26.4 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Madaxda mucaaradka oo shaaciyay sababta ay u tageen saldhiga Warta Nabadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Hotel Jazeera ayaa sheegay in saldhiga Warta Nabadda u tageen si ay usoo damiintan shacab ay dhibaato u geysteen ciidanka booliska oo lagu xiray saldhigaasi.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay in ehellada dadka la dhibaateeyay ay ka codsadeen inay garab istaag u muujiyaan, sidaas darteedna ay saldhiga u tageen inay soo wadaan odeyga waayeelka ah ee maanta lagu jirdilay xaafadda Siinaay, si isbitaal loo geeyo.

“Ehellada dadkii la dhibaateeyay ayaa noo yimid oo nagu dhahay na garab istaaga, nala soo damiinta dadka dhaawaca ah, weliba odayga waayeelka cuduro badan uu qabay, oo isbitaal nala geeya ayey na dhaheen,” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan ayaa caddeeyay in Taliska booliska ay kusii wargeliyeen tagitaankooda, si ay usoo damiintan dadka loo xiray arrimaha dhulka danta guud, balse ay kala kulmeen in xabad loogu jawaabo.

“Waxaa dhahnay in dadka booqano ayaa rabnaa, irida saldhiga ayuu xirtay, ciidankiisana wuxuu amray inay xabado ridaan. Xabadaha markii hore kor ayay u dhacayeen, anaga dan kama gelin maadaama ujeedadii aan u soconay oo damiinta aheyd naloo diiday, waxaan go’aansanay in shir jaraa’id ku qabano saldhiga hortiisa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Warsame oo xusay in aysan u socon arrimo siyaasadeed ayaa sheegay in ciidanku xabad ku bilaabeen iyagoo ku guda jira shirkooda jaraa’id, kadib markii ay kasoo tageen saldhigana ay ka daba yimaadeen, iyagoo xabado la dhacay gawaaridii ay wateen hoggaamiyeyaasha mucaaradka, sida uu sheegay.

“Ciidankeenna waxaa farnay in aysan ka jawaabin laakiin xabada waa sii socotay. Waan kasoo tagtay saldhiga, waxaan isku daynay in shirka jaraa’id ku qabano halkii dadka laga barakiciyay oo odeyga waayeelka ah maanta lagu jirdilaayay, way nooga daba yimaadeen oo markale ayay na xabadeeyeen,” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan ayaa ayaandarro ku tilmaamay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu shir uga qeyb-galo New York, isagoo metalaya magaca Soomaaliyeed, isla markaana suuqa Siinaay lagu xabadeeyo ehellada dadkii maanta la jirdilay iyo mas’uuliyiintii xilka uga horreeyay.

“Taliyaha gobolka Banaadir ee la yiraahdo Macalin Mahdi uu mission-kaasna mas’uuliyadiisa uu leeyahay,” ayuu yiri Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Iska hor imaadka maanta dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo mucaaradka sheegeen in si bareer ah loo waxyeelleeyay.

Taliska ciidanka booliska ayaa dhankiisa sheegay in ciidanka mucaaradka ay jabiyeen xeerkii xakameynta hubka ee magaalada Muqdisho, isla markaana ay isku dayeen inay xoog ku galaan saldhiga.

Taliyaha booliska gobolka Banaadir, Macallin Mahdi oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa sheegay in isku dhaca uu yimid kadib markii ciidamada mucaaradka oo watay hub culus, oo aan soo wargelin taliska ay isku dayeen inay xoog uga gudbaan irida saldhiga, kaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo muuqaalka

Aabaha iyo hooyadii lagu jirdilay Siinaay oo loo geeyay Asad Diyaano + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa la kulmay caawa Hooyo iyo Aabbe Soomaaliyeed oo askar ka tirsan laamaha amniga ay jirdil xun ugu geysteen xaafadda Siinaay.

Aabaha iyo Hooyada Soomaaliyeed ayuu Taliyuhu ka raali-geliyey dhacdada xad-gudubka ah ee loo geystay, waxaana uu ku macneeyey falka dhacay mid ka baxsan anshaxa iyo sharciga ciidanka.

“Waxaa naga go’an ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo la xisaabtanka cid kasta oo ka tirsan ciidanka ee jebisa sharciga ama ku xad-gudubta mas’uuliyadda loo dhiibay,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa isla caawa kulan la qaatay ehellada Aabahan ay jirdilka u geysteen askarta ka tirsan ciidanka booliska, oo qeybtood lasoo xiray galinkii dambe ee maanta.

Ehellada Aabaha dhibanaha ah ayaa Taliyaha uga mahad-celiyey siduu uga jawaabay dhacdada jirdilka ah ee ehel ahaan ay la kulmeen.

Sidoo kale waxay aqbaleen raali-gelinta ay madaxda sare kala kulmeen, kadib falkii foosha xumaa ee ay ku kaceen ciidan ka tirsan laamaha amniga.

Kulankaan waxaa goobjoog ka ahaa Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi, Taliyaha Booliska gobolka Banaadir Macalin Mahdi iyo Xildhibaan Yaasiin Fareey.

Si kastaba, baraha bulshada ayaa si weyn loogu baahiyay muuqaalada, waxaana kasoo muuqday Aabe Sheekh Axmed Siicow Maxamed oo dhawaan ka qayb-galay shirkii Madasha Samatabixinta ee hoteel Jasiira, kaas oo ay jirdil xoog leh kula kaceen ciidamada saaka tegay Siinaay.

Arrintan ayaa dhalisay xiisad xooggan, iyadoo mucaaradka iclaamiyya banaanbax weyn oo ka dhan ah dowladda Xasan Sheekh, kaasi o dhici doona maalinta Sabtida oo taariikhdu tahay 27 September 2025.

Mucaaradka ayaa sheegay in bannaanbaxyada ay ka dhici doonaan saddex goobood oo kala ah: Tarbuunka, Siinaay iyo Dayniile, iyagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay soo baxaan, si loo muujiyo diidmada gaboodfalada ay ku kaceyso dowladda.

Bannaanbaxan oo kusoo aadaya xilli xasaasi ah, ayaa noqon kar mid jid u fura kacdoon waqtigiisa ka soo hormara oo ka dhan ah dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, xilli ay wajaheyso fadeexado dhul boob ah, kadib markii kumanaan shacab ah laga kiciyay dhulalkii danta guud.

Macallin Mahdi oo shaaciyay arrinta keentay dagaalka, una hanjabay mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir, Macallin Mahdi ayaa caawa shir jaraa’id ku qabtay saldhiga Warta Nabadda oo maanta uu ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka.

Macallin Mahdi ayaa sheegay in ciidamada hubeysan ee mucaaradka wateen ay isku dayeen inay xoog kusoo galaan saldhiga, oo uu sheegay inay ku xiran yihiin maxaabiis Shabaab ah iyo kuwa geystay dilal.

Taliyaha ayaa sheegay isku dhaca uu yimid kadib markii ciidamada mucaaradka oo watay hub culus, isla markaana aan soo wargelin taliska ay isku dayeen inay xoog uga gudbaan irida saldhiga, oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu wax aan la qaadan karin ku tilmaamay wixii maanta dhacay, isagoo sheegay in aan marnaba laga aqbaleyn mucaaradka isku day ay ku khalkhal galinayaan amniga magaalada Muqdisho.

“Waxaan uga digaynaa (mucaaradka) ammaanka caasimada fowdo iyo qalqal gelin lagama ogolo. Amni ayay shacabkaan haystaan, oo kala dambeyn iyo amni ayay waqti dheer ku nagaadan ayay haysteen shacabka Muqdisho,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka booliska gobolka Banaadir.

Waxa uu intaas kusii daray “Saddex sano oo lasoo dhaafay wixii aan ka shaqeynayn inago u jeedna in dad gacmahood ku geliyaan kama yeelayno, qof laga yeelayo ma jiro.”

Taliyaha ayaa sheegay in ciidanka mucaaradka ay jabiyeen xeerkii xakameynta hubka ee magaalada Muqdisho, “In hub culus oo aan qaadaneyn aniga iyo guddoomiyaha gobolka uusan qaadaneyn waa sharci darro in iridaha saldhiga lala soo istaago, hadda kadibna lagama aqbali doono.”

Hoggaamiyayaasha mucaaradka ayaa galabta tegay saldhigga Warta Nabadda, oo ay ka socotay soo bandhigista askartii jirdilka ka geystay xaafadda Siinaay, iyagoo isku dayay inay xoog ku galaan saldhiga, waxaana halkaasi isku dhac kooban uu ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa la socday mucaaradka.

