25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Shirka golaha amniga qaranka oo maanta ka furmaya Baydhaba

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Maamulka Koonfur Galbeed uu ka furmo shirka Golaha amniga Qaranka.

Shirkaan oo ka duwan kuwii hore ayaa maalmihii ugu danbeysay waxa uu qaban qaabadiisa ka socday Madaxtooyada Baydhabo.

Shirka ayaa waxaa maanta furaaya Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), waxaana halkaa ku sugan Ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre.

Waxaa sidoo kale magaalada Baydhabo ku sugan Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada ka jira dalka sida Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo kan Koonfur Galbeed.

Mas’uuliyiintaan ayaa khudbado ka jeedin doona shirka, waxaana sidoo kale qeyb ka noqon doona Wakiilada Beesha caalamka ka jooga Somalia Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia.

Sidoo kale, waxaa si wayn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii ciidan badan oo xerooyinkooda ku jiray banaanka loo soo saaray, si ay ammaanka u xaqiijiyaan.

Shirka Golaha Amniga Qaranka oo magaalada Baydhabo uu ku shir guddoomin doono Madaxweynaha Somaliya ayaa waxaa horyaalla arrimo muhiim ah oo la xiriira ammaanka dalka.

Shirka goloha amniga qaranka ayaa looga hadlayaa qorshaha lagu soo badhigi doono kulan ka qabsoomaya magaladda Brussles ee dalka Belguim, kaas oo la doonayo in lagu dajiyo qorshaha siyasadeed iyo amni ee dalka.

Shirka ayaa waxaa laga soo saari doonaa natiijooyin wanaagsan oo sii dardar gelinaya arrimaha amniga, federaaleynta dalka, khayraad wadaagga iyo in dalka lagu soo dabaalo siyaasad degan oo ku dhisan wadatashi.

Docda kale, Shirkii midkan ka horeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ku jiraan dhismaha ciidanka iyo amniga, taasi oo qeyb weyn ka noqon doonto shirkan.

Caasimada Online

Xafiiska Baydhabo

[email protected]

Maxaa kala socotaa waxyaabaha looga hadli doono Shirka Berri ka furmayo Baydhabo?

Baydhabo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaali Farmaajo iyo Wafdi uu haggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo lagu wado in uu ka furmo shirka Golaha Amniga.

Farmaajo waxaa garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Cali kheyre ,Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Mas’uuliyiin kale iyo Shacabka Magaaladaasi.

Shirka Golaha Amniga oo uu shir guddiimin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Waxaana looga hadli doonaa xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha Amniga iyo Siyaasadda.

Sidoo kale shirka goloha amniga qaranka ayaa looga hadlayaa qorshaha lagu soo badhigi doono kulan ka qabsoomaya magaladda Brussles ee dalka Belguim, kaas oo la doonayo in lagu dajiyo qorshaha siyasadeed iyo amni ee dalka. Waxaana qayb ka ah shirkan madaxda maamul goboleedyadda dalka iyo guddoomiyha gobolka Benaadir.

Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya maanta uu ku tagay Magaalada Baydhabo waxaa ku wehliyay Wasiirada Gaashaandhigga, Amniga, Qorsheynta iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Sidoo kale waxaa Baydhabo ku sugan dhammaan Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya, waxaana la filayaa in meesha laga saaro mugdiga soo kala dhex galay dowladda dhexe iyo Maamulada dalka ka jiro.

Shirkan Golaha Amniga kii kahoreeyay ee bishii Febaraayo 2018-ka ka dhacay Muqdisho waxaa la isla meel-dhigay Arrimo dhor ah oo ay ku jireen dhismaha Ciidanka iyo Amniga taasoo qeyb weyna ka noqon doonto shirakan ka furmaya Baydhaba.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Biixi oo Imaaraadka u bandhigay in la taageero siyaasiyiinta HAWIYE!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi, ayaa la xaqiijiyay in Dowlada Imaaraadka Carabta ee Khilaaf Siyaasadeed kala dhexeeya Dowlada Somalia uu ku qanciyay inay taageerto Siyaasiyiinta Mucaaradka Beelaha Hawiye ee aadka uga soo horjeeda Dowlada Somalia.

Muuse Biixi, ayaa Dowlada Imaaraadka Carabta u sheegay in guusha Dowlada Somalia ay tahay mid hoos u dhigi karta in garab loo muujiyo Siyaasiyiinta Mucaaradka Beelaha Hawiye.

Sida uu qoray Wargeyska Geeska Africa ee kasoo baxa  magaalada Hargeysa, Hoggaamiye Muuse Biixi, oo ka duulaaya caqabadaha maamulkiisa ka heysta dhanka Dowlada Somalia ayuu dhinacyo badan ka eegay sida looga hortagi lahaa caqabadahaasi iyadoo loo maraayo adeegsiga Siyaasiyiinta kasoo horjeeda dowlada uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Wargeyska Geeska oo xiganaaya Wargeyska caanka ah ee Indian Ocean, ayaa sheegay in Muuse Biixi uu go’aankaasi qaatay ka gadaal markii uu ka warhelay in Dowlada Somalia ay si toosa isku garabtaagtay maamulka Puntland oo dagaal kula jira Somaliland, sida uu qoray Wargeyska.

Waxa uu qoray in Muuse Biixi uu magaalada Nairobi u diray mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa kuwaa oo todobaadkii hore Hoteel ku yaalla magaalada kulamo qarsoodi ah kula qaatay Siyaasiyiin kasoo jeeda Beelaha Hawiye oo kasoo horjeeda Dowlada Somalia, iyadoo halkaa lagu dajiyay qorshayaal ku aadan is hortaaga DFS.

Muuse Biixi ayuu qoray Wargeeska in Dowlada Imaaraadka carabta uu ku cadaadiyay mar uu gaaray magaalada Abuu Dabai in si dhaba loo taageero Siyaasiyiinta Hawiye oo uu sheegay in xiligaan ay aad u dhaliilsan yihiin Dowlada Somalia, hase ahaatee ma cadda in Imaaraadka uu aqbalay iyo in kale.

Qorshaha Biixi uu ka leeyahay in Imaaraadka uu dhaqaale ku bixiyo Mucaradka Dowlada ayaa lagu sheegay inuu ka hortago taageero la sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu siiyo Maamulka Puntland iyo in Dowlada laga mashquuliyo howlaha ka socda Dekadda Berbera ee u dhexeeya Somaliland iyo Imaaraadka carabta.

