26.6 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Amarka Madaxweyne Farmaajo oo aan weli ka dhaqan galin magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Hay’adaha amaanka dowlada Somalia ayaa maalintii labaad aan dhaqan galin amar June 09 2018 kasoo baxay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Amarka Madaxweynaha ee aan wali hir galin ayaa ah in Hay’adaha amniga ay Shacabka usahlaan isu socodka Gaadiidka.

Amarka Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ahaa in ciidamada dowlada ay furan waddooyinka u xiran ee caqabada ku ah shacabka.

Waxaa maalintii labaad amarka Madaxweynaha kadib xiran waddooyinka ugu badan ee magaalada Muqdisho kuwaa oo isticmaalkooda la adkeeyay.

Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaan saakay isticmaali karin Isgoyska Banaadir ee Muqdisho.

Ciidanka ayaa gaadiidleyda ku amraya in ay isticmaalaan waddooyinka kale balse aaney mari karaan wadadaan.

Sidoo kale, ciidanka ayaa gaadiidka ka celinaya isgoyska Dabka, gaar ahaan kuwa ka imaanaya dhanka Buundooyinka ee raba wadada Makka Al-Mukarrama.

Dadka ayaa cagtooda maalaya maadama wax gaadiid ah aanu ka soo gudbi karin Isgoysyada aan soo sheegnay.

Sidoo kale, wadayaasha mooto Bajaajta ayaa goordhow magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska KM4 ka dhigay banaanbax ay uga soo horjeedaan xirnaanshaha wadooyinka.

Dhinaca kale, xirnaashaha waddooyinka qaar shalay ilaa maanta ayaan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa iyo waxa gadiidka aanan u isticmaali karin waddooyinka qaar maadaama uu amray Madaxweynaha.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Talyaiga oo soo bandhigay Markabka Muhaajiriin laga xanibay Dekeddaha Talyaaniga

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay qoreen wargeysyada kasoo baxa dalka Talyaaniga waxaa la mamnuucay gabi ahaan qaxootiga ajaaniibta ah ee kasoo degi jiray Dekeddaha dalka Talyaaniga.

Wargeysyada oo xiganaaya Dowlada Talyaaniga ayaa sheegay in dhaqaale xoogan lagu bixinaayo joojinta Qaxootiga ka yimaada Afrika ee sifaha sharci darada ah ku gala Talyaiga.

Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha ee Taliyaaniga Matteo Salvini, oo lagu xigtay wargeysyada ayaa sheegay in dowlada Talyaaniga aysan ka raali noqon doonin muhaajiriindanbe.

Matteo Salvini, waxa uu diiday in Markab soo badbaadiyay muhaajiriin ay tiradooda dhan tahay 600 oo qof uu ku soo xirto dalka Taliyaaniga.

Xukuumadda Malta ayaa sheegtay in hay’ad laga leeyahay dalka Jarmalka oo lagu magacaabo SOS ay muhaajiriintan ka soo qaaday biyaha dalka Liibiya islamarkana sharciyan ay hoos imaanayaan Taliyaaniga.

Sidoo kale, Hay’adda SOS Mediterranee ayaa sheegtay in 33,000 oo muhaajiriin ah ay  gaaren dalalka Yurub sanadkan iyaga oo sii maray badda.

 

Xog: XFS oo wada qorsho ay ku cusbooneysiineyso Heshiisyadii horay loola galay caalamka

Muqdisho (Caasimada Online)-Xukuumada Federaalka ah ee Somalia ayaa la xaqiijiyay in isbedel ay ku sameysay xiriirka kala dhexeya dowladaha saaxiibada la’ah.
Xukuumada ayaa iminka dib u bilowday dadaalada ay ku cusbooneysiineyso heshiisyada ay horay u gashay Xukuumadii hore, si loo sii xoojiyo xiriirka Somalia iyo dalalka kale.
Heshiisyada ay Xukuumadu cusbooneysiineyso ayaa waxaa kamid ah habka wada shaqeeneyd, sharciyada lama gudbaanka ah sida in dowladaha saaxiibada la ah Somalia aysan la tacaamuli karin jiho aan ka aheyn dowlada Somalia.
Heshiisyada ugu badan ee dib loo cusbooneysiinayo ayaa meesha ka saaraya in heshiis uu dhexmaro dowlad Goboleedyada iyo dowladaha saaxiibka la’ ah Somalia.
Waxaa jira Heshiisyo kale oo ay dhaliilsan tahay dowlada Somalia, kuwaa oo dhaawacaaya awooda Qaranimo ee Somalia, waxaana lagu wadaa in dib loo habeeyo Heshiisyada Somalia kala dhexeeya caalamka intiisa kale.
Wasiirka arrimaha dibadda Somalia Axmed Ciise Cawad, ayaa horay u sheegay in wasaaradiisu ay waxbadan ka bedeli doonto nidaamyada ay ku shaqeysay wasaarada xiligii isaga ka horeysay.
Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay inay muhiim tahay in dib loo soo nooleeyo xiriirka Somalia kala dhexeeya adduunka intiisa kale, iyadoo la maraayo waddooyin sharci ah.
Sidoo kale, Axmed Ciise Cawad, ayaa tilmaamay in Wasaaradiisu ay ka shaqeyn doonto sida lagu soo celin lahaa xiriirka dibadda iyo Somalia ay gaarto heer ay ku gali karto heshiisyo heer caalami ah.
Dhinaca kale, dowladihii hore ee dalka soo maray ayaan culeyska saari jirin xiriirka, markii laga reebo baadi-goobka mashruucyo lagu abuurayo dhaqaale.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Halkee ayuu marayaa Khilaafka Madaxda Maamulka Galmudug ee wakhtiga badan qaatay + Warbixin

