25.7 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Dowlada Ethiopia oo qarka u saaran inuu u baryo waa cusub +Warbixin dheer

Itoobiya waxay shaaca ka qaaday inay u hoggaansamayso heshiiskii sannadkii 2002-dii ee lagu doonayay in xal kama damabays ah lagaga gaaro dagaalladii xadka ee ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Afrika oo u dhexeeyay Itoobiya iyo Eritrea.

Kummanaan shacab ah ayaa ku dhintay dagaalka 2 sano ka socday xadka labada dal. Eritrea waxay dalbanaysaa in ciidamada Itoobiya ay ka baxaan deegaanka lagu muransan yahay.

Heshiiska ma dhab ayuu noqon doonaa?

Waxay u muuqata inuu noqon doono mid dhab ah.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka dhawaajiyay maalinkii loo caleemo saarayay xilka bishii April in tallaabooyinka xukuumaddiisa ay noqon doonto ka shaqaynta xallinta kala duwanaanshaha u dhexeeyo labada dal islamarkaasna sheegay inay yihiin labo dal oo deris ah oo dadkiisuna ay isla dhasheen.

Hadda xisbiga ka arrimiyo dalka Itoobiya ee EPRDF ayaa shaaca ka qaaday inay aqbalayaan heshiiska ayna ka shaqaynayaan sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii 2002-dii looga gollahaa soo afjaridda dagaalka xadka.

Abiy Axmed wuxuu sheegay in ciidammada ku sugnaa magaalada lagu muransan yahay ee Badme ay soo wajahday xannuuno dhanka maskaxda ah, sida laga soo xigtay warbaahinta Fana ee taabacsan dowladda.

Ra’iisul wasaaraha wuxuu yiri” waa in aan soo afjarnaa dhibaatadan si aan dib ugu laabano dhabaha nabadda”

Hoggaamiyeyaashii soo maray dalka Itoobiya waxay horraan sheegeen inay aqbalayaan heshiiskii nabadda 2002-dii balse weligood ma aysan dhaqan gelinin.

Hadalka Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa imaanaya xilli dhawaan xabsiyada dalka Itoobiya laga soo daayay kummaanan siyaasiyiin, dadka u dooda bulshada rayidka iyo dibadbaxyaal oo uu kamid yahay Andargachew Tsege oo horraan xukun dil ah lagu riday.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu ballan qaaday inuu isbeddello ballaaran ka hergelin doono dalkiisa.

Eritrea maxay ka tiri?

Eritrea kama aysan hadlin hadalka kasoo yeeray Itoobiya balse wasiirka warfaafinta dalkaasi Yemane Gebre Meskel ayaa mar sii horreysay BBC-da u sheegay in heshiiska uu dhaqan geli doono waa haddii Itoobiya ay ciidamadeeda ka saarta deegaannada lagu muransan yahay.

Weriyaha BBC Tigrinya Tesfalem Araia wuxuu yiri “Hadda kubadda waxay taalla dhanka Eritrea”

Tesfalem wuxuu intaasi ku daray ‘in Eritrea ay ku jirta dagaal waxaana arrintaasi caddaynaya in dad badan si xoog ah lagu qasbay inay ku biiraan ciidamada kuwaaso dagaal uu kala dhexeeyo Itoobiya’

Dadka lagu khasbayo inay ku biiraan ciidammada waxay noqotay sababta ay kumanaan Eritrean ah inay dalkooda ka qaxaan si ay u galaan safar khatar ah ilaa dalalka Yurub.

  • 24 May 1993: Eritrean waxay xoriyadda ka qaadatay Itoobiya.
  • 6 May 1998: Dagaalkii xadka ayaa billaabmay.
  • 18 June 2000: Itoobiya iyo Eritrea waxay kala saxiixdeen heshiis lagu soo afjarayo dagaalka.
  • 12 December 2000: heshiiskii nabadda ee Algiers ayaa lagala saxiixday.
  • 13 April 2002: Guddigii u qaabilsanaa xadka Eritrea-Itoobiya ayaa ku go’aamiyay heshiis kama dambays ah.

Maxaa dhici kara marka?

Haddii Eritrea ay aqbasho heshiiska, tallaabada xigta waxay noqon doonta in saraakiil ka socota labada dal ay tegi doonaan goobta la yiraahdo Badme si ay u kala saaran xadka labada dal.

Hadda suuro gal ma ahaa in goobtaasi la tego maadama deegaanka uu yahay goob militari.

Halka diiradda la saaraya ayaa ah magaalada Badme ee uu khilaafka ka taagan yahay inkastoo ay jiraan deeganno kale oo lagu muransan yahay.

Maxaa ka socda magaalada Badme?

Badme waa ku xoogan militariga, dhaqdhaqaaq bulshana kama jiro magaalada.

In ka badan 1000 qof ayay hoy u tahay magaalada, dhaqdhaqaaqa bulshada waa mid xaddidan, sida uu kusoo warramaya weriyaha BBC-da Berihu Lilay oo bishii January halkaasi booqday.

Wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Eritrea iyo Itoobiya ay isku hor fadhiyaan deegannada xadka oo uu dhexeeyo kaliya ah dhowr Kiiloomitaro.

Dadka deegaanka waxay rajo ku qabaan in nabad halkaasi ay ka dhalato.

Waxay u muuqata in dalka Itoobiya ay ka dhacayaan isbaddallo ilaa markii uu xilka qabtay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Itoobiya waxaa horraan ka dhacay dibadbaxyo ay wadeen qowmiyadaha dalkaasi ugu waawayn taaso ku qasabtay ra’iisul wasarihii dalkaasi Haile Marian inuu xilka ka dego.

