26.7 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Cali Wajiis oo Xasan ka dalbaday inuu qabto doorasho deggan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Cali Wajiis) oo kamid ah golaha sare ee Culimada Soomaaliyeed oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khiaafka dowladda iyo mucaaradka.

Cali Wajiis ayaa marka hore Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku amaanay shaqooyinka uu qabtay ee horumarinta qaranka, isaga oo dhanka kale kula taliyay in haatanuu qabto doorasho deggan, si xal loogu helo is-mariwaaga taagan.

“Madaxweyne Xasan waa dhisay awood qaran oo xoog leh waxaa dhiman inuu qabto doorasho degan, weyna soo socotaa insha Allah” ayuu yiri Sheekha.

Sidoo kale, wuxuu mas’uuliyiinta labada dhinac ugu baaqay inay is xakameeyaan, isla markaana ay ka fakiraan saameynta ka dhalan karta hadalladooda.

“Waxaan ugu yeereynaa mas’uuliintu inay koontoroolaan erayada shacabka loo sheegaayo lagana fogaado erayada colaad abuurkaa ee la’isugu jawaabaayo aaladaha warbaahinta iyo baraha Bulshada,” ayuu mar kale yiri Cali Wajiis.

Sheekh Cali Wajiis ayaa si weyn loogu xasuustaa difaacidda Dowladda Xasan, wuxuuna marar badan kasoo muuqday warbaahinta, isaga oo ka hadlaya arrimama siyaasadda, taageerana u muujinaya Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Muqdisho ay ka taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay arrimaha doorashooyinka, isla markaana ay isku hayaan kooxda Villa Soomaaliya iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka ee Dalka.

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda siyaasadeed ee GALMUDUG

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xaalad kacsanaan ah ayaa weli laga dareemayaa deegaannada Galmudug, taas oo la xiriirta qorshaha dowladda ee maamulkaasi, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo si adag la’isugu hayo.

Wararka ayaa sheegaya in haatan daq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemay qaybo kamid ah gobollada dhexe, taas oo keentay cabsi xooggan, maadaama ay arrintu isku rogi karto gacan ka hadal, sidii ka dhacday Koonfur Galbeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in amar ay siisay ciidamadeeda ku sugan deegaanada Galmudug, kuwaas oo qaarkood kasoo dhaqaaqay furimaha hore, si ay usoo gaaraan magaalada Dhuusamareeb, oo qaybo kamid ah ay joogaan ciidamo iyo saraakiil ay dowladdu ka dirtay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Madaxweyne Qoor Qoor ayaa dhankiisa bilaabay uruursi ciidan, iyada oo si gaar ah looga dareemayo magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ee gobolka Galgaduud, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka.

Doodda ugu wayn ayaa ka taagan qorshaha ay Villa Somalia ku dooneyso in isbeddel lagu sameeyo hoggaanka maamulka, taas oo keentay kala aragti duwanaan u dhexeysa labada dhinac, iyada oo sidoo kale mas’uuliyiinta heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ee kasoo jeedo Galmudug ay la kala safteen labada dhinac.

Warar siyaasadeed ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo in hoggaanka sare ee Galmudug loo riixo Liibaan Axmed Xasan (Shuluq), taas o qeyb ka ah loollan cusub ee haatan ka dhex taagan siyaasadda maamulkaas.

Taliye ku xigeenkii hore ee Booliska Soomaaliya Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed oo qoraal soo saartay ayaa taageero u muujisay Axmed Qoor Qoor, waxayna sheegtay inuu isku filan yahay, haddii dagaal lagu soo qaado, sida ay hadalka u dhigtay.

“Qoor Qoor dagaal iskaaga filan ee dulaankaa ku tashaneysid ha noqdo dadkaa shalay dilkooda darajo iyo dollar ku qaadatay ileen Dirtu dowlad inay dhisaan mooyee wax ma dumiyaan darajana anagaa u sidno dalkana kula joogno dardaaran,” ayay qoraalkeeda ku tiri Jeeraal Zakiya Xuseen Axmed.

Waxaa kasii horeeyay oo isna digniin diray Xildhibaan Saadaq Joon oo sheegay inay isku xiran yihiin amniga Dhuusamareeb iyo kan degmad Wardhiigley ee magaalada Muqdisho, arrintaas oo keentay falcelin xooggan oo deg-deg ah.

Xiisaddan ayaa muujineyso in siyaasadda Galmudug ay mar kale gashay marxalad xasaasi ah, iyadoo Villa Somalia, maamulka Galmudug iyo siyaasiyiin miisaan leh ay isku eegayaan mustaqbalka hoggaanka maamulkaas.

Daawo: Ra’iisul wasaare Xamza oo jawaab kulul siiyay Sheekh Shariif

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay ka hadlay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa u jawaabay Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dhawaan sheegay in Checkpoint-yada Muqdisho lagu qaado lacago baad ah.

Shariif ayaa shaaca ka qaaday in saraakiisha xukuma baraha koontarool ay lacago qaadaan, kadibna loo geeyo madaxda sare ee dalka.

“Dadka xukuma Checkpoint-yada bal wareysta dhaqaalaha ay ka sameeyaan madaxda dhaqaale ayaa loo geeyaa iyaguna dhaqaale ayay ka sameeyaan,” ayuu yiri Shariif oo ka hadlayay arrimaha ciidamada iyo baraha koontarool.

Intaas kadib waxaa jawaab bixiyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo wax laga xumaado ku tilmaamay in isbaariistayaal lagu tilmaamo ciidamada sugayo amniga, isla markaana naftooda u huraya dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Waa nasiib darro in ciidamada amniga sugaya la yiraahdo isbaaro ayay dhigtaan, waxayna qaataan lacago askarteenna ma qabato, dowladda Soomaaliyeedna ma qabato,” ayuu ku jawaabay Ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale, wuxuu ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray amniga caasimada, maadaama maanta lagu guuleystay in la xasiliyo, isla markaana laga nastay qaraxyadii iyo falalkii kale ee amni darrada ahaa.

“Muqdisho waxaad ogeedeen in habeen aan la socon karin Muqdisho oo dhiigu daadanayo oo qaraxu meel kasta ka dhacayo Muqdisho wada tacsi ah,” ayuu mar kale yiri Ra’iisul wasaaruhu.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan la’isku hallayn karo amniga magaalada Muqdisho, isaga oo amaanay dhammaan ciidamada Qalabka Sida.

“Maanta Muqdisho waa nabad daraf kasta caawa waa nabad waxaa nabaddan innooga baxay boqolaal dhalinyaro oo shahiiday iyaga oo amniga ilaalinaya sharafna raadinaya,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Xamza Cabdi Barre.

‘Israa’iil waxay Soomaaliya ka fulisay dagaal wakiilnimo oo ay u adeegsatay dal kale’

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya Zakaria Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa sheegay in duullaankii Ethiopia ee Soomaaliya uu ahaa “dagaal wakiilnimo” oo ay ku kulmeen danaha Ethiopia iyo Israa’iil, isagoo ku dooday in labada dhinac ay ka faa’iideen kala daadashada dowladnimada Soomaaliya.

Zakaria, oo wareysi gaar ah siiyay wargeyska Egypt Independent, ayaa sheegay in Israa’iil ay muddo dheer daneynaysay in Soomaaliya aysan yeelan dowlad dhexe oo awood leh, sababo la xiriira goobta istiraatiijiga ah ee dalka iyo saameynta uu ku leeyahay Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Bab al-Mandab.

“Markii Ethiopia ay qabsatay qaybo ka mid ah Soomaaliya, wuxuu ahaa dagaal wakiilnimo,” ayuu yiri Zakaria. “Israa’iil waxay dan ku qabtay kala dhantaalidda Soomaaliya, Ethiopia-na waxay lahayd dano toos ah oo ay Soomaaliya kula dagaallameysay.”

Ethiopia ayaa dhammaadkii 2006 ciidamo soo gelisay Soomaaliya, xilli uu jiray dagaal u dhexeeyay Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah iyo dowladda federaalka ku-meel-gaarka ahayd. Duullaankaas ayaa horseeday dagaallo sanado socday, barakac ballaaran iyo isbeddel weyn oo ku dhacay siyaasadda iyo amniga Soomaaliya.

Zakaria ayaa sheegay in xilligaas uu ka tirsanaa Isbaheysigii Dib-u-xoreynta Soomaaliya, isla markaana uu dagaalka u arkayay mid aan ku koobneyn Soomaaliya iyo Ethiopia, balse qeyb ka ahaa loollan shisheeye oo ka ballaaran gobolka.

