan qabiilaysnayn, talaabadii ugu horaysay 390 Qof oo ah Golaha deegaanka ee Caasimadda ayaa kusoo baxay hanaankaan, hadana Sanaadiiqda cod bixintu waxeey ku firirsanyihiin min cirifka koofureed ee Dalka ilaa cirifka waqooyi halkaas oo la filayo in Dadwaynuhu dooran doonaan hogaamiyayaashooda heer deegaan ilaa Madaxwayne Qaran.

Tanina waa isbadal Siyaasadeed oo dhab ah hagina doona nidaamka Siyaasadeed ee Dalka Mudada soo aaddan insha allaah.

3- Isbadal dhaqaale

Madaxwaynuhu, isaga oo garawsan in si doonista Dadka Soomaaliyeed ay u socoto ay lagama maarmaan tahay in Dalku aanu ku jirikarin gacan hoorsi, taasina ka dhigayso lama huraan in Dalku uu helo ilo dhaqaale isaga oo ka faaiidaysnaya Khayrqadkiisa.

Dhiirasho adag oo la mid ah labada qodob ee kore, wuxuu Madaxwaynuhu dhaqaajiyay ka faaiidaysiga Khayraadka Dalka oo ahayd meel aad looga baqo.

Dagaal adag oo dhinacyo badan ka dib, hadda waxaa bilaabanaya in Soomaaliya soosaarato Khayraadkeedii  ugu horeeyay, mana ahan shaqo saadaaleed ee waa ficil uu socdo fulintiisu.

Sadexda aag ee Qormadaani taabatay kaliya ma ahan meelaha isbadalku uu ka dhacay balse waa kuwa ugu mudan uguna waayn saamayn togan oo muuqatana ku yeeshay hab nololeedka Dadkeenna waana taas sababta aan usoo xushay.

Maxaa sahlay gaarista guulahaan?

Waxaa jira dhawr arrimood oo u baahan in aan xusno, kuwaas oo sal u ah xaqiijinta isbadalkaan adag ee waqtiga kooban,

Arinka koowaad waa in uu Madaxwaynuhu xukunka la wareegay isaga oo leh aragti cad oo qorshaysan, waxaa xigtay in uu doortay Raysalwasaare la aragti ah, kartina u leh in uu dhaqangaliyo aragtida Madaxwaynaha, waxaa xigta xirfadda maaraynta xasaradaha iyo qaadista caqabadaha ee hogaanka Dalka, adkaysiga iyo isku duubnida hogaanka Dalka iyana waa mid mudan iyo ugu danbayn taageerada Shacabka Soomaaliyeed oo muujiyay garab istaag wayn.

Gunaanad.

Arrimahaani waa tusaalooyin muujinaya isbadal dhab ah, tilmaamaya jihada uu Dalku u socdo, qeexaya  doonista sare iyo aragtida dheer ee Hogaanka Dalka ee Maanta, mana ah natiijo faaiidadeedu u gaar tahay Qof, Koox ama Deegaan gaar ah, balse waa kuwa ay mirahooda si isku mid ah u garan doonaan Shacabka Soomaaliyeed.

Waa waddooyin furistooda ay halis badan u qaateen hogaanka Maanta jooga balse hanashada guusha ay harsan doonaan hogaamiyaasha soo socda oo malaha ay ku jirikaraan kuwa Maanta diidan waana Sunnada nolosha qayb ka mid ah.

Fariin Dadwayne.

Shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay, waxaa hortiina timid fulinta qaybo ka mid ah himilooyinkii Dawladeed ee aad u hamuun qabteen Muddo dheer, waxaa soo bidhaamay iftiinkii aad naawilayseen, humaaggii  ayaa soo dhawaaday, daruurtii ayaa dushiina timid, sidaas awgeed, idinka oo aan ku dawakhin doodda  badan ee damac Qofeedku hagayo, hareeraha ka joogsada halganka  gaarista iyo xaqiijinta himilooyinka Qaran iyo hanka Umadeed ee idinka hor muuqda.

W/Q: Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Soomaaliya iyo Talyaaniga oo maanta kala saxiixday heshiis muhiim ah + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Xaaji Aadan iyo danjiraha dowladda Taliyaaniga Amb Pier Mario Dacccoò Coppi oo ay wehliyaan madaxda Hay’adda Talyaaniga u qaabilsan Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah (AICS) ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis muhiim ah oo lagu hirgelinayo mashruuca QEPHS-SOM, kaas oo diiradda saaraya horumarinta adeegyada caafimaadka aasaasiga ah ee dalka.

