24.9 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

DF oo amar buuxa siisay ciidamada ka hor banaanbaxa mucaaradka ee Sabtida

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa amar buuxa siisay laamaha amniga dowladda, si ay uga hortagaan fal kasta oo qalqal gelinaya amniga caasimadda.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta gobolka Banaadir, iyadoo garab taagan yihiin saraakiisha sare ee ciidanka iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali karin fowdo iyo in la abuuro amni darro.

“Laamaha amniga waxaa farayaa inay shaqadooda qabsadaan, anigoo wakiil uga ah xukuumadda Dan-Qaran, waxaan idin soo gaarsiiyay laamaha amniga meel kasta oo joogaan in wixii qalqal gelinaya dalka Soomaaliya in gacan bir ah lagu qabto,” ayuu yiri Wasiir Fartaag.

Dhinaca kale, Wasiir Fartaag ayaa ugu baaqay guddoonka baarlamaanka iyo guddiga anshaxa ee golaha inay tallaabo ka qaadan xildhibaano uu sheegay inay qalqal geliyeen amniga dalka.

“Golayaasha hadey ku jiraana waa inay qolyaha anshaxa u qaabilsan daba-gal ku sameeyaan, waa in tallaabo laga qaada dadka xasaanada huwan ee xasaanada magaceeda ugu shafeecaya argagixisada.”

Waxa uu intaas kusii daray “Haddii dowladda qaldan tahay waxay dhihi karaan dowladday waxaas ayaa la idinku dhaleelaya, dowladda albaabadeeda waa furan yihiin, sida uu Madaxweynaha sheegay, wixii siyaasad ah dowladda ayay u taalla, Madaxweynaha iyo xukuumadda ayay u taalla.”

Wasiirka ayaa caddeeyay in aysan cidna kala gorgortameyn amniga, isagoo marmarmsiyo raqiis ah ku tilmaamay doodda mucaaradka ay ku sheegeen inay saldhiga ciidanka u tageen si ay u soo damiintaan shaqsiyaad loo xiray arrimaha dhulka danta guud.

“Amniga kala dambeyn ayuu ku yimid. Sharciga nin gacantiisa ku qaata dhahaya waxaa rabaa anoo dhashiike wata in aan soo damiinto hebel lagama yeelayo, waana ceeb iyo fadeexo ku dhacday wixii waxaas akhriyay,” ayuu yiri Wasiir Fartaag.

Waxa uu intaas kusii daray “Haddii la damiinanayo iyagoo meeshooda jooga waxay laspo hadli lahaayeen taliyeyaasha ciidanka, waxaa rabnaa hebel iyo hebel, meeshooda ayaa loogu geyn lahaa waa dad xurmad leh oo umadda Soomaaliyeed soo hoggaamiyey, haddana hoggaan weli rejo ka qabo, wixii dhacay way dhaceen yaan la iskugu noqon.”

Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina uga digay siyaasiyiinta mucaaradka inay abuuraan qalqal-gelin amni, isagoo laamaha amniga fasax u siiyay inay ka hortagaan fal kasta oo ka dhan ah amniga haddii mucaaradka kusii madax adeygaan falalka lidiga ku ah amniga.

Mucaaradka oo weli u muuqda kuwa raba in carada shacabka ee ka dhalatay tacaddiyada booliska uga faa’iideystaan damacooda siyaasiga ayaa ku baaqay banaanbax ay ku sheegeen mid looga hortagayo tacaddiyada dowladda u geysaneyso shacabka.

Banaanbaxa uu iclaamiyay mucaaradka ayuu sheegay inuu dhacayo maalinta Sabtida oo taariikhdu tahay 27 September 2025, iyagoo shacabka ugu baaqay inay isugu soo baxaan saddex goobood oo kala ah: Tarbuunka, Siinaay iyo Dayniile.

Hoos ka daawo muuqaalka

Kadib dagaalkii shalay, Jubaland oo dalbatay in si degdeg ah loola xisaabtamo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa si adag uga hadlay wixii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, iyagoo falalka ka dhanka ah shacabka ku tilmaamay kuwo halis ku ah karaamada iyo xuquuqda muwaadiniinta.

Maamulka ayaa cambaareeyay barakicinta iyo tacadiyo uu sheegay in loo geysanayo shacabka Soomaaliyeed oo si xoog ah dhulkooda looga barakicinayo gudaha magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, hoggaanka Jubaland ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay iska hor imaadkii shalay magaalada Muqdisho ku dhexmaray dowladda iyo mucaaradka, iyagoo ku baaqay in si degdeg ah lagula xisaabtamo cid kasta oo bixisay amarka lagu rasaaseeyey hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

“Dowladda Jubaland waxay caddeyneysaa in layskula xisaabtami doono masuuliyadda cid kasta oo ku kacda dhibaateynta, cabburinta, iyo xaqiraadda shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Jubaland.

Sidoo kale waxay ku boorisay saraakiisha iyo askarta booliska gobolka Banaadir in ay si buuxda u gutaan mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta sharafta, karaamada iyo xuquuqda shacabka Soomaaliyeed.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Dowladda Jubaland waxay si adag u cambaareyneysaa barakicinta iyo tacadiyada loo geysanayo shacabka Soomaaliyeed ee si xoog ah dhulkooda looga barakicinayo gudaha magaalada Muqdisho.

Maanta waxaa dhacay dhacdo naxdin leh oo Aabbe iyo Hooyo Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan lagu jiiriday, dhulkoodana si xoog ah looga qaaday.

Waxaa intaa dheer, fal muujinaya masuuliyad-darro iyo xadgudub weyn ayaa dhacay, kadib markii ay ka badbaadeen isku day dil masuuliyiin ka tirsan Madasha Samatabixinta oo goobta u joogay sidii ay u damin lahaayeen xaaladda, sidoo kale taageero u fidinayey dhibbanayaasha u baahnaa gargaar caafimaad oo degdeg ah inay helaan, kuwaas oo weliba lagu hayay saldhigga degmada Warshigleey ee magaalada Muqdisho.

Tani waa dhacdo halis ah oo aan la aqbali karin, isla markaana u baahan in si degdeg ah lagula xisaabtamo cid kasta oo bixisay amarka lagu rasaaseeyey masuuliyiinta Madasha Samatabixinta.

Dowladda Jubaland waxay ku boorrinaysaa dhammaan saraakiisha iyo askarta booliska gobolka Banaadir inay si buuxda u gutaan masuuliyadda ka saaran ilaalinta sharafta, karaamada, iyo xuquuqda shacabka Soomaaliyeed.

Dhul-boobka loo adeegsanayo xoogga ciidamada waa fal laga xumaado oo si cad uga hor imaanaya waajibaadka iyo anshaxa ciidanka.

Dowladda Jubaland waxay caddeyneysaa in layskula xisaabtami doono masuuliyadda cid kasta oo ku kacda dhibaateynta, cabburinta, iyo xaqiraadda shacabka Soomaaliyeed.

Aabaha wiilkii ku dhintay dagaalkii shalay oo diiday qorshaha mucaaradka + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Aabaha dhalay Liibaan Xaashi Ciise oo kamid ahaa ciidanka ilaalada Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, laguna dilay iska hor imaadkii shalay ka dhacay saldhiga Warta Nabadda ayaa si cad u diiday kaar qoxashada mucaaradka ee dilka wiilkiisa.

Aabbe Xaashi Ciise oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wiilkiis u dhintay qadar, wuxuuna ka baaqsaday in dilka wiilkiisa ku eedeeyo dowladda federaalka Soomaaliya, oo mucaaradka uu sheegay inay ka dambeeyeen.

Aabahan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in wiilkiisa uu ka tegay afar caruur ah. “Afaara dowlada ha i gelin wiilkeyga qadar ayuu u dhintay caruurna wuu ka tegay,” ayuu yiri Aabaha dhalay Liibaan.

Dilka Liibaan iyo iska hor imaadkii shalay ka dhacay Muqdisho ayay haatan siyaasiyiinta mucaaradka u adeegsanayaan dano shaqsi ah oo siyaasadeed, iyagoo ku andacoonaya in ay soo weerartay dowladda, halka ay lugahooda ku tageen saldhiga iyagoo wata ciidan iyo hub culus.

“Kuwii ka dambeeyay dilka Liibaan iyo weerarkii nalagu soo qaaday, waa lagala xisaabtami doonaa fal-dambiyeedkaas,” ayuu Ra’iisul Wasaarihii hore, Maxamed Xuseen Rooble ku yiri qoraal uu maanta soo dhigay bartiisa Facebook.

