25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Erdogan: Maraykanka wuu ka shalaayi doonaa daan daansiga uu Turkey ku hayo

Unye (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wacad ku maray inuu dhagaha ka fureysanayo handadaadda uga imaanaysa Mareykanka ee ku saasban xariga baadari ameerikaan ah oo Turkigu u haysto eedo la xiriira argagixisanimo.

Erdogan ayaa Mareykanka uga digay in Turkigu uu diyaar u yahay in uusan ku ganacsan wax doolar ah.

Arrintan ayaa timid kaddib markii madaxweyne Trump uu laba jibaaray canshuurta la saarayo birta iyo naxaasta Turkiga uu u dhoofiyo Mareykanka.

Mareykanka ayaa dalbanayay in la sii daayo baadarigaasi Turkiga u xiran, balse Erdogan ayaa Washigton uga digay in xiriirkoodu uusan u xumaan sababo la xiriira xarigga baadarigaasi.

Madaxweyne Erdogan oo la hadlayay boqolaal qof oo isugu soo baxay magaalada Unye ee Waqooyi bari Turkiga ayuu u sheegay in ay khalad tahay in baadari dartii Turkiga jilbaha dhulka loo dhigo.

Waxa uuna intaasi ku daray in dalkiisa uu diyaar u yahay in baayacmushtarigiisu uu ku saleeyo lacag aan doolar ahayn uuna la baayacmushtaro dalal ay ku jiraan Shiinaha, Ruushka,Iiraan iyo Ukraine.

Erdogan ayaa ugu baaqay shacabkiisa in ay dalkooda taageeraan oo lacagaha qalaad ee ay haystaan ay ku bedeshaan liiraha dalkooda.

Erdogan ayaa tilmaamay inay Alle yihiin haddii uu Mareykanka leeyahay lacagta Dollarka ah.

Dad badan oo Turki ah ayay durba saameysay hoos u dhaca ku yimid qiimaha lacagta dalkaasi ee liiraha, waxaana dad deggan magaalada Istanbul ay BBC-da u sheegeen in xaalad xun ay ku jirta lacagta dalkaasi Turkiga.

Maxaa ka jira in SARAAKIIL kale oo ka tirsan URURKA ONLF lagu qabtay Somalia

Asmara (Caasimada Online) – Ururka ONLF ayaa gaashaanka ku dhuftay warar kasoo baxay maamulka Galmudug oo ay ku sheegeen inay qabteen xubno ka tirsan ururkaasi, oo ku sugnaa gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Sabtidii ayaa Cabdi Muuse, oo ah taliyaha ciidamada maamulka Galmudug ee degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud wuxuu saxaafadda u sheegay inay qabteen 10 qof oo ka tirsan jabhadda ONLF, ee ka dagaalanta dalka Ethiopia.

Taliyaha ayaa sheegay in dadka la qabtay ay kasoo carareen dalka Ethiopia, islamarkaana ay si dhuumaaleysi ah ku joogeen magaalada Balanbale, isaga oo intaas u daray in loo gudbin doono magaalada Dhuusomareeb.

Si kastaba, ONLF oo arrintan uga jawaabtay qoraal lagu daabacay barta twitter-ka ayaa sheegtay in warka kasoo baxay Galmudug uu yahay mid been abuur ah, oo aan waxba ka jirin, islamarkaana aysan jirin xubno ka mid ah ururka oo lagu qabtay meel ka mid ah Soomaaliya.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in ay jiraan rag hubeysnaa oo Galmudug ay qabteen, balse waxaan caddeyn in raggaasi ay ka mid yihiin ONLF iyo in kale.

Bishii August ee sanaddii 2017 ayaa Galmudug waxay qabatay Cabdikariim Muuse Qalbi-dhagax oo ka mid ah ONLF, kaasi oo Xamar oo loo soo wareejiyey, kadibna loo sii gacan geliyey dowladda Ethiopia. Qalbi-Dhagax ayaa kadib lasii daayey bishii June ee sanadkan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Beesha Dhulbahante oo ka carootay tallaab uu qaaday R/W Xasan Cali KHEYRE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya guuxa iyo carada ay Garaadada, waxgaradka iyo dhallinyrada beesha Dhulbahante ka muujinayaa isku shaandheyntii uu golaha wasiirada ku sameeyey Xassan Cali Kheyre dhawaan.

Sida ay ilo xog ogaal ah ku warramayaan waxaa shalay baaqday kulan magaalada Muqdisho ay isugu imaan lahaayeen madaxweyne ku xigeenka Puntland ENG Cabixakiim Cabdullahi Xaji Cumar Camay, Garaad Jaamac Garaad Cali iyo xubno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka dowladda Federal-ka ah.

Sida ilo wareedyadu sheegayaan ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii loo cambaarey lahaa isku shaandeyntii uu sameeyey Xassan Cali Kheyre ee uu ku bedelay wasiirkii kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi.

Arintaas ayaa sida la sheegay looga hadli lahaa kulanka iyaga oo u arkay in bedelka wasiir Cabdiraxmaan ku yimi RW Xassan Cali Kheyre oo ku qancinayey madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas.

Siyaasiyiinta, isimada, waxgaradka iyo dhallinyarada beesha Dhulbahante ayaa sida la sheegay u arkay tallaabadaas mid meel ku dhac ku ah maadama wasiirkii xilka hayey ay aad ugu qanacsanayeen.

Hase ahaatee, qof la soo xiriiray Caasimadda Online oo codsaday in aan magaciisa la xusin ayaa sheegay in beeshu aad uga niyad jabtay qaabka uu u dhaqmay RW Xassan Cali Kheyre walow aysan beeshu diidaneyn in uu RW sameeyo isku shaandhweyn isaga ka timaada balse waxa ay ka xumaadaan u hoggaansankii amarkii Cabdiweli Cali Gaas.

Sida uu u hadalka u dhigay shaqsiga nala soo xiriiray ayaa sheegay in wasiirka hadda loo magacaabay wasaaradda Kalluumeysiga oo isla beesha Dhulbahante ka soo jeeda uusan ahayn shaqsi aqoon leh marka lala bar bar dhigo wasiirkii uu Cabdiweli Gaas bedelay Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi.

Wasiirka hadda ay hadda beesha Dhulbahante aad uga biyo diiday waa xubin ka tirsan golaha shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Jawaabta qoraal jawaab u ahaa saadaasha xiisadaha SOOMAALI GALBEED

Waxaa yaab leh sida dadkii Soomaaliyeed loo soo dhex galay, Itoobiyaankii ay Reer Galbeedka iyo AMISOM soo galbiyeen ee Soomaaliya soo geliyeen baa maanta raba inuu Soomaaliya qabiil iyo jees-jees isaga hor keeno, waxaan aqriyay qoraal aan ula yaabay oo qoray nin isku magacaabay Maxamed Abshir Nuur kaasoo sida uu sheegay uu uga jawaabayay qoraal uu qoray Maxamuud Cabdi Sammad Xareed oo cinwaankiisu ahaa Saadaasha Xiisadaha Ka taagan Soomaali Galbeed!….anigu sabab qabiil looga dhigo  qoraalka Xareed iigama muuqan mana arkayn wax keeni kara in beel lagu saleey xataa haddii ay ku dheehnayd sababta oo ah waxa uu ka hadalayo ayaa ahaa dhibaato iyo gar-daro guud ahaan lagula kacay magaca Soomaaliyeed isla markaasna ay baahi u qabeen inay helaan qof Soomaali oo xog ogaal ah oo falanqeeya si ay ur ugu baxdo waxna uga ogaadaan hirka cusub ee cadownimmada ku salaysan eek u bilowday dadka Soomaaliyeed markii uu Abiy Axmed noqday Ra’iisal Wazaaraha Itoobiya.

