26.6 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Wasiirka arrimaha gudaha oo xooga saaraya xalinta khilaafka Gal-Mudug

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa lagu soo waramaya inuu bilaabay dadaalo uu ku bad baadinaayo aayaha maamulka Gal-Mudug oo sanad gudihiis lugaha la galay khilaafkii labbaad.

Gal-Mudug ayaa wajaheysa xasarad siyaasadeed oo u dhaxeysa madaxda sare ee maamulka. Khilaafka taagan ayaa ka dhashay qaabkii loo fuliyay heshiiskii lala galay Ahlu Sunna, iyadoo madaxweyne kuxigeenka Gal-Mudug iyo gudoomiyaha Baarlamanku ay sheegeen in la baalmaray awood qeybsigii beelaha iyo in la badalay dastuurkii maamulka Gal-Mudug.

Wasiir Sabriye oo BAYDHABO ku sugan ayaa la sheegay inuu kulan qaas ah la qaatay madaxweyne Xaaf iyo Shiikh Maxamed Shaakir oo iyaguna halkaa ku sugan, isagoo u bandhigay in Gal-Mudug ay u baahan tahay isu tanaasul iyo is qancin si meesha ay joogto horey looga qaado. Wuxuu labbada nin u jeediyay in Dowlada dhexe ay xooga saari doonto midnimada Gal-Mudug.

Ilo ku dhow dhow wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in sidoo kale uu wasiirku teleefoonka kula hadlay madaxda Gal-Mudug ee gadoodka ku joogta magaalada Cadaado isagoo u sheegay in jiritaanka Gal-Mudug oo mid ah,  ay muhiim u tahay nidaamka Federaalka iyo midka doorashooyinka 2020ka.

Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye ayaa labbada dhinac ka codsaday iney joojiyaan hadalada ay warbaahinta isu marinayaan taas oo dhaawaceysa qorshaha xal u raadinta xiisada ka taagan Gal-Mudug, wuxuuna kula dar daarmay iney eegaan masuuliyada ka saaran dadka iyo deegaanka.

Bulshada reer Gal-Mudug ayaa ka walaacsan khilaafka soo noq noqday ee madaxda sare, kaas oo dib u dhigay howlihii iyo horey u socodkii maamulka.

Waxaa Qoray- Cabdulaahi Cismaan Faarax
[email protected]

 

Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay Sheekh Maxamed Shaakir

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa weli magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed ka socda shirka Golaha amniga Qaranka oo la filaayo in laga soo saaro qodobo muhiim ah.

Shirka Golaha amniga Qaranka ayaa waxaa shir guddoominayo Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, waxa uuna ujeedka ugu weyn yahay in xal loo helo qodobada looga doodayo shirka.

Shirka Golaha amniga ayaa waxaa barbar socda shirar gaar gaar ah oo Madaxweynaha dalka la qaadanaayo mas’uuliyiinta maamul goboleedyada gaar ahaan madaxda maamulka Galmudug oo uu khilaaf ka dhexeeyo.

Madaxweynaha ayaa kulamada ugu badan la qaadanaayo Madaxda Galmudug, gaar ahaan Madaxa xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir kaa oo xal loogu raadinaayo Khilaafka Galmudug.

Illo ku dhow dhow Madaxweynaha ayaa sheegaya in shirka kala dhexeeya Shaakir aad looga hadlay khilaafka u dhaxeeya hoggaanka Galmudug, oo hada kala jooga magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusa-mareeb.

Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Madaxda xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakiri Cali Xasan ayaa si aad uga wada hadlay sida ugu macquulsan ee xal loogu gaari karo khilaafka hareeyay Madaxda Galmudug iyo doorka dowladda dhexe.

Sidoo kale, Sheekh Shaakir ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhaga adeegayo qaar kamid ah talooyinka uu jeedinaayo Madaxweyne Farmaajo, hase ahaatee waxaa jirta rajo laga qabo in xal loo helo Khilaafka.

Dhinaca kale, Shirkan ayaa waxaa lagu wadaa gelinka dambe ee maanta in lagu soo gaba gabeeyo magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah maamulka Koonfur Galbeed.

Caasimada Online

Xafiiska Baydhabo

[email protected]

Ciidamo ka wada tirsan kuwa DF oo Muqdisho ku dagaalay + Khasaaraha!

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal u dhexeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Dharkiinleey ee Gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa waxa uu si gaara uga dhacay waaxda 3-aad ee Degmada, waxa uuna u dhexeeyay ciidamada Xasilinta iyo kuwa Militeriga ee deegaanka ku ah Degmadaasi.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Xasilinta ay howlgalo amni ka sameynayeen Waaxda, waxa ayna dagaal kala kulmeen ciidamada Militeriga.

Ciidamada Militeriga ayaa ka shakiyay ciidamada Xasilinta oo iyagu hub ka dhigis kawada magaalada Muqdisho, waxa ayna taasi dhalisay in ciidamada Militeriga ay rasaas ku bilaaban ciidamada Xasilinta.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay khasaaro kala duwan, iyadoo inta la xaqiijiyay ay ku geeriyooden laba ruux oo midi uu yahay Askari iyo Haweene kamid aheyd dadka deeganka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca isku dhacyo u dhexeeya ciidamada tan iyo markii ay dhalatay bisha ramadaan.