Qoraalka Rooble ayaa waxay qaar kamid ah dadka Soomaaliyeed uga fal-celiyeen si caro leh, iyagoo qeybta faallada ku weeraray hoggaamiyeyaasha mucaaradka. Shacabka ayaa mucaaradka ku eedeeyay inay ka dambeeyeen dilka wiilkaasi, iyagoo ugu yeeray “siyaasi daneyste ah”, maadaama iyagoo hubeysan ay tageen saldhig ciidan.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo ayagu sheegay in ay saldhiga u tageen inay soo damiintaan shaqsiyaad loo xiray arrimaha danta guud, waxay dowladdu sheegtay inay jabiyeen xeerka xakameynta hubka, maadaama ay hub culus la tageen saldhig ciidan.

Sideedaba haddii ciidan iyo hub culus wargelin la’aan lala tago saldhig ciidan waxa u yar ee la filan karo waa iska hor imaad dhexmara ciidanka ilaalada ka haya saldhigaasi iyo kuwa halkaasi tegay.

Inkastoo mucaaradka uu ku doodayo in dareen shacab uu waday, haddana qiil uma noqon karto in saldhig ciidan la isku dayo in xoog lagu galo, maadaama ay ku xiran yihiin maxaabiis loo soo xiray Shabaabnimo iyo dilal kala duwan.

Mucaaradka oo weli u muuqda kuwa raba in carada shacabka ee ka dhalatay tacaddiyada booliska uga faa’iideystaan damacooda siyaasiga ayaa ku baaqay banaanbax ay ku sheegeen mid looga hortagayo tacaddiyada dowladda u geysaneyso shacabka.

Banaanbaxa uu iclaamiyay mucaaradka ayuu sheegay inuu dhacayo maalinta Sabtida oo taariikhdu tahay 27 September 2025, iyagoo shacabka ugu baaqay inay isugu soo baxaan saddex goobood oo kala ah: Tarbuunka, Siinaay iyo Dayniile.

Si kastaba, waxaa saacadihii dambe laga dheehan karayay faallooyinka baraha bulshada ee hoggaamiyeyaasha mucaaradka sida shacabka uga caroodeen tallaabadii ay shalay qaadeen, oo dowladda ku tilmaamtay “qalqal gelin amni” xilli muddooyinkii dambe ay caasimadda ku naalooneysay xasillooni amni.

Hoos ka daawo muuqaalka

Afwerki oo shaaciyey halis ku soo wajahan Soomaaliya iyo dalalka ka dambeeya

0

Asmara (Caasimada Online) — Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa ka digay in Soomaaliya ay noqotay furin dagaal oo udub-dhexaad u ah loollanka awoodeed ee kasii daraya ee Badda Cas, isagoo ku eedeeyay Imaaraadka Carabta iyo quwado kale oo shisheeye inay ka faa’iideysanayaan dalalka jilicsan si ay danahooda gaarka ah u hormarsadsadaan.

Hoggaamiyahan ruug-caddaaga ah, oo ka hadlayay waraysi laga sii daayay telefishinka, ayaa sheegay in heshiiska badda ee muranka dhaliyay ee Itoobiya la gashay Somaliland — kaasoo Addis Ababa siinaya marin ay ku gaarto Badda Cas oo ay ku beddelanayso aqoonsi — uu halis ugu jiro inuu Soomaaliya kala googooyo.

“Madaxbannaanida Soomaaliya ma aha in gorgortan lagu galo,” ayuu yiri Isaias. “Iska-hor-imaadyadan ka socda Soomaaliya iyo Itoobiya ma aha kuwo ka dhashay baahida dadkooda, balse waxaa horseedaya shisheeye u arka Badda Cas inay tahay hanti qaali ah oo lagu tartamo.”

Hamiga Imaaraadka ee Geeska Afrika

Xudunta dhibaatadan, ayuu yiri Isaias, waxay salka ku haysaa hamiga soo jireenka ah ee Imaaraadka Carabta ee ku aaddan inuu maamulo marinka Badda Cas. Wuxuu ku eedeeyay Abu Dhabi inay saameyn ku raadinaysay tan iyo 1970-meeyadii xilligii Sheikh Zayed, ayna si isdaba joog ah u ballaarisay saameynteeda iyadoo adeegsanaysa heshiisyo dekedo, saldhigyo milatari, iyo faragelin toos ah.

“Suudaan waxay dhibbane u noqotay faragelin shisheeye,” ayuu yiri Isaias, isagoo farta ku fiiqay ku lug lahaanshaha Imaaraadka ee labada dhinac ee dagaalka u dhexeeya janaraallada iska soo horjeeda.

Wuxuu sheegay in damaca Abu Dhabi uu ka soo bilowdo Kanaalka Suweys ilaa Jabuuti, Berbera, Lamu, iyo Dar es Salaam, taasoo ka tarjumaysa damacooda ah inay maamulaan halbawlayaasha badaha ee gobolka.

“Qalalaasaha Suudaan iyo khilaafaadka Geeska Afrika waa qayb ka mid ah hal sawir,” ayuu yiri.

Isaias wuxuu dhibaatada Soomaaliya iyo dagaalka Suudaan ku xiriiriyay xaaladda ballaaran ee Badda Cas, isagoo ku tilmaamay inay tahay goob dagaal oo caalami ah oo cusub halkaasoo quwadaha waaweyn ay ku hardamayaan saameynta.

“Badda Cas waxay noqotay fagaare wakaalad ahaan loogu dagaallamo,” ayuu yiri. “Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, Hindiya, Latin America, Japan, South Korea, iyo kuwo kaleba waxay dhammaan u tartamayaan hanashadeeda. Laakiin mustaqbalka gobolkan waa inay go’aamiyaan dadkiisa.”

Wuxuu meesha ka saaray fikirka ah in hannaanno dibadda laga keenay ama kaalmo ay xasillooni keeni karaan. “Ammaanka dhabta ah kama imaan doono Washington, Abu Dhabi, ama caasimad kale toona,” ayuu yiri. “Wuxuu ku imaan doonaa oo kaliya iskaashiga ka dhexeeya dadka Geeska Afrika iyo Badda Cas.”

Xasillooni darrida Itoobiya

Isagoo u jeestay dhanka Itoobiya, Isaias wuxuu ka digay in qalalaasaha gudaha ee dalkaas uu halis toos ah ku yahay Geeska Afrika. In kasta oo Eritrea ay xiriirka la caadiyeysay dalka deriska la ah sanadkii 2018, wuxuu sheegay in xiisadaha soo noqnoqday ee Addis Ababa – laga soo bilaabo Tigray ilaa Amxaarada iyo Oromiya – ay halis ugu jiraan inay ku fidaan xuduudaha.

“Siddeetan sano, madaxdii Itoobiya waxay wadeen siyaasado ballaarin ah,” ayuu yiri Isaias. “Marna ma aanan doonan dhulkooda, laakiin iyagu waxay si joogto ah isugu dayayeen inay wiiqaan keenna. In kasta oo aan qiimo weyn ku bixinnay, waxaan sidoo kale barannay casharro muhiim ah.”

Wuxuu diiday sheegashada Itoobiya ee ah in heshiiskeeda badda ee Somaliland uu ahaa arrin “badbaado qaran oo lama huraan ah,” isagoo ku dooday in taa beddelkeeda ay ka tarjumayso quus. “Kuwani ma aha istiraatiijiyado horumarineed,” ayuu yiri. “Waa hami taxaddar la’aan ah, oo ay horseedayaan shisheeye doonaya inay ka faa’iideystaan daciifnimada Itoobiya.”

“Xasillooni darrida Itoobiya waa mid khatar ku ah gobolka oo dhan,” ayuu ku soo gabagabeeyay.

In kasta oo ay jiraan khatarahaas, Isaias wuxuu ku adkeystay in Geeska Afrika uu weli awood u leeyahay inuu qaabeysto mustaqbalkiisa.

“Xasilloonida dhabta ah kama imaan doonto Washington, Abu Dhabi, ama caasimad kale toona,” ayuu yiri. “Waxay ku imaan doontaa oo kaliya iskaashiga ka dhexeeya dadka Geeska Afrika iyo Badda Cas.”

Wuxuu ku baaqay in dib loo cusboonaysiiyo wadahadal goboleed, isagoo isku xiraya mustaqbalka Soomaaliya, Itoobiya, Suudaan, iyo Eritrea, wuxuuna ku boorriyay waddamada Afrika inay iska caabbiyaan waxa uu ku tilmaamay “xeeladaha ‘qaybi oo xukun’” ee ka imaanaya quwadaha dibadda.

“Dadka gobolkan waxay wadaagaan taariikh, dhaqan, iyo aayo isku mid ah,” ayuu yiri Isaias. “Haddii ay midoobaan, ma jiro cid shisheeye ah oo rabitaankeeda ku soo rogi karta.”

