28.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Canada oo si yaab leh uga hadashay khilaafka kala dhaxeeya SAUDI ARABIA

Ottawa (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka kala dhaxeeyo dowladda Sacuudi Carabiya.

Ra’isulwasaaraha Canada ayaa sheegay in wadankiisa uu xogga saarayo sidii loo difaaci lahaa Xuquuqul Insaanka.

Justin oo Saxaafadda la hadlay ayaa si cad u sheegay in mowqifka dowladiisa ee Xuququul Insaanka uu yahay mid aan gambad laheyn oo ay ka shaqeenayaan si qarsoon iyo si aan qarsooneyn.

Wuxuu intaas ku daray “ ma dooneyno inaan dowladda Sacuudiga la yeelano xiriir daciif ah… balse waxaan sii wadi doonaa inaan tilmaamno dhibaatooyinka ka dhanka ah xuquul Insaanka haddii ay ka dhici lahaayeen Sacuudiga iyo meel ka baxsan”.

Sidoo kale Justin ayaa saxaafadda u sheegay in wasiirka Arrimaha Debadda Canada Chrystia Freeland ay wada hadleyn dhigeeda dalka Sacuudiga Cadil Jubeyr Maalintii talaadada aheyd inkastoo uusan wax faahfaahin ah ka bixin kulankaas iyo waxyaabaha kasoo baxay.

Hadalka kasoo baxay Ra’isulwasaaraha Canada ayaa kusoo aadayo xilli ay dowladda Sacuudiga sare usii qaaday xiisadda labada dal u dhaxeyso iyadoo dadkeeda ku amartay inay deg deg uga soo baxaan Canada.

Dowladda Sacuudiga ayaa sidoo kale diiday in wax wada hadal ama dhexdhexaadin ah aan laga gelin karin arrinta kala dhaxeyso dalka Canada waxayna taas badalkeeda dowladaha Jaamacadda Carabta ugu baaqday inay xiriirka u jaaraan Canada.

Dowladaha baaqaas ka jawaabay ayaa waxaa ugu horeeyey Soomaaliya, Jabuuti,  Cumaan iyo Kuwait oo si rasmi ah u sheegay inay xiriirka u jareen Canada.

Caasimada Online
Xafiiska Ottawa
[email protected]

Xariga Cabdi ILEY oo arrin xasaasi ah ka dhex abuuray Liyuu Boolis iyo Ethiopia

Addis ababa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Soomaalida Ethiopia gaar ahaan degmada Dhagax-buur ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhexeysa ciidamada Liyuu Boolis iyo kuwa Militeriga Ethiopia.

Labada ciidan ayaa lasoo sheegayaa inay isku horfadhiyaan deegaanka isla markana aad looga cabsi qabo dhaqdhaqaaq ay wadaan labada dhinac.

Is horfadhiga iyo colaada saaka ka dhextaagan ciidamada Liyuu Boolis iyo Militeriga ayaa waxa ay ka dambeysay xiisada ka dhalatay gacan ku dhigista Madaxweyne hore Cabdi Maxamed Cumar oo hada la soo sheegayo inuu ku jiro xabsi guri ku yahay magaalada Addis Ababa.

Dadka deegan ayaa sheegaya in ciidanka Liyuu Boolis ay aad uga gadoodeen qaabkii Ciidanka Militeriga Ethiopia ay magaalada Jigjiga uga kaxeeyeen Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana labadan dhinac ay yihiin kuwo is hor fadhiya.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in mar walba laga baqdin qabo in dhinacyadan uu dagaal dhexmaro, maadaama dadaalo badan oo la sameeyay lagu guul dareystay in la kala qaado.

Geesta kale, waxaa saacadihii lasoo dhaafay caadi ku soo laabtay ganacsigii iyo isu socodkii magaalada Jigjiga oo todobaad marti gelisay xiisad colaadeed oo sababtay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Addis ababa
[email protected]

Warbixin: Axmed Madoobe oo lagu amray in deg deg uu uga baxo Addis Ababa

0

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubblanad Axmed Madoobe ayaa lagu amray inuu si deg deg ah uga baxo Magaalada Adis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa Axmed Madoobe u sheegtay inuu si deg deg ah isaga baxo Adis Ababa kadib markii la isku qabtay arrinta la xiriirta deegaanada Soomaalida Itoobiya oo maalmahaan ay ka taagenyd khalalaaso siyaasadeed.

Axmed Madoobe ayaa Adis Ababa u tagay sidii uu u dhex dhexaadin lahaa dowladda Itoobiya iyo maamulka deegaanada Soomaalida Itoobiya balse wuxuu cadaadis xoog leh kala kulmay dowladda Itoobiya oo u sheegtay in arrintaan ay u taalo dowladda federaalka Itoobiya.

Sida ay horey ugu akhrisateen wararkeenii hore Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada dowladda Itoobiya ayaa Axmed Madoobe si cad ugu sheegay inuu arrimahaas faraha kala baxo haddii kale ay dowladda Itoobiya tallabo ka qaadi doonto.

Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen xubno la socday Axmed Madoobe, dowladda Itoobiya ayaa u sheegtay in go’aanka ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay leedahay dowladda Federaalka ee dalkaas isla markaasna aan lagala tashan doonin Axmed Madoobe.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa waxaa Golayaasha maamulka Soomaalida Ethiopialagu wargaliyay in wixii khuseeya arrimaha maamulka ay kala tashan doonaan Wasiirka warfaafinta dowlada Ethiopia Axmed Shidde.

Golayaasha maamulka ayaa waxaa lagu wargaliyay in mudada lagu guda jiro marxalada cakiran ay howlaha xiisada iyo go’aan ka gaaristeeda kala xiriiri doonaan Wasiir Axmed Shidde oo mudadaasi kasii howlgali doona magaalada Jigjiga.