Cadaado (Caasimada Online)-Waxaa weli taagan Khilaafka ka dhex jira madaxda maamulka Galmudug ee weli ku kala sugan magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Khilaafka Madaxweynaha Galmudug Xaaf iyo ku-xigeenkiisa Carabeey ayaa cirka galay kadib markii Madaxweyne ku xigeenka Galmudug uu dhawaan ka furay magaalada Cadaado kalfadhiga xildhibaanada Galmudug.

Kalfadhiga ayaa waxaa Carabeey usoo xaadiray  tiro aan dhameystirneyn taasoo sii xumeysay Khilaafka Madaxda, waxa ayna labada Gole la kala safteen Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Madaxweynaha Galmudug Xaaf ayaa dhankiisa Magaalada Dhuusamareeb ka wadda qabanqaabadda Magacaabista Golaha Wasiiradda maamulka Galmudug, waxaana qorshahaasi is hortaag ku sameeyay ku-xigeenkiisa oo ku sugan magaalda Cadaado kana soo horjeeda magacaabida Wasiirada.

Khilaafka labada mas’uul ayaa waxaa sii ololinaay Wasiirada iyo Xildhibaanada Galmudug oo wararka u kala qaadaya labada mas’uul, waxaana aad usii kordhaaya Xildhibaanada marba dhibac ku biiray.

Xildhibaanada oo intooda badan ka macaasha Khilaafyada ayaa u muuqanaaya inay sii ololinayaan Khilaafka hadda taagan.

Carabeey oo ah Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa wali ku doodaya in Madaxweyne Xaaf uu hareermaray Dastuurkii Galmudug ee la sameeyay 2015-kii.

Sidoo kale, Madaxweyne Axmed Ducaalle Xaaf ayaa ka dhaga fureystay eedaha kaga imaanaya Madaxda Galmudug ee ku sugan Cadaado.

Dowlada Somalia ayaa wali wada dadaalada lagu xalin lahaa Khilaafka, inkastoo Hogaamiye Xaaf uu aad uga soo horjeedo tallooyinka Dowlada Somalia.

Ma cadda sida uu xaalku noqon doono waxaana aad looga cabsi qabaa in Khilaafka uu sababo burburka Galmudug.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

[email protected]

Sawirro: Abby Ahmed oo hal arrin fulinteeda ugu dhaartay Madaxweyne Al-Sisi

Qahira (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiyi Axmed ayaa qasriga dalka Masar kulan kula qaatay Madaxweynaha Masar C/fatah Al-Sisi oo casuumaad rasmi ah u sameeyay.

Socdaalka Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiyi Axmed ee dalka Masar ayaa qaadan doona mudo laba cisho ah, waxa ayna Masar kawada hadleen Xiriirka labada dal iyo  Khilaafyada biyaha ah ee u dhexeeya labada dal.

Ra’isul wasaaraha Ethiopia, Abby Ahmed Ali, ayaa madaxweynaha Masar u sheegay in Ethiopia ay garabsaneyso Masar, waxa uuna kulanka ka sheegay inaanu jiri doonin Khilaaf labada dhan ah.

Abby Ahmed Ali, waxa uu Madaxweyne Al-Sisi ka dalbaday inuu Ethiopia ka cafiyo xurguftii kala dhexeysay iyo is qabqabsiga ka dhashay Biyaha Niilka.

Abby Ahmed Ali, waxa uu Al-Sisi hortiisa uga dhaartay magaca rabbi inuusan dalkiisa marnaba waxyeeli doonin Saamiga Masar ee Webiga Niil.