ISHA: BBC Somali

Akhriso: Heshiiska habka doorashooyinka Soomaaliya ee Sanadka 2020-ka

Habeen hore saqdii dhexe waxaa Baydhabo lagu soo gabo-gabeeyay shirkii amniga qaranka, shirkan oo 2 maalin socday waxyaabaha lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa habka doorashada la doonayo in Soomaaliya ka dhacdo 2020-ka.

Haddaba, Caasimadda Online waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa nooca doorasho ee madaxda isku raaceen inay dalka ka dhacdo 2020-ka iyo sababta ay ku doorteen.

Sida ku xusan qoraal ay aragtay Caasimadda, ka hor inta aanu golaha amniga qaranka go’aan gaarin waxaa uu xeeriyay qodbada soo socda.

  1. Nooca doorasho iyo deegaan doorasho uu dalku galayo qaadanayo waa in ay noqdaan kuwoo suuro-gelin kara in dadweynaha codkooda si xor ah(qof iyo cod) oo dimoqoraadi ah u dhiibtaan.
  2. Nooca doorasho waa inuu ahaado mid tixgelinaya xaaladda amni, dhaqaale iyo isku dheellitirnaanta metelaadda siyaasadeed.
  3. In nooca doorasho uu yahay mid dhiirigelinaya nidaamka siyaasadeed ee xisbiyada badan, kuna saleysan nidaam dimoqoraadi ah oo tixgelinaya dheelitirnaanta kuraasta beelaha ee liiska xiran ee xisbiyada.
  4. In nooca doorasho mid tixgelinaya hannaan lagu ilaalin karo matalaadda dadka laga tirada badan yahay iyo haweenka.
  5. Nooca doorasho waa inuu ahaado mid hoggaaminaya wadajirka, bulshada iyo muqadasnimada midnimada Soomaaliya.
  6. Nooca doorasho waa inuu yahay mid kalsooni gelin kara dadka Soomaaliyeed in danahooda ay si haboon u matalaan wakiillo ay iyagu doorteen.

Haddaba, goluhu isaga oo ka ambaqaadaya qodobbada kor ku xusan waxaa uu ku heshiiyay:

Qodobka 1aad:  Habka Doorashadu dalku waxaa uu noqonayaa nidaamka matalaadda isku dheelitiran ee nooca liiska xiran(proportional representation-closed list).

Qodobkan 2aad: Hannaanka doorashada waxaa uu tixgelinayaa isku dheelitirnaanta kuraasta beelaha ee liiska xiran ee xisbiyada.

Qodobka 3aad:  Dadweynaha Soomaaliyeed ee xaqa u leh inay codkooda dhiibtaan waa in la diwaan-geliyo, lana xaqiijiyo in ay codkooda u dhiibtaan si xor ah.

Qodobka 4aad: Doorashadu waxaa ay ka dhaceysaa dhammaan dalka oo dhan, meel walbo oo ay suuragal ka tahay iyada oo dalku mideysan yahay.

Qodobka 5aad:  in qoraalka iyo ansixinta sharciga doorashooyinka lagu soo dhameeyo ugu dambeyn bisha December 2018.

Qodobka 6aad:  waxaa la farayaa hey’adaha ku shaqada leh arrimaha doorashooyinka inay dhaqan-gelinta heshiiskan u maraan hannaanka sharciga ee dalka.

Xigasho: Radio Goobjoog

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Akhriso: Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee DF oo qoraal  xasaasi ah kasoo saaray…

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo ay wali colaad ka taagan tahay Gobolka Sool, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka Somalia.

Xildhibaanadan oo sheegay inay ka gubanayaan dhiiga ku daadanaaya Gobolka Sool, ayaa ku baaqay in si dhaqsi ah lagu joojiyo dagaalka.

Xildhibaanada waxa ay soo saaren qoraal ay ku sheegen inay ku beeninayaan qoraal hore oo ay soo saaren kuwo kale.

Xildhibaanada labada Aqal ayaa ku baaqay in colaadaas xal buuxa laga gaaro.

Daawo: Feysal Cali Waraabe: Garoowe hadii ay joogsan weyso seeftii Cumar Bin Khadab ayaa qaadeysa

Hargeysa (Caasimada Online)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay colaado uu sheegay in dhinacyo badan ay Somaliland uga furan yihiin.

Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu tusaale usoo qaatay culeysyo ka jira deegaanka Ceel-Afweyn iyo dagaalka Tukaraq ee weli ka socda Gobolka Sool.

Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu tilmaamay in xanuunka ugu badan uu kaga imaanayo dhanka Tukaraq waxa uuna cod dheer ku sheegay in Somaliland laga qasaayo magaalada Garoowe.

Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in Garoowe ay saldhig u tahay dhibaato, waxa uuna cadeeyay in tan iyo markii ay isku darsameen Somalia ay sidaa dhibaato u shidi jirtay Puntland.

Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu yiri ‘’Waxa na qasaaya waa Garoowe, waxa ay kasoo jeesteen Somalia oo 5 Madaxweyne ay u sameeyen oo xabaashii ay ku rideen ayey usoo jeesteen Somaliland’’

‘’Puntland kuma ekaan doonto Tukaraq ee ilaa Kismaayo ayey is qabsan doontaa sidii Sagaashanka, anaga culimadeena wey na waaninayaan oo waxa ay naleeyihiin jooga, culimada Puntland waxa ay hubka u cabeynayaan ciidanka’’

‘’Anagu waan ehbineynaa Puntland waxaanu leenahay naga jooga, haddii ay diidaan waxaan qaadsiineynaa  seeftii cumar binu khadaab waxaanu tageynaa Garoowe’’

Farmaajo oo shaaciyey cida lagula xisaabtamaayo dhaqan galinta Heshiiska shirka Baydhabo

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ka hadlay Shirka Golaha Amniga Qaranka ee kusoo dhamaaday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay inay muhiim tahay in la dhaqan galiyo dhammaan qodobada kasoo baxay shirka Golaha Amaanka ee magaalada Baydhabo.