Rasaas iyo hub xooggan ayay dhinacyadu isku rideen, iyadoo uu ka dashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Mucaaradka ayaa sheegay in laga dilay qaar kamid ah ilaaladooda, halka laga dhaawacay kuwa kale.

Hoos ka daawo muuqaalka

Mucaaradka oo iclaamiyey banaanbax weyn oo ka dhan ah dowladda Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka dowladda oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Hotel Jazeera ayaa iclaamiyay mudahaaradyo waaweyn oo ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, haatanna ah Guddoomiyaha Madasha Samatabixinta ayaa ku dhawaaqay in banaanbaxan oo uu sheegay inuu yahay mid nabadeed, uuna dhici doono maalinta Sabtida oo taariikhdu tahay 27 September 2025.

Shariif ayaa sheegay in bannaanbaxyada ay ka dhici doonaan saddex goobood oo kala ah Tarbuunka, Siinaay iyo Dayniile, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay isugu baxaan, si looga muujiyo diidmada gaboodfalada ay ku kaceyso

“Waxaan rabnaa in umadda Soomaaliyeed u sheegno anaga dagaal ma rabno, xabado ma sidano, cid aan dhib ku nahay ma lahan, waxaase garab taaganahay dadka la dulminayo ee Soomaalida ee aragtaan,” ayuu yiri Shariif.

Waxa uu intaas kusii daray “Madashu waxay rabtaa inay ku baaqdo Soomaali meel ay joogto mudaharaad nabadeed, oo lagu diidan yahay falalka waxshinimida ah iyo dhul boobka ka socda magaalada Muqdisho.”

Sidoo kale, Madaxweynihii hore ee dalka ayaa tuugo ku tilmaamay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay inay dhaaftay xuduudii sharci, isla markaana ay tahay in la iska qabto.

“Tuugada hadaanan ka hortagin guryaha ayay noogu imaanayaan, kuma joogsanayaan sidan. Waa is-mahdiyeen, oo xuduuda ayay dhaafeen, waxaa la rabaa in xadkoodii lagu celiyo,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Bannaanbaxan oo kusoo aadaya xilli xasaasi ah, ayaa noqon kar mid jid u fura kacdoon waqtigiisa ka soo hormara oo ka dhan ah dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, xilli ay wajaheyso fadeexado dhul boob ah, kadib markii kumanaan shacab ah laga kiciyay dhulalkii danta guud.

Hoos ka daawo muuqaalka

Mucaaradka oo shaaciyay khasaare xoog leh oo kasoo gaaray dagaalkii maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta ayaa hadda warbaahinta kula hadlaya magaalada Muqdisho, iyagoo shaaciyay in dagaalkii maanta looga dilay qaar kamid ah ilaaladooda, halka kuwa kalena looga dhaawacay.

Mucaaradka ayaa sheegay in dhashiike lagu dhuftay gawaaridii ay wateen qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo kamid yihiin Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo hadal ka jeediyay shirka jaraa’id ee mucaaradka ayaa sheegay in iska hor imaadkii ka dhacay saldhiga Warta Nabadda looga dilay mid kamid ah ilaaladiisa.

“Wiilkii aniga gaariga ii saarnaa ayey xabad seben ah lagu dhuftay wuuna dhintay, Macallin Mahdi ayaa bixiyay markaas asaga ayaana qaadaya masuuliyadda,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre oo si aad ah u careysan.

Kheyre ayaa ku eedeeyay ciidanka dowladda in ay si bareer ah u bartilmaameedsadeen, ayna u adeegsadeen hub culus, isagoo sheegay in ciidankooda ay xakameeyeen, si khasaaraha u badan.

“Shir jaraa’id anaga oo ku qabanayna banaanka saldhiga waxaa nagula bilaabay xabad oo ciidan Macalin Mahdi hoggaaminaya oo saldhiga ku jira xabad nagu soo ridaan, xabadii ma joogsan oo hoos ayaa nagula dhigay,” ayuu yiri Kheyre.

Waxa uu intaas kusii daray “Kadib marka kasoo tagnay, anaga oo ku socono barxadda Siinaay si shir jaraa’id ugu qabano waxaa la xabadeeyay gawaaridayada.”

Sidoo kale waxa uu yiri “Jidka marka soo mareynay waxaa Siinaay loo soo diray ciidankii Soomaaliyeed ee loogu talagalay inay Shabaab la dagaalaman oo gurmad u ah inay nasoo laayan anaga.”

Kheyre ayaa nasiib darro ku tilmaamay in maanta dowladda isku haysan doorasho iyo arrimo la xiriira dastuurka, balse ay isku haystaan dad shacab ah oo guryahooda laga barakicinayo iyo gumaadka loo geysanayo qeybo kamid ah reer Muqdisho.

Hoggaamiyayaasha mucaaradka ayaa galabta tegay saldhigga Warta Nabadda, oo ay ka socotay soo bandhigista askartii jirdilka ka geystay xaafadda Siinaay, iyagoo isku dayay inay xoog ku galaan saldhiga, waxaana halkaasi isku dhac kooban uu ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa la socday mucaaradka.

Rasaas iyo hub xooggan ayay dhinacyadu isku rideen, ayadoo la soo sheegayo in rasaasta qaar ay u gudubtay dhanka qolalka xabsiga ee ay ku jiraan maxaabiista ku xiran saldhiga Warta Nabadda.

Dowladda Soomaaliya oo dhankeeda ka hadashay dhacdadan ayaa si u cambaareysay arbushaada ay siyaasiyiinta mucaaradka ka sameeyeen saldhiga Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho.

Dowladda ayaa tallaabada mucaaradka ku tilmaamtay mid ay ku rabeen inay xoog kula wareegaan saldhiga booliska ee degmada Warta Nabadda.

Sidoo kale waxay sheegtay inay ka xun tahay in siyaasiyiin ku haminaya qabashada talada dalka ay isku dayaan inay daadiyaan dhiigga shacabka iyo kan ciidamada qalabka sida ee ku hawlan difaaca dalka iyo dagaalka looga soo horjeedo argagixisada.

Si kastaba, xiisadda u dhaxeysa dowladda federaalka iyo mucaaradka ayaa kasii dareysa, iyadoo dhinacyadu isku fahmi waayeen shirar dhowr ah oo ku yeesheen magaalada Muqdisho, xilli ay billooyin ka harsan yihiin muddo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Farmaajo oo digniin kasoo saaray dhacdadii maanta ka dhacday Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta falalka foosha xun ee ciidanka dowladda kula kacayaan shacabka.

Farmaajo ayaa sheegay in tacaddiga iyo jirdilka maanta loo geystay dadka waayeelka ah ee lagu barakiciyey Ssuqa Siinay uu dhaawacayo kalsoonida shacabka ee dowladnimada.

“Waa fal ay tahay in sida uga adag looga jawaabo. Muuqaallada naga soo gaaray aabaha iyo hooyada Soomaaliyeed ee waayeelka ah ee sida bahalnimada ah loo jirdilayo iyadoo boqolaal qof ay daawanayaan waa boog madoow oo aan harayn iyo dulmi weyn,” ayuu Farmaajo ku yiri war-saxaafadeed uu soo saaray goordhoweyd.

Madaxweynihii hore ayaa si adag u cambaareeyay falka iyo tacadiga saaka loo gaystay aabaha waayeelka ah ee horey looga barakiciyey dhulkiisii.

Sidoo kale waxa uu laamaha ammaanka, askarta iyo saraakiisha dowladda uga digay cawaaqib xumida ka dhalan karta falalkan soo laalaabtay ee lagula kacayo birmo-geydada Soomaaliyeed ee la barakiciyey.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay u istaagaan gurmadka iyo garab istaagga muwaadiniinta nugul ee la bara kiciyey,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ugu dambeyntiina, xuukuumadda iyo hay’adaha aminga ayuu uga digay ku xad-gudubka karaamada iyo xaquuqda aas-aasiga ah ee muwaaadinka oo saldhig u ah dastuurka dalka.

War-saxaafadeedka Farmaajo ayaa imanaya xilli ay ciidamada booliska Soomaaliya soo qabteen askartii saaka jirdilka ka geysatay xaafadda Siinaay, kadib carro xooggan oo ka dhalatay muuqaallo si weyn u faafay oo laga duubay askarta oo Aabe waayeel ah iyo hooyo si xun u garaacaya, isla markaana ula dhaqmaya si naxariis la’aan ah.

