27 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Muuqaal naxdin badan oo muujinayo nin dhintay kadib markii uu iska soo tuuray  Dabaqa Xaramka

Makka Al-Mukarama (Caasimadda Online) – Boqortooyada dalka Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inuu Xaramka ka dhacay fal naxdin leh kadib markii uu nin iska soo tuuray Dabaqa Xaramka Maalintii Jimcaha ee Shalay aheyd oo ay taariikhdu ku beegneyd 08 June.

Illo wareedyo ayaa sheegayo in shakhsiga iska soo tuuray xaramka ee naftiisa dilay uu ahaa 26 jir, waxaana weli socdo baaritaan ku aadan sababta ku kaliftay inuu naftiisa haligo, waxaana lasoo bandhigay muuqaal yar oo muujinayo xilligii uu iska soo tuurayey dabaqa.

Muuqaalkaan ayaa la faafiyey, waxaana ninka dhintay loo qaaday Isbitaal ku yaalo Xaramka, waxayna wararka xaqiijinayaan inuu geeriyooday durbadii uu darbiga iska soo tuuray.

Ninka ayaa iska soo tuuray dabaqa ugu koreeyo meesha Sacyiga lagu sameeyo ee buuraha Safa iyo Warma, wuxuuna kusoo dhacay dhulka hoose ee kacbadda ee lagu dawaafo.

Ciidamada Amniga ee Sacuudiga si toos ah galabtii jimcaha u sheegay inuu falkaas ka dhacay Xaramka dhexdiisa isla markaasna uu ninka uu iska soo tuuray xaramka, inkastoo aysan sheegin sababta ku dhalisay ninkaas inuu ku dhaqaaqo falkaan sida weyn nooga naxay.

Illo wareedyo ayaa sheegay inuu shakhsigaan ahaa qof Xaramka u tagay Cimro isla markaasna uu xirnaa dharka Xaramka, wuxuuna isisoo tuuray isago saarnaa dabaqa ugu sareeyo Sacyiga isagoo kusoo dhacay qeybta dambe ee Maqaamu Ibraahim oo ah halkii uu Nabbi Ibraahim (CSW) ku istaagay markii uu bilaabayey dhismaha Beydka Alle.

Laamaha amniga weli ma aysan sheegin dalka uu kasoo jeedo ninka iska soo tuuray dabaqa Xaramka, waxaana weli socdo baaritaano dheeri ah oo lagu ogaanayo waxyaabaha keenay falkaan.

Muuqaal kale

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Sawirro: Abiyi Axmed oo safar aan la shaacin ku tagat Ugandha & Dhismaha Ciidamada cusub ee badda oo lagu wado in…

Kampala (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiyi Axmed ayaa gaaray magalada Kambala ee xarunta dalka Uganda, kadib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha dalkaasi Yuweri Musaveni.

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni, ayaa Abiyi Axmed kusoo dhaweeyay xarunta dalka Ugandha looga taliyo, halkaa oo ay kuwada qaaten kulan saacado qaatay.

Yuweri Musaveni iyo Abiyi Axmed ayaa si hordhac ah uga wada hadlay xiriirka labada dal, Howlgalada ay ciidamada labada wadan kawadaan Somalia, Amaanka gobolka iyo Taageero loo fidiyo ciidamada Somalia.

Abiyi Axmed, ayaa Yuweri Musaveni kala hadli doona qorshaha ay Ethiopia ku dooneyso dhismaha ciidamada Badda, waxa uuna ujeedku yahay in arrintaasi ay kala shaqeeyan si dowlada Somalia iyo wadamada kale ee xeebaha leh ay Maraakiibtaasi uga shaqeeyan.

Abiyi Axmed oo aan horay loosii shaacin ayaa qaadaneysa muddo laba cisho ah,waxayna labada mas’uul ka wada hadli doonaan sida loo xoojin lahaa xiriirka kala dhexeeya Somalia.

Abiyi Axmed, ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Kampala ka qeybgeli doona munaasabada maalinta geesiyada Uganda,isla markaana la guddoonsiin doono Billada Afrika Garand Master.

Erdogan maku soo bixi doonaa Doorashada dhaceyso? Maxayse kala yihiin awoodaha cul culus uu yeelan doono?

Ankara (Caasimadda Online) – Iyadoo uu xilliga guga uu gabagaba yahay ,ayaa xiisadda siyaasadeed ee ka jirta degmada Besiktas ee magaalada Istanbul waxaa laga dareemayaa ololaha doorashooyinka ku soo foodleh dalka Turkiga.

Balse taasi ayaan waxba ka badelaynin ololaha ay wadaan kooxda mucaaradka ee ka qeybgalaya doorashada lagu wado inay dhaco 24 bisha June .

“Waa in aan xarumaha lagu codbixinayo aan xirnaa 8da fiidnimo” ayuu yiri qof mar uu sii galaayey teendho.” Balse waxa hadda jira dadaalo badan marka waxa laga yaaba inan halkan joogno ilaa 11ka habeennimo”

Markii horaan loogu dhawaaqay doorashooyinkii bishii April, waxaa loo arkayey inuu madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ka dambeeyey arrintaas.

Mucaaradka ayaa ku dooday in ay jirto ka go’naansho la’aan in la qabto doorashadaas .

Balse mudadaas lixda todobaad ah ee ka hartay doorashada ayaa laga yaaba inay wax ka badesho siyaasadda dalka Turkiga.

Yaa caqabad ku ah Erdogan?

Xisbiga CHP ayaa tartanka madaxweynaha u magacaabay nin aad caan ugu ahaa arrimaha siyaasadda ,mucaaradka ayaa sameystay midoow aad u ballaaran markii ugu horreysay . Balse madaxweynaha ayaa weli noqonaya qofka ugu saameynta badan dalka marka la eego dhanka siyaasadda.

Waxa uu ku guuleystay doorasho walba ee la qabtay muddo 15 sano ah , iyadoo ku dhawaad 90% warbaahinta dalka turkiga ay taageero u yihiin dowladda , sidoo kale waxa jira shacab aad u badan oo taageero dowladda ,marka haddii xitaa ay doorashada la sugaya ay timaado waxa laga yaaba inuu si weyn ugu guuleysto.

Soo if bixista haweenayda ‘shabeel-gabdhoodka’ ah

Iyagoo iska indha tiraysa qabowga ka jira Bosphorus ayaa Gulseren Ulucay oo ah macalimad shaqada ka fadhiisatay ayaa taageero badan loogu muujiyey meel fagaaro ah ,waxayna u aqoonsadeen astaanta xisbiga cusub ee Iyi.

Waxaa aasaasay xisbigan Meral Aksener, oo horay u soo noqday wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Turkiga 1977-kii , balse waxay sheegtay inay taageero u tahay xisbiga dimuqraadiga.