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Abiy ayaa Golayaasha u cadeeyay in Wasiirka warfaafinta dowlada Ethiopia Axmed Shidde uu taagan yahay booskiisa, isla markaana ay muhiim tahay in lagu dabafeylo.

Caasimada Online
Xafiiska Adis Ababa
[email protected]

Ciidan cusub oo la keenay isgoysyada Muqdisho iyo taliyaha ay ka amar qaatan

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka aan ka heleyno qeybo kamid magaalad Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Shalay galab lagu arkay qeybo kamid ah Isgooysyada muqdisho ciidammadii Nabad sugidda ee dhawaan laga qaaday Isgooysyada.

Ciidammada Isgooysyada lagu arkay ayaa ku labisnaa dharka ciidammada Booliska Soomaaliya, dhawaanna ciidammadii Nabad sugidda muqdisho waxaa lagu daray Booliska.

Meelaha lagu arkay ciidankan waxa kamid ah Isgooysyada Taleex iyo Dabka ee Muqdisho.

Ciidamadan ayaa waxaa la sheegay inuu taliye uyahay Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliya Jeneraal Sulub Axmed Fariid.

Askarta la keenay Isgooysyada Muqdisho ayaana la ogeyn qaabka ay wax uga badali doonaan amaanka Caasimadda.

Magaalada Muqdish ayaa muddo gaaban waxaa isku badbadalay amnigeeda ciidamo kala duwan oo isugu jiro Nabadsuhid, Militari iyo Boolis.

Dhawaan ayey aheyd markii Madaxweyne Farmaajo uu amray in la furo jidadka Muqdisho isla markaasna laga qaado ciidamada ku sugan oo ahaa kuwa ka tirsan ciidamada Xasilinta oo uu markii dambe Madaxweynaha kala diray dhamnaantood.

Khilaaf xoog leh ayaa ka dhashay markii ciidamada xasilinta la kala dirayey waxayna markii hore amar ka qaadan jireyn Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Mursal oo damacsan qorshe baarlaman oo uu Kheyre ku lug leeyahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan uu wado qorsho lagu soo koobayo fadhiyada baarlamaanka Somalia.

Guddoomiye Mursal ayaa la sheegay inuu doonayo in aad loo yareeyo kulamada baarlamaanka si xukuumada Somalia ay uga badbaado Mooshino iyo khilaafyo kaga imaada dhank Xildhibaanada baarlamaanka.

Waxaa la xaqiijiyay in Guddoomiye Mursal uu dheereyn doono dib u dhacyo la qorsheeyay in lagu sameeyo kulamada caadiga ah ee uu yeelan jiray baarlamaanka, waxaana lasoo sheegayaa in qorshahaasi uu yimid kadib koror ku yimid Mooshinada Xildhibaanada mucaaradka.

Xogtu waxa ay tibaaxeysa in qorshahaani uu horboodayo Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre oo uu khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyo Xildhibaano ka tirsan garabka mucaaradka.

Sidoo kale, Kheyre ayaa walaac ka qabo kacdoon kaga imaada dhanka Xildhibaanada mucaaradka oo iyagu goor sii horeysay ku goodiyay inay xilka ka tuuri doonaan Ra’isul wasaare Kheyre oo ay u arkaan inuu caqabad ku yahay danahooda siyaasadeed, waxa uuna arrintaasi u arkaa inuu kaga badbaadi karo yareynta fadhiyada baarlamaanka si wakhtigiisa uu u dhameysto.

Ma cadda sida uu ku dhaqan gali doono qorshaha Ra’isul wasaare Kheyre iyo Guddoomiye Mursal ay ku doonayaan inay ku cuuryaamiyan kulamada baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog cusub: Maxaa keenay is-casilaadda XOG-HAYIHII wasaaradda garagaarka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cumar Macalin, oo ahaa Xoghayihii Joogtada ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaciyay inuu is-casilay.

Warqadda iscasilaadda, ayuu mas’uulkan sabab uga dhigay go’aankiisa dhibaatooyin uu sheegay inuu kasii wadi wayaay shaqadda.

Laakiin, macluumaad hoose ayaa sheegaya in Xoghaye Maxamed uu is-casilay kadib markii Xafiiska Hanti-dhowrka guud uu kusoo furay baarista Kiis la xiriira musuq-maasuq maaliyadeed.

Waxaa soo galay baaritaan lagu hayo Agaasiimiha Waaxda dib u dejinta Wasaaradda, Daahir Maxamuud Nuur kaasoo todobaadkii tagey la xiray kadib markii lagu soo eedeeyay inuu lunsaday $84,000 oo dollar.

Xogta ayaa intaasi ku dareysa in Xoghayaha is-casilay si xariga looga sii daayo Daahir u gudbiyey Dukuminti laga soo saarey Wasaarada kaasoo Hanti-dhowrku ogaadey inuu been abuur yahay, talaabadaan ayaa Wasiirka cusub ee wasaaradda ka warhayn.

Maxamed Cumar ayaa Daahir Maxamuud waxay yihiin qaraabo dhaw iyadoo xarigii Agaasime waaxeedkaan kadib baaritaano soo galeen xoghayahaan.

Xoghayaha is casiley ayaa wararku sheegayaan in Waraaq laga dhigey garoonka diyaardaha Muqdisho isagoo aan ka bixi karin magaaladaas.

Xariga Daahir ayaa dhaliyay muran, waxaana xabsiga loo dhigay Saraakiishii ciidanka ee isaga soo xirteu, iyadoo maxkamadda gobolka Banaadir ay sheegtay in wadadii loo maray xarigiisa ay ahayd mid aan sharciga waafaqsaneyn.

Baaritaanada sida xowliga ku socda ee uu wado xafiiska Hanti-dhowrka qaranka ee lagu hayo Wasaaradaha iyo mas’uuliyiinta ka shaqeeya ayaa waxaa amray Madaxweyne Farmaajo.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii la waayay dhawaan lacag badan, oo lagu qiyaasay labo Milyan oo dollar taasoo loogu tala-galay howlgalkii xasilinta caasimadda iyo mushaarka ciidamada.

