27.4 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Cabdi Weli Cali Gaas: “Mar baan iraahdaa Muuse Biixi ma u duceysaa!” – VIDEO

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliyeed ee Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas ayaa khudbad u jeediyey jaaliyadda Puntland ee ku dhaqan dalka Biljimka, kadib markii uu ka qaybgalay shirkii looga hadlaayey taageerada Soomaaliya ee ka dhacay xarunta Midowga Yurub ee Brussels.

Khudbadda Madaxweynaha Puntland ayaa u badneyd xaaladda gobolka Sool iyo weerarka qaawan ee Somaliland ku soo qaadey.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa khudbadiisu ka duwaneyd khudbadihii horey looga bartey, waxaana uu si weyn u kala gurey oo u falanqeeyey beesha Isaaq ee degta Gobolada Waqooyi, isaga oo gaarey in uu ka hadlo arrimaha dhexdooda ah beeshaas iyo khilaafaadka u dhexeeya, inkasta oo khudbadda Madaxweynuhu aysan wadan wax cusub iyo macne weyn ama rajo siyaasadeed, oo ay u badneyd mid laga so minguuriyey fadhi-ku-diriryada Soomaalida, ayaa la dhihi karaa waxaa Madaxweynuhu hoosta ka xariiqey fashilkiisa siyaasadeed ee difaaca dalka iyo qorshaha hadda uga yaala weerarka qaawan ee Somaliland ku soo qaadey, marka la eego hadaladii uu jeediyey xiligii uu musharaxa ahaa oo uu dib uga jeediyey Brussels 2018.

Dr. Cabdiweli Cali Gaas oo la doortey sanadkii 2014 ayaa ka duwanaa musharixiinta kale waxa uu horey u soo noqdey raysalwasaare xukuumadii kumeel-gaarka ahayd 2011-2012, kadib markii uu xilka wareejiyey waxa uu Puntland ku marey safar dheer oo u kuurgalay xaaladda Puntland oo markaas uu Madaxweyne ka ahaa Cabdiraxmaan Faroole. Dr. Cabdiweli Gaas waxa uu shir saxaafadeed ku qabtey magalada Gaalkacyo waxaana uu ka warbixiyey waxa shacabku u sheegay iyo talooyin uu soo jeediyey, waxaana kamid ahayd warbixintiisi:

“….Waxay shacabku ii sheegeen in Gobolladii kumidoobay dhisitaanka Puntland 1998kii ay qaar kamid-ihi aysan gacanta ugu jirin maamulka, qaarkoodna ay samaysteen maamulo u gaar-ah. Waxay kala-furashaadaas Puntland sabab uga dhigayeen maamul xumo iyo aragti la’aanta hogaanka sare ee Puntland……”

Dhegayso khudbadii Raysalwasaarihii hore Cabdiweli Cali Gaas Nofeembar 2012

Sida ka muuqata codka Madaxweynaha Puntland uu duubay kadib kormeerkii uu Puntland ku kala bixiyey markii uu xilka raysalwasaaraha wareejiyey iyada oo ay Puntland ka taagneyd khilaafkii ka dhashey ururadii siyaasadeed iyo muddada xilka Madaxweynaha, ayuu dusha uga tuurey Cabdiraxmaan Faroole sababta kala fur-furashada Puntland in ay tahay “Maamul xumo iyo aragti la’aanta hogaanka sare ee Puntland”

Khudbadii lagu doortey Cabdiweli Cali Gaas oo uu Barlamaanka hortiisa ka jeediyey wuxuu ka yiri dhulka ka amqan Puntland:

“….Dhulka maqan waa nabar ku yaala qof walba oo Puntland ku nool, beeli beel kale kama qabsan ee maamul ayaa maamul ka qabsadey, dhulku beel gaar ah kama maqna, faataxo laguma qabsan, faatoxona ku soo laaban maayo, wixii siyaasad looga maarmi waayo siyaasad ayaan ku dayeynaa, wixii xoog u baahdana, waxaa lagama maarmaan ah in Puntland fuliso waajibaadkii loo igmadey ee dastuuriga ahaa, waxaa dadka Sool, Sanaag iyo Cayn lagu hoday, haykal dowladnimo, Puntland waxay ku fashilantey waajibaadkeedi dastuuriga ahaa ee difaaca dalka yo dadka….”

Mar labaad ayaa Madaxweyne Cabdiweli oo markaas musharax ahaa soo celiyey in Sool lagu hodey magac dowladnimo, waxaana uu dhabarka u saarey Faroole fashilka siyaasadeed.

Haddaba Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas 2013 iyo 2014 waxa uu ogaa xaaladda dhabta ah ee gobolka Sool iyo midnimada Puntland halka ay taagan tahay waxaana uu baarlamaanka hortiisa ka sameeyey ballan qaad, isaga oo caddeeyey dadka reer Sool in lagu hoday haykal dowladnimo, haddaba shan sano kadib ballan qaadkiisi Somaliland waxay kaabiga ku soo qabatey caasimadda Puntland ee Garoowe iyada oo qorshaheedu yahay in xuduudkii isticmaarku kala sameystey ay gaarayaan.

Habeenkii xalay caawa u ekaan badanaa.

Khudbadii Madaxweynuhu ka jeediyey magaalada Brussels ee xarunta dalka Biljimka ayaa ahayd mid uu dib u soo celiyey giraanta.

Wuxuu horey u yiri faataxo laguma qabsan, faatoxana laguma soo celin karo, laakiin markaan waxa uu u soo qaatey nin uu ku sheegay magiciisa Sh. Bashiir oo culimo isugu yeeray kana codsadey in ay qur’aanka kariimka ah dhalo (Quraarad) ku jebiyaan, habeenkii oo dhan ayey qur’aanka kariimka ah ku wadeen dhaladii yarayd ilaa ay jebin kari waayeen, laakiin Sh. Bashiir ayaa dhaladii ulyar ku dhuftey oo jebiyey, Madaxweynuhu waxa uu arrintaas u soo qaatey in ficil loo baahan yahay, waxaase la is weydiin sababta uu qur’aanka tusaale uga dhigto in aanu waxba qaba karin, horey faataxo ayey ahayd haddana waa ninka Bashiir la dhaho iyo dhaladii qur’aanku jabin waayey, haddii ninka Bashiir la yiraahdo rabbi ku hodey arrintaas, miyaanu Cabdiweli Gaas ogeyn in Allaah yiri qur’aankan haddii aan ku soo jediyo buur (Jabal) waxay la burburi lahayd cabsi allaah, dhalo iska dhaafe, laakiin qof iyo tusaalihiisu waa is leeyihiin.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa isaga oo soo celinaya khudbaddiisi doorashada mar kale yiri:

“…..Magac Somaliland la yiraahdo ayaa magaalada Oog looga soo duuley oo Tukaraq lagu joogaa, dadka reer Sool iyo Cayn waxa isku haleeyeen Dowladnimada Puntland, marka in la is weydiiyo waxa laga helaayo dowladnimo iyo waxay ugu fadhido waa su’aal xaq ah oo maanta taagan……..”

Haddaba su’aasha Madaxweynuhu is weydiiyey yaa mudan in uu ka jawaabo? isaga mise shacabka? shan sano kadib, haddii uu Faataxo iyo qur’aanba ka tegey muxuu xoog ku qabsadey? dhismihii ciidanka Puntland ee uu ballan qaadey xagee dhigay? ogoobeey yuu fashilka keenay in Somaliland Tukaraq qabsato maanta dusha u saareyaa?.

“….Ninka reer Puntland waxa uu keenay naftiisi, waxa uu la yimid qorigiisi, rasaastiisi anagu aanan u gadin, intaas keliya maahee wuxuu wataa arigiisi iyo geeliisi , dadka difaacaya Puntland waa kuwii aan Puntland wax nafci ah ku haysan kuwaas oo maanta u soo baxay in ay Puntland difaacaan…..” Cabdiweli Cali Gaas 19.07.2018 Brussels Tani waxay caddeyn u tahay fashilka siyaasadeed ee Dr. Cabdiweli luqunta u suran laakin u haysto in uu xamaasad uga dhigo shacabka ka soo qaybgalay xafladdii lagu soo dhaweeyey.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Puntland ayaa dhaliil u jeediyey jaaliyaddaha Puntland ee qurabaha, waxaana uu ka dalbadey dhaqaale in ay bixiyaan haddii kale aysan waxba weydiin karin.

