27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Saameyn intee la’eg ayuu SOMALIA ku yeelan karaa heshiiskii ABU-DHABI?!!

Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa maalinimadii shalay magaalada Abu Dhabi kulan weyn ku yeeshay madaxda ugu sareysa ee dalalka Eretria, Ethiopia iyo Imaaraadka carabta.

Madaxdan ayaa kawada hadlay arrimo badan oo ku saabsan xiriirkooda, Gobolka, Ganacsiga iyo Dekadaha, waxa uuna wadahadalkan meesha ka saarayaa rajada Somali.

Wadahadalka iyo isku soo dhawaanshaha Seddexda dal ayaa la rumeysan yahay in saameyn weyn uu ku yeelan doono Somalia oo dhawaanahaani saaxiib la ah dowlada Ethiopia.

Xiriirka Eretria, Ethiopia iyo Imaaraadka ayaa aasaas u noqon kara burburka Somalia waxaana xusid mudan in ujeedka ugu weyn ee Imaaraadku yahay in labadaasi dal loo isticmaalo burburka Somalia.

Heshiiska Eretria, Ethiopia iyo Imaaraadka waxa uu imaanayaa xili uusan wanaagsaneyn xilligaan xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka, iyadoo Eretria iyo Ethiopia lagu indha sar caadinaayo dhaqaale xoogan si ay ugu sahlanaato kala dhantaalida Somalia.

Dhinacyada ay labadaasi dal u marayaan burburka Somalia ayaa waxaa kamid ah “Abuurida qalalaaso siyaasadeed , Hub galinta Somalia, Dagaalo Somalia looga furo xuduudaha iyo in la fashiliyo ganacsiga badda”.

Imaaraadku waxa uu doonayaa in suuq yari dhanka Dekada ah uu ku rido dalalka Jabuuti iyo Somalia, isagoo xooga saaraya ganacsiga Dekadaha Eretria oo aad ugu dhow Ethiopia.

Imaaraadka oo khilaaf uu kala dhexeeyo Somalia ayaa dhisaaya labada Dekad ee Eriteria si hoos u dhac ugu imaado Dekadaha Somalia iyo Jabouti, waxaana xusid mudan in Ethiopia ay horay u isticmaali jirtay Dekadda Dooraale ee dalka Jabouti.

Dadka aqoonta fog u leh dalalka isku soo dhawaaday ayaa sheegay in Somalia ay iminka cagta saartay wadada burburka.

Gobolka ayaa wixii ka danbeeyay sanadii 2005 cagta saarayay horumar dhan waliba taasi oo mugdi iyo colaad usii abuurtay Soomaalida oo la rumeysan yahay in badankooda loo adeegsado burburinta Somalia.

Sidoo kale, Axmed C/risaaq Qamsa waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo waxbadan kala socda arrinta gobolka, wuxuuna sheegay in Soomaaliya arrintaan si weyn u saameyn karto.

Waxa uu tilmaamay in dalalka gobolka oo horumar sii gaaraya ay Soomaaliyana weli kasoo kabsan la dahay burburkii 1991.

Waxa uu sheegay in si weyn u saameyn karto Jabuuti, maadaama dhaqaale badan ka heli jirtay dhanka Ethiopia oo isticmaalayey dekadaheeda.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia oo dhex maquureysa xili xun ayaa waxaa la gudboon in xiriir degdeg ah ay la sameyso Eretria si ay u kala dhantaasho halista ay Imaaraadka la damacsan tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Abiy Ahmed oo caddeeyey sababta ku qasabtay nay la xirtaan Imaaraadka Carabta

Addis ababa (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa shaaca ka qaada in dowladiisu ay sii adkeyn doonto xiriirka kala dhexeeya dowlada Imaaraadka carabta.

Abiy waxa uu sheegay in xalka Ethiopia uu yahay mid ku jira kasbashada dowladaha Khaliijka sida Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Waxa uu Abiy Axmed cod dheer ku sheegay in la kulankiisa dhaxalsugaha Imaaraadka iyo Madaxweynaha Eriteria ay bilow u tahay horumarka Ethiopia, waxa uuna cadeeyay in Ethiopia ay garaneyso halka ay ka raadin laheyd horumarkeeda.

“Ethiopia meel waliba gacanta ayey galin doonta waxaa naga go’an inaan raadino wadada horumarka Ethiopia, anagu cidina duulaan kuma nihin ee waxaanu baadi-goobeynaa waxa naga maqan”

Abiy waxa uu sheegay in mudada uu hayo xilka ay Ethiopia ka heshay Imaaraadka dhaqaale xoogan, hase yeeshee uusan heli doonin dowlad u bedeli doonta Imaaraadka”

“Halka ay dantu nabido ayaan gacanta galin doona Ethiopia maslaxadeedu waxa ay ku jirtaa garabsashada Imaaraadka iyo Eriteria, waxaanu ogaanay inaanu hormar gaareynin hadii aanu wanaajin Eriteria”

Sidoo kale, Abiy Axmed ayaa qiray in muddo kooban ay Imaaraadka uga heleen balaayiin lacag ah waxa uuna talaabadaasi ku muujiyay mid ku khasbeysa danta inay u jilicsanaadan Imaaraadka.

Haddalka Abiy Axmed ayaa u muuqanaaya mid mugdi galinaaya heshiiskii kala dhexeeyay Somalia maadaama ay garabsaneyso Imaaraadka carabta.

