30.9 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

Masar oo 40,000 oo askari gaysay xadka Siinaay xilli laga cabsi qabo qorshaha Israa’iil

Qaahira (Caasimada Online) – Masar ayaa ciidamo dheeraad ah geysay xadka ay la wadaagto Marinka Gaza, iyadoo ay soo kordhayaan cabsi laga qabo in qorshaha Israel ee ah inay qabsato marinkaas uu Falastiiniyiinta ku riixi karo gudaha Waqooyiga Siinaay, sida uu sarkaal sare oo ka tirsan milateriga u sheegay Middle East Eye.

Wuxuu sheegay in hadda Waqooyiga Siinaay la geeyay ilaa 40,000 oo askari, taasoo ku dhow laba jibaarka tiradii lagu oggolaa heshiiskii nabadda ee Masar iyo Israel ee 1979-kii.

“Ciidanka Masar wuxuu ku jiraa heerkii ugu sarreeyay ee feejignaan ah oo aan la arag sannado badan,” ayuu yiri sarkaalka.

Tallaabadan ayaa timid kaddib amarro toos ah oo ka soo baxay Madaxweyne Cabdifataax al-Sisi, isagoo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, kana dambeeyay kulan uu la yeeshay Golaha Sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Golaha Amniga Qaranka, ayuu raaciyay.

Wuxuu sheegay in Israel ay doonayso inay burburiso Xamaas ayna tiro badan oo Falastiiniyiin ah ku qasabto inay ka baxaan Gaza, waana aragti ay Masar si adag u diidan tahay.

Ciidamada Masar ayaa hadda fariisimo ka samaystay qaybo kala duwan oo Waqooyiga Siinaay ah, oo ay ku jirto “Aagga C,” oo ah deegaanka ku dhow Marinka Gaza, ayuu intaa ku daray.

Masar waxay Israel ku wargelisay ciidamadan dheeraadka ah, taasoo dhalisay cabashooyin la xiriira baaxadda ciidanka iyo joogitaankooda aagagga mamnuuca ah.

“Masar waxay ku adkaysanaysaa in abaabulkani yahay mid difaac ah, laakiin waxay si isku mid ah u caddeysay in weerar kasta oo lagu soo qaado dhulkeeda lagaga jawaabi doono si aan gabbasho lahayn,” ayuu yiri sarkaalka.

Gaadiidka gaashaaman, hababka difaaca hawada, ciidamo gaar ah iyo taankiyada dagaalka ee nooca M60 ah ayaa la geeyay magaalooyinka ku dhow ee Rafah iyo Sheikh Zuweid iyo sidoo kale agagaarka tuulada al-Joura ee ku dhow xadka Gaza.

“Saraakiisha xiriirka ee Masar waxay dhiggooda Israel u sheegeen in tallaabooyinkan dambe ay yihiin kuwo difaac ah oo keliya, loogana gol leeyahay in lagu sugo amniga xadka xilli ay xiisaduhu sii kordhayaan,” ayuu sarkaalku raaciyay.

Xariiq Cas

Horraantii bishan, Guddoomiyaha Waqooyiga Siinaay, Khaled Megawer, ayaa digniin kulul u diray Israel oo ku aaddan weerar kasta oo ay suuragal tahay inay ku soo qaaddo Masar.

Isagoo warbaahinta kula hadlayay marinka xadka ee Rafah, su’aalo laga weydiiyay suurta-galnimada iska hor-imaad dhexmara Israel, ayuu Megawer yiri: “Cid kasta oo ku fikirta inay u soo dhowaato xadkeena, waxay la kulmi doontaa jawaab lama filaan ah oo gilgili doonta.”

Megawer, oo horay u soo noqday janaraal ciidanka ka tirsan iyo madaxa sirdoonka milateriga, ayaa hadalkan jeediyay xilli ay sii kordhayso welwelka laga qabo in qabsashada la qorsheeyay ee Israel ee Gaza ay horseedi doonto dhibaato barakac oo baaxad leh.

Tan iyo markii uu bilowday duullaanka Israel ee Gaza, waxaa jiray isku dayo la soo sheegay oo lagu doonayay in si qasab ah looga barakiciyo boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah Marinka Gaza.

Waqooyiga Siinaay ayaa muddo dheer loo arkayay meel suurtagal ah oo loo raro Falastiiniyiinta la barakiciyay, waana fikrad dhowr jeer soo noqnoqotay tobannaan sano. Si kastaba ha ahaatee, Qaahira waxay weli u aragtaa arrintan mid xariiq cas ah.

Horraantii sannadkan, mala-awaalku wuxuu dib u soo cusboonaaday markii Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu soo jeediyay in Masar iyo Urdun ay qaabilaan Falastiiniyiinta ka soo cararaya dagaalka.

Jawaabta Masar waxay ahayd mid cad oo aan leexleexad lahayn.

“Marnaba lama aqbali karo lamana oggolaan karo in Falastiiniyiinta la soo raro,” ayuu yiri Madaxweyne Cabdifataax al-Sisi xilligaas. “Xalku ma aha in dadka Falastiiniyiinta ah laga raro dhulkooda.”

Dareenkaas ayaa si weyn uga dhex muuqda Waqooyiga Siinaay, halkaas oo bulshooyinku ay ku noolaayeen dhul isku mid ah jiilal badan, ayna u arkaan barakicinta qasabka ah ee Falastiiniyiinta mid caddaalad-darro ah oo xasiloonida wax u dhimaysa.

“Dhulkeenu wuxuu hoy u yahay qabuuraha awoowayaasheena, marnabana cid kale lama wadaagi karno,” ayuu Middle East Eye u sheegay oday 78 jir ah oo ka tirsan qabiilooyinka Sheikh Zuweid, kaasoo codsaday inaan magaciisa la sheegin.

Bishii Abriil, xildhibaanno iyo hoggaamiyeyaal qabaa’il ayaa isugu yimid magaalada El-Arish, caasimadda Waqooyiga Siinaay, si ay u meel mariyaan mowqifkooda ah in Siinaay aysan marnaba noqon waddan beddel u ah Falastiiniyiinta ka soo qaxaya Gaza.

Sheekh Salama al-Ahmar oo ka tirsan qabiilka al-Tarabin ayaa yiri: “Waan garab taagannahay Gaza, laakiin maaha mid lagu khasaarinayo dhulka Siinaay ama madax-bannaanida Masar.”

Duullaanka ba’an ee Israel ka waddo Gaza ayaa dhaliyay su’aalo ku saabsan sida ay Masar uga jawaabi lahayd isku dayo barakicin oo ballaaran ama dhaq-dhaqaaq militari oo kordha meel u dhow xadka Rafah, oo ah iridda keliya ee Gaza u furan caalamka intiisa kale marka laga reebo Israel.

“Maalmaha soo socda ayaa tijaabo adag ku noqon doona diyaar-garowga amni ee Masar iyo awooddeeda diblomaasiyadeed ee ay ku maareyso dhibaatada Gaza iyadoon wax u dhimin danahaheeda istiraatiijiyadeed,” ayuu Middle East Eye u sheegay falanqeeye siyaasadeed oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.

“Weerar baaxaddan leh oo Israel qaaddo wuxuu kicin karaa musiibo bini’aadanimo, taasoo ku qasbi karta Falastiiniyiinta inay si wadar ah uga qaxaan Gaza, waana xaalad ay Israel laga yaabo inay ku xisaabtamayso si ay dadka uga faarujiso Gaza ayna weligeed u wiiqdo awoodda Xamaas,” ayuu falanqeeyuhu raaciyay.

Xiriir dhaqaale iyo xiisado siyaasadeed

In kasta oo ay jirto taageero ballaaran oo shacabku u hayo qadiyadda Falastiin, Masar iyo Israel waxay ilaashadeen xiriir adag tan iyo markii ay kala saxiixdeen heshiiskii nabadda ee uu Maraykanku garwadeenka ka ahaa sannadkii 1979-kii. Masar waxay ahayd dalkii ugu horreeyay ee Carbeed ee xiriirka la caadiyeeyay Israel.

Sida ku cad heshiiska, Gacanka Siinaay waxaa loo qaybiyay aagag leh xaddidaadyo adag oo ku saabsan gaynta ciidamada iyo hubka culus.

Sannadihii la soo dhaafay, waxaa la sameeyay ka-dhaafitaanno la isku afgartay, gaar ahaan kaddib kacaankii Masar ee 2011, markaasoo milaterigu uu kordhiyay joogitaankiisa si uu ula dagaallamo kooxaha fallaagada ah ee Siinaay.

In kasta oo hadallada siyaasadeed ee Israel iyo Masar ay inta badan ahaayeen kuwo taxaddar leh, iskaashiga amniga iyo kan dhaqaalaha ayaa si isdaba joog ah u sii qoto dheeraanayay.