“Israa’iil waxay Soomaaliya ku soo gashaa Ethiopia, maadaama labada dal ay leeyihiin xiriir iyo dano wadaag ah,” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli Geeska Afrika uu wajahayo loollan cusub oo ku saabsan Badda Cas, dekedaha, Somaliland iyo xiriirka Israa’iil ee gobolka. Israa’iil ayaa 26-kii December 2025 si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland, tallaabo ay Soomaaliya si adag uga hortimid, kuna tilmaantay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed.

Midowga Afrika iyo dalal badan oo Carab iyo Afrikaan ah ayaa iyaguna diiday aqoonsigaas, iyagoo sheegay in Somaliland ay weli tahay qeyb ka mid ah Soomaaliya, isla markaana tallaabada Israa’iil ay khatar ku tahay xasilloonida gobolka.

Zakaria ayaa sheegay in xiriirka Ethiopia iyo Israa’iil uu yahay qeyb ka mid ah sawir istiraatiiji ah oo ka ballaaran Soomaaliya. Wuxuu ku dooday in labada dhinac ay dan ka leeyihiin saameynta Geeska Afrika, Badda Cas iyo marinnada ganacsiga ee u dhexeeya Bariga Dhexe iyo Afrika.

Qorshaha toddobada dal

Zakaria ayaa sidoo kale tixraacay hadallo hore oo uu jeediyay Jeneraalka Mareykanka ah ee hawlgabka ah Wesley Clark, oo sheegay in kadib weerarradii September 11 uu maqlay qorshe lagu beegsanayo toddoba dal oo kala ah Iraq, Syria, Lebanon, Libya, Somalia, Sudan iyo Iran.

Sida uu Zakaria ku dooday, waxa maanta ka socda Gaza, Lebanon, Sudan, Soomaaliya iyo Iran waxay xoojinayaan aragtidiisa ah in gobolka uu wajahayo qorshe ballaaran oo lagu beddelayo dheelitirka awoodda, iyadoo Israa’iil ay ka faa’iideysaneyso kala qeybsanaanta Carabta iyo burburka dowladaha qaarkood.

“Waxaan mar kale tixraacayaa hadalladii Jeneraal Wesley Clark ee ku saabsanaa kala dhantaalidda toddobo dal: Soomaaliya, Sudan, Libya, Syria, Lebanon, Iraq iyo Iran,” ayuu yiri Zakaria.

Wuxuu sheegay in dagaalka Iran uu qeyb ka yahay dib-u-qaabeynta Bariga Dhexe ee danaha Israa’iil, isagoo ka digay in haddii Tehran la wiiqo ay Israa’iil awood u heli karto inay si xor ah uga dhaqaaqdo gobolka.

Wuxuu sheegay in markii Ethiopia ay gudaha u gashay Soomaaliya, uu uga digay xubno ka tirsan Baarlamaanka Carabta in haddii aysan Carabtu ka falcelin waxa Soomaaliya ka socda, dalal kale ay xigi doonaan.

“Waxaan u sheegay haddii ay daawadayaal ka noqdaan Ethiopia oo qabsatay Muqdisho, Khartoum ayaa xigi doonta, kadibna Dimishiq,” ayuu yiri.

Zakaria ayaa sheegay in Soomaalidu xilligaas aysan u baahnayn ciidamo Carbeed, balse ay u baahnayd taageero diblomaasiyadeed iyo cadaadis siyaasadeed oo lagu joojinayo faragelinta Ethiopia.

Wuxuu sidoo kale xiriiriyay loollanka Geeska Afrika iyo muranka biyo-xireenka weyn ee Ethiopia, isagoo ku dooday in Israa’iil ay door ku leedahay sii qoto dheereynta xiisadda u dhexeysa Ethiopia iyo Masar.

“Shaki kuma jiro in Israa’iil ay door ku lahayd sii qoto dheereynta xiisadda ka dhalatay biyo-xireenka Renaissance,” ayuu yiri.

Hadallada Zakaria ayaa ah eedeymo culus oo siyaasadeed, balse waxay kusoo aadayaan xilli aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland uu dib u furay doodda ku saabsan doorka Tel Aviv ee Badda Cas, xiriirka ay la leedahay Ethiopia iyo saameynta uu loollanka gobolka ku yeelan karo Soomaaliya.

Zakaria ayaa ka digay in haddii Soomaaliya ay sii ahaato dal nugul, ay noqon karto goob ay ku loollamaan quwado shisheeye, halka dhaawaca ka dhashana uu gaari karo Badda Cas, Masar, Sudan iyo guud ahaan dunida Carabta.

Midowga Yurub oo dalab ka soo saaray khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ugu baaqay inay si degdeg ah dib ugu billaabaan wada-hadallada lagu raadinayo xal laga gaaro hannaanka doorashooyinka dalka, xilli uu weli taagan yahay khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka.

Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu xiriir la leeyahay dhinacyada kala duwan ee siyaasadda Soomaaliya, balse uusan garab gaar ah ka raacsaneyn muranka taagan.

“Dhinac gaar ah dhinac kale kama doorbidno. Waxa aan dhiirrigelineyno waa wada-hadal,” ayay Di Mauro ku tiri wareysi ay siisay warbaahinta Dawan Media.

Danjiraha ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu aaminsan yahay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xallin karo wada-hadal, isla markaana looga baahan yahay dhinacyada Soomaalida inay ka shaqeeyaan natiijooyin muuqda oo lagu sii wadi karo geeddi-socodka doorashooyinka.

Waxay sheegtay in wadahadallo u dhexeeyay dowladda federaalka, siyaasiyiin mucaarad ah iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada ay billowdeen ka hor inta aysan iyadu imaan Soomaaliya bishii September ee sanadkii hore.

Sida ay sheegtay, doorka Midowga Yurub wuxuu ahaa in uu sii wado xiriirka dhammaan dhinacyada, kuna dhiirrigeliyo inay khilaafka ku wajahaan wada-hadal siyaasadeed.

“Waxaan fursaddan uga faa’iideysanayaa inaan mar kale caddeeyo inaan runtii rajeyneyno in wada-hadalku si degdeg ah dib ugu bilowdo, si loo helo waddo loo maro doorashooyinka Soomaaliya,” ayay tiri Di Mauro.

Hadalkeeda ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay weli wajaheyso muran siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashada, muddada xilka hay’adaha federaalka, isbeddellada dastuurka iyo doorka ay mucaaradka iyo dowlad-goboleedyadu ku yeelanayaan geeddi-socodka siyaasadeed.

Dowladda federaalka ayaa ku adkeysaneysa in dalka loo jiheeyo doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo lagu soo afjarayo nidaamka doorashooyinka dadban ee muddada dheer lagu soo doortay madaxda dalka.

Mucaaradka ayaa dhankooda ku doodaya in aan la geli karin hannaan doorasho oo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin, iyagoo dowladda ku eedeeyay inay isku dayeyso inay keligeed maamusho geeddi-socodka siyaasadda.

Khilaafka ayaa sii xoogaystay kadib markii mucaaradku sheegeen in muddada xilka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ku egtahay 15-kii May 2026, halka madaxweynuhu sheegay in dastuurka wax laga beddelay uu muddo xileedka dowladda federaalka ka dhigayo shan sano, kuna eg 15-ka May 2027.

Murankaas ayaa qeyb ka noqday doodda ballaaran ee ka taagan wax ka beddelka dastuurka, hannaanka xisbiyada siyaasadda iyo qaabka ay Soomaaliya uga gudbi karto nidaamka doorashooyinka dadban.

Midowga Yurub ayaa muddooyinkii dambe ku celcelinayay in Soomaaliya ay u baahan tahay hannaan siyaasadeed oo nabdoon, loo dhan yahay, laguna gaaro heshiis ay dhinacyada muhiimka ah wada aqbalaan.

Di Mauro ayaa sheegtay in Brussels aysan dooneyn inay beddel u noqoto go’aanka Soomaalida, balse ay dhiirrigelineyso in hoggaamiyeyaasha dalka ay iyagu xal siyaasadeed ka gaaraan arrimaha muranka dhaliyay.

Baaqa Midowga Yurub ayaa imanaya iyadoo beesha caalamka ay walaac ka muujineyso in khilaafka doorashooyinka uu sii dheeraado, taas oo saameyn ku yeelan karta xasilloonida siyaasadeed, amniga iyo dadaallada lagu dhisayo hay’adaha dalka.

Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore wajahday xiisado siyaasadeed oo ka dhashay doorashooyin dib u dhacay, muddo kororsi iyo heshiis la’aan ka dhex dhalatay dowladda federaalka, mucaaradka iyo dowlad-goboleedyada.

Cirro oo farriin culus u diray Xasan Sheekh iyo Jabuuti: “Somaliland hadda kali ma aha”

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa farriin adag u diray dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda Jabuuti, isaga oo ku eedeeyay inay faragelin ku hayaan arrimaha Somaliland.

