25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Banaanbax maanta ka socda Xamar iyo sababta keentay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa goordhow Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ka biloowday Banaanbax,kaas oo ay dhigayaan boqolaal Shacab Ah oo ka careysan dilka ka dhacay halkaasi.

Banaanbaxan ayaa yimid kadib markii maanta kaaraan lagu dilay mid kamid ah darawala wadda gaadiidka ka shaqeeya Muqdisho,iyadoona la sheegay in loo dilay darawalka saddex kun oo shilin soomaali ah markii uu diiday in uu dhiibo.

Dilka ayaa yimid ka dib markii ninka la dilay uu u diiday Askariga in uu siiyo lacag uu weydiistay.

Waxaa la sheegay ninka ku labisnaa dharka Ciidamada in uu weydiistay ninka dhintay shan kun oo shilin Soomaali ah,islamarkaana uu u diiday.

Askariga oo ka carooday lacagta ninkaasi uu waydiistay oo uu siin waayay ayaa la sheegay inuu xabad ku dhuftay darawalkii waday gaariga, kadibna uu halkaasi  ku geeriyooday.

Ninkii xirnaa dharka Ciidanka falkaasi dilka ah gaystay ayaa ka baxsaday goobtii uu dilka ka gaystay, waxaana goobta hadda gaaray ciidamo Boolis ah oo ka tagay Saldhiga Booliska Kaaraan.

“Askariga Shan kun oo Shiling Somali ah ayuu u dilay wiilka waana ka naxnay arrintaasi, sababtoo ah Shan kun maanta wax la isku dilo ma’ahan walaahi ninkiina wuu baxsaday ciidamo Boolis ah ayaa hadda gaaray meesha.” Ayuu yiri qof arkaayay meesha dilka uu ka dhacay.

Meydka Askariga ayaa waxaa la geeyey Saldhiga Booliska degmada Kaaraan,waxana Wararka aan helnay ay sheegayaan in askarigii dilka geystay uu goobta ka baxsadey.

Ma aha wax Cusub in Muqdisho Darawalada Gaadiidka Dadweynaha iyo Mooto Bajaajta lagu dilo,waxana ilaa iyo hadda jirin cid Maxkamad loo soo taagay dilalkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kadib heshiiskii Ethiopia & Eritrea, Jabuuti oo walaac qabta xaalna ku xun yahay

Jabuuti (Caasimada Online) – Dawladda Djibouti  ayaa u muuqata inay jaho-wareer siyaasadeed ka qaatay heshiiska nabadeed ee dhex maray wadamada Itoobiya iyo Ereteriya.

Djibouti iyo Ereteriya waxa ka dhaxaysa colaad xuduuda ah oo ay ciidamo isku horfadhiyaan, si la mid ah sidii ay Itoobiya iyo Ereteriya uga dhaxaysay colaadda dhinaca xuduudka Badame. Djibouti ayaa ah dalka 95% ka faa’iiday colaadda Ereteriya iyo Itoobiya, maadaama oo Itoobiya oo aan dekedo lahayni ay ganacsigeeda u wareejisay Djibouti.

Dawladda Jabuuti ayaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ka codsatay in uu gacan ka geysto sidii muranka xudduuda ee kala dhaxeeya dalka Eritrea loo soo afjari lahaa.

Safiirka Jabuuti u fadhiya Qaramada Midoobay Maxamed Siyaad Ducaale ayaa warqad u qoray xoghayaha guud, wuxuuna ku sheegay in laga shaqeeyo heshiis labada dhinacba u cuntami karo oo lagu dhameeyo colaadda u dhaxaysay labada dal, waxaanu sheegay in Jabuuti ay doorbideyso in arrinka la hordhigo garsoor caalami ah si ay go’aan uga gaaraan.

Jabuuti ayaa Eritrea ku eedeysay in ay ciidamadeeda si sharci darro ah ku qabsadeen buuraha Dumeeyra isla markii ciidamadii nabad illaalinta ee Qatar ka socday ay ka baxeen halkaas sanadkii hore. Waxa kale oo ay Jabuuti sheeganaysaa in wali laga haysto maxaabiis dagaal oo aanan meelna lagu sheegin. Ma jiro wax war ah oo ay Ereteriya ka soo saartay dalabka dawladda Djibouti.

Geesta kale warbaahinta Indian Ocean News, ayaa shalay baahisay in wasiirka arrimaha dibadda Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf uu u diray safiirada Djibouti u fadhiya dunida oo ay wakaaladu aragtay ay ka ayaa wax aka muuqda jaho-wareerka Djibouti ku dhacay. ION waxay sheegtay in Djibouti u muuqato inay ka xumaatay dalabka uu Rayslwasaaraha Itoobiya ka dalbaday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee ah in cuno-qabataynta laga qaado Ereteriya, iyadoo aanay Itoobiya kaba fikirin saamaynta xun ee ay arrintaasi ku yeelanayso Djibouti.

Sida ay ION qortay wasiirka khaarajiga Djibouti waxa kale oo uu warqadas ku weeraray dawladda Imaaraadka Carabta, gaar ahaan Sheekh Maxamed Bin Zayid Al Nahyan oo ah dhaxal sugaha leh boqortooyada Abu Dhabi, waxaanu dalka UAE ku tilmaamay “Garabka hubaysan iyo maalgeliyaha istaraatijiyadda maamulka cusub ee Maraykanka”, waxaanu wasiirku ku andacoonayaa in dhaxalsugaha Abu Dhabi, Maxamed bin Saayid Al-Nahyaan, uu ballanqaaday balaayiin doolar oo ah maalgashi iyo raasamaal uu dhiganayo bangiyada Itoobiya, taas beddelkeedana Itoobiya ka rabo in ay gacan saaxiibtinimo u fidiso Ereteriya.

Wasiir Yuusuf, waxa kale oo uu cambaareeyay mucaaradka reer Djibouti ee FRUD Arme oo ah mucaarad ka soo jeeda qoomiyada Canfarta ee Djibouti oo uu saldhigoodu yahay dalka Ereteriya. Wuxuu dawladda Itoobiya sida ay warbaahintani qortay ugu cadeeyay mawqkfa Djibouti, “Sidaa awgeed waxa uu si cad oo aanu madow ku jirin, ugu soo jeedinayaa Itoobiya” ayay tidhi wakaaladu, “mawqifkayaga iyo sida aanaan ugu faraxsanayn’”

Ugu dambayn sida qoraalka lagu sheegay wuxuu wasiirku warqadiisa uu u diray safiirada Djibouti ee dunida ku tilmaamay in Ereteriya halis gelin karto khayraadka dabiiciga ah ee Gaasta ee ay Itoobiya dhawaan ka soo saartay kililka shanaad ee Soomaalida Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
[email protected] 

Awoodda hay’adda NISA iyo sida DF Soomaaliya ay ugu cayaartay (Warbixin)

