25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Xog: Madaxweyne Xaaf oo laalay qorsho cusub oo uu damacsanaa Carabeey

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa la xaqiijiyay inuu ka biyo diiday qorsho uu watay ku-xigeenkiisa Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey).

Xaaf ayaa diiday qorsho ah in la joojiyo magacaabida Golaha Wasiirada maamulka oo ay kasoo muuqan doonaan Wasiiro ka imaan doona ahlusuna, kadib markii Carabeey uu sheegay in xalka Galmudug uu sidaa ku jiro.

Xaaf, oo ka biya diidan qorshaha Carabeey, ayaa sheegay in Galmudug aysan dayici doonin fursada ay ka heshay Ahlusuna, sidaa aawgeed uusan aqbali doonin dalabka ku-xigeenkiisa.

Carabeey, ayaa sheegay in Galmudug ay dib ugu laaban doonto halkii ay kasoo bilaabatay, haddii uu Hoggaamiye Xaaf kusii dhaga adeego inuu ku dhawaaqo Gole Wasiiro oo aan iyaga waxba laga ogeysiin.

Waxa uu Carabeey, lama huraan ka dhigay in mudada uu socdo Khilaafka la hakiyo dhammaan wixii magacaabis ah, hase yeeshee waxaa arrintaasi diiday Xaaf oo isagu u janjeera Ahlusuna.

Xaaf iyo Carabeey, ayaa kala heysta Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug kuwaa oo u kala dabqaadaya labada mas’uul.

Xildhibaanada qaar ayaa aad uga soo horjeeda in Xukuumada maamulka ay Wasiiro badan ka hesho Ahlusuna, halka qaarna ay ku doodayaan in la qanciyo Ahlusuna si looga gudbo khilaafyada.

Dowlada Somalia ayaa ku howlan xalinta Khilafka labada dhinac, inkastoo ay arrintu tahay mid cakiran.

Ma cadda sida looga takhluusin doono khilaafka labada dhinac ee waayadaani sii xoogeysanaayay, waxaana aad looga cabsi qabaa in xal loo waayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Itoobiya halkee loo wadaa, amase ay u socataa?!!!

Maalin dhowoyto, Websiteka la yidhaa TANADEEM ayaa gogol u fidiyey gabadha uu dhalay kaligii taliyihiii Mengistu Xayle Mariyam, oo magaceeda la yidhaa Tigist Mengistu.

Tigist oon ku soo laaban doono qaybahayga dambee ee qoraalkan waxay baaq u dirtay shacab-weynaha Itobiya iyo xoogaga mucaaridka ah (Itobiya andinet), waxaanay kula dardaarantay in ay dalka xoreeyaan. In ay ka xoreeyaan gumeystaha iyo “qaran diidka,” waa sida ay u dhigtee.

Waa arinta igu dhalisay in aan qaato mawduucan ah Itoobiya halkay u socotaa, amse halkee loo wadaa? Balse mililicsi gaaban oo ku aadan tarrikhda gaaban ee itobiyada casriga ah iga hoo!

Kadib markii Lij Ayaasu (Ilyaasiikii rer-Walo) uu inqilaabay Amir Xayle Selaasie isaga oo qabay Gabadhii Itiye Manon ooy Ilyaas walaalo ahaayeen, Itoobiya geedi ayey gashay (Ilayaas oo ah Boqorkii isku dayey in uu xidhiidh walaatinimo ah la yeesho Sayyid Maxamed C/Xasan iyo qoymiyada Soomaaliday, waxaa dhalay Maxamed Cali oo inta dagaal lagaga addkaaday diintiisii iyo qoomiyadiisiiba laga badalay). Waxaa uu u dhashay Islaamnimo iyo Waloo oo Oromo ah. Waxa uu se ku dhintay isaga oo masiixi isla markaana Amxaar laga dhigay. Amiir Mikaaeel yaa lo baxshay.

Maxamed Cali waa laa qabsaday (waxaa isugu tagay Boqoradii Kiristanka ahaa ee Yuhanis (Tigree) iyo Menilik (Amxaar). Ilyaasna isaga oo xabis (god dhulka hoostiis ku jira) oo Xayle ciqaabay ayuu geeriyooday, walaashiisna caruur dhowr ah oo noqday dhaxaaltooyo sugayaal ayey u dhashay.

Mar hadii mu’aamarad badne Xayle la boqray (1919-1930 waxaa uu ahaa amiir; 1930 – 1974 boqorka boqorada (emperor), waxay Itoobiya gashay geedi aan dhamaad lahayn. Geedigaas waxaa uu yahay geedi la rabo in lagu casriyeeyo nidaamka dawliga Itoobiya.

Itobiya waxay tahay dal imberiyaaladi aasaastay oo hab dhanqan dhaqaaluhu yahay nadaamka hadhaaga ah ee fiyudal (feudal system). Fiyudalka waxaa astaan u ah beero qodasha ku dhisan nidaamka qaalaadka ah (Hacienda).

Waa nidaam badariyiintu, generaaladu iyo inta bortooyada ka dhodhowi ay aad u manaafacsadaan quruska beeralaydu (peasants) ay tabcadaan. Tobenkii kuntaal ee ka go’a beerta, wax aan hal kuuntaal buuxin ayaa loo reebaa shaqsigii ku tabcay beerta, inta kalena waxaa ka la qaybsada boqortooyada, generaalada, iyo kuwa kiniisada kadhodhow.

Itoobiya waxay ku soo dhaqantay xiligii boqortooyada nidaamka ugu ka kagan een naxariista lahayn ee fiyudaalka ah. Waxa uu nidaamkaasi aad u waxyeelay qoomiyada Oromooda, qowmiyadaha isutaga Koonfur Itoobiya, guraagta. Wax yeeladii xiligaas soo gadhay dakan Oromooda ugu badan weli ka mey bogsan nabar nafisigii (psychological scar) uu nidaamkaasi ku keennay.

Boqor Xayle 1948 -1952 aya isyidhii isbadal nidaamkaas ku samee. Sedex arimood ayaa u ahaa sababo ama ilays:

1. Xayle xiliyadii dagaalkii aduunyada labadad (WWII) waakii mudo gaaban (1936-1941) ku noolaa Iglan, Newbirdge, gurigii Bath house. Waxaa uu aad ugu qushuucay fahmayna in boqortooyo casri noqon karto. Kadsmbi wakhtigaas waxaa uu qoray axdi-qarameed cusub (new constitution).

2. Waxa kale uu aad wax uga bartay shahii Iraan xiligaas haystay oo isna rabey in uu casriyeeyo boqortooyadiisa. Hahaha Iran iyo Xayle saaxiib ayay ahaayeen.

3. Waxa dabada ka waday Marykanka oo lahaa casriyeed axdi-qarameedka kana gudu nidaamka fiyudalka.

Hase ahaatee laba xoog ayaa u fasixiwaayey:

1. Arinta qoomiyadaha aanu daacad ka ahayn.

2. Xoogag qowmiyaad islaweyni ku jirtay oo aad uga hor imaanayey geedi-socod kasta oo xaquuqada qoomiyadaha xoojinaya.

1960hii ilaa 1970hii waxaa boqorka nidaamkiisii saluugay Soomaali, Eriteria, Tigray, Canfar, iyo Oromo. Waxa kale oo saluugsanaa xoogaga horusocdka ah oo Iyana rabay isbedel coojiya xaquuqda beeralyda iyo qowmiyadaha.

