25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Axmed Madoobe oo weerar toos ku qaaday Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya khilaaf Siyaasadeedka ka dhex taagan Dowlada Somalia iyo maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe oo hadda ku sugan magaalada Brussels.

Khilaafka Dowlada iyo Maamulka ayaa xoogeystay kadib markii dowlada Somalia ay isku dayday inay la xisaabtanto maamulka, waxaana arrinkaasi marar kala duwan is hortaagay Hogaamiyaha maamulka Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe oo magaalada Brussels kulan khaasa kula qaatay mas’uuliyiin kasoo jeeda deegaanada Jubbaland iyo xubno kale ayaa sheegay in dowlada Somalia ay caqabad ku tahay isbedelada ay ku talaabeyso Jubbaland.

Waxa uu Madoobe sheegay in Madaxweyne Farmaajo ka hor ay ahaayen kuwo la jaanqaada dowladihii hore, hase yeeshee iminka ay ka dhamaan la’yihiin khilaaf iyo muran dhexmara dowlada iyo maamulka.

Axmed Madoobe, wuxuu tilmaamay in caqabada koowaad ay tahay mid kaga imaaneysa Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna talaabooyinkiisa ku sifeeyay kuwo aysan marnaba aqbali doonin, waa haddii uu la imaan waayo isbedel.

“Anagu dooni meyno inaan ku mashquulno howlaha dowlada side ayay ku keentay inay naga dabaqaado, horay ayaan uga dignay hadana dowlada waan uga digeynaa inay nagu sii fogaato”

Axmed Madoobe, waxa uu cadeeyay in Madaxweyne Farmaajo uu uga baxay ballamo ay horay u wada galeen waxa uuna carab dhabay inuusan garankarin waxa Jubbaland keliya ku khasbaaya inay dhowrto ballamaha.

“Jubbaland haddii ay ka bixi laheyd balamaha waxaa la oran lahaa wey na khilaafeysa bal haddii Mdaxweynaha uu nooga baxaayo ballamaha maxaan oronaa”

Sidoo kale, Axmed Madoobe, ayaa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uga digay inuu ka weecdo heshiisyada, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Jubbaland ay mudan tahay in laga xishoodo maadaama aysan sabab u aheyn khilaafyada inta badan soo laalaabta.

Haddalka Axmed Madoobe iyo kulamada uu ku qabanaayo magaalada Brussels, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo uu khilaaf hoosaad maamulkiisa kala dhexeeyo dowlada Somalia ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Muxuu kulanka Farmaajo & Faysal naga baray dhaqan-ka siyaasiyiinta Somaliland

Hargeysa (Caasimadda Online) – Shirkii dhawaan ku soo dhammaaday dalka Belgium-ka xaruntiisa Brussels waxa uu ahaa mid wajiyo badan.

Bilowgii shirkaas waxaa dhacay wax aan la fileyn sida in ay madasha ka dudeen waftdigii Jubbaland ee uu hormuudka u ahaa Axmed Madobe iyo gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe oo gacan qaaday madaxweyne Farmaajo.

Hadaba, waxaa baraha bulshada qabsaday sawiradda ay Faysal Cali Waraabe iyo Dr Cali Khaliif Galaydh la galeen madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dad badan oo ka mid kuwa adeegsada baraha bulshada ayaa midba si gaar ah uga hadlayey walow la’isku raacsanaa hal arin! Maxay tahay?

Faysal Cali Waraabe ma aha shaqsi ay siyaasadiisu saadaalin gasho ama fadhiso!

Hase ahaatee, waxa uu kulanka isaga iyo Farmaajo uu u diray farriin  dhallinyarada Somaliland taas oo ay hore isaga indha iyo dhaga tiriin!

Ma aha arin cusub in siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada waqooyi ee gooni u goosatada ah ay la kulmaan kuwa dhiggooda ah ee Koonfurta, waxaa  dhacday in ay madallo badan isugu yimaadaan iyaga oo ay ka muuqato saaxiibtinimo iyo muxubo badan, waa arin taban in hormuudka Soomaaliyeed sidaas isugu soo hirtaan, yeelkeede, maxaa loo qaldaa oo loo marin habaabiyaa jiilka cusub, gaar ahaan kuwa Goboladda Waqooyi?

Siyaasiga Somaliland marka uu Hargeeysa joogo waxa uu ku beeraa jiilka soo koraya ee Somaliland cabsi “Apprehension” ku saabsan Koonfurta isaga oo isugu dara run iyo been.

Yeelkeede, taas oo ay jirto isla siyaasiyiintii cuqdadda ku abuurayey bulshada ay matalaan iyaga oo ku meelmarinaya siyaasadooda kala qeybtinta jiilalka aan dhalan markii uu dalka ka dhacay dagaaladdii sookeeye ayaa isla iyagii Hotel-lada 5 Star-rada ah kula khaxweeyaya madaxda ay shaarica ku muujiyaan in aysan wax wadaagi karin!

Tusaale, bilowgii sanadkii 2017, waxaa Hargeysa lagu xiray wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon kaas oo lagu eedeeyey maxaad Muqdisho u booqatay oo isula sawirtay Madaxweyne Farmaajo.

La yaab, Faysal Cali Waraabe waxa uu si shaaric ah wareysi uu siiyey Universal Tv ku yiri: “Dowladdan (Somaliland) waa daciif ee anigu waan toogan lahaa!” Waxa uu ula jeeday Coldoon oo uu ka xumaaday in ciqaabtiisii lagu koobay xarig!

Faysal sidoo kale waxaa laga hayaa “Wiilka Soomaaliya ku dhasha waxaa nooga dhaw midka ku dhasha Itoobiya!