Askartan oo lagu soo bandhigay saldhiga Warta Nabadda ayaa gaaraya illaa shan xubnood, kuwaas oo ka kala tirsan ciidanka booliska iyo kuwa hay’adda abad-sugidda, gaar ahaan kuwa loo yaqaano dharcadka.

Intii ay socotay soo bandhigista raggaan ayaa waxaa saldhiga ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa siyaasiyiinta mucaaradka, kadib markii ay halkaasi tagaan qaar kamid hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo iyagu saacado ka hor sheegay inay si weyn uga xumaadeen falkii ay ku kaceen booliska ayaan la ogeyn sababta ay halkaasi u tageen. Waxaana markii ay isku dayeen inay xoog ku galaan saldhiga uu isku dhac kooban uu dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa la socday mucaaradka.

Rasaas iyo hub xooggan ayay dhinacyadu isku rideen, ayadoo la soo sheegayo in rasaasta qaar ay u gudubtay dhanka qolalka xabsiga ee ay ku jiraan maxaabiista ku xiran saldhiga Warta Nabadda.

Dowladda Soomaaliya oo dhankeeda deg-deg uga hadashay dhacdadan ayaa si u cambaareysay arbushaada ay siyaasiyiinta mucaaradka ka sameeyeen saldhiga Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho.

Dowladda ayaa tallaabada mucaaradka ku tilmaamtay mid ay ku rabeen inay xoog kula wareegaan saldhiga booliska ee degmada Warta Nabadda.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay cambaareyneysaa falal liddi ku ah amniga caasimadda oo ay ku dhaqaaqeen xubno siyaasiyiin ah oo doonayey inay xoog kula wareegaan saldhigga booliska ee degmada Warta Nabadda ,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xun tahay in siyaasiyiin ku haminaya qabashada talada dalka ay isku dayaan inay daadiyaan dhiigga shacabka iyo kan ciidamada qalabka sida ee ku hawlan difaaca dalka iyo dagaalka looga soo horjeedo argagixisada.

Si kastaba, xiisadda u dhaxeysa dowladda federaalka iyo mucaaradka ayaa kasii dareysa, ayadoo dhinacyadu isku fahmi waayeen dhowr kulan oo yeesheen, kadib markii uu mucaaradka dalbaday in laga laabto wax ka beddelka dastuurka oo si adag ugu dhagan yahay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Gunfire Erupts in Somalia as opposition clashes with police

0

MOGADISHU, Somalia – A tense standoff between prominent opposition leaders and government forces escalated into gunfire at a Mogadishu police station on Wednesday, following public outrage over a viral video showing police brutally assaulting civilians.

The confrontation underscores Somalia’s deepening political rifts and growing anger over the conduct of security forces.

Former President Sharif Sheikh Ahmed, former Prime Minister Hassan Ali Khaire, and opposition leader Abdirahman Abdishakur Warsame arrived at the Warta Nabadda district police station as the regional police commander was presenting several arrested officers to the media. The officers had been detained in connection with a violent assault earlier in the day at the city’s Siinaay market.

According to witnesses and sources, the opposition leaders, accompanied by their security details, attempted to enter the station, sparking a brief but intense exchange of fire with government troops guarding the compound.

“Gunfire broke out after the politicians’ guards tried to force their way inside,” one witness told local media. At least two people were killed and several others were injured. Among the dead was a member of Hassan Ali Khaire’s security team.

The Somali government swiftly condemned the opposition’s actions, accusing them of attempting to “forcefully take over” the police station and destabilize the capital.

The catalyst for the standoff was a widely circulated video posted on Somali social media on Wednesday morning. The footage showed several security officers repeatedly beating an elderly man and a woman in the bustling Siinaay market.

The graphic assault provoked immediate and widespread condemnation from the public and political leaders, who denounced it as a “barbaric act” against unarmed civilians.

In response to the uproar, police officials announced the arrest of five officers from both the police force and the National Intelligence and Security Agency (NISA). The press briefing, interrupted by opposition leaders, was intended to highlight the government’s swift action in holding the perpetrators accountable.

Government condemns “destructive actions”

In a strongly worded statement, the Federal Government of Somalia placed full responsibility for the police station clash on the opposition leaders.

“The Federal Government of Somalia is saddened that politicians aspiring to national leadership would attempt to spill the blood of civilians and the Armed Forces,” the statement said, warning that those involved “will bear responsibility for their blatant violation of statehood, security, and the laws of the country.”

The government urged the politicians to “cease these destructive actions” and respect the constitution, vowing to hold accountable anyone who undermines national security.

The incident comes amid escalating tensions between President Hassan Sheikh Mohamud’s administration and a vocal opposition. Key figures, including Sharif, Khaire, and Warsame, have increasingly criticized the government’s handling of security and its preparations for the 2026 elections.

The International Crisis Group has noted that disagreements over electoral reforms and constitutional changes have created a volatile political atmosphere.

Underlying the friction are persistent social grievances. The confrontation comes as controversy grows over the eviction of citizens from public land in Mogadishu.

Reports from humanitarian organizations, including the Norwegian Refugee Council, have documented tens of thousands of forced evictions in the capital, worsening the plight of displaced populations and fueling public discontent.

Human rights organizations have repeatedly documented abuses by Somali security forces. A recent U.S. State Department report on Somalia cited credible accounts of arbitrary killings and cruel treatment by government agents, warning that impunity remains a widespread problem.

Wednesday’s clash at the Warta Nabadda police station illustrates the combustible mix of public anger over official misconduct and a high-stakes power struggle among Somalia’s political elite.

Dowladda oo war kasoo saartay arbushaadii mucaaradka iyo dagaalkii dhacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay arbushaadii ay siyaasiyiinta mucaaradka ka sameeyeen saldhiga Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu soo bandhigayay askartii jirdilka kula kacday shacabka xaafadda Siinaay.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa tagay saldhiga xilli uu halkaasi warbaahinta kula hadlayay Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Banaadir, iyagoo isku dayay inay xoog ku galaan saldhiga.

Dowladda ayaa tallaabada mucaaradka ku tilmaamtay mid ay ku rabeen inay xoog kula wareegaan saldhiga booliska ee degmada Warta Nabadda.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay cambaareyneysaa falal liddi ku ah amniga caasimadda oo ay ku dhaqaaqeen xubno siyaasiyiin ah oo doonayey inay xoog kula wareegaan saldhigga booliska ee degmada Warta Nabadda ,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xun tahay in siyaasiyiin ku haminaya qabashada talada dalka ay isku dayaan inay daadiyaan dhiigga shacabka iyo kan ciidamada qalabka sida ee ku hawlan difaaca dalka iyo dagaalka looga soo horjeedo argagixisada.

“Dowladda Soomaaliya waxay caddeyneysaa in wixii maanta ka dhacay saldhigga degmada Warta Nabadda ay masuuliyaddiisa qaadayaan xubnihii sida bareerka ah ugu xadgudbay jiritaanka dowladnimada, amniga, kala dambeynta iyo shuruucda dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa baaqday siyaasiyiinta mucaaradka iyo ciddii kale ee khalkhal gelineysa amniga inay ka waantoobaan falalkaasi guracan, una hoggaansamaan sharciga iyo dastuurka dalka u degsan.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeyneysaa inay u taagan tahay ilaalinta sharciga, bedqabka shacabka iyo hantidooda, iyo in lala xisaabtamo cid kasta oo wax u dhimeysa amniga qaranka,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay dowladda.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo iyagu saacado ka hor sheegay inay si weyn uga xumaadeen falkii ay ku kaceen booliska ayaan la ogeyn sababta ay halkaasi u tageen. Waxaana markii ay isku dayeen inay xoog ku galaan saldhiga uu isku dhac kooban uu dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa la socday mucaaradka.

Rasaas iyo hub xooggan ayay dhinacyadu isku rideen, ayadoo la soo sheegayo in rasaasta qaar ay u gudubtay dhanka qolalka xabsiga ee ay ku jiraan maxaabiista ku xiran saldhiga Warta Nabadda.

Daawo: Dagaal Muqdisho ku dhexmaray ciidamada DF iyo mucaaradka kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Iska hor imaad kooban ayaa goordhoweyd magaalada Muqdisho ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa siyaasiyiinta mucaaradka, kadib markii hoggaamiyayaal ka tirsan mucaaradka ay tageen saldhigga Warta Nabadda.