Cirro oo ka hadlayay munaasabadda Ciidda Al-Adxa ayaa sheegay in Somaliland aysan cidna ku xadgudbin, balse ay wajahday waxa uu ku tilmaamay cadaawad kaga timid dalal dhowr ah.

“Waxaad ka war qabtaan in dalal badan ay Somaliland u muujiyeen cadaawad, laakiin innagu waxba uma aynaan gaysan, geelna kama aynaan dhicin, arrinna kama aynaan dhicin, wax kalena uma aynaan gaysan,” ayuu yiri madaxweyne Cirro.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli xiisad diblomaasiyadeed ay ka dhex taagan tahay Somaliland, Soomaaliya iyo Jabuuti, gaar ahaan kadib tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee Somaliland ay ku raadineyso aqoonsi caalami ah, iyo mowqifyada kasoo baxay Muqdisho iyo Jabuuti.

Cirro ayaa sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland ay ku dhisan tahay daris wanaag, nabad ku wada noolaasho iyo is-ixtiraam, balse wuxuu si gaar ah fariin ugu diray dalalka deriska ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

“Somaliland siyaasaddeeda arrimaha dibaddu waa daris wanaag, nabad ku wada noolaasho iyo is-ixtiraam, gaar ahaan dalalka aanu jaarka nahay ee Jabuuti iyo Soomaaliya,” ayuu yiri.

“Waxaan u sheegayaa inay ixtiraamaan nabadda, daris wanaagga iyo ixtiraamka dowladaha jaarka.”

Qoraal lasoo dhigay warbaahinta qaranka Somaliland ayaa sidoo kale laga soo xigtay madaxweyne Cirro farriin toos ah oo uu u diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Xasan Sheekh waxaan leeyahay haddii aad dowlado kale noo soo kaxaysataan, Somaliland kali ma aha. Idinkana waanu isaga kiin filanahay,” ayuu yiri Cirro.

Hadallada Cirro ayaa imanaya xilli hoggaanka Somaliland uu wajahayo cadaadis siyaasadeed oo ku saabsan xiriirka cusub ee uu la sameynayo dalal shisheeye, gaar ahaan Israa’iil.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag shalay uga hadlay dhawaaqa kasoo yeeray maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cirro, ee ah in ay safaarad ka furanayso Qudus

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xitaa caalamka aan Muslimka ahayn ay ka xishoodeen inay safaaradahooda geeyaan Baytul-Maqdis.

“Maanta sina suurtagal noogama aha in qayb kamid ah dalkeenna ay timaado Israa’iil. Israa’iil kumaanan duulin, dowladnimadeeda ma diidin, dowlad ha noqoto ayaan dhahnay. Waxaa nasiib-darro ah in aan dhahno calankii ay ugu qornayd ‘Laa ilaaha illallaahu Maxamed Rasuulullaah’ ayaan ka taagaynaa, oo aan leenahay Israa’iil baa iska leh oo waa caasimaddii Israa’iil. Caalamka aan Muslimka ahayn ayaa ka xishooday inay yiraahdaan oo soo qaadaan safaaradahooda oo keenaan Baytul-Maqdis,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray: “Maanta wiil Soomaaliyeed inuu calan meeshaas ka taago, oo uu yiraahdo safaaraddeenii ayaan ka furaneynaa meeshaas, magaaladii saddexaad ee magaalooyinka Islaamka ugu sharaf badnayd, qibladii koowaad.”

Muxuu Xasan Sheekh ka yiri tallaabada Somaliland ee Qudus?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay dhawaaqa kasoo yeeray maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cirro, kaas oo la xiriira magaalada Qudus iyo dowladda Israa’iil.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inay tahay “nasiib darro weyn” in maamulkaasi uu qaato mowqif uu ku sheegay mid ka hor imanaya dareenka shacabka Soomaaliyeed iyo dunida Islaamka, maadaama hoggaanka Somaliland uu sheegay in Qudus loo aqoonsaday magaalo ay leedahay Israa’iil.

Waxa uu tilmaamay in xitaa dalal badan oo aan Muslim ahayn ay ka gaabsadeen inay safaaradahooda geeyaan magaalada Qudus, maadaama ay weli tahay magaalo muran badan ka taagan yahay, isla markaana ay Falastiiniyiintu u arkaan caasimaddooda.

Madaxweynaha ayaa sheegay inaysan marnaba dhici karin in Soomaaliya ay aqbasho in Qudus loo aqoonsado caasimadda Israa’iil, isaga oo tallaabadaasi ku tilmaamay mid ceeb ku ah ummadda Soomaaliyeed iyo tan Islaamka guud ahaan.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka ku nool gobollada Waqooyiga Soomaaliya aysan qaadi karin masuuliyadda go’aankaasi, isaga oo ugu baaqay inay iska fogeeyaan arrimaha dhaawacaya midnimada iyo mowqifka Soomaaliyeed ee ku aaddan qadiyadda Falastiin.

“Caalamka aan Muslimka ahayn ayaa ka xishooday in safaarad laga dhigto Qudus. Waa nasiib darro in calan towxiidka ku qoran yahay maanta laga taago Qudus, laguna yiraahdo Israa’iil ayaa iska leh,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas ku daray in arrintaasi ay tahay mid keeni karta caro Alle, isla markaana loo baahan yahay in laga laabto go’aannada noocaas ah. “Walaalaha Waqooyiga ku nool waxa aan leenahay nama qabato, noomana qaadanno ceebtaas, waana in aan iska tirnaa una caqli-celinnaa kuwa sidaasi sameeyay,” ayuu sii raaciyay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in magaalada Qudus ay leedahay xaalad sharci iyo siyaasadeed oo gaar ah, taas oo lagu saleeyay go’aannada Qaramada Midoobay iyo heshiisyada caalamiga ah ee khuseeya arrinta Falastiin.

Soomaaliya ayaa sidoo kale dib u xaqiijisay taageeradeeda ku aaddan shacabka Falastiin iyo xaqa ay u leeyihiin inay helaan dowlad madax-bannaan oo caasimaddeedu tahay Bariga Qudus.

Si kastaba, maamulka Somaliland ayaa arrintan darteed la kulmay cambaareyn xooggan oo uga timid dalalka Islaamka iyo dad badan oo taageersan qadiyadda Falastiin, kuwaas oo si weyn uga hor-yimid safaaradda la sheegay in Somaliland ka furaneyso Qudus, taas oo taageero u muujineysa sheegashada Israa’iil ee magaaladaas oo kamid ah magaalooyinka ugu barakeysan Muslimiinta.

Saadaq Joon oo hanjabaad u diray madaxweyne Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee ciidamada booliska gobolka Banaadir, haddana ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Saadaq Cumar Xasan oo loo yaqaan Saadaq Joon, ayaa soo saaray digniin siyaasadeed oo si weyn looga falceliyey, xilli ay sii xoogeysanayaan hadal-haynta ku saabsan loollanka hoggaanka Galmudug.

Saadaq Joon ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, oo ku socda madaxweyne Xasan Sheekh, ku sheegay in nabadda magaalada Dhuusamareeb iyo tan degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho ay isku xiran yihiin, taasi oo loo arkay hanjabaad ku socota madaxweynaha.

“Duq Xasanow, nabadda Dhuusamareeb iyo nabadda Wardhiigley waa isku xiran yihiin, ogoow,” ayuu qoray Saadaq Joon.

Inkastoo uusan si toos ah u magacaabin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, haddana erayga “Duq Xasan” ayaa si weyn loogu fasiray inuu ula jeedo madaxweynaha, gaar ahaan iyadoo qoraalka lagu xirey Dhuusamareeb iyo Wardhiigley, oo ah degmada ay ku taallo Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia.

Dhanka kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadalka Saadaq Joon, isaga oo sheegay in nabadda Dhuusamareeb aysan ku xirneyn awoodda Qoorqoor, balse ay ku tiirsan tahay Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Brig Gen Sadak Omar waxaan leeyahay: Nabaddii Dhuusamareeb lagu joogay Duq Xasan ayaa lahaa. Tabar iyo talo Qoorqoor laguma joogin, ragii Wardhiigleyna duqa ayay ku garab yihiin,” ayuu qoray Xildhibaan Cagaweyne.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli warar siyaasadeed ay sheegayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo in hoggaanka Galmudug loo riixo Liibaan Axmed Xasan, oo loo yaqaan Liibaan Shuluq, taas oo loo arko inay qeyb ka tahay loollan cusub oo ka dhex taagan siyaasadda maamulkaas.