“….. Haddii aan idin niraahdo war orda oo naga taga oo idin dhegaysan mayno, miyaanan xaq u lahayn, maadaama aydinaan wax dhaqaale ah na siin, shilin managu sheegan kartaan?, ma naqaano in aad reerihiina u dirteen? marka waxaa la rabaa adeerayaal dalku iska xoroobi maayo, dhaqaale ayey u baahan tahay, anaguna dhaqaale ma hayno…..”.

Hanjabaada Madaxweynhu u jeediyey jaaliyadaha ka qayb-galay shirka ayaa la is weydiinayaa in ay istaahilaan iyo in kale, maadaama abaabulka difaaca Puntland ay la wareegeen shacabkii iyo beelihii taas oo Madaxweynuhu qiray in aysan waxba siin oo taageerin ninka reer miyiga ah oo wata qorigiisi iyo rasaastiisi, haddaba miyaan la dhihi karin jaaliyaduhu waxay ka aamin baxeen Xukumadda Puntland ee maamushey Musuq-maasuqii u weynaa ee abid Puntland ka dhaca, horey uma dhicin in Puntland la siiyo $15milyan oo dollar oo wada socota oo ka timid shirkadda lagu wareejiyey Dekadda Boosaaso taas oo inta laga ogyahay ay tahay $3.5Milyan dollar oo keliya oo gashey Garoonka Gen. Maxamed Abshir iyo Waddada Ceeldaahir-Ceergaabo, lacagtaas oo aan lagu soo darin xisaab xirkii sanadkii 2017, isla markaana lagu shubey bangiyo gaar loo lee yahay.

Khudbada Madaxweynaha iyo dhaliisha uu u jeediyey qurbajoogta ee in aysan ka qayb-qaadaan difaaca iyo xoreynta gobolka Sool ayaa u muuqata waxa loo yaqaan “The Shakedown” ee ay ku dhaqmaan Maafiyad oo ah “Bixi lacagta haddii kale……”

Shacabka Puntland waxay u dulqaateen in muddo 11 bilood ah aan Puntland wax Mushahar ah laga bixin, waxay indhaha ka qarsadeen dhaqaalihii lagu bixiyey heshiiska dekadda Boosaaso in aan lagu bixin wixii shirkadda heshiiska lala galay ugu talo gashey ee ay ku dhacdey jeebab gaar ah, Shacabku way isku tashadeen in ay difaacaan sharaftooda, jiritaankooda, shacabku ma qaadan karo Gaas oo ku fashilmey hoggaamintii Puntland, difaaceedi iyo dhismihi cidanka in uu sheegto guushooda, waxaana la is weydiin gabadhii gaarida ahayd ee qurxooneyd guurkii u danbeeyey waxay ka dheeftey.

W/Q: Hussein Farah
Horseed Media

Micheal Keating oo cida uu mustaqbalka dalka Somalia gacanta ugu jiro shaaciyey

Muqdisho-(Caasimada Online) – Wakiilka Gaarka  ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire  Michael Keating oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Arrimo badan oo ku saabsan Xaaladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay ku socota Waddo wanaagsan,islamarkaana loo baahan yahay in laga taageero sidii loo dhisi lahaa kaabayaasha dhaqaallaha ee Soomaaliya.

Keating ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin kaalin walba oo Soomaaliya ay ku gaari karto isku filnaan.

Danjire Keating ayaa  tilmaamay in maanta la jooggo xilli ay isku filaan laheyd Soomaaliya, loona baahan yahay  in aysan cidna wax ka sugin.

Wakiilka ayaa hadalkaan ka jeediyay Madal ay soo qaban qaabiyeen Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ, loogana hadlayey sida warfaafinta uga qeyb-qaadan karto baahinta dowladda wanaagga.

Michael Keating ayaa aad u ammaanay qodobka 18aad ee dastuurka KMG ah oo ka hadalaya  Xorriyadda Ra’yiga iyo Afkaarta, qodobkaas oo ka hadlaya.

Xorriyatul qoolka waxaa ka mid, xorriyadda hadalka, saxaafadda iyo wax walba oo soo gelaya warbaahinta elektaroonikada iyo internet-ka.

Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu muujiyo hal’abuurkiisa faneed. xorriyaddiisa aqooneed iyo xorriyadda cilmi-baarista.

Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu yeesho, soo bandhigo ra’yigiisa iyo in uu doono, inuu helo oo gudbiyo ra’yigiisa, xog ama afkaar si kastaba.

“Soomaaliya waxaan leeyahay cidna wax ha ku sugin waxa ay rabtaba ahaatee sidda, amni, dhaqaale iyo wax kalaba Mustaqbalka Soomaaliya Waxaa uu Ku Jiraa Gacanta Soomaalida” ayuu yiri Micheal Keating.

Dhinaca kale, dadkii goobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa Cabdiraxmaan Diinaari oo ah weriye hore iyo safiir isaga oo yiri” Waa Laga Soo Gudbay xiliyadii la dili jiray weriyeyaasha, UNkana waa inay dhaqaale ahaan taageeraan, oo weliba tababr siiyaan”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

La taliyihii hore ee Jeneraal Saacid oo laga yaabo in xil sarre loo magacaabo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in laga yaabo in maalmaha soo aadan xil sarre loo magacaabo Shariif Sheikh Amiin, oo ah shaqsi aqoon durugsan u leh howlaha ammaanka.

Shariif Sheikh Amiin oo horay Lataliye ugu soo noqday Taliyihii hore ee Ciidamada Booliiska Soomaaliya General Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid).

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in laga yaabo in Mudane Shariif Sheikh Amiin loo magacaabo xilka Lataliyaha Ammaanka ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo sidoo kale ay jiraan warar hoose oo sheegaya in loo dhiibi karo xilka Taliyaha Booliska Soomaaliya.

Shariif Sheikh Amiin ayaa ah shaqsi aqoon durugsan u leh Howlaha Ammaanka, isagoo dhowr xil oo dhanka ammaanka ah kasoo qabtay dalka Mareykanka.

Mudane Shariif Amiin ayaa ula muuqda Madaxda Sarre ee Dowladda Dhexe, midka dalka ka saari kara xaaladaha isku qasan ee dhanka ammaanka.

Hoos ka daawo warbixin kooban oo ku saabsan taariikhda iyo aqoonta uu dhanka ammaanka u leeyahay Shariif Sheikh Amiin.

Xog: Taliyayaasha amniga DF Somalia oo isbedel lagu sameynayo + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog gara ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeyesa in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu wado qorsho uu xilka uga qaadayo Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaran Xuseen Cismaan Xuseen.

Qorshaha socda ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in xil ka qaadis lagu sameyn doono Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Janaraal C/Wali Jaamac Xuseen (Gorod).

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Taliyaha Hay’adda NISA Xuseen Cismaan lagu bedeli doono Wasiirkii hore ee Amniga dowladii Xasan Sheekh Mr Khaliif Axmed Ereg.

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Janaraal Gorod, ayaa waxaa isna lagu wadaa in lagu bedeli doono Taliyihii hore ee ciidamada Xooga dalka Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe.

Sidoo kale, waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray Khiliif Erag iyo Indha-qarshe oo bilihii ugu danbeeyay ahaa dibadjoog, waxaana jira warar hoose oo sheegaya inuu u yeeray Madaxweyne Farmaajo ahna Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida.

Sidoo kale, Seddexdii bil ee lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacaayay dilal iyo Qaraxyo kala duwan oo hoos u dhigay miisanka dowlada Somalia oo markii hore ahaa mid aad u sareeyay.

Si dhab ah looma oga in Madaxweyne Farmaajo uu dhaqan galin doono qorshahaani iyo inuu dib uga laaban doono waxaana xusid mudan in iminka uu bilaabay latashiga beelaha Hawiye.

XOG: Kulan aflagaado ku dhamaaday oo dhex maray beesha Waceysle iyo Xaaf

Londan (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo Odayaal Dhaqameed u dhashay Beesha waceeysle ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada London Ee Dalka Ingariiska waxaa uu kusoo dhamaaday Natiijo La’aan waxaana ay ku kala Tageen Caay iyo Aflagaado.

Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa u sheegay Jaaliyadda Waceeysle ee London Ku sugan in ay Yihiin Dad dhimtay islamarkaana ayna Xitaa u qalmin kasii mid ahaanshiyaha Maamulka Galmdug Maadaama aysan laheeyn Dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo muuqda islamarkaana Xildhibaanadoodu ay u Hiiliyeen Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulkaasi Maxamed Xaashi Carabeey Iyo Gudoomiye Cali gacal casir.

Waxgaradkii ka qeeyb-gaalayay Kullan ayaa iska istaagay iyagoo u sheegay Xaaf in aysan dhanka Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulkaasi Maxamed Xaashi Carabeey Iyo Gudoomiye Cali gacal casir Taageerayaan islamarkaana aysan Aqbali doonin kulan kale oo ay yeeshaan Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf

Beesha Waceeysle ayaa Kol Hore Ku dhawaaqday in ay ka Baxday Maamulka Galmudug Ka dib Kullan dhowr bil ka hor ka dhacay Cadaado.

Madaxweyne Xaaf ayaa khilaaf muddo soo jiray uu kala dhaxeeyaa madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka inkastoo dhawaan la shaaciyey in heshiis laga gaaray arrintaas iyadoo aan la caddeyn waxa lagu heshiiyey.

Maamulka Galmudug ayaa noqday mid fadhiisad ah mana uusan qaban wax shaqo ah tan iyo markii la abuuray.

Maamulka Galmudug ayaa tan iyo markii la dhisay ku jiray Khilaaf iyo loolan u dhaxeeyo madaxda ugu sareyso.

Galmudug ayaa hadda Caasimad looga dhigay Dhuusa Mareeb sida uu qabo Dastuurka Maamulkaas kadib muddo Cadaado loogu shaqeeyey si kumeel gaar ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Fashil ku yimid siyaasada SOMALILAND ee arrimaha dibedda, sida la shaaciyey

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Dr Sacad Cali Shire,waxayna si adag uga jawaabeen eedo uu Golayaasha Sharci dejinta uu u soo jeediyey, iyagoo xusay in Siyaasadii Arrimaha Dibaddu uu dib u dhac balaadhani ku yimid.

Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ah Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiiladu ayaa ugu horeyn, wuxuu tilmaamay in Siyaasadii Arrimaha Dibaddu ay noqotay fadhiid, isla markaana laga leexday dariiqii saxda ahaa, waxaanu tilmamaay inay Golaha uga yeedhi doonaan Wasiir Sacad.

Waxa uu yidhi “Anigu Guddoomiyihii Guddida Arrimaha Dibadda, ayaan ahay, Guddida Arrimaha Dibadda ee Wakiilada iyo Wasaaradda Arrimaha Dibaddu wey wada shaqeeyaan, mar haddii aanu nahay Guddidana dad badan baa na weydiiya oo nagu yidhaahda isma soo tarayaan Arrimihii Dibadda ee maxa dhacay, arintaasina wey jirtaa oo ma dafirayo, ee waa wax isa soo tarayey, laakiin maxa sababay ayaa muhiim ah, waa wax isa soo taraayey oo soo socday, waxaana sabab u ah Siyaasadeenii hore ee soo jirtay, ee Arrimaha Dibadda, oo khaldanayd, dariiq khaldan bay haysay, intii hore Dawladda Somaliya awood daradeeda ayeynu ka faa’iidaysanay, oo aynu meelahaas carcaranaynay, laakiin imika Somaliya Dawladnimadeedii wey soo koraysaa, wax badan bay gacanta ku qabanaysaa, dabadeedna albaabo badan iyo meel badan bay doonaysaa inay inaga xidho, qoladii hore ee joogtay iyo qoladana waa sii kala jaad, oo kuwii hore waxay ahaayeen niman doonaya inaynu heshiino, ama wax wada yeelano, ama si wanaagsan u kala tagno, qoladana waa reer xamar yar yar oo dunidu siday tahay waxba ka garanaynin, waxayna ka helayaan anigaa Madaxweyne ah anigaa Madaxweyne ku xigeen ah”.

Xildhibaan Kijaandhe mar uu ka hadlaayey Shirarka loo qabto Somaliya ee Somaliland qaadacdo, ayaa yidhi  “Waxaan leeyahay Sacad yaanu waxba yaabin,Siyaasadeenii Arrimaha Dibadda ee aqoon raadsigu waa qardo jeex, Somaliya in shirarka looga yaaco may ahayn, ee waxay ahayd in lala fadhisto, oo dhinaca la qabsado, oo la yidhaahdo anaga oo aad na kala saartaan mooyaane waxba ma sameeysmayaan, Shirkii Carta waa la inooga yeedhay, Shirar kale waa la inooga yeedhay, maalintii aanay awooda lahayn haddii aynu qabsan lahayn, maanta arinkeenu halkaas muu soo gaadheen, dadkii yidhi Somaliya cidna kala hadli mayno waa muqadas, waa siyaasad khaldan, waa inaynu cid walba kala hadalnaa qadiyadeena, waa in Shirarka muhiimka ah aynu tagnaa, ee Somaliya arimaheeda lagaga hadlayo, waxba yaanu Sacad Barlamaankiisa ku soo noqonin, ee isaga laftiisu waa anbad, bari hore ayaanu ku nidhi sidan waxba ku iman mayaan ee wax ka bedel, oo dib aynu ugu noqono Siyaasadeena arrimaha dibadda”.