Dhinaca kale, Hay’adaha amaanka Dowlada ayaa dhowr jeer kadigay in lala dagaalamo ciidamada dowlada xiliyada ay ku guda jiraan howlahooda amni.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Hadalkii Abiy iyo qorshaha cusub ee dalka Ethiopia oo walaaciyey Somali badan

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa shalay sheegay in dalkiisa uu dhisanayo ciidamada badda iyo maraakiib dagaal, inkasta oo ay jirto in Ethiopia aysan lahayn wax bad ah, oo ciidamadaas ay ka howl-galaan.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa durba billaabay inay is-weydiiyaan sida dal aan bad lahayn uu ciidan bad ku yeelan karo. Is-weydiin kaliya maahee, qaarkood ayaa billaabay inay ka wallaacaan hadalka Abiy Ahmed iyo saameynta uu ku yeelan karo Soomaaliya.

Baraha bulshada ee Soomaalida ku sheekeystaan sida facebook, ayaa walaaca ugu weyn ee ka taagan, waxa uu yahay in Ethiopia ay isku haleeneyso badda Soomaaliya, oo ciidankeeda halkaas ay fariisin u noqon doonto.

Sanadihii dhowaa Ethiopia waxa ay si muuqata u maamuleysay maamul goboleedyada Soomaaliya, waxaana dadka qaar walaaciyey in qorshahoodu yahay in ay Soomaaliya kusii hayso marxaladdan ah maamulo badan oo is-garab ordaya, si ay taas uga faa’iideysato, una maamusho xeebaha Soomaaliya.

Heshiiska dhowaan ay shirkadda DP World la gashay Somaliland ee dekedda Berbera, oo Ethiopia laga siiyey 19%, inkasta oo aysan wax shaqo ah ku lahayn, ayaa dadka qaar tusaale usoo qaateen inuu muujinayo heerka uu gaarsiisan yahay damaca Ethiopia ee xeebaha Soomaaliya.

Marka laga soo tago Somalia, afarta dal ee kale ee Ethiopia xuduudda la leh ee xeebaha leh, dhammaantood waa dalal leh dowladi dhisan oo shaqeynaya oo awood leh, waana Kenya, Sudan, Jabuuti iyo Eritrea. Sidaa darteed Ethiopia kuma gardarroon karto, waxaana dal kaliya ee baylahan uu u muuqdaa Soomaaliya.

Waa wax laga dhursugayo, halka ay ciidamada badda Ethiopia ee la dhisayo ka howl-galaan, hase yeeshee Soomaalida xaq ayey u leeyihiin inay ka walaacaan qorshahan.

Bal inoo sheeg, sida ay adiga kula tahay, adiga oo fikirkaaga kusoo diraya: [email protected]

Axmed Madobe: Dowlada waxay noo aragtaa xisbi siyaasadeed la tartamaya

Baydhabo (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta shir uga qayb galay magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed.

Shirkaani oo ka duwanaa kuwii hore ayaa waxaa looga hadlaayay arrimaha Amniga, Khayraadka Badda, Caddaalada iyo doorashada 2020.

Axmed Madoobe,ayaa khudbadiisa shirka diirada ku saaray  Amniga iyo Khilaafka Dowlada Somalia kala dhexeeya maamul Goboleedyada ka jira dalka.

Axmed Madoobe, waxa uu sheegay inay muhiim tahay in Dowlada Somalia ay culeyska saarto sida dalka looga dhaqan galin lahaa amni iyo xasilooni gaarta dhammaan dalka.

Amniga ayuu sheegey inay tahay waajib na wada saaran sidii looga xoreyn lahaa nabadiidka gobolada iyo deegaanada ay gacanta ku hayaan.

Waxa uu sheegay in amniga dalka uu yahay mid xiligaan hordhac u ah rajooyinka laga qabo inuu soo hagaago dalka, waxa uuna meesha ka saaray inuu jiro wada shaqeyn ka dhexeysa Dowlada iyo maamulada dalka.

Mar uu Axmed Madoobe, ka hadlaayay xiriirka ka dhexeeya Dowlada Somalia iyo Maamul Goboleedyada ayaa waxa uu sheegay in Dowladu ay qabto degdeg, isla markaana aysan maamul jira u aqoonsaneen maamul Goboleedyada.

‘’Dowladu waxa ay maamulada u aragtaa xisbi siyaasadeed la tartamaaya, waxaa marka adkaaneysa in xal laga gaaro Khilaafyada ka dhexeeya labada dhinac’’

Wax uu sheegay in Khilaafyada ay yihiin kuwo soo laalaabta sidaa aawgeed la doonaayo in laga gaaro Heshiis aan ka weecasho laheyn.

Maamul Goboleedyada ayuu sheegay inay xaq u leeyihiin inay is difaacan, hase ahaatee is difaacidooda ay mushkilad u aragto Dowlada.

Sidoo kale, waxa uu ku baaqay in Dowlada Somalia laga doonaayo inay tixgalin siiso maamul Goboleedyada, si iyana loo siiyo tixgalin, ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee, Madoobe ayaa sheegey inay muhiim tahay in lagu dadaalo in meesha laga saaro kala aragti duwanaanta siyasadeed ee ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyad taas oo dhabaha u xaari karta in horay loo socdo.

Caasimada Online

Xafiiska Baydhabo

[email protected]

Gaas: Somalia weligeed sidan bay ahaan doonto haddaan la fulin hal arrin

Baydhabo (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxa maanta magaalada Baydhabo ka furmay shirka amniga qaranka Soomaaliya.

Shirka ayaa maanta ka furmay xarrunta Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed, islamar’ahaantaana ay ka soo qayb galeen Madaxda Dawladdaha xubnaha ka ah DFS iyo Hogaamiyayaasha Dawladdaha xubnaha ka ah DF Soomaaliya iyo sidoo kale taliyayaasha ciidamada iyo mas’uuliyiin kale.