Dagaallada iyo colaadda lagu soo qaaday Soomaalida waa ay ka horeeyeen wax badan duullaankii ay ciidammada federal-ka Itoobiya ku soo qaadeen Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya maalintii sabtida ahayd ee August04, 2018, waxaana si baahsan dagaalka looga soo qaaday dhammaan dhulka Soomaalidu degto ee dhaca xudduuda labada dal, iyadoo waliba la sheegay in dadka duulaanka soo qaaday ay ahaayeen ciidammada dowladda federalka Itoobiya oo dharkii soo bedeshay, kuna dagaal galayay magaca qoomiyadda Orommada, waxayna baab’iyeen deegaano dhan dadkii ku noolaa hantidoodiina dhaceen, dagaalkaas ilaa iyo hadda dhab uma joogsan, dadka shacabka ah ee Soomaalida ah ee ku nool xudduudahana waxay wali qabaan walaac xagga ammaanka naftooda iyo hantidooda ah iyadoo aysan dowladda Abiy Axmed qaadan wax talaabo ah oo wax ku ool ah, waxaana la oran karaa waxaa xiisadaha qaboojiyay iska caabbin aan xoog badnayn oo ay sameeyeen shacabkii xuddudaha ku noola oo aan haysan dowlad garab istaagta iyo duni u soo gurmata.

Qoraalka xareed guud ahaan qeexayay baaxadda dhibaatada haysata dadka Soomaaliyeed, waa suuro gal marka qoraal nooc uu qoray Xareed oo kale ah la qorayo inay soo galaan magacyo beelo iyo ashkhaas waana ay ku jireen magacyo beeleed iyo shakhsiyaad, taasina ceeb ma aha laakiin sida xaaladda Soomaaliya ay tahay ayaa wax badan macnahoodii bedelaysa, waana midda uu hadda ka faa’idaystay Maxamed Abshir Nuur oo aanan anigu rumaysnayn inuu Soomaali yahay laakiin labo un mid u qaatay A) nin ka mid ah sir-doonka Itoobiya oo kala qaybinta iyo kala fogeynta shacabka Soomaaliyeed ee la burburiyay wali ka shaqayniya, B) Orommada buux dhaafisay dalkii ee af-Soomaaliga bartay ee maalin kasta iyagoo beelo Soomaaliyeed sheeganaya aan baraha bulshada ku arkayno oo raba inay kala geeyaan shacabka Soomaaliyeed, waxaan taas cadayniya Af-Soomaaliga uu wax ku qoray iyo sida uu afka ugu balaarinayo hanjabaad uu Soomaalida (Ogaadeenka) u dirayo iyo dhiiri gelinta uu Orommada siinayo, iyo mansabka KHabiirnimmada uu sheeganayo.

Farta cas waa afka Soomaaliga ee muujinaya inuusan Maxamed Abshir Nuur Soomaali ahayn ama waxaa kaloo farta cas ay muujinaysaa sida uu iskugu dayayo inuu qariyo dulmiga iyo waxa lagula kacay dadk Soomaaliyeed ee dowlad deegaanka Soomaaliyeed ee Itoobiya ama Soomaalida kale ee deggan xuddudaha labada dal.

  1. Waxaan si qoto dheer u aqriyay qoraalka dheer ee aad soo ku daabacday beejkaasi aan sare ku soo sheegnay, balse waxaan aad ula yaabay sida indha la’aanta ah ee aad ugu hadleyso qabiilka loo yaqaano Ogaadeen, gaar ahaan marka aad is barbardhiga ku sameyneysa laba xaaladood waxaa aad uga muuqda in aan buunbuunineysa Ogaadeen.

Qof Soomaali ah ma oranayo “qabiilka loo yaqaan” waayo ogaadeen waa qabiil ka mid ah qabiilada Soomaaliyeed isla markaasna aan ka baxsanayn Soomaalinimada uu iska dhigayo qofka wax soo qoray (Maxamed Abshir Nuur) inuu u dhashay, mana oranayo Ogaadeen baad buunbuuninaysaa waayo waxaa uga filan inay Soomaali yihiin isagana uu yahay Soomaali qabiil ahaan uma uusan arkeen ee Soomaali buu u arki lahaa, maamulkii Cabdi Max’ed Cumar wuxuu doona waa ku dhaaliila karaa layskumana haysto, laakiin dagaallada ay Orammada ku hayso Soomaalida waa mid caam ah oo ka horeeyay wixii sabtigii hore ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee ma aha sida ninkan Soomaaliga iska dhigaya ee ummadda Soomaaliyeed raba inuu kala qaybiyo hadalka u qorayo, bal iska dhaaf Itobiya ee dalkii gudihiisii ayeey Orommadu hawlo dhallan rog ah ka wadaa wax iska qabanayana aysan jirin.

  1. Beer laxawsi Soomaalida inteeda kale oo ‘waawareey Oramadii ayaa soo socota’;

“Waawareey Orammadii soo socota” nin Soomaali ah oraahdaas ma qorayo waayo cabsidaas maba yaqaan, Soomaalida deggen Itoobiya waligood Itoobiya oo dowlad ah oo qoomiydaha kale oo dhan ay hal dhinac ka soo jeedaan bay keligood la dagaalayeen oo iska celinayeen ONLF keliya ayaa sutida u haysay, laakiin sida ka muuqata hadalka ninka khabiirka isku sheegaya isagaa la soo bajin jiray, iska dhaaf qoomiyad keliyee dadka Soomaaliyeed haddii ay Itoobiya oo dhan isa soo raacdo ma aha dad waligood loo cagajugleeyay ama ka baqa nacabkooda iyo ciddi colaad kala dhexeyso.

  1. Ma dhici doono dagaal daba dheeraada oo dhex mara Soomaalida iyo Oramada, xasaradda taagana waxa ay noqon doonaan kuwa soo afgarma; 

Horta ninkan khabiirka ah eeg sida uu u qoray “Af-jarma”

Midda kale way fiicnaan lahayd inuusan dhicin dagaal daba dheeraada laakiin taasi waxay ku xirantahay in cidda gar-darrada wadaa ay joojiso gar-darrada haddii kale dan buu u daba dheeeraan.

  1. Ma dhici doonto in madax Soomaali dambe oo Tigree ka amar qaata uu dib ugu talin Soomaalida Itoobiya;

Oraahda kore wuxuu ka wadaa miyaa Oroma ayey Soomaalida ka amar qaadanaysaa, is-maamulka Soomaalida wixii lagu heshiiyo oo maamulllada Federal-ka ah ay isku waafaqaan buu kaalintiisa ku leeyahay laakiin cidna si gaar ah ugama amar qaadanayo, ninkii ina yaqaanna waa ogyahay taas. 

  1.  Ma dhici doonto in gabhada ONLF ay talada dalka Itoobiya ay qeyb ka noqdaan iyagoo gabhad ah marka laga reebo in kuwa Soomaalida iyo Itoobiyaanka la jaangaadi kara oo aanan ahayn kuwa ay madax martay Ogaadinimada.

Sidee buu u qoray “Jabhad” eeg sidee buu u qoray “Jaan-Qaadi” Tan kale wuxuu si xanaaq ama caro ka muuqato u inkirayaa in ONLF ay dalka Itoobiya sharci ka tahay, wuxuna si cad Soomaalida uga saarayaa inay ka mid yihiin maamulada Itoobiya ka jira wuxuuna wali sii wadayaa ereyga Ogaadeen, “OGaadeenimada madax martay” isagoo afka ka leexinaya Soomaalida xanaaqsan ee lagu soo gar-darooday. Waxaa shaki la’aan ah in qof Soomaali ah oo ka naxaya dadkiisa iyo dalkiisa uusan maanta ka hadleen magac beel maxaa yeelay waxa xudduudaha dalka ka dhacay waa danbi si simman dadka Soomaaliyeed looga galay mana ku hadleen waxa uu ka hadlay KHabiirka Orammada ama ciidammada sir-doonka Itoobiya ee magac Soomaaliga ku-raad-gadanaya, waliba sida aan qiyaasiyo isagoo Soomaaliya jooga.

Waxaa ayaantaan aad u soo kordhaya dad badan oo Itoobiyaan ah oo dalkii muddo dheer joogay si aan sharci ahayn, mujtamacii Soomaaliyeed dhex galay afkii bartay oo iyagoo dalkii jooga Ummaddii iyo Qaranimadii Soomaaliya gudaha kala dagaalamaya oo duulaan ku ah, waxaana yaab leh in dowladda Farmaajo iyo KHeyre ay ka hadlaan khilaafka u dhexeeya Sacuudiga iyo Kanada oo aysan ka hadlin waxa dadkooda ku haysta xuddudaha dalka…..Puntland iyo Somaliland Tuke-Raq bay isku haystaanmid kastana waxay ku andacoonaysaa inay xudduudeeda sugayso guryahoodiina waa loo daba maray!…Labada Marada Isku Haysata Hooyadood waa Sida Laftaas!…..