Xubno ka tirsan Madaasha Samatabixinta oo kamid yihiin Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa tegay saldhiga, xilli uu halkaasi warbaahinta kula hadlayay Taliyaha Booliska ee Gobolka Banaadir, kadib markii saldhiga lagu soo bandhigay askartii saaka jirdilka ka geystay xaafadda Siinaay.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo si weyn uga xumaaday falkii ay maanta ku kaceen booliska ayaan la ogeyn sababta ay halkaasi u tageen. Waxaana markii ay isku dayeen inay xoog ku galaan saldhiga uu isku dhac kooban uu dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa la socday mucaaradka.

Rasaas iyo hub xooggan ayay dhinacyadu isku rideen, ayadoo la soo sheegayo in rasaasta qaar ay u gudubtay dhanka qolalka xabsiga ee ay ku jiraan maxaabiista ku xiran saldhiga Warta Nabadda.

Tan ayaa imanaysa xilli ay kasii dareyso xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka, ayna geesta kale sii xarko goosaneyso barakicinta shacabka degan dhulka danta guud, oo la sheegay in sifo sharci darro ah lagu iibsanayo.

Kadib carrada ka dhalatay falkii foosha xumaa ee askar ka tirsan ciidan booliska ay saaka kula kaceen shacabka xaafadda Siinaay, booliska ayaa soo qabtay qeybo kamid ah askartii ka dambeysay falkaasi.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya Aabe waayeel ah iyo hooyo ay si xun u garaacayaan ciidamada, iyaga oo ula dhaqmay si naxariis la’aan ah. Raggan ayaa dhan illaa shan xubnood, kuwaas oo ka kala tirsan ciidanka booliska iyo kuwa hay’adda nabad-sugidda, gaar ahaan kuwa loo yaqaano dharcadka.

Madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si adag uga horyimid falkaan weerar baahalnimo ah ku tilmaamay wixii maanta ka dhacay suuqa Siinaay, kaasi oo loo gaystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Hoos ka daawo muuqaalka

Askartii maanta tacaddiga weyn ka geystay Muqdisho oo lasoo qabtay + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa goordhoweyd magaalada Muqdisho kusoo bandhigay qeyb kamid ah askartii maanta jirdilka ka gaystay xaafadda Siinaay.

Falkaasi oo si weyn loogaa carooday ayaa waxay askartan kula kaceen oday waayeel ah oo kamid ah shacabka ku dhaqan xaafadda Siinaay oo ay weli ka socoto burburin ay ka waddo dowladda Soomaaliya.

Askartan ayaa qeyb ka ahaa ciidan saaka mar kale lagu arkay aagga Siinaay, iyadoo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ay muujinayaan Aabe waayeel ah iyo hooyo ay si xun u garaacayaan ciidamada, iyaga oo ula dhaqmay si naxariis la’aan ah,

Taliska gobolka Banaadir oo soo xiray askartaan kadib markii uu baahay muuqaalkooda, ayaa waxay kusoo bandhigeen talidka warta nabadda ee magaaalada Muqdisho.

Raggan ayaa dhan illaa shan xubnood, kuwaas oo ka kala tirsan ciidanka booliska iyo kuwa hay’adda abad-sugidda, gaar ahaan kuwa loo yaqaano dharcadka.

Booliska ayaa sidoo kale u yeeray Aabe Sheekh Axmed Siicow Maxamed oo raalli-gelin ka siiyay falkaan, iyadoo warbaahintana uu kula hadlay saldhiga warta nabadda oo lagu soo bandhigay raggaan.

Si kastaba, baraha bulshada ayaa si weyn loogu baahiyay muuqaalada, waxaana kasoo muuqday Aabe Sheekh Axmed Siicow Maxamed oo dhawaan ka qayb-galay shirkii Madasha Samatabixinta ee hoteel Jasiira, kaas oo ay jirdil xoogleh kula kaceen ciidamada ku sugan Siinaay.

Arrintan ayaa sidoo kale dhalisay falcelin xooggan, waxaan durbadii qaylo dhaan ka soo saaray xubnaha mucaaradka oo cambaareeyay sida loogu xadgudbay reer Siinaay.

Madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa weerar baahalnimo ah ku tilmaamay wixii maanta ka dhacay suuqa Siinaay, kaasi oo loo gaystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Hoos ka daawo

Taliye Kaarabiin oo lagu dilay dagaal ka dhacay degmada…

0

Buurhakaba (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal qaraar oo maanta ka dhacay duleedka degmada Buurhakaba ee goolka Baay, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar gaadmo ah ku qaadeen xero ciidan oo ku taalla bannaanka magaalada, kadibna waxaa xigay dagaal dhex-maray labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu xoogganaa, isla markaana uu dhaliyay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, intaba.

Dadka ku dhintay dagaalkan waxaa kamid ah Cismaan Mursal Kaarabiin oo ahaa taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ee degmada Buurhakaba, kaas oo hoggaaminayay ciidamada maanta dagaalka adag la galay kooxda Al-Shabaab.

Afhayeenka wasaaradda amniga Koonfur Galbeed oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa ka tacsiyeeyay geerida taliyaha, wuxuuna sheegay inuu ahaa nin halgamaa ah oo muddo dheer la dagaalamayay argagixisada.

“Ilaahey h u naxariisto taliye ku xigeenkii ciidanka Daraawiishta ee degmada Buurhakaba oo ciidankaas horkacayay ayaa ku geeriyooday  dagaalka wuxuu ahaa nin geesi ah oo dalkiisa difaacaayay oo halgamaa ah, waana shahiid” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda amniga Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, wuxuu intaasi kusii daray in dagaalka lasoo afjaray, isla markaana la jabiyay Al-Shabaabkii soo weeraray duleedka degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Xaaladda aya weli kacsan, waxaana haatan goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo halkaasi ka wada howlgallo baaritaanno ah.

Al-Shabaab oo ku xooggan deegaannada Koonfur Galbeed ayaa badanaa weeraro ku qaada xeryaha ciidamada ee ku yaalla gobollada Baay iyo Bakool ee maamulkaasi.

Waxaa kale oo intaas usii dheer go’doon ay ku hayaan degmooyinka muhiimka ah ee gobolladaasi, taas oo keentay in xaalad adag ay dareemaan shacabka ku dhaqan halkaasi.

Ciidamada DF oo ku kacay fal laga carooday – Maxaa maanta ka dhacay Siinaay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta fal laga caroodaay kula kacay shacabka ku dhaqan xaafadda Siinaay oo ay weli ka socoto burburin ay ka waddo dowladda Soomaaliya.

Ciidanka ayaa saaka mar kale lagu arkay aagga Siinaay, halkaas oo ay ka dhaceen dhibaaatooyin xooggan oo loo gaystay dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaasi.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo Aabe waayeel ah iyo hooyo ay si xun u garaacayaan ciidamada, iyaga oo ula dhaqmay si naxariis la’aan ah,

Baraha bulshada ayaa si weyn loogu baahiyay muuqaalada, waxaana kasoo muuqday Aabe Sheekh Axmed Siicow Maxamed oo dhawaan ka qayb-galay shirkii Madasha Samatabixinta ee hoteel Jasiira, kaas oo ay jirdil xoogleh kula kaceen ciidamada ku sugan Siinaay.

Arrintan ayaa sidoo kale dhalisay falcelin xooggan, waxaan durbadii qaylo dhaan ka soo saaray xubnaha mucaaradka oo cambaareeyay sida loogu xadgudbay reer Siinaay.

Madaxweynihii hore ee dowladddii KMG ahayd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo qoraal soo saaray ayaa weerar baahalnimo ah ku tilmaamay wixii maanta ka dhacay suuqa Siinaay, wuxuuna tilmaamay faldambiyeen loo gaystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

“Waxaan si adag u cambaaraynayaa weerarka bahalnimo iyo jirdilka loo gaystay maanta muwaadiiniinta Soomaaliyeed iyadoo la adeegsanayo shaatiga dowladda gaar ahaan falalka foosha xun ee ka dhacay Suuqa Siinay, kaas oo aan marnaba la aqbali-karin, kana fog bini’aadanimada iyo karaamada muwaadinka” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Beegsiga sida gaarka ah loola eegtay waayeelka ka hadlay xuquuqdiisa, gaar ahaan tacadiyadda ka dhashay barakicinta danyarta waa fal dambiyeed, waxaana ciidanka ammaanka uga digay”.

Dhankiisa Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay falka ka dhacay Siinaay oo uu ku eedeeyay ciidamada dowladda.