Saadaq Joon ayaa isku beel Saleebaan la ah Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, halka Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne iyo Liibaan Shuluq ay labaduba kasoo jeedaan beesha Sacad. Arrintan ayaa sii xoojisay fasiraadda ah in qoraalka Saadaq iyo jawaabta Cagaweyne aysan kaliya ahayn hadallo siyaasadeed, balse ay sidoo kale ka tarjumayaan xasaasiyadda beelaha iyo loollanka awoodda ee Galmudug.

Saadaq Joon ayaa dhowaan booqday magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu ku sugan yahay Madaxweyne Qoorqoor, oo isna dhawaan sheegay inay jiraan dad uu ku eedeeyey inay dhibaato ku yihiin siyaasadda maamulkiisa.

Qoraalka Saadaq ayaa loo arkay fariin siyaasadeed oo ku socota Villa Somalia, laguna muujinayo in cadaadis ama isku day lagu wiiqayo Qoorqoor uu saameyn ama rabshado ka dhallin karo meel ka baxsan Dhuusamareeb, gaar ahaan Muqdisho.

Xiisaddan hadalka ah ayaa muujineysa in siyaasadda Galmudug ay mar kale gashay marxalad xasaasi ah, iyadoo Villa Somalia, maamulka Galmudug iyo siyaasiyiin miisaan leh ay isku eegayaan mustaqbalka hoggaanka maamulkaas.

Dhuusamareeb ayaa dhowr jeer oo hore noqotay xarun ay ka dhacaan shirar siyaasadeed, heshiisyo federaal iyo khilaafyo u dhexeeya madaxda dowladda dhexe, dowlad-goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Qoraalka Saadaq Joon iyo jawaabta Cagaweyne ayaa hadda sii huriyey doodda ku saabsan cidda dhab ahaan gacanta ku haysa miisaanka siyaasadeed ee Galmudug, iyo halka ay ku dambeyn karto xiisadda ka dhex muuqata siyaasiyiinta ku loollamaya saameynta Dhuusamareeb.

Axmed Madoobe oo si adag u weeraray Xasan Sheekh

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa khudbad uu maanta ka jeediyay magaalada Kismaayo kadib salaaddii Ciidda si kulul ugu dhaliilay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dowladda Federaalka.

Axmed Madoobe ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu ku fashilmay hoggaaminta dalka iyo ilaalinta wada-shaqeynta siyaasadeed. Wuxuu sheegay in dowladda dhexe ee dalka ay lumisay kalsoonidii siyaasadeed, isaga oo ku dooday in aysan hadda jirin dowlad ay dhinacyada siyaasadda iyo dowlad-goboleedyadu si buuxda ula shaqeyn karaan.

Sidoo kale, wuxuu xusay in nidaamka hadda jira uu ka baxay wadatashigii iyo is-afgaradkii hore loogu maamuli jiray arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale dhaliilay hannaanka doorashooyinka ee ay Dowladda Federaalka waddo, isaga oo qorshaha doorashada qof iyo codka ah ku tilmaamay mid aan weli hirgelin, isla markaana horseeday, sida uu yiri, “doorasho dabran” oo horay loogu sii qorsheeyo cidda xilalka qabaneysa.

Dhinaca kale, Axmed Madoobe ayaa khudbaddiisa kaga hadlay xaaladda magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in dad badan laga barakiciyay caasimadda, isla markaana uu la qaybsanayo dhibaatada ay wajahayaan shacabka ku nool magaalada.

Sidoo kale, wuxuu eedeyn u jeediyay kooxo uu ku tilmaamay “dhul-boobayaal”, wuxuuna sheegay inay jiraan dad sharciyeynaya dhul si sharci-darro ah lagu qaatay, taas oo uu ku tilmaamay mid saameyn ku yeelan karta xasilloonida bulshada.

Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu dib u mideeyo dhinacyada siyaasadda, isla markaana uu ka tanaasulo khilaafaadka sii kala fogeynaya saamileyda siyaasadda dalka. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay u baahan tahay dib-u-heshiisiin iyo in talada dalka dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa kusoo aadaya xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka, qaar kamid ah dowlad-goboleedyada iyo mucaaradka, kuwaas oo isku haya arrimaha doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo hannaanka siyaasadeed ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo ciidda – Muxuu sameeyay maanta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa kadib salaadda shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda barakaysan ee Ciidda Carafo, isaga oo Alle uga baryay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed uu ku manneysto nabad, barwaaqo iyo horumar waara.

Xasan Sheekh ayaa farriintiisa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada Soomaaliyeed ay sii xoojiyaan dhaqamada wanaagsan ee lagu garto maalmaha barakaysan, gaar ahaan isku duubnida iyo is-garab istaagga.

“Kama tageyno in mar walba aynu is xusuusinno dhaqamada wanaagsan ee la sameeyo maalintan oo kale. Waxaa muhiim ah in aan xoojino midnimadeenna, iskaashiga iyo taageerada bulshada dhexdeeda si loo gaaro Soomaaliya nabdoon oo horumarsan,” ayuu yiri madaxweynaha.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa tilmaamay in geeddi-socodka dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya uu marayo marxalad taariikhi ah, isaga oo xusay in doorka ugu weyn ay ku leeyihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in midnimada, wadajirka bulshada, is-caawinta iyo garab istaagga dadka nugul ay yihiin tiirarka lagu gaari karo Soomaaliya dib ugu soo laabata xasillooni iyo horumar.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn shacabka ugu baaqay inay ka faa’iideystaan munaasabadda Ciidda si loo xoojiyo walaaltinimada, isu tanaasulka iyo wada noolaanshaha bulshada Soomaaliyeed.

Kadib shidaalka, Soomaaliya oo Turkiga la galeysa heshiis lagu soo saarayo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dooneyso inay Turkiga la gasho heshiisyo cusub oo lagu sahminayo laguna horumarinayo macdanta dalka, xilli Muqdisho ay raadineyso inay ka faa’iideysato kheyraad dabiici ah oo muddo dheer aan si buuxda loo baarin.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay kayd macdaneed ballaaran, oo ay ku jiraan macdano muhiim ah, ciidda silica iyo uranium, balse ay u baahan tahay khibrad farsamo, sahmin casri ah iyo maalgashi lagu ogaanayo baaxadda dhabta ah ee kheyraadkaas.

“Waxaan sidoo kale fileynaa heshiisyo dhinaca macdanta ah, maadaama Soomaaliya lagu yaqaan inay leedahay kayd macdano muhiim ah iyo kuwo kale oo qiimo leh,” ayuu wasiirka u sheegay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu.

Hadalka wasiirka ayaa yimid kadib kulan uu magaalada Istanbul kula yeeshay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, kaas oo labada dhinac ay uga wadahadleen sidii loo dardar-gelin lahaa iskaashiga macdanta ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Daahir Shire ayaa sheegay in labada dal ay doonayaan inay dib u eegaan heshiis is-afgarad oo ku saabsan macdanta, kaas oo Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdeen sanadkii 2016, si loo qiimeeyo meelaha laga bilaabi karo iskaashiga cusub.

“Waxaan rabnaa inaan dib u eegno heshiiskaas, oo aan aragno halka aan ka bilaabi karno,” ayuu yiri. “Ugu yaraan waxaan rabnaa inaan dhisno guddi farsamo oo dib u eega xogta aan hayno.”

Tallaabadan ayaa muujineysa in dowladda Soomaaliya aysan weli ka hadlayn soo-saar degdeg ah oo macdan ah, balse ay marka hore dooneyso in la qiimeeyo xogta jirta, la sameeyo sahmin farsamo, lana helo sawir cad oo ku saabsan nooca, goobta iyo baaxadda macdanta dalka.

Soomaaliya ayaa muddo dheer lagu tilmaamay dal leh kheyraad dabiici ah oo ballaaran, balse dagaallo, dowlad la’aan, amni darro iyo hay’ado daciif ah ayaa curyaamiyay dadaalladii lagu sahmin lahaa ama lagu horumarin lahaa kheyraadkaas.

Wasiir Daahir Shire ayaa sheegay in Turkiga uu leeyahay khibrad farsamo oo Soomaaliya ka caawin karta khariidaynta, qiimeynta iyo horumarinta macdanta, gaar ahaan xilli dalal badan oo dunida ah ay kordhinayaan tartanka loogu jiro macdanaha muhiimka ah ee loo adeegsado warshadaha casriga ah, tamarta iyo teknoolojiyadda.

“Dalkeena wax badan ayuu dhulka hoostiisa ku leeyahay,” ayuu yiri wasiirka. “Waxaan rabnaa inaan soo saarno oo horumarino si nabad ah, macquul ah oo saaxiibtinimo ku dhisan.”

Warbaahinta Turkiga ayaa si gaar ah u xustay in Soomaaliya ay Turkiga ka raadineyso taageero lagu horumariyo kaydka uranium-ka iyo macdanaha muhiimka ah, iyadoo arrintan ay qeyb ka tahay dadaalka Muqdisho ee lagu ballaarinayo iskaashiga dhaqaale ee ay la leedahay Ankara.