Sidoo kale, Wargeesyadu waxa ay qoreen in Dowlada Qadar ay Madaxweyne Farmaajo ku cadaadisay inuu helo taageerada Hoggaamiyaha Puntland Cabdiweli Gaas maadaama ay xuduud wadaagan Somaliland oo loo arko inay caqabad ku tahay Dowlada Somalia iyo Qadar.

Ma cadda waxa ka hirgalay kulamada magaalada Nairobi ku dhexmaray Mucaaradka Dowlada Somalia iyo Mas’uuliyiinta ka socday Somaliland ee uu soo wakiishay Muuse Biixi iyo waxa la gudboon Dowlada Imaaraadka oo loo ifinaayo dhinacyada ay ka jilicsan tahay Dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wararkii ugu dambeeyey Baydhaba & shirar u socda Farmaajo iyo maamullada

Baydhabo (Caasimadda Online) – Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ka socdo shirar goono gooni ah oo u dhaxeeyo madaxda maamul goboleedyada iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha iyo madaxda maamul Goboleedyada ayaa si wadajir ah ugu afuray xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Sida qorshaha yahay madaxweyne Farmaajo ayaa caawa illaa berri kulamo goono gooni ah la qaadan doono madaxda Maamul Goboleedyada si looga wada hadlo mugdiga soo kala dhex galay maalmihii ugu dambeeyey.

Madaxweynaha ayaa madaxda Maamul goboleedyada ka dhageysan doono tabashada ay qabaan waxaana la filayaa in heshiis laga gaaro.

Shirkii amniga oo uu shir guddoomin lahaa Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta dib u dhacay waxaana la filayaa inuu Berri si rasmi ah u furmo.

Waxaa magaalada Baydhabo ku sugan dhammaan madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya? Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Ra,Isulwasaaraha iyo madaxweyne Farmaajo.

Wixii kusoo kordho shirarka socdo waan idiin soo gudbin doonaa Inshaa Allah

Maamulka gobolka Banadir ma ka qeyb-galayaa shirka amniga qaranka mise?

Baydhabo (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed, halkaasoo uu uga qeyb galayo shirka Amniga Qaranka.

Shirkan ayaa noqonaya kii labaad oo uu ka qeyb galo, tan iyo markii xilka loo magacaabay, waxaana bishii February aheyd markii u horeysay oo uu shirkii Amniga Qaranka uu ka qeyb galo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in shirkan daba socda shirarkii kal hore lagu qabtay magaallada Muqdisho, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay qodobo waxtar u leh ummadda Soomaaliyeed in ay ka soo bixi doonaan.

Shirkan oo socon doonna labo maalin ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxda Qaranka, Madaxweyneyaasha Maamulada Gobollada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan oo saddexdii biloodba mar la qabto waxaa looga hadli doonaa amniga guud ee dalka, hannaanka federaalaynta, hanaanka doorashada 2020, wadaaga khayraad dalka iyo tayeynta iyo isku dhafka ciidamada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Gudoomiyihii maxkamadda sare oo sheegay cidda hor-taagan dhismaha guddiga adeegga garsoorka dalka 

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee dalka oo maanta xilka wareejiyey Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa shaaciyey cidda hortaagan dhismaha Guddiga Adeegga Garsoorka dalka.

Isagoo ka hadlayey munaasbadii Xil wareejinta ayuu sheegay in Dhismaha Guddiga Adeegga Garsoorka oo aan weli la dhisin ay nasiib darro ah isagoo sheegay in Guddiga oo 5 xubnood oo ka mida ay magacaabis ku imaanayaan ilaa iminka la magacaabi waayay taasoo ah dhibaato ka jira hoggaanka dalka.

Guddoomiyihii hore Maxkamadda sare ayaa sheegay in dowladda hadda jirta aysan la shaqeyn isaga oo uusan wax taageero ah ka helin dowladda, isaguna uu qabtay wixii karaankiisa ah.

Wuxuu sidoo kale sheegay in sababta ku kaliftay inuu xilka wareejiyo ay tahay tanaasul u sameeyay markii uu eegay danta guud ee Qaranka, isla markaana uu arkay is cafintii madaxda dalka Kenya.

Wuxuu si weyn ugu mahadceliyay Ururka Qareenada Soomaaliyeed oo uu sheegay inay kala hadleen arrinta ismari waaga xilka isaguna uu aqbalay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Liiska madaxda illaa iyo hadda gaaray Baydhaba iyo kuwa laga sugayo (Aqri)

Baydhabo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle, Madaxda Xukuumadda Shiikh Maxamed Shaakir Cali iyo Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa goor-dhaw gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay.

Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan waa kulankiisii ugu horeeyay uu kaga qeyb galo shir looga hadlayo Arimaha Soomaaliya waxa uuna garab fariisan doonaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle.

Sidoo kale waxaa kaga sii horreeyey Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo si weyn halkaas loogu soo dhaweeyey.

Waxaa isna daqiiqado ka hor Baydhabo gaaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shir guddoomin doono shirka golaha amniga Qaranka, kaasoo sidoo kale la filayo in looga hadli doono khilaafka dowladda iyo Madaxda maamul Goboleedyada.

Shirka Magaalada Baydhabo oo looga hadli doono amaanka ayaa waxaa dhiman oo la sugayaa Madaxweynayaasha Hirshabeelle, Jubbaland.

Shirka ayaa la filayaa inuu Maanta gelinka dambe ka furmo Magaalada Baydhabo, waana idiin soo gudbin doonaa wixii kusoo kordha Inshaa Allah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dilalka Xamar oo noqday kuwo joogto ah iyo tirada 24-kii saac ee tagay la dilay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xaalada amni ee magaalada Muqdisho ayaa noqotay mid faraha ka baxday, iyadoo 24-kii saac ee lasoo dhaafay dad gaaraya 10 qof si macno daro ah loogu dilay magaalada.

Barqanimadii maanta ayaa kooxo ku hubeysan bastoolado ay si bareer ah ugu dhex toogteen Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan bosteejada gaadiidka laga raaco, laba wiil dhalinyaro ah oo gaadiidka bosteejada ka baxa ka qaadi jiray lacago lagu nidaamiyo gaadiidka BL.

Xiligii uu dilka dhacayay ayaa goobta ka dhawaa ciidamada amniga oo ku guuldareystay in ay gacanta ku dhigaan kooxda dilka geysatay oo goobta ka baxsaday.

