29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo caawa sameeyay magacaabis

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha KMG ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa caawa soo saaray xeer uu ku magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha ee maamulkaasi.

Xeerkan oo summadiisu tahay LR: 167, kuna taariikheysan 08 April 2026, ayaa lagu magacaabay Maxamed Xuseen Xasan (John) inuu noqdo Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hoggaamiyaha ayaa sheegay in magacaabistan ay ku timid kadib markii uu tixgeliyay baahida loo qabo dar-dargelinta howlaha amniga iyo xoojinta waajibaadka Wasaaradda Amniga Gudaha, iyadoo la eegayo xaaladda amni ee deegaannada maamulka.

Sidoo kale, wareegtada ayaa lagu sheegay in magacaabistan lagu saleeyay dastuurka dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, gaar ahaan qodobbo muhiim ah oo siinaya hoggaamiyaha awoodda magacaabista xubnaha golaha wasiirrada.

Hoggaamiye Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay in la helo hoggaan wax ku ool ah oo la wareega mas’uuliyadda sugidda amniga, si loo xoojiyo xasilloonida iyo kala dambeynta guud ee deegaannada Koonfur Galbeed.

Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha, Maxamed Xuseen Xasan (John) ayaa la filayaa inuu si degdeg ah ula wareego xilka loo igmaday.

Si kastaba, Jibriil Cabdirashiid ayaa hore loogu soo magacaabay hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed wareegto kasoo baxday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, iyadoo weli uu taagan yahay muranka sharciyeed ee la xiriira magacaabistiisa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan awood milatari kula wareegtay maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo uu meesha ka baxay maamulkii Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), oo sheegay inuu is-casilay kadib markii lagala wareegay Baydhabo oo ahayd xaruntii ugu dambeysay ee gacantiisa ku jirtay.

Sida ay tan iyo markaas Dowladda Federaalka u maamuleyso Koonfur Galbeed ayaa muujinaysa in awooddii dowlad-goboleedkan si weyn loo wiiqay, isla markaana si toos ah loogu hoos geeyay dowladda dhexe, taas oo haatan waddo qaban-qaabada doorashooyin qof iyo cod ah oo lagu soo dooranayo hoggaanka cusub ee maamulka.

SOOMAALIYA oo safiir aan degenayn ku yeelanaysa dalka…

0

Minsk (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa safiir aan deggenayn ku yeelanaysa dalka Belarus, kaas oo uu u qaabilsanaanayo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka.

Danjire Maxamuud Subeer ayaa maanta nuqul ka mid ah waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay Wasiir ku-xigeenka koowaad ee Arrimaha Dibadda Belarus, Sergey Lukashevich.

Munaasabadda gudbinta waraaqaha aqoonsiga ayaa ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Belarus, iyadoo si rasmi ah loo soo dhaweeyay safiirka, taas oo muujinaysa bilowga howlaha diblomaasiyadeed ee uu ka fulin doono dalkaas.

Intii ay munaasabadda socotay, Danjire Subeyr ayaa gaarsiiyay Wasiir ku-xigeenka salaan uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka labada dal.

Safiirka ayaa sidoo kale xaqiijiyay ka go’naanshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay danaynayso xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga iyo dhaqanka, si loo helo iskaashi waara oo labada dhinacba anfaca.

Dhankiisa, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Belarus ayaa soo dhaweeyay safiirka cusub, isagoo muujiyay diyaar-garowga dalkiisa ee ku aaddan horumarinta xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya.

Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay horumarinta danaha wadajirka ah, ka qeyb qaadashada xasilloonida gobolka iyo kor u qaadidda iskaashiga heer caalami.

Xabad-joojinta Iran iyo Mareykanka miyey jabtay – Maxaa dhacay heshiiska kadib?

Tehran (Caasimada Online) – Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday inay soo ridday diyaarad casri ah oo nooca aan duuliyaha lahayn (drone) ah oo ay leedahay Israa’iil, xilli ay soo gashay hawada magaalada Lar ee koonfurta dalkaas, xilli dhawaan la gaaray xabbad-joojinta.

Telefishinka dowladda Iiraan oo soo xiganaya bayaan ka soo baxay Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ayaa sheegay in diyaaraddan oo lagu magacaabo Hermes 900 lagu burburiyay hawada gobolka Fars, kadib markii ay haleeshay nidaamka difaaca hawada ee casriga ah ee ciidamadaas.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in diyaaradda si toos ah loo qabtay ka hor inta aysan fulin wax howlgal milatari ah, iyadoo lagu tilmaamay inay ahayd xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida hawada Iiraan.

“Daqiiqado ka hor, diyaarad nooceedu yahay Hermes 900 ayaa lagu dhex qabtay laguna burburiyay hawada magaalada Lar, kadib markii ay haleeshay rasaas ka timid nidaamka casriga ah ee difaaca hawada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka IRGC.

Ciidamada Iiraan ayaa si adag uga digay in soo gelitaanka diyaaradaha ay leeyihiin Mareykanka ama Israa’iil ee hawada dalka—xitaa haddii aysan fulin weerarro toos ah—loo arki doono jebin cad oo ka dhan ah heshiiska xabbad-joojinta, isla markaana ay ka dhalan doonto jawaab adag oo milatari.

Dhacdadan ayaa ku soo aadeysa xilli dhowaan ay Iiraan iyo Mareykanka ku heshiiyeen xabbad-joojin ku meel gaar ah oo soconaysa 14 maalmood, taas oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo colaaddii sii xoogeysanaysay ee gobolka.

Heshiiskaas ayaa sidoo kale qayb ka ahaa dadaallo diblomaasiyadeed oo ballaaran, oo ay garwadeen ka ahayd Pakistan, iyadoo lagu heshiiyay in la hakiyo weerarrada labada dhinac inta lagu guda jiro muddada xabbad-joojinta, ayna bilaabanayaan wada-hadallada.

Si kastaba, dhacdadan cusub ayaa muujineysa nuglaanta heshiiskaas, iyadoo IRGC ay wacad ku martay inay si adag uga jawaabi doonto xadgudub kasta, isla markaana ugu baaqday waddamada Khaliijka inay ka fogaadaan waxa ay ku tilmaantay wada-shaqeynta ay la leeyihiin Washington.

Sawirro: Kenya oo gacanta ku dhigtay dirays ciidan oo loo waday…

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa gacanta ku dhigtay tiro darees ah oo ah kan tuutaha ciidankeeda, kuwaas oo looga shakisan yahay in si qarsoodi ah loogu waday deegaannada ay ku sugan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Qoraal ka soo baxay hay’adaha amniga Kenya, gaar ahaan laamaha sirdoonka ayaa lagu sheegay in agabkan lagu qabtay gudaha xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, oo ah xaafad si weyn u degan yihiin Soomaalida, uuna ka socdo dhaq-dhaqaaq ganacsi oo ballaaran.

Saraakiisha ammaanka ayaa tilmaamay in howlgalka lagu soo qabtay dareeskan uu qeyb ka yahay dadaallo ballaaran oo lagu xoojinayo la-dagaallanka kooxaha hubeysan, isla markaana lagu xakameynayo sahay kasta oo gaari karta.

Howlgalkan ayaa yimid kaddib markii ciidamada Jubbaland ay degmada Dhoobley ku qabteen illaa 25 darees oo ah kan tuutaha ciidanka Kenya, kuwaas oo la rumeysan yahay in loo waday kooxda Al-Shabaab.