Waxa uu sheegay in Dowlada Somalia ay diyaar u tahay inay ka dhabeyso dhaqan galinta shirka, hase ahaatee waxa uu arrin nasiib darro ah ku sheegay in laga weecdo ama la dhaliilsado qodobada lagu heshiiyay ee laga soo saaray shirka.

Waxa uu tilmaamay in ka dowlad ahaan ay ahmiyad u leedahay inay ku dhaqmaan qodobada shirka, waxa uuna cadeeyay in Maamulada ka jira dalka laga doonaayo inay xooga saran sida lagu dhaqan galin lahaa shirka.

‘’Cid waliba ayey mas’uuliyad ka saran tahay inay aqbasho qodobada, waxaa ahmiyad noo leh inaan u taagnaano ku dhaqanka qodobo waliba oo aan ku xariiqno gacanteena’’

Madaxweyne Farmaajo waxa uu tilmaamay inaanu jirin cabsi uu ka qabo in maamulada ka jira dalka ay ka weecdaan qodobada lagu heshiiyay ee laga soo saray shirka Golaha Amaanka balse uu doonaayo inuu baraarujiyo dhinacyada qeybta ka ahaa shirka.

Sidoo kale, waxa uu Farmaajo ku celcelshay in Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada iyo Madaxda ka hooseeysa lagula xisaabtami doono hanaanka loo dhaqan galinaayo heshiiska shirka Baydhabo.

Si kastaba ha ahaatee, Farmaajo ayaa shacabka ugu baaqay in dhaqan galinta qodobada ay kala shaqeeyan dowlada iyo maamulada maadaama intooda badan ay iyaga quseeyan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Ethiopian ka tahriibay Boosaaso oo ku dhamaaday Xeebaha dalka Yemen

Muqdisho (Caasimada Online)-Hay’ada IOM ayaa sheegtay in ugu yaraan 46 qof ay ku dhinteen dooni siday Tahriibayaal oo ka timid nawaaxiga Bosaaso ay ku degtay xeebaha dalka Yemen.

Doonida oo macquul aheyd ayaa siday Muhaajiriin Ethiopia-n ah kuwaa oo ay la rogmatay doonida xili ay marayeen meel ku dhow xeebaha Yemen.

Warbixin ay baahiyeen wakaladaha ayaa waxaa lagu sheegay in Doonidan ay waday dad gaaraya 100 qof oo Tahriibayaal ah.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in wareysi lala yeeshay dadka ka badbaaday musiibadan ay sheegeen in weli la la’a yahay meydka dad gaaraya 16 qof oo ku maqan biyaha badda.

Waxaa lagu jah wareersan yahay waxa ilaa hadda sababay shilka doonidan, waxaana warbixinta IOM lagu sheegay in bil walba ay tahriibayaal gaaraya 7000 oo ka yimid Ethiopia ay soo gaaraan dalka Yemen.

Ilhan Omar & Jamaal Cabdullahi oo isku haya tartanka Baarlamaanka dalka Maraykanka

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibanad Ilhan Omar ayaa ku dhawaaqday inay u Taagan tahay Xubinta Xildhibanimo ee Kongareeska dalka Mareykanka iyadoo mataleysa degmada 5aad ee Minnesota.

Xildhibaan Ilhaan ayaa sheegtay inay qabto kalsooni ah inay kusoo bixi doonto doorashada, waxaana muddo 2 sano kahor loo doortey Baarlamaanka Gobalka Minnesota waxa ayna noqotey qofkii ugu horeeyay oo Somali ah loo doorto Baarlamaan Gobolka Minnesota.

Xildhibanad Ilhan Omar ayaa 2dii sano oo ay xilka ka heysa Aqalka Wakiilada ee gobalka Minnesota qabatey shaqo aad u tiro badan oo ay adagtahay in 2 sano lagu qabto.

Ilhaan Cumar oo gabar dhalinyaro iyo qaxooti ka tagtay Soomaaliya, kuna barbaartay xeyaha qaxootiga kadibna Mareykanka ka noqday golaha sharci-dejinta Minnesota ayaa haatan isu soo taagtay inay u tartanto Congress.

Sidoo kale, waxaa riyadaasi qaba nin Soomaali ah oo isna qaxootinnimo ku galay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Jamaal Cabdullahi.

Jamaal Cabdullahi, waxa uu Ilhan iyo 8 kale kula tartamayaa kursiga Congress.

Kursiga ay lababooda ku tartamayaan waxaa banneyn-doona Ellison oo 2006dii noqday qofkii ugu horreeyay oo muslim ah oo gala Congresska Mareykanka, waxaa ay dhammaantood ka tirsan yihiin xusbiga Democratska.

Tartantaka ay Ilhan galeyso ayaa waxaa isla markiiba taageero u muujiyay Bulshada Somaliyeed iyo in badan oo kamid ah bulshada dalka Maraykanka oo aad u soo dhaweeyay, waxeyna balan qaadeen iney taageero buuxda ay siin doonaan sanadkaan.

Geesta kale, Doorashada Golayaasha Baarlamaanka Maraykanka ee sanadkan 2018 ayaa ah kuwo si weyn isha loogu hayo iyadoo in badan oo kamid ah Xildhibaanada Xisbi Xaakimka Jamhuuriga ka cabsi qabaan inay dhumiyaan kuraasta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Daawo: Muuse Suudi Yalaxow oo kashifay dhibaatooyin badan oo lagu hayo Soomaalida Xujeyda ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Aqalka Sare ee dalka ayaa ka hadlay arrimaha xajka iyo lacagaha tirada badan ee Xujeyda Soomaaliyeed laga qaado iyo sida loo kala goosto.

