26.4 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Xog xasaasi ah oo ka soo cusboonatay duqeyntii lagu dilay Caaqil Cumar C/llaahi

0

Badhan (Caasimada Online) – Duqeyn cirka ah oo Maraykanku ka fuliyay waqooyiga Soomaaliya ayaa muran dhalisay, kadib markii dadka deegaanka ay sheegeen in lagu dilay caaqil aad looga yaqaanay gobolka Sanaag, halka masuuliyiin ka tirsan Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) iyo dowladda Soomaaliya ay u sheegeen BBC-da in weerarka lagu bartilmaameedsaday nin hubka Al Shabaab ka ganacsada.

Weerarkan oo dhacay 13-kii Sebteembar, ayaa muranka ka dhashay wuxuu mar kale muujiyay sida duqeymaha cirka ahi ay inta badan u reebaan hubanti la’aan ku aadan cidda lagu beegsado.

Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyay in ay fuliyeen “duqeyn toos ah” maalintaas, iyagoo sheegay oo keliya in bartilmaameedku ahaa “ganacsade hubka al-Shabaab” ka baayac mushtara. Magac kuma aysan sheegin war-saxaafadeedka.

Dadka degmada Ceelbuh ayaa ku tilmaamay ninka la dilay inuu ahaa Caaqil Cumar Cabdullaahi Cali, caaqil caan ku ahaa xallinta khilaafaadka. Odayaasha bulshada ayaa cambaareeyay weerarka, iyagoo ku tilmaamay weerar ka dhan ah dhaqankooda iyo sharafkooda.

BBC Somali ayaa mar labaad weydiisay AFRICOM in ay caddeeyaan haddii qofka ay dileen uu ahaa Caaqil Cumar Cabdullaahi Cali. Taliska ayaa ku jawaabay in aysan haynin faahfaahin dheeraad ah marka laga reebo inta ay war-saxaafadeedka ku soo qoreen.

Mar aynu waydiinay suuragalnimada ah in waxyeello rayid ay jiraan, AFRICOM waxay sheegtay in dacwadaha kiisaska noocaas ah si dhow loo eego, iyadoo natiijooyinka ka soo baxana lagu daabaco warbixino saddex-biloodle ah, balse kama aysan jawaabin in uu socdo baaritaan ku saabsan duqeyntan si gaar ah.

Nabadoon Xuseen Xaaji Yuusuf (Indha-deero), oo isna oday ka ah Ceelbuh, ayaa u sheegay BBC-da in Cumar Cabdullaahi Cali uu ahaa caaqil la ixtiraamo oo door wanaagiisu udub-dhexaad yahay ku lahaa bulshada. Wuxuu sheegay inuusan ahayn nin ay ka muuqatay arrimaha ay masuuliyiintu hadda ku eedeeyeen, balse uu ahaa nabadoon ay geeridiisu ka yaabisay bulshadii uu ka dhashay.

Mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya, oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, ayaa u sheegay BBC-da in bartilmaameedka Soomaaliya iyo Mareykanku runtii uu ahaa Caaqil Cumar Cabdullaahi, isagoo ku sifeeyay “horjooge sare oo u fududeeya argagixisada gobolka dambiyada abaabulan” kaas oo hub siin jiray al-Shabaab iyo ISIS, isla markaana sirdoonka Soomaaliya uu helay xiriir uu Caaqilku la lahaa kooxda Xuutiyiinta ee Yemen.

Masuulka ayaa sheegay in weerarka si qorshaysan loo fuliyay, iyadoo la adeegsanayay kormeer muddo la waday, isla markaana aanay waxyeello ka soo gaarin rayid. Dowladda federaalku weli bayaan rasmi ah kama soo saarin.

Kooxda Al-Shabaab ayaa beenisay in Cumar Cabdullaahi Cali uu xubin ka ahaa ururkooda.

Sheegashooyinkan iska soo horjeeda ee AFRICOM, dowladda Soomaaliya, al-Shabaab iyo bulshada deegaanka ayaa abuuray su’aal ilaa hadda jawaabteedu aysan cadeyn: Mareykanka iyo Soomaaliya maxaysan si rasmi ah ugu magac dhabin in Caaqilku ahaa bartilmaameedkooda?

Ilaa iyo hadda sanadkan 2025, AFRICOM waxay war-saxaafadeed ka soo saartay 55 duqeyn oo ay ka fulisay Soomaaliya. 31 ka mid ah waxaa lagu beegsaday xubno Daacish (ISIS) ah oo ka dagaallamaya buuraleyda Puntland, halka inta kale lagu duqeeyay al-Shabaab.

Washington ayaa ugu tiirsan duqeymaha cirka ah, hase yeeshee waxay sidoo kale mararka qaar dhaliyaan waxyeello rayid oo hufnaanta duqeymaha muran galiya.

Bulshada gobolka Sanaag, ayaa is weydiinaya dhab ahaanshaha sababta ka danbeysa dilka Caaqil Cumar Cabdullaahi Cali.

Ilaa caddayn dheeraad ah la helo, ama Dowladda iyo AFRICOM si rasmi ah u xaqiijiyaan magaca bartilmaameedka, duqeyntani waxay ahaan doonta mid lagu muransan yahay.

Isha: BBC

Guddiga doorashooyinka oo qaaday tallaabo kasii careysiineysa mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa maanta qaaday tallaabo kale oo ka careysiineysa xubnaha mucaaradka ee la baxay Madasha Samatabixinta, kuwaas oo weli diidan hannaanka ay ku socoto doorashada dalka.

Guddiga oo qoraal soo saaray ayaa shaaciyay liiska ururrada cusub ee is diiwaangeliyay, kana faa’iideystay dib u furista diiwaangelinta ururrada siyaasadda oo la furay 23-kii Agoosto, isla markaana xirantay 6-dii bishaan, sida uu shaaciyay guddiga doorashooyinka.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in ay is diiwaangeliyeen illaa 18 urur siyaasadeed, kuwaas oo uu guddigu soo bandhigay magacyadooda, waxaana uu sheegay in haatan wixii ka dambeeya ay ka mid yihiin ururrada rasmiga ah ee siyaasadda Soomaaliya.

“Haddaba GMDQS wuxuu shacabka Soomaaliyeed ku wargelinayaa liiska ururrada siyaasadda Soomaaliya ee ka faa’iideystay dib u furidda diiwaangelinta ururrada siyaasadda oo furantay 23ka Agoosto 2025, isla markaana xirantay 6da Sebteemer 2025” ayaa agu yiri warqadda kasoo baxday guddigga oo hoos lagu caddeeyay magacyada ururrada cusub.

Ururradan iyo kuwii hore isku diiwaangeliyay ayaa u diyaar ah inay ka qayb-galaan doorashooyinka tooska ah ee la filayo inay ka dhacaan dalka, waxaase weli diidan oo saaxadda ka maqan xubnaha Madasha Samatabixinta oo iyagu diidan guddiga doorashada.

Wadarta guud ee ururrada is diiwaangeliyay ayaa kor u dhaafaya illaa 30 urur siyaasadeed, waxaana ku jira xisbiyo ay furteen xubnihii Madasha ee la heshiiyay madaxweyne Xasan Sheekh, kadib wada-hadallo gaar ah iyo heshiis ah ay ku gaareen xarunta Villa Somalia.

“Waxaan idin leeyahay kusoo dhawaada saaxada siyaasadda, maanta wixii ka dambeeya waxaa idinka rabnaa inaad diiwaangelinta dadweynaha usoo dirsataan ergadii goobaha diiwangelinta, insha allah” ayuu horay u yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Cabdikariin Axmed Xasan oo soo dhaweynayay ururrada cusub ee shahaadada qaatay.

Dhinaca kale, waxaa iyana Muqdisho ka socota diiwaangelinta dadweynaha oo dib loo furay, si fursad loo siiyo ururrada cusub ee is diiwaangeliyay, una helaan taageerayaal.

Tallaabooyinkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli xaaladda siyaasadeed ee dalka ay cakirsan tahay, taas oo ka dhalatay muranka doorashooyinka oo ay isku hayaan Dowladda Federaalka iyo dhinaca kale Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

 

Daawo: Senator Qeybdiid oo u hanjabay Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa weerar culus ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo si kulul uga hadlay xiisadda ka dhalatay dhulka ee ka taagan magaalada Muqdisho.

Qaybdiid oo ka qayb-galay kulankii Madasha Samatabixinta ee lagu qabtay hoteelka Jasiira ayaa ku baaqay in la’iska qabto madaxweyne Xasan Sheekh, lagana hortago barakicinta uu ka hayo shacabka.

“Faataxo haloo maro waa soo dhaaftay hadda waxa uu rabaa iska dhicid, Xasan hoggaamiye ayuu yahay waxaan, waana lacag jecelyahay” ayuu yiri Senatorku.

Sidoo kale wuxuu la hadlay xubnaha Madasha iyo Baarlamaanka oo uu ka codsaday inay hadalkooda u beddalaan ficil, si isbeddal looga keeno doodaha ay qabaan ee ka dhashay wax ka beddelka dastuurka iyo hannaanka loo wajahayo doorashooyinka 2026-ka.

“Haddii ay wax xumaadaan meeshii la aadi lahaa Baarlamaanka bey ahayd, balse labada aqal kaalintooda waa ceshan waayeen waa nagala adkaaday ama lacag hanoogala adkaado ama hanagua qiibiileeyo” ayuu mar kale yiri Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid).

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Aniga waxa ay ila tahay Alamtara waa ka timidee shaarica haliskuugu tago”.