Ku darso Faysal waa ninkii yiri: “Qofkii Soomaaliya laga maqlo carrabka halaga gooyo!

Haka reebin! Markii ay fanaanadda Xamda Yar timi Muqdisho waa kii lahaa “Gabdhaha yar yare e Somaliland ka taga ee Muqdisho aada Facebook ka caawa”!

Hadaba, soo a aha  farriinta Faysal ee ah la fiifiyaana bannaan, la joojiyaana bannaan in ay ku cibro qaataan dhallinrada Somaliland?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Somalia oo ugu danbeyntii suuqa bariga iyo Koonfur Afrika ku biirtay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta magaalada Lusaka ee dalka Zambia uga qayb galay kulan madaxeedka 20-aad ee wadamada ku bohoobay Suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA) ayaa saxiixay xubinnimada Soomaaliya ee suuqaasi.

Madaxda ka qayb gashay kulan madaxeedka ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaare Khayre ku-biiridda Soomaaliya ee suuqa Bariga iyo Koofurta Afrika, iyaga oo u ballan qaaday in ay babar istaagayaan dadaallada Soomaaliya ay dib ugu soo ceshanayso maqaamkii ay ku lahayd adduunka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa u hambalyeeyay xoghahaya cusub ee loo doortay in ay hogaamiso COMESA, Ms. Chileshe Kapwepwe oo xilka kala wareegtay xoghayihii hore Mr. Sindiso Ngwenya.

Suuqa Bariga iyo Koofurta Afrika (COMESA) oo la’aasaasay December 8, 1994 ayaa dhiiirri geliya koboca dhaqaalaha gobalka iyada oo loo marayo ganacsi iyo maal gashi, waxa ayna ku biiritaanka Soomaaliya kaabaysaa qorshayaasha lagu dardargelinayo koboca iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare khayre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Zambia waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay ka qayb qaataan qorshaha horumarinta dalka.

Xildhibaano reer Puntland ah oo sabab yaab leh ku muteysanaya maxkamad

Gaalkacyo  (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in halkaa lagu maxkamadeyn doono Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Gaalkacyo, sababo la xiriira dhaliil ay jeediyeen.

Duqa degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Maxamuud Yasiin Axmed (Tumey) ayaa sheegay in Xildhibaanadasi ay ku xadgudbeen xeerka waxa uuna ku eedeeyay inay qalqal galin ku hayaan maamulka.

Waxa uu Mr Tumey sheegay in maxkamadeyntooda ay ku muteysan doonaan Mooshin uu sheegay inay kawadan isaga, sidaa aawgeed ay u aqoonsan doonaan qaswadayaal.

“Xildhibaanada oo kamid ah kuwa deegaanka waxaanu soo taagi doonaa Maxkamad oo ay ku muteysan doonaan Mooshin ay ku doonayaan inay ku hor istaagan shaqadeyda”.

Mooshinka ay iga gudbiyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Gaalkacyo, waxaa gadaal ka riixaya xubno Siyaasiyiin ah, sidaa aawgeed waxa ay Mooshinkooda ku muteysan doonaan xukun maxkamadeed”.

Waxa uu sheegay Duqa degmada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland in Xildhibanaada Mooshinka ka gudbiyay qaarkood ay iyaga dambiyo ka yaalan Maxkamadda, islamarkaana sheegay in hore dambiyo kala duwan u galeen.

“Waxa ay afduub iyo dhac u geysteen dad danyar ah oo ay boobeen hanta tooda ah”.

Sidoo kale, duqa degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Maxamuud Yasiin Axmed (Tumey), wuxuu kale uu sheegay in ay hayan nambarada Kaarar ay lacago ku shubeen oo ay ku dhawaad kun qof ka qaateen lacagta.

Sidoo kale, Tumey ayaa ku goodiyay in Xildhibaanadaasi ay ka shaleyn doonaan Mooshinkooda, waxa uuna cadeeyay inay banaanka soo dhigi doonaan kiisaska cadeynta u ah musuqa.

Haddalka Tumey ayaa u muuqda mid carada madaxa looga ceshanaayo, waxaana muuqaneysa in Mooshinka laga geeyay uu ahaa mid mudo soo jiitamaayay.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

Dagaal laga cabsanayo inuu Jabuuti iyo Eritrea dhex maro + warqad loo diray QM

Jabuuti (Caasimadda Online) – Waxaa cirka isku sii shareertay cabsida laga qabo inuu dhaco dagaal dhex maro dowladaha Jabuuti iyo Eereteriya kadib muddo labada wadan ay qaboojiyeen xiisadii u dhaxeysay.

Dowladda Jabuuti ayaa lasoo sheegayaa inay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres u dirtay waraaq dacwo ah oo ka dhan ah dalka Ereteriya.

Labada dowladood ayaa waxaa u dhaxeyso xurguf ka dhalatay muran ku saabsan dhul xuduudka ku yaalla waxayna hadda wararka sheegayaa inuu Maxamed Siyaad Ducaale danjiraha Jabuuti u jooga Qaramada Midoobay waraq uu u qoray Guterres ku sheegay in ay doonayaan hannaan nabadeed oo lagu dhammeeyo xurgufta wakhtiga dheer u dhexaysay Jabuuti iyo Ereteriya oo ku muransan dhul xuduudka ku yaalla.

Dowladda Jabuuti ayaa Qaramada Midoobay ka codsatay in muranka dhulka xuduuda ku yaalo lagu kala baxo maxkamadda Adduunka ama qaab kale oo dhexdhexaadineed si loo helo xal nabadeed oo u cuntami karo labada dowladood.

