27 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Aqalka Cad oo shaaciyay goobta kulanka Kim Jong Un iyo Trump + Sawirro

Kulanka aadka looga dhursugayo ee dhex maraya madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa ka dhici doona hoteel ku yaalla jasiiradda Sentosa ee dalka Singapore sida uu shaaciyay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka.

Kulankan taariikhiga ah ee la qorsheeyay ayaa dhici doona 12 Juunyo, laakiin wali macluumaad badan oo la xaqiijiyay lagama hayo.

Waxay noqon doontaa markii koobaad ee ay kulmaan hogaamiye Kuuriyada Waqooyi iyo madaxweyne xil haya oo Maraykan ah.

Trump wuxuu sheegay Talaadadii in qorsheyaashu ay “si wanaagsan u socdaan”.

“Xiriiro badan ayaa la sameeyay, wada xaajoodyo badan ayaa socda safarka ka hor” ayuu ku yiri saxafiyiinta.

“Waa arrin ahmiyad leh” maalmo aad muhiim u ah ayayna noqon doonaan”.

Xoghayaha dhanka saxaafadda ee Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka Sarah Sanders ayaa Twitter-ka ku xaqiijisay in shirku uu ka dhici doono huteelka Capella.

Sentosa waa mid ka mid ah 63da jasiiradood ee ay Singapore ka kooban tahay.

Jasiiraddan oo badkeedu 500 oo hektar yahay wax yarna u jirta dhulwaynaha kale ayaa hoy u ah goobo loo tamashle tago, doomaha qaaliga ah ee sida gaarka ah loo adeegsado iyo goobo lagu ciyaaro golf.

Balse jasiiraddaas ayaa sidoo kale taariikh u leh, burcad badeed, dhiig ku daata iyo dagaal.

ISHA BBC

Sacuudiga oo shaaciyay qorsho uu la rabo mid ka mid ah dalalka burbursan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa shaaca ka qaaday inay is garabtaageyso xukuumadda cusub ee dib u heshiisiinta qaran ee Libya.

Dowladu waxa ay sheegtay in dowladaha carbeed ay ku khasban yihiin inay isgarabtaagan Libiya oo kasoo boganeysa dhaawacyada dhan maamul iyo mid dhismo ee kasoo gaaray burburka.

Caadil Al-jabiir oo ah Wasiirk arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay in uu taageero siiyo xukuumadda dib u heshiisiinta qaran ee Libya.

Al-jabiir ayaa sheegay in Libya ay ka taageerayaan dhinacyada Siyaasadda, dhaqaalaha, amniga gaar ahaan dhinaca la dagaalanka argigixisada.

Waxa uu tilmaamay in Libya ay hooy u tahay kooxda Daacish, hase ahaatee ay doonayaan inay ka ciribtiraan si Libya ay usoo noolaato.

Hadalka A-jaabir ayaa yimid ka dib markii isaga iyo Faa’is Siraaj oo ah madaxa xukuumadda dib u heshiisiinta qaran ee Libya ay ku kulmeen magaalada Jiddah ee cariga Sacuudiga.

Dhinaca kale, Libya ayaa fowdo amni ay ka jirtaa tan iyo markii uu geeriyooday Mucamar Al-qadaafi waxaana waddanka isku haysta kooxo hubeysan oo ay ka mid yihiin Daacish.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageys: Puntland “DF waxay Muuse Biixi siisay lacag uu hub ku iibsado

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa si carro leh uga hadlay lacag ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya siisay maamulka Somaliland, oo maamulka sheegay in Muuse Biixi uu hub kusoo iibsan doono.

Shir Jaraa’id oo ay maanta magalada Garoowe ku qabteen mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaas, ayaa waxa ay war ka soo saareen lacagta halka milysn ahayd ee shalay dowladda federaalka ugu deeqday fatahaadda Somaliland.

Dowladda ayaa lacagtaas ugu talo gashay dadka ay duufaantu saameysay ee ku nool degaanada bari ee maamulkaas, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, oo ah guddoomiyaha guddiga qaran ee fatahaadaha.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdullahi Jaamac Xersi (Timacade) ayaa walaac ka muujiyey lacagtaas in loo adeegsado hab siyaasadeed, islamarkaana maadxweynaha Somaliland uu ku iibsado hub looga qeyb qaato dagaalada u dhaxeeya labada dhina, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kaloo oo uu sheegay in Puntland aysan ka soo horjeedin gurmadkaas basle xilligan dowladda Federaalka Soomaaliya looga baahnaa in ay u wakiilato culimada iyo waxgaradka, laakin taasi ay hadda faraha ka baxday, islamarkaana Muuxe Bixi ay gacanta u gashay.

Halkan hoose ka dhageyso shirka jaraa’id

 

 

  

ICG: Afar arrimood oo la gudboon Farmaajo si uu Imaaraadka ula heshiiyo

Ururka xasaradaha caalamiga ayaa ka digaya in muranka kharaar ee u dhexeeya dawladaha khaliijka Carabta uu khatar ku yahay oo uu wiiqayo daganaanshaha Soomaaliya.