Senator Cabdi Qaybdiid ayaa marar badan goob fagaare ah ka weeraray Xasan Sheekh, wuxuuna si cad u sheegay inuu ka qoomameeyay in isaga uu gacantiisa kusoo doortay madaxweynaha, uuna u arko dambi wayn oo uu galay, sida uu hadalka u dhigay.

“Shalay annaga ayaa dooranay meel baa inta aan fariistay gacanta kor u taagay, waxaana iri Ilaahow Rabiyow iga cafi anaa gacantayda ku doortee, waa shakiyay waxaan dareemay inaan dambiile wayn ahay” ayuu horay u yir Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid).

Dhankiisa madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in arrinta dhulka ay tahay khad cas oo aan laga aamusi karin, isagoo uga digay dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh inay ku tagri falaan dhulka dowladda, isla markaana ay si deg-deg ah u joojiso barakicinta shacabka.

“Dadka qaar waxay yiraahdan dhulka qadiyad ma ahan, laakiin dhulka waa qadiyad, adduunka waxa ugu badan isku haysto waa dhul, qabaa’il iyo dowladuhuba waxay isku hayaan dhul. Marka dhulku waa qadiyad iyo qeyb kamid ah dowladnimada,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Waxa uu intaas kusii daray “Dhulka in qolo gaar ah iska maamulato oo sida ay rabto yeesho, dadka masaakiinta ahna wixii la doono laga sameeyo, waxaa u maleynaa in aysan nagu habooneyn in aan ka aamusno.”

Isaias: Somalia sovereignty threatened by UAE ambitions

ASMARA, Eritrea — Eritrean President Isaias Afwerki has warned that Somalia has become a frontline in the Red Sea’s growing power rivalries, accusing the United Arab Emirates and other foreign powers of exploiting fragile states to advance their own interests.

The veteran leader, speaking in a televised interview, said Ethiopia’s controversial maritime pact with Somaliland — granting Addis Ababa access to the Red Sea in exchange for recognition — risked tearing Somalia apart.

“Somalia’s sovereignty must not be a bargaining chip,” Isaias said. “The needs of their peoples do not drive these conflicts in Somalia and Ethiopia, but by outsiders who see the Red Sea as a prize.”

UAE ambitions in the Horn

At the heart of the crisis, Isaias said, lies the UAE’s long-standing ambition to dominate the Red Sea corridor. He accused Abu Dhabi of pursuing influence since the 1970s under Sheikh Zayed, and of steadily expanding its influence through port deals, military bases, and direct intervention.

“Sudan has become a victim of foreign interference,” Isaias said, pointing to Emirati involvement on both sides of the war between rival generals. He said Abu Dhabi’s ambitions stretch from the Suez Canal down through Djibouti, Berbera, Lamu, and Dar es Salaam, reflecting a drive to control the region’s maritime lifelines.

“The turmoil in Sudan and the disputes in the Horn are part of one picture,” he said.

Isaias linked Somalia’s crisis and Sudan’s war to the wider Red Sea, describing it as a new global battleground where great powers are clashing for influence.

“The Red Sea has become a proxy arena,” he said. “The United States, Russia, China, India, Latin America, Japan, South Korea, and others are all competing for control. But the future of this region must be decided by its own people.”

He dismissed the idea that imported models or aid could bring stability. “True security will not come from Washington, Abu Dhabi, or any other capital,” he said. “It will only come through cooperation among the peoples of the Horn of Africa and the Red Sea.”

Ethiopia’s instability

Turning to Ethiopia, Isaias warned that its internal turmoil posed a direct threat to the Horn. While Eritrea normalized ties with its neighbor in 2018, he said Addis Ababa’s repeated crises — from Tigray to Amhara and Oromia — risked spilling across borders.

“For eighty years, Ethiopia’s rulers have pursued expansionist policies,” Isaias said. “We never sought their land, but they constantly sought to undermine ours. Though we paid heavily, we also learned important lessons.”

He rejected Ethiopia’s claim that its maritime deal with Somaliland was a matter of “existential survival,” arguing instead that it reflected desperation. “These are not strategies for development,” he said. “They are reckless ambitions, driven by outsiders who want to exploit Ethiopia’s weakness.”

“Ethiopia’s instability is a danger to the wider region,” he concluded.

Despite the dangers, Isaias insisted that the Horn of Africa still has the capacity to shape its own future.

“True stability will not come from Washington, Abu Dhabi, or any other capital,” he said. “It will only come through cooperation among the peoples of the Horn of Africa and the Red Sea.”

He called for renewed regional dialogue, linking the futures of Somalia, Ethiopia, Sudan, and Eritrea, and urged African states to resist what he described as “divide-and-rule tactics” from external powers.

“The peoples of this region share history, culture, and destiny,” Isaias said. “If they stand together, no outside actor can impose its will.”

Maxay yihiin ciidanka cusub ee uu maanta soo bandhigay Qoor-Qoor? + Sawirro

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul-goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta tababar usoo xiray ciidamo cusub oo kamid noqonayo kuwa Daraawiishta maamulkaasi, kuwaas oo  soo dhammeystay tababarkooda.

Ciidamadan oo si gaar ah loo tababaray ayaa bilihii lasoo dhaafay Layli uga socday xero ku taalla magaalada Dhuusamareeb halkaas oo uu maanta madaxweynuhu tegay, kuna soo xiray tababarka.

Munaasabad ka dhacday goobta ayaa ciidamadu waxa ay ku soo bandhigeen dhoolatus la xiriira cashirradii ay barteen ee dhinaca amniga iyo ka hortagga walxaha qarxa.

Qoor Qoor oo madasha ka hadlay ayaa u hambalyeeyay ciidammada maanta tababarka dhammeystay, waxaana uu kula dardaarmay in dalkooda iyo dadkooda ay ugu shaqeeyaan casharradii iyo tababarkii ay qaateen, iyagoo kaalin muhim ah ka qaadanaya sugida amniga, xoreynta deegaannada cadowgu haysto iyo ilaalinta Dowladnimada.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ciidankan ay qeyb ka qaadan doonaan dagaalka lagua jiro Al-Shabaab iyo sidii looga saari lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin maamulkaasi oo haatan ay ka socdaan howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan dowladda dhexe iyo Galmudug.

Howlgalladii ugu dambeeyay oo ka dhacay gobolka Galgaduud ayaa jab lagu gaarsiiyay argagaxisada, waxaana kamid ahaa duqeyn shalay ka dhacday deegaanka Nooleye ee gobolkaasi, halkaas oo lagu dilay ugu yaraan illaa 4 xubnood, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Ugu yaraan 4 ka tirsan maleeshiyaadka argagixisada Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgalka. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Howlalkaas waxaa ka horreeyay dagaal kale oo dhawaan lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay degmada Ceedheer ee isla gobolka Galgaduud.

Khasaaraha dhimashada ee kooxda Al-Shabaab ayaa gaaray illaa 70 xubnood, halka ay dhaawacmeen 50 kale, sida uu horay u shaaciyay Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha dagaalkii shalay ka dhacay Ceeldheer.

“Khasaaraha dagaalka kusoo gaaray kooxda Khawaarijta, qiyaastii meydadka hadda la hayo waa soddomeeyo, laakiin waxay qaateen oo la hubaa maydad kale iyo dhaawacyo kale, illaa 60 ayuu gaaraya khasaarahooda dhimashada, dhaawacoodana illaa 50 ayuu kor u dhaafay,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale abaal-marisay ciidanka jilibka u dhigay argagixisada ee guusha wayn kasoo hooyay dagaalkii Ceeldheer ee cashirka loogu dhigay Khawaarijta

Jeneraal Qalyare iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa oo la dilay

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax culus oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah aagga buuraha Calmiskaad, kaas oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa maamul-goboleedka Puntland.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Dhasaan oo ka tirsan meelihii horey looga xoreeyay maleeshiyada kooxda Daacish, waxaana lagu dilay taliyihii guutada 2-aad ee ciidanka difaaca Puntland ee wax ka hoggaaminayay dagaalka ka socda halkaasi.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Jeneraal Axmed Cabdi Cali-Qarjab (Qalyare), ayaa ku dhintay qaraxa oo lala helay gaarigiisa, waxaana sidoo kale dhimasho iyo dhaawac kale uu gaaray qaar kamid ah ciidankii la socda taliyaha, xilliga la qarxinayay.

AUN Jeneraal Qalyare ayaa ah sarkaal firfircoon oo ka dhex muquday ciidanka Puntland, wuxuuna horay ugu dhaawacmay dagaalka Calmiskaad, isaga oo dibadda loo qaaday, kadibna markii uu kasoo laabtay dib ugu laabtay difaaca hore oo maanta lagu dilay.

Qaraxa kadib ciidamada ayaa sameeyay howlgal, si ay u baadi goobaan xubnihii Daacish ee ka dambeeyay, kuwaas oo inta badan qaraxyo u aaso kolonyada ciidamada Puntland.

Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka Puntland oo ku aadan qaraxa lagu dilay sarkaalkaasi iyo qaa kamid ah ilaaladiisa ee dhintay, iyaga oo ku jiro shaqadooda, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee Calmiskaad.

Horay kooxda Daacish ayaa sidaan oo kale u qarxisay ciidanka Puntland, waxaana weerarkii ug dambeeyay uu ka dhacay deegaanka Markadaan, oo u dhow halka loo yaqaano Turmusaale oo kamid ah meelihii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay Daacish.

Qaraxaas oo isna ahaa miino ayaa haleelay gaari ambalaas ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Puntland, waxaana ku dhintay ugu yaraan 3 askari oo uu ku jiro sarkaal sare, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Sidoo kale, waxaa qaraxa ku dhaawacmay askar kale oo la socotay baabuurka la beegsaday, iyada oo miinada loogu aasay waddada dhinaceeda.

