25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

“Ciidamada Liyu Boolis ha la kala diro” Dalab yaab leh oo loo gudbiyey Ethiopia

Jig-Jiga (Caasimada Online) – Hay’adda xuquuqda aadnaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqday dowladda Ethiopia inay si deg deg ah u kala dirto ciidamada booliska is-maamulka Soomaalida ee Liyu Boolis, sababo ay ku sheegtay inay si sharci darro ah dad ugu dilayaan gobolka Oromada.

Warbixin ay hay’adda soo saartay ayaa lagu sheegay in xubno ka mid ah ciidamadaas ay toddobaadkan gubeen 48 guri oo ay lahaayeen qoysas Oromo ah, kuwaas oo ay ku qasbeen inay u qaxaan magaalada Kiro ee gobolka Oromada.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in 23-kii iyo 24-kii May ay ciidamada Liyu Boolis weerareen afar xaafad oo ku yaalla degmada Chinaksen ee Bariga Oromia, halkaasi oo ay ku dileen 5 qof, oo beeraley ahaa, islamarkaana ku gubeen 50 guri.

Agaasimaha Amnesty ee Barga iyo Geeska Afrika, Joan Nyanyuki ayaa dowladda Ethiopia ugu baaqay in ay ciidamada Liyu Boolis ku beddesho ciidamo u hoggaansama xeerarka caalamka ah ee xuquuqda aadanaha.

Tallaabo uu qaaday Trump oo xiisad ka dhex dhalisay Mareykanka iyo Yurubta

Washington (Caasimada Online) – Midowga yurub, Canada iyo Mexico ayaa sheegay iney ka aarsanayaan Mareykanka canshuurta uu ku soo rogay biraha iyo alumuniumka waddamadaa laga soo geliyo.

Canshuurta uu mareykanka ku soo rogay alaabadaasi waddamadaa ka soo galo waxuu ku dhawaaqay saqdi dhexe ee caawa xilliga Washington.

Wuxuuna soo rogay canshuur dhan 25% biraha laga soo geliyo waddamadaas iyo 10% alumuuniumka laga soo geliyo Midowga yurub, Canada iyo Mexico.

Xogahayaha ganacsiga ee dalka Mareykanka Wilbur Ross, wuxuu sheegay iney Midowga Yurub ku guul darreysteen iney ka faa’ideystaan labadi bilood ee canshuur dhaafka la siiyey.

Wadahadallada dib looga eegayo canshuuraadka la xidhiidha Canada, Mexico iyo Waqooyiga Mareykanka wuxuu qaatay “wakhti ka badan intii looga tala galay”, sidaa darteed Washington waxay go’aansatay ayuu yiri iney joojiso canshuur dhaafka ay waddamadaasi u sameyn jirtay.

Britain ayaa waxay sheegtay iney go’aanka Mareyknaka uu qaatay ay “aad uga niyad jabsan tahay” kaddib marki ay toddobaadyo wadxaajood arrintani ku saabsan ay u socdeen labada dhinac.

Ra’isal wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa wuxuu canshuurta uu soo rogay Mareykanku uu ku tilmaamay “mid aad u xun” taasoo waxyeelleyneyso xiriirrka dheeraa ee u dhaxeeyey Canada iyo Mareykanka, gaar ahaanna kumannaanka askari ee u dhashay dalka Canada ee ka garab dhintay iyaga ka garab dagaallamaya ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Afqaanistaan.

Wasiirka dhaqaalaha ee Mexico yaa wuxuu dhankiisa ka sheegay iney qorsheeynayaan waajibaadki canshuurta ee ay marin lahaayeen biraha, lugaha doofaarka, tufaaxa, canabka iyo blueberries (midho canab u eg) iyo chiiska ee ay mreykanka ka soo galo sidi ay yeeli lahayeen.

Madaxweynaha Mareykanka Donald trump bishi March ayuu ku dhawaaqay qorshahiisa ku aaddan in canshuur lagu soo rogi doono biraha iyo alumuniumka (jaandiga) dalka laga soo geliyo dibadaha.