Aritaas ayaa u horseeday ciidamadii Dhargigu in ay awooda la wareegaan. Sibabtoo ah kacaan isbadel (revolution) ion Horaeed lahay (leadership) ayaa soo foodsaaray. Xilagaa ciidamada oo kaliya ayaa urusanaa (the army was the onlyborganized entity). Aakhirto ciidamada ayaa hogaankii haleelay.

Bishii Ogasto 28, 1974 ayuu Mangistu dilay Xayle: Barkimo uu afka u saaray ayuu ku ciijiyey; si bilaa naxariis ahna wuu idilay. Halkaasna waxaa ku soo afjarmay nidaamkii fiyudaalka ahaa ee rer-boqor horseedka ka ahaayeen.

Sidaan horay u sheegay, dad badan ayaa ku xaq laa nidaamkaas, haba ugu daraadaan Qowmiyadaha Oromo, Soomaali iyo Canfartu.

La soco qaybta 2, 3, iyo 4aad. Nuxurkuna waxa uu yahay kuwa durbaanka u tuma kala saraynta qowmiyadaha Abiy iyo dawladiisa halkay ku wadaan?

Sawiradu waa Megistu, Xayle, Ilyas, askar Xayle u sujuudaysa, iyo Sayyid Maxamed

W/Q: Faysal Rooble

Faallo: Dagaalka Tukaraq: Ma dagaal sokeeye! Mise dagaal dawlado?

Dagaalka Tukaraq oo bill-jirsaday, geystana khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo aan la ogeen inta ay gaarsiisantahay, saameyn balaarana ku yeeshay dhammaan Beelaha Waqooyi, Waqooyi Bari iyo Golayaasha Fedaraalka ee Muqdisho ayaan loo helin weli xal siyaasadeed iyo mid deegaan. Waxa uuna kashifay in 30 sano kadib aysan Somaliya weli ka guurin hayb iyo habar wacasho Qabiil, welina lagu murunsanyahay; Magaca dagaalka! Cida wada ama ka danbaysa!

Sababta loo huriyey waqtigaan! Yey faa’iido ugu jirtaa! Yaa laga sugayaa joojintiisa iyo Xalkiisa!.

Dagaal Sokeeye oo u dhexeeya beelaha deegaanka miyaa? Dagaal u dhexeeya dawladda Somaliland iyo dawladda Puntland miyaa? Maamulka Somaliland iyo Maamulka Puntland miyaa? Dawlada Federaalka iyo Maamulka Hargeysa miyaa?

Midnimo-doon iyo Goosasha-doon miyaa? Harti iyo Isaaq miyaa? Jeegaan iyo Majeerteen miyaa? Siyaasiyiinta Sool ee kala jooga Hargeysa iyo Garoowe miyaa?

Haddii aan Magaca, Sababka iyo cida wada dagaalka aan toos loo helin, runtana laga sheegin, loona kala fasirto siyaabo kala duwan, beena laga sheego u jeedka iyo xaqiiqda dagaalka xalkiisa lama gaarayo, lamana garano cida laga sugayo xalka?

Dagaalka Tukaraq sabab kasta ha dhalisee waxa uu daaha ka qaaday dhawr arrimood;

1-Madaxweyne Biixi oo fulinaya talooyin ay siiyeen aqoon-yahanno reer galbeed ah oo Ictiraaf u raadinaya Somaliland iyo balan-qaadkiisii ahaa in uu Xuduuda Somaliland iyo Ictiraafkeeda keenayo.

2-Madaxweyne Gaas oo doorashada kusoo dhaw awgeed raba in uu dagaalka dhibco ka helo ama mudada ku kordhisto.

3-Khilaafka Khaliijka iyo taageerada Emaaraatka oo qeyb ka ah.

4-Labada Maamul oo ku fashilmay 28 sano kadib in ay ku qanciyaan labada Gobal ee Sool iyo Sanaag in ay midkood raacaan.

5-Labada Maamul oo ku fashilmay in ay ilaaliyaan Magacii iyo Nabaddii ka jirtay Gobaladaas mudada dheer kadib dagaalada Ceel-Afweyn iyo Tukataq.

6-Maamulka Hargeysa oo raba in uu dagaalka shaati Fedaraal u geliyo si uu taageero uga helo beelaha Somaliland.

7-Maamulka Garowe oo raba in uu arrinta beeleeyo si sheegashada Somaliland ee xuduuda Engriiska meesha uga baxdo.

8-Siyaasiyiinta Sool iyo Sanaag oo ku fashilmay in ay dadkooda maamul u sameeyaan ama labada maamul mid raaciyaan.

9-Wasiirada iyo Xildhibaanada kasoo jeeda Gobalada Sool iyo Sanaag ee Golayaasha Fedaraalka oo ku fashilmay in ay joojiyaan dagaalada Ceel-Afweyn iyo Tukaraq, Nabad na ugu baaqaan ama u geeyaan, kadibna kala taageeray Hargeysa iyo Garowe.

10-Dawladda Fedaraalka oo eed ka carar awgiis ka gaabsatay dagaalka, markii laga reebo baaq nabadeed oo ay hawada marisay.

Hadaba waxaa nasiib darro ah in Nabadda aan lagu raadi karin qaab dhaqameed loo adeegsado xeerarkii Colaada iyo Nabadda beelaha Somaliyeed, loona mari karin wadadii dagaalka dawladaha iyo qaabka loo dhexdhexaadiyo! Maa daama uu leeyahay muuqaal dawladeed, hoosna ka yahay dagaal Qabiil???.

Dawlada Fedaraalka waxaa u furan:

1-In ay maamul gaar ah u dhisto Gobalada Sool iyo Sanaag kana saarto murankan labadaan Maamul oo daba dheeraaday.

2-In ay u dirto AMISOM oo ay kala dhex dhigto.

3-In ay gogol u fidiso dhaqanka Sool iyo Sanaag si ay aayahooda uga tashadaan.

Haddiise Maamulka Somaliland oo taageero ka helayo Labada Gobal ee Togdheer iyo Waqooyi-galbeed ku adkaysto in uu qasab ku muuqiniyo Gobalada Sool iyo Sanaag taas waxaa ka dhalan kara in 16 ka Gobal ee kale u midoobaan oo iyana muuqiniyaan labada Gobal, si aysan taasi u dhicin waa in ay wadahadal iyo baryo wax ku raadiyaan, haddii ay waayaana Somalidooda iska iimaansadaan!.

W/Q: Mohamed Gacal (Dr Gacal)

Mugdi ka jira magaalada Muqdisho (Yaa u maqan reer Xamar?) + Dhageyso

Muqdisho (Caasimada Online) – Layrarka cadceeda ku shaqeeya ee laga hirgaliyey magaalada Muqdisho ayaa ah kuwo ay ku yimaadaan cilado joogta ah mana jirto cid si lixaad leh wax uga qabato.

Qeybo badan oo ka mid ah magaalada sida waddooyinka halbowlaha u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka ayaa ah kuwo habeenkii mugdi ah, mas’uuliyadda koowaad oo ah in la hagaajiyo Layrarka cadceeda ku shaqeeya ee gobolka Banaadir laga hirgaliyey waxay hoostagaan waaxyo kala duwan oo gobolka Banaadir uu leeyahay waxaana ka mid ah Waaxda Soolarada iyo Ifinta Muqdisho oo shaqadii loo baahnaa aysan qaban.