Kooxda Daacish ayaa marar badan aagga Calmiskaad ka fulisay weerarro noocan oo kale ah, kuwaas oo sababay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac.

Weerarradan cusub ayaa sidoo kale muujinayo in weli Daacish ay awood u leedahay inay qaraxyo ka fuliso halkaasi, waxaana inta badan ay adeegsataa kooxo guur guura oo ka  dhuumaaleysanaya ciidamada, maadaama Daacish lagu jabiyay howlgallada haatan socda.

Colombia illaa Boosaaso – Qandaraasleyaasha dagaalka hurinaya ee la mariyo Somalia

0

Khartuum (Caasimada Online) — Dhulka saxaraha ah ee Sudan ee ay cadceeddu dubtay, waxaa dhex maraya gawaari ciidan oo duugoobay, iyadoo raadiye gaari ay ka baxayaan heeso dhaqameedka vallenato — oo ah cod laga yaqaan Latin America balse aan laga aqoon Bariga Afrika.

Heesahan aan la fileynin inay halkaas ka baxaan ayaa ah kuwa ay dhageysanayaan calooshood-u-shaaqeystayaal u dhashay dalka Colombia, kuwaas oo doorkooda sii kordhaya ee dagaalka sokeeye ee Sudan uu hadda isu beddelay fadeexad caalami ah.

Dowladda Khartuum ayaa dhowaan dacwad rasmi ah u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo ku eedaysay Imaaraadka Carabta inay maalgelisay ayna geysay calooshood-u-shaaqeystayaal Colombian ah si ay u garab dagaallamaan Ciidanka Taageerada Degdegga ah (RSF), oo ah maleeshiyo awood badan oo la dagaallamaysa ciidanka qaranka Sudan.

Mas’uuliyiinta Sudan ayaa sheegay inay hayaan “caddeymo ballaaran” oo ku saabsan olole abaabulan oo ay Abu Dhabi ku doonayso inay ku wiiqdo madaxbannaanida Sudan. Dhanka kale, Imaaraadka Carabta ayaa iska fogeeyay eedeymahan.

Xiisadda ayaa sii korortay kadib markii ciidanka cirka ee Sudan ay 7-dii August gobolka Darfur ku soo rideen diyaarad laga leeyahay Imaaraadka. Waxaa diyaaradda saarnaa 40 calooshood-u-shaaqeystayaal u dhashay Colombia iyo shixnad hub ah oo la sheegay inay ku socotay ciidanka RSF, waxaana halkaas ku dhintay dhammaan dadkii saarnaa. Abu Dhabi ayaa mar kale beenisay inay lug ku lahayd arrintan, halka wasaaradda arrimaha dibadda ee Colombia ay ka aamustay.

Inkastoo ay arrintani tahay mid naxdin leh, haddana ka qaybgalka dagaalyahannada Colombia ee Sudan waxaa horraantii sanadkan lagu xaqiijiyay warbixin ay soo saareen khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay. Joogitaankoodu wuxuu qayb ka yahay ganacsi caalami ah oo dahsoon oo ku saleysan askarta la kiraysto.

Dalka Sudan waxaa hareeyay dagaal sokeeye tan iyo bishii April 2023, markaasoo loollan muddo dheer soo jiitamayay oo u dhexeeyay ciidanka qaranka iyo kuwa RSF uu isku beddelay dagaal fool-ka-fool ah oo dhan walba ah.

Qiyaasuhu waxay sheegayaan in la dilay dad u dhexeeya 20,000 ilaa 150,000 oo qof. Waxaa sidoo kale barakacay in ka badan 14 milyan oo qof, iyadoo macluul ay halis ugu jirto gobollo dhowr ah, waxaana Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (International Criminal Court) ay baareysaa dembiyo naxdin leh oo isugu jira xasuuq wadareed iyo tacaddiyo xagga galmada ah.

Colombia ilaa Boosaaso: Silsiladda isu-gudbinta

Way adag tahay in lala socdo dhaqdhaqaaqa ganacsiga calooshood-u-shaqeysiga, laakiin warbaahin laga leeyahay Colombia oo lagu magacaabo La Silla Vacía ayaa ku qiyaastay in ilaa 380 Colombian ah la qoray tan iyo sanadkii 2024 si ay ugu biiraan ciidanka RSF. Intooda badan waxay ka tirsan yihiin guuto loo yaqaan Yeeyda Saxaraha (Desert Wolves), taasoo u kala baxda afar cutub oo ay hoggaamiyaan askar howlgab ah.

“Askarta Colombia waa kuwa qiimo jaban balse tayo leh,” ayuu yiri Sean McFate, oo ah aqoonyahan Mareykan ah oo ku takhasusay arrimaha difaaca. “Waa dad anshax leh, dagaal soo maray, kharashkooduna wuxuu aad uga yar yahay kan ku baxaya askari Mareykan ah.”

Tobanaan sano oo dagaal lala galay jabhado iyo kooxaha ka ganacsada maandooriyaha ayaa sababtay in Colombia ay yeelato kumanaan askari oo ruug-caddaa ah oo dagaal ku soo tababartay. Si kastaba ha ahaatee, qaar badan oo ka mid ah waxay ku nool yihiin gunno howlgabnimo oo yar oo u dhexeysa $400 ilaa $600 bishii. Taas beddelkeeda, shaqada calooshood-u-shaaqeysiga waxay bixisaa lacag u dhexeysa $2,600 ilaa $6,000, taasoo inta badan lagu xayeysiiyo WhatsApp-ka.

“Marka aysan dowladdu u abuurin fursado, askartu waxay aadaan meelo kale,” ayuu yiri Jose Angel Espinosa, oo ah sarreeye howlgab ah oo hadda maamula urur ay ku mideysan yihiin askartii hore. “Ciidanka waxaan kaga soo tagnaa maskax dagaal ku dhisan—waana waxa kaliya ee aan aqoonno.”

Tan iyo markii uu Madaxweyne Gustavo Petro xafiiska la wareegay sanadkii 2022, waxaa howlgab noqday in ka badan 22,000 oo xubnood oo ka tirsan ciidanka ammaanka Colombia. Tallaabadan ayaa qayb ahaan loo aaneynayaa is-maandhaaf ka dhashay kadib markii uu madaxweynuhu beddelay dhammaan hoggaankii sare ee militariga. Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in carada ka dhalatay arrintan ay sii kordhisay helitaanka calooshood-u-shaaqeystayaasha.

Inta badan dadka la qoro waxaa la soo marsiiyaa shirkado amni oo gaar loo leeyahay oo Colombian ah, kuwaasoo u shaqeeya shirkado Imaaraati ah. Hawlgallada qaarkood waxaa xitaa hoggaaminayay janaraal howlgab ah oo u dhashay Colombia oo fadhigiisu yahay Dubai. Dagaalyahanno badan ayaa la marin-habaabiyay—waxaa loo sheegay inay ilaalin doonaan xarumaha shidaalka ama ay ciidamo tababari doonaan—balse waxay is arkeen iyagoo lagu qasbay inay galaan jiidda hore ee dagaalka Sudan.

Jidadka loo maro safarradan ayaa muujinaya baaxadda caalamiga ah ee ganacsigan. Markii hore, calooshood-u-shaaqeystayaashu waxay ka duuli jireen Abu Dhabi iyagoo u socda magaalada Benghazi ee dalka Libya, halkaasoo lagala wareegi jiray baasaboorradooda ka hor inta aan loo daabulin Sudan. Si kastaba ha ahaatee, markii ay waddadaasi noqotay mid halis badan, waxaa soo baxay waddooyin cusub.

Mid ka mid ah jidadkaas wuxuu si toos ah u soo marayay Geeska Afrika. Dagaalyahannadu waxay ka dhoofi jireen Madrid iyagoo u socda Ethiopia, kadibna waxay usii gudbayeen magaalada dekadda ah ee Boosaaso ee Soomaaliya, halkaasoo ay diyaarad uga sii raacayeen caasimadda Chad ee N’Djamena, ka hor inta aysan ugu dambeyn gaarin magaalada Nyala ee gobolka Darfur—oo fariisin muhiim u ah RSF.

“Xaaladdu halkan waa mid xun, maxaabiis ahaan baa naloo haystaa,” ayuu yiri mid ka mid ah askarta la qoray oo Colombian ah, sida laga maqlay duubis cod ah oo ay heshay warbaahinta La Silla Vacía. Mid kale ayaa isna si aan gabasho lahayn u raaciyay: “Tani waa ka ganacsi dad. Shaqo gaar ah ayaa naloo soo kireystay, balse mid kale ayaa nalagu qasbay.”

Dhaqan caalami ah oo aan xal fudud lahayn

Tani maaha markii ugu horreysay ee dagaalyahanno Colombian ah lagu arko fagaarayaal dagaal oo shisheeye. Ku dhawaad 20 ka mid ah ayaa ku lug lahaa dilkii madaxweynihii Haiti, Jovenel Moïse, sanadkii 2021. Qaar kale waxay hadda ka dagaallamayaan Ukraine, halka ay horey uga soo shaqeeyeen Ciraaq, Afghanistan, iyo Libya. Imaaraadka Carabta laftiisa ayaa sanadkii 2015 boqollaal Colombian ah u kireystay inay la-dagaallamaan Xuutiyiinta Yemen.