W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Afhayeenkii wasaaradda amniga DF oo magaalada Hargeysa laga soo tarxiilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay is hortaagen Afhayeenkii hore ee Wasaarada Amniga Somalia Cabdi Casiis Xildhibaan oo safar aan laga sii warqabin ku tagay magaalada Hargeysa.

Ciidamada amaanka ayaa Cabdi Casiis Xildhibaan ka celiyay Garoonka Hargeysa xili uu doonaayay inuu gudaha u galo magaalada.

Ciidamada ayaa Afhayeenkii hore ee Wasaarada Amniga Somalia Cabdi Casiis Xildhibaan ku wargaliyay inuu yahay ajnabi lagana doonaayo inuu la imaado warqadaha fasaxa ee uu ku galaayo magaalada, iyadoo markii danbe dib loogu soo celshay magaalada Muqdisho.

Afhayeenkii hore Cabdi Casiis Xildhibaan, ayaa safar maalmo qaatay ku joogay magaalada Garoowe, hase yeeshee qoraal uu sii dhigay beejkiisa ayaa loo sababeeyay diidmada uu kala kulmay ciidamada amaanka Garoonka Hargeysa kadib markii uu qoraal aan munaasib aheyn kasii hormariyay safarkiisa.

Cabdi Casiis Xildhibaan oo lagu sii sugaayay Garoonka Hargeysa ayaa saacado kooban lagu hayay Garoonka, iyadoo markii danbe dib loogu soo celshay Muqdisho.

Maamulka Somaliland ayaa dhowr jeer Garoomadeeda ka celisay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Somalia kuwaa oo safaradooda lagu tilmaamay mid sharci darro ah.

Wasiirka amniga Xukuumada Somalia Ducaale, ayaa warqad kasoo baxday xafiiskiisa xilka looga qaaday Afhayeen Cabdi Casiis Xildhibaan, kadib markii hadalo dhaawacaaya dowlada uu la wadaagay warbaahinta madaxabanaan.

Si kastaba ha ahaatee, Cabdi Casiis Xildhibaan oo xilkii laga qaaday ayaa tan iyo markii uu xilkiisa waayay ahaa mid u dhexeeyay magaalada Muqdisho iyo Gobolada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Mucaaradka Somaliland oo safaro ku jooga Nairobi iyo Addis-Ababa + Qorshaha

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxda xisbiyada mucaaradka Somaliland UCID iyo Waddani Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa safaro kala duwan ku jooga dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Cirro iyo Faysal oo ay socdaaladoodu yihiin kuwo kala duwan, ayaa waxa ay safaro lagu sheegay kuwo shaqo ku joogaan Nayrobi iyo Addis Ababa.

Si rasmi ah looma garanayo ujeedada ay u tageen madaxda mucaaradku dalalka gobalka isku wakhti, laakiin guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa isagu saxaafadda ka soo muuqday isagoo kulamo la qaatay qaar ka mid ah dalalka deeq bixiyayaasha iyo qaar ka mid ah jabhadda ONLF.

Guddoomiye Cabdiraxmaan-cirro ayaa isna khamiistii safar ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, welina lagama hayo wax war ah oo la xidhiidha ujeedada socdaalkiisa iyo cid uu la kulmay.

Socdaalka masuuliyiinta xisbiyada mucaaradka ee gobalka ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay wakhtigan gobalka Geeska Afrika ka socdaan dabaylo isbedel oo ka bilaabmay Itoobiya, laakiin si yar si yar ugu faafaya gobalka Geeska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Mayrekanka oo hawada u diray dayax-gacmeed 4cm u jirsan doono qoraxda

Washington (Caasimadda Online) – Wakaaladda hawada sare ee Mareykanka ee NASA, ayaa maanta waxa ay fulisay qorshaheeda hawada sare oo ay dirtay dayax-gacmeedkii ugu dhawaa cadceedda, sida qorshaha lagu wado.

Gantaalka xambaaraya dayax-gacmeedkan ayaa la ganay, waxa uuna si nabad ah uga kacay, saldhigga NASA ee lagu magacaabo Cape Canaveral oo ku yaalla Florida, muddo ayuuna safar kusii jiri d\oonaa.

Waxaa lagu guuleystay safarkan naadirka ah, iyada oo maalin kahor uu yimaaday hakad aan lasii saadaalin, walaxdan hawada sare loo diray ayaa noqoneysa tii ugu dhaqsiyaha badneed ee aadunuhu sameeyo.

Qorshuhu waxa uu yahay in la gaaro halka ugu dhaw ee qoraxda, lagana gudbo guud ahaan meeraha dhulka.

Dayax-gacmeedkan oo jaraya Saacadiiba 690,000km/h, ayaa waxa ay ku qaadan doontaa inuu cadceedda gaaro muddo lix isbuuc ah.

Dr Nicky Fox oo ah cilmiyahanad udhalatay Ingiriiska kana shaqeyneysa mashruucan ayaa sheegtay in aaladani ay u jirsan doonto cadceedda 4cm uun.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in xawaaraha dayax-gacmeedkani uusan inaba caadi aheyn, oo tusaale waxa ay ku cadeysay in magaalooyinka Tokyo iyo Newyork oo isu jira 10,842km uu hal daqiiqo ay ukala safri karto aaladani.

Caasimada Online
Xafiiska Washington
[email protected]

C/Weli Gaas oo ka hadlay qorshaha doorashada P/L

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/Weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay dareenka laga qabo doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Puntland.

C/weli Gaas, waxa uu sheegay in mar hore ay sii dajiyeen howlaha la xiriira doorashada, waxa uuna carab dhabay inaanu jiri doonin wax juujuub ah.

Waxa uu sheegay inuu jiro nidaam doorasho oo kala xakameyn doono musharaxiinta iyo cod bixiyayaasha lana doonaayo in cid waliba ay dhowrto.

Musharaxiinta loolanka qeybta ka ah ayuu sheegay inay leeyihiin xoriyad gaar ah, hase yeeshee uusan aqbali doonin in lagu tagrifalo xoriyada xadeysan.

Musharaxiinta iyo shacabka ayuu u xaqiijiyay in Doorashada Puntland ay ku dhici doonto xiliga loogu tallo galay, waxa uuna meesha ka saaray shakiga dib u dhac ku imaada Doorashada.

“Waxaa iigu muhiimsan inaan xaqiijino in doorashada ay ku dhici doonto wakhtigeeda, waa haddii aanu dhicin sabab kale, waayo waxaa na xakumaaya dastuur iyo sharciyo noo yaal”

Sidoo kale, C/weli Gaas, mar uu Madaxtooyada maamulka kula shiraayay qeybaha maamulka u qaabilsan Doorashada iyo mas’uuliyiin kale ayuu dafiray in la qorsheynaayo dib u dhac lagu sameeyo Doorashada.

Haddalka C/weli Gaas, ayaa mugdi galinaaya shakiyo markii hore ay qabeen musharaxiinta iyo shacabka Puntland kaasi oo ahaa dib u dhac ku yimaada doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Fursado dahabi ah oo hor-yaalla Soomaali Galbeed

Inta aanan u gelin dulucda qormadeyda, Aan marka hore raali-gelin buuxda ka bixiyo Anigoo waliba ku hadlayo magaca Soomaalida ku nool dhulka Jamhuuriyadda xad-gudubkii lagula kacay halgamaa C/kariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax), Kaasi oo loo dhiibay maamulka ka arimiya waxan loogu yeero Itoobiya. Waxaana raali-gelintaasi siinayaa guud ahaan Soomaali Galbeed, Gaar ahaan ururuka ONLF oo uu C/kariin ka tirsanaaa.

Waxaana rajeynayaa mar alaale iyo marka la helo dowlad Soomaaliyeed oo caadil ah in la maxkamadeyn doono shaqsiyaadkii ka danbeeyey jariimadaasi foosha xun ee dhaawacday quluubta malaayiin Soomaali ah oo u hanweyneyd dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo. Jariimadan, Ayaanan ku koobneyn walaalkeen C/kariin oo qura, Bal waxa ay ku dhacday Soomaali badan oo aan waxbo galabsan.