Waxaa la filayaa in dhawaan la isagu yeero Saraakiisha iyo Taliye-yaasha Ciidamada ee maamulayay dhaqaalahan la lunsaday, oo qeyb ka ah kiisaska musuq-maasuqa ee mudooyinkii dambe soo ifbaxay.

Soomaaliya ayaa mar walba safka hore ka gashay dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, waxaana uu Ra’iisul Wasaare Khayre marar badan ku celiyay inuu la dagaalamayo musuq-maasuqa jilbaha dhulka u dhigay horumarka dhaqaale ee dalka.

Xigasho: Garowe Online.

R/W Abiy Ahmed oo go’aan kama danbeys ka gaaray gobolka Somalida Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed oo shir khaasa la yeeshay Wasiirada Xukuumadiisa ayaa kala hadlay xiisada ka taagan dhulka Soomaalida ee sii kordhineysa dhiiga daadanaaya.

Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa Wasiirada Xukuumadiisa hordhigay sida laga yeeli lahaa xiisada waxa uuna kala tashtay inay muhiim tahay in arrinta xiisada DDSI ay xukuumada u wakiilato xubin ka tirsan Wasiirada waxaana leysku raacay in loo xilsaaro Wasiirka warfaafinta dowlada Ethiopia.

Intaa kadib Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa waxaa Golayaasha maamulka Soomaalida Ethiopialagu wargaliyay in wixii khuseeya arrimaha maamulka ay kala tashan doonaan Wasiirka warfaafinta dowlada Ethiopia Axmed Shidde.

Golayaasha maamulka ayaa waxaa lagu wargaliyay in mudada lagu guda jiro marxalada cakiran ay howlaha xiisada iyo go’aan ka gaaristeeda kala xiriiri doonaan Wasiir Axmed Shidde oo mudadaasi kasii howlgali doona magaalada Jigjiga.

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Abiy ayaa Golayaasha u cadeeyay in Wasiirka warfaafinta dowlada Ethiopia Axmed Shidde uu taagan yahay booskiisa, isla markaana ay muhiim tahay in lagu dabafeylo.

Si kastaba ha ahaatee, arrintaani ayaa muujineysa in Dowlada Ethiopia ay iska fogeyneyso faragalin iyo eedeymo kaga imaada dhanka Soomaalida Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wasiir jawaab ku haboon siiyey korneel AMISOM ka tirsan oo u gafay Somalia

Dowlada SACUUDIGA oo qaadatay go’aan cirka ku shareeray xiisada Canada

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu sii xoogeysanaayo khilaafka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya dowladaha Sacuudiga iyo Canada ayaa waxaa go’aan sii xoojinaaya khilaafka ku dhawaaqay Dowlada sacuudiga.

Dowlada Sacuudiga oo ka duuleysa khilaafka ayaa ku dhawaaqday in bukaanada u dhashay dalkeeda aan lagu soo daweeyn karin wadanka canada.

Boqortooyada ayaa sheegtay in ay bukaanada ku jira isbitaalada ku yaal wadanka Canada laga soo saari doono si ay daweyn caafimaad loogu geeyo dalalka Kale.

Wasiirka Arimaha dibeda sacuudiga Adel al-Jubeir ayaa sheegay in bukaanada dalkiisa mardanbe daaweyn caafimaad aysan ka dalban doonin wadanka Canada, waxa uuna sheegay in Canada ay halis ku tahay bukaanada ku jira isbitaaladooda.

Wasaarada ayaa sheegtay inay kaalin weyn ka qaadan doonto sida bukaanada looga saari lahaa isbitaalada iyadoo la maraayo sharciyada u yaala dalka Canada.

Sidoo kale, Saraakiil ka tirsan wasaarada arimaha dibeda sacuudiga ayaa warbixintaan waxay u xaqiijiyeen wakaalada wararka ee sacuudiga ee Saudi press agency SPA.

Dowlada Canada ayaa dhawaan sheegtay in ay ka walaacsan tahay shaqsiyaadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ee dowlada sacuudiga ay xirtay taasi oo keentay in boqortooyada ay caro ka muujiso warkaasi.

Arrintaan ayaa cirka kusii shareertay khilaafka diblumaasiyadeed ee labada dal, iyadoo wadamo dhowr ah ay la kala safteen labada dal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Laba-kaclaynta loolanka Geeska Afrika – Q. 4-aad