Saxiixa heshiiska oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa ka qeyb-galay Agaasimaha xilka sii baneynayo ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Abdijaliil, Agaasime Waaxeedyo, iyo qaar ka mid ah howl wadeenada Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, haka dhinaca Taliyaaniga ay munaasabadda saxiixa goobjoog ka ahaayeen madaxa Hay’adda Talyaaniga ee Iskaashiga Horumarinta (AICS), Mudane Fabio Minniti, iyo sarkaal ka tirsan hay’addaas, Mudane Alessandro Dadomo. Dhammaan mas’uuliyiintan ayaa door muhiim ah ka qaatay hirgelinta iyo xaqiijinta heshiiskan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in heshiiskan uu xoojinayo nidaamka caafimaadka dalka, isla markaana uu si toos ah u taabanayo bulshada.

“Heshiiskan ayaa ah tallaabo weyn oo loo qaaday dhinaca xoojinta nidaamka caafimaadka dalka, gaar ahaan adeegyada aasaasiga ah ee bulshada si toos ah u taabanaya. Mashruuca QEPHS-SOM waxaa loogu talagalay in lagu hubiyo in dhammaan bulshada Soomaaliyeed ay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh, la isku halleyn karo, isla markaana loo siman yahay” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale wuxuu intaas kusii darayaa “Waxa uu si gaar ah diiradda u saaraya in la yareeyo farqiga u dhexeeya magaalooyinka iyo miyiga, si adeegyada caafimaad ay u gaaraan meelaha ay baahida ugu badan ka jirto”.

Mashruuca QEPHS-SOM ayaa waxaa si buuxda u maalgelinaya Dowladda Talyaaniga, oo sheegtay inay ka go’an tahay taageeridda horumarinta Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada bulshada ee muhiimka ah sida caafimaadka.

Iskaashigan u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa ah mid taariikhi ah oo muddo dheer soo jiray, waxaana heshiiskan cusub uu xoojinayaa xiriirkaas, isaga oo horseedaya iskaashi wax ku ool ah oo lagu gaari karo horumar waara.

Si kastaba, heshiiskan ayaa wuxuu astaan u yahay dadaalka joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ugu jirto dib-u-dhiska iyo horumarinta nidaamka caafimaadka, iyadoo la xoojinayo iskaashiga caalamiga ah. Waxaa la rajeynayaa in hirgelinta mashruuca QEPHS-SOM ay horseedi doonto isbeddel muuqda oo ku yimaada tayada iyo gaarsiinta adeegyada caafimaadka, taas oo si toos ah u saameyn doonta nolosha malaayiin Soomaali ah, islamarkaana xaqiijin doonta in qof walba uu helo daryeel caafimaad oo ku filan oo uu mudan yahay.

Xogta dagaal uu khasaare kasoo gaaray ciidanka DF oo ka dhacay aagga Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo gelinkii dame ee Arbacadii dhex-maray ciidamada dowladda ee la geeyay magaalada Baydhaba iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo isku fara saaray bannaanka magaalada.

Ilo wareedyo amni ayaa innoo sheegay in ciidamada oo xiligaas ku jiray roondo amni xaqiijin ah ayaa waxaa waxa ay isku dhaceen maleehsiyo ka tirsan Khawaarijta oo iyaguna ku sugnaa halkaas, waxaana kadib dhex-maray iska hor imaad toos ah oo gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ugu yaraan 5 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa ku dhintay dagaalka, sida ay warbaahinta gudaha u sheegeen qaar kamid ah ehellada askarta ku dhimatay iska hor imaadkaas.

Sidoo kale, meydadka askarta ku geeriyootay dagaalkaas ayaa la keenay magaalada Muqdisho, si aas loogu sameeyo, ehelladoodana ayu ogaadaan.

Dhankooda, maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa gaaray khasaare culus oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse lama oga inta uu gaarsiisan yahay.

Xaaladda ayaa saaka deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha dowladda oo ku aadan dagaalka ka dhacay duleedka Baydhaba.

Maalmihii u dambeeyay waxaa kordhayay isku dhacyada ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab, maadaama Baydhaba iyo agagaarkeeda ay dowladdu gaysay ciidamo dheeraad ah oo howlgallo xooggan oo ka wada gudaha magaaladaas.

Markabka qodaya shidaalka Soomaaliya oo soo gaaray dekedda Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa maanta waxaa soo gaaray markabka qodaya shidaalka Soomaaliya ee Çağrı Bey, kaas oo ay soo dirtay dowladda Turkiga.