Go’aanka Mareykank ayaa la filayaa inuu dagaal ganacsi oo hor leh uu ka dhex abuuro Waddamada Midowga Yurub, Canada iyo Mexico.

BBC Somali

Gudoomiyihii dhalinyarada degmada Warta Nabadda ee Muqdisho oo la tooogtay

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ay dileen  Guddoomiyihii Ururka Dhalinyarada degmada Warta Nabadda ee Gobolkan Banaadir, C/weli Ahmed Mohamed.

Dilka ayaa la sheegay inay fuliyeen laba Maleeshiyo oo ku hubeysnaa bastoolado kuwaa oo dilka kadib ka baxsaday Goobta uu dilka ka dhacay.

Rasaasta ugu badan ayaa Guddoomiyaha kaga dhacday qeybaha sare ee jirka, iyadoo aanu naf la gaarin dhulka, sida ay soo sheegayaan goobjoogayaal xiligaa ku sugnaa goobta uu dilka ka dhacay.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray C/weli Ahmed Mohamed ayaa ka mid ahaa dhalinyarada ugu firfircoon Muqdisho, gaar ahaan Degmada Wartanabada, hase ahaatee waxa uu Caawa ku baxay gacanta Maleeshiyaad Hubeysnaa.

Sidoo kale, Maamulka degmada Wartanabada ayaan weli ka hadlin dilkaas, waxaana haatan socda baaritaano ay wadaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo goobta dilka uu ka dhacay gaaray.

Dilka C/weli Ahmed Mohamed, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ay marti galineyso dilal kala duwan oo lala eeganaayo shaqaalaha Dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Puntland oo soo saartay qodob kasii daraya xiisada kala dhaxeysa Somaliland

Garoowe (Caasimada Online) – Shirkii golaha wasiirada maamulka Puntland ay maanta ku yeesheen magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaas, ayaa laga soo saaray qodobo kasii daraya xiisadda maamulkaas kala dhaxeya maamulka Somaliland.

Hoos ka aqriso qoraalka shirka laga soo saaray:-

Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo shir-guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa waxaa looga hadlay Duulaanka uu Maamulka Hargeysa kusoo qaaday deegaamada Puntland iyo Hannaanka Cadaaladda Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Duulaanka uu Maamulka Hargeysa kusoo qaaday Deegaamada Puntland:

Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa ku dheeraaday duulaanka lagu soo qaaday Puntland iyo caburinta iyo xariga joogtada ah ee lagu hayo shacabka degmada Laasnaacood, sidoo kale waxay goluhu u sheegeen guud ahaan  shacabweynaha Puntland  in duulaan lagu hayo dalkooda iyo jiritaan-kooda loona baahan yahay inay garab istaagaan Dawladdooda iyo ciidamadooda u taagan difaaca dhulkooda.

Sidoo kale goluhu wuxuu caddeeyay  duulaanka lagu soo qaaday Puntland inaan laga faa’iidi-doonin, isla’ markaana Puntland ay soo celin-doonto dhammaan deegaamada ka maqan, wuxuuna goluhu ku celiyay dhibaatada loo geystey shacabka Laascaanood in  uu mas’uuliyadeeda qaadi-doono Maamulka Hargeysa.

Hannaanka Cadaaladda Dawladda Federaalka Soomaaliya:

Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa  sheegay in loo baahan yahay hannaan garsoor  oo  Federaal ah oo abuuraya heerar maxkamado kala qeexaya  awoodaha federaalka iyo mida  Maamulada dalka ka jira, isla’ markaana ka madax-bannaan hay’addaha fulinta dalka, waxayna wasaaradda cadaaladdu u qeybisay golaha xukuumaddaqabyo qoraal  ay goluhu ka doodi—doonaan todobaadka ka dambe.

 

Zinedine Zidane oo go’aan yaab leh ku dhawaaqay maalmo kadib guushii UCL

Dhacdo aysan cid rajo ka qabin, sheeko ay tahay inuu aamino qof la socday xaaladaha ugu dambeeya ee kubadda cagta ayaa xaqiiqo noqotay iyadoo Zinedine Zidane uu gabi ahaanba go’aansaday inuu isaga tago Real Madrid.