Waxay gashay ololaha doorashada ,iyadoo balanqaaday inay wax ka badeli doonto warbaahinta aadka u taageerta dowladda .

“Haweenaydan ma ahan qof musuqmaasuq abid lagu soo eedeeyey ama wax xatooyo ah” ayey tiri Ms Ulucay l

Carcarta musharaxa calmaaniyiinta oo karaar qaatay

Waxaa todobaadyadii la soo dhaafay la isku hayey in haddii loo baahdo in la aado wareega labaad ee doorashada ay Ms Aksener noqonaysa musharaxa kaliye ee la tartami karta madaxweyne Erdogan.

Balse waxaa shiiqiyay hoggaamiyaha xisbiga CHP Muharrem Ince , oo wakhti dheer ahaa xildhibaan iyo macalin dhanka maadada Fisikiska ah.

Muharrem Ince

Waxa uu balanqaaday inuu madaxtooyadau bedeli doono mid casriga ah, uuna ka dhigi doono xarun wax lagu barto ,oo uu sidoo kale yarayn doono adeegyada ciidamada militariga .

Xisbiga CHP ayaa horay waxa u soo wajahay dhibaatooyin . Balse qoyska Mr Ince ayaa ah dad u hogaansan dhaqanka iyo diinta.

Sida ay codbixinta u shaqeynayo

  • 56 milyan oo ah codbixiyayaal ku nool dalka gudahiisa iyo 3 milyan oo qurba joog ah ayaa dooranaya madaxweynaha iyo 600 oo xildhibaan.
  • Dadka ayaa codbixinta bilaabaya 7 bisha June.
  • Haddii uusan qof ku guuleysanin 50% codadka madaxweynaha, waxaa la aadayaa wareegga labaad.

Saameynta ay kurdiyiinta ku leedahay

Dadka kale uu u taagan kursiga madaxweynaha ayaa ah Selahattin Demirtas oo ka tirsan xisbiga HDP ee xulafadaha la ah Kurdiyiinta , xabsi ayuu galay 2016-dii ka dib isku daygii fashilmay ee lagu doonayey in lagu afgambiyo dowladda hada talada haysa.

Tageerayaasha

Ka waran haddii uu Erdogan ku guuleysto doorashada?

Haddii uu madaxweyne Erdogan ku guuleysto kursigiisa ,waxa uu yeelanaya awoodo cusub ee la ansixiyay sanadkii la soo dhaafay ka dib markii la qaaday aftida shacabka dalkaas.

Waxa uu awood u yeelan doona inuu meel mariyo sharciyo badan, inuu soo magacaabo wasaaradaha iyo xaakimiinta sare ee dalka ,wuxuuna sidoo kale awood u lahaan doona inuu kala diro ama burburiyo baarlamaanka .

Mr Ince iyo Ms Aksener ayaa sheegay inuu isbadelkan uu awooda siinayo ama gacanta u gelinayo hal qof oo kaliye .

Walaaca ay dadka badan ka qabaan doorashadan ayaa ah inay dhacaan wax isdabamarin gaar ahaan Koonfurta Bari ,meeshas oo codbixiyayaasha Kurdish-ka ay aad ugu badanyihiin.

Haddii ay taageerayaasha ay ku socdan jidkaas ,waxa laga yaaba inay saameyn u keento dhaaqalaha dalka taasi oo laga yaabo inay keento sicirbarar aan horay loogu arkin dalka Turkiga.

“Lix bilood gudahood , saameynta sicirbararka ayaa la dareemi doona” ayuu yiri Prof Ozel. Balse haddii ay mucaaradka ay soo jeediyaan ama dadka ka dhaadhiciyaan inay si wanaagsan u maareyn karaan dhaqaalaga ,waxa laga yaaba inuu guddiga doorashada uusan sameyn doonin wax isbadel ah. Su’aasha ayaa ah inay daacad u sii ahaan doonan iyo in kale.”

Xigasho: BBC Somali

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

3 qodob oo xasaasi ah oo muujinayo sida ay DF iyo maamulada u qeybsadeen Kheyraadka Dabiiciga

Baydhabo (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada dalka ayaa isku raacay qaab ay u qeybsadeen Kheyraadka Dabiicidga ah ee dalka, heshiiskaas oo dhowaan lagu gaaray shirkii magaalada Baydhaba ee Golaha Amniga Qaran.

HOOS KA AKHRISO QODDOBADA HESHIISKA

Qodobka 1aad: Lahaanshaha Kheyraadka Dabiiciga Ah

Kheyraadka macdanta iyo shidaalka ee ku jira dalka, bad iyo bariba waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed, waxaana wakiil uga ah dowladda federaalka ah iyo dowlahada xubnaha ah iyo kuwa ka noqon-doona.

Qodobka 2aad: Maamulka Kheyraadka

Maamulka Kheyraadka shidaalka iyo macdanta: waxaa si wadajir ah u maamulaya dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah ama ka mid noqon-doona, waxaana la dhisi-doonna hey’ado ka shaqeyn-doona arrimaha shidaalka iyo macdanta ay ka mid yihiin.

Golaha Kheyraadka Dalka: Golaha Kheyraadka Dalka waa golaha ugu sareeya ee lagu lafa guro ee u baahan in laga heshiiyo, loona noqdo wixii lagu xallin waayo gobolayaasha maamul ee kale, waxaa uuna ka kooban yahay madaxda fulinta ee heer federaal iyo heer maamul goboleed.

Wasaaradda Betroolka iyo Macdanka Federaalka Ah: Diyaarinta hindise sharciyeedka, dejinta siyaasadda, qorshaha iyo saxiixa shatiyada ee la xiriira arrimaha macdanta iyo shidaalka ee heer federaal waxaa mas’uul ka ah wasaaradda macdanta iyo shidaalka iyo wadatashi kala sameyneysa hey’adaha shidaalka ee dowlad goboleedyada.

Wasaaradaha/Hey’adaha Shidaalka ee Dowlad Goboleedyada: Diyaarinta hindise sharciyeedka, siyaasadda iyo qorsheynta la xiriira Batroolka iyo macdanta ee heerkooda si waafaqsan shuruucda iyo siyaasadda guud ee dalka.

Hey’adda Batroolka Soomaaliya: waa mid loo dhan yahay oo lagu dhisi-doonno sharci goonni ah, waxaa ay ka shaqeyn-doontaa wada hadallada heshiisyada iyo diyaarinta shatiyada, kormeerka, hubinta iyo hirgelinta sharciyada Batroolka, Maamulka hey’adda waxaa uu ka kooban yahay 2 xubnood oo matalada dowladda federaalka ah iyo min hal xubin oo matala maamul goboleedyada, xubnaha hey’adda ka mid noqonaya waxaa ay noqon-doonaan xubno aqoon, xirfad, karti iyo hufnaan lagu soo xulay.