Qaybtaan waxay la socotaa middi ka horraysay. Waxay dhamaystiraysaa dhibatooyinka Jabuuti ooga soo fool leh quwadaha shisheeye ee xeebaheeda laga wada kireeyay. Waxaa noo danbaysay in Jabuuti oo dhul ahaan labo jeer wax ku dhow ka yar gobalaka Mudug (Mudug waa 60,000km2 hala Jabuuti ay tahay 23,200KM2) ay xeebaheeda isugu keentay, Shiine, Maraykan, Faransiis, Japan iyo Sacuudi Carabiya. Waxaan soo sheegnay in Shiine deyn xad dhaaftay ku yeeshay Jabuuti ilaa haddana oo mid kale siinayo taasoo looga shaki qabo inuu ku doonayo la wareegidda gacan ku haynta xeebaha Jabuuti marki ay bixin waydo qaanta. Waxaan maraynay in Shiine iyo Maraykan oo Jabuuti ku leh saldhigyo ciidan oo isu jiro 6 mayl kaliya ay billaabeen isku eedayn daandaansi.
Siyaasiyiinta iyo saraakiisha ciidamada Maraykanka ugu sarrayso ayaa walaac weyn ka muujiyay damaca Shiinihu kuu doonayo in gacanta ku dhigo dekadaha Jabuuti. Jananka haysto ciidamada Afrika ee Maraykanka ayaa sheegay Shiinuhu u diidi karo  Maraykanka isticmaalka dakedda haddii ay sidaan howshu kusii socoto. Shiine oo la wareego gacanta ku hayn xeebaha Jabuuti waxay, sidoo kale, ka dhigan tahay inuu isagu maamulo marinka Baab-Al-Mandan oo ah meesha 5% shidaalka adduunku uu maro. Haddii taasi ay dhacdo Maraykan iyo xulufadiisu waxay marti u noqonayaan Shiinaha, oo aanan keeni doonin kaliya inuu kaga adkaado tartarnka ka dheexeeye, ee sidoo kale keeni doonto inuu isagu yeeriyo waxa meesha marayo iyo koontaroolkeeda. Arrintaas inay dhacdo Maraykan dhimasho oogama duwana.
Inkastoo aysan hadda muuqan tallaabooyin u furan oo arrintaas uu ooga hortagi karo, haddana Maraykanku wuxuu ku jiifaa walwal joogta ah oo uu ka qabo is balaarinta Shiinaha ee Geeska Afrika. Xataa haddii uusan dhex marin dagaal hubaysan, mid siyaasadeed ee u dhaxeeyo labada dal ee adduunka ugu tunka weyn ku filan inay baabi’iso Jabuuti.
Waddamada Carabta ee sida lama filaanka ah ugu soo biiray loollanka ayaa la tuhmayaa inay Maraykanka jaraanjaro u yihiin. Imaaraatka oo ah saaxiibka ugu dhow Maraykanka, ayay Jabuuti isfahmi waayeen. Isfahanwaagaas wuxuu keenay in Imaaraat qaado talaabooyin is xigxigo oo muuqdo kuwo uu ku doonayo inuu Jabuuti god ku rido. Tusaale, wuxuu xariir dhow la samaystay Itoobiya lacag aad u bandanna siiyay. Sidoo kale wuxuu xariir aan caadi ahayn la yeeshay Eritareeya oo ay Jabuuti dhulna isku hayaan tartan xagga badaha ahna ku jiraan.
Heshiiska lama filaanka ah ee dhaxmaray Eritareeya iyo Itoobiya waxaa la sheegayaa inuu sabab u ahaa Imaaraat oo doonayo in Itoobiya isticmaasho dekadaha Eritareeya si loo wax yeelleeyo Jabuuti. Wararka aan la xaqiijin ayaa sheegayo in Imaaraatku ballanqaaday dayac tirka dakedaha Masawa iyo Casab ee Eritareeya, inuu dhiso jidku isku xiro Adisaba iyo Casamara iyo mid isku xiro Masawa iyo Makelle oo ah caasimadda gobalka Tikreega. Mashrrucaan oo sidaa su hirgalo Jabuuti wuxuu ku yahay dhabarjab naafeeyo dakhliga kasoo galo deledaeheeda taasoo adkayn doonto inay bixiso deynta lagu leeyahay.
Laakiin fulinta mashruucaan wuxuu u baahanhay balaayiin lacag ah iyo waqti gaarayo tobannaan sano taasoo la ogayn sida Imaaraat oo ku ceyrtoobay dagaalka Yemen uu u fulin karo.  Hasa yeeshee marki la fiiriyo hanka Itoobiya ee ah inay dalkeeda ka dhisto kaabayaasha dhaqaalaha kasoo u sahlayo damaceeda ah inay ka mid noqoto waddamada dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay sanada 2025’ta iyo sidoo kale qar iska-tuurnimada Imaaraat iyo waddamada carbeed lagu yaqaan waa mid aad ugu dhow inuu fulo. Culayskaas soo fuulay Jabuuti wuxuu u ogolaan karaa Maraykanka inay gorgortan la galaan madaxda dalkaas xalna u helaan cabsida laga qabo in Shiine la wareego xeebaha Jabuuti. Sidoo kale wuxuu sii murgin karaa xaaladda Jabuuti oo waxaa suuragal ah inay Shiine si buuxdo isugu dhiibto iyadoo u fakerayso sida Imaaraatka ee ah ‘rag iska celi’.
Haddii ay ka badbaado dabinka Shiinahu u dhigay Jabuuti, waxaa adag inay ka badbaaddo midka ay dhigtay Itoobiya. Qaanta uu Shiine siiyay Jabuuti afar laabkeed ayuu siiyay Itoobiya. Lacagtaan in badan oo ka mid ah waxaa lagu maalgaliyay waddoyin iyo tareen Itoobiya ku xiro Jabuuti. Hadafka mashaariicdaan waa in la isticmaalo boqollaal sano. Heshiisyada lagu galay mashaariicdaan Jabuuti qayb ayay ka ahayd sidaa darteed kama weecan karto.
Haddii ay dhacdo inay is qoomaan Itoobiya iyo Jabuuti oo howlo un isku qabtaan, Jabuutina go’aansato inay xirato xudduudkeeda, Itoobiya waa xaqiiq inay isku dayi doonto inay xoog kula wareegto Jabuuti oo dhan. Arrintaas waxay u cuskan inay difaacanayso danaheeda iyo lacagta balaayiinta ah ee ka gashay dhulka Jabuuti. Sidoo kale waxay ku doodi inay Jabuuti jabisay heshiiski lagu saleeyay mashaariicdaan Itoobiya qaameeyay.
Intaas waxaa dheer in dad Itoobiyaan ahi ay buux dhaafiyeen Jabuuti. 2015’ki Itoobiyaanka ku noolaa Jabuuti wuxuu ahaa 50,000 oo qof (0.16% ayay ka ahaayeen shacabka Jabuuti) inta aan la aqoon inay yimaadeen ee iska soo galay xad ma leh. Waqtigaas waddada tareenka lama dhisan mashaariicda shaqooyinka badan laga helayo ee Jabuuti ka socdana bilow ayay ahaayeen. Sidaas awgeed hadda waxaa suuragal ah inay ilaa 80 kun gaarayaan. Dadka Itoobiyaanka ah ee galo Jabuuti waxay u badan yihiin dad dago oo ku talagala inaysan soo noqon. Waxaa caasimadda ku yaallo xaafado u gooni oo gaaray inaysan cid kale ag mari karin (arrintaan ma hubo oo sheeko ayay igu soo gaartay). Lama yaqaan in dowladda Itoobiya si ku talagal ah dadkaas ugu dirto Jabuuti inay si dabiici isaga dhacdo laakiin waxaa hubaal ah in haddii tiro xooggan oo Itoobiyaan deegaan ku yeeshaan Jabuuti ay sahlanaan doonto inay Itoobiya qabsato Jabuuti.
Jabuuti waxaa ku nool Canfar 40% shacabka ah. Qowmiyaddaan waxay aaminsantahay inay iyadu Jabuuti deegaan u leedahay Ciisana kaga badan tahay ee Soomaali aan ree Jabuuti ahayn xoog ku muquunisay. Tabashadaan waxay noqon kartaa mid ay Itoobiya ka faaiidaysato marki ay u diyaar garowdo duullaan ay ku qaaddo Jabuuti. Canfartu waxay ku baahsantahay Itoobiya, Jabuuti iyo Eritareeya mana leh dal u gooni, marka inay ku fakeraan yeesha dal idiin gaar ah wax la baciidsado maahan.
Waxaa kaloo meesha ku jiro in Itoobiya sida ay Soomaaligalbeed oogala wareegtay Ingriiska uu qorshuhu ahaa inay Jabuuti oogala wareegto Faransiiska. 1884’ti Faransiiska iyo Itoobiya waxay kala saxiisdeen heshiis lagu dhisayo jid tareen oo kasoo baxo Jabuuti yimaadama Adis Ababa. Waa jidka hadda dib Shiinuhu u dhisay. Heshiiskaan waxaa ka mid ahaa in Faransiisku jidkaas iyo dhulkuu maro ee Jabuuti ah uu gacanta ku haynayo muddo 99 sano. Marki muddadaas dhammaato wuxuu si otomaatik ah u noqonayaa jidka iyo dhulkuu maraba mid hoos yimaada Itoobiya. Nasiib wanaag 99 ka hor ayay Jabuuti iska rogtay heeryadi guumaystaha. Laakiin Itoobiya waxay aaminsantahay in Jabuuti tahay dhul ay iyadu leedahay oo Faransiis ka xoogay ka dibka xorriyad ka siiayay. Sheegashadaas, inkastoo aannan idaacadaha ka maqal, waa mid lagu dhigo iskoollada ilaa jaamacadaha.
Ugu danbayn tartanka ka aloosan Geeska Afrika wuxuu u muuqdaa mid loogu tartamo qaybsigiisa. Waddamo horay guumayste u ahaa, kuwo hadda doonayo inay wax guumaystaan iyo kuwo dano dhaqaale kaliya leh ayaa isku eryayo gacan u haynta mandhiqadda. Deegaannada Soomaalida oo ay Jabuuti ku jirto ayaa ah ugu baylahsan ee cid walba isha ku hayso oo ay is leedahay la qaybsaye ha ka qadin. Waddamada quud-darraynayo inay qaybta wax ka helaan waxaa ka mid ah Itoobiya oo isu diyaarinayso inay isu muujiso dalka aan laga tallaabsan karin. La soco qormada xigta inshallah.
W/Q: Ibrahim Aden Shire

