25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

2 arrin oo lagu amaanay ciidanka cusub ee amniga MUQDISHO la wareegay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dhammaan barihii Koontaroolada Muqdisho oo ay fadhin jireen ciidamada Xasilinta Maanta ku wareejisay Ciidamada 14 October ee la sameeyey Qarixii Zoobe ka dib.

Ciidamadaan ayaa lagu arkayaa iyagoo baaritan ku sameenayo Gawaarida ku dhex socdo gudaha Magaalada Muqdisho iyagoo feejigan isla markaasna si adag ku baarayo Baabuurta.

Durba dadka reer Muqdisho ayaa falanqeyn iyo sifooyin ka bixiyey ciidamada 14 October ee lasoo dhigay jidadka Muqdisho waxaana soo baxay laba tilmaam oo ay uga duwan yihiin ciidamadii Xasilinta Muqdisho ee fadhin jiray meelahaas.

Labadaas tilmaam ayaa kala ah:

1)  Balwad La’aan: Ciidamada 14 October ee lasoo dhigay Baraha baaritaanka ee Muqdisho ayaa arkayey iyagoo aan isticmaaleyn Balwad.

Ciidamadaan ayaa intooda badan ka siman inaysan balwad laheyn, halka kuwa balwadda leh ee ku jirana aan loo ogoleyn inay Balwada Isticmaalaan inta ay ku jiraan shaqada taasoo noqotay wax ku cusub Dadweynaha Muqdisho gaar ahaan kuwooda ku dhex wato Gawaarida raaxada iyo kuwa dadweynaha.

Taas badalkeeda Ciidamadii Xasilinta ee jidadkaas baaritaanada ka sameyn jiray ayaa habeen iyo maalin si joogta ah balwada u isticmaali jiray, waxayna arrintaas keentay in mararka qaar ay jidadka iska xirtaan iyagoo dhibsanayo inay Gawaarida baaraan  iyo inay Lacago ku helaan qaabkaas waxaana uga fududtaay inay jidadka ku Xiraan Biro iyo Caagag ayna dadka u sheegaan inay xiran yihiin oo ay tahay (Kala Wareeg).

Xiritaanka jidadka ayaa mararka qaar gaar u ahaan jirtay Ciidamada halkaas fadhiyo iyagoo aysan ka warqabin taliyaasha ugu sareeyo ciidamadaas.

2) Laaluush La’aan: Ciidamada 14 October ayaa durba lagu arkay inay joojiyeen Laaluushkii ay ciidamada Xasilinta ka qaadan jireyn Xarumaha lagu baaro gaawaarida.

Ciidamadii Xasilinta ee Xarunta Xisbiga lagu xareeyey ayaa looga bartay inay Laaluush ka qaadaan Baabuurta isticmaasho waddooyinka Muqdisho gaar ahaa kuwa Alaabaha wado ee kasoo qaado Suuqa Bakaaraha isla markaasna geeyo qeybaha kala duwan ee Muqdisho.

Dabeecadda Ciidamada Xasilinta ayaa ahaan jirtay markii ay arkaan Baabuur alaab ama raashin wado inay qoryaha ku taagaan isla markaasna ay ku amraan inuu meesha isaga laabto iyadoo ujeedkooda yahay sidii ay ku heli lahaayeen Lacago Laaluush ah.

Darawalka Gaariga ayaa markaas ku qasban inuu ka laabto oo uu baabuurkiisa dhigto meel u dhow si uuu la hadlo ciidamada waxaana loo sheegaa markaas inuu bixiyo lacag haddii uu rabo inuu jidka maro ama uu dib isaga laabto.

Darawada ayaa ku qasbanaan jiray inay lacagtaas bixiyaan maadaama jid kasta ay ciidamadaas joogeen isla markaas uu laaluushka ahaa nashqad ay isla ogyihiin dhammaan ciidamadaas ku sugan jidadka kala duwan.

Midda ugu daran ayaa ah inaan la baareyn gaariga Xamuulka wado haddii uu lacag dhiibo waxaana laga yaabaa in mararka qaar ay fasaxaan Baabuur qarax wado oo Luush badan bixinayo.

Ciidamada Cusub ee hadda lasoo dhigay jidadka ayaa Maanta la arkayey iyagoo si  siman u baarayo Baabuurta Raaxada iyo kuwa Xamuulka sida iyagoo aan wax shuruud ah ku xireyn haddii ay ahaan laheyd lacago laaluush ah iyo Arrinta cusub ee Muqdisho laga bartay ee ah (Kala Wareeg).

Qubarada ku takhasusay dhinaca ciidamada ayaa tilmaamay in ujeedka ugu weyn ee keenta Laaluush iyo shaqo xumada ciidamada ay tahay Cunista Balwadda qeybaheeda kala duwan taasoo ciidamada ka dhigto kuwa aan kasoo bixin masuuliyaddii la saaray iyo sugidda Amniga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Hal sabab oo ay ku saxan tahay xil ka qaadista DF ee wasiirkii waxbarashada

Waa tallaabo wannaagsan in xilka laga qaaday wasiirkii waxbarashada!

Waxbarashada ka hana qaaday dalka 1991 kaddib, waa miraha dadaal ay bixiyeen aqoonyahano isu xil qaammay daboolidda adeegga waxbarashada ee dalka ka maqnaa!

Tacliinta dugsiga hoose, dhexe iyo qeyb ka mid ah dugsi sare waxaan ku soo qaatay dalka ayadoo adduunka ma aqoonsanno na leeyahay. Nasiib uma yeelan in aan jaamacadaha gudaha wax ka barto laakiin waxaan hubaa in arday aad u tayo sareeya ay ka soo baxeen. Qaarkood shaqooyin heer sare ah ay hayaan, halka qaarkood ay tacliin sare u aadeen waddamo kale.

Tayada waxbarashada waa hooseyn kartaa macquul maadaama ay wasaaraddii meesha ka maqneyd muddo, qowlaysatana ay ku soo dhex dhuumman karaan hase yeeshee taas aqoonsi darro ma keenni karto, oo wasaaradda ayadaa diiwaan gelisa, qalinjebinta ardayda tagta, tasdiiqisa shahaaddooyinka.

Mar dhow waxaan sugaynaa wasiir dhaha baasaboorka Soomaaliya ma aqoonsanin waayo ku tayo ma aha baasaboorada adduunka. Sidoo kale wasiir dhaha lacag Soomaaliga ma aqoonsanin waayo ku tayo ma aha adduunka.