Zidane oo noqday macalinka kaliya ee ku guuleystay saddex jeer oo xiriir ah koobka UEFA CHampions League tan iyo markii magacaan loo bixiyay ayaa subaxnimadii arbacada aheyd gaaray go’aankaan isagoo ku wargaliyay Florentino Perez.

Sida uu ku dhawaaqay madaxweynaha kooxda Florentino Perez, ninka reer France isaga ayaa go’aansaday inuu isaga baxo garoonka Santiago Bernabeu maalmo kadib markii uu kooxda u qaaday koobkii1 3-aad ee Champions League.

“Waan jeclahay kooxda, waan jeclahay madaxweynaha, wuxuu i siiyay fursad ka ciyaartoy ahaan iyo ka maamul ahaan aad baan ugu mahadinayaa” ayuu yiri Zidane oo ka hadlay shirka jaraa’id ee maanta.

“Balse waa inaan badalnaa” ayuu yiri Zizou.

Dhanka kale Florentino Perez wuxuu saxaafadda horteeda ka qiray inuusan jecleysan go’aanka uu gaaray Zidane balse ay aheyd go’aankiisii ugu dambeeyay.

Zidane waa iska casilay xilka tababaranimo ee Madrid.

 

Dalalka ugu sigaar cabidda badan adduunka iyo kuwa ugu yar (Aqriso liiska)

Waxaa hoos u dhac weyn ku yimid tirada dadka cabba sigaarka maalintii, iyadoo hal milyan ay hoos uga dhacday tirada dadka isticmaala sigaarka marka la is barbar dhigo sanadihii 2016-kii iyo 2017-kii.

Hase yeeshe ,iyadoo muddo tobannan sano ah ay jirtay dadaallo lagu xadidayey cabidda sigaarka ayey tirada dadka caba sigaarka ay kor u kacday, sida daraasad la sameeyey sanadkii la soo dhaafay lagu sheegay.

Iyadoo la xusaya maalinta ka hortagga sigaar cabbidda , waa kuwan liiska wadamada ugu sigaar cabbidda badan iyo kuwa ugu sigaar cabidda yar.

1) Kiribati

Jasiiradda Kiribati ayaa ah dalka ugu sigaar cabidda badan aduunka, saddex jibaar ragga dalkaas ayaa sigaarka caba,iyo haween ka badan saddex jibaar dumarka ku nool Jasiiraddaas.

Dadka ku nool jasiiraddan ayaa gaaraya 103,000 oo qof , sigaarka ayaan laga canshuurin jasiiraddan taasi oo u fududaysay dadka inay si sahlan ku heli karaan.

2) Montenegro

Waddankan oo ku yaalla Bariga Yurub ayey ku noolyihiin tirada dadka ugu badan ee Yurub cabba sigaarka taasi oo dhan 46%.

Dadka ku nool dalkan ayaa gaaraya 633,000 oo qof ,4124 xabo oo sigaar ah ayuu qofkiiba cabaa sanadkii.

Iyadoo laga mamnuucay inay dadka sigaarka ku caban goobaha ay dadka isugu yimaadaan ayey weli si xor ah ugu cabbaan goobaha shaqada,maqaayadaha iyo xarumaha gaadiidka laga raaca.

3) Gariiga

Gariiga ayaa ah dalka saddexaad ee ugu sigaar cabidda badan adduunka, kala bar dadka ku nool Gariiga ayaa caba sigaar ,35% ka mid ah dumarka dalkaas ayaa caba sigaarka.

Iyadoo la meel mariyey sharci lagu joojinaya sigaar cabidda 2008-dii ayaa waxaa weli jira dad badan oo sigaarka cabba.

Waxaa si sharci darro ah badanaa waddanka lagu soo geliyaa sigaarka .

