25.5 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Sawirro: Dagaal caawa ka dhacay Muqdisho iyo khasaare ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal u dhexeeyay ciidamada Dowlada ayaa waxa uu Maqribnimadii Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Dagaalka oo xooganaa ayaa waxa uu ka dhacay nawaaxiga koontorool ku dhow Kulliyada Jaale Siyaad, kaa oo u dhexeeyay ciidamada Xasilinta iyo kuwa Militeriga.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira, waxa uuna ka danbeeyay kadib markii ciidamo ka tirsan Militeriga ay rasaas ooda uga qaaden ciidamada Xasilinta oo howlo baaritaan kawaday nawaaxiga koontorool ku dhow Kulliyada Jaale Siyaad.

Goobta uu dagaalka ka dhacay ayaa waxaa lagu arkaayay meydadka iyo dhaawacyada dad shacab iyo ciidamo ka kooban, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin heerka Khasaaro.

Balse goobjoogayaal ayaa soo sheegaya in Khasaaraha dhimasho uu gaaray ilaa Seddex, halka dhaawacana uu ku dhow yahay ilaa afar oo ay ku jiraan Askar labada dhinac ah.

Waxaa hadda degan xaalada goobta uu dagaalka ka dhacay, waxa uuna kusoo beegmayaa xili tan iyo shalay magaalada Muqdisho ay ka dhacayeen dagaalo u dhexeeya ciidamada Xasilinta iyo Militeriga.

Daawo: Gorod oo war culus kasoo saaray dagaallada ciidamada DF ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay sii kordhayaan iska hor imaadyada magaalada Muqdisho ku dhexmara ciidamada Xasilinta iyo kuwa Militeriga ayaa waxaa arrintaasi digniin adag kasoo saaray Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod.

Taliyaha Ciidamada xoogga ayaa ciidamada Militeriga uga digay in Hubka ay ku dhex isticmaalan gudaha magaalada Muqdisho, waxa uuna sidoo kale ku baaqay inaan waddooyinka lagu arki Karin Askar la lugeyneysa Hub iyaga oo aan heysan wax fasax ah.

Taliyaha waxaa uu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay Magaalada Muqdisho ka socdeen falal Amniga Khatar ku ah , Maadaama ay jireen Iska horimaadyo ka dhaxeeyay ciidamada xasilinta iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed.

Gorod ayaa uga digay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed in ay kasoo baxaan Saldhigyadooda Amar la’aan.

Waxaa uu sheegay in ciidamada xasilinta sidoo kale laga doonaayo in ay tixgaliyaan ciidamada kale oo ay weydiiyaan aqoonsiyadda ay wataan.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA IYO DIGNIINTA GOROD

R/Wasaare Abiy Ahmed oo maanta ku dhawaaqday go’aan siyaasadeed culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada dalka Ethiopia ayaa ku dhawaaqday go’aan dib loogu qaaday Xaalada degdega ah ee saran dalka Ethiopia, kadib markii maanta oo sabti ah ay go’aankaasi ansixiyeen Wasiirada.

Xukuumada ayaa shaacisay in dib loo qaaday xaalada degdega ah ee saarneyd Ethiopia tan iyo bishii Febraayo ee sannadkaan.

Xukuumadu waxa ay tilmaantay in Bandowgaasi uu ka dhashay rabshado dhaliyay dhimasho badan oo saameeyay Gobolo badan oo dalkaasi ah sida Gobolka Oromada.

Rabshadaha ayaa looga soo horjeeday Xukuumadii uu hoggaaminaayay Helimaryan Desalin oo dhawaan iska casilay xilka uu hayay, kadib markii ay sii xoogeysteen rabshadaha.

Fitsuma Arega oo ah Madaxa xafiiska Ra’isul wasaaraha Ethiopia, ayaa warbaahinta la wadaagay in Golaha Wasiirada ay dib u eegeen xaaladda amni ee Ethiopia, kadibna ay isku raaceen in dib loo soo celiyay amnigi iyo kala danbeynti hore.

Si kastaba ha ahaatee, go’aankaan ay Xukuumada Abiy Ahmed ku dooneyso in lagu qaado xaalada degdega ah ee saran Ethiopia ayaa fursad u noqon doonta Ganacsato iyo Shacab farabadan oo uu saameeyay amarka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Dal Yurub ah oo DF siiyey qalab qaraxyada ka hortaga iyo gaadiid

Muqdisho (Caasimadda Online) –Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa lagu wareejiyey Seddex gaari oo labo ka mid ah ay yihiin BMW balse noocyadii birimo tiibada ah, kuwaasi oo ay ku xiran yihiin  qalab fududeynayo ka hortaga qaraxyada iyo daba-galka dambiyada.

Safiirka Dawladda Taliyaaniga ee Soomaaliya ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ku wareejiyey Documents-ka  iyo Fureyaasha Gawaaridaan, waxaana Safiirka  warbixin  uu ka siiyey Taliyaha Ciidanka Booliska qalabka ku xiran gawaaridan ee looga hortago Qaraxyada iyo daba galka dambiyada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto  Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in Gaadiidka maanta ay ku wareejisay Dawladda Talyaaniga waxbadan ay ka badali doonaan Xaaladda Amni ee magaaladda Muqdisho. 

XOG: Maxaa ka jira inay heshiiyeen DF Somalia iyo SHARIIF Xasan Sheekh?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Habeenkii xalay ahaa ayaa Madaxweyne Sharif Xassan waxa uu kulumo kala duwan la qaatay Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre taas oo looga wadahdlayay sidii shirka Baydhabo u noqon lahaa mid ay ka soo baxaan danaha dowlada dhexe.

Farmaajo ayaa horay ugula soo kulmay Madxweyne Waare iyo Madxweyne Sharif Xassan Magaalada Nayroobi inkastoo Madaxweyne  Axmad Madoobe uu ka biyo diiday la kulanka Farmaajo.