Caasimada Online

Xafiiska Addis Ababa

[email protected]

Dhageyso: Samatar oo xog ka bixiyey qorshaha shirkii shalay iyo halista Somalia

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Magaalada Abu Dhabi waxaa ay marti-gelisay shir saddex-geesood ah, kaas oo ay wada yeesheen dhaxal sugaha Abu Dhabi Maxamed Bin Zaa’yid, Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweyanaha Eritrea Isaias Afwerki.

Shirkaas, Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki waxaa la guddoonsiiyay abaalmarinta madaniga ah ee ugu sareysa dalka Imaaraadka, waxaa xafladda joogay wufuud badan oo ajaanib ah, oo ay ku jiraan safiirro.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeysay, islamarkaana saameyn weyn ku lahayd heshiiska dhex-maray labada dal ee soo afjaray colaaddii labaatanka sano.

Ka hor heshiiskaas, ayaa sidoo kale Imaaraadka waxay 3 bilyan oo dollar siisay dowladda Ethiopia, oo ah saaxib dhow oo ay gobolka ku leedahay.

Haddaba maxaa lagu qiimeyn karaa kulanka saddex geesoodka ee maanta Abu Dhabi ku dhexmaray Eritrea, Ethipoia iyo Imaaraadka. Muxuu yahay hadafka xilliga fog ee Imaaraadku uu ka leeyahay Geeska Africa.

Su’aallahaasi iyo kuwo kale ayaa waxaa faaqiday Prof. Cabdi Ismacil Samatar, oo barre ka ah Jaamacadda Minnesota.

Caasimada Online
Xafiiska Abu Dhabi
[email protected]

MUQDISHO ma u baahan tahay CIIDAN milatari ah?

Kadib kulan ay isugu yimaadeen madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo gudiga amniga ayaa lagu go’aamiyay in guud ahaan magaalada Muqdisho amaankeeda lagu wareejiyo ciidan milatari ah gaar ahaan guutada 14-ka Octobar oo dhowaan tobabar loo soo xiray.

Guutadan 14-ka Octobar ayaa ciidanka xooga dalka kusoo biiray kadib qaraxii isgoyska Zoobe, waxaan loogu tala galay inay noqdaan ciidanka difaaca shacabka sida uu madaxweynuhu horay u sheegay.

Amaanka magaalada horay waxaa u sugayay ciidamo lamagac baxay xasilinta-caasimada oo ka madax bannaanaa ciidanka intiisa kale, wallow ciidankan ay wax badan oo horumar  ka sameeyeen xaga amaanka magaalada Muqdsiho hadana waa ay ku fashilmeen inay magaalada ka dhigaan mid ka caagan qaraxyada iyo dilalka qorsheesan.

Hadaba magaalada Muqdisho ma u baahan tahay ciidan Milatari?

Marka aad eegto magaalaooyinka ugu amaanka badan caalamka, sida Tokyo, Helsinki, Singboor Sydney IWM, ma ahan kuwa ay amaankooda sugaan ciidamo militiri ah, xaqiiqidi waxaaba adag inaad aragto iyagoo magaalada gaaf wareegaya, inkasto aysan la mid aheyn magaalada Muqdsiho laakin waa xaqiiqi caalamka ka jirta inaysan ciidamo milatari amaanka magaalada ku tiirsaneyn, mar hadii aysan jirin cadow leh awood muuqata oo soo weerari kara magaalada.

Inta badan amaanka magaalooyinka waa weyn ee caalamka waxaa suga ciidamada sirdoonka ee dharcadka loo yaqaan, kuwaasoo meel walba taagan, xariir dhowna la leh boliiska, kana howl badan ciidanka intiisa kale. Dadka inta ay iska ilaaliyaan boliiska in kabadan wax ay ka baqaan ciidanka dharcadka.

Sida caadada ah, Ciidanka milatariga ayaa inta badan shaqadoodu tahay sugiga amaanka xuduudaha dalka iyo in loo adeegsado marka ay jiraan baahiyaha gaarka ah.

Dadka ku xeel dheer arimaha amaanka ayaa waxey sheegeen in magaalada Muqdisho u baahantahay ciidan sirdoon dharcad meel walba taagan kuwaasoo buuxiyay shuruudihii ciidannimada, cadowguna uusan ka dhex aqoonsan karin dadka kale, si la mid ah ciidamo booliis ah kuwaasoo si dhow ula shaqeeya sirdoonka dalka, kadib waxaa yaraan doonta fursadaha cadowga kusoo dhexgalo shacabka, mar hadii uusan kala garaneyn shacabka iyo ciidanka, maxaa yeelay hadaba cadowga dowlada lagama garto shacabke’e!

Isku soo wada duub, dowladda waa inay xoogga saartaa dhisida ciidan sirdoon oo tayo iyo takhasusba leh kuwaaso keeni kara xogta cadowga ka hor fulintooda falka, inta waqti badan lagu bixin lahaa dhisadda ciidamo fara badan oo natiijadoodu noqoto Hal bacaad lagu lisay.

W.Q Abdinasir Safaana
Email:[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Maxaa ka jira in Turkishka kaalin ku lahaa dhismaha safaarada USA ee Qudus?