Intaan dugsi sare ku jiray waxaan Xamar ku arki jiray arday Kenya wax ku soo baratay oo mar walba iska weyneysiiya ardayda gudaha. Hadda waxaan arkaa dad nasiib u helay waxbarasho dibadaha ah, oo weliba lagu aaminay mas’uuliyad wasiirnimo in ay ku jeesjeesaan ardayda gudaha wax ku baratay.

Kheyre/Farmaajo way ku mahadsan yihiin in ay wasiirkaan niyad jabka wada ay la xisaabtameen.

Waxaan wax ku bartay dibadda xitaa dugsi sare qeyb ka mid ah, haddana weli waxaan qirayaa in ay iga dadaal, dulqaad iyo karti badan yihiin ardayda dhowr isbaaro ka tallaabay, xabado ka wareegtay, jidgooyo ag maray, ama nafsadooda halis geliyay ayadoo ay xabbad socoto si ay wax u bartaan. Weliba ayagoo aan heysan tas-hiiaad/agab ku filan!

Guuleysta!

W/Q: Hassan Adam Hosow

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

VOA oo warbixin xasaasi ka diyaarsisay qalalaasaha & qilaafka NISA + Dhageyso

Muqdisho (Caasimada Online) – Sugida ammaanka magaalada Muqdisho ayaa u ahaa dowlada Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre mid ka mida waxayaabihii ugu horeeyey ee ay dooneysey in ay ka mira dhaliso.

Inkastoo marar badan lagu sameeyey isbedel dhinaca hoggaanka ah, haddana ma noqon mid lagu guuleysto.

Magaalada ayaa waxaa ka dhacay qaraxyo xilli inta badan ay xiran yihiin waddooyinka Muqdisho, waxaana ay taasi keentey in hay’adaha ammaanka wax laga weydiiyo sababta qaraxyadan looga hortagi la’yahay xataa hadii wadooyinkii la xirey.

Su’aashaas ayaase banaanka soo dhigtey khilaaf markii horeba jirey, balse aanan si baahsan loogu wada jeedin. Hadaba muxuu yahay khilaafkaas, muxuuse sababi karaa? Maxaase la gudboon madaxda dowlada si loo wanaajiyo wadashaqeynta heyadaha amaanka?

Falastin Axmed Iiman, oo ka tirsan idaacadda VOA ayaa warbixin baaritaan oo xasaasi ah ka diyaarisay khilaafkan. Hoose ka dhageyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kulankii Feysal Waraabe iyo Farmaajo oo Somaliland ku qasbay ansixin sharci adag

Hargeysa (Caasimadda Online) – Kulankii uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la yeeshay Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Feysal Cali Waraabe ayaa keenay inay Somaliland ku fakarto ansixinta sharci mamnuucayo in siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta maamulkaasi inay la kulmaan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Baasha Maxamed Faarax ayaa saxaafadda u sheegay in sharcigaas loo qeybiyey Xildhibaanada Golaha ayna u codeeyeen ansax ahaanshihiisa isla markaasna wixii hadda ka dambeyso aan lala kulmi karin madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Sharcigaan ayaa qorayo inaan gebi ahaaba laga qeybgeli karin shirarka arrimaha Soomaaliya looga hadlayo, oo ay soo qaban-qaabiso Beesha Caalamka sida uu hadalka u dhigay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland.

Guddoomiye Faarax ayaa yiri “Sharciga ayaa ka dhigaya Dambiile iyo Qaran-dumis, siyaasigii reer Somaliland oo la kulma madaxda dowladda Federaalka, ama ka qeybgala kulan looga hadlayo arrimaha Soomaaliya”.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli dhawan dalka Biljamka uu Siyaasiga reer Somaliland Feysal Cali Waraabe uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyagoo ka wada hadlay arriimo ay ka mid tahay qeybsiga deeqaha Beesha Caalamka, Dagaalka Takuraq iyo sidii loo dardar gelin lahaa wada hadalada labada dhinac.

18-kii May 1991-dii Maamulka Somaliland ayaa sheegay inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale balse wali kuma guuleysan inay hesho aqoonsi caalami ah iyadoo ay cadaadis xoog leh kala kulanto dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Ciidan ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku dagaalamaya Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay sheegayaan wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ciidamo ka wada tirsan dowladda ayaa ku dagalaamayo halkaas.

Ciidamada dagaalka uu dhaxeeyo ayaa ka wada tirsan ciidamada Militariga Soomaaliya, wuxuuna dagaalka hadda ka socdaa Xaafadda Kaawo Godey ayaa Degmada Dharkeynley.

Sida goobjoogayaal ay u sheegeen Caasimadda Online dagaalka ayaa la isku adeegsanayaa hubka daran dooriga u dhaco iyadoo ay dagaalka ka qeyb qaadanayaan gaadiid dagaal oo u diiwaan gashan dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Dagaalamayo ayaa u abaabulan hab qabiileed, wuxuuna dagaalkaan salka ku hayaa muran dhanka dhulk ah oo u dhaxeeyo Ciidamadaan .

Rasaasta ayaa weli halkaas lagama maqlayaa wuxuuna dagaalkaan galayaa maalintiisi labaad inkastoo Maanta uu ka culus yahay dagaalka sidii shalay oo kale.

Shalay ayaa is rasaaseyn daqiiqado socotay oo labada ciidan dhex martay waxaa ku dhintay qof ganacsade ahaa oo rasaastu haleeshay , waxaana socon weysay waanwaan ay waxgarad ka dhex wadeen labada dhinac, iyadoo uu maanta dagaalkii dib u qarxay.

Dadka degan xaafadda Kaawo Godey ayaa bilaabay inay ka qaxaan xaafadda la isku heysto, waxaana weli socota rasaasta.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Farmaajo oo war ka duwan kii wasiirkii waxbarashada u diray jaamacadaha dalka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa farriin ka duwan middii uu Wasiirkii waxbarashada C/raxmaan Daahir Cusmaan ee xilka laga qaaday Maanta usoo diray Jaamacadaha ku yaalo dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha janhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inaan la xaqiri karin doorka ay aqoon- yahaniinta Soomaaliyeed ka geesteen mudadii fogeed oo uu dalka bur bursanaa horumarinta waxbarashada.

Madaxweynaha ayaa aqoonyahanada ku amaanay inay hirgeliyeen Iskuulo iyo jaamacado ay kasoo aflaxeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo aad u badan.

“ Jaamacadaha iyo dugsiyada dalka ku yaala waxey guteen doorkii dowlad looga baahnaa” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkaan yiri mar uu maanta ka qeyb galayay munaasabad ka dhaceysay Dugsiga Tababarka ee Jeneral Kaahiye.