Dadka Muqdisho oo meelo kala duwan aan kula kulannay ayaa sheegay in dhibaato xooggan ay ku qabaan adeegsiga waddooyinka xilliyada habeenkii maadaama waddooyinka ay yihiin kuwo Mugdi ah.

Cabdiqani Maxamed Axmed oo ah agaasimaha Soolarka iyo Korontada gobolka Banaadir ayaa Goobjoog News u sheegay in ay wadaan qorshe lagu dayactirayo Layrark ku shaqeeya cadceeda ee halaysan .

“Run ahaantii Ileynta magaalada Muqdisho waa arrin aad muhiim u ah marka la yiraahdo ifinta iyo qurxinta waa shaqooyinka aadka ay magaalada ugu baahantahay gobolka Banaadirna ay siinayaan muhiimadda ugu horreysa”.

Mugdiga ka jira magaalada Muqdisho habeenkii ayaa sababay in qeybo ka mid ah magaalada dadka looga dhaco taleefoonnada gacanta iyo agabka kale ay wataan iyada oo loogalayo jidadka ay adeegsanayaan.

Warbixin arrintan ku saabsan halkan ka dhageyso

Cabdi Weli Gaas oo shaqo eryin ku sameeyay taliyaal ciidan oo sarsare, Sabab?

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxammed Cali (Gaas) ayaa xilka looga qaaday agaasimayaashii hay’adaha PSS IYO PIA ee Puntland.

Halkaan hoose ka akhriso wareegtada

Madaxweynaha  Puntland oo Xilka Qaadis Ku Sameeyay Agaasimayaasha Hay’adaha PSS iyo PIA.

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13 June 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegto uu xilkii kaga qaaday Agaasimayaasha Hay’adaha PSS iyo PIA.

Xeer Madaxweyne Lr. 71 June 13 2018, kuna saabsan Xilka Qaadid Agaasimayaasha Hay’adaha PSS iyo PIA.

Madaxweynaha Dawladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Muhiimadda ay leeyihiin Hay’adaha Amniga.

Markuu tixgaliyey: Talo soojeedinta Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta

Wuxuu Xeeriyey:

1.Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay’ada PIA ka qaaday Cabdirsaaq Ciise Xuseen (Khaatumo).

  1. Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay’ada PSS ka qaaday Cabdulaahi Aadan Maxamed (Cabdulaahi Ulle).
  2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

Dowladda Imaaraadka Carabta oo muddo aad u kooban u qabatay…

Wadanka Imaaraadka ayaa u qabtay kooxaha Xuutiyinta Yemen waqti kama dambays ah oo ay ciidamadooda ugala baxaan magaalada dekadda leh ee Xudeydah.

Imaaraadka ayaa waxa ay ku hanjabeen in haddii aysan Xutiyiinta ciidamadooda halkaasi kala bixin ay weerari doonaan.

Gargaarka bina’aadanimo ee muhimka ah ee la gaarsiiyo Yemen ayaa waxa uu ka degaa dekadaasi.

Wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka, Anwar Gargash, ayaa BBC u sheegay in isbahaysiga uu dulqaadkii ka dhamaaday gaar ahaan marka ay timaado in arrintan lagu xaliyo qaab dublamaasiyadeed.

Xulafada uu Sacuudiga hogaamiyo ayaa waxa ay horey Xuutiyinta ugu qabteen in muddo 48 saacadood ah ay uga baxaaan Xudeydah.

Horey ayay dowladda Britain u sheegtay in ay isku dayi doonto in ay ku qanciso xulufadada uu Sacuudiga hogaamiyo in aysan weerarin magaalada dekadda leh ee Xudeydah ee dalka Yamen.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in 250,000 ay naftooda halis galaayso haddii xulufada Sacuudiga ay ku dhaqaaqaan weerar ay ku qadaan dekadda magaaladaasi.

ISHA BBC

Gabar Soomaali ah oo ka mid ahayd booliska Maine, USA oo lagu dhegan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya inay shaqada iska casishay Haweeneydii ugu horreeysay oo Somali ah ee ka mid noqota Waaxda Boliska ee magaalladda Portland ee Gobalka Maine ee dalka Maraykanka Sahra Muunye Abu.

Sahra Muunye Abu, ayaa la sheegay in Waaxda Boliska magaalladda Portland ay kusoo oogtay danbiyo la xiriira inay khilaaftay amaro dhanka sharciga ciidanka ah.

Warbixin uu qoray wargeyska Press Herald ayaa lagu sheegay in Sahra Muunye Abu, ay isaga tagtay shaqada ciidanka, kadib markii ay tirsatay khaladaad dhankeeda ah.

Waxa uu intaa ku daray qoraalka in Sahra Muunye Abu la xiray bishii Janayao 13-dii ee sannadkan, kadib, markii lagu so oogay inay rabshad ka geysatay dhismo lagu caweeyo oo ku taalla magaalladda  Worcester oo 64-KM galbeed kaga toosan magaalladda Boston.

Sidoo kale, waxa uu qoraalka intaa raaciyay in sarkaalada ay horey u sheegtay inaysan gelin dacwadaha lagu soo oogay, waxaana lagu amray inay dibedda ka joogto shaqada, iyadoo xor ah.

Jessica Grondin oo ku hadleysa magaca Booliska Portland ayaa sheegtay in Sahra Muunye Abu ay isku casishay rabitaankeeda iyadoo aan lagu cadaadin is casilaada.

Jessica Grondin, ayaa intaa raacisay in Sahra Muunye Abu ay fursado u heysato inay kasoo fiirsato shaqadeeda oo ay iska casishay.

Si kastaba ha ahaatee, Sahra Muunye Abu ayaa noqoneysa haweeney iminka faarujisay booska ay Soomaalida Mareykanka uga joogtay dhanka ciidanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Muxuu Kheyre ku soo arkay xerooyinka ay booqashadiisu ku cusbeed

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyeen Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow, Taliyaha Ciidanka Booliska S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta S/guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan, ayaa Xilli dambe oo xalay ah waxay kormeer ku tageen qaar kamid ah Xarumaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo u kuur galayey sida ay u shaqeeyaan Xilliga Habeenkii ah Ciidanka Booliska, ayaa kormeeray Xarunta Dembi baarista ee C.I.D, Dugsiga tababarka ee Gen. Kaahiye, Taliska Ciidanka ilaalada Nabad gelyada Wadooyinka, Xarunta Gaadiidka Ciidanka Booliska iyo meelo kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko,ayaa  R/wasaare Kheyre iyo Wasiirka Amniga Qaranka,  waxuu warbixin ka siiyey Xaaladda Amni ee magaaladda Muqdisho, isaggoo u sharaxay sida ay u shaqeeyaan Habeenkii Xarumaha Caawa R/wasaaraha uu kormeeray.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa sheegay in Ciidanka Booliska uu ku ammaanayo sida wacan ee shaqada amniga ay u hayaan, waxaana uu kula dardaarmay inay laba jabaaraan howlaha qaranka.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in xarumaha uu booqday uu kusoo arkay ciidamo aad udiyaarsan isla markaana si wanaagsan u gudanaaya shaqooyinkooda caadiga ah.

Wasiirka Maaliyadda Galmudug iyo ciidamo uu wato oo xoog ku galay madaxtooyada Cadaado

Cadaado (Caasimadda onlinr )- Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in xiisad ay caawa halkaasi ka jirto, waxaana afaafka hore ee xarunta Madaxtooyada ee kutaala magaaladaasi isku hor fadhiya ciidamo iska soo horjeeda.