Hadalka ICG ayaa ku soo beegmaya sanadguuradii koobaad ee ka soo wareegtay markii uu billaamay muranka Khaliijka.

Bishii June ee sannadkii hore waxaa dhacay wax aysan dad badan filanynayn, taas oo ahayd in saddex dal oo ka mid ah dalalka ku bahoobay Khaliijka Carabta ee hodanka ah ay xiriirkii dublamaasiyadeed u jaraan dalka Qadar.

Dalalka Sucuudiga, Imaaraatka Carabta iyo Baxrayn ayaa xiriirka diblamaasiyadeed u jaray dalka Qadar oo ka mid ah dalalka saliidda qaniga ku ah, waxayna ku eedeeyeen in Qadar ay taageerto kooxaha argagixisada.

Soomaliya ayaa qaadatay go’an ah inay dhexdhexaad ka tahay muranka labada dhinac, balse Imaaraadka ayaa u arkayay dowladda inay u janjeerto dhinaca Qadar oo Turkiga uu taagersan yahay.

Bartamihii April, Soomaaliya iyo Iimaaraadka waxay joojiyeen iskaashigii milateri. Tani waxay timid ka dib markii ciidanka amaanka ee Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen ku dhawaad $10 malyan oo Iimaaraadku dayaarad ku keenay si loo siiyo askarta, waxaana muddo gaaban la xayiray dayaaraddii lacagtaas keentay. Iimaaraadku wuxuu kaloo xiray isbitaal bixin jiray adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah.

Haddaba Ha’yadda la socodka xasaradaha caalamka ee ICG ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqday inuu sameeyo afar arrimood oo ay hay’adda aaminsan tahay inay xal u noqon karto khilaafka dowladda iyo Imaaraadka u dhexeeya.

La hadal Imaaraadka

Hay’adda ayaa ugu baaqday madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, in cod dheer uu ku sheego inuu diyaar u yahay wadahadal toos ah oo u la galo Immaaraadka kana dalbado Sacuudiga inuu dhexdhexaadiya labada dhinac. Waxaa taasi suuragelin kartaa in lacagtii Imaaaraatka ee ay dowladda federaalka qabatay lagu bixiyo mushaaradka ciidammada ay immaaraadku tababreen oo la sheegay in markii horaba lacagtasi loo waday.

Waxaana sidoo kale la sheegay loogu baaqay saraakiisha sare ee dowladda inay qaboojiyaan hadallada ka dhanka ah Imaaraatka.

Mucaaraadka yaan loo caga jugleynin

Waa in dowladda Soomaaliya ay joojisaa handadaadda ay ku heyso xubnaha mucaaradka ee ay ku tuhunto inay taageero dhaqaale ka helaan Imaaraadka. Saamaynta lacagaha shisheeyee ay ku yeesheen siyasadda Somaaliya ayaa haa walaac in mudda ah taagnaa.

Balse hay’addu waxay hoosta ka xariiqaday in mucaaradka oo kali ah uusan lacagahaasi dalal shisheeye ka helin.

Dowladda ayaa loogu baaqay inay dhiirageliso la xisbaatanka oo iyadu qudheda ay shacabka la wadaagto lacagahaha ay dalalka shisheeye ka hesho.

Dhameystirka dastuurka

Ha’yadda la socodka xasaradaha caalamka ee ICG ayaa dowladda ku dhiiragelisay inay si deg deg ah u dhameystirto dastuurka qabyada ah, kaaso qeexaya qaybsiga awooddaha iyo khayraadka dalka.

Qaabkii loo qeybsan lahaa kheyraadkan ayaa xudun u ahaa khilaaf marar badan soo kala dhexgalay dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada.

waxaa lagula taliyay dowladda inay sii ambaqaaddo wadahadalladii ay la gashay maamul goboleedyada bishii Oktoobar ee sanadkii 2017-kii.

In Somaliland lala hadlo

Hay’adda xasradaha caalaamka ayaa ugu baaqday madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo inuu kulan la qaato madaxweynaha Jamhuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Muusa Biixi si uu niyad wanaag ugu muujiyo.

Immaaraadka iyo Somaliland waxaa lagula taliyay madaxweynaha inuu joojiyo ishortaagga heshiiska dekedda Berbera ee ay DP world oo in muddo ah soo socday.

ICG ayaa dhinaca kale ugu baaqday quwadaha Khaliijka iyo Turkiga inaysan khilaafkooda u soo xawilin geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya, maadma bay tiri aysan jirin cid ay arrintaa guul ka soo raaci doonto balse ay dhibaato un ku tahay shacabka Soomalaiyeed.

ISHA BBC

SAWIR: Ku-xigeenka duqa HARGEYSA oo arrin carro abuurtay ku dhaqaaqay

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka magaalada Hargaysa ee maamulka Somaliland, Cabdicasiis Cagaweyne ayaa xafiiska surtay calanka Itoobiya, falkaasoo ay si weyn ugu caroodeen bulshada Soomaaliyeed ee qurbaha iyo gudaha ku nool.