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya maanta oo ay Taariikhda ku beegan tahay 26ka July 2018 waxaa Xilkii Wasiirnimo laga qaaday Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan.

Wareegtadan kasoo baxday xafiiska Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa xilkan sii heynaya Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir.

Wasiirka Waxabarashada ayaa Shalay sheegay inaysan dowladda Soomaaliya aqoonsaneyn Jaamacadaha dalka ku yaalo.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inaysan xataa Jaamacadda Ummadda aqoonsaneyn taasoo dhawaan dib loo furay oo ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya taasoo uu Madaxweyne Farmaajo ka yahay Madaxweyne Sharafeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Wasiirka A/Gudaha oo ka horyimid xil ka qaadistii uu sameeyey Eng. Yariisow

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Dowladda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hor imaaday xil ka qaadistii lagu sameeyey qaar kamid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo kuwa kale oo la doonayo in xilka laga qaado.

Sida ay xogta ku heleyso Caasimadda Online, Sabriye ayaa si toos ah ugu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow inaysan sharciga waafaqsaneyn xil ka qaadista lagu sameeyey guddoomiyaasha degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir iyo kuwa hadda miiska saaran, eaan isaga ka war-hayn.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo cugsanayo sharciga oo qabo in xil ka qaadista iyo magacaabista Gobolka Banaadir lagala tashto Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa Yariisow u sheegay in arrintaan tahay mid baal marsan sharciga isla markaasna wuxuu si cad ugu qeexay inay tahay in qofka xilka laga qaadayo lasoo gudbiyo dambiyada iyo qaladaadka uu galay kadibna laga tashto tallabada uu mudan yahay.

Wasiirka ayaa tilmaamay in waraaqda xil ka qaadista Mas’uulka lasoo raacsiiyo dambiga uu galay iyo sababaha shaqada looga ceyrinayo.

Wasiir Sabriye ayaa Yariisow u sheegay in haddii aan sidaas la sameynin uu madaxda sare u gudbin doono inaan lagu tixgelin shaqada uu dowladda u hayo taasna ay ugu dambeyn keeni doonto inuu iska casilo xilkaas.

Sida sharciga qabo qofka xilka hayo lagama qaadi karo illaa lagu helo dambi cad iyo sabab uu ku waayey xilka , balse xil ka qaadista Jagooyinka Soomaaliya ayaa ku dhisan saaxiibtinimo iyo nin jecleysi waxayna arrintaas mararka qaar keentaa in xilka laga qaado Guddoomiye degmo oo ka shaqo iyo tayo wanaagsan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow ayaa waqti isku dhow xilkii ka qaaday Guddoomiyii Degmada Hodan iyo Midkii Degmada Xamarweyne iyadoo aan saxaafadda, Shacabka  iyo iyagaba loo sheegin sababta keentay xil ka qaadistooda taas aheyd midda ka xanaajisay Wasiir Sabriye.

Sidoo kale Maamulka Gobolka Banaadir ayaa noqday mashruuc gaaban oo lagu qanciyo dadka Dowladda Soomaaliya saaxiibada la ah waxayna taas keentay in Gobolka lagu soo kordhiyo xilal aan horey uga jirin inta la xasuusto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Nin Daacishta SOMALIA ka tirsan oo xukun adag lagu riday maanta (Warbixin)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxakamada ciidammada dawladda ayaa saaka xukun xabsi daa’in ah ku riday eedeysane Jaamac Xuseen Xasan oo ku eedeysanaa inuu ka tirsan yahay kooxda la baxday khilaafada islaamka.

Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka ayaa waxay sheegtay in eedeysane Jaamac Xuseen Xasan Nuuni uu ka hor cadeeyay Garsoorka Ciidanka hortiisa inuu ka tirsan yahay Kooxda Daacish kana soo qeyb qaatay dagaalo ka dhacay Buuraleyda Qandala ka dibna uu u soo wareegay Gobolka Shabeellaha hoose si uu uga fuliyo Qaraxyo.

Ciidamada Amniga ayaa eedeysanahan ku soo qabtay howlgalkiisii ugu horeeyay asagoo dhigay Miino meel Bar Kontaroolka bood-boodka oo ah meel ay degan yihiin ciidamada daraawiishta Booliska,waxaana markaasi ka dib lagu wareejiyay eedeysane Jaamac Xuseen Xasan Nuune Saldhiga Booliska degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Sidoo kale waxaa la sheegay in eedeysanuhu u qaabilsanaa kooxda Daacish samaynta qaraxyada.

Maxkamada darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa u caddaatay in eedeysane Jaamac Xuseen Xasan Nuuni uu yahay dambiile galay dambiyada lagu soo oogay,waxayna Maxkamadu ku xukuntay Xabsi Daa’im.

Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa wuxuu intaas raacisay in cidii ku qanacsaneyn Xukunka Maxkamadda u furan tahay racfaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madixii biyo-xireenka weyn ee Itoobiya oo meydkiisa laga helay fagaare + Sawiro

Adis Abba (Caasimadda Online) – Guddoomiyihii Mashruuca weyn ee biyo-xireenka Renaissance Dam ee dalka Itoobiya Simegnew Bekele ayaa isaga oo meyd oo ku jira Gaarigiisa laga helay fagaaraha Masqal ee magaalada Addis Ababa.

Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegay inaan la ogeyn sababta geeridiisa oo aan caadi ahayn, wwaxaana baaraya Booliiska Addis ababa iyadoo meydkiisa ay qaadeen qeybta demni baarista, waxaana la dhigay Isbitaalka St. Paul.

Dadweyne isugu soo baxay goobta laga helay meydka Injineerka gacanta ku hayey Biyo xireenka weyn ee Itoobiya oo ay isku hayaan dalka Masar, ayaa ka murugooday geeridiisa, waxaana jirta naxdin ku saabsan inay noqon karto in la dilay.

Simegnew Bekele  waxa uu ahaa Maareyihii Mashruuca Biyo-xireenka loogu magac daray Dib-u-curashadda Ethiopia, ( the Grand Ethiopia Renaissance Dam (GERD),  kaasi oo laga dhisayo Galbeedka Ethiopia, wuxuuna noqon doontaa Biyo-xireenka ugu weyn Qaaradda Afrika oo dhan.

Dhismaha Biyo-xireenkaasi oo la bilaabay sannadkii 2011-kii waxaa ku baxaysa kharaj dhan 4.7 Billion oo Dollar, waxaana la filayaa inuu soo saaro Koronto awoodeedu dhan tahay 6,000 oo megawatts.