Abby Ahmed Ali, waxa uu sheegay inuu la socdo in Masar ay ka walaacsan tahay dhismaha biyo xireenka loogu magac daray dib-u-curashadda Ethiopia, hase ahaatee uusan saameyn doonin.

Abby Ahmed Ali, ayaa hadalkaasi ka jeediyey shir Jaraa’id oo ay isaga iyo Madaxweynaha Masar C/fataax Al-sisi xalay kaa oo ka dhacay Qasriga Qaahira.

Abby Ahmed Ali, waxa uu xalay ka qeyb galay Munaasabad Afur ahayd oo uu Madaxweyne C/fataax Al-sisi ugu sameeyey Qasriga Madaxtooyadda ee magaalladda Qaahira.

Sisi waxa uu yiri ‘’Masar Khilaaf danbe ugama imaan doona Ethiopia waxa aanu wacad ku marayaa in Ethiopia ay faraha kala bixi doonto saamiga Biyha Niil ee Masar’’

Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Al-sisi waxa uu soo dhaweeyey Niyadsamida uu muujiyey Ra’isul wasaaraha Ethiopia oo booqasho 2 maalmood ah ku jooga Masar.

Sidoo kale, Afhayeenka Madaxtooyada Ethiopia ayaa sheegay in labada Mas’uul ay isku raaceen in lagu wada noolaado nabad galyo, isla markaana meesha laga saaro Khilaafka Wabiga Niil.

Xildhibaan caana ka tirsan garabka Yoweri Museveni oo toogasho lagu dilay

Kampala (Caasimada Online)-Dabley hubeysnaa ayaa toogasho ku dilay xildhibaan caan ah oo ka tirsan baarlamaanka dalka Ugandha.

Xildhibaanka oo la sheegay inuu ahaa Muslim kana tirsan garabka Madaxwayne Yoweri Museveni ayaa lagu toogtay afafka hore ee guriga uu ka dagan yahay magaalada Kampala.

Xildhibaan Ibrahim Abiriga ayaa kamid ahaa kuwa ugu caansan baarlamaanka dalkaasi, iyadoo dilka kadib ay taageerayaashiisa dhigeen dibadbaxyo aad u xoogan.

Dibadbaxayaasha ayaa axaddii isugu soo baxay garoonka magaalada Arua ee waqooyiga Uganda, waxa ayna sidoo kale gudaha magaalada ku gubeen goobo ganacsi.

Waxa ay dibadbaxayaashu isku dayeen inay dhulka dhigaan isla markaana gubaan saldhig booliisk deegaanka Arua.

Xildhibaanka waxaa lala dilay mid kamid ah ilaaladiisa, waxaana lasoo sheegayaa in labaduba aysan naf dhul la gaarin.

Sidoo kale, ammaanka ayaa si wayn loo adkeeyay guriga xildhibaanka la dilay iyo guud ahaan magaalada.

Dhinaca kale, dilka Xildhibaan Abiriga ayaa imaanaya xili gudaha Ugandha lagu dilay afhayeenka ciidamada Booliska.

Caasimada Online

Xafiiska Kampala

[email protected]

Daawo: Villa Somalia oo laga dareemayo isbedel iyo qalab casri ah oo la keenay

Muqdisho (Caasimada Online)-Isbedel weyn ayaa laga dareemayaa Xatunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho, kadib markii la casriyeeyay habka baaritaanka gaadiidka, dadka iyo ciidamaduba.

Al-baabada laga galo xarunta Villa Somalia ayaa gabi ahaan la dhigay qalab casri ah oo baaraya dhammaan biraha ku xiran gaadiidka iyo shaqsiga wada gaariga.

Qalabka oo noociisa laga isticmaalo Madaxtooyada caalamka ayaa leh biro banjariya lugaha gaariga isku daya inuu ku gudbo awood.

Qalabka oo mishiino u badan ayaa waxaa la sheegay in laga dhexmaamulaayo shaashado waaweyn oo ku dhagan irdaha laga galo xarunta Villa Somalia, iyadoo gaadiidka aan la aqoon aysan u saamaxeynin inay ka gudbaan baaritaanada casriga ah.

Isbedelada Villa Somalia ayaa waxaa kamid ah in lagu kordhiyay dhismooyin cusub oo lagu balaarinaayo Xafiisyada iyo wadooyinka dhexmara xarunta oo markii hore ahaa kuwo jajabsanaa.