Ankara (Caasimadda Online) – Shirkadda Dhismaha ee laga leeyahay dalka Turkiga ee lagu magacaabo Limak Holding ayaa beenisay inay ku lug laheyd dhismaha Safaaradda Mareykanka ee dhawaan laga howlgeliyey Magaalada Qudus sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Anadolu.

War Saxaafadeed ay soo saartay Shirkadda Limak Holding gebi ahaanba lagu beeniyey inay shirkadaan ka qeyb qaadatay Mashruucii lagu dhisay Safaaradda Mareykanka ee Jerusalem

“ Warbixinada sheegayo inay Shirkadda Dhismaha ee Limak Holding ka qeyb qaadatay mashruuca dhismaha Safaaradda Mareykanka ee Qudus waa mid aan dhab aheyn” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Sida lagu sheegay war saxaafadeedka Limak Holding ayaa Shirkadda Desbuild  oo ah Shirkad laga leeyahay dalka Mareykanka kala shaqeeneysay dhanka dhismaha muddo 5 sano iyadoo u fulisay mashariic badan oo ay ka mid yihiin Dhismaha Safaaradaha Mareykanka ee Baghdad, Beirut, New Zealand iyo  Belize.

“ Markii lasoo gudbiyey qandaraaska Masharuuca Dhismaha Safaaradda Mareykanka ee Jerusalem waxaan Shirkadda Desbuild  ku wargelinay inaysan shirkadda marnaba ka qeyb qaadan Karin howshaas” ayaa sidoo kale lagu yiri war saxaafadeedka.

Shirkadda Desbuild ayaa sheegtay dhankeeda inaysan Shirkadda Limak ka qeyb qaadan Mashruucii lagu dhisay Safaaradda Mareykanka ee Qudus.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Aqriso: Xeer cusub oo uu soo saaaray madaxweyne Max’ed C/llaahi Farmaajo

Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ku Magacaabay guddiga Dhaqaalaha Qaranka ka dib markii uu soo saarey Xeer uu ku abuurayo.

Xeerka uu Madaxweynaha soo saarey ayaa ku taariikheysan 12 Bishan July, waxaana lagu sheegay in Xeerkaan uu Madaxweynaha soo saarey,isaga oo cuskanaya qodobka 87aad iyo 90aad ee Dastuurka KMG.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Guddigasi uu abuuray ka dib tallooyin ay u soo jeediyeen Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wasiirada iyo Wasiirka Qorsheynta Somalia, waxa uuna sheegay in Guddigaasi uu muhiim u yahay dhismaha Qaranka.

Xubnaha Golahaan uu ka kooban yahay ayaa kala ah, Guddi hoosaadka dhaqaalaha Golaha Wasiirada, Madaxda dowlad Goboleedyada, shan xubnood oo la taliyeyaal qaran ah iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe.

Faahfaahin: Heshiis buuxa oo laga gaaray murankii XAJKA + Dhageyso

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda diinta awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya iyo shirkadaha diyaaradaha ee ka qeyb galaya arrimaah Xajka ee sanadkaan ,ayaa waxa ay hehsiis ka gaareen khilaafkii ka dhashay arrimaha xajka.

Ku simaha wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda Soomaaliya ahna wasiiru dowlaha wasaaradda oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa sheegay in madaxda shirkadaha duulimaadyada ay go’aan ka gaareen khilaafkaas, isla markaana shan shirkadood ay sanadkaan duulimaadyada ka qeyb qaadan doonaan.

Laba ka mid ah ayaa loo ogolaaday in ay tagaan Sacuudiga, oo ah kuwii hore xajka u tagi jiray, halka saddexda kale ee ku soo biiray ay xujeyda geynayaan Jabuuti iyo Kenya, halkaasi oo ay ka qaadeyso shirkadda diyaaradaha Sacuudiga.

Sanadkaan Soomaaliya waxaa loo ogolaaday in ay ka baxaan 9,300 oo qof.

Farxaan Sheekh Maxamuud oo ah sarkaalka safaaradda Soomaaliya ee loo xil-saaray artrimaha xajka, ayaa waxa uu sheegay in shanta shirkadood ay duulimaad labo ka mid ah sida Jubba iyo Daallo ay si toos ah Muqdisho uga qaadi doonaan, halka saddex kale oo kusoo korortay ay geyn doonaan xujeyda Nairobi iyo Jabuuti.

Si kastaba murankii ka dhashay arrimaha xajka ayaa sababay in ay xilalkii  ku waayaan wasiirkii awqaafta iyo arrimaha diinta iyo maareeyihii duulista hawada.

Hoos ka dhageyso wareysiga Farxaan oo dhameystiran

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Dowladda SOMALIA oo ku dhawaaqday QORSHE ka dhan ah iskuullada XAMAR

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo maanta ka qeyb galaya shir caalami ah oo looga hadlayo waxbarashada dalka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayaa si qoto dheer ugu hadlay waxbarashada iyo qorshaha dowlada ugu degsan.

Wasiirka ayaa tilmaamay in magaalada Muqdisho ay ku yaallaan iskuulo waxbarasho oo tiro badan, kuwaas oo tayadooda waxbarasho aysan gaarsiisaneen heerkii looga baahnaa xilligan.

“Dowladdu waxay bilowday qorshe ay arimahaas wax ugu qabaneyso, waxaana jiri doona tallaabo lagu yareynayo iskuullada tirada badan ee magaalada Muqdisho ku yaalla.” Ayuu yiri wasiir Jamaal.

Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa yiri ”baaritaan ay sameysay Wasaarada Qorsheynta waxaan ku ogaanay in dadka Soomaaliyeed 40% ay wax aqrinkaraan waxna qori karaan, halka 90% dadka Soomaaliyeed ay fursad u heli karaan in ay waxbartaan sidaas daraateedna sanadka 2020-ka Qorshaha dowlada u dagan in uu yahay in dadka wax qori kara waxna aqrin kara in la gaarsiiyo heer aad u sareeya.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

CC Shakuur: DF cibaadadii xitaa way siyaasadeysay

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga CC Shakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee aadka uga soo horjeeda dowlada Somalia ayaa ka hadlay siyasada ay xiligan dheeleyso dowlada Somalia.

CC Shakuur, ayaa sheegay inuu aad u yaryahay waxqabadka dowlada Somalia waxa uuna dowlada ku dhaliilay inay siyaasadeysay arrimaha Xajka.

CC Shakuur, waxa uu tilmaamay in arrin aad u foolxun ay tahay in dowlada Somalia ay maaro u heli weydo arrinta Xajka oo uu sheegay inay tahay fursad sanadkiiba mar soo marta Umadda Muslimka ah,gaar ahaan Soomaalida.

Waxa uu qiray mar uu ka hadlaayay munaasabad lagu soo dhoweeynayay magaalada Stockholm in weli uu jiro muranka arrimaha xajka oo uu sheegay inuu ka taagan yahay is maandhaaf u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Shirkadaha Duulimaadyada ee heysta leynka Xajka.

CC Shakuur, ayaa sheegay in illaa iyo hada aanu weli qof Soomaali ah dal ku gal ama fiiso u soo bixin, taasna ay tahay arrin aad looga xumaado.

Isagoo ka hadlaayay arrinta muranka ayuu yiri “Ma dhicin xilligii dowlad la’aanta in Xajku joogsado, maanta aan idinla hadlayo weli qof Soomaali fiiso xajka uma soo bixin, dowladda Soomaaliyeed ayaa siyaasadeysay, maanta Madaxtooyada ayaa laga kari la’yahay war xajka fasaxa dadka Soomaaliyeed ha soo gutaan xajka”

Waxa uu intaa raaciyay CC Shakuur “Maxaa noo dhiman haddii xajka uu qalqiil ku jiro, waa inaanu ka fiirsanaa waxa aan rabno iyo waxa aan rabin marba haddii leyska hor istaagayo xajka”.

Sidoo kale, CC Shakuur waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia laga doonaayo inay kala saarto danaha shaqsiyaad gaara iyo gudashada waajibaadka alle, waxa uuna arrin foolxun ku sheegay in la cuuryaamiyo shacabka, sida uu hadalka u dhigay.

“Way noo dhimantahay dowlad aan xakameyn Karin muranka diyaarado tirro yar oo ku loolamaaya daabulka xujeyda, waa inaan fiiro gaara u yeelanaa dhacdooyinka noocan ah”

Dhianaca kale, haddalka CC Shakuur ayaa imaanaya iyadoo wali uu muran ka taagan yahay arrimaha Xajka taa oo sii dheereysay xil ka qaadista lagu sameeyay Wasiirkii Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Shirka Imaaraatka, Ethiopia iyo Eritrea ee Abu-Dhabi iyo shirqoolka Soomaaliya

Dad badan shaki baa uga jiray Game ka cajiibka ah ee uu mandaqada ka ciyaarayo Ra’isulwasaare Abiy Ahmed iyo isbadalada xowliga ku socda ee uu wado, inay yihiin kuwa naga da’ weyn oo aaney ku curan si sahal ah iyo laablakac,balse waxaa Xaqiiq ah inay sheekadu tahay mid laga soo abuuray meelo kale.

Sidoo kale maalmahaan waxaan arkayay Doodo iyo falanqeyn dhowr ah oo laga yeelanayo Isbadalka ka socda Ethiopia iyo Saameynta uu ku yeelan karo Soomaaliya, waa goorma goorta lala hadaaqaayo sidaa iyo sidaa waa goor qorshihii oo dhameystiran laga hirgaliyay hareeraheena oo taladiina nalagu darsaday.

Waa hubanti in Game-kan iyo Indha sarcaadka filan waaga ah ee ka socdo Ethiopia uu yahay mid ay Shukaanta u heyso Siyaasiyiin dalaaliin ah & Ganacsato Imaaraad ah oo raba inay markale shaar Ethiopian ah u soo gashadaan Dibin daabyeynta iyo duleysiga ilaha dhaqaale ee wadamada Geeska dhaca,Maadaama ay ku fashilmeen isku daygoodii koowaad ee Dekadaha Soomaliya taasina ay ku abuurtay cadaawad gaar ah iyo sidoo kale dharbaaxadii kaga dhacday gacan ku heynta Marsadii Jabuuti. taasina ay ku xambaartay iyo ay Game-kan cusub ciyaarto.