Uranium-ka ayaa ka mid ah macdanaha ugu xasaasisan dunida, waxaana loo adeegsadaa warshadaha tamarta nukliyeerka iyo teknoolojiyadda la xiriirta. Sidaas darteed, khubaradu waxay sheegaan in dal kasta oo doonaya inuu sahmiyo ama horumariyo macdantaas uu u baahan yahay sharciyo adag, ilaalin deegaan, hannaan daah-furan iyo kormeer caalami ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadihii dambe isku dayeysay inay dib u dhisto hay’adaha maamula kheyraadka dabiiciga ah, si looga hortago heshiisyo aan daah-furneyn, muran siyaasadeed iyo musuq-maasuq curyaamin kara faa’iidada laga filayo macdanta.

Haddii iskaashiga cusub ee Turkiga uu meel maro, wuxuu Soomaaliya siin karaa fursad ay ku hesho xog farsamo oo casri ah, ku soo jiidato maalgashi, kuna abuurto shaqooyin cusub, gaar ahaan goobaha laga yaabo in sahmin iyo howlgal macdaneed laga bilaabo.

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa si weyn u kobcay tan iyo sanadkii 2011, markaas oo Ankara ay door muuqda ka qaadatay gar-gaarka bani’aadannimo ee Soomaaliya. Tan iyo xilligaas, labada dal waxay yeesheen iskaashi ku saabsan difaaca, waxbarashada, caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga iyo tamarta.

Hadda, macdanta ayaa u muuqata inay noqon karto marxaladda xigta ee xiriirkaas, iyadoo Soomaaliya ay dooneyso in kheyraadkeeda dabiiciga ah loo horumariyo si ka faa’iideyn karta dhaqaalaha dalka, isla markaana ilaalin karta danaha qaranka.

Shariif oo looga digay go’aan la mid ah kii Jeneraal Caydiid

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa si adag uga hadlay mowqifka madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ee ku aaddan muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo uga digay in uusan qaadin waddo uu ku tilmaamay mid dalka gelin karta khilaaf siyaasadeed oo daba dheeraada.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, Cosoble ayaa Shariif Sheekh Axmed la barbar dhigay marxaladihii siyaasadeed ee dalka ka dhacay horraantii burburkii dowladdii dhexe, gaar ahaan khilaafkii u dhexeeyay Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid iyo Cali Mahdi Maxamed.

Cosoble ayaa sheegay in Caydiid uu sanadkii 1991 diiday in Cali Mahdi uu labo sano madaxweyne ka ahaado Soomaaliya, balse ay taasi ugu dambeyn keentay in Cali Mahdi uu sii ahaado madaxweyne ilaa sanadkii 2000, xilli dalka uu galay dagaallo sokeeye iyo burbur siyaasadeed oo daba dheeraaday.

“Jen Caydiid waxa uu sanadkii 1991 diiday labo sano oo uu Cali Mahdi madaxweyne ka ahaado Soomaaliya. Waxay dhashay Cali Mahdi inuu ahaa madaxweyne ilaa iyo sanadkii 2000,” ayuu yiri Cosoble.

Isagoo si toos ah ula hadlay Shariif Sheekh Axmed, ayuu Cosoble sheegay in haddii uu maanta diidan yahay hal sano oo uu ku tilmaamay sharci, ay arrintaasi dhalin karto xaalad ka sii fog muranka hadda taagan.

“Shariif Sheekh Axmed wuxuu diidan yahay hal sano oo sharci ah, waxayse dhali doontaa inuu Madaxweyne Xasan Sheekh dalka madaxweyne ka ahaado ilaa iyo inta ay ka dhaceyso doorasho qof iyo cod ah oo ay macquul tahay inay dhacdo sanadka 2050,” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Cosoble ayaa qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay digniin kooban oo uu ku yiri: “Shariifow joog oo Caydiid kale ha noqon!”

Hadalka Cosoble ayaa kusoo aadaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo mucaaradka uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed, kaas oo salka ku haya muddo xileedka hay’adaha federaalka, dastuurka cusub iyo nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa.

Mucaaradka ayaa ku doodaya in muddo xileedka afarta sano ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhammaaday 15-kii May 2026, maadaama uu xilka ku soo laabtay 15-kii May 2022. Waxay sheegayaan in aanay jirin heshiis siyaasadeed oo qaran oo oggolaanaya in muddo kordhin lagu saleeyo wax ka beddelka dastuurka.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladda federaalka ayaa ku adkeysanaya in wax ka beddelka dastuurka uu dhigayo muddo xileed shan sano ah, taas oo ay ku fasirayaan in muddo xileedka dowladda iyo baarlamaanka uu ku eg yahay 15-ka May 2027.

Villa Somalia ayaa ku doodaysa in arrintan aysan ahayn go’aan uu madaxweynaha keligiis qaatay, balse ay tahay natiijo ka dhalatay hannaan sharci iyo dastuur oo ay ansixiyeen hay’adaha dowladda ee awoodda u leh.

Muranka ayaa sii xoogaystay kadib markii baarlamaanka federaalka uu meel mariyay cutubyo ka mid ah dastuurka, kuwaas oo dowladda ay ku sheegtay in lagu dhisayo nidaam doorasho qof iyo cod ah, xisbiyo siyaasadeed iyo hannaan cusub oo lagu kala caddeynayo awoodaha hay’adaha dowladda.

Shariif Sheekh Axmed iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa dhankooda ku doodaya in dowladda aysan si kali ah u beddeli karin heshiisyadii siyaasadeed ee lagu dhisay nidaamka federaalka, isla markaana aan la geli karin doorasho qof iyo cod ah iyada oo aan jirin heshiis ballaaran, jawi amni oo ku filan iyo hannaan doorasho oo ay dhinacyadu isku raacsan yihiin.

Muxuu go’aanka Mareykanka ee Eritrea uga dhigan yahay Soomaaliya iyo Berbera?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaqdhaqaaq cusub oo Mareykanku ku doonayo inuu ku yareeyo cunaqabateynta saaran Eritrea ayaa muujinaya isbeddel weyn oo ka socda Badda Cas iyo Geeska Afrika, xilli gobolka uu galay tartan cusub oo ku saabsan dekedaha, saldhigyada militari iyo marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab el-Mandeb.

Arrintan ma ahan oo keliya in Washington ay dib u eegayso xiriirkeeda Asmara. Waxay si toos ah u taabaneysaa Soomaaliya, muranka Itoobiya iyo Somaliland, dekedda Berbera, iyo loollanka awoodaha shisheeye ee ku soo badanaya xeebaha Geeska Afrika.

Eritrea waxay leedahay xeeb dheer oo ku teedsan Badda Cas, dekedaha Massawa iyo Assab, iyo jasiirado badan oo istaraatiiji ah. Dekedda Assab ayaa si gaar ah muhiim u ah, maadaama ay aad ugu dhowdahay marin-biyoodka Bab el-Mandeb, oo ah halka Badda Cas uga xiranto Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

Bab el-Mandeb waa mid ka mid ah meelaha ugu xasaasisan ganacsiga caalamka. Waxaa mara maraakiib muhiim u ah shidaalka, ganacsiga iyo isku xirka Yurub, Aasiya iyo Bariga Dhexe.

Weerarrada ka dhaca Badda Cas, xiisadda Yemen, dagaalka Sudan, cabsida laga qabo isku dhac cusub oo Itoobiya iyo Eritrea ah, iyo damaca Itoobiya ee helitaanka bad ayaa dhammaan kordhiyey qiimaha juqraafiyeed ee Eritrea.

Sidaas darteed, haddii Mareykanku dib ugu laabto Eritrea, waxaa si dabiici ah u daciifaya doodda ah in Berbera tahay albaabka keliya ee muhiimka ah ee reer Galbeedku ka heli karaan Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

Doodda Somaliland

Somaliland waxay muddo dheer ku doodeysay in dekedda Berbera ay tahay hanti istaraatiiji ah oo u qalanta in lagu kasbado taageero caalami ah. Dooddaas ayaa sii xoogeysatay markii Itoobiya iyo Somaliland ay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad ah oo Addis Ababa u oggolaanaya marin-badeed, kaas oo Muqdisho ay ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Haddii Washington ay hadda aragto Assab oo ku taalla Eritrea inay ka dhowdahay, ka sahlan tahay, kana sharci ahaan caddahay Berbera, waxay meesha ka saareysaa qeyb ka mid ah doodda Somaliland ee ahayd in Berbera tahay fursad aan laga maarmin.