Waxaa sidoo kale lagu soo kordhiyay qeybo cusub oo loogu tallo galay in shaqaalaha Villa Somalia iyo kuwa booqashada ay dhigtaan gaadiidka raaxada oo ay wataan.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA CUSUB VILLA SOMALIA

Gaas “Somaliland iyada ayaa kala dooran doonta waxa u dhaama dagalka Tukaraq”

Muqdisho (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa mar kale ka hadlay colaada weli ka taagan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Cabdiweli Gaas, waxa uu sheegay in Puntland ay dhacsan doonto dhulka gacanteeda ku jira iyo kan ka maqan, waxa uuna cadeeyay inaysan dooneynin dhul aysan laheyn.

Cabdiweli Gaas, waxa uu tilmaamay in dhulka uu ka socdo dagaalka yahay dhul Soomaaliyeed, gaar ahaan dhul ay ka taliso Puntland, sidaa aawgeed ay lamahuraan tahay inay helaan dhulka uu ka socdo dagaal ee uu sheegay in loo daadiyay dhiiga dhalinyarada Puntland.

‘’Puntland waxaa u cad xaqeeda ka maqan anagu dooni meyno dhul aanu laheyn ee waxaanu dooneynaa inaanu helno kan naga maqan’’

‘’Puntland wey garaneysaa sida ay kusoo ceshan laheyd dhulka kamaqan, Somaliland iyadaa garaneysa waxa u roon nabad iyo colaad daba dheeraata’’

Cabdiweli Gaas, waxa uu sheegay in ciidamada Puntland ee ku sugan Gobolka Sool ay yihiin kuwo ay u muuqato dhulka ka maqan, hase yeeshee Somaliland ay u furan tahay inay dib ugu laabato xadkeeda, sida uu yiri.

Sidoo kale, Cabdiweli Gaas, ayaa shacabka ku nool Gobolka Sool ugu baaqay inay la shaqeeyan ciidamada amaanka, si buu yiri gacanta loogu soo dhigo dhulka Puntland ka maqan.

Haddalka Cabdiweli Gaas, ayaa muujinaaya in maamulka Puntland ay ka go’an tahay inay awood kusoo ceshtaan Gobolka Sool oo ay aaminsan yihiin inay ka taliso Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Villa Somalia oo beenisay wararka sheegaya in xilkii laga qaaday Aamino Siciid

Madaxtooyada Somalia ayaa beenisay wararka sheegaya in xilkii laga qaaday agaasime kuxigeenka maamulka iyo maaliyada ee Villa Somalia, Drs Aamino Siciid.

Saacidihii lasoo dhaafay, waxaa qaar ka mid ah warbaahinta madaxa banaan iyo baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in Drs Aamino Siciid xilkii laga qaaday. Shabakada Caasimada Online ayaa xiriir toos ah oo ay la sameysay Villa Somalia ku ogaatay in warkaasi uu yahay been abuur.

Drs Aamino ayaa maanta ku jirtay shaqo maalmeedkeedii caadiga ahaa, waxaa ay Villa Somalia sheegtay in Aamino ay tahay xubin muhiim ah iyo qof karti badan oo wax badan ku kordhisay guriga looga arimiyo Somalia.

Caasimada Online ayaa ogaatay in wararkan been abuurka ah ay faafiyeen xubno si dadban ula shaqeeya madaxtooyada iyo kuwa horey looga eryay Villa Somalia. Faafinta warkaan been abuurka ah ayaa lagu bixiyay lacago si loo bahdilo agaasime kuxigeenka maamulka iyo maaliyada ee madaxtooyada.

Tan iyo markii Aamino Siciid loo magacaabay agaasimaha maamulka iyo maaliyada ee Villa Somalia,waxaa is badal laga dareemay howlaha shaqada, billicda iyo hanaanka maaliyada ee Madaxtooyada.

Lama oga sababta ku kaliftay shaqsiyaadkan iney faafiyaan hadalkaan looga been abuurtay Drs Aamino Siciid.

Caasimada Online

Muqdisho-Office

[email protected]

 

Daawo: Ciidamada Somaliland ee degmada Taleex oo u goostay Puntland

Garoowe (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya degmada Taleex ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamada Booliska Somaliland ee degmadaasi ay u goosteen dhanka maamulka Puntland.

Ciidamada oo ka tirsanaa Booliska Somaliland ayaa la xaqiijiyay inay usoo goosteen Puntland sida ay sheegen mas’uuliyiinta Puntland.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Faarax Maxamed Warsame, oo goobjoog ka ahaa halka ay isku soo dhiibeen ciidamada ayaa sheegay in Puntland ay soo dhaweyneyso ciidamada.

