25.4 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Imaaraadka iyo Ethiopia oo galay heshiis caqabad ku noqon doona JABUUTI

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa qalinka ku duugay heshiis dhigaaya in dalkiisa xarun looga dhigo dhuun shidaal oo la doonaayo in laga soo talaalo Dekadda Casab ee dalka Eritrea.

Heshiiska oo ka dhacay magaaladda Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa waxaa lagu kala saxiixday in dhuunta shidaalka laga soo talaalo Dekadda Casab xarun looga dhigo Ethiopia.

Heshiiskan ayaa waxaa dhanka Imaaraadka carabta u saxiixay Wasiiru-dowlaha iskaashiga Caalamiga Imaaraadka Reem Al Hashimy oo sheegtay inay muhiim tahay in xili hore la dhaqan galiyo Heshiiska.

Madaxa shaqaalaha Xafiiska Ra’isul wasaare Abiy Axmed Mr Fitsum Arega oo Heshiiska kadib u waramay Wakaalada wararka Reuters ayaa sheegay in heshiiska labada dal ay kala saxiixeen Ra’isul wasaare Abiy Axmed iyo Reem Al Hashimy oo Wasiiru dowle.

Mr Fitsum Arega, waxa uu tilmaamay in wada xaajoodka labada dal uu yahay mid ku xeernaa dhinacyada Maalgashiga beeraha, Dhismooyinka, Shidaalka, Warshadaha, Dhuumanka shidaalka iyo Goobaha loo dalxiistago.

Waxa uu sidoo kale, Mr Fitsum Arega sheegay in heshiiska uu qeyb ka ahaa in wakhti hore lagu dhaqaaqo Heshiiska iyo howlgalinta dhuunta shidaal.

Dowlada Imaaraadka carabta ayaa Saldhig Militery ku leh Dekadda Casab oo noqon doonta halka laga soo talaali doono shidaalka.

Qorshaha Imaaraadka ayaa ah in ganacsiga dhanka shidaalka ay soo mariso dalka Eritrea halka ay markii hore kasoo marin jirtay Dekadda Jabuuti.

Heshiiska Imaaraadka iyo Ethiopia ee lagu talaalayo dhuunta shidaal ayaa caqabad ku noqon doonta dowlada Jabuuti oo xiriir aad u xun uu iminka kala dhexeeyo Eriterea iyo Imaaraadka.

Si kastaba ha ahaatee Dowladaha Imaaraadka carabta iyo Ethiopia ayaa ku heshiiyay in si dhaqsi ah lagu howlgaliyo Heshiisyada muhiimka ah ee lagu dardar galinaayo ganacsiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Jawaab ku socota qoraalki saadaasha xiisadaha ka taagan Soomaali Galbeed

Ina Cabdisamadoow, waxaan aqriyay qoraal aad ku soo bandhigtay Caasimada Online oo aad kaga hadlaysay waxa dhici kara hadii ay ciidanka Itoobiya xoog wax ku raadiyaan iyo hadii ay xal siyaasadeed wax ku raadiyaa.

Waxaan si qoto dheer u aqriyay qoraalka dheer ee aad soo ku daabacday beejkaasi aan sare ku soo sheegnay, balse waxaan aad ula yaabay sida indha la’aanta ah ee aad ugu hadleyso qabiilka loo yaqaano Ogaadeen, gaar ahaan marka aad is barbardhiga ku sameyneysa laba xaaladood waxaa aad uga muuqda in aan buunbuunineysa Ogaadeen.

Anigu waxaan leeyahay:

1. Warkaaga waa kicin Soomaalida iyo Oromada iyo abaabul dagaal;
2. Buunbuunin Ogaadeen iyo Cabdi Ileey;
3. Beer laxawsi Soomaalida inteeda kale oo ‘waawareey Oramadii ayaa soo socota’;
4. Ogaadeen oo khatar dareemaya in tala gacantooda ka baxaysa, gaar ahaan kala dirida iyo hub ka dhigidiisa ciidanka sida wuxuushnimada u laayay Soomaali Galbeed iyo Soomaali inteeda kale. 

Hadaba anigu waxaan ka leeyahay arintaa: 

1. Ma dhici doonto in mar damba tala gacantiisa dib u xukumo ugu soo noqoto arxanlaawihii gumaadaka iyo silica dilka u geysan jiray Soomaalida Itoobiya;

2. Ma dhici doonto in madax Soomaali dambe oo Tigree ka amar qaata uu dib ugu talin Soomaalida Itoobiya;

3. Ma dhici doonto in baa’ba iyo xasuuqa aad ka sheekeynaysa in ay dhici doonaan hadii aanan la sameyn qodobadii aad ku andacootay in la sameeyo hadii nabad laga doonaya Soomaalida Itoobiya;

4. Ma dhici doono dagaal daba dheeraada oo dhex mara Soomaalida iyo Oramada, xasaradda taagana waxa ay noqon doonaan kuwa soo afgarma;

5. Ma dhici doonto in gabhada ONLF ay talada dalka Itoobiya ay qeyb ka noqdaan iyagoo gabhad ah marka laga reebo in kuwa Soomaalida iyo Itoobiyaanka la jaangaadi kara oo aanan ahayn kuwa ay madax martay Ogaadinimada.

Ugu dambeyn waxaad tiri hadii ay ogaadeen heli waayaan intaasi waa in ay Soomaalidu u diyaar garoowdaa  Colaad iyo Dagaal. Anigu waxaan ku leeyahay:

1. Dhamaan Soomaalidu ma wada saameyn doonta colaada iyo xasuusqa iyo halaaga dhici doona ee aad adigu abuureeso ee waxa uu sameyn doonaa kuwa is hor istaaga ku sameeya Xukunka Dowladda Itoobiya gaar ahaan wuxuushta Liyuu Police ee aad ku sheeg 30,000-60,000 kun, jabhada Ogaadeenka iyo Arxan laawada Ina Ileey oo gumaadka iyo silac dilka u geystay Soomaalida Itoobiya.

2. Oramadu iyo Soomaalidu waa ay heshiin doonaan si ku dheehan waalnimo iyo oodwadaag.

3. Dowlada Itoobiya waxay gacan bir ah ku dhigi doontaa qaswadayaasha aan hora ku soo sheegay iyo daba dhilifka abuuraya isku dhacyada qowmiyada oo qoraalada guracan ku soo badhigaya baraha bulasha.

4. Waxaa xukunka la wareegi doona kuwa naxariis u leh una siman yihiin shacbi weynaha ku nool deegaanada Soomaalida ee Itoobiya. Xunkana waxa uu noqon doonaa mid matalaad buuxda leh dhaamaan umadda ku nool deegaanka.

Ugu dambeyn, waxa ay ila tahay in ay Soomalidu meel ay joogtaba fahan buuxda ka qaadato owr kacsiga Ogaadeenka Itoobiya iyo ujeedoonka guracan kuwii ka haray maamulkii Tigreega aadna uga feyjugnaadaan huuhaada ay baraja bulshada ku soo qoraan.

W/Q: Maxamed Abshir Nur
Khabiir Arimaha Gobalka 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Sooyaalka JABUUTI iyo DP World: Maxaad u baahan tahay inaad ogaato (Aqri)

Jabuuti (Caasimada Online) – Maxkamadda caalamiga ah ee dhex-dhexaadinta ee magaalada London ee London Court of International Arbitration (LCIA) ayaa go’aamisay in heshiiskii ay DP World kula wareegtay maamulka dekedda Doraleh ee Jabuuti, oo markii dambe dowladda Jabuuti ay ka baxday uu yahay mid “sharci ah, oo weli taagan”

Haddaba hoos ka aqriso sooyaalka Jabuuti iyo shirkadda DP World.

Sanadii 2006, labada dhinac ayaa kala saxiixday heshiis dhigaya in dowladda Jabuuti ay yeelato 67% saamiga dekedda Doraleh, halka DP World ay qaadatay 33%

DP World ayaa dekedda Doraleh ka dhistay terminal ama qeyb loogu magac-daray Doraleh Container Terminal (DCT), oo badeecadaha la isga gudbiyo, kaasi oo loo arko midka ugu casrisan ee dekedda. Terminal-ka ayaa sidoo kale ka ah kan abuura shaqada ugu badan dalka Jabuuti, ayada oo kumanaan qof ay si toos ama aan toos ahayn ay uga shaqeeyaan.