Xaqiiqdii, Waxaa hoos u dhacay qiimaha qofka Soomaaliga ee maanta nool. Taana waxaa u daliil ah dhacdadan iyo kuwa la midka ah ee maalin walba ku dhacayo dadka Soomaalida ee ku dhaqan dhulka Jamhuuriydda iyo deegaanada kale ay xoogga ku haystaan maamulada Xabashida iyo Kenyaatiga. Sow ma’ahayn maalmo ha hor markii aan maqalnay kufsi loo geystay dhabdho Soomaaliyeed oo ku socdaalayey duleedka deg. B/xaawo ?

Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda oo aan uga waramayo fursadaha dahabiga ah ee maanta horyaallo dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka loo yaqaanno Soomaali Galbeed oo ay dadka qaarna ugu yeeraan Ogaadeeniya, ka dib isbedelkii ka dhacay waxan looogu yeero Itoobiya. Itoobiya, Ayaa waxa ka dhacay isbedel ballaaran oo saameeyey hogaankii dalkaasi oo ay in muddo ah horboodeysey qowmiyadda Tigreeda.

Waxa uu isbedelkaasi keenay in ra’isulwasaare loo doorto shaqsi ka soo jeeda qowmiyadda Oromada ee aannu wax badan wadaagno. Hadabo, Aniga oo aan hadalka dheereyneynin. Waxaan leeyahay waxaa horyaallo walaalaheen reer Soomaali Galbeed fursado dahabi ah oo ay in muddo ah googobayeen, Kuwaasi oo ay ku noqon karaan dal ka madaxbanaan Itoobiya inteeda kale waase haddii fursadahaasi laga faa’iideysto.

Sidan soo sheegeyba, Waxaa maanta horyaallo walaalaheena reer Soomaali Galbeed fursado dhayman ah oo ay ku xaqiijin karaan ahdaaf ay in mudda ah u halgamayeen. Tusaale ahaan, Waxaa uu isbedel ku dhacay hab maamulkii ka jiray waxan loogu yeero Itoobiya oo ay hadda la wareegeen hogaankeeda qowmiyadda Oromada oo runtii dhib badan ay ka soo gaareen qowmiyadaha kale ee Itoobiya sida Xabashida iyo Tigreeda oo kale.

Qowmiyaddan, Ayaa ah qowmiyad aannu wadaagno waxyaabo badan oo muhiim ah sida diin iyo dhaqan oo kale, Inkasta oo ay ku jiraan kuwa aanan waxba wadaagin sida Booraanta oo kale. Waxaana aaminsanahay in qowmiyadda Oromadu ay garwaaqsan tahay dhibaatooyinkii loo geystay dadka Soomaalida oo un dalbanayey inay u tashadaan dhulkooda oo uu si sir ah ugu daray Itoobiya kale gumeystihii Ingiriiska.

Isbedelkan dhacay dartii, Ayaan aaminsanahay inuu Soomaalida u horseedi karo in la weydiiyo waxa ay doonayaan sidiiba horay loogu sameeyey dadka Ereteriyaanka oo qeyb ka ahaa waxan loogu geero Itoobiya. Maadaama qof walba oo bini’aadam ah uu xaq u leeyahay in uu Isagu go’aamiyo masiirkiisa iyo waxa uu doonayo. Hadabo, Ma jirto sabab xaqaasi loogu diido dadka Soomaalida oo runtii ah dad dariskooda ixtiraama.

Anigu, Waxaan aamisanahay in dadka Oromada iyo siyaasiyiintooduba aysan dhib u arkin in Soomaalidu ay yeelato dal Iyaga u gaar ah maadaama ay muddo dheer dagaal kula jireen dowladihi soo maray Itoobiya sida ay taariikhdu xuseyso. Waxaan kaloo aaminsanahay in hogaanka cusubi aanu diideyn in afti laga qaado dadka Soomaalida ah, Si loo weydiiyo inay ka go’ayaan Itoobiya inteeda kale iyo inay ka sii mid ahaanayaanba.

Fursadaha kale ee jira, Ayaa waxaa ka mid ah inay jirto jabhadd la yiraahdo ONLF oo in muddo ah u soo halgameysay gobolkaasi. Taasi oo dagaal adag la soo gashay maamulkii ay horboodeysay qowmiyadda Tigreeda ee dhibaatada badan geysatay. ONLF, Ayaa aaminsan in afti xor ah oo uu Caalamku goob-joog ka yahay laga qaado dadka Soomaalida ah, ka dibna lagu dhaqmo waxa ka soo baxa aftidaasi dadweyne.

Fikraddan, Ayaa ah mid wanaagsan oo ay shucuub badani ku heleen xaqooda. Waana tii u suuragelisay Eriteriyaanka inay ka go’aan Itoobiya inteeda kale. Maadaama maanta Itoobiya la dhegeysanayo mucaarad qura. Anigu, Waxaan qabaa in ONLF ay hogaamiso wixii wadahadal oo lala galayo maamulka cusub ee ay Oromadu horboodeyso, Si  looga faa’iideysto fursadaha dahabiga ee maanta jira.

ONLF, Ayaa haysata aqoonsi iyo matalaad ay ku matali karto gobolkaasi maadaama ay in muddo u soo halgameysay. Waana sababtaasi sababta aan u leeyahay waa in iyada looga danbeeyaa wixii wadahadal ah oo lala galayo maamulka cusub ee Abey axmed. Waxaa kaloo laga yaaba in ONLFay  leedahay saaxiibo badan oo ka tirsan Jabhadaha Oromada oo saameyn ku leh isbedelka dhacay ama dhici doona. Taasi oo haddi ay jiro aad u wanagsan.

Dhinaca kale, Waxaan ka digayaa in wax dowr ah la siiyo kooxdii Cabdi Iley maadaama lagu xaglinaayo inay daacad u ahayd maamulkii Tigreeda ee dhibaatooyinka badan u geystay qowmiyadaha Oromada, Amxaarada iyo waliba Soomaalida. Haddii uu isbedel dhaco, Itoobiya waa u caado in qoladii hore ay xabsiyada aaddo ama ay dibadaha u cararto. Waan ku celinayaa mar kale, Waa inayan wax dowr ah yeelan kooxdii Cabdi ee Soomaali waxan bidday.

Fursadda ugu muhiimsan ee maanta jirta, Ayaa ah Inuu jiro dareen kacdoon oo ka muuqda dadka Soomaalida oo dareemey awoodda uu leeyahay shacabku marka uu kaco, Islamarkaana uu muujiyo dulqaad iyo adkeysi. Waana sababtaasi sababta keentay inay wadooyinka u soo baxaan Iyaga oo aan waliba ka baqeynin taangiyda waa weyn ee loo keenay in lagu cabsi-geliyo. Ma jiro dunida shacab kacdoomay oo hadana qasaaray.

Anigu, Waan qabaa runtii in Shacabka Soomaalida Ogaadeeniya ay sii wadaan kacdoonada Iyaga oo aan dhibaato geysaneynin inta ay ka helayaan xuquuqda ay u baahan yihiin oo dabcan ah madaxbanaani iyo dal iyaga u gaar ah. Laakiin waa in kacdoonadaasi ay towjiihiso jabhadda mucaaradka ee ONLF oo ah midda qura ee maanta ka jirta deegaanadaasi. Walow loo baahan yahay in jabhadda la ballaariyo sida ay qabaan dad badan.

Nasiib wanaag, Isbedeladan ayaa imaanayo xilli ay dhulka Jamhuuriyadda ka jirto dowlad la aqoonsan yahay oo uu hogaamiyo shaqsi aan u haysanno inuu wadani yahay, Balse uu ka muuqdo jileec badan oo aanan garaneynin waxa u sabab ah. Dowladdani, Ayaa taageeri karto Soomaalida maadaama ay leedahay awoodo kala iyo saaxiibo badan oo ay arinkan kala hadli karto sida Masar oo kale oo ay Itoobiya is-hayaan sababo ka xariira wabiga Niil.

Dowladda madaxweyne Farmaajo, Ayey maanta horyaallaan fursadahan dahabiga ee ay doon-dooni jirtay Dowladdii Maxamed Siyaad ama middi Cabdiqaasim. Waxaana Dowladda looga fadhiyaa inay qaadato dowr ay taarikhdu xusto. Ma jirto Itoobiya maanta laga baqo. Mana jirto dowlad weyn oo si indho la’aan ah u garab-taagan. Waxaa kaloo Dowladda looga fadhiyaa inay isha ku hayso dagaalada u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromad oo dhib weyn geysan kara

Markan hadalka soo uruuriyo, Waxaa horyaallo walaalaheena reer Soomaali Galbeed fursado dahabi ah oo ay ku xaqiijin karaan ahdaaf ay in muddo ah u soo halgamayeen, Kuwaasi oo maanta si fudud loo xaqiijin karo. Waxayna u baahan yihiin oo keliya inay midoobaan oo ay ku dabafeylaan jabhadda ONLF oo ay ahdaafteedu cad cad yihiin, Islamarkaana ay ku jiraan qodobo horseedi kara inay noqdaan dal madaxbanaan sida qodobka aftida oo kale.