Shirkaan oo ah kii Afraad  oo ay yeeshaan madaxda Dawladda DFS iyo madaxa Dawladdaha xubnaha ka ah DF ee Soomaaliya ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda Amniga Soomaaliya, Khayraadka Badda, Caddaalada iyo doorashada 2020.

Hogaamiyayaasha shirka ka hadlay ayaa waxaa kamid ahaa Hogaamiyaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbadiisa diirada ku saaray Hanaanka ugu sahlan ee lagu sugi karo amniga dalka.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxa uu Khudbadiisa kaga hadlay inay muhiim tahay in dib loo dhiso ciidamadii Qaranka Soomaliyeed uu lahaa.

Waxa uu sheegay in dhisida Ciidamada Qaranka Soomaaliya ay sahli karto in dalkaan Soomaliya uu noqdo mid amni ah.

Nuqul kamid ah Khudbadiisa ayaa aheyd “Haddii la rabbo in la helo Soomaaliya Adag oo ah dal dhisan, xudduudihiisuna sugan yihiin, in ay lagama maarmaan tahay in la dhiso Hay’adaha kala duwan ee dawligga ah iyo dib u dhis lagu sameeyo Ciidamada Qaranka Soomaaliya’

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxa uu sidoo kale sheegay inaanu Soomaaliya ka hana qaadi doonin halka ay iminka taal, waa haddii aan laga dhabeyn dhismaha ciidamo dhan waliba ka dhameystiran.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxa uu sidoo kale Madaxda dalka ugu baaqay in ay wajahaan ama ay ka dhabeeyaan hadalkii ahaa in muhiimada koowaad ay siinayaan dhisida Ciidamada.

Sidoo kale, Gaas ayaa sheegay in Puntland ay u jilicsan tahay aqbalaada wado waliba oo lagu gaari karo Qaranimo buuxda, waxa uuna ballanqaaday inay kaamili doonaan daldalool waliba.

Haddalka Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Somalia ay weli ka dhabeyn la’dahay dhismaha ciidan Qaran oo dhameystiran.

Caasimada Online

Xafiiska Baydhabo

[email protected]

Raage Oomaar oo shaaca ka qaaday halka xarun u noqon doonta maraakiibta dagaalka dalka Ethiopia

Berbera (Caasimadda Online) – Ra’iisal wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa shaaciyay in dalka Itoobiya uu sameynayo Maraakiib dagaal iyo ciidamada badda, si loo xoojiyo Ciidanka difaaca Dalka Itoobiya.

Ra’isal wasaare Abiy waxaa uu shalay ka hor hadlayay madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga ee Itoobiya, waxaana uu sheegay in dowladda Itoobiya gaar ahaan xisbiga talada haya uu dhisay Ciidamada Dhulka iyo Cirka ee ugu wanaagsan Afrika, haddana ay qorsheynayaan in ay dhisayaan Ciidanka Badda iyo Maraakiib dagaal.

Haddaba Raage Oomaar oo ah Wariye caan ah oo Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday halka ay saldhigan doonaan Maraakiibta Dagaalka Badda oo ay yeelaneyso dowladda Itoobiya

Raage Oomaar ayaa sheegay inay Maraakiibtaan saldhigan doonaan Dekadda Berbera oo ku taal dalka Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada uu ka arrimiyo Maamulka Soomaliland.

Raage Oomaar ayaa sheegay inay arrintaas ka dambeyso kadib markii 19% laga siiyey Saamiga Dekadda Berbera, wuxuuna sheegay inaysan Itoobiya si toos ah arrintaas ugu dhawaaqi karin, maadaama laga yaabo inay ka dhalato carro iyo hadal heyn weyn oo dhanka Soomaalida ah.

Wuxuu sheegay inaysan heysan dooq kale ama Dekad kale oo ay saldhigtaan, waxaana la tilmaamayaa inay arrintaas ugu wacan tahay Soomaaliya oo aan laheyn dowlad awood leh.

Dad badan ayaa isweydiinaya halka Ciidanka Badda Itoobiya ay saldhigan doonaan maaddaama Itoobiya aysan Bad lahayn.

Waxaa xusid mudan in Itoobiya uu ku yaallo machad dadka lagu baro cilmiga Badda iyo ilaalinta Xeebaha waxaana sanad waliba ka qalin jebiya 500 oo Qof.

Itoobiya waxaa ay leedahay Harada Tana,taas oo ay inta badan ka howlgalaan dadka barta cilmiga Badaha ee u dhashay Dalka Itoobiya.

Abiye waxaa uu sheegay in dadka ka qalin jebiya Machadkaas la gaarsiinayo 1,000 Qof Sanadkiiba,isaga oo xusay in dhameystir buuxa uu u baahanyahay difaaca Itoobiya.

Dowladda Itoobiya waxaa ay heshiisyo dhinaca Dekadaha ah la gashay Dalalka Jabuuti,Suudaan,Kenya iyo Maamulka Somaliland ee Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Faahfaahin ku saabsan 50 jir ka yimid SWEDEN oo Muqdisho isku dal-dalay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Nin meyd ah oo la garan waayay ayaa maanta  lagu arkay Xaafada Maxfalka degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Warar kala duwan ee soo baxaya ayaa sheegaya in Ninka meydka ah ee la garan waayay uu asaga is dilay, halka warar kalane ay tilmaamayaan in la dilay Ninkaas meydka ah.