Telefishanka Itoobiya ETV ayaa sheegay in Booliska ay arrinta gacanta ku hayaan, isla markaana uu socdo baaritaan.

Waa kuwan qaar ka mid ah sawirrada laga soo qaaday goobta maydkiisa laga helay.

Ciidamo ka tirsan DF oo xilli danbe hooygiisa kala baxay agaasimihii wasaaradda….

Muqdisho (Caasimada Online)- War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowlada Somalia ay saqdii dhexe ee xalay u boodeen Hooyga Agaasime ka tirsan Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee XFS.

Ciidamadan oo la socday gaadiidka loo yaqaan Cabdi-Bilaha ayaa amar ka heystay Xukuumada Somalia, waxaana lasoo sheegayaa in loo heysto kiis cusub.

Agaasimaha ay ciidamada kala baxeen Hooygiisa ayaa la sheegay inuu ahaa Agaasimaha Waaxda Dib u dejinta barakacayaasha ee Wasaarada Gargaarka kaa oo lagu magacaabo Daahir Maxamed Nuur.

Ciidamadan ayaa lasoo bixida Agaasimaha kadib ula dhaqaaqay dhanka Xabsiga, waxa ayna xogtu tibaaxeysaa in loo heysto arrimo musuq-maasuq.

Ciidamada ayaa inta ay ku guda jireen howlgalka Hooyga Agaasimaha halkaa ka qaatay Dokumiinti la sheegay inuu khuseeyay kiiska musuqa iyo Kumbiyuuter uu ku diyaarinaayay howlaha waaxdiisa.

Howlgalkan ayaa ka dhacay Hooyga Agaasimaha oo ku yaalla Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir, waxaana iminka la la’yahay Xabsiga uu ku xiran yahay Agaasime Daahir Maxamed.

Kiiska xariga Agaasimaha ayaa salka ku haya inuu gacan bidixeeyay gargaar ay dowlada Somalia ugu tallo gashay dadka barakacayaasha ah.

Sidoo kale, waxaa loo heystaa Agaasimaha inuu isdabamariyay dhaqaale dhan $84,000 oo dollar-ka Mareykanka ah.

Docda kale, Kiiska lagu xiray agaasimaha ayaa waxaa qeyb ka noqon doona mas’uuliyiin badan oo ku xirnaa ninkaani loo xiray musuqa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Wasiirkii waxbarashada DF oo xilka laga qaaday (Aqri)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Digreeto kasoo baxday Xafiiska Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya maanta oo ay Taariikhda ku beegan tahay 26ka July 2018 waxaa Xilkii Wasiirnimo laga qaaday Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan.

Wareegtadan kasoo baxday xafiiska Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa xilkan sii heynaya Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir.

Ku simaha Wasiirka ahna Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Xildhibaan Aadan Isxaaq Ali ayaa Warbaahinta Qaranka ka akhriyey Digreetadan.

Wasiirka Waxabarashada ayaa Shalay sheegay inaysan dowladda Soomaaliya aqoonsaneyn Jaamacadaha dalka ku yaalo.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inaysan xataa Jaamacadda Ummadda aqoonsaneyn taasoo dhawaan dib loo furay oo ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in si qaldan loo fasirtay  hadal ka soo yeeray oo ahaa in aanu aqoonsaneyn Jaamacadaha dalka ku yaalla oo ay ku jirto Jaamacadda Umadda oo ay dowladda maamusho.

Wasiirka Waxbarashada ayaa u sheegay wakaalada wararka ee SONNA in Jaamacadaha dalka ay door weyn ka qaateen horumarka Waxbarashada dalka, isla markaana ay socoto nidaamkii lagu qiimeynayay.

Hadalka ka soo yeeray Wasiirka Waxbarashada ee ahaa in aanay aqoonsaneyn Jaamacadaha dalka ayaa si weyn u gilgilay qeybaha baraha bulshada oo ay ka socotay jawaab celin xooggan iyo dhaliil loogu jeedinayay hadalkiisa, waxaana dad badan ku tilmaameen inuu ahaa hadal si fudud uga baxay.

Mar dhow la soco Digreetada

Qorshaha Imaaraadka ee Eritrea iyo Ethiopia kadib khilaafka DF iyo Jabuuti

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka oo u sii maraysa Shirkadda DP Worldf waxay sannadihii 1990-aadkii bilaabeen inay maalgashi ballaaran ku yeeshaan Geeska Afrika, iyagoo Deked Weyn ka abuuray dalka Jabuuti iyo inay mid kale kala shaqeeyaan Is-maamul-gobaleedka Somaliland oo iyagu sheegta inay ka go’een dalka Somalia.

Laakiin, Xiisadaha haatan ka dhex taagan Dowladda Imaaradaka  iyo Dowladaha Somalia iyo Jabuuti waqti badan kuma qaadanin Imaaraadka inay Heshiis la galaan Ethiopia iyo Eritrea, si ay galangal xooggan ugu yeeshaan Mandiqadda Geeska Afrika.

Dowladda Imaaraadka ayaa u muuqata inay dharbaaxo aan toos ah la heshay Jabuuti waxay doonaysaa in Badeecadaha Ethiopia uga soo dega Dekeddaha Jabuuti loo wareejiyo Dekeddaha Asmara iyo Musawac ee dalka Eritrea.

Ethiopia oo ay ku nool yihiin in ka badan 100 million oo qof waxay 95% ganacsi la leeyihiin Jabuuti, halkaasi oo ay ka soo degaan Badeecadaha ay u baahan yihiin dadka Ethiopia.

Xiriirka noocaasi ayaa u muuqda mid daaqada ka bixi doona, maadaama ay Ethiopia la heshiisay Eritrea oo ay horey uga dhexeysay caddowtooyo gaamurtay.

Laakiinse, Heshiiska Nabadda ee uu bilaabay Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed waxay inta badan Ganacsiga ka soo gudbi doonaan Eritrea, halkii ay horey Jabuuti u soo mari jireen.

Madaxda dalalka Ethiopia iyo Eritrea oo dhawaan ka heshiiyey Colaadii dhex martay 20-sanno ka hor waxay shalay si wadajir ah booqasho ugu tageen dalka Imaaraadka, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey, laguna  abaal mariyey Billad Sharafta Nabadda.