Heshiis ballaaran oo dhowaan la galay oo gaaska looga soo dhoofsanayo Israel ayaa muran ka dhaliyay Masar, maadaama la saxiixay xilli uu socdo duullaanka Israel ee Gaza, kaasoo lagu dilay in ka badan 62,000 oo Falastiiniyiin ah.

“Qaahira waxay qaadataa mowqif adag oo ka dhan ah Israel marka ay timaado arrimaha Gaza iyo Falastiin, halka ay dhanka kale ilaashanayso xiriir dhaqaale oo danta ku dhisan,” ayuu Middle East Eye u sheegay sarkaal hore uga tirsanaa sirdoonka guud iyo khabiir amni qaran, isagoo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.

Xiriirkaas waxaa ka mid ah soo dejinta gaaska Israel si loo daboolo baahida gudaha iyo in dheeraadka loo dhoofiyo Yurub, iyo sidoo kale iskaashiga hoos yimaada heshiiska Aagagga Warshadaha ee Loo-aqoonsaday (Qualifying Industrial Zones – QIZ).

“Masar waxay sidoo kale ka faa’iideysataa kaalmada milateri ee Maraykanka ee hoos timaada heshiiska nabadda, iyadoo ciyaaraysa door dhex-dhexaadin muhiim ah oo ku aaddan Gaza, taasoo xoojinaysa maqaamka Qaahira ee gobolka iyo caalamkaba,” ayuu raaciyay.

Si kastaba ha ahaatee, duullaanka Gaza wuxuu xiriirka labada dal gaarsiiyay heerkii ugu hooseeyay muddo tobannaan sano ah.

Qaahira waxay u aragtaa ololaha Israel mid khatar ku ah xasiloonida xadka, dharbaaxo ku ah dadaalladeeda dhex-dhexaadinta, iyo halis suurtagal ah oo ku wajahan sii jiritaanka heshiiska nabadda.

Qodobka ugu weyn ee khilaafka dhaliyay waa qabsashada Israel ee Marinka Philadelphi, oo ah dhul ciriiri ah oo ku teedsan xadka Masar iyo Gaza, kaasoo la qabsaday bishii Maajo 2024.

Masar waxay ku doodaysaa in tallaabadani ay jebinayso heshiiska nabadda, halka Israel ay sheeganayso inay tahay aag difaac ah oo lagama maarmaan u ah ka hortagga tahriibinta hubka.

Ciidamada Puntland oo maanta gaaray guul kale oo wayn kadib markii…

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada difaaca ee Puntland ee weli howlgallada ka wada aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa maanta guul kale oo wayn ka gaaray dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish, waxayna kala wareegeen goobo hor leh.

Ciidamada ayaa saaka aroortii hore kooxda ka qabsaday Ceelka Garooba oo kamid ah goobihii u dambeeyay ee ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Daacish, waxaana lasoo wariyay in ciidanka sameeyay howlgalkaasi aysan la kulmin wax iska caabin ah.

Deegaanka ay la wareegeen ciidanka Puntland ayaa ah deegaan istaraatiiji ah, waxaana ku yaalla difaacyo adag oo dabiici ah, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha amniga.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamadu halkaasi ka heleen saad kooban oo kooxdu ka carartay, waxaana sidoo kale haatan deegaanka howlgal ka wada ciidanka Puntland.

Dhawaan ciidamada ayaa qabsaday deegaanno kale oo muhiim ah, gaar ahaan Dhaban-qooxle, Cas-caso, Ceelka Dul&Darayle iyo Ceelka Gambarre oo dhammaantood ku teedsan tagga weyn ee Baallade.

Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in weli ciidamadu ay sii baacsanayaan firxadka maleeshiyaadka kooxda Daacish, ujeedkana uu yahay in laga saaro dhulkaasi.

Howlgalka ayaa haatan galay wajigiisa 4-aad, waana cir iyo dhul, iyada oo Puntland ay ka sheegatay guullo waawayn oo wax ku ool ah.

“Wejiga 4-aad ee Hawlgalka Hilaac oo lagu ciribtirayo firxadka Daacish ayaa si quwad iyo xawli ah kusocda, iyadoo laga fulinaayo Dhul, Cir iyo Badba, waxaana laga-gaaray intii uu socdey natiijo wanaagsan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed horay uga soo baxay.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo howlagallo ay weli kasii socdaan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari oo ay isku hayaan Puntland iyo Daacish.

Ambassador André warns against Somaliland recognition

WASHINGTON, DC — Former U.S. ambassador to Somalia Larry André has urged Washington to proceed carefully in reviewing Somaliland’s status, warning that unilateral recognition of the breakaway territory could destabilize the Horn of Africa.

His call comes amid renewed pressure from Republican lawmakers, including Senator Ted Cruz, for the United States to recognize Somaliland, which declared independence from Somalia in 1991 but has never been internationally recognized.

In a detailed policy essay, André — who served as U.S. ambassador in Mogadishu between 2022 and 2023 — argued that any U.S. policy review should be deliberate, consultative, and anchored in regional realities.

“Americans will not suffer directly from any further destabilization of the Horn of Africa caused by unilateral and uncoordinated measures,” he wrote. “Rather, the people of this long-suffering region will suffer even more.”

He said Washington’s interests are best served by promoting stability and prosperity across the Horn, where Somali clan dynamics cut across borders with Djibouti, Kenya, and Ethiopia. Moves that upset this balance, he cautioned, could trigger violent reactions.

Three options for U.S. policy

André outlined three possible paths for U.S. policy: maintaining the status quo, opening a diplomatic liaison office in Somaliland’s capital, Hargeisa, or granting full recognition of Somaliland. He rejected the third option as destabilizing and harmful to relations with Somalia and the wider region.

Instead, he backed a middle course: expanding U.S. presence in Hargeisa while urging both Mogadishu and Hargeisa to resume dialogue. He noted that Somalia’s leadership abandoned a tentative cooperation framework reached in 2020 but could be revived.

André emphasized that distortions often cloud debate around Somaliland’s status. He highlighted several facts he said policymakers must weigh:

  • Somaliland’s Isaaq clan, which makes up roughly two-thirds of the population, overwhelmingly supports independence, while many non-Isaaq communities favor federal autonomy within Somalia.
  • Authorities in Hargeisa have cracked down on pro-reunion areas such as Las Anod, and expressing support for union is illegal in Somaliland.
  • Despite relative stability and stronger governance in Somaliland compared to southern Somalia, the territory benefits indirectly from international efforts to contain al-Shabaab.
  • Recognition precedents in Africa, such as Eritrea and South Sudan, only came after settlements with the parent state and African Union approval.

“Somaliland status merits open discussion within Somaliland, within Somalia as a whole, and within the region,” André wrote, adding that the guiding principle should be “do no harm.”

The former envoy said Washington should consult regional players — including Kenya, Ethiopia, Djibouti, and the African Union — as well as international partners like Turkey, the EU, and Gulf states before shifting its position.

He suggested creative approaches, citing variable federal models in the UK, UAE, Tanzania, and Canada, as possible inspiration for Somali governance.

Washington reiterates policy

His intervention coincided with a State Department clarification that U.S. policy toward Somalia remains unchanged.

A source familiar with the department’s position told Semafor that Somaliland’s status is subject to periodic review, but the United States continues to back Somalia’s territorial integrity.

The statement followed Senator Cruz’s call for recognition, in which he described Somaliland as a “critical security and diplomatic partner” for Washington and accused Beijing of punishing Hargeisa for its support of Taiwan.

President Donald Trump also stirred speculation when he said his administration was “working on” the Somaliland question in response to a question about relocating Gazans to the territory if recognition were granted.

China dismissed Cruz’s remarks as “baseless attacks,” accusing U.S. politicians of interfering in Somalia’s internal affairs.

Supporters of Somaliland argue that recognition would reward its stability and democratic governance. The region held its sixth election last year, bringing opposition leader Abdirahman Mohamed Abdullahi to power.

But André insisted that rushing into recognition would alienate pro-union Somalilanders, undermine Somalia’s fragile politics, and risk fueling wider instability.

“Historic Somalia’s national revival requires settlement of governance issues, especially Somaliland status, and liberation of the entire national territory from terror group occupation,” he wrote. “These are difficult but achievable goals.”

Libya in secret talks over Gaza Palestinian resettlement

TRIPOLI, Libya – A senior official in Libya’s UN-recognised government has held covert talks with Israeli officials over a proposal to resettle Palestinians displaced from Gaza, according to multiple Arab and European sources cited by Middle East Eye.

The discussions were reportedly led by Ibrahim Dbeibah, national security adviser and relative of Prime Minister Abdul Hamid Dbeibah. Sources said “practical talks” had taken place, but without concrete mechanisms. Members of Libya’s Tripoli-based parliament were not informed, given the country’s strong pro-Palestinian sentiment.