Shirkadda Shidaalka Soomaaliyeed: Waxaa la aasaasi-doonnaa shirkad ganacsi oo ay wada yeelan-doonaan dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ah ama ka mid noqon-doona taas oo yeelaneysa xermooyin(blocks) shidaalka dalka iyaga oo kaligood ah ama la wadaagaya shirkadaha caalamiga ah ee mas’uulka ka ah sahminta(upper stream), dhismaha kaabayaasha shidaalka, sifeynta(mid-stream) iyo suuq-geynta wax-soo saarka shidaalka, maamulka shirkadda waxaa uu ka koobaanayaa 2 xubnood oo matalaya dowladda federaalka ah, min hal xubin oo matalata maamul goboleedyada, raasmaalka iyo wadaagga saamiga waxaa lagu faafin-doonaa sharci gaar ah.

Shirkadaha Shidaalka Dowlad Goboleedyada: Sidoo kale, dowlad goboleedyadu waxaa ay yeelan-doonaan shirkado ganacsi ee ka shaqeeya danahooda ganacsi, arrimaha shidaalka, waxay dowlad goboleedyadu u matalaan saamiga ay ku leeyihiin shirkadda shidaalka Soomaaliyeed, shaqadeeduna waxaa ay noqoneysaa dhisidda iyo maamulka kaabayaasha shidaalka ee heer maamul goboleed(down-steam) iyo suuq-geynta cadadka shidaalka ah ee wadanka gudahiisa lagu isticmaali karo ama isaga oo sifeysan dibadda loo iib-geyn karo.

Qeybta 3aad: Wadaagga Dakhliga

Dakhliga ka soo baxa macdanta iyo shidaalka waa wadaag, waxaa si isku dheelli-tirsan loogu qeybinayaa dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah iyo kuwa ka noqon-doona

Maamulka Maaliyadda Ee Dakhliga Shidaalka iyo Macdanta: Keydinta iyo maamulka dakhliga ka soo xarooda shidaalka iyo macdanta waxaa lagu keydin-doonaa xisaab gaar ah oo laga furi-doono bangiga dhexe ee Soomaaliya, waxaa xisaabta lacag looga saari karaa go’aan golaha kheyraadka dalka iyadoo la raacayo hannaanka maamulka maaliyadda ee dalka.

Xigasho: Idaacadda Goobjoog

 

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Amiir Imaaraati ah oo u goostay Qatar magangelyo siyaasadeedna weydiistay

Doha (Caasimadda Online) – Wargeyska Daily Telegraph ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa qoray in wiil uu dhalay Amiirka Imaaradda Al-Fujayra ee dalka Imaaraadka Carabtu goostay oo uu magan gelyo siyaasadeed waydiistay Qatar, codsigiisana sii mariyey safaaradda Qatar ku leedahay London.

Xogo laga helayo dad u dhawdhaw Amiirka goostay oo magaciisa la yidhaa Sheekh Raashid Bin Xamad Al-Sharqi, iyo sida oo kale xogo diblomaasiyadeed oo wargaysku ku sheegay kuwo heer sare ah, ayaa waxay sheegeen Amiirka goostay oo 31 jir ahi inuu u duulay magaalo madaxda Qatar ee Dooxa saddex todobaad ka hor.

5-tii Juun ee sannadkii hore ayaa Sucuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar u jareen xidhiidhkii diblomaasiyadeed iyo kii ganacsiba Qaar waxaana la joojiyey gaadiidkii u kala gooshi jiray.

Dalalkaasi waxay ku eedeeyeen Qatar in ay taageerto aragagixisada iyo in ay xasilooni darro ka abuurayso gobolka iyo sidoo kale in ay xidhiidh adag la yeelatay Iran.

Hase yeeshee Qatar way beenisay eedahaas waxaanay ganafka ku dhufatay shuruuudo tiro badan oo dalalkaasi ku xidheen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Gelle oo weerar ku qaaday Somaliland iyo Puntland + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaacil Cumar Geelle ayaa weerar ku qaaday maamulada Puntland iyo Somaliland ee ku dagaalamaaya Gobolka Sool.

Madaxweyne Geelle, waxa uu sheegay in labada maamul ay sii kordhinayaan dhiiga Soomaalida ee daadanaaya, waxa uuna meesha ka saaray in dagaalkaasi uu yahay mid mirro dhal leh.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in Somalia ay iminka qabtay rajo ay kaga gudbeyso burburka iyo colaadaha daba dheeraaday, hase ahaatee ay abtalo ka dhex jirto labada maamul oo xiligaani dagaalamaaya.

‘’Waa kuwa iyaga is diriraaya waxa ay aheyd inay u diriran Qaran iyaga ayaa isku jeestay waxaa wanaagsaneyd inay ka heshiiyan’’

Madaxweyne Geelle, waxa uu soo hadalqaday dhismaha ku socda ciidamada Somalia, waxa uuna tilmaamay in ciidamada Soomaalida ay intooda badan heleen tababaro iyo daryeel ku filan balse la doonaayo in loo dhameystiro inta u harsan.

Waxa uu sheegay in Hay’adaha bixiya musharaadka ciidanka ay ku goodiyan inay jaranayaan, hase ahaatee waxa uu cadeeyay in ciidamada Somalia ay u harsan tahay keliya muddo kooban oo u baahan dulqaad, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in ciidamada Somalia lasiiyo tababarada loo baahnaa, keliya waxa ka maqana ay tahay in loo helo xiryo ku filan ciidanka.

Xerooyinka qaar ayuu sheegay inay heystaan ciidamada AMISOM, isla markaana loo baahan yahay in ciidamada Somalia loo helo dhaqaale ay ku dhistaan xerooyinka.

HOOS KA DHAGEYSO HADALKA ISMAACIL GEELE

 

 

Dhageyso: Puntland oo 3 shuruud ku xirtay joojinta dagaalka kala dhexeeya Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay, ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Puntland uusan joojin doonin dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Camey ayaa sheegay in Puntland aysan ka waaban doonin dagaalka ay kula jirto Somaliland ee ka socda deegaanka Tukaraq, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay inay la socdaan waanwaanta ay wado Somaliland taa oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo dagaalka, hase ahaatee waxa uu taa ku sheegay mid aan habayaraatee hirgali doonin.

Camey, waxa uu tilmaamay in waanwaanta ay hirgali doonto goorta ay Somaliland ciidamadeeda kala baxdo Gobolka Sool.