Ha’yadaha sirdoonka uu Dal kastaa leeyahay waa meesha uugu saraysa ee qaabilsan Amniga, dabagalka iyo la socoshada falal kasta oo Dalkaas lid ku ah, marrarka qaybtood waxa ay dabagal ku samaynaysaa madaxda dalka uugu sareeya kuwaas oo ay markaas uuga shakido arimo lid ku ah jiritaanka iyo ummadda uu markaas xilka u hayo,
Waa ha’yad ka madax bannaan is bedelkasta oo ka dhaca dalka waana meel lugu kaydiyo dhacdooyinka taarikhaha waddanka ay masuulka ka tahay si loo xifdiyo loona ilaaliyo xogta wixii hore loo fashiliyay iyo kuwa laga shakiqaboba.
Ha’yadda leh Darajadan iyo maqaamkan muhiimka ah waxaa lagama maarmaan ah markasta Dadka hoggaanka u haya in ay yihiin dad xirfad iyo waddaniyad ku dheehantahay taas oo ka madax bannaan Nin jeclaysi iyo yaa kuu dhow oo aad ku Aamintaa,
Haddi intaas aan sheegay ay dhacaan waxaa meesha ka baxaya Darajadii ay lahayd ha’yaddu iyo weliba shaqadii saxda ahayd ee ay u magacaabnayd waxayna isu bedelaysaa meel aan dhaamin Talisyada saldhigyada xafaadaha looga arimiyo.
NISA oo  ku magacaaban sida aynu oganhay hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda Soomaaliya, maanta waxa ay noqotay meel aan waxba dhaamin saldhig xaafadeed aan awood lahayn, bal u fiirso ha’yadda ma dhicin in loo magacaabo qof gaadhsiisan khibrad intaas le’eg kaas oo damaanad qaadaya kaydinta xogaha la helo iyo raadinta xogaha lidka ku ah dalka, waxaa dhacda marmar in shakhsiyaad la soo magacaabo kuwaas oo ah kuwo Dan ay ka leeyihiin Dadka markaas xilka uugu sareeya ee dalka haya dantaas oo aan ahayn mid maslaxadi uugu jirto ummadda Soomaaliyeed balse dan shakhsi u gaar ah ay tahay.
Waanu ogsoonnahay in Dalku uu galay Burbur baahsan kaas saamayn ku yeeshay darajadii ha’yadda iyo weliba khibraddi xogeed ee ay mar kaas helijirtay, waxad moodda manta oo ay waajib ahayd meesha uugu muhiimsan ee xoogga la saaro in ay ahayd ha’yadda sirdoonka in laga gaabiyay,
Waxa aynu aragnaa Dabagallada ay samayso ha’yaddu oo aan laga gun-gaadhayn xogtii laga gun-gaadhana aan lugu dhaqaaqayn xalinteeda, waxa aynu aragnaa xil ka qaadista badan ee ka socda madaxda sirdoonka kuwaas oo aan bedelkoodu ku imanayn khibrad iyo yaa hoggaanka u haynkara ha’yaddan waana sababta keentay taasi in ay dhaliso is dhex-yaaca ka jira NISA
W/Q: Cumar Rodol
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Mid ka mid ah safaaradaha Soomaaliya ee caalamka oo ay shacabka dhisayaan

Lusaka (Caasimada Online) – Jaaliyadda soomaalida ee ku nool dalka Zambia ayaa dhabarka u ritay mas’uuliyadda dhismaha safaaradda Soomaaliya ee magaalada Lusaka, taasoo uu ka codsaday ra’iisul wasaare Khayre.

Arrintaas ayaa timid ka dib markii ay kulan yeesheen xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee dalkaas iyo ra’iisul wasaaraha.

“Dhismaha safaaradda waxay ahayd hawl hore noogu qorshaysnayd ka jaaliyad ahaan, isla arrintii ayuuna nagu sii dhiirri galiyey, innaguna waan ka ballanqaadnay” ayuu yiri Maxamuud Maxamed Hiiraan oo ka mid ah madaxda jaaliyadda oo isagoo jooga magaalada Ndola u warramayey BBC.

“Tan iyo 1965kii ayaan waddankan degganayn, waan ku tala galnay in aan hawshaas galno oo aan safaaradda dhisno, haddii dawladda ay nala galayso hawshaas dhismaha safaaraddana waan soo dhoweynaynaa” ayuu sii raaciyey.

Adeegga safaaradda ayuu sheegay in aysan dhibaato ku qabin, dhinac qunsuliyadeed iyo midda waaxda socdaalka.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre wuxuu uga mahad celiyey Soomaalida ku nool Zambia inay leeyihiin hal jaaliyad.

Soomaalida waddankaas ku nool ayaa u badan dad ganacsato, waxaana ku yar dadka qaxootiga ah, marka la barbar dhigo dalalka Afrikada bari.

Isha: BBC Somali

Muuse Biixi oo shaaciyey go’aan la xiriira deeqaha ay ka helaan dunida oo DF ay dooneyso in lasoo mariyo

Hargeysa (Caasimada Online) –Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaaqay go’aan la xiriira deeqaha maamulkiisa caalamka uu ka helo, xilli ay dowladda Soomaaliya isku dayeyso in ayada lasoo mariyo deeqahaas.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in aanay qaadanayn deeqaha caalamku siiyo Somaliland haddii cid kale loo soo mariyo, ayna ka door bidi doonaan inaysan waxba helin.

Muuse Biixi ayaa yidhi; “Deeq iyo adduun siisan mayno gobonnimadayada iyo rabitaanka dadkayaga, waxaana aanu go’aansannay inaanu dawlad gaar ah oo madax bannaan noqonno, Yurub iyo Maraykan baa lacag qaybinaysa nooma taallo haddaan annaga toos naloo siinaynin, ma qaadanayno sandareero  cid noo soo marta, waayo wax lacag ka badan baanu u hurnay gobonnimada iyo dalkayaga”.

Hadalka Muuse Biixi ayaa imaanaya iyada oo dhowaan dalka Belgium-ka lagu soo gabo gabeeyay Madasha Caalamiga ah ee Soomaaliya kaasi oo looga hadlayay Siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha waxaa ka qeyb-galay wakiillo ka socday Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected] 

Ujeedada Gaas ee dagaalka Takuraq oo la ogaaday iyo xiisad ka dhallan doonta

Garoowe (Caasimadda Online) –Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa abaabulay dagaalka lagu qaaday Takuraq ee lala galay Maamulka Somaliland.

Dad badan ayaa is waydiinayey sababta keentay dagaalka lagu qaaday Takuraq iyadoo loo diyaar garoobayo doorasho sanadka 2019 ka dhacdo Puntland.

Cabdiweli Gaas iyo ku xigeenkiisa Camey ayaa wado qorsho cajiib ah oo ay ku doonayaan  inay waqti dheeri ah ku darsadaan isla markaasna dib loo dhigo doorashada.