Dowladda Jabuuti ayaa Eretariya ku eedeysay inay wado daansani isla markaasna ay sii wadaan heysashada dhulkooda waxayna arrintaas ku tilmaameyn inay tahay wax aan la aqbali karin.

“”Ciidamada Ereteriya waxay sii wadaan haysashada dhulka Jabuuti. Maxaabiista dagaalku waa arrin aan wali laga xisaabtamin, waxa wali socota haddidaada ciidamada ee ka imanaysa dhanka Ereteriya, waxaana saraysa halista loogu jiro isku dhacyo mar kale qarxa,” ayuu yiri Maxamed.

Danjiraha ayaa Qaramada midobaay si deg deg ah uga codsaday in la keeno farsamo nabadeed oo cusub si loo xaliyo xiisadaan laga yaabo inay gaarto meel halis ah iyo dagaal cusub oo labada dowladood dhexmaro.

Waxaa Sanadkii 2010 falshimay dhex dhexaadin ay dowladda Qatar ka dhex sameysay labadooda waxayna arrintaas keentay inay Qatar ciidamadeeda ka qaadato xuduuda lagu muransan yahay.

Qatar ayaa ka carootay markii dowladda jabuuti ay si cad ula safatay Isbahesyiga Sacuudiga hoggaamiyo oo xayiraad saaray dalka Qatar.

Wixii ka dambeeyey go’aankaas ay gaartay Qatar waxaa kor u kacday halista ah in ay isku dhacaan Ereteriya iyo Jabuuti.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
[email protected]

SOMALIA iyo Sudan oo ku muransan muuqaalka gabar dhowaan la kufsaday

Khartoum (Caasimadda Online) – Iyadoo maalmihii ugu dambeeyey ay baraha Bulshaday qabsaday muuqaal naxdin leh ayaa waxaa arrintaas siyaabo kala duwan uga hadlay dowladaha Suudaan iyo Soomaaliya.

Maxamed Maxamuud Fiidow oo ah U-qeybsanaha Warbaahinta ee Safaaradda Soomaaliya ee magaalladda Khartoum oo wareysi siiyey Wargeyska Al-tayyar  ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay in muuqaalkaas lagu sameeyey dalka Soomaaliya gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.

Fiidow ayaa sheegay inaysan Soomaaliya wax xiriir ah la laheyn Muuqaalkaas waxuushnimada ah ee lagu faafiyey baraha Muqdisho kaasoo ahaaa kufsi loo geystay Gabar.

Muuqaalkaas marka lagu baahinayey Baraha Bulshada ayaa waxaa la sheegay inay arrintaas ka dambeeyeen dad kasoo jeedo dalka Suudaan, sidoo kalana waxaa la sheegay inuu falkaas ka dhacay dalka Suudaan dhexdiisa balse arrintaas dowladda waa ay beenisay.

Suudaan ayaa tilmaamtay in muuqaalkas lagu sameeyey dalka Soomaaliya isla markaasna aysan Suudaan lug ku laheyn.

Labadii Maalin ee lasoo dhaafay dhacdadaan ayaa si weyn looga hadal hayey warbaahinta dalka Suudaan welina Wasaaradda Arrimaha Gudah si rasmi ah ugama hadlin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Askar arrimo qabiil ka dhex waday ciidanka DF oo lagu riday xukun + Magacyada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maanta oo khamiis ah waxaa maxkamada darajada koowaad ee  Ciidamada qalabka sida xukun ay ku riday askar tiradooda ay gaareyso  18 askari,kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay qal-qal ka dhex wadeen ciidanka ka tirsan Guutada 14 October iyo in ay  gadood ka sameeyeen xarunta Generaal Gordon oo ku taala degmada Hodan ee gobalka Banadir.

Xerilaalinta ayaa waxaa ay askartan ku eedeeyeen in ay ka dambeeyeen boob la sheegay in ay ka geysteen xerada,iyagoona sidoo kale sheegay  in cadeeymo arimahaasi ku saabsan ay ka hayaan.

Gaashaanle Dhexe Xasan C/raxmaan Aadan (Wabiyow) oo ka tirsan saraakiisha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in askartan lagu soo eedeeyay in ay wax ka ogaayeen hub la sheegay in la gala baxay xerada Generaal Gordon iyo in ay qal-qal ka dhex abuuri rabeen askarta ka tirsan Guutada 14 October oo la as aasay Qaraxii ka dhacay Isgooska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale askartaan ayaa waxaa lagu eedeeyey inay arrimo qabiil ka dhex wadeen ciidamada Dowladda Soomaaliya taasoo  lagu qalqal gelinayey ciidamada.

Sidoo kale gudoomiye Shuute ayaa sheegay in Sideed iyo tobankan  askari maanta lagu xukumay 5 sano oo xabsi ciidan.

Dhawaan ayay aheyd  markii warbaahinta gudaha ay shaaciyeen in la boobay hub yaalay xerada Jeneraal Gordan, laakiin saraakiisha ciidamada xooga ay beeniyeen warkaasi sheegayay in xeradaas hub lagala baxay,iyadoona maanta maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalbka sida ay askar ku xukuntay in arintaasi ay wax ka ogaayeen.