Markabkan oo la sugayay ayaa la filayaa in madaxda qaranka ay ka qayb-galaan munaasabadda soo dhaweyntiisa, wuxuuna hordhac u yahay maraakiib kale oo imaan doono dalka, kana qayb qaadanayo howlaha qodista shidaalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, markabkan ayaa toddobaadka soo socda u jihaysan doono xeebaha Galmudug, halkaas oo laga dardargelin doono howsha soo saarista shidaalka, maadaama horay looga sameeyay sahanno shidaal, lagana helay.

Markabka ayaa si gaar ah u qodi doono ceel ku yaalla meel qiyaastii 372 kiiloomitir u jirta xeebaha Soomaaliya. Ceelkaas ayaa loo bixiyay “Curad-1”, waxaana la filayaa inuu noqdo mid ka mid ah ceelasha shidaal ee ugu qoto dheer dunida ee badda laga qodo.

Goobta qodista ayaa la xushay kadib markii markabka cilmi-baarista dhulka ee Turkiga, Oruç Reis, uu 234 maalmood ku qaatay ururinta xogta juqraafiyeed ee saddex baloog oo ku yaalla biyaha Soomaaliya. Baaritaannadaas ayaa daboolay aag dhan 4,464 kiiloomitir oo laba jibbaaran, ka hor inta aan khubaradu go’aamin goobtan loo arkay inay tahay meel rajo weyn leh.

Howl-galkan ayaa la shaaciyey in uu socon doono ku dhowaad 10 bilood, taasoo noqoneysa howlgalkii ugu horreeyay ee noociisa ah ee Turkigu ka fuliyo meel ka baxsan xuduudihiisa.

Si kastaba, howl-galka Soomaaliya wuxuu qeyb ka yahay dadaalka ballaaran ee Turkiga uu ku doonayo inuu ku fidiyo sahminta shidaalka iyo gaaska ee dibadda, isla markaana uu ku yareeyo ku tiirsanaanta tamarta dibadda laga soo dejiyo.

Tallaabadan ayaa ah muhiim ah oo muujinaysa horumar la taaban karo, isla markaana kor u qaadaysa rajada laga qabo kobaca dhaqaalaha dalka, ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah, iyo dhisidda mustaqbal barwaaqo leh.

Maxaa kasoo baxay kulankii madaxweyne Xasan Sheekh, Xamza iyo Qoor Qoor?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay madaxtooyada Soomaaliya ka qabsoomay kulan saddex geesood ah oo u dhexeeyay madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul wasaare Xamza iyo madaxweynaha maamulka Galmudug.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka, maadaama dowladda ay qorsheyneyso in ay doorashooyin ka qabato Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.

Ilo wareedyo ku dhow Villa Somalia ayaa innoo sheegay in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaraaraha ay si toos ah Qoor Qoor ugala hadleen qorshahooda ku aadan doorashooyinka tooska ah ee ay madaxtooyadu qorsheyneyso inay ka qabato dalka, si looga fuliyo deegaannada dowlad-goboleedka Galmudug.

Si kastaba dowladda Soomaaliya ayaa maalmo kahor tallaabo milatari u qaaday dhanka Galmudug, iyadoo ciidamo iyo saanad milatari gaysay magaalada Dhuusamareeb, hubkaas oo la sheegay in loogu talagalay ciidamo cusub oo dhawaan tababar loogu soo gabagabeeyey duleedka magaalada.

Kulankan ayaa kusoo aaday, xilli muhiim ah, isla markaana ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay hannaanka doorashooyinka iyo dastuurka.

Dhawaan dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in muddo 28 maalmood gudahood ay Baydhaba uga qabaneyso doorashooyin isku sidkan oo lagu soo dooranayo goleyaasha deegaanka, baarlamaanka iyo madaxweyne cusub.

Waxaa kale oo kadib ku xigi doono maamullada Galmudug iyo HirShabelle, maadaama ay madaxdooda ka dhammaaday muddo xileedkooda, haddana ay isku diyaarinayaan doorashooyin, iyadoo la filan karo inay isbedello dhacaan.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad xasaasi ah oo la xiriirta muranka doorashada iyo xaalad kale oo ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka dalka.

Itoobiya oo RSF ka hubeysa saldhig ku yaalla dalkeeda iyo doorka Berbera oo…

Addis Ababa (Caasimada Online) — Sida lagu xaqiijiyay xogo cusub oo laga helay dayax-gacmeedka, dowladda Itoobiya ayaa si qarsoodi ah taageero milateri u siinaysa Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee Suudaan (RSF), iyadoo arrintaas u adeegsanaysa saldhig ay leeyihiin ciidamada qaranka oo ku yaalla meel u dhow xudduudda.