Isagoo ka hadlaayey ciidamada soo goostay ayuu yiri “Waxaan qirayaa in ciidamadan ay kasoo go’een Somaliland, waxaan orankarnaa waxa ay garteen wanaaga iyagoo qiimeeyay xaalada dhabta ah’’

Waxa uu intaa raaciyay ‘’Booliska kasoo go’ay Somaliland ee aan qaabilnay waxa ay dhigeen xilalkii ay u hayeen Somaliland waxaa ku jira Saraakiil ka Puntland ahaan aad ayaan usoo dhaweyneynaa’’

‘’Saraakiisha iyo ciidamada hadda wixii ka danbeeya waxa ay ka mid noqonayaan Puntland waxa ayna u shaqeynayaan Qaranka’’

Sidoo kale, wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Faarax Maxamed Warsame waxa uu sheegay in gacmo furan ay kusoo dhaweynayaan ciidamada maadaama ay garteen wanaga.

Geesta kale, arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili maamulada Puntland iyo Somaliland ay kala il duufsanayaan ciidamada ku sugan deegaanada leysku heysto.

Amarka kasoo baxay Madaxweyne Farmaajo oo dib loo buriyey + Warbixin

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo maalinimadii shalay uu Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo amar ku bixiyay in dib loo furo waddooyinka ka xiran shacabka, ayaa waxaa iminka soo baxaaya in amarkaasi ay jabiyeen Hay’adaha amaanka DFS.

Hay’adaha oo lagu amray inay culeyska ka qaadan dadka shacabka ayaa waxaa saacadihii ugu danbeeyay dib loo xiray inta badan waddooyinka Muqdisho.

Waddooyinka ay dib u xireen ciidamada amaanka ayaa waxaa kamid ah Isgooska Debka oo laga celinaayo gaadiidka iyo mooto bajaajyada ka imaada dhanka Suuqa bakaaraha.

Ciidamada ku sugan isgooskaasi iyo dhowr isgoos oo kale ayaa diidaaya inay in gaadiidka iyo mootooyinka kor usoo fuulan dabka.

Ciidamada ayaa sidoo kale goordhow xiray waddooyinka yaryar ee kasoo baxa xaafadaha isla markaana gala laamiga Makka al-Mukarama, waxa ayna taasi u muuqaneysaa mas’uuliya darida Hay’adaha amaanka.

Boqolaal Hooyooyin iyo carruur ayaa goordhow dib u bilaabay inay lugtooda maalan maadaama subixii hore ee saaka ay ku waabariisteen waddooyinka oo dib loo furay.

Dhinaca kale, amar jabinta Hay’adaha amaanka ayaa daldaloolo u muujinaya dadka shacabka ah, hase yeeshee waxa ay shaki galineysaa kala danbeynta muddooyinkaani ka jirtay dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Amniga Muqdisho oo laga hadlay & Digiino hor leh oo loo diray ciidamada Hubeysan

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka Maxamed Abuukar Islow Ducaalle, ayaa daboolka ka qaaday in Hay’adaha amniga ay la xisaabtami doonaan Askarta caqbada ku ah xasiloonida magaalada Muqdisho.

Wasiir Ducaalle, waxa uu sheegay inaan loo dulqaadan Karin in lagu dul dagaalamo dadka shacabka ah,waxa uuna cadeeyay inay ka hortagi doonaan cid waliba oo ay u arkaan inuu caqabad ku yahay xasiloonida Muqdisho.

Wasiir Ducaalle, waxa uu ku baaqay in ciidamada Dowlada ay si gaara u hubiyaan gaadiidka ay la socdaan ciidamada ka tirsan isla dowlada, si looga fogaado isku dhac ama muran dhexmara ciidamo isku shaqo ah.

Waxa uu tilmaamay inuu aad u wanaagsan yahay amniga magaalada Muqdisho oo xasilinteeda ay ku howlan yihiin dhalinyaro da’ yar oo difaacaya dalkooda.

Dilal yar yar ayuu sheegay in mararka qaar ay ka dhacaan magaalada Muqdisho, hase ahaatee ay wadaan qorshooyin lagu laba jibaarayo ka hortaga falalka amni darro sida dilalka qorsheysan ee kadhaca qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Wasiir Ducaalle ayaa mar kale ku celiyay in meesha ay ka maqan tahay kaalinta shacabka, maadaama dadka geysta falalka amni darro ay yihiin kuwo ku dhex nool shacabka.

Haddalka Ducaalle, ayaa kusoo beegmaaya xili Bishii May ay magaalada Muqdisho marti galisay dilalkii ugu badnaa oo loo geystay shacab iyo shaqaale dowladeed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Iran oo shaacisay in howlgal khaas ah ay ka dhex fulisay Somalia + Warbixin

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Iran ayaa daboolka ka qaaday in gudaha Somalia ay ka fulisay howlgal lagu soo furtay Kalluumeysato Iiraaniyiin oo afduub loo haystay tan iyo sannadkii 2015-ka.