Waxa uu sheegay in Puntland ay wadato shuruud uu ku joogsan karo dagaalka kuwaa oo kala ah:-

1-In Somaliland ay ciidamadeeda ka saarto deegaanka Tukaraq.

2-In ciidamada Somaliland dib loogu celsho halkii ay Bishii October 2007 kasoo qaaday duulaanka.

3-In ciidamada Somaliland ay ka fogaadan deegaanada Oog ilaa libida gaatama oo ay hadda heystaan ciidamada.

Sidoo kale, Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay, ayaa sheegay in Somaliland ay u aqoonsan yihiin Soomaali-diid, sidaa aawgeed aysan u turi doonin.

Haddalka Camey, ayaa u muuqanaaya mid lagu sii shidaayo colaada ka dhex oogan maamulka Puntland iyo Somaliland oo isku haya Gobolka Sool.

HOOS KA DHAGEYSO SHURUUDAHA AY PUNTLAND KU JOOJINEYSO DAGAALKA

Kenya oo garoomadeeda ka mamnuucday shirkado badan oo Soomaali ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa daboolka ka qaaday in dalkeeda ay ka mamnuucday shirkado Diyaradeed oo dhawaan lagala noqday ruqsadihii ay kaga shaqeyn jirtay gudaha dalka Kenya.

Hay’adda duulimaadyada Kenya ayaa sheegtay in diyaaradahaasi ay mamnuuc ka yihiin inay kasoo dagaal Garoomada Kenya ilaa iyo amar danbo.

Warbixin kooban oo kasoo baxday Hay’adda ayaa waxaa lagu sheegay in diyaaradaha laga mamnuucay Garoomada Kenya ay ku jiraan 9 shirkadood oo ka howlgala Somalia.

Shirkadaha ka howlgala Somalia ee diyaaradahooda laga mamnuucay Garoomada Kenya ayaa kala ah:-

1-Freedom airlines express.

2-Blue sky aviation.

3-Safari express cargo ltd.

4-Flex air charters.

5-Transafrican air limited.

6-Rudufu limited.

7-East african air charters.

8-Skyward express.

9-SAC(K) limited

Sidoo kale, waxaa jira shirkado kale oo laga mamnuucay Garoomada Kenya kuwaa oo wadarta guud ay tahay 41 shirkadood oo ay ku jiraan shirkadaha ka howlgala Somalia.

Dhinaca kale, waxaan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka danbeysay in shirkadahaani laga mamnuuco Garoomada Kenya, inkastoo loo badinaayo inaysan bixin lacagta ruqsada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Yuusuf Garaad oo warbixin dheer ka qoray waayihii nololeed ee Maxamed Terra

Muqdisho (Caasimada Online)-Maxamed Aden Xersi Terra oo aan in badan soo wada shaqeynay, muddana madax ii ahaa ayaan maqlay in uu geeriyooday.  Allah ha u naxariisto. Jannada Allah ha geeyo.

Maxamed markii magaciisa iigu horreysay waxay ahayd markii aan idaacadda ka dhegeysan jiray aniga oo dhigta Dugsiga Dhexe ee Maxamuud Xarbi ee idaacaddu ay ka mid ahayd meelaha muhiimka ah ee aan ka barto aqoonteyda guud ee taariikhda, siyaasadda, dhaqanka iyo culuum kale oo badan oo ay ka mid yihiin eraybixinta af Soomaaliga.

Wuxuu weriyayaasha iiga duwanaaday markii aan ku wada noolaannay xaafadda Towfiiq, walaashiisna ay ka mid noqotay ardayda iskuulka ee aan macallin u ahaa markii aan gudahanayay qeybta macallinnimada ee sannadka Shaqada Qaranka oo la gudan jiray inta aan Jaamacad ama shaqo kale la gelin.

Markii Radio Muqdisho ii qaatay tifatire wararka iyo weriye horraantii siddeetanaadkii Maxamed Aden Xersi si wuxuu ka mid ahaa weriyayaashii sare ee khibradda tobaneeyo sano ah lahaa ee aan si shakhsi ah isugu barannay Wasaaradda Warfaafinta.

Qormadan kooban waxaan Maxamed Aden Xersi ugu yeeri doonaa Terra oo ahaa magaca inta la shaqeysaa ay u taqaan.

Wuxuu ahaa nin bulsho oo dad la socod wanaagsan, ilbax ah, kuna xiran dhallinyaro fara badan. Haddana wuxuu ahaa nin shaqo. Mintid ku ah mas’uuliyaddiisa iyo howlkasta oo uu qeyb ka yahay. Wuxuu ahaa nin isku kalsoon, ku sharfan bulshada, dhowrsan, dood badan oo isku daya in la is qanciyo, isku sina wax la isula fahmo.

Wuxuu warfaafinta u shaqo billaabay isaga oo ka soo baxay Dugsi Sare.  Wuxuuna doorbiday in uu aqoontiisa kororsado. Wuxuu galay Kulliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Xusuusteydu waxay ii sheegeysaa in uu ahaa Dufcaddii koowaad ee lagu furay Kulliyadda.

Qalin jebintiisa ka dib waxaa loo magacaabay Agaasimaha Wakaaladda Wararka ee SONNA. Inta uu ahaa Agaasimaha SONNA wuxuu Radio Muqdisho u soo saari jiray Barnaamij la yiraa Raadraaca Taariikhda oo sida magaciisa ka muuqata ku saabsan Taariikh, ahna midda Soomaalida. Barnaamijkaas aniga ayaa ka akhrin jiray Idaacadda ka dib marka Madaxa Radio Muqdisho uu soo akhriyo. Waxaan xusuustaa maalinta ay qodob isku qabteen Terra iyo Madaxa Raadiyaha dooddii dhex martay iyo sida uu Terra u u fasiray arrinta uguna adkeystay mowqifkiisa.

Muddo ka dib, Terra waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Idaacadaha Soomaaliyeed oo ay hoos yimaadaan Madaxa Radio Muqdisho iyo Madaxa Radio Hargeysa.

Markii aan howl samafal oo Laanqeyrta Cas aan ka billaabay Berbera 1989 waxaan Agaasiamaha ka codsaday in la iga beddelo Xafiiska Wararka oo aan ka tirsanaa aniga oo ah war akhriye iyo Tifatire labadaba.

Sabab waxaan ka dhigtay in aan ka shaqeeyo howl samafal oo xasaasi ah oo aan ka fidiyo Woqooyiga. Sidaa darteedna aan ogaan la’aanteey ula kulmo dad ka tirsan Jabhadda SNM. Allah ha u naxariistee, Maxamed Aden Xersi oo markaa Agaasime ii ahaa wuxuu ku adkeystay in aan joogo Xafiiska Wararka laakiin markii dambe wuu igu aqbalay in uu igu wareejiyo soo saaridda Barnaamijyada oo aan awalba aan ka qeyb qaadan jiray.