Muuse Suudi Yalaxow, waxa uu sheegay in dadka doonaaya inay xajiyaan ay la darisaan dhibaatooyin badan, hase ahaatee ay meesha ka maqan tahay doodii labada Gole looga fadhiyay inay ka keenaan dhibaatada ay tabanayaan dadka xajka doonaaya.

Muuse Suudi Yalaxow, waxa uu si dadban u weeraray mas’uuliyiin badan oo ka tirsan dowlada iyo kuwa wakiilka uga ah dalka Sacuudiga.

Qaar badan ayuu sheegay inay dhexda u fadhiyaan dhaqaalaha ay wataan Xujeyda, hase ahaatee waxaa caqabad ku ah kuwo kale oo kasoo horjeeda dhaqanka ceynkaasi ah.

Arrin xaaran ah ayuu ku sheegay in la niyad jabiyo dadka doonaya inay xajiyaan, waxa uuna ku baaqay in dhibka laga dhaafo xujeyda.

Mas’uuliyiinta ka tirsan dowlada ee ku shaqada leh howlaha Xajka ayuu ugu baaqay inay qaadan talaabo lagu badbaadinaayo hantida ay wataan xujeyda.

HOOS KA DAAWO MUUSE SUUDI OO KA SHIFAYO ARRIMO BADAN

Sidee ayuu Axmed Madoobe u arkaa shirkii Golaha Amniga ee kusoo dhamaaday Baydhabo?

Kismaayo (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qodobadii ka soo baxay shirkii Golaha Amniga ay ku yeesheen Magaalada Baydhabo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirka uu ahaa mid ahmiyad gaara u leh guud ahaan Somalia, waxa uuna cadeeyay inuu kusoo dhamaaday guul, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu Hoggaamiye Axmed Madoobe sheegay in ay muhiim tahay in la dhaqan geliyo dhammaan qodobadii ka soo baxay Shirka loona baahan yahay in dhamaan madaxda dowladdda iyo kuwa dowlad goboleedyada ay ka shaqeeyaan dhaqan gelintooda.

‘’Shirka waxa uu kusoo dhamaaday guul, waxaan is leeyahay nasiib daro waxa ay dhaceysaa marka laga weecdo qodobada aan gacanteena ku xariiqnay’’

‘’Waxaan ku baaqeynaa in si rasmi ah loo dhaqan galiyo qodobada, waayo shirka waxaa ahmiyadiisa la arki karaa marka lagu shaqeeyo wixii kasoo baxay’’

Axmed Madoobe, waxa uu sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in la xoojiyo qodobada amniga iyo Siyaasada oo uu ku sheegay in ay ahaayeen qodobadii ugu muhiimsanaa ee Shirka ka soo baxay.

Sidoo kale, Madoobe ayaa ku baaqay in laga wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa Xasilooni Siyaasadeed iyo midnimada umadda Soomaaliyeed.

Dhinacakale, haddalka ayaa imaanaya ka dib markii uu maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo isaga oo ka soo laabtay Magaalada Baydhabo oo lagu soo gabagabeeyay shirkii Golaha Amniga Qaranka.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Sawirro: Shir Muhiim ah oo maanta ka dhacay Muqdisho

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta shir gudoomiyay shir looga hadlayo Mashaariicyada horumarineed ee Dalka laga fuliyo iyo u diyaar garowga shirka ka dhici doona Magaalada Brussels ee cariga Belgium-ka Bishan dhammaadkeeda, kaasi oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Shirkan Waxaana ka qeyb-galaya qaar ka mid Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Madax ka socota Maamul-Gobolleedyada iyo Beesha Caalamka.

Shirka Waxyaabaha sida weyn looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah muhiimada ay u leeadahay Mashaariicda hormaruneed ee hadda laga wado dalka iyo qorshayaasha lala hortagi lahaa Shirka looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya ee ka dhacaya Dalka Belgium-ka inta u dhaxeysa 25—26 bishan June 2018-ka.

Xukuumadda Soomaalia ayaa dhawaanahaanba dadaal iyo diyaargarow ugu jirtay qaabkii iyo qorshayaashii lala hortagi lahaa shirka la Iclaamiyay ama loo asteeyay inuu ka dhaco Magaalada Brussels ee Dalka Belgium-ka inta u dhaxeeysa 25 ilaa iyo 26-ka Juun ee sanadkan, kaasoo looga hadli doono arrimaha Soomaaliya, waxaana ka qeybgali doona Wufuud ka kala socota Xukuumadda Soomaaliya, Maamul-goboleedyada Dalka iyo Xubno ka kala socda Beesha Caalamka.

Kenya oo si caro leh uga jawaabtay garoonkeeda oo lala barbardhigay Somalia

Kenya ayaa ka carootay in garoonkeeda caalamiga ah ee Nairobi lala barbadhigay Soomaaliya waxayna dalbatay raaligelin.

Hadalka waxaa toddobaadkii la soo dhaafay jeediyay guddoomiyaha dallada shirkada diyaaradaha ee Australia kaddib markii shirkadda dulimaadka Qantas lagu khasbay diyaaradeeda inay bixiso $18,000 oo ganaax ah maadama ay si aan qorsheysnayn uga dagtay garoon ku yaalla dalka Australia.

Diyaaradda ayaa loo weeciyay garoonka Canberra oo ay muddo 8 daqiiqo ah ku sugneyd, maadaama ay hawada ay ku duuleysay xumeyd.