“Imaaraadku waa mid ka mid ah macaamiisha ugu waaweyn ee calooshood-u-shaaqeystayaasha adduunka,” ayuu yiri McFate. “Waxay leeyihiin lacag iyo damac siyaasadeed oo caalami ah, calooshood-u-shaaqeystayaashuna waa hab raqiis ah oo ay ku gaari karaan himilooyinkooda. Sudan waxay abuuraysaa baahida, Imaaraadku wuxuu bixinayaa maalgelinta, Colombia-na waxay bixisaa sahayda.”

Ka dib markii diyaaraddii Imaaraadka la soo riday, Madaxweyne Petro wuxuu ballanqaaday inuu soo saari doono sharci mamnuucaya in dibadda laga qorto calooshood-u-shaaqeystayaasha Colombia, wuxuuna sidoo kale furay baaritaan ku saabsan arrintan. Wuxuu ku tilmaamay dhaqankan mid ah “ka ganacsiga dad loo beddelay badeecooyin la doonayo in la laayo.”

Hase yeeshee, khubaradu waxay ka digayaan in dadaallada noocan ahi aysan xallin doonin sababaha asalka u ah dhibaatadan. “Sharcigu waxba kama qabanayo sababaha ay askartu u aqbalaan shaqooyinkan—kuwaasoo ah mushahar yarida, dib-u-laqabsiga bulshada oo aan jirin, iyo dhibaatooyinka nafsaaniga ah ee uu dagaalku ka tago,” ayay tiri Katherin Galindo, oo ah falanqeeye siyaasadeed.

McFate ayaa fikraddaas ku raacay: “Ganacsigan waa mid ku dhowaad aan suurtagal ahayn in la xakameeyo. Qaramada Midoobay waxay caddaysay awood-darro ay ka qabto arrimaha calooshood-u-shaaqeystayaasha.”

Adeegsiga dagaalyahannada Colombia wuxuu iftiiminayaa sida ay danaha shisheeye u sii murjinayaan dhibaatada Sudan. Calooshood-u-shaaqeystayaashu waxay dowladaha sida Imaaraadka siinayaan fursad ay isaga fogeeyaan mas’uuliyadda tooska ah, iyagoo isla markaasna sii hurinaya colaadaha, taasoo ka dhigaysa la-xisaabtanka dambiyada naxdinta leh mid aad u sii adag.

Dhanka kale, askarta ruug-caddaaga ah ee Colombia, saboolnimada iyo dayacaadda ka jirta dalkooda ayaa ku khasbaysa inay u hayaamaan dagaallo ka socda meelo aad u fog—xitaa iyagoo soo maraya magaalooyin sida Boosaaso—halkaasoo aan loola dhaqmin sidii askar oo kale, balse loola macaamilo sidii badeecad la isticmaali karo oo la iska fogeyn karo.

Mucaaradka oo diiday in Xasan uu shuruud ku xiro heshiiska A/Madoobe iyo Deni

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa kulan ballaaran oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa bayaankii ay kasoo saartay qeyb ka ahaa khilaafka siyaasadeed ee dowladda federaalka kala dhaxeeya maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Madasha ayaa dowladda federaalka ku eedeysay inay qalalaase ka wado gudaha labadaasi maamul, iyagoo Madaxweyaha Soomaaliya iyo xukuumaddiisa ugu baaqay inay meesha ka saaraan awoodda ciidan ee u adeegsanayso maamulka Jubbaland.

Waxay si gaar ah madaxweyne Xasan Sheekh uga dalbadeen inuu si shuruud la’aan ah ula heshiiyo hoggaannada Jubbaland iyo Puntland, uuna ku aqbalo kaalinta muhiimka ah ee labada maamul uga jiraan dowlad dhiska dalka.

“Madaxweynaha federaalka waxaa ugu baaqaynaa inuu ka gudbo arrimo shaqsiyeed, una gudbo kal umadeed, isla markaana uu si shuruud la’aan ah u aqbalo kaalinta muhiimka ah ee Jubbaland iyo Puntland,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay mucaaradka.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Madaxweynaha waa inuu la furo wada-hadallo dhab ah labadaasi maamul, oo lagu soo celinayo wada-shaqeyntii labada heer dowladeed ee federaalka iyo dowlad-goboleedka.”

Sidoo kale waxay madashu ugu baaqday madaxweynaha iyo xukuumadiisa in ay joojiyaan ku mashquulida tallaabooyinka siyaasadeed ee muranka dhaliyay, kuwaas oo dib u dhac ku keenay dagaalkii lagula jiray Khawaarijta, isla markaana dib loogu laabto dagaalka lagu xoreynayo waddanka.

Baaqa mucaaradka ayaa imanaya xilli ay muddooyinkii dambe socdeen dadaallo la doonayo in xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee gacan ka hadalka isku rogay ee dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan xaqiijiyey in dowladdiisu ay wada-hadallo la furtay maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, tallaabadaas oo looga gol leeyahay in lagu qaboojiyo khilaaf siyaasadeed oo qaraar oo curyaamiyay dib-u-habaynta qaran, isla markaana huriyay iska hor-imaadyo hubeysan.

Is-mari-waaga daba-dheeraaday ee kala dhaxeeya labadan dowlad-goboleed ayaa wiiqay geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya ee jilicsan, isagoo halis ku ah inuu carqaladeeyo doorashooyin xasaasi ah.

Madaxweynaha oo waraysi siiyay telefishinka Al-Carabiya ayaa xaqiijiyay in wada-hadalladu ay ka socdaan jihooyin kala duwan. “Weli waxaan wada-gadal kula jirnaa Puntland iyo Jubbaland, waxaana rajaynaynaa in arrinta Jubbaland la xalliyo doorashada ka hor,” ayuu yiri. “Wada-hadalka iyo is-aragyadu way sii socon doonaan.”

Madaxweynaha ayaa ku nuux-nuuxsaday in qabashada doorashooyinka golayaasha deegaanka ay tahay mudnaanta koowaad ee dowladdiisa, ayna ku xigi doonaan doorashooyinka qaranka.

Sida ay horay u baahisay Caasimada Online, waxaa jira wada-hadallo hoose oo ay garwadeen ka tahay Kenya oo u bilowday Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Madoobe, si xal looga gaaro khilaafkooda.

Xogo hoose oo ay heshay Caasimada Online ayaa xilligaas ku warramay in khadka telefoonka ay ku wada-hadleen Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe. Wada-hadalkaas ayaa waxaa fududeeyay Taliyaha Sirdoonka Kenya Nuuradiin Yuusuf Xaaji.

Nuuradiin ayaa markaas ka hor safar qarsoodi ah ku tagay Kismaayo. Labada mas’uul ayaa wada-hadalkooda u horeeyay ee ay ku qaateen taleefanka uu ahaa mid kooban, kaasi oo Taliyaha Sirdoonka Kenya ku doonayo inuu bilow u noqdo qaboojinta xiisada Jubbaland iyo Dowladda Federaalka.

Khilaafka Xasan Sheekh iyo Madoobe ayaa kasoo bilowday shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee bishii October 2024, markaas oo la isku mari waayey guddiga doorashada iyo in doorashooyinka qof iyo cod lagu soo doorto madaxda maamullada.

Axmed Madoobe ayaa xilligaas ku dooday in doorashooyinka maamullada ay gooni u qabsadaan, halka Villa Soomaaliya ay ku adkeysaneysay hal guddi doorasho oo ay dowladda dhexe gacanta ku hayso inay qabtaan doorashada labada heer.

Tan iyo markaas wixii ka dambeeyay khhilaafka ayaa isku bedelay dagaallo culus oo ka dhacay Raaskambooni daba-yaaqadii 2024 iyo Beledxaawo Luuliyo 2025, taas oo keentay in ciidamo labada dhinac ah ay xadka Soomaaliya iyo Kenya ka tallaabaan.

Si kastaba, dib-u-heshiisiin lala gaaro Puntland iyo Jubbaland ayaa loo arkaa mid muhiim u ah in geeddi-socod kasta oo doorasho uu noqdo mid lagu kalsoonaan karo dalka oo dhan.

Xog cusub oo muujinaysa qaab yaab leh oo u dhinteen horjoogayaasha Daacish

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Xogo cusub ayaa laga helaya qaabka ay u dhinteen horjoogayaasha kooxda Daacish-ta Soomaaliya oo u badan ajaanib, kuwaas oo maydadkooda looga tegay buuraha Calmiskaad.

Xogaha amni ee soo baxaya ayaa muujinaya in tan iyo bilowgii wajigii labaad ee hawl-galka Calmiskaad ay is qarxiyeen horjoogayaal badan oo ka tirsanaa garabka ajaanibta ee Daacish, si looga hortago in nolol lagu qabto.

Horjoogayaasha ajaanibta oo intooda badan ahaayeen cadaan ayaa is qarxinta ku bilaabay dagaalladii ka dhacay togga Jeceel, xilligii uu socday wajigii labaad ee hawl-galkan, gaar ahaan intii lagu jiray dagaalladii Haraaryo, taas oo socotay ilaa hawl-galladii Miraale iyo Baallade.

Is-qarxinta dagaallamayaasha ajaanibta ayaa bilowday dagaalladii Dharjaale, halka horjoogayaasha kooxdu ay is qarxinta ka bilaabeen togga Jeceel wixii ka dambeeyay qabashadii Turmasaale, una sii gudbay ilaa deegaannada togga Baallade ee ku yaalla duleedka Boosaaso, sida ay sheegeen ilo-wareedyo amni.

Xogtu waxay muujinaysaa in horjoogayaasha ugu muhiimsan kooxda Daacish ee ajnabiga ah ay si joogto ah u adeegsadeen is-qarxinta intii uu socday wajigii labaad ee hawl-galkan.