Labadaan Mas’uul ayaa ku heshiiyey in dadka Puntland iyo siyaasiyiinta xil doonka ah lagu mashquuliyo dagaalkaas isla markaasna Baarlamaanka  la horgeeyo inaan la qaban karin doorasho madaama ay Puntland ku jirto xiisad dagaal.

Sidaas ayaana amar lagu siiyey ciidamada Puntland oo weerar ku qaaday Takuraq waxaana muuqato inaan weli laga gaarin wax guul ah taasoo ah ujeedada Gaas uu ka leeyahay dagalkaas.

Gaas iyo saaxiibadiis ayaa doonayo inay ku darsadaan ilaa 2 sano xukunka taasoo u muuqato inaysan suurtageli karin maadaama uu loolan adag kala kulmayo musharixiin badan oo u hanqal taagayo inay qabtaan xilkaas.

Cabdiweli Gaas ayaa horey u sheegay inuusan xilkaan mar kale usoo tartami doonin balse waxaa hadda muuqato damac weyn oo uga jiro inuu kusii fadhiyo xilka madaxweynimo ee maamulka Puntland.

Musharixiinta Puntland ee isku diyaarinayo doorashada ayaa horey uga digay inaan dib looga dhigi karin waqtigii lagu balamay waxayna sheegeyn inay taas keeni doonto jahwareer ku dhaco maamulka.

Maamulka Somaliland ayaa horey Puntland ugu eedeysay inay dagaalkaas iyada soo qaaday isla markaasna la rabo in waqti kororsi lagu sameysto.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

15 amar oo kasoo baxay gobolka Banaadir oo aan la fulin iyo sababta keentay!!

Muqdisho (Caasimadda Online) –Gobolka Banaadir waxaa uu mar walbo soo rogaa amarro, laakin intooda badan waxaa adag in ay fulaan sababo la xiriira maamul xumo iyo istiratiijiyad la’aan, amarkii lo’da looga mamnuucay jidadka Xamar oo dhaqan-geli waayey ayaa ugu dambeeyay!

Amarradan oo  intooda badan ku saabsan qaabka nolosha dadka reer Muqdisho, waxaa la iska soo saaraa iyada oo aan la gelin wadatashi, lagu sameyn wax daraasad ah, taasi ayaana keentay inay guul-dareystaan, oo weliba loo arko wax lagu qoslo!!

Haddaba, Akhriso, Sooyaalka Amarro Ay Soo Rogeen Gobolka Banaadir Oo Guul-dareystay.

December 4, 2013: Gobolka Banaadir ayaa amray in la dhiso guryaha burbursan“Muddo sadax bil ayay haystaan dadka iska leh guryaha ku yaalla laga bilaabo saldhiga degmada Xamar Weyne ilaa Hotelkii Curuba, iyo dhanka bankiga dhexe ee dalka, marka waxaan leeyahay hala dhisto dhismayaasha bur bursan” sidaa waxaa yiri xogheyaha guud ee gobolka Banaadir, 5 sano kadib guryihii waa sidoodii!

October 16, 2015: Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir & Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Muungaab ayaa amray in la bixiyo canshuurta gurayaha, isaga oo ku hanjabay in ciddii diida talaabo laga qaadi-doono, November isla sanadkaas Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani) oo jagadaas isna kolkaas hayey ayaa wuxuu muujiyay inaanan waxba laga bedelin lacagihii canshuuraha, ee Maamulkii Muungaab uu ku soo rogay guryaha ku yaala Magaalada Muqdisho, Lacagta waxaa ay aheyd $100, ilaa hadda waxba lagama qaban!

January 12, 2016: Maamulka Gobolka Banaadir oo soo Saaray Amaro lagu Mamnuucayo Kawaanadda Xoolaha Lagu qalo ee Ku Yaala Gobolka banaadir. AFhayeenka Gobolka banaadir ayaa Sheegay In Kaliya La isticmaali Karo Laba Kawaan Kaliya Kuwaas oo Kala ah Kawaan Bari ee Degmada Cabdicasiis iyo kawaanka Nasiib Degmada WadaJir ee Gobolka Banaadir, arrintaas looma hoggaansamin!

January 17, 2016: Guddoomiya gobolka oo ka hadlayey barnaamijka “Aada dugsiyada” ayaa waxaa uu amar ku bixiyay in ciddii lagu arka iyada oo u dhegsanyahay boor aan afka hooyo ku qorneyn laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan, arrintaas waxaa ay noqotay mid aan fulin, oo lagu sheekeysto!

April 7, 2016: Yuusuf Xuseen Jimcaale, goddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in magaalada aanu dhex mari Karin gaari aan taarko laheyn, waxaa  April 19, 2018 ku celiyay Guddoomiye Yarisow oo kula hadlayey booliiska Iskuulka tababarka ee Jeneral Kaahiye, isaga oo amar ku bixiyay in magaalada laga mamnuucay gaadiidka summad la’aan ah ama aan taarko wadan, amarkaas waxba lagama soo qaadin!!

April 15, 2016: Waxaa la  go’aamiyay in magaca gobolka laga dhigo Benaadir, Gudoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thabit Abdi oo maalin kadib hadlayey aya sheegay inuusan magac badalin balse uu ku celiyey sidi hore ee loo isticmaalo jiray xiligii hore, ma jirto cid u hoggaansantay!

October 3, 2016: Maamulka Gobolka Banaadir Iyo Wasarada Gaadiidka Oo Amray In Gawaarida Ceymis Lagaliyo, amar kale oo November 30, isla sanadkaas soo baxay ayaa lagu joojiyay!

March 14, 2017: Shirkadaha biyaha iyo korontada waxaa la amray in aaney lacag ka qaadi Karin xeryaha barakacayaasha, arrintaas lama dhageysan!

May 9, 2017: Gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar lagu wargalinya wadayaasha gaadidka Muqdisho, kaasi oo ah in aan wadada, Laga Bilaabo KM0-KM4 lagu dhaqi karin Gawaarida, si la mid ahna aan la dhigi karin Gaadiidka, taasi dheg jalaq loola siin!

July 7, 2017: Gobolka Banaadir ayaa amray in lacag la’aan lagu geli-doono beerta nabadda, go’aan oo milkiilayaasha ku diideen, waa uu ka laabtay!

August 30, 2017: Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in lacag ay ku ganaaxi doonaan qof walbo oo gurigeeda ama xarunteeda ganacsi lagu hor arko qashin wixii ka bilawda 1-da September 2017, ilaa hadda qashinka waa sidiisii!

October 30, 2017: Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray Wareegto uu ku mamnuucayo in Booyadaha aysan magaalada gudaheeda ku socon karin 7-da subaxnimo ilaa iyo Sideeda Fiidnimo iyo in Gaadiid xamuulka qaada aysan rari karin tan ka badan culeyska gaariga, maadaama rarka xad dhaafka uu dhibaato ku yahay Shacabka iyo gaadiidka jidadka la wadaagaya, ganaaxa waxaa laga dhigay Toban Milyan oo Shilin Soomaali ah (10,000,000), laga fulin!