Mr. Graeme Samuel, oo ah guddoomiyaha waaxda oo ka hadlayay kulan ku saabsanaa duulimaadyada oo Australia ka dhacay ayaa ka carooday ganaaxa diyaaradda lagu soo rogay, isagoo yiri:

“Diyaarad si aan qorsheysnayn uga dagtay garoon ayaa lagu horgooyay gaari si aysan u duulin laguna khasbay inay $18,000 bixiso. Ma qiyaasi kara meel dunida ka mid ah oo arrintan oo kale ay ka dhici karto, malaha marka laga reebo Soomaaliya iyo Nairobi”, ayuu yiri Samuel.

Samuel ayaa intaasi ku daray in arrintaa lagu matali kara dhaqanka burcad badeedda Soomaalida oo kali ah.

Safiirka Kenya u fadhiya dalka Australia ayaa warqad cabsho ah u qoray wasaaradda arrimaha dibedda ee Australia, wuxuuna caro ka muujiyay arrintan wuxuuna sheegay “inay nasiib darro tahay in garoonka sida wayn loo qaddariyo ee Jomo Kenyatta aan lagu matali karin dhaqanka burcad badeedda.”

Wuxuuna sheegay in ”Kenya ay kumanaan ciidan u dirtay Soomaaliya si ay gacan u gystaan soo celinta nabadda dal ay dunida inteeda badan xaaladiisa iska indha tirtay’.’

Graeme Samuel ayaa markiiba raalgelin ka bixiyay dhacdadaasi, wuxuuna sheegay inuusan u gol lahayn inuu xummaan u soo jiido garoonka Kenya.

Warqad uu u qoray safaaradda Kenya ee Australia ayaa ku sheegay inay wax ka khaldanaayeen xulashada erayadiisa.

Isha: BBC Somali

Aqri: Heshiiska laga gaaray lahaanshaha, maamulka iyo wadaaga daqliga shidaalka

Baydhaba (Caasimada Online) – Waxaa xalay saqdii dhexe magaalada Baydhabo lagu soo gabagabeeyay shirka amniga qaranka, shirkan oo 2 maalin halkaasi ka socday waxyaabaha lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa Heshiiska Lahaanshiyaha, Maamulka iyo Wadaagga Dakhliga Kheyraadka Dabiiciga Ah Ee Dalka(Shidaal iyo Macdan).

Haddaba, waxaan akhristayaasheena usoo gudbineynaa heshiiska Kheyraadka Dabiiciga ah kaas oo ay saxiixeen madaxdii shirka ka qeybgalashay.

Qodobka 1aad: Lahaanshaha Kheyraadka Dabiiciga Ah

Kheyraadka macdanta iyo shidaalka ee ku jira dalka, bad iyo bariba waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed, waxaana wakiil uga ah dowladda federaalka ah iyo dowlahada xubnaha ah iyo kuwa ka noqon-doona.

Qodobka 2aad: Maamulka Kheyraadka

Maamulka Kheyraadka shidaalka iyo macdanta:  waxaa si wadajir ah u maamulaya dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah ama ka mid noqon-doona, waxaana la dhisi-doonna hey’ado ka shaqeyn-doona arrimaha shidaalka iyo macdanta ay ka mid yihiin.

Golaha Kheyraadka Dalka: Golaha Kheyraadka Dalka waa golaha ugu sareeya ee lagu lafa guro ee u baahan in laga heshiiyo, loona noqdo wixii lagu xallin waayo gobolayaasha maamul ee kale, waxaa uuna ka kooban yahay madaxda fulinta ee heer federaal iyo heer maamul goboleed.

Wasaaradda Betroolka iyo Macdanka Federaalka Ah: Diyaarinta hindise sharciyeedka, dejinta siyaasadda, qorshaha iyo saxiixa shatiyada ee la xiriira arrimaha macdanta iyo shidaalka ee heer federaal waxaa mas’uul ka ah wasaaradda macdanta iyo shidaalka iyo wadatashi kala sameyneysa hey’adaha shidaalka ee dowlad goboleedyada.

Wasaaradaha/Hey’adaha Shidaalka ee Dowlad Goboleedyada: Diyaarinta hindise sharciyeedka, siyaasadda iyo qorsheynta la xiriira Batroolka iyo  macdanta ee heerkooda si waafaqsan shuruucda iyo siyaasadda guud ee dalka.

Hey’adda Batroolka Soomaaliya:  waa mid loo dhan yahay oo lagu dhisi-doonno sharci goonni ah, waxaa ay ka shaqeyn-doontaa wada hadallada heshiisyada iyo diyaarinta shatiyada, kormeerka, hubinta iyo hirgelinta sharciyada Batroolka, Maamulka hey’adda waxaa uu ka kooban yahay 2 xubnood oo matalada dowladda federaalka ah iyo min hal xubin oo matala maamul goboleedyada, xubnaha hey’adda ka mid noqonaya waxaa ay noqon-doonaan xubno aqoon, xirfad, karti iyo hufnaan lagu soo xulay.

Shirkadda Shidaalka Soomaaliyeed: Waxaa la aasaasi-doonnaa shirkad ganacsi oo ay wada yeelan-doonaan dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ah ama ka mid noqon-doona taas oo yeelaneysa xermooyin(blocks) shidaalka dalka iyaga oo kaligood ah ama la wadaagaya shirkadaha caalamiga ah ee mas’uulka ka ah sahminta(upper stream), dhismaha kaabayaasha shidaalka, sifeynta(mid-stream) iyo suuq-geynta wax-soo saarka shidaalka, maamulka shirkadda waxaa uu ka koobaanayaa 2 xubnood oo matalaya dowladda federaalka ah, min hal xubin oo matalata maamul goboleedyada, raasmaalka iyo wadaagga saamiga waxaa lagu faafin-doonaa sharci gaar ah.