Cilmi-baarayaal ka tirsan Shaybaarka Cilmi-baarista Bani’aadanimo (HRL) ee Jaamacadda Yale ayaa xaqiijiyay dhaqdhaqaaqyo bilo socday oo muujinaya taageero milateri oo heer sare ah, taas oo ka dhacday saldhig ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) oo ku yaalla bannaanka magaalada Asosa ee galbeedka dalkaas.

Xogtan ayaa bixinaysa caddeyntii ugu horreysay ee rasmi ah oo muuqaal ah, taas oo muujinaysa in Addis Ababa ay si dhab ah u caawinayso kooxdan hubeysan ee dagaalka ba’an kula jirta Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF).

Dagaalka, oo bishii Abriil 2023 ka dhex dillaacay taliyaha ciidamada Suudaan Jen. Cabdulfataax Al-Burhaan iyo hoggaamiyaha RSF Jen. Maxamed Xamdaan Dagalo, ayaa sababay dhibaatadii bini’aadanimo ee ugu weyneyd adduunka, isagoo barakiciyay in ka badan 11 milyan oo qof.

“Tan iyo dayrtii sanadkii hore, waxaa jiray eedeymo sheegaya in Itoobiya ay RSF u oggolaatay inay weerarada ay ku beegsanayaan gobolka Blue Nile ay ka soo qaadaan gudaha Itoobiya,” ayuu Nathaniel Raymond, oo ah agaasimaha fulinta ee Yale HRL, u sheegay warbaahinta Middle East Eye. “Itoobiyaanku keliya ma caawinayaan RSF, balse waxay arrintaas ka sameynayaan saldhig rasmi ah oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya.”

Sawirrada dayax-gacmeedka ee ay falanqeeyeen shaybaarka Yale HRL ayaa muujinaya in taageerada ka imaanaysa saldhigga Asosa ay soo bilaabatay ugu yaraan bishii Nofembar.

Laga soo bilaabo bishii Diseembar ilaa dhammaadkii bishii Maarso 2026, xilli RSF ay xoojisay weeraradeeda xudduudka isaga tallaabaya ee ay ku qaadday gobolka Blue Nile ee Suudaan, baabuurta xamuulka qaada ee ganacsiga ayaa si joogto ah u galayay uguna baxayay saldhigga Itoobiya. Falanqeeyayaasha ayaa bishii Febraayo oo keliya goobtaas ku arkay ilaa 200 oo baabuurta dagaalka ah (tikniko).

Sawirrada ayaa muujiyay in kooxo farsamoyaqaanno ah ay baabuurta aan hubeysnayn ku rakibeen qalab lagu xiro qoryaha waaweyn ee darandoorriga u dhaca ee dhexroorkoodu yahay .50-calibre. Goobta waxaa sidoo kale soo gaaray konteenaro xamuul ah, iyadoo shaqaaluhuna ay halkaas ka taageen shan ilaa 15 teendho oo waaweyn oo qaadi kara ilaa 150 dagaalyahan.

Yale HRL ayaa kormeertay 14 saldhig oo kale oo ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin gobolka, mana aysan helin dhaqdhaqaaq la mid ah kan Asosa, taas oo saldhiggan ka dhigaysa xarun saad oo u gaar ah hawlgalkan. Warbixinta Yale HRL ayaa Asosa ku sifeysay “xudun muhiim u ah saadka” oo ku taal meel ku habboon in lagu bixiyo sahayda, shidaalka iyo dayactirka baabuurta ciidamada RSF ee ka dhex dagaallamaya gudaha Suudaan.

Xiriirka Imaaraadka

Ilo dhanka diblomaasiyadda iyo sirdoonka ah ayaa tilmaamaya inImaaraadka Carabta uu weli yahay naqshadeeyaha ugu weyn ee shabakaddan saadka ee qarsoon.

Imaaraadka ayaa muddo dheer xiriir qoto dheer la lahaa RSF, isagoo horay kooxdan hubeysan ugula shaqeeyay sugidda dhoofinta dahabka Suudaan iyo daadgureynta dagaalyahanno ka qaybgala dagaalka Yemen.

Sawirro iyo muuqaallo intarnetka la soo galiyay ayaa baabuurtan dib-u-habeynta loogu sameeyay Asosa la xiriirinaya magaalada Berbera, oo ah magaalo xeebeed istaraatiiji ah oo ku taalla Somaliland, isla markaana martigelisa saldhig weyn oo uu Imaaraadku leeyahay.

Muuqaallo la duubay dabayaaqadii sanadkii 2025 ayaa muujinaya baabuurta xamuulka oo Berbera ka daabulaya baabuur tikniko ah oo midabbo cad iyo buni leh, kuwaas oo loo waday gudaha Itoobiya. Waddadan saadka ayaa iftiiminaysa isbeddel weyn oo dhanka juquraafi-siyaasadeedka ah oo ka dhacay Geeska Afrika.