June 14, 2018: Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa amray in la banneeyo goobaha danta guud oo ay ku jiraan darjiinooyinka, isaga oo July 3, baabi’iyay dhammaan heshiisyadii ay la galeen maamulladii isaga ka horeeyay, waa jug jug meeshaada joog!

June 19, 2018: Maamulka Gobolka Banaadir Ayaa soo saaray ammar ku aaddan in la burburiyo dhismooyinka sida sharci darrada ah looga dhistay dhulalka hantida guud ee ku yaalla gobolka Banaadir!

July 3, 2018: Duqa Muqdisho ayaa amar uu soo saaray  03-da July 2018 ku faray dadka xoolahooda magaalada ku soo dhex daaya, gaar ahaan lo’da inay xafidtaan xoolahooda, isaga oo siiyay 2 todobaad, lo’da weli waa buuxdaa jidadka!

Dadka Muqdisho, ma fuliyaan ammarada gobolka Banaadir, waxaana muuqato kalsooni-darro iyo wada shaqeyn la’aan labada dhinac ah, taasi si looga gudbo, waa in gobolka Banaadir la yimaado Istiraatiijiyad maamulka lagu daadejinayo, oo la dhisayo gole deegaan, arrintaas oo wax weyn ka tari-doonta fulinta amarada gobolka iyo inay bulshada helaan adeeggii ay u baahnaayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

War cusub oo kasoo baxay arrimaha xajka sanadkan iyo heshiis ay dan ugu jirto SHACABKA oo la gaaray

Muqdisho (Caasimadda Online) – War cusub oo ku saabsan arrinta xajka ayaa soo baxay taasoo farxad gelin doonto dhammaan dadkii sanadkaan rabay inay xajiyeen kuwaas oo ku jiray xaalad hubanti la’aan ah.

Waxaa gababao ku dhow Dagaalkii ka dhashay xajka sanadkan kadib markii dowladda Somalia iyo shirkadda Jubba Airways ay isku qabteen leynka xajka, taasoo keentay hubanti la’aan ku saabsan xajkii Soomaalida ee sanadkan inuu baaqdo.

Dowladda Soomaaliya oo wafdi u dirtay Sacuudiga ayaa wadahadal la yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradda Xajka Sacuudiga, waxaana la sheegay inay isla meel dhigeen sidii xajka sanadkan lagu aadi lahaa.

Dowladda Sacuudiga ayaa dalbatay in qoraal rasmi ah uu soo diro Ra’iisal wasaaraha, iyadoo la soo xiriiray Xasan Cali Kheyre, waxayna u caddeeyeen inay ku wareereen qoraallada faraha badan ee uga yimid wasaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya.

Waxaa rajo beel ku dhacday Shirkadaha Diyaaradaha ee Freedom Airline, Ocean Airlines iyo East Africa kuwaas oo rabay inay ka qeyb qaataan daabulka Xujeyda sanadkan, kadib markii ay u suurageli weyday inay buuxiyeen dhammaan shuruudihii laga rabay diyaaradaha xujeyda geeya Sacuudiga.

Jubba Airways ayaa qaaday Baasabooradii xujeyda si ay fiisooyin loogu soo saaro, waxaana lagu wadaa inay dhowaan shirkadda Daallo ay iyaduna qaado Baasaboorada, waxayna sanadkan u muuqataa inay labadaasi shirkadood ku ekaan doonto qaadista xujeyda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadka dambe rajo ka qabta inay gebi ahaan la wareegto arrimaha xajka, waxaan dagaalkii xajka ee dowladda iyo Jubba sanadkan ku dhammaaday iyadoo ay guushu raacday Jubba, balse dowladda ayaa sheegtay in wixii ka billowda sanadkan dambe ay ayada maamulu doono xajka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkaan dadaal dheer ku bixisay sidii ay ula wareegi laheyd Xajka waxaana arrintaas ka dhalatay muran badan oo keenay in xilkii laga qaado Wasiirkii Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Waxay hadda u muuqataa inay howsha soo dhamaatay isla markaasna ay Soomaalida sanadkaan u suurtageli doonto inay aadaan xajka kadib maalmo badan oo la murugeysnaa.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Warbixin: R/W Abiy Ahmed oo damacsan tallaabo ka dhan ah CABDI ILEY (Aqri)

Addis Ababa (Caasimada Online) – War goordhow aan helnay ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed uu qorsheynaayo in safar maalmo qaadan doona uu ku tago magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaalida Ethiopia.

Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa la xaqiijiyay in safarkiisa uu yahay mid salka ku haya macluumaad uruurin ku aadan dhanka shaqada maamulka.

Abiy Axmed, ayaa u kuurgali doona howlaha uu qabto maamulka Soomaalida Ethiopia, waxaana xusid mudan inuu aad u dhaliilsan yahay shaqada maamulka.

Illo wareedyo ka tirsan maamulka Soomaalida ayaa inoo xaqiijiyay in Abiy Axmed uu wado qorsho isbedel loogu sameynaayo maamulka hadda jira ee uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley).

Illo wareedka ayaa intaa kusii daraya in Abiy Axmed uu doonayo in kursiga uu ka laalo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar si uu u helo kalsoonida ONLF.

Cabdi Maxamuud Cumar oo dareen ka qaba booqashada Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa dhawaan cafis ka dalbaday shacabka Soomaalida Ethiopia, isagoo xaqiijiyay inay jiraan tabashooyin badan oo aan waxba laga qaban.

Dadka Soomaalida ee ku nool magaalada Jigjiga ayaa qudhooda qaba dareen ku aadan in xil ka qaadis lagu sameynaayo Cabdi Maxamuud Cumar oo aan iminka ku taagneyn caga wanaagsan.

Sidoo kale, waxaa jira hadal heyn ku aadan in Ra’isul wasaare Abiy Axmed uu doonaayo in kursiga uu hadda ku fadhiyo Cabdi Maxamuud Cumar ku bedelo xubin ka tirsan ONLF, si dowlada Ethiopia ay jawi dagan shidaalka uga soo saarto dhulka Soomaalida oo la ciirciiraya shidaal.

Si kastaba ha ahaatee, Abiy Axmed ayaa dhowr jeer Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ku dhaliilay hakin la’aanta dagaalka Soomaalida kala dhexeeya Qowmiyada Oromada, waxaana la ogeyn sida uu xaalku noqon doono.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
[email protected]

Hadalki safiirka Imaaraatka oo caddeeyey beenta iyo 2 wajiilenimada Imaaraadka Carabta ee SOOMAALIYA

Booskii Itoobiya ee qalalaasaha iyo diblomaasiyadda gurracan ee Soomaaliya waxaa dhowaanahan galay Imaaraadka kuwaas oo bilaabay in ay si dadban iyo si toos ahba isugu dayaan in ay u majaxaabiyaan dowladnimada Soomaaliya.