Tallaabadan ayaa keentay in si weyn loo wiiqo awooddii hoggaamineed ee kooxda, maadaama inta badan saraakiishii ugu sarreeyay ee ajaanibta ahayd ay ka baxeen goobaha dagaalka.

Marka la eego xogaha hadda la helayo, waxaa la qiyaasi karaa in horjoogayaashii ugu badnaa ee Daacish, kuwaas oo u badnaa ajaanib caddaan ah kana yimid in ka badan 20 dal oo kala duwan aysan maanta wax badan ka noolayn.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka dhanka Daacish waxa uu maamulka Puntland sheegay inuu dilay 700 dagaalyahan oo ajaanib ah, oo ka tirsanaa Daacish. Warbixinta Puntland ayaa intaas ku dartay in Soomaalida ku naf waayay howl-galkaasi ay ahaayeen shan qof oo keliya.

Dagaal-yahannadan ayaa ka kala yimid qaaradda Yurub, Waqooyiga Ameerika, Afrika iyo Aasiya.

Inta badan dagaal-yahannada ajaanibta ah waxay ku soo galeen dalka si sharci darro ah ama iyagoo iska dhigay qaxooti, gaar ahaan kuwa ka yimid Itoobiya oo markii dambe ku biiray Daacish, sida uu sheegay maamulka.

Waxaa kaloo jiray kuwo si qarsoodi ah uga soo gudbay xeebaha Yemen, iyagoo adeegsanayay doomaha tahriibka, taas oo ka dhigan inay dalka soo galeen iyagoo aan haysan wax dukumeenti safar ah.

Puntland ayaa ku andacootay in ilaa hadda la tirtiiray 70% dagaal-yahannadii Daacish ee ku sugnaa buuraha Calmiskaad, kuwaas oo badankood ahaa ajaanib. Si kastaba, tan ayaa ka dhigan tiradii ugu badneyd ee dagaal-yahano ajaanib ah muddo kooban lagu dilo gudaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan oo ku sugan Mareykanka oo war cajiib ah ka soo saaray aqoonsiga…

0

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa magaalada New York uga qeyb-galay shir heer caalami oo looga hadlayay aqoonsiga dowladnimada Falastiin iyo xaqiijinta xuquuqdooda taariikhiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ammaan u jeediyay dalalka go’aansaday inay aqoonsadaan Falastiin, isagoo ku tilmaamay tallaabadooda mid sax ah oo taariikhi ah.

Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay mowqifkeeda ah inay si buuxda u garab taagan tahay shacabka Falastiin, kuwaas oo wajahaya go’doomin bani’aadannimo iyo xaalado amni darro oo culus. Dowladda Federaalka ayaa ku baaqday in xal waara oo degdeg ah loo helo dhibaatada ka taagan dhulka Falastiin.

Sidoo kale, Soomaaliya waxay carrabka ku adkaysay in dhisidda dowlad Falastiini ah oo xooggan ay muhiim u tahay xasilloonida gobolka Bariga Dhexe, isla markaana ay dammaanad qaadaysay difaaca xuquuqda dadka Falastiin oo dhibaatooyin adag ku jira.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu xusay in dowladda federaalka ay weligeed taageero la garab taagnayd shacabka Falastiin, ayna kamid ahayd dowladihii ugu horreeyay ee aqoonsada dowladnimada Falastiin, iyadoo si joogto ah u muujisay taageero ku aaddan dhismaha dowlad madax-bannaan.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay muujisay mowqifkeeda joogtada ah ee ah garab-istaagga shacabka iyo dowladda Falastiin, iyada oo ka mid ahayd Dowladihii ugu horreeyay ee aqoonsada dowladnimada Falastiin,” ayaa lagu yiri qoraalka.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Soomaaliya ay dhiirrigelinayso dalalka go’aanka taariikhiga ah ku qaatay aqoonsiga Falastiin, taas oo horseedaysa nabad iyo xasillooni gobolka, isla markaana xaqiijinaysa xuquuqda shacabkan muddada dheer la duudsiyay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sanadkan kamid ah xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa ku adkaysatay in aan laga aamusin tacaddiyada joogtada ah ee Israa’iil ku hayso shacabka Falastiin.

Waxay ku baaqday in dadaal wadajir ah lagu bixiyo dhismaha dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan, caasimaddeeduna noqoto magaalada Qudus.

Ku dhowaad laba sano kaddib markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya Israel iyo Xamaas, waddamo is xigxigay ayaa si rasmi ah u aqoonsaday dowlad Falastiini ah.

Dalka Faransiiska ayaa Isniintii si rasmi ah u aqoonsaday dowladnimada Falastiin, taasoo ah tallaabo uu Madaxweyne Emmanuel Macron ku tilmaamay inay lagama maarmaan u tahay sidii loo heli lahaa nabad waarta. Waxaa sidoo kale la filayaa in dalal kale ay raacaan.

Maalintii Axadda, wadamada Britain, Canada, Australia iyo Portugal waxay ku biireen in ka badan 145-ka dal ee horey u aqoonsanaa Falastiin. Inta badan dalalka aqoonsaday dowladnimada Falastiin waxay sidaas sameeyeen sannadkii 1988-kii, markii uu Ururka Xoreynta Falastiin (Fatax) ku dhawaaqay dowlad madax-bannaan.

Bishii Maajo 2024, dalalka Spain, Ireland iyo Norway ayaa aqoonsaday Falastiin, waxaana dabadood raacay Slovenia iyo Armenia isla sannadkaas gudihiisa. Dhowr waddan oo ka tirsan gobolka Caribbean-ka ayaa sidoo kale tallaabo tan la mid ah qaaday.

Trump oo qorshe xasaasi ah maanta hor-dhigaya Turkey iyo dalalka Khaliijka Carabta

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa inuu Talaadada maanta u soo bandhigo koox hoggaamiyeyaal Carab iyo Muslimiin ah mabaadi’ ku saabsan nabadda iyo maamulka dagaalka kaddib ee Marinka Gaza, sida ay sheegeen laba sarkaal oo Mareykan ah iyo laba sarkaal oo Carab ah.

Tani waxay noqon doontaa hindisihii ugu cadaa oo la taaban karo ee ilaa hadda ka yimaada Trump ee lagu soo afjarayo dagaalka. Kulanka waxaa ka qaybgeli doona hoggaamiyeyaal iyo saraakiil sarsare oo ka kala socda dalalka Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Qatar, Masar, Jordan, Turkey, Indonesia, iyo Pakistan.

Marka laga soo tago sii deynta la-haystayaasha iyo soo afjaridda dagaalka, waxaa la filayaa in Trump uu ka hadlo mabaadi’da ku xeeran ka bixitaanka Israel ee Gaza iyo maamulka halkaas ka dhalan doona dagaalka kaddib, iyadoo aysan ku lug lahayn Xamaas.

Mareykanku wuxuu sidoo kale doonayaa in dalalka Carabta iyo Muslimiintu ay isku raacaan in ciidamo militari ah loo diro Gaza, taasoo suurtagelinaysa ka bixitaanka Israel, isla markaana lagu xaqiijinayo maalgelin Carbeed iyo mid Muslimiin ah oo lagu maareeyo xilliga kala-guurka iyo dib-u-dhiska marinkaas.

Madaxweynaha Indonesia, Prabowo Subianto, ayaa Isniintii sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu askar ku daro ciidamo nabad ilaalin ah oo la geeyo Gaza.

Wadahadalladii heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka Gaza ee sidoo kalena lagu sii daynayo la haystayaasha Israel ayaa maraya meel adag oo hakad uu galay. Dhanka kale, Israel waxay waddaa inay horey ugu dirto saddex qaybood oo ciidan ah, kuwaas oo isugu jira kuwa gaashaaman iyo kuwa lugta, si ay u qabsadaan magaalada Gaza.

Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, shir lagu taageerayay xalka labada dal ayaa ku soo idlaaday iyadoo France iyo dhowr waddan oo kale oo Yurub ah ay aqoonsadeen dowlad Falastiini ah.

In ka badan 65,000 oo Falastiiniyiin ah, oo u badan dad rayid ah, ayaa lagu dilay duqeymaha Israel ee Gaza tan iyo weerarradii Xamaas ee 7-dii Oktoobar ay ku qaadday Israel, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas.

“Kulanka maanta wuxuu noqon karaa mid aad muhiim u ah. Waxaan haynaa sawir guud oo ku saabsan qaabka lagu soo afjarayo dagaalka. Waxaan dooneynaa inaan soo bandhigno waxa aan u aragno inay tahay waddada keliya ee suurtagalka ah ee horay loogu socon karo, waxaana rabnaa inaan helno aqbalaad iyo taageero heer gobol ah si uu qorshahani u guuleysto,” ayuu yiri sarkaal Mareykan ah.

“Sida aan anagu u fahamnay, Trump wuxuu doonayaa inuu helo aragtideena iyo taageeradeena ku aaddan qorshaha Mareykanka ee lagu soo afjarayo dagaalka, ka dibna uu horey u sii wado,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha Carabta.

Saraakiisha Carabta iyo kuwa Mareykanka ayaa ku adkeystay in qorshahani uu noqon doono mid Mareykan ah, ee uusan ahayn keliya qorshe ay Israel leedahay oo uu soo bandhigayo maamulka Trump.

Sarkaal Israeli ah ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Netanyahu uu ka warqabo nuxurka guud ee qorshaha, laakiin uu sidoo kale ogyahay inay jiri doonaan qaybo aysan jeclaysan doonin xukuumadda Israel—gaar ahaan marka la eego kaalinta mustaqbalka ee Maamulka Falastiiniyiinta (Fatax) ee Gaza.