2009, waxaa la furay terminal-ka Doraleh, ayada oo ay goob jog ka ahaayeen madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Sultan Ahmed bin Sulayem, oo ah madaxa DP World iyo Sheikh Ahmed Bin Mohammed bin Rashid Al Maktoum, oo ah ku xigeenka maamulaha Dubai.

2009, DP World iyo Jabuuti ayaa si wadajir ah u aas-aasay mashruuca howlgalka Doraleh, si sare loogu qaado dhaqaalaha, loona taageero ganacsiga iyo shaqo abuurka.

Kadib furitaanka guddoomiyaha DP World ayaa billaabay dhismaha hotelka Kempinksi Djibouti Palace Hotel, oo qeyb ka ah mashruuca hoteelada ee Nakheel Hotels.

Sidoo kale madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Sheikh Ahmed Bin Mohammed Bin Rashid Al Maktoum, ayaa furay wadda 16 KM ah oo caasimadda Jabuuti ku xireysa Terminal-ka Doraleh, waxaana lagu dhisay lacag 21 milyan oo dollar ah, oo uu bixiyey Sheikh Mohammed, ayada oo waddadana isaga loogu magac daray.

Jabuuti ayaa bishii March 2018 sheegtay inay diyaar u tahay inay iibsato saamiga ah 33% ee DP World ay ku lahayd Doraleh, si loo soo geba gebeeyo muranka kala dhaxeeya mid ka mid ah shirkadaha ugu weyn dunida ee maamula dekadaha.

Sidoo kale, 17-kii July, shirkadda laga leeyahay dalka Jabuuti ee maamusha Dekadda Doraleh ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin inay magdhow ka bixiyaan heshiiskii ay ka baxeen ee u dhexeeyay iyaga iyo Shirkadda Dubai Ports World ee laga leeyahay Imaaraadka.

Labadii August, Maxkamadda caalamiga ah ee dhex-dhexaadinta ee magaalada London ee London Court of International Arbitration (LCIA) ayaa go’aamisay in heshiiskii ay DP World kula wareegtay maamulka dekedda Doraleh ee Jabuuti, oo markii dambe dowladda Jabuuti ay ka baxday uu yahay mid “sharci ah, oo weli taagan”

Saddexdii August, Dowladda Jabuuti ayaa ku gacansayrtay go’aan ay soo saartay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dhexdhexaadinta ee fadhigeedu yahay magaalada London ee ka dhanka ahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Meydadka dad Ethiopian ah oo lagu dhex arkay dalka Jabuuti + Tiradooda (Aqri)

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dalka Jabuuti ayaa sheegaya in halkaa lagu dilay dhalinyaro kasoo jeeda dalka Ethiopian oo deegaan ku ahaa dalkaasi.

Ethiopian-ka la dilay ee Meydkooda lagu arkay goobo kala duwan ayaa la sheegay in tirro ahaan ay dhanyihiin 6 qof, kuwaasi oo la tilmaamay in loogu aar guday dhalinyaro Jabuutiyan ah oo dhawaan lagu dilay Ethiopia.

Wargeyska Ethiopia Observer ee kasoo baxa dalka Ethiopia ayaa qoray in lix qof oo kasoo jeeda Ethiopia lagu dilay dalka Jabuuti.

Waxa uu sheegay in dadkaasi loo dilay qaabab silac ah, hase yeeshee markii danbe magaalada lasoo dhigay Meydadkooda.

Dadka Ethiopian-ka ah ee ku nool Jabuuti oo uu soo xiganaayay Wargeyska ayaa sheegay in Lixda  xubnood oo iyaga ka mid ahaa la dilay, halka kuwo kalena la dhaawacay.

Waxa ay sheegen in ay ku suganyihiin nolol cabsi leh isla markaana dowladda Jabuuti ay kaliya cambaareysay waxa dhacay, iyadoo aan qaadin waxtalaabo ah.

Qoraalka Wargeyska waxaa lagu muujiyay in dilalka dadka Ethiopian-ka ah ee ku nool Jabuuti ay inta badan dhacaan xiliyada Habeenkii isla markaana aysan Booliska qaadin waxtalaabo ah.

Wargeysku waxa uu intaas raaciyay in weerarada ka dhanka ah dadka Ethiopian-ka ay yihiin kuwo aargoosi aan loo meel dayin.

Dad shacaba oo kasoo jeeda dalka Jabuuti ayaa todobaadkii hore lagu dilay magaalada Diridhaba,waxaana xigay in Dowladda Jabuuti ay dadkeeda diyaarado kula baxdo.

Ethiopian-ka ku nool magaalada Jabuuti iyo Gobolada dalkaasi ayaa intooda badan kasoo jeeda Qowmiyadda Oromada oo hadda uu dagaal wajiyo badan kala dhexeeyo Soomaalida Ethiopia, waxa ayna tani cabsi lixaad leh ku abuurtay Oromada.

Dhinaca kale, Dowlada Jabuuti ayaan wali ka jawaab celin qoraalka Wargeyska ee lagu sheegay in gudaha Jabuuti lagu laayay dad kasoo jeeda dalka Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
[email protected]

Somaliland oo shaacisay sida ay mas’uuliyiinta hore ee DDSI ka yeeli doonto.!!

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inaanu u dulqaadan doonin Mas’uuliyiin iyo Saraakiil kasoo goosta Deegaanka Soomaalida Ethiopia oo soo gala deegankooda.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Arrimaha dibadda Somaliland Liiban Yuusuf Cusmaan oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay inay jiraan Mas’uuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan maamulka Soomaalida oo doonaaya inay usoo cararaan Somaliland hase yeeshee aysan aqbali doonin.

Waxa uu sheegay in Somaliland aysan xiligaani diyaar u aheyn inay marti galiso danbiilayaal doonaya inay kusoo dhuuntaan deegankooda xili uu wanaagsan yahay xiriirka kala dhexeeya Ethiopia.

Nuqul kamid ah haddalka Wasiir ku-xigeenka ayaa ahaa “Somaliland uma dulqaadan doonto danbiilayaal kasoo carara Ethiopia oo soo gala deegaanadeena, haddii ay dhacdo in lagu dhex arko gudaha Somaliland iyaga ayaa qaadi doona mas’uuliyada ka imaada xadgudubka ay sameeyen”

Waxa uu tilmaamay in mas’uulkii ama Sarkaalkii ka tirsan maamulka Soomaalida Ethiopia usoo carara Somaliland ay ku wareejin doonaan dowladiisa waxa uuna intaa raaciyay in marnaba aysan Somaliland gabaad u noqon doonin danbiilayaal baxsad ah.

“Sharci ayaa qaban doona mas’uulkii ama Sarkaalkii nagu soo carara waxaanu u gacan galin doonaa dowladiisa waayo diyaar uma nihin inaan ku cayaarno xiriirka”.

Sidoo kale, Liiban Yuusuf Cusmaan ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin xaaladaha cakiran ee xiligaani ka jira dhulka Soomaalida Ethiopia waxa uuna tilmaamay inay ku baaqayaan xasilooni iyo nabad lagu wada noolaado.

Haddalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaaya xili maalmo un ka hor Wasaarada amniga maamulka ay sheegtay inay gacanta ku dhigeen Gaadiid lagala soo baxsaday dhulka Soomaalida oo la doonaayay in lasoo galsho Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Wararkii ugu dambeeyey xaaladda magaalada Jigjiga

Magaalada Jigjiga waxaa gelinkii dambe ee Arbacadii soo gaaray koox dhakhaatiir ah oo ka kooban ilaa iyo dhowr iyo toban dhakhtar, kuwaasoo qaba takhasusyo kala duwan.

Waxaa socdaalka ku wehliyey tiro intaas oo kale ah oo kalkaaliyeyaal ah, waxaana marka la isku daro lagu qiyaasay ilaa soddomeeyo inay gaarayaan.

Waxay ka kala socdeen seddex isbitaal oo ku yaalla Addis Ababa oo kala ah Duqur Ambasa Hospital, Police Hospital iyo Yakatit Hospital.

Kooxdaas caafimaadka oo uu hogaaminayey Dr Berhanu Negaye waxay Khamiistii ilaa iyo maanta oo Jimce ah ku sameeyeen ilaa 29 qalliin oo kala duwan isbitaalka Meles Zenawi Referral Hospital ee magaalada Jigjiga, halka ay qiyaastii ku dhawaad ilaa boqol qof oo kale oo dhaawacyo iyo xanuunno qabana daweeyeen.