Ciidamadani waxay kala yihiin:

1- Xuseen Baashi Cawad Canshuur

2- C/wali Ibraahim Maxamed Xasan

3- Sharmarke Cabdi Maxamed Nuur

4- Ismaaciil Saciid Muuse Xiir

5- C/wali Faarax Ismaaciil Maxamuud

6- C/shakuur Maxamed Xirsi Cali

7- Fatxi Aadan Cali Yuusuf

8- Jaaamac Cabdullahi Maxamuud Cige

9- C/kaafi Maxamed Diiriye Farweyne

10- Maxamed Axmed Dhalac Cabdi

11- C/nuur Cabdullaahi Maxamed Cabdi

12- C/raxmaan Xirsi C/raxmaan Ciise

13- Daahir Maxamuud Gurxan Cali

14 – Axmed Jaamac Siid Cali

15- Cabdi Xasan Maxamuud Jaamac

16 -Jamaal Cabdi Jaamac Cilmi

17 -Cali Maxamed Abyan Cilmi

18- iyo Yuusuf Saxardiid Yuusuf jaamac.

Askartan ayaa ku dooday 13-ka tirsan guutada 14-ka October oo hore loo ruqseeyay markii xilli Ramadaan ah ay isticmaaleen Maandooriye mamnuuc ka ah ciidankan shuruudaha looga mid noqonayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Qatar oo ku dhawaaqday go’aan dan weyn ugu jirto dowladda SOOMAALIYA

Doha (Caaimadda Online) – Dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday inay wado dadaal ay dhaqaale badan ugu raadineyso dowladda Federaalka Soomaaliya si loo hormariyo dadka iyo dalka.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada dowladda Qatar Sultan Bin Saad Al Muraikhi ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya u raadinayaan dhaqaalle si ay u fududaadaan Fulinta Howlaha laga wado dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inay Beesha Caalamka ka codsadeen sidii dowladad Soomaaliya loogu yaboohi lahaa dhaqaale aad u badan si ay u noqoto dowlad awood u leh hirgelinta mashaariicda horimarineed ee la doonayo in la fuliyo.

“Tan waxaa kaliya lagu gaari karaa dadaal dhab ah oo mideysan, kordhinta taageerada Soomaalida, ka dhabeynta xushmeynta madaxbanaanida Soomaaliya, inaan la faragelin arimaha gudaha Soomaaliya, iyadoo la eegayo sharciga caalamiga”. Sultan Bin Saad

“In la siiyo taageero buuxdo oo looga caawinayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo la tixgeliyo xoojinta wada shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada iyadoo dhinac aan lala safaneyn”. Ayuu sidoo kale yiri wasiiru dowlaha madaxtooyada Dowladda Qatar.

Wasiirka ayaa sheegay in ka qeyb-galka bulshada Caalamka ee Madasha ay xoojineyso dedaallada xal raadinta Soomaaliya, si Soomaaliya ay u ilaashato qarannimadeeda iyo in la xaqiijiyo danaha waddanka si loo dhiso amnigeeda iyo hay’adaheeda si Shacabka Soomaaliyeed ay u helaan nolo wanaagsan, wasiirka ayaa tilmaamay in arrintaasi aysan suuroobeyn ilaa inta uu Caalamka ka mideynayo dedaalladiisa ku aadan Soomaaliya.

Wasiirka oo arrintaasi ka hadlayay waxaa uu yiri “ Iyada oo wax lagu dhisayo horumarka hadda la gaaray, waxaa waajib nagu ah in aan Soomaaliya taageerno iyo in aan oofinno ballamaheenna annaga oo Ixtiraameyno madaxbannaanida Soomaaliya iyo in aannu farogelin arrimaheeda gudaha ah sida uu qabo sharciga caalamiga ah”.

Hadalka kasoo yeeray dowladda Qatar ayaa kusoo aadayo xilli uu jiro loolan u dhaxeeyo dowladaha Khaliijka gaar ahaan dalka Imaaraadka Carabta oo cadaadis weyn ku heyso dowladda Soomaaliya.

Isbaheysiga uu hoggaamiye Sacuudiga ayaa xayiraad kusoo rogay dalka Qatar oo ay ku eedeeyeen inay taageerto Argagixisada sida ay hadalka u dhigeen.

Dowladda Qatar ayaa xiriir dhow la leh dowladda Soomaaliya waxayna arrintaas keentay inay dowladda Soomaaliya go’aan dhexdhexaad ah ka qaadato Khilaafka dowladaha Khaliijka halka Imaaraadka ay ku dadaaleyso inay Soomaaliya xiriirka u jarto dalka Qatar.

 Caasimada Online
Xafiiska Doha
[email protected]

“Hadii Sacuudiga uu garab nasiin wixii Soomaaliya ku dhacaa nagu dhici lahaa”

Cadan (Caasimadda Online) – Madaxweyne C/rabu Mansuur Haadi ayaa sheegay inay Yeman ka badbaaday hal arrin oo ay kala mid noqon rabtay Soomaaliya.

Madaxweyne Haadi oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda BBC-da xilli uu ku sugnaa Magaalada Cadan ayaa sheegay inay Somaaliya kala mid noqon lahaayeen amni darada iyo xasilooni la’aanta haddii aysan garab ka heli laheyn Isbahaysiga Sacuudiga.

Hadalkaan ayuu Haadi sheegay kadib markii la waydiiyey su’aal aheyd haddii uu ka shanleynayo adeegsiga iyo faragelinta dalkiisa ay ku sameeyeen Isbaheysiga Sacuudiga wuxuuna ku jawaabay

” Maya, kama shanleynayo sababtoo ah haddii aanan garab ka heli laheyn isbaheysiga Sacuudiga waxaan noqon laheyn Soomaaliya oo kale”

Wuxuu sheegay inay dalka Yeman ka dhici lahaayeen Dagaallo Sokeeye, sida kan Somalia ragaadiyey tan iyo sannadihii 90-aadka ee Qarnigii hore, waa sida uu hadalka u dhigay.