Mar uu ka hadlaayey Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa yidhi “Xukuumadda waxaan leeyahay, Muuse waxaan leeyahay Sacad waxaan leeyahay aynu isku nimaadno, oo aynu dib u eegno Siyaasadeena Arrimaha Dibadda, oo shaqeyn mayso oo waa madhalays, ee waxba yaanu Sacad Barlamaanka ku soo meeraysanin, kuna gafin, isaga ayaa lacagtii haya, anagu lacag ma hayno, Baarlamaanku lacag ma hayo, Sacad laba milyan baa loo dhiiba, oo lacag ka badan baa Ictiraafka loogu dhiibaa, jeebka dambe ayuu ku haystaa, qaar uu adeer u yahay iyo macalimiin bari hore wax u dhigi jiray ayuu yidhaahda wax qor qora, cidna waxba kama siiyo, Siyaasada Arrimaha Dibaddu wey khaldan tahay, dariiq khaldan bay haysaa, waa in inaga Shirarka la inooga yaaca, waa in la yidhaahda maxay Somaliland u imanaysaa, laakiin inagii baa fursad siinaynaa, Sacad Cali Shirena, Golaha ayaanu uga yeedhi doonaa”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog, ayaa isna dhankiisa dhaliilo u soo jeediyey Wasiir Sacad, waxaanu xusay in Wasiir Sacad loo dhiibin Wasaaraddii ku haboonayd, waxaanu yidhi  “Marka hore Ixtiraam badan baan u hayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacad Cali Shire, laakiin Wasaaradda Arrimaha Dibaddu maaha Wasaaraddii ku haboonayd, ee Sacad Cali Sihre waxaa ku haboonayd in loo dhiibo Wasaaradda Qorsheynta ama Wasaaradda Ganacsiga,maxa yeelay 2010, markii Dawaladdii Kulmiye, ay qabsatay dalka, Wasiirkii ugu horeeyey ee Arrimaha Dibadda ee Maxamed Cabdilaahi Cumar, ee aanu dhaliili jirnay, ayaaba dhaamay oo odhan jiray meeqaam sare ayaa lanagu qaabilay, dhaq-dhaqaaq buu sameeyey, fashilaada iyo dib u dhaca ku timid Wasaaraddiisa yaanu  waxba Sacad kula soo galgalan Barlamaanka, anagu xaq baanu u leenahay, in aanu dhaliilno, in aanu toosino, in aanu wax u sheegno, Dawladii UDUB, ee Dawladii Kulmiye xilka kala wareegtay, markii ay joogtay wuu soo uraayeyy Aqoonsigu, wuu soo ifaayey, waanu soo bidhaamayey, Dawladdaas UDUB, ee ay iskaga dambeeyeen ALLE ha u naxariiste Maxamed Xaaji Ibraahim CIgaal iyo Daahir Rayaale Kaahin, waxa go’aan lagu gaadhay in aan la hor fadhiisan Somaliya, oo haba yaraate aan waxba lala wadaagin, Wadankuna uu qabooba, oo waxba la inama siin jirin, Deeqna Caalamku inamuu siin jirin, haddana dadku wey noolaayeen, oo dabkay shidanayeen, ilaa markii dambe la gaadhay Daahir dabadii daba lama shidan, oo qaybo ka mid ah dalkii waxa loo xidhay Ajaanib, ama Dekad ha la siiyo ama Saldhig ha la siiyo, wax alaale waxaynu weydaarsanayna ma jiraan, Sacad Cali Shire ama ha ka galgasho ama yaanu ka galgalinine, wuxuu ku suntan yahay ninkii dhaxal wareejiyey Berbera, inuu dilaalay Dekadii Berbera DP World, reer Berberi ilaabi mayaan, barigii aanu ku jirnay dooda Dekadda, waxaanu ku cel-celin jirnay DP World waxba inoo qaban mayse, sidii ay u soo xidhay Dekadaha la tartamaya ee mandaqada, ayuun bay tana u xidhaysaa, saddex sanno ayey ku dhaw dahay markii ay Dekadda la wareegtay, waxay tidhi wax baan balaadhinayaa, may balaadhin, Berbera Corridoor, waxaa lagu soo daray dhammaan mashaariicihii iyo heshiisyadii kala duwanaa, ee ay ku qaateen xaqul qalinka, ee uu afkiisa ka qirtay Sacad Cali Shire, ee uu yidhi xaqul qalin ayaanu qaadanay, anaguna barigii Barlamaanka ee dooda lagu jiray waxaan idhi Xaqul qalinka macnihiisu waa laalush, 15 milyan ayey wadankii dhammaa siisteen, waxaana leeyahay Sacadaw falaadhi gilgilasho kagama go’do, waxaanad ku sun tahay ninka albaabada u soo xidhay Siyaasadii Arrimaha Dibadda Somaliland, ee ceebtaada waxba ha kula soo galgalan Golayaasha Sharci-dejinta, anagu xeerar baanu dajina, adigana waanu kugu ilaalinaa, wakhtigii UDUB, Basaboorka Somaliland waxaanu ku tagnay dalal badan sida Ghana, Tansaaniya, Ruwaanda,Kenya, Uganda iyo wadamo badan oo kale, wufuuda Xildhibaadu wey is weydaarsan jireen, Jendayi Frazer (Sarakaaladii Maraykanka u qaabilsanayd Afrika) ayaa dalka timid, oo taariikh ahayd, Midawga Afrika ayaa qoray warbixin ah inay Somaliland istaahisho in la aqoonsado, laakiin maanta waxaanu maraynaa meel aad u liidata”.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog, ayaa wax aad loola yaabo ku tilmaamay in Barlaaman, aan ahayn Barlamaanka Somaliland, ay ku shiraan dalka gudihiisa, gaar ahaan Magaalada Laascanood, waxa kale kale oo uu Madaxweynaha ugu baaqay inuu saami qaybsiga uu ka badheedho, isla markaana wax haboon aanay ahayn in Madaxweynuhu uu Golaha u soo gudbiyo in Doorashada lagu galo sidii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected] 

Madaxweyne Farmaajo oo qorshe cusub ka damacsan isgoysyada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – War gaar ah oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu amar ku bixiyay in dhamaan Isgoosyada Muqdisho lagu wareejiyo ciidamada Militeriga.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo uu amarkaasi duldhigay Taliyaha ciidamada Militeriga iyadoo sugida amniga magaalada Muqdisho ay banaan joog ka noqon doonaan ciidamada Xasilinta.

Ciidamada ugu badan ee ka tirsan Militeriga ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee caawa lagu wareejin doono Isgoosyada iyaga oo looga danbeyn doono wixii khuseeya amniga Muqdisho.

Taliyayaasha Ciidamada xasilinta ee laga raray wadooyinka ayaa si hoose uga amarqaadan jiray Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre.

Saraakiisha Ciidamada Xasilinta ayaa loo heystaa kiisaska dhowr weerar oo ka dhacay magaalada Muqdisho, waxa uuna qorshuhu yahay in xalka amni ee magaalada Muqdisho lagu tijaabiyo ciidamada Militeriga, gaar ahaan qeybta cusub ee la yiraahdo October.

Sidoo kale, ciidamada laga raray wadooynka iyo kuwa la filaayo in lagu daadiyo isgoosyada Muqdisho ayaa khilaaf hoosaad ka dhex abuuray Madaxda ugu sareysa dalka maadaama Hay’adaha khuseeya amniga gudaha ciidamadooda laga qaaday wadooyinka.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Muqdisho ayaa marti galineysa xaalado amni darro oo isugu jirta dilal ay geystaan ciidamada iyo Qaraxyo tuhunbadan dhaliyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Keating: Waa kala fog yihiin waxay Somaliland fileyso iyo taan anagu dooneyno

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa ka hadlay suuragalnimada inay isku soo dhawaadan dowlada Somalia iyo maamulka Somaliland.

Michael Keating, waxa uu sheegay adduunka oo idil inuu ka simanyahay inaan la kala jarin Somalia, balse si wada jira looga shaqeeyo midnimadooda.

Waxa uu tilmaamay in QM aysan ka suuroobeynin inay u ololeyso go’itaanka Somaliland isaga oo carab dhabay in go’aanka QM ee midnimada Somalia ay dhowr jeer gaarsiiyen Somaliland.

“Qorshaha waxa uu yahay in laga fogaado wixii ka fog midnimada Somalia, waxaa lama huraan ku ah Soomaalida inay xal u helaan khilaafkooda oo ay ka shaqeeyan midnimada, waxa uu go’aanku yahay keliya in lamideeyo Somalia”

“Somalia iyo Somaliland wey isaga dhowyihiin sidii hore waxaan dooneynaa keliya in la dardar galiyo wadahadalada si loogaaro xalka aan fileyno”

Michael Keating, waxa uu sheegay in wadada keliya ee Somalia u furan ay tahay inay xal ka gaaran khilaafka fogaaday, waxa uuna meesha ka saaray iney jirto rajo muujineysa in Somaliland lagu taageero gooni isku tag.

“Adduunku waxa uu ku dhiiranayaa inay midooban oo tuulooyin leysku bedelo, Somaliland-na waxa ay hamineysaa gooni isku tag, taasi ma suuroobi karto waxaanu dooneynaa Somalia oo nabad ah”

Sidoo kale, Michael Keating, ayaa dowlada Somalia ugu baaqay inay xal degdeg ah u raadiso tabashooyinka Somaliland, waxa uuna cadeeyay in QM ay kaalin weyn ka qaadan doonto xal u helida muran Siyaasadeedka taagan.

Haddalka Michael Keating, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo dhawaan Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ballanqaaday xal u raadinta tabashooyinka Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sooyaalka Faysal Cali iyo la kulanka madaxda Somalia + Waxyaabihii ka dhashay

23-kii Feberweri 2012-ka ayaa magaalada London lagu qabtay shir ballaadhan oo lagu soo-jeediyay in ay Somaliland iyo Soomaaliya wada hadlaan. Waxa ay labada dhinac magacaabeen guddi u qaabbilsan wada-hadalka. Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ergadiisa ku daray xubno ka soo jeeda Somaliland, qodobkaas oo la saluugay ayaa hakad-geliyay ambaqaadkii wada-xaajoodka.

27-kii Abril 2012-ka ayuu Eng Faysal CaliWaraabe magaalada Dubai kula kulmay Madaxweynihii Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, waxaanu Shariifku aqbalay in uu dadka Somaliland ka soo jeeda ka reebo guddida wada-hadalka. Waagaas ma arkin cid dhibsata kulanka Faysal iyo Shariif. Ugu yaraan waxa madashaas lagu af-jaray is-diiddo u dhexaysay labadii xukuumadood ee talada hayay.