Warar hoose oo la helay  ayaa sheegaya un Sharif Xassan kula heshiiyay in ay dowladda ay bixiso lacag si loo qanciyo madaxda dowlad goboleedyadda. Sharif Xassan ayaa ku adkeystay in lacagta la keeno Magaalada Baydhabo Inta uusan shirka furmin.

Sharif Xassan ayaa u muuqda mid ka gacasanaya shirka Baydhabo doonayana in uu shirqoolo madaxda kale ee shirka ka soo qayb galayso.

Sharif Xassan ayaa saakay ka dhoofay Muqdishu isaga oo ku soo jeeda Magaalada Baydhabo.

Maalinta Berri ah ayaa la filayaa inuu Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ka furmo shirka amniga qaranka kaasoo ay isku arki doonaan dowladda dhexe iyo Madaxda Maamul Goboleedyada.

Bilihii ugu dambeeyey waxaa sii xumaanayey xiriirka ka dhaxeeyo dowladda iyo Maamul Goboleedyada, wuxuuna khilaafkooda ku saleysan yahay go’aanka laga qaadanayo khilaafka dowladaha Khaliijka kadib markii ay dowladda dhexe sheegtay inay arrintaas dhex dhexaad ka tahay.

Shirka Amniga ayaa hore ugu baaqday khilaafka dowladda iyo Maamul Goboleedyada, waxaana Berri la filayaa inuu shirkaas dhaco.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Amisom oo cadeysay cidda ay la jirto DF iyo madaxda maamul goboleedyada!!

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxda howgalka AMISOM ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka sii xoogeysanayo ee ka dhaxeeyo dowladda dhexe iyo madaxda Maamul Goboleedyada kaasoo ka dhashay muranka u dhaxeeyo dowladaha Carabta ee keenay in xiriirka loo jaro dowladda Qatar.

Simon Mulongo, oo ah ku xigeenka wakiilka midowga afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa si cad uga hor yimid Madaxda Maamul Goboleedyada isla markaasna taageeri u muujiyey dowladda dhexe.

Simon Mulongo, ayaa difaacay dowlada Soomaaliya, isagoo sheegay in madaxda maamulada ay ku qaldan yihiin inay dhinac kala saftaan xiisada khaliijka.

“Imaaraadka wuxuu tababaro siinayey ciidamadda Soomaaliya tan iyo 2014-tii, laakiin dowlada Soomaaliya waxay u jartay xiriirkii iskaashiga militeriga kadib murankaan, taasoo aan u wanaagsaneen dib u dhiska ciidamada qaranka,” ayuu yiri Simon.

“Hadda ciidamada Soomaaliya tababaraan Turkiga, Mareykanka iyo Ingiriiska, kuwaasoo soo saaray 800 askari, iyadoo loo baahan yahay 50,000 oo askar si ay AMISOM ugala wareegay mas’uuliyadda amniga dalka,” ayuu hadalkiisa raaciyay Simon.

Hadalka Simon ayaa wuxuu ka dhigan yahay in AMISOM ay dowlada Soomaaliya la safatay marka ay timaado khilaafka kala dhaxeeya maamulada dalka, taasoo shaki ku buuri karta hogaamiyaasha dowlad goboleedyadda.

Khilaafka oo salka ku haya go’aanka ay xukuumada Muqdisho ka qaadatay xiisada dalalka Khaliijka, kaasoo ay sheegtay inay dhax-dhaxaad ka tahay sanadkii tagey, inkastoo maamulada qaar ay ku eedeeyeen inay dhinac xigsatay, oo u weecatay Qadar.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa si cad ugu sheegay saxaafada in dowladda federaalka ay la safatay Qadar, sidaas darteeda ay iyagana taageersan yihiin Imaaraadka Carabta.

Dowldda dhexe iyo madaxda Maamul Goboleedyada ayaa la filayaa inay Berri  Magaalada Baydhabo ku yeeshaan shirka golaha Amniga, waxaana la rajeenayaa in shirkaas ay qolo kasta kusoo bandhigi doonto tabashadeeda.

Sidoo kale Waxaa dhamaadka Bishan June ka furmaya magaalada Brussels ee dalka Belgium shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, waxaa ka qeyb galaya Wafdi ay hoggaaminayaan Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, ka hor shirkaas waxaa shirar loogu gogol xaarayo ay ka dhici doonaan Muqdisho.

Tan iyo markii uu bilowday Khilaafka dowladaha Khaliijka wuxuu saameyn xoog leh ku yeeshay dowladda Soomaaliya, iyadoo ay Imaaraadka Carabta dagaal toos ah ku bilowday dowladda dhexe iyadoo adeegsaneyso madaxda Maamul Goboleedyada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

XOG: Xisbiga DALJIR oo la ogaaday inuu hurinayo khilaafka GALMUDUG

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo uu cirka isku sii shareerayo Khilaafka ka dhaxeeyo madaxda Galmudug ayaa waxaa soo baxayo xog cusub oo ku aadan cidda ka dambeyso inuu bilowdo khilaafkaan cusub.

Shabakadda Caasimadda Online ayaa xog ku heshay in Xisbiga Daljir uu yahay cidda dib usoo celisay Khilaafkii ka dhaxeeyey Madaxda ugu sareyso maamulka Galmudug.

Inkastoo aan loo ogeyn ujeedka rasmiga ah oo uu xisbigaan ka leeyahay Khilaafka cusub ee Galmudug ayaa haddana wararka soo baxayo waxay tilmaamayaan inuu xisbigaan adeegsanayo Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Warar hordhac ah ayaa sheegayo inuu xisbigaan doonayo inuu Galmudug madaxweyne ka noqdo shakhsiga xisbiga hoos tago si ay mustaqbalka uga soo dagaalamaan marka la gaaro doorashada 2020.