Isbaheysiga Sacuudiga iyo Dowladda Yeman ee uu madaxweynaha ka yahay Haadi ayaa ku guuleystay inay la wareegaan qeybo kamid ah oo ay gacanta ku hayeen maleeshiyada Xuutiyiinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Cabdi Weli Gaas: “Farmaajo meesha uu ka raadinayo xalka Somaliland ma jiro”

Brussels (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si kulul uga hadlay qaabka loo wajahayo wadahadalka lagula jiro maamulka Somaliland.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay inuusan xalka ku jirin sida uu Farmaajo u wajahayo sidii Somaliland loogu qancin lahaa inay Soomaaliya kasii mid ahaadaan.

Wuxuu sheegay in Muuse Biixi uusan go’aan ka gaari karin in Somaliland ay la midowdo Soomaaliya sidaas darteed loo baahan yahay in wadatashiyada iyo kulamada labada dhinac la xoojiyo.

Cabdiweli Gaas ayaa ku taliyey mar uu ka hadlay kulan soo dhaweyn ah oo loogu sameeyey Magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium-ka in kulamo iyo wadatashi lala yeesho shacabka Soomaliland oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa la qasbayo

” shacabka ku nool gobolada Sool iyo Sanaag ma rabaan inay Soomaaliya ka go’aan balse waxaa xoog ku heyst oo qasbayo Muuse Biixi, sidaas darteed haloo sameeyo kulamo iyo wadatashi” ayuu yiri Gaas.

Cabdiweli Gaas ayaa carabka ku adkeeyey inaysan jirin wax la yiraahdo Somaliland iyo Soomaaliya balse ay Somaliland tahay dhulkii Soomaaliyeed, wuxuu yiri

“Arrinta wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaa aaminsanahay wax la yiraah Soomaaliya iyo Somaliland ma jirto, magaca Somaliland waa dalkii soomaaliya weeye, gobolada waqooyi Soomaaliya ka mid yihiin, marka waxaa moodaa labo dowladood oo siman anaga iyo kenya oo kale, wax laga xishoodo weeye, mideeda kale wada hadaladaas waxba kama soo baxayaan, sababta waa idin sheegayaa nin Soomaali oo Madaxweyne ah ama Ra’iisul Wasaare ah baa wuxuu ku dhacaa in Somaliland taga uu yiraahdo, ma awoodi karaan, Muuse biixi miyaa ku oran kara dadka jooga Hargeysa iyo Burco Soomaaliya ku biirayaa ma oran karo, haddii iyagana aysan oran karin, kuwa xamar joogana aysan oran karin Somaliland ha iska tagto maxaa la isku xiijinayaa oo la isku wareerinayaa”ayuu yiri C/weli Gaas.

Hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa kusoo aadayo xilli Madaxweyne Farmaajo uu shalay kulan la yeeshay Feysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif Galeyr oo matalayey Maamulka Somaliland.

labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii deeqaha Beesha Caalamka loo qeybsan lahaa iyo sidii loo xoojin lahaa wadahadalka labada dhinac, sidoo kalana waxaa lagu heshiiyey in la qaboojiyo dagaalka ka taagan Takuraq.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kuwait oo qabaneysa shir muhim u ah Somalia oo aan noociis horey loo qaban

Brussels (Caasimada Online) – Danjiraha Kuwait ee Midowga Yurub Jasem Al-Budaiwi ayaa sheegay in ay marti-gelinayaan shirka Waxbarashadda Soomaaliya,waxaa uu carabka ku adkeeyay in ay Muhiim tahay in la kobciyo garaadka Aqooneed Ee Bulshadda Soomaaliyeed.

Jasem Al-Budaiwi ayaa Dalalka Caalamka Ugu baaqay in ay Waqtigaan usoo jeestaan sidii loo garab istaagi lahaa Bulshadda Soomaaliyeed oo uu sheegay in hada diyaar u yihiin in kasoo Kabtaan Dagaaladii Wajiyadda Badnaa Ee Dhex-maray.

” waxaan sii wadi doonaa inaan anigoo Wadajir ah islamarkaana kaashaneeyno , saaxiibada Qaramada Midoobay ee taageeraya Soomaaliya ee dhinac walba ah, waxaanu mas’uul ka nahay dadka Soomaaliyeed, waxayna u baahan yihiin inay dareemaan sida ay uga go’an tahay heerarka bulshada iyo dhaqaalaha,

Danjiraha Kuwait ee Midowga Yurub Jasem Al-Budaiwi ayaa xusay in tan iyo Sanadkii 2017 ay bixiyeen Lacago gaaraya 50-Milyan taasi oo qeeyb ka Aheed jawaaib ka bixinta Baaqyo Caalami ah oo kasoo yeeray Beesha Caalamka ,sidaasi oo ay tahay ayuu’Madaxda dalkeeynawaxaa ay ku kalsoon yahay Bulshadda Soomaaliyeed waana aaminsanahay ineey isku tashan doonaan’’

Hadalkaan ayuu ka sheegay Jasem Al-Budaiwi Magaalada Brussels Ee Dalka Belgium halkaasi oo lagu qabtay Shir dhaqaalle loogu Yabaahay Dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Soomaalida Maraykanka oo wadnaha farta ku haya iyo go’aan laga sugayo Trump

Washington DC (Caasimada Online) – In ka badan 500 oo qof oo Soomaali ah, ayaa maanta ka war sugaya in sharciga magangalayada ee ku meel gaarka ah ee ay ka heleen waddanka Mareykanka in loo cusboonaysiin doono iyo in kale, taasi oo mamulka Trump uu maanta ku dhawaaqi doono.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa socday dalaalo lagu dalbanayay in dadkaasi waqtiga loo kordhiyo, oo 21 Senator oo ay hor kacayaayn labada gabdhood ee laga soo doorto gobalka Minnesota oo ay ku nool yihiin inta badan dadkaasi ayaa waxa ay warqad u direen maamulka madaxwayne Trump.