11-kii Mey 2013-ka ayuu Faysal Cali-Waraabe carriga Ingiriiska kula kulmay Madaxweynihii Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan. Waxa uu Faysal kulankaas ku sheegay bariido. In ay lahaayeen xaflado ka dhacaya goobo isu dhaw oo uu sidaas awgeed ugu leexday markii loo yeedhay ayuu caddeeyay. Falkaasi wuxuu sababay in ay kala fogaadaan Xukuumaddii Siilaanyo iyo Faysal.

Waxyaabaha uu sababay waxa ka mid ahaa:

1. In wasiirro iyo masuuliyiin badani dhaleecayso Faysal

2. In laga reebo guddidii wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya. Walaw ay xukuumaddu oggolayd in cid UCID ahi raacdo, Faysal ayaa diiday in uu xubin kale u xulo kaalinta laga saaray

3. Wuxuu Faysal ka mid noqday Golaha Wadatashiga iyo Toosinta oo lagu qoonsaday magaca “Gole”, guddida diiwaan-gelinta ururrada iyo ansixinta xisbiyadu waxa ay UCID ugu baaqeen in tallaabo laga qaado Faysal. Aniga oo markaas Golaha Dhexe ee UCID ka mid ahaa, rag ayaa waagaas soo jeediyay in Faysal shir degdeg ah xilka lagaga qaado, xukuumadda/guddiga diiwaan-gelinta iyo maxkamadduna way ansixin lahaayeen kollay. Laakiin laguma raacin. Kanshadii ugu maangalsanayd ee guddoonka UCID lagu afgemiyi lahaa ayay ahayd.

4. Si gaar ah waxa ay hadallo taagtaagani u dhex mareen Wasiirkii Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo uu Faysal ku tilmaamay Raiisal-wasaare

Is-fahanka xukuumaddii Siilaanyo iyo Faysal waxa uu soo laabtay Nofember 2015-ka. Akhriste, malee waxa isu soo dhaweeyay labada dhinac ee dabka cas kala bixinayay?

Kulanka 18kii Juun 2018ka Dr Cali Khaliif Galaydh, Engineer Faysal Cali-Waraabe iyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Farmaajo) ku dhex maray Beljimka waxa aan is leeyahay waxa lagu soo qaaday:

1. Sidii loo amba-qaadi lahaa wada-hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya oo buray markii ay Soomaaliya fulin weyday heshiisyo lagu galay Turkiga 2013 iyo Jabuuti 2014. Sida qaraarkii la isku af-gartay ee samaynta guddi dhex ah oo hawada maamusha, fadhigooduna Hargeysa yahay iyo in aan la siyaasadayn wixii mashaariicda horumarinta. Way adag tahay in waanwaanta la curiyo iyada oo goaannadii horeba noqdeen hal bacaad lagu lisay.

2. In la isu kaashado deminta colaadda Tukaraq ee Somaliland iyo Puntland (Soomaaliya). Hawshani waxa ay ka go’daa Dr Cabdiweli Maxamed Cali-gaas.

3. In Soomaaliya ka laabato isku-daygeedii weecinta qaadhaanka caalamku siiyo Soomaalilaand

4. Eng Faysal Cali-Waraabe iyo Dr Cali Khaliif Galaydh oo beryahan meelo Jarmalku ka mid yahay u maray wax loogu yeedhi karo “dilaallid siyaasadeed” waa ay codsadeen ama xantoobsadeen wixii Eebbe ka siiyay ama uga qoray Soomaaliya iyo Caalamka.

5. Dawladda Soomaaliya waxa ay heshay fursad ay dunida ugu muujiso in shir iyaga u gaar ah ay dhex fadhiyaan Guddoomiyaha Xisbi qaran oo Somaliland ka dhisan iyo Madaxweynaha Khaatumo oo heshiis aan dhammayn (incomplete agreement) kula jira Somaliland. Waa madal ay DFS ku muujin karaan in Somaliland ku qaybsan tahay sii-waditaanka hadalka, aragtida midnimada iyo danaha ay Muqdisho ka leedahay soo-celinta isu-taggii labadii gobol ee midoobay 1960kii.

Mudane Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya xaflad lagu lafa-guray heshiiska lala galay DP World ee marsada Berbera oo 8dii Sebtember 2016ka lagu qabtay Hargeysa ayaa yidhi “Wax lacag ah ma aannu soo qaadin. Imakaba ha noo soo shaxaad tegina. Dad moodaya in wax na loo soo dhiibay ayaa taleefanno nagu wareeriyay”. Waxa qosol raftay Muhannad Xaashi Cabdi oo madasha joogay. Imakaba yaan Guddoomiyaha UCID iyo Dr Cali Khaliif Galaydh wax duunyo ah la weydiinnin.

Saddexdaas madar (shir) ee aan faalleeyay ma gef baa mise waa gar?. Waxa aragtidaas falanqayn doona xeeldheereyaasha aqoonta u leh sharciga. Kollayba gobannimada Somaliland waxa aan u arkaa mid ka weyn wax ay qof ama kooxi majare-habaabiyaan, duwaan, leexiyaan ama ku takri-falaan.

W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Shirakadaha ganacsiga iyo dadka kee u xaq leh biyaha Maraykanka? (Warbixin)

Biyahu waxay ka mid yihiin xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah ee ay tahay inuu qof walba haysto laakiin haddii aad tahay Maraykan nasiib ayaa leedahay haddiiba aad ku hesho qiimo aad ku iibsan karto.
Arrintaan waxaa laga yaabaa inay qariib kula noqoto, inay kula noqonaysana waa sababta aan u jeclaystay inaan kula wadaago. Sidee waddanka dunida ugu hormarsan xagga nolasha, dhaqaalaha, ciidan iyo ilbaxnimada sheegtana inuu yahay aabbaha dunida xorta ah ay suuragal ku tahay in dadkiisu biyo la’aan hayso? Dhabta ayaa ah in nolosha quruxda badan ee aan aragno yaysan wada haysan ree Maraykan, qaar badan oo ka mid ah haddaysanba ahayn intooda badan ay ku noolyihiin nolol xuquuq la’aan. Waxaan halkaan idinkula wadaagi hal tusaale oo ku saabsan sida loola dhaqmo dadka saboolka ah ee Maraykan ku nool iyo cidda leh awoodda dalka.
Flint waa magaalo ku taal gobal Mishigaan. Dadka saboolka ah ee daggan dagmadaas ayaa lagu qasbay inay isticmaalaan biyaha caagadaysan ee suuqayada lagu iibiyo. Dhammaan waxyabaha ay biyuhu daruuriga u yihiin sida cunta kariska, cabbidda, iyo xataa qubayska ayay noqotay inay u istcmaalaan biyaha sajalka ah ee qaaliga ah. Waxay rumaysanyihiin in biyaha ka socdo tuubbooyinkooda ay astaahilaan falaashka musqusha wax kasoo harayna aan loo isricmaali karin.

Dhibka biyaha dagmadas ayaa bilowday sanadki 2014ki ka dib markii halka ay biyaha ka heli jireen lagu baddalay isticmaalka biyaha wabiga maro Flint. Hasa ahaate wabigaan ayaa ahaa sanado badan meel lagu qubo wasaqda ka timaado warshadaha ku yaal gobalka oo dhan taasoo sababtay in dhammaan biyihiisu noqdaan kuwa sumaysan. Marki ay muddo aad u yar isticmaalayeen biyaha wabiga, dadka deegaanku waxaa soo wajahay xanuunno ay ka mid yihiin kuwa maqaarka ku dhaco. Sidoo kale, rag iyo dumarba waxaa ku bilowday timo-jaran ka dib marki ay ku mayrteen biyaha ka yimaado wabiga. Dhibka ugu daranse waxaa yimid markii dumarki billaabeen inay dhiciyaan. Caddadka dhiciska ayaa kor u kacay 58% muddo kooban. (FG: biyaha guryaha tuubooyin ayaa keeno ee isha ay ka yimaadaan ayaa wabiga ah).