Tallaabadaasi ayaa keentay in la bilaabo baaritaanno dheeraad ah oo lagu ogaanayo halka uu ka yimid agabkan iyo cidda ka dambeysa, taas oo ugu dambeyn lagu gaaray goob ku taalla Islii oo lagu keydiyay daraasiin kale oo darees ah.

Ilo amni ayaa sheegaya in goobtaasi ay ahayd meel si gaar ah loogu diyaariyay kaydinta iyo gudbinta agabkaasi, taas oo muujineysa jiritaanka shabakad isku xiran oo ka shaqeyneysay arrintan.

Laamaha amniga Kenya ayaa sheegay inay sii wadi doonaan baaritaannada, ayna ku raad-joogaan dhammaan shaqsiyaadka iyo kooxaha ku lugta leh falalkan, si loo horgeeyo cadaaladda.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli dowladda Kenya ay kordhisay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada xuduudda la wadaagto Soomaaliya, iyadoo dadaal xooggan ku bixinaysa sugidda amniga iyo ka hortagga khataraha amni ee ka imaan kara gudaha iyo dibaddaba.

Sawirro: Xasan oo soo gaba-gabeeyay wada-tashiyada siyaasadeed ee Baydhaba

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaba-gabeeyay wada-tashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo uu la yeeshay mas’uuliyiinta, hoggaanka dhaqanka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta midnimada bulshada, nabadeynta, dardargelinta dowlad dhiska iyo hirgelinta hannaanka dimuqraadiyeynta dalka, kuwaasi oo qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xaqiijinayo midnimo qaran, xasillooni siyaasadeed iyo dowladnimo ku dhisan wadajir iyo ka qaybgal bulsho.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay hoggaanka siyaasadda, odayaasha dhaqanka iyo bulshada Koonfur Galbeed in ay sii xoojiyaan wadajirka, iskaashiga iyo isu tanaasulka siyaasadeed, isla markaana laga fogaado waxkasta oo keeni kara kala qaybsanaan bulsho, si loo ilaaliyo xasilloonida deegaannada, loona abuuro jawi ku habboon horumar iyo dowladnimo waarta.

Kulamadaan, waxaa ka qayb-galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe, Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo mas’uuliyiin kale.

Kulamada Madaxweynaha ee Baydhabo ayaa yimid kaddib isbeddel siyaasadeed oo ka dhacay maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan markii uu meesha ka baxay maamulkii uu hoggaaminayay Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, taas oo abuurtay xaalad u baahan xal degdeg ah. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan dib ugu soo laabanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ilo wareedyo ku dhow madaxtooyada ayaa sheegaya in inta badan dhinacyadii ku lugta lahaa khilaafka laga gaaray is-afgarad hordhac ah, kaas oo horseedi kara hannaan doorasho oo wada ogol ah gudaha maamulka.

Sida qorshuhu yahay, 28-ka bishan April waxaa la qaban doonaa doorashooyin isku sidkan oo lagu soo dooranayo goleyaasha deegaanka iyo xubnaha wakiilada dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaas oo saldhig u noqon doona dhismaha maamulka cusub.

Doorashooyinkan kadib ayaa la filayaa in la guda galo doorashada Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo la sheegayo in ay ka dhici doonto jawi siyaasadeed oo aad u kulul, iyadoo ay jiraan musharixiin dhowr ah oo tartan adag ku jira.

Wararkii ugu dambeeyay ee shidaal qodista Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa lagu wadaa in Jimcaha soo socda uu soo gaaro markabka Turkiga ee qodaya shidaalka ee Çağrı Bey, sida ay xaqiijisay dowladda Soomaaliya.

Sida uu qorshaha yahay 10-ka bishan April ayuu Markabka kusoo xiran doonaa dekedda wayn ee magaalada Muqdisho,  si uu u bilaabo qodistii ugu horreysay ee shidaalka badda Soomaaliya (offshore), sidaasna waxaa maanta ku warantay warbaahinta dowladda.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo ay qaaday Soomaaliya, iyadoo soo saarista shidaalka ay furayso albaab weyn oo lagu kobcinayo kheyraadka dabiiciga ah ee dalkeenna.

Siidoo kale, waxay tani noqonaysaa tiir muhiim u ah dhismaha dhaqaale xooggan, shaqo abuur, iyo nolol ka wanaagsan tan maanta jirta, sida ay sheegayaan khubaradu.

Si kastaba, howlgalkan cusub ayaa noqonaya midkii ugu horreeyey ee qodis shidaal badeed ah oo si rasmi ah uga billowda Soomaaliya, waxaana uu xambaarsan yahay muhiimad dhaqaale iyo mid istaraatiiji ah.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa sanadkii 2024 kala saxiixday heshiisyo la xiriira baarista iyo sahminta shidaalka iyo gaaska, kuwaas oo khuseeya berriga iyo baddaba. Heshiisyadaas ayaa qeyb ka ah dadaalka Ankara ay ku dooneyso inay ku ballaariso ilaha tamarteeda, kuna yareyso ku tiirsanaanta shidaalka dibadda laga keeno.

Çağrı Bey ayaa noqonaya markabkii ugu horreeyey ee qodis ee Turkiga uu ka hawlgeliyo meel ka baxsan dalkiisa, kadib Oruç Reis, waxayna noqotay Soomaaliya.

Sanadihii u dambeeyey Turkiga ayaa xoogga saaray howlaha qodista tamarta, gaar ahaan goobta gaaska ee Sakarya ee badda madow, halkaas oo dalkaas uu sanadkii 2020 ka sameeyey helitaankii ugu weynaa ee gaas dabiici ah taariikhdiisa. Helitaankaas oo lagu qiyaasay ku dhowaad 720 bilyan oo mitir kuyuubik ayaa sidoo kale noqday kii ugu weynaa ee gaas badeed ah ee dunida laga helo sanadkaas.

Waxaa kale oo Turkiga ka mid yahay dalalka saameynta xooggan ku leh Soomaaliya, xilli ay waddamo dhowr ah ku loolamayaan saamaynta istaraatiijiga ah ee dal ku yaalla marin muhiim ah oo isku xira Badweynta Hindiya, Gacanka Cadmeed iyo marin-biyoodka Badda Cas.

Afhayeenka Lafta-gareen oo qoraal xasaasi kasoo saaray xaaladda Koonfur Galbeed

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo ah afhayeenka madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo qoraal xasaasi ah soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaasi,  kadib isbeddelkii dhacay, isaga oo farriin culus u diray shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugaas Xasan ayaa soo jeediyay in khilaafka meel la’iska dhigo, lagana wada shaqeeyo danta guud ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, si looga gudbo xaaladda adag ee taagan.

Sidoo kale, dhalinyarada iyo waxgaradka deegaanka ayaa si toos ah ula hadlay, isaga oo ugu baaqay inay u istaagaan badbaadinta maamulkooda.

“Waxaan ugu baaqayaanaa madaxda, culimada, odayaasha dhaqanka iyo guud ahaan shacabka KGS. in ay gacmaha is qabsadaan. iskana kaashanno amniga, horumarka iyo cadaaladda” ayuu yiri afhayeenku.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammaystiran;-

Bismillaahi Raxmaani Raxiim.

Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

Walaalayaal iyo walaalooyinka sharafta leh ee reer Koonfur Galbeed,
Maanta waxaan idiin la hadlayaa anigoo qalbi furan leh, kana duulaya midnimo, walaaltinimo iyo horumar wadajir ah.KGS

Koonfur Galbeed waa deegaan hodan ku ah taariikh, dhaqan iyo dad karti leh. Waa dhul ay ku wada nool yihiin bulshooyin kala duwan oo leh hal ujeeddo ahna dad nabadeed , iyo mustaqbal wanaagsan. Si kastaba ha ahaatee, horumarkaas wuxuu iman karaa oo keliya marka aan mideyno codkeena, kana gudubno khilaafaadka na kala fogeeya.

Walaalayaal,
Khilaafku waa caadi, laakiin sida aan u xallino ayaa muhiim ah. Waa in aan ka shaqeynaa is-afgarad, wadahadal iyo is-ixtiraam. Qof walba ha ogaado in danta guud ay ka muhiimsan tahay tan gaarka ah.

Dhallinyarada, KGS idinka ayaa mustaqbalka leh. Ka fogaada wax kasta oo kala qeybinaya bulshada, kana shaqeeya waxbarashada , hal-abuur iyo horumar. Haweenka KGS kaalintiinnu waa laf-dhabarta bulshada—ka qeyb qaata dhismaha nabadda iyo kobcinta qoysaska. Iyo nabada

Waxaan ugu baaqayaanaa madaxda, culimada, odayaasha dhaqanka iyo guud ahaan shacabka KGS. in ay gacmaha is qabsadaan. iskana kaashanno amniga, horumarka iyo cadaaladda.

Ugu dambeyn,
Aan xasuusanno in midnimadu tahay awood, kala qeybsanaantuna tahay tabar darro. Haddii aan isku duubnaano, wax walba waan gaari karnaa.

Sidoo kale marna fursad ha usiinina kowa go aansadey burburinta dowlad nimadiina wada jirkiina iyo ahaanshihiina umadeed

Ilaahay ha inaga dhigo kuwo is jecel, is cafiya, kana shaqeeya wanaagga iyo nabadda.
KGS💪🏿

DF ‘oo ku dhacday khalad weyn’ oo la xiriira K/Galbeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Mudane Cismaan Muxiyadiin Shaatax oo wareysi gaar ah siiyay Somali Cable Tv ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda guud ee Koonfur Galbeed, maadaama isbeddel wayn uu ka dhacday maamulkaasi.

Shaatax ayaa sheegay in markii hore uu khalad doorasho sameeyay Cabdicasiis Lafta-gareen, isla markaana tallaabadii xigtay ee ay qaaday dowladda, iyana ay ahayd khalad kale oo wayn, sida uu hadalka u dhigay.

“Annaga waxaa u arkeynaa Lafta-gareen qaabkii uu sameeyay doorashooyinka inay ahayd ahayd khalad tallaabadii ka dambeysay ee ay qaaday DFS inay iyana khalad ahayd maxaa yeelay nidaamka federaalka ayay kasoo horjeedaa” ayuu wareysiga yiri guddoomiye Cismaan Muxiyadiin Shaatax.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dhibkii dhacay lagu xaliyay dhib kale, isla markaana mushkilo horleh laga abuuray Koonfur Galbeed, isaga oo sababta ku sheegay in qaabka loo wado aanay ahayn sharci waafaqsan nidaamka dalka.

Waxaa kale oo uu ku daray “Haddii problem lagu xalliyo problem kale waxaad abuurtay dhibaato kale ee xal ma aadan sameyn kaasna wuxuu sii abuuri doonaa mid kale, runtii waxaan mar kale laga maarmeen in la helo xal waaro”.

Cismaan Shaatax ayaa sidoo kale xusay inay habooneed in lagu dhaqmo dastuurka Koonfur Galbeed, lana ixtiraamo nidaamka federaalka ah, si loo sii wado howlaha maamul ee Baydhaba.

“Madaxweynihii maamulka haddii uu meesha ka tegay waxay ahayd in la fiiriyo waxa uu dastuurkooda qabo oo nidaamkaas wax lagu maamulo. Qaabka ay hadda wax u socdaan waxay u ek-tahay qaab maamul cusub loo sameynaayo iyo nidaam cusub, taas oo meesha ka saareya wixii horay u jiray ayuu mar kale yiri Gudoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan dowladda dhexe ay mashaquulsan tahay dhismaha maamul cusub oo ay u sameyneyso Koonfur Galbeed, waxaana ay u magacowday hoggaamiye kumeel-gaar ah oo maamulka sii wada inta lasoo dooranayo baarlamaan iyo madaxweyne cusub.

Ku dhawaad 100 qof oo laga soo badbaadiyay xarun ku taal Muqdisho kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dab khasaare hantiyeed gaystay oo xalay ka kacay xarun ku taalla magaalada Muqdisho, iyadoo laga soo badbaadiyay ku dhawaad 100 qof.

Dabka ayaa si gaar ah uga kacay xarun dadka Qur’aanka lagu saaro oo ku taalla degmada Hodan, gaar ahaan xaafadda Al-Baraka, taas oo lagu magacaabo Gargaar, halkaas oo habeennadii xalay uu qabsaday dab xooggan.

Howlgal saacado kooban qaatay oo ay sameysay waaxda gurmadka degdegga ah ee Gobolka Banaadir ayaa lagu soo afjaray dabka, iyada oo sidoo kale gurmad caafimaad u fidisay dadkii xanuunsanaa ee ku jiray xaruntaasi.

Sidoo kale, waxaa lagu guuleystay in goobta laga soo saaro ku dhowaad 100 qof, oo ay ku jiraan dad qaba xanuunnada dhimmirka, sida ay muujinayaan sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ee Internetka.

Dabka oo xoogganaa ayaa la xakameeyay, waxaana laga hortegay inuu kusii fido guryaha ku dhow xarunta uu qabsaday oo ku taalla aagga Al-Baraka.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaase xarunta Qur’aan saarka ee Gargaar laga dareemayaa saameynta dabka, iyadoo saaka ay is taagtay shaqadii, maadaama uu dabka gubay qaybo badan oo kamid ah dhismaha xarunta.

Si kastaba, ha’ahaatee gubashada goobaha ganacsiga iyo xarumaha kale ee ku yaal caasimada ayaa marar badan soo laa laabatay, dowladduna ma baarto sababta oo celcelisa dabkan oo gaystay khasaare hantiyeed oo xooggan.

Sweden oo DF siineysa malaayiin dollar oo lagu xiray shuruudda kiis xasaasi ah

Stockholm (Caasimada Online) – Dowladda Sweden ayaa Talaadadii shaacisay istaraatiijiyad cusub oo saddex sano ah oo ay ku taageereyso horumarinta Soomaaliya, taas oo qiimaheedu yahay 630 milyan oo karoon, ama ku dhowaad $65 milyan, iyadoo xirmadan si cad loogu xiray ujeeddo cusub oo la xiriirta socdaalka.

Istaraatiijiyaddan cusub, oo socon doonta muddada u dhaxeysa 2026 illaa 2028, waxay diiradda saari doontaa dhisidda hay’ado dowladeed oo xooggan, xoojinta u adkeysiga dhibaatooyinka iyo masiibooyinka, iyo abuurista nolol-maalmeed wanaagsan oo lagu gaarayo shaqo abuur, ganacsi iyo dhiirrigelinta hal-abuurka ganacsiga, sida ay dowladdu sheegtay.