Khilaafka Madaxda Galmudug ayaa gaaray meeshii ugu dambeysay, wuxuuna maamulka u kala qeybsamay laba qeyb, madaxweynaha iyo Ahlu Sunna ayaa saldhig ka dhigtay Dhuusamareeb halka Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ay dageen magaalada Cadaado inkastoo uu khilaaf ka jiro inay ku shaqeeyaan Madaxtooyada kadib markii ay hor imaadeen wasiiro taagersan Xaaf oo u dhashay magaalada Cadaado.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa safar qarsoodi ah ku jooga magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland, iyadoo socdaalkiisa uu ahaa mid aan laga war heyn.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xaaf uu ku sugan yahay Madaxtooyada Garowe, waxaana labada Madaxweyne ay yeesheen  wada hadalo ku saabsan khilaafka Galmudug iyo arrimo kale.

Wariyeyaasha Garowe ku sugan ayaa sheegaya in aanay waxba laga ogeyn waxa uu salka ku haayo safarka Madaxweyne Xaaf, isla markaana ay aheyd arrin lama filaan ku noqotay safarka Xaaf, iyadoo aanay warbaahinta ogeyn.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa la sheegay inay wadaan dadaal ay ku xalinayaan khilaafka, iyadoo uu dhowaan baaqday shir ay dowladda Soomaaliya ku dhex dhexaadin laheyd labada dhinac ee Galmudug, kaddib markii uu diiday Madaxweyne Xaaf inuu Muqdisho tago.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Taajir Maraykanka ah oo dhisayay god uu ka galo Nuclear oo la dacweeyay

Nin taajir ah oo u dhashay dalka Maraykanka kaas oo gurigiisa hoostiisa ka qodayay god weyn oo uu ka galo haddii uu dhoco weerar Niyuukleer ayaa lagu furay dacwo dil ah, kadib markii uu dhintay ninkii uu usoo kireystay in uu godkaas u qodo.

Ninkan oo lagu magacaabo Daniel Beckwitt oo 27 jir ah ayaa qodayay godkan cabsi uu ka qabo weerarka Niyuukleer ah oo adduunka ka dhaca awgiis, balse ninkii godka u qodayay Askia Kafta oo 21 jir ayaa ku dhintay kadib markii uu gudaha godka dab ka kacay.

Booliiska ayaa Daniel ku eedeeyay dacayaad iyo beylah uu ku sameeyay nafta bini’aadamka.

Godka oo guntiisa dhanayn 60 mitir ayaa hoos u qodkaa illaa 20 fiit , kana hoos qodkaa guriga ninkan oo ku yaala magaalada Washington.

Waxa ay booliiska sheegeen in markii dabka kacay uu ninkan guriga ka baxsaday, balse uu ka gaabiyay in kooxaha gargaarka degdega ah uu u sheego in qof kale meesha ku xayiranyahay.

Waxaa kale oo la sheegay in Mr. Daniels uu sameeyay isku day kasta oo suurtogal ah oo ninka dhintay ee u shaqayn jiray uuga kaga habaabinayo in uu aqoonsado halka uu guriga ku yaalo, isaga oo saacado gaariga ku marin jiray waddooyinka, kadibna guriga ka galin jiray meel uusan fahmi karin.

Dhimasha ayaa dhacday sanadkii 2017-kii, balse hadda ayaa baaritaanka lasoo gabogabeeyay, waxaana la sheegay in maalmo dhan uu ninka dhintay ka shaqayn jiray gudaha godka, halkaas oo uu wax ku cuni jiray, suulina ka gali jiray isaga oo aanan banaanka usoo bixin sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.

Waxaa jira dad badan oo Amerikan ah, oo uu ka midyahay madaxweynaha dalkaas oo guryahooda ka qotay godad ay ka galaan haddii uu dhoco weerar hubka Niyuukleerka.

Isha: BBC Somali

Xog: Madaxweyne Xaaf oo safar qarsoodi ah ku tagay magaalada GAROOWE

Garoowe (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Hogaamiyayaasha maamulada Galmudug iyo Puntland ay kulan aan horay loo shaacin ku yeeshen Magaalada Garowe ee maamulka  Puntland.

Axmed Ducaale ‘’Xaaf’’ oo socdaalkiisa magaalada Garoowe u kireystay diyarad gaara ayaa ka duulay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana la socday ciidamo isaga ilaalo u ah iyo qaar ka mid ah Xoghayntiisa, Safarkiisa kuma aysan wehlinayn Siyaasiyiin ama Xildhibaano.

Kulanka oo si gaara ugu dhexeeyay Hogaamiyaha Puntland C/weli Gaas iyo Axmed Ducaale Xaaf oo ah Hogaamiyaha maamulka Galmudug, waxa ayna si qoto dheer uga wada hadleen degnaanshiyaha laga dareemayo magaalada Gaalkacyo, Nabadda iyo Daris wanaaga ka dhexeeya labada maamul.

C/weli Gaas iyo Xaaf ayaa isla soo hadal qaaday Khilaafka ka dhaxeeya Madaxda Sare ee Galmudug iyo Kaalinta ay ka qaadankaraan Golaha Iskaashiga dowlad goboleeyadda oo mas’uuliyada koowaad ay ka saran tahay xalinteeda.

C/weli Gaas oo casuumaada u sameeyay Xaaf, ayaa sheegay in Puntland ay daris la tahay Galmudug, sidaa aawgeed ay mas’uuliyad gaara ka saran tahay xalinta Khilaaf Siyaasadeedka ka dhextaagan Madaxda Galmudug.