Terra waxaa uu ka mid ahaa markii Dowladda Soomaaliya ay burburtay 1991, dadkii Soomaalinnimada u fekerayay ee u haystay in Dowladda la riday mid kalena ay dhalaneyso shaqaduna ay halkeedii ka socon doonto.  Markii ay Dowladdu dhacday wuxuu markiiba u soo shaqo tegey Wasaaradda Warfaafinta. Ka dib markii xaaladda taagan uu ku qanci waayay, Maxamed Aden Xersi, wuu ka dhoofay dalka wuxuuna tegey Nairobi.

Mar aan Maxamed Aden Xersi ku kulannay Nairobi 1995 wuxuu talo iyo gacanba iga siiyay socdaallo shaqo oo aan midba mar ku tegey Kismaayo iyo Boosaaso iyada oo dagaalkii sokeeya oo markaa cusbaa awgii ay isu socodka Soomaalida iyo isdhexgalkeeda dalka gudhiisu ay aad xaddidan tahay siiba dadka ay bulshadu magacooda taqaan.

Muddo ka dib, Terra waxaan ka wadashaqeynay BBC isaga oo ka qeyb qaatay howlaha Xafiiska BBC ee Nairobi.

Terra wuxuu ka mid ahaa weriyayaal iyo mas’uuliyiin Nairobi ka billaabay idaacad ku hadasha af Soomaali.  Markii dambe ee uu u wareegay London oo uu ku biiray xaaskiisa, Maryan Cali Muddeey, wuxuu Terra ka howlgalay Telefishinka Universal.

Meel kasta oo uu tago iyo duruuf kasta oo uu ku sugan yahay Terra wuxuu ahaa nin xirfaddiisa u daacad ah aamminsan in bulshada la wargeliyo, aqoonteeda guud kor loo qaado, lana sameeyo wareysiyo iyo dodo horseeda kala warhel, isu garaabid iyo isfaham.

Markii aan Muqdisho ka wadashaqeyneynay Warfaafinta ka sokow wuxuu saaxiibbo ku lahaa Jaamacadda oo uu arday ka noqday iyo Ururka Dhallinyarada.

Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyska reer Adan Xersi oo dhan in Ilaah Samir ka siiyo. Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa , Faadumo Aden Xersi iyo saygeeda Cabdinuur Shiikh Maxamed Isaxaaq iyo carruurtooda.

W/Q Yuusuf Garaad

Sidee lagu mideyn karaa aragtiyaha madaxda DFS Iyo Hogaamiyayaasha Maamul-Gobaleedyada ?

Muqdisho (Caasimada Online)-Inkastoo ay Siyaasiyiinta DFS iyo Maamul-gobaleedyadda ku mideysnayn Aragiyo badan oo qeyb ka ah Danaha Qaranka ayaa waxaa haddana la isweydiin karaa Sidee loo mideyn karaa Aragtidooda kala jaanka ah?

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Siyaasadda Somalia haatan taagan tahay Figtii ugu khatarta badnayd, marka loo eego Deganaanshihii Siyaasadeed ee ay Dowladihii hore ku soo waayo qaateen.

Waana Dhab in Madaxda DF iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda ku kala aragti duwan yihiin qoddobo muhiim ah, balse waxaa aad indhaha loogu hayaa Milanka Khilaafka Khaliijka ee loo soo xawilay Geeska Afrika.

Khilaafka Khaliijka ayaana laga digay inay saamayn khatar leh ku yeelan karo Mustaqbalka Dowladeed, Iskaashiga DFS iyo Maamul-gobaleedyadda, iyadoo ay muuqdaan raad-raacyo sugan oo lagu kala taageerayo dalalka ku lugta leh Khilaafka Khaliijka.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inaysan Siyaasiyiinta Xilligan doonaynin inay si qoto dheer uga doodaan saamaynta Khilaafkaasi, si loo helo Midnimo Siyaasadeed oo la isaga moosi karo cawaaqib-xumida ka dhalan karta Khilaafka Khaliijka.

Aragtiyaha Qunyar-socodka ayaana ku fasiraya Kooxeysiga Khilaafka Khaliijka inay udub-dhexaad tahay Dhaqaalaha Siyaasadeysan ee ay Dowladaha Carabta ee is-khilaafsan ugu deeqaan Madaxda Soomaalida ee iyaga kala taabacsan.

Mowqifka Madaxda Dowlad-gobaleedyadda waxay ku taageereen Sacuudiga iyo Imaaraadka, sida laga dareemi karo Socdaalka Dufanaysan ee ay ku tagaan dalalkaasi.

Inkastoo ay DFS ka qaadatay mowqif dhexdhexaadnimo Khilaafka Khaliijka, haddana Siyaasiyiinta Muxaafidka iyo kuwa Mucaaradka waxay far ku go’deen Dhexdhexaadnimadda DFS, kuna tilmaameen Xeellad Siyaasadeed Casriyeysan oo uu dhabarku muuqdo, waa sida ay hadalka u dhigaan.

Haddaba, waxaa isweydiin mudan Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul-gobaledyadda maxay u kari la’ yihiin inay Mowqif Mideysan ka qaataan Khilaafka Khaliijka, si looga badbaado Khataraha Khilaafka Khaliijka ee  xilliga dhow iyo kuwa Waqtiga dheer.

Si kastaba ha ahaatee, haddii ay DFS iyo Madaxda Dowlad-gobaleedyadda iska indha tiraan Khatarta Khilaafkaasi, kana meermeeraan inay ka heshiiyaan Arrintaasi, waxaa la filan karaa Deganaansho La’aan Siyaasadeed iyo in la baylihiyo Danaha iyo Asaaska Badbaadada Qaranka iyo in Somalia loo soo xawilo Dgaal nooc cusub xambaarsan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Arrin yaab badan: Askari Ugandhes ah oo loo dilay xadista 3 neef oo ari ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida uu qoray Wargeyska The Monitor ee kasoo baxa magaalada Kampala ee dalka Ugandha, waxaa  Tuulladda Anyola ee dalkaasi lagu dilay Askari ka tirsanaa ciidamada dowlada xili uu ku guda jiray xadista Seddex neef oo Ari ah.

Askarigaan ayaa waxaa dilay dadka Tuulladda Anyola waxa uuna xoolaha ka xaday haweeney da’ ah, sida uu qoray wargeyska.

Wargeyska waxa uu qoray in Askarigaasi lagu magacaabi jiray Fred Otim isla markaana ka tirsanaa Guutadda Alpha Battalion ee saldhigoodu yahay Degmadda Oyam.

Dadka deggan Tuulladda Anyalo ayaa la sheegay inay Askariga garaaceen ilaa uu ka geeriyoodo.