Bishii Janaayo 2024, Itoobiya ayaa ka careysiisay dowladda federaalka ee Muqdisho kaddib markii ay heshiis is-afgarad oo muran dhaliyay la saxiixatay Somaliland si ay u hesho marin-biyood. Soomaaliya ayaa intaas kaddib laashay heshiisyadii ay la lahayd Imaaraadka, taas oo sii xoojisay isbahaysiga istaraatiijiyadeed ee saddex-geesoodka ah ee u dhexeeya Abu Dhabi, Addis Ababa iyo maamulka Somaliland.

Xogta la socodka duulimaadyada ayaa sidoo kale muujinaysa dhowr diyaaradood oo nooca xamuulka ee IL-76, kuwaas oo xiriir la leh Imaaraadka, inay ka duuleen Abu Dhabi una kicitimeen garoomo ku yaalla Itoobiya, oo ay ku jirto magaalada Bahir Dar. Garoonka diyaaradaha ee Asosa, Yale HRL ayaa bilaha Febraayo iyo Maarso ku aqoonsatay diyaarado gaadiid ah, oo ay ku jiraan helicopter nooca MI-17 ah iyo diyaarad xamuul oo ah C-130, kuwaas oo la nooc ah kuwa uu adeegsado Imaaraadka Carabta. Xukuumadda Abu Dhabi ayaa marar badan beenisay inay sahay siiso RSF.

Baabuurtii dib-u-habeynta loogu sameeyay saldhigga Itoobiya ayaa si degdeg ah loogu daadgureeyay furimaha dagaalka. Baabuurta tiknikada ee la cabbir, la midab, iyo la hub ah kuwii lagu arkay Asosa ayaa ka soo muuqday muuqaalladii dagaalladii u dambeeyay ee RSF ay ku qaadday Kurmuk, oo ah magaalo xudduudda Suudaan ku taalla, una jirta 100 kiiloomitir oo keliya.

RSF iyo dagaalyahanno xulafo la ah oo ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Shacabka Suudaan ee Waqooyiga (SPLM-N) ayaa dhammaadkii bishii Maarso la wareegay magaalada Kurmuk kaddib dagaal qaraar.

Maxamed Cismaan oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga safiirnimo + Sawirro

0

Abuja (Caasimada Online) – Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, Maxamed Cismaan Maxamed ayaa maanta gudbiyay waraaqaha aqoonsiga safiirnimo, kadib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Nigeria.

Munaasabadda gudbinta waraaqaha aqoonsiga ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay safiirka, isla markaana lagu muujiyay jawi sharaf iyo soo-dhaweyn heer sare ah oo ka tarjumayay xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal.

Intii ay socotay munaasabadda, waxaa si rasmi ah looga guddoomay waraaqaha aqoonsiga ee safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya Nigeria, taas oo calaamad u ah bilaabashada howlihiisa diblomaasiyadeed ee dalkaasi.

Kulan gaar ah oo dhinacyadu ku yeesheen gudaha xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Nigeria ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Nigeria.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa isla qiray muhiimadda ay leedahay in sare loo qaado iskaashiga dhinacyada mudnaanta wadaagga ah, gaar ahaan arrimaha caalamiga ah iyo heer goboleed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay la leedahay Dowladda Federaalka Nigeria.

Tallaabadan ayaa sidoo kale qayb ka ah dadaallada ay Soomaaliya ku ballaarineyso xiriirkeeda diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka qaaradda Afrika.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Nigeria ayaa mar kale adkaysay in ay ka shaqeyn doonto xoojinta iyo horumarinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee labada dal.

Xog: Mudada ay qaadaneyso shidaal qodista Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Markabka shidaalka ka qodaya badda Soomaaliya ee Çağrı Bey ayaa maanta soo soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ka bilaabi doono howlgal qodis ah, oo wax weyn ka beddeli karta mustaqbalka dhaqaale ee Soomaaliya.

Howlgalka ayaa la shaaciyey in uu socon doono ku dhowaad 10 bilood, taasoo noqoneysa howlgalkii ugu horreeyay ee Turkigu ka fuliyo meel ka baxsan xuduudihiisa.

Markabkan, oo bartamihii bishii Febraayo ka soo shiraacday koonfurta Turkiga, ayaa la filayaa inuu soo gabagabeeyo safarkiisii 53 maalmood qaatay, iyadoo Muqdisho lagu qaban doono munaasabad lagu soo dhoweynayo oo uu ka qeyb geli doono Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar.