Eritrea waa dal la aqoonsan yahay, inkastoo dowladdeedu muddo dheer ahayd mid go’doon ku jirta, islamarkaana lagu eedeeyo xadgudubyo waaweyn oo ka dhacay gudaha dalkaas iyo dagaalkii Tigray.

Taasi waxay Mareykanka siin kartaa waddo uu ku helo xiriir amni ama marin istaraatiiji ah oo Badda Cas ah, isaga oo aan galin muranka aqoonsiga Somaliland, kaas oo ay si adag uga soo horjeedaan Soomaaliya, Midowga Afrika iyo dalal badan oo gobolka ah.

Laakiin Soomaaliya kama dhigan karto in arrintani ay si toos ah ugu guul tahay.

Casharka ugu weyn waa in dunidu mar kale qiimeynayso juqraafiyadda. Dalalka leh dekedo, xeeb dheer, marinno badeed iyo meel ay quwaduhu dan ka leeyihiin ayaa miiska ku soo laabanaya, xitaa haddii ay hore u ahaayeen kuwo go’doonsan ama lagu eedeeyay xadgudubyo culus.

Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika, waxayna ku taallaa meel isku xirta Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya. Haddana weli si buuxda ugama faa’iideysan awooddaas juqraafiyeed.

Muqdisho waxay si sax ah u diidday heshiis kasta oo Itoobiya la gasho Somaliland oo aan oggolaansho ka haysan dowladda federaalka. Laakiin diidmo keliya kuma filna siyaasadda gobolka ee maanta.

Soomaaliya waxay u baahan tahay qorshe cad oo Badda Cas ah. Waa inay sheegtaa in Itoobiya heli karto marin ganacsi oo sharci ah, balse aysan heli karin saldhig militari ama dhul Soomaaliyeed oo loo maro waddo sharci-darro ah.

Dowladda federaalka waa inay sidoo kale xoojisaa dekedaha dalka, iskaashiga amniga badda, iyo xiriirka ay la leedahay dalalka saameynta ku leh Badda Cas, sida Turkiga, Sacuudiga, Masar iyo Mareykanka.

Mareykanka uma muuqdo inuu hal dhinac si buuxda ula safanayo. Wuxuu isku dayayaa inuu isku dheellitiro Itoobiya iyo Eritrea, isaga oo eegaya danihiisa amni, ganacsi iyo militari. Taasi waxay muujineysaa in Washington aysan lahayn saaxiib joogto ah ama cadow joogto ah, balse ay leedahay dano is beddela.

Soomaaliya waa inay fahamtaa ciyaartan cusub.

Haddii Eritrea dib loogu soo celinayo miiska sababo juqraafiyeed dartood, Soomaaliya waxay leedahay juqraafiyad ka weyn oo ka muhiimsan. Su’aashu waxay tahay: Muqdisho ma u beddeli kartaa juqraafiyaddaas awood siyaasadeed, mise waxay sii ahaan doontaa dal dadka kale ka hadlaan marka la qaybinayo saameynta Badda Cas?

DF oo shaacisay xilliga la filayo natiijada shidaal qodista

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay filayso natiijooyin rajo leh dhammaadka sanadkan, kadib markii Turkiga uu billaabay qodis badeedkii ugu horreeyay ee shidaal iyo gaas ah oo laga sameeyo xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa sheegay in mashruuca Soomaaliya iyo Turkiga uu galay marxalad cusub, kaddib markii la soo gabagabeeyay sahankii dhul-badeedka, lana falanqeeyay xogtii laga helay.

Markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey ayaa bishii hore gaaray xeebaha Muqdisho, si uu u bilaabo qodista ceelka Curad-1, oo loo arko mid ka mid ah tillaabooyinka ugu waaweyn ee Soomaaliya ay u qaaday dhinaca sahminta shidaalka badda.

“Wadashaqeynta Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinaca hydrocarbons-ka waxay hadda gashay marxaladdii labaad, taas oo ah qodista,” ayuu wasiirku u sheegay wakaaladda Anadolu.

Wasiir Daahir Shire ayaa sheegay in xogtii laga soo ururiyay sahanka dhul-badeedka la dhammeystiray, lana fasiray, isla markaana hadda si rasmi ah loo bilaabay qodista ceelkii ugu horreeyay.

Ceelka la qodayo ayaa la filayaa inuu gaaro qoto dhan 7,500 mitir, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah howlaha qodista badda ee ugu qotada dheer caalamka.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay rajo wanaagsan ka qabto in natiijooyin muuqda la helo dhammaadka sanadkan, inkastoo uu ka gaabsaday inuu saadaaliyo baaxadda kaydka shidaal ama gaas ee laga yaabo in laga helo.

“Waxaan aad ugu rajo weyn nahay inaan helno natiijo wanaagsan dhammaadka sanadkan,” ayuu yiri.

Daahir Shire ayaa sheegay in haddii la helo shidaal ama gaas ganacsi ahaan loo soo saari karo, ay arrintaasi door weyn ka qaadan karto kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, shaqo abuurka iyo soo jiidashada maalgashi shisheeye.

Wuxuu intaas ku daray in heshiiska labada dal uusan ku koobnayn oo keliya sahminta iyo qodista, balse uu sidoo kale muhiimad siinayo tababarka, farsamo-barashada iyo dhisidda khibradda Soomaalida.

“Sida ku cad heshiiska is-afgaradka, khibradda gudaha waa in lagu tababaraa shaqada dhexdeeda,” ayuu yiri wasiirku. “Ugu dambeyn, Soomaalida waa inay awood u yeeshaan inay qabtaan shaqada ay hadda qabanayaan khubarada shisheeye.”

Wasiirka ayaa Turkiga ku tilmaamay “dal walaal ah” oo Soomaaliya garab istaagay xilligii abaartii iyo musiibadii bani’aadannimo ee 2011, wuxuuna sheegay in xiriirka labada dal uu tan iyo markaas si joogto ah u kobcayay.

“Turkiga wuxuu Soomaaliya yimid xilli dalku si weyn ugu baahnaa gargaar,” ayuu yiri. “Tan iyo markaasna Turkiga Soomaaliya kama tegin.”

Xiriirka Muqdisho iyo Ankara ayaa sanadihii dambe ka gudbay gar-gaar bani’aadannimo, wuxuuna gaaray difaaca, caafimaadka, waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga iyo hadda tamarta iyo macdanta.

Mashruuca qodista shidaalka ee Turkiga ayaa yimid kadib markii markabka sahanka seismic-ka ee Oruç Reis uu xog ka soo ururiyay qaybo ka mid ah badda Soomaaliya, taas oo horseedday in la doorto goobta ceelka Curad-1.

Howsha qodista oo uu fulinayo markabka Çağrı Bey ayaa la filayaa inay socoto lix ilaa sagaal bilood, iyadoo muddadaas ay saameyn ku yeelan karaan cimilada iyo xaaladaha badda.

Mashruucan ayaa Soomaaliya u ah tijaabo weyn oo ku saabsan awooddeeda shidaal iyo gaas, halka Turkigana uu u yahay howl-galkiisii ugu horreeyay ee qodis badeed qoto dheer ah oo uu ka sameeyo meel ka baxsan biyihiisa.

Labada dal ayaa rajeynaya in iskaashigan uu Soomaaliya u furo albaab dhaqaale oo cusub, isla markaana uu Turkiga ka caawiyo ballaarinta doorkiisa tamareed ee Geeska Afrika.

Laba dal oo diiday go’aan wadajir ah oo dalalka Khaliijka ka soo saareen Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Imaaraadka Carabta iyo Bahrain ayaa ka baaqday inay dalalka Khaliijka kula biiraan dalal Carab iyo Muslim ah oo cambaareeyay qorshaha Somaliland ay ku sheegtay inay safaarad uga furaneyso magaalada Qudus, kadib markii Israel ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee aqoonsaday gooni-isu-taagga Somaliland.

Wakiilka Somaliland ee Israel, Maxamed Xaaji ayaa sheegay Talaadadii in tallaabadan ay qeyb ka tahay xiriir cusub oo sii xoogeysanaya oo u dhexeeya Hargeysa iyo Tel Aviv.

“Israel sidoo kale waxay safaarad ka furan doontaa Hargeysa, taas oo ka tarjumeysa saaxiibtinnimo sii kordheysa, is-ixtiraam iyo iskaashi istiraatiiji ah oo dhexmaraya labada shacab,” ayuu yiri Xaaji, isaga oo ula jeeday caasimadda maamulka Somaliland.