Warqaddaasi waxay Senatoradu ku codsadeen in dadka Soomaalida ah loo kordhiyo muddada sharcigooda, iyada oo la eegayo xuquuqda bini’aadamka iyo duruufaha ka jira waddanka Soomaaliya.

Maxamuud Muuse Xasan oo looyaqaan BBC oo u ol’oleeyaa arrimaha dadka Somaaliyeed ee ku nool wadanka Mareykanka ayaa waraysi uu BBC siisay ku sheegay in dadkan laga hadlayo ay ka mid yihiin kuwo Maraykanka ku noolaa in kabadan 20 sano oo shaqaysta, canshuur bixiya isla markaasna qoysas ku samaystay, waligoodna aan dambi galin.

Isha: BBC Somali

Halkee ayuu ku danbeeyay wada-hadalkii laga dhex waday DF iyo Imaaraadka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa wadahadal la sheegay in waayadan laga dhexwaday Dowladaha Somalia iyo Imaaraadka carabta.

Wadahadalka oo marar kala duwan leysku fahmi waayay ayaa waxaa la xaqiijiyay in fashilkiisa ay sabab u noqotay dowlada Imaaraadka carabta oo dano Siyaasadeed ka leh Somalia.

Axmed Ciise Cawad Wasiirka arrimaha dibadda Somalia oo wareysi siinaayay BBC Al-Carabiya ayaa sheegay in wadahadal ay labada dhinac ka dhexwaday dowlada Sacuudiga balse uusan mirro dhalin.

Waxa uu qiray Wasiirka in wadahadalka uu fashilmay isla markaana ay dowlada Imaaraadka carabta la imaaday shuruudo adag.

Waxa uu sheegay inuu wali jiro khilaaf hase yeeshee xalkiisa uu imaan doono goorta ay qaladaadka jira ay garwaaqsato Imaaraadka.

Waxa uu sidoo kale, Wasiirka cadeeyay in dowlada Sacuudiga ay sii wadi weysay wadahadalka laga dhex abuurayay Somalia iyo Imaaraadka sidaana uu ku hakaday.

Dowlada Somalia ayaa aad uga soo horjeeda inay u hogaansamato qodobo gaara ay dooneyso dowlada Imaaraadka inay kula heshiiso, si aan heshiiska kadib looga talaabin qodobada la kala xariiqday.

Geesta kale, Dowlada Somalia ayaa horay u sheegtay inaysan aqbali doonin in lagu xadgudbo madax-banaanineeda, waxaana iminka hakat ku jira xiriirka iyo dhamaan shaqooyinkii ka dhexeeyay labada dhinac.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

 

 

Xog dheeraad ah oo laga helaayo kulanka dhexmaray Farmaajo, Galeyr iyo Faysal

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulan magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium-ka ku dhexmaray Madaxweynaha JFS Farmaajo Guddoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif Galeyr.

Kulanka oo ahaa mid wakhti kooban qaatay ayey uga wadahadleen sida lagu soo nooleyn lahaa wanaagii u dhexeeyay dowlada Somalia iyo Somaliland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa labada mas’uul u ballanqaaday in dowlada Somalia ay dib u wanaajineyso maamulka Somaliland, waxa uuna cadeeyay in dowladu aysan xumeyn, balse laga fahmay xumaan.

“Anigoo ku hadlaaya magaca dowlada waxaan diyaar u nahay inaan xalino tabasho waliba,shacabka Somaliland waa cad nagamid ah Soomaaliyana meel kuma kala tagto”

“Waxaan diyaar u nahay wadahadal iyo inaan wanaajino maamulka Somaliland iyo shacabkeeda, waxaanu dooneynaa in Siyaasiyiintiina aadan hurin khilaafka oo aad taageertan wado waliba oo leysugu soo dhawaan karo”

Madaxweyne Farmaajo waxa uu Faysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif Galeyr u cadeeyay in Somalia iyo Somaliland aysan in diidaneyn, hase yeeshee ay jiraan dad ka dhex shaqeeya colaada labada dhinac.

Waxa uu Farmaajo hubaal ka dhigay in wax waliba ay hagaageyso waa haddii la helo siyaasiyiin labada dhinac ah oo si wanaagsan u wajaha xalinta tabashooyinka.

Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif Galeyr waxa ay aqbaleen in dowlada Somalia ay kala shaqeyn doonaan wado waliba oo lagu xalinkaro khilaafka Somalia iyo Somaliland.

Faysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif Galeyr waxa ay sidoo kale ballanqaaden in siyaasadooda aysan u eegi doonin danahooda gaarka ah, iyaga oo carab dhabay inay u kala dabqadi doonaan laba dhinac.

Sidoo kale Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa sheegay kulanka ay la yeesheen Madaxweyne Farmaajo inuu ku soo dhamaaday is fahan, isaga oo sidoo kale sheegay inay ka dalbadeen in xanafta laga fogaado, si uu u yimaado isku soo dhawaansho.

Inta uu kulanka socday waxa ay Seddexda mas’uul isku raaceen in Soomaalidu aysan is khilaafsaneen balse cida is khilaafsan ay tahay madaxda oo qaab ku saleysan baahidooda u roga Siyasada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

 

DF oo shaacisay halka ay ku danbeysay lacagtii laga qabtay Imaaraatka Carabta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay lacago Bishii April 2018 lagu qabtay Garoonka Aadan cadde ee magalada Muqdisho.