Rooble oo falcelin caro leh kala kulmay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa falcelin caro leh kala kulmay qoraal uu maanta soo dhigay bartiisa Facebook, kaasi oo uu ku sheegay “in lala xisaabtami doono kuwii ka dambeeyay dilka mid kamid ah ilaalada Xasan Cali Kheyre oo lagu dilay iska hor imaadkii shalay.”

Rooble oo saaka ka qeyb-galay aaska Allaha u naxariistee Liibaan Xaashi Ciise oo shalay lagu dilay iska hor imaadkii koobna ee mucaaradka iyo dowladda ku dhexmaray saldhiga Warta Nabadda ayaa sheegay in uu ku baxay weerar ay kusoo qaadeen ciidanka dowladda.

“Waxaan geeridiisa uga tacsiyadeeynayaa qoyskiisa, asxaabtiisii iyo si gaar Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo uu la shaqeynayay. Kuwii ka dambeeyay dilka Liibaan iyo weerarkii nalagu soo qaaday, waa lagala xisaabtami doonaa fal-dambiyeedkaas,” ayuu Rooble ku yiri qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Intaas kadib, qaar kamid ah dadka Soomaaliyeed ayaa si caro leh uga fal-celiyay qoraalkiisa, iyagoo qeybta faallada ku weeraray hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Shacabka ayaa mucaaradka ku eedeeyay inay ka dambeeyeen dilka wiilkaasi, iyagoo u adeegsaday ku tilmaamay “siyaasi daneyste ah”, maadaama iyagoo hubeysan ay tageen saldhig ciidan.

Axmed Naaji Sahal: “Fasax la’aan maxaa saldhig ciidan u booqateen adinka oo hubeysan?”

“Waxaad dooneysaan waa inaad dhiiga dhalinyarada ku gambataan saad danihiina u gaartaan, dhalinyaradu waa baraarugi doonaan Insha Allah,” ayuu yiri Samatar Axmed.

Axmed Shariif Ismaaciil: “Siyaasiyiin bilaa damiira oo dhalinyarada u adeegsanaya inay u isticmaalaan danahooda ayaad tihiin.
Allaha u raxmo wiilka.”

“Diyadiisa iska baxsha idinka kaar ahaan u isticmaalay naftiisa,” ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh Axmed oo kamid ah dadweynaha ka fal-celiyay qoraalka Rooble.

Cabdiqani Sheekh: “Caruurtiini dibada ayey ayey raaxeysanayaan ee caruurta dadka masaakiinta ha leynina, caqli meesha kuma heysaane.”

Xasan Axmed ayaa isna yiri: “Waalidkiisa ayey geeridaas dhab u taabanaysaa. Waa wiil mustaqbalkii ay kaga ciyaareen siyaasiyiin kala dartay.”

“Ragii meeshaas geeyay ayaa ka masuul ah walaalkaas geeriyooday, rabi naxariistii jano ha siiyo. Mucaaradow ilmihiina xabada waad kala cararteen ee umadda wiilashooda ha ka dhameynina, Ilaaheey ka cabsada naga daaya foowdada aad Xamar la rabtaan nabadaan ku jirnaaye,” ayey tiri Farxiya Xasan.

Mahad Xasan Cabdulle: “Saldhiga markaad booqaneysaan ma isbitaal ayaad moodeen
waxaad noo sheegayso maxaa waaye Ra’iisul Wasaare.”

“Ceebtii igu weyneyd baad dhex fadhidaan in aad si bareer ah aad ugu duusheen
Xarumo dowladeed, waa indha adeeg iyo wax laga xishoodo. Hada runtii inaad ilmahiina dibadahas geysataan kuwa kalena aad dhahdaan na difaaca xarumaha dowlada aan ku duuleeynaa waa foolxumo iyo sumcad xumo tii ugu darneed Allaha u naxariisto,” ayuu yiri Xamdi Axmed Faarax.

Aweys Saciid ayaa sidoo kale waxa uu yiri” Waligay ma arkin tacsi siyaad laga dhex radinaayo.”

Xog: Waawaan laga dhex bilaabay DF iyo mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddi xildhibaanno ah oo kasoo jeedo Beesha Hawiye ayaa haatan bilaabay dadaallo nabadeed oo ay ku doonayaan in lagu dhex-dhexaadiyo madaxda dowladda iyo kuwa mucaaradka oo shalay ku dagaalamay magaalada Muqdisho.

Guddigan oo iskiis u istaagay ayaa xalay la kulmay dhinaca mucaaradka, iyaga oo sidoo kale khadka taleefoonka kula hadlay madaxweyne Xasan Sheekh oo haatan ku sugan magaalada New York oo uu qayb-galay shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Sida ay ogaatay Caasimada Onine, madaxweynaha ayaa xildhibaannada la xiriiray ka aqbalay dadaalka ay wadaan, wuxuuna u ballan qaaday inuu ogol yahay waxa ay usoo qaadaan, si loo xalliyo xaaladda loogana hortago dagaal mar kale ka dhaca caasimada.

Xubnaha xildhibaannada ah ayaa sidoo kale mucaaradka kala hadlay in aan xaaladda looga sii darin, lagana fogaado wax kasta oo sii kicin kara xiisadda ka dhalatay dagaalkii shalay ka dhacay saldhigga degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale guddiga xildhibaannada iyo xubnaha mucaaradka ee xalay kulmay ayaa berri u balamay fadhi kale, si looga hadlo xalinta shaqaaqadii shalay dhacday oo sababtay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur xooggan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dadaalladan lasii ballaarinayo, waxaana ku biiraya odayaasha dhaqanka ee Muqdisho, si xal waara loogu helo qalalaasaha siyaasadeed iyo midka amni ee haatan ka taagan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dadaalladan dhex-dhexaadinta ah ayaa imaanaya, iyada oo isla shalay mucaaradka ay iclaamiyeen dibad-baxyo waa wayn oo Sabtida ka dhici doono saddex goobood oo ku yaalla magaalada Muqdisho, sida degmada Dayniile, Tarabuunka iyo Siinaay oo kamid ah meelaha ay ka taagan yihiin xiisadaha ka dhashay dhulalka danta guud ee laga raray shacabka.

“Waxaan rabnaa in umadda Soomaaliyeed u sheegno anaga dagaal ma rabno, xabado ma sidano, cid aan dhib ku nahay ma lahan, waxaase garab taaganahay dadka la dulminayo ee Soomaalida ee aragtaan,” ayuu yiri madxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Shariif.

Waxa uu intaas kusii daray “Madashu waxay rabtaa inay ku baaqdo Soomaali meel ay joogto mudaharaad nabadeed, oo lagu diidan yahay falalka waxshinimida ah iyo dhul boobka ka socda magaalada Muqdisho.”

Dhinaca kale Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ka horyimid go’ankan ayaa isna shaaca ka qaaday in xubnaha hadlay aysan qaban karin mudaharaad, sidoo kalena aysan xukumin goobaha ay sheegeen in la’isugu tago.

“Mudaaharaad ay ku baaqi karaan ma jiro, Tarabuun adi ma xukuntid, mana u xilsaarnid Siinaay ma xukuntid meel aad u calaameyn kartana ma jirto” ayuu yiri Muungaab.

Sidoo kale wuxuu amar siiyay laamaha amniga oo uu faray in tallaabo adag ay ka qaadaan, cid kasta oo ku xadgudubta nabadda iyo xasiloonida ka jirta magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli xasaasi ah, isla markaana Muqdisho ay ka taagan tahay xaalad kacsanaan ah oo u dhexeyso dowladda iyo mucaaradka oo shalay uu ka dhex-qaray dagaal toos ah, kadib markii ay isku fara saareen saldhigga degmada Warta Nabadda.

Somali PM calls Mogadishu clashes a ‘failed coup attempt’

0

Mogadishu, Somalia — Somalia’s Prime Minister Hamza Abdi Barre has labeled a deadly clash between opposition supporters and security forces in Mogadishu as a “failed coup attempt,” sharply raising the political stakes in the Horn of Africa nation.

The accusation followed a violent confrontation on Wednesday at the Warta Nabadda district police station in the capital, which left several people dead or injured. The incident highlights Somalia’s deepening political rift as President Hassan Sheikh Mohamud nears the end of his term.

“The attack on the police station was a failed coup attempt,” Barre declared at a cabinet meeting on Thursday. “Legitimacy and statehood came under armed assault. I am ordering the security forces to act against anyone who engages in criminal acts.”

By framing the clash as a direct assault on state authority, the prime minister has heightened fears of further instability in a country already battling an entrenched Islamist insurgency and fragile political institutions.

The violence comes at a time of heightened political tension. President Mohamud, in office since 2022, is pushing forward electoral reforms to introduce a “one person, one vote” system. Opposition figures argue that the reforms could unfairly consolidate power and tilt the playing field in favor of the incumbent ahead of elections slated for 2026.