Taas, waxaa ka dhashay xasarado badan oo dalka ka dhacay, eedeedana dusha loo saaray ama ay ku caddaatay Imaaraadka.

Maalinba maalinta kad dambeeysa waxaa sii xumaanayey ciilaaqaadka dowladda hadda jirta iyo Imaaraadka ilaa iyo gaadho heer lacag 10m oo dollar ku dhaw looga qabtay madaarka Aadan Cadde maalin ka hor subxii loo ballansanaa in codka kalsoonida loo qaado gudoomiyihii golaha shacabka Maxamed Shiekh Cusmaan Jawaari.

Waxa ay si toos ah cilaaqaad ula sameysaa Somaliland iyada oo ka sameysatay saldhig ciidan, dekedda Berbera kala wareegtay muddo 30 sano ah kana siisay Itoobiya saami dhan 19%.

Waxaa is xigay talloobooyin ceel dheer marba ku sii ridayey diblomaasiyadda Soomaaliya iyo Imaaraadka waxa ayna ka bexeen xarumihii ay ku tababari jireen ciidamada dowladda qaar ka mida sida xarunta General Gordon, Puntland iyo Cisbilaakii weynaa ee ay ku lahaayeen Muqdisho.

Yeelkeede, safiirka Soomaaliya u fadhiya Imaaraadka Mr. Mohamed Ahmed Osman oo ay wasaaradda arimaha dibedda u yeertay 26kii Maarso 2018 ayaa sheegay in ay ilaalinayaan madax banaanida iyo nabad galyada Soomaaliya.

Taas oo ay jirto, hadana wali Imaaraadku ma joojin farogalintii iyo ku xad gudubkii xasiloonida, siyaasadda iyo midnimada Soomaaliya.

Iyada oo ay taasi jirto, ayuu dhawaank shirkii Brussels Soomaalida loogu qabtay safiirka Imaaraadka u fadhiya Belgium-ka, dalalka Scandinavian-ka iyo midowga Yurub Mohammed Issa Al Suwaidi ku celiyey in ay dhawrayaan xasilloonida iyo mdinimada Soomaaliya!

Waxaa yaab leh in Imaaraadka ayaga oo ballan-qaadaya ilaalinta madax banaanida Soomaaliya, haddana ay si toos ah ula macaamilayaan maamullo sheegay inay yihiin dalal ka madax banaan Soomaaliya, sida Somaliland. Hadaba, soo lama oran karo dimlomaasiyadda Imaaraadka ee Soomaaliya waa mid ku dhisan laba wajiilenimo iyo been cad?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

TARSAN oo abaal-marin ku bixin doona magac cusub oo uu doonayo in loo keeno

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Mohamud Ahmed Nur Tarsan oo si dhow ula shaqeeya Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Somalia ay leedahay dhowr Madaxweyne.

Tarsan waxa uu sheegay inuusan garankarin faa’iidooyinka ku jira in shaqsi waliba uu ka shaqeeyo sida uu ku noqon lahaa Madaxweyne sii kordhinaaya cadadka kuwa hadda jira.

Isagoo tusaale usoo qaadanaayay shirka kusoo xirmay Magalada Brussels ee dalka Biljamka ayuu yiri “Qaranimada Somaaliyeed waxaa ceeb iyo fadeexo ku ah in hal shir ay lix madaxeyne oo Somaali ah ay isugu tagto oo ay ka soo wada horjestaan hal dhan.lixda madaxweyne oo uu ka dhexeyo hal calan iyo hal dal, waa wax laga yaxyaxo”.

“Waxaan rabaa in aan shacabka Soomaaliyeed weydiiyo in aan ka fekerno magac kale oon madaxweyne aheyn oo lagu qancinkaro madaxweyneyaash Dowlad Goboleedka ayada oon mansabkooda hoos loo dhigeyn, Qofkii keena magac lagu qancinkaro madaxda Dowlad Goboleedka waxuu ku guleysandoona abaal marin”.

Tarsan, waxa uu sheegay inuu aad ugu wareersan yahay halka ay Madaxda maamulada u wadaan dalka, waxa uuna arrin aad u foolxun ku sheegay in dad iskumid ah ay kala yihiin kuwo hadana kala nooc ah.

Wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay in la raadiyo magacyo kale oo lagu bedeli karo Madaxweyne Goboleed, waxa uuna cadeeyay in ujeedkiisa uu yahay in laga gudbo “Madaxweynayayaasha badan ee adduunka uu la yaabay”.

Tarsan wuxuu cadeeyay in Madaxweyne maamul Goboleedyada ay cunaha hayaan Horumarka Somalia, isagoo taasi ku sheegay inay is hortaag ku sameeyen wax waliba oo Somalia ay ku heli laheyd hal magac.

Sidoo kale, waxa uu dowlada Somalia uga digay in shirarka adduunka ay u wado Madaxda maamul Gboleedyada oo uu sheegay inuu rumeysan yahay inay yihiin kuwo qas ku ah maslaxada Somalia.

Geesta kale, waxa uu Madaxda ugu baaqay inay u naxaan Qaranimada Somalia oo ay muujiyaan xishood si Somalia ay uga kacdo halka ay iminka taagan tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Faysal Cali oo sifo aan laga fileyn ka bixiyey Farmaajo kaddib kulankii Brussels

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Eng Feysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in la kulankiisa Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ahaa mid aan sidaa loosii qorsheyn.

Feysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay inuu ahaa wanaag side isla markaana uu culeyska saaray sida Somalia iyo Somaliland ugu wada noolaan lahaayen xasilooni.

Waxa uu Feysal Cali Waraabe, tilmaamay in la kulankiisa Farmaajo ay dadka qaar u adeegsadeen dano kale, balse waxa uu meesha ka saaray inay jireen ujeedooyin u kale.

“Xaq baan u leeyahay la kulanka Farmaajo ma jirin wax ka baxsan arrimaha labada dhan oo aan kala hadlay waan la socdaa in dadka qaar ay si xun u dhigayaan kulanka”

“Waxaan dhihi karaa dadka sida xun uga faa’iideysanaa kulanka waxa ay xaasid ku yihiin shaqsiyada anigu wixii wanaagsan waan garankaraa dadaalkeyguna wuu socon doonaa”

Sidoo kale, Feysal Cali Waraabe, waxa uu carab dhabay in Farmaajo uusan aheyn sida uu ka aaminsanaa waxa uuna cadeeyay inuu leeyahay shaqsiyad wanaagsan.

Dhinaca kale, Feysal Cali Waraabe ayaa madaxda maamulka ugu baaqay inay halkaasi kasii wadan wadahadalka maadaama uu cadyahay mowqifka Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Sawirro: Amarka Farmaajo oo dhagaha laga fureystay iyo jidad cusub oo la xiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa xirtay wadooyin hor leh oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Waddooyinka la xiray ayaa dhexmara xaafadaha kuwaa oo ay isticmaali jireen Mootooyinka iyo Gaari gacanada ay wataan xoogsatada.