According to one source, Washington offered economic incentives, including the release of $30 billion in frozen Libyan assets dating back to 2011, in return for Tripoli accepting Palestinians. Massad Boulos, a close adviser to US president Donald Trump, was linked to earlier discussions over unlocking frozen funds but denied involvement in any resettlement plan.

The White House said Trump has long pushed for “creative solutions” for Palestinians, including resettlement abroad while Gaza is rebuilt.

The reported talks coincide with Israel’s public calls for countries to absorb Gazans displaced by the war. Prime Minister Benjamin Netanyahu recently said Israel was in contact with “several countries” about taking Palestinians, while Agriculture Minister Avi Dichter described Libya as an “ideal destination” due to its size and Mediterranean coastline.

Israeli ministers have floated similar “voluntary migration” proposals since the Hamas attacks of October 7. However, rights groups stress that forced displacement violates international law, notably the Fourth Geneva Convention.

The reports have triggered sharp reactions in Libya. Hours after being contacted by MEE, Prime Minister Dbeibah said his government would not take part in the “crime” of resettling Palestinians, echoing a US embassy statement earlier this year dismissing relocation plans.

Meanwhile, Khalifa Haftar, the powerful commander in eastern Libya, was also reportedly approached with offers of expanded oil revenues in exchange for accepting Palestinians. He denied the claims, but European officials said both Haftar and the Tripoli-based government were courting Israeli contacts to win greater US recognition.

Analysts warned the plan could spark unrest across Libya. “This will be a shock to the Libyan people,” one Arab official said, noting that complicity in what Palestinians see as ethnic cleansing would inflame public anger.

Others cautioned that relocating Gazans to a war-torn country with divided governments would push many towards desperate onward migration to Europe. “It will be catastrophic at multiple levels,” a European source said, predicting renewed deaths in the Mediterranean and a backlash from European states unwilling to absorb more refugees.

Libya does not recognise Israel but has been accused of secret contacts. In 2023, former foreign minister Najla al-Mangoush was suspended after revelations she met her Israeli counterpart in Rome. Sources later alleged Ibrahim Dbeibah orchestrated the meeting.

Israeli officials have also reportedly sounded out other African countries. Plans have been mooted for Palestinians to be resettled in Sudan, South Sudan, and Somalia’s breakaway region of Somaliland.

But all are plagued by instability: Sudan has seen more than 150,000 killed since civil war erupted in 2023; South Sudan faces deep humanitarian crises with millions at risk of hunger; while Somaliland has drawn threats from al-Shabab over its pact with Ethiopia.

Critics say the talks reflect Libyan leaders’ pursuit of US favour rather than Palestinian welfare. “Accepting Palestinians could come at a high price for any party that engages with Washington,” analyst Mohamed Mahfouz said.

Mareykanka oo $10 milyan Soomaaliya kaga raadinaya…

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareynkanka ayaa maanta soo saartay go’aan culus oo ka dhan ah kooxda Daacish ee Soomaaliya, waxayna ku dhowaaqay abaal-marin lacageed oo gaareysa ilaa $10 milyan oo la siin doono qofkii soo sheega macluumaad la xiriira dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee kooxdan argagixisada ah, si loo cuuryaamiyo.

Sida lagu sheegay warbixin gaar ah lagu daabacay bogga waaxda caddaaladda Maraykanka ee wasaaraddda Arrimaha Dibadda tallaabadan ayaa looga golleeyahay in looga hortago saameynta kooxda ee gobolka, oo loo arko in ay haysato dhaqaale aad u fara badan.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegau in Daacshista Soomaaliya tahay il dhaqaale oo weyn oo quudisa shabakadaha kale e ururkaasi, loona baahan yahay in la beegsado oo la cuuryaamiyo awoodda kooxdan oo fariisimo ku leh dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Warbixintaan waxay sidoo kale xustay in Daacish ay lacag ka hesho dhaq-dhaqaaqa lacagaha sharci-darrada ah, tahriibka hubka, afduub iyo lacagaha madax-furashada.

Kooxda ayaa sidoo kale adeegsata habab kale oo ay ku hesho dakhli, sida ku qasbida dadka deegaanka, ganacsatada, iyo beeralayda, iyada oo ka qaata lacago canshuuro ah.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale kooxda ku eedeysay in ay ku lug leedahay falal burcad-badeednimo iyo kalluumaysi sharci-darro ah oo ka dhaca xeebaha Soomaaiya, sida lagu sheegay lagu daabacay bogga waaxda caddaaladda ee wasaaraddda Arrimaha Mareykanka

Dadweynaha loogu baaqay in ay soo sheegaan wixii macluumaad ah ee la xiriira howlaha Daacishta-Soomaaliya, iyada oo qofkii soo gubiyo xog rasmi ah lasiin doono $10-ka milyan.

“Qofkii bixiya macluumaad qiimo leh waxaa la siin doonaa abaal-marin lacageed iyo fursado dib-u-dejin” ayaa lagu yiri warbixinta.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waawayn ee ka qayb-qaata dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, wuxuuna duqeymo culus ka fuliyaa gobolka Bari oo ay haatan ka socdaan howlgallo ay ciidamada Puntlan ka wadaan aagga buuraha Calmiskaad ee gobolkaasi.

Xasan oo labo arrin u tegay Dhuusamareeb iyo mid ka daran oo ka taagan Muqdisho

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta safar ku tegay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug, halkaas oo la qorsheeyey in muddo seddax maalmood ah uu sii joogo.

Madaxweynaha ayaa halkaas u tagay labo arrin oo muhiim ah, midda hore waa in berri uu bilaabayo xarig jarka dhowr mashruuc oo deeq bixiyayaasha caalamka ay maalgaliyeen.

Xarumaha uu Xasan Sheekh, Dhuusamareeb ka xarig jari doono waxaa ugu horeeya saldhigga qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo loo dhisay xarun weyn oo casri ah, kadib markii xaruntii hore ee qeybta laga dhisay Madaxtooyada Galmudug.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xarrigga ka jaraya xarunta baarlamaanka Galmudug oo si cajiib ah loo dhisay iyo wajiga koowaad ee dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb oo dhowaan lasoo gabagabeeyey.

Xarig jarka kadib, Madaxweynaha guda gelaya kulamo xasaasi ah oo ka dhici doona Dhuusamareeb, kuwaas oo dagaalka Al-Shabaab u uku Dardar gelinayo, waxaana Dhuusamareeb mar kale laga abaabulayaa howlgal lagu xoreynayo Ceelbuur iyo deegaanada kale ee Galmudug.

Istiraatiijiyadda dagaalka ayaa sidii hore ka duwan, waxaana markaan la qorsheeyey in Dhuusamareeb ay ka wada dhaqaaqaan ciidamada qaranka iyo kuwa AUSSOM, si lamid ah howlgalkii lagu xoreeyey Bariire ayaa loo xoreynayaa Ceelbuur.

Kumanaan askari oo Jabuutiyaan ah ayaa ka qeyb qaadanaya howlgalka ka bilaabanaya Galmudug, kuwaas oo dhowaan ay soo dirtay dowladda Jabuuti, madaxweynaha ayaa Dhuusamareeb kula kulmi doona saraakiisha Jabuuti ee qeybta ka ah AUSSOM.

Dowladda ayaa qorsheysay in markaan laga maarmo kaalintii ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda loo yaqaano, kuwaas oo qorsha la’aan ku geli jiray dagaalka, waxaana lama huraan noqotay in istiraatiijiyad dhab ah lagu galo dagaalka.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Dhuusamareeb ayaa kusoo beegmaya xilli ay cakirnaan siyaasadeed ka jirto dalka, gaar ahaan Muqdisho, dhawaanna ay burbureen wadahadaladii siyaasadeed uu kula jiray Mucaaradka.

Kalfadhiga Baarlamaanka Federaalka oo Sabtida soo socota ay ahayd inuu furo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegayaa in dib loo dhigayo, maadaama laga cabsi qabo in la horkeeno mooshin ka dhan ah Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

 

Daawo: Kheyre oo weerarkii ugu xumaa ku qaaday Xasan, shaaciyey arrimo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa qabtay shir jaraa’id oo xasaasi ah oo uu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, isagoo mid mid u dul istaagay dhowr qodob oo uu ku dhaliilay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Arrimaha uu taabtay waxaa kamid ah: dastuurka, khilaafka dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada, dhul-boobka ama ka barakicinta bulshada ee dhulka danta guud ee Muqdisho, niyad-jabka bulshada, hoos u dhaca deeq bixiyeyaasha caalamka, dirirta ciidamada qaranka dhexdooda ah, weerarrada Khawaarijta ee caasimadda ku soo dhowaanaya iyo qodobo kale.