Lacagtan ayaa waxaa lahaa dowlada Imaaraadka carabta waxa uuna qorshaheedu ahaa in lagu qalqal galiyo dalka, iyadoo loo adeegsan lahaa caqabadaha dowlada Somalia, maadaama labada dal ay isku khilaafsan yihiin arrimaha Siyasaada.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo lagu wareystay Barnaamijka todobaadlaha ee BBC Al-Arabiya ayaa sheegay in dowlada Somalia ay weli heyso lacagtaas oo ku dhow 9 malyuun iyo 600 oo kun oo dollarka Mareykanka isla markaana ay ku jirto keydka Dowlada Somlaia.

Waxa uu sheegay Wasiirka in sababta ay dowlada Somalia u wareejin la’dahay lacagtaasi ay tahay inaanu jirin xiriir sidaa usii buuran oo xiligaan kala dhexeeya Imaaraadka.

Cawad waxa uu carab dhabay in dowlada Somalia aysan dano gaara ka laheyn lacagta Imaaraadka ee iminka ku jirta Keydka Bankiga Dhexe, hase yeeshee ay muhiim tahay in dhiibisteeda ka hor xal laga gaaro faragalinta.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ku nuux-nuuxsaday inay muhiim tahay in lacagtaasi lagu celiyo sifo sharci ah, balse ay dowlada Somalia marka hore dooneyso in laga wadahadlo xadgudubka.

Haddalka Wasiir Cawad ayaa kusoo beegmaaya iyadoo ay weli jirto xiriir xumo ka dhex oogan dowlada Somalia iyo Imaaraadka carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Amiir Imaaraati ah oo iska dhiibay Qatar kadibna sir culus shaaca ka qaaday

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Wargeyska The New York Times ayaa warbixin ka qoray wareysi uu la yeeshay amiir Imaaraati oo 31 jir ah, Sheikh Rashid Bin Hamad al-Sharqi, kaasi oo bishii May ka cararay dalka Imaaraatka, iskana dhiibay Qatar.

Amiirka ayaa shaaca ka qaaday sir ku saabsan muran ka dhex oogan Amiirada dalkiisa, ku lug lahaanshaha Abu-Dhabi ee been-xalaaleynta lacagaha iyo sida Imaaraatka u maal-geliyaan amiirada Qatar ee dibad-joogga ah.

Amiir Rashid bin Hamad al-Sharqi, oo ah wiilka maamulaha Imaaradda Fujairah, ayaa maamulayey warbaahinta dowladda tan iyo 16-kii bishii May, markaasi oo uu si yaab leh uga soo degay garoonka diyaaradaha Doha, isaga oo magan-galyo doon ah, oo sheegay in naftiisa ay halis ku jirto.

Amiirka ayaa shaaca ka qaaday in xiisad ay ka dhex oogan tahay amiirada Imaaraadka, gaar ahaan ku lug lahaanshaha Abu Dhabi ee howlgallada Milatari ee dalka Yemen.

Waxa uu sheegay in amiirada imaaradda Abu Dhabi aysan wax latashi ah la sameyn maamulayaasha Inaaradaha kale, ka hor inta aysan ku biirin dagaalka Yemen.

Waxa uu sheegay in ciidamo badan oo Imaaraati ah oo lagu dilay Yemen ay badankood kasoo jeedaan Imaarado yaryar sida Imaaradda Fujairah.

Amniirka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Abu Dhabi ay marti-geliso amiiro kasoo cararay dalka Qatar, kuwaas oo ay ka dhigaan amiirada saxda ah ee Doha.

Amir Rashid ayaa dhinaca kale shaaca ka qaaday in Abu Dhabi ay ku lug leedahay been-xalaaleyn lacago loo kala gudbiyo dad uusan aqoon iyo dalalka ay kasoo jeedaan.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

Wasiir Cawad oo xaqiiqda ka sheegay arrin mar kasta ay sheegato Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Somalia uu xiriir toosa kala dhexeeyo maamulka Somaliland.

Wasiir Cawad oo wareysi gaara siinaayay BBC Al-Arabiya ayaa xaqiijiyay inuu aad u wanaagsan yahay xiriirka dowlada Somalia iyo maamulka Somaliland.

Waxa uu sheegay Wasiirka in dowlada Somalia ay mar waliba u taagan tahay la shaqeynta maamulada ka jira dalka, waxa uuna cadeeyay in xiriirka ay la leeyihiin Somaliland aysan dayici doonin.

“Xiriirkeena Somaliland wuu wanaagsan yahay waxyaabaha jira waxaanu ku dhameyn doonaa is afgarad”

Waxa uu Cawad carab dhabay in dowlada Somalia ay diyaar u tahay inay saxdo dhammaan tabashooyinka yar ee jira, sidaa aawgeed ay sixi doonaan waxyaabaha dhiman.

Geesta kale, Cawad ayaa maamulka Somaliland ugu baaqay inay qaatan wadahadal si loo saxo fahan xumida jirta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Afrika iyo Galbeedka kee la biilaa, keese wax biilo?

Muuqaal: Somaliland iyo DF oo Brussels ku wada hadlay iyo Farmaajo oo hal arrin ka dhaartay

Brussels (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa wadahadal xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Brussels ee dalka Biljamka.

Wada hadalkaan ay yeesheen labada dhinac ayaa waxaa looga wada hadlay wada hadalka labada dhinac iyo sidii ay ku heshiin lahaayeen, sida loo qeybsanayo deeqaha iyo sidii loo xalin lahaa Dagaalka Takuraq ee madada badan la isku hor fadhiyo.