Bariga Timor ayaa ka mid ah meelaha ugu sigaar cabka badan dunida, 80% raga ku nool dalkaas ayaa caba sigaarka taasi oo noqonaysa tirada ragga ugu sigaar cabka badan adduunka.

6% dumarka dalkaas ayaa sidoo kale cabba sigaarka.

Waxa goobaha la isugu yimaado iyo meelo badan lagu shaaciyey digniino looga hadlayo dhibaatada sigaarka ,balse kala bar dadka waaweyn ayaan aqrin karin qoraaladaasi.

5) Ruushka

Ruuska ayaa ah waddanka shanaad ee ugu sigaar cabidda badan adduunka , ku dhawaad 60% raga ku nool dalkaas ee ka weyn 15 sano ayaa caba sigaarka, 23% haweenka ku nool Ruushka ayaa sidoo kale caba sigaarka.

Waxaa horay loo mamnuucay in sigaarka lagu cabo goobaha shaqada iyo xarumaha ay dadka ku kulmaan , balse waxa si weyn dalkaas looga xayeysiiyaa ka ganacsiga sigaarka taasi oo qeyb ka geysatay in dadka ay si aad ah u cabbaan.

Suuqyada lagu iibiyo sigaarka ee ka jira gudaha Ruushka ayaa lagu qiyaasaa qiimo dhan 22 milyan oo doolar.

Wadamada ugu sigaar cabidda yar.

Wadamada ugu sigaar cabidda yar ayaa waxaa ka mid ah Ghana, Ethiopia, Nigeria, Eritrea iyo Panama.

Sida ay hay’adda caafimaadka adduunka sheegtay 14% ee dadka ku nool Afrika ayaa caba sigaarka taasi oo ka yar tirada celceliska guud ee adduunka oo ah 22%.

Tirada ragga sigaarka caba ee ku nool Afrika ayaa lagu qiyaasaa 70% ilaa 85% .

Haweenka sigaarka cabba ayaa badanaa lagu tilmaamaa inay yihiin kuwa aan akhlaaq lahayn.

Ghana, Ethiopia iyo Nigeria ayaa sidoo ku biiray hay’adda WHO oo wadday dadaal ay ku joojinayso cabidda sigaarka si looga qaado tallaabooyiin adag dadka isticmaala sigaarka.

WHO ayaa ku qiyaastay 10 milyan dadka Jaadka cuna adduunka oo dhan.

Sigaar cabidda ayaa hoos ugu dhacday ka dib markii la hor mariyey nidaam cusub oo dhanka canshuurta ah , iyadoo warshadaha soo saara sigaarka ay ku sii badanayaan wadama hormaraya ayna doonayaan inay soo jiitaan dhalinyarada.

Waddanka ugu sigaar cabidda badan adduunka.

Shiinaha ayaa ah waddanka ugu soo saarka badan sigaarka uguna cabidda badan , sida ay hay’adda caafimaadka adduunka sheegtay.

Waxaa lagu qiyaasaa dadka caba sigaarka ee ku nool dalka Shiinaha inay ka badanyihiin 300 milyan oo qof .

Hase yeeshe daraasad ay sameeyeen koox caalami ah ee lagu magacaabo Euromonitor 2016-dii , ayaa sheegtay in tirada dadka sigaarka caba ee dalkaas ay hoos u dhacday markii ugu horreysay muddo laga jooga 20 sano.

Haweenka

Waddanka kaliye ee ay tirada dumarka sigaarka ay ka badanyihiin raga ayaa ah Denmark, 19.3% dumarka sigaarka caba , halka tirada ragga sigaarka cabba ay dhan tahay 18.9.

Sigaarka ayaa dila dad ka badan 7 milyan sanad kasta , marka lagu daro dadka lagu cabo agaarkooda oo ay sameyn gaarto.Sida ay hay’adda caafimaadka adduunka sheegtay ,ku dhawaad 1.1 bilyan ee dadka sigaarka caba ayaa ah dad sabool ah.Sigaarka laga soo saaro Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa lagu qiyaasaa inuu qiimahiisa gaaraya 770 bilyan ee doolar.