“Waxaa qarracan iyo ayaandarro weyn ah inaan daawanno ciidanka qaranka oo si arxandarro ah u jirdilaya aabbe Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyay dhulboobka ay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hoggaamiyo ka waddo caasimadda dalka” ayuu qoraalkiisa ku yiri Khaye.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isna yiri “Shacabka la rasaasaynayo iyo muwaadinka la jirdilayo waxaa laga barakicinayaa dhulkii ay deganaayeen ee xaafada Suuqa Siinay. Ciidan uusan sharci, damiir iyo akhlaaq hagaynin waxba ma dhaamo mooryaan, madaxda soo dirtana wax ma dooriyaan hoggaamiye kooxeed. Ciidanka uusan sharci, damiir iyo akhlaaq hagin wax ma dhaamo mooryaan, madaxda soo dirtana hoggaamiye kooxeed wax ma dooriyaan”.

DF oo jawaab kulul siisay xildhibaankii sida shaacsan u taageeray Cali Dheere

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cadalaadda iyo arrimaha dastuurka dowladda Soomaaliya Xasan Macallin Maxamuud oo maanta hadal siiyay warbaahinta ayaa si adag ugu jawaaay xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caananuug) oo ka tirsan Golaha Shacabka, kaas oo dhawaan taageeray hadal kasoo yeeray afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Dheere.

Caananuug oo hadal ka jeediyay kulankii Madasha Samatabixinta ee hoteel Jasiira ayaa ka fal-celiyay khudbaddii uu Sheekh Cali Dheere uga hadlay murannada dhulalka Muqdisho, wuxuuna xildhibaanka tilmaamay in ninkaas uu ka damqaday dhibaatada shacabka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray haddii ay sii socoto dhibaatadan in ay horseedi doonto in dadka ay cararaan, ayna aadaan Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Cali Dheer waa hadlay, waana uu khudbeeyay, isaga oo u damqanaayo hooyada iyo dhallaanka bannaanka taagan, mana aqbaleyno ayuu yiri. Runtii Xasan Sheekh Maxamuud ummadda waa barakiciyay dhibaato ayuuna u horseeday maatada” ayuu yiri Caananuug.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dadka marka ay kululaadaan oo meel ay aadaan waayaan oo dowladdii ay hoos joogeen ay barakiciso siyaasi kale oo ay kusoo leexdaan waayeen argagixiso ayay aadaayaan”.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay wasiirka cadaaladda iyo dastuurka Xasan Macallin oo wax laga xumaado ku tilmaamay in xildhibaan uu soo qaato daliil ahaan hadalka Al-Shabaab.

“Haddii argagixisadii dadka leyneysay oo dhiigoodaa banneysatay haddii ay leeyiiin dadka xuquudooda ayaan u doodeynaa ama lasoo daliishado sow kama sii fool xumo” ayuu ku jawaabay wasiir Xasan Macallin.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in argagixisadu uusan ka dhexeyn wax heshiis ah, balse uu kala dhexeeyo dagaal, maadaama buu yiri ay banneysteen dhiigga dadka shacabka ah.

“Wax naga dhexeeya argagixisada oo heshiis ku nahay ma jiraan, waana gaaleysiiyeen diinta ayay naga saareen, kadibna dhiigeyna ayay banneysteen” ayuu mar kale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo si weyn looga falceliyay hadalka Xildhibaan Caananuug, waxaana ka horyimid dad badan oo ay ku jiraan kuwa siyaasiyiin ah oo cambaareeyay in la buun-buuniyo hadallo kasoo yeeray kooxaha argagixisada ah.

Xasan oo xaqiijiyay in ciidamo ka socda DF ay ku sugan yihiin Puntland + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda Puntland, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in ciidamo heer Federaal ah ay joogaan meelo kamid ah Puntland, isla markaana ay dagaalka geli karaan, balse aysan illaa iyo hadda codsi ka helin dhanka Puntland.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalkan uu yahay mid ballaaran, ayan qayb ka yihiin saaxibada caalamiga ah oo ay ka wada shaqeeyaan howlgallada ka dhacaya dalka.

“Puntland waxay naga codsatay ma jirto haddiise loo baahdo Puntland waxaa jooga ciidamo Federaalka ka amar qaata oo daqiiqad kastaa dagaalka geli kara si weyn ayaan u garab taaganahay Puntland, dagaalka Daacishna caalama waa nagu kaalmeynayaa” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo indhawaanahayaan la hadal hayay inay jiraan ciidamo ay dowladda Soomaaliya ka qoratay deegaannada Puntland, taas oo abuurtay hadal-heyn xooggan, maadaama haatan khilaaf xooggan uu ka dhexeeyo labada dhinac.

Dhanka kale, waxa uu madaxweynuhu  soo hadal qaaday arrimaha doorashooyinka iyo heshiiskii ay dhawaan dowladdiisu la gashay qeyb ka mid ah Madasha Samatabixinta, isaga oo sheegay in ay rabaan dimuqraadiyad in ay ka hirgeliso dalka, isla markaana dadka Soomaaliyeed ay xor u noqdaan afkaartooda iyo mawaaqiftooda siyaasadeed.

Xasan Sheekh waxa uu sheegay in sanadkii 2023 ay isugu yeereen shirkii ugu horreeyay oo ay isugu keeneen siyaasiyiin hore iyo kuwa xilka haya, isagoo yiri: “Shirkaasi waxa aan uga hadalnay jihada aan rabno in dalka loo dhaqaajiyo, annaga oo sameynay la-tashiyo ballaaran, isla markaana madaxda kala tashanay.”

“Waxa aan maalintaas u sheegnay in dastuurka dib loo eegayo oo la dhameystirayo, dalkana doorasho qof iyo cod ah la gaarsiinayo, iyadoo laga baxay doorashadii dadbaneyd,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Isagoo ka hadlayey qaabka Dastuurka dib-u-eegis loogu sameynayo, waxa uu sheegay in Dastuurka qudhiisa lagu qeexay habka dib-u-eegista: “Annagu waxa aan aaminsanahay in aan si adag u raacnay sida Dastuurka dib-u-eegis loogu sameeyo.”

Waxa uu intaas ku daray in ay sameeyeen guddigii madaxa-bannaan iyo qawaaniintii ay ku shaqeynayeen. “Dadkii ayaa loo soo xulay, baarlamaankana hortiis ayaa loo geeyay, qof qofna waa loogu codeeyay oo kalsoonidii waa la siiyay, kadibna shaqadii ayay bilaabeen,” ayuu yiri madaxweynaha.

Xasan Sheekh oo shaaciyey arrin mucaaradku uga baxeen iyo qorshihiisa kursiga

0

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC-da kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo, khilaafyada kala dhaxeeya mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada.

Madaxweynaha, oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka iyo heshiiskii ay dhawaan dowladdiisu la gashay qeyb ka mid ah Madasha Samatabixinta, ayaa sheegay in ay rabaan dimuqraadiyad in ay ka hirgeliso dalka, isla markaana dadka Soomaaliyeed ay xor u noqdaan afkaartooda iyo mawaaqiftooda siyaasadeed.

Xasan Sheekh waxa uu sheegay in sanadkii 2023 ay isugu yeereen shirkii ugu horreeyay oo ay isugu keeneen siyaasiyiin hore iyo kuwa xilka haya, isagoo yiri: “Shirkaasi waxa aan uga hadalnay jihada aan rabno in dalka loo dhaqaajiyo, annaga oo sameynay la-tashiyo ballaaran, isla markaana madaxda kala tashanay.”

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in ay la kulmeen culimada iyo bulshada rayidka ah, kuna wargeliyeen jihada uu waddanku u socdo.

“Waxa aan maalintaas u sheegnay in dastuurka dib loo eegayo oo la dhameystirayo, dalkana doorasho qof iyo cod ah la gaarsiinayo, iyadoo laga baxay doorashadii dadbaneyd,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa qiray in farsamo ahaan howshaasi waqti badan soo jiidatay, balse duruufo farsamo darteed “hadda ay qabsoontay.”

Isagoo ka hadlayey qaabka Dastuurka dib-u-eegis loogu sameynayo, waxa uu sheegay in Dastuurka qudhiisa lagu qeexay habka dib-u-eegista: “Annagu waxa aan aaminsanahay in aan si adag u raacnay sida Dastuurka dib-u-eegis loogu sameeyo.”

Waxa uu intaas ku daray in ay sameeyeen guddigii madaxa-bannaan iyo qawaaniintii ay ku shaqeynayeen. “Dadkii ayaa loo soo xulay, baarlamaankana hortiis ayaa loo geeyay, qof qofna waa loogu codeeyay oo kalsoonidii waa la siiyay, kadibna shaqadii ayay bilaabeen,” ayuu yiri madaxweynaha.