Netanyahu oo kulan deg deg ah la qaatay ciidanka iyo Xamas oo soo dirtay…

0

Gaza (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaaraha Maamulka Yahuuda Benjamin Netanyahu ayaa xalay kulan deg deg ah isugu yeeray Taliyaasha ciidamada kala duwan.

Kulankaan deg deg ah ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Difaaca Yahuuda Avigdor Lieberman iyo dhammaan hoggaamiyaasha ciidamada Militariga kadib markii ay cirka isku sii shareertay xiisadda ka taagan Magaalada Gazza ee dhulka Reer Falastiin ee xoogga lagu heysto.

Iska hor imaadyo xooggan ayaa maalmihii ugu dambeeyey magaalada Gazza ku dhex marayey ciidamada Israa’iil iyo ururka iska caabinta Xamaas, waxaana iska hor imaadyadaas ku shahiiday seddex qof oo Falastiiniyiin ah halka ay ku dhaawacmeyn tobaneeyo kale.

Kulankaan deg deg ah ayaan laga soo saarin wax  warbixin ah waxaana muuqato in culeys weyn uu soo fuulay Maamulka Yahuuda.

Dhinaceeda Xarakada Xamaas ayaa ku hanjabtay in la joogo waqtigii loo aari lahaa dhigga Shuhada ay daadisay Israa’iil.

Afhayeen u hadlay Xamaas oo lagu magacaabo Fowzi Barhuum ayaa sheegay inay Xamaas ka go’an tahay sii wadista dagaalka lagula jiro Yahuuda xogga ku heysato dhulka reer Falastiin.

Mas’uul kale oo ka tirsan Xamaas oo la hadlay Al-Jaziira ayaa sheegay inay iska caabin doonaan culeys kasta oo kaga imaado Yahuuda isla markaasna aysan gacmaha ka laaban doonin duqeymaha ay wado.

Caasimada Online
Xafiiska Gaza
[email protected]

Xog: Dowlada Imaaraadka oo Hub nooca culus ka dajisay Dekadda Barbara

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka helnay xubno ka howlgala Dekadda Berbera ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in halkaa laga dajiyay Hub farabadan.

Xogtu waxa ay tibaabeysaa in Hubkaasi lagu waday Markab laga leeyahay dalka Imaaraadka nooca yaryar ee agabka daabula.

Hubka laga dajiyay Dekadda ayaa lasoo warinayaa inay ku jiraan noocyada meelaha fog wax ka gumaada.