Kadib marka uu yimaado, markabku wuxuu billaabi doonaa qodista ceel ku yaalla meel qiyaastii 372 kiiloomitir u jirta xeebaha Soomaaliya. Ceelkaas ayaa loo bixiyay “Curad-1”, waxaana la filayaa inuu noqdo mid ka mid ah ceelasha shidaal ee ugu qoto dheer dunida ee badda laga qodo.

Sida ay sheegtay wasaaradda tamarta ee Turkiga, howlgalka qodista ayaa noqon doona mid soconaya 288 maalmood, waxaana laga fulin doonaa biyo qoto-dheerkoodu gaarayo ilaa 3,500 mitir, halka ceelka laftiisa uu sii degi doono ku dhowaad 4,000 mitir oo kale oo ka hooseeya gunta badda. Taas ayaa wadarta qoto-dheerta ka dhigeysa ku dhowaad 7,500 mitir.

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa sheegaya in Curad-1 uu sidaas ku noqon karo ceelka labaad ee ugu qoto dheer adduunka ee badda laga qodo.

Goobta qodista ayaa la xushay kadib markii markabka cilmi-baarista dhulka ee Turkiga, Oruç Reis, uu 234 maalmood ku qaatay ururinta xogta juqraafiyeed ee saddex baloog oo ku yaalla biyaha Soomaaliya. Baaritaannadaas ayaa daboolay aag dhan 4,464 kiiloomitir oo laba jibbaaran, ka hor inta aan khubaradu go’aamin goobtan loo arkay inay tahay meel rajo weyn leh.

Qiyaastii 500 oo shaqaale ah ayaa ka qeyb qaadan doona howlgalka, iyagoo u shaqeyn doona qaab is-wareeg ah. Ciidanka badda ee Turkiga ayaa sidoo kale taageeri doona hawsha, iyadoo maraakiibta TCG Sancaktar, TCG Gökova iyo TCG Bafra ay ilaalin doonaan markabka Çağrı Bey inta uu socdo howlgalka.

Wasiir Bayraktar ayaa ku tilmaamay howlgalkan tallaabo taariikhi ah oo ka tarjumeysa himilada tamareed ee Turkiga, isaga oo sheegay in mashruucani caddeyn u yahay qorshaha Ankara ee ah inay noqoto quwad saameyn ku leh tamarta caalamka.

“Waajibaadka taariikhiga ah ee Çağrı Bey waa astaanta ugu cad ee muujineysa aragtida Turkiga ee ah inuu noqdo ciyaaryahan xooggan oo saameyn leh oo ka dhex muuqda tamarta caalamka,” ayuu yiri Bayraktar.

Wuxuu sidoo kale sheegay in howlgalkaasi uu dan u yahay barwaaqada labada dal, isla markaana uu sii xoojin doono xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya.

Hawlgalka Soomaaliya wuxuu qeyb ka yahay dadaalka ballaaran ee Turkiga uu ku doonayo inuu ku fidiyo sahminta shidaalka iyo gaaska ee dibadda, isla markaana uu ku yareeyo ku tiirsanaanta tamarta dibadda laga soo dejiyo.

Bayraktar ayaa horey u sheegay in Turkigu higsanayo inuu wax-soo-saarkiisa saliidda iyo gaaska gaarsiiyo qiyaastii 500,000 oo fuusto maalintii marka la gaaro 2028, halka bartilmaameedka muddada dheer uu yahay hal milyan oo fuusto maalintii, taasoo lagu gaari doono sahanno gudaha ah iyo iskaashi dibadeed.

Muungaab oo xarigga ka jaray mashruuc muhiim u ah Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta oo Khamiis ah xarigga uga jaray mashruuca istiraatiijiga ah ee biyo-qabadka Warta Siigaale, oo la dhagax-dhigay dabayaaqadii bishii Agoosto 2025,kaas oo muhiim u reer Muqdisho.

Munaasabadda xarig-ka-jarka ee maanta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiye Ku-xigeenka Howlaha Guud, Mudane Cabdimajid Daahir Aadan, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Marwo Bilan Bile Maxamuud, maamulka Degmada Hodan, iyo mas’uuliyiin kale oo sarsare oo ka tirsan Dowladda Hoose ee Xamar.

Duqa Muqdisho oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dhismaha biyo-qabadka Warta Siigaale uu ka qayb-qaadanayo badbaadinta muwaadiniinta iyo hantida shacabka caasimadda, gaar ahaan xilliyada roobabka iyo fatahaadaha.