Yaa xaq u leh in ay ka wada hadlaan arrimaha siyaasadda dalka?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dastuurka lagu qeexay in arrimaha siyaasadda ay ka wada hadlaan dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe, wixii ay ku heshiiyaanna loo gudbinayo baarlamaanka.

Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku adkeeyay in tallaabooyinkaas oo dhan dastuurku ogol yahay, balse afkaartii hore ee lagu heshiiyay wax badan laga beddelay.

Xasan Sheekh waxa uu sheegay in qodobadii baarlamaanku ansixiyay ay qaar ka mid ah siyaasiyiintu ka muujiyeen ra’yi ka duwan, hase yeeshee ugu dambeyntii ay aqbaleen in dib wada-hadal loo furo.

“Dastuurku Kitaab Qur’aan ah ma aha,” ayuu yiri Xasan Sheekh, isaga oo intaas ku daray: “Waxa aan u bandhignay qodobadii aan diyaarinay iyo mowqifka dowladda, waxaana ku niri maxaa aad qabtaan?”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in markii dood badan la galay ay mucaaradku soo jeediyeen in qodobada qaar wax laga beddelo, qaarna la aqbalay, halka wixii kale lagu balamay in laga wada hadlo.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in mucaaradkii qaarkood ay ku doodeen in aan guddiyo farsamo la sameyn, si looga dooddo wixii la isku raaci karo, “wixii aan la isku raacinna ha lagu celiyo fadhiga weyn oo annaga ayaa ka shireynna.”

Xasan Sheekh waxa uu sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee Madasha Samatabixinta ay ugu dambeyn ku adkeysteen in Dastuurkii 2012 “sidii uu ahaa loo dhaafo.”

Madaxweynuhu waxa uu ku dooday: “Taasi micnaheedu waa yaan dib-u-eegis la sameynin. Aniga iyo rag badan oo mucaarad ah oo xilligaas banaanka joogay waxa aan ku balan-qaadnay haddii aan la i doorto Dastuurkaan waan dhameystirayaa, sidoo kale haddii aan la i doorto dalka doorasho qof iyo cod ah ayaan gaarsiinayaa.”

Dadka kasoo horjeeda wax ka beddelka Dastuurka, sida mucaaradka iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland, ayaa ku doodaya in aan loo marin habkii saxda ahaa. Laakiin madaxweynuhu waxa uu ku adkeystay in iyagu ay aaminsan yihiin in 100% loo maray habkii saxda ahaa.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in sheegashada “habkii saxda ahaa looma marin” ay tahay erey aan caddayn, balse diyaar ay u yihiin in laga dooddo qodob qodob, lana yiraahdo “kan sax ma aha, sidaan ayaa sax ah.” Waxa uu intaas ku daray in diidmo kaliya aanay faa’iido lahayn: “Waxa aan rabnaa in ra’yi nala soo hor dhigo.”

Isagoo hadalkiisa sii wata, Xasan Sheekh waxa uu sheegay in ay soo bandhigeen saddex qodob, saddexdana la aqbalay, welina albaabka wada-hadalku uu furan yahay.

Markii wax laga weydiiyay guddiga doorashada iyo waqtiga doorashada, waxa uu ku jawaabay in Dastuurka lagu caddeeyay habka guddiga doorashada loo sameeyo, isla markaana aanay suurta-gal ahayn in qof siyaasiga ahi uu yeesho awood diidmo (veto power).

Madaxweynaha ayaa sheegay in guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka uu yahay kan go’aamin kara jadwalka doorashada, haddii waqtigu yaraadana ay iyaga xaq u leeyihiin in ay codsadaan kordhin. “Dowladdu awood uma laha in ay jadwalka doorashada samayso,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha waxa uu carrabka ku adkeeyay inuusan dooneyn muddo kororsi, balse uu diyaar u yahay waxa uu sharcigu ogol yahay.

Isagoo ka hadlayey khilaafka ka dhexeeya dowladda dhexe iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland ayuu sheegay: “Soomaali mar walba xiriirkeedu kama go’o boqolkiiba boqol. Wuu daahi karaa, heerkii la rabayna gaari waayi karaa, laakiin xiriir had iyo jeer waa jiraa. Dalkaana waa hal dal, dowladduna waa hal dowlad. Kala duwanaanshahana waa in la aqbalaa. Waxaan rajeynayaa in mar dhaw natiijo la gaaro.”

Isha: BBC

Waa ayo Antifa? – Kooxda ka dhisan Mareykanka ee Trump uu ku daray liiska argagixisada?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa saxiixay xeer madaxweyne oo dhaqdhaqaaqa ka soo horjeeda faashiyadda ee Antifa u aqoonsanaya “urur argagixiso” oo gudaha ah, tallaabadaas oo qayb ka ah hawlgal adag oo uu sheegay in lagaga hortagayo rabshadaha siyaasadeed ee ay abaabulaan garabka bidix.

Halkan hoose waxaa ku xusan macluumaad ku saabsan dhaqdhaqaaqan, iyo sababta ay ugu adkaan karto maamulka Trump inuu si buuxda u fuliyo tallaabada adag ee uu ku hanjabay.

Trump wuxuu ballanqaaday inuu tallaabo ka qaadi doono kooxaha garabka bidix ee uu ku eedeeyay inay hurinayaan rabshado, kaddib dilkii loo geystay dhaq-dhaqaaqaha muxaafidka ah ee Charlie Kirk horaantii bishan.

Ma jirto caddeyn guud oo la hayo oo Antifa ku xiraysa dilka Kirk. Saraakiishu waxay sheegeen in aan weli la aqoon sababta ka dambaysay toogashada, eedeysanaha oo lagu magacaabo Tyler Robinson-na aanu la shaqaynayn baarayaasha.

Si kastaba ha ahaatee, Trump wuxuu Antifa ku tilmaamay “masiibo xanuun badan, khatar ah, oo ah xag-jirka bidix,” wuxuuna ku gooddiyay inuu beegsan doono ilaha dhaqaale ee ay ka helaan.

Waa maxay Antifa?

Antifa (oo loo soo gaabiyo “anti-fascist”) ma aha koox siyaasadeed oo habaysan sida caadiga ah. Waa dhaqdhaqaaq aan lahayn nidaam dhexe, hoggaan sare oo isku xiran, iyo hoggaamiye cad toona, sida lagu sheegay warbixin ay sannadkii 2020 soo saartay Hay’adda Cilmi-baarista ee Kongareeska.

Qaar ka mid ah khubarada ku takhasusay xagjirnimada siyaasadeed, oo uu ku jiro agaasimihii hore ee FBI-da Christopher Wray, ayaa ku dooday in Antifa si fiican loogu arko aragti ka soo horjeedda faashiyadda iyo sarreynta caddaanka, intii loo arki lahaa urur isku duuban. Sidaas darteedna, waxay xaq u yeelanaysaa difaaca xorriyadda hadalka ee ku xusan Dastuurka Wax-ka-beddelkiisa Koowaad ee Mareykanka.

Halkee bay ka soo jeedaa Antifa?

Asalka antifa wuxuu ku arooraa dhaqdhaqaaqyadii ka soo horjeeday faashiyadda ee ka dhashay Yurub horraantii qarnigii 20-aad. Wuxuu saameyn xooggan ku yeeshay gudaha Mareykanka kaddib doorashadii Trump ee sannadkii 2016.

Dhaqdhaqaaqu wuxuu u shaqeeyaa sidii ururo maxalli ah oo aan si adag isugu xirnayn, mid walbana uu ka madax bannaan yahay kan kale, laakiin waxaa laga yaabaa inay wadaagaan qorshayaasha, xeeladaha, iyo agabyada, ha ahaato iyagoo is-arkaya ama adeegsanaya barnaamijyada farriimaha sirta ah (encrypted).

Dhaq-dhaqaaqayaasha Antifa waxay isugu yimaadaan “unugyo saaxiibtinimo” (affinity groups), kuwaas oo ah kooxo aan rasmi ahayn oo ka kooban saddex ilaa siddeed qof oo is aamina isla markaana is-difaaca inta ay dibadbaxyadu socdaan, sida ay sheegeen warbixinno ay diyaarisay wakaaladda Reuters iyo Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiyadda iyo Caalamiga ah (Center for Strategic and International Studies) sannadkii 2020.

Sidee buu u hawlgalaa dhaqdhaqaaqa?

Taageerayaasha Antifa waxay aaminsan yihiin “tallaabo toos ah,” taas oo noqon karta dibadbaxyo waddooyinka ah ama xadka u gudbi karta falal rabshado wata, sida gubista baabuurta booliska ama jebinta daaqadaha. Dhaqdhaqaaqayaashu waxay inta badan xirtaan dhar madow oo wejiga ayay qarsadaan, sida lagu sheegay warbixinta CSIS.