Si kastaba, wasiirrada Sweden waxay sidoo kale si cad u muujiyeen in qorshahan uu leeyahay ujeeddo siyaasadeed oo ka ballaaran horumarinta, iyadoo Stockholm ay sheegtay in qaabkan cusub uu si dhow isugu xiri doono iskaashiga horumarinta iyo siyaasadda socdaalka.

“Sweden waxay dooneysaa inay taageerto horumarka muddada dheer ee Soomaaliya,” ayuu Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah iyo Ganacsiga Dibadda, Benjamin Dousa, ku yiri bayaan.

“Istaraatiijiyaddan waxaan ku qeexeynaa jihada taageeradeena. Waxay ku saabsan tahay ka qeyb qaadashada dhismaha dowladnimada, horumarinta dimoqraadiyadda, iyo kobaca dhaqaalaha iyadoo loo marayo shaqo abuur, hal-abuur ganacsi iyo ganacsi. Taasi waa waxa lagama maarmaanka u ah in dal uu gaaro barwaaqo sii kordheysa,” ayuu yiri.

“Waxa kale oo istaraatiijiyaddan ku jira ujeeddo cusub oo la xiriirta socdaalka, taas oo muhiim u ah Sweden.”

Go’aankan ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay sii ahaaneyso mid ka mid ah dalalka ay Sweden si toos ah uga taageerto dhinaca gargaarka laba geesoodka ah, xilli dowladda midigta-dhexe ah ay yareyneyso isla markaana dib u qaabeyneyso siyaasaddeeda guud ee horumarinta, iyadoo xoogga saareysa ganacsiga, kobaca dhaqaalaha, maareynta socdaalka iyo dib u celinta muhaajiriinta.

Hay’adaha Sida iyo Folke Bernadotte Academy ayaa fulin doona istaraatiijiyaddan.

Qodobka socdaalka

Xirmada taageerada ee Soomaaliya waxay ka tarjumeysaa isbeddel ballaaran oo ku yimid siyaasadda gargaarka Sweden intii ay jirtay dowladda hadda talada haysa, taas oo ku doodeysa in kharashaadka horumarinta ay tahay in si ka wanaagsan loogu waafajiyo danaha siyaasadda arrimaha dibadda ee Sweden.

Sanadihii u dambeeyay, Stockholm waxay ka guurtay istaraatiijiyado ballaaran oo muddo dheer ah oo dalal gaar ah loogu talagalay, iyadoo doorbideysa yoolal kooban oo si gaar ah loo beegsaday. Sidoo kale waxay si weyn u xoojisay diiradda lagu saarayo isku filnaanshaha, kobac waara iyo maareynta socdaalka.

Bayaanka dadweynaha loo soo saaray si faahfaahsan uma sharxin ujeeddada cusub ee socdaalka Hase yeeshee, waxaa horey u jiray shuruudo Sweden ay ugu xirtay gargaarkeeda oo ah in Muqdisho ay aqbasho Soomaalida aan sharciga haysan ee dib loogu soo celinayo dalka.

Istaraatiijiyadda ayaa leh muhiimad siyaasadeed oo weyn, maadaama ay muujineyso in Sweden ay dooneyso in iskaashigeeda Muqdisho uusan ku koobnaan kaliya baahiyaha horumarineed ee Soomaaliya, balse uu sidoo kale taabto walaacyada Sweden ee ku saabsan socdaalka sharci darrada ah iyo dib u celinta dadka.

Dowladdu waxay sheegtay in istaraatiijiyaddan cusub ay abuuri doonto isku xirka iyo is-waafajinta u dhaxeysa gargaarka iyo siyaasadda socdaalka, taas oo muujineysa sida kaalmada horumarinta ay si isa soo taraysa uga mid noqoneyso ajandaha guud ee siyaasadda dowladda.

Magnus Berntsson, oo ah afhayeenka siyaasadda arrimaha dibadda ee xisbiga Christian Democrats, ayaa sheegay in iskaashigan uu ka caawinayo Soomaalida inay “gacanta ku dhigaan noloshooda, ka baxaan saboolnimada, isla markaana helaan waddo ka fog dagaal, colaad iyo xagjirnimo.”

“Iskaashigu waa inuu noqdaa mid labada dhinacba ay mas’uuliyad cad iska saaran tahay, halka arrimaha socdaalkana si wax dhisaya loo maareynayo,” ayuu yiri.

Fredrik Malm, afhayeenka siyaasadda arrimaha dibadda ee xisbiga Liberals, ayaa isna sheegay in Soomaaliya ay weli wajahayso caqabado waaweyn, islamarkaana taageerada Sweden ay weli tahay mid muhiim ah.

“In diiradda la saaro kobaca dhaqaalaha, ganacsiga iyo horumarinta dimuqraadiyadda waa arrin muhiim u ah in dalku si xooggan ugu istaago  

Mareykanka oo soo saaray digniin ku aadan Xajka sanadkan

Riyadh (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Sacuudi Carabiya ayaa maalintii Talaadada kula talisay muwaadiniinta Mareykanka ah inay dib u eegaan qorshahooda ku aaddan gudashada waajibka Xajka ee sanadkan, iyadoo sabab looga dhigayo xiisadda sii kordheysa ee ka taagan gobolka. 

“Sida ku cad Digniinta Safarka ee Sacuudi Carabiya, iyo xaaladda amni ee taagan iyo hakadka safarrada ee mararka qaar dhacaya awgood, waxaan ku talineynaa in dib u eegis lagu sameeyo ka-qaybgalka Xajka ee sanadkan,” ayay tiri safaaradda.

Safaaradda ayaa intaas ku dartay: “Laga billaabo 18-ka Abriil, dadka isku dayaya inay galaan magaalada Makka waxaa laga rabi doonaa inay muujiyaan oggolaanshaha Xajka, aqoonsi degenaansho oo laga bixiyay Makka, ama oggolaansho shaqo oo Makka ah oo shaqeynaya. Dadka haysta fiisooyinka kale waa inay Makka isaga baxaan ka hor 18-ka Abriil.”

Xajka ayaa ah tiirka shanaad ee diinta Islaamka – waana cibaado ay tahay inay gutaan dhammaan muslimiinta awoodda dhaqaale u leh, ugu yaraan hal mar noloshooda.

Safaaradda ayaa sidoo kale ugu baaqday muwaadiniinta Mareykanka ah inay dib u eegaan safarrada ay ku tagayaan dalka Sacuudi Carabiya gabi ahaanba.

Xiisadaha gobolka ayaa sii xoogeysanayay tan iyo markii Israa’iil iyo Mareykanku ay weerar ku qaadeen Iiraan 28-kii bishii Febraayo, taasi oo dagaal culus ka dhalisay guud ahaan gobolka.

Xukuumadda Tehran ayaa uga jawaabtay duqeymo aargoosi ah oo isugu jira diyaaradaha drones-ka iyo gantaallo oo ay la beegsatay Israa’iil, Urdun, Ciraaq iyo dalalka Khaliijka ee martigeliya saldhigyada milateri ee Mareykanka.

Weerarradaas ayaa sababay khasaare nafeed iyo burbur gaaray kaabayaasha, iyagoo sidoo kale carqaladeeyay suuqyada caalamka iyo isku-socodka duulimaadyada.