“Waxaa jiri doona ‘kiniini qaraar’ oo ay qasab nagu noqon doonto inaan liqno,” ayuu yiri sarkaalka Israa’iiliga ah. Ma cadda in Trump uu sidoo kale ka hadli doono qorshayaasha Gaza khudbaddiisa uu u jeedinayo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, taasoo dhici doonta dhowr saacadood ka hor kulanka.

Isniinta soo socota, Netanyahu wuxuu ku imaan doonaa Aqalka Cad kulankiisii afaraad ee uu la yeesho Trump tan iyo bishii Jannaayo. Arrinta Gaza ayaana noqon doonta qodobka ugu muhiimsan ee looga hadlo.

Sawirro: DF oo dalka ku soo celisay 173 muwaadin oo laga soo daayay xabsiyada dalka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dalka ku soo celisay 173 muwaadiniin oo laga soo daayay xabsiyada dalka Liibiya, kuwaas oo muddo ku dhibaateysnaa halkaasi.

Diyaarad sidday muwaadiniinta la soo celiyay ayaa Muqdisho keentay 151 qof oo dhalinyaro u badan, waxaana si weyn garoonka Aadan Cadde ugu soo dhoweeyay masuuliyiin ay ka mid yihiin; ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee dalka, wasaaradda arrimaha dibedda oo uu ka socday wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda.

Waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa soo dhaweynta muwaadiniintan, masuuliyiin ka socota xafiiska ergeyga gaarka ah madaxweynaha ugu qaabilsan soo-celinta muhaajiriinta iyo xuquuqda caruurta, hay’adda qaxootiga iyo baracayaasha qaranka Soomaaliyeed, ergayga gaarka ah Midowga Yurub iyo hay’adda IOM oo dowladda ka gacan siisay soo celinta muwaadiniintaan.

Sidoo kale, 22 ka mid ah dadka maanta lagu soo celiyey dalka ayaa laga dejiyey magaalada Hargeysa, iyadoo 151 kalena laga soo dejiyey Muqdisho.

Dhallinyaradaan oo warbaahinta la hadlay ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan yihiin inay dalkooda Hooyo dib ugu soo laabtaan, iyagoo dowladda uga mahad-celiyey inay ka soo saartay xabsiyadii Libya ee dhibaatooyinka nololeed ay ku heysteen.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal dheer u gashay soo badbaadinta dhallinyaradaan oo muddo dheer ku dhibaateysneyd xabsiyada dalka Libya, waxaana hadda lagu guuleystay in dib loogu soo celiyo dalkooda Hooyo.

Horay sidaan oo kale ayaa dalka loogu soo celiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Liibiya oo kamid ah meelaha sida daran loogu dhibaateeyo Soomaalida.

Si kastana, Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in laga war heyn doono dhalinyaradaan, illaa inta ay kala midoobayaan qoysaskooda.

Sidoo kale hay’adaha caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya kala shaqeeya soo celinta muwaadiniinta ku dhibaateysan dalalka shisheeye ay u fidin doonaan kaalmo dhaqaale oo dib ugu soo kabtaan.

Guddoonka labada gole ee BF oo qaaday tallaabo la xiriirta Dastuurka + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha ShacabkaSheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta qaaday tallaabo la xiriirta wax ka beddelka dastuurka KMG ah, waxayna soo xireen kulan banbax ah oo xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa uga socday guddiga lasocodka iyo dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa Aqal iyo guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka.

Waxaa kale oo kulanka ka qayb-galay guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka, habdhowrka, guddoonnada guddiyada dib-u-eegista, xoghayeyaasha guud ee Baarlamaanka labadiisa aqal iyo sidoo kale guddiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa aqal.

Ujeedka kulankan oo socday laba cisho ayaa waxaa uu daarnaa dardargelinta howlaha dib-u-eegista iyo dhammaystirka dastuurk,  si cutubyada harsan loogu gudbiyo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya isla markaana uu uga guto waajibaadkiisa shaqo.

Labada guddoomiye oo madasha ka haday ayaa sidoo kale bogaadiyey kuna ammaanay guddiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa aqal iyo guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka shaqada adag ay u hayaan qaranka.

Sidoo kale, waxa ay kula dardaarmeen inay sii laba jibaaraan shaqooyinkooda, si loo dhameystiro wax ka beddelka dastuurka iyo guud ahaan sidii loo dhammeystiri lahaa qodobada harsan.

Dowladda ayaa qorsheynaysa in kalfadhiga 7-aad la meelmariyo wax ka beddelka cutubyada dhiman ee dastuurka KMG ah, iyadoo hay’addaha u qaabilsan dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya ay soo gaba-gabeeyen la-tashiyo ku saabsan wax ka beddelka cutubyada 10 ilaa 15 ee Dastuurka, oo ay gadaal ka riixayso Villa Soomaaliya.

Ansixinta afarta cutub ee ugu horreeya ee Dastuurka ayey weli taagan tahay dood, gaar ahaan cutubka 4-aad ee ku saabsan nidaamka doorashooyinka, taas oo qaar kamid ah mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyadu ka muujiyeen walaac.

Baarlamaanka Soomaaliya oo dhawaan furmi doono ayaa waxaa la filayaa inuu khudbad u jeediyo madaxweynaha JFS oo ka hadli doono arrimo xasaasi ah, sidoo kale dalabaad culus u gudbin doono labada gole oo ay ugu muhiimsan tahay Dastuurka iyo doorashooyinka.

Mucaaradka ayaa weli dhankooda dood adag la fadhiya bannaanka, waxaana ay kasoo horjeedaan, sida ay wax ku wadaan hoggaanka Villa Soomaaliya.

Si kastaba, Baarlamaanka Federaalka oo muddo xirnaa ayaa furitaankiisa isha lagu wada hayaan, maadaama uu kusoo aaday xilli xasaasi ah oo ay taagan tahay xaalad siyaasadeed, sidoo kale waxaa jira guusha mooshin xildhibaanno ay ka wadaan Xamza.

Muxuu Xasan Sheekh uga hadlayaa khudbaddiisa shirka QM? + Sawirro

0

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Mareykanka ayaa ka qayb-gelay furitaanka meertada 80-aad ee Golaha Guud ee QM oo ay isugu tageen inta badan xubnaha ku jira golaha.

Shirkan oo sanadle ah ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saarayaa sidii loo qaadi lahaa tallaabo wadajir ah oo ku aadan isbeddelka cimilada iyo saameynta taban ee uu ku leeyahay dunida, si xal loogu helo.

Waxaa kale shirka looga hadli doonaa xoojinta nabadda, amniga, dib-u-habeynta hay’adaha caalamiga ah, wax ka qabashada saboolnimada, iyo horumarinta dhaqaalaha guud.

Sida qorshuhu yahay madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo madasha, isaga oo kaga hadli doono arrimaha mudnaanta u leh Soomaaliya, xaaladaha ka jira gobolka iyo caalamka.

Sidoo kale  madaxweynaha ayaa golaha la wadaagi doono guulaha ay dowladdiisa ku tallaabsatay, gaar ahaan horumarrada laga sameeyay dagaalka lagula jiro argagixisada, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya oo looga hadlay doorka Xasan.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweynaha uu ka hadli doono qorshaha dowladdiisa ee ku aadan hirgelinta doorashooyinka tooska ah oo ay haatan isku hayaan dhinacyada siyaasadda, gaar ahaan Villada Somalia, mucaaradka, Puntland iyo Jubbaland.

“Madaxweynaha ayaa Golaha ka jeedin doona kalmad ku saabsan xaaladda dalka, isagoo soo bandhigi doona guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, dib u habaynta dhaqaalaha, dowlad-dhiska iyo hirgelinta doorashooyinka tooska ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale inta uu joogo New York, kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda tageysa shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay, isaga oo kala hadli doono danaha labada dhinac, xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iyo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya.

Si kastaba, shirka ayaa sanadkan kusoo aaday, iyada oo caalamka uu wahayo qataro waa wayn, sida xiisadda bariga dhexe ee kasii dareysa kadib markii uu sii xoogeystay dagaalka ka socda gobolka ee hormuudka ay u tahay Israel oo weerarradeeda sii laba jibaartay.

Ciidanka Somalia iyo kuwa Midowga Yurub oo dhoolatus ka sameeyay badda + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xeebaha Soomaaliya iyo kuwa badda ee Midowga Yurub ee loo yaqaano Atalanta ayaa maanta si wadajir ah dhoolatus.

Dhoolatuskan wadajirka ah ayaa lagu soo bandhigay awoodda ciidanka Soomaalid ee ku aaddan fulinta hawl-gallada khaaska ah ee badda.

Dhoolatuskan ayaa diiradda lagu saaray qaabka loo maareeyo xaaladaha dadka ku soo xadgudba biyaha Soomaaliya, iyadoo ciidanka Soomaaliyeed lagu tusay farsamooyinka lagama maarmaanka u ah hawlgalladaas.

Intii uu socday bandhigga ayaa sidoo kale la tijaabiyay xirfadaha ciidamada ee la xiriira fulinta hawl-gallada culus oo lagu wajaho maraakiibta, taas oo qayb ka ahayd muujinta kartida ay u leeyihiin difaaca xeebaha dalka.

Howl-galka Midowga Yurub ee ka socda biyaha Soomaaliya ayaa ammaanay ciidanka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in ay leeyihiin awood buuxda oo ay kaga hortagi karaan dambiyada iyo falalka sharci-darrada ah ee ka dhaca xeebaha Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta howl-galka Atalanta ayaa sidoo kale qiray in ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya ay si wanaagsan uga jawaabi karaan caqabadaha ka dhasha biyaha dalka, taas oo muujinaysa horumar ku aaddan tababarkooda iyo diyaar garowgooda.