That friction set the stage for the bloodshed on Wednesday. The government alleges that opposition politicians led an armed push to storm the Warta Nabadda police station.

“The Government of Somalia regrets that politicians who aspire to seize power… are trying to shed the blood of the people and the Armed Forces,” the Ministry of Information said in a statement.

Conflicting accounts of violence

Accounts of the confrontation diverge sharply. Banadir regional police commander Macallin Mahdi told state media that opposition-aligned forces, carrying heavy weapons, attempted to breach the station without warning, prompting officers to respond with force.

Officials say the assault violated Mogadishu’s strict arms control laws, meant to limit the spread of weapons in the often-volatile capital.

Opposition leaders, however, insist they were on a peaceful mission to secure the release of civilians detained in a land dispute—an issue that frequently sparks conflict in the fast-growing city.

They claim security forces opened fire without provocation, causing “significant losses,” and accuse the government of using violence to stifle legitimate political and civic activity.

The Mogadishu clashes risk diverting attention from Somalia’s fight against al-Shabaab. With backing from international partners, the federal government is pressing a major offensive against the al-Qaeda-linked militants. Analysts warn that political infighting in the capital could undercut these hard-fought security gains.

At Thursday’s cabinet meeting, Barre’s office also highlighted recent defense cooperation agreements with Jordan, Qatar, and Pakistan—part of a broader push to bolster the Somali National Army. These deals add to high-profile security pacts already signed with Turkey and Egypt.

As accusations fly, the prime minister’s charge of a “failed coup” has dramatically escalated the crisis, pushing Somalia into an even more precarious political moment.

R/W Xamza oo weerarkii ay soo qaadeen mucaaradka ku tilmaamay isku day afgambi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ka mid tahay amniga magaalada Muqdisho, kadib markii ay shalay ku dagaalameen ciidanka dowladda iyo kuwa kale oo taabacsan mucaaradka, kaas oo sababay khasaare kala duwan.

Shirka ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo si kulul uga hadlay dhacdadii shalay, gaar ahaan tegistii xubnaha mucaaradka ee saldhigga degmada Warta Nabadda, waxaana uu ku tilmaamay inay ahayd isku day afgambi oo fashilmay.

“Weerarka saldhigga wuxuu ahaa Isku day afgambi fashilmay sharciyadda iyo dowladnimada waxaa lagu soo qaaday duulaan hubeysan ku qaadeen, waxaan farayaa ciidamada Amniga inay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo fal dambiyeed ku kacda” ayuu yiri Xamza

Sidoo kale waxaa shirka Golaha Wasiirrada lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira dib-u-habeynta iyo kororka dakhliga gudaha, fulinta xeerkii Xakamaynta Hubka, iyo qodobo kale oo muhiim u ah dowladnimada, ilaalinta xuquuqul insaanka iyo horumarka dalka.

Intaas kadib Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey Hindise-Shraciyeedka Machadka Sare ee Arrimaha Sharciga iyo Hindise-Shrciyeedka Sharciga Badqabka Caanaha, kuwaas oo muhiimad weyn u leh adeegga bulshada.

Golaha ayaa intooda badan shirkooda oo todobaadle ah uga hadlay shaqooyinka xukuumadda, waxaana sidoo kale lagu meel-mariyada heshiisyada caalamiga ee ay dowladdu soo gasho, iyada oo kadib loo sii gudbiyo labada gole ee Baarlamaanka.

Kulankan kii ka horreeyay Golaha Wasiirrada ayaa meel-mariyay heshiisyo is-afgarad, kuwaas oo muhiimad weyn u leh xoojinta difaaca dalka iyo dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Heshiisyadaas oo lala soo galay saddex dal ayaa kala ah, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Boqortooyada Urdun, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Qatar, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, iyada oo heshiisyada la galay ay kusoo aadeen, iyada oo horay sidaan oo kale ay heshiisyo difaac loola soo galy dalal waawayn oo kamid ah waddamada Turkiga, Masar iyo dowlado kale oo muhiim ah.

Xaadoole oo dhaartay kadib dagaalkii shalay dhacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa qaylo dhaan afka furtay, isaga oo weerar culus ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ee shalay dagaalka ku qaaday saldhigga degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Xaadoole oo ka qayb-galay kulan balllaaran oo xalay ka dhacay xarunta degmada Kaaraan ayaa runta u sheegay mucaaradka, wuxuuna tilmaamay in fursad yar oo ay ka faa’iideystaaan ay ka dhex raadinayaan dowladda, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in mar kasta ay ka fakiraan danahooda siyaasadeed, isla markaana aysan ka shaqeynin horumarka dalka iyo dagaalka lagula jiro A-Shabaab.

“Nimankan hadda hadlaayo weligey ma arag, iyaga oo ciidanka goobaabinaayo, iyaga oo Shabaab sheegaayana ma arag, maalin kasta waxa ay ka hadlaan dul duleed yar oo ay ka faydan tahay dowladdu” ayuu yiri xildhibaanku.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Magaaladaan Muqdisho bambooyinka dadka lagu dili jiray aaweyn biskooladdii gaadmada ahaa oo dadka lagu laay jiray aawday, qaraxyadii isdaba joogga ahaa aaway?”

Cismaan Xaadoole oo hadalkiisa sii wata ayaa si weyn u difaacay madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna tilmaamay in ay soo bateen dadka aflagaadeynayo, uuna ka digayo arrintaas oo uu sheegay inuu u xiran yahay walaalkiisa ka weyn oo horay ugu gefay Xasan Sheekh.

“Aniga walaalkey oo caayay madaxweynaha anaa xiray, mana lasoo deynaayo weliba Nabadoon Xuseen Xaadoole, intee ayuu Nabadoon ka yahay waa kuwaana Nabadoonnada Mataan Cabdulle inta ayay fafadhiyaan” ayuu sii raaciyay.

Dagaalkii shalay ayaa fadeexo culus lugaha u galiyay mucaaradka oo fursad ka dhex-raadinayay dadkii shalay lagu jir-dilay xaafadda Siinaay ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka cabanayay burbur ay todobaadyo dowladdu ka waddo halkaasi.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in mucaaradku ay si weyn isugu khaldeeen xisaabta. Iyadoo askartii falka geysatay ay mar hore xirnaayeen, socodkooda hubeysan ee ay saldhigga ku tageen wuxuu u ekaaday mid aan ahayn difaac caddaaladeed, balse u muuqday isku day ay ku afduubanayaan geeddi-socodka sharciga.

“Mar kasta oo aad saldhig booliis tagto adigoo wata kolonyo hubeysan, adiga ayaa qaladka iska leh, iyadoo aan loo eegin ciddii rasaasta billowday,” ayuu yiri Xuseen Cabdiraxmaan, oo ah falanqeeye fadhigiisu yahay Muqdisho.

Si kastaba, ha’ahaatee Mucaaradku waxay rajeynayeen inay ka faa’iideystaan carada shacabka ee ka dhalatay tacaddiyada booliiska. Taa beddelkeeda, ficilladoodu waxay hoos geliyeen xariggii askarta, waxayna dareenkii oo dhan u soo jeediyeen dhankooda. Wixii noqon lahaa fursad ay ku dalbadaan isbeddel waxay ku dhammaatay dhaawac ay iyagu is-geysteen.

Mucaaradka oo ku dhacay khalad siyasaadeed iyo ceeb aan soo kabasho lahayn

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya ayaa Arbacadii la kulmay dib u dhac siyaasadeed oo weyn kaddib markii ay maleeshiyaad si xooggan u hubeysan ku weerareen saldhig booliis oo ku yaalla Muqdisho, tallaabadaas oo si degdeg ah isu beddeshay israsaasayn, laguna eedeeyay inay muujiyeen masuuliyad-darro.

Weerarkan oo lagu qaaday saldhigga booliiska degmada Warta Nabadda ayaa yimid saacado uun kaddib markii ay mas’uuliyiintu xireen askar lagu eedeeyay inay jirdil u geysteen nin da’ ah — dhacdo kicisay caro qaran oo ballaaran.

Wixii noqon lahaa fursad lagu iftiimiyo gabood-fallada booliiska ayaa taa beddelkeeda isu rogtay iska hor-imaad, kaasoo falanqeeyayaashu ay sheegeen inuu mucaaradka ka dhigay mid tabar daran oo waji gabax la kulmay.

Caro shacab illaa isku dhac 

Maalintu waxay ku billaabatay caro xooggan kaddib markii baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal muujinayay ciidammo ka tirsan kuwa ammaanka oo si arxan-darro ah u jirdilaya Sheekh Axmed Siicow, oo ah nin waayeel ah oo deggen xaafadda Siinaay ee magaalada Muqdisho. Muuqaalladaasi waxay kiciyeen caro ballaaran oo ka dhalatay guud ahaan caasimadda.