Saraakiil ciidan oo ka tirsan Militeriga Imaaraadka ayaa la socday Markabka kuwaa oo Hubka u daabulay meel ka baxsan Dekadda, sida aan xogta ku heleyno.

Xogo hoose ayaa muujinaaya in Hubkaasi loogu tallo galay in lagu xero Saldhiga Imaaraadka ee dhawaan laga dhismaha bilaabay duleedka magaalada Berbera.

Saldhigan oo aan wali gaarin heerkii loogu tallo galay ayaa waxaa marba marka xigta la geeya Hub iyo agab dhismo, waxaana xusid mudan in halkaasi ay ka socdan howlo aan laga warqabin.

Geesta kale, dowlada Imaaraadka carabta ayaa saanad Militery u ballanqaaday maamulka Somaliland oo dhawaan hubkii ugu badnaa kula dagaalamay Puntland.

Ma cadda in Hubkaasi lasiiyay Somaliland iyo inkale wallow arrintaani ay imaaneyso xili dowlada Imaaraadka ay dhex dabaalaneyso mowjado siyaasadeed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Warar is khilaafsan oo kasoo baxayo xaaladda uu ku sugan yahay Cabdi Maxamuud Cumar?

0

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Wararka la helayo ayaa sheegaya in madaxweynihii dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya ee xilka ka degay Cabdi Maxamuud Cumar uu weli ku sugan yahay magaalada Addis ababa.

Warar is khilaafsan ayaa sheegaya in Cabdi Maxamuud uu xiran yahay, halka warar kale ay oronayaan in xabsi guri uu ku jiro,warar kalena waxay sheegayaan in ammni ahaan uu halkaasi ugu sugan yahay.

Shabakadda Caasimadda Online waxaa soo gaaray warar ah in mas’uuliyiin uu kamid yahay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ay ku sugan yihiin magaalada Addis ababa oo ay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ay kala tashanayaan xaaladda dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya.

Warar aan helnay waxay sheegayaan in dublumaasiyiin ajaanib ay la xiriireen hoggaamiyeyaasha dowladda federaalka ee Itoobiya oo ay kala hadleen xaaladda uu ku sugan yahay gobolka soomaalida ee Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Adis Ababa
[email protected]

Mas’uul ka tirsan dowladda oo isu casilay cabsi uu ka qabo baaritaan masuq maasuq

0

Muqdisho (Caasimadda Online)– Xoghayihii joogtada wasaaradda gargaarka iyo maaraaynta Masiibooyinka, Maxamed Cumar Macalin ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay wasaaraddaasi, iyadoo maalmo kahor wasaaradaasi laga soo xiray agaasimihii waaxda dib u dejinta barakacayaasha Daahir Maxamed Nuur oo lagu soo eedeyay in lagu helay musuq maasuq.

Warqadda is casilaadda  ayaa la sheegay in uu agaasimuha ku sheegay inuu isku casilay duruufo adag oo u saamixi waayey inuu sii wato shaqadii uu u hayey wasaaradda iyo khilaaf kala dhaxeeya wasiirka.

Warar hoose ayaa sheegaya in xoghayaha iyo wasiirka wasaaradda Xamza Saciid Xamze uu khilaaf soo kala dhex galay iyo kala aragti duwanaansho isla markaana uu sidaasi isu casilay.

Dhawaan ayaa dowladda xabsiga dhigtay agaasimihii waaxda dib u dejinta barakacayaasha Daahir Maxamed Nuur oo lagu eedeeyay masuqmaasuq hanti dadweyne. Hase ahaatee lama oga in xoghayaha iscasilay arrintaan dabada la gashay ama saameysay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Soomaaliya, Cummaan, Suudaan iyo Kuweyt oo isku mawqif ka istaagay arrimaha Canada iyo Sucuudiga

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Keddib khilaafkii Khaliijka oo ay Dowladaha Soomaaliya, Suudaan, Cummaan iyo Kuweyt ay qaateen go’aan dhexdhexaad ah ayaa haatan waxaa muuqata in isbaddal dhankaas ku saabsan yimid keddib markii ay dowladahan iska diideen faragelin kasta oo lagu sameeyay dal xubin ka ah Jaamacadda Carabta iyo Ururka Islaamka.

Inkasta oo ay warsaxaafadeedyada ay sii daayeen ay xoogaa ka muuqato in ay dhiirrigelinayaan wada hadal iyo in labada dal ay ka wada hadlaan khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhex jira, haddana waxay gaashaanka ku dhufteen faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Suchudiga.

Dad ka faallooda arrimaha siyaasadda oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan indhaha ka laaban karin faragelinta waddan kamid ah dalalka Islaamka, haddana hormuud u ah Jaamacadda Carabta.

Maadaama ay dalalka bannaanka ka istaageen dulmigii lagu go’doomiyay Qatar, sidaas si lamid ahna waxay muujinayan in loo baahanyahay in dal kasta siyaasadiisa gudaha inaan lagu xadgudbin.

Sucuudiga iyo Soomaaliya ayaa wadaaga xiriir qotodheer oo aysan marnaba labada dal ku kala go’I karin si kastoo mararka qaar looga gaabsado siyaasadaha arrimaha dibadda ee ay ku kacayaan dalalka reer Galbeedka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Akhriso Liiska Wasiirada XFS ee heysta dhalashada dalka CANADA xili ay DFS la safatay SACUUDIGA

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Dowlada Somalia ayaa daboolka ka qaaday inay isgarabtaageyso dowlada Sacuudiga oo uu khilaaf diblumaasiyadeed kala dhexeeyo Canada.

Dowlada Somalia waxa ay sheegtay inay la safan tahay dowlada Sacuudiga, waxa ayna dowlada Canada ku eedeysay inay ku xadgudbeyso madax-banaanida dalkaasi.