Fred Otim oo 48-jir ah ayaa lagu helay inuu Haweeney carmal ah oo 62-jir uu ka xaday 3 neef oo Ari’ ah.

Sidoo kale, wargeysyada ayaa qoray in haweeneydaasi lagu magacaabi jiray Anjulet Amongi.

Si kastaba ha ahaatee, Askariga la dilay ayaa la sheegay inuu lahaa 3 guri, oo mid ku dhex yaalla Xeradda Ciiddanka ee Looro ee uu ka tirsan yahay, halka 2 kalena ku yaallaan meel ka baxsan Xerada, wuxuuna ku kaydsan jirey alaabta uu soo xado.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xasan Sheekh oo cadeeyay aragtida uu ka qabo qodobada kasoo baxay Shirka Baydhabo (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa maalmo un ka hor magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Maamulka Koonfur Galbeed kusoo dhamaaday shirka Golaha Amniga Qaranka.

Shirka ayaa waxaa laga soo saaray qodobo dhowr ah oo intuba khuseeya xal u raadinta abtalooyinka ka jira dalka, waxaana siyaabo kala duwan uga hadlay mas’uuliyiin kala duwan.

Mas’uuliyiinta qaar ee ka hadlay qodobada kasoo baxay shirka waxa ay dhaliil ka muujiyeen tirro qodobo ah, halka qaarna ay muujiyeen taageerada shirka iyo qodobada kasoo baxay.

Haddaba Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kamid ah mas’uuliyiinta ka hadashay qodobada kasoo baxay shirka Baydhabo waxa uuna cadeeyay aragtidiisa.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa cadeeyey mowqifkiisa ku aadan qodobadii ka soo baxay shirkii Amniga Qaranka ee Magalada Baydhabo.

Isagoo ka hadlaayay shirka ayuu yiri “Waxaan bogaadinayaa mas’uuliyiinta ku heshiiyay ee saxiixay heshiiyada dhaxalgalka ah ee halkaas lagu saxiixay’’.

Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu sheegay in ka mowqif ahaan uu aad u taageerayo shirka, waxa uuna tilmaamay inuu dhiiri galinaayo Madaxda heshiisyada isla gartay.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri ‘’Madaxda waxaan ku dhiirrigelinayaa, waxa ay isla soo oggolaaden iney ka gadaan hay’adaha iyo madaxda kale ee ay ku mataleen shirka si loo helo wadar-oggol waafaqsan xeerarka hadda jira iyadoo la sammeynayo ama la dhammeystirayo wixii dhimmaan xagga xeerarka si heshiisyadu u noqdaan kuwo dadka Soomaaliyeed iyo caalamka dalkeenna la macaamilayo ku kalsoonaan karaan’’.

‘’Duruufaha dalkeennu ku sugan yahay maanta awgeed, wadar-oggolku waa muhiim ee ha la sii dhammeystiro’’.

Xasan Sheekh, waxa uu sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in la taageero wixii dani ay ugu jirto Qaranka Somalia, waxa uuna meesha ka saaray in qodobada laga soo saaray shirka ay yihiin kuwo khaldan.

Dhinaca kale, Xasan Sheekh ayaa noqonaaya madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka Soomara oo ammaanay qodobadii ka soo baxay shirkaas,waxana sidoo kale horay u taageeray Siyaasiyiin kale.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Qadar siday ku maaraysay cad iyo caano la’aantii soo wajahday?

Waa goob lama degaan ah oo ku taalla xero lagu xannaaneeyo lo’da Qadar, waxaan lagu xiray qaboojiyeyaal, lo’da halkan waxaa naasaheeda lagu xiray aalad caanaha ka lisaysaa, dhaqashada lo’da waxay noqotay isha dhaqaale ee dowladda.

Sannad ka hor, Qadar ma aysan dhaqan jirin lo’da irmaanka ah, waxayna ku tirsanayd caanaha uga imaan jiray dalka Sacuudiga, balse hadda beerta Baladna ayaa lagu dhaqaa nafaf lo’ gaaraya 10,000, waxaana lo’dani laga soo dhoofiyay dalka Mareykanka.

Neefkii ugu horeeyay oo lo’ ah waxaa lagu soo duuliyay diyaaradda Qadar bil uun kaddib uu billaawday khilaafka u dhexeeyay dalalka khaliijka islamarkaasna dalkan yar ay go’doomiyeen dalalka carabta ee jaarka la ah.

Dhaqashada lo’da waxay Qadar uga dhigantahay astaan dahabi oo muujinaysa isku filaansho.

Maamulaha beerta lagu dhaqo lo’da Qadar Peter Weltevreden wuxuu yiri “qof kasta wuxuu rumaysanaa in tallaabadan aanu hergalynin balse hadda waan ku guulaysanay”

Wuxuu sidoo kale sheegay inay ballan qaadeen sanad kaddib markii go’doominta la saaray Qadar inay soo saari doonan caano ku filan dalka.

5-tii bishii June sannadkii tagey, Sacuudi Carabiya, Imaaraatka Carabta, Baxrayn iyo Masar waxay xiriirkii dublumaasiyaeed, ganacsiga iyo gaadiidka ay u jareen Qadar.

Waxayna ku eedeeyeen in Qadar ay taageerto ururrada ragagixisada ee ammni darrada ka wado gobolka, waxayna sheegeen inay xiriir dhaw ay la yeelan doonaan Iiraan.

Qadar way beenisay eedaha loo jeediyay islamarkaasna diiday inay u hoggaansato codsiyo dhowr ah oo loo soo jeediyay.

Dalkan hodanka ah ayaa ku horumaray saliidda u soo saaro, wuxuuna u arkay cunaqabataynta dhaqaale mid looga soo horjeedo jiritaanka dalka.

Wasiirka arrimaha dibadda Qadar Sheikh Muxamed Abdulraxmaan Al-Thani wuxuu sheegay in go’doominta la saaray dalkiisa looga golleeyahay in dalalka khaaliijka ay doonayaan inay la wareegaan awoodda gobolka.

Colaaddii guunka ahayd

Qadar waxay ku eedeeysay in khilaafka dalalka khaliijka sannadkii lasoo dhaafay ay ka billaabatay weerar internetka ah oo lagu qaaday wakaaladda wararka ee dowladda taaso lagu daabacay hadallo kasoo baxay amiirka dalkaasi.

Waxaa lagu sheegay ‘Amiirka inuu tageero Maleeshiyaadka Xisbullaah ee dalka Lubnaan iyo ururka Xamaas ee ka dagaallama Qaza, isagoona ku anddacoonaya in Donald Trump uusan madaxweyne kasii ahaani dooni Mareykanka.