Waxaa kaloo dhakhaatiirta ka mid ah qaar ku xeeldheer cilmi nafsiga, oo dadka ka daweeya xanuunnada ka dhasha welwelka iyo isla hadalka.

Waxay dadka ku dhiirri galiyeen inay isbitaalka yimaadaan oo ay ka faa’iidaystaan daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah.

Hase yeeshee Dr Negaye oo ka mid ah dhakhaatiirta xagga qalliinka safka hore kaga jira dalka Itoobiya wuxuu ka dardaar weriyey dawada oo isbitaalka gabaabsi ku ah, iyo shaqaalihii ka shaqayn jiray oo aan soo wada laaban.

Xaaladda magaalada Jigjiga ayaa yara dhaanta sidii ay ahayd maalmo ka hor, markaasoo rabshado iyo gacan ka hadal halkaa ka dhacay ay galaafteen nolosha in ka badan 10 qof, hantina ay ku burburtay, halka tiro aad u badan oo dad ahna ay ku dhaawacmeen.

Rabshadaha ayaa ku faafay deegaanno kale walow ay markii dambe degeen, waxayna horseedeen inuu xukunka ka dego madaxweynihii DDSI, Cabdi Maxamuud Cumar.

Isbitaalka Meles Zenawi Referral Hospital aya ah kan ugu weyn bariga Itoobiya, wuxuuna qayb ka yahay jaamacadda Jigjiga.

Isha: BBC

Guddiga doorashada dalka Soomaaliya oo howlo aan caadi aheyn u jooga Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan Guddiga Doorashadda Somalia ayaa waxa uu tababar soconaaya muddo 4 maalmood ah uga furmay Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Tababarkaasi waxaa la sheegay inay soo qabanqaabiyeen Ururka Midowga Afrika “AU” iyo Hawlgalka AMISOM waxaa la sheegay inay Saraakiishaasi ku baran doonaan dhoorista Dastuurka, qaabka Sharci ee Doorashadda Somalia iyo Maareynta Doorashooyinka.

Ergayga Khaaska ee Midowga Affrika ee Arrimaha Somalia, Ambassador Francisco Madeira oo ka hadlay Furitaanka Tababarkaasi waxa uu sheegay inay inta badan ka qeybgalayaasha Tababarkaasi fikrad howsha ah ka haystaan Hawlaha Doorashadda.

Waxa uu sheegay inay ka wada xaajoonayaan meelmarka Doorashadda Hal Cod iyo Hal Qof oo Somalia ka dhici doonta sannadka 2020/2021

Xeeldheerayaasha waxay sheegeen in Tallaabadda muhiimka tahay sidii loo abuuri lahaa Nidaam Deggan oo Siyaasadda Dimuqraadiga, Diiwaan-gelinta Xisbiyadda Siyaasadda.

Iyadoo ay DFS diyaarisay Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda Somalia, oo ay Xildhibaanadda BFS ansixiyeen sannadkii 2016-kii.

Dhinaca kale, Xubnahaani ayaa wakhti hore loo sii diyaarinayaa inay dulqaad iyo ad adeeg u yeeshan waxyaabaha ka dhan kara Doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Sawirro: Dhaqtar Hindi ah oo Kalkaal Hospital ka bilaabaya qaliinada lafaha

Isbitaalka Kalkaal oo kamid ah xarumaha caafimaad ee ka howlgala Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho ayaa bulshada Soomaaliyeed waxa uu ku wergelinayaa in dhawaan uu iman doono dhaqtar u dhashay dalka Hindiya oo bilaabi doona daaweynta cudurada ku dhaca lafaha iyo kabistooda.

Howlaha caafimaad ee uu qaban doono dhaqtarka waxa ay dhamaantood ku saabsan yihiin qeybaha kala duwan ee Lafaha sida: Bedelka Jilbaha iyo sinaha, toosinta lafaha qaloocday, kabista lafaha jabay iyo kuwo xanuunsan.

Inta uu dhaqtarkan ka howlgalayo isbitaalka Kalkaal ee Magaalada Muqdisho waxa uu sidoo kale fulin doonaa daaweynta dhabar xanuunka, Roomatiisimka, Murqo xanuunka, iyo toosinta Cagaha Qaloocan.

Qaliinadan lafaha oo isbitaalka Kalkaal ka  bilaaban doona 25-8-2018 waxa ay noqon doonaan kuwoodii ugu horeeyay ee Soomaaliya laga fuliyo, waxaana xusid mudan in dhaqtarka yahay kii loo aadi jiray dalka Hindiya, iyadoo qaliinkan uu ku egyahay 31-8-2018.

Kalkaal Specialist Hospital waxa horay uu u  fuliyay qaliino kala duwan  oo intooda badan ay sameeyaan dhaqaatiir Ajaanib ah kuwoo oo shacabka Soomaaliyeed ay mahdiyeen.

Ciidamada Liyuu Boolis oo dhaawacay Guddoomiye Degmo & boob gaadiid oo ay geesten

Addis Ababa (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee xarunta maamulka Soomaalida Ethiopia, ayaa sheegaya in ciidamada Liyuu Boolis ee maamulka ay weerar ku qaaden Maareeyaha maamulka ee degmada Tog-wajaale qaybta Ethiopia ahna ku xigeenka duqa magaalada, Axmed-Khadar Cabdi Cali.

Axmed-Khadar Cabdi Cali, ayaa sheegay inay dhaawaceen ciidamada Liyuu Boolis, xili uu ku guda jiray howlihiisa shaqo, sida uu haddalka u dhigay.

Axmed-Khadar Cabdi Cali, waxa uu sheegay in weerarka lagu dhaawacay uu yimid kadib markii uu ciidamada Liyuu Boolis ka hor istaagay qaadashada gaari nooca dab damiska oo lagu caawinaayay dadka degmada.

Waxa uu sheegay in dhaawaca loo geystay uu yahay mid kasoo gaaray madaxa isla markaan ay xabadu dhexmartay hilibka madaxa.

Axmed-Khadar Cabdi Cali, wuxuu intaa ku daray in ay isla wakhtigaas u gurmanayeen qaylo dhaan uga timid xero ciidan oo loo sheegay in dhallinyaro ay rabshado ka wadeen, hase yeeshee uu dadaalkiisa ku muteystay dhaawaca loo geystay.

“Ciidamada Liyuu Booliska waxa ay dhaawac kadib xoog iiga qaaten dabdamiskii iyo alaab kaleba oo uu maamulka lahaa, dadkii ila joogay waxa ay qaarkood u geysteen dhaawacyo fudud”

Arrintaani ayaa imaaneysa xili deegaanada maamulka Soomaalida Ethiopia ay yihiin kuwo ay ka jirto xiisado colaadeed oo u dhexeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, halka ciidamada Liyuu Boolis ay boob ku hayaan qeybo kamid ah hantida maamulka.

Caasimada Online

Xafiiska Addis Ababa

[email protected]

Xildhibaan kulanka baarlamaanka ku xaadiray dhar uu ku caan baxay Hitler (Sawirro)

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Hindiya ayaa ka qeybgalay kalfadhi uu lahaa baarlamaankaas isaga oo xiran dharkii iyo astaamihii lagu yaqiinay hoggaamiyihii Jarmalka Adolf Hitler.

Naramalli Sivaprasad oo 67 jir ah ayaa sheegay in uu sidan u sameeyay si uu cabasho oga muujiyo balamo uu qaaday Ra’isulwasaare Narendra Modi oo uusan fulinin.

Ma ahan markii koowaad oo uu xildhibaankan isticmaalo gashiyo kala duwan si uu u muujiyo cabasho.

Mararka hore ayuu soo xirtay dharka Hindida wax ku caabudo iyo xitaa dhar dumar.

“Waxa aan samaynayo waa in aan soo jiito dareenka dadka si sahlan, taasna ay dadka ku kalifto in ay fikiraan” ayuu xildhibaanka u sheegay wariyaha BBC-da Ravi Shankar.

Ninkan oo horey u ahaan jirey atoore aflaamta jila ayaa kasoo galay gobolka Andhra Pradesh, wuxuuna ka tirsanyahay xisbiga gobolkaas maamula ee TDP.

Xildhibaan Naramalli ayaa ka cabanayay arrin ku saabsan in gobolka Andhra Pradesh la siiyo meeqaam gaar ah, kaas oo kordhin lahaa dhaqaalaha dowladda dhexe ay siiso gobolkaas.

Xisbiga uu ka tirsanyahay xildhibaankan ee TDP ayaa ku jiray isbahaysiga Mr Modi, balse sanadkan horaantiisii ayay isaga baxeen.