Dhaxal-sugaha Imaaradda Abu Dhabi, Sheekh Maxamed Bin Zaayid Al-nahyaani waxa uu daraad la kulmay RW Abiy Axmed iyo Madaxweyne Efewerki, wuxuuna ku bogaadiyey Heshiiska Nabadda ee Taariikhiga ee ay Ethiopia iyo Eritrea wada gaareen.

War-murtiyeed saddex geesood ah ayaana laga soo saaray Shirkaasi kadib waxaa lagu muujiyey xiriirkii dheeraa ee u dhexeeyey Imaaraadka, Ethiopia, Eritrea iyo Danaha saddexdooda Waddan.

Madaxda Ethiopia iyo Eritrea waxay bogaadiyeen doorka Imaaraadka Carabta ka ciyaartay Heshiiska ay wada gaareen.

Dowladda Imaaraadka waxay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay  taageertay Dadaalka Nabadda ee Ethiopia iyo Eritrea.

Bihsii June ee la soo dhaafay, Imaaraada waxay Ethiopia siiysay Kharaj dhan 3 Billion oo Dollar oo isugu jirta Kaalmo iyo Maalgashi, waxayna Tallaabadaasi astaan u tahay Taageeradda xooggan ee ay Imaaraadka u hayaan RW cusub ee Ethiopia, Abiy Ahmed.

Shirkadda DP World ee Imaaraadka waxay galangal ugu jirtaa sidii ay isugu ballaarin lahayd Dekeddaha ku yaalla Somalia ilaa Sudan, waxayna DP World qorsheynaysaa inay 10 ilaa 12 Dekedooda ka hirgeliso dalalka Bariga Afrika ee kaabiga ku haya Badda Cas.

Markaynu u soo daadegno Danaha Imaaaradka ee Ethiopia iyo Eritrea kadib, Khilaafkii Somalia iyo Jabuuti kadib, waxaa hubanti ah in Heshiiskii Dhaxal-sugaha Amiirka Abu Dhabi la gaaray Madaxda Ethiopia iyo Eritrea inay taasi dhabaha u furayso in ay Ethiopia Hawlaha Ganacsiga u adeegsan karaan Badda Eritrea, taasi oo ah Tallaabo lagu doonayo in lagu naafeeyo Kaalinta Jabuuti ee Wax-is-dhaafsiga Badeecadaha ee ay haatan udubka u tahay Badeecadaha laga isticmaalo Bariga Afrika.

Dowladda Imaaraadka waxay kaloo ku haminaysaa inay Ethiopia iyo Eritrea ifiyaan Xiisadda kala dhexeeya Dowladaha Somalia iyo Jabuuti iyo in maalgashigaasi sii hurin karaan  colaadaha haatan ka socda gudaha Somalia.

ISHA: Masrawi and R. Dalsan

Warbixin: Halis Somaliland iyo Jabuuti uga soo socota heshiiskii ABU-DHABI

Nairobi (Caasimada Online) – Magaalada Abu-Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta waxa dorraad ka dhacay kulan saddex geesood ah oo dhexmaray madaxda, Imaaraadka, Ethiopia iyo Eritrea. Wuxuu gunaanad u ahaa dedaal aan si rasmi ah loo garanayn cidda dabada ka riixaysay oo  ay ugu dambayn labadan wadan ku saxeexeen heshiis taariikhda galay.

Dad badan oo isweydiinayay su’aal ahayd dalka dhexdhexaadiyay Ereteriya iyo Itoobiya, ayaa helay jawaabta oo ah inay guulaysatay diblomaasiyadda Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga oo u muuqda in Maraykankuna hoosta kala wado.

Dhaxalsugaha Imaaradda Abu-Dhabi, Maxamed Bin Zaayid ayaa qasriga madaxtooyada kula kulmay ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Aby Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea, Aferwerki, waxaanu ammaanay heshiiska dhex maray Ereteriya iyo Itoobiya, isagoo bilad sharafta ugu saraysa dalka UAE guddoonsiiyay labadan hoggaamiye.

Heshiiskan labadan wadan oo ay dunidu si weyn u soo dhawaysay waxa la aaminsanyahay inuu wax weyn ka tari doono degenaanshaha mandaqada gobalka Geeska Afrika, waxaanu geesta kale gobalka Geeska Afrika ku soo kordhin doonaa isbedelo siyaasadeed oo cusub.

Meelaha la aaminsanyahay in heshiiskani saamayn ku yeelan doono waxa ka mid ah Somaliland iyo Djibouti.

Djibouti waxa ay la baaxaa degaysaa walaac siyaasadeed oo ay ka qabto heshiiskan. Wasiirka arrimaha dibadda Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa waraaq u diray bishan safiirada djibouti ee dibadda u jooga, waxaanay Djibouti ka digaysaa in si fudud Ereteriya looga qaado cunaqabataynta.

Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Kenya ayaa warbixin uu qoray oo ku saabsan walaaca Djibouti ka qabto heshiiska Itoobiya iyo Ereteriya wuxuu ku yidhi “Toddobaadkii hore, diblumaasi reer Jabbuuti ah [wasiirka khaarajiga Djibouti], ayaa ka murugooday in Itoobiya ay kursiga ay ku fadhido ee xubnaha aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey, u isticmaashay in ay ka dhigato cadaadis ay ku doonayso in cunaqabataynta laga qaado Eriteriya.”, wuxuuna wargeysku intaas raaciyay “Haddii Ereteriya cunaqabataynta laga qaado, wasiirka khaarajiga Djibouti Maxamed Cali Yuusuf wuxuu qirsanyahay inuu saamayn taban ku yeelan doonaa wadankiisa.”

Wargeyska Daily Nation oo warbixintiisa sii wataa, soona xiganaya warqadaas wasiirka khaarajiga Djibouti oo ay saxaafadu heshay wuxuu yidhi “War kooban oo uu siiyey ergadiisa dibadda [safiirada], oo warbaahintu heshay, Maxamuud Cali Yuusuf [Wasiirka khaarajiga ee Djibouti] waxa uu ku andacooday in Ereteriya weli laga rabay in ay joojiso habdhaqankeeda-dagaalka u eeg ee ay kula macaamilayso deriskeeda iyo in Itoobiya ay khalad ku geli karto aqbalaaddaas degdegga ah ee ay ku soo xerogelisay.”