Tallaabo dhif iyo naadir ah oo si degdeg ah loola xisaabtamay, ayuu taliyaha booliiska gobolka Banaadir, Macallin Mahdi, ku shaaciyay in la xiray shan askari oo looga shakisan yahay inay falkaas ku lug lahaayeen.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay gudaha saldhigga Warta Nabadda, ayuu Macallin Mahdi raggaas ku soo bandhigay kamaradaha hortooda, wuxuuna si toos ah raalligelin uga siiyay dhibbanaha. Wuxuu ballanqaaday, “Ma aqbali doonno tacaddiyada noocan oo kale ah.”

Laakiin sheekadu halkaas kuma aysan dhammaan. Galinkii dambe ee maalintaas, hoggaamiyeyaal ka tirsan mucaaradka ayaa gaaray saldhigga iyagoo ay la socdaan kolonyo ilaalo ah oo si weyn u hubeysan. Sida uu booliisku sheegay, waxay isku dayeen inay xoog ku galaan gudaha, taasoo keentay isku dhacyo dhexmaray iyaga iyo ciidamadii dowladda ee waardiyeynayay maxaabiista.

Goobjoogeyaal ayaa ka sheekeeyay xaalad fowdo ah, iyadoo rasaas laga maqlayay bartamaha magaalada. Waxaa la soo sheegay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana burbur gaaray gawaarida booliiska.

Macallin Mahdi wuxuu mucaaradka ku eedeeyay inay isku dayayaan “inay qalalaase ka abuuraan Muqdisho,” wuxuuna ka digay in aan la aqbali doonin falalka noocan oo kale ah.

Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Fiqi, ayaa isna ka sii daray, isagoo ku boorriyay xeer-ilaalinta inay dacwad ku soo oogaan hoggaamiyeyaashaas, wuxuuna weerarkooda ku tilmaamay “xeelado argagixiso.”

Khalad siyaasadeed qiimo culus

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in mucaaradku ay si weyn isugu khaldeeen xisaabta. Iyadoo askartii falka geysatay ay mar hore xirnaayeen, socodkooda hubeysan ee ay saldhigga ku tageen wuxuu u ekaaday mid aan ahayn difaac caddaaladeed, balse u muuqday isku day ay ku afduubanayaan geeddi-socodka sharciga.

“Mar kasta oo aad saldhig booliis tagto adigoo wata kolonyo hubeysan, adiga ayaa qaladka iska leh, iyadoo aan loo eegin ciddii rasaasta billowday,” ayuu yiri Xuseen Cabdiraxmaan, oo ah falanqeeye fadhigiisu yahay Muqdisho.

Mucaaradku waxay rajeynayeen inay ka faa’iideystaan carada shacabka ee ka dhalatay tacaddiyada booliiska. Taa beddelkeeda, ficilladoodu waxay hoos geliyeen xariggii askarta, waxayna dareenkii oo dhan u soo jeediyeen dhankooda. Wixii noqon lahaa fursad ay ku dalbadaan isbeddel waxay ku dhammaatay dhaawac ay iyagu is-geysteen.

“Waxay doonayeen inay u ekaadaan geesiyaal caddaaladda u dagaallamaya,” ayuu yiri suxufi maxalli ah. “Laakiin waxay ku dambeeyeen inay u muuqdaan rag qoryo wata oo aan qorshe lahayn.”

Dharbaaxo ay iyagu isku dhufteen

Saraakiisha dowladda ayaa ballanqaaday inay caddaaladda horgeyn doonaan askartii jirdishay Sheekh Axmed iyo sidoo kale hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee maleeshiyaadka keenay saldhigga Warta Nabadda.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa dhacdada ku cambaaraysay isku day awood maroorsi, waxayna ka digtay in siyaasiyiinta u dhaqma sida hoggaamiye-kooxeedyada lala tiigsan doono sharciga.

Dhinaca mucaaradka, cawaaqib-xumada ka dhalatay arrintan ayaa durba iska cad. Intii ay heli lahaayeen taageero shacab, waxay hadda wajahayaan jees-jees iyo halis sharci. Iyadoo doorashooyinku soo dhow yihiin, waxaa wiiqmay sumcaddoodii, taasoo shaki gelinaysa inay isu soo bandhigi karaan beddel mas’uuliyad leh oo ka duwan dowladda.

Wixii ka dhacay Warta Nabadda waxaa loogu talagalay in lagu muujiyo awood. Taa beddelkeeda, waxay soo bandhigtay daciifnimo. Waxay ka fogyihiin inay helaan taageerada shacabka; mucaaradku waxay saldhigga uga tageen iyagoo qiimo-beelay, ceebaysan, oo kashifmay. 

Guddoomiye Muungaab oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah mucaaradka + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo xalay ka qayb-galay kulan looga hadlayay dagaalkii shalay ciidamada taabacsan mucaaradka iyo kuwa ammaanka ku dhex-maray saldhigga Warta Nabadda ayaa qaaday tallaabo horleh oo ku aadan xiisadda soo korortay.

Muungaab ayaa marka hore waxa laga xumaado ku tilmaamay in mucaaradku tegaan saldhig Boolis oo ay shaqo ka socoto, kadibka ay ka abuuraan qalqaleglin amni.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay qorshahooda, gaar ahaan dibad-baxa wayn ee ay shalay iclaamiyeen xubnaha Madasha Samatabixinta oo uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kuwaas oo sheegay in Sabtida ay isugu tegaan saddex goobood oo ku yaalla caaasimada, gaar ahaan Tarabuunka, Dayniile iyo Siinaay.

“Waxaan rabnaa in umadda Soomaaliyeed u sheegno anaga dagaal ma rabno, xabado ma sidano, cid aan dhib ku nahay ma lahan, waxaase garab taaganahay dadka la dulminayo ee Soomaalida ee aragtaan,” ayuu yiri madxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Shariif.

Waxa uu intaas kusii daray “Madashu waxay rabtaa inay ku baaqdo Soomaali meel ay joogto mudaharaad nabadeed, oo lagu diidan yahay falalka waxshinimida ah iyo dhul boobka ka socda magaalada Muqdisho.”

Duqa Muqdisho oo ka horyimid go’ankan ayaa isna shaaca ka qaaday in xubnaha hadlay aysan qaban karin mudaharaad, sidoo kalena aysan xukumin goobaha ay cayimeen in la’isugu tago.

“Mudaaharaad ay ku baaqi karaan ma jiro, Tarabuun adi ma xukuntid, mana u xil saarnid Siinaay ma xukuntid meel aad u calaameyn kartana ma jirto” ayuu yiri Muungaab.

Sidoo kale wuxuu amar siiyay laamaha amniga oo uu faray in tallaabo adag ay ka qaadaan, cid kasta oo ku xadgudubta nabadda iyo xasiloonida ka jirta magaalada Muqdisho.

“Anigoo ah guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa halkan ka caddeynayo oo amrayo inay cid kasta oo nabadda iyo xasiloonida magaaladan ka jirto inay wax waxyeeleyso isku deydo tallaabo sharcia waafaqsan inay ka qaadaan” ayuu sii raaciyay duqa magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli xasaasi ah, isla markaana Muqdisho ay ka taagan tahay xaalad kacsanaan ah oo u dhexeyso dowladda iyo mucaaradka oo shalay uu ka dhex-qaray dagaal toos ah, kadib markii ay isku fara saareen saldhigga degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Xasan oo cadeeyay in uusan ku dhaqaaqeyn arrin ay ka cabsi qabaan mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in uusan damacsanayn muddo kordhin, balse ay ka go’an tahay in doorashada lagu qabto waqtigeeda.

Xasan Sheekh ayaa caddeeyay in uu diyaar u yahay in uu aado doorasho, isla markaana uu xilka si nabad ah ku wareejin doono haddii doorashada looga adkaado, xilli uu mucaaradka si adag u dalbaday in doorashadu ku dhacdo xilligeeda.

“Aniga waxaa la i doortay 15-kii May 2022, teeramkaygu wuxuu ku egyahay 15-ka May 2026. Intaasi dhexdeeda waxaan rabaa inaan ku qabto doorasho, laakiin wixii mustaqbal iman kara anigu kama sheegin,” ayuu yiri Madaxweynaha oo la hadlay idaacadda BBC-da.