“Dal waxaan joognaa Dastuur uu ka yahay ra’yiga Madaxweyne Xasan Sheekh, wax kasta oo ay Soomaalidu ku heshiisayna waa la laalay. Waxaa si indho la’aan ah loo boobay hantidii Qaranka, rajadii shacabka Soomaaliyeedna waxay noqotay rajo-beel. Ciidankii Qarankana dhufeysyo ayey iskaga jiraan Gedo ilaa Muqdisho,” ayuu yiri Kheyre.

Kheyre ayaa sheegay in aysan fiirin karin hooyo Soomaaliyeed oo, sida uu hadalka u dhigay, Xasan Sheekh uu gurigeeda ka barakicinayo, iyadoo dhulkii danta guud suuqa madow lagu xaraashayo oo laga saaray diiwaanka hantida Qaranka.

“Meelaha qaar waxaa ka dhacaysa in la boobayo dhul ay leeyihiin muwaadiniin Soomaaliyeed, iyadoo loo adeegsanayo awoodda dowladda si xoog ah,” ayuu yiri Kheyre.

Markii uu ka hadlay dagaalka Khawaarijta, wuxuu sheegay in bulshada Soomaaliyeed aysan daawan karin iyadoo ay Shabaab dib u qabsanayaan dhul lagu waayey halyeeyo iyo saraakiil Soomaaliyeed.

“Nasiib-darro, dowladdii dalka xoreyn lahayd ayaa ku mashquulsan inay dhulkii danta guud kala wareegto shacab tabaaleysan, kuwaas oo u badan qoysaska wiilasha ciidamada qaranka ee furimaha ku sugan. Anigu waxaan ku kalsoonahay, waana garab taaganahay ciidamada Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira cadowga Khawaarijta,” ayuu yiri Kheyre.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ka damqanayaan in ciidamada qaranka loo adeegsado dano siyaasadeed oo lagu weeraro deegaano nabdoon oo cadow aan ka jirin, si loogu gaaro dano gaar ah.

“Ganacsatadii Soomaaliyeed waxay dalka kala baxayaan hantidooda, iyagoo u wareegaya wadamo kale, maadaama ay ka niyad-jabeen dalkooda. Qoysas badan ayaa ka guuraya dalka, dhalinyartii Soomaaliyeedna waxay u tahriibayaan, naftoodana ku biimeynayaan badaha adduunka,” ayuu yiri Kheyre.

Hoos ka daawo

Xog: ITOOBIYA oo ciidamo badan soo dhoobtay xuduuda ay la wadaagto gobolka Gedo

0

Doolow (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in haatan dowladda Itoobiya ay ciidamo dheeraad ah keentay xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya, gaar ahaan dhanka gobolka Gedo, halkaas oo ay ka taagan tahay xiisad xooggan oo u dhexeyo dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedka Jubaland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa saacadihii ugu dambeeyay soo buux dhaafiyay halka loo yaqaanno suufka, oo ah sadex xagalka xuduudaha dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in ciidamada Itoobiya ay halkaasi ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo culus iyo howlgallo lagu xaqiijinayo amniga deegaannadaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in goobtaas ay sidoo kale joogaan Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan iyo guddoomiyaha degmada Doolow oo hoggaaminayo ciidamadii Jubaland ee dhawaan laga qabsaday Belexaawo.

Arrintaan ayaa muujineyso saasaan colaadeed oo horleh, ugana sii dari karto xiisadda ka taagan Gedo, maadaama weli ay sii socdaan dhaq-dhaqaaqyada iska soo horjeedo.

Itoobiya ayaa horay usoo farogelisay arrinta gobolkan, waxayna ciidamadeeda ka qayb-qaateen dagaalka, iyaga oo weeraray ciidamada NISA ee ku sugan degmada Doolow, taas oo dhalisay walaac xooggan oo ku saabsan amniga gobolka Gedo ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jirtay in mar kale ay digniin u direen ciidamada dowladda ee ku sugan Beledxaawo, iyaga oo faray inay isaga baxaan magaaladaasi, balse ma fulin go’aankaasi.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta gobolka iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan dhaq-dhaqaaqa ay ciidanka Itoobiya ka bilaabeen xadka labada dal.

Dowladda Federaalka ayaan weli jawaab rasmi ah ka bixin farogelnta Itoobiya, waxaana warsaxaafadeedkeedii ugu dambeeyay ay kaliya ku eedeysay hogaanka sare ee Jubaland.

Former Somali Presidents decry ‘looting’ of public land

MOGADISHU, Somalia – Three former Somali presidents have accused the government of illegally selling public land in Mogadishu, warning that the move has caused deaths, displacement, and a violation of the country’s constitution.

In a joint statement released Tuesday, ex-presidents Abdiqasim Salad Hassan, Sharif Sheikh Ahmed, and Mohamed Abdullahi Farmaajo said they were “deeply concerned” by the forced clearance of contested plots in the capital, which they said had led to loss of life.

“We extend our condolences to the families and relatives of those who lost their lives during the operations concerning the misuse of public land currently taking place in Mogadishu,” they said. “May Allah have mercy on those who died and grant a full recovery to the injured.”

‘Constitution blatantly violated’

The three leaders cited Somalia’s Provisional Constitution and financial laws, saying these had been ignored. “Every citizen has the right to live in an environment that does not harm their health or quality of life,” the statement said. “It must be demonstrated that the land being sold is no longer needed, and the reason must be made clear.”

They added: “The National Procurement Authority must be responsible for the sale. The state must publicly announce the sale, publish it in the Official Gazette, and post it in public gathering areas. Equal access to land and the fair distribution of its resources must be ensured.”

The former leaders said that the government had failed to uphold those provisions. “It is deeply unfortunate that these legal provisions, which are mandatory according to the laws of the country, have not been followed. Worse still, the Provisional Constitution of the Federal Republic of Somalia and other national laws have been blatantly violated,” they declared.

The statement accused President Hassan Sheikh Mohamud’s administration of exploiting vulnerable citizens. “We call on the president to cease the exploitation of public property and the oppression of vulnerable citizens whom he swore to serve,” the ex-presidents said.

They also demanded that the government resettle displaced families, stressing that “these people have a constitutional right to adequate housing.”

The leaders insisted that any land removed from the public register must be returned to state control unless its disposal followed strict legal procedures. “In cases where disposal is unavoidable, it must follow the legal procedures,” they said.

Warning to businesses

The three presidents also warned local investors and entrepreneurs not to buy land sold under questionable circumstances. “We warn the Somali business community, who earn a halal livelihood, not to be deceived by the public land that belongs to the nation as a whole,” they said. “It is time to turn away from the corruption and looting of national property.”

They stressed that the Somali constitution requires the state to protect public assets. “We remind all citizens to be aware of their constitutional power as stated in Article 1 of the country’s Constitution,” the statement concluded.

Disputes over land ownership and usage have long plagued Mogadishu, where rapid urban growth, decades of conflict, and weak institutions have left property records in disarray. Forced evictions are common, with human rights groups frequently accusing the authorities of targeting poor and displaced families.

President Mohamud, who returned to office in 2022 after previously leading Somalia from 2012 to 2017, has argued that some demolitions are necessary for public works and urban development. But critics say the process has often lacked transparency and disproportionately affected vulnerable communities.

International rights groups, including Amnesty International and the United Nations, have repeatedly urged Somali authorities to halt forced evictions and adopt fairer resettlement policies.

The joint statement from the three ex-presidents – spanning leadership from 2000 to 2022 – represents one of the strongest political challenges yet to Mohamud’s handling of the land issue.

Somalia rallies militias for new Al-Shabaab offensive

WARSHEIKH, Somalia – Somalia’s government is massing troops and local clan militias for a renewed major offensive against Al-Shabaab insurgents in the strategic Middle Shabelle region, with top officials making a frontline visit Tuesday to rally fighters for the impending operation.

The mobilization signals a fresh push in the government’s long-running campaign to dislodge the Al-Qaeda-linked group from territories it controls, particularly in the country’s central and southern regions.

Defence Minister Ahmed Macallin Fiqi and Mogadishu’s mayor, Hassan Mohamed Hussein (Muungaab), travelled to the Warsheikh district, a coastal area in Hirshabelle state, to meet with hundreds of newly prepared forces. Their visit to the Xaluule area aimed to boost the morale of both regular army units and allied local fighters ahead of a concerted push.

Addressing the assembled forces, Fiqi praised their readiness and urged them to reclaim their communities.

“Today is different from before. We want you to move forward as one and liberate yourselves from this Khawarij enemy,” Fiqi said, using the government’s pejorative term for Al-Shabaab, which translates to “the deviants”.

“I commend you for the victories you have already achieved,” he added, urging the fighters to “redouble” their efforts.