Shirkadaha Shidaalka Dowlad Goboleedyada: Sidoo kale, dowlad goboleedyadu waxaa ay yeelan-doonaan shirkado ganacsi ee ka shaqeeya danahooda ganacsi, arrimaha shidaalka, waxay dowlad goboleedyadu u matalaan saamiga ay ku leeyihiin shirkadda shidaalka Soomaaliyeed, shaqadeeduna waxaa ay noqoneysaa dhisidda iyo maamulka kaabayaasha shidaalka ee heer maamul goboleed(down-steam) iyo suuq-geynta cadadka shidaalka ah ee wadanka gudahiisa lagu isticmaali karo ama isaga oo sifeysan dibadda loo iib-geyn karo.

Qeybta 3aad: Wadaagga Dakhliga

Dakhliga ka soo baxa macdanta iyo shidaalka waa wadaag, waxaa si isku dheelli-tirsan loogu qeybinayaa dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah iyo kuwa ka noqon-doona

Maamulka Maaliyadda Ee Dakhliga Shidaalka iyo Macdanta: Keydinta iyo maamulka dakhliga ka soo xarooda shidaalka iyo macdanta waxaa lagu keydin-doonaa xisaab gaar ah oo laga furi-doono bangiga dhexe ee Soomaaliya, waxaa xisaabta lacag looga saari karaa go’aan golaha kheyraadka dalka iyadoo la raacayo hannaanka maamulka maaliyadda ee dalka.

Puntland: “Somaliland waa ay naga sheekeyn doontaa dagaalna ma joogsanayo”

Garoowe (Caasimada Online) – Dhiilo colaadeed ayaa waxa ay weli ka taagan yihiin  Gobolka Sool kaa oo u dhexeeya maamulada Somaliland iyo Puntland.

Colaada oo dib usoo rogaal celineysa ayaa timid kadib markii maamulka Somaliland ay gaadiid dagaal iyo ciidamo hor leh saacadihii lasoo dhaafay geysay deegaano ka tirsan Gobolka Sool.

Gaadiidka iyo ciidamada ayaa loola gol leeyahay in dib loogu soo nooleeyo dagaalka oo maalmahaani u muuqday mid laga caajisay,waxa ayna talaabadaani shaki galisay maamulka Puntland.

Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey oo ah hogaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa ay wado Somaliland uu noqon doono mid iyada ku laabta.

Camey, waxa uu sheegay in dagaal hor leh ay ku qaadayaan fariisimaha Ciidamada Somaliland ay ku leeyihiin gobolka Sool.

Camey ayaa tilmaamay in ay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan Somaliland, tan iyo inta ay Ciidamadeeda ka baxayaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolkaasi.

‘’Somaliland wey ka sheekeyn doontaa Puntland qorshuhuna waxa uu yahay in dagaalka uu sii socon doono inta askari dhinaca kale ah uu ku sugan yahay Sool’’

Waxa uu intaasi ku daray in shacabka reer Puntland ay diyaar u yihiin in ay ka hor tagaan duulaan kasto oo kaga yimaada dhanka Somaliland.

Sidoo kale, Camey ayaa ku goodiyay in Puntland ay u bareertay in Gobolka Sool ay saldhigyadeeda kusii lahaato inta uu maamulka jiro.

Haddalka Camey, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo maamulka Somaliland uu ku baaqayo wadahadal iyo in la qaboojiyo colaada.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Arrin ka cusub xiisadda dalalka Khaliijka iyo war ka soo baxay amiirka Qatar

Doxa (Caasimada Online) – Amiirka dalka Qadar Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani  ayaa ka digay war xumo tashiil uu sheegay in Dowlada Imaaraadka Carabta ay ka faafineyso Qadar.

Sheekh Tamim, waxa uu sheegay inay jiraan warar aan munaasib aheyn oo warbaahinta ay la wadaagan Dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga, waxa uuna ka digay in qiima tirka Qadar loo maro saxaafada.

Waxa uu tilmaamay Sheekh Tamim in Qadar aysan u dulqaadan doonin in lagu xadgudbo sharafkeeda, waxa uuna intaa raaciyay in Qadar ay dhowrto dowladaha kala dhexeeya calaaqada iyo kuwa siyaasad ahaanta aysan isku wanaagsaneyn.

‘’Waa arrin muqadas ah in dal waliba lagu tixgaliyo waxa uu yahay, waxaa nasiib darro ah in warar aan wanaagsaneen laga faafiyo dowladaha, waxaan ku talineynaa in laga fiirsado waxa u dhexeyn kara khilaafka iyo ku taraxyaga arrimaha hoose’’

Sheekh Tamim, ayaa sidoo kale soo hadal qaaday hanjabaad dhawaan kaga imaaday dowlada Sacuudiga taa oo ku aadan in Qadar aysan soo iibsan Karin diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Waxa uu Sheekh Tamim cadeeyay in Qadar ay iibsan doonto diyaarado dagaal nooca aadka u dheereeya, isagoo sacuudiga kaga digay inuu qaado talaabo lid ku ah Qadar.

“Sacuudiga hanjabaadeeda waa mid khuseysa Qadar wixii u roon wey garaneysaa weyna iibsaneysa diyaaradaha”

Sidoo kale, Sheekh Tamim, ayaa adduunka ugu baaqay inay la socdaan hanjabaadaha iyo waxa uu ugu yeeray borobagaandada ay faaninayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Haddalka Sheekh Tamim, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo dhawaan Sacuudiga iyo Imaaraadka ay ka digeen in Qadar ay iibsato diyaarado dagaal oo hor leh.