Illo wareedyo ka kala tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug, ayaa xaqiijiyay in Hogaamiye Xaaf  uu xalay ku hoyday Magaalada Garowe, waxaana lagu waddaa in uu maanta soo gaaro Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Illo wareedka ayaa intaa kusii daraaya in Hogaamiye Gaas iyo Xaaf ay isla fahmeen in kulamo gaara lala qaato Madaxda Galmudug ee iminka carada la fadhiya magaalada Cadaado ee xarunta KMG Galmudu, waxa uuna arrin muhiima ku sheegay in si dhaqsi ah lagu qaboojiyo khilafka.

Dhinaca kale, Xaaf ayaa safarkiisa Garoowe loo badinayaa inuu la xariiro sidii Puntland fara galin ugu samayn lahayd maadama Madaxweyne Gaas Guddoomiye u yahay madasha maamul goboleedyada.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

3 arrin oo aan ka ogaanay sirta Imaaraadka ee uu shaac ka qaaday Geelle

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo waraysi gaar ah ay la yeelatay majalada caanka ah ee Faransiiska ku soo baxda ee Jeune Afrique, ayaa shaaca ka qaaday sababtii uu uga baxay heshiiskii shirkadda DP World ee Imaaraadka ee dekadda Dooraaleh.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, waxa uu yiri “DP World weligeedna si run ah uma ay doonayn in ay horumariso dekedda Dooraaleh – Oo shaqada ay qabataa boqolkiiba 40 keliya ka noqonaysay inta ay qaban kari lahayd – sababta ay sidaas u yeelayaanna waa in ay xoojiyaan soo shaacbixidda dekedda Dubai, ee Jabal Cali. Waxa ay ku socotay in ay meesha ka saarto tartankii dekeddu ku jirtay iyada oo xakamaynaysa, iskuna soo koobaysa suuqa maxalliga ah iyo Itoobiya. Xitaa haddii ay noqonayo in markableyda shisheeyaha ee aadka u badan laga niyadjebiyo in ay dekeddayada soo booqdaan”

Hadalka madaxweyne Geelle, waxa uu shaaca ka qaaday arrimaha soo socda:-

1 – In heshiisyada Imaaraadka ee dekedaha Soomaaliya, sida Berbera iyo Boosaaso ay yihiin kuwa marnaba ujeedkoodu uusan ahayn in dekedahaas lagu hormariyo, balse ay yihiin kuwa lagu wiiqayo inay iskood ama dal kale hormariyo, si dekedda Jabal Cali ee Dubai usii ahaato tan ugu xooggan gobolka.

2 – In Dowladda federaalka Soomaaliya ay ku saxneyd inay iska diido heshiiska dekedahaas iyo inay Imaaraadka kala safato Qatar, waayo waxaa cad in Imaaraadku ay Soomaaliya u joogaan kaliya inay wiiqaan Soomaaliya, balse aysan marnaba dan ka lahayn inay Soomaaliya ka caawiyaan inay cagaheedi isku taagto.

3 – In hoggaamiyayaasha maamullada Soomaaliya, si gaar ah Cabdi Weli Gaas iyo Muuse Biixi ay yihiin khaa’inu waddaniyiin aan wax dan ah ka lahayn dalka, una muuqdo kaliya dollar-ka Imaaraadkaa Carabta, sababtoo ah ayaga oo og hagar-daamada Imaaraadka, ayay haddana weli heshiis kula yihiin inay Soomaaliya dhibaateyso, una saxiixeen heshiisyo 30 sano ah, oo cawaaqibkooda aan laga soo kaban doonin muddo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Qatar oo qaaday tallaabo ka careysiisay Sacuudiga oo arrin yaab leh shaaciyey

Riyadh (Caasimada Online) – Saudi Arabia ayaa ku hajnabtay tallaabo miltari oo ka dhan ah Qatar, haddii dalkaas uu soo iibsado barnaamijka difaaca gantaalaha ee S-400, oo Ruushka uu sameeyo, sida uu daabacay wargeyska Le Monde ee dalka France.

Warqad uu u diray madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron, ayaa boqor Salman waxa uu walaac kaga muujiyey wada-hadallo u socda Moscow iyo Doha, oo ku saabsan iibka barnaamijka difaaca ee horumarsan.

Dowladda Sacuudiga oo ka codsatay France, inay cadaadiso Qatar, ayaa sheegtay inay ka cabsi qabto cawaaqibka ka iman kara haddii Qatar ay hesho barnaamijkan, ayna halis gelin karto amniga Sacuudiga.

“Haddii tani ay dhacdo boqortooyada waxay qaadi doontaa dhammaan tallaabooyinka muhiimka ah, si meesha looga saaro habkan difaaca gantaalaha, waxaana ku jira tallaabo milatari” ayuu boqor Salman ku yiri warqaddii uu u qoray Macron, oo uu helay wargeyska Le Monde.

Bishii Janaayo, ayaa safiirka Qatar ee Ruushka uu sheegay in wada-hadallada ay kusoo iibsanayaan barnaamijkan ay gebo gebo yihiin.

Labada dal ayaa bishii October ee 2017 kala saxiixday heshiis wada-shaqeyn milatari iyo mid farsamo iyo inay kasii shaqeeyaan habka difaaca, intii uu wasiirka gaashaandhigga Ruushka Sergei Shoigu booqashada ku joogay dalka Qatar.

Caasimada Online
Xafiiska Doha
[email protected]

 

WIIL iyo AABIHIIS oo si arxan darro ah lagu dilay magaalada GAALKACYO

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaya in Askari ka tirsanaa Ciidamada Puntland uu toogasho ku dilay Wiil iyo Aabihiis oo ku sugnaa Hotel ku yaala Waqooyiga Gaalkacyo.

Askarigaan ayaa la sheegay in mudo yar ka hor laga Ruqseeyay shaqada balse si caro leh uu u dilay Aabaha iyo wiilkiisa

Askariga oo horay shaqadiisa ugu waayay Xanuunka Neerfaha oo ku dhacay ayaa xabado ku furay dad ku sugnaa Hoteel ku yaalla Bartamaha Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland, waxaana sidaa ugu dhintay Wiilka iyo Aabihiis.

Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka Puntland oo Hotelka ku sugnaa ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen Ninkii dilka gestay, waxaana faah faahin ka bixin doono Hay’adaha amaanka ee maamulka Puntland.

Maxamuud Yaasiin Axmed Tumay oo ah Gudoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa sheegay in ciidamada Ammaanka ay gacanta ku dhigeen ninkii falkaasi geystay.

Maxamuud Yaasiin Axmed Tumay, waxa uu dhankiisa ka qiray in ninkaan uu qabay Xanuunka Neerfaha, isla markaana horay looga qaaday Qorigii uu watay ,laakiin hadda ay barayaan Qoriga uu dadka ku dilay halka uu ka keenay.

Dhinaca kale, waxaan si rasmi ah loo ogeyn halka uu hubkaan ka keenay ninkaan la sheegay inuu Xanuunka Neerbaha qabay ee laga ruqseeyay Shaqada Ciidanimo ee maamulka Puntland, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in aan hubka laga qaadin markii xanuunkaan lagu arkay oo shaqada laga soo diray oo kaliya, waxa ayna tani noqoneysaa dhacdo aad u fool xun oo dadka ka yaabisay.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Al-Qacida oo fariin yaab leh u dirtay dhaxal-sugaha Sacuudiga Bin Salman

Riyadh (Caasimada Online) – Sida lagu baahiyay wargeysyada kasoo baxa dalka Sacuudiga Kooxda Al Qacida ee fadhigeedu yahay dalka Yemen ayaa digniin u dirtay dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman.

Kooxda ayaa Mohamed Bin Salman ku tilmaantay mid fasahaadinaaya Diinta Islaamka, isla markaana dhalanrogay dhaqanka wanaagsan ee Haweenka kasoo jeeda Sacuudiga.

Qoraal kasoo baxay Al-Qacidada Yemen ee loo yaqaan AQAP, ayaa waxaa lagu sheegay in Mohamed Bin Salman uu hoos u dhigay wax waliba oo wanaagsan ee ka jira Sacuudiga, waxaana looga digay danbiga ay sheegeen inuu ka galayo diinta Islaamka.

Nuqul kamid ah qoraalka digniinta ee al-Qacida u dirtay Mohamed Bin Salman ayaa ahaa ‘’Wuxuu doonayaa inuu Masaajidada ku bedalo Shaneemooyin, isla markaana uu dalka Sacuudiga u fasaxo kuwa aan diinta heysan ee looga kala yeeray daafaha caalamka’’

Qoraalka ayaa intaa kusii daraaya ‘’Rag waa weyn oo cawradooda muuqato oo gaalo ah ayuu ogolaaday inay usoo daawasho tagaan kumanaan shacab Muslimiin ah oo isugu jira haween iyo rag, taasi kama dhaqan gali doonto Sacuudiga oo u dhexeeya Muslimka oo dhan’’

Waxaa lagu sheegay qoraalka Al-Qacida in Maxamed Bin Salmaan uu gaf cad u geystay diinta islaamka, hase yeeshee waxa ay uga digeen inuu kusii dhegnaado hadafkiisa ku aadan raali galinta Dowlada Mareykanka.

Waxaa mar kale lagu yiri qoraalka ‘’ Digniinteenu waxa ay tahay mid nabar ku noqon doonto Maxamed Bin Salmaan oo aan rumeysanahay inuu ka weecanaayo wadada toosan waa inuu ka waantooba dhuminta shacabka Muslimka ah’’

Sidoo kale, dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay inuu sanadkan isbedalo badan ka sameyn doono dalka Sacuudiga.

Isagoo sheegay in bishan June haweenka dalkaasi markii ugu horeysay loo ogolaan doono inay gaadiidka gacantooda ku kaxeystaan.

Wuxuu kaloo laalay sharuuc horey dalkaasi looga mamnuucayey shaneemooyinka iyo goobaha kale ee maaweelada.

Kooxdan ayaa dalka Yemen ka dagalanta muddo badan, waxa ayn halkaa ka geystaan gumaad lixaad leh oo ay u geestaan shacabka iyo shaqaalaha maamulka Yemen.

Geesta kale, Goobaha ay Al-Qacidada Yemen ee loo yaqaan AQAP kaga noolyihiin dalka Yemen ayaa waxaa sidoo kale ka dhaca duqeymo diyaaradeed oo ay geystaan Xulafada Sacuudiga.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected]

Uganda oo si rasmi ah u dhaqan galisay canshuur la saaray baraha bulshada

Kampala (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Canshuur ay dhawaan Dowlada Ugandha kusoo rogtay dadka shacabka ah ee isticmaala baraha bulshada.

Dowlada Ugandha oo ka duuleysa isticmaalka baraha bulshada ee sii kordhaya ayaa iclaamisay inay bilowday qaadista lacagaha canshuurta.

Lacagaha Canshuurta ee lagu soo rogay dadka shacabka ah ayaa waxaa meelmariyay Baarlamaanka Uganada oo canshuurta ka dhigay mid waajib ku ah dadka isticmaala baraha bulshada.

Baarlamaanka ayaa sababta Canshuurta ku sheegay si dakhliga kor loogu qaado, dadka qaar ayaa sheegaya in arrintan loogu gol leeyahay in la yareeyo dhaleeceynta madaxweynaha dalkaasi Yoweri Museveni.

Lacagaha Canshuurta ee baarlamaanka kusoo rogay dadka isticmaala Baraha bulshada ayaa dhan  200 shillings ($0.0531) oo laga qaadi-doono dadka isticmaala Facebook, Twitter iyo WhatsApp. Lacagtan ayaa sanadkii gaareysa ilaa $19.