Dhinaca internet-ka, waxaa laga yaabaa inay dabagalaan kooxaha garabka midig ama ay internet-ka ku faafiyaan xogtooda khaaska ah (doxing) shakhsiyaadka ay u arkaan inay yihiin xagjiriinta midigta.

Antifa ma lala xiriiriyay rabshado?

Sida ay sheegeen hay’adaha sharci-fulinta Mareykanka, waligeed ma dhicin dhacdo argagixiso oo gudaha Mareykanka ah oo lala xiriiriyay Antifa. Trump wuxuu markii ugu horreysay isku dayay inuu dhaqdhaqaaqan u aqoonsado urur argagixiso oo gudaha ah xilligii dibadbaxyadii George Floyd ee 2020.

Dhacdadii ugu caansanayd ee dhaqdhaqaaqan lala xiriiriyay waxay ka dhacday magaalada Portland, ee gobolka Oregon, bishii Agoosto 2020, markaas oo Michael Reinoehl, oo isku sheegay inuu taageere u yahay Antifa, uu toogasho ku dilay Aaron “Jay” Danielson, oo xubin ka ahaa kooxda midigta-fog ee Patriot Prayer.

Reinoehl waxaa markii dambe dilay ciidamada federaalka iyo kuwa maxalliga ah xilli la isku dayayay in la soo xiro.

Dhawaanahan, xeerbeegti ka tirsan San Diego ayaa laba nin ku xukuntay shirqool rabshado lagu kicinayo horraantii sanadkan, kiiskaas oo salkiisu ahaa dibadbaxyo ka dhacay waddooyinka sannadkii 2021. Dacwad-oogayaashu waxay raggan ku tilmaameen xubno ka tirsan Antifa.

Amarka Trump ma yahay mid sharci ah?

Dawladda Mareykanku hadda si rasmi ah uguma aqoonsato kooxaha gudaha oo keliya inay yihiin ururo argagixiso, arrintaas oo inta badan salka ku haysa dammaanadaha dastuuriga ah.

Laakiin sarkaal ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda ayaa sheegay in amarka Trump uu horseedi doono awoodo baaxad leh oo baaritaan iyo dabagal ah.

Ilo-wareed Aqalka Cad ah oo la hadashay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in dawladdu ay diiradda saarayso lacagaha shisheeye ee lagu maalgelinayo siyaasadda Mareykanka iyo in la helo xiriirka ka dhexeeya akoonnada bankiyada dibadda.

Khubarada sharciga ayaa sheegay in u aqoonsiga argagixiso gudaha ah ay noqon karto mid shaki laga qabo xagga sharciga iyo dastuurka, ayna adag tahay in la fuliyo, isla markaana ay kicin karto walaac ku saabsan xorriyadda hadalka, maadaama sharciga Mareykanka uusan guud ahaan u arkin dembi in qofku uu aaminsanaado aragti gaar ah.

Sawirro: Xasan Sheekh oo 3 qodob kala hadlay Mareykanka

0

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan magaalada New York oo uu u tegay ka qayb-galka shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa halkaas ka bilaabay kulamo duceedyo muhiim ah oo uu la yeelanayo madaxda ku sugan halkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan gaar ah la yeeshay madax ka tirsan dowladda Mareykanka, gaar ahaan qaybta arrimaha dibadda oo ay ka wada-hadleen saddex qodob oo muhiim ah, lana xiriira xaaladda dalka iyo iskaashiga labada dhinac.

Kulankan ayaa si gaar ah wuxuu u dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxa arrimaha siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, Marwo Allison Hooker, La-Taliyaha Arrimaha Afrika ee Madaxweyne Donald Trump, Mudane Massad Boulos, iyo Ku-Xigeenka Kaaliyaha Arrimaha Afrika, Mudane Vincent Spera.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Mareykanka, joogteynta iskaashiga amni iyo la-dagaallanka argagixisada, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha oo kulanka hadal kooban ka jeediyay ayaa hoosta ka xariiqay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay adkeynta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal, kaas oo muhiim u ah xasilloonida iyo horumarka guud ee gobolka Geeska Afrika.

Mareykankana ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee taageerada milatari siiya Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale toos uga qayb qaataa dagaalka argagixisada ee ka socda gudaha dalka.

Dhinaca kale, Xasan Sheekh ayaa maanta ka qayb-gelay furitaanka meertada 80-aad ee Golaha Guud ee QM oo ay isugu tageen inta badan xubnaha ku jira golaha, iyada oo inta badan diiradda lagu saarayo sidii loo qaadi lahaa tallaabo wadajir ah oo ku aadan isbeddelka cimilada iyo saameynta taban ee uu ku leeyahay dunida, si xal loogu helo.

Sida qorshuhu yahay madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo madasha, isaga oo kaga hadli doono arrimaha mudnaanta u leh Soomaaliya, xaaladaha ka jira gobolka iyo caalamka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa golaha la wadaagi doono guulaha ay dowladdiisa ku tallaabsatay, gaar ahaan horumarrada laga sameeyay dagaalka lagula jiro argagixisada, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya oo looga hadlay doorka Xasan.

“Madaxweynaha ayaa Golaha ka jeedin doona kalmad ku saabsan xaaladda dalka, isagoo soo bandhigi doona guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, dib u habaynta dhaqaalaha, dowlad-dhiska iyo hirgelinta doorashooyinka tooska ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Maxkamadda Ciidamada oo la horgeeyay askar ka tirsan DF oo loo haysto kiis xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalaba Sida ayaa guda gashay dhageysiga kiis xasaasi ah oo baraha bulshada iyo warbaahinta ka dhaliyay hadal-heyn xooggan, kaas oo ka dhan ah labo Askari oo ka tirsan Xoogga dalka dalka, kuwaas oo loo haysto in ay sameeyeen saxiix aysan xaq u lahayn oo ay ku dhimatay gabar xaamilo ahayd.

Labada eedeysane oo lagu kala magacaabo Dable Xoogga Maxamed Muxudiin Cali iyo Dable Xoogga Cabdisalaan Xuseen Maxamed ayaa kiiskan eedeysane ka ah, waxaana si gaar ah loogu haystaa geerida Marxuumad Nimco Muuse Axmed oo uur lahayd, isla markaana 31-kii Maarso 2025 ku dhimatay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa labada nin ku eedeysay in ay iska dhigeen seyga gabdha iyo walaalkeed, kadibna saxiixay in la qalo, balse nasiib darro waxa ay ku geeriyootay isbitaalka intii lagu guda jiray kala bad-baadinta iyada iyo ilmaha ku jiray caloosheeda.

Sidoo kale inta ay doodda socotay waxaa la wareystay eedeysanayaasha oo sheegay in bani’adanimo ay u sameeynayeen gabadha, ayna u sheegtay in wax ehel ah aanay u joogin Muqdisho, sidoo kalena ninkeeda oo askari ah uu ku maqan yahay furimaha dagaaka.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa goobta kusoo bandhigay caddeymo ay ku jiraan muuqaal labada askari laga duubay, markii ay saxiixayeen qaliinka lagu sameeyay marxuumadda, iyadoo sidoo kale la wareystay dhaqaatiirta iyo maamulka isbitaalka oo ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen.

Intaas kadib waxaa hadalka qaatay guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) oo fadhiga soo xiray, wuxuuna sheegay in go’aanka kama dambeysta ah ay dib kasoo shaacin doonto Maxkamaddu.

Haddaba sidee looga falceyay kiiskan xasaasiga ah ee abuuray hadal-heynta?

Kamaal Shariif: “Waa rag fiican waa dadaaleen, laakiin Soomaalida horaa u tiri khayr ha sameyn shar kuuma timaadee”.

Cali Yare: “Meshaan waxaa iiga muuqato dayacaad aad u weyn oo ay waalidka sameeyeen xaqiiqdii. Waa dhacdo ayaan darro ah, bal qiyaas gabar yar oo waalidkeed dayaceen oo Xamar joogta, Wlhi rafaad ayey martay marxuumada, Allaha u naxariisto”.

Safwa Salaad: “Somalia laga helaa reer ku nacay adoo nool, kadib diyadaadii usoo doonta dadkii ku caawiyay”.

Cabdullahi Biikoole: “Dowladnimo waa taa sharcigaa lays barayaa, wiilasha waxey qaadeen masuuliyad ay naftooda qatar u gashay, isbitaalkana wuu saxnaa. Waxaan baraneynaa sharciga”.