Dhibkaan ayaa isla markiiba soo jiitay indhaha madaxda Marayka. Waxaa markiba booqday madaxweynihi markaas talada hayay Barrak Obama iyo Hilary Clinton. Sidoo kale waxaa dagmada iska xaadiriyay jilayaal caan ah oo uu ka mid yahay Will Smith. Masuuliyiintaan ayaa muujiyay inay garab taaganyihiin dadka deegaan waxayna ku deeqeen kumannaan liitar biyo caagadaysan ah inta xal loo helayo oo ula muuqatay maalmo. Dadaalki iyo garab istaagi ay muujiyeen masuulyiintaas waxba kama baddalin dhibki haystay ree Flint.

Afar sano ka dib marki guryaha loo galiyay biyo sumaysan, dadka deegaan ayaa wali ku tiirsan biyo caagadaysan oo aad ugu qaali ah. Sanadki 2017ki amar kasoo baxay maxkamad ka dib, maamulka gobal ayaa sheegay inay u qoondeeyay $97 milyan oo doolar oo biyo caagadaysan ay ugu iibin doonaan 18000 qoys ilaa sanadka 2020ka. Hasa ahaatee 12000 oo dadkaas ka mid ah biyahaas waxba kama gaarin. Wax yar ka dibna maamulka gobalka ayaa joojiyay bixinta biyahii uu ballan qaaday isagoo ku dooday in tayada biyaha guryaha ku jiro la hagaajiyay.

Hasa yeeshee khubarada caafimaadka ayaa isku raacay inaan biyahaan la cabbin karin. Waxaa la xajiiyay inay 886 jeer ka tayo hooseeyaan heerki laga rabay biyaha nadiifka. Dhaqaatiirta aya sheegtay in caruurta cabto ama ku korto biyahaan ay wajahayaan caafimaad darro kala duwan sida maskax hoosayso, dug-la’aan iyo fadaqnimo, marar badan ay suuragal noqon karto inay sababaan dhaawac maskaxda ah oo keeno curyaanimo abid ah.

Ma biyo la’aan ayaa jirto maxaa dadka sunta loogu qasbayaa? Maya xaqiiqdi. Masaafo u jirto labo saac inta loo socdo dagmadaas, waxaa ku yaal il qulqusho oo laga dhaliyo biyaha caagadaysan laakiin waxay u xiran tahay shirkad ganacsi oo cid kale ma cabbi karto. Shirkadda Nestle ayaa ishaas ka burqiso malaayiin liitar oo biyo maalin walba. In ka badan boqol kun oo jeer celceliska biyaha uu u baahanyahay qoyska daga Flint, ayay shirkaddaas ku iibisaa hal doolar oo kaliya.

Waxaa kaaga daran gobalku lacag kama helo biyaha dadkiisu ka baqtiyeen. Shirkaddu sanadki oo dhan waxay gobalka siiyaa labo boqol oo doolar kaliya. Hadda waa labo boqon oo kaliya. Waa lacag u dhiganto biilka biyaha ee uu bixiyo qoyska daggan Flinta saddexdi biloodba. Sanadki 2016ki biyaha ay shirakddu iibisay ayaa ku istagay $7.4 bilyan oo doolar.

Waxaa xusid mudan in  isla sanadkaas shirkaddu codsatay in loo kordhiyo caddadka biyaha ay dhurato 60% taasoo maamulka gobalkuna aqbalay halka dadka deegaanka lagu qasbahayay biyo sumaysan oo wasaq ah.

Dhibkaan gooni kuma aha dagmada Flint ee waa mid ku baahsan dalka Maraykanka oo dhan. Baaritaan ay samaysay wakaaladda wararka ee Reuters sanadki 2016ki ayay ku heshay in ilaa 3000 oo dagmo iyo tuullyin ah ay biyahoodu sumaysanyihiin qaarkoodna kasii liitaan kuwa Flint.

Waxaa laga yaabaa inaad la yaabbantahay waxa keenay in dadkaan sidaan loola dhaqmo. Jawaabta aya ah in Maraykanka nolosha ka jirto dadka kala gaysay. Tayada noloshaada waxaa go’aaminayo qabiilka aad ka dhalatay iyo maalka aad leedahay. Dhammaan dadka ay hayso dhibka biyaha waa madow ama hisbaanic. Sidoo kale waa dad dhaqaale hooseeyo oo ay dowladdu kabto.

Ilmaha dugta beelayo maahan canug cad. Midka fadaqa noqonayo ee noloshiisa xabsiga ku dhammaysan doono ama la dili doono isagoo yar maahan canug caddaan ah. Hablaha ilmihu kasoo dhacayaan iyo hooyinka timuhu ka buubeen biyahaas dartood maahan kuwa caddaan ah. Sidaas darteed sharciyada xuuqul insaanka, caddaaladda iyo sinnaanta Maraykanku ku faano waxay gaar u yihiin dadka cad. Obaama iyo Wil Smith inta isu tageen waa keeni waayeen in biyaha shirakadda u xiran dadka baaba’ayo wax laga siiyo.

Ugu danbayn ujeedka aan qormadaan idiinla wadaagay ayaa ah inaan fahamno dhibaatooyinka kala duwan ee bulshooyinku dalalkooda ku qabaan. Caddaalad darrada taal dalkeenna si guud iyo midda dadkeenna qaar si gooni u haysato, waa mid aan la qabno dadyow aad u tiro badan oo qaarkood ku noolyin dal Maraykan oo kale ah. Haddii ninki madoobaa ee qabiil ahaan loo yaqaan Maraykan Madow (Black American) sidaa loola dhaqmayo maxaad mooddaa mid Soomaaliga ah ama Afrikaanka ah ee shalay tagay?

Taasi kama dhigna inaan leeyahay aan ka raali noqonno caddaalad darrada na halakaysay ee waxaan leeyahay yaysan noqon caddaaladda aan raadinayno midd Maraykanka oo kale.

Qormadaan oo ku qoran Ingriis waxaa lagu daabacay bogga Aljazeera halkaan ayaadka ka daalacan kartaa: https://www.aljazeera.com/indepth/opinion/owns-america-water-180607123435697.html

W/Q: Ibrahim Aden Shire
[email protected]
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/

Aqriso: 5 qodob oo laga soo saaray shir muhiim ah oo kusoo xirmay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka wadatashiga ee xoojinta wadashaqeynta  iyo dhammeystirka  habka mideynta canshuraha dalka oo Muqdisho laba maalmood uga socday, wasiirka maaliyadda xukuumadda FS iyo Wasiirada Maaliyadda Gawlad Goboleedyada ayaa dhammaadkiisa laga soo saaray war murtiyeed ku aadan waxyaabahii la isla meel dhigay, waxaana ka mid ahaa.

1-In madasha wasiiradda maaliyada ee dalka ay ahmiyad gaar ah siiyaan habsami usocodka hawlaha guddiga si looga miro dhaliyo hadafka mideynta Maamulka Maaliyada ee dalka.

2-In la mideeyo sharuucada caanshuraha  iyo siyaasadooda guud kaaso ka soo bilaabanaya golayaasha dowlad goballeedyada ka hor inta aan la horgeynin  golayaasha Dowladda waana inuu waafaqaa sharuucda maaliyadeed ee dowlad goballeedyada.

3-In shir deg deg ah wasiiradu ay isugu yimaadaan bisha Augost dhexdeeda si looga arrinsado qodobada ku jira sharciga canshuuraha.

4-In la casiriyeeyo dhammaan maamulka iyo maaraynta canshuuraha (Automation of Inland Revenue).

5-In la dhiso xubno loo tababaro arrimaha la xiriira furdooyinka, kuwaasoo   noqonaya 12-xubnood oo min 2-xubnood uga kala imaanaya dawlad goboleedyada iyo Dawladda Federaalka.

Ku simaha guddoomiyaha Gobalka Benaadir ahna Gudomiyaha ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur ayaa shegaay in ka gobal ahaan ay aad uu soo dhawenayaan in la mideyo canshuuraha dalka si loo gaaro nidaam Maaliyadeed oo daah furan, islamarkaana samaynaya kobac dhaqaale.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle  ayaa shegaay iney  diyaar u yihiin dhammeystirka mideynta caanshuraha dalka, taasoo horumarineysa nidaamka dhaqaale ee dalka.

Kullan xasaasi ah oo dhex maray beesha Mudullood iyo madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa bilaabay qaabilaada iyo la kulanka Odayaasha iyo duubabka dhaqanka ee beelaha, waxaana uu xalay la kulmay Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Beesha Muddullood.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay odayaasha iyo waxgaradka ku qaabilay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo maalmo ka hor uu guuray, isla markaana u raray howl maalmeedkiisa shaqo.