Dad deris la ah Odaygaas ayaa waxa ay sheegeen in saakay Waaberigii Odaygaas lagu dhex arkay gurigiisa isaga oo qoorta ugu jiro Xarig uu isku-daldalay,iyaga oo Magaciisa ku soo koobay Showki,kaas oo da’diisa lagu qiyaasay 50 jir

Meydka marxuumka la garan waayay ayaa la geeyay xarunta laanta dambi baarista CID-da ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah, ayaa sheegay in arintaan ay ku abuurtay argagax iyo cabsi xoogan.

Masuuliyiin ka tirisan Maamulka degmada Shibis ayaa waxa ay sheegeen in Ninkaas uu dhawaan ka yimid dalka Sweden, isla markaana sababta ugu weyn uu isku-daldalay ay  tahay arrimo Qoys oo heystay.

Dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa ah kuwo naadir ku ah dalka balse sanadihii u dambeeyey lagu arkay qeybo badan oo ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Aqri: DP World oo markii u horreysay shaacisay sirta shaqo ee dekada Berbera

Berbera (Caasimada Online) – Maamulka Shirkadda DP world ee dhawaan la wareegay dekedda Berbera, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay isbedelka laga dareemayo Dekkada Berbera.

Maamulka oo isbedelka Dekadda la wadaagay Wargeyska World street journal, ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa dekedda uu iminka kordhay 20%, markii la barbar dhigo shaqooyinkii hore ee ka socday Dekadda.

Maamulka Shirkada ayaa Wargeyska u sheegay in Dekadda Berbera ay ka howlgaliyeen Qalab casri ah oo laga keenay dalka Imaaraadka kuwaa oo qaabilsan dajinta iyo rarista Maraakiibta kusoo xirta Berbera.

Agaasimaha fulinta ee dekedda Berbera ee shirkadda DP world Mr. Supachai Wattanaveerachai oo u waramaayay Wargeyska ayaa yiri ‘’Xaqiiqdii waxaan shaki noogu jirin inuu sii kordhaayo isbedelka ka socda Dekadda Berbera, qorshaheenu waa inaan la imaanaa isbedel cusub’’

Mr Supachai Wattanaveerachai ayaa intaa raaciyay in balaarinta iyo casriyaynta dekedda Berbera ay qayb ka tahay istaraatajiyad la doonayo in lagu hanto gobalka Geeska Afrika iyo meelo kaleba.

Qorshaha ugu weyn ayuu sheegay inuu yahay si gacan looga geysan lahaa ganacsiga iyo kor u kaca dhaqaalaha dalalka deriska sida Ethiopia iyo guud ahaan wadamada kale ee bariga Afrika.

Sidoo kale, Agaasimaha shirkada u qaabilsan Dekadda Berbera ayaa Wargeyska World street journal u sheegay in howlgalinta Dekadda laga dareemayo xitaa hoos u dhac ku imaaday qiimaha la kala iibsan jiray maciishada iyo Ganacsiyada kale.

Si kastaba ha ahaatee, Shirkadda DP world ayaan u joojin digniinada iyo Khilaafka Imaaraadka kala dhexeeya Somalia kaa oo ka dhashay Heshiiska Dekadda Berbera oo lagu tilmaamay mid aan xalaal aheyn.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Faysal Cali Waraabe oo ka jawaabay hanjabaad dil oo uga timid PUNTLAND

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa si kulul uga hadlay Hanjabaad uu sheegay inay kaga imaaday Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland.

Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in Xildhibaankaasi uu ugu soo hanjabay inuu dilaayo meel waliba oo uu ku arko, hase ahaatee waxa uu dhankiisa ka sheegay inaanu u geysan Karin “Cijo foodeed”.

Faysal Cali Waraabe, waxa uu tilmaamay in Xildhibaankaasi xitaa uu shacabka Puntland faray inay Khaarijiyaan halka ay ku arkaan, balse waxa uu Guddoomiye Faysal arrinkaasi ku tilmaamay mid aan laga fiirsan.

Waxa uu yiri “Inankaas yari wuu iska hadlay, muxuu I yeeli karaa, waxba ima yeeli karo, waxbana igama qaadi karo, wuu iska hadlay, waxaanu muujiyey garadkiisa, ee aniga alle ayaa qoray wakhtiga aan dhimanayo, wakhtigaygana kama horeeynayo, kama dambaynayo,ee inankan yar ee aniga ii soo hanjabaya waxaan leeyahay adeer waxba ima yeeli kartid, ee naxliga iyo xumaanta iska daa”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaa raaciyay “Waxa uu isku khalday Somaliland iyo Puntland, waxaanu u sheegayaa inuu ka fiirsado hadalada khatarta u keeni kara ee uu ka sheegayo warbaahinta”

“Adeer waxaa ku leeyahay halka aad dadka ku disho ayaa kaa luntay, anigu waxaan filayaa inaad igu khaldantay ee yuusan hadal kaa tagin’’ ayuu yiri

Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe, ayaa maamulka Puntland uga digay inay ku dhiiradaan ku nagaanshiyaha deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Dhinaca kale, hanjabaada loo jeediyay Faysal Cali Waraabe,ayaa kusoo beegmeysa xili maamulada Puntland iyo Somaliland ay hawada isu marinayaan Hanjabaado ka dhashay dagaalka ka taagan deegaanka Tukaraq.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Shaqaalaha ka howlgala dekadda BERBERA oo la shaaciyay tiradooda!!

Berbera (Caasimada Online) – Maamulka Shirkadda DP world qeybta Dekadda Berbera ayaa shaaciyay inay sii kordhayaan shaqalaha ka howlgala Dekadda Berbera ee Somalia.

Maamulka ayaa sheegay in shaqaalaha hadda ka howlgala Dekadda uu mid waliba ku qoran yahay qeyb aqoontiisa khuseysa, hase ahaatee la rajeynaayo inay sii kordhaan.