Madaxweyne Trump ayaa xalay ku dhowaaqay inuu ogolaaday in muddo laba toddobaad ah la hakiyo weerarrada lagu hayo Iran, taas oo ku xiran in si “degdeg ah” dib loogu furo marin-biyoodka Istiraatiijiga ah ee Hormuz, isagoo xusay horumar laga sameeyay soo jeedin 10 qodob ka kooban oo ka timid Tehran.

Go’aankiisa ayaa yimid kadib maalmo uu sii adkeeyey hadalladiisii kululaa ee ku wajahnaa Iran, isagoo ku hanjabay inuu baabi’in doono gebi ahaan ilbaxnimada dalkaas, haddii Tehran aysan ka yeelin dalabaadkiisa kahor 8-da fiidnimo ee Talaadada.

Mareykanka iyo Iiraan oo gaaray heshiis xabad-joojin

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii ku dhawaaqay xabbad-joojin laba toddobaad ah oo lala galay Iran, wax ka yar laba saacadood ka hor waqtigii kama dambaysta ahaa ee uu u qabtay Tehran inay dib u furto marin-biyoodka Hormuz ama ay wajahdo weerarro ba’an oo lagu qaado kaabeyaasha rayidka.

Ku dhawaaqista Trump ee barta Truth Social ayaa noqotay isbeddel degdeg ah, maadaama horaantii isla maalintaas uu jeediyay hanjabaad culus oo uu ku sheegay in “ilbaxnimo dhan ay caawa dhiman doonto” haddii aan la fulin shuruudihiisa.

Iran ayaa dhankeeda sheegtay in wada-hadallo u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ay Jimcaha ka bilaaban doonaan magaalada Islamabad ee Pakistan, iyadoo ra’iisul wasaaraha Pakistan lagu tilmaamay mid ka qeyb qaatay dhexdhexaadinta xabbad-joojinta.

Telefishinka dowladda Iran ayaa sheegay in Trump uu aqbalay shuruudaha Tehran ee lagu soo afjarayo dagaalka, isagoo arrintaas ku tilmaamay “dib u gurasho ceeb leh” oo ku timid madaxweynaha Mareykanka.

Trump ayaa sheegay in heshiiska daqiiqadihii ugu dambeeyay la gaaray uu ku xiran yahay in Iran ay oggolaato inay hakiso xanibaadda ay ku hayso shidaalka iyo gaaska mara marinka Hormuz, oo caadiyan qaada ku dhowaad shan meelood meel saliidda caalamka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Araghchi, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Tehran ay joojin doonto weerarrada aargoosiga ah, isla markaana ay oggolaan doonto marin ammaan ah oo laga helo Hormuz.

“Tani waxay noqon doontaa xabbad-joojin laba dhinac ah,” ayuu Trump ku qoray Truth Social. “Sababta aan sidaas u sameyneyno waa inaan horey u gaarnay, xitaa dhaafnay, dhammaan yoolalkii militari, isla markaana aan meel fog ka marayno heshiis rasmi ah oo ku saabsan nabad waarta oo lala gaaro Iran, iyo nabadda Bariga Dhexe.”

Dagaalka, oo hadda galay toddobaadkiisii lixaad, ayaa galaaftay in ka badan 5,000 oo qof ku dhowaad toban dal ah, waxaana ku jira in ka badan 1,600 oo rayid ah oo Iran ku dhintay, sida ay muujinayaan tirooyin ay soo saareen dowlado iyo ururrada xuquuqda aadanaha.

Xabbad-joojinta oo ku xiran Hormuz

Laba sarkaal oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa xaqiijiyay in Israel ay iyaduna aqbashay xabbad-joojinta labada toddobaad ah, islamarkaana ay joojin doonto duqeymaha ay ku hayso Iran. Warbaahinta Israel ayaa werisay in xabbad-joojintu dhaqan geli doonto marka Iran ay dib u furto Marinka Hormuz, isla markaana Israel ay filayso in weerarrada Iran ay sii socon karaan inta u dhexeysa waqtigaas.

Trump, oo toddobaadyadii u dambeeyay soo jeediyay hanjabaado dhowr ah oo uu mar dambe ka laabtay, ayaa sheegay in horumarka laga sameeyay wadahadallada uu ku qanciyay inuu aqbalo xabbad-joojinta. Wuxuu xusay in Iran ay soo bandhigtay qorshe 10 qodob ah oo uu ku tilmaamay “saldhig shaqeyn kara” oo wadahadalka lagu sii ambaqaadi karo, isla markaana uu filayo in heshiiska si rasmi ah la dhameystiro muddada labada toddobaad ah.

Suuqyada caalamka ayaa si degdeg ah uga falceliyay warka, iyadoo mustaqbalka saamiyada Mareykanka uu kor u kacay daqiiqado kadib fariinta Trump. Qiimaha saliidda ayaa si weyn hoos ugu dhacay, iyadoo saliidda cayriin ee Mareykanka ay hoos u dhacday wax ka badan 17 boqolkiiba, islamarkaana noqotay $92 fuustadii.

Ku dhawaaqista Trump ayaa soo afjartay maalin si weyn loo buunbuuniyay, taasoo badankeed ay hareeyeen hanjabaaddiisii ahayd inuu burburin doono buundo kasta iyo warshad kasta oo koronto oo ku taalla Iran haddii aan dib loo furin Marinka Hormuz.

Hadalkaas ayaa cabsi geliyay hoggaamiyeyaasha caalamka, ruxay suuqyada tamarta iyo dhaqaalaha, wuxuuna dhaliyay cambaareyn ballaaran, oo ay ku jirto mid ka timid xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo Pope Leo.

Qaar ka mid ah khubarada sharciga caalamiga ah ayaa sheegay in weerarro aan kala sooc lahayn oo lagu qaado kaabeyaasha rayidka ay noqon karaan dambiyo dagaal.

Xirnaanshaha Marinka Hormuz, oo caadiyan ay maraan ku dhowaad shan meelood meel sahayda shidaalka dunida, ayaa si weyn kor ugu qaaday qiimaha saliidda, taasoo sii kordhisay halista hoos u dhac dhaqaale oo caalami ah.

Hay’adda Macluumaadka Tamarta ee Mareykanka ayaa Talaadadii hore uga digtay in qiimaha shidaalka uu weli sii kici karo bilo badan xitaa kadib marka marinka dib loo furo.

Iyadoo ololaha doorashooyinka dhexe ee Mareykanka uu sii kululaanayo, heerka taageerada Trump ayaa gaaray halkii ugu hooseysay, taasoo xisbiga Jamhuuriga gelisay halis ah inuu lumin karo gacan ku heynta Kongareeska.

Ra’yi ururinno la sameeyay ayaa muujinaya in inta badan shacabka Mareykanka ay kasoo horjeedaan dagaalka, isla markaana ay ka caroodeen qiimaha shidaalka oo sare u kacay.

Sawirro: Rag hubeysan oo weeraray qunsuliyada Israa’iil ee magaalada Istanbul

Istanbul (Caasimada Online) – Booliska Turkiga ayaa “ka hortagay” saddex dabley ah, is-rasaaseyn maanta ka dhacday bannaanka qunsuliyadda Israa’iil ee Istanbul, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta, iyadoo hal weeraryahan la dilay laba kalena si xun loo dhaawacay.