Djibouti waxay dareensantahay inaanu heshiiskani war wanaagsan u ahayn. Qodobka koowaad ee Djibouti warwarka geliyay ayaa ah dalka dhexdhexaadiyay Itoobiya iyo Ereteriya oo ah Imaaraadka Carabta oo heshiiskan hirgeliyay dhawr bilood uun ka dib markii ay Djibouti laashay heshiiska ay shirkadda DP world ee dekeda Dooraale. Waxa ay Djibouti arkaysaa in Imaaraadku heshiisiinta labadan wadan ku bixiyay maalgelin iyo dedaal diblomaasiyadeed, ujeedadiisuna u weynina tahay inuu Djibouti wiiqo dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba.

Dhowaan markii khilaafka khaliijku qarxay, oo ay Jabbuuti u baydhay dhinaca Sucuudiga, ayaa ay dawladda Qatar la baxday ciidamo ka joogay xadka u dhexeeya Djibouti iyo Eriteriya. Waxaa fursaddaas ka faa’iidaystay Ereteriya oo qabsatay dhul dheeraad ah oo ay Jabbuuti leedahay. Taas oo sii adkaysay colaadda dhinaca xuduuda ah, muddada dheer labada dal u dhexeysay, iyada oo ay Djibouti dhowaan sheegtay inay Ereteriya xuduudka la isku haysto soo dhoobtay ciidamo.

Qodobka labaad ee walaaca ku abuuray Djibouti ayaa ah in Itoobiya u wareegto dekedda Ereteriya, maadaama oo ay Djibouti kooto ku qabsatay ganacsiga Itoobiya ee Djibouti ka dhoofa ama ka soo dega, taas oo macnaheedu yahay in Djibouti tahay dalka keliya ee ka faa’iiday colaadda Itoobiya iyo Ereteriya. Sidoo kale waxa suurtogal ah in dalal reer galbeed ah oo uu Maraykanku kow ka yahay ay saldhigyo milateri ka samaystaan Ereteriya, taas oo wiiqaysa saldhigyada hadda ka furan Djibouti, ayaa iyana noqon doonta dhaawaca kale oo soo gaadha Djibouti.

Imaaraadka Carabtu hore ayay u balan qaadeen inay Djibouti ku celin doonaan noloshiisii hoosaysay ee ay ku sugnaayeen intii aanay DP world cududeeda ku biirin horumarka dekeda Djibouti. UAE waxay u muuqataa inay doonayso inay si uun u dhabayso hanjabaadaas.

Dalka labaad ee uu saamaynta ku yeelanayo heshiiskani waa Somaliland. Waxa dhawaan si rasmi ah dekedad Berbera ula wareegay shirkadda Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee DP world, oo saami dhan 19% ka siisay Itoobiya maalgashiga dekedda Berbera. Suuqa ugu weyn ee ay DP ugu tallo gashay dekedda Berbera waxa weeye Itoobiya.

Dad badan ayaa aaminsan in heshiiska Itoobiya iyo Ereteriya uu saamayn ku yeelanayo fikirkii DP world ay ku doonaysay in kadinka Itoobiya noqdo Berbera. Somaliland iyo Imaaraadka Carabta waxa ka dhexeeya xidhiidhka sababta u noqday in UAE ay la wareegto dekedda Berbera islamarkaana saldhig ciidan laga siiyo Berbera. Waxase iyana xiiso leh in Imaaraadka Carabtu uu ka soo shaqeeyay heshiiskan, iyadoo DP world ay tahay shirkad ay leedahay UAE, waxaana markaas soo baxaya arrin u baahan fasir badan oo ah ujeedada rasmiga ah ee Imaaraadka Carabta iyo DP world ka leeyihiin dekedda Berbera,iyadoo ay marka horeba jireen dad reer somaliland ah oo su’aalo ka qabay dhumucda xidhiidhka Somaliland iyo UAE.

Si kastaba ha ahaate, Djibouti iyadoo dareensan halista soo waajahday waxa ay bilowday dedaalo diblomaasiyadeed oo ay ku doonayso inay kula heshiiso dalka Ereteriya. Waxaanu wasiirka khaarajiga Djibouti safaro ku marayaa wadamo badan si uu taageero ugu helo dalabka ay Djbouti u gudbisay Qaramada Midoobay ee ah in la dhammeeyo khilaafka xuduudeed ee Djibouti iyo Ereteriya.

Djibouti waxa laga dareemayaa in ay doonayso inay ka gaashaamato inaanu saamayn taban ku yeelan heshiisku, haddii uu ku yeeshana ay saamayntaasi noqoto mid khatarteedu yar tahay ama la xakamayn karo.

Laakiin waxa muuqata inaanay Somaliland weli dareemin amaba si culus u garwaaqsan saamaynta uu heshiiska Itoobiya iyo Ereteriya ku yeelan karo.  Waxa dawladda Somaliland looga baahanyahay inay samaysato qorshe iyo diyaar garow ay kaga gaashaman karto saamayn kasta oo taban oo uu heshiiskani ku yeelan karo, waxaanay arrimahan kaga gudbi kartaa habacsanaanta diblumaasiyadeed ee waayadan dambe ka jirta siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland oo meesha laga saaro iyo la tashi ballaadhan oo uu madaxweynuhu arrinta kala yeesho saaxiibbada iyo dadka aqoonta u leh arrimahan si loo raadiyo xal ay Somaliland kaga baxsan karto dhib ka dhalata isbedellada xawaaraha ku socda ee gobalka ka taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected] 

MARKAB saliid sida oo uu leeyahay SACUUDIGA oo gantaallo lagu garaacay

Sanca (Caasimada Online) – Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa weerar ku qaaday Markab sida saliid oo Sacuudiga leeyahay, kaasi oo marayey Badda Cas, islamarkaana u gaystay waxyeello, sida ay sheegeen isbaheysiga Sacuudiga iuu hoggaamiyo ee dagaalka ka wada Yemen.

“Markab saliid oo Sacuudigu leeyahay ayaa waxyeello yar ay kasoo gaartay weerar ay soo qaadeen Xuutiyiinta” ayaa lagu yiri bayaan lagu baahiyey warbaahinta dowladda Sacuudiga. Lama shaacin nooca markabkan iyo qaabka loo weeraray intaba.

Taleefishinka Almasirah ee Xuutiyiinta ayaa goor sii horeysay ku baahiyey twitter-ka inay beegsadeen markabka Dammam oo socday xeebta galbeed ee Yemen, mana bixin faahfaahin intaas dheer. Xuutiyiinta ayaa sidoo kale gantaallo ku garaacay gudaha Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa hakiyey dhammaan maraakiibtii siday saliidda uu dalkaas dhoofiyo ee la mariyo marinka Bab Al-Mendab kadib weerarka, sida uu sheegay wasiirka tamarta dalkaas, Khalid al-Falih.

Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ayaa mid ka mid ah sababaha ay dagaalka uga wadaan Yemen ku sheegay inay ilaaliyaan marinka Badda Cas, oo ay maraan maraakiibta saliidda bariga dhexe iyo badeecadaha geeya Yurub, ayada oo lasii marsiiyo kanalka Suez.

Waxay horey u sheegeen in sidoo kale ay fashiliyeen weeraro kale oo ka dhan ahaa maraakiib bilihii April iyo May ee sanadkan.

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
[email protected]

“Anigu Cabdi Weli GAAS in madaxweyne beeleed uu yahay ayaan u garanayaa”

Muqdisho (Caasimada Online) – Ambassodor Maxamed Xuseen Awliyo oo horay usoo noqday Safiir ayaa aad u dhaliilay dhismaha maamul Goboleedyada ka jira dalka.

Ambassodor Awliyo oo waraysi gaara siinaayay tv-ga rtn ayaa sheegay in dhamaan hogaamiyayaasha maamulada ay yihiin kuwo markii dantooda ay ka waayen dowlada dhinac isku buusay.

Waxa uu sheegay in inta badan Hogaamiyayaasha hadda haya maamulada ay horay usoo noqdeen Ra’isul wasaaraha dalka waxa uuna tusaale usoo qaatay C/weli Gaas, Cali Khaliif iyo Shariif Xasan oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii hore.

Awliyo, waxa uu tilmaamay in C/weli Gaas markii uu waayay xilka Madaxweynaha Somalia ee uu isku soo sharaxay uu noqday Madaxweyne Beeleed, sida uu hadalka u dhigay, halka Galeyr uu u galay Somaliland, marka uu xil ka waayay Somalia.

“Mid waliba marka uu waayo xilkii uu u hayay dowlada waxa uu muska u maraa reerkiisa oo uu u noqdo Madaxweyne maamul, taasi waa mid noo sii horseedeysa dhibaato”.

“C/weli Gaas waa Madaxweyne beel horay waxa uu u ahaa Ra’isul wasaare Qaran waxa uu doorbiday inuu noqdo Hogaamiye beeleed anigu ma orankaro Hogaamiye Soomaaliyeed waayo waxaa halkaas dega beelo macruuf ah”

Ambassodor Awliyo, oo sii wata wareysigiisa tv-ga ayaa sheegay in Somalia ay dhibaatooyin ku hayaan maamulada sii kala fogeynaaya Soomaalida halkii laga sugaayay inay isku soo dhaweeyan Soomaalida kala luntay.

Sidoo kale, waxa uu ku eedeeyay inay caqabad ku yihiin xitaa qodobada Dastuurka waxa uuna arrin aad u xun ku sheegay inay isla awood dhigaan dowlada Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Ambassodor-ka ayaa ka digay in Hogaamin beel loo dhibaateyo Qaran jira, waxa uuna lama huraan ka dhigay shaqeynta awood dowladeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Akhriso: Magacyada 10-ka arday ee u sareysa natiijada Imtixaanka shahaadiga ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan oo xalay Shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho, ayaa ka warbixiyey Natiijada Imtixaanka Shahaadiga dugsiyada sare dalka ee Sanad dugsiyeedka 2017-2018.

Wasiirka, ayaa sheegay Sanadkaan Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiyada sare ee dalka in ay u fariisteen 25,675 oo isugu jira 16,552 Wiil iyo 9,123 Gabdhood, isaggoo xusay in tirada Imtixaanka ka gudubtay ay tahay 20,030 Arday.

Wasiirka, ayaa xusay in Imtixaanka lagu qabtay 92 Xarumood oo Gobolka Banaadir iyo Gobolada dalka ku yaalla, waxaana uu u mahad celiyey dhammaan intii gacan ka geeysatay qabsoomida Imtixaanka oo ay ugu horreeyaan Madaxda Qaranka.

Halkaan Hoose ka Akhriso Tobanka Arday ee Ugu Sarreysa Imtixaanka

DF oo mar kale arrin xasaasi ah ku eedeysay Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia, Axmed Ciise Cawad ayaa mar kale ku celshay in dowlada Somalia ay aqbashay wadahadalka ay Sacuudiga ka dhexwado Somalia iyo Imaaraadka.

Wasiir Cawad, oo la hadlay BBC Arabic waxa uu sheegay in dowlada Imaaraadka ay caqabad ku tahay in xal rasmi ah laga gaaro khilaafka, halka ay Somalia ka ogolaatay wadahadal qabyo ah oo hadda socda.

Wasiirku waxa uu sheegay in Imaaraadka aysan heyn wax cad oo ay ku doodi karaan sidaa aawgeed ay waddo u arkeen inay ka meermeeran wadahadalka ay iminka wado dowlada Sacuudiga.

Cawad, waxa uu sheegay inay Imaaraadka carabta ku eedeynayaan in daacad aysan u aheyn xal laga gaaro khilaafka waxa uuna meesha ka saaray in Somalia ay dhankeeda kala imaaday shuruudo adag.

“Si aan adduunku noogu eedeyn khilaafka waxaanu Sacuudiga ka aqbalnay in la xaliyo khilaafka Imaaraadka ma dhicin waayo Imaaraadka carabta ayaa dhan waliba iska hortaagay wadahadalka”

Sidoo kale, Wasiir Cawad waxa uu cadeeyay in Imaaraadka carabta ay dooneyso inay ku xadgudubto sharciyada Somalia, hase yeeshee aysan dhici doonin inay Somalia ka raali noqoto.

Geesta kale, Somalia ayuu sheegay in wali ay diyaar u tahay inay la hadasho dowlada Imaaraadka carabta si xal loo gaaro, isla markaana dib loo soo celsho wadahadalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Jubaland oo mamnuucday in la booqdo askartii lagu dhaawacay Baar Sanguuni

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa si rasmi ah u mamnuucay in Isbitaalada lagu booqdo dhaawacyada laga keenay Saldhiga Baar Sanguuni oo qiyaastii 51KM ujirta Magaalada Kismaayo.

Maamulka oo dhaawacyada kala geeyay isbitaalada waaweyn ayaa sheegay in xitaa qoysaska askarta dhaawaca ah aan loo fasixikarin dhawacyada, kadib askarta qaar oo ku jira xaalado adag.

Askarta la dhigay isbitaalada oo qaabab kala duwan u dhaawacmay ayaa waxaa ku jira kuwo uu dab qabsaday oogadooda, halka kuwa kale ay yihiin dhaawacyo halis qaba oo ay ku taal rasaas badan.