Midowga Yurub ayaa weli qayb weyn ka qaata tababarka iyo dhoolatusyada ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya, si ay u yeeshaan awood ay kaga hortagaan khataraha kala duwan, gaar ahaan burcad-badeedda iyo falalka kale ee ka dhici kara biyaha Soomaaliya.

Daawo: Shariif oo uga digay Xasan Sheekh arrin ‘khad cas ah’ oo aan laga aamusi karin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, haatanna ah hoggaamiyaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa maanta khudbad uu ka jeediyay shirweynaha mucaaradka ee ka furmay Muqdisho si adag uga hadlay qaylo dhaanta ka taagan dhulka danta guud.

Shariif ayaa sheegay in arrinta dhulka ay tahay khad cas oo aan laga aamusi karin, isagoo uga digay dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh inay ku tagri falaan dhulka dowladda, isla markaana ay si deg-deg ah u joojiso barakicinta shacabka.

“Dadka qaar waxay yiraahdan dhulka qadiyad ma ahan, laakiin dhulka waa qadiyad, adduunka waxa ugu badan isku haysto waa dhul, qabaa’il iyo dowladuhuba waxay isku hayaan dhul. Marka dhulku waa qadiyad iyo qeyb kamid ah dowladnimada,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Waxa uu intaas kusii daray “Dhulka in qolo gaar ah iska maamulato oo sida ay rabto yeesho, dadka masaakiinta ahna wixii la doono laga sameeyo, waxaa u maleynaa in aysan nagu habooneyn in aan ka aamusno.”

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa si cad u sheegay arrinta dhulka ay tahay qadiyad si guud u taabaneysa dadka Soomaaliyeed, isagoo ku dhaliilay hoggaanka tallada haya in uu ku dhaqaaqay wax aysan ku dhiiran dowladihii ka horeeyay.

“Nidaam weli ku dhiirada in dhulka qaranka siduu doono ka yeelo ma jiro. Nin walba iyo koox walba oo dalkaan soo martay dhulka aad ayay uga taxadartay. Hadda arrinta dhulka waxay soo gaartay meel aan laga aamusi karin siyaasi iyo qof caadi ahba,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka.

Dhinaca kale, Shariifka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii dhawaan kasoo yeeray madaxweynaha Soomaaliya ee sida weyn uga caroodeen qurbajoogta Soomaaliyeed, kaas oo shaki galinayay Soomaalinimadooda.

“Dadka shirka kasoo qeyb-galay waxaa kamid ah qurbajoogta Soomaaliyeed, oo baryahan dambe qadiyad quseysa ay halkaan taalo, taas oo ku saabsan Soomaalinimadooda. Qof walba oo Soomaali ah wuxuu makaan ku leeyahay dalka,” ayuu yiri Shariifka oo si adag uga horyimid in qurbajoogta Soomaaliyeed ee dhalashada shisheeye sidata laga saaro Soomaalinimada.

Madaxweynaha Soomaaliya oo dhawaan ka hadlayay arrimo ku aadan horumarinta baasaboorka dalka iyo nidaamka lasoo kordhiyay ee e-Visa ayaa sheegay in qofka sita baasaboor ajnabi ah uu lamid yahay ninka ajnabiga ah ee dalka soo galaya, sidaas darteedna laga rabo inuu u hoggaansamo shuruucda cusub ee ay soo rogtay dowladda.

“Baasaboor shisheeye qofkii wata Soomaali ma aha, luuqadda Af-Soomaaliga iyo midabka madow laguma noqdo Soomaali.” ayuu markaas yiri madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo fal-celin xooggan ka dhalisay baraha bulshada.

Hoos ka daawo

Soomaaliya iyo Serbia oo kala saxiixday heshiis + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Serbia ayaa gaaray heshiis cusub, kaasi oo lagu saxiixay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Heshiiskan ayaa imid kadib kulan New York ku dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisalaan Cabdi Cali iyo dhiggiisa dalka Serbia, Marko Đurić, xilli uu halkaasi ka soconayo fadhiga guud ee 80-aad ee Qaramada Midoobay.

Intii lagu guda-jiray kulanka, ayaa labada wasiir waxa ay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad oo ka dhexeeya Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Akadeemiyadda Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Serbia.

Heshiiskan ayaa qeexaya in Serbia ay Soomaaliya ka gacansiinayso tababarka diblumaasiyadda iyo kartida dhisidda aqooneed oo muhiimad gaar ah u leh howlwadeennada Wasaaradda Arrimaha Dibadda sida hadalka loo dhigay.

Heshiiska ayaa ujeedkiisu yahay kor u qaadidda iskaashi dhow oo ku qotama tababbarka diblomaasiyadeed iyo karti-dhisidda aqooneed.

Dowladaha Soomaaliya iyo Serbia waxa ay horay u kala saxiixdeen heshiisyo kala duwan sida caafimaadka, militariga, amniga iyo kuwo kale, iyadoo xukuumadda Muqdisho ayaa dhiggeeda Belgrade uga faa’iidaysanaysa waaya-aragnimadeeda.

Heshiisyada labada dal ayaa waxaa ugu weyn kan amniga, waxayna Serbia ka taageeri doonta Soomaaliya dhinacyada la-dagaalanka argagixisada, musuq, dambiyada ka dhaca xuduudaha, dambi barista iyo tababarrada ciidamada.

Serbia ayaa sanad walba waxaa tababar heer sare ah kusoo qaata boqolaal saraakiil ah oo ka tirsan ciidamadq Soomaaliya, gaar ahaan booliska, iyadoo marwalba labada dhinac sii xoojinayaan iskaashigooda milatari.

Sanadkii 1962-kii ayuu soo bilowday xiriirka booliska Soomaaliya iyo kan dalka Serbia, inkastoo uu hakad galay sanadkii 1992-kii, balse dib u furidii safaaradda Soomaliya ee Belgrade ayaa suurta-gelisay dib u soo celinta xiriirka labada boolis.

Dowladda Serbia waxay ka mid tahay dalalka caalamka ee dowladda Soomaaliyeed ku garab siiya dib u dhiska hay’adaheeda muhiimka ah, iyadoo sanadihii dambe ay dowladda Soomaaliya xoojisay xiriirka ay la leedahay.

Kadib go’aankii dalalka Yurub waa imisa tirada waddamada aqoonsan dowlad Falastiin?

New York (Caasimada Online) – Ku dhowaad laba sano kaddib markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya Israel iyo Xamaas, waddamo is xigxigay ayaa si rasmi ah u aqoonsaday dowlad Falastiini ah—waana dood la filayo inay toddobaadkan si weyn u qabsato fadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Xilli ay Isniintii magaalada New York isugu yimaadeen wufuud ka socota in ka badan 190 dal, waxaa iska hor imaan doona Madaxweyne Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, oo labaduba kasoo horjeeda aqoonsiga dowladnimada Falastiin, iyo inta badan caalamka intiisa kale.

Dalka Faransiiska ayaa Isniintii si rasmi ah u aqoonsaday dowladnimada Falastiin, taasoo ah tallaabo uu Madaxweyne Emmanuel Macron ku tilmaamay inay lagama maarmaan u tahay sidii loo heli lahaa nabad waarta. Waxaa sidoo kale la filayaa in dalal kale ay raacaan.

Maalintii Axadda, wadamada Britain, Canada, Australia iyo Portugal waxay ku biireen in ka badan 145-ka dal ee horey u aqoonsanaa Falastiin.

Ra’iisul Wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa ku tilmaamay Xamaas “urur argagixiso oo naxariis daran” oo aan wax door ah ku yeelan karin maamulka Marinka Gaza. “Baaqa xal laba-dowladood oo dhab ah wuxuu si toos ah uga hor imanayaa aragtidooda nacaybka xambaarsan.”

“Aqoonsiga Dowladnimada Falastiin, oo ay hoggaaminayso Maamulka Falastiiniyiinta (Kooxda Fatax), wuxuu awood siinayaa kuwa raadinaya nabad ku wada noolaansho iyo soo afjaridda Xamaas,” sidaas waxaa bayaan uu soo saaray Axaddii ku sheegay Ra’iisul Wasaaraha Canada, Mark Carney.

Wuxuu intaas ku daray in tallaabadani aysan “sinaba” sharciyad u siinayn ama abaalmarin ugu ahayn argagixisada.

Inta badan dalalka aqoonsaday dowladnimada Falastiin waxay sidaas sameeyeen sannadkii 1988-kii, markii uu Ururka Xoreynta Falastiin (Fatax) ku dhawaaqay dowlad madax bannaan.

Bishii Maajo 2024, dalalka Spain, Ireland iyo Norway ayaa aqoonsaday Falastiin, waxaana dabadood raacay Slovenia iyo Armenia isla sannadkaas gudihiisa. Dhowr waddan oo ka tirsan gobolka Caribbean-ka ayaa sidoo kale tallaabo tan la mid ah qaaday.

Bishii Luuliyo, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka, Marco Rubio, wuxuu si kulul u dhaleeceeyay qorshaha Macron ee ah inuu aqoonsado dowladnimada Falastiin, isagoo ku tilmaamay mid “taxaddar la’aan ah.”

Xildhibaanno badan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa si la mid ah tallaabadan ugu qeexay abaalmarin la siinayo Xamaas—balse hoggaamiyeyaasha taageersan aqoonsiga ayaa ku tilmaamay mid lagama maarmaan u ah xalka labada dowladood, isla markaana si toos ah uga hor imaanaysa aragtida Xamaas.