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlada Somalia ayaa aad uga carooday go’aanka ay dowlada Somalia kula safatay dowlada Sacuudiga isla markaana kaga soo horjeesatay Canad.

Waxa ay Wasiirada iyo Xildhibaanaduba sheegen in dowlada Somalia, gaar ahaan Wasaarada arrimaha Dibadda ku fududaatay go’aanka ay ku dhex gashay khilaafka.

Xildhibaan Sagal Isaaq Biixi oo qoraal soo dhigtay barta twitter-ka ayaa sheegtay in go’aanka ay dowlada Somalia ku taageertay Sacuudiga uu yahay mid lagu qoslo.

“Waa wax lagu qoslo oo meel ka dhac ku ah guud ahaan haweenka meel walba oo ay joogaan, gaar ahaan dumarka Soomaaliyeed. Intii aan u doodi lahayn xuquuqdooda waxa aan dhinac istaageynaa wadan uu ka jiro dhaqanka carsi-jaahiliga, oo haweenka ula dhaqma sidii wax liita oo aan qiimo ku fadhin, waxa aan garaaceynaa durbaanka niyad-jabka” ayey tiri xildhibaan Sagal Isaaq Biixi.

Qoraalkeeda ayaa intaas ku daray, “Warqaddan-Bayaanka dowladda Soomaliya-kama hadleyso waxa ka dhex jira Sacuudiga iyo Kanada balse waxa ay bidhaamineysaa heerka sida arrimaha haweenka aysan ugu jirin siyaasadeenna iyo go’aamadeenna maalinlaha ah-waa wax laga xumaado” ayey tiri xildhibaan Sagal.

Dowlada Somalia waxaa xilal kala duwan ka haya Mas’uuliyiin heysta dhalashada dalka Canada xili ay dowlada Somalia ku bilowday daan-daansi Siyaasadeed iyadoo qancineysa dowlada Sacuudiga.

Xubanaha dowladda ku jira ee heysta dhalashada Canada waxa ay isugu jiraan Wasiiro, Xildhibaanada labada aqal, taliyayaal, iyo agaasimayaasha wasaaradaha qaarkood.

Dadka qaar ayaa tusaale u soo qaadanaya hab dhaqanka labada dowladood iyo cida Soomaaliya taageertay, kaddib burburkii dowladda Dhexe, iyadoo Canada ay ku nool yihiin Soomaali fara badan, kuwaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay, heystana dhalashada dalka, qaarkoodna xilal ka haya, sida Wasiirka Socdaalka dalkaas.

Sidoo kale dowladda Sacuudiga ayaa labaatankii sano ee la soo dhaafay dalkeeda ka soo tarxiishay muwaadiniin fara badan oo Soomaaliya.

Halkaan hoose kaga bogo qaar kamid ah Wasiirada XFS ee heysta dhalashada dalka Canada:-

1-Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad.

2-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac.

3-Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil.

4-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Salaad Oomaae.

5-Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamdd Xasan.

6- Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Deeqo Yaasiin.

7- Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre.

8-Taliyaha Nabadsugida Qaranka Xuseen Cismaan Xuseen.

Waxaa sidoo kale jira Sagaal Senator ka tirsan Aqalka Sare iyo Xildhibaano ka tirs Golaha Shacabka oo heysta dhalashada dalka Canada.

Si kastaba ha ahaatee, go’aanada degdega ah ee dowlada Somalia ayaa caqabado diblumaasiyadeed u abuureysa Somalia, waxaana lagu talinayaa inay dhex dhexaad ka noqoto arrimaha khilaafka adduunka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dowlada ETHIOPIA oo amar hor leh kusoo rogtay dhulka Soomaalida (Muxuu yahay)

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Ethiopia ayaa amar ku bixisay in hawada laga saaro Interneedka dhamaan laga isticmaalo deegaanada Soomaalida.

Dowlada ayaa sheegtay in muddo Seddex cisho ah aan deegaanada Soomaalida laga isticmaali karin wax interneed ah.

Dowladu waxa ay tilmaantay in jarista Interneedka ay ula gol leedahay xasilooni kusoo dabaalida deegaanada Soomaalida oo iminka ay gacanta ku hayaan ciidamada Militeriga.

Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee shaqooyinkooda ay ku xiran tahay ayey dowlada Ethiopia ku wargalisay in laga doonaayo dulqaad maadaama Interneedka uu ka qeybqaadanaayo xasilooni darada ka jirta dhulka Soomaalida.

Dadka dibad-baxa dhiga iyo kuwa aadka uga faa’iideysanaaya rabshadaha ayaa muuqaalo ay kasoo duuban dhibaatooyinka ka taagan deegaanada maamulka ku baahiya Facebook iyo Youtube.

Dowlada oo dabacsanaan u muujineysa shacabkeeda ayaa tiri “Waxaanu ku wargalineynaa shacabka iyo shirkadaha inay muujiyaan dulqaad dheeri ah, maalmaha seddexda cisho ee aanu hawada ka saari doono Interneedka waxaanu ula gol leenahay xakameynta xaalada kacsan”

Talaabadaani ayaa kusoo beegmeysa xili dowlada Ethiopia ay ku dhawaaqday in maamulka cusub uu waxbadan ka duwanaan doono kii hore.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Diyaaradaha Kenya oo duqeeyey Gobolka Gedo iyo dad shacab ah oo ku dhintay

0

Gaddoon dhowe (Caasimadda Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen dadka ku dhaqan gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta Soomaaliya, diyaarado dowladda Kenya ay leedahay ayaa xalay duqeyn geystay khasaaro dhimasho duqeyntu waxay ka dhacday duleedka magaalada Beled Xaawo.

Tuulada  duqeeyntu ka dhacday ayaa lagu magacaabaa Laan-qurac, deegaanasi ayaa waxaa uu hoos yimaada deegaanka Gaddoon dhowe.