Ali Shihabi oo ah asaasaha ha’ayadda Arabia ayaa sheegay in khilaafka uu daboolnaa muddo 20 sanna ah balse muddo sannad oo kaliya ah ayuu kusoo shaac baxay.

Wuxuu intaasi ku daray in Cajalladdii soo baxday markii la dilay hoggaamiyihii Libiya Muammar Gaddafi sannadkii 2011-kii ay muujinaysa in aabaha amiirka Qadar uu samaynayay shirqool ka dhan ah qoyska boqortooyada Sacuudiga.

Iiraan ayay tageero u raadsatay

Hadda, Qadar waxay furatay deked cusub oo ay ku kacday adduun gaaraya $7bn si ay uga gaashaamato cunaqabataynta dhaqaale ay kusoo roggeen dalalka jaarka.

Dekeddan cusub waxaa loo adeegsan doona in lagu soo dhoofiyo agabka lagu dhisaya garoomada ay ku marti galin lahayd cayaaraha adduunka ee sannadka 2020-ka.

Qadar waxay kusii dhawaanaysa Iiraan oo ay wadaagaan xadka badda iyo dhulka saliidda laga soo saaro. waxayna ku tiirsan tahay isticmaalka hawada Iiraan.

Wasiirka arrimaha dibada Qadar Al-Thani wuxuu yiri ” Iiraan waa dal aan deris nahay oo uu naga dheexeeyo xiriir iskaashi iyo mid ganacsiba”

Mareykanka ayaa saldhiga militari ku leh dalkani.

Dadwyanaha reer Qadar waxay rajo ka qabaan in uu dhamaanayo go’doominta saaran oo kala goysay dadka qaraabada ah ee ku kala nool dalalka gobolka.

ISHA BBC

Feysal Waraabe oo shaaciyay in shirka Baydhabo lagu ansixiyay  halis cusub oo loo maleegayo Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka UCID ee Maamulka Soomaaliland Eng Feysal Cali Waraabe ayaa shaaca ka qaaday in shirka Amniga Qaranka ee kusoo xirmay magaalada Baydhabo lagu ansixiyay in Puntland lasiiyo Hub.

Feysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in shirkaasi ujeedkiisa uu ahaa in awood saanad lagu siiyo Puntland oo dagaal kula jirta Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Feysal Cali Waraabe, waxa uu tilmaamay in shirka Baydhabo uu magaca guud ka ahaa shir amni, hase yeeshee ujeedka qarsoon uu ahaa in go’aan laga gaaro sida Puntland lagu siin lahaa Hub ayuu yiri.

Feysal Cali Waraabe, waxa uu ku celcelshay in shirkii Amniga Qaranka ee Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul goboleedayda lagu go’aamiyey in Puntland mar kale Hub loo raro.

Feysal Cali Waraabe, oo shirka Baydhabo kadib shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in adduunka ay u gudbin doonaan in dowlada Somalia iyo maamul Goboleedyada ku heshiiyeen in Puntland lagu taageero dhibaateynta Somaliland.

Feysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in Somaliland aysan afka ka qabsan doonin dhibaato uu sheegay in dowlada Somalia ay u maleegeyso Somaliland, waxa uuna cadeeyay in shirka Baydhabo ay ka aaminsan yihiin halis cusub.

Feysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in dowladda Somalia ay dabada ka riixeyso maamulka Puntland, isla markaana Puntland lasiinayo hub iyo ciidan, sidoo kalena Puntland la geynayo Ciidamada AMISOM sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Maamulka Puntland ay QM u gudbisay dacwad ka dhan ah Somaliland, gaar ahaan,iyaga oo ku andacoonaya in Gobolka Sool ay iyagu leeyihiin.

Haddalka Feysal Cali Waraabe, ayaa u muuqanaaya mid lagu hurinaayo Colaada ka dhex aloolsan maamulada Puntland iyo Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

RW Abiy oo xilka ka xayuubiyay taliyeyaasha Militariga iyo Sirdoonka & kuwa cusub oo la magacaabay + Akhriso

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa Khamiistii shalay aheyd xil ka qaadis ku sameeyay taliyeyaasha ciidamada Militariga iyo Sirdoonka dalkaasi.

Abiy Ahmed, ayaa xilalkaasi u magacaabay taliyayaal cusub oo uu ku keenay latashi uu la yeeshay xubno ka tirsan labada Gole ee dowlada.

Ra’isal wasaare Abiy Ahmed ayaa taliyaha ciidamada Militariga u magacaabay Seare Mekonen, kaddib markii uu xil ka qaadis ku sameeyay taliyihii hore militariga, Samora Younous.

Abiy Ahmed, waxa uu shaqadii ka eryay Taliyihii Sirdoonka, Getachew Assefa, isagoona Adem Mohammed u xushay inuu noqdo Taliyaha cusub ee Sirdoonka.

Abiy Ahmed, waxa uu sheegay inay muhiim tahay in taliyeyaasha cusub ay u shaqeeyan si ka duwan kuwii hore ee shaqada laga eryay.

Abiy Ahmed, waxa uu sheegay in labada taliye ay mamnuuc ka tahay inay ku mashquulan dadka feker ahaan dhaliilsan siyaasadda dowladda.

Dhinaca kale, Ra’isal wasaaraha Ethiopia ayaa muddooyinkii ugu dambeysay waday is bedelo uu dowladda ku samaynayo, tallaabadii uu Khamiistii qaadayna waxay qayb ka tahay dadaalada uu ku doonayo in is bedelada uu dalkiisa kaga hirgeliyo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo munaasabad Afurin iyo Ciidsiin ah u sameeyay Dad Aragga Naafo ka ah “SAWIRRO”

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Munaasabad isugu jirta Afurin iyo Ciidsiin wuxuu u sameeyay maamulka, Howlwadeenada iyo Ardayda Aragga Naafada ka ah ee wax ka barta Dugsiga Albasiir ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Ku dhowaad 50-Qof ayaa loo qaybiyay Dharkii ay ku ciidi lahaayeen oo dhamaystirsan iyo Lacag uu ugu talagalay Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali markii la afuray kadib.

Ustaad Abiikar Xuseen Bashiir oo ku hadlayay Afka maamulka Dugsiga Albasiir ayaa sheegay in xildhibaanka Shantii sano ee la soo dhaafay uu si wayn u garab taagnaa Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba ee ku jira dugsiga Albasiir, wuxuuna sheegay xildhibaanka inuu yahay masuulka kaliya ee aanan markasta ka daalin inuu caawiyo Ardayda Aragga La’a, isagoo ku baaqay in Madaxda kale ee dalka ay ku daydaan xildhibaanka.

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay inay waajib tahay in la caawiyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba maadaama imtixaanka ay marayaan loogu talagalay in dadka kale Caafimaadka qaba ay ku waana qaataan.