Hadaba Waxaan marna shaki ku jirin in Dowlada UAE oo dalaal uga ah wadamada Reer Galbeedka badbaadinta Ethiopia inay iyaduna uga faa’ideysaneyso sidii ay mar un gacanta ugu wada dhigi laheyd Dekedaha Soomaaliya, Asmara, iyo Jabuuti, iyadoo ujeedkooduna yahay inay marka hore Jabuuti badaan Saaxiib la’aan sida uu qorshaheedu yahay dabadeedna ay ka dhigto meel Go’doon siyaasadeed iyo mid dhaqaale wajahda ilaa ugu dambeyn ay Madaxweyne Geelle ku kiciyaan duufaano mucaarad ah oo laga soo abaabulayo gudaha Ethiopia iyo Aretaria ,

Qowlasatada UAE waxaan daah ka saarneyn inay danahooda siyaasadeed iyo midkeeda dhaqaale ay maanta si sahal ah uga fushan karaan Wadamada Geeska Africa oo ay hadheeyeen qalalaaso siyaasadeed iyo mid dhaqaale,waana tan soo dadajisay isbadalada mucjisooyinka ah ee ka dhex socda Ethiopia iyo Eritrea laguna soo beegay xili ay labada dalba baahi weyn u qabaan xasilooni siyaasadeed,Nabad ku wada noolaansho iyo dhaqaale abuur .

Dhinaca kale , Marka laga eego saameynta Soomaaliya iyo isbadalada ka socda wadamada Ethiopia iyo Eritrea waa wax iska cad in ay saameyn nagu yeelanayaan sida saameyn Dhaqaale,Mid Nabadgalyo,iyo mid siyaasadeed oo ah tan ugu halista badan hadii aan la helin Siyaasiyiin iyo Aqoon yahano Soomaaliyeed oo wadaniyiin ah oo Ciyaarta socota la dabaasha kana dabaasha.

WAXAAD MAANTA BI’SAAN BIRI HA U SHALAAYINA.!!

NB/- Sawirkaan miisaan hala saaro.

W/Diyaariye
Abdulkadir Farah Dulyar

Sacad Cali: Sida wadkayga ayaan u hubaa Somaliland in la ictiraafayo, waayo…

Hargeysa (Caasimadda Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oayaa sheegay in rajo wayn uu ka qabo in la ictiraafo Somaliland isla markaana ay xaq tahay ictiraafka Somaliland.

“Rajo wayn baan ka qabaa, waxaan hubaa sida wadkayga aan u hubo in Somaliland la ictiraafayo, waayo waa  xaq baadil maaha, Somaliland dooni mayso wax aanay lahayn waxay doonaysaa kaliya waxay leedahay..” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Saca Cali Shire.

Sacad Cali Shire waxaa uu sheegay in Somaliland ay ahayd waddan madax-banaan oo waddan kale ku darsamay hase ahaatee uu Xaqsoor iyo wanaag uu ka filaayay ka waayay waddankii ay la midoobeen.

Wasiir Sacad waxaa kale oo uu yidhi; “qof walba oo aan la hadlo oo aan ka garaabin (Ictiraafka Somaliland) ma jiro, maadaama aan garowshiyihii haysano waxaa innoo xigaa ictiraafki weeye”

Ugu dambeyntii, Somaliland ayaa sannadkii 1991kii sheegtay inay ka go’aday Soomaaliya inteeda kale waxaana ilaa hadda ay adduunyada ka raadinaysaa in la aqoonsado wallow aanay jirin cid illaa hadda si buuxda u ictiraaftay.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Sawirro iyo Warbixin: Shirka Abu Dhabi ee Imaaraadka Carabta, Ethiopia & Eritrea

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Magaalada Abu Dhabi waxaa ay marti-gelisay shir saddex-geesood ah,  kaas oo ay wada yeesheen dhaxal sugaha Abu Dhabi Maxamed Bin Zaa’yid, Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweyanaha Eritrea Isaias Afwerki.

Shirkaas, Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki waxaa la guddoonsiiyay abaalmarinta madaniga ah ee ugu sareysa dalka Imaaraadka, waxaa xafladda joogay wufuud badan oo ajaanib ah, oo ay ku jiraan safiirro.

Maxamed Bin Zaa’yid oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Imaaraadka ugu hambalyeyneyso labada dal ee Ethiopia iyo Eritrea heshiiska taariikhiga ah ee ay gaareen, isaga oo rajeeyay in tilaabadaas ay horseedi-doonto horumar dhaqaale iyo mid bulsho inay abuuri-doonto fursado maal-geshi.

Dalka Ethiopia iyo Eritrea ayaa soo afjaray khilaaf labada dhinac u dhaxeeyay in ka badan 20 sano.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeysay, islamarkaana saameyn weyn ku lahayd heshiiska dhex-maray labada dal ee soo afjaray colaaddii labaatanka sano.

Ka hor heshiiskaas, ayaa sidoo kale Imaaraadka waxay 3 bilyan oo dollar siisay dowladda Ethiopia, oo ah saaxib dhow oo ay gobolka ku leedahay.

Sanadihii dhowaa saameynta Imaaraadka Carabta ee dalalka Geeska Afrika ayaa sii kordhayey, ayada oo aad ugu lug leh dalal badan oo Soomaaliya ay ka mid tahay lana wareegtay maamulka dekado badan.