Supachai Wattanaveerachai oo ah Agaasimaha fulinta dekedda Berbera ee shirkadda DP world, ayaa sheegay in shaqaalaha hadda u diiwaan gashan ay yihiin 2,200 Laba kun iyo laba boqol.

Supachai oo u waramaayay warbaahinta ayaa sheegay in shaqaalaha uu cadadkooda ku kordhay muddo kooban iminkana ay isku diyaarinayaan  qaadashada shaqaale cusub.

Agaasimaha fulinta dekedda Berbera, ayaa intaa raaciyay in shirkadooda ay tahay tan ugu shaqaalaysiinta badan dhalinyarada kasoo jeeda Somaliland.

Sidoo kale, DP world ayuu sheegay inay ka faa’iideysaneyso fursadeeda isla markaana ay diyaar u tahay inay u faa’iideyso Somaliland oo ay wada galeen heshiis.

Si kastaba ha ahaatee, howlgalinta shaqaalaha aadka u badan ayaa cagsi ku ah amar ay dhawaan Dowlada Somalia ku mamnuucday shirkada DP world oo aan sifo sharci ah ku joogin Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Maqaal xasaasi ah: Mirihii Bardihii Taleex (Khaatumo)

Geedka Bardaha ah ee Taleex ku yaal, 2011 ayaa waxaa isugu yimid, 13 Isim, 64 cuqaal, Qurba jog, Guuto kobaad ( Haweenka) iyo Siyaasiyiinta (Group 6) ama G6 oo fakarka ama abaabulka shirkaan lahaa. Muddo dabadeed, ayaa waxaa lagu dhawaaqay Khatumo oo lagu heshiiyey inay yeelato sadex madaxweyne oo midkiiba lix bilood xukunka hayo. Labadii madaxweyne ee ugu horreeyey, mudane Biindhe iyo Axmed Cilmi Cismaan ( Karaash) ayaa kasoo muuqday Garoowe ayagoo sheegay inay socon-weydey balantii ahayd xoraynta dhulka maqan iyo isku duubnida dadka, taasna ay ka doorbideen inay dib ula midoobaan Puntland, Khatumana aysan socon Karin waqtigaan, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Waqtigii loo balansanaa shirkii labaad ee Bardihii taleex, waxaa shir isugu yimid isimo, magaalada Boocame, kuwaas oo qaadacay Shirkii labaad ee Taleex, mid kalana iclaamiyey, taasoo tafaraaruqa meel dheer gaarsiisay, laakiin siyaasiyiintii G6 ayaa ku balamay mar labaad xuruntii Taleex inay madaxweyne cusub ku doortaan, waxaana u caleemo saarnaa Cali khaliif Galaydh;Siyaasiyiin kale oo badanna waa la dhacsanaayeen siyaasaddaan, waana taageersanayeen in Cali Khaliif Hogaanka qabto.

Qalcaddii Taleex

Nasiib darro dhiig sokeeye baa ku daatay Taleex, markay Somaliland weerar kusoo qaaday oo qabsatay qalcadda quruxda badan ee taariikhda dheerna leh ee Taleex, Cali Khaliif iyo raggiisiina waxay u carareen Saaxdheer, muddo yar dabadeedna Somaliland baa ka daba-tagtay, laakiin nasiib-wanaag waxaa u suura-gashay inay u gudbaan Baligii gabayga u ka tiriyey Sayid Maxamed ee EERAGOO, dabadeedna, waxay xorun ka samaysteen Bali-cad, muddana fariisin u noqotay, oo uu nasiino yar ka helay.

Cali Khaliif Galeydh, oo siyaasadda ku cirraystay, waxa uu wasiir ka noqday dowladdii kacaanka 1980kii ilaa 1982, wasiirkii warshadaha; Waxaa loo magacaabay wassiirka kowaad dowladdii u hogaaminaayey Cabdi/qasim Salaad, 2012kiina wuxuu ka mid noqday Baarlamaankii dowladdii Xasan Shiikh madaxweynaha ka ahaa, 2014 kiina wuxuu kusoo biiray madaxweynayaashii Khaatumo soo maray.

Hadda, cid walba arke meesha uu hayaanka u ahaa iyo halka uu rabo inuu reerka ku furo, oo ahayd inuu hoos geeyo Somaliland!

Cali Khaliif Galaydh wuxuu maanta la mid yahay siyaasiyiinta faraha badan oo kasoo jeeda SSC oo caada-qaatayaalka noqday, culuq yar oo cunno gumeed ahna loo tuuray; wuxuuna noqday inan gumeed asagoo cimri ku jira, dadkiisana ku caasiyey, cadowgoodana hoos geeyey, waxuuna ku badashay magaciisii iyo taariikhdiisii wax yar oo qiima lahayn, una dhigma dhowr majood oo qaad ah oo uusan qaadan qof gob ah.

Maanta, Caade-qaate Cali Khaliif waxuu ka mid yahay hogaamiyayaasha ama horgalada dagaalka kusoo qaaday dhulkii inuu xoreeyo laga sugaayey, caqligii miyuu ka lumay, mise waligiisba sidaas buu ahaa?.

Dadka Sool, Sanaag iyo Cayn, maanta waa midaysan yihiin, waana xoraynayaan dhulka ka maqan, magacooda iyo sharaftoodana waa difaacanayaan, cidn u baahan Galaydhna ma jidho maanta ee cimrigiisii buu ceeb ku sogootiyey.

Mahamud J. Farah
[email protected]
Fort McMurray, AB

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

 

Inkastoon aad ula yaabay, haddana weli fasiraad rasmi ah uma helin.!!!