Askarta qaar ayaa weerarka ku waayay xubnahooda kadib markii si xun ay u haleeshay rasaasta, waana sababta loo mamnuucay in lagu booqdo isbitaalada Kismaayo.

Dhaawacyada halista ah ayaa gargaar caafimaad loogu soo qaaday magaalada Muqdisho, maadaama qaarkood ay rasaasta uga dhacday qeybaha ugu sareysa jirka.

Geesta kale, dowlada Kenya ayaa Jubbaland ka caawineysa dhinacyada caafimaadka maadaama uu aad u badan yahay khasaaraha ciidamada kasoo gaaray weerarka.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Dhageyso: Ciidanka Kenya oo Gedo ku kufsaday shan gabdhood oo Soomaaliyeed

Beled Xaawo (Caasimadda Online) – Mas’uuliyiinta magaalada Beled Xaawo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in haween dhowr ah lagu kufsaday degaan hoos yimaada magaalada Beled Xaawo oo lagu magacaabo Bakoolow.

Mas’uuliyiinta ayaa faahfaahin ka bixiyey cidda ay tuhunsan yihiin in falkaasi ka dambeeyeen. Falkan ayaa dhacay maalintii shalay sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Beled Xaawo.

Gabdhaha la kufsaday ayaa gaarayo ilaa shan gabdhood sida uu sheegay Guddoomiyaha Beled Xaawo Maxamuud Xayd Cusmaan iyadoo ay ku jirtay hal gabar oo yar oo aan weli la guursan.

Guddoomiyaha Beled Xaawo  ayaa sheegay inay Gabdhaha geeyeen Isbitaal isla markaasna baaritaanka lagu ogaaday in gabdhahaan la kufsaday isla markaasna laga diyaariyey warbixin loo gudbiyey madaxda Ciidamada Kenya.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in arrintaan baaritaan lagu sameyn doono isla markaasna sharciga la horkeeni doono ciddii falkaas geysatay.

Falkaan dhacay ilaa hadda kama aysan hadlin Saraakiishada Ciidamada Dowladda Kenya ee ku sugan ay la wadaagaan Soomaaliya,

Maahan markii ugu horeysay oo ay ciidamada Kenya kufsadaan Gabdho Soomaliyeed mana jirto ilaa hadda wax tallaabo ah oo laga qaaday

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga Guddoomiyaha Degmada Beled Xaawo

Caasimada Online
Xafiiska Beled Xaawo
[email protected]

Gaas oo go’aan xasaasi ah oo ku saabsan TUKARAQ miiska u saaray KEATING

Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa xarunta madaxtooyada Puntland ee dulleedka magaalada Garoowe ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay wakiilka gaarka ah ee xoghaya guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya,Michael Keating oo wada-hadal gaar ah ay yeesheen.

Kulanka ayaa inta uu socday looga hadlay arrimaha siyaasada Soomaaliya, amniga iyo xaaladda deegaanka Tukaraq , halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamo ka tirsan Puntland iyo Soomaaliland.

“Waxaan maanta halkaan ku qaabilnay danjire Michael Keating .. waxa uu noogu yimid shaqda ay UN- ku ka hayaan Puntland guud ahaan dhammaanteed in aan iska wareeysano nabadeentii kasocotay Gaalkacyo, horumarka hay’adaha kala duwan ee UN-ku ka hayaan Puntland, nabadgalyada guud ee dalka Soomaaliya, Soomaaliya xaaladeeda guud, ha noqoto dhan ciidan, dhismaha ciidamada Soomaaliya, ha noqoto arrimaha dhaqaalaha iyo waxyaabihii ugu dambeeyay ee kasoo baxay shirkii lagu yeeshay Brussles bishaan gudeheeda , waxaasoo dhan baan ka wada hadlana.” ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo kulanka marka uu soo dhammaaday la hadlay warbaahinta.

Cabdiweli, waxaa uu inta ku daray in arrinta Tukaraq ay ku dheeraadeen ka hadlideeda, wuxuu caddeeyay Puntland inaysan wada-hadal ka gali doonin deegaannadeeda ee u sheegay inay ku suganyihiin Soomaaliland, “Waxaa uu madaxweynuhu si cad ugu sheegay danjire Michael Keating mawqifka ay Puntland ka taagan tahay xaaladda deegaanka Tukaraq oo uu maamulka Soomaaliland kusoo duulay,  isla’markaana waxaa uu madaxweynuhu sheegay inta taako Puntland ka tirsan ay Soomaaliland joogto in aysan nabadi dhacayn, Puntland na ay xoreynayso dhulkeeda.” ayaa lugu yiri qoraal ay baahisay madaxtooyadda Puntland oo kulanka looga hadlay.

Gabagabadii, Danjire Michael Keating oo warbaahinta la hadlay ayaa boggaadiyay horumarka ka jira Puntland , waxaa kalo uu ammaanay xaaladda amni ee gobolka Mudug, isagoo ku dhiirrigaliyay ciidamada isku dhafka ee labada dhinac shaqada muhiimka ah ee ay ka qabteen amniga,sidoo kale Michael Keating ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay arrinta gobolka Sool ka talagelin doonto odayaasha iyo dadka deegaanka si ay qeyb uga noqdaan go’aan ka gaadhista masiirkooda.

Dhanka kale Ergeyga gaarka ee u qaabilsan arimaha Soomaaliya Qaramada Midoobey Micheal Keating ayaa kulalo kula leh xarunta PDRC ee Garoowe qaybo ka tirsan odayaasha dhaqanka iyo siyasiyiinta mamaulkaas.

Kulankaan ayaa yimid kadib markii maalmihii la soo dhaafey ergeyga booqasho ku joogey xarunta gobolka Mudug halkaas oo uu u kuurgalayey barnaamijka qorshaha nabadeynta beelaha ku wada nool magaalada Galkacayo kaas oo ay qayb ka tahay Qaramada Midoobey.

Kulankaan uu kula jiro qaar ka tirsan Issimada Puntland ee ku sugan Garoowe ayaa weli socda.

Ergeyga ayaa sida la ogaadey kulanka uu la leeyahay Issimada waxaa diirada lagu saari doonaa colaada Tukaraq iyadoo la filayo iney u dhibaan qoraal ku aadan mowqifkooda.

Kulankii madaxda Soomaalida loogu qabtey Brussels ayaa waxaa kasoo baxay qodob khuseeya colaada Tukaraq iyadoo la filayo in Micheal Keating xoojinayo sidii qodobkaas u noqon lahaa miro dhal.