Tallaabadaasi uu qaaday Guddoomiye kuxigeenka Hargeysa ayaan la ogeyn sababta ku kaliftay iyo in ay aqoondaro u geysay in xafiiskiisa ku xardho calan aan aheyn midkii uu madalayay.Ficilkaasi ayaa dhabar jab ku ah qaranimada iyo jiritaanka ummada Soomaaliyeed oo ah dal madax-bannaan in maamuladii dalka qaarkood xafiisyadooda surtaan calamada dalalka shisheeye.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected] 

Baarlamaanka Ethiopia oo gaaray go’aan waqtigiisa kasoo hormaray laba bil

Baarlamanka dalka Ethiopia ayaa maanta ansixiyey go’aanka ay dowladda ku qaadday xaaladdii deg degga ahayd ee dalkaas saarneyd muddo lix bilood ah, laba ka hor xilligii la qorsheeyey, sida ay baahisay warbaahinta dowladda ee Fana.

Dowladda ayaa soo rogtay xaaladda deg degga ah bishii Febraayo, si ay wax uga qabato degenaansho la’aan ka dhalatay qorshe lagu ballaarinayey magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa, oo dadka qaar ay u akreen in lagu qabsanayo dhulka gobolka Oromiya.

Xiisaddaas ayaa hogaamisay is-casilaaddii ra’iisul wasaare Hailemariam Desalegn.

Sabtidii, ayaa golaha wasiirada Ethiopia waxa uu yeeshay kulan lagu qiimeynayo xaaladda amni ee dalka, waxaana uu sheegay “In sharcigii iyo kala dambeyntii lasoo celiyey”, taasi oo dhabbaha u xaartay codka ansixinta ee baarlamanka uu maanta sameeyey.

Abiy Ahmed, oo ah sarkaal horey uga tirsanaa ciidamada, kaasi oo xilka ra’iisl wasaare ka beddelay Hailemariam, ayaa ku safray dalka oo idil, isaga oo ballan-qaaday inuu wax ka qaban doono ashtakooyinka jira, islamarkaana xoojin doona xuquuqda rayidka iyo siyaasiyiinta.

Mas’uuliyiinta ayaa ballan-qaaday inay sameyn doonaan isbeddelo dhowr ah, oo ay ku jirto in lasii daayo kumanaan maxaabiis ah.

Xigasho: VOA Somali

Dagaal sabab yaab leh oo ciidanka DF ku dhex maray magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mar kale maanta waxa uu dagaal qaraar ku dhex-maray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Dagaalkaan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda Waaxda Xalane ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay idaacadda Dalsan ee Muqdisho ku taalla u sheegeen in dagaalka uu yimid kadib markii dhul dhismo uu ka socday leysku qabsaday, taas oo keentay in labada ciidan ay wada dagaalamaan.

“Askar ka wada tirsan dowladda waaye waxa dagaalamay, guri dhsimo ka socday ayaa kuwo rabay in ay lacag ka qaataan joojiyeen, kuwo kale ayaa yimid oo difaacayey, saas ayuu dagaalka ku dhacay, waxaan arkay hal askari oo meydkiisa meesha laga qaadayey iyo haweeney meesha mareysay oo dhaawac ah” ayuu yiri qof ka mid ah dadka xaafada Xalane.

Xaaladda goobtii uu dagaalka ka dhacay ayaa haatan ah mid degan.

Dagaallada dhexmara ciidamada ka wada tirsan dowladda ayaa muddooyinkaan ku soo badanayey Muqdisho, waxaana shalay Waaxda saddexaad ee degmada Dharkenley ku dagaalamay ciidamada xasilinta iyo kuwa milateri ah.

Inta badan dagaallada ayaa ka dhasha lacag baad ah oo laga qaadanayo guryo la dhisayo ama goobo ganacsi, oo ciidamada ay isku qabsadaan, waxaana yaab leh in ciidan dowladeed ku dagaalamaan baadda shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Xog: Saddex qodob oo la isku mari la’yahay shirka BAYDHABA ka socda

Baydhaba (Caasimada Online) – Waxaa maalintii 2aad magaalada Baydhabo ka socda shirka amniga qaranka, waxaana illaa iyo hadda aad la isugu hayaa oo la isku mari la’yahay saddex qodob oo xasaasi ah, kuwaas oo xalay oo dhan laga doodayey.

Arrinta Amniga: Shalay oo dhan shirka waxaa laga hadlayey oo weliba lagu heshiiyay arrimaha amniga qaranka iyada oo laga wada hadlay dhismaha iyo isku dhafka ciidamada, mushaarka, la dagaalanka kooxaha dowladda ka soo horjeeda, qoondada lacagaha miisaaniyadda iyo mushaaraadka, in maamul goboleedyada la xoojiyo, laguna taageero hub iyo tababar iyo arrimo kale.

Ilo ku sugan shirka ayaa xaqiijiyay  in xalay lagu dhafray 2da arrin oo kala ah: Kheyraadka iyo doorashooyinka.