Sawirro: Muxuu Kheyre ka doonay xerada Balidoogle?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta booqasho kedis ah ku tagay Xarunta tababarka Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee ‘’Danab’’ ee deegaanka Balli-doogle.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa goortii uu gaaray Xarunta gacanta mariyay Saraakiisha iyo Ciidamada ku sugnaa xarunta, gaar ahaan kuwa dhawaan loo furay tababarada.

Ra’isul wasaare Kheyre, waxaa booqshadiisa ku wehlinaayay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Saraakiisha ciidanka Xoogga Dalka.

Intaa kadib Kheyre ayaa warbixino ka dhageystay Saraakiisha ciidamada ee ku sugan Xerada Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Kheyre ayaa waxa uu  xariga ka jaray qayb cusub oo lagu soo kordhiyay xarunta tababarka, waxa uuna sheegay in booqashadiisa ay qeyb ka aheyd sidii uu u ogaan lahaa horumarka ay sameeyeen sannadkii lasoo dhaafay Ciidanka Danab ee ku sugan halkaas.

Xog cusub: Halkee ayuu ku dambeeyey shirkii xalinta xhilaafka Galmudug ee DF?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyada oo uu weli jiro khilaafka soo kala dhex galay Madaxda Galmudug ayaa dhawaan dowladda soomaaliya waxa ay ku dhawaaqday in 30-ka Bishaan Muqdisho loogu qabto shir lagu dhex dhexaadinayo labada garab ee iskhilaafsan.

Muhiimada shirkaas ayaa ahaa sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka soo dhex cusboonaaday Madaxda Galmudug,balse shirkaas oo balantu aheyd Arbacadii shalay uu baaqday.

Hayeeshee markii Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye u ku dhawaaqay shirkaas ayaa waxaa jawaab ka bixiyey,isla markaana gaashaanka u daruuray Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Sahakir Cali xasan.

Dhinaca kale 29-kii Bishaan War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayuu ku sheegay in shirkaas ay aqbaleyn isaga iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir,isla markaana ay ka qeyb galayaan.

Dowladda Soomaaliya weli wax war ah kama soo saarin baaqashada shirkaas maadaama dhinacyadii loogu baaqay dhinac ka mid ah ay shirkaasi qaadaceen,waxaana uu u muuqdaa shirkaas mid aan qabsoomi doonin.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maalma ka hor sheegay in dowladda Soomaaliya ay faragelin ku heyso arrimaha galmudug,isaga oo ugu baaqay in ay faraha kala baxdo halka madaxweyne ku xigeenka uu isna sheegay in dowladda Soomaaliya aysan fagelin ku heyn Maamulka Galmudug.

Madaxweyne xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa iminka waxa ay ku wada sugan yihiin Magalada dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug halka Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ay iyana fariisin ka dhigteen Magalada Cadaado,welina ma muuqato arrin xal looga gaarayo khilaafka Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa intii uu jiray waxa uu ahaa mid uu hareeyey khilaaf joogta ah waxaan horay u fashilmay iskuday ku aadanaa in xilka looga tuuro Madaxweyne Xaaf,laakin waxaa lagu guuleystay in ay midoobaan Galmudug iyo Ahlusunna oo waligood uu khilaaf xooggan ka dhaxeeyey.

Gaba gabadii Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa laga warsugayaa jawaabta xigta maadaama shirkii lagu dhex dhexaadin lahaa madaxda Galmudug uu baaqday,isla markaana khilaafka uu weli yahay mid taagan.

Xigasho: Radio Dalsan

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyay mushaarkiisa iyo kan wasiirada Jabuuti

Djobuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Omar Geelle ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Mushaarka uu ku shaqeeyo iyo kan ay qaatan Wasiirada ka tirsan Xukuumadiisa Djibouti.

Ismaaciil Omar Geelle oo u waramaayay Wargeyska Jeune Afrique ee kasoo baxa dalka Farance, ayaa sheegay in mushaarka uu ku shaqeeyo uu yahay mid aad u yar marka loo eego Mushaaraadka ay qaatan Madaxda kale ee Afrikaanka ah.