Kulanka ayaa la sheegay in looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaalada dalka, arrimaha nabadgelyada Muqdisho, xiriirka dowladda iyo odayaasha dhaqanka iyo arrimo kale iyadoo kulankaasi uu ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo dhowaan uu u guuray Madaxweynaha.

Qaar ka mida odayaasha shirkaasi ka qeyb galay ayaa sheegay inuu madaxweynuhu qaabilay isagoo Dareyska ciidamada ku lebisan, isla markaana uu isagu dalbaday inuu la kulmo. balse kulanku uu ahaa mid looga hadlay arrimo gaara oo quseeya madaxweynaha iyo beesha.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta kulamada isbarbar socda ay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha u raadinayeen inay la yeeshaan Beesha Muddulood, taasoo dhalisay shaki ah inuusan xiriirkooda sidii hore ahayn.

Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa ahaa mid albaabada u xirnaa, iyadoo aan wax war ah laga soo saarin, hase ahaatee qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay inay isku afgarteen dhamaan waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu maalmaha soo socda kulamo la yeelan doono odayaasha iyo waxgaradka beelaha kale oo ay ugu horeyso Beesha Habar Gidir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaa ka jira inuu khilaaf soo kala dhex galay Kheyre iyo madaxweyne Farmaajo?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Baraha Bulshada iyo qaar kamid ah websiteyada ku hadla Afka Soomaaliga ayaa lagu qoray inuu jiro Khilaaf u dhaxeeyo Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre.

Shabakadda Caasimadda Online ayaa arrintaas dabagal ku sameystay waxaana xiriir toos ah la sameynay xafiisyada labada Mas’uul.

Sida ay noo kala xaqiijiyeen xubno ka kala tirsan labada Xafiis ilaa hadda ma jiro Khilaaf u dhaxeeyo Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha.

Inkastoo labada Mas’uul ay ka dhaxeyso shaqo isla markaasna lagu kala duwanaan karo waxyaabaha qaar haddana ma jiro ilaa hadda sida aan xogta ku helnay Khilaaf gaaray Mooshin.

Baraha Bulshada ayaa qoray inuu Madaxweyne Farmaajo ku amray Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre inuu xilkiisa iska casilo kadib markii ay is khilaafsan, mana aheyn ilaa hadda wax arrintaas xaqiijin karo.

Baraha Bulshada ayaa lagu qoray inay labada Mas’uul isku qabteen xil ka qaadistii lagu sameeyey Taliye xigeenadii Nabadsugidda iyo xilal kale oo dad Mas’uuliyiin ah laga qaaday.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horey u ballan qaaday inaysan is khilaafi doonin isaga iyo Ra’isulwasaaraha uu magacaabo, wuxuuna Kheyre ku tilmaamay inuu yahay nin shaqadiisa kasoo bixi karo dalkana anfici karo.

Wixii warar ah ee arrintaan kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawiro: Beelaha Hawiye oo maanta caleemo saartay afhayeen cusub, Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiin, Odayaal dhaqameed, Culumo, aqoonyahanno iyo Haween ayaa kasoo qeybgalay xaflad ka dhacday magaaladda Muqdisho oo afhayeenka odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye loogu caleema saarayay Nabadoon Cabdinuur Nabadoon Axmed Diiriye oo ah wiil uu dhalay Alle ha u naxariistee Nabadoon Axmed Diiriye oo afar bilood ka hor geeriyooday.

Senator Cabdi dhuxulow dhegdheer oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay ay muhiim tahay in la xoojiyo kaalinta dhaqanka ee beelaha Hawiye, waxa uuna u hambalyeeyay afhayeenka cusub.

Axmed Cabdi kaahiye (qoorqoor) wasiiru dowlaha howlaha guud oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay door muhiim ah kasoo qaateen odayaasha dhaqanka walina ay lagama maarmaan tahay in dowladnimada ay doorkooda ka qaataan.

Qoorqoor ayaa intaas ku daray in uu si fiican u yaqaano afhayeenka cusub waxa uuna kula dardaarmay in uu si fiican ula shaqeeyo qeybaha kala duwan ee dadka uu matalo, isaga oo intaas ku daray in xukuumadda federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay dhageysato fariimaha dhaqanka Soomaaliyeed.

Siyaasi Salaad Cali Jeele, Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale, Guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, Guddoomiye Cadde Gaabow, ugaasyo iyo odayaal dhaqan oo xafladda ka hadlaya ayaa dhammaantood hambalyeeyay afhayeenka cusub ee beelaha Hawiye.

Guddoomiyaha Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa isna soodhaweeyay afhayeenka cusub waxa uuna ballanqaaday in ay si wanaagsan u wada shaqeyn doonaan.

Nabadoon Cabdinuur Nabadoon Axmed Diiye oo ugu dambeyn ka hadlay munaasabadda ayaa ka codsaday dhammaan odayaasha dhaqanka ee Hawiye in ay ku garab galaan xilka cusub ee loo caleema saaray maanta.

Xildhibaanada kasoo qeybgalay munaasabadda waxaa ka mid ahaa, Xildhibaana Mahad Salaad, Xildhibaana Maxamuud Abuukaate, Xildhibaan Saabir Shuuriye, Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi, Senator Cabdi dhuxulow dhegdheer iyo Senator Yuusuf Geele Ugaas.

Muqdisho: Nin Darawal ah oo maanta loo dilay lacag dhan 5 kun shiling Somali

Muqdisho (Caasmadda Online) – Barqanimadii Maanta ayaa waxaa Darawal mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha lagu dilay Suuqa degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Busteejada Gaadiidka laga raro.

Dilka ayaa yimid ka dib markii ninka la dilay uu u diiday Askariga in uu siiyo lacag uu weydiistay.

Waxaa la sheegay ninka ku labisnaa dharka Ciidamada in uu weydiistay ninka dhintay shan kun oo shilin Soomaali ah,islamarkaana uu u diiday.

Askariga oo ka carooday lacagta ninkaasi uu waydiistay oo uu siin waayay ayaa la sheegay inuu xabad ku dhuftay darawalkii waday gaariga, kadibna uu halkaasi  ku geeriyooday.

Ninkii xirnaa dharka Ciidanka falkaasi dilka ah gaystay ayaa ka baxsaday goobtii uu dilka ka gaystay, waxaana goobta hadda gaaray ciidamo Boolis ah oo ka tagay Saldhiga Booliska Kaaraan.

“Askariga Shan kun oo Shiling Somali ah ayuu u dilay wiilka waana ka naxnay arrintaasi, sababtoo ah Shan kun maanta wax la isku dilo ma’ahan walaahi ninkiina wuu baxsaday ciidamo Boolis ah ayaa hadda gaaray meesha.” Ayuu yiri qof arkaayay meesha dilka uu ka dhacay.

Meydka ayaa waxaa la geeyey Saldhiga Booliska degmada Kaaraan,waxana Wararka aan helnay ay sheegayaan in askarigii dilka geystay uu goobta ka baxsadey.

Ma aha wax Cusub in Muqdisho Darawalada Gaadiidka Dadweynaha iyo Mooto Bajaajta lagu dilo,waxana ilaa iyo hadda jirin cid Maxkamad loo soo taagay dilalkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Nin sheegtay Nebinnimo oo jirdil & xabsi la isugu daray markuu ku fashilmay soo nooleynta qof dhintay

Limu (Caasimadda Online) – Xaalad lama filaan ah ayaa qabsatay nin Kirishtaan ah oo dalka Itoobiya magaalo ku taallo ka sheegtay inuu yahay Nebi, markii uu ku fashilmay inuu soo nooleeyo qof dhintay sida uu sheegtay, kadibna si xun loo dilay oo haddana xabsi la dhigay.