The crucial role of clan militias

A key element of the government’s strategy has been the enlistment of local clan militias, known as the “Macawisley,” named for the traditional sarong (macawis) they wear. These militias, fighting on their home turf, have been instrumental in previous phases of the offensive by providing critical intelligence and manpower.

Mogadishu’s mayor, who has played a significant role in organizing these local forces, confirmed that a major operation was imminent.

“A broad operation will soon be launched, fulfilling the directives of the President of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud,” Madaale stated.

He clarified the composition of the force, emphasizing the local commitment: “These hundreds of mujahedin are not part of the National Army. They are fully prepared to defend their country, their people, and their faith.”

A stalled war and renewed impetus

President Mohamud declared “total war” on Al-Shabaab upon taking office in 2022. The initial phase of the offensive, which combined national army troops with the Macawisley, saw significant territorial gains in the states of Hirshabelle and Galmudug throughout late 2022 and early 2023.

However, the offensive has stalled for over a year. Analysts suggest factors, including fierce Al-Shabaab resistance, logistical challenges, and the onset of seasonal rains, have hampered progress. A planned second phase of the operation, intended to target Al-Shabaab strongholds in the south, has yet to materialize fully.

According to a recent report by the International Crisis Group, recapturing territory is only the first step. The government faces the immense challenge of securing and governing these areas to prevent the insurgents from returning.

Strategic importance of Middle Shabelle

The focus on Middle Shabelle is highly strategic. The region lies just north of the capital, Mogadishu, and has long served as a logistical and operational hub for Al-Shabaab.

The group has used its presence there to extort taxes from the local population, recruit fighters, and stage attacks on the capital and supply routes for the Somali army and the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS).

Clearing insurgents from the remaining pockets in districts like Warsheekh is seen as vital to enhancing the security of Mogadishu and demonstrating renewed momentum in the government’s campaign.

For more than 15 years, Al-Shabaab has been waging a brutal insurgency against the internationally backed federal government of Somalia. Though pushed out of major cities, the group retains control over large swathes of rural areas.

It continues to launch deadly attacks against military and civilian targets. The current mobilization represents the government’s latest high-stakes effort to break the stalemate and permanently degrade the militants’ capabilities.

Cabdiqaasim, Farmaajo iyo Shariif oo soo saaray qoraal ay ugu digayaan Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka, Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan, Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo warsaxaafadeed wadajir ah soo saaray ayaa si adag uga hadlay xiisadda ka dhalatay dhulalka danta guud ee ku yaalla Muqdisho iyo barakicinta shacabka.

Saddexda Madaxweyne ee hore ayaa ka digay ku takri-falka dhulka danta guud ee caasimadda, waxayna sheegeen in si aan sharci ahayn loo iibinayo.

Sidoo kale, waxa ay farriin u direen Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ugu baaqeen inuu ka waantoobo ku takri-falka hantida danta guud, ayna dib gacanta dowladda ugu soo noqdaan dhulalka la iibiyay.

“Haddaba, anaga oo tixgalinayna cabashooyinka isdaba-joogga ah ee naga soo gaaraya qoysaska la barakiciyey waxaan u soo jeedineynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud: Inuu ka waantoobo ku takri-falka hantida danta guud iyo u awood sheegashada dadka dan-yarta ah ee uu u dhaartay inuu u adeego. In dhulka lagu soo celiyo gacanta Dowladda, kii laga maarmi waayana la mariyo hannaanka sharcigu tilmaamay,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:

Ugu horrayn, waxaan tacsi u direynaa qoysaska iyo qaraabada dadkii ku dhintay howl-gallada ku takri-falka dhulka danta guud ee ka socda magaalada Muqdisho, waxaana leenahay Eebbe ha u naxariisto intii ku dhimatay, kuwa ku dhaawacmayna Alle ha caafiyo.

Sida ku cad qodobbada 25aad, 26aad iyo 43aad ee Dastuurka KMG ah ee JFS, qodobbada 50aad iyo 51aad ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud oo qeexaya hantida danta guud iyo sida loo maamulayo, iyo qodobbada 6aad iyo 22aad ee Xeer Lr.41 ee Sharciga Dhul Qaybinta – qodobbadaas dhammaantood waxay waajibinayaan in marka dhul laga saarayo diiwaanka Dhulka Danta Guud la xaqiijiyo arrimahan:

  • In muwaadin kasta xaq u leeyahay inuu helo deegaan aan waxyeello u lahayn caafimaadkiisa iyo baraarihiisa nololeed.
  • In la soo bandhigo in laga maarmay dhulka la iibinayo iyo sababta.
  • In iibintiisa ay ka masuul tahay Hay’adda Iibka Qaranka.
  • In la naadiyo, laguna qoro Faafinta Rasmiga ah ee Dowladda, laguna dhejiyo goobaha dadku isugu yimaadaan.
  • In la xaqiijiyo sinnaanta fursadaha helidda dhulka iyo ka faa’iideysiga kheyraadkiisa.
  • In la xaqiijiyo ka faa’iideysiga dhulka si waafaqsan mabaadi’da dheefsashada dhulka, iyada oo aan dhibaato loo geysan deegaanka.
  • In la xalliyo khilaafaadka ka dhasha dhulka iyo hantida.
  • In la nidaamiyo dhaqdhaqaaqa suuqa ka ganacsiga dhulka, si looga hortago ku takri-falka xuquuqda milkiilayaasha dhulka ee yaryar.
  • In dakhliga ka soo xarooda dhulkii la iibiyay lagu shubo khasnadda dhexe ee dowladda.

Waxaa ayaan-darro weyn ah in aan la marin qodobbadaas sharciyeed ee dalka, isla markaana si bareer ah loogu tuntay Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka.

Haddaba, anaga oo tixgalinayna cabashooyinka isdaba-joogga ah ee naga soo gaaraya qoysaska la barakiciyey waxaan u soo jeedineynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud:

  1. Inuu ka waantoobo ku takri-falka hantida danta guud iyo u awood sheegashada dadka dan-yarta ah ee uu u dhaartay inuu u adeego.
  2. In dib u dejin loo sameeyo dadka la barakiciyay, kuwaas oo xaq dastuuri ah u leh in ay helaan deegaan.
  3. In dhulka lagu soo celiyo gacanta Dowladda, kii laga maarmi waayana la mariyo hannaanka sharcigu tilmaamay.

Ugu dambayn, ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed ee xalaal-quutayaasha ah waxaan uga digaynaa in aanay ku kadsoomin dhulka danta guud ee ummadda ka dhexeeya, ayna meel uga soo wada jeestaan fasaadka iyo boobka hantida qaranka, iyaga oo ogsoon awooddooda dastuuriga ah ee ku cad qodobka 1aad ee Dastuurka dalka.

Waxaa soo wada saaray Madaxweynayaashii hore ee dalka:

  1. Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan
  2. Mudane Shariif Sheekh Axmed
  3. Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

-Dhammaad-

Abaabulkii ugu xooganaa oo ka socda Sh/Dhexe + Sawirro

0

Warsheekh (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mar kale abaabul culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilowday gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka HirShabelle, si kooxda looga saaro deegaanadii ugu dambeeyay ee ay qabsatay.

Abaabulkan ayaa waxaa ku biiray wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, saraakiil ka tirsan ciidankada Xoogga dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo gaaray aagga degmada Warsheekh, halkaas oo lagu diyaariyay boqolaal ciidamo ah, si dhiig cusub loogu shubo dagaalka.

Mas’uuliyiinta ayaa maanta booqday deegaanka Xaluule, waxaana ay kulameen ciidamo deegaanka ah oo lagu diyaariyay halkaasi, si ay ugu dhiirogeliyaan dagaalka xoreynta ee dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo goobta ka hadlay ayaa bogaadin u jeediyay ciidanka deegaanka Macawisley ee lasoo bandhigay, wuxuuna faray inay dhaqaaqaan oo ay iska xoreeyaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa sidoo kale ciidanka ku ammaanay guulihii ay ka gaareen dagaalka, isagoo ku boorriyay in ay mar kale sii laba jibbaaraan dadaallada ay haatan ka wadaan deegaanka.

“Maanta iyo marqaati wixii hore hadda waa ka duwan tahay waxaan rabnaa idinkoo mid ah inaad dhaqaaqdaan oo aad iska xoreysaan cadowgaa Khawaarijta” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Dhankiisa Duqa Muqdisho oo kaalin muuqata ku leh diyaarinta iyo abaabulka ciidamada deegaanka ee loogu talagalay ka qaybgalka duullaanka ku wajahan Khawaarijta, ayaa ciidamada Macawisleyda ah u sheegay in dhawaan la billaabi doono hawlgal saf ballaaran, iyadoo la fulinayo hagidda Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Muungaab ayaa caddeeyey in ciidamadan Macawisleyda ah oo gaaraya boqollaal mujaahid, aysan ku jirin hal xubin oo katirsan Ciidanka Qaranka, balse dhammaantood ay si buuxda ugu diyaarsan yihiin difaaca Dalka, Dadka iyo Diinta.