Dalalka, Andorra, Belgium, Luxembourg, Malta iyo San Marino ayaa la filayaa inay si degdeg ah ugu biiraan waddamada aqoonsanaya dowladnimada, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Bayaan adag oo laga soo saaray shirka Madasha Samatabixinta + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan saacado badan qaatay oo magaalada Muqdisho uga socday siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa lasoo gaba-gabeeyay.

Shirkan oo ay ka qeyb-galeen inta badan hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa waxaa mar kale dhaliilo xooggan loogu jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa.

Bayaan kasoo baxay shirka mucaaradka ayaa waxaa si adag looga horyimid wax ka beddelka dastuurka, kaasi oo madashu sheegtay inuu dhaawac weyn u geystay kalsoonida shacabka iyo hanaanka siyaasadeed ee dalka.

“Waxaa si adag oo wadajir ah uga soo horjeedna isku-dayga madaxweynaha iyo xukuumadiisa ay ku beddeleen dastuurkii 2012, iyadoo aan la helin wada ogol siyaasadeed oo ku dhisan nidaamka federaalka, hab dhaqankan kali-talisnimo waxa uu dhaawac weyn u geystay kalsoonida shacabka iyo hanaanka siyaasadeed ee dalka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Ku tagri falka dastuurka iyo wax ka beddelka halka dhinaca ah ee madaxweynaha iyo xukuumadiisa waxay wiiqday rejadii iyo kalsoonidii shacabka ee ku aadaneyd dowladnimo hufan oo ku dhisan sharci iyo cadaalad.”

Madasha ayaa sidoo kale waxay dalbatay in si degdeg ah loo qabto doorashooyinka dowlad-goboleedyada muddo dhaafay, iyadoo loo marayo hanaan dastuuri ah, hufan oo lagu kalsoonaan karo si loo xaqiijiyo sharciyada hay’adaha dowlad-goboleedyada iyo hirgelinta nidaamka federaalka.

“Waxaan si wadajir ah ugu baaqayna in si deg-deg ah loo qabto doorashooyinka dowlad goboleedyada ee muddo-xileedkooda dhamaaday,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay shirka mucaaradka.

Sidoo kale waxa lagu yiri “Waxaa xasuusinayna madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in waxa ka socda maamul goboleedyada ay kasoo horjeedan sharci kasta oo waddanka u yaalla.”

Madasha ayaa si gaar ah farta ugu fiiqday maamullada HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo madaxweynaha haatan jooga uu muddo xileedkiisa ku eeka 2-dii February 2024. “Waxaa waajib ah in si degdeg ah loo qabto doorashooyinka dowlad-goboleedyada, si loo xaqiijiyo sharciyadda hoggaannada iyo maamulka nidaamka federaalka.”

Madasha ayaa dalbatay in doorashada madaxtinimada Soomaaliya waqtigeeda lagu qabto, iyadoo la aadayo doorasho heshiis lagu wada yahay oo natiijadeeda la aqbalayo, iyagoo caddeeyay in aysan marnaba aqbali doonin muddo kororsi.

“Waxaan muujinayna warwar iyo walaac xooggan oo ku saabsan hubanti la’aanta hadheysay geedi socodka xilliga kala guurka siyaasadeed iyo qabsoomida loo qorsheeyay dhamaadka muddo xileedka dastuuriga ah ee ku eeg 15-ka May 2026. Waxaa muuqata in madaxweynaha federaalka iyo xukuumaddiisa ay ku guul-dareysteen inay caddeeyaan nidaam doorasho oo lagu kalsoonaan karo, isla markaana ay soo bandhigaan hanaan hufan oo lagu maareyn karo wareejinta awoodda xilliga kala guurka.”

Sidoo kale waxay madashu si adag u cambaareysay tallaabooyinka ay dowladda Xasan Sheekh sida ula kaca ah ugu fogeynayso maamullada Jubbaland iyo Puntland, iyadoo ugu baaqday in ay joojiso qalalaasaha ay ka wadaan maamuladaasi.

“Madaxweynaha federaalka waxaa ugu baaqaynaa inuu ka gudbo arrimo shaqsiyeed, una gudbo kal umadeed, isla markaana uu si shuruud la’aan ah u aqbalo kaalinta muhiimka ah ee Jubbaland iyo Puntland, lana furo wada-hadallo dhab ah oo lagu soo celinayo wada-shaqeyntii labada heer dowladeed ee federaalka iyo dowlad-goboleedka,” ayaa lagu yiri bayaanka mucaaradka.

Ugu dambeyntiina, waxay Madashu ugu baaqday Madaxweynaha iyo xukuumadiisa in ay joojiyaan ku mashquulida tallaabooyinka siyaasadeed ee muranka dhaliyay, kuwaas oo dib u dhac ku keenay dagaalkii lagula jiray Khawaarijta, isla markaana dib loogu laabto dagaalka lagu xoreynayo dalka.

Hoos ka daawo bayaanka oo dhameystiran

DF oo diyaar garow ugu jirta saxiixa heshiisyo xasaasi ah oo lala galayo dalka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta u diyaar garowga heshiisyo xasaasi ah oo ay la saxiixanayso dalka Qatar.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa maanta ka dhacay kulanka u diyaar-garowga is-afgaradyada iskaashiga (MoUs) ee Soomaaliya iyo Qatar, kaasi oo uu guddoomiyey ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee xukuumadda Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay diyaarinta iyo dardar-gelinta is afgaradyada dhinacyada kala duwan ee muhiimka ah ee ay kala saxiixanayaan labada dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

  • Iskaashiga Difaaca
  • Dhalinyarada iyo Ciyaaraha
  • Waxbarashada Sare iyo Dhaqanka
  • Warbaahinta
  • Maaliyadda (Cashuuraha iyo Kastamka)

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo kulanka ka hadlay ayaa xusay in heshiisyadani ay qayb ka yihiin dadaallada xukuumadda Dan-Qaran ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah, lana doonayo in si toos ah loogu turjumo adeegyo iyo fursado shacabka Soomaaliyeed.

Saxiixa heshiisyadan ayaa imanaya xilli ay dowladda Qatar xaqiijisay garab istaagga ay u hayso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada la xiriira xasilinta amniga, tababarka iyo tayaynta ciidamada iyo xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee labada dal, iyadoo Wasiirka Difaaca uu sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu sii kordhiyo taageerada uu siiyo Soomaaliya.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa daba-yaaqadii bishii August ee sanadkaan meel-mariyay heshiis is-afgarad oo u dhaxeeya Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Qatar.

Si kastaba, heshiisyada ay dhawaan Soomaaliya la saxiixanayso Qatar ayaa qeyb ka noqonaya heshiisyo tiro badan oo dowladda ay la gaartay dalalka saaxiibka la ah, iyadoo horay sidaan oo kale ay heshiisyo difaac ula soo gashay waddamada Turkiga, Masar iyo dowlado kale oo muhiim ah.

Horraantii sanadkii hore, Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi difaac, xilligaas oo Ankara ay ka dhacday xaflad rasmi ah oo ay ka qeyb-galeen wasiirka gaashaandhigga Turkiga, Yasar Guler iyo wasiirka difaaca Soomaaliya ee xilligaas Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Heshiiskaas ayaa dhigayay iskaashi dhinacyo badan leh, oo ay ka mid yihiin la-dagaallanka argagixisada, kaalmo dhaqaale oo milatari, iyo tababaro wadajir ah oo la siinayo ciidamada labada dal, taasoo muujinaysa sida labada dhinac ugu heelan yihiin nabadgelyada Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka.

Tan iyo 2021, Turkiga waxa uu tababar siiyay ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya, wuxuuna dalka ka dhistay saldhig milatari, iyadoo Ankaray ay ku dhawaaqday qorshe ay markabyo dagaal ku geynayo biyaha Soomaaliya si ay u sugaan badqabka markab sahminaya shidaal oo uu leeyahay Turkiga.

Turkiga ayaa sidoo kale hub iyo qalab ciidan u iibiyay Soomaaliya, waxaana uu hadda ka fiirsanayaa inuu si rasmi ah ciidan joogto ah ugu howlgeliyo gudaha dalka. Intaas waxaa dheer, Turkiga waxa uu Soomaaliya siiyay gaadiidka gaashaaman ee Kirpi, baabuurta xamuulka, iyo qalab kale oo milatari, si loo xoojiyo dadaallada lagu xasilinayo dalka.

Arrintan ayaa sidoo kale qeyb ka ah istaraatijiyaddiisa uu ku doonayo in uu saameyn ballaaran ku yeesho gobolka, oo horey ay ugu tartamayeen Mareykanka iyo Shiinaha.

Sidoo kale, heshiiska difaac ee Masar ayaa kamid ah kuwa ugu waaweyn ee dowladda Xasan Sheekh ay saxiixday dhanka amniga, iyadoo labada dal ay iskaashigooda sii xoojiyeen heshiiskii gardarrada ahaa ee Itoobiya la gashay Somaliland, kaasi oo ay ku dooneyso Addis Ababa inay kusoo gaarto biyaha Soomaaliya.

Kadib heshiiskaas, Masar ayaa Soomaaliya soo gaarsiisay saanad ciidan iyo hub culus, iyadoo dhawaan ciidamo usoo diraysa gudaha dalka. Sidoo kale waxay Qaahira door weyn ka qaadaneysa tayeynta ciidamada Soomaaliya oo hub iyo qalab ay siineyso.

Isku soo wada duubo, arrimahaan ayaa imanaya xilli ay Soomaaliya haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, isla markaana uu qeybo ka mid ah dalka ka socdo dagaal culus oo ka dhanka ah kooxaha argagixisada.