Sidoo kale, xalay ayaa seddax dhalinyaro ah lagu dilay degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan, iyadoo dalka dilka koowaad uu ka dhacay xaafada Suuq Bacaad oo kooxo hubeysan ay ku dileen labo wiil dhalinyaro ah.

Falka labaad ayaa ka dhacay degmada Kaaraan, waxaana halkaasi lagu dilay darawal gaari BL ah oo wararku sheegayaan inuu dilka geystay askari ka tirsan ciidamada dowladda oo baxsaday markii uu falka geystay.

Isla shalay ayaa bartamaha Suuqa Bakaaraha kooxo bastoolado watay ay ku dileen labo askari.

Falalka dilalka ee kusoo kordhaya Muqdisho ayaa muujineysa wax ka qabasho la’aanta amaandarada iyo xil iska saarid la’aanta, iyadoo tan iyo markii uu dhashay Ramadaanka dadka la dilay ay kor u dhaafayaan 50 qof.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Guddoomiyihii maxkamada sare, Iidle oo aqbalay xil ka-qaadistii lagu sameeyey

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa aqbalay in uu xilka wareejiyo sidda Maanta ay shaaciyeen Ururka Qareenadda Soomaaliyeed.

Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa horay uga soo horjeestay xilka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in uusan aqbali doonin in uu xilka wareejiyo.

Gudoomiyaha cusub ayaa la dhaariyay, waxaana hadda socota Munaasabad uu xilka kula wareegaayo sidda ay sheegeen Ururka Qareenadda Soomaaliyeed.

Kulan ay Maanta muqdisho ku yeesheen Ururuka Qareenada Soomaaliyeed ayaa wax ay ku shaaciyeen in wadahadal kadib Ibarahim Iidle Suleymaan uu ka aqbalay xilka qaadistii uu ku sameeyey Madaxweyne Farmaajo,isla markaana uu xilka wareejin doono.

War-Saxaafadeed ee soo saareen Ururka Qareenada Soomaliyeed ayaa lagu sheegay in ay garwaaq sadeen in arrinatani aysan noqon sida khilaafyadii hore ee xilalka la isaga qaadi jiray,iyaga oo isku xil saaray in qaab sharci ah ku dhamaato.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho, waxaa ka socday kulamo kala duwan oo ay waddeen Garsoorayaasha Soomaaliyeed,islamarkaana lagu qancinaayay in uu xilka Wareejiyo.

Gudoomiyihii ka horreeyay Ibraahim Iidle Suleymaan ee Ilka Xanaf ayaa sidoo kale waxaa ka dhashay Muran badan, waxaana ugu dambeyntii lagu qanciyay in uu xilka wareejiyo.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Qareenada

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Itoobiya oo shaacisay inay sameysaneyso ciidamada badda ayadoo laheyn bad

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa shaaciyay in dalka Itoobiya uu sameynayo Maraakiib dagaal iyo ciidamada badda, si loo xoojiyo Ciidanka difaaca Dalka Itoobiya.

Ra’isal wasaare Abiy waxaa uu shalay ka hor hadlayay madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga ee Itoobiya, waxaana uu sheegay in dowladda Itoobiya gaar ahaan xisbiga talada haya uu dhisay Ciidamada Dhulka iyo Cirka ee ugu wanaagsan Afrika, haddana ay qorsheynayaan in ay dhisayaan Ciidanka Badda iyo Maraakiib dagaal.

“Kaddib dadaaladii la sameeyay oo aan ku dhisnay awoodda difaaca qarankeeda, waxaa dhisnay mid ka mid ah ciidanka ugu xooggan dhulka iyo cirka ee Afrika, waa inaan dhisnaa ciidamadeena badda mustaqbalka”ayuu yiri Mr Abiy Ahmed.

Dad badan ayaa isweydiinaya halka Ciidanka Badda Itoobiya ay saldhigan doonaan maaddaama Itoobiya aysan Bad lahayn.

Waxaa xusid mudan in Itoobiya uu ku yaallo machad dadka lagu baro cilmiga Badda iyo ilaalinta Xeebaha waxaana sanad waliba ka qalin jebiya 500 oo Qof.

Itoobiya waxaa ay leedahay Harada Tana,taas oo ay inta badan ka howlgalaan dadka barta cilmiga Badaha ee u dhashay Dalka Itoobiya.

Abiye waxaa uu sheegay in dadka ka qalin jebiya Machadkaas la gaarsiinayo 1,000 Qof Sanadkiiba,isaga oo xusay in dhameystir buuxa uu u baahanyahay difaaca Itoobiya.

Dowladda Itoobiya waxaa ay heshiisyo dhinaca Dekadaha ah la gashay Dalalka Jabuuti,Suudaan,Kenya iyo Maamulka Somaliland ee Soomaaliya.

Dekadaha Jabuuti iyo Maamulka Somaliland waxaa ay Itoobiya ku yeelaneysaa saami,halka kuwa Suudaan iyo Kenya ay maamulka wax ka leedahay islamarkaana ka qeyb qaadaneyso horumarintooda sida lagu shaaciyay Heshiisyada ay Itoobiya la gashay Kenya iyo Suudaan.

Itoobiya oo aan Bad laheyn waxay xiliggan isticmaashaa Dekedaha Berbera iyo Jabuuti oo ay alaabaha kala soo degtaa.

Horaantii sanadkan Itoobiya ayaa qeyb ka noqotay heshiis saddex geesood ah oo lagu qeybsaday saamiga Dekeda Berbera ee Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Muslimiin 3 saacadood oo kaliya soomaya iyo kuwo 21 saacadood soomaya!!

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wadamad la isku yiraahdo Iskandanefiyaanka ee qaaradda Yurub hadii Muslimiinta ku dhaqan ayaa dhibaato xoogan ku qabaan fatwooyin is khilaafsan oo ku aaddan saacadaha ay soomayaan, maadaama qorraxda ay joogeyso 21 saacadood xiriir ah.

Sanad Kasto marka la gaaro bisha Ramadaan ayuu khillafkani soo shaac baxaa waxaana banaanka Yimaada fatwooyin is barbar yaac ah oo ku saabsan saacadaha dadku ay soomayaan iyo saacada ay afurayaan, taas oo sabab ay u tahay Maalinka oo dheeraanaya iyo habeenkii oo waqtigiisaba oo iska noqonoyo wax ka yar 3 saacadood.