Sida aan Wararka ku heleyno Wasiirka Maaliyada Maamulka Galmudug oo ciidamo taabacsan maalmihii lasoo dhaafay u xirneyd Xarunta Madaxtooyada ayaa maanta mar uu kasoo laabtay magaalada dhuuso Mareeb loo diiday in uu galo xarunta.

Wasiirka Maaliyada Galmudug Siciid Siyaad Shirwac iyo ciidamo badan uu wato ayaa caawa xoog ku galay xarunta Madaxtooyada Cadaado, waxaana halkaasi laga dareemayaa xiisad u dhaxeysa Ciidamada Wasiirka iyo ciidamo kale oo taabacsan maamulka magaalada.

Ciidamada iska soo horjeeda ayaa lagu soo waramayaa in ay buux dhaafiyeen agagaarka Xarunta Madaxtooyada Galmudug, waxaana hada socda dadaalo ay wadaan waxgaradka magaalada oo kulamo la leh labada dhinac ee iska soo horjeeda.

Wasiirka Maaliyada oo taageero ka heesta Madaxweyne Xaaf ayaa horey ugu diiday xarunta Madaxtooyada  in ay galaan kuna shaqeeyaan Madaxweyne kuxigeeka Galmudug iyo gudoomiyaha Baarlamanaka Galmudug oo ku sugan magaaladda Cadaado.

Waxgaadka magaalada Cadaado ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan in ay uga hortagaan dagaal ka dhaca magaalada Cadaado, waxaana Khilaafka Madaxda Galmudug u dhaxeeya laga cabsi qabaa in uu gacan ka hadal isku badalo.

Wasiirka Maaliyadda ayaa lasoo sheegayaa inuu hadda uu gaaray Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Galmudug.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa inshaa Allah

Gudoomiyaha banka dhexe oo shaaciyey qorshaha daabacista lacagta cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somalia Bashiir Ciise Cali, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay lacagaha cusub oo DFS ay sheegtay in lasoo daabacaayo.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay horay u qorsheysay daabacaada lacagta cusub, waxa uuna tilmaamay inay muhiim tahay in la sameeyo lacag cusub.

Waxa uu sheegay in dalka uusan laheyn lacag sax ah sidaa aawgeed ay wanaagsan tahay in dalka uu helo lacag lagu aqoonsan karo.

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, isagoo arrintaasi ka hadlaayay ayuu yiri ‘’Dowladu wey dadaaleysaa waana muhiim in looga danbeeyo howlaha ay gacanta kula jirto’’

Waxa uu intaa raaciyay ‘’Daabacaadda lacagta waxaa ku bixidoonta lacag dhan $41 milyan oo dollar, kharashkaas markii aan helno ayaan daabicidoonaa lacagteena’’

Bashiir Ciise Cali waxa uu intaa raaciyay “Aad iyo aad ayey u adagtahay in lacagtaan qaabab sharci darro loo daabaco. qofkii isku daya, waxaa uga bixidoona dhaqaalo baddan oo marna uusan faa’iido ka helidoonin”

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somalia Bashiir Ciise Cali, ayaa sheegay in dhaqan galinta lacagta cusub ay tahay mid horay looga wada heshiiyay isla markaana laga isticmaali doono dhammaan Gobolada dalka, sida uu yahay balanka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa cadeeyay in muddo kadib lacagaha cusub lagu soo biirin doono 20,000 iyo 50,000 shillin si ay u sahlanaato isticmaalka shillinka Soomaaliga, loogana maarmo isticmaalka $ doolarka.

Haddalka Guddoomiyaha ayaa imaanaya iyadoo Wasiirka maaliyadda Federaalka uu  Sabtidii shir jaraa’id ku soo bandhigay naqshadda lacagta cusub oo isugu jirta 10,000 iyo 5,000, lacagtan waxaa ay noqon karta midda ugu wanagsan ee ay Soomaaliya yeelato.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Magacyada iyo hoggaanka 15-ka xisbi siyaasadeed ee la diiwaan-geliyey (Aqriso)

Illaa hadda, guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka waxaa uu si KMG ah u diiwaan-geliyey 15 xisbi siyaasadeed, kuwaas oo qeyb ka ah nidaamka xisbiyada badan ee dalka.

Haddaba, waxaan idiin soo gudbineynaa magacyada 15-ka xisbi siyaasadeed iyo guddoomiyeyaashooda

1. Xisbiga Garsoor, Waxaa guddoomiye u ah Zakariye Maxamud Xaaji oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.

2. Xisbiga Midnimada iyo Qaranka Soomaaliyeed waxaa guddoomiye u ah Salaad Cali Jeelle, oo horay usoo noqday wasiir ku-xigeenka gashaandhigga ee Soomaaliya, Xaruntiisa waa Muqdisho.

3. Xisbiga Qaranka iyo Dimoqoraadiyadda, Waxaa guddoomiye ka ah Fowsiyo Xaaji Aaden, oo horay usoo noqotay ra’isul wasaare ku-xigeen iyo wasiirka arrimaha dibadda, xarunta xisbiga waa Muqdisho.

4. Xisbiga Midnimada iyo Jamhuuriga,  Waxaa guddoomiye ka ah Cali Maxamed Tima-jilic, Xarunta Muqdisho.

5. Xisbiga Umadda Soomaaliyeed , waxaa guddoomiye ka ah Cabdirashid Maxamed Cali, Xaruntiisa Garoowe

6. Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed , Waxaa guddoomiye ka ah Yaasin Maxamed Macalin (Yaasin Maaxi), xaruntiisa waa Sweden

7. Xisbiga Horumarinta; Waxaa guddoomiye u ah Suleymaan

8. Wadajir: Waxaa Guddoomiye u ah Kamaal Guutaale. Waa xisbi Mucaarad ah, xaruntiisa waa Muqdisho.

9. Samu– Waxaa guddoomiye u ah Aweys Xaaji Xuseen Honero, waxaa uu matalaa Jareer-weyne,

10. Tiir–  Xisbiga waxaa guddoomiye u ah Eng. Saalax Sheekh Cusmaan, horay waxaa uu usoo noqday  wasiirka Howlaha Guud iyo Dib-U-Dhiska, xaruntiisa waa Muqdisho.

11. Xisbiga Damiirka Soomaalinimada iyo Horumarka, Waxaa guddoomiye u ah Dr. Maxamed Macalin Xasan.

12. Xibiga Cadaaladda iyo Badbaadada, Waxaa guddoomiye u ah Maxamud Macalin Nuur.

13. Xibiga Shaqsiyadda iyo Wadaniyadda SoomaaliyeedWaxaa G/k u ah Maxamud Maxamed Muuse.

14. Xisbiga Dadka Soomaaliyeed, Waxaa Hogheyaha guud ka ah: Cabdiqadir Amin Axmed.

15. Xisbiga Xal-qaran,Waxaa Guddoomiye u ah Maxamed Macalin Cali.

Axsaabtan siyaasadeed waxaa loo diiwaan-geliyay si KMG ah, waxaana la filayaa in ay tirada intan ka soo badato bilaha soo socota.

Maxamed Bin Salman oo ku faanay inuu Iran u dhigay cashar lama ilaawaan ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa mar kale sheegay in dowlada Iran ay uga dhamaatay ku dhex milmida dowladaha qaarada madow ee Africa.

Maxamed Bin Salmaan, waxa uu sheegay in Iran ay caqabad ku tahay dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo midka Siyaasadeed ee uu Sacuudiga kawado Africa.