Markii la weeydiiyay sababta uu usoo xirtay dharka Hitler ayuu ku jawaabay “Aniga wax kasta oon sameeyo ujeeddo ayaan ka leeyahay, Hitler wuxuu ahaa qof aan talo qaadanin, islamarkaasna aanan ka shaqaynin wanaagga dadka”, hadalkaas ayaa loo fasirtay in uu ula jeedo Ra’isulwaase Modi.

Dharka Hitler waa mid caan ka ah dalka Hindiya, waxaana jecel dhalinyaro tiro badan, iyada oo xitaa buuggii uu qoray ee Mein Kampf si weyn loo iibsado.

Sanadkan horaantiisii ayaa waxaaba soo baxay buug carruurta ah oo lagu soo sawiray Hitler, arrintaas oo ka caraysiisay Yuhuudda.

Dadka ayaa siyaabo kala duwan oga falceliyay ficilada xildhibaanka, iyaga oo qaarkood ay dhaleeceeyeen, kuwa kalena ay ku maadsadeen.

ISHA BBC 

Garsoorayaashi uu xilka ka qaaday FARMAAJO oo wax kama jiraan ka dhigay xil ka qaadistooda (Sawiro)

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo wareegto shalay kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo xilka looga qaaday Shan ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamada Sare ee dalka, ayaa waxaa arrintaasi ka hor imaaday Garsoorayaasha.

Garsoorayaasha waayay xilkooda ayaa sheegay in wareegtada Madaxweyne Farmaajo ay tahay mid aan loo marin sharcida.

Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamada Sare kana mid ahaa Garsooreyaashii xilka laga qaaday Maxamed Maxamuud (Dr luu), ayaa sheegay in xil ka qaadistooda aan loo cuskan qodobada sharciga waxa uuna tilmaamay in dhaliisha ugu badan ay tahay mid ay dusha ka saarayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Maxkamada Sare.

Dr luu waxa uu arrin sharci daro ah ku tilmaamey xilka qaadista uu ku sameeyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxa uuna tilmaamay in xil ka qaadistooda ay ku qanci lahaayen waa haddii loo mari lahaa sharciga.

Dr luu, waxa uu sheegay in sababta xilka looga qaadi karo ay tahay in marka hore hadii ay dembi galeen ay baaritaano ku sameeyaan Guddiga Golaha Adeega balse xilligaan dalka uusan ka jirin guddigaas.

Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Anaga waxaa xilka ku weyn karnaa in Golaha Adeega Garsoorka ay baaritaano nagu sameeyaan hadii aan qalad galnay,markaas ayaa go’aan nagala gaari karaa laakin golahaas mar hore ayaa la baabi’iyey marka wax sharciyad ah kuma dhisna xilka nagala qaaday”

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Maxkamada ay ka doonayaan inay cadeyn u keenaan sharciga ay u cuskadeen xil ka qaadistooda.

Si kastaba ha ahaate, Dr luu ayaa cadeeyay inaysan aqoon saneen go’aanka loo cuskaday xil ka qaadistooda, waxa uuna tilmaamay keliya inay ku qanci doonaan bayaaninta waxa loo cuskaday.

ABIY oo addis ababa uga yeeray maamulkii hore ee DDSI & Shir xasaasi ah oo socda

Addis Ababa (Caasimada Online)-Dowlada Ethiopia ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalkaasi uga yeertay xubnaha ugu sareeya Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Ethiopia.

Dowlada ayaa la sheegay in u yeerida ay ula gol leedahay talo jeedin maadaama Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Cumar uu ku jiro xabsi guri ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Xubnahaani oo la sheegay in tirro ahaan ay iminka gaarayan ilaa Sodon xubnood ayaa waxaan kamid aheyn 3 Xubnood oo iyagu aan looga maari Karin ku sugnaanshaha magaalada Jigjiga kuwaa oo si KMG ah usii haya maamulka.

Xisbigan oo ah midka ka arrimiya deegaanka Soomaalida ayaa maalmihii u dambeeyay ka biyo diidanaa aadista magaalada Addis Ababa oo looga yeeray asbuuci tagay.

Uyeerista xubnahaani timid ka dib markii Militeriga Ethiopia ay la tageen Madaxweynihii hore ee deegaanka oo ilaa hadda lagu hayo magaalada Addis Ababa.

Qorshaha u yeerida xubnaha ayaa waxaa leh Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia oo hirgalinaaya amarka kasoo baxay Xafiiska Ra’isul wasaare Abiy Axmed oo isagu lahaa fekerka loogu yeeray xubnaha.

Warar hoose ayaa sheegaya in xubnahaasi la faray inay tallo siiyaan Madaxweynihii xilka laga tuuray Cabdi Cumar, iyadoo tallo diidmo kadib la filaayo in laga gaaro go’aan.

Sidoo kale, xaaladda magaalada Jigjiga ayaa iminka ah mid dagan waxaana la filayaa in ay noloshu si deedii tartiib tartiib ugu soo noqoto maadaama la dajiyay shacabkii kacdoonka sameynaayay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la saadaalin Karin waxa kasoo bixi doona kulanka magaalada Addis Ababa uga socda dowlada Federaalka iyo xubnaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Ethiopia ee hadda ku sugan Addis.

Caasimada Online

Xafiiska Addis Ababa

[email protected]

Xagee ayuu ku dambeeyey ciidanka hubeysan ee NISA ee magaalada Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaasha Ciidamada Soomaaliuya ayaa shalay magaalada Muqdisho waxa ay uga qeyb galeen Munaasabad lagu midaynayay ciidamada NISA iyo booliska, oo ay goob joog ka ahaayeen saraakiishiiiyo Ciidankii hubaysnaa ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sir doonka qaranka.

Ciidamadaan ayaa haa kuwii sugi jiray amaanka magaalada Muqdisho ee laga soo kala xulay qaybaha kala duwan ee ciidamada looguna magac daray ciidanka Xasilintaoo si weyn loogu xasuusto howlgaladii Bishii ramadaan ka dhacayey Gudaha Magalada Muqdisho.

Taliyaasha Ciidamada Booliiska iyo Asluubta oo si wadajir ah u la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay si weyn ugu mahadcelinyaan Ciidamadaan oo lagu xasuusto dardar gelinta howlaha amniga Caasimada.

Taliyaha Ciidanka Asluubta S/guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay Ciidankaan in aanay ahayn kuwa la dhaqan celinayo lakiin si toos ah u bilaabi doonaan ugana qayb qaadan doonaan xaqiijinta amniga marka ay bartaan shuruucda Booliiska Soomaaliyeed.

Hoos ka Dhageyso Codadka Taliyeyaasha Booliska iyo Asluubta

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Siyaasi caan ka ah Somalia oo GAAS kula tartamaya doorashada madaxweyne

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha DFS Soomaaliya iskamarkaana soo noqdey Wasiirka waxbarashada Puntlan sanadihii 2009-2014 Cabdi Faaraxa Siciid Juxa ayaa xalay 09 Augost 2018 ku dhawaaqay inuu u taaganyahay xilka Madaxweynaah Puntland ee 2019.

Xaflad uu ku shaacinayay ololahiisa doorasho oo ay ka qaybgaleen qaar kamid ah ragga u sharaxan xilkaas ayaa lagu qabtay magaalada Garowe.

“Waxan isku sharraxay idinka waxaan u baahnahay gacantiina iyo taageeridiina,” sidaas waxaa yiri Cabdi Faarax Juxa oo hadalkiisa ku daray, “Waxaan u mahad naqayaa madaxwayne Cabdiraxmaan Faroole oo fursad ii siiyay tijaabo siyaasadda oo ii magaacabay wasiirka waxbarashada Puntland. Sidoo kale waxaan mahad u celinayaa madaxwayne farmaajo oo fursad ii siiyay in xil kasoo qabto wasaaradda arrimaha gudaha Somaaliya”.

Mar uu ka hadlayay qayb kamid ah ajandihiisa siyaasadeed iyo waxyaabaha uu diiradda saari doono wuxuu ugu hormariyay Amniga isagoo tilmaamay inuu kala tashan doono cidda ehelka u ah.

“Haddii lay doorto waxaa kow u ah qorshahayga Amni dhammaystiran oo ay Puntland hesho. Waxaan dhisaya amniga Puntland anoo u maray cidda shaqadeeda aqoonta u leh. Waxaan awood saarayaa koboca dhaqaale. Waxaan ka baaran dagayaa oo dul istaagay sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha Puntland oo leh gacan ammaan ah,” ayuu yiri Juxa.