Madaxweyne Ismaaciil Omar Geelle, waxa uu tilmaamay in ahmiyada koowaad ay tahay inuu u adeego dalkiisa, halka ahmiyada labaat ay tahay in Shacabka dalkiisa uu la meel-dhigo ama ka sareysiiyo shucuubta kale ee adduunka.

Isagoo u waramaayay Wargeyska Jeune Afrique, ayaa waxaa la weydiiyay heerka uu la’eg yahay Mushaarkiisa waxa uuna ku jawaabay ‘’Anigu mushaar ahaan waxaan u qaataa 359,000 Seddex boqol sagaal iyo konton kun oo faranka Djiouti ah oo u dhiganta 2017.58 US Dollar’’.

Madaxweyne Geelle waxa uu Wargeyska Jeune Afrique u sheegay kuna dooday inuu ka mushaar yar yahay Wasiirada ka tirsan Xukuumadiisa, hase ahaatee taa uusan waxba u arag.

Ismaaciil Geelle, ayaa waxaa sidoo kale la weydiiyay Mushaarka ay qaatan Wasiirada ka tirsan Xukuumadiisa, waxa uuna cadeeyay inay qaatan xuquuq ku filan.

Isagoo ka hadlaayay mushaarka Wasiirada ayuu yiri ‘’Waxa ay qaataan 400,000 Afar boqol oo kun oo faranka Djibouti ah una dhiganta 2,248.00 US Dollar’’ ayuu yiri

Sidoo kale, Madaxweyne Geelle ayaa cadeeyay in Mushaarka Wasiirada uu yahay mid xiligaan u qalma shaqooyinka ay u hayaan Qaranka Djibouti.

Si kastaba ha ahaatee, Geelle ayaa markii ugu horeysay saxaafada adduunka la wadaagay Mushaarkiisa iyo kan ay qaatan Wasiirada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Kenya oo go’aan cusub ka qaadaneysa xiriirka kala dhaxeeya madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Sida ay warar hoose nagu soo gaarayaan Dowlada Kenya ayaa lagu wadaa inay go’aan ka qaadato xiriirka Siyaasadeed ee kala dhexeeya maamul Goboleedyada ka jira Somalia.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya ay si qoto dheer uga wada hadleen qodobkaan, iyadoo Uhuru Kenyatta uu dhigiisa Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo u ballanqaaday in xiriirka maamulada Somalia ka qaadan doonaan go’aan.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa dhigiisa Farmaajo u sheegay in Kenya aysan ka raali noqon doonin Xubno weliba oo caqabad ku ah Somalia ama kasoo horjeeda Siyaasada lagu dhisaayo Somalia oo kasii baxeysa burburka.

Uhuru Kenyatta, waxa uu tilmaamay inay ka fiirsan doonaan xiriirka kala dhexeeya Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada, waxa uuna cadeeyay in Kenya ay mar waliba is garabtaagi doonto Dowlada Somalia.

Madaxweynaha Somalia ayaa aad usoo dhaweeyay go’aanka dhigiisa Kenyaatta, waxa uuna dhankiisa ka ballanqaaday inaanu Somalia taageeri doonin wixii dhibaaya Qaranimada Kenya.

Dowlada Kenya ayaa qaabab hoose u naas-nuujisa Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada Somalia, waxaana xusid mudan in Hoteelo badan oo ku yaalla magaalada Nairobi lagu diyaariyo Siyaasado ay gadaal ka riixayaan maamul Goboleedyada oo lagu carqaladeynaayo Qaranimada Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Kenya ayaa hadii ay ka dhabewyso go’aanka ay ku jareyso xiriirka kala dhexeeya maamul Goboleedyada  caqabad iyo dhabar jab ku noqon doonta maamulada oo aan ku kulmin meel ka baxsan Kenya, marka laga soo tago Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Sawirro: DF Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis muhiim ah (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay qoreen wargeysyada kasoo baxa dalka Jabuuti waxaa Heshiis kala saxiixday Dowladaha Somalia iyo Jabuuti kaa oo la sheegay in lagu xoojinaayo xiriirka iyo iskaashiga ballaaran ee iminka ka dhexeeya laba dal.