Maadaama la dhegeystay shucuubta kala duwan ee Itoobiyaanka sida Oromada oo kale, Waa in markan la dhegeystaa shacabka Soomaali Galbeed oo in muddo ah ku  jiray halgan dheer. Waa in markan laga qaado afti dadweyne, Si loo weydiiyo waxa ay doonayaan. Danbi ma’ahan runtii in shacabkaasi  la weydiiyo waxa ay ka yeelayaan masiirkooda. Maxay uga duwan yihiin Ereteriyaanka iyo South Suudaaniiska oo kale ?!

Ugu danbeyntii, Waxaan u soo jeedinayaa walaalaheyga reer Soomaali Galbeed oo aan aad u jeclahay talooyinka soo socda oo aan rajeynayo inay  qaadan doonaan maadaama aan ahay walaalkood ku ka soo jeeda dhulka Jamhuriyadda ee aragti ahaanna aaminsan aragtida Soomaaliweyn ee qiimaha badan.

1-In ka kala diro dhammaan nidaamkii hore ee uu hogaaminayey Cabdi Iley.

2- In la sameeyo gole siyaasadeed ama maamul KM ah oo uu deegaanku yeesho.

3- In la cafiyo dhamaan dadkii wax ka haleeyey Soomaalida Ogaadeeniya, Iyadoo la midoobayo

4- In ONLF loo daayo wixii wadahadal ah oo lala galayo maamulka cusub ee ay Oromadu horboodeyso.

5- In laga fogaado dagaal dhexmara qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo dhib weyn geysan kara.

6- In la bilaabo kacdoon nabadeed oo lagu dalbanayo in afti laga qaado dadka Soomaalida.

7- Iyo ugu danbeyn in la dhiso gole siyasadeeed oo matala dhamaan Soomaali Galbeed.

W/Q: Maxamed Ibrahim
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Sawirro: Dekada Muqdisho oo sanado badan kadib shaqo bilowday habeen

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa xiliyada habbeenkii ku guuleysatay shaqo galinta Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Dekada Muqdisho ayaa waxaa laga hir galiyay leyrar waaweyn oo Maraakiibta u sahlaaya in xiliyada habbeenkii ay kusoo xirtaan dekadda, halka maraakiibta shaqo dhameysta ay ka rawaaxi karaan dekadda xiliyada hebbeenkii.

Gaadiidka xamuulka ee ka shaqeeya dekadda ayaa iyaguna xiliyada habbeenkii loo fasaxay inay qaadan xamuulka, halka xiliyadii hore ay rarka qaadi jireen maalinta oo qura.

Mas’uuliyiin isugu jirta Wasiiro, Xildhibaano, Taliyayaal iyo Saraakiil ciidan ayaa kormeer ku gaaray dekadda Muqdisho xili ay socotay shaqada habbeenkii.

Mas’uuliyiinta ayaa sharaxaad laga siiyay jadwalka shaqada oo lagu kordhiyay xiliyada habbeenkii waxa ayna aad usoo dhaweeyen isbedelada ka socda dalka oo gaaray xili la shaqeeyo habbeenkii.

Talaabadaani ayaa timid kadib markii dhawaan uu Madaxweyne Farmaajo Amray in si deg deg ah dekedda Habeenkii looga shaqeysiiyo.

Sawirro: Wasiirka cusub ee wasaaradda xoolaha oo xilka la wareegay maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) Raiisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa siweyn uga hadlay ahmiyadda ay leedahay horumarinta dhaqaalaha dalka,isagoo xusay in ka ganacsiga Xoolaha Nool ay yihiin lafdhabarka dhaqaalaha ee dalka,xili uu ka qeybgalay xil wareejinta wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa.

Raiisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar ayaa ammaanay waxqabadka wasiirkii hore mudadii uu joogay, isagoo dhanka kale bogaadiyay wasiirka cusub in uu dardargeliyo howlaha horyaala,wuxuuna raiiusl wasaare kuxigeenka Dalka uu xuseen in wasaaraddu ay kamid tahay wasaaradaha ugu muhiimsan wax soo saarka dalka,isagoona rajo ka muujiyay in wasiirka cusub uu ku guuleysto howsha loo igmaday.

“Waqtiga waa uu ordayaa sanad iyo 4 bilood waxaa inoo qabsoomay waxbaday, hadii ay ahaan lahayd arrimihii Dastuurka,horumarka dhaqaalah sida ka ganacsiga Xoolaha,iyo sida wasaraadda Xanaanada Xoolaha ay horumar u sameysay maadaama ay tahay lafdhabarka dhaqaalaha Dalka,sidii aan uga fekeri lahayn in aan horumarino xoolaha nool oo habkii dhoofintuna waxbadan aan ka bedelno,lana helo Xoolo caafimaad qaba,taasi ayaa waxtar weyn inoo leh”. Ayuu yiri Raiiusl wasaare kuxigeenka Dalka.

Munaasabaddaan oo uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa  Xukuumadda SoomaaliyaMudane Xildhibaan Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo lagu qabtay Muqdisho waxaa goob joog ka ahaa raiisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya,Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Xildhibaan  Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo xilkaasi wareejiayay ,agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Maxamed Cumar Maxamuud,iyo maamulka iyo shaqaalaha wasaaraddaasi.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo xilkaasi wareejiayay ayaa sheegay in waxbadan ay u qabsoomeen mudadii uu xafiiskaasi joogay ,isagoo xusey in ay horumariyeen mashaariic kaladuwan iyo heshiisyo caalami ah oo kamid ah dhoofinta Xoolaha Soomaaliya iyo in Suuq loo helo,maadaama wasaaraddu ay kamid tahay,wasaaradaha ugu muhiimsan Dalka.

Mudane Xildhibaan Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka cusub ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaq oo xilkaasi si rasmi ah ula wareegay ayaa balanqaaday in uu dardargelindoono howlaha horyaala wasaaradda.

“Runtii wasaaradda Xanaalada Xoolaha waa wasaaradd aad u muhiimsan waad la socotaan marka laga soot ago daruufaha dalka kajira,marka waxaan balanqaadaynaa in aan halkiisa ka sii amba qaado horumarkii uu sameeyey wasiirkii hore”. Ayuu yiri Wasiir Xuseen Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Moqdisho
[email protected]

Madaxweynaha Somaliland oo bur buriyay heshiiskii Berbera ee lagu wareejiye…

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-178/082018, uu maanta ku shaaciyey in xukuumaddu La-wareegtay Hantida Dawladda ee Haamaha Berbera, Amniga iyo Baarkinka Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 14aad xubintiisa 1aad iyo Qodobka 54aad xubintiisa 1aad ee Dastuurka;

Markaan Arkay: Qodobka 3aad (2) (kh), 32 (2) (g), iyo 33 (2) (b) ee Xeerka Hay’adda Duulista Madaniga ah ee Xeer Lr.70/2017;

Markaan Arkay: Qodobka 6aad ee Xeerka Takaalifta Amniga Madaarada ee Xeer Lr. 61/2013;

Markaan Garwaaqsaday:In daryeelka iyo ilaalinta hantida guud ay tahay waajib saaran xukuumadda, hantidaas oo hadii loo baahdo lagu wareejin karo kali ah, si sharciga waafaqsan, sida ku cad qodobka 12aad ee Dastuurka dalka;

Markaan Xaqiiqsaday: Mihiimadda ay leedahay la soo noqoshada hantida dawladda, oo il-duuf sharci ku jiro habka loo wareejiyay, maadaama aanu jirin Xeerka Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsiga Gaarka ah (PPP Act);

Markaan Arkay: Mihiimadda ay leedahay in dawladdu la soo noqoto hanti-ahaan iyo maamul ahaanba Haamaha Shidaalka Berbera, Adeegga Amniga Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, iyo Baarkinka Madaarka Cigaal, sababo amni iyo dhaqaale awgeed;

Markaan Xaqiiqsaday: In sii wadidda heshiisyadii lagu wareejiyey adeegyada bulshada ee ay xukuumaddu ka masuulka ahayd aanay ku jirin danta guud ee qaranka, isla markaana ay ka hor imanayso waajibka xukuumadda ka saaran ilaalinta hantida Qaranka iyo uga faa’iidaynta dant guud;

Markaan Helay: Talo soo jeedinta guddida dhaqaalaha iyo horumarinta ee Heer Qaran iyo talo bixintii sharci ee heshiisyadii dhex-maray Xukuumadda iyo Shirkadahah BOG, SRM iyo EPASS;

Waxaan Go’aamiyey;

1) In la buriyay heshiisyadii lagu wareejiyay adeegyada: Haamaha Shidaalka (BOG), Adeegga Amniga Madaarada (SRM), iyo Adeega Baarkinka Madaarka Cigaal (EPASS).