Maxamed Bin Salmaan, waxa uu tilmaamay in iminka ay ka takhlusiyeen awoodihii ugu badnaa ee Iran ay ku laheyd Africa sida saameynta Siyaasadeed iyo mida dhaqaale.

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan, ayaa tilmaamay inay hoos u  dhigeen saameyntii Iran ay ku laheyd dalalka Qaaradda Africa.

Dagaalka ay la galeen Iran ayuu sheegay xitaa inuu saameeyay fekerada shiicada oo Iran ay ku dhex faafin jirtay Africa sida dalka Nageira.

Waxa uu Dhaxal sugaha intaa raaciyay inay albabada u laabeen dhowr xero ciidan oo ay Iran dooneysay inay ka hirgaliso Africa, hase yeeshee ma noqon.

Bin Salmaan ayaa tusaale usoo qaatay in Iran ay ka jareen wadamda Somalia,Sudan, Nageira, Masar, Ethiopia, Kenya, Libya, Ugandha, Yemen iyo Djibouti oo dhamaantooda ay ku faafinayeen Shiicada.

Bin Salmaan waxa uu sheegay in sacuudiga uu burburiyay unug kamid ah xisbulah oo laga aas aasi rabay dalka Nageria, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Bin Salmaan waxa uu cadeeyay in Sacuudiga ay ka go’an tahay in Africa uu ka niyad jabiyo Iran oo uu sheegay inay halis ku tahay diinta.

Dhinaca kale, Dowladaha Sacuudiga oo dal Sunni Muslim ah iyo Iran oo Shiica ah ayaa waxa ay yihiin labada quwadood oo isku haya siyaasadda bariga dhexe oo hadda u soo tafaxeetay dalalka Africa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Trump oo qaaday tallaabo kale oo muhiim ah kaddib la kulankii Kim Jong Un

Singapore (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka iyo Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya oo Kulan Taariikhi ah ku yeeshay Singapore ayaa la sheegay inay kala saxiixdeen Heshiiska Dukumentigii ugu dambeeyey, kaasi oo lagu tilmaamay mid dhamaystiran oo muhiim ah.

Madaxweyne Trump waxa uu sheegay inay kala saxiixdeen Heshiis qurux badan oo dhamaystiran, balse ma uusan faahfaahin Nuxurka Heshiiskaasi.

Waxa uu xusay in dib loo sheegi doono faahfaahinta Dukumentigaasi

Kim Jong Un waxa uu Kulankii uu Domald Trump la yeeshay ku tilmaamay mid Taariikhi ah, wuxuuna xaqiijiyey inay Donald Trump  isku raaceen inay xiraan Bogga xilligii hore kala gaaray.

Kadib, Heshiiska Dukumentigaasi, waxa uu Madaxweyne Donald Trump ku dhawaaqay in sida ugu dhaqsaha badan loo bilaabi doono Nukliyeer-ka-dhigista Waqooyiga Kuurya(Nuclear disarmament) waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray inuu dhisi doono Xiriir aad u Khaas ah  oo uu la yeesho Hoggaamiyaha dalka Waqooyiga Kuurya.

Dhinaca kale, Madaxweyne Donald Trump waxa uu sheegay inay mar kale wada kulmi doonaan dhigiisa Waqooyiga Kuurya iyo inuu ku casuumi doono inuu booqasho ku yimaado Aqalka Cad ee magaalladda Washington.

Donald Trump waxa uu tilmaamay inuu dhigiisa Waqooyiga Kuurya uu ka bartay inuu yahay Nin Awood iyo Tayo leh (A talent man), isla markaana aad u jecel dalkiisa. waa sida uu hadalka u dhigay.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inuu hadalka Trump u muuqdo mid Beer-laxawsi siyaasadeed oo xilligeeda taagan, oo uu doonayo inuu ku soo xero geliyo Kim Jong Un si uu u oggolaado Qorshaha Nukliyeer-ka-dhigista.

Dhinaca kale, Kulanka Labadaa Hoggaamiye oo ahaa kii ugu horreeeyey waxay iyaga iyo Gacan-yarayaashodoa duhurnimadda maanta ee Xilliga dalka Singapore ku wada qadeeyeen  Hilib feer Lo’eed oo la shiilay, Macmacaan iyo Hilib Doofaar, sida uu qoray Wargeyska Chicago Tribune

WQ: Ustaad Nuradin

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Qisada: Soomaali afduub lagu eedeeyey oo xeelad cajiib lagu geeyey Canada

Qeybtii 1-aad: Cali Cumar Adeer waa wiil Soomaali ah oo duruufo dhaqaale oo adag ku soo koray. Mar keliya ayaa ay gashay raynrayn nolol bashbash iyo barwaaqo, oo ah tii uu abidkii ku riyoonayey.

Waxa ay rajadu gashay markii shirkad reer Kanada ah oo buuggaagta daabacdaa ay ka ogolaatay in uu la galo heshiiska faafinta buug uu doonayey in uu qoro. Waxa uu filayey in uu buuggaas ka heli doono malaayiin lacag ah, oo uu dhiisha faqriga tuuro. Waxaa maskaxdiisa ka dhex guuxayey qorsheyaal waaweyn oo uu la damacsanaa maamulidda lacagta uu filayo.

Waxa kale oo uu rajo ka qabay in heshiiskani sabab u noqdo in uu magangelyo ka helo dalka Kanada, si uu uga dheeraado dalkiisa colaaduhu ragaadiyeen ee Soomaaliya. Qoyskiisana uu ka daadgureeyo faqriga ay la noolaayeen.

Waxaas oo dhami waxa ay noqdeen dhalanteed, dharaaro kooban niyadda u dejiyey Cali, laakiin soo afgo’ay markii uu caga dhigay Kanada. Waa markii ay u caddaatay in heshiiskii buugga ee loo soo kaxeeyey saxeexiisa iyo noloshii cusbayd ee uu ku riyoonayeyba ay ahaayeen been, qayb ka ahayd qorshe ballaadhan oo uu ka soo shaqeeyey booliiska Federaalka Kanada, si Cali loo geeyo magaalada Ottawa ee dalka Kanada oo ay u taallay dacwadda dembi loo haysto in uu ku galay Soomaaliya. Waa afduubkii haweenayda warfidiyeenka madaxabannaan ah ee Amanda Lindhout oo u dhalatay dalka Kanada.

Sannadkii 2015, ayaa Cali Cumar Adeer lagu xidhay magaalada Ottawa ee dalka Kanada. Waxa uu ahaa xadhig soo afmeeray shan sano oo booliiska dharcadda ah ee dalka Kanada ay ku jireen hawlgal loo qoondeeyey in eedaysanaha koowaad ee dacwadda afduubka Amanda Lindhout, oo ahaa Cali Cumar Adeer si khiyaamo ah lagu keeno dalka Kanada, si loo ciqaab mariyo. Markiiba waxaa Cali Cumar maxkamadda looga furay dacwad ah kaalintii uu ku lahaa afduubka haweenaydan warfidiyeenka ah.

Qisadani waxa ay bilaabatay bishii kow iyo tobnaad ee 2009 kii; markii koox afduubayaal Soomaali ahi ay soo daayeen Amanda Lindhout oo ah warfidiyeen u dhalatay dalka Kanada iyo Nigel Brennan oo ahaa sawirqaade la socday oo u dhashay dalka Ustareeliya, oo ay qoysaskoodu madaxfurasho u bixiyeen lacag dhan 600 oo kun oo doolarka Maryakanka ah.