Wadamada Iskandanefiyanka ayaa iyaga laftoodu kukala duwan waqtiyada, kuwa ugu hooseeyo ayaa sooma 18 saac, halka kuwa ugu waqtiga dheerna ay soomaan 21saac oo xiriir ah.

Arrintan ayaa imaanaysa xili ay aad usoo badanayaan dadka Muslimnta ah ee kakala yimid dalalka caalamka islaamka ee tagaya wadamadaasi, ilaa hadana lama helin fatwa mid ah oo xadideysa waqtiyada dadku ay soomayan iyo waqtiga ay afurayaan.

Waxaa jira dadaallo ay sameeyeen dad wadaada ah oo ay ku doonayaan in ay bulshada Musliminta ah ku mideeyaan, iyagoo xadidaya saacada la afurayo iyo saacada ugu dambeya ee la saxuuranayo, balse wali khilaafku wuu taagan yahay waxa uuna salka ku haya masaa’il fiqi ah.

Qof ku dhaqan Magaalada Oslo ee wadanka Norway ayaa sheegaya in qorraxdu ay iska joogto 21 saacadood oo toos ah, habeenkuna uu yahay 3 saacadood oo kaliya balse ma ahan kaligii ee waxaa la qaba bulshada ku dhaqan wadama iskandaneveianka oo idil.

Mararka qaar waxaa dhacda in qaar kamid ah dadka Musliminta ah ee ku dhaqan wadamadaasi in ay kasoo tagaan marka la gaaro Bisha Ramadaan si ay ugu soomaan meel kabaxsan wadamada ay qorraxdu joogeyso wax ka badan 20 saacadood.

Inta badan wadamada Caalamka ayaa ku kala duwan waqtiga soonka, waxaana ugu waqti dheer wadanka Sweden oo ka tirsan wadamada la isku yiraahdo iskandanevianka ee dhaca galbeedka qaarada yurub oo saacadaha soonka ay gaarayaan 21 saac, waxaana ugu gaaban Jazeerada WAKAN oo katirsan wadanka Cumaan taas oo dadkeeda ay Soman 3saac oo kaliya.

Wadamada Carabta ayay dadka ku dhaqani soomaan inta u dhexeyso 17 ilaa 13 saacadood, waxaana ugu waqti dheer wadanka Al-Jazaa’ir oo laga soomo 16:58 daqiiqo halka Somalia ay tahay wadanka ugu waqtiga gaaban oo dadkeedu ay soomaan 13 saacadood, marka lagasoo tago Jazeerada WAKAN oo aan horey aanu usoo sheegnay in dadkeedu Soman 3 saac oo kaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Somaliland oo ugu danbeyn dalalka dunida u gudbisay qorshe la xiriira Tukaraq

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeysay Beesha Caalamka ka dalbaday in awood Siyaasadeed ay u adeegsadaan Dagaalka ka taagan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ee u dhexeeya Puntland iyo Somaliland.

Maamulka ayaa sheegay inuu sii xoogeysanaayo Khilaafka dhaliyay dagaalka labada dhan, sidaa aawgeed la doonaayo in sida ugu dhaqsiyaha badan Beesha Caalamka kusoo faragalisaa dagaalka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay Beesha Caalamku xogogaal u tahay kana dharagsan tahay xaalada ka taagan Gobolka Sool, gaar ahaan dagaaladii dhexmaray Somaliland iyo Puntland.

Dr Sacad Cali Shire, waxa uu Beesha Caalamka ugu baaqay inay si toos ah u soo gasho arinkan, oo awoodooda dhaqaale iyo awoodooda siyaasadeedba u isticmaasho, sida uu hadalka u dhigay.

Dr Sacad Cali Shire, waxa uu Beesha Caalamka u cadeeyay in Somaliland ay isku dayday in qaabab Siyaasadeed ay u xaliso dagaalka Tukaraq, hase ahaatee uu arrinku faraha kasii baxaayo, iyadoo aan la gaarin wax xal ah.

‘’Somaliland waxaa u cad Nabad iyo wada noolaansho waxaan ku celineynaa in dagaalka Tukaraq uusan ku xalismeynin si qaboow waa in Beesha Caalamka ay xalinta dagaalka u adeegsataa awoodooda dhaqaale iyo awoodooda siyaasadeedba’’

Wasiir Sacad mar uu baaq u diraayey  dadka Gobolka Sool ayaa yidhi “Arinkani  arin la reereeyo maaha, Somaliland xad caalamiya ayey leedahay, xadkaas caalamiga ah reero badan baa ku nool, waliigoodna wey ku noolan jireen, laakiin dad leh ujeedooyin siyaasadeed ayaa doonaya inay reernimada u soo maraan,

Wasiir Sacad mar uu ka hadlaayey Puntland iyo Somaliya ayaa yidhi “Puntland iyo Somaliyaba waxaanu ugu baaqaynaa inay gardarada inaga joojiyaan, oo colaada iyo xumaanto wax aan kala fogaansho iyo xumaan ahayn ma keenayso, qof kasta oo dab huriya, dabku isaguun buu ku soo noqdaa, iyana uma baahna, inana uma baahnin, waxaanu ugu baaqaynaa Puntland iyo Somaliyaba inay joojiyaan abaabulka iyo muusanoowga ay wadaan, oo xabada joojiyaan, wixii tabasho ah ee jirina wada hadal ha ka bilaaban, ramadaantana xushmeeyaan, dadka soomana aanay bad galin”.

Haddalka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo labada maamul ay hawada isku marinayaan Hanjabaado adag oo sii hurinaaya colaada.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Waxbadan ka ogow dagaal baraha bulshada ee Qatar iyo Sucuudiga u dhaxeeya

Dagaalka muddada sanadka ah ka dhaxeeya Qatar iyo dalalka Sucuudiga iyo kuwa kale xulufada ah ayaa la’isu adeegsanayaa nooc cusub oo sawaariiq ah : kuwaas oo ah baraha bulshada ee been abuurka ah, wararka been abuurka ah iyo waliba in la jabsada xogaha ku kaydsan internetka.

Waxa oo dhan waxa ay biloowdeen 24-tii bishii May, 2017-kii, xilligaas oo war la yaab leh lagu soo qoray bogga wakaaladda wararka rasmiga ee Qatar ee loo yaqaano QNA, warkaas oo ka hadlaya khudbad uu jeediyay Amiirka Qatar Sheekh Tamiin Binu Xamad Al-Thani, kaas oo amaanay ururka Xamaas, Ikhwaanka iyo waliba Iiran, sida qoraalka ka muuqatay.