Dowlada ayaa sheegtay in howlgalkaasi ay fuliyeen ciidamadooda gaarka ah kuwaa oo khasaaro la’aan soo furtay Kaluumeysatada.

Mahmoud Alavi oo ah Wasiirka Sirdoonka Iran ayaa sheegay in howlgalkaasi uu ahaa mid qorsheysnaa isla markaana ay ciidamadooda kaashanayeen xogo ay ka hayeen halka ay ku xirnaayen burcada, sida ay qoreen wargeysyada kasoo baha magaalada Dahran.

Mahmoud Alavi, waxa uu tilmaamay in ciiddankiisa qaaden hawlgal ay ka fuliyeen gudaha Somalia, kuna soo furteen kalluumeysatada Iran ee taargeedka ahaa.

Mahmoud Alavi, oo ah Wasiirka Sirdoonka Iran oo la hadlaayay warbaahinta maxaliga ah ayaa carrabka ku dhuftay inay ilaalo dhinaac Sirdoonka ah ku haayen Badmaaxiintaasi, tan iyo markii ay Burcad-baddeeda afduubteen sannadkii 2015-kii.

Sidoo kale, waxa uu Wasiirku tilmaamay in amarka lagu soo furtay burcada uu bixiyay Madaxweynaha Iran, Xasan Ruuxaani sidaana uu howlgalka ku fulay.

Sidoo kale, muwaadiniinta lagu furtay howlgalka ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Mascuud Baluuji, Axmed Baluuji, Aadam Baluuji iyo Shermad Tabax Zeer.

Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayaan lagu soo wargalin howlgalada ay Sirdoonka shisheeye ka dhex fuliyaan Gudaha Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho 

[email protected]

Sawirro: Maamulka gobolka Banaadir oo burburiyay dhismo sharci daro ahaa oo maamuladii hore ku wareejiyeen shirkadda ECO

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta burburiyay dhismo shirkadda ECO ay ka dhistay barxadda Piazza Libera ee degmada Xamar Jajab, kaasoo muran badan uu ka taagnaa sharci ahaantiisa.

Amar kasoo baxay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa lagu burburiyay dhismaha Piazza Libera ay dhisatay shirkadda ECO.

Maamulkii hore ee Taabit iyo kii ka horeeyay Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa u kala ogolaaday shirkadda ECO inay dhisato dhulka Piazza Libera ee barxada Ceel-gaabta, waxaana muran uu ka dhashay sharci ahaanshahiisa lagu joojiyay amar kasoo baxay madaxweynaha.

“Markaan xilka qabtay ayaan hakinay dhismahan, kaddib baaris dheer waxaa soo baxday inaan si sharciga waafaqsan loo bixin dhulkaas, wuxuuna yahay weli mid dan guud, Sidoo kale markii aan la tashiyo la sameeyey Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaan ku go’aaminey inaan dhulalka dowladda la bixin karin, iyadoon loo marin nidaamka sharciga ah”ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

Ugu danbeyn, Duqa Muqdisho ayaa digniin adag u diray shaqsiyaadka iyo shirkaddaha degan dhulalka danta guud, gaar ahaan jardiinooyinka iyo xarumaha dowladda inay sida ugu dhaqsaha badan u banneeyaan, ciddii ka dhega adeegtana awooda dowladda loo adeegsan doono.   

Sawirro: Nashqada Lacagta cusub Shilink Soomaaliga ee dalka ka shaqeyn doonta oo la soo bandhigay

Muqdisho (Caasimada Online)-Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia ayaa soo bandhigtay nashqada la doonaayo in lagu soo saaro lacagta cusub oo ay dhawaan isticmaali doonto Somalia.

Xukuumada ayaa sheegtay in lacagta cusub ee shilin Soomaaliga ah ay noqon doonto mid ka shaqeysa dhammaan dalka taas oo la filayo in dhawaan dowladdu soo daabacdo.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, oo ah Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, oo maalinimadii shalay ka hadlay lacagtaan ayaa sheegay inay tahay nooc Cusub oo la doonayo in lagu badalo lacagta Kunka Shillin ee hadda la isticmaalo.

Beyle waxa uu sheegay in lacagtaan sidoo kale ay ka koobnaan doonto 10,00 , 50,000 iyada oo sidoo kale qeybo kale yeelan doonto.

‘’Lacagtaan waxaa ugu tallo galnay inaan warshad kale aysan daabicin, waxa uu qorshuhu yahay inay ka dhaqan gasho dalka oo dhan’’

Waxa uu sheegay in suuqyada dalka oo idil laga saari doono lacagta Sh/So ee hadda la isticmaalo.