Amanda Lindhout oo markan la afduubay u shaqaynaysay taleefishanka Press TV ee laga leeyahay dalka Iiraan, iyo ninka ay jaalka ahaayeen ayaa bishii Siddeedaad ee 2008 laga afduubay duleedka magaalada Muqdisho oo ay shaqo u tagtay. Koox budhcad ah ayaa afduubay labadan warfidiyeen, oo muddo ka yar Shan dharaarood joogay Muqdisho, waxa aanay haysteen 460 maalmood.

Amanda Lindhout waxa ay sannadkii 2013 kii qortay buug ay kaga warramayso waayihii xanuunka badnaa ee ay soo martay muddadaas sannadka ka badan ee afduubka loo haystay. Buuggan ‘A House in The Sky’ oo ka mid noqday kuwii loogu iibka badnaa, ayaa ay ku sheegtay in ay soo martay 460 dharaarood oo aan mar keliya laga joojin garaacis, macalluulin (Gaajaysiin) iyo kufsi wadareed.

Laba bilood kaddib markii afduubka labada warfidiyeen dhammaaday, oo Amanda Lindhout ay dib ugu noqotay dalkeeda Kanada, ayaa bishii koowaad ee 2010 kii, Lorinda Stewart oo ah Amanda Lindhout hooyadeed waxa ay heshay farriin cod ah oo uu taleefanka ugu duubay, nin isku sheegay in uu yahay wakiilka wada xaajoodka ee u dhexeeyey kooxdii afduubka iyo qoyska labada lahayste. Ninkan Soomaaliya ka soo hadlayey waxa uu farriintiisa ku sheegay in uu doonayo in uu la hadlo inanteeda Amanda Lindhout.

Ninkan iyo Lorinda Stewart waxa ay aad u wada hadleen muddadii Amanda Lindhout ay ku jirtay gacanta afduubayaasha ee uu socday wada xaajoodkii bixinta madaxfurashada iyo soo deynteedu. Sidaa awgeed si fiican ayaa ay taleefanka isaga garanayaan.

Waxaa suurtagal ah in uu filayey in Lorinda marka ay hesho farriintan codka ah ay dib ugu soo celiso taleefanka ama ay u soo sheegto halka uu ka heli karo inanteeda uu sheegayo in uu soo deynteedii ka qaybqaatay. Waxaa laga yaabaa in markii wada xaajoodka hore socday, ay hooyadan inanteedu maqnayd ninkan tustay soo dhoweyn iyo beerlaxawsi badan oo uu ku dagmay, laakiin sidii uu filayey ma’ay noqon markan. Farriintii taleefanka ee uu diray waxaa laga soo jawaabay lix bilood kaddib, cidda soo jawaabtayna ma’ay ahayn Lorinda Stewart iyo inanteeda Amanda Lindhout midna, balse waxa uu ahaa nin sheeganaya in uu ka wakiil yahay qoyska Amanda Lindhout.

25kii bishii Lixaad 2010: Ayaa ay ahayd markii uu ninka Aadam sheegtay taleefanka ka helay ninkan wakiilka sheegtay oo sida markii dambe la caddeeyey ahaa, sarkaal dharcad ah oo ka tirsan qaybta dembi baadhista ee booliiska Kanada. Waxa uu magaciisa ku sheegay AK, si qabow oo deggen ayaanu taleefanka ugala hadlay Aadam, si uu u ogaado waxa uu doonayo.

Taleefankaas uu sarkaalka isku sheegay AK u soo diray Aadam, waxa uu bilow u noqday xidhiidh socday muddo Shan sano ah oo uu AK saaxiibtinimo run ah ku abuuray Aadam, oo inta uu kalsooni buuxda u qaaday, bilaabay in iyada oo aan lagaba dalban uu faahfaahin ka bixiyo afduubka Amanda Lindhout.

Aadam waxa uu saaxiibkiisa cusub u sheegay in sababta uu gabadhan u doonayey ay ahayd in uu hayo waraaqo ay Lindhout qortay intii afduubka loo haystay, oo ay ku illowday goobihii lagu hayey. Waxa aanu sheegay in uu doonayo in uu waraaqahaas kaga iibiyo 15 kun oo doolarka Maraykanka.

Waxa kale oo uu sarkaalkii booliiska Kanada ka tirsanaa u sheegay in uu doonayo in uu buug ka qoro taariikhda dhibaatada Soomaaliya ka jirta, isaga oo ka codsaday in uu arrintaas ka caawiyo, gaar ahaan dhinaca daabicista iyo iibgeynta buugga oo afka Ingiriisiga uu ku qori doono.

29kii bishii lixaad 2010 kii: Sarkaalkii booliiska ahaa waxa uu taleefan u soo diray Aadam, waxa aanu u sheegay in Amanda laga yaabo in ay iibsato waraaqahaas, laakiin ay u baahan tahay waxoogaa waqti ah oo ay ka fikirto arrintaas una lacag urursato. Adam waa uu aqbalay in uu sugo, waxa aanu ku deeqay in nuskhado ka mid ah waraaqahaas uu ku soo diro internet ka, si ay u xasuusato qiimahooda.

2dii Bishii sagaalaad 2010 kii: ayaa uu sarkaalkii booliiska ahaa farriin Email ah u soo diray Adam. Waa uu weydiinayey xogo dheeraad ah oo la xidhiidha waraaqaha Amanda ee uu hayey; waxa kale oo uu u muujiyey in uu xiise u hayo fikirkii buug qorista ee uu hore Aadam uga hadlay. Farriin jawaab ah oo uu Aadam u diray ninka booliiska ahaa ayaa uu ku sheegay in buugga uu doonayo in uu qoraa uu ka hadlayo taariikhda socota ee Soomaalida, gaar ahaan dhibta iyo dhiigga daadanaya ‘Gumaadka tartiibta ah’, ayaa uu buugga magaciisa oo Ingiriisi ahaa ku sheegay, waxa aanu ku andacooday in uu buuggaasi noqon doono mid dunida laga xiiseeyo oo isagana u horseeda maalqabeennimo. Isla bishaas Sagaalaad labadeedii, ayaa uu sarkaalka booliiska ahaa Aadam u soo diray farriin kale oo Email ah, waxa aanu ku wargeliyey in qoyska Lindhout aanu haysan lacag sidaas u badan, sidaa awgeed aanay imika awoodi karin in ay iska bixiyaan lacagta 15 ka kun ee doolar ah ee uu sheegay in uu waraaqaha ku doonayo. Waxa se uu u sheegay in uu kala sii shaqayn doono arrintii buug qorista la xidhiidhay. Sarkaalku waxa uu ka soo dalbaday, in uu u soo diro nuxurka guud ee waxa uu buuggiisa kaga hadlayo, si u suuq ugu raadiyo. Waxa kale oo uu kula taliyey in buugga uu shuraako kula noqdo nin ay saaxiib yihiin oo ka shaqaysta daabicista buugaagta.

6dii Bishii Kow iyo tobnaad oo wada xaajoodka Aadam iyo sarkaalka dharcadka ahi socday toddobaaddo, ayaa Aadam uu 16 bog oo ka mid ah waraaqihii Lindhout, u diray sarkaalka si uu isaga siiyo maadaama oo ay iibsan weyday. Waxa aanu markan xoogga saaray in wada xaajoodka uu ninkan reer Kanada ka rabaa uu ku ekaado buugga iyo sidii uu uga gacanqaban lahaa.