Waddooyinka oo lagu suray biro dhaadheer ayaa ah kuwa kasoo baxa xaafadaha oo gala laamiyada Makka Al-Mukarama iyo laamiyada kale.

Waddooyinka la xiray ayaa dhibta ugu badan waxaa kala kulma dadka shacabka iyo xoogsatada sida wadayaasha mootooyinka iyo gaari gacanada, waxa ayna talaabadaani cuuryaamisay dadka masaakiinta ah, sida ka muuqata.

Talaabadani lagu xiraayo waddooyinka ayaa waxaa leh Hay’adaha amaanka dowlada oo aan dhag jalaq usiin dhibta ay la kulmaan shacabka xilli Madaxweyne Farmaajo maalin un ka hor uu amray in la furo wadooyinka xiran.

Madaxweynaha ayaa amray muddo 48 Saacadood gudahood ah in la furo wadooyinka Muhiimka ah ee ku yaalla Muqdisho ka dib markii uu dhawaan kulan la qaatay guddiga Amniga Qaranka.

Waxaa muuqata in uusan hirgalin Amarkii Madaxweynaha ee ahaa in la furo wadooyinka xiran, si aan shacabka loo dhibaateyn.

Xiriirki loo jaray DF Somalia oo muujiyey sida madaxda maamul goboleedyada iyo wasiiradoda isaga warhayn

Wasaaradaha dowlad gobolleedyada ee kalluumeysiga ayaa dhawaan sheegay in ay xiriirka u jareen wasaaradda kalluumeysiga ee dowladda Federaal-ka ah.

Ma aha wax cusub in maamul gobolleedyada ay isku dhacaan ama is khilaafaan dowladda dhexe laakiin waxaa la yaab noqotay waxyaabha ay ku doodeen wasaaradaha maamul gobolleedada ee kalluumeysiga markan!

Muxuu salka ku hayaa khilaafka ay sheegayaan maamul gobolleedyada?

Wasiirada maamul gobolleedyada ayaa ku andacoonaya in aan laga qeybgalin shirarkii lagu meel mariyey wadaagga dakhliga ka soo xerooda rukhsad bixinta kalluumeysiga xeebaha Soomaaliya.

Ma runbaa?

Sida ku cad heshiiskii horudhaca ahaa ee ay saxiixeen dowladda Federal-ka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Benaadir 10-kii bishii Febraayo 2018 waxaa lagu heshiiyey sida loo wadaagayo dakhliga ka soo baxa bixinta rukhsadaha kalluumeysiga, heshiiskaas waxaa maamul gobolleedyada u saxiixay madaxweyneyaashooda.

Dhinaca dowladda Federal-ka ah waxaa u saxiixay R/W Xassan Cali Kheyre iyo wasiirka wasaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi.

Sidoo kale waxaa qodobka looga hadlay shirkii Brussels dhawaan loogu qabtay Soomaalida sida ku cad qodobka 50-aad ee war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkaas waxaa lagu bogaadiyey heshiiskaas dhexmaray dowladda Federaal-ka ah iyo dowladdaha xubnaha ka ah oo ay weheliso maamulka gobolka Benadir!

Hadaba, maxay ka dideen wasiirada maamul kalluumeysiga ee maamul Gobolleedyada?

Sida muuqata wasiirada waxa aysan ku qanacsaneyn heshiiska ay u saxiixeen madaxdooda oo iyaga ayaa rabay in ay saxiixaan.

Soo lama oran karo, iskama war qabaan madaxda maamul gobolleedyada. yeyna tahay in ay ku matalayaan heshiisyada ay la galayaan dowladda Federaal-ka ah?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sacad Cali Shire oo shaaca ka qaaday XOG ku cusub ictiraafka SOMALILAND

Hargeysa (Caasimada Online) –Wasiirka arrimaha dibadda maamulka Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa daboolka ka qaaday in wakiilada maamulka ay ka gaabiyeen ictiraaf raadinta Somaliland.

Wasiir Sacad oo u waramaayay HCTV ayaa sheegay in wakiilada Somaliland laga doonaayay inay la imaadan firfircooni hase yeeshee aysan muuqan dadaalkii looga fadhiyay.

Waxa uu tilmaamay inay gabeen howlihii laga sugaayay oo ahaa la xiriirida wakiilada kale ee caalamka taasina ay meesha ka saareyso inay la xisaabtamaan maamulka.

Waxa uu Wasiirku yiri “Wakiilada ma aysan noqon sida aan ka fileynay waxaan ka dooneynay ma aysan qaban waxa ayna ku mashquuleen howlo kale oo aan iyaga quseyn”

Wasiir Sacad ayaa wakiilada ku eedeeyay inay baalmareen shaqooyinkii looga fadhiyay oo aheyd in bilo gudaheeda ay ku qaadan talaabooyin xooli ah sidaa aawgeed ay ku fashilmeen dadaalkii laga filaayay.

Sidoo kale, Wasaarada arrimaha dibadda ayuu sheegay inay qaaday talaabooyin la taaban karo oo dhanka ictiraaf raadinta ah balse ay weyday wakiilo arrintaas kala shaqeeya.

Dhinaca kale, waxa uu ku baaqay in isbedel ay la imaadan wakiilada si Somaliland ay uga hanaqaado halka ay maanta taal oo ictiraaf la’aanta ah.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Maxay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay ku biirtay suuqa ganacsiga COMESA?

Dalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ku biiray suuqa xorta ee Bariga iyo Bartamaha Africa ee COMESA, waxaana shalay heshiiskaas saxiixay Ra’isulwasaare Xassan Cali Kheyre.

Sida lagu soo daabacay bogga rasmiga ah ee Ra’isulwasaaraha, saxiixa waxa uu shalay ka dhacay magaalada Lusaka ee dalka Zambia halkaas oo uu ka socday shir madaxeedka COMESA.

Bogga rasmiga ah ee COMESA ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay xubinimada rasmiga ah ee Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa markii hore xubin ka ahayd ururkii kan lagu baladay ee PTA ka hor intii aysan burburin dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.

Sida uu qorayo qodobka 4aad ee xeerka COMESA, dal ayaa kusoo biiri kara ururka haddii uu daris dhow la yahay dal ka mid ah ururka, islamarkaasna uu fuliyo dhammaan shuruudaha laga doonayo oo ay ka mid tahay aqbalaadda xeerarka iyo qawaaniinta uu ururka ku shaqeeyo.

Sidaasi darteed Soomaaliya waxa ay daris dhow la tahay 3 dal oo ururka ku jira oo kala ah Jabuuti, Etoobiya iyo Kenya.

Soomaaliya waxa ay horay arji ugu qoratay bahda Bariga Africa, balse weli lama aqbalin.

Waa maxay COMESA?

Waxaa COMESA la asaasay sanadkii 1994-tii, waxaana xubno ka ah illaa 21 dal oo ay ugu dambeeyeen Soomaaliya iyo Tunisia .