“Maanta waxa aan daah-fureynaa mashruuc istiraatiiji ah oo door weyn ka qaadanaya badbaadinta nafaha iyo hantida shacabka caasimadda, gaar ahaan xilliyada roobabka iyo fatahaadaha. Warta Siigaale waxa ay si toos ah u adeegtaa toddobo degmo, hirgelinta mashruucanna waa tallaabo muuqata oo lagu xoojinayo amniga iyo nolosha bulshada.” ayuu yiri, Mudane Muungaab.

Sidoo kale, Biyo-qabadka Warta Siigaale oo leh muhiimad gaar ah, maadaama ay isugu ururaan biyaha toddobo degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir, ayaa waxaa fulisay Dowladda Hoose ee Xamar oo kaashaneysa bahwadaagta caalamiga ah si loo xoojiyo kaabayaasha muhiimka ah ee adeegyada bulshada.

Waxaa kale oo la qorsheynayaa in si degdeg ah loo guda galo wejiga labaad ee mashruuca, kaasoo diiradda lagu saari doono horumarinta deegaanka ku xeeran, oo ay ka mid yihiin nadiifinta guud, hagaajinta bilicda, iyo ku-beerista dhir si loo xaqiijiyo joogtaynta iyo waaritaanka deegaanka, sida uu sheegay Muungaab:

“Mashruucan ma aha mid halkan ku eg; waxa aan si qorsheysan u sii wadaynaa wejigiisa xiga, si loo ballaariyo adeegyada, loona xaqiijiyo horumar waara oo ay ka faa’iideystaan dhammaan shacabka Gobolka Banaadir.” ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Si kastaba, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalmahan dambe waday qorsheyaal waa wayn oo lagu hormarinayo caasimada, waxaana dib loo dhisay waddooyin muhiim ah iyo xarumo dadweyne oo ku yaal magaalada Muqdisho.

Soomaaliya oo ku dhawaaqday taageero ku aaddan heshiiska Mareykanka iyo Iran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u soo dhaweysay heshiiska xabbad-joojinta ee Mareykanka iyo Iiraan, iyadoo tallaabadan ku tilmaantay mid muhiim u ah dejinta xiisadaha sii xoogeysanayay ee gobolka iyo caalamka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu muujiyay in heshiiskan uu yahay guul diblomaasiyadeed oo ka tarjumeysa dadaallo miro dhal ah oo lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida, gaar ahaan marka la eego saameynta uu ku leeyahay amniga guud ee dunida.

Soomaaliya ayaa sidoo kale bogaadisay doorka ay qaateen labada dhinac ee xabbad-joojinta gaaray, iyadoo xustay muhiimadda ay leedahay in la dhiirrigeliyo is-xakamayn, wada-hadal iyo xal nabadeed oo lagu dhammeeyo khilaafaadka cakiran ee ka dhex jira dalalka awoodda leh.

“Soomaaliya waxay si gaar ah u muujinaysaa qaddarin qoto dheer oo ay u hayso Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Jamhuuriyadda Turkiga, iyo Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, dadaalladoodii wax-ku-oolka ahaa ee dhexdhexaadinta, kuwaas oo si muuqata uga qeyb qaatay isu soo dhowaanshaha dhinacyada iyo hirgelinta heshiiskan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqday in hirgelinta heshiiskan ay muhiim u tahay xasilloonida marin-badeedka iyo dhaqaalaha caalamka, iyadoo ku baaqday in la sii wado wada-hadallada si loo gaaro nabad waarta oo ku dhisan is-ixtiraam iyo iskaashi.

“Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay taageerto dadaallada caalamiga ah ee lagu xoojinayo nabadda, lagu dhimayo xiisadaha, laguna horumarinayo xasilloonida gobolka.”

Kadib toddobaadyo adag oo uu galay Bariga Dhexe, Mareykanka iyo Iiraan ayaa ku heshiiyay xabbad-joojin ku meel gaar ah oo soconaysa 14 maalmood, taas oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo colaaddii sii xoogeysanaysay ee gobolka.

Heshiiskaas ayaa sidoo kale qayb ka ahaa dadaallo diblomaasiyadeed oo ballaaran, oo ay garwadeen ka ahayd Pakistan, iyadoo lagu heshiiyay in la hakiyo weerarrada labada dhinac inta lagu guda jiro muddada xabbad-joojinta.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxay si diirran u soo dhoweynaysaa ku dhawaaqista heshiiska xabbad-joojinta ee u dhexeeya Dowladda Maraykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, iyadoo u aragta tallaabo muhiim ah, kana tarjumaysa dadaal wax-ku-ool ah oo lagu dejinayo xiisadaha, laguna ilaalinayo nabadda iyo amniga heer gobol iyo heer caalami.