Heshiiskan ayaa waxaa Dowlada Somalia u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Somalia H.E. Amb. Ahmed Isse Awad oo booqasho laba cisho ah ku joogay dalka Jabuuti.

Heshiiska ayaa waxaa dhanka Jabuuti u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, waxa ayna isla fahmeen inay muhiim tahay in la xoojiyo xiriirka labada dal ee gaamuray.

Wasiir Ahmed Awad iyo dhigiisa Jabuuti ayaa kala saxiixay heshiisyo seddex ah oo uu ku jiro mid ku qotoma iskaashiga ammaanka.

Waxa ay si wada jira u sheegen in Somalia iyo Jabuuti ay yihiin wadamo walaalo ah oo aan kala maarmin, sidaa aawgeed ay muhiim tahay in la helo is garab istaag iyo in Jabuuti ay ka dhabeyso xal u helida Himilooyinka Somalia ee dhanka Hormarka iyo Amniga.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia ayaa booqasho sharafeed ugu tagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo sidoo kale booqdey xarunta Golaha Baarlamaanka iyo Machadka Diblomaasiyadda dalkaasi.

Waxa ay halkaa kula shireen mas’uuliyiinta dalkaasi oo ay u cadeeyeen Mowqifkooda ku aadan in Somalia ay ka kacdo halka ay iminka taagan tahay.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa aad usoo dhaweeyay Heshiiska ay wada galeen labada dal, waxa uuna cadeeyay in Jabuuti ay is garabtaagi doonto Somalia.

Sawirro: Axmed Madoobe oo Nairobi ka wada abaabul siyaasadeed + Ujeedkiisa

Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe)ayaa casho sharaf u sameeyey Gudiga madaxa banaan ee Dastuurka Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Gudiga la socodka dib u eegista Dastuurka ee labada aqal ee golaha shacabka Soomaaliyeed oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Axmed Madoobe Madaxweyne, ayaa labada gudi kula dardaarmey in la dardar galiyo dhameystirka Dastuurka sidoo kalena laga feejignaado in Dastuurka la xado ama dano gaar ah lagu saleeyo dhameystirkiisa.

Sida Caasimadda online ay u xaqiijiyeen ka qeeybgalayaal kullankaasi Waxaa uu Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ku wargliyay masuuliyiinta uu la kulmay in Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaarahu wadaan Burburin Maamul Goboleedyada waxuuna ugu baaqay in ay Go’aan ka gaaraan.

Xalay ayay aheyd Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu sidoo kale la kulmay Xildhibaanada Soomaalida ah ee ka tirsan Baarlamaanka Kenya.

Waxaa hadda Abaabulka ugu weeyn ee ka dhanka ah dowladda Farmaajo uu ka socdaa Magaalada Nairobi, waxaana xoogiia wado Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dareemayo ciriiri siyaasadeed iyo inuu halis ku jiro Xilkiisa Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa waxaa ku kacsan qaar badan ka tirsan siyaasiyiinta kasoo jeedo deegaanadaas, waxaana dhawaan la abuuray gole lagus sheegay inuu xoreyn doono Maamulka Jubblanad oo la sheegay inuu gumeysi ku jiro.

Axmed Madoobe ayaa lagu eedeeyey inuu yahay kaligii taliye xoog ku heysto Maamulkaas, isagoona dhawr jeer cadaadis saaray xildhibaano ka hor yimid qorshaha maamul ee uu ku wado Maamulka Jubbalanad.

Farmaajo iyo Kenyatta oo si wada jir ah u magacaabay guddi cusub + Ujeeddada

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladaha Somalia iyo Kenya ayaa isla fahmay inay muhiim tahay in lagu shaqeeyo guddi ay si wada jira u magacaaben, kuwaa oo warbixin ka keeni doona xaalada Balad Xaawo.