Sidoo kale waxa uu rejo ka muujiyay in khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland uu dhawaan soo afjarmi doono. Maamulladan ayay Madaxweynaha isku seegeen arrimaha wax ka beddelka dastuurka iyo hanaanka doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay socdaan xiriirro aan toos ahayn, isla markaana dowladdu ay wax badan ka tanaasushay si loo xoojiyo wada shaqeynta dowlad goboleedyada, loona gaaro isfaham buuxa.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Xasan Sheekh ayaa xaqiijiyay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay inay miiska wada-hadalka kusoo dhaweeyaan Jubbaland iyo Puntland, si loo helo doorasho loo dhan yahay oo heshiis lagu yahay.

Madaxweynaha ayaa xusay in ballan-qaadyadiisa siyaasadeed ay kamid ahaayeen qabashada doorasho qof iyo cod ah iyo dhammaystirka dastuurka dalka, taas oo uu sheegay inay hawsheedu socoto.

Inkastoo uu qiray in aysan bulshada Soomaaliyeed oo dhan wada gaari karin doorashada qof iyo cod, balse waxa uu sheegay inay ku dadaalayaan in malaayiin Soomaali ah ay soo doortaan hoggaankooda.

Tan ayuu madaxweynuhu sheegay inay meesha ka saarayso hanaankii hore ee hoggaanka sare ee dalka lagu dooran jiray, kaasi oo u xusay inuu mugdi badan ku gadaamna.

“Anigu ma dhahayo doorashada waxay noqon doonta mid 100% fiican ama waxa codeyn doona dhamaan shacabka Soomaaliyeed, balse waxaa ku guuleysaneyna nidaam ay malaayiin qof codeeyaan, anagoo ka gudbeyna mid kumanaan ergo oo keliya ku doortaan hoggaamiyeyaasha,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Maxaabiis dambiyo culus loo haysto oo ka baxsaday saldhigga Warta Nabadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Macluumaad dheeraad ah iyo xogo cusub ayaa waxaa laga helayaa dagaalkii shalay ciidamada mucaaradka iyo kuwa ammaanka ee dowladda ku dhex-maray saldhigga degmada Warta Nabadda, kaas oo gaystay khasaaare kala duwan.

Maxaabiis ku xirneyd saldhigga lagu dagaalamay, loona haystay dambiyo culus ayaa baxsaday inta uu socday dagaalka, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya oo ka hadlay dhacdadii shalay.

Booliska ayaa xaqiijiyay inay fakadeen maxaabiis ku xirneyd xabsiga, sidoo kalena la dhaawacay qaar kamid ah askartii ku sugneyd saldhigga oo uu burbur soo gaaray

“Weerarka waxaa ka dhashay in ay fakadaan maxaabiis u xirneyd dambiyo culus oo saldhigga ku xirneyd, dhaawac loo gaystay askartii saldhigga waardiyeyneysay, burbur soo gaaray gaadiid meesha yaallay iyo saldhigga” ayaa lagu yiri qoraalka Taliska Booliska.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in “weerarkii lagu qaaday saldhigga degmada Warta Nabadda uu ahaa fal gurracan oo ay ka dambeeyeen maleeshiyaad hubeysan oo la socda xubno ka mid ah madaxdii hore ee dalka.”

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed uga digeynaa in aysan ku dhex milmin kooxaha ujeedadoodu tahay in ay carqaladeeyaan amniga, una sahlaan maleeshiyaadka argagixisada ah ee dowladdu dagaalka kula jirto,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Booliska ayaa intaas ku daray in weerarka uu dhacay xilli uu goobta kormeer ku joogay taliyaha guud ee ciidanka, S/Guuto Asad Cusmaan Cabdulaahi, oo uu wehlinayay taliyaha qeybta guud ee gobolka Banaadir, G/Sare Mahdi Cumar Muumin.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, weerarka waxaa ka dhashay burbur soo gaaray gaadiid iyo dhismaha saldhigga, kadib markii “maxaabiis lagu xiray dambiyo culus loo soo wareejiyay saldhigga, taasoo dhalisay falkaasi argagixisada ah.”

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uu si cad u sheegayaa in cid kasta oo ku lug yeelata falalka amniga lagu carqaladeynayo lala xisaabtami doono, iyadoo aan digniin hore loo soo jeedin,” ayaa mar kale lagu daray qoraalka.

Dhinaca kale, Duqa magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ka horyimid dibadbaxa ay iclaamiyeen mucaaradka ayaa sheegay in aysan qaban karin mudaharaad, sidoo kalena aysan xukumin goobaha ay sheegeen in la’isugu tago.

“Mudaaharaad ay ku baaqi karaan ma jiro, Tarabuun adi ma xukuntid, mana u xilsaarnid Siinaay ma xukuntid meel aad u calaameyn kartana ma jirto” ayuu yiri Muungaab.

Sidoo kale wuxuu amar siiyay laamaha amniga oo uu faray in tallaabo adag ay ka qaadaan, cid kasta oo ku xadgudubta nabadda iyo xasiloonida ka jirta magaalada Muqdisho.

“Anigoo ah guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa halkan ka caddeynayo oo amrayo inay cid kasta oo nabadda iyo xasiloonida magaaladan ka jirto inay wax waxyeeleyso isku deydo tallaabo sharcia waafaqsan inay ka qaadaan” ayuu sii raaciyay duqa magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli xasaasi ah, isla markaana Muqdisho ay ka taagan tahay xaalad kacsanaan ah oo u dhexeyso dowladda iyo mucaaradka oo shalay uu ka dhex-qaray dagaal toos ah, kadib markii ay isku fara saareen saldhigga Warta Nabadda.

Golaha wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay qaraar ku saabsan qorshaha kala-guurka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta shirkoodiii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa cod buuxa ku ansixiyay qaraar ku saabsan gunaanadka xilka Xeeldheeraha Madaxabannaan ee Xaaladda Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, kaas oo si rasmi ah loo soo afjari doono dhammaadka bisha Oktoobar 2025.

Golaha ayaa cod gacan-taag ku meel-mariyay qaaraarkan oo qayb ka ah qorshaha kala-guurka Xuquuqul Insaanka (2025–2026), kaas oo Soomaaliya ay ku qaadanayso mas’uuliyadda kormeerka iyo u kuurgelidda xuquuqul insaanka, si waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo dastuurka dalka.

Xukuumadda Dan-Qaran ayaa sidoo kale caddeysay in talaabadani ay muujineyso diyaar-garow dowladeed iyo mas’uuliyad qaran oo lagu xoojinayo ilaalinta xuquuqul insaanka, loogana gudbayo hababkii ku-meelgaarka ah ee caalamiga ah.

Ra’iisul wasaae Xamza Cabdi barre oo kulanka guddoomiyay ayaa dhankiisa hoosta ka xarriiqay in muhiimad gaar ah la siinayo dhameystirka iyo howlgelinta Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (NIHRC).

Sidoo kale, shirkii maanta ee Golaha Wasiirrada ayaa waxaa lagu meelmariyay Hindise-Shraciyeedka Machadka Sare ee Arrimaha Sharciga iyo Hindise-Shrciyeedka Sharciga Badqabka Caanaha, kuwaas oo muhiimad weyn u leh adeegga bulshada.

Waxaa kale oo shirka lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira dib-u-habeynta iyo kororka dakhliga gudaha, fulinta xeerkii Xakamaynta Hubka, iyo qodobo kale oo muhiim u ah dowladnimada, ilaalinta xuquuqul insaanka iyo horumarka dalka.

Golaha ayaa intooda badan shirkooda oo todobaadle ah uga hadlay shaqooyinka xukuumadda, waxaana sidoo kale lagu meel-mariyada heshiisyada caalamiga ee ay dowladdu soo gasho, iyada oo kadib loo sii gudbiyo labada gole ee Baarlamaanka.

Kulankan kii ka horreeyay Golaha Wasiirrada ayaa meel-mariyay heshiisyo is-afgarad, kuwaas oo muhiimad weyn u leh xoojinta difaaca dalka iyo dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Heshiisyadaas oo lala soo galay saddex dal ayaa kala ah, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Boqortooyada Urdun, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Qatar, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, iyada oo heshiisyada la galay ay kusoo aadeen, iyada oo horay sidaan oo kale ay heshiisyo difaac loola soo galy dalal waa wayn oo ay kamid yihiin waddamada Turkiga, Masar iyo dowlado kale oo muhiim ah.

Booliska oo digniin culus soo saaray kadib tallaabadii ay ku dhowaaqeen mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Arbacadii uga digay shacabka in loo adeegsado ujeedooyin lagu carqaladeynayo amniga dalka, xilli siyaasiyiinta mucaaradka ay ku dhawaaqeen mudahaaradyo waaweyn oo ka dhici doona magaalada Muqdisho dhamaadka toddobaadkan.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ay soo saareen Booliska ayaa lagu sheegay in “weerarkii lagu qaaday saldhigga degmada Warta Nabadda uu ahaa fal gurracan oo ay ka dambeeyeen maleeshiyaad hubeysan oo la socda xubno ka mid ah madaxdii hore ee dalka.”