Jamiila Faarax: “Raggan qalad malahan gabdha waa u dadaaleen laakiin qadarta lama celin karo dadka ku haystana waa gun runtii”.

Saddex horjooge oo Shabaab ah oo hal goob lagu dilay

0

Moqokori (Caasimada Online) – Ciidamada Nabad-sugidda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah oo iskaashanaya ayaa maanta howlgal culus oo lagu beegsaday Shabaab ka fuliyay qaybo kamid ah gobolka Hiiraan, kaas oo lagu khaarijiyay horjoogayaal sar sare.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Hay’adda NISA ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka oo duqeyn ahaa uu ka dhacay degmada Moqori, uuna u qabsoomay sidii loo qorsheeyay, isla markaana lagu naafeeyay maleeshiyaadka argagixisada ah.

NISA aya shaaca ka qaaday in goobta lagu dilay saddex horjooge oo ka tirsanaa Khawaarijta, isla markaana dhibaato ku hayay dadka deegaanka, sida lagu sheegay qoraalka.

“Saddex horjooge oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan oo ay ciidamada Hay’adda NISA iyo saaxiibada caalamka ka fuliyeen degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay taliska hay’adda NISA.

Horjoogayaasha la dilay waxaa kamid ah horjooge sare Cabdi Xiiray, oo ay NISA sheegtay inuu ka dambeeyay dhagaro badan oo Shabaab ay ka geysatay deegaannada HirShabelle. Ma caddeyn magacyada labada kale ee lala dilay horjoogan oo caan ka ahaa deegaanka.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Hiiraan, gaar ahaan aagga Moqokori oo ah halka lagu beegsaday Al-Shabaab, isla markaana jabka culus maanta lagu gaarsiiyay.

Moqokori ayaa kamid ah degmooyinkii ugu dambeeyay ee ay dhawaan dib ula wareegeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, waxayna dhalisay hadal heyn xooggan, kadib markii ay kasoo laabteen ciidamada dowladda iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka.

Howlgalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo NISA iyo saabixada caalamiga ah ay dhawaan ku beegsadeen goob ay isku uruursanayeen 400 oo Al-Shabaab oo ku taalla deegaanka Ceel-dhiiqo Weyne, oo u dhexeeya deegaannada Ceel-lahelay iyo Ceel-garas ee gobolka Galguduud.

Howlgalkaas oo u dhacay sidii loo qorsheeyay ayaa waxaa lagu dilay illaa 12 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare oo ka tirsanaa kooxda, sida ay horay u shaacisay NISA.

Sidoo kale inta uu socday howgalka ayaa waxaa lagu dhaawacay 13 kale oo kamid ah maleeshiyaadka lagu diyaarinayay deegaanka la duqeeyay ee Ceel-dhiiqo Weyne.

“Howlgalkaas waxaa lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, oo ay ku jiraan horjoogayaal, halka 13 kalena dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay, iyada oo la beegsaday xarun lagu diyaarinayay in ka badan 400 oo maleeshiyaad ah, waxaana lagu raad-joogaa haraadigii Maleeshiyaadka oo u firxaday dhanka degmada Ceelbuur” ayaa lagu yiri warka.

Si kastaa, ha’ahaatee, NISA ayaa maalmihii dambe xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada HirShabelle iyo Galmudug oo ay weli ku xoogan tahay kooxda, si looga saaro degmooyinka iyo deegaannadii ugu dameeyay ee ay soo galeen.

 

 

Xog xasaasi ah oo ka soo cusboonatay duqeyntii lagu dilay Caaqil Cumar C/llaahi

0

Badhan (Caasimada Online) – Duqeyn cirka ah oo Maraykanku ka fuliyay waqooyiga Soomaaliya ayaa muran dhalisay, kadib markii dadka deegaanka ay sheegeen in lagu dilay caaqil aad looga yaqaanay gobolka Sanaag, halka masuuliyiin ka tirsan Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) iyo dowladda Soomaaliya ay u sheegeen BBC-da in weerarka lagu bartilmaameedsaday nin hubka Al Shabaab ka ganacsada.

Weerarkan oo dhacay 13-kii Sebteembar, ayaa muranka ka dhashay wuxuu mar kale muujiyay sida duqeymaha cirka ahi ay inta badan u reebaan hubanti la’aan ku aadan cidda lagu beegsado.

Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyay in ay fuliyeen “duqeyn toos ah” maalintaas, iyagoo sheegay oo keliya in bartilmaameedku ahaa “ganacsade hubka al-Shabaab” ka baayac mushtara. Magac kuma aysan sheegin war-saxaafadeedka.

Dadka degmada Ceelbuh ayaa ku tilmaamay ninka la dilay inuu ahaa Caaqil Cumar Cabdullaahi Cali, caaqil caan ku ahaa xallinta khilaafaadka. Odayaasha bulshada ayaa cambaareeyay weerarka, iyagoo ku tilmaamay weerar ka dhan ah dhaqankooda iyo sharafkooda.

BBC Somali ayaa mar labaad weydiisay AFRICOM in ay caddeeyaan haddii qofka ay dileen uu ahaa Caaqil Cumar Cabdullaahi Cali. Taliska ayaa ku jawaabay in aysan haynin faahfaahin dheeraad ah marka laga reebo inta ay war-saxaafadeedka ku soo qoreen.

Mar aynu waydiinay suuragalnimada ah in waxyeello rayid ay jiraan, AFRICOM waxay sheegtay in dacwadaha kiisaska noocaas ah si dhow loo eego, iyadoo natiijooyinka ka soo baxana lagu daabaco warbixino saddex-biloodle ah, balse kama aysan jawaabin in uu socdo baaritaan ku saabsan duqeyntan si gaar ah.

Nabadoon Xuseen Xaaji Yuusuf (Indha-deero), oo isna oday ka ah Ceelbuh, ayaa u sheegay BBC-da in Cumar Cabdullaahi Cali uu ahaa caaqil la ixtiraamo oo door wanaagiisu udub-dhexaad yahay ku lahaa bulshada. Wuxuu sheegay inuusan ahayn nin ay ka muuqatay arrimaha ay masuuliyiintu hadda ku eedeeyeen, balse uu ahaa nabadoon ay geeridiisu ka yaabisay bulshadii uu ka dhashay.

Mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya, oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, ayaa u sheegay BBC-da in bartilmaameedka Soomaaliya iyo Mareykanku runtii uu ahaa Caaqil Cumar Cabdullaahi, isagoo ku sifeeyay “horjooge sare oo u fududeeya argagixisada gobolka dambiyada abaabulan” kaas oo hub siin jiray al-Shabaab iyo ISIS, isla markaana sirdoonka Soomaaliya uu helay xiriir uu Caaqilku la lahaa kooxda Xuutiyiinta ee Yemen.

Masuulka ayaa sheegay in weerarka si qorshaysan loo fuliyay, iyadoo la adeegsanayay kormeer muddo la waday, isla markaana aanay waxyeello ka soo gaarin rayid. Dowladda federaalku weli bayaan rasmi ah kama soo saarin.

Kooxda Al-Shabaab ayaa beenisay in Cumar Cabdullaahi Cali uu xubin ka ahaa ururkooda.

Sheegashooyinkan iska soo horjeeda ee AFRICOM, dowladda Soomaaliya, al-Shabaab iyo bulshada deegaanka ayaa abuuray su’aal ilaa hadda jawaabteedu aysan cadeyn: Mareykanka iyo Soomaaliya maxaysan si rasmi ah ugu magac dhabin in Caaqilku ahaa bartilmaameedkooda?

Ilaa iyo hadda sanadkan 2025, AFRICOM waxay war-saxaafadeed ka soo saartay 55 duqeyn oo ay ka fulisay Soomaaliya. 31 ka mid ah waxaa lagu beegsaday xubno Daacish (ISIS) ah oo ka dagaallamaya buuraleyda Puntland, halka inta kale lagu duqeeyay al-Shabaab.

Washington ayaa ugu tiirsan duqeymaha cirka ah, hase yeeshee waxay sidoo kale mararka qaar dhaliyaan waxyeello rayid oo hufnaanta duqeymaha muran galiya.

Bulshada gobolka Sanaag, ayaa is weydiinaya dhab ahaanshaha sababta ka danbeysa dilka Caaqil Cumar Cabdullaahi Cali.

Ilaa caddayn dheeraad ah la helo, ama Dowladda iyo AFRICOM si rasmi ah u xaqiijiyaan magaca bartilmaameedka, duqeyntani waxay ahaan doonta mid lagu muransan yahay.

Isha: BBC