Caasimada Online
Xafiiska Doxa
[email protected]

Ethiopia oo loo xil-saaray xalinta xiisada Puntland iyo Somaliland (Go’aan cusub)

Hargeysa (Caasimada Online) – Dalalka beesha caalamka ayaa dawladaha gobalka Geeska Afrika ee IGAD u xilsaaray inay xaliiyaan dagaalada dhex maray maamullada Somaliland iyo Puntland, Sidaas waxa xaqiijiyay ilo xog ogaal ah.

Sida ay xogahani sheegeen wadamadan beesha caalamku waxa ay dalalka gobalka bariga Afrika  ee ku bahoobay IGAD, u xilsaareen inay u hawlgalaan sidii xaalad nabadeed loogu soo dabaali lahaa colaadda Tukaraq ee u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland.

Warku wuxuu xaqiijiyay in wadamadani ay si gaar ah daminta xiisadda dagaal ee Somaliland iyo Puntland ugu xilsaareen dawladda Itoobiya oo xidhiidho dhinacyo badan la leh Somaliland iyo sidoo kale maamulka Puntland ee Soomaaliya.

Wararku waxay intaas ku dareen in laga yaabo inay Itoobiya socdaal la xidhiidha nabad raadintan iyo doonista ay Itoobiya ku doonayso inaan dagaal dambe dhicin ku tagaan masuuliyiin ka tirsan dawladda Somaliland.

Dawladda Somaliland ayaa dhawr goor ugu baaqday dalalka beesha caalamka inay awoodooda isugu geeyaan sidii ay maamulka Puntland ugu qancin lahaayeen inuu joojiyo dagaalada.

Laakiin iyadoo ay beesha caalamku ku hawlantahay daminta dagaal mar dambe qarxa, ayaa waxa ay Puntland iyaduna ku hawlantahay abaabul dagaal, waxaanu madaxweyne-xigeenka Puntland toddobaadkan ku dhawaaqay inuu bilaabmi doono dagaal lagu lagu hoobtaa.

Muuse Biixi oo hadal aan laga fileyn ka yiri xiisadda kala dhaxeysa Puntland

Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa wax ka beddelay hadalkiisii hanjabaadda ee colaadda ka dhaxeysa Puntland, wuxuuna sheegay in maamulkiisa uu doonaayo inuu ka fogaado colaad ay u qaadan Somalia.

Waxa uu sheegay in Somaliland ay dooneyso inay nabad kula noolaato dhammaan Soomaalida kale, sidaa aawgeed aysan waxba u dhimi doonin Somalia, waa haddii laga badbaado.

‘’Anagu dooni meyno inay cadaawad na dhexmarto Somalia inteeda kale, waxaanu dooneynaa nabad inaan kula noolaano walaalaheen Somalia, waxaanu ka digeyn in nalagu soo xadgudbo’’

‘’Somaliland waxa ay jeceshahay in Somalia ay dhan waliba iska caabiyaan anagoo aan isku sameyneynin xadgudub, balse waa inaan isku gafin oo aan si wada jira u ilaalinaa dareenka labada shacuub’’

Biixi waxa uu intaa raaciyay mar uu la hadlaayay warbaahinta gudaha ‘’Somalia inaanu wax u qabano mooyaane anagu colaad lama dooneyno, waxaanu jecelnahay nabadda waa in Somalia laga helaa nabad si ay nooga nabad hesho’’

Biixi, waxa uu sidoo kale sheegay in Madaxda Soomaalida laga doonaayo inay ilaaliyaan wada noolaanshiyaha labada dhan, waxa uuna taasi ku sheegay inay horseedi karto xiriir iyo wada shaqeyn wanaagsan, sida uu yiri.

Sidoo kale, Biixi ayaa cadeeyay in Somaliland aysan diyaar u aheyn in xiligaan ay dagaal la gasho Somalia qeybaheeda kala duwan, maadaama aan horay looga baran.

Haddalka Biixi, ayaa u muuqanaaya mid ku fooraara Dowlada Somalia oo looga dalbanaayo inay ka shaqeyso Nabadda, isla markaana xaliso colaada Tukaraq.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Ethiopia oo ku dhawaaqday go’aan culus oo ku aadan dagaalka iyada iyo Eritrea

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda wadaaga ah ee dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay si dhamaystiran u aqbashay oo ay hirgelinayso heshiiskii nabada ee lagu dhamaynayay dagaalkii xuduuda Ereteria.

Itoobiya waxay kaloo ay ogolaatay natiijadii ka soo baxday gudigii loo saaray calaamadaynta xuduudii la isku hayay laga soo bilaabo sanadii 2002-dii.

Gudigaasi ayaa Ereteriya u calaamadeeyey deegaano ay ka mid tahay Badme.

Arinkani ayaa soo afjaraysay ismariwaagii ka dhaxeeyey Itoobiya iyo Ereteriyan, dagaalkaasoo noqday dagaalkii ugu dhimashada badnaa Afrika ee 1998-dii.

Tobonaan kun oo qof ayaa ku dhintay dagaalkaasi oo socday mudo labo sano ah.

Labada dal ayaa colaad xoogan ay u dhaxaysay tan iyo waagaasi. Itoobiyana waxay diiday inay aqbasho natiijadii kasoo baxday gudigii xadaynta xuduuda oo qayb ka ahaa heshiiskii la gaaray.

Natiijadii ka soo baxday heshiiskaasina Itoobiya waxay diiday inay ciidankeeda ka saarto dhulka lagu muransan yahay, Ereteriyana waxay ku eedaysay Itoobiya inay xoog ku haysato dhulkeeda.

‘Ereteriya waa inay qaado tilaabo noocan oo kale ah iyadoon wax shuruud ah ku xirayn ayna aqbasho baaqeenan si loo soo celiyo nabadii luntay ee labada dal ee walaalaha ah’ waxaa sidaasi lagu qoray bogga Facebooga ee ururka EPRDF.