DF oo wada qorshe lagu adkeynaayo dhoofka Soomaalida + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa bilowday qorsho lagu doonaayo in lagu adkeeyo dhoofka Soomaalida ku sugan gudaha dalka.

Dowlada ayaa sheegtay in dhoofka ay ka adkeyn doonto dhanka Garoomada iyo Dekkada kuwooda ay gacanta ku heyso Dowlada Somalia.

Dowlada ayaa waxaa adkeynta dhoofka kala shaqeyn doona hay’adda socdaalka caalamiga ee IOM, taa oo bixineysa qalabka lagu koontarooli lahaa dadka dhoofka ah.

Mas’uul u hadlay hay’adad ayaa sheegay inay bilaawen hirgalinta qalabka dijitalka ee akhriya faraha dhoofayaasha.

Waxa uu mas’uulkaani sheegay inay hadda wadaan sida ay Garoonka Aadan Cadde ugu rakibi lahaayen qalabka, waxa uuna intaa raaciyay in Garoonka kadib ay ku xirayaan Dekkada Muqdisho.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in qalabka ay gaarsiin doonaan dhammaan Garoomada iyo Dekadaha ay gacanta ku heyso dowlada Somalia, si loola socdo dhaqdhaqaaqa dadka dhoofka ah.

Hay’adda IOM waxay kaloo sheegtay in qalabkaasi muhiim u yahay kontoroolka si looga hortago kiisaska Tahriibka iyo fal kasta oo isku day oo la isticmaali karo.

Dhinaca akle, hay’adda IOM ayaa cadeysay inay is garab taagi doonto Dowlada Somalia oo iminka kasoo kabaneysa burburka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Donold Trump & Kim Jong-un oo isku diyaarinaaya halka uu kulankooda ka dhacayo

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donold Trump ayaa ku sii jeeda dalka Singapore halkaasi oo lagu wado in uu ka dhaco kulanka isaga iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un.

Kulanka ayaa lagu wadaa in uu qabsoomo maalinta Talaadada ee soo socota.

Mr Trump ayaa sheegay in ay tahay hal fursad oo la siinayo heshiis nabadeed oo labada dhinac ay gaaraan.

Waxa uu intaa ku daray in muddo daqiiqad gudaheed ah uu ku ogaan doono in natiijo ay ka soo baxayso kulanka iyo in kale.

Kuuriyada Waqooyi ayaa dhankeeda diiday fikirka ku saabsan in ay ka talabaxdo hubkeeda niyukleerka iyo gantaalada.

Mr Trump ayaa balanqaaday In uusan doonayn in uu waqtiga iska lumiyo ama uu ka lumiyo Mr Kim balse uu wadaxaajoodka rajo wanaagsan ka qabo.

Madaxwayne Trump ayaa marar badan shaki galiyay qabsoomida kulanka isaga iyo hogaamiyaha Kuuryada Waqooyi Kim Jong-un.

ISHA BBC

Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday Xerada ay Mareykanka ka degan yihiin duleedka Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in galabnimadii maanta uu weerar Ismiidaamin ahaa ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo.

Weerarka oo uu fuliyay dhagarqabe naftii halige ah ayaa waxaa lagu qaaday xero duleedka Kismaayo ay ku leeyihiin Ciidanka Mareykanka iyo kuwa Danab ee Xooga dalka.

Dhagarqabaha weerarka fuliyay ayaa la xaqiijiyay inuu kaxeynaayay Gaari Caasi ah oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa kaa oo uu ku dhuftayxerada.

Wadaha aya markii hore la sheegay inuu isku dayay inuu gudaha u galo xerada oo ay ku sugnaayen Saraakiil iyo ciidamo Mareykan ah, waxaana xusid mudan in ciidamada ku dhamaaday weerarka ay yihiin kuwa Kumaandooska Soomaalida oo ilaalo ka ahaa goobta uu gaariga ku Qarxay.

Gaariga ayaa inta uusan Qarxin ka hor waxaa ka shakiyay ciidamada Kumaandooska ee ilaalada ka ahaa xerada kuwaa oo ooda kaga qaaday rasaas badan, waxaana xigay Qaraxa ismiidaaminta ah.

Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in ku dhawaad 5 Askari uu waxyeelo kasoo gaaray Qaraxa, waxaana suuragal ah in Khasaaraha uu intaa kasii bato, sida laga soo xigtay mid kamid ah Saraakiisha ciidamada dowlada ee ka howlgala Jubbooyinka.

Saraakiisha waxa ay sheegen in Jugta Qaraxa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah Gobolka Jubada Hoose, waxaana jira warar sheegaya in duleedyada Kismaayo laga arkayay uurada uu sameeyay Qaraxa oo markaliya Qiiq hawada isku shareertay.