Bishii Laba iyo tobnaad ee 2010: Sarkaalkii booliiska ahaa waxa uu Aadam u soo sheegay in uu nuxurkii buugga tusay saaxiibkiisii daabicista buugaagta ka shaqaynayey, oo uu aad u xiisaynayo in buuggaas Aadam uu daabaco. Markaas ayaa ay Aadam ku abuurantay kalsooni dheeraad ah oo uu u qabo ninkan ay xidhiidhayaan, waxa aanu u sheegay magaciisa dhabta ah oo ah Cali Cumar Adeer.

Bilihii xigay oo dhan, Cali waxa uu ka shaqaynayey sidii uu u dhammaystiri lahaa buuggiisa, isaga oo si joogto ah saaxiibkii AK ugu diray nuskhado ka mid ah buugga, tusmada buugga, shaxda guud ee qaabka uu buuggu noqonayo iyo marba cutubyada buugga ka mid noqonaya ee uu dhammeeyo. Waxa kale oo uu u diray nuskhad ka mid ah shahaadadiisa heerka koowaad ee jaamacadda, oo muujinaysa in uu uu ka qaatay jaamacad Soomaaliya ku taalla oo lagu magacaabo, ‘Jaamacadda Afrika’ (African University).

Sida muuqata markan Aadam oo imika magaciisu noqday Cali Cumar Adeer, waxa uu aaminay in qorshihii buuggiisu guulaystay, waxa aanu rajo ka qabayba in uu xidhiidhka ninkan ay saaxiibka noqdeen uga faa’iidaysto sidii uu Kanada ku tegi lahaa. Waxa uu u sheegay in uu xiisaynayo in uu sii wato waxbarashadiisa oo uu diyaariyo shahaadada labaad ee heerka jaamacadda. Isaga oo sheegay in uu xiisaynayo barashada xidhiidhka caalamiga ah (Master’s program in International relations).

20kii Bishii Laba iyo tobnaad ee 2010, ayaa uu sarkaalkii booliiska ahaa Cali Cumar Adeer u soo diray farriin uu ugu sheegayo in uu dalka Kanada uga raadin doono waxbarasho jaamacadeed oo taas uu xiisaynayo ah. 21kii Bishana waxa uu Cali u soo diray diiwaanka shan fursadood oo ahaa shahaadada labaad ee xidhiidhka Caalamiga ah, kuwaas oo ka bannaanaa jaamacadaha kala duwan ee dalka Kanada.

9kii Bishii Shanaad 2011: Ayaa uu sarkaalka booliiska mar kale farriin email ah u diray Cali Cumar Adeer. Waa uu markan uga jawaabayey su’aal uu soo weydiiyey oo la xidhiidhay sida uu dalka Kanada uga heli karo magangelyo. Sarkaalku waxa uu farriintiisa jawaabta ah ku sheegay in aanu xog badan ka haynin hannaanka loo maro qaxoontinimada ee dalka Kanada. Waxa uu u tilmaamay Qaramada Midoobey, in uu ka codsado in ay u aqoonsato qaxoonti, maadaama oo qaxoontiyo kala duwan ay keento dalka Kanada. Laakiin warka fiican ee uu u sheegay waxa uu ahaa in uu jawaab togan ka helay shirkaddii buugga daabici lahayd.

9kii Bishii Siddeedaad 2011: Adeer waxa uu sarkaalka booliiska ahaa u soo diray Email uu ka helay Qaramada Midoobey ee uu ka codsaday qaxoontinimada. Farriintaas oo loogu sheegayey in aanu sharci ahaan buuxinayn shuruudaha ay qofka ugu aqoonsadaan qaxoontinimo, sababta koowaadna ay tahay in aanu dalkiisii ka qixin ee uu weli gudihiisa joogo, sidaa awgeed aan qaxoonti lagu sheegi karin.

Bishii Saddexaad 21 keedii 2012: Sarkaalkii booliiska ahaa waxa uu Cali u soo jeediyey fikir ah in heshiis ay kala saxeexdaan labadoodu; heshiiskaas oo ah wakaalasho uu Cali u ogolaanayo AK in uu wakiil uga noqdo buuggiisa, sii uu awood sharci ugu yeesho dhammaystirka heshiiska daabacadda buugga ee shirkadda la’ la gelayo. La soco qeybta xigta Insha Allah…

W/Q: Kamaal A. Cali

Daawo muuqaalka dunida qabsaday ee kulanka Kim Jong Un iyo Donald Trump

Singapore (Caasimada Online) – Donald Trump iyo Kim Jong-un ayaa noqday labadii madaxweyne ee ugu horreeyey ee Mareykanka iyo Korea-da Waqooyi ee kulma, kadib sanad ay is-weydaarsanayeen hanjabaado.

Labada madaxweyne ayaa maanta isku gacmo qaaday hotel ku yalla jasiiradda Sentosa ee dalka Singapore, halkaasi oo ay wada-hadallo rasmi ah uga billowdeen.

Waxay ka wada-hadlayaan in la qaboojiyo xiisadda iyo in Korea-da Waqooyi ay burburiso barnaamijkeeda hubka Nuclear-ka.

Hoos ka daawo muuqaalka kullanka.

Iran oo ka hadashay cidda ay uga fasax qaadatay howl galkii ay ka fulisay Somalia

Tehran(Caasimada Online) – Dowlada Iran ayaa mar kale ka hadashay howlgal ay ciidamadeeda gaarka ah ka sameeyen Somalia, kaa oo ay ku furteen kaluumeysato lagu haystay  meel ka mid aheyd Koonfurta Somalia.

Dowladu waxa ay mar kale sheegtay in howlgalkaasi uu ahaa mid qaatay asbuucyo, kadib markii ay ciidamada Khaaska ah ku jahwareeren goobta lagu hayay kaluumeysatada.

Iran waxa ay sheegtay inay ku guuldaraysatay in howlgalkaasi ay kala qeybqaadato dowlada Somali, balse ay fasax u heleen keliya inay furtaan kaluumeysatadooda.

Maxamed Alavi, oo ah Wasiirka Sirdoonka Iran oo arrintan mar kale wax laga weydiiyay ayaa ka sheekeyay qaabka lagu soo furtay Kaluumeysatadaasi oo u afduubnaa Burcad-baddeeda muddo 3 sanno ah.

Waxa uu qiray in Dowlada Somalia ay kala hadleen howlgalka isla markaana fasax loo siiyay inay furtaan kaluumeysatada.

‘’Duulanka sirdoonkeena waxa uu ahaa mid ay dhaqdhaqaaqiisa la soctay dowlada Somalia oo aan wada xiriirnay waana ku guuleysanay’’

Maxamed Alavi, waxa uu sheegay in howlgalkaasi ay ka qeybqaaten Khubaro ka tirsan Sirdoonka Iran kuwaa oo bixiyay dhammaan Jihooyinka duulaanka lagu soo furtay Kaluumeysatada.

Maxamed Alavi, oo u waramaayay Shabakadda Jamejamonline oo laga leeyahay Iran ayaa sheegay in hawlgalkaasi uu qaatay muddo dheer, isla markaana ay ciiddanka kacaanka Iiraan ee Qudus Force kaluumeysatada muddo ka baaraan degayeen Hawlgalkaasi oo ahaa mid aad u adag.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in howlgalkaasi uu ahaa mid khatar badan galiyay amniga khubarada waday howlgalka, hase ahaatee uu howlgalka kusoo dhamaaday si nabad ah.