Ereteriya ayaa diiday inay wax wadahadal ah la gasho Itoobiya ilaa ay ka ogolaanayso shuruud la’aan natiijadii ay soo saareen gudigii xuduuda loo xilsaaray.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa balanqaaday inuu nabad ka keeni doono dalka Ereteriya markii uu xilka qabtay.

Hadii Itoobiya ay ciidankeeda ka saarto xuduuda lagu muransan yahay waxay taasi muujin doontaa sida ay Itoobiya uga go’an tahay nabada ay sheegayso.

Isha: BBC Somali

Maxkamada ciidamada oo amar adag ka soo saartay isku dhacyada ciidamada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, oo la hadlayay ciidamo ka jawaabay dalabkii Madaxweynaha kedib weerarkii 14-kii October oo ku jira dugsiga tababarka Gen. Gordan ayaa kula dar-daarmay marka hore in ay ku shaqeeyaan anshax wanaag.

Guddoomiyaha ayaa uga digay ciidamada in dhexdooda ay isticmaalaan qabyaaladda, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in qofkii arrimahaasi ku soo cadaadaan loo ciqaabi doono, isagoo sii wata hadalkiisa ayuu ciidamada kula dar-daarmay in ay bartaan qeybaha kala duwan ee aqoonta, rajjooyinkooda iyo hamigoodana ay sara u qaadaan.

Mar uu soo hadal qaaday dhacdooyinka ciidamada dhexdooda ah oo maalmahan dambe ka dhacayay magaalada ayuu si cara leh u sheegay in aan la aqbali doonin in shacab ay ku dhinteen isku dhacyada ciidamada.

Laamaha baarista oo kaashanaya xeer ilaalinta ciidamada ayuu ku amray in ay baaraan dambiyadii dhacay, soona cadeeyaan cidda masuuliyadda wixii dhacay dusha u ridata si loo mariyo wadada cadaaladda.

Gaba-gabadii ayuu sheeegay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad in aysan noqon doonin markii ugu dambeysay oo ay u yimaadaan ciidamada balse ay si joogta ah uga howlgeli doonaan rugaha ciidamada.

Maalmihii la soo dhaafay Magalada Muqdisho waxaa ku soo kordhayey isku-dhacyada Ciidamada dowladda Dhexdooda ah kaas oo sababay dhimashada dad Shacab ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Aqalka Cad oo shaaciyay goobta kulanka Kim Jong Un iyo Trump + Sawirro

Kulanka aadka looga dhursugayo ee dhex maraya madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa ka dhici doona hoteel ku yaalla jasiiradda Sentosa ee dalka Singapore sida uu shaaciyay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka.

Kulankan taariikhiga ah ee la qorsheeyay ayaa dhici doona 12 Juunyo, laakiin wali macluumaad badan oo la xaqiijiyay lagama hayo.

Waxay noqon doontaa markii koobaad ee ay kulmaan hogaamiye Kuuriyada Waqooyi iyo madaxweyne xil haya oo Maraykan ah.

Trump wuxuu sheegay Talaadadii in qorsheyaashu ay “si wanaagsan u socdaan”.

“Xiriiro badan ayaa la sameeyay, wada xaajoodyo badan ayaa socda safarka ka hor” ayuu ku yiri saxafiyiinta.

“Waa arrin ahmiyad leh” maalmo aad muhiim u ah ayayna noqon doonaan”.

Xoghayaha dhanka saxaafadda ee Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka Sarah Sanders ayaa Twitter-ka ku xaqiijisay in shirku uu ka dhici doono huteelka Capella.

Sentosa waa mid ka mid ah 63da jasiiradood ee ay Singapore ka kooban tahay.

Jasiiraddan oo badkeedu 500 oo hektar yahay wax yarna u jirta dhulwaynaha kale ayaa hoy u ah goobo loo tamashle tago, doomaha qaaliga ah ee sida gaarka ah loo adeegsado iyo goobo lagu ciyaaro golf.

Balse jasiiraddaas ayaa sidoo kale taariikh u leh, burcad badeed, dhiig ku daata iyo dagaal.

ISHA BBC

Sacuudiga oo shaaciyay qorsho uu la rabo mid ka mid ah dalalka burbursan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa shaaca ka qaaday inay is garabtaageyso xukuumadda cusub ee dib u heshiisiinta qaran ee Libya.

Dowladu waxa ay sheegtay in dowladaha carbeed ay ku khasban yihiin inay isgarabtaagan Libiya oo kasoo boganeysa dhaawacyada dhan maamul iyo mid dhismo ee kasoo gaaray burburka.

Caadil Al-jabiir oo ah Wasiirk arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay in uu taageero siiyo xukuumadda dib u heshiisiinta qaran ee Libya.

Al-jabiir ayaa sheegay in Libya ay ka taageerayaan dhinacyada Siyaasadda, dhaqaalaha, amniga gaar ahaan dhinaca la dagaalanka argigixisada.

Waxa uu tilmaamay in Libya ay hooy u tahay kooxda Daacish, hase ahaatee ay doonayaan inay ka ciribtiraan si Libya ay usoo noolaato.

Hadalka A-jaabir ayaa yimid ka dib markii isaga iyo Faa’is Siraaj oo ah madaxa xukuumadda dib u heshiisiinta qaran ee Libya ay ku kulmeen magaalada Jiddah ee cariga Sacuudiga.

Dhinaca kale, Libya ayaa fowdo amni ay ka jirtaa tan iyo markii uu geeriyooday Mucamar Al-qadaafi waxaana waddanka isku haysta kooxo hubeysan oo ay ka mid yihiin Daacish.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]