Dhinaca kale, halka weerarka ismiidaaminta ah uu ka dhacay ayaa aheyd meeshii shalay Dowladda Mareykanka looga dilay halka askari iyo dhaawaca Afarta kale.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Madaxweyne Farmaajo oo amar kasoo saaray xirnaanshiyaha wadooyinka Muqdisho + Akhriso

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka jawaabay qeyla dhaan kasoo yeertay dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Muqdisho.

Dadka shacabka ayaa qeyla dhaan ka muujiyay waddooyinka magaalada Muqdisho oo u xiran ciidamada amaanka, kadib markii dhagxaan iyo carro tuur lagu jaray waddooyinka.

Madaxweynaha oo qeyla dhaanta ka duulaya ayaa amray in shacabka loo Sahlo isu Socodka Maagaaladda ,loona furo wadooyinka xiran.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay wada shaqeyn dhexmarta ciidamada iyo Shacabka, sidaa aawgeed uusan ka raali aheyn in shacabka lagu dhibaateeyo waddooyinka xili lagu guda jiro maalmaha ciida.

Madaxweyne Farmaajo oo ka jawaabayaa cabashada shacabka ayaa amar ku bixiyay in la furo wadooyinka waxa uuna bartiisa kusoo qoray:-

Wararkii ugu dambeeyey Carabeey Iyo Casir oo ku fashilmay in ay ku shaqeeyaan Madaxtooyada Cadaado iyo guri ku yaal….

Cadaado (Caasimadda Online) – Sida ay xaqiijinayaan wararka ka imaanayo Magaalada Cadaado Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey  iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa Ku guul Daraystay inay Kushaqeeyaan Madaxtooyadii hore ee  Galmudug Ee magaalada Cadaado

Labadaan Mas’uul oo 26 Bishii May Cadaado Imaadeen ayaa Wixii Waqtigaas Ka danbeeyay Doonayeen Inay Tagaan Madaxtooyada Waxaase U diidey Qaar Kamid Ah Waxgaradka Cadaado iyo qaar ka tirsan Wasiirada iyo Xildhibaanada Galmudug oo uu ugu horreeyo wasiirka Maaliyadda Galmudug oo ah Siyaasi kazoo jeedo Magaalada Cadaado.

Madaxeyne ku xigenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa si cad loogau sheegay inaysan ku shaqeyn Karin Xarunta Madaxtooyada kadib Kulamo Isdaba Jooga Oo Ay Layeesheen odoyaasha iyo Wax garadka.

Sida aan xogta ku haleyno Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo qaar yar oo ka tirsan Xildhibaanada Galmudug ayaa xarun ka dhigtay guri ku yaal Magaalada Cadaado halkaas oo ay ka wadaan olole ay ku doonayaan inay ku shaqeeyaan Xarunta Madaxtooyada inkastoo ay cadaadis xoog leh kala kulmayaan siyaasiyiinta iyo odayaasha ugu muhiimsan ee kasoo jeedo Magaalada Cadaado.

Dhinaca Kale Odoyaasha Dhaqanka Cadaado Ayaa Kadigey Fidno Laga Dhex Huriyo Dadka Reer Cadaado Waxayna intaas Kudareen Inay Qaadayaan Wixii Cadaado Kadhacaa Masuuliyadeeda Cali Gacal Iyo Maxamed Xaashi

Dadka reer cadaado ayaa aaminsan in madaxweyne ku xigeenka galmuduyg , iyo gudoomiyaha barlamanka galmudug in ay wadaan qorshooyin la isaga horkeenayo shacabka gobalada dhexe waxana cadaado ka dhcy banabaxyo xoogan oo loga soo horjedo carabey iyo gudomiyaha barlamanka galmdug kuwaasi oo shirar xasasi ah ku qanayay cadaado

Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa si cad ugu fashilmay inay ka qeyb galaan shirkii ka dhacay Magaalada Cadaado, iyadoo la ogyahay inuu ka qeyb galay Madaxda Wasiirada Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir.

Maamulka Galmudug ayaa noqday mid fadhiisad ah tan iyo markii maamulkaas la abuuray, wuxuuna mar kasta la kulmayaa khilaaf u dhaxeeyo madaxda ugu sarreeyo, ilaa haddana dadka Galmudug kasoo jeedo ma aysan helin wixii ay ka filiyeen maamulka.

Waxaa fashilmay kulan ay dowladda Soomaaliya ku dooneysay inay ku wada hadashiiso madaxda Galmudug, waxaana muuqato inay Galmudug weli kala qeybsan tahay, waxaaa mugdi sii galay Mustqbalka Maamulkaas oo rajo laga yeeshay xilligii Ahlu Sunna lagu soo daray maamulkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]