Telefishinka CNN Turk ayaa weriyay in booliisku markii hore ku amreen ragga hubeysan inay istaagaan xilli ay kusii jeedeen dhismaha ay ku taallo qunsuliyadda, balse rasaas ay is weydaarsadeen ay qaraxday kadib markii ay diideen amarkaasi.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in raggan la rumeysan yahay inay isku dayayeen inay gaaraan dhismaha qunsuliyadda, islamarkaana ay u gudbaan dabaqa ay ku yaallaan xafiisyada diblomaasiyadeed ee Israa’iil.

“Waxaa la joojiyay saddex ruux oo hubeysan oo weerar la galay ciidanka booliiska ee heeganka ku jiray afaafka hore ee Yapı Kredi Plaza Blocks ee Istanbul. Intii uu socday iska horimaadka, laba ka mid ah askarteenna geesiyaasha ah ayaa dhaawacyo fudud soo gaaray,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga Mustafa Ciftci.

“Aqoonsiga argagixisada waa la caddeeyay. Waxaa la ogaaday in shakhsiyaadka, oo Istanbul ku yimid gaari kireysan oo ka yimid Izmit, uu ku jiro mid xiriir la leh urur diinta ka faa’iideysta; sidoo kalena waxaa la xaqiijiyay in mid ka mid ah labada argagixiso, oo ah walaalo, uu leeyahay diiwaan maandooriye,” ayuu yiri wasiirku.

In kasta oo wasiirka arrimaha guduhu uusan si toos ah u magacaabin, mas’uuliyiinta ayaa sheegay in mid ka mid ah eedeysanayaasha uu xiriir la lahaa kooxda Daacish.

Izmit iyo deegaannada ku dhow, oo ay ku jirto Yalova, ayaa loo arkaa goobo ay ku badan yihiin dad taageersan Daacish.

Bishii December, iska horimaad culus ayaa ka dhacay guri ku yaalla magaalada Yalova intii lagu jiray howlgal lagu beegsanayay tuhmaneyaal lala xiriirinayo Daacish, waxaana halkaas ku dhintay saddex askari oo booliis ah. Lix tuhmaneyaal ah ayaa sidoo kale la dilay.

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa sanadkii hore dalka oo dhan ka fuliyay howlgallo dhowr ah, kuwaas oo lagu qabtay dad badan oo lagu tuhunsanaa inay xiriir la leeyihiin kooxdaas hubeysan.

Sarkaal Turkish ah oo lagu magacaabo Hasan Oymez ayaa sheegay in mas’uuliyiintu aysan weli hubin in qunsuliyadda Israa’iil ay ahayd bartilmaameedka ugu weyn, maadaama ay maran tahay, iyadoo baaritaanno lagu ogaanayo sababta rasmiga ah ay weli socdaan.

Oymez ayaa sheegay in magacyada tuhmaneyaasha la kala yiraahdo O.C., E.C. iyo Y.E.S.

“Labada walaalaha ah, O.C. wuxuu leeyahay taariikh la xiriirta isticmaalka daroogada,” ayuu yiri. “Gaariga waxaa lagu kireystay magaca E.C., kaas oo aan lahayn wax diiwaan dambiyeed ah. Waxaa sidoo kale la ogaaday xiriir telefoon oo xooggan oo dhexmarayay saddexda qof.”

Sarkaalka ayaa intaas ku daray in Y.E.S. meydkiisa la helay kadib iska horimaadka.

Muuqaallo iyo sawirro kale oo laga duubay goobta dhacdada ayaa muujinaya in tuhmaneyaashu ay wateen qoryo waaweyn iyo boorsooyin dhabarka lagu qaato, taas oo muujineysa inay u diyaarsanaayeen inay muddo dheer la dagaallamaan ciidamada ammaanka.

Wasiirka Cadaaladda Turkiga Akin Gurlek ayaa isna sheegay in dhowr xeer-ilaaliye loo xil saaray baaritaanka weerarkaasi.

Qunsuliyadda Israa’iil ayaa marneyd tan iyo markii Israa’iil ay dib uga yeeratay shaqaalaheeda diblomaasiyadeed iyo kuwa qunsuliyadeed ee Turkiga sababo la xiriira amniga, kadib weerarkii Xamaas hoggaamineysay ee dhacay 7-dii Oktoobar 2023.

Ciidamada booliiska Turkiga ayaa sidoo kale tan iyo 2023 xoojiyay ammaanka xarumaha Israa’iil ku leedahay Istanbul iyo Ankara.

Xiisadda u dhaxeysa Turkiga iyo Israa’iil ayaa sare u kacday sababo la xiriira dagaalka Israa’iil ka waddo Gaza. Ankara ayaa sidoo kale ka soo horjeesatay, islamarkaana isku dayday inay joojiso dagaalka ay Maraykanka iyo Israa’iil ku wadaan Iran.

Maxaa kasoo baxay kulankii uu Xasan Sheekh la yeeshay golaha wasiirada K/Galbeed?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa maanta magaalada Baydhaba shir kula yeeshay golaha wasiirrada maamulkaas iyo taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, dardargelinta howlaha xasillinta, sugidda amniga, la dagaallanka argagixisada, gurmadka abaaraha iyo isku dubbaridka dadaallada dowladeed ee lagu xaqiijinayo nabad iyo horumar waara oo ka hanaqaada guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.

Inta uu kulanka socday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warbixinno faahfaahsan ka dhageystay wasiirrada Koonfur Galbeed iyo masuuliyiinta amniga dalka oo ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee maamulka iyo amniga deegaannada Shabeelaha Hoose Baay iyo Bakool

Madaxweynaha ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay mideynta awoodda Dowladda Federaalka iyodDowlad goboleedka, si loo dardar geliyo adeegyada bulshada, dib u dhiska hay’adaha maamulka iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha deegaanka.

Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu maanta madaxweynuhu la yeeshay guddoomiyaha degmada, ahna duqa Baydhaba, Cabdullaahi Cali Watiin, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee magaalada, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarka iyo adeegyada bulshada ee ay u baahan yihiin shacabka ku nool magaalada.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa duqa degmada ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda amni ee magaalada, dadaallada socda ee lagu xoojinayo nabadgelyada, horumarka laga sameeyey adeegyada aasaasiga ah iyo caqabadaha wali taagan ee u baahan taageero dheeraad ah.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa amar cusub dul dhigay hay’adaha dowladda, isaga oo faray in la dardargeliyo hirgelinta mashaariicda horumarineed iyo barnaamijyada gurmadka, si loo xoojiyo adkeysiga bulshada loona horumariyo kaabeyaasha nolosha ee magaalada

Waxaa kulanka ka qayb-galay guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Xoosh.

War kasoo kordhay xarigga guddoomiyihii Xamarweyne

Muqdisho (Caasimada Online) –  Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa xabsiga laga sii daayay guddoomiyihii degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, Cismaan Muriidi Cali oo maanta loo taxaabay xabsiga dhexe ee Xamar, kadib amar diido uu sameeyay.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in guddoomiyaha  lasoo daayay goordhow, kadib markii ay xarigiisa amartay maxkamadda gobolka Banaadir oo ku eedeysay in uu hor istaag ku sameeyay fulin maxkamadeed oo ku aadan dhul ku yaalla gudaha degmada Xamarweyne.

Sidoo kale, xafiiska Xeer ilaalinta oo maanta loogu yeeray guddoomiye Cismaan ayaa ku wargeliyay xariggiisa, sidaas ayaana loogu gudbiyay xabsiga dhexe, inkastoo saacado kadib uu dib u helay xorriyaddiisa.