Balse wasaaradda arrimaha dibeda Qatar ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in warkaas uu ahaa mid abuur ah, boggana la jabsaday , falkaas oo lagu eedeeyay xulufada Sucuudiga.

Balse warbaahinta Sucuudiga iyo Imaaraatka, gaar ahaan Taleefishinka Al Carabiya iyo Sky News ayaa durbadiiba warka la booday, si weyna u buunbuuniyay, iyaga oo Qatar ku eedeeyay hawlo argagixiso.

Dadka reer Qatar ayaa darbiyada ku xardhahayay fariimo wax iska caabbin ah

Waxaa jiray eedeymo kale oo ciwaano la jabsaday ah, markan waxa uu bartilmaameedka ahaa Imaaraatka. Safiirka UAE u fadhiya Maraykanka ciwaankiisa Emailka ayaa la jabsaday, waxaana lasoo bandhigay fariimo xasaasi ah oo noloshiisa gaarka ah iyo hawlaha uu qabtaba ku saabsan.

5tii bishii June, dalalka Sucuudiga, Imaaraatka, Baxreyn iyo Masar ayaa xiriirka u jaray dowladda Qatar oo ay ka wada tirsanaayeen dalalka gacanka ee xagga saliida hodanka ku ah. Waxa ay ku eedeeyeen in ay taageerto kooxaha argagixisada.

Waxaa la xiray xuduudaha dhulka, badda iyo cirkaba, iyada oo xitaa lasoo eryay muwaadhiniintii reer Qatar ee dalalkan ku sugnaa.

Waxa ay soo soo saareen 13 qodob oo ay ka doonayaan in ay Qatar waafaqdo muddo 10 maalmood ah haddii ay doonayso in laga qaado xayiraadda la saaray. Balse Qatar ayaa gaashaanka ku dhufatay, sheegtay in shuruudaha ay yihiin kuwa xad gudub ku ah jiritaankeeda qaranimo.

Waxaase la yaab ahaa in madaxweynaha Maraykanka uu soo dhaweeyay tallaabooyinka laga qaaday Qatar, waxaana xusid mudan in markaas uun uu kasoo laabtay safar uu ku tagay Sucuudiga.

Qatar ayaa diiday dalab ah in la xiro Al Jazeera

Baraha Bulshada ee been abuurka ah

Dhanka Qatar waxaa aad u caanbaxay halku dhegyada “Tamim The Glorious” and “Qatar Is Not Alone” kuwaas oo lagu taageerayo Qatar.

Balse baaritaan ay samaysay laanta afka Carabiga ee BBC-da ayaa lagu ogaaday in inta badan fariimahan ay dirayeen ciwaano been abuur ah oo uu kumbuyuutar maamulo, laguna shubay barnaamij faraha in ay qoraaladan diraan si loo marin habaabiyo ra’yiga guud.

Balse Qatar oo kaliya ma ahayn, waxaa jira ciwaano been abuur ah oo laga sameeyay Sucuudiga iyo meelaha kale, kuwaas oo dirayay fariimo lid ku ah Qatar.

Wararka Been abuurka ah

Baraha been abuurka ah ayaa baahinayay sawirkan oo ah kan amiirka Qatar Sheekh Tamini oo taraweerso ah

Waxaa jira labo ereybixin oo ay kala isticmaalaan labada dhinac ee is haya, hadba kan aad la hadasho, tusaale dhinac waxa ay haystaan ereyga ah “xayiraad’, dhinaca kale “mamnuucis”.

Waxaa arrinta sii hurinaya warbaahinta la’iska argo ee labada dhinac, kuwaas oo si joogto ah hawada u marinaya eedeymo dhinacba dhinaca uu u jeedinayo.

Sawirro aad u kala duwan ayay si joogto ah usoo bandhigaan, tusaale ahaan, taleefishinka Al Carabiya oo Sucuudiga laga leeyahay ayaa waxa uu soo bandhigay sawirro iskafaalooyin maran oo yaala dukaamada waaweyn ee wax laga iibsado, iyada oo la muujinayo sida Qatar ay u saamaysay xayiraadda.

Balse Taleefishinka Al Jazeera oo dowladda Qatar leedahay ayaa isna soo bandhiga nolosha dadka oo caadi ah.

Gabadha lagu magacaabo Dina Matar oo ah cilmi baare arrimaha gobolkaas ayaa sheegtay in wararka been abuurka ah ee labada dhinac ay iska faafinayaan ay yihiin kuwa halistooda leh.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalka noocyada kala duwan ah, ma ahan mid u muuqda in uu mardhow dhamaanayo.

ISHA BBC

Maxamed Cumar Carte oo qoray qormo loogu magac daray “Guriga Caarada”

Waxa aan halkii ka sii wadan doonaa qormooyinkii ku saabsana sidii aan Isbedel taban ugu sameyn lahayn Nolosheena. Intiinii hore u la socotay, waxa aan qormadii hore kaga hadalnay isbedelka qofku isku samayn karo. Qormadanna waxa aan kaga hadli doonaa isbedelka wada noolaanshuhu qoyska u leeyahay horrumarka bulshada. Sida aan ogsoon nahay qoysku waa halka laga soo unko bulshu fayow. Qoys kastaaba waxa uu ku nool yahay guri. Gurina waa in uu noqdaa hoy aad roobka, qoraxda, dabaysha, kulaylka, qabowga ka dugsan kartid kuna dheehan yihiin raxmad, maxaba iyo ixtiraam.

Hadaba qormadan waxa aan kaga hadli doonaa Guriga Caarada. Waxa laga yaaba in akhristuhu is waydiiyo tolow muxuu u jeedaa ee uu u soo qaatay sheekadan uu kaga hadlayo guriga caarada. Illaahay Subxaana wa Tacaallaa, waxa uu Qur’aanka Kariimka ah inoogu sheegay qisaas iyo tusaalooyin ay tahay in aan ku cibro qaadano aadna u dhuguno si aan lababa u fahamno. Marka hore in aan cadamada Rabbi qirno gudanana Xaqqa Illahay inagu leeyahay. Marka xigta in la waanaajiyo wada-noolaashaha bulshada dhexdeeda oo is-qadarini ay ka dhaxayso.