Kheyraadka: Inta badan arrimaha Kheyraadka waa lagu heshiiyay oo waxaa horay uga soo shaqeeyay guddi-hoosaadkii loo saaray, laakin waxaa saacado badan qaatay “Yaa bixinaya Licences-ka shirkadaha caalamiga ah”, dowladda federaalka ah waxaa ay qabtaa in looga dambeeyo halka maamul goboleedyada ay soo-jeediyeen in la dhiso guddiyo arrimahan Licences-ka ka shaqeeyo, sida guddiga  shidaalka qaranka,  oo uu ka koobnaado 2 xubnood oo dowladda ah iyo mid hal xubin oo maamul goboleedyada ah iyo xubin maamul ah, dood dheer  kadib waxaa ay dowladda federaalka ah ku adkeysatay xataa haddii guddiga la dhiso in wasaaradda loo daayo saxiixa iyo go’aan ka gaarista kama dambeysta ah.

Doorashada: Arrinta kale ee muddo dheer laga doodayey waa doorashooyinka dalka ka dhacaya 2020-ka, madaxda dowladda federaalka ah waxaa ay ku adkeysteen sida ballanta aheyd in 4.5 laga baxo, oo ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo codkiisa ah, laakin 2 ka mid ah dowladaha maamul goboleedyada waxaa ay ku doodeen in aaney doorasho noocaas ah dhici Karin, oo uu amniga aad u liito, oo ergadii 2016kii weli la dilayo, oo aanay macquul aheyn in doorasho noocaas ah la galo.

Shirka amniga qaranka waxaa la soo gebagabeyn-doonnaa maanta gelinka dambe, war murtiyeedka iyo wixii ku soo kordha, halkan nagala soco.

Farmaajo oo 3 arrin uga digay madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia oo Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shir Guddoominaayo shirka Golaha amniga Qaranka ee ka socda magaalada Baydhabo ayaa ka digay in madaxda maamul Goboleedyada ka jira dalka ay horseedan caqabado hor leh uu  cagaha la galo dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in heshiiska Dowlada iyo Maamul Goboleedyada uu adduunka u muujinaayo in Somalia ay u hogaansan tahay inay ka shaqeyso aayaheeda, hase ahaatee aanu faa’iido laheyn in adduunka uu kusoo baxo khilaafka madaxda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ka Madaxweyne ahaan uusan kasoo horjeedin in lawada tashto isla markaana laga gudbo khilaafyada soo laalaabta, balse uusan munaasib u arkin in lagu dhaqaaqo is barbaryaac.

Madaxweynaha oo kulamo khaas khaas ah magaalada Baydhabo kula qaatay dhammaan madaxd maamul Goboleedyada ka jira dalka ayaa u sheegay inay muhiim tahay in si wada jira loogu adeego dalka.

Waxa uu Madaxda maamulada uga digay inay ku dhiiradaan 3 arrin oo uu sheegay inay halis galinkarto dalka waxaana kamid ah:

1-In laga fogaado in Khilaafka Madaxda iyo maamulada la gaarsiiyo heer ay soo faragaliyaan saaxiibada caalamka.

2-In laga weecdo heshiisyada ay wada galeen madaxda iyo maamulada, taa oo aasaas u noqonkarta dhibaatooyin hor leh.

3-In maamulada ka jira dalka ay adeecan dowlada Somalia, isla markaana laga fogaado is garabyaac iyo in khaladaadka jira la tuso shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxda u sheegay in Dowladiisa ay ahmiyad gaara siin doonto in wixii jira lagu xaliyo miiska dushiisa, taa oo uu cadeeyay in looga gudbi karo dhibaatooyinka heysta dalka.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa madaxda maamulada ugu baaqay ineysan dhaawicin qalbiga shacabka oo uu sheegay inay ku rajo weyn yihiin dowladnimo.

Dhinaca kale, waxaa weli qabyo ah kulanka Madaxweynaha iyo madaxda maamulada, waxaana lagu wadaa in maanta lasoo afmeero xitaa khilaaf hooseedyada dowlada kala dhexeeya maamulada.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
[email protected]

 

 

Urur caalami ah oo shaaca ka qaaday halis Somalia uga soo socota khaliijka

Ururka xasaradaha adduunka ayaa ka digaya in muranka kharaar ee u dhexeeya dawladaha khaliijka carabta uu khatar ku yahay oo uu wiiqayo daganaanshaha Somalia.

Ururku wuxuu siyaasiyiinta Somalida Ugu baaqay in ay joojiyaan in ay laka jirsadaan dhinancyada iskuhaya muranka khaliijka ka taagan sabatoo ah taasi waxay khatar galin kartaa qalalsasaha isa soo taraya ee Somalia gudaheeda iyo sidoo kale Caasimadda Muqdisho iyo Jamhuuriyadda Iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Kolkii sacuudiga iyo imaaraadka Carabtu ay xiriirka diblumaasiyadeed ujareen Qatar sanadkii hore ayaa arrintani waxay dhibaato u keentay Somalia taas oo xiriir laleh labada dhinacba.

Ururka xasaradaha caalamka ayaa ku baaqay wadahadal dhexmara dawladaha Somalia iyo Imaaraadka asagoo intaas ku daray xasilooni darro dheeri ah oo ka dhacday Somalia in ay ka faaidi karaan Kooxaha Jihaad doonka ah.