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed uga digeynaa in aysan ku dhex milmin kooxaha ujeedadoodu tahay in ay carqaladeeyaan amniga, una sahlaan maleeshiyaadka argagixisada ah ee dowladdu dagaalka kula jirto,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Booliska ayaa intaas ku daray in weerarka uu dhacay xilli uu goobta kormeer ku joogay taliyaha guud ee ciidanka, S/Guuto Asad Cusmaan Cabdulaahi, oo uu wehlinayay taliyaha qeybta guud ee gobolka Banaadir, G/Sare Mahdi Cumar Muumin.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, weerarka waxaa ka dhashay burbur soo gaaray gaadiid iyo dhismaha saldhigga, kadib markii “maxaabiis lagu xiray dambiyo culus loo soo wareejiyay saldhigga, taasoo dhalisay falkaasi argagixisada ah.”

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uu si cad u sheegayaa in cid kasta oo ku lug yeelata falalka amniga lagu carqaladeynayo lala xisaabtami doono, iyadoo aan digniin hore loo soo jeedin,” ayaa lagu daray qoraalka.

Mucaaradka oo ku baaqay dibad-baxyo

Dhanka kale, madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, haatanna ah guddoomiyaha Madasha Samatabixinta Qaranka, ayaa xalay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hotel Jazeera ku iclaamiyay mudahaaradyo nabadeed oo dhici doona Sabtida, 27-ka Sebteembar.

“Waxaan rabnaa in umadda Soomaaliyeed u sheegno, anagu dagaal ma rabno, xabado ma sidano, cid aan dhib ku nahay ma jirto. Waxaase garab taaganahay dadka dulman ee Soomaaliyeed ee aragtaan,” ayuu yiri Shariif.

Wuxuu sheegay in mudahaaradku ka dhici doono saddex goobood oo kala ah Tarbuunka, Siinaay iyo Dayniile, isagoo shacabka ugu baaqay inay si nabad ah isugu soo baxaan.

Shariif ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda Xasan Sheekh inay dhaaftay xuduud sharci, isagoo ku tilmaamay “tuugo u baahan in la hor istaago.”

“Tuugada haddaadna ka hortagin, guryaha ayay noogu imanayaan, kuma joogsanayaan sidan. Waa in lagu celiyo xadkoodii,” ayuu raaciyay.

Bannaanbaxyada mucaaradka ayaa imanaya iyadoo dowladda Xasan Sheekh wajaheyso eedeymo dhul boob ah oo kumanaan qof looga barakiciyay Muqdisho. Dhanka kale, weerarka lagu qaaday saldhigga Booliska ayaa muujinaya nuglaanta amni ee caasimadda.

Booliska ayaa sheegay in ay bilaabeen baaritaan rasmi ah, isla markaana ay “tallaabo sharci ah ku qaadi doonaan cid kasta oo lagu helo masuuliyadda weerarka iyo falalka kale ee lagu carqaladeynayo amniga.”

“Hay’adaha amniga oo uu hormuud u yahay Ciidanka Booliska waxay qaadi doonaan tallaabo kasta oo sharci ah oo lagama maarmaan ah si loo ilaaliyo xasilloonida dalka,” ayaa lagu soo afjaray war-saxaafadeedka.

Dhanka mucaaradka, hoggaamiyeyaasha Madasha Samatabixinta waxay sheegeen in mudahaaradkooda uu noqon doono mid nabadeed oo lagu diidan yahay “falalka waxshinimada ah iyo dhul boobka ka socda Muqdisho.”

Nuxurka khudbadda Xasan Sheekh ee shirka QM + Sawirro

0

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada New York ayaa khudbad ka jeediyey dood furan oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay kaga arrinsanayeen tiknaloojiyadda casriga ah iyo saamaynta ay ku leedahay ammaanka caalamka.

Xasan Sheekh ayaa madasha ka sheegay in garaadka macmilka ah uu yahay xaqiiqo casri ah oo si degdeg ah u beddelaysa nolosha, dhaqaalaha iyo qaababka ammaanka caalamiga ah.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ay leedahay fursado waaweyn oo lagu xoojin karo nabadda iyo horumarka, balse ay wadato khataro culus.

Inta uu ku guda jiray khudbadda, madaxweynaha ayaa soo bandhigay muhiimadda dejinta shuruuc iyo siyaasado caalami ah oo lagu hago adeegyada garaadka macmilka ah ee AI, isagoo xusay in loo baahan yahay in la xaqiijiyo in si siman ay tiknaloojiyadda casriga ah u gaarto dalalka caalamka oo idil.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan ayaa kulamo gaar gaar ah ka wada New York, kuwaas oo uu la yeelano madaxda isugu tegtay shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay, waxa uuna kala hadlayaa danaha labada dhinac, xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iyo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya.

Madaxda uu la kulmay madaxweyne Xasan waxaa kamid ah Dhaxal-sugaha dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Xamad Al-Sabaax oo ay ka wada-hadleen xoojinta iskaashiga labada dal iyo arrimaha guud ee gobolka ee labada dal ay dan-wadaagta ka yihiin.

Waxaa kale ooa ay is arkeen Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, Marwo Allison Hooker, La-Taliyaha Arrimaha Afrika ee madaxweyne Trump, Massad Boulos, iyo Ku-Xigeenka Kaaliyaha Arrimaha Afrika, Mudane Vincent Spera.

Labada dowladood ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka, joogteynta iskaashiga amni iyo la-dagaallanka argagixisada, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Si kastaba, shirka ayaa sanadkan kusoo aaday, iyada oo caalamka uu wahayo qataro waa wayn, sida xiisadda bariga dhexe ee kasii dareysa kadib markii uu sii xoogeystay dagaalka ka socda gobolka ee hormuudka ay u tahay Israel oo weerarradeeda sii laba jibaartay.

Farmaajo stands steady as Somalia’s opposition falters

MOGADISHU, SomaliaSomalia’s former president, Mohamed Abdullahi Farmaajo, may be far from Mogadishu, but his decision to keep his distance from the country’s chaotic opposition now looks increasingly wise.

On Wednesday, while opposition leaders marched to a police station with armed militias — sparking deadly clashes and public outrage — Farmaajo responded in a quieter but more deliberate way: with a statement.

A voice from abroad

The statement condemned the brutal beating of Sheikh Ahmed Siicow, an older man in Siinaay, whose assault by security officers had gone viral. Farmaajo called the scenesa dark wound and a grave injusticethat shook the nation’s trust in its institutions.

He described the images of an elderly man and woman being struck asan unbearable humiliation for our nationand demanded that those responsible face justice. He also urged Somali citizens to stand with victims of forced evictions and warned security agencies against abusing their power.

“The rights and dignity of citizens are the foundation of the Somali state,Farmaajo wrote, adding that repeated abuses would have long-term consequences for stability.

That careful choice of words stood in sharp contrast to the opposition’s actions the same day. Instead of letting the justice system handle the arrested officers, opposition leaders stormed Warta Nabadda police station with their militias, sparking gunfire with government forces. What could have been a moment to spotlight police abuse quickly turned into a public relations disaster.

Farmaajo, by staying outside the fray, appeared calm and statesmanlike. This has become a pattern. Unlike rivals who seek headlines with confrontations, he has chosen to express his views from abroad — measured, critical when necessary, but rarely inflammatory.

A record of restraint

The former president’s restraint is not a new phenomenon. After his time in office, he avoided exploiting security crises for political advantage. When Al-Shabaab struck, Farmaajo did not mock the government of the day or call for chaos. Instead, he urged unity behind the armed forces, even when rivals jeered.

“While others gamble with militias, Farmaajo has emphasized order and stability. That message resonates, especially when chaos dominates the headlines,said Mohamed Abdi, a political analyst in Mogadishu.

By refusing to join the opposition alliance earlier this year, Farmaajo distanced himself from a string of blunders that have since damaged the alliance’s credibility. His choice to remain abroad and rely on statements has insulated him from the political missteps that now haunt his rivals.

His latest remarks struck a careful balance: empathy for victims, a call for accountability, and a warning to security forces — without inflaming tensions. That approach leaves him looking measured, even presidential, at a time when others appear reckless.

In Somalia’s turbulent politics, that distance may prove an asset. As frustration with both the government and opposition grows, Farmaajo has carved out a role as the man who stayed above the fray.

As one Mogadishu journalist put it:He looks like the only leader who hasn’t been drawn into reckless adventures. And right now, that makes him stand out.”