Aroor dhawayd aniga oo akhriyeya Suurat Al Cankabuut ayaa waxa i soo jiitay is-barbar dhigga Illaahay Subxaana wa Tacaala ku sameeyey Guriga Caarada iyo dadka Illaahay shariiga u yeela. Waxaanu Allah (Subxaana wa Tacaala) yidhi:

{مَثَلُ الَّذِينَ اتَّخَذُوا مِن دُونِ اللَّهِ أَوْلِيَاء كَمَثَلِ الْعَنكَبُوتِ اتَّخَذَتْ بَيْتًا وَإِنَّ أَوْهَنَ الْبُيُوتِ لَبَيْتُ الْعَنكَبُوتِ لَوْ كَانُوا يَعْلَمُونَ}  (29:41)

(Kuwa Allah qayrkii caabuda waa sida Caarada dhisata guri, run ahaan guri oo dhan waxa ugu daciifsan kan caarada, waa haddii ay garanayaan).

Waxa aan isla markiiba u dhaqaaqay dhinacaa iyo in aan daalacdo Tafsiirada kala duwan iyo qawlkii Culimada. Khayr Allah ha siiye Culimadii waaweynayd ee ina soo gaadhsiisay Diinta badankoodu sharaxa ay ka bixiyeen wuxu inta badan ka hadlayaa oo xoogga saareen fasiraadda dhinaca shirkiga kama ay hadal nooca uu yahay guriga caaradu. Maadaama aanay haysan  iktishaaf ama badhista cilmi ee lagu sameeyey guriga caarada iyo nooca uu yahay iyo cilmigan oo soo if-baxay 100kii sano ee ugu dambeeyey, kadib markii ay boqolaal Saynisyahanno u kuurgaleen si ay wax uga ogaadaan.

Waxa iyana cajiib ah, in Aayaddu tilmaamayso Caarada teeda dhidig. Ilaa iyo dhawaanahan ka hor lama ogaan in caarada dhedig tahay ta iyadu dhista guriga oo xuubka ay ku dhisto yahay shay ka soo baxa caloosheeda. Mukhluuqaadka oo dhan waxa ay gurigooda ka dhisaan walxo dhulka korkiisa laga helo caarada ma ahe. Xuubkan waa dun xariir ah weliba nooca xariirta ugu wanaagsan oo ay isku toshay ayey guriga ka dhisataa. Farsamada iyo dhismaha caaradu ku taagto gurigeeda waa handasada nooca ugu sareeysa. Waxay saynisyahannadu noo sheegeen haddii caaradu qof le’ekaan lahayd waxa ay dhisi lahayd xuub gaadhaya 150 meter. Marka la eego xoogga iyo quwadda duntaas waxa laga yaabi lahaa in diyaarad duulaysa ay qaban kari lahayd.

Culimadu waxa ay inoo sheegeen, haddii guriga caarada loo ictibaaro dabin ay ku ugaadhsato, sida ay qolooyinka saynisku qabaan, Aayaddu sax ma noqoteen. Laakiin waxa dhab ah in aanu dabin ahyan ee uu maskan iyo hoy u yahay. Gurigeeduna ma laha khusuusiyaadkii guri lahaa oo waa guri dabaysha, qoraxda iyo wax kastaaba burburiyaan. Sidaas ayuu Illaahay ugu shabbahay kuwa asnaamta Illaahayo ka dhigta. Aniga oo runtii faham dheeraad ka helay aqwaashii kala duwanayd ee Culimadu ka bixiyeen sharaxa Aayaddan, ayaa waxa aan subax dhawayd daawaday inan yar oo Muslimad ah oo dalalkaa reer Galbeedka ah ku kortay kuna nool. Waxa aad ii soo jiidatay sida ay u macnaysay ee ay uga hadashay sharaxa Aayadan. Inantaa hadalkeedii wuxu dib ii soo xasuusiyey duruustii Zoology ee Sayniska, markii aan Dugsiga Sare ku jirnay ee la noo dhigi jiray xasharaadka oo Caaraduna ka mid ahayd. Weliba sida Caarada Madow (Black Spider) ay ninkeeda u cunto marka uu u tago kadib. Markii aan u sii kuurgalay ee aan raadiyey macluumaad kale oo dheeraad ah waxa ii soo baxay faham aan la tacajabay oo aan jeclaystay in aan idinkana idin la wadaago.

Marka matal ama tusaale aan ku aragno Qur’aanka, wuxu Illaahay Subxaana wa Tacaalaa rabaa in uu wax inaga qarsoon inoo ifiyo, ama inaga daboolnaa inoo bayaamiyo ama hadal sarbeeb ah inoo kala caddeeyo. Matalkan ama is-barbardhiggan guriga caarada iyo kuwa asnaamta caabuda maxay iska shabbahaan? Guriga caaradu marka aad dusha ka aragtid waa guri xuub ka sameysan oo roob, qorax, dabayl, qabow, kulayl midna aanad ka dugsan karin. Waa guri ka caagan is-raaligelin iyo kalgacal oo aasaas u ah dhismaha qoys. Waa guri hooyadu cunto aabaha marka uu u tago kuna nasan karin oo uu naftiisa la baxsado si aan loo cunin. Waa guri hooyadu cunto caruurteeda, carurrtuna is cunaan. Inta ka badbaaddana ay ugu dambaynta hooyadood cunaan. Waa guri diiq ah oo aan masaaxad ku filan lahayn oo ay ku wada noolaan karaan oo aabo/hooyo/caruur iska wada takhlusayaan oo u wada baratamayaan masaaxadda yar. Waa guri ka caagan wada-noolashaha jinsiga, mana aha hoy lagu nasto ama lagu raaxaysto waana meel socotada iyo martidaba lagu cuno.

Sidaa darteed dadka Illaah aan Allah ahayn Illaah ka dhigtaa waa kuwa sida gurigaa caarada aan helayn meel ay ku nastaan ama ku raaxaystaan if iyo aakhiraba. Culimadu markii ay sharxayeen Aayaddan, waxa ay sheegeen qofku marka uu wanaangsan yahay Illaahay matal wanaagsan ayuu ku soo qaata. Marka qofku Illaahii weynaa cibaadadiisii ka tago oo caabuda qayrkii wuxu Illaahay u soo qaataa matal xun sida kan guriga caarada oo ah guri lagu ba’ay ah.