“Death is certain. Life is uncertain.”

Dhawaanahan waxa sida dhibcaha roobka oo kale ugu soo daadanayay marinka fariimaha khaaska ah la isugu diro Facebook ee Maseenjarka fariin muuqaaleed cinwaan looga dhigay “Xamar ma saanaa u dambeysay.” Fariintu ayaa muujineysay dilal qiyaastii toboneeyo ka yar oo laga fuliyay Muqdisho iyo nawaaxigeeda. Muuqaalkan, kaliya ula jeedada ugu weyn ee laga lahaa waxay u muuqaneysay cabsi-gelin iyo barabogaan loo sameynayo qolyaha kasoo horjeeda nolosha iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

Lama yaabin cidda muuqaalkaas sameysay iyo ula jeedka ay ka lahayd, balse weli waxaaan la fajac sanahay qaar badan oo dadkeena kamid ah oo muuqaal ahaan u eg akhyaar waxbartay (Diini & Maaddi), markay fariimaha noocaasa oo kale luuqa kuugu soo diraan mar iyo labo jeer ka badan si ay adigoo isgoyska Carwa’idka, Cali kamiin Bakaaraha lugeynaya kuu cabsi geliyaan, si toosana ay uga qeyb qaataan dacaayadda iyo cabsi-gelinta ka dhanka ah nolosha shacbiga Muqdisho.

Xikmad baa oraneysa “Death is certain. Life is uncertain” oo micnaheedu yahay “Geeridu waa mid la hubo. Noloshuse wa mid aan la hubin” waa meesha aynu ka niraahno geeridu waa lama huraan. Waxaa hubaal ah in caalamka uusan ka jirin dal aan lagu dhiman ama aan dad lagu khaarajin. Tusaale ahaan, Mareykanka oo lagu sheego quwadda 1-aad ee caalamka milateri ahaan, dhaqaale ahaan iyo wax soo saar ahaanba, bal aynu hoos ka eegno waxa sanad walba ka dhaca:

Sida ku cad “Gun Violence Archive” oo ah jamciyad madaxbanaan oo diiwaan-gelisa qalalaasaha ka dhasha hubka gudaha Mareykanka waxa uu tibaaxayaa in cel-celis ahaan bil walba Mareykanka lagu toogto 1,200-1,500 ruux. 2017 waxa lagu dilay 15,619; 2016 waxa lagu dilay 15,098, halka sanadkan 2018 ee shanta bilood kaliya ayna dhaaftay dhimashadu ay caga-cageynayso 13,532 ruux. Labo sano iyo shanti bilood ee na dhaaftay waxa Mareykanka toogasho lagu khaarajiyay dad gaaraya 44,300 ruux (Afartan iyo Afar kun iyo saddex boqol oo ruux). Sidoo kale, arinta uurku taalada weyn leh ayaa ah in dadka la laayo tiro badan oo kamid ah ay caruur ama dhalinyaro yihiin. Sanadkan 2018 kaliya waxa toogasho lagu dilay 695 caruur ah oo da’doodu u dhaxeyso (0-11) iyo sidoo kale dhalinyaro gaaraysa 2,695 oo ay da’doodu u dhaxeyso (12-17) sano.

Dhinaca kale, Gobolka Minnesota oo ah gobolka ay nool yihiin Soomaalida ugu badan ee joogta Mareykanka waxaa intii u dhaxeysay 2014-2018 ka dhacay ku dhawaad 3,000 oo dhacdo oo lagu khaarajiyay dad gaaraya 2,782 ruux oo ay 19 kamida yihiin caruur, halka 92 kalena ay ahaayeen dhalinyaro da’doodu u dhaxeyso (12-17) sano.

Dabcan dadka ugu badan ee fariimahan ii soo diray aniga khaasatan waxay u badnaayeen qurba-joog dalka dibadda uga maqan ama joogta oo cabsi ku nool. Inkastoo aan aamminsanahay in taxaddarka iyo ilaalinta naftu ay tahay masuuliyad weyn oo ruuxa muslimka ah saaran, haddana waa in qof walba oo inaga mid ah uu qalbigiisa ku qoraa

in naftan uu Allaah ina geliyay, wakhtiga u naga qaadayo iyo qaabka uu nooga qaadayana Ilaahay kaliya unbaa og; “Naf waliba wey dhadhamin geerida, Quraan 3:185.” Inaad ka cabsato geerida waxay ka dhigan tahay dabacsanaanta Iimaanka. Haka cabsan geerida ee ka cabso inuusan Allaah kulmin gefkaaga iyo geeridaada.

Ugu dambeyntii Soomaaliya waa halka uu ilaahay caalamkan nooga beeray, waana dhulka ay 85-90% weli dadkeenu ay ku nool yihiin ama ay xiriir nololeed oo toosa la leeyihiin, intaad faafin lahayd xummaanta dalkaaga ama aad far ku godi lahayd amnigiisa, noloshiisa, horumarkiisa iyo mustaqbalkiisa, fadlan wanaagiisa iyo quruxdiisa ka shaqee. Xasuusnoow in Xamar 30kii sano ee lasoo dhaafay dagaal fool-ka-fool ah, qarax, dilal-qorsheysan, iyo shirqoollo kaleba loogu dhimanayay ama loogu barakacayay welina khatartii iyo cabsidii soo jireenka ahayd shacbigu wey la nool yihiin. Siyaasiyiinta iyo madaxda wey yimaadaan, weyna baxaan, balse Soomaaliya wey jiraysaa oo iyadaa na hurran.