Si kastaba, dadaallo ay sameeyeen mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir, xildhibaanno iyo dad kale oo wax-gal ah ayaa lagu soo daayay guddoomiyaha, taas oo ka badbaadisay in caawa uu ku hoydo xabsiga dhexe ee Xamar.

Horay guddoomiye Cismaan Muriidi ayaa usoo saaray warsaxaafadeed uu ku diidayo sida uu sheegay  boob lagu hayo dhulalka danta guud ee ku yaalla degmadaas.

“Hal Taako oo ka mid ah goobaha danta guud ee Xamar Weyne Sinaba looma dhisan doono. Xeer Ilaalinta iyo hay’adaha kale ee khuseeya iigu yeera subax kasta, waa diyaar waqtina waan siinnayaa, Xushmad aad u wayn ayaan u hayaa hey’adaha garsoorka, Hase yeeshee, taas micnaheedu ma aha in aan ka tanaasuli doono ilaalinta hantida dadweynaha, Waajibkayga iyo mas’uuliyadda iga saaran Xamar Weyne marna kama laabanayo” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda, oo ah awoodda ugu sarreysa ee ilaalinta nidaamka, sharciga, iyo hantida guud, Go’aan kasta oo la xiriira masiirka iyo hantida dadweynaha, Madamaa wakiil uga ahay, cid sedexaad oo aan ka aqbaleyno wado danta guud ah iney dhisato majiri doonto”.

Si kastaba, ha’ahaatee xariga saacadaha qaatay ee loo gaystay guddoomiyaha maamulka degmada Xamarweyne ayaa dhaliyay hadal-heyn xooggan, maadaama si weyn loogu falanqeeyay baraha bulshada ee Internet-ka

Why Baidoa may prove a costly win for Somalia’s president

Baidoa, Somalia – Somali President Hassan Sheikh Mohamud’s swift military ousting of a defiant regional leader has delivered an immediate victory, but analysts warn that the use of force could derail a broader national election agreement.

Federal forces entered Baidoa on March 30, prompting the resignation of South West state president Abdiaziz Hassan Mohamed, widely known as Lafta-Gareen.

After resigning, Lafta-Gareen fled to Nairobi, bringing to an end a bitter political standoff that had threatened to plunge the region into violence.

Moving to capitalise on the military success, Mohamud arrived in Baidoa on Friday for talks on the future of South West state, seeking to consolidate federal power as Mogadishu moves to oversee a transition toward direct elections.

In a newly published assessment, International Crisis Group (ICG) senior analyst Omar Mahmood said the military takeover had ended one confrontation but opened a volatile new chapter.

“The federal government’s victory in Baidoa appears to be the first major act in what promises to be a turbulent election cycle,” Mahmood wrote.

Military advance

The intervention followed weeks of rising tensions after Lafta-Gareen defied Mogadishu and hastily organised a snap re-election to secure another term.

In response, Mohamud sent military reinforcements from Buur Hakaba, a town 65 kilometres (40 miles) from Baidoa, where anti-Lafta-Gareen militias had mobilised.

Federal forces battled Al-Shabaab militants along the route before entering Baidoa, where Lafta-Gareen’s local forces largely stood down rather than fight.

The ICG said the regional leader’s political miscalculations had ultimately cleared the way for the bloodless takeover.

“Lafta-Gareen’s ham-fisted attempt to secure another term had also alienated communities in Southwest state who might otherwise have resisted Mogadishu’s troop deployment,” Mahmood noted.

Lafta-Gareen had also relied on Ethiopian troops stationed in Baidoa for more than a decade under the African Union mission for protection.

Instead, Addis Ababa chose to placate the federal government in Mogadishu rather than back its sub-national ally.

‘Inevitably delayed’

Emboldened by the success, Mogadishu is now expected to press ahead with electoral reforms, using South West state as the first testing ground for Mohamud’s push for universal suffrage.

At the heart of the crisis is the federal government’s ambition to move Somalia away from its complex, clan-based indirect voting model and introduce direct voting at district, state, and national levels.

Parliament approved sweeping constitutional changes last month that the government says are essential to establish the new system.

However, the opposition says the government pushed through the amendments without the broad consensus Somalia’s fragile federal model requires.

“Opponents decry the fact that national elections, due by 15 May, are under-prepared and will inevitably be delayed,” the ICG report warned.

The Baidoa crisis marks the collapse of an uneasy political alliance that once underpinned the president’s reform strategy.

When Mohamud was first elected, he relied heavily on state leaders to support his push for constitutional revisions, in return endorsing indefinite delays to state elections.

That pact extended Lafta-Gareen’s term well beyond its original 2022 end date.

But the relationship fractured after Lafta-Gareen grew concerned that Mohamud was quietly backing opposition politicians within South West state in an attempt to reshape it from within, prompting him to openly challenge Mogadishu’s reform agenda.

Negotiation over force

For Mohamud, the federal success in Baidoa removes a major regional obstacle to his agenda and allows Mogadishu to shape events directly in one of Somalia’s most important states.

But political observers warn that the aggressive tactics will deepen mistrust among other regional leaders, who already believe the central government is imposing reforms through military leverage.

“Mogadishu’s decision to deploy armed forces to Southwest does not bode well for the prospects of reaching a wider agreement over the elections,” Mahmood wrote.

The ICG urged the federal government to move away from military pressure and focus instead on political inclusion.

“Rather than resorting to military force, Somalia’s government should use the space provided by its victory to discuss with its critics exactly when and how Somalia’s next round of polls will be held,” the report concluded.

Somalia risks World Bank funds over bitter election row

Mogadishu, Somalia – Growing concern that the World Bank could review or delay part of its budget support to Somalia is adding pressure on Mogadishu to resolve a widening political crisis.

Somali officials and diplomats told Somalia Today that the weeks leading up to mid-May could prove decisive as a rift deepens between the federal government and some regional states.

The World Bank has not publicly announced any suspension.

But officials and analysts say even a review of disbursements would send a strong signal to a government that still depends on external funding to sustain reforms and keep its federal system functioning.

The risk is now increasingly seen as a threat to fiscal stability, as President Hassan Sheikh Mohamud pushes ahead with contested plans for direct elections.

Budget under scrutiny

Somalia’s 2026 budget framework underscores the financial stakes.

The government projects total revenue and grants of about $1.29 billion this year, with more than $828 million coming from donor support.

Domestic revenue accounts for roughly $470 million.

Budget support alone is projected at more than $154 million, while World Bank-backed reform financing and development operations add another $100 million.

The World Bank remains a central pillar of Somalia’s state-building agenda.

Its funding is tied to public financial management, domestic revenue mobilisation and the gradual strengthening of institutions after decades of conflict.

Any disruption would be painful, though not as severe as in previous years.

Mogadishu has steadily increased domestic revenue and secured bilateral backing from Turkey, Qatar, and Saudi Arabia.

Still, a delay in budget support could affect the government’s ability to pay salaries, protect basic services, and maintain economic reforms.

The risk comes at a sensitive moment for a country still emerging from a debt crisis.

In late 2023, Somalia secured $4.5 billion in debt relief under the Heavily Indebted Poor Countries initiative, a major economic milestone.

But international lenders have warned that the country remains exposed to political instability, climate shocks, and any fall in donor engagement.

Electoral dispute

The immediate trigger for the crisis is political.