Caasimada Online
Xafiiska Abu-Dhabi
[email protected]

 

Sarkaal hub, gaari iyo lacag xooggan kala baxsaday madaxtooyada Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Sarkaal ka tirsanaa Madaxtooyada maamulka Puntland uu la baxsaday Hub, Gaadiid iyo Lacag aad u farabadan.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in Sarkaalkan uu ka mid ahaa ilaalada Madaxtooyada maamulka Puntland, waxa uuna Hubka, Gaariga iyo Lacagta la goostay 22-kii bishan July.

Sarkaalkan oo magaciisa lagu sheegay Cabdifataax Yamani ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa Taliyihii Ciidamada rugta laanta socotada Madaxtooyada Puntland, waxa uuna aad ugu dhawaa Hogaamiyaha Puntland Cabdiwali Gaas.

Waxa ay xogtu intaa kusii dareysaa in Sarkaalkan uu qaatay gaari noociisa uu ahaa Land Cruiser, hub gaaraya ilaa 6 qori iyo 5 Bastooladood oo ay u dheertahay lacag xoogan.

Sarkaalkan ayaa Hubka, Lacagta iyo Gaariga ula baxsaday degaanka Bali Busle oo Koonfur Bari kaga beegan magalada Gaalkacyo.

Gaariga ayaa la sheegay inuu ka iibiyay Ganacsato kasoo jeeda degaanka Bali Busle waxa ayna xogtu tilmaameysaa inuu ku iibsaday 40 Kun oo Dollar-ka Mareykanka ah.

Sidoo kale, waxaa la la’yahay Taliyaha baxsaday, Hubka iyo Lacagta, halka Gaariga oo laga soo qaaday Ganacsadaha dib loogu celshay Madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe.

Geesta kale, Gaarigan lala baxsaday ayaa  lagu soo dhaweyn jiray martida u timaada madaxda Puntland, wuxuuna ka mid ahaa ku dhawaad 60 gaari oo Imaaraadka Carabta uu horey ugu deeqay mamulka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Xarun ay laheyd shirkadda Hormuud oo la qarxiyey iyo shaqaale lagu dilay (Aqri)

Ceel-Waaq (Caasimadda Online) – Ciidamada Dowladda Kenya ayaa toogasho ku dilay mid kamid ah Shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud gaar ahaan Xarunta ay ku leedahay Dhuuntow ka tirsan Gobolka Gedo Saakay xilliga Salaadda Subax.

Ciidamada Kenya ayaa dilay Cabdiraxiin Xasan Cali oo kamid ahaa Shaqaalihii Xarunta Hormuud ee Dhuuntow oo aheyd qadkii isku xiri jiray Dhamase iyo Ceel Waaq.

Sidoo kale waxaa la dilay nin shacab oo ka mid ahaa dadka deegaanka oo isna lagu magacaabi jiray Baxar Iidoor oo ku jiray asbuucii koowaad ee arooskiisa.

Ciidamada Kenya ayaa dilkaas kadib Xaruntii Hormuud ku xiray waxyaabaha qarxo kadibna waxay sidaas ku gubeyn Xaruntii iyo dhammaan qalabkii yaalay.

Waxaa hadda hawada ka maqan Isgaarsiinta Hormuud qeybteeda Magaalada Ceelwaaq maadaama ay ku xirneyd Xarunta ay gubeyn ciidamada Kenya.

Ilaa hadda lama yaqaan Sababta rasmiga ah ee keentay inay Ciidamada Kenya mar kasta si gaar ah u ugaarsadaan Xarumaha Shirkadda Isgaasiinta Hormuud.

Ciidamada Kenya ayaa horey u gubay Xarumo ay laheyd shirkadda Hormuud oo ay kamid ahaayeen Ceelbaande, Dhamase, Khadiijo Xaaji iyo Dhegalaab.

Ma jirto ilaa hadda cid ka hadashay dhibaatadan loo geystay isgaarsiinta oo ah waxa isku xira nolosha dadka.

Caasimada Online
Xafiiska Ceel-Waaq
[email protected]

Kulan lagu taageerayey dib u furida wadooyinka oo ka dhacey Magaalada Muqdisho

Muqdoisho (Caasimadda Online)- Shir ay isugu yimaadeen odayaal iyo salaadiin katirsan dhaqanka soomaaliyeed ayaa si diiran looga soo dhoweeyey  talaabadii uu qaadey madaxweynaha  dowlada federalka soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo amar ku bixiyey in dib loofuro wadoonyinka magaalada mogadisho oo beryihii danbe xirnaa.

Shirkan oo kadhacey Hotel Sayid ee Magaalada Mogadisho ayaa waxaa uu dhacey duhurnimadii manta kulanka  kadib ayaa odayaasha waxey soo saareen war murtiyeed ka koobnaa Lix( 6) qodob wuxuuna u qornaa sid tan;-

WAR-MURTIYEED.

KULANKA ODAYAASHA DHAQANKA SOOMAALIYEED.

MUGADISHO-24-LUULIYO2018.