Kormeerkan ayaa loo arkaa tallaabo dhiirrogelin ah oo dhiig cusub ku shubaysa howlgallada ka socda gudaha dalka, iyadoo sare u qaadaysa niyadda ciidanka, kuwaas oo hadda u diyaar garoobaya duullaan dagaal oo ballaaran oo ka dhan ah Khawaarijta, xilli dowladda Soomaaliya ay soo gebagabaysay diyaar-garowgii ka dhanka ahaa kooxaha argagixisada.

Xasan Sheekh oo ka dagay Dhuusamareeb + Qorshihiisa

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Dhusuamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka uga hortagay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), mas’uuliyiinka deegaanka, saraakiisha ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo usoo banaan baxay soo dhaweeyntiisa.

Ammaanka magaaladan ayaa aad loo adkeeyay, iyada oo gol-hore loo diyaar garoobay soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya oo lasii ogaa inuu tagayo Dhuusamareeb.

Xasan Sheekh ayaa kulamo ka bilaabi doono Madaxtooyada Galmudug, isaga oo la kulmi doono mas’uuliyiinta maamulka, waxgaradka deegaanka iyo saraakiisha ciidamada oo uu kala hadli doono xaaladda gobolka iyo qorshayaasha dowladda ee la xiriira Galmudug.

Safarka madaxweynaha ayaa lagu sheegay mid ku saabsan dardargelinta hawlgalka ka dhanka ah Al Shabaab, arrimaha doorashooyinka iyo kormeerka mashaariicda horumarineed ee halkaasi laga fulinayo.

Madaxweyne ayaa sidoo kale la filayaa in uu xarigga ka jaro xarumo cusub oo laga hirgeliyay magaalada, sida xarunta baarlamaanka Galmudug. Sidoo kale, waxa uu kormeeri doonaa mashaariicda kale ee horumarineed ee socda, oo ay ku jiraan dhismaha waddooyinka iyo garoonka diyaaradaha.

Sidoo kale Madaxweynaha oo riixaya dardargelinta hawlgalka dib-u-xoreynta dalka ayaa dadka deegaanka kala hadli doona doorkooda kaga aaddan la dagaallanka Al Shabaab. Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in madaxweynuhu doonayo in dib loo soo nooleeyo iskaashiga ciidamada iyo shacabka, si dadka reer Galmudug ay ugaalin muuqata uga qaataan dagaalka Shabaab.

Dhuusamareeb ayaa sidoo kale kamida magaalooyinka waawayn ee ay ka socdaan ololaha diiwaangelinta dadweynaha ee doorashooyinka qof iyo codka ah, waxaana Qoor Qoor oo horay u hadlay uu sheegay inay u diyaar garoobeen qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Jadwalka doorashada Waqooyi Bari oo shaaca laga qaaday

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Baarlamanka Woqooyi Bari ee dhawaan lagu dhisay magaalada Laascaanood ayaa maanta shaaciyey jadwalka doorashada guddoonka.

Doorashada guddoonka Baarlamaanka oo ay ku xigto midda Madaxtooyada, ayaa waxaa lagu dhameyn doona wax walba toddobaad gudihiis, sida uu muujinayo jadwalka doorasho ee uu soo saaray baarlamaanka.

Ansixinta habraaca doorashada iyo shaacinta guddoonka Golaha Wakiillada ayaa maanta dhacday, iyadoo qabashada araajida musharaxiinta iyo diiwaan-gelintooda ay bilaaban doonto maalinta berri ah, waxayna socon doonta illaa 22-ka bishaan.

“Qabashada codsiga musharaxa, diiwaan-gelinta iyo qabashada khidmada musharaxiinta waxay qabsoomi doonaan Agoosto 20-22, 2025, laga bilaabo 8:00 subaxnimo illaa 8:00 habeennimo,” ayaa lagu yiri jadwalka kasoo baxay baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari.

Hadal-jeedinta musharixiinta iyo qabashada doorashada Guddoonka Baarlamaanka Waqooyi Bari ayaa iyadna dhacaysa 23-ka bishaan, sida lagu shaaciyay jadwalka doorashada ee kasoo baxay Baarlamaanka.

“Shahaada siinta Musharaxiinta ku guulaysta Guddoonka Golaha Wakiillada iyo dhaarinta Guddoomiyaha iyo labada ku-xigeen ayaa sidoo kale dhaceysa isla maalinta la doorto,” sida lagu shaaciyay jadwalka.

Shaacinta jadwalkan doorasho ayaa imanaya xilli uu soo baxayo guuxa in kursiga Guddoomiyaha Baarlamaanka loo xiro beesha Fiqishinni, taasi oo ay miiska soo saareen xildhibaannada kasoo jeeda beeshan ee Baarlamaanka Waqooyi Bari.

Doorashada guddoonka marka laga dhamaado ayaa waxaa si rasmi ah loo guda-geli doona tan hoggaanka maamulka, taasi oo la sheegay in shaqsiyaad gaar ah ay u wado Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo galaangal xooggan ku leh hanaanka doorasho ee maamulkaasi.

Dowladda dhexe ayaa dooneysa in maamulka cusub uu hoggaamiyo Cabdulqaadir Firdhiye oo kumeel-gaarkii kasoo saaray, halka ay jagada madaxweyne ku-xigeenka la sheegay inay u xulatay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Jibriil oo ka soo jeeda gobolka Sanaag.

Rag halis ah oo lagu qabtay magaalo uu ku wajahan yahay madaxweyne Xasan Sheekh

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in maanta aad loo adkeeyay ammaanka magaaladaasi, iyada oo ciidamo dheeraad ah lasoo dhoobay waddooyinka waawayn, kuwaas oo sameeyay howlgallo lagu soo qabtay rag halis ah oo ku howlanaa falal ammaan darri ah.

Ciidamada lasoo dhoobay magaalada ayaa bilaabay howlgallo culus oo amni xaqiijin ah, waxayna isku fidiyeen gudaha iyo daafaha Dhuusamareeb oo ah caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Saraakiisha laamaha amniga ayaa sheegay in howlgallada ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug, isla markaana lagu sugayo amniga guud ee Dhuusamareeb.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in gacanta lagu soo dhigay shaqsiyaad loo arko inay halis ku yihiin amniga, laguna eedeeyay inay ka shaqeynayeen falal liddi ku ah ammaanka magaaladaasi oo uu maanta ku wajahan yahay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya.

Safarka madaxweynaha ayaa lagu sheegay mid ku saabsan dardargelinta hawlgalka ka dhanka ah Al Shabaab, arrimaha doorashooyinka iyo kormeerka mashaariicda horumarineed ee halkaasi laga fulinayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la filayaa in uu xarigga ka jaro xarumo cusub oo laga hirgeliyay magaalada, sida xarunta baarlamaanka Galmudug. Sidoo kale, waxa uu kormeeri doonaa mashaariicda kale ee horumarineed ee socda, oo ay ku jiraan dhismaha waddooyinka iyo garoonka diyaaradaha.

Madaxweynaha oo riixaya dardargelinta hawlgalka dib-u-xoreynta dalka ayaa dadka deegaanka kala hadli doona doorkooda kaga aaddan la dagaallanka Al Shabaab. Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in madaxweynuhu doonayo in dib loo soo nooleeyo iskaashiga ciidamada iyo shacabka, si dadka reer Galmudug ay ugaalin muuqata uga qaataan dagaalka Shabaab.

Markabkii hubka ee Puntland ay sii daysay oo lagu qasbay inuu ka weecdo Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Markabka Turkish-ka ee agabka ciidan u sida ciidamada Soomaaliya ayaa ku qasbanaaday inuu ku leexdo Jabuuti, kaddib markii uu la kulmay xaalad adag oo badeed, toddobaadyo kadib markii laga sii daayay xarig labo toddobaad socday oo maamulka Puntland ku hayay, taasoo dhalisay muran siyaasadeed.

Markabkan oo lagu magacaabo MV Sea World, ayaa haatan ku sugan dekadda Jabuuti kaddib markii uu wajahay duufaanaha badda ee xilliyada khatarta ah, ee deegaanka looga yaqaan “bad xiranka,” sida ay Isniintii xaqiijiyeen ilo-wareedyo. Waxaa la filayaa inuu dekadda ku hakado dhowr toddobaad, taasoo sii daahineysa imaatinka qalab aad loogu baahnaa oo loogu talagalay dagaalka sii xoogeysanaya ee Soomaaliya ay kula jirto Al-Shabaab.