Soomaaliya waxay ku bogaadinaysaa Dowladda Maraykanka doorkeeda hoggaamineed ee ku aaddan dhiirrigelinta is-xakamayn iyo wadahadal.

Waxay sidoo kale bogaadinaysaa doorka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ee taageeridda waddo diblomaasiyadeed oo horseedi karta is-afgarad iyo xasillooni waarta.

Soomaaliya waxay si gaar ah u muujinaysaa qaddarin qoto dheer oo ay u hayso Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Jamhuuriyadda Turkiga, iyo Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, dadaalladoodii wax-ku-oolka ahaa ee dhexdhexaadinta, kuwaas oo si muuqata uga qeyb qaatay isu soo dhowaanshaha dhinacyada iyo hirgelinta heshiiskan.

Iyadoo Soomaaliya ay si dhow ula xiriirto xasilloonida Badda Cas iyo guud ahaan gobolka Khaliijka, waxay adkaynaysaa muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo hirgeliyo loona ixtiraamo heshiiska xabbad-joojinta, waxayna ku baaqaysaa in la sii wado wadahadallo joogto ah, oo miro-dhal ah si loo gaaro xal waara,

Amniga marinnada badda iyo joogtaynta socodka aan kala go’a lahayn ee ganacsiga caalamiga ahi waxay weli laf-dhabar u yihiin xasilloonida gobolka iyo adkeysiga dhaqaalaha caalamka.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale dib u xaqiijinaysaa mowqifkeeda mabda’a ku dhisan ee ku aaddan xallinta khilaafaadka si nabadeed, ixtiraamka madax-bannaanida dowladaha, iyo doorka udub-dhexaadka u ah ee diblomaasiyaddu ku leedahay wax ka qabashada qalalaasaha caalamiga ah.

Soomaaliya waxay sidoo kale adkaynaysaa muhiimadda ay leedahay in si buuxda loogu hoggaansamo mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay, gaar ahaan xallinta khilaafaadka iyadoo la adeegsanayo hannaan nabadeed.

Xabbad-joojintan waa in aan loo arkin gunaanad, balse loo arkaa saldhig muhiim ah oo gogol u ah dhismaha nabad waarta oo ku qotonta wadahadal, is-ixtiraam, iyo masuuliyad wadajir ah.

Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay taageerto dadaallada caalamiga ah ee lagu xoojinayo nabadda, lagu dhimayo xiisadaha, laguna horumarinayo xasilloonida gobolka.

— DHAMMAAD —

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo caawa sameeyay magacaabis

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha KMG ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa caawa soo saaray xeer uu ku magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha ee maamulkaasi.

Xeerkan oo summadiisu tahay LR: 167, kuna taariikheysan 08 April 2026, ayaa lagu magacaabay Maxamed Xuseen Xasan (John) inuu noqdo Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hoggaamiyaha ayaa sheegay in magacaabistan ay ku timid kadib markii uu tixgeliyay baahida loo qabo dar-dargelinta howlaha amniga iyo xoojinta waajibaadka Wasaaradda Amniga Gudaha, iyadoo la eegayo xaaladda amni ee deegaannada maamulka.

Sidoo kale, wareegtada ayaa lagu sheegay in magacaabistan lagu saleeyay dastuurka dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, gaar ahaan qodobbo muhiim ah oo siinaya hoggaamiyaha awoodda magacaabista xubnaha golaha wasiirrada.

Hoggaamiye Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay in la helo hoggaan wax ku ool ah oo la wareega mas’uuliyadda sugidda amniga, si loo xoojiyo xasilloonida iyo kala dambeynta guud ee deegaannada Koonfur Galbeed.

Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha, Maxamed Xuseen Xasan (John) ayaa la filayaa inuu si degdeg ah ula wareego xilka loo igmaday.

Si kastaba, Jibriil Cabdirashiid ayaa hore loogu soo magacaabay hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed wareegto kasoo baxday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, iyadoo weli uu taagan yahay muranka sharciyeed ee la xiriira magacaabistiisa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan awood milatari kula wareegtay maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo uu meesha ka baxay maamulkii Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), oo sheegay inuu is-casilay kadib markii lagala wareegay Baydhabo oo ahayd xaruntii ugu dambeysay ee gacantiisa ku jirtay.

Sida ay tan iyo markaas Dowladda Federaalka u maamuleyso Koonfur Galbeed ayaa muujinaysa in awooddii dowlad-goboleedkan si weyn loo wiiqay, isla markaana si toos ah loogu hoos geeyay dowladda dhexe, taas oo haatan waddo qaban-qaabada doorashooyin qof iyo cod ah oo lagu soo dooranayo hoggaanka cusub ee maamulka.