Juxa ayaa sidoo kale ballanqaaday hadii xilkan loo doorto inuu kala saari doono hay’adda dowladda ee hadda isku xiran sida Garsoorka iyo fulinta si loo helo caddaalada.

“Waxaan kala saari doona hay’adaha dawladda sare sida garsoorka fulinta iyo sharci dajinta.. Waxaan idinku matali doona taariikhdiinna himiladiina tabashadiina maqaamkina iyo miisaankiina,” Murashax Juxa ayaa hadalkiisa ku daray.

Arrinta Gobolka Sool ayuu soo hadal qaaday wuxuuna Muuse Biixi ku eedeeyay inuu yahay ruuxa mas’uulka ka ah dhibka ka taagan deegaanada gobolkaas.

“Dadka reer Puntland iyo Somaliland waa dad nabad ku nool o ka shaqeeyay horumarkooda kana tilmaaman Soomaaliya. Madaxwayne Muuse oo ah nin ciidan ah garanayana dhibaatada colaada waxaan leeyahay si nabad ah uga bax gobollada Sool iyo Sanaag. Arrintan waxaa go’aankeeda iska leh dadka reer Sanaag iyo Puntland. Muuse biixi oo go’aanka nabadda iyo colaadda gobolladaas gacanta ku haya waxa ku codsanayaa inu nabad uga baxo gobolladaas.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ku eedeeyay inay faraha kula jirto burburinta nidaamka federaalka, sidoo kale ay faraha la gashay Jaahwareer dhinaca arrimaha Dibadda ah gaar ahaan Canada iyo Sucuudiga oo uu sheegay in xukuumadda Muqdisho aysan wax door ah ku lahayn.

Wuxuu ka horyimid tallaabada lagula saftay Sucuudiga ee looga soo horjeestay Canada oo ku tilmaamay inuu yahay waddan martigaliyay dad Soomaaliyeed oo ka barakacay dhibaatadii waddanka ka dhacday.

“Federalku wuxuu ku samaysmay dadaal ay Puntland dawr wayn ku lahayd. Dhismahiisuna waa mid socda waxase muuqata dheelli. Dheelligaas oo ah awoodda garsoorka fulinta iyo kii sharci dajinta oo isku qasan. Taas oo khatar ku ah inay dhacdo dood loo siman yahay o ku dhacda talo wadaag. Sidoo kale maamul gobolleedada waxaa ka jro faragalinno ay u baahan tahay in wadaddeeda sharciga ah loo maro. Arrimaha dibadda oo u astaysan dawladda federaalka waxaa ka muuqda qarda jeex oo ay ugu dambaysay khilaafka Canada iyo Saudi Arabia. Labada dal oo mid walba xiriir nagala dhaxeeyo. Eretrtia iyo jabuuti sidoo kale Qatar iyo Imaraadka . Waxaa la yaabka ah in dawladda federaalka ah ay mar walba dhex gasho kiis walba o dawladaha adduunka ka dhex dhaca” Murashaxa ayaa sidaas ku sheegay khudbadii uu jeediyay.

Ugu dambayn wuxuu ka digay in DFS ay faragalin ku samayso doorashada Puntland la filayo inay ka dhacdo 2019.

Shaacinta Murashaxnimada Juxa ayaa kusoo aadaysa xilli muddo kooban ay naga xigto waqti hayntii xukuumadda Cabdiwali Gaas oo lagu eedeeyo inay ku fashilantahay ballanqaadkii ay sameeyeen 5 sano ka hor oo ay ugu horayso hirgalinta nidaamka Dimuqraadiyadda.

Xigasho: Garowe Online

Saadaasha xiisadaha ka taagan Soomaali Galbeed

Ra’igayga gaaban

Waxaan rabaa in aan wax yar ka idhaahdo xiisadaha ka taagan dhulka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya maamusho ee magacyada badan leh (Soomaali Galbeen, Ogaadeeniya, DDSI, K5).

Marka hore

Xusuuso Dr. Abiyot Axmed arrinta Soomaalida mooyee dhammaan arrimihii kale ee aayaha Itoobiya la xidhiidhay si nabad iyo miyyir ah ayuu u waajahay. Waxaa ka mid ah: tii Ereteriya, tii Massar, tii Suudaan, tii maxaabiis Itoobiya iyo is cafinta, tii Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

Marka xiga

Weerarkii Oromadu bilihii la soo dhaafay ku haysay Soomaalida ee foosha xumaa waxba kama uusan qabannin. Waa sax Soomaalida lafteed colaadda Soomaalida iyo Oromada qayb ayey ku ahayd, inkasta oo aan shacabka lagu eedi karin ee uu maamulkii Cabdi Ilay, ka xukuumad ahaan, ka dambeeyay weerarkii ay Liyuugu bilowgii ku qaadeen Oromada; lagana yaabo in ay gacmo saddexaad ka dambeeyeen, sida Tigreega oo markay ku la ciirtay ka shaqeeyey isku dhaca Soomaalida iyo Oromada.

Tan kale

Dr. Abiyot Axmed si kicin ah ayuu u sheegay in shidaalka gobolka Soomaalida ay dadka deegaanku 5% ku leeyihiin, iyadoo la filayey in ay billowdaan wada haddalo u dhexeeya ONLF iyo Itoobiya, khayraadkuna wadalka uu qayb wayn ka ahaa. Waxaana xigay Ciidan Milatari ah oo xoog ku qabsaday maamulkii jiray, iyagoo aan sababta sheegin!

Waxaa la’isla dhex marayey waxay ciidanku ka hortagayeen qorshe qarsoodi ah oo uu Cabdi Ilay ku dhawaaqi rabay oo ahaa in ay baarlamaanka DDSI cod u qaadaan go’itaanka gobolka – lama hubo arrinkan.

Intaa innagoo maskaxda ku haynna;

Waxaan rabaa bal in aan suureeyo sida ay wax noqon karaan – waa odoros, ilaahay swt ayaa garan kara sida ay noqon doonto, laakiin waxaa inoo bannaan in aan saansaanta socota ka fahanno waxa xigi doona.

Dareenka Soomaaliyeed ee ah duullaanka dhul ballaadhsi ee Oromada

Ugu horrayn dadka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo waxaa jira dareen iyo hadal hayn ah in ay Oromadu duullaan soo tahay, ayna waddo dhul ballaadhsi, waxaa arrintaa loo daliishan karaa sida ay dadka ku nool DDSI uga midaysan yihiin in ay Oromo qabsatay, xataa ciidanka qaranka Itoobiya waxay aaminsan yihiin in uu Oromo yahay – waa sida ay ii sheegeen dhammaan dadkii aan la hadlay ee gudaha joogay. Gobollada kale ee Soomaalida waxaa ka dhacay dilal ka dhan ah Oromada sida Boosaaso, Puntland.

ONLF iyana fikirkaas ayey qabtaa, waxayna aaminsan tahay Itoobiya oo ay aqlabiyaddu (majority; Oromo » 40%) xukumayso way ka qalafsan tahay tii ay 30ka sano la dagaalamayeen ee ay inta yaru (minority; Tigree » 6%) u talinaysay.

Itoobiya Dareenkaas ma aysan tixgalinnin

Itoobiya dareenkaas ma aysan tixgalinnin! Waxayna si lama filaan ah u soo daabushay ciidankii difaaca uga jiray aagga Baadhame oo gaasas ah, haddana waxay ku suganyihiin dhulka Soomaalida. Kollayna ciidanka farahaas leh duullaankoodu ma sahlana! Gaashaan dhigga Itoobiyana wuxuu sheegay inay qaadi doonaan tallaabo kasta oo suuro gal ah si amniga iyo kala dambaynta loo soo celiyo. Waxaana loo fassiran karaa hanjabaad.

Sida la’iska dhex marayo, Cabdi Ilay wuxuu waday mooshin ah go’itaan, laakiini lama hubo. Waa sababta soo dedjisay soo galintaanka Milatariga Itoobiya ee gobolka. Ogow, waa laga baaqsan karay, sababtoo ah, qodobka 39aad ee dastuurka Itoobiya ayaa ogol hadday 2/3 (saddex meelood labo) golaha deegaanku ansixxiyaan go’itaan, in ay dawladda Federalku 3 sano gudohood ku qaban qaabiso afti dadwayne oo dhammaytir u ah codbixinta baarlamaanka deegaanka ee go’itaanka.