Waxaa ururkan lagu badalay urur ka horeeyay oo lagu magacaabi jiray PTA kaas oo soo dhisnaa illaa sanadkii 1981-dii.

Ururada ganacsi ee dalalka ay ku bahoobaan waa fikrad ganacsi oo looga gol leeyahay in la fududeeyo isu gooshista badeecooyinka iyo dadka, lana yareeyo canshuuradaha tirada badan ee alaabaha laga qaado.

Maxay oga dhigantahay Soomaaliya?

Ra’isulwasaare Kheyre ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Madaxda ka qayb gashay kulan madaxeedka ayaa dawladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay ku-biiridda suuqa Bariga iyo Koofurta Afrika, iyaga oo u ballan qaaday in ay babar istaagayaan dadaallada Soomaaliya ay dib ugu soo ceshanayso maqaamkii ay ku lahayd adduunka”.

Marka laga tago arrinta kusoo laabashada fagaarayaasha, dadka Soomaalida ah oo ah kuwa xagga gamacsiga caan ku ah, ayay arrintani u tahay war wanaagsan.

Balse maadaamaa shuruudaha ganacsiga uu ka mid yahay in dalalka mid kasta ay caan ku noqdaan wax soo saar u gaar ah, Soomaaliyana aysan hadda jirin wax gaar ah oo ay soo saarto oo ay u suuqgeyn karto dalalka 21-ga ah, ayaanan la ogeyn faa’iidada waqtiga dhow eek u biirista COMESA ay keeni karto.

Hase yeeshee qorshaha hadda socda ee ah in dalalka COMESA loo qaato hal dal-ku-gal ayaa waxa ay tani fududeyn kartaa safarada dadka Soomaalida ee baasaboorka Soomaaliga ah adeegsanaya.

Maamulka Donald Trump oo shaaciyey go’aankii laga sugayey ee Soomaalida

Washington (Caasimada Online) – Waaxda amniga gudaha dalka Mareykanka ee loo yaqaano Homeland Security ayaa mudo 18 bilood ah sharciga dal ku jooga ah u kordhisay 500 qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo aad uga wal walsanaa waxa ay la kulmi doonaan.

Dadka sharcigan loo yaqaano TPS-ka ee ku meel gaarka ah loo cusbooneysiiyay ayaa waxa ay intooda badan ku nool yihiin gobolka Minnesota oo ah gobolka ay Soomaalida ku badan yihiin.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii Senataro Mareykan ah oo gaaraya 22 iyo Hay’adaha u dooda xuquuqda aadaha ay barnaamijkan kala hadleen dowladda Mareykanka, sidaasina waqtiga sii joogitaankooda dalkaasi loogu kordhiyay.

Boqolaal dad ah ayaa xalay farxad ku seexday, maadaama 18 bilood oo hor leh loo siiyay inay joogaan dalka Mareykanka, kana shaqeystaan gudaha Mareykanka.

Waaxda amniga gudaha dalka Mareykanka ayaa diiday dadka dhawaan tagay Mareykanka ama kuwa hada galaya inay sharci siiso, balse keliya waxay cusbooneysiin u sameysay kuwa horey u heystay sharciga deganaanshaha.

Tan iyo markii talada dalka Mareykanka uu la wareegay Madaxweyne Donald Trump, Soomaali badan ayaa dib looga soo celiyay dalkaasi, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay dambiyo ka galeen Mareykanka iyo inay aysan heysan sharciga deganaanshaha.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected] 

Xog: R/W Abiy Ahmed oo Addis Ababa ku casuumay Muuse Biixi + Qorshaha

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu safar ku tago magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Ma jiro war rasmi ah oo la xidhiidha socdaalka madaxweyne Biixi, laakiin warar ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu Addis Ababa ku tagi doono martiqaad uu ka helay raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed.

Madaxweyne Biixi ayaa wuxuu Addis Ababa markii u horaysay kula kulmi doonaa Raysal wasaaraha Itoobiya, oo la filayo inay ka wada hadlaan xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya. Madaxweyne Biixi ayaa hore u tagay Addis Ababa markii la doortay, waxaanu halkaas kula soo kulmay raysal wasaarihii hore ee is casilay, waxaanu kulanka haddu noqonayaa kii u horeeyay ee dhex mara madaxda Somaliland iyo Raysal wasaaraha cusub ee Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa toddobaadkii hore Addis Ababa kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, waxaana la aaminsanyahay inay labada wasiir markaas isla qorsheeyeen socdaalka Madaxwene Biixi ee Addis Ababa.

Somaliland iyo Itoobiya waxa ka dhexeeya xidhiidh dhinacyo badan, waxaana xidhiidhadaas hadda ku soo biiray saamiga 19% ee Itoobiya laga siiyay maalgelinta dekedda Berbera.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected] 

XOG: Waxyaabaha aadan ka war-hayn ee DF loogu sheegay shirkii Brussels

Isniintii iyo Talaadadii waxaa magaalada Brussels isugu tegey madaxda Soomaalida (Madaxweynaha iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada) iyo wakiillo ka socday dalalka deeqaha bixiya.

Wuxuu daba socday shirar dhowrkii sano ee u dambeeyey ka dhacay magaalooyin kala duwan oo ku yaalla Yurub, sida London, Brussels (shir midkan ka horreeyey) Copenhagen iyo Istanbul.

Waxay ujeedadoodu ahayd in dawladda Soomaaliya lagula xisaabtamo hadba wixii ka hirgala barnaamijyada lagu taageerayo dawladda ee uu dhaqaalaha ku bixiyo midowga Yurub.

Shirka waxaa markii hore lagu tala galay inuu dhaco qaybihii dambe ee bishii Juun, hase yeeshee codsi sida la sheegay ka yimid dhinaca Soomaalida ayaa dib loogu dhigay, ayagoo ujeedada ku sheegay in loo dabaaldegayo maalmaha qarannimada.

Dib u dhacaas wuxuu keenay in wasiirro badan oo shirka u meteli lahaa dalalka deeqaha bixiya aysan ka soo qayb galin shirka dhacay 16-17 Luulyo, taa beddelkeedana ay dalal badan soo direen agaasimeyaal iyo safiirro.

Shirka waxaa loogu tala galay in lagu gorfeeyo sidii hore loogu sii socon lahaa ayadoo la eegayo wixii soo qabsoomay. Haddii si kale loo dhigo, deeq bixiyeyaashu waxay doonayeen in ay ogaadaan sida iyo halka ay martay lacagtoodii, iyo in ay ku baxday si waafaqsan barnaamijyadii lagu ballamay shirarkii midkan ka horreeyey.

Soomaalidana waxaa looga fadhiyey inay tafaasiil ka bixiyaan sidii ay uga soo baxeen ballamihii ay qaadeen.

Labadiiba midna ma dhicin sida ay sheegayaan dadkii shirka ka qayb galay ee ka socday bulshada rayidka.