2) In xukuumaddu ay gabi ahaanba ula soo noqotay si sharciga waafaqsan maamulkii, gacan-ku-hayntii, Adeegii iyo Qalabkii Haamaha shidaalka ee Berbera, Amniga Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, iyo Adeegga Baarkinka Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ee ay hayeen shirkadaha kala ah; BOG, SRM iyo EPASS.

3) In Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha Iyo Dalxiiska, Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo Hay’adda Duulista Hawadu ay keenaan qiimaynta dhabta ah ee dhaqaalaha ay Shirkadaha BOG, SRM iyo EPASS ku maalgaliyeen Haamaha Shidaalka Berbera, Amniga Madaarkada Caalamiga ah ee Cigaal iyo Baarkinka Madaarka, soona xaqiijiyaan dhaqaalaha ay ka heleen.

4) In Wasaaradaha iyo Hay’adaha ay khusaysaa ka gutaan waajibkooda sharci ee fulinta qodobbadan kor ku xusan.

5) In Shaqaalihii ka hawl-galayey adeegyadani ay shaqadooda u sii wadanayaan si caadi ah.

Somaliland: Abaanduule goostay oo ku biiray jabhad cusub oo lagu dhawaqay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in mid kamid ah Abaanduulayasha ciidamada Militeriga Somaliland uu u goostay Jabhad kasoo horjeeda maamulka oo dhawaan la aasaasay.

Abaanduulihii Saddexaad ee Ciidamada Millateriga Soomaaliland Jamaal Baaxad iyo Hub uu la goostay, ayaa ku biiray Jabhad la magac baxday dib u xoreynta Somaliland taas oo uu dhawaan aas’aasay Sarkaal horey uga goystay Somaliland oo lagu magacaabo korneel Caare.

Abuunduulahan iyo Saraakiil kale oo ka goostay maamulka ayaa iminka ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Sanaag gaar ahaan deegaanada Gobolkaas ay Puntland ka maamusho.

Jabhadaani ayaa waxaa inteeda badan ku mideysan Mas’uuliyiin iyo Saraakiil xilal kasoo qabtay Somaliland kuwaa oo xiligaan aad u dhaliisan maamulka Muuse Biixi.

Maamulka Puntland ayaa garab u ah Saraakiishani oo xiligan heysta Hub farabadan oo lagala goostay maamulka, kuwaa oo la sheegay in lagula dagaalami doono isla maamulka Somaliland.

Qeybo ka mid ah gobolka Sanaag gaar ahaan deegaanada Gobolkaas oo ay maamusho Puntland ayaa waxaa ka socda abaabul dagaal oo ka dhan ah maamulka Muuse Biixi, waxaana lasoo warinayaa in Jabhadaasi ay dhaqaale xoogan ku bixineyso Puntland.

Maamulka Somaliland wali kama uusan hadal  sarkaalkaas iyo aas’aasitanka Jabhada cusub ,waxa ayna ku soo aadeysaa xilli xiisado dagaal oo u dhaxeeysa Puntland iyo Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xasan Sheekh oo madax u noqonaya 4 xisbi oo DF Somalia ku ah mucaarad

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si weyn a socdo qabanqaabada soo dhaweynta madaxweynihii hore  ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo la filayo inuu  dhawaan  kasoo dago garoonka Aadan Cadde.

Xasan Shiikh Maxamuud oo muddooyinkii u dambeeyey daganaa Magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiga ayaa Berri imaan doono Magaalada  Muqdisho iyadoo ay soo baxayaan warar kala duwan oo ku aadan ujeedka safarkiisa.

Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan guddiga qabanqaabada soo dhaweynta, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Muqdisho u imaan doono sidii uu wadatashi ula sameyn lahaa qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Warka ugu xooggan ayaaah in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud la filayo in loo caleemo saaro hoggaaminaya mucaaradka ka horjeeda dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xasan Sheekh oo ololihiisii dib u doorashadai xilka madaxweynaha Soomaaliya si lama filaan looga guuleystay ayaa intii uu xilka banneeyay ku sugnaa dalalka Tanzania iyo Turkiga oo xaasaskiisa ay degan yihiin, isagoo ka gaabsaday arrimaha siyaasadda, isla markaana ku baaqayey in lala shaqeeyo dowladda.

Xogta laga helayo dalka Turkiga ayaa sheegaysa in Xasan Sheekh muddooyinkii danbe ku howlahaa sidii uu u mideyn lahaa kooxaha mucaaradka ee ku kacsan dowladda Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana socda qorshe ay ku midoobayaan 4 xisbi oo hoggaamiye loogu dooranayo Xildhibaan Xasan Sheekh.

Shirar is dabajoog ah oo dhex maray Xasan Sheekh, C/raxmaan C/shakuur, Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, Xildhibaan Xasan Macalin iyo xubno kale ayaa lagu heshiiyey in la dardar geliyo ololaha looga horjeeda dowladda Farmaajo hoggaamiyo iyadoo uu hoggaamin doono xildhibaan Xasan Sheekh.

Wararka qaar oo aan la hubin ayaa sheegayo inuu Xasan Shiikh Maxamuud si rasmi ah ugu soo guurayo Magaalada Muqdisho oo u noqon doonto saldhig.

Xasan Shiikh ayaa dalka ka tagay markii looga guuleystay doorashadii Soomaaliya ka dhacday 08 February 2017 markaas uu Farmaajo la wareegay xukunka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Magacyada iyo taariikhda golaha dhaqaalaha qaranka ee maanta la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta daah-furay golaha dhaqaalaha qaranka oo madaxweynaha dalku Dekareeto ku magacaabay July 12, 2018, kaas oo dawladda kala talinaya arrimaha dhaqaalaha dalka iyada oo lagu salaynayo cilmi baaris dheer iyo cadaymo, sidoo kalana dawladda siinaya talo iyo hagid ku aadan diyaarinta iyo dhaqan-galinta siyaasad dhaqaale oo tayo leh oo ka caawinaysa isku-dubaridka khayraadka dalka iyo dibadda iyo fulinta qorshayaasha dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha dhaqaalaha qaranka kula dardaarmay in ay si qoto dheer uga fekeraan una dejiyaan siyaasado iyo istiratiijiyado looga faa’iidaysan karo khayraadka ballaaran ee Alle ku manneystay Soomaaliya.

“Waxa aan ku faraxsanahay in daah-furkaan golaha dhaqaalaha qaranka uu ku soo beegmay xilli aan guulo fara badan kasoo hoynay dhanka maamul wanaagga maaliyadda qaranka oo wadanku rajo wayn ka qabo in uu soo buuxiyo dhammaan shuruudihii lagaga saamixi lahaa daymaha. Waxan kalsooni weyn ku qabaa in golahaan uu kusoo biirin doono geedi socodkaas fir-fircooni si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale iyo in ay Soomaaliya soo ceshato kaalintii ganacsi ee ay ku laheyd dunida” ayuu sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre.

“In kasta oo ay tahay dhammaan mas’uuliyad na wada saaran hadana golaha dhaqaalaha qaranka ee aan maanta daah-fureyno ayaa hormuud ka noqon doona sare u qaadista dakhliga soo gala qof walba oo Soomaali ah loona abuuro shaqooyin cusub si xal waara loogu helo dhallinyarada Soomaaliyeed ee shaqo la’aantu haysato. Sare u qaadista celceliska dakhliga soo gala qofkiiba waxa lagu gaari karaa in la kordhiyo saacadaha shaqada, la tayeeyo shaqaalaha ayada oo la tabo-barayo lana siinayo agabka u saamaxaya in ay gutaan waajibaadkooda si loo helo cudud shaqaale sare u qaadi kara dakhliga lehna xirfadihii iyo aqoontii loo baahna”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Haddaba waxaan akhristayaasheena u soo gudbineysaa Taariikhda golaha dhaqaalaha qaranka.