Somalia opposition blunders with armed raid on police station

MOGADISHU, Somalia – Somalia’s opposition leaders suffered a major political setback on Wednesday after storming a Mogadishu police station with heavily armed militias, a move that quickly spiraled into gunfire and left them accused of recklessness.

The raid on Warta Nabadda police station came only hours after authorities had already arrested security officers accused of assaulting an elderly man — an incident that had stirred nationwide anger.

What might have been a moment to highlight police brutality instead turned into a confrontation that analysts say has left the opposition weakened and embarrassed.

From outrage to escalation

The day began with fury after a video circulated on social media showing security forces brutally beating Sheikh Ahmed Siicow, an elderly resident of Mogadishu’s Siinaay district. The images sparked outrage across the capital.

In a rare act of swift accountability, Banadir police commander Macallin Mahdi announced the arrest of five officers suspected of involvement. At a press conference held inside Warta Nabadda station, Mahdi presented the men before cameras and apologized directly to the victim. “We will not tolerate such abuses,” he pledged.

But the story did not end there. Later in the afternoon, opposition leaders descended on the station with a convoy of heavily armed guards. According to police, they attempted to force their way inside, triggering clashes with government forces who were guarding the detainees.

Witnesses described chaotic scenes as gunfire echoed through the city center. Several casualties were reported, and police vehicles were damaged.

Mahdi accused the opposition of trying to “destabilize Mogadishu” and warned that such actions would no longer be tolerated. Defence Minister Ahmed Fiqi went further, urging prosecutors to charge the leaders, calling their raid “terrorist-style tactics.”

A costly miscalculation

Analysts say the opposition badly miscalculated. With the abusive officers already in custody, their armed march to the station looked less like a defense of justice and more like an attempt to hijack the process.

“Anytime you go to a police station with an armed convoy, you are already in the wrong, no matter who fires first,” said Hussein Abdirahman, a Mogadishu-based analyst.

The opposition had hoped to ride public anger over police brutality. Instead, their actions overshadowed the arrests and shifted attention onto themselves. What could have been a chance to demand reform ended as a self-inflicted wound.

“They wanted to look like champions of justice,” said a local journalist. “But they ended up looking like men with guns and no plan.”

A self-inflicted blow

Government officials have vowed to pursue justice both against the officers who beat Sheikh Ahmed and the opposition leaders who brought militias to Warta Nabadda. The Ministry of Information condemned the incident as an attempted power grab, warning that politicians who behave like warlords would be held accountable for their actions.

For the opposition, the fallout is already evident. Instead of gaining sympathy, they now face ridicule and legal jeopardy. With elections approaching, their credibility has taken a hit, raising doubts about whether they can present themselves as a responsible alternative to the government.

What happened at Warta Nabadda was meant to project strength. Instead, it revealed weakness. Far from rallying public support, the opposition left the station diminished, humiliated, and exposed.

Fiqi oo dalbaday in la maxkamadeeyo mucaaradka kadib dagaalkii maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay iska hor imaadkii maanta ka dhacay saldhiga Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho ayaa dalbaday in la maxkamadeeyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Fiqi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in siyaasiyiinta mucaaradka ay weeraraan saldhiga booliska, isagoo sheegay inay burburiyeen gaadiidkii ciidanka, isla markaana dil iyo dhaawacna u geysteen ciidamada dowladda.

“Waa in maxkamad loo soo saaraa Kooxaha mukharibiinta ah ee sida kooxaha argagixisada u beegsanaya ciidamada qaranka, hay’adaha cadaaladuna ay waajibkooda ka gutaan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Iska hor imaadkan ayaa yimid kadib markii hoggaamiyeyaasha mucaaradka ay tageen saldhiga, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo mucaaradka uu sheegay in khasaare xooggan loo geystay, isla markaana halis la geliyay naftooda.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayey dowladdu ku cambaareysay tallaabada mucaaradka, oo ay ku tilmaameen mid ay ku rabeen inay xoog kula wareegaan saldhiga booliska ee degmada Warta Nabadda.

Sidoo kale waxay sheegtay inay ka xun tahay in siyaasiyiin ku haminaya qabashada talada dalka ay isku dayaan inay daadiyaan dhiigga shacabka iyo kan ciidamada qalabka sida ee ku hawlan difaaca dalka iyo dagaalka looga soo horjeedo argagixisada.

Taliska ciidanka booliska ayaa dhankiisa sheegay in ciidanka mucaaradka ay jabiyeen xeerkii xakameynta hubka ee magaalada Muqdisho, isla markaana ay isku dayeen inay xoog ku galaan saldhiga.

Taliyaha booliska gobolka Banaadir, Macallin Mahdi oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa sheegay in isku dhaca uu yimid kadib markii ciidamada mucaaradka oo watay hub culus, isla markaana aan soo wargelin taliska ay isku dayeen inay xoog uga gudbaan irida saldhiga, oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliyeed.

Si kastaba, hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa dhankooda sheegay inay saldhiga u tageen si ay usoo damiintaan dad shacab ah oo ciidanku dhibaateeyeen, una xireen arrimaha dhulka danta guud, hase yeeshe markii ay halkaas tageen loogu jawaabay rasaas.

Tan ayaa uga sii dareysa xiisadda u dhaxeysa dowladda federaalka iyo mucaaradka, xilli ay billooyin kooban ka harsan yihiin muddo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxda mucaaradka oo shaaciyay sababta ay u tageen saldhiga Warta Nabadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Hotel Jazeera ayaa sheegay in saldhiga Warta Nabadda u tageen si ay usoo damiintan shacab ay dhibaato u geysteen ciidanka booliska oo lagu xiray saldhigaasi.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay in ehellada dadka la dhibaateeyay ay ka codsadeen inay garab istaag u muujiyaan, sidaas darteedna ay saldhiga u tageen inay soo wadaan odeyga waayeelka ah ee maanta lagu jirdilay xaafadda Siinaay, si isbitaal loo geeyo.

“Ehellada dadkii la dhibaateeyay ayaa noo yimid oo nagu dhahay na garab istaaga, nala soo damiinta dadka dhaawaca ah, weliba odayga waayeelka cuduro badan uu qabay, oo isbitaal nala geeya ayey na dhaheen,” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan ayaa caddeeyay in Taliska booliska ay kusii wargeliyeen tagitaankooda, si ay usoo damiintan dadka loo xiray arrimaha dhulka danta guud, balse ay kala kulmeen in xabad loogu jawaabo.

“Waxaa dhahnay in dadka booqano ayaa rabnaa, irida saldhiga ayuu xirtay, ciidankiisana wuxuu amray inay xabado ridaan. Xabadaha markii hore kor ayay u dhacayeen, anaga dan kama gelin maadaama ujeedadii aan u soconay oo damiinta aheyd naloo diiday, waxaan go’aansanay in shir jaraa’id ku qabano saldhiga hortiisa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Warsame oo xusay in aysan u socon arrimo siyaasadeed ayaa sheegay in ciidanku xabad ku bilaabeen iyagoo ku guda jira shirkooda jaraa’id, kadib markii ay kasoo tageen saldhigana ay ka daba yimaadeen, iyagoo xabado la dhacay gawaaridii ay wateen hoggaamiyeyaasha mucaaradka, sida uu sheegay.

“Ciidankeenna waxaa farnay in aysan ka jawaabin laakiin xabada waa sii socotay. Waan kasoo tagtay saldhiga, waxaan isku daynay in shirka jaraa’id ku qabano halkii dadka laga barakiciyay oo odeyga waayeelka ah maanta lagu jirdilaayay, way nooga daba yimaadeen oo markale ayay na xabadeeyeen,” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan ayaa ayaandarro ku tilmaamay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu shir uga qeyb-galo New York, isagoo metalaya magaca Soomaaliyeed, isla markaana suuqa Siinaay lagu xabadeeyo ehellada dadkii maanta la jirdilay iyo mas’uuliyiintii xilka uga horreeyay.

“Taliyaha gobolka Banaadir ee la yiraahdo Macalin Mahdi uu mission-kaasna mas’uuliyadiisa uu leeyahay,” ayuu yiri Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Iska hor imaadka maanta dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo mucaaradka sheegeen in si bareer ah loo waxyeelleeyay.

Taliska ciidanka booliska ayaa dhankiisa sheegay in ciidanka mucaaradka ay jabiyeen xeerkii xakameynta hubka ee magaalada Muqdisho, isla markaana ay isku dayeen inay xoog ku galaan saldhiga.

Taliyaha booliska gobolka Banaadir, Macallin Mahdi oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa sheegay in isku dhaca uu yimid kadib markii ciidamada mucaaradka oo watay hub culus, oo aan soo wargelin taliska ay isku dayeen inay xoog uga gudbaan irida saldhiga, kaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo muuqaalka