Isha BBC

Waregeyska Mareykan ah oo qoray arrin ay halis ugu jirto dekadda BERBERA

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa cabsi laga qabaa in dagaalka u dhexeeya dalalka dhaca Bariga Dhexe uu saameyn lixaad leh ku yeesho Dekadaha tayada leh ee ku yaalla Bariga Qaarada madow ee Africa.

Dekadaha uu saameynta ku yeelankaro dagaalka ayaa waxaa kamid ah Dekadda Berbera, sida lagu sheegay Warbixin lagu daabacay wargeyska The Wall Street Journal.

Waxa uu qoray wargeyska in Dekada Berbera ay kamid tahay kuwa muhiimka ah ee ku dhow marinka caalamiga ah ee “Canal Suez”, waxa uuna intaa raaciyay in ku dhawaad 260 Mile ay u jirto dalka Yemen. Sida uu qoray The wall street journal.

Waxa uu qoray Wargeyska in Dekada Berbera ay halboole u tahay isku xirka xuduudaha labada dal Somalia,Yemen iyo dalal kale, sidaa aawgeed ay Dekaddu saameyn xoogan ku yeelan karto xiisada Siyaasadeed ee ka dhex aloosan wadamada Khaliijka ee xiligan ahmiyada siinaaya Dekadaha Somalia.

Dekadda Berbera ayuu sheegay wargeyska inay u nuglaan doonto shar iyo kheyrba, maadaama ay xudun u tahay wadamada Khaliijka, isla markaana isticmaala Badda Somalia.

Damaca ugu badan ayaa lagu sheegay inuu yahay mid dhaqaale, maadaama wadamada Khaliijka ay iminka ku indha furteen Dekadaha dayacan ee Somalia, waxa ayna taasi is ceersi iyo dagaal ka dhex abuuri kartaa dowladaha Khaliijka.

Sidoo kale, Sacad Cali Shire oo ah Wasiira arrimaha dibadda maamulka Somaliland, ayaa isagu rumeysan in Somaliland ay siyaabo kala duwan uga faa’iideysan doonto Dekadda Berbera iyo Dekadaha kale, hase ahaatee ay muhiim tahay in la fahmo in Somaliland ay cagaha la gashay dano Sumeysan oo ka awood badan sida la moodo.

Waxa uu yiri Wasiirka ‘’Waxaanu dhexda ugu jirnaa dowlado isku haya dano gaara oo saameyn yeelankara sida tartanka u dhexeeya Khaliijka oo u kala qeybsan Sunni iyo shiici’’

‘’Waxaa sidoo kale jira loolano saameyn nagu yeelan kara  oo u dhexeeya wadamo dhowr ah Mareykanka, Ruushka iyo Turkiga oo siyaabo kala duwan u daneynaaya Dekadaha Africa’’

Sidoo kale, wadamada Khaliijka, Mareykanka, Ruushka, Qadar iyo Turkiga ayaa ku loolamaaya Xeebta Waqooyiga Geeska  Africa oo u dhow wadanka Yemen.

Dhinaca kale, Saldhiga Imaaraadka ee Berbera ayaa laga cabsi qabaa xitaa inay isticmaalan ciidamo iyo diyaarado dagaal oo ay leeyihiin Sacuudiga iyo wadamo kale oo ka tirsan Khaliijka.

Isha https://www.wsj.com/articles/global-powers-race-for-position-in-horn-of-africa-1527861768

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Daawo: Wasiir Puntland ah “Ilaahay ayaa na yiri SOOL idinkaa leh ee ilaashta”

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiiru dowladda Madaxtooyadda ahna Afhayeenka Xukuumadda Puntland Cabdullahi Jaamac Quran’jecel, ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay xaq u leedahay inay difaacato Gobolka Sool.

Quran’jecel,waxa uu sheegay in la wada ogyahay in Gobolka Sool ay maamusho Puntland, hase ahaatee Somaliland ay dusha saaran doonto wixii dhibaato ah oo ka dhashay dagaalka.

Quran’jecel, waxa uu tilmaamay in Somaliland ay ka dhamaan la’dahay ‘’Gumeystihii Ingiriiska ayaa noo hooyay Sool’’, waxa uuna taa ku sheegay mid aan suuragal aheyn.

Isagoo ka jawaabaya haddalka Somaliland ee ah in gumeystaha uu u gooyay Sool ayuu yiri ‘’Haddii Gobolka Sool uu idiin gooyay Ingriiska ama idinsiiyay, anagana ilaahey ayaa na yiri Sool idinkaa leh’’

Quran’jecel, waxa uu intaa raaciyay ‘’Sool dadkeena ayaa degan, ilaahey baa na dajiyay waana ku noolaan doonaa’’

Sidoo kale, Wasiiru dowladda Madaxtooyadda Puntland waxa uu sheegay in dadka ku nool Sool laga doonaayo inay ilaashtaan deegaankooda isla markaana iska celshaan Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, Puntland ayaa u muuqaneysa mid cirka kusii toleysa xiisada Gobolka Sool ee kala dhexeysa Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Wasiiro iyo xildhibaanno DF ah oo qoraal xasaasi ah u diray Muuse Biixi

War-saxaafadeed ay soo saareen Masuuliyiinta Golayaasha Federaalka ugu Jira Gobolada  Sool, Sanaag iyo Cayn ee Puntland ,waxay ka hadleen dagaalka Tukaraq, iyagoo sheegay in ay uga  digayaan Madaxweynaha Maamulka Somaliland  Muuse Biixi joogitaanka iyo  sheegashada Gobolka Sool.