Feysal Cali Waraabe oo u waramayey idaacadda BBC Somali ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ku heshiiyeen in dib loo bilaabo wada hadalka labada dhinac isla markaasna wax kasta miiska korkiisa lagu dhameeyo.

Feysal Cali Waraabe oo la waydiiyey waqtiga dib loo bilaabayo wada hadalka ayaa sheegay inay labada dhinac ku heshiiyeen in si dhaqso ah loo bilaabo.

Sidoo kale mar wax laga waydiiyey dagaalka Takuraq ayuu sheegay inay Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyeen inuu isaga lug ku leeyahay dagaalkaas, wuxuuna Feysal sheegay inuu Farmaajo ka dhaartay inuusan dagaalkaas wax lug ah ku laheyn.

Wuxuu sheegay in lagu heshiiyey in la qaboojiyo dagaalka Takuraq isla markaasna dooda taagan lagu dhameeyo si wada hadal ah.

Feysal Cali Waraabe oo wax laga waydiiyey inaan shirka marnaba lagu soo hadal qaadin magaca Somaliland marka deeqaha la yaboohayey oo lagu bixiyey magaca Soomaaliya ayaa ku dooday inay iyagaba Somalia ka mid  yihiin isla markaasna ay qeybtooda rabaan.

Wuxuu sheegay inay muhiim tahay in laga wadahadlo sidii dhaqaalaha soo qeybsan lahaa isla markaasna ay Somalia waligood wax la qeybsan jireen.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Farmaajo ka wada hadleen qeybsiga dhaqaalaha isla markaasna ay wax badan isla meel dhigeen.

Wuxuu intaa sii raaciyey “Somaliland finalka ayey u soo baxday, halkaa ayeyna taagan tahay. Waxaan u sheegnay in intii uu isagu yimid ay dagaalladu bilaabmeen, wixii aannu kala heshiinnay dawladihii hore ee Soomaaliyana ay ahaayeen in aan la is af lagaadeyn oo laga fogaado wixii xanaf keenaya. Labadayadaba wuu naga yar yahay, waxaannu siinnay aragti waalidnimo iyo odaynimo ku dheehan tahay, waana is af garannay”.

Isagoo ka hadlayey mar lagu celceliyey, oo weliba toos loo weydiiyey, in dabaysha isbeddel ee gobolka ka socota, gaar ahaan sida Itoobiya iyo Eritrea oo kale ay u muuqato, wuxuu Faysal Cali Waraabe markii hore ku jawaabay “Farmaajo Hargaysa ha yimaado oo ha ka furo safaaraddii Soomaaliya”, laakinse mar labaad markii su’aasha lagu celiyey ayuu yiri “annagaa Soomaali isu keennay, annagaa shantii keennay, Jabuuti ha timaado, NFD ha timaado, Ogaden ha timaado, bal markaa na waaya, laakin inta intaa lagu kala maqan yahay wixii wanaagsanaa ee aan wadnay Soomaaliya ayaa bi’isay, innagu dadka waan isku keennay”.

Faysal Cali Waraabe oo aad ugu ololeeya qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland wuxuu si toos ah u diiday in Soomaaliya ay iyagu kala jareen “innagu kuwii isku keenay ayaannu nahay, dadkii dayaaradaha la dhacay, dadkii xabaal wadareedyada sameeyey, kuwaas ayaa kala jaray” ayuu yiri.

Haddaba halkaan hoose ka daawo Wareysiga Waraabe oo dhameystiran:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

CIIDAMO laga leeyahay qorshe cusub oo 3 Jiho ka kooban oo kusoo fool leh MUQDISHO (Qorshaha)

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalka Uganda, Jeneral David Muhoozi waxa uu oggolaaday in Ciiddamo aan tiradooda la sheegin loo soo dirayo Somalia, kuwaasi oo uu  dhawaan Tababar ugu soo xiray Xarunta Tababarka ee Taaageerida  Hawlgalladda Ammaanka oo ku taalla Degaanka Singo ee Degmadda Nakaske ee dalkaasi.

Jeneral Muhoozi waxa uu tilmaamay in Kooxda Ciiddamadda Dagaalama ee (Battle Group 25)  ku biiri doonaan Hawlgalka AMISOM ee mas’uulka ka ah Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.

Guutadaasi waxaa Taliye u ah Kolonel Paul Muwanguzi, Waxaana Kuxigeenkiisa noqonaya Kolonel CK Asiimwe.

Dhinaca kale, Dowladda Uganda waxay soo diraysaa Ciiddamo kale oo ka madax bannaan kuwa Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo ah Ciiddamo Khaas u ah Ilaaladda Xarumaha DFS, kuwa QM iyo Gelbinta Madxda Sare ee DFS iyo kuwa Hay’ddaha QM ee ku sugam Somalia.

Ciiddanka Ilaaladda Xarumaha DFS iyo kuwa QM waxaa Taliye loogu soo magacaabay  Kolonel Stuart Agaba, halka Ku-xigeenkiisa loo magacaabayGaashaanle Edward Mugisha.

Dhinaca kale, Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalka Uganda, Jeneral David Muhoozi waxa uu Ciiddankaasi kula dardaarmay Akhlaaq Wanaag iyo inay daacad u noqdaan Hawlgalka loo dirayo, isla marfkaana ay hoos u dhigin Sharafka dalkooda.

Si kastaba ha ahaatee, in ka badan 6,000 oo Askar ka socota Uganda ayaa qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM, waana Waddanka ay  Ciiddanka ugu badan ka joogaan Somalia, marka loo eego Dowladaha kale ee Ciiddankooda qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]