Sheekadan ayaa ka dhacday degmada Limu ee galbeedka Itoobiya, halkaasoo uu ku dhintay Nin la yirahdo Belay Biftu Isniinti lasoo dhaafay, markii uu shil galay. Laakiin Qoyski ninka dhintay oo tacsi u fadhiya ayaa waxaa goobtii tacsida ka kacay nin sheegtay inuu Nebi yahay oo uu soo Nooleynayo ninka afar maalmood ka hor dhintay.

marki reerki Belay uu ka dhaadhiciyey inuu wiilkooda soo kicinayo waxaa la wada aaday qabuuraha dadka diinta kirishtanka aaminsan lagu aaso oo uu ninka ku aasnaaa. Ninkan nabinimada sheeganayo oo lagu magacaabo Geta Yawqal wuxuu amar ku bixiyey in qabriga Balay lagu aasay la soo faago si uu howshiisa uu u wato.

Meydka marka la soo saaray ayuu marar badan ku dhawaaqay “Belay Kac” isaga oo sanduuqa uu meydka ku jira marna ku seexanayey marna ku foorarsanayey.

Ugu dambeynti, ninki nabinimada sheeganayey ee lahaa waxbaan soo nooleyn wuu daalay sida uu u qeylinayey aakhirkina wuxuu yiri “waxba lama sameyn karo”, markiba wuxuu isku dayay inuu goobti ka dhaqaaqo waxaase ninkan waxa uu sameeynayey si weyn uga war sugayey qoyska ninka dhintay gacan qaad ayaana halki ka dhacay

Markiba goobti waxaa yimid boolis warka la gaarsiiyey ninki beenaalaha ahaa oosida loo garaacayey in la dilo qarka u saaraan ayay ka soo gaareen, Booliska degmada limu ayaana ninki hadda gacanta ku haya.

Ninkanna shaqadiisu rasmiga ah waxaa la ogaaday inuu yahay xirfadle caafimaad oo ka shaqeeyea xafiiska caafimaadka degmada.

Muuqaal ficilka ninkan laga duubay oo baraha bulshada la geliyeyna waxay noqotay mid sii weyn loo hadal hayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Taliyaha booliska Somalia iyo Keating oo Gaalkacyo tagay maanta + Ujeedka

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Bashir Cabdi Maxamed ayaa goor dhow gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Wafdiga ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating iyo Xubno kale,waxana gaalkacyo kusoo dhaweeyey masuuliyiin ka kala tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Booqashada Taliyaha ayaa lasheegayaa in ay  la xiriirta u kuur gelida xaalada ammaanka magaalada iyo barnaamijka isku dhafka ciidamada sugaya ammaanka magaalada, kaasoo ay taageereyso Qaramada Midoobey.

Wafdiga taliyaha Boolisk  iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxa ay booqan doonaan Xerada ay ku sugan yihiin Ciidamada isku dhafka ee loogu talo galay sugida amniga Gaalkacyo iyo Xarumo kale.

Sidoo kale waxa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Maamulka Magalada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland,qeybaha kala duwan ee Bulshada Magalada Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muran ka taagan shaqo ka fadhiisinta MAAREEYAHA hay’ada duuulista ee DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaaya shaqo ka fadhiisin July 10, 2018  lagu sameeyay maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle).

Wararka soo baxaaya ayaa sheegaya in shaqo ka fadhiisinta maareeyaha ay khilaaf ka dhex abuurtay Madaxtooyada Somalia oo ku kala aragti duwan go’aanka shaqada looga fadhiisiyay maareeyaha.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa aad u dhaliilsan go’aanka Yuusuf Jaalle looga fadhiisiyay shaqada, halka Ra’isul wasaare Kheyre iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Oomaar oo go’aankan qaatay ay ku qaaxeen tallaabo sax ah.

Madaxweynuhu waxa uu ilaa iyo iminka amrayaa in dib loo fasaxo shaqada maareeye Yuusuf Jaalle oo dhawaan la hakiyay.

Madaxtooyadu waxa ay wali ku murunsan tahay shaqo ka fadhiisinta Yuusuf Jaalle, taa oo sababtay in xitaa hakat uu ku imaado qorsho ay Madaxtooyada ku dooneysay isbedel dhanka shaqada ah oo lagu sameeyo xafiisyo dhowr ah.

Shaqo ka joojinta ayaa waxaa isla waday Ra’isul wasaare Kheyre iyo Wasiir Oomaar oo mas’uulkaani ku eedeeyay inuu ka gaabiyay howsha loo igmaday, iyadoo ay horay u jirtay dacwado badan oo ka imaanayay maareeyaha.

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre iyo Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa dib uga arinsanaaya shaqo ka fadhiisinta maareeyaha waxaana suuragal ah in dib loogu fasaxo shaqadiisa, sida uu iminka yahay qorshaha socda.

Madaxwaynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa April 26, 2017 magacaabay maareeyaha guud ee hay’adda saadaasha iyo duulista hawada Soomaaliya.

Dhinaca kale, mas’uuliyiin sidaa oo kale ku waayay xilalkooda ayaa horay muran uga dhex abuuray madaxda ugu sareysa ee dalka, waxa ayna tani sii xoojineysaa muranadii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dowladda Soomaaliya oo soo saartay qoraal jawaab u ah hadalkii IMAARAADKA

Muqdisho (Caasimada Online) -vDowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal jawaab u ah hadalkii kasoo baxay safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Midowga Yurub oo dhowaan ka qeyb-galay shirkii Soomaalida ee magaalada Brussels.

Safiirkaas oo lagu magacaabo Mohamed Essa Bu Shehab Al Suwaidi, ayaa sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta ay ka go’an tahay dhowrista midnimada iyo madaxbannaanida dalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Waxaan xuseynaa oo aan soo dhoweyneynaa ka qeyb-galkii Imaraadka Carabta ee shirkaas iyo hadalkii ka dambeeyey ee ahaa inay dhowrayaan midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya”.

“Waxaan Imaaraadka la wadaagaynaa sida ay uga go’an tahay dhisidda nabadda iyo barwaaqada gobolka. Dowladda federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweneysaa baahi kasta oo loo qabo in lasii dheereeyo ajandahan muhiimka ah”

Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa xiriirkoodu aad u xumaaday wixii ka dambeeyey markii bishii June ee sanaddii 2017 ay billaabatay xiisadda khaliijka, oo dowladda Soomaaliya ay diiday inay la safato isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, kana noqotay dhex-dhexaad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

IMAARAATKA iyo Qatar oo damacsan go’aan ceeb ku ah maamul goboleedyada

Sida lagu daabacay Website-ka Tactical Report ee ka faallooda arrimaha Sirdoonnada, wadanka yar ee Qatar waxaa laga qaadi doonaa Go’doomintii lagu hayay intii mudda ah, ayyadoo Amiirka Qatar uu arintaa dhaafsaday in uu taageero hishiiska(صفقة القرن) dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba.

Sida warku leeyahay, waxaa dhawaan lagu wadaa in ay wada kulmaan amiirka Qatar, dhaxalsugaha Sucuudiga, dhaxalsugaha Imaaraatka iyo Trump ayadoo lagaba yaabo in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu qaado Go’doominta Qatar.

Hishiiskii qarniga  صفقة القرن waa hishiis shan geesood ah oo udhexeeya dalalka Imaaraatka, Sucuudigu, Masar, Israel iyo maraykanka waxaana sida lasheegay lagu hishiiyay in Qudus ay noqoto Caasimadda Yuhuudda, sidoo kalena reer Falastiin ay yeeshaan dawlad yar oo aan lahayn ciidan. Waxaana amiirka Qatar loo ballan qaaday in laga qaado cunaqabataynta saaran dalkiisa hadii uu taageero hishiiskaas.

Arintaan waxay kusoo aadaysa waqti ay dawladda dhexe iyo maamul goboleedyadu Ku kala fogaadeen mawqifkii ay dawladda dhexe ka qaadatay khilaafka khaliijka. Hadii ay hishiiyaan dalalka khaliijku waxay waji gabax Ku noqon doontaa madaxdii iyo siyaasiyiintii Soomaalida ee lasaftay isbahaysiga Sucuudiga iyo Imaaraatka maadaama ay ukala hiiliyeen dad wada dhashay oo mar kastaba dib uhishiin karay , waxaysa guul utahay dawladda dhexe oo ayyadu mawqif dhexdhexaad ah ka qaadatay khilaafkaas.

W/Q: Sacad Cabduqadir Awmagan