Haddii marka uu qorshahaas waday xaq dastuuri ah ayuu u leeyahay in uu baarlamaanka mariyo, loomana baahnayn in ciidan milatari ah lagu dalbado.

Ku darso, Dr. Abiye Axmed wuxuu maalin dhawayd sheegay in ay Soomaalidu (Saami ahaan) shidaalka dhulkooda ku leeyihiin 5-10%. Arrintaasu Soomaalida mucaarad iyo muxaafidba way dhibtay, waxayna u aragtay in Oromada la naas nuujinayo. Waa dabkii oo baasiin lagu sii shubay!

Oromada

Dhanka kalana, dad Oromada xog’ogaal u ah waxay ii sheegeen in ay leeyihiin dhulka Soomaalidu deggan tahay annagaa lahaan jirnay! RW Dr. Abiyot Axmed hal marna kama uusan hadlin colaadda Oromada iyo Soomaalida oo meeshii ugu xumayd maraysa, marka laga reebo maalin uu yidhi waan ognahay dadka colaadda hurinaya, tallaabo cadna waan ka qaadi doonnaa dadkaas. Maalmihii xigayna wuxuu weerar sharci darro ah ku billaabay maamulkii Soomaalida.

Waxaa la soo sheegay in uu yidhi ciidankii Liyuu Boolis ee Soomaalida ha la kala diro, hubkana ha dhigeen – laakiin lama hubo.

Liyuu Boolis

Ciidankii Liyuu Boolis way gadoodsan yihiin, waana ciidan xoog leh oo dhisan, tiradooda waxaa lagu qiyaasaa 30,000 ilaa 60,000 oo Soomaali miidhan ah. Waa ciidan 10 sano jir ah oo aad u tababaran, hubka fududna si waafi ah u haysta.

Sida aan wararka ku helaynno, waxay isku uruursadeen aagag gaar ah, waxayna wacad ku mareen in ay dagaalamayaan. Wayna diideen in ay hubka dhigaan.

Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Ilay)

CMC ama Cabdi Ilay hadda wuxuu joogaa Adis Ababa, waxaana si khasab ah ku kaxaystay ciidanka Milatariga Itoobiya. Ismaan dhaaf darranna wuxuu kala dhexeeyaa RW Dr. Abiyot Axmed. War aanan hubin ayaa sheegaya in la’is mari la’yahay. Waxaa kale oo Adis Ababa jooga Axmed Madoobe iyo Yuusuf xaaji; rag kalana waa la sheegaya laakiin lama hubo. Raggaas waxay meesha u joogaan sida la sheegayo dhex dhexaadin iyo wada hadal.

ONLF

Jabhadda ONLF waa 34 sano jir (1984). Waa urur waayo aragnimo dheer u leh la dagaalanka Itoobiya, wayna ka hor imaadeen fara galinta millatari ee Itoobiya ay ku samaysay dhulka iyo maamulka  Soomaalida; iyo saamigii shidaalka (5%) ee dhulka Soomaalida, waxayna sheegeen in ay caqab ku tahay wada hadalladdii la sugayey.

Waxaa kale, maalmihii dhawayd kacdoonkii Oromo-diidka ahaa, dadku waxay siteen calankii ONLF. Liyuuga ayaa lulaya calanka ONLF.

Waxaad mooddaa colaaddii u dhaxaysay ONLF iyo Liyuuga mid ka culus ayaa timid oo labadoodaba hal saf ka dhigtay.

Haddaba maxaa xigi kara?

Waxaan u kala qaadayaa

1) Xal Milatari (Xoog)

2) Xal Siyaasadeed (Xal nabadeed)

Xal Milatari (Xoog)

Hadday Itoobiya isku daydo in ay xiissadan xoog ku xalliso, maxaa dhici kara?

Ugu horrayn jabhadda ONLF waxay helaysaa fursad qaali ah iyo shacbiyad ay ku dardar galiso hawlaheedii gobanimodoonka ahaa oo markaan la’isla wada ogol yahay;  iyo waliba hub iyo ciidan Liyuu ah oo aad u fara badan.

Fursaddaasna ma dayici doonaan sida muuqata, sababtoo ah, waxaa soo deg degaya waxa khayaanooyin u’eg oo RW Dr. Abiyot Axmed ku kacayo sida: saamigii shidaalka; soo daalubidda Milatarigii Baadhame, wax ka qabasho la’aanta weerrarada Oromada iwm.

ONLF waan urur siyaasad ahaan qaan gaadhay, si fududna u abaabuli kara dagaallo Itoobiya ka dhan ah. Waxay heli doonaan saldhigyo dhaw oo Soomaalida dhexdeeda ah, iyadoo Soomaalida Jamhuuriyadda iyo maamulladooda  si fudud looga iibin/dhaadhicin karo khatarta iyo duullaanka Oromada iyo dhul ballaadhsigeeda.

Dadka deegaanku (dadka reer DDSI/reer Soomaali Galbeed/reer Ogaadeeniya) iyaguna waxay u dhaga nuglaan doonaan farriimaha sheegaya in ay dhulkooda ka difaacdaan Oromada wuxuushta ah (erayga “wuxuushta” anigu ma dhihin ee waa sida dadka lagu hawl galin doono) ee dhul ballaansiga doonaya, waxaana adkaan doonta in maamul Oromada ka dab qaata oo DDSI loo sameeyey uu saldhigto.

Dagaal waxaa billaaban doona leh ujeeddooyin is huwan. Waa dagaal isugu jira gobanimo doon iyo qowmiyad iska celin. Waa dagaal shacabku uu gali doono!

Xusuusnow, dagaallada noocaas ku billowda, waa kuwa ugu ba’an uguna khasaaraha badan, sababtoo ah, waa dagaal uu galayo shacab wax walba leh oo anshax la’aan ah. Waxaa suurowda in uu dhiiggu sidii biyihii meel walba u qul-qulo.

Wax yaabaha dhici doona waxaa ka mid ah, shacabka Soomaalida ayaa aad u layn doona Oromada, kadib sharciyadda ayaa faraha ka bixi doonta, dowladduna (Itoobiya) waxay si suuq madaw ah u hubayn doontaa shacabka Oromada, si ay isu difaacaan. Iyaguna dadka Soomaaliyeed ayey ka aar goostaan doonaan! Kadib Soomaalida waxaa gacan siin doona fawdada, waxayna heli doonaan hub iyo saanad hor leh. Kadib waxa dhici doona lama sawiran karo – waa baaba’ iyo hoog.  

Ciidanka Itoobiya waxay geysan doonaan burbur iyo baaba’ xoog leh, sababtoo ah, waxaa qabsan doona dagaal lagu gubto oo kor iyo hoos ah, waxaana laga yaabaa in ay waayaan Soomaali gadh qaada, oo ay xabbadda isaga dhigaan – sidii hore u dhici jirtay.

Waxay miciinsan doonaan hubka waawayn iyo duqaymaha diyaaradaha, kadibna waxaa halaagmi doona uun (makhluuqaad) wixii meelahaas ku nool! Oo ay iyaguna ku jiraan.

Taasu waa natiijada laga yaabo in ay dhacdo hadday Itoobiya maanta xiisadda taagan xoog ku xalli is dhahdo –  waa aragtidayda.

F.G. wax yaabaha ka sii dambayn doona kama hadlayo. Waxaa kale oo aanan Halkan kaga hadlaynin colaadda Oromada iyo Soomaalida dariska la’ah, ma ku fidi doontaa Soomaalida kale. Oromaduse ma Soomaali gaar ah ayey col la yihiin, mise Soomaali oo dhan waa isugu mid.

Xal Siyaasadeed (Xal nabadeed)

Sida kale ee xissadan lagu xallin karo waa in si ay Itoobiya hawshan si nabad ah u gasho. In ay Itoobiya xiisaddan si naba ah u xalliso ma fududa, sababtoo ah, waxaa kow ka ah in ay soo laabato kalsoonidii shacabka reer DDSI. Kalsoonidii shacabka reer DDSI ma soo laaban karto ilaa ay arrimahanu dhacaan:

1) In ay ciidamada milatarigu laabtaan

2) In weerrada Oromada la hakiyo

3) In ay Itoobiya si dhab ugu guntato colaadda Oromada iyo Soomaalida

4) In uu Ra’iisul wasaare Dr. Abiye Axmed raalli galin bixiyo

5) In ciidanka Liyuu Police sidooda loo daayo

6) In Cabdi Ilay la soo daayo oo uu dadka la hadlo, xilkiisana lagu celiyo ilaa laga tashanayo cidii badeli lahayd

7) In Soomaalidu nafis dareento si ay Oromadu nafis u dareemayso

8) In dib loo billaabo wada haddalladii ONLF iyo Itoobiya

9) In uu RW Dr. Abiye Axmed saamiga ugu badan ee shidaalka dhulkooda, u ogolaado Soomaalida

Lambarrada 1, 5 iyo 9 uma fududa Itoobiya in ay ogolaato!