Tallaabadan ayaa dhalisay cambaareyn ballaaran, maadaama Qudus Bari ay sharciga caalamiga ah ku tahay dhul ay Israel qabsatay. Israel ayaa magaaladaas kala wareegtay Jordan dagaalkii 1967-kii, balse inta badan dalalka caalamka ayaan u aqoonsaneyn Qudus inay tahay caasimadda Israel.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Iskaashiga Khaliijka ee Kuwait, Cumaan, Qatar iyo Sacuudi Carabiya ayaa ku biiray dalal ay ka mid yihiin Masar, Jordan, Turkiga, Pakistan, Indonesia, Jabuuti, Soomaaliya, Falastiin, Sudan, Yemen, Lubnaan, Mauritania, Algeria, Bangladesh iyo Morocco, kuwaas oo si wadajir ah u cambaareeyay “tallaabo sharci-darro ah oo aan la aqbali karin oo ay qaadday gobolka la magac baxay Somaliland, kuna saabsan furitaanka safaarad sheegasho ah oo ku taalla Qudus-ta la haysto.”

Laakiin Imaaraadka Carabta iyo Bahrain, oo labaduba xubno ka ah Golaha Iskaashiga Khaliijka, islamarkaana xiriir rasmi ah la leh Israel, kama aysan mid noqon cambaareynta ay dalalkaas soo saareen.

Xoghayaha guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, Jasem Mohamed Albudaiwi, ayaa isna cambaareeyay qorshaha safaaradda, isaga oo sheegay inuu xadgudub ku yahay sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli xiriirka Somaliland iyo Israel uu galay marxalad cusub, kadib aqoonsigii Israel ee Somaliland. Tan iyo markaas, waxaa soo baxay warar sheegaya in saraakiil Somaliland ah ay ka hadleen suurtagalnimada in Israel ay saldhig militari ka dhisato dhulka Somaliland, inkastoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ay hore u beenisay qorshe noocaas ah.

Saldhig Israel ay ku yeelato Somaliland ayaa siin kara Tel Aviv meel istiraatiiji ah oo u dhow Badda Cas iyo Yemen, halkaas oo Xuutiyiintu ay sanadihii dambe weerarro ku qaadeen maraakiibta maraysa marin-biyoodka Badda Cas. Xuutiyiinta ayaa weerarradaas ku sheegay kuwo ay uga jawaabayaan dagaalka Israel ee Gaza iyo dhibaatada shacabka Falastiin.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991-kii, balse weli caalamku wuxuu u aqoonsan yahay inay tahay qeyb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo inta badan dowladaha caalamka ayaan aqoonsan madax-bannaanida ay Somaliland sheegato.

Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer xiriir dhow la lahaa Somaliland. Sanadkii 2017-kii, maamulka Hargeysa ayaa oggolaaday dalab Imaaraadku ku doonayay inuu saldhig militari uga sameysto Somaliland, iyadoo Hargeysa ay rajeyneysay in xiriirkaas uu xoojiyo dadaalkeeda aqoonsi-raadinta.

Dhinaca kale, Sacuudi Carabiya ayaa inta badan xiriirkeeda Soomaaliya ku wajahda dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho, halka Imaaraadka uu xiriirro xooggan la leeyahay Somaliland iyo Puntland.

Farqigaas ayaa marar badan muujiyay kala duwanaanshaha istiraatiijiyadda Riyadh iyo Abu Dhabi ee ku wajahan Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika.

Imaaraadka iyo Bahrain ayaan weli ka jawaabin codsiyo lagu weydiiyay mowqifkooda ku aaddan qorshaha safaaradda Somaliland ee Qudus.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo dheer ku celcelisay in aqoonsi kasta oo loo fidiyo Somaliland uu yahay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Muqdisho ayaa sidoo kale ku adkeysata in heshiis kasta oo shisheeye lala galo Somaliland uusan sharci ahayn haddii aanay oggolaan dowladda federaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa diray farriin culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa farriin soo saaray ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay  munaasabadda wayn ee Ciidul-Adxa isaga oo Alle ka baryay inuu naga aqbalo acmaasha wanagasan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baaqay isku tanaasul iyo in la garab istaaggo dadka danta yar, si ay qayb uga noqdaan farxadda munaasabadda Ciida.

“Dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaan idiinku hambalyeynayaa munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa oo ah munaasabad xambaarsan qiime weyn oo diini ah, kuna dhisan isjacayl, isu tanaasul, walaaltinimo iyo garab istaagga dadka nugul. Waxaan Alle ka baryayaa in uu innaga aqbalo acmaasha wanaagsan, sanadkan sanadkiisana nagu gaarsiiyo nabad, caafimaad iyo barwaaqo,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sidoo kale, wuxuu farriin u diray dhammaan Ciidamada Qalabka Sida oo uu ku amaanay doorka ay ka qaateen sugidda amniga dalka, maadaama ay naftooda u hureen dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan halkaan uga mahadcelinayaa Ciidamada Qalabka Sida, geesiyaasha difaaca dalka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee garab istaagay dowladnimada iyo xasilloonida dalka. Nafhurkooda iyo dadaalkooda ayaa horseeday guulaha muuqda ee maanta dalku ku tallaabsanayo,” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray “Waxaan si gaar ah hambalyo iyo bogaadin ugu dirayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku guda jira gudashada waajibaadka Xajka. Waxaan Alle uga baryayaa in uu ka aqbalo acmaashooda wanaagsan, dalkeenna iyo dadkeenana ku manneysto nabad iyo kheyr”.

Ciida ayaa sanadkan kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana ay dalka ka taagan tahay xaalad bani’aadanimo oo aad u daran, taas oo si gaar u saameysay dadka nugul iyo kuwa danta yar ee ku dhaqan caasimada iyo gobollada dalka.

Waxaa kale oo taagan xiisad kacsanaan ah oo ka dhalatay marxaladda kala guurka ah, maadaama dowladda iyo mucaaradka ay isku hayaan hannaanka doorashooyinka dalka iyo wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah.

Dadaalladii dhex-dhexaadinta ee Odayaasha oo fashilmay + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii u dhexeeyay xubnaha mucaaradka iyo qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee galabta ka dhacay hoteel Jasiira ayaa soo dhammaaday, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo dadaalladii dhex-dhexaadinta ee ay wadeen Odayaasha Dhaqanka.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in iyagu ay dalbadeen kulanka, wuxuuna sheegay inay fashilmeen dadaalladii ay wadeen ee lagu dhex-dhexaadinayay dowladda iyo mucaaradka, si xal loo gaaro.

Sababta waxa uu ku sheegay in guddgii ay ku heshiiyeen odayaasha uu dhismi waayay, isla markaana caqabadda ay ka timid dhaqanka Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in kulankooda uu daarnaa in warbixin ay kusoo celiyaan mucaaradka, iyaguna ay haatan dib ugu laabanayaan deegaannadoodii.

“Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxaan kulankan uga codsanay si aan ugu sheegno ergadii ay na fareen inay suuroobi wayday inaan u gudbino dhinicii kale arrinta ay u suuroobi waysay ma aha inaan dhinaca dowladda war ka weynay ee odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed guddiga ay ku ballansanaayeen ayaa soo dhammaystirmi waayay weliba guddigii beesha Hawiye ee magaaladan degta,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Annagu meelo kala duwan ayaa ka nimid haddii uu guddigu soo dhammaystirmo halkeenna ayaan uga jirnaa, laakiin waxay nala ahaan wayday inaanu iska tegno annaga oo wax war ah Golihii Samatabixinta aan kusoo celinin”.

Dhankooda mucaaradka ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ay uga mahad-celinayaan dadaalka ay sameeyeen, ayna ka xun yihiin in uu miro-dhali waayay.

“Waxaan ugu tacsiyaynaynaa Odayaashii dadaalka ay wadeen in uusan mira dhalin, qof aan dirnay oo nagu soo noqday waa waynay,” ayuu yiri  Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay kulanka.

Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa marxalad xasaasi ah oo ka dhalatay hannaanka doorashooyinka dalka, iyada oo ay si wayn isugu hayaan madaxda Dowladda Federaalka, mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada.

Sanbaloolshe oo weerar culus ku qaaday Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA, Mudane Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo qoraal soo saaray ayaa weerar afka ah ku qaaday Villa Somalia, isaga oo ka horyimid qorshaha muddo kororsiga.

Sanbaloolshe ayaa shaaca ka qaaday haddii la ogolaado hal sano ah oo sharci darro ah ay keeneyso in la aqbalo 10 sano oo sharci darro ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii maanta la aqbalo hal sano oo sharci-darro ah oo lagu kordhiyo dowlad uu hoggaaminayo madaxweyne muddo-xileedkiisu dhammaaday, berri waddadaas waxay nagu ridi doontaa in la aqbalo toban sano oo sharci-darro ah,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Sidoo kale, wuxuu fasiraad ka bixiyay qoraallo kala duwan oo uu maalmahan ku daabacayay bartiisa Facebook-giisa, kuwaas oo ku qornaa luqadda Engilishka.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammaystiran;-

Maalmahan waxaan bartayda Facebook ku daabacayay qoraallo ku qoran af Ingiriisi. Inta aanan sharxin dulucda qoraalkaygii ugu dambeeyay, waxaan rabaa in aan dhowr arrimood hoosta ka xarriiqo.