Leexashadan ayaa ah caqabaddii ugu dambeysay ee soo wajahda markabkan oo safarkiisa ay hareeyeen loolanno siyaasadeed. Imaatinkiisa Jabuuti wuxuu daba socdaa sii deyntiisii 4-tii Agoosto, taasoo ka dambeysay xiisad siyaasadeed oo daaha ka rogtay khilaafaadka siyaasadeed ee qotoda dheer iyo danaha caalamiga ah ee iska hor-imanaya ee saamaynta Soomaalida.

Xiisaddu waxay curatay 18-kii Luulyo, markaasoo Ciidanka Badda Puntland (PMPF) ay joojiyeen markabka MV Sea World oo marayay meel u dhow xeebta Bareda ee gobolka istiraatiijiga ah ee Raas Caseyr.

Mas’uuliyiinta Puntland, oo ku doodayay in markabku uu “si shaki leh u wareegayay,” ayaa u kaxeeyay Dekedda Boosaaso si loo baaro. Xaaladda waxaa sii murjiyay warar sheegayay in kalluumeysato deegaanka ah ay fuuleen markabka, taasoo sii xoojisay welwelka amni ee laga qabay xamuulka xasaasiga ah ee saarnaa.

Qabashada markabka ayaa dhalisay carro xooggan oo ka timid Dowladda Federaalka Soomaaliya. Xiisadda oo cirka isku shareertay, ayay dowladda dhexe si furan ugu eedeysay Puntland “burcad-badeednimo,” eed arrin amni oo heer deegaan ah u rogtay qalalaase siyaasadeed oo heer qaran ah.

Mudo laba toddobaad ah, markabku wuxuu xudun u ahaa wada-xaajoodyo adag. Dedaallo diblomaasiyadeed oo dhinacyo badan leh ayaa aakhirkii furdaamiyay is-mari-waaga. Dowladda Turkiga, oo ah saaxiib amni oo muhiim la ah dowladda Muqdisho, ayaa dirtay wafdi uu hoggaaminayo Danjire Alper Aktaş, kuwaasoo wada-hadallo toos ah la yeeshay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Isla markaa, dalka Imaaraadka Carabta oo xiriir dhow la leh Puntland, ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay dadaallo aan toos ahayn oo lagu xallinayay xiisadda. Sida la weriyay, dhex-dhexaadinta Imaaraadka ayaa udub-dhexaad u ahayd dejinta xiisadda iyo gogol-xaarka heshiis lagu gaaro.

Is-maandhaafkii ayaa soo afjarmay kaddib markii Turkigu uu soo bandhigay wax ay dowlad-goboleedka Puntland ku qeexday “caddeymo dhameystiran” oo ku saabsan lahaanshaha shixnadda. Bayaan rasmi ah, waxay Puntland ku shaacisay inay mas’uuliyadda buuxda ee markabka iyo agabkiisa dib ugu wareejisay maamulka Turkiga.

Dhacdadan oo dhan waxay ku soo aadday xilli Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UN Security Council) uu bishii Diseembar 2023 qaatay go’aan taariikhi ah oo uu Soomaaliya kaga qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarnayd muddo 30 sano ah. In kasta oo loogu talagalay in lagu xoojiyo ciidanka qaranka, tallaabadan waxay kicisay walaac ay qabaan maamul-goboleedyada sida Puntland, kuwaasoo ka cabsi qaba in hubka ay dowladda dhexe keensato iyadoo aan lala socon uu dalka geli karo xasilooni darro.

Tallaabooyinkan adag ee ay Puntland qaadday ayay falanqeeyayaashu u arkaan inay yihiin jawaab toos ah oo ku wajahan xaqiiqadan cusub, taasoo ka tarjumaysa sida ay maamullada xubnaha ka ah federaalka uga go’an tahay inay kormeer ku yeeshaan arrimaha amniga.

Shixnaddan daahday waxay ku socotay xerada TURKSOM ee Muqdisho, saldhigga militari ee ugu weyn ee Turkigu ku leeyahay dibedda. Xaruntan ayaa fure u ah tababarka iyo qalabeynta guutooyinka kumaandooska Soomaaliya ee Gorgor, kuwaasoo inta badan hormuud ka ah hawlgallada waaweyn ee ka dhanka ah fallaagada.

Sheekada markabka MV Sea World waxay iftiiminaysaa labada caqabadood ee is-barbar socda ee hortaagan tubta Soomaaliya ee xasilloonida: xaaladaha dabiiciga ah ee adag iyo khilaafaadka siyaasadeed ee soo jireenka ah, kuwaasoo sii wada inay carqaladeeyaan kaalmada amni ee muhiimka ah ee caalamiga ah.

 

Somaliland oo ku dhawaaqday soo celinta Laascaanood xilli laga dhisay maamul cusub

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa weli ku taamaysa soo celinta Laascaanood iyo inta badan gobolka Sool oo haatan uu ka arrimiyo maamulka Waqooyi Bari, oo ka dhashay maamulkii KMG ahaa ee SSC-Khaatumo.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa shaaciyay in ay soo xiri doonaan xuduudooda, oo ay ku jirto Laascaanood iyo deegaannada kale ee haatan maamulka cusub laga dhisay.

“Somaliland xuduudkeeda wey soo xidhi doontaa. Waxaana leeyahay dadka jooga Laascaanood Hargeysa ayaa idinka dhow Xamar, Hargeysa wax wada leedihiin,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.

Cirro oo haatan safar ku maraya gobollada Bariga Somaliland ayaa wada qorshihii dib loogu soo celin lahaa dhulka ka maqan ee kamid tahay Laascaanood, taas oo mar kale ridi karta dagaal khasaare badan oo dhexmara Somaliland iyo maamulka haatan ka arrimiya dhulkaasi ee Waqooyi Bari.

“Shacabka Sool-Barina waa reer Somaliland, waxaanu leenahay Sool-Barina kama maaranto Somaliland. Somaliland waqtiga ku munaasabka ah nabadeeda iyo xuduudkeeda way sugi doonta,” ayuu yiri Cirro.

Inkastoo Madaxweynaha Somaliland uu sheegay in aysan cidna duulaan ku aheyn, balse wuxuu si cad u sheegay in ay difaacayaan Somaliland iyo dadkeeda wax walba oo ay ku kaceyso.

“Shacabka reer Sanaag waxaa ugu baaqnay gogol nabadgalyo, waana laga soo wada jawaabay gogoshaas, Insha Allah dhaqso ayaa loo qabanayaa gogogaashi oo nabadgelyada dalkana waa la dhameystirayaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

Si kastaba, Somaliland oo si adag uga hortimid maamulka cusub ee laga dhisay Laascaanood ayaa horey wakiilada beesha caalamka ugu baaqday inay isha ku hayaan arrimaha kasoo kordhay Sool iyo Sanaag oo ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh, uuna hurinayo colaad hor leh.

Olole indho-fiiqis bilaash ah oo ka socda Isbitaalka Dalmar + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbitaalka Taqasusiga iyo Tacliimiga ah ee DALMAR ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa si habsami leh uga socda howlo isugu jira baaritaanno, daweyn iyo indho-fiiqis bilaash ah oo loo sameynayo boqolaal qof oo danyar ah.

Guddoomiyaha hay’adda Al-Nur Foundation ahna agaasimaha Isbitaalka Dalmar, Prof. Dr. C/risaaq Axmed Dalmar, ayaa sheegay in dadka ka faa’iideystay mashruucan samafalka ah ay badankood ka kala yimaadeen xeryaha barakacayaasha Muqdisho, isla markaana aysan jirin wax lacag ah oo haba yaraatee laga qaadayo.

“Isbitaalka Dalmar waxaa ka socda howlo isugu jira baaritaanno, daweyn iyo indho-fiiqis samafal ah oo socday tan iyo bishii hore, iyadoo lagu guda jiro maalintii 3aad ee qaliinka. Dadka ka faa’iideysanaya waxaan ka soo kala xulnay xeryaha barakacayaasha ee Muqdisho iyo nawaaxigeeda, sida degmooyinka Hodan, Wadajir, Garasbaaley, Dharkeynley, Heliwaa, iyo dadka danyarta ah ee isbitaalka yimaada oo aan ku darnay,” ayuu yiri agaasimaha.

Dr. Dalmar ayaa faahfaahin ka bixiyey sida uu mashruucan u socdo iyo hay’adaha iska kaashaday: “Waxaa lagu qabanayaa ololahan Dalmar Hospital oo ay isla fulinayaan dhakhaatiir kala socota hay’adaha Al-Nur Foundation of Somalia iyo Al-Basar International Foundation ee dalka Pakistan, iyadoo ay fududaysay hay’adda King Salman Relief ee boqortooyada Sacuudiga,” ayuu yiri Prof. Dalmar.