W/Q Abdiqafaar Shire

Madaxweyne Farmaajo oo si rasmi ah Baydhaba uga furay shirka golaha amniga

Baydhabo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa goor dhow magaalada Baydhabo ka furay shirka Golaha Amniga Qaranka oo ay ka qeyb galaan Madaxda ugu sareysa dalka, Maamul goboleedyada, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu dambeyn shirka furay maanta duhurkii, waxaana saaka socday kulamo ay yeelanayeen Guddiyada farsamo ee shirka iyo Madaxda.

Qodobada looga hadlayo waxaa ka mid ah amniga guud ee dalka,Isku dhafka Ciidanka iyo hirgelinta Nidaamka Federaalka ah ee uu hadda ku jiro dalka.

Shirkan waxaa uu horudhac u yahay shir isla Bishan ka dhacaya Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka kaas oo looga hadlayo amniga Soomaaliya.

Waxaa ay madaxda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada isla meel dhigayaan qorsha iyo ajendaha ay la hortagayaan Waddamada taageera Soomaaliya ee ka qeybgelaya Shirka Brussels ka dhacay.

Waa shirkii Todobaad ee Guddiga Amniga Qaranka ay yeeshaan,waxaana uu dhacaa saddexdii biloodba mar iyada oo markan ay marti gelineyso Magaalada Baydhaba ee Xarunta KMG u ah Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Arrinta sida gaarka isha loogu haayo ayaa ah madaxda ka qeyb galeysa shirka oo xilligan xurguf siyaasadeed u dhaxeyso, gaar ahaan Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo dhowaan eedeymo u jeediyay dowladda Federaalka.

Amaanka Magaalada Baydhaba ayaa aad loo adkeeyay waxaana la yareeyay dhaq dhaqaaqa Gaadiidka iyada oo meelaha qaarna la xiray si aanay u marin dadka iyo Gaadiidka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Shirka golaha amniga qaranka oo maanta ka furmaya Baydhaba

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Maamulka Koonfur Galbeed uu ka furmo shirka Golaha amniga Qaranka.

Shirkaan oo ka duwan kuwii hore ayaa maalmihii ugu danbeysay waxa uu qaban qaabadiisa ka socday Madaxtooyada Baydhabo.

Shirka ayaa waxaa maanta furaaya Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), waxaana halkaa ku sugan Ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre.

Waxaa sidoo kale magaalada Baydhabo ku sugan Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada ka jira dalka sida Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo kan Koonfur Galbeed.

Mas’uuliyiintaan ayaa khudbado ka jeedin doona shirka, waxaana sidoo kale qeyb ka noqon doona Wakiilada Beesha caalamka ka jooga Somalia Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia.

Sidoo kale, waxaa si wayn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii ciidan badan oo xerooyinkooda ku jiray banaanka loo soo saaray, si ay ammaanka u xaqiijiyaan.

Shirka Golaha Amniga Qaranka oo magaalada Baydhabo uu ku shir guddoomin doono Madaxweynaha Somaliya ayaa waxaa horyaalla arrimo muhiim ah oo la xiriira ammaanka dalka.

Shirka goloha amniga qaranka ayaa looga hadlayaa qorshaha lagu soo badhigi doono kulan ka qabsoomaya magaladda Brussles ee dalka Belguim, kaas oo la doonayo in lagu dajiyo qorshaha siyasadeed iyo amni ee dalka.

Shirka ayaa waxaa laga soo saari doonaa natiijooyin wanaagsan oo sii dardar gelinaya arrimaha amniga, federaaleynta dalka, khayraad wadaagga iyo in dalka lagu soo dabaalo siyaasad degan oo ku dhisan wadatashi.

Docda kale, Shirkii midkan ka horeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ku jiraan dhismaha ciidanka iyo amniga, taasi oo qeyb weyn ka noqon doonto shirkan.

Caasimada Online

Xafiiska Baydhabo

[email protected]

Maxaa kala socotaa waxyaabaha looga hadli doono Shirka Berri ka furmayo Baydhabo?

Baydhabo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaali Farmaajo iyo Wafdi uu haggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo lagu wado in uu ka furmo shirka Golaha Amniga.

Farmaajo waxaa garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Cali kheyre ,Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Mas’uuliyiin kale iyo Shacabka Magaaladaasi.

Shirka Golaha Amniga oo uu shir guddiimin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Waxaana looga hadli doonaa xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha Amniga iyo Siyaasadda.

Sidoo kale shirka goloha amniga qaranka ayaa looga hadlayaa qorshaha lagu soo badhigi doono kulan ka qabsoomaya magaladda Brussles ee dalka Belguim, kaas oo la doonayo in lagu dajiyo qorshaha siyasadeed iyo amni ee dalka. Waxaana qayb ka ah shirkan madaxda maamul goboleedyadda dalka iyo guddoomiyha gobolka Benaadir.

Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya maanta uu ku tagay Magaalada Baydhabo waxaa ku wehliyay Wasiirada Gaashaandhigga, Amniga, Qorsheynta iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Sidoo kale waxaa Baydhabo ku sugan dhammaan Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya, waxaana la filayaa in meesha laga saaro mugdiga soo kala dhex galay dowladda dhexe iyo Maamulada dalka ka jiro.

Shirkan Golaha Amniga kii kahoreeyay ee bishii Febaraayo 2018-ka ka dhacay Muqdisho waxaa la isla meel-dhigay Arrimo dhor ah oo ay ku jireen dhismaha Ciidanka iyo Amniga taasoo qeyb weyna ka noqon doonto shirakan ka furmaya Baydhaba.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Biixi oo Imaaraadka u bandhigay in la taageero siyaasiyiinta HAWIYE!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi, ayaa la xaqiijiyay in Dowlada Imaaraadka Carabta ee Khilaaf Siyaasadeed kala dhexeeya Dowlada Somalia uu ku qanciyay inay taageerto Siyaasiyiinta Mucaaradka Beelaha Hawiye ee aadka uga soo horjeeda Dowlada Somalia.