Dhinaca kale, waxa uu Wasiirku sheegay inay ka fiirsan doonaan kaluumeysato danbe oo kasoo jeeda Iran oo u socdaala xeebaha Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maaamulka Somaliland oo ka mahad-celiyey lacagtii ka carreysiisay PUNTLAND

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arimaha dibadda Somaliland Mr. Sacad Cali Shire ayaa dowlada Federalka Soomaaliya kaga mahadceliyay lacagtii ugu deeqeen si wax loogu qabto dadka ay dhibaatada ka soo gaartay duufaanii Sagar oo ku dhufatay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Maamulka Somaliland.

Waxa uu sheegay Mr Sacad in caawinaadan ay tahay midi ugu horeysay oo dowladda Soomaaliya ay soo gaarsiiso Somaliland tan iyo markii abaaro ba’an ay ku dhufteen, waxaana uu xusay in ay tahay kaalmo bini’aadanimo oo aan loo baahneyn in la siyaasadeeyo.

Waxa uu sheegay wasiirka Arimaha dibadda Somaliland in lacagta lagu wareejinayo gudigga masiibooyinka si ay u gaarsiiyaan dadka duufaanado saameeyeen.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii xusay in ay soo dhaweynayaan deeq walbo oo la gaarsiinayo dadka ku nool Awdal , Sahil, Selel, iyo Sana goo duufaanta Sagar khasaaro kala duwan ka soo gaartay, isagoo intaa ku daray in Soomaaliya ay u direen 900,000 oo doller bishii October 2011-dii xiligaa oo abaaro xoogan ay ku dhufteen deegaanada koofureed ee Soomaaliya.

Lacagtan ayaa waxaa horey uga carrooday maamulka Puntland oo sheegay in madaxweynaha Somaliland Muusi Biixi uu ku iibsan doono hub uu kusoo weeraro Puntalnd.

W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)
E-mail: [email protected]
Xigasho: Somalilandsun

Xisbiga Waddani oo dhinac yaab leh u rogay lacagtii ay DF siisay Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamuur), oo ka mid ah masuuliyiinta iyo hogaanka sare ee Xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay lacagta ay dawladda Soomaaliya ugu deeqday dadkii ay duufaanadu waxyeeleeyeen ee Somalialnd.

Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamuur), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Farmaajo isaga oo dagaalkan inuu dhinac yahay lagu eedaynayo ayuu Somaliland u soo diray lacag isagoo oo aan la hadlin, Hiiran iyo Gobol kale oo Somaliya ah ayaa iyana lacagtan oo kale la siiyey, lacagta la bixiyey Farmaajo daacad kamay ahayn, ee qorshihiisa ayaa ahaa in Gobolada Waqooyi Galbeed iyo Hiiran lacag la siiyo, lacagtaasna waa la siiyey, Somaliland, waxa se nasiib daro ah in Wasiir Sacad Cali Shire, inuu caadi ka dhigo lacagtan la inagu khaldayo, waxaana qabnaa waliba in lacagtan shuruudo lagu xidhaayo, halkan million ee la ina siiyey wuxuu ahaa cad quudhsi, cadka quudhsiina lama qaato, ee inaynu iska dayno ayey ahayd”.

Siyaasi Daamur ayaa mar uu ka hadlaayey Kootada ayaa yidhi “Anagu Xisbi ahaan Kootada waanu ogol nahay, horena waanu u soo jeedinayey, ee Bilshada la takooray, ee Siyaasada lagu takooray,l ee dhaqanka lagu takooray, ee deegaanka lagu takooray, ee mar haddii la yidhi Siyaasadii takoorka waa laga saaraya, waxay ahayd in loo kordhiyo, laakiin saddex xubnood oo kaliya, Beesha Gabooyena waa Beel balaadhan, ee xubnahaas la siiyey maaha wax u qalma, ee waa in looga kordhiyaa”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

 

Xog: Michael Keating oo ku fashilmay xalinta colaada Somaliland iyo Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Micheal Keating, ayaa sheegay inay dhibeyso colaada u dhexeysa Somaliland iyo Puntland.

Keating, waxa uu tilmaamay in QM ay weli ku guda jirto xal u raadinta colaada labada dhan ee kataagan deeganka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Keating, waxa uu sheegay in labada maamul ay kala hadleen dagaalka, hase ahaatee aanu weli hirgalin dadaalka labada dhinac ciidamadooda looga saari lahaa Tukaraq.

‘’Dadaalkeenu wuu socdaa waxaa jira isfahano yaryar oo aan xalkeeda ku guda jirno si looga gudbo dagaalka dhiiga ku daatay ee ka socda Tukaraq’’

Waxa uu Keating intaa raaciyay ‘’Walwal ayan ka qabaa xiisada Somaliland iyo Puntland ee Tukaraq, waanan ka wada xaajoonay, waxaanu waliba ka wada hadalnay xasiloonida guud gaar ahaana Puntland hadana ma muuqdo xalka dagaalka,”

QM ayuu sheegay in labada dhinac ay ku qancineyso xaqiiqda dagaalka iyo dhibta ka dhalankarta haddii uu sii socdo, waxa uuna cadeeyay in labada maamul ay ballanqaadyo aan sal laheyn u sameeyen QM.

Sidoo kale, Keating ayaa dowlada Somalia ugu baaqay inay qaado talaabo saldhig u noqonkarta xasiloonida Sool, maadaama ay mas’uuliyad ka saaran tahay dhiiga qubanaaya.

Haddalka Keating, ayaa u muuqanaaya mid raja beel ku ah xalinta colaada deegaanka Tukaraq, waxaana laga dheehankaraa in QM ay ku dhex wareersan tahay dagaalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Waddooyinka magaalada Muqdisho oo kala xiran kadib amarkii Farmaajo

Muqdisho  (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka xiray qayb ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama iyo guud ahaan wadada Wadnaha ee muhiimka u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Ciidan fara badan oo dowladda ka tirsan, ayaa lagu arkayaa wadooyinkaasi, kuwaasi oo gaadiidka iyo mootooyinka u diidaya inay halkaasi maraan, iyadoo dadka ay isweydiinayaan sababta wadada loo xiray.

Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaan saakay isticmaali karin Isgoyska Banaadir ee Muqdisho.

Ciidanka ayaa gaadiidleyda ku amraya in ay isticmaalaan waddooyinka kale balse ku wargalinaaya inaysan mari karaan wadadaan.

Dadka reer Muqdisho oo isku diyaarinaya maalmaha Ciidul Fidriga ayaa la kulmaya dhibaatooyin kala duwan oo dhanka wadooyinka Magaalada ku aadan.

Dadka Muqdisho ayaa u muuqda kuwa lagu cadaadinaayo ineysan farxada la qeybsan Gobolada kale ee dala, waxa uuna cadaadiska noqonayaa mid saran kaliya dadyowga Muqdisho.

Dadka ayaa cagtooda maalaya maadama wax gaadiid ah aanu ka soo gudbi karin Isgoysyada aan soo sheegnay.

Madaxweynaha dowladda federaalka soomaaliya ayaa bartiisa Twitterka ku shaaciyay in si degdeg ah loo furo waddooyinka xiran oo shacabka loo daneeyo.

Dhinaca kale, Amarka Madaxweynaha ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay oo aan dhaqan galin maadaama amarka ugu sareeya dalka uu leeyahay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]