Masuuliyiintan oo  isugu Jira Xildhibanada labada aqal iyo wasiiro ayaa war-murtiyeedkooda ku sheegay in dagaalka Somaliland kusoo qaaday degaanka Tukaraq uu yahay mid qaawan oo uu Madaxweyne Muse Biixi ku doonayo dhul balaransi.

Qoraalka ay warbaahinta la wadaageen waxaa warfidiyeenka lawadaagay Xildhibaan Sharmake Garaad Saleeban.

 

Puntland: Somaliland waxa ay dhallinyaradeeda ka jeceshahay Ethiopian-ka

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali ayaa shaaca ka qaaday in jiritaanka maamulka Somaliland uusan dan ugu jirin Umadda Soomaliyeed iyo xitaa dadka ku nool deegaanada maamulka, sida uu hadalka u dhigay

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay Soomaalida kale ka jeceshahay Ethiopianka iyo Oromada, halka ka garab istaagi laheyd Soomaalida.

Isagoo saxaafada la hadlaayay ayuu yiri ‘’Somaliland cidna dan uguma jirto maxaa yeelay inay la dhaqanto Soomaalida kale waxa ay ka jecelyihiin la dhaqanka Ethiopianka iyo Oromada’’

Waxa uu tilmaamay inay gaareen heer ay dhulkooda u diidaan dhalinyaro Tahriib ah oo laga keenay dalka Liibya, waxa uuna taa ku micneeyay inay kala doorbidayaan dhalinyarada Somaliland ee laga keenay Somaliland iyo kuwa ajaaniibta ah.

‘’Heer waxa ay gaareen inay diidaan dadkooda marka waxaan leeyahay jeclaada dadkiina oo ha jeclaanina kuwa Ethiopianka ah’’

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Puntland ay difaacan doonto Gobolka Sool, balse Somaliland laga doonayo inay u baqdo ciidankeeda oo aysan kusoo xadgudbin Gobolka.

Haddalka Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi, ayaa kusoo beegmaaya xili labada maamul ay hanjabaado isu marinayaan hawada.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Faallo: Muhiimad caynkee ah ayuu leeyahay shirka magaalada Baydhaba?

Baydhabo (Caasimadda Online) – Waxaa Shalay magaalada Baydhabo ka furmay shirka amniga qaranka Soomaaliya, waxaana ka qaybgalaya madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Shirka waa mid loo dhanyahay marka laga hadlayo mas’uuliyiinta ka qaybgalaya , gaar ahaan madaxda federaalka, waxaana kulanka kasoo xaadiray madaxweyne Farmaajo, Ra’isulwasaare Kheyre iyo xitaa Ra’isulwasaare ku xigeenka iyo wasiirka amniga.

Magaca shirka ee ah ‘Shirka Amniga Qaranka’ ka sokoow waxaa shirka looga hadlayaa arrimo aanan amni ahayn, sida qeybsiga kheyraadka iyo waliba in lagu heshiiyo hannaanka doorasho ee uu dalka qaadanayo marka la gaaro sanadka 2020-ka sida uu kusoo waramayo wariyaha BBC-da ee Muqdisho.

Markii ugu dambaysay ee ay madaxdan kulan isugu yimaadaan wuxuu dhacay bishii feberaayo ee sanadkan, kiisa xigana waxaa lagu balamay in uu dhoco 28-dii Maarso, balse taas ma uusan qabsoomin sababo la xiriira madmadoow soo kala dhex galay federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Dr Ibraahim Bursaliid oo ah falanqeeye siyaasadeed oo BBC-da la hadlay ayaa sidan qaba “Waxaad moodaa in uu fursad bixin doono shirkan oo ah in madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada ay si gaar gaar ah iyo si guudba isu arki doonaan, bal xoogaa loo turxaan bixiyo kala shaki waayadaan dambe soo kala dhexgalay”.

Gocashada Dowlad Goboleedyada

Dowlad goboleedyada bishii hore ayay Baydhabo ku Shireen, ayay walaac ka muujiyay in dawladda dhexe aanay wax tilaabo ah horey ugu qaadin heshiisyadii hore ee dhigayay in dawladda federaalka ay ka caawinayso ciidanka booliska dawlad goboleedyada oo ay ku jiraan kuwa daraawiishta hub, saanad,agab ciidan, raashin, dawo, gunno, tababar iyo tayayn si ay ugala qayb qaataan ciidanka qaranka dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixsada.

Balse halka ay sarta ka qurunsantahay waxaa markale sharaxaya Bursaliid oo yiri “Maamul goboleedyada oo marka aad eegtid dhul ahaan meelaha ay ka taliyaan ay is xijinayaan arrimaha amniga, xukuumadana inkasta oo aysan Xamar dhaafsanayn haddane idinkii guud ay haysato”.