Muuse Biixi, ayaa Dowlada Imaaraadka Carabta u sheegay in guusha Dowlada Somalia ay tahay mid hoos u dhigi karta in garab loo muujiyo Siyaasiyiinta Mucaaradka Beelaha Hawiye.

Sida uu qoray Wargeyska Geeska Africa ee kasoo baxa  magaalada Hargeysa, Hoggaamiye Muuse Biixi, oo ka duulaaya caqabadaha maamulkiisa ka heysta dhanka Dowlada Somalia ayuu dhinacyo badan ka eegay sida looga hortagi lahaa caqabadahaasi iyadoo loo maraayo adeegsiga Siyaasiyiinta kasoo horjeeda dowlada uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Wargeyska Geeska oo xiganaaya Wargeyska caanka ah ee Indian Ocean, ayaa sheegay in Muuse Biixi uu go’aankaasi qaatay ka gadaal markii uu ka warhelay in Dowlada Somalia ay si toosa isku garabtaagtay maamulka Puntland oo dagaal kula jira Somaliland, sida uu qoray Wargeyska.

Waxa uu qoray in Muuse Biixi uu magaalada Nairobi u diray mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa kuwaa oo todobaadkii hore Hoteel ku yaalla magaalada kulamo qarsoodi ah kula qaatay Siyaasiyiin kasoo jeeda Beelaha Hawiye oo kasoo horjeeda Dowlada Somalia, iyadoo halkaa lagu dajiyay qorshayaal ku aadan is hortaaga DFS.

Muuse Biixi ayuu qoray Wargeeska in Dowlada Imaaraadka carabta uu ku cadaadiyay mar uu gaaray magaalada Abuu Dabai in si dhaba loo taageero Siyaasiyiinta Hawiye oo uu sheegay in xiligaan ay aad u dhaliilsan yihiin Dowlada Somalia, hase ahaatee ma cadda in Imaaraadka uu aqbalay iyo in kale.

Qorshaha Biixi uu ka leeyahay in Imaaraadka uu dhaqaale ku bixiyo Mucaradka Dowlada ayaa lagu sheegay inuu ka hortago taageero la sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu siiyo Maamulka Puntland iyo in Dowlada laga mashquuliyo howlaha ka socda Dekadda Berbera ee u dhexeeya Somaliland iyo Imaaraadka carabta.

Sidoo kale, Wargeesyadu waxa ay qoreen in Dowlada Qadar ay Madaxweyne Farmaajo ku cadaadisay inuu helo taageerada Hoggaamiyaha Puntland Cabdiweli Gaas maadaama ay xuduud wadaagan Somaliland oo loo arko inay caqabad ku tahay Dowlada Somalia iyo Qadar.

Ma cadda waxa ka hirgalay kulamada magaalada Nairobi ku dhexmaray Mucaaradka Dowlada Somalia iyo Mas’uuliyiinta ka socday Somaliland ee uu soo wakiishay Muuse Biixi iyo waxa la gudboon Dowlada Imaaraadka oo loo ifinaayo dhinacyada ay ka jilicsan tahay Dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wararkii ugu dambeeyey Baydhaba & shirar u socda Farmaajo iyo maamullada

Baydhabo (Caasimadda Online) – Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ka socdo shirar goono gooni ah oo u dhaxeeyo madaxda maamul goboleedyada iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha iyo madaxda maamul Goboleedyada ayaa si wadajir ah ugu afuray xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Sida qorshaha yahay madaxweyne Farmaajo ayaa caawa illaa berri kulamo goono gooni ah la qaadan doono madaxda Maamul Goboleedyada si looga wada hadlo mugdiga soo kala dhex galay maalmihii ugu dambeeyey.

Madaxweynaha ayaa madaxda Maamul goboleedyada ka dhageysan doono tabashada ay qabaan waxaana la filayaa in heshiis laga gaaro.

Shirkii amniga oo uu shir guddoomin lahaa Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta dib u dhacay waxaana la filayaa inuu Berri si rasmi ah u furmo.

Waxaa magaalada Baydhabo ku sugan dhammaan madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya? Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Ra,Isulwasaaraha iyo madaxweyne Farmaajo.

Wixii kusoo kordho shirarka socdo waan idiin soo gudbin doonaa Inshaa Allah

Maamulka gobolka Banadir ma ka qeyb-galayaa shirka amniga qaranka mise?

Baydhabo (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed, halkaasoo uu uga qeyb galayo shirka Amniga Qaranka.

Shirkan ayaa noqonaya kii labaad oo uu ka qeyb galo, tan iyo markii xilka loo magacaabay, waxaana bishii February aheyd markii u horeysay oo uu shirkii Amniga Qaranka uu ka qeyb galo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in shirkan daba socda shirarkii kal hore lagu qabtay magaallada Muqdisho, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay qodobo waxtar u leh ummadda Soomaaliyeed in ay ka soo bixi doonaan.

Shirkan oo socon doonna labo maalin ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxda Qaranka, Madaxweyneyaasha Maamulada Gobollada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan oo saddexdii biloodba mar la qabto waxaa looga hadli doonaa amniga guud ee dalka, hannaanka federaalaynta, hanaanka doorashada 2020, wadaaga khayraad dalka iyo tayeynta iyo isku dhafka ciidamada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]