Ugu dambayn, waxay ila tahay in ay Soomaalidu meel ay joogtaba u diyaar garawdo colaad iyo nabadba.

W.Q. Maxamuud Cabdisamad Xareed
[email protected]

Goormaa ayuu Sacuudigu same noo sameeyay?.!!

HORDHAC

Dhawaan waxaa xumaaday xiriirka diblomaasiyadeed ee wadamada Saudi Arabia iyo Canada kadib markii dowladda S.Arabia ka carootay hadal kasoo yeeray dowladda Canada kaas oo ku aadanaa in Canada ay ka xuntahay dad u dooda xuquul aadanaha oo xarig loogu gaystay S.Arabia. Dowladda Sacuudigu waxay amartay in dalkeeda uu 24 saac uga baxo safiirka Canada iyadoo sidoo kale joojisay dhamman wixii ganacsi kala dhexeeyay Canada,waxaana ugu danbayntii arrintu gaartay in S.Arabia hakiso duulimaadyadii tooska ahaa ee S.Airline ay ku tagi jirtay Toronto. Dowladda Canada waxay ku adkaysatay hadalkii horay ay u sheegtay, waxayna ku dhawaaqday in dhankeeda ay tallabo qaadi doonto iyadoo laga cabsi qabo in arrintaan ay saaamayn ku yeelato ardayda S.Arabia u dhashay ee Canada wax ku barta iyo kuwa magangalyada-siyaasadeed ugu nool dalkaan.

SOMALIDA IYO SACUUDIGA KADIB BUR BURKII DOWLADDII DHEXE EE SOMALIYA. 

Burburkii dowladdii dhexe ee Somaliya kadib dadka Somaaliyeed waxay kala barteen dowladaha daneeya wanaagga Somaliya iyo kuwa jillaafeeya. Kumanaan qaxooti Somaaliyeed ah ayaa dantu ku kalliftay in ay u cararaan dibadaha si ay u helaan noolal dhaanta midda markaas ay ku jireen. Somalida timid S.Arabia waxay la kulmeen noolal ka liidata midda Somalida timid Canada ay la kulmeen. Waxaa qaar badan oo ka mid ah ku seexdaan kuna soo toosaan wal wal iyo walbahaar kadib arrimo la xiriira xagga sharciyadda. Waxaa inta badan dhacda in S.Arabia ay masaafuriso dadka Somaaliyeed iyadoo laga yaabo in goobta markaas lagu celinayo ama la gaynayo ay ka jirto nabad galayo xumo taas oo dhaawac ku ah xuquul aadanaha. S.Arbia waxay markay doonto furtaa markay doontana xirtaa xoolaha Somaliya oo ay ku tiirsanyihiin malaayiin Somaaliyeed. Maanta in badan oo shacabka Somaaliyeed ah waxaa niyadooda ka guuxaya Abaal badha, abaal bura, abaal bur iyo dheeraad ah Ninba kiisa kaan ugu bedeli, beerka ka ogsooni”. Su,aasha aan had iyo goor is waydiiyo ayaa ah haddii xilliyadii adkaa ee nasoo maray sidaas ay noola tacaamushay dowladda Sacuudigu goorma ayaa Sacuudigu Same noo Sameeyay?

MOWQIFKA DOWLADDA FEDERAALKA SOMALIYA

Dowlad kasta oo jirta waxay wakiil ka tahay shacabka waxayna marwalba eegta meesha maslaxadu ugu jirto dalka iyo dadka ay wakiilka ka tahay. Waxay ku fiicnayd in dowladda Somaliya ay  fiiriso kana fakarto dadka iyo dalka maslaxada u haya dadka Somaaliyeed. Canada majiro farqi u dhexeeya qofka labaatan qarni ku noolaa iyo midka labada maalmood jooga. Waxaa Somalidu qabtaan shaqo la qabto midda ugu sarraysa iyo midda ugu hoosaysa, waxayna ku xiran tahay qof walba iyo dadaalkiisa iyo meesha uu is dhigo. Inkastoo dal kasta u madax banaan yahay arrimiisa hadana go,aanka dowladda waa mid aan aamisanahay inuu ku jiro deg deg iyo ka fiirsasho la,aan, waa mid aan isleeyahay wuxuu u baahanyahay in dib loo eego, waa mid naxdin galiyay malaayiin Somaaliyeed oo soo dhawayn wanaagsan iyo hab dhaqan fiican kala kulmay dowladda Canada.

GUNANAD.

Dowladda Somaliyeed waxaan kula talin lahaa in ay il gaar ah ku eegto Dalalka soo dhawaynta wanaagsan u muujiya dadka Somaliyeed iyo in go,aan kasta oo gaarayso uu ahaado mid la lafa guray oo dhinacyo badan laga eegay.

Mahadsanidiin,

Duran Xasan-yare Aw-Aden
Edmonton, Canada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Sagal Biixi: Go’aanka DF ay qaadatay wuxuu meel uga dhacay haweenka Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyada oo ay dowladda Soomaaliya caddeysay mowqifkeeda ku aadan khilaafka u dhaxeeya boqortooyada Scauudiga iyo dowladda Canada, oo ay is dhinac taagtay maamulka Riyad ayey xubin ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya si kulul u naqdisay go’aanka dowladda.

Xildhibaan Sagal Isaaq Biixi oo qoraal soo dhigtay tirsiga ay ku leedahay barta twitter ayaa sheegtay in uu yahay wax lagu qoslo mowqfika dowladda federaalka ah.

“Waa wax lagu qoslo oo meel ka dhac ku ah guud ahaan haweenka meel walba oo ay joogaan, gaar ahaan dumarka Soomaaliyeed. Intii aan u doodi lahayn xuquuqdooda waxa aan dhinac istaageynaa wadan uu ka jiro dhaqanka carsi-jaahiliga, oo haweenka ula dhaqma sidii wax liita oo aan qiimo ku fadhin, waxa aan garaaceynaa durbaanka niyad-jabka” ayey tiri xildhibaan Sagal Isaaq Biixi.

Qoraalkeeda ayaa intaas ku daray, “Warqaddan-Bayaanka dowladda Soomaliya-kama hadleyso waxa ka dhex jira Sacuudiga iyo Kanada balse waxa ay bidhaamineysaa heerka sida arrimaha haweenka aysan ugu jirin siyaasadeenna iyo go’aamadeenna maalinlaha ah-waa wax laga xumaado” ayey tiri xildhibaan Sagal.

Xiisadda  Sacuudiga iyo Kanada ayaa ka dhalatay markii ay xukuumadda Toronto sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay xiritaanka loo gaystay dad xuquuqda aadanaha u dooda.

Dadka la xiray waxaa ka mid ah Samar Badawi oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda dumarka oo Sacuudiga u dhalatay haysatana dhalashada Maraykanka.

Samar ayaa ku baaqaysay in la so af jaro habka Sacuudiga looga dhaqmo ee muxramka. Xiritaankan ayaa yimid iyadoo amiiirka dhaxalka leh ee Sacuudiga Maxamed Bin Salman uu sannadkan sameeyay isbadallo.

Madaxweyne Farmaajo oo Isbadallkii ugu ballaarnaa tan iyo markii la doortay ku sameeyey maxkamada sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Farmaajo ayaa isbadalkii ugu ballaarnaa tan iyo markii uu xilka qabtay waxa uu ku sameeyey Maxkamadda Sare ee dalka.

Madaxweynaha oo dhawaan u magacaabay xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare nin dhallinyaro ah ayaa maantana soo saaray wareegto uu xilka kaga qaaday guud ahaan Garsooreyaashii Maxkamadda Sare oo tiradoodu ahayd lix xubnood kuwaas oo kale ahaa;

Sheekh Abuukor Cismaan Macalin Daahir, Maxamed Maxamuud Maxamed, Maxamuud Axmed Faarax, Sheekh Cumar Aadan Maxamed, Cabdinaasir Seeraar Axmed iyo Axmed Maxamed Sheekh Ibraahim.