Haseyeeshee waa la’isku qasbanyahay sida uu qabo Bursaliid “Sandeeradii dalalka gobolka iyo beesha caalamka loo doonan jiray waa lasoo afjaray, xukuumadana loo idmay in wixii amni ah iyada ka hadasho, waxaad moodaa in la isku qasbanyahay”.

Is aragga madaxda

Markaba laga soo gudbo ajandayaasha miiska saaran ee shirka iyo heshiisyada qoran ee horay loo gaaray, waxaa jira waxyaabo quluubta ku kaydsan oo ay tahay in is afgarad laga gaaro sidii loo wajihi lahaa.Dowladda federaalka oo hadda lugaheeda dhinac isugu duwatay, islamarkaasna laantii fulinta, sharci dajinta iyo xitaa garsoorkii ay u muuqdaan kuwa hal dhinac wax u wada wada, ayay u egtahay in markan ay diirada saarayso sidii ay u heli lahaayeen waddo ay kula macaamilaan.Madaxda dowlad goboleedyada oo intooda badan uu waqtiga ka dhacayo, doorashooyinka kusoo food leeyihiin, qaarkoodna khilaafyo siyaasadeed ku furanyihiin ayaa u arka dowladda federaalka mid iyaga miji xaabin la damacsan, waxaana taas laga dheehan karaa haddaladii badnaa ee kasoo baxay madaxdan , gaar ahaan hadal uu dhawaan saxaafadda siiyay guddoomiyaha gole ay leeyihiin, Cabdiwali Gaas oo yiri “Muqdisho Soomaaliya ma ahan, Soomaaliyana Muqdisho ma ahan”.Dr Bursaliid waxa uu qabaa in muhiimada ugu weyn ee uu shirkan leeyahay ay tahay in ay si fool ka fool ah isu arkaan madaxda, si guud iyo si gaar gaar ahba, ayna jirto fursad ay wax iskula meel dhigi karaan.Waxaase aad looga war dhawrayaa war murtiyeedka kasoo bixi doona shirka, kaas oo kala caddeyn doona haddii ay jirto wax isu soo dhawaansho ah iyo haddii kale.

Xigasho: BBC Soomali
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wasiirka arrimaha gudaha oo xooga saaraya xalinta khilaafka Gal-Mudug

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa lagu soo waramaya inuu bilaabay dadaalo uu ku bad baadinaayo aayaha maamulka Gal-Mudug oo sanad gudihiis lugaha la galay khilaafkii labbaad.

Gal-Mudug ayaa wajaheysa xasarad siyaasadeed oo u dhaxeysa madaxda sare ee maamulka. Khilaafka taagan ayaa ka dhashay qaabkii loo fuliyay heshiiskii lala galay Ahlu Sunna, iyadoo madaxweyne kuxigeenka Gal-Mudug iyo gudoomiyaha Baarlamanku ay sheegeen in la baalmaray awood qeybsigii beelaha iyo in la badalay dastuurkii maamulka Gal-Mudug.

Wasiir Sabriye oo BAYDHABO ku sugan ayaa la sheegay inuu kulan qaas ah la qaatay madaxweyne Xaaf iyo Shiikh Maxamed Shaakir oo iyaguna halkaa ku sugan, isagoo u bandhigay in Gal-Mudug ay u baahan tahay isu tanaasul iyo is qancin si meesha ay joogto horey looga qaado. Wuxuu labbada nin u jeediyay in Dowlada dhexe ay xooga saari doonto midnimada Gal-Mudug.

Ilo ku dhow dhow wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in sidoo kale uu wasiirku teleefoonka kula hadlay madaxda Gal-Mudug ee gadoodka ku joogta magaalada Cadaado isagoo u sheegay in jiritaanka Gal-Mudug oo mid ah,  ay muhiim u tahay nidaamka Federaalka iyo midka doorashooyinka 2020ka.

Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye ayaa labbada dhinac ka codsaday iney joojiyaan hadalada ay warbaahinta isu marinayaan taas oo dhaawaceysa qorshaha xal u raadinta xiisada ka taagan Gal-Mudug, wuxuuna kula dar daarmay iney eegaan masuuliyada ka saaran dadka iyo deegaanka.

Bulshada reer Gal-Mudug ayaa ka walaacsan khilaafka soo noq noqday ee madaxda sare, kaas oo dib u dhigay howlihii iyo horey u socodkii maamulka.

Waxaa Qoray- Cabdulaahi Cismaan Faarax
[email protected]

 

Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay Sheekh Maxamed Shaakir

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa weli magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed ka socda shirka Golaha amniga Qaranka oo la filaayo in laga soo saaro qodobo muhiim ah.

Shirka Golaha amniga Qaranka ayaa waxaa shir guddoominayo Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, waxa uuna ujeedka ugu weyn yahay in xal loo helo qodobada looga doodayo shirka.

Shirka Golaha amniga ayaa waxaa barbar socda shirar gaar gaar ah oo Madaxweynaha dalka la qaadanaayo mas’uuliyiinta maamul goboleedyada gaar ahaan madaxda maamulka Galmudug oo uu khilaaf ka dhexeeyo.