Tafsiiradii kala duwanaa iyo fahamkii guud waxa iiga soo baxay muhimadda qoysku u leeyahay nolosha iyo in aanay guryaheennu noqon sida guriga caarada, guri aan Tawxiidka laga aaminsanayn. Illaahay Subxaana wa Tacaala, wuxu inoo dooray Islam

{الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الإِسْلاَمَ دِينًا} (5:3)

Waa in kalgacal iyo muxubo qoysku ku wada noolaado sida Illahay Aayddan hoose inoogu sheegay.

{وَمِنْ آيَاتِهِ أَنْ خَلَقَ لَكُم مِّنْ أَنفُسِكُمْ أَزْوَاجًا لِّتَسْكُنُوا إِلَيْهَا وَجَعَلَ بَيْنَكُم مَّوَدَّةً وَرَحْمَةً إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآيَاتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ} (30:21)

Waxa la rabaa in abbuhu qaato doorkiisii in uu yahay taliyaha guud ee qoyska, hooyadu qaadato doorkeeda ah in ay tahay taliyaha arrimaha gudaha ah ee qoyska. Caruurtu baari u noqdaan waalidkood oo u arkaan adeega ay u adeegayaan waalidkood waajib diini ah. Waalidku caruurta u duceeyaan, caruurtu waalidka u duceeyso, jacayl iyo isu soo hiloow noqoto nolosha ay ku wada nool yihiin.

Guriga wanaagsan waa aasaaska nolosha iyo horrumarka bulshada. Waxa aan rabnaa guri waalidku ku soo koriyaan curruurtooda kala-danbayn, is-tixgelin, is-karaamayn maxaba, raxmad iyo caddaalad oo aan loo kala eexan. Si marka uu qofku bulshada dhex-galo kula noolaadaa macaamil wanaagsan oo wax-tar u leh bulshada oo dhan. Wax-tarkaas oo saameyn ku yeelanaya sidii bulshadu u heli lahayd – Madax amaano iyo hoggaamin leh, Garsoor caddaalad wax ku xukuma, Macaalin ku-dayashada mudan, Dhakhtar daryeela bukaanka, Askari waddani ah, farsamayaqaan daacad ah, iyo ganacsade ka daacad ah ganacsigiisa.

Haddii kale qofku wuxu noqonayaa mid ka yimid guri la mida ka caarada oo kale. Qofkaasi wuxu bulshada dhexdeeda kula noolaanayaa sidii qof dab iyo baansiin gacmaha ku sita oo cid kasta oo uu la macaamilana gubaya. Qof kaas waa qof Allah ka cabsigu ku yar yahay xataa haddi uu cibaadaadkii la yimaaddo haddana wax-is-daba-marinta iyo ku-jiqsiinta ayuu u arkaa in uu ku faa’idayo.

Hadaba aan bishan Ramadan uga faa’daysanno sidii aan isbedel dhab ah ula iman lahayn oo guryaheenna ka ilaalino in ay noqdaan ka caarada oo kale. Kana dhigno guri Illaahay lagu weyneeyo oo lagu cibaadaysto lagagana dhaqmo camalka kiisa wanaagsan. Marka guryaheennu u bataan guryo wanaagsan waxa ay isbedel la taaban karo ku sameynaysaa bulshadeena. Allah ha inaga yeelo kuwa khayrka u shaqeeya kana hortaga wax kasta oo shar ah. Soom Maqbuul wa danban maqfuur. Allahuma Aamiin.

Waxaa Qoray:- Xildhibaan Maxamed Cumar Carte, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenkii Xukuumadii hore.

Xuutiyiinta dalka Yemen oo weerar ku ah Imaaraadka Carabta iyo DUBAI oo…

Sanca (Caasimada Online) – Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta dalka Yemen ayaan ku hanjabay inay weerar gantaallo ah la beegsan doonaan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, sida ugu dhaqsiyaha badan.

Qoraal lagu baahiyey wakaaladda wararka Yemen ee Saba, ayaa Jeneral Sharaf Ghaleb Loqman wuxuu ku sheegauy “In Abu Dhabi aysan hadda iyo wixii ka dambeeya ammaan ahayn, laga billaabo maanta.”

Loqman ayaa sidoo kale uga digay dadka maal-gashiga ku sameysta Abu Dhabi iyo Dubai inay si dhab ah u qaataan hadalkiisa.

Hadalkiisa ayaa yimid ayada oo lagu warramay in ciidamo taageero ka helaya Imaaraadka Carabta ay kusii siqayaan magaalo xeebeedka muhiimka ah ee Xudeydah ee galbedka dalka Yemen.

Haddii Xuutiyiintu ay lumiyaan maamulka Xudeydah, waxaa taas macnaheedu yahay in berriga, badda iyo hawadaba ay xannibaad ka saarnaan doonto.

Dalka Yemen, oo ah kan ugu saboolsan dalalka Carbeed ayaa waxaa sanado badan ka taagan dagaal sokoeeye oo ay hurinayaan dalalka Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Iran.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected]

Xasan Kheyre: Haddii aad tahay magafe, dowladda Somalia waa madaasho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay kulan Afur iyo soo dhaweyn ah la qaatay dhallinyaro Soomaaliyedd oo maxaabiis ku ahaa dalka Liibiya, kuwaas oo dib ugu soo laabtay dalkooda ka dib markii ay u fududaysay xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan Ergayga arrimaha qaxootiga u qaabilsan Xafiika Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tripoli.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo u mahed celiyay cid walboo ka shaqaysay in dib loo soo celiyo dhalinyaraddan ku dhibaatay sanayd dalka dibadiisa, ayaa cadeeyay in uu aad uga xun yahay dhibka ku dhacay dhalinyaradda Soomaaliyeed meel walba ay joogaan. Isgaoona tilmaamay in mas’uuliyinta dalka looga baahan yahay in ay ka foogaadaan musuq maasuqa, in ay dib-u-dhisaan dalka iyo in la iska ilaaliyo waxyaabihii awoodeena daciifyay, si looga shaqeeyo mustaqbalka jiilka soo koraya.