Kooxda Soomaalida:

Dr. Cali Ciise Cabdi, Waa maamulaha HESPI, waa dhaqaale yahan, heysta PhD, waxaa uu 10 sano la soo shaqeeyay IMF, waxaa uu muddo ku noolaa Tanzania iyo Itoobiya, waxaa uu la soo shaqeeyay Citibank iyo bangiga dhexe ee Soomaaliya, waxaa kale uu lataliye u noqday 30 dal oo Afrikaan ah.

Dr. Aues Scek: Dhaqaalaha ayuu PhD ka heystaa, waxaa uu lataliye u noqday dalal ay ku jiraan Kenya iyo Malawi, UNDP iyo meelo kalana waa ka soo shaqeeyay, waxaa uu ka shaqeeyay barnaamijka PFM, Jaamacado badan oo Yurub, Mareykan iyo Afrika ah ayuu bare ka soo noqday.

Dr. Xuseen Warsame: Waxaa uu ka dhigaa jaamacado badan, dalal badan ayuu lataliye u ahaa, waxaa kale uu horay u soo tababaray shaqaalaha bangiga dhexe, waxaa uu wax ka dhigay jaamacad u taalo Imaaraadka, UNIQWA koonfurta Afrika, CENRRUM oo Peru ah, waxaa uu la soo shaqeeyay dalal badan sida Congo, Cameron iyo Central Afrika, waxaa kale uu lataliye u ahaa bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Xuseen M. Saciid: Waa dhaqaaleyahan, 30 sano khibrad ah ayuu heystaa, waxaa uu tababar iyo latalin siiyey dalal badan sida Kenya, Lebnon, Zimbabwe iyo Somalia, waxaa uu la shaqeeyey Bangiga adduunka, IMF, USAID, ADB iyo UNDP, waxaa uu noqday wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda ee Soomaaliya.

Sakhawudiin Mustafa Maxamed: Waa dhaqaale yahan heysta PhD, Minnesota ayuu wax badan ka soo shaqeeyay, waxaa kale uu lataliye u ahaa hey’ado badan caalamka ah, hey’adaha uu la shaqeeyay waxaa ka mid aha Oslo Center of peace foundation iyo kuwa kale oo caalami ah, waa khabiir dhaqaale.

Kuwa Caalamka Ka Socda:

Dr. Abdalla A. Hamdok: Waxaa uu mas’uul sare ka ahaa UNECA, PhD waxaa uu ka heysaa dhaqaalaha, dalal badan oo bariga dhexe iyo Afrika ayuu la shaqeeyey, dalalka Afrikaanka ah ee uu caawiyey waxa ka mid ah Zimbabwe, Cote d’ivoire iyo Sudan.

Dr. Peter J. Middalebrook: Waxaa uu dhaqaaleyahan ahaan ula soo shaqeeyay Bangiga adduunka, Midowga Yurub iyo UK, 40 dal ayuu la shaqeeyey, waxaa uu qeyb ka aha qorshe loogu magac daray”US$100 billion Arab stabilization plan”, shaqadiisa waxaa tabiyey CNN, BBC, Time Magazine iyo Bloomberg.

Dr. Edward Sambili: Waxaa uu PhD ka heystaa dhaqaalaha, 33 sano khibrad ah ayaa u wehlisa, UNDP Kenya ayuu muddo joogay, waxaa uu ahaa xogheyaha joogtada ah ee wasaaradda qorsheynta Kenya, aragtida 2030 wax badan ayuu ka qabtay, waxaa uu madax ka ahaa waaxda canshuuraha 2016-2018, intii u dhaxeysay 2001-2005 wxaa uu ahaa madaxweyne ku-xigeenka Bangiga dhexe ee Kenya.

Dr. Nehemiah kipkoech Ngeno: Waxaa uu PhD ka heystaa dhaqaalaha, waxaa uu bare ka ahaa qeybta dhaqaalaha ee Jaamacadda Nairobi wixii ka dambeeyay 1983dii, waxaa uu qeybta dhaqalaha madax ka ahaa markii dabmaba xogheyaha joogtada ah ka noqday wasaaradda bey’adaha, wasaaradda dhulka iyo dib u dejinta, waxaa kale uu madax ka ahaa beeraha iyo horumarinta miyiga inta u dhaxeysay 1999-2001, waxaa kale uu madax ka noqday ICDC.

Abiy Ahmed oo markii ugu horeysay ka hadlay xaalada DDSI iyo ciidanka federalka oo lagu wareejiyey amniga

0

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qalalaasaha ka dhacay dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo keenay inuu is casilo madaxweynihii maamulkaasi oo xabsi guri ku jira magaalada Addis ababa.

Ra’iisal wasaare oo ka hadlayey magaalada Addis ababa ayaa sheegay in xaaladda gacanta lagu hayo, isla markaana lagu xalin doonio qaab nabadeed iyo wadahadallo, wuxuuna dadka degaankaasi ugu baaqay inay noloshooda caadiga ahayd dib ugu laabtaan oo aysan dheg u dhigin wararka been abuurka ah ee laga faafinayo degaankaasi.

Abiy Ahmed ayaa warkan ka sheegay markii uu magaalada Addis ababa kula kulmay Baaderi Itoobiyaan ah oo dib ugu laabtay magaalada Addis, waxayna wararku sheegayaan inay wadahadal magaalada Addis ababa ku leeyihiin maamulka Soomaalida Itoobiya iyo dowladda Federaalka dalkaasi.

Waxa uu sheegay Ra’iiusl Wasaare Abiy Axmed in Ciidamada Federaalka Itoobiya ay si buuxda ula wareegeen deegaanadii lagu dagaalmay,isla markaana xaalada deegaanadaas ay yihiin kuwa aad u wanaagsan.

Odayaasha labada dhinac ayuu sheegay in lagala hadli doono islamarkaana miiska wadahadalka la isugu keenayo labada dhinac ee ay colaadda u dhaxeyso.

Gaba gabada waxa uu ugu baaqay labada dhinac ee Soomaalida iyo Oromada Dalka Itoobiya in ay xaalada qaboojiyaan,isla markaana sinabad ah ay ugu wada noolaadaan.

Colaada u dhaxeysa Soomaalida iyo Oromada Dalka Itoobiya ayaa waxaa la xaqiijiyey in ay ku barakaceyn,iyada oo ay ku faaftay deegaano horleh oo ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Juba Airways oo sanadkan XAJKA ka baajisay boqolaal xujey ah + Sababta keentay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda diyaradaha Jubba Airways ayaa xajka sanadkan ka baajisay boqolaal Soomaali ah oo lacag iyo Baasaboor ay ka qaadeen waqti hore, kuwaasoo maalmihii ugu danbeeyay lagu soo wargeliyey in loo waayay Visaha Sacuudiga.

Dad ku dhow 1000 ayaa la sheegay inay shirkadda Jubba sanadkan ka baajisay Xajka, iyadoo ay heystaan caqabado kala duwan oo isugu jira fiisooyinka Xajka oo la waayey.

Marka xajka la codsado, ayaa waxaa sanad kasta dhacda iyo kumanaan qof ay xajka waayaan, ayada oo dadka xajka dalbanaya iyo kuwa loo qoondeeyo Soomaaliya aysan isla ekeyn.

Si kastaba, Shirkadda Jubba oo dadaal u gashay inay qaaddo dhammaan sagaalka kun ee qof ee Soomaaliya loo qoondeeyey, ayaa waxaa la siiyey 3000, oo hadda ay dhacday in kun ka mid ah ay qaadi weysay.

Caqabadda kale shirkadda Jubba Airways qabsaday ayaa la sheegay inay ahayd iyadoo cilad qabsatay diyaaradii tegi lahayd xajka, waxayna dadka ay u qaaday sanadkana xajka ay ku daad gureysay diyaarad yar oo sii geysay Jabuuti iyo magaalooyin kale, halkaasoo diyaarado kale ay ku xawishay.