Madaxweynaha ayaa kulamada ugu badan la qaadanaayo Madaxda Galmudug, gaar ahaan Madaxa xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir kaa oo xal loogu raadinaayo Khilaafka Galmudug.

Illo ku dhow dhow Madaxweynaha ayaa sheegaya in shirka kala dhexeeya Shaakir aad looga hadlay khilaafka u dhaxeeya hoggaanka Galmudug, oo hada kala jooga magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusa-mareeb.

Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Madaxda xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakiri Cali Xasan ayaa si aad uga wada hadlay sida ugu macquulsan ee xal loogu gaari karo khilaafka hareeyay Madaxda Galmudug iyo doorka dowladda dhexe.

Sidoo kale, Sheekh Shaakir ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhaga adeegayo qaar kamid ah talooyinka uu jeedinaayo Madaxweyne Farmaajo, hase ahaatee waxaa jirta rajo laga qabo in xal loo helo Khilaafka.

Dhinaca kale, Shirkan ayaa waxaa lagu wadaa gelinka dambe ee maanta in lagu soo gaba gabeeyo magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah maamulka Koonfur Galbeed.

Caasimada Online

Xafiiska Baydhabo

[email protected]

Ciidamo ka wada tirsan kuwa DF oo Muqdisho ku dagaalay + Khasaaraha!

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal u dhexeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Dharkiinleey ee Gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa waxa uu si gaara uga dhacay waaxda 3-aad ee Degmada, waxa uuna u dhexeeyay ciidamada Xasilinta iyo kuwa Militeriga ee deegaanka ku ah Degmadaasi.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Xasilinta ay howlgalo amni ka sameynayeen Waaxda, waxa ayna dagaal kala kulmeen ciidamada Militeriga.

Ciidamada Militeriga ayaa ka shakiyay ciidamada Xasilinta oo iyagu hub ka dhigis kawada magaalada Muqdisho, waxa ayna taasi dhalisay in ciidamada Militeriga ay rasaas ku bilaaban ciidamada Xasilinta.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay khasaaro kala duwan, iyadoo inta la xaqiijiyay ay ku geeriyooden laba ruux oo midi uu yahay Askari iyo Haweene kamid aheyd dadka deeganka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca isku dhacyo u dhexeeya ciidamada tan iyo markii ay dhalatay bisha ramadaan.

Dhinaca kale, Hay’adaha amaanka Dowlada ayaa dhowr jeer kadigay in lala dagaalamo ciidamada dowlada xiliyada ay ku guda jiraan howlahooda amni.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Hadalkii Abiy iyo qorshaha cusub ee dalka Ethiopia oo walaaciyey Somali badan

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa shalay sheegay in dalkiisa uu dhisanayo ciidamada badda iyo maraakiib dagaal, inkasta oo ay jirto in Ethiopia aysan lahayn wax bad ah, oo ciidamadaas ay ka howl-galaan.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa durba billaabay inay is-weydiiyaan sida dal aan bad lahayn uu ciidan bad ku yeelan karo. Is-weydiin kaliya maahee, qaarkood ayaa billaabay inay ka wallaacaan hadalka Abiy Ahmed iyo saameynta uu ku yeelan karo Soomaaliya.

Baraha bulshada ee Soomaalida ku sheekeystaan sida facebook, ayaa walaaca ugu weyn ee ka taagan, waxa uu yahay in Ethiopia ay isku haleeneyso badda Soomaaliya, oo ciidankeeda halkaas ay fariisin u noqon doonto.

Sanadihii dhowaa Ethiopia waxa ay si muuqata u maamuleysay maamul goboleedyada Soomaaliya, waxaana dadka qaar walaaciyey in qorshahoodu yahay in ay Soomaaliya kusii hayso marxaladdan ah maamulo badan oo is-garab ordaya, si ay taas uga faa’iideysato, una maamusho xeebaha Soomaaliya.

Heshiiska dhowaan ay shirkadda DP World la gashay Somaliland ee dekedda Berbera, oo Ethiopia laga siiyey 19%, inkasta oo aysan wax shaqo ah ku lahayn, ayaa dadka qaar tusaale usoo qaateen inuu muujinayo heerka uu gaarsiisan yahay damaca Ethiopia ee xeebaha Soomaaliya.

Marka laga soo tago Somalia, afarta dal ee kale ee Ethiopia xuduudda la leh ee xeebaha leh, dhammaantood waa dalal leh dowladi dhisan oo shaqeynaya oo awood leh, waana Kenya, Sudan, Jabuuti iyo Eritrea. Sidaa darteed Ethiopia kuma gardarroon karto, waxaana dal kaliya ee baylahan uu u muuqdaa Soomaaliya.

Waa wax laga dhursugayo, halka ay ciidamada badda Ethiopia ee la dhisayo ka howl-galaan, hase yeeshee Soomaalida xaq ayey u leeyihiin inay ka walaacaan qorshahan.

Bal inoo sheeg, sida ay adiga kula tahay, adiga oo fikirkaaga kusoo diraya: [email protected]