Parliament approved constitutional changes in March that critics say could extend Mohamud’s term by a year and delay scheduled elections.

The changes have intensified an already heated dispute over how Somalia should move from its clan-based indirect voting model to universal suffrage.

The president has made one-person, one-vote elections a centrepiece of his agenda.

Somalia last held a direct national election in 1969, shortly before a military coup ushered in decades of dictatorship and civil war.

Since 2004, lawmakers chosen by clan delegates have elected the president, a system long criticised as corrupt and exclusionary.

While international partners broadly support the move towards direct elections, diplomats fear the transition could become destabilising without broad political consensus.

Regional tensions

Those concerns have sharpened as relations between Mogadishu and some federal member states have deteriorated.

Puntland said last year that it would act independently until voters decide on the constitutional changes in a referendum, while Jubaland suspended ties in November after disputes over regional elections.

In March, South West State also cut ties, accusing the federal government of interference.

The standoff culminated last week when federal troops entered Baidoa, prompting the resignation of regional president Abdiaziz Hassan Mohamed.

Diplomats say they do not oppose universal suffrage in principle.

Their concern is that pushing the reforms ahead without agreement could deepen mistrust and strain a federal order already weakened by the Al-Shabaab insurgency.

Echoes of the past

Somalia has already seen how electoral deadlock can spill into public finances.

During the prolonged political crisis of 2021 and 2022, election delays disrupted external support and forced the government to rely on emergency financial buffers.

That episode remains fresh in the minds of Somali policymakers and donors alike.

While Somalia is in a stronger financial position today, donor funding still supports much of the framework holding the federal system together.

If leaders fail to reach a deal on elections and constitutional rules in the coming weeks, the fallout could quickly spread from politics to the treasury.

Doorasho maanta ka dhacday Baydhaba – Yaa kusoo baxay?

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa maanta lagu qabtay doorashada kursi kamid ah Golaha Shacabka oo muddo dheer banaanaa, iyada oo ay ahayd mid dadban.

Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kusoo baxay kursiga oo tirsigiisu yahay Hop#204, kadib doorasho galabta ka dhacday magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ka ah ee Koonfur Galbeed.

Kursigan ayaa waxaa horay ugu fadhiyay Xildhibaan Isaaq Cali Subag, iyada oo hadda la’isla gartay in la soo buuxiyo, waxaana ku guuleystay Jaamac, kadib markii uu tanaasulay musharrixii la tartamayay Cabdirisaaq Cabdullaahi Nuur

Xildhibaankii ku fadhiyay Kursigan ayaa la sheegay in muddo laba kala fadhi ah aanu xaadirin baarlamanka, taas oo hadda keentay in is-faham laga gaaro lana soo buuxiyo, sida maanta dhacday.

Guddiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa qabtay doorashada kursigan oo deg-deg ahayd, maadaama isla maanta doorashadiisa, isla maantana la qabtay.

Wasiir ku guuleystay ee Jaamac ayaa horay kursigaan u raadiyay waxaase ka hortaagnaa maamulka Cabdicasiis Lafta-gareen, oo dhawaan laga saaray Baydhaba, sida uu shaaciyay taliyihii hore ciidanka Asluubta oo wareysi bixiyay.

Dhinaca kale, Xildhibaankii ku fadhiyay kursiga #HOP204  ee Isaaq Cali Subag oo isna qoraal soo dhigay guruubka WhatsApp-ka ee Golaha Shacabka ayaa ku dooday in kursigiisa laga dhacay, isla markaana uusan waxba ka ogeyn in maanta Baydhabo loogu dooranayo Cabdulqaadir Maxamed Jaamac

Waxaa kale oo uu intaas ku daray uusan kursigiisa ka tanaasulin ama iibsan, uuna kasoo horjeedo doorashada maanta ka dhacday magaalada Baydhaba.

Daawo: Deni oo jawaab kulul siiyay Sheekh Cali Wajiis

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo maanta khudbad ka jeediyay Garoowe ayaa si adag ugu jawaabay Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah shaqsiyaadka aadka u taageera Xasan Sheekh.

Saciid Deni ayaa ka fal-celiyay hadal dhawaan kasoo yeeray Sheekha oo soo jeediyay in Dowladda Federaalka ay farogeliso maamul-goboleedyada, ayna dalka u xukunto gobol gobol, sida lagu sameeyay Koonfur Galbeed oo kale.

“Waxaan xalay dhageystay nin beryahan warkiisu joogsan waayay oo Cali Wajiis la yiraahdo oo madaxweynaha la-taliye ayaan u ahay dhahay, qaraabana la’ah inkastoo kii yimaadana la joogo hadhow inuu isbeddelo aan maleyn doono hadba qofkii joogo uu yahay” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in arrintan uu sheegay Cali Wajiis uu la qabo madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana ay tahay wax laga xumaado.

“Hadallada afkiisa kasoo baxaya oo dhammaan ku talinaayo deegaannadii iyo maamulka Puntland ee muddada la dhisaayay in DFS ay gobol gobol dalka u xukuntaa sida uu Cali Wajiis ku hadlay waa midda uu qabo madaxweyne Xasan Sheekh anaana marqaati ka noqonaayo” ayuu mar kale raaciyay.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Ha ogaadaano waxa ay dadka Soomaaliyeed heshiis ku yihiin ayay meel ku wada joogaan Puntland tan iyo markii ay aas-aasantay waxaa salka loo dhigay inuu shaqeeyo nidaamka dowliga ah”.

Deni ayay marar badan jeediyay hadallo kul-kulul ugu jawaabay madaxda qaranka iyo shaqsiyaadka taageera ee sida wayn uga difaaca baraha bulshada, maadaama ay isku hayaan arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka dalka.

Soomaaliya oo markii ugu horreysay la wareegtay KURSI muhiim u ah Afrika + Sawirro

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta, markii ugu horreysay taariikhda, la wareegtay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, tan iyo markii la aasaasay sanadkii 2003.

Soomaaliya ayaa kursigan muhiimka ah loo doortay bishii February 2026, iyadoo hayn doonto muddo labo sano ah, taas oo muujinaysa kalsoonida ay dalalka Afrika ku qabaan doorka Soomaaliya ee arrimaha nabadda iyo amniga gobolka.

Guushan kadib safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya iyo Midowga Afrika, Amb. Cabdullaahi Warfaa, ayaa si rasmi ah calanka Soomaaliya uga taagay xarunta Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, taas oo astaan u ah bilowga xilka cusub ee Soomaaliya.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta dowladda ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo kor u qaadeysa sumcadda iyo kaalinta Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada nabad ilaalinta, xasilloonida iyo iskaashiga dalalka Afrika.

Arrintan ayaa sidoo kale ah fursad lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ka dhexeeya dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, iyadoo sidoo kale ay Soomaaliya siinayso cod iyo awood ay ku saameyn karto go’aannada muhiimka ah ee la xiriira nabadda, xasilloonida, iyo xalinta khilaafaadka qaaradda.

Waxay sidoo kale u oggolaaneysaa Soomaaliya inay kaalin muuqata ka qaadato qorsheynta iyo hirgelinta siyaasadaha la xiriira nabad-dhisidda, difaaca xuquuqda aadanaha, iyo ka hortagga khataraha amni ee gobolka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa sanadahan wacdaro ka dhigeysay gobolka iyo caalamka, iyadoo guushan loo arko tallaabo kale oo muhiim ah oo ay qaaday dowladda.