Dadka ku dhaqan deegaanakasi ayaa u sheegay warbaahinta in duqeeyntaasi uu ku dhintay nin reer miya ah oo marayay deegaanka ay Duqeeyntu ka dhacday.

Goobta ay duqeeyntu ka dhacday ayaa waxaa gaaray dad ka ag dhawaa waxayna goobta  kusoo arkeen meydka Ruuxaasi Shacabka ah oo halkaasi duqeeynta ku dishay .

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa si toos ah ubeegsaday dad shacab xoola dhaqata ah oo xilligaas doonayay in ay kasoo adeegtaan Gaddoon dhowe, dowladda Kenya ayaa xasuuq aan kala sooc laheyn ku heysa shacabka gobolka Gedo.

Duqeymo bilo ka hor ka dhacay degmada Ceelcadde iyo deegaannada hoos yimaad ayaa sababay dhimashada tobaneeyo ruux iyo in ay bakhtiyaal boqolaal neef oo u badan Ari iyo Geel.

Caasimada Online
Xafiiska Baardheere
[email protected]

Musuq maasuq xooggan oo ka jiro Safaaradda Soomaaliya ku leedahay Malaysia iyo codsi loo diray DFS

0
Kuala Lumpur (Caasimadda Online) – Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Malaysia ayaa cabasho kasoo gudbiyey Safaaradda Soomaaliya ay halkaas ku leedahay.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Malaysia ayaa waxaa ka jiro musuq maasuq xoog leh oo ku saabsan bixinta Baasaboorada Soomaaliya iyo dhammaan Documentiyada ay dadka Soomaaliyeed uga soo baahdaan.

Qaar ka tirdan ardayda ku nool dalka Malaysia oo lasoo xiriiray Shabakadda Caasimadda Online ayaa xaqiijiyey inay Safaaradda ka qaado ardayda iyo dadka caadiga ah lacag  xad dhaaf ah marka ay usoo baahdaan Baasaboorada.

Halkii Baasaboor ayey safaaradda lacag ahaan dadka uga qaadaa ku dhawaad 300 oo Dollar halka wadamada kale ee Soomaaliya safaaradaha ku leedahay laga qaado lacag u dhaxeyo 140 – 150 Dollar.

Sidoo kale waraaqaha iyo Documentska ay dadka Soomaaliyeed iyo ardayda uga soo baahdaan safaaradda Malaysia  ayaa laga qaadaa lacag gaareyso ilaa 80 Dollar halka Safaaradaha kale dadka Caadiga ah iyo ardayda laga qaado inta u dhaxeyso 10 – 20 Dollar iyadoo ay xusid mudan tahay in Safaarado ay kamid tahay midda Soomaaliya ee Ankara aan wax lacag ah laga qaadin ardayda uga soo baahdo waraaqaha iyo Documents-ka .

Safaaradda Soomaaliya ee Malaysia ayaa waxaa Safiir ka ah Dr. Abukar Abdi Osman Mardadi waxaana muuqato in musuq maasuqaan uu isaga ku lug leeyahay maadaama aan safaaradda laga sameyn karin wax uusan isaga ka war qabin.

Dowladda Soomaaliya oo maalmahaan xooli ku waday la dagaalanka musuq maasuq ku aadan isla markasna usoo xirtay mas’uuliyiin badan ayaan weli wax hadal ah kasoo saarin dhibaatada lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Malaysia iska dhaaf in tallaabo laga qaado.

Qaar ka tirsan ardayda Soomaaliyeed ee halkaas ku nool ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in si deg deg ah wax looga qabto dhibaatada lagu hayo haddii ay dowladda Soomaaliya dhab ka tahay la dagaalanka musuq maasuqa.

Caasimada Online
Xafiiska Kuala Lumpur
[email protected]

Maxay kala ahayen Meydadka Oromada ee maanta laga helay magaalada Bosaso?

Garoowe (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari laga helay Meydadka dhalinyaro la sheegay inay kasoo jeedan dalka Ethiopia.

Meydadka Dhalinyaradani oo labo ah ayaa la sheegay inay kasoo jeedan qowmiyada Oromo waxaana Meydkooda ka muuqda dhaawacyo kala duwan.

Dad dul tagay Meydadka ayaa sheegay in mid kamid ah labada ruux qoorta laga jabiyay sidaasna uu ku dhintay.

Ruuxa labaad ayaa la sheegay in loo dilay qaab silac ah, waxaana oogada jirkiisa qariyay dhaawacyo kala duwan.

Dad ku dhaqan boosaaso ayaa waxa ay sheegeen in meydadka dadkaas laga soo helay meel u dhow Masjidul Faadumo ee laamiga bartaha isagoo qoortu jaban tahay, halka midka labaad laga helay Xafiis ay Maamulaan dadka wax tahriibiya.

Labada nin ayaa da’dooda waxaa lagu qiyaasay  ilaa  20,sida ay sheegeen Saraakiisha Isbataalka Weyn ee Magalada Boosaaso oo la geeyey meydadka dadkaas u dhashay qowmiyada Oromada ee lagu dilay Magaaladaas.

Warar madax-banaan ayaa sheegaya in labadaasi ruux laga kaxeystay goob ay ku qayilaayen, iyadoo falkaasi ay geysteen afar ruux oo la socday gaari nooca raaxada ah.

Maalin sii horaysay ayaa muuqaal nin Oromo ah oo la dilaayo lagu baahiyay Baraha Bulshadda, kaasi oo la sheegay inuu ku qeyla dhaaminaayay “Garoowe iyo Boosaaso anagaa leh”.

Ciidamada Ammaanka gobolka Bari ayaa bilaabay howlgal ay ku baadigoobayaan dadka dilka u geysanaya Oromadda.

Arrintaani ayaa kusoo beegmeysa xili maamulka gobolka Bari uu shalay digniin adag kasoo saaray falalka lagu laynaayo dadka Oromadda ah.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]