Hay’adaha Al-Nur Foundation iyo Al-Basar International Foundation ayaa markii ugu horraysay wada billaabay ololaha indho-fiiqista lacag-la’aanta ah bishii September ee sannadkii 2005, kaasoo ay ka fuliyeen isbitaalka indhaha Al-Nur ee degmada Heliwaa, sida uu sheegay Dr. Dalmar.

Waxaa uu intaas ku daray in dadka loo kala saarayey kuwa daaweyn u baahan iyo kuwa qaliin u soo baxay, isagoo xusay in qaliinka indho-fiiqista oo socon doona muddo shan cisho ah uu bilowday 17-kii Agoosto 2025, isla markaana uu socon doono illaa 21-ka bishan.

“Waxaa mashruucan ka faa’iideystay dad gaaraya 4,776; dadkaas 3,870 ka mid ah waxaa loo sameeyey baaritaan & daweyn bilaash ah, halka qaliin dhinaca indhaha uu u soo baxay illaa 457 qof, qaliimadooduna ay si habsami leh uga socdaan xarunta isbitaalka,” ayuu yiri Dr. Dalmar oo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iney maalmahan dhiman ka faa’iideystaan adeegyada socda.

Waxaa uu sheegay in qaliinkan socda uu yahay mid casri ah oo indhaha aan la toleyn, isla markaana qofka marka qaliinka la dhameeyo uu isla markiiba socon karo, wuxuuna tilmaamay in si weyn loogu guuleystay.

Agaasimaha Al-Nur Foundation Dr. Dalmar ayaa xusay in mashaariicdan noocan ah ay socdeen muddo ka badan 20 sano, ayna ka faa’iideysteen kumannaan qof oo dalka ku baahsan, isagoo u mahadceliyey dhammaan hay’adaha iyo shaqaalaha isbitaalka ee ka qeyb qaadanaya.

Mudane Fakhrudiin Dakhan, oo hoggaaminaya dhakhaatiirta ka socota Al-Basar International Foundation ee Pakistan, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka caalamka ee ugu badan ee indha la’aantu ka jirto, sidaas darteedna ay doorbideen inay ka qeyb qaataan mashaariicda noocan ah.

Qaar ka mid ah dadka barakacayaasha iyo danyarta ah ee ka faa’iideystay adeegyada ayaa sheegay in loo sameeyey daweyn iyo qaliin ay u baahnaayeen indhahooda, isla markaana aan wax qarash ah laga qaadin, iyagoo u mahadceliyey maamulka isbitaalka Dalmar iyo hay’adihii kale ee ka qeyb qaatay.

Maalmahan waxaa Isbitaalka Dalmar laga dareemayaa mashquul badan, iyadoo ay buux-dhaafiyeen dad u badan da’ ah oo rag iyo haween isugu jira, kuwaasoo loo sameynayo qaliinno bilaash ah, halka shaqaalaha isbitaalkuna ay si hagar la’aan ah u baxnaaninayaan bukaanada qaliinka maraya iyo kuwa loo diyaarinayo.

Xiisad culus oo ka dhalatay 18 markab oo xeebaha uu kusii daayay Wasiir Puntland

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Xiisad xooggan ayaa ka taagan xeebaha gobolka Bari, taasi oo ka dhalatay maraakiib jariif ah oo xeebaha uu kusii daayay Wasiirka Kalluumeysiga Puntland, Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa, sida ay ku eedeeyeen qaar kamid ah kalluumeysatada Xaafuun ee gobolka Bari.

Kalluumeysatadan ayaa si adag uga hor yimid tallaabooyin uu qaaday Wasiirka, iyagoo ku eedeeyey inuu si sharci-darro ah ogolaansho ugu fasaxay maraakiib jariif ah oo si xadgudub ah uga kalluumeysanaya xeebaha degmadaasi.

Kalluumeysatadu waxay sheegeen in wasiir Xagaa uu si toos ah u bixiyo saxiixyada ogolaanshaha maraakiibta shisheeye, isla markaana dhaqaale ka soo xarooda uu ku shubto akoon gaar ah oo aan wax xiriir ah la lahayn maamulka.

“Dowladda Puntland waxaan ka codsanaynaa in tallaabo laga qaado wasiirka Kalluumeysiga oo xeebaha ku soo daayay maraakiib jariif ah,” ayay ku baaqeen.

Waxay intaas ku dareen in maraakiibtii jariifka ahaa ee Shiinaha laga lahaa ay dib ugu soo laabteen xeebaha, isla markaana ay hadda ka howl-galayaan 18 markab oo xaalufin ku haya badda.

“Wasiirku gacantiisa ayuu ku saxiixaa, dhaqaalihii akoonkiisa ayuu ku dhacaa, annagana xeebihii aan ku tiirsanaanay shaqo kama hayno,” ayuu yiri mid ka mid ah kalluumeysatada Xaafuun.

Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa faro ba’an ku haya maraakiib iyo doonyo jariif ah oo gurta kheyraadkeenna, kuwaas oo lacago badan ka qaataan shaqsiyaad mas’uuliyiin ah ama ku dhow hoggaamiyeyaasha dalka.

Maxay wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ka tiri aqoonsiga Somaliland?

Washington (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa caddeysay inaan wax isbeddel ah ku imaan siyaasadda Washington ee ku wajahan Soomaaliya, inkastoo ay soo kordhayaan baaqyada ka imanaya sharci-dejiyeyaasha Xisbiga Jamhuuriga, ee dalbanaya in Maraykanku uu aqoonsado Somaliland.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda oo la hadlay warbaahinta Semafor, kuna xiray shardi ah inaan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in Maraykanku uu weli ku adkeysanayo mowqifkiisa rasmiga ah ee Soomaaliya, inkastoo arrinta Somaliland ay tahay mid si joogto ah dib loogu eego.

Warkan ah ayaa soo baxay ka dib markii uu Senator Ted Cruz toddobaadkii tegay ku boorriyay maamulka Trump inuu si rasmi ah u aqoonsado Somaliland, isagoo ku sifeeyey inay Washington u tahay “saaxiib istiraatiiji ah oo dhinacyada amniga iyo diblomaasiyadda ah.”

Cruz, oo ah guddoomiyaha Guddiga Hoose ee Arrimaha Afrika ee Aqalka Senate-ka, ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee goobta ay Somaliland kaga taallo Gacanka Cadmeed. Dhanka kale, wuxuu Beijing ku eedeeyey inay Somaliland ku ciqaabayso taageerada ay u muujisay Taiwan.

Dhankiisa, Trump ayaa isna sii huriyay hadal-heynta markii uu waraysi uu dhowaan bixiyay ku sheegay in maamulkiisu uu “ka shaqeynayo” arrinta Somaliland.

Hadalka Trump ayaa jawaab u ahaa su’aal ku saabsanayd in dadka reer Gaza loo rari karo Somaliland, taasoo ah fikrad la sheegay inay ku xiran tahay suurta-galnimada in Somaliland ay arrintaas aqbali lahayd, beddelkeedana la siiyo aqoonsi caalami ah. Dadka taageera Somaliland ayaa hadalka Trump u arkay mid rajo wanaagsan xambaarsan.

Dhinacyada ol’oleeya aqoonsiga Somaliland waxay muddo dheer ku doodayeen in ictiraafka Maraykanku uu abaal-marin u noqon lahaa xasilloonida iyo dowlad-wanaagga dimoqraadiga ah ee ka hana-qaaday, taasoo ka duwan Soomaaliyada ay colaaduhu aafeeyeen. Waxay kaloo qabaan in xiriir dhow oo lala yeesho Somaliland uu sare u qaadi lahaa awoodda sirdoonka Maraykanka ee gobolkan qalalaasuhu ka jiro, oo ah gobol uu Shiinuhu horeyba saldhig milatari oo joogto ah uga samaystay dalka deriska ah ee Djibouti.

Hase yeeshee, Dowladda Beijing ayaa si kulul u naqdisay baaqa Cruz, waxayna ku tilmaantay sheegashadiisa “eedeymo aan sal lahayn.” War saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho ayaa siyaasiyiinta Maraykanka ku eedeeyey “faragelin qaawan oo lagu hayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya” iyo inay wadaan “dhaqan is-ballaarin iyo cagajugleyn ah.”

Somaliland, oo gooni-isu-taaggeeda kaga dhawaaqday Soomaaliya inteeda kale sannadkii 1991, ayaa sannadkii hore qabatay doorashadeedii lixaad, taasoo uu guushu ku raacday hoggaamiyihii mucaaradka, Abdirahman Mohamed Abdullahi. Inkastoo ay Somaliland leedahay dowlad iyo hay’ado u gaar ah oo si madax-bannaan u shaqeeya, weli ma jiro hal dal oo si rasmi ah u aqoonsan gooni-isu-taaggeeda.