“Dawladda Soomaliya waxaa la soo siiyey su’aalo ay u badan yihiin in aysan wakhtigeeda waxba ku darsan karin, inay arrinta amniga xoogga saaraan, inay dedejiyaan nidaamka hay’adaha sharci dejinta, inay hagaajiyaan wada shaqaynta maamul goboleedyada in la dhowro xuquuqda dumarka, in banaanka la keeno dhibaatada musuqmaasuqa iyo dadka samaynaya. Markaa warmurtiyeedka shirka ka soo baxay waa su’aalo la soo weydiiyey dawladda Soomaaliya, waana isla intii lagu weydiiyey shirkii London”, Sidaa waxaa yiri Maxamed Caalin oo falanqeeya arrimaha Soomaaliya, kana mid ahaa dadkii shirka ka qayb galay.

Arrimaha ay la yaabeen dadkii shirka la socday waxaa ka mid ahaa in madaxda Soomaalidu aysan la tegin wax qorshe ah oo la taaban karo, marka laga reebo warbixinno ay siinayeen deeq bixiyeyaasha.

“Shir noocaas ah inuu dalka dibaddiisa ka dhaco khalad ayey ahayd, hadduu ka dhacaayana waxay ahayd inuu ka dhaco dal Soomaaliya saaxib la ah. Maamul goboleedyadana iimaan kuma qabaan oo markii dibadda la isugu tago hal qorshe oo Soomaalida ay wadato ma laha. Soomaalida qudheedana caqabadda haysata waa iyaga oo aan heshiis ahayn oo aysan jirin cid go’aanka looga dambeeyo” Sidaa waxaa yiri Dr Ibraahim faarax Bursaliid oo ka faallooda arrimaha gobolka.

Sidaasoo ay tahay waxaa shirka lagu kordhiyey Soomaaliya 200 oo Malyan oo Doollar oo dheeraad ah mashaariicda midowga Yurub uu ka wado Soomaaliya, laakinse lacagtaas ma aha sida la sheegayo mid geli doonta gacanta dawladda Soomaaliya. Waxaa loo soo marin doonaa Qaramada Midoobay.

“Mushaaraadka shaqaalaha dawladda iyo kan ciidanka ayaa toos ugu soo dhici doona akoonka dawladda” ayuu yiri Caalin oo intaa ku daray in dhaqaalaha mashaariicda horumarinta loogu talay iyagana la soo marin doono NGO-yo reer Yurub ah.

Laakin Dr Bursaliid ayaa qaba feker ah in deeq bixiyeyaashu ay marka horeba abuurayaan qaab ay hay’adahooda NGO-yada ah ku hawlgalaan ee aysan si dhab ah ugu danaynayn in mashaariic horumarineed laga fuliyo Soomaaliya.

Arrimaha aan lagala gabban ee la hordhigay madaxda Soomaalida waxaa ka mid ah in “aysan wakhti dheereysi ku fekerin”, oo doorashooyinkana “la qabto xilligii loogu tala galay”.

Gunaanadkii shirka waxaa ka soo baxay warmurtiyeed ka koobnaa 81 qodob, kaasoo markiisii horeba uu suuqa ku sii jiray mid u dhow oo la sii qoray shirka oo aan la isugu imaan ka hor. Qodobbada qaarkood ayaa u muuqday kuwo wax laga beddelay, ama la kala hor mariyey.

“Tan iyo markii la bilaabay nidaamka geeddi socodka siyaasadda Soomaliya (Roadmap) xilligii dawladdii Sheekh Shariif ilaa maanta beesha caalamka waxay waddaa isla farriimihii ay soo siinaysay Soomaalida, Soomaaliduna isla ka go’naantii ayey muujinayaan, arrintuna halkeedii ayey taagan tahay waana Shimbirayahow heesa, ilaa la helo xukuumad Soomaaliyeed oo ay ka go’an tahay horumarinta dalka, iyo ka go’naan Soomaalida dhinaceeda laga helo oo ay siyaasad ahaan ka heshiiyaanna, waddo iyo wadiiqo kale oo loo baxayo iima muuqato” ayuu mar kale yiri Dr Bursaliid.

Shirkan oo ah mid sannadle ah, ayaa kan la qaban doono sannadka dambe waxaa ka soo horrayn doona mid kale oo dabayaaqada sannadkan ama horraanta sannadka soosocda dhici doona.

Isha: BBC SOMALI

‘Madaxweyne kasta oo soo mara SOMALIA waxbuu na tusaa, kadibna weji cusub’

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta Somaliland Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyo-tire), ayaa tilmaamay in Madaxweyne kasta oo Somaliya soo maraa inuu weji fiican tuso Somaliland, marka uu Kursiga ku fadhiistana uu nacayb u muujiyo.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyo-tire), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Shirka ka furmay Ceel-afweyn, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Somaliya marka ay wax ka dhacaan, bay naxdinta ina soo eegaan, inta kale inama soo xasuustaane, inaguna mar kasta weynu u ducayn jirnay, colaada Dawladda Xamar inoo haysana maaha wax imika inagu cusub, waa wax waligeedba soo jiray, Madaxweyne kasta oo Xamar soo mara marka hore wax buu ina tusaa, marka uu kursiga ku fadhistana nacayb buu inoo muujiyaa, laakiin awalba waxba inamay jeeli jirin, imikana waxba inama yeelayaan, teena ayey noqonaysaa oo loo soo noqonayaa, Madaxda Xamarna waxaan leeyahay aynu ahaano laba dal oo jaar ah”.

Wasiirkii hore ee Qorsheyntu mar uu ka hadlaayey Shirkan ka furmay Ceel-afweyn ayaa yidhi “Shirkan looma kala hadhin,Culimadii dalka, Salaadiintii kala duwanayd ee dalka, Madaxweyne ku xigeenkii iyo Siyaasiyiintii ugu cuslaa ee dalka ayaa ka qayb galay, waxaana ILLAAHAY ka baryayaa in khilaaf dambe iyo dagaal dambe aanu dhexmarin, labadan beelood ee walaalaha ah, waxaana labada beelood ee leeyahay waad aragtaan culayska iyo lexe-jeclada la idinka qabo, oo aanay cidina hadhin, oo intii mudnayd ee wadankan magac ku lahayd, siday idinku soo gurmadeen, markaas qiimaha aad leedihiin halkaas baad ka arkaysaan, waxaan idinkula talinayaa in taladdaas ugu dambeeya aad qaadatan, gacmaha isa saartaan oo aad isa saamaxdaan”.

Mar uu baaq u diraayey Shacabka reer Somaliland ayaa wuxuu yidhi “Shacabka reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa midnimo, walaalnimo, iyo inaynu la shaqeeyno oo aynu is garab taagno Dawladda iyo Ciidankeena Qaranka, oo difaacana aynu ka wada qayb qaadano, waxaana si aad ah u amaanaya cid kasta oo Ciidankeena Qaranka is garab taagtay, una caawiyeen”

W/Q: Maxamed Ibraahim Qabo