  1. Anagoo ah Odayaasha dhaqanka soomaaliyeed waxaan bogaadineynaa talaabadii uu qaadey madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Mudane maxamed Cabdullahi Farmaajo oo furey wadooyinkii xirnaa taas oo shacabka magaalada mogadisho dhib weyn ku qabeen  waxaana sidoo kale ugu baaqayaan xukuumada in ay fuliso amarka oo markale la arqaladeynin shacabka soomaaliyeed.
  2. Waxaan kaloo amaaneynaa tilaabooyinkii dib loogu celiyey xeryahoodii ciidamada xasilinta iyadoo lugu bedeley ciidamo habdhaqankoodu wanaagsanyahay.
  3. Odayaasha dhaqanka soomaaliyeed Guud ahaan waxey Garab istaagayaan ciidamada udataagan ilaalinta karaamadooda  iyo sharaftooda iyagoo usoo gudbinaya xog waliba oo kusaabsan kooxaha qaswadiyaasha ah.
  4. Odayaasha dhaqanka soomaaliyeed waxey walaac kamuujinayaan shaqa joojintii lagu sameeyey Teliye Kuxigeenka 2aad Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka mudane Cabdalla Cabdalla waxeyna odayaasha si xushmad leh uga codsanayaan teliyaha nabadsugida in uu shaqadiisa ufasaxo si waajibkiisa qaran uguto.
  5. Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed waxey ugu baaqayaan maamulada Soomaaliland iyo Puntland eek u dagaalamaya Tuko raq in ay si deg deg ah ujoojiyaan colaada wada hadalna ay ku dhameeyaan wixii kahilaaf oo jira.
  6. Ugu danbeyn odayaasha dhaqanka soomaliyeed waxey ugu baaqayaan madax weynaha dowlada federalka soomaaliya in uu xoojiyo wada teshiyada uu laleeyahay shacabiga soomaaliyee.

WABILAAHI TOWFIIQ

Ciidamada dalka Ethiopia oo gacanta ku dhigay HUB iyo LACAG loo adeegsan…

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka dalka Ethiopia ayaa lagu soo waramayaa inay gacanta ku dhigeen saanad Militeri iyo dadkii waday.

Saanada ay qabteen ciidamada ayaa la xaqiijiyay inay la soctay lacag iyo Hub farabadan oo la doonayay in si qarsoodi ah lagu galiyo dalkaasi.

Lacagta ay ciidamada amaanka Booliska gacanta ku dhigeen oo dollar aheyd ayaa la xaqiijiyay inay gaareyso malaayiin dollar oo aan wali la xaqiijin halka ay ku soctay.

Waxa sidoo kale ay booliiska gacanta ku soo dhigeen hub fara badan oo dalka lagu galinaayay qaab qarsoodi ah, waxaana si gaara Hubka gacanta ugu dhigay Sirdoonka dalka Ethiopia.

Hubka iyo lacagta ayaa la sheegay in lagu soo qabtay howlgal laga sameeyey gudaha iyo daafaha Ethiopia waxaana gacanta ku hayay xubno kawada tirsan hal shabakat.

Waxa ay arrintan ay ku soo aadeysaa xili ay sii xoogeysanayaan colaadaha u dhaxeeya qowmiyada Oromada iyo Soomaalida kaa oo ka taagan deegaano ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Dhinaca kale, waxa ay Ethiopia marti galineysaa weeraro Qaraxyo oo aan horay looga baran iyadoo ay xusid mudan tahay weerar dhawaan lala eegtay Ra’isul wasaaraha dalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
[email protected]

C/Weli Gaas oo DF Somalia uga shakisan arrin la xiriirta shirkii ka dhacay Brussels

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa ka digay in dowlada Somalia ay ka weecato Heshiisyada lagu galay shirkii magalada Brussels.

Cabdiweli Gaas, waxa uu sheegay inuu aad uga cabsi qabo in dowlada Somalia ay wax kama jiraan kasoo qaado Heshiiska, waxa uuna cadeeyay haddii ay taasi dhacdo in meesha ay ka bixi karto kalsoonida.

Waxa uu Cabdiweli Gaas cadeeyay in Puntland ay ku khasban tahay inay dhaqan galiso heshiiska si buu yiri looga gudbo Isfahan darro soo kala dhexgasha dowlada iyo maamulka.

“Waa nasiib darro haddii ay dhacdo in dowlada Somalia ay ka baxdo Heshiiska, waayo waxaa muhiim ah in si wada jira loo dhaqan galiyo qodobada kasoo baxay shirka Brussels.

Cabdiweli Gaas oo dib ugu laabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in shirkaas uu ahaa mid dan weyn ugu jirto dadka Soomaaliyeed,isla markaana dhammaan qodobadii ka soo baxay ay ahaayeen kuwo xilligaan u baahan yahay dalka.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in Madaxda Soomaalida ay fuliyaan qodobadii ka soo baxay shirka magalada Brussels taas oo uu rajeynayo in dalkaan uu wax badan isbedeli doono hadii sidii loogu heshiiyey loo fuliyo.

Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayuu ku booriyay inay la tashi la sameyso maamulada ka jira dalka si loo wada dhiso dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Soomaali u shaqeynayey wargeys caalami oo lagu dhex dilay dalka Ethiopia

Nairobi (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Ethiopia ayaa aad u hadal heysa weerar lagu dilay darawal Soomaali ah oo la shaqeynaayay Wargeyska The Reporter oo hoos taga Hay’adda Warbaahinta Dire Dawe Mass Media Agency.

Marxuum Sulaymaan Axmed oo ah marxuumka la dilay ayaa da’diisa lagu sheegay 37 jir dhalay 3 carruur ah.

Wargeyska The Reporter waxa uu qoray in ay Dhallinyaro ka soo jeeda Oromadda ay  jid gooyo u dhigteen gaariga uu waday marxuumka oo ay ku dhufteen jug culus oo sababtay geeridiisa.