Shirkadda Jubba ayaa dhowr bil ka hor dagaal la gashay madaxda dowladda, oo ay isku hayeen in la dhimo qiimaha Xajka iyo in shirkado diyaaradeed kale xajka laga qeyb galiyo taasi oo Jubba oo xajka haysatay muddo fog ay kasoo horjeeday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Aqriso: Liiska safiiradii ugu saameynta badnaa ee soo mara SOMALIA iyo dalalka

Mudaddii ay Soomaaliya dowladnimada haysatay oo ay gobonimada ka qaatay isticmaarkii waxa ay gaadhay horumar ballaaran oo isugu jiray siyaasadda gudaha iyo midda dibedda.

Qarankii Soomaaliya waxaa dalalka waa weyn ee dunida u fadhi jiray diblomaasiyiin saameyn weyn ku lahaa la falgalka siyaasadihii is diidanaa ee aduunka ee laga dhaxlay dagaalkii qaboobaa.

Soomaaliya in muddo ah waxa ay ka mid ahayd dalalkii dhex dhexaadka ka ahaa siyaasadihii iska horjeeday (Non-Aligned).

Siyaasadahaas waxaa kala hoggaamin jiray Mareykanka (NATO) iyo Soviet Union (Warsaw Pact).

Hase ahaatee, nasiibdarro, Soomaaliya waxaa ku dhacay bur bur meesha ka saaray dowladnimadeedii kaas oo ilaa iyo hadda saameyntiisii ay muuqato, maanta oo ay dib u dhis weyn ku waddo sal u dhgidda dowladnimada waxaa lagama maarmaan u ah in ay isku bar bar waddo xasillinta siyaasadda gudaha iyo ka guulgaaridda siyaasadda arimaha dibadda.

Siyaasadda dibadda oo lagu guuleysto waxaa aas aas u ah marka hore in la yeesho mamba ku jaan’goan danta guud ee dalka, dhisidda wasaarad arimo dibad oo karti iyo aqoon leh iyo diridda safiiro ka turjuma siyaasadda arimaha dibadda ee dalka.

Taas waa mas’uuliyadda saaran nidaamka markaa jira balse aan dib u milicsanno safiiraddii ugu wanaagsanaa ee Soomaaliya soo maray.

MAGACYADOODA IYO DALALKII AY JOOGEEN

1.Maxamed Aadan Qaybe –Safiirkii ugu horreeyey ee Moscow (USA iyo UK)

  1. Cabdullaahi Axmed Cadow (USA)

3.Cusmaan Axmed Xassan –Safiirkii ugu horreeyey ee France (Paris, Moscow)

  1. Maxamed Cabdi Carraale –Safiirkii ugu horreeyey ee UK (London)

5.Cumar Macallin –Safiirkii ugu horreeyey ee USA (Washington)

  1. Xassan Nuur Cilmi–Safiirkii ugu horreeyey ee UN-ta
  2. Xuseen Nuur Cilmi –Safiirkii ugu horreeyey ee Tanzania
  3. Axmed Jaamac Jangeli –Safiirkii London (Waxaa loo magacaabay markii uu soo laabtay xiriirkii laada dal)
  4. Cali Xuseen Gurac – Safirkii ugu horreeyey ee Qaahira
  5. Maxamed Xaaji Xassan –Safiirkii ugu horreeyey ee Roma
  6. Xassan Aadan Wadaadiid –Safiirkii ugu Horreeyey ee Sacuudi Careebiya.
  7. Cabdirixiin Caabi Faarax –Safiirkii ugu horreeyey ee Addis Ababa

F/G: Magayada sida ay u kala horreeyaan uma muujinayaan sidii ay u kala fiicnaayeen, hase ahaatee, dhammaantood waxa ay ahaayen safiirro Soomaaliyeed oo lagu tilmaami karo aabeyaashii dimlomaasiyadda Soomaaliya.

Waxaan ka soo xigtay magacyada iyo dalalka ay joogeen General Jaamac Maxamed Qaalib.

W/Q: Mohamed Muse Aadan (Mohamed Kaafi)

Email: [email protected]

Suuq ku yaal Muqdisho oo albaabada la isugu dhuftay iyo rabshado socda (Aqri)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka aynu ka heleyno degmada Dharkiinley ayaa sheegaya in gabi ahaanba uu maanta xiranyahay suuqa degmadaasi ku yaalla ee suuq boocle lagu magacaabo.

Xirnaashaha suuqan ayaa waxaa sababay, kadib markii ciidamo ku labisan dharka milatariga ay dadka suuqa ku amreen in ay lacago dhiibaan, lacagtaa oo ciidanku ay sheegeen in lagu dhisayo wadooyinka degmadaasi.

Ganacsatada ayaa waxa ay sheegeen in Goobaha Bakhaarada ah ee Suuqaasi ku yaalla lagu amray dadka inay bixiyaan lacag dhan $1,000 (Kun doolar) halka goobaha ganacsiga ee caadiga sida dukaamada lagu amray inay bixiyaan lacag dhan $500 oo doolar,isla markaana taasi aysan awoodin.

Ciidamo ka tirsan Maamulka degmada Dharkenley ayay sheegeen in ay ku amreen in ay xiraan goobaha Ganacsi,iyaga oo xiray qaar ka mid ah Ganacsatada.

Qaar ka mid ah Ganacsatada ayaa sidoo kale waxa ay dhigeyn banaanbax cabasho ah maadaama Goobahooda Ganacsiga oo ay nolol maalmeedkooda ka raadsan jiraeen uu Maanta ka xiran yahay.

Suuqa ayaa gabi ahaanba saaka xirnaa dadkuna waxa ay dhigeen isu soobax ay kaga ashtakoonayaan lacagahan ay ku amreen maamulka degmada.

Ganacsatada qaarkood ayaa waxa ay inoo sheegeen in haatan wadahadal ay u socdaan Maamulka degmada,isla markaana ya rajeynayaan in xal kama dambeys ah la gaaro.

Dadka Xaafada iyo Ganacsatada qaar ayaa weli dhigayo banaanbaxyo rabshado wato waxayna dadka deegaanka sheegeyn inuu suuqaan muhiim u yahay noloshooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Fadeexad ka taagan bog ay leedahay QM oo Cabdi Iley lagu taageeray + Sababta

0

AdisAbaba (Caasimadda Online) – Bogga Twitter-ka ay ku leedahay ha’yadda caafimaadka adduunka ayaa fadeexad ka dhatalay kaddib markii mid kamid ah shaqaalaha ha’yadda uu kusoo bandhigay qoraallo uu kaga hadlayo ismari-waaga siyaasadeed ee ka taagan dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya.

Qoraalka ayuu ku yiri: “Dadka dhibaatada ka wado dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya waxaa maalgelinaysaa dowladda federaalka Itoobiya”. Qofka kusoo qoray hadaladan ayaa intaasi ku daray in dadkaasi ay doonayaan inay dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya ay ka huriyaan dagaal qabaa’il islamarkaasna uu qorshuhu yahay in kicinta qabaa’ilka la doonayo in xilka looga tuuro Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxaa qoraalkan ka hor yimid qaar kamid ah dadka isticmaala barta Twitter-ka oo sheegay inuusan xaq u lahayn qofkaasi in dowladda federaalka uu ku leexiyo rabshadihii ka dhacay dowladda deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Qoraalkan ha’yadda WHO wuxuu u horseeday in lagu eedeeyo inay faraha la gashay siyaasadda dalka Itoobiya.

Ha’yadda caafimaadka adduunka ayaa ka qoomamaysay qoraalkan oo ay ku sheegtay inuu ka dambeeyay qof kamid ah shaqaalaheeda oo fikraddiisa ku cabbiray siyaasadda Itoobiya.

WHO waxay sidoo kale sheegtay in qoraalkani uu khalad yahay ayna baaritaanno ku samayn doonaan dhacdadaasi.

Ugu dambayn ha’yadda caafimaadka adduunka waxay sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay arrimaha siyaasadda.

Dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya waxaa dhawaan ka dhacay rabshado ay dad badna ku dhinteen kaddib markii militariga federaalka Itoobiya ay la wareegeen magaalada Jigjiga. Rabshadahaasi waxaa lagu gubay Kansiido iyo bililiqo loo gaystay bangiyo ku yaalla halkaasi.

Waxaa xilka ka degay madaxweynihii dowlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar, wuxuuna xilka si kumeel gaar ah ugu wareejiyay Axmed Cabdi Maxamed.

Caasimada Online
Xafiiska Adis Ababa
[email protected]