Sidoo kale, ilaa  40% dadka reer Uganda oo guud ahaan gaaraya 40 million ayaa isticmaala baraha bulshada gaar ahaan Facebook iyo WhatsApp, waxa ayan Dowladu ku doodeysaa in halkaa ay ku jirto dhaqaale.

Si kastaba ha ahaatee, go’aankaani ayaa hoos u dhigaaya qorshooyinka Xisbiyada mucaaradka ay baraha bulshada ugu dacaayadeen lahaayen madaxweynaha dalkaasi Yoweri Museveni oo xukunka hayey tan iyo 1986.

Caasimada Online
Xafiiska Kampala
[email protected]

Sawirro: Puntland oo lagu wareejiyay Hub iyo Gaadiid dagaal oo lagu biirinayo Dagaalka Tukaraq

Garoowe (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Magalada Buuhoodle ayaa sheegaya in halkaa galabta lagu wareejiyay Hub, Gaadiid iyo Ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka.

Hubka, Gaadiidka iyo Ciidamada ayaa lagu wareejiyay Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar ‘’Camey’’ oo muddo Seddex cisho ah ku sugnaa Magalada Buuhoodle.

Ciidamada lagu wareejiyay Camey ayaa tirro ahaan gaaraya 135 Askari iyo  Gaaddiidka nooca dagaalka ee Cabdi-Bilaha loo yaqaan.

Hubka, Gaadiidka iyo Ciidamada ayaa waxaa wareejiyay mid ka mid ah Beelaha dega Magalada Buuhodle,kadib markii uu ka dalbaday dadka ku nool Buuhoodle in ay ka qeyb qaataan dagaalka ay kula jiraan Somaliland.

Camey ayaa Gaadiidka iyo Ciidamada ka gudoomay Oday dhaqmeed matalayey Bulshada ku nool Magalada Buuhoodle kaas oo Magaciisa lagu sheegay Bashiir Osman Waraabe.

Hubka,Gaadiidka iyo Ciidamada ayaa lagu biirin doonaa Dagaalka looga soo hosjeedo Somaliland ee ka socda deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Camey ayaa sheegay in Puntland aysan joojin doonin dagaalka ay kula jirto Somaliland, waa haddii aan Somaliland dib uga bixin Tukaraq.

Dagaal ka dhex-qarxay ciidamada dowladda Soomaaliya ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal muddo socday oo u dhexeeyay ciidamo kawada tirsan Dowlada ayaa waxa uu goordhow ka dhacay degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir.

Dagaalka oo Hub kala duwan leysu adeegsaday ayaa waxa uu si gaara uga dhacay Xaafada Macalin Nuur, kaa oo yimid kadib markii ciidamada Xasilinta ay isku dayeen inay Hubka ka dhigaan ciidamo kale oo ka tirsan Militeriga.

Ciidamada xasilinta ayaa inta uu dagaalka socday dilay 2 Askari oo ka tirsanaa Militeriga kuwaa oo diiday inay dhigaan hubka.

Seddex kamid ahaa labada dhinac ayaa sidoo kale ku dhaawacmay dagaalka, kuwaa oo la dhigay Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.

Ciidamada Xasilinta ee dagaalka ku gadal Degmada ayaa waxaa sidoo kale xoojiyay ilaa Seddex gaari nooca dagaalka ah kuwaa oo ku baxay rasaasta ay is weydaarsanayeen ciidamada xasilinta iyo Militeriga.

Wasaarada amniga aya bilowga Bisha Ramadaan ka digtay in ciidamada Militeriga iyo kuwa kale ee aan qeybta ka aheyn Xasilinta ay gudaha magalada iyo daafaheeda ku qaadan Karin Hub.

Dhinaca kale, dagaalada u dhexeeya ciidamada Xasilinta iyo kuwa kale ayaa sabab u noqon kara  kala shaki joogta ah oo soo kala dhexgala ciidamada Qaranka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Xildhibaanadii hore ee Soomaaliya oo la siinayo xuquuqda ka maqan

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa afur u sameeyay qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaankii 8-aad iyo 9-aad.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid uu Guddoomiyaha kaga mahad celinayay Xildhibaanada howlihii wanaagsanaa oo ay dalka ka soo qabteen iyo iney hada wada shaqeyn dhex marto.

Xildhibaanada ayaa guddoomiyaha la wadaagay dhibaatooyinkii laga soo maray golahan iyo tallooyinkooda la xiriira sida hada loo sii horumarin karo golaha shacabka.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa marka hore xildhibaanada kaga mahad celiyay sida ay usoo ajiibeyn kulanka afurka ee uu u sameeyay.

“Waad mahadsan tihiin soo dhawaada, sharaf weyn ayay ii tahay inan isla afurno waqti badana isla qaadano, xaqiiqdii dalkan howlo muhiim ah ayaa ka soo qabateen, waqti adagna wa ku soo shaqeyseen waana idiinkaga mahad celinayaa doorkii aad ka soo qaadateen dib u yegleelida baarlamaanka” ayuu yiri guddoomiyaha.

“Waxan joogteyn doonaa kulamadiina iyo inan dhageysto talooyinkiina, waxaa idiin balan qaadaya inan bixin doono xuquuqda iyo tixgelinta aad golaha shacabka ku leedihiin” ayuu mar kale yiri guddoomiye Maxamed Mursal.

Kulanka waxaa ka hadlay qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaankii 8-aad iyo 9-aad waxa ayna guddoomiyaha ugu mahad celiyeen kulanka afurka ah ee uu u sameeyay.

Sidoo kale waxa ay guddoomiyaha ku dhiira geliyeen in uu sii labo jibaaro dadaalka uu wado, iyo inuu ilaaliyo madax banaanida golaha shacabka.