Farmaajo ayaa magacaabay 5 xubnood oo kaliya kuwaas oo laga soo kala xulay Garyaqaanno la sheegay in muddadii la soo dhaafay qiimeyn gaar ah lagu waday shaqadooda.

Garsooreyaasha cusub ayaa qaarkood dhawaan waxaa laga qaaday xilal ay ka hayeen Maxkamadaha Gobolka Banaadir, taas oo looga gollahaa in loo dallacsiiyo Maxkamadda Sare ee Dalka.

Haddaba Akhriso magacyada 5-ta Garsoore ee loo magacaabay Maxkamadda Sare:

– Garyaqaan Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.
– Garyaqaan Maxamed Cumar Axmed.
– Garyaqaan Cabdalle Macalin Maxamed.
– Garyaqaan Xaydar Barqash Abukor.
– Garyaqaan Axmed Cali Muuse.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka.

Caddeyn muujineysa inuu Xasan Cali Kheyre hormuud u yahay musuq maasuqa

Sida ay Xukumadda sheegtay ama la arkay waxaa dhawaanhan socday dhaq dhaqaaq ay ku tilmaameen la dagaalanka musuq maasuqa! Hase ahaatee, u muuqda mid aan xaqiiqada ku saleysneyn.

Xukumadda Xassan Cali Kheyre waxa ay maanta shaqo ka joojin ku sameysay Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda oo ay maalmo kahor si aan wanaagsaneyn ciidamu gudaha wasaaradda ugula dhaqmeyn.

Sida la ogyahay waxaa muuqata in Mukhtaar Mahad lagu haysto musuq maasuq ay wasaaraddu beenisay, yeelkeede, ma aha mid dood laga keenayo in ay dowladdu xididdada u siibto musuq maasuqa lakiin waxaa jirta su’aal weyn oo ay tahay in laga jawaabo!, Xukumaddu maka dhabbaa la dagaalanka musuq maasuqa?

Waxaa muuqata in xukumadda aysan daacad ka ahayn la dagaalanka musuq maasuqa balse loo qaadan karo mid lagu marin habaabinayo dad weynaha.

Waxaa taas tusaale u ah isku shaandeyntii uu dhawaan golihiisa wasiiradda ku sameeyey RW Xassan Cali Kheyre oo ay ku caddahay in uu qaaday tallaabooyin ka so horjeeda sheegashadiisa ah la dagaalanka musuq maasuqa.

Talaabooyinkii yaabka lahaa ee uu qaaday ayaa ah in uu u wasaaradda kalluumeysiga u magacaabay Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka isaga oo ku badalay Dr Cabdiraxman Maxamed Cabdi Xaashi oo wasaaraddaas shaqo aad u weyn ka qabtay mudaddii uu xilka hayey.

Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi waxa uu ahaa wasiirka kaliya ee shahaadada PHD-da ka haystay xubnaha golaha wasiiradda marka laga yimaado Dr Cabdiraxmaan Bayle oo ah wasiirka maaliyadda.

Dr Cabdiraxman Cabdi Xaashi waxa uu soo nooleeyey wasaaradda kalluumeysiga isaga oo dib u qaabeyn aad u ballaaran ku sameeyey sidii ay u shaqeyn jirtay.
Maxaa lagu galay?

Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi waxa uu M/Puntland ka horistaagay ruqsooyin aan sharciga waafaqsaneyn oo ay siin jireen maraakiibta sida sharci daradda ah uga kalluumeysta badaha Soomaaliya, taas bedelkeeda waxa uu cadaadis kala kulmay Cabdi Wali Cali Gaas oo ku qasbay RW Kheyre in uu shaqada ka eryo.

Muxuu ku bedeshay?

RW Xassan Cali Kheyre waxa uu ceyrinta Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi isaga dajiyey culeyskii uga imaan lahaa Puntland kaddib markii uu ka gaabsaday in uu dhagax dhigo dekedda Garacad! Waana sababta ugu weyn ee uu ku bedelay wasiirka kuna magacaabay nin aan waligiis xil heerkaas oo kale ah qaban?

Hadaba, su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah, Xassan Cali Kheyre Ma Musuq Maasuq Ayuu La Dagaalamayaa Mise Isagii Ayaa Horboodaya?

W/Q: Cabdi Geeseey.

Al-Jazeera: Sacuudiga wixii uu SOMALIA ku sameeyey ayuu kaga cabanaa Canada

Doha (Caasimada Online) – Taleefishinka Al-Jazeera ayaa warbixin uu qoray kaga hadlay khilaafka dalalka Canada iyo Sacuudiga, iyo in Sacuudiga kaga cabanayaan Canada arrimo ay ku sameeyeen Soomaaliya iyo dalal kale.

Dowladda Sacuudiga ayaa sare usii qaaday Khilaafka kala dhaxeeyo dowladda Canada iyadoo dadkeeda ku sugan dalkaas ku amartay inay deg deg uga soo baxaan.

Dadka ay Sacuudiga amartay inay soo baxaan ayaa xataa waxaa ku jiro muwaadiniin halkaas u joogo arrimo waxbarasho, Caafimaad iyo dalxiis.

Dowladda Sacuudiga ayaa ku doodeyso inay Canada soo faragelisay arrimaha Gudaha dalka Sacuudi Carabia taasna ay tahay mid aan la qaadan karin.

Khilaafka halka uu ka bilowday:

Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay hakisay dhammaan ganacsigii iyo maalgalintii cusbayd ee kala dhaxaysay Canada, iyadoo arrintaas ku sababaysay “faragalinta” ay ku hayso arrimaheeda gudaha.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga oo Twitterro badan soo qortay ayaa sheegtay in ay eryayso safiirka Canada ayna la soo laabanayso midkeedii Canada u fadhiyay.

Arrintan ayaa timid ka dib markii ay Canada sheegtay “in ay aad uga walaacsan tahay” xiritaanka loo gaystay dad xuquuqda aadanaha u dooda.

Dadka la xiray waxaa ka mid ah Samar Badawi oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda dumarka oo Sacuudiga u dhalatay haysatana dhalashada Maraykanka.

Samar ayaa ku baaqaysay in la so af jaro habka Sacuudiga looga dhaqmo ee muxramka.

Xiritaankan ayaa yimid iyadoo amiiirka dhaxalka leh ee Sacuudiga Maxamed Bin Salman uu sannadkan sameeyay isbadallo.

Dawladda Canada ilaa iyo hadda kama aysan hadlin tallaabada dublamaasiyadeed ee uu Sacuudigu qaaday.

Faragelinta Arrimaha Gudaha:

Khilaafka labadaan dal ayaa salka ku hayo sida ay Sacuudiga sheegtay faragelin lagu hayo dalkeeda, haddaba Sacuudiga ma aragto miyaa faragelinta ay ku heyso dowlado badan oo Islaam ah?.

Dowladda Sacuudiga ayaa faragelin qaawan ku sameysay dalka Qatar oo ay xataa isku dayday inay rido hoggaamiyaha xukunka u hayo.

Sidoo kale waxay si toos ah u weerartay dalka Yeman oo ay ciidamo ka tirsan xulafeeda ay laayeen dad shacab ah welina ay wadan.

Sacuudiga ayaa sidoo kale faragelin gudaha ah ku heyso dowladaha ka tirsan Jaamacadda Carabta oo ay ku qasbeyso inay xiriirka u jaraan dowlad kasta oo ay is khilaafaan.

Dowladaha ay faragelinta gudaha ah ku sameysay ayaa waxaa kamid ah dalka Soomaaliya kadib markii dowladda dhexe ay diiday inay xiriirka u jartay dalka Qatar.

Xuquul Insaanka ma arrimaha gudahaa?

Arrinta ay isku hayaan dowladaha Sacuudiga iyo Canada ayaa ah xarig ay dowladd Sacuudiga u geysatay dad u doodo xuquuqda aadanaha.

Sida ay adduunyada ku heshiisay xuquuqul Insaanka maahan wax u gaar ah hal dowlad balse wuxuu yahay heshiiska in xuquuqul isaanka si guud loo ilaaliyo isla markaasna looga wada hadlo si dowli ah.

Haddii ay dowladda Sacuudiga dhibsatay in laga hadlo dad u doodo xuquul insaanka oo ay xirtay maxaa u maleeneysaa faragelinta qaawan oo ay ku heyso Dowladaha Islaamka iyo weliba dhigga masaakiinta ay Sacuudiga iyo xulafadooda ku daadinayaan gudaha dhulka Yemen?