Midda koowaad, waxaa jirta oraah Ingiriisi ah oo tiraahda: “All the devils are here and hell is empty.” Micnaheedu waa: dadkii cadaabka lagu tuuri lahaa adduunka ayay dhooban yihiin, naartiina waa faaruq oo way haawanaysaa. Arrintaasi waxay u baahan tahay in dadka looga digo ii aysan gurigooda inala aadin.

Midda labaad, waxaan aaminsanahay in Facebook ay isticmaalaan dad badan oo aqoon-yahanno ah, kuwaas oo ku hadla luqado kala duwan. Sidaas darteed, uma arko in luqaddu tahay caqabad weyn, gaar ahaan marka aan fiiriyo falcelinta ka soo noqota qoraallada aan soo dhigo.

Midda saddexaad waa sheeko duluc leh. Waxa la yiri; xilligii dalku ku jiray fowdada ba’an, waxaa la afduubi jiray dadka ka dhashay beelaha aan hubeysneyn, waxaana loo heysan jiray madax-furasho. Waxaa la sheegay in nin reer Banaadiri ah ay koox afduubatay, iyagoo lacag madax-furasho ah ka doonaya. Afduubayaashii ayaa ninkii weydiiyay reerkiisa si lacagta madax-furashada ay uga raadsadaan. Ninkii afduubnaa markii la weydiiyay cidda u afduuban tahay, wuxuu ku jawaabay:
“Axmed Naaji ma taqaanniin?”
Waxaa lagu yiri: “Haa.”
Wuxuu yiri: “Inta kale ku darso.”
Haddana waxaa la weydiiyay reerka uu Axmed Naaji ka yahay. Wuxuu yiri:
“Faaduma Qaasim ma taqaanniin?”
Waxaa lagu yiri: “Haa.”
Wuxuu yiri: “Inta kale ku darso.”

Dulucda sheekadu waxay tahay: farriimaha aan qoray qof walba si ha u fasirto, inta ka dhimanna haku darso.
Aan u imaado dulucda oraahdii ugu dambeysay ee aan qoray oo ahayd: “If you forgive the fox for stealing your chickens, he will take your sheep.” Micnaheedu waa: haddii aad dawaco ka cafiso inay digaag kaa xaddo, berri waxay kaa qaadan doontaa ari.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: waddada yari waxay kugu riddaa waddada weyn. Si kale haddii loo dhigo, xumaan kasta waxay ku billaabataa farakacayar. Haddii maanta la aqbalo hal sano oo sharci-darro ah oo lagu kordhiyo dowlad uu hoggaaminayo madaxweyne muddo-xileedkiisu dhammaaday, berri waddadaas waxay nagu ridi doontaa in la aqbalo toban sano oo sharci-darro ah.

Daawo: Mucaaradka oo shir xasaasi ah la leh odayaasha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka oo maalmahan dhaq-dhaqaaqyo culus ka waday magaalada Muqdisho ayaa haatan shir xasaasi ah hoteel Jasiira kula leh odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee ka taagan gudaha dalka.

Shirka oo goordhow furmay ayaa dhinacyadu waxay uga arrisanayaan xiisadda kasii dareysa ee u dhexeysa Villa Somalia iyo mucaaradka, maadaama illaa iyo hadda aan heshiis laga gaarin hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.

Odayaasha ayaa horay ula soo kulmay labada dhinac, waxayna weli wadaan dadaallo isku soo dhaweyn ah, si loo gaaro xal waaro oo muhiim ah.

Xaaladda ayaa labadii maalmood ee u dambeysay sii laba kacleysay, waxaana Muqdisho ka dhacay dibadbaxyo iska soo horjeedo oo ay soo kala abaabuleen dowladda iyo mucaaradka, kuwaas oo si weyn looga dareemay caasimada.

Didbadbixii mucaaradka ee shalay ayaa isagu watay rabsho, iyada oo ciidamo hubeysan oo ilaalinayay dibadbaxayaasha lagu arkay aagga mucaaradka, taas oo keentay cabsi amni oo ku aadan in labada dhinac ay is fara saaraan.

Saraakiisha amniga dowladda oo dhankooda hadlay, waxay hanjabaad u direen hoggaamiyeyaasha mucaaradka, iyaga oo sheegay in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan, haddii ay isku dayaan inay qalqalgeliyaan amniga guud ee caasimada.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan waxaase laga war sugayaa natiijada kulamada socda, inkastoo wada-hadalladii hore ay fashilmeen.

Jubaland oo DF ku eedeysay carqaladeyn lagu sameeyay duulimaad ku sii jeedy…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa si adag u cambaareeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii ay ku eedeysay inay hor istaagtay diyaarad rayid ah oo ay leedahay shirkadda Maandeeq Air, taas oo ka duushay magaalada Kismaayo kuna sii jeeday Dhoobley.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Jubaland ayaa lagu sheegay in diyaaradda oo lambarkeedu yahay 5Y IFY lagu qasbay inay u leexato magaalada Muqdisho ama ay ka degto garoonka diyaaradaha ee Wajeer ee dalka Kenya.

Tallaabadan ayuu maamulka Jubaland ku tilmaamay “mid sharci darro ah” iyo fara-gelin lagu sameeyay duulimaad rayid ah.

Jubaland ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabadan ay khatar ku tahay badqabka rakaabka, xorriyadda isu socodka shacabka iyo kalsoonida nidaamka duulimaadyada rayidka ah ee dalka, iyadoo ugu baaqday hay’adaha caalamiga ah ee qaabilsan duulista rayidka inay si dhow ula socdaan arrintan.

“Falkaan wuxu si cad uga hor imaanayaa xeerarka iyo heshiisyada caalamiga ah ee maamulaya duulimaadyada rayidka ah, kuwaas oo dhigaya in aan duulimaadyada shacabaka iyo adeegyda rayidka loo adeegsan dano siyaasadeed ama faragelin aan sharci ahyn,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Jubaland.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Waxaa nasiib darro ah in Dowladda Federaalka ee waqtigeedu dhammaaday ay mar kale hawada Soomaaliya u adeegsanyso aalad siyaasadeed, halkii ay ka ahaan lahayd adeeg qaran oo si siman loogu adeego dhammaan shacabka Soomaaliyeed.”

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Dowladda Jubaland waxay si adag u cambaaraynaysaa tallaabada sharci darrada ah ee Dowladda Federaalka ee waqtigeedu dhammaaday ay maanta ku hor istaagtay diyaarada rayidka ah ee Maandeeq Air, lambarkeeduna yahay 5Y IFY, taas oo dad shacab ah ka qaaday magaalada Kismaayo kuna sii jeeday magaalada Dhoobley, laguna qasbay in ay u leexato magaalada Muqdisho ama ay ka degto Garoonka diyaaradaha Wajeer ee dalka Kenya.

Falkaan wuxu si cad uga hor imaanayaa xeerarka iyo heshiisyada caalamiga ah ee maamulaya duulimaadyada rayidka ah, kuwaas oo dhigaya in aan duulimaadyada shacabaka iyo adeegyda rayidka loo adeegsan dano siyaasadeed ama faragelin aan sharci ahyn.

Dowladda Jubaland waxay u aragtaa arrintaan mid khatar ku ah badqabka rakaabka, xorriyadda isu socodka shacabka Soomaaliyeed, iyo kalsoonida guud ee nidaamka duulimaadyada rayidka ah ee dalka.

Waxaa nasiib darro ah in Dowladda Federaalka ee waqtigeedu dhammaaday ay mar kale hawada Soomaaliya u adeegsanyso aalad siyaasadeed, halkii ay ka ahaan lahayd adeeg qaran oo si siman loogu adeego dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Jubaland waxay ugu baaqaysaa hay’adaha caalamiga ah ee qaabilsan duulista rayidka ah, gaar ahaan Hay’adda Caalamiga ah ee Duulista Rayidka (ICAO) iyo dhammaan bahda caalamka, in ay si dhow ula socdaan xadgudubyadaan soo noqnoqday ee ka dhanka ah duulimaadyada rayidka ah iyo xorriyadda socdaalka shacabka.

Ugu dambayn, dowladda Jubaland waxay caddeynaysaa in aan la aqbali karin in shacabka Soomaaliyeed lagu cadaadiyo go’aamo siyaasadeed oo halis gelin kara badqabkooda iyo xuquuqdooda aasaasiga ah.

DHAMMAAAD.