Kulankan uu guddoomiyaha la qaatay xildhibaanada baarlamaankii 8-aad iyo 9-aad ayaa qeyb ka ah kulamada isbarashada, xog wareysiga iyo latashiga uu la qaadanayo qeybaha kala duwan ee bulshada, siyaasiyiinta iyo wakiilada beesha caalamka ee muqdisho ku sugan.

Geelle oo shaaciyey inuu ka fakaday shirqool DP World ay dhigtay balse Somalia ay dhexda ka taagan tahay

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geele, ayaa markii u horaysay si faahfaahsan uga hadlay khilaafka wadankiisa iyo shirkadda Imaaraadka Carabta ee DP world, waxaanu eeddo culus u jeediyay shirkadda DP world, isagoo sheegay inay DP world doonaysay inay wiiqdo horumarka dekedaha Djibouti, waxaanu sheegay inay ficilkan oo kale ku sameeyeen dalka Yemen, kuna samayn doonaan dekedda Berbera ee Somaliland.

Madaxweyne Geele oo waraysi gaar ah ay la yeelatay majalada caanka ah ee Faransiiska ku soo baxda ee Jeune Afrique, wuxuu kaloo soo bandhigay lacagta uu dalalka shisheeye kaga kireeyay saldhigyada ay ku leeyihiin Djibouti oo uu sheegay inaanay 10% ka ahayn miisaaniyadda dalkiisa. Madaxweyne Geele wuxuu kaloo sheegay inuu qaato mushahar ka yar midka ay qaataan wasiiradiisu.

Wargeysku, wuxuu Madaxweynaha weydiiyay khilaafka dalkiisa iyo shirkadda DP world, waxaanu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele yidhi “DP World weligeedna si run ah uma ay doonayn in ay horumariso dekedda Dooraaleh – Oo shaqada ay qabataa boqolkiiba 40 keliya ka noqonaysay inta ay qaban kari lahayd – sababta ay sidaas u yeelayaanna waa in ay xoojiyaan soo shaacbixidda dekedda Dubai, ee Jabal Cali. Waxa ay ku socotay in ay meesha ka saarto tartankii dekeddu ku jirtay iyada oo xakamaynaysa, iskuna soo koobaysa suuqa maxalliga ah iyo Itoobiya. Xitaa haddii ay noqonayo in markableyda shisheeyaha ee aadka u badan laga niyadjebiyo in ay dekeddayada soo booqdaan.

Sidaas oo kale ayaa ay ku sameeyeen dekedda Cadan, kuna samayn doonaan  dekedda Berbera iyo meelaha kalaba. Waa horumar dhaqaale oo iyaga oo keli ahi ay ka faa’iidayaan. Ma’ yeelayno arrintaas.”

Madaxweyne Geele isagoo ka hadlaya xidhiidho uu la sameeyay madaxda dalka Imaaraadka Carabta si xal looga gaadho khilaafka Djibouti iyo DP world, wuxuuse sheegay inaanay madaxda u saraysa Imaaraadka Carabtu u soo jawaabin, waxaanu yidhi “Shirkadda DP World waxaay dacwad cusub u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Garnaqista ee fadhigeedu yahay London oo hore u soo saartay xukun iyada u dan ah. Waxaay ka faa’iidaysteen xaqiiqda ah in heshiiska naga dhexeeya lagu dabaqayo xeerarka Ingiriiska oo aan aqoonsanayn wadaagista masuuliyadaha ka dhasha heshiisyada. Tanina waxaay ka mid tahay khaladaadka aanu galnay. Balse halka ay doonaan ayay aadi karaan, anaga nama cabsi gelin doonto. Waxaanu samaynay wax kasta si aanu u gaadhno xal labada dhinacba u dan ah; sanadihii 2016 iyo 2017 waxaan waraaqo u qoray Raysal Wasaaraha Imaaraadka, Sheekh Maxamed Ibnu Rashiid iyo Wasiirka Imaaraadka u qaabilsan Arimaha Debedda Cabdalah Ibnu Zaayid, iyo sidoo kale amiirka dhaxalka boqortoyooda leh Maxamed Ibnu Zaayid, si aanu dareenkooda ugu soo jeedino xal in la gaadho. Midkoodna wax jawaab ah ima siin! Maanta DP World waxaay ku hanjabaysaa inay dacwad ku oogayso dhamaan shirkadaha dekedaha maamula ee doonaya inay maal gashi ku sameeyaan dhulka Jamhuuriyadda, ha noqoto Dooraale ama meel kale ba. Tani waxaay muujinaysaa ilaa xadka uu heshiiskani khatar ku ahaa madax-banaanidayada. Waa dirqin (blackmail). Isuma dhiibi doono.”

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, wuxuu wargeysku weydiiyay inuu soo bandhigo lacagta uu saldhigyada milatari ee shisheeye uu kaga kireeyay Djibouti, waxaanu ku jawaabay “Waan ku siinayaa. 58 Million oo dollar sannadkii waa Maraykanka, 30 milyan oo euro waa Faransiiska, 20 milyan waa Shiinaha, 3.5 million waa Japaanka. Marka la isku daro xataa 10% kama aha miisaaniyadayda.” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Geele, wuxuuna intaas raaciyay inaanay Djibouti cashuur ka qaadin waxyaabaha ay wadamadani kala soo degaan aagga cashuuraha ka caagan ee dekedaha Djibouti, alaabtaas oo uu sheegay in haddii ay Djibouti cashuuri lahayd ay tobanaan goor ka badan lahayd lacagta saldhigayada lagaga kireeyay.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, waxa la weydiiyay mushaharka ay wasiiradiisu qaataan, waxaanu ku jawaabay  “Wuxuu qaataa 400,000 (Afar boqol oo kun oo Faranka Djibouti ah ) oo u dhiganta  2,248.00 US Dollar.