“Marka aad xiriir la leedahay dadka Baahiyaha gaarka ah qaba waxaad ogaanaysaa imtixaanka Ilaahay iyo Alle Nimcadda uu nasiiyay, waxaan markasta Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqaa in laga war qabo dadka Baahiyaha gaarka ah Qaba, si loogu helo waxa ay u baahanyihiin.” ayuu yiri xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/rximaan Cumar Cismaan Yariisow oo gaba gabadii ka hadlay Munaasabadda ayaa xildhibaan Mustaf ku ammaanay dadaalka badan ee uu ugu jiro marka taageerada dadka Baahiyaha qaba, isagoo dhanka kale balan qaaday in maamulka Gobalka Banaadir uu ka shaqayn doono sidii Ardayda Aragga naafadda ka ah ee Dugsiga Albasiir loo heli lahaa dhul ku filan oo ay wax ku bartaan.

Akhriso: Puntland oo xukun toogasho ah ku riday Askar Hub iyo Gaadiid kala baxsaday aaga Tukaraq + Magacyo

Boosaaso (Caasimada Online)- Maxkamada ciidamada qalabka sida ee maamul goboleedka Puntland ayaa xukun dil toogasho ah ku riday 7 askari oo lagu eedeeyey in ay hub iyo gaadiid kala baxsadeen deegaanka Tukaraq oo ay isku-horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Ciidamadaan dilka lagu xukumay ayaa waxay hub iyo gaadiid ka mid ahaa kuwa jiida Tukaraq ku jiray ay ula baxsadeen dhinaca Somaliland.

7 Askari ee xukunka lagu riday ayaa ka maqnaa maxkamada, waxayna saraakiisha maxkamada ay sheegeen in markii gacanta lagu soo dhigo xukunkaas lagu fulin doono.

Guddoomiyaha maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Shanta  Gobol Puntland Gaashaanle Sare Cawil Axmed Faarax ayaa sheegay in askartaas lagu riday xukunka dilka toogashada ah, kadib markii Maxkamadu ay dhageystay dooda edeymaha iyo tan difaaca Qareenka eedeysanayaasha iyo qiimaha Gaadiidka iyo hubka ay la baxsadeen in lagu xukumay dilka toogashada ah.

Ciidamada xukunka dilka toogashada ah lagu riday ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay sidaan.

1: Dabel Jaamac Cabdi Nuur Maxame

2: Dable C/rashiid Ismaaciil Geelle.

3:Dable Maxamed Axmed Bootaan

4:-Dable Cabdi cumar Jaamac

5: Dable Siciid Maxamed Axmed

6: Cabdi Dhuux Cali Xasan

7: Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ashkir

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

QM oo cunaqabateen saartay megafayaasha wax tahriibiya ee Liibiya

Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabatayn ku soo rogay lix ruux oo masuul ka ah hawlgallada dadka lagu tahriibiyo ee Liibiya.

Waa markii koobaad ee dad wax tahriibiya lagu daro liiska cunaqabataynnada caalamiga ah.

Dadka liiskaas lagu daray waxaa ka kid ah afar Liibiyaan ah oo uu ka mid yahay nin madaxa ka ah qayb ka mid ah ciidammada ilaalada xeebaha iyo labo ruux oo dalka Eritrea u dhashay.

Dadka wax tahriibiya ayaa ka faa’iidaystay ammaan xumida Liibiya iyaga oo boqolaal kun oo ruux badda mariyay si ay Yurub u geeyaan.

Qaar badan oo ka mid ah tahriibeyaasha ayaa ku go’doonsan xarummo si ku meelgaar ah dadka loogu hayo, iyaga oo waliba jirdil kala kulma kuwa wax tahriibiya.

Cunaqabtaynta oo ka kooban in safarrada caalamka laga xayiro iyo in lacagtooda la xannibo ayaa ka dhalatay qorshe ay soo gudbisay Netherlands taas oo caalamkuna ku taageeray.

Qorshahan ayaa markii hore la soo dhigay kawdii bishii May, balse Ruushka ayaa is hortaagay isaga oo dalbaday in uu dib u eego caddaymaha loo cuskanayo lixdaas nin.

Cunaqabatayntan aan la filaynin ayaa timid ka dib markii aad looga carrooday warbin uu dabayaaqadii sannadkii hore sii daayay telefeshinka CNN taas oo muujinaysa rag tahriibryaal ah oo adoon ahaan loogu xaraashayo Liibiya.

ISHA: BBC Somali

Gaari ay la socdeen Gudoomiye Waaxeed & ciidamo ka tirsan dowlada oo lagu weeraray Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Qarax iyo weerar toosa lagu qaaday gaari ay la socdeen Guddoomiye Waaxeed iyo ciidamo ka tirsan dowladda Somalia.

Weerarka ayaa ka dhacay Xaafada Suuqa Xoolaha degmada Hiliwaa ee Gobolkaan Banaadir, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro kala duwan.

Gaariga la weeraray oo noociisa lagu sheegay ‘’Noha’’ ayaa maraayay inta u dhaxeysa xaafada Suuqa Xoolaha iyo Isgoyska SOS ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan halka loo yaqaan dalcada maalin Taajir.

Weerarka kadib ayaa Gaariga lagu qarxiyay miino dhulka loogu aasay waxaana gabi ahaan gubtay gaariga kadib markii ay isku biirsadeen Qaraxa iyo rasaas ooda looga qaaday gaariga iyo ciidamadii la socday,waxaana gaariga iminka damiyay gurmad ka imaaday maamulka Degmada.

Maleeshiyada weerarka iyo Qaraxa isugu daray gaariga ayaa la socday gaari nooca raaxada ah, waxaana lasoo sheegayaa in ciidamadii la socday gaariga qaarkood la dhigay xarumo caafimaad oo aan meesha ka fogeyn.

Dadka ku dhintay Qaraxa ayaa waxaa kamid ahaa Guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa Maamulka degmada Yaaqshiid kaas oo lagu magacaabi jiray Cali Cabdi Geedi Farayare.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Guddoomiyaha iyo laba kamid ahaa ciidamadii la socday ay u geeriyooden dhaawaca kasoo garay Qaraxa, halka markii hore ay ka badbaadeen rasaastii lagu furay.

Sidoo kale, weerarka kadib ayaa waxaa halkaa gaaray ciidamo ka tirsan dowlada oo halkaa ka qaaday dhaawacyada ciidamada liitay ee la socday gaariga.

Ma cadda sababta ka danbeysay weerarka gaariga, waxaana lasoo sheegayaa in ciidamada la weeraray ay ka tirsanaayen militeriga, sida laga soo xigtay goobjoogayaal.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]