Darawalkan Soomaaliga ah ee u shaqeynaayay Wargeyska ayaa la sheegay in xiliga weerarka lagu dilay uu kusii jeeday magaalada Addis Ababa si warbixin isaga iyo wariyayaal la socday ay uga soo diyaariyan Safarka Madaxweynaha Eriteria Issias Afwerki uu ku gaaray Addis Ababa.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda CPJ ayaa waxaa dowlada Ethiopia looga codsaday in dambiilayaasha weerarka geystay la hor keeno Caddaaladda, laguna ciqaabo dilka ay geysteen.

Weerarka lagu dilay muwaadinkaan Soomaaliga ah ee ka shaqeynaayay Wargeyska The Reporter ayaa dhacay bishan July 13-dii xili uu gaariga maraayay Degmadda Meiso ee Dowlad gobaleedka Oromadda ee Bariga Ethiopia.

Marxuum Sulaymaan Axmed waxa uu dhaawaca soo gaaray u geeriyooday bishan July 19-dii kadib markii uu galay Koomo.

Sidoo kale, wargeyska ayaa qoray in marxuumka uu Wargeyska The Reporter u shaqeynaayay muddo Shan sano ah sida lagu xusay qoraalka.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed iyo xukuumadiisa ayaa loogu baaqay inay baaran dhacdadaasi laga argagaxo, isla markaana si dhab ah loo baaro Dembiilayaashii dilay Marxuum Suleymaan Axmed.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Imaaraadka oo guuldarro kala kulmay kiiskii dacwada maxkamada ICJ ee Qatar

Hague (Caasimada Online) – Maxkmadda caalamiga ah ee caddaaladda ee ICJ ayaa shalay ridda xukun ka dhan ah dalka Imaaraadka Carabta, ayada oo dalkaas ugu baaqday inuu mideeyo qoysaska reer Qatar, islamarkaana joojiyo xadgudubka jinsi ee ka dhanka ah.

Imaaraadka, Sacuudiga, Masar iyo Bahrain ayaa horey ugu midoobay isbaheysi ka dhan ah Qatar, ayaga oo dalkaas saaray xanibaad dhinaca dhulka, hawada iyo badda ah, markii ay ku eedeeyeeyn Doha inay taageerto argagixisada.

Sanad kadib xanibaaddaas ayaa Qatar ay dacwad ka dhan ah Imaaraadka u gudbisay maxkamadda ICJ, ayada oo Imaaraadka ku eedeysay midab takoor ka dhan ah dadka u dhashay Qatar.

Xukunka maxkamadda ee shalay ayaa dhigaya in qoysaska Qatar ee ay saameysay xanibaadda loo ogolaado inay sii wataan waxbarashadooda dalka Imaaraadka Carabta, ama la siiyo dokumentiska ay u baahan yihiin, si ay waxbarashada uga sii wataan meelo kale.

ICJ ayaa sidoo kale ku amartay in dadka Qatar ay helaan nidaam cadaaladeed.

Qatar iyo Imaaraadka ayaa labadaba saxiixay xeerka caalamiga ah ee baabi’inta nooc kasta oo midab takoor ee loo soo gaabiyo CERD. Masar, Sacuudiga iyo Bahrain, ma saxiixin xeerkan, sidaas darteed laguma dacweyn karo.

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

“Faysal C. Waraabe iyo Cali Khaliif waa in garoomada S/LAND laga mamnuuco”

Hargeysa (Caasimada Online) – Wakiilada maamulka Somalilad ayaa ka digay in deegaanada maamulka ay dib ugu soo laabtan Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland Eng. Feysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif oo dhawan magaalada Brussels kula kulmay Madxaweynaha Somalia.

Xildhibaanada ayaa sheegay in labadaasi mas’uul ay lamid yihiin shaqsiyaadka ka tirsan dowlada Somalia ee sida joogtada ah u dhiirigaliya Somalia, sida ay hadalka u dhigeen.

Xildhibaan C/qaadir Maxamed Xasan “Indho indho” oo kamid ah Golaha Wakiilada ayaa sheegay inaanu suuroobeynin in mas’uuliyiinta qaar laga mamnuuco Somaliland Feysal iyo Cali Khaliina ay dib ugu soo laabtan Somaliland.

“Waa arrin khalad ah in Feysal Cali iyo Cali Khaliif ay dib ugu soo laabtan Somaliland, waa inay ka khuustan dalka oo ay aadan xamar maadaama uu jiray go’a hore oo Somaliland looga mamnuucay shaqsiyaadka amar la’aanta la kulma Madaxda Soomaalida”

Waxa uu Xildhibaan C/qaadir Indho Indho sheegay inay khalad tahay in sharciga uu qabto keliya dadka caadiga ah, isla markaana uusan qaban kuwa lamidka ah Feysal iyo Galeyr.

Sidoo kale, Muuse Biixi ayuu ugu baaqay in go’aan degdeg ah uu kasoo saaro Feysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif, si buu yiri loo dhaqan galiyo sharciga.

Haddalka Xildhibaan Indho Indho ayaa u muuqanaaya mid danbi loogu abuurayo Guddoomiye Faysal Cali iyo Mr Galeyroo shirki Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee Talaadadi lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Brussels ee dalka Belgium kula kulmay Madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]