Waxa haddana Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele la weydiiyay bal mushaharka uu isna qaato ka madaxweyne ahaan, waxaanu isagoo qoslaya yidhi  Waxaan qaataa 359,000 (Saddex boqol iyo sagaal iyo konton kun oo faranka Djibouti ah) oo u dhiganta 2017.58 US Dollar. Waa mushahar ka yar midka wasiiradayda..” sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

Camey oo sii hurinaya colaadda Tukaraq kadib tallaabo uu ku dhaqaaqay

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaca ka qaaday inay sii laba jibaarayaan dagaalka ay kula jiraan maamulka Somaliland ee ka socda deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Sii wadida dagaalka ayaa waxaa ku dhawaaqay Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar ‘’Camey’’ oo ka hadlaayay dhaqano laga wanaagsan yahay oo uu sheegay inay wadaan ciidamada Somaliland ka jooga Tukaraq.

Camey wuxuu sheegay mar kale in dagaalka Tukaraq uusan joogsan doonin, inta maamulka Somaliland ay heystaan taako ka mid ah dhulka Puntland, kadib markii uu booqasho ku tagay magaalada Buuhoodle.

Camey wuxuu tilmaamay in tagitaankiisa Buuhoodle uu yahay in shacabka magaalada ay taageeraan ciidanka Puntland iyo in la helo dhalinyaro ciidan ah oo ka qeyb qaata dagaalka Tukaraq.

Cameey oo la hadlaayay warbaahinta ayaa yiri “Adeer waxaan cadeynayaa in dagaalka Tukaraq uusan joogsan doonin ma dhaceyso in Somaliland ay nabad ku baaqdo dhibaatooyina kawado Tukaraq’’

Waxa uu intaa raaciyay ‘’Waxa aad la socotaan in laba dagaal uu dhacday, mana joogsan doono dagaalka, waxaan qabaa hadii caalamka uu isku yimaado xaqiiqada marna Puntland kama leexan doonto’’

Waxa uu intaa kusii daray ‘’Xaqiiqadana waxa weeye inta Somaliland ay heysato taako ka mid ah dhulka Puntland dagaalka isma taagi doono,”

Sidoo kale, Cameey waxa uu Beesha Caalamka ka dalbaday in si dhex dhexaadnimo ah ay u xaliyaan dagaalka socda, isagoo cod dheer ku sheegay in dagaalka uusan joogsan doonin, haddii aysan Beesha caalamka noqon dhexdhexaad.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalka ka taagan degaanka Tukaraq ayaa u muuqda mid aan weli laga gaarin natiijo sax ah.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Somaliland oo taallo looga dhisayo Sayid Maxamed Cabdile Xasan, sabab?

Hargeysa (Caasimadda Online) – Xubno isbiirsaday oo u badan aqoonyahanka kasoo jeeda Somaliland ee ku nool magaalada Hargeysa ayaa maalmihii ugu danbeeyey ku hawlanaa dhismaha Taallo Hargeysa looga taagayo Hoggaamiyihii halgankii gumaysi-diidka Sayid Maxamed Cabdile Xasan oo si weyn ugu soo horjeeday gumeystihii Ingiriiska.

Kooxdan aqoonyahanka ah ee isku xilsaaray hirgalinta Taaladan ayaa waxa hormood ka ah Cabdiwahaab Suldaan Cumar Xaaji Daahir “Canule” iyo Dr. Mustafe Maxamed Cabdi “Wayrax”,  kuwaas oo maalmihii ugu danbeeyey ku guda jiray qorshan ay taalada ugu dhisayaan halgamaagii weynaa ee Sayid Maxamed Cabdule Xasan

Qorshahan muwaadiniintan iskood isu xilka saaray ku hawlan yihiin ayaa lagu wadaa in lagu hirgaliyo si si dhaqso ah.

Dhinaca kale muwaadiniinta hawshani wada ayaa waxa ay baaq u direen madaxda Somaliland ee uu ugu horeeyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in ay gacan ku siiyaan hirgalinta mashruucan

Ujeedada Taaladan Muwaadiniintani uga dhisayaan Sayid Maxamed Cabdule Xasan magaalada Hargeysa ayaa waxa sheegeen si loogu xasuusto isla markaasina aanay u lumin taariikhdii halgankii Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo Mujaahidiintii Daraawiistu lagaleen Gumaystihii Ingiriiska.

Magaalada Jigjiga ee caasimada ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa horay looga taagay taallo lagu weyneynaayo halgankii Sayidka, waxaana la ogsoon yahay taariikhda inuu dagaal la galay xabashadii.

Dhinaca kale Hirgalinta taaladan ayaa hadii lagu guulaysto waxa ay kaalin weyn ka qaadan doontaa inay meesha ka baxdo dacaayadaha been abuurka ah ee Bulshada reer Somaliland laga faafiyey taasoo ah inay kasoo horjeedaan isla markaasina aanay jeclayn Taariikhda iyo Halgankii Mujaahid Sayid Maxamed Cabdile Xasan lagalay gumaysiga.

Sidoo kale Hirgalinta Taaladani waxa ay bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u cadayn doontaa in aan nacayb iyo cunsuriyadi ka jirin Somaliland islamarkaana ay sharaf iyo karaamo u hayaan halyeyadii iyo halgamayaashii qarankan Somaliland ee uu Sayid Maxamed Cabdule Xasan ka midka ahaa,isla markaan waxa ay cadaydoobtaa in Bulshada Somaliland qirsan tahay in Sayidku uu ahaa halgamaa reer Somaliland ah sidaasi darteena ay waxba kama jiraan yihiin wararka beenta ah ee warbaahinta qaar lagu faafinayo ee dadka lagu majara habaabinayo loona tusayo ummadda in Somaliland ay cid gaar ahi leedahay.

Isku soo wada duuboo waxa laga dhur-sugayaa qaabka iyo hanaanka Kooxdan Aqoonyahanka ahi u hirgaliso Taaladan oo noqondoonta mid saamayn badan oo dhinacyo badan leh