“Haddii aad tahay Soomaali oo aad la baxday Magafe, Waa inaad ogaataa in dawladda Soomaaliyeed ay tahay Madaasho oo ay kaaga daba imanayso meel kasta, caddaaladana ku horgayn doonto. Waxa la rabaa hay’adaha amniga Qaranka inay ka shaqeeyaan sidii loo soo qab-qaban lahaa dadka dhibaateeyey dhillinyaradeena.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ugu dambayntii, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhallinyaradda Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan sidii ay dalkooda uga dhigi lahaayeen wadamadda ay u tahriib tageen, waxuuna u ballan-qaaday in Soomaaliya ay ku socoto dariiqii horumarka, qof walbana ay muhiim tahay in uu qaybtiis ka qaato dib u dhiska dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Wararkii ugu dambeeyey ee shirka Baydhaba iyo R/W Kheyre oo gaaray halkaas

Baydhabo (Caasimadda Online) – Shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa la filayaa in gelinka dambe ee maanta inuu ka furmo magaalada Baydhabo, iyadoo Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ay ku wajahan yihiin.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda dowlad goboleedyada iyo wafuud ka socota Beesha caalamka ay ku sii jeedaan.

Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxa goordhow agarey wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre halakas oo manta lagu wado in uu ka furmo shirka Amniga Qaranka.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa Baydhabo ku soo dhaweeyey xubno uu hor kacayey Madaxweynaha dowald goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay saacadaha soo socdo gaaraan Magaalada Baydhabo, waxaana shir guddoomin doono madaxweyne Farmaajo halka ay xaadir kusoo noqon doonaan dhammaan madaxda Maamul Goboleedyada Dalka.

Shirkaan ayaa diirada waxaa lagu saari doonaa xaaladaha amaan ee dalka iyadoona la filayo in aad loogu lafaguri doono amaanka iyo arimo kale oo ay kamid tahay doorashada 2020.

Bilihii dambe ayaa waxaa jiray mad madoow u dhaxeeyay madaxda dowlada dhexe iyo Madaxweynayaasha maamul goboleedyada, kuwaas oo bishii hore ku kulmay isla magaaladaan islamarkaana dhaliilay madaxda dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Waxaan la filayaa si gooni ah looga hadlo mad madoowga u dhaxeeya madaxda dowlada dhexe iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada ee ku kulmaya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan oo shalay gaaray Baydhabo ayaa ugu baaqay dadka reer Baydhabo inay ka qeyb qaataan soo dhoweynta wafuuda imaaneysa.

Ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana ciidamada dheeraad ka geeyay duleedyada magaalada iyo gudaha, waxaana la baarayay gaadiidka kala duwan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Madax ka tirsan dowladda iyo beesha caalamka oo ku wajahan Baydhaba

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa aad loo adkeeyay amniga guud magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kadib markii ciidamo aan horay loo arag lagu daadiyay waddooyinka magaalada.

Gudaha magaalada iyo daafaha ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo dhulka daadsan iyo kuwo dusha ka saaran gaadiidka dagaalka oo ka qeybqaadanaaya amniga.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa maanta waxaa ku wajahan wafdi ka kala socda dowladda Federaalka, maamul goboleedyadda iyo Beesha caalamka.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu wadaa in uu ka furmo Shirka Golaha Amniga Qaranka, oo ay ka qeybgalaayaan madaxda maamul goboleedyada, kuwa dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Ciidanka AMISOM ayaa la wareegay ammaanka halka shirka uu ka dhacayo, iyadoo fariisimo ka sameystay banaanka xarunta shirka.

Shirka ayaa lagu waddaa in lagu soo bandhigo qorshaha Qaranka ee ku wahahan dhanka Ammaanka, waxaana laga soo saari doonaa qodobo lagu xoojin doono amniga dalka.

Sidoo kale, Wasiirada amniga ayaa halkaa ka jeedin doona khudbado kooban oo lagu darsaayo sida loo wajahay amniga iyo waxyaabaha dheeriga ah ee la doonaayo.

Dhinaca kale, Shirkaan ayaa daba socda shirar amni oo dhowr ah kuwaa oo intooda badan ka dhacay magaalada Baydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Baydhabo

[email protected]

Sawirro: Dagaal caawa ka dhacay Muqdisho iyo khasaare ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal u dhexeeyay ciidamada Dowlada ayaa waxa uu Maqribnimadii Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Dagaalka oo xooganaa ayaa waxa uu ka dhacay nawaaxiga koontorool ku dhow Kulliyada Jaale Siyaad, kaa oo u dhexeeyay ciidamada Xasilinta iyo kuwa Militeriga.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira, waxa uuna ka danbeeyay kadib markii ciidamo ka tirsan Militeriga ay rasaas ooda uga qaaden ciidamada Xasilinta oo howlo baaritaan kawaday nawaaxiga koontorool ku dhow Kulliyada Jaale Siyaad.

Goobta uu dagaalka ka dhacay ayaa waxaa lagu arkaayay meydadka iyo dhaawacyada dad shacab iyo ciidamo ka kooban, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin heerka Khasaaro.

Balse goobjoogayaal ayaa soo sheegaya in Khasaaraha dhimasho uu gaaray ilaa Seddex, halka dhaawacana uu ku dhow yahay ilaa afar oo ay ku jiraan Askar labada dhinac ah.

Waxaa hadda degan xaalada goobta uu dagaalka ka dhacay, waxa uuna kusoo beegmayaa xili tan iyo shalay magaalada Muqdisho ay ka dhacayeen dagaalo u dhexeeya ciidamada Xasilinta iyo Militeriga.

Daawo: Gorod oo war culus kasoo saaray dagaallada ciidamada DF ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay sii kordhayaan iska hor imaadyada magaalada Muqdisho ku dhexmara ciidamada Xasilinta iyo kuwa Militeriga ayaa waxaa arrintaasi digniin adag kasoo saaray Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod.

Taliyaha Ciidamada xoogga ayaa ciidamada Militeriga uga digay in Hubka ay ku dhex isticmaalan gudaha magaalada Muqdisho, waxa uuna sidoo kale ku baaqay inaan waddooyinka lagu arki Karin Askar la lugeyneysa Hub iyaga oo aan heysan wax fasax ah.

Taliyaha waxaa uu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay Magaalada Muqdisho ka socdeen falal Amniga Khatar ku ah , Maadaama ay jireen Iska horimaadyo ka dhaxeeyay ciidamada xasilinta iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed.

Gorod ayaa uga digay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed in ay kasoo baxaan Saldhigyadooda Amar la’aan.

Waxaa uu sheegay in ciidamada xasilinta sidoo kale laga doonaayo in ay tixgaliyaan ciidamada kale oo ay weydiiyaan aqoonsiyadda ay wataan.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA IYO DIGNIINTA GOROD