Talaabada lagu magacaabay Guddigani ayaa waxaa lahaa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo isagu dhigiisa Kenya u gudbiyay cabashooyin ka jira Balad Xaawo, waxa ayna timid kadib markii Madaxweynaha Somalia iyo Kenya ay kulan ku yeesheen Magalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweyne Kenyaatta iyo Farmaajo ayaa waxa ay isla garteen  in la sugo ammaanka xudduudaha labada dal si looga hortago in waxa loogu yeero argagixisada ay isaga gudbaan.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku heshiiyay in la sameeyo guddi wadajir ah oo u kuur gala xaaladda degmada Balad Xaawo, isla markaasna soo diyaariya warbixin dhameystiran oo ku saabsan xaaladda dhabta ah ee ka jirta xuduudda u dhaxeysa labada dal.

Sidoo kale, Uhuru Kenyatta Madaxweynaha Kenya ayaa tilmaamay in Dowladda Kenya ay taageero joogta ah siineyso shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Kenyaatta waxa uu intaas ku daray in dowladdiisu ay aaminsan tahay in midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya ay tahay lama taabtaan.

Si kastaba ha ahaatee, Gudigaani aasaaskiisa oo ay wada saxiixeen labada Madaxweyne ayaa lagu wadaa in si wada jira ay u daraaseeyan xaalada amni ee Balad Xaawo.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Maamulka GALMUDUG oo soo saaray qoraal arrin xasaasi shaaca ka qaaday

Dhuusa Mareeb (Caasimadda Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamuud Aadan Cismaan Masagawaa ayaa si kulul loogu weeraray xildhibaanada Federaalka ku matala Galmudug.

War-Saxaafadeed

Warqadda lagu baahiyey baraha bulshada oo ku taariikhaysan 28 May 2018, ujeedadeeduna ahayd caddayn mawqifka aqlabiyadda xildhibaanada iyo senotorada qaranka ee laga soo doorto Dowlad Goboleedka Galmudug ee ku aadan xaaladda khilaafka Galmudug taas oo u muuqata mid ay sameeyeen koox danleey ah oo isku dhexqarinaya magaca xildhibaanada iyo senetorada laga soo doorto Galmudug loogana danleeyahay in jahawareer siyaasadeed laga dhex abuuro Galmudug, waxaana taa caddayn u ah, warqaddu malahan wax saxiix ah ee waxaa ka muuqda magacyada xildhibaanada iyo senetorada, taas oo ay qaarbadan sheegeen in arrintaas ay wax ka ogyihiin.

Maaha markii ugu horaysay oo mudanayaasha labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya qaarkood ee laga soo doorto Dowlada Goboleedka Galmudug ay qas iyo jahawareer siyaasadeed geliyaan deganaashaha iyo talaabo hore uqaadidda Dowlad Goboleedka Galmudug, waxaan u aragnaa in ay yihiin kuwo ka xun heshiiska dhexmaray Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Maamulkii ASWJ ee isku biiray iyadoo ay caddahay dhamaan qodobadii ay ku heshiiyeen iyo hanaankii loo maray dhaqangelinta qodobadii heshiiska taas oo ay xafladaynteedii ay goobjoog ka ahaayeen Madaxda Sare ee dalka, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada,

Beesha caalamka iyo dowladaha daneeyo arrimaha Soomaaliya.

Waxaa nasiib-darro ah in kuwa gebay howshoodii loo igmaday ee ku milmay aragtiyo kale oo dano kale xambaarsan ay weli doonayaan in ay dib u dhigaan horumarka la taabankaro ee Galmudug ay ku talaabsanayso iyagoo gabbaad ka dhiganaya cabashaa beelo ka timid iyo hanaaki waxqaybsiga ayaa meel looga dhacay taas oo ay madaxda Galmudug horay u caddeeyeen in cid kasta oo tabasho qabta lagala fadhiisanayo xalna laga gaarayo, mana ahan arrintaasi mid gaarsiisan in ay u gudubto masuuliyiin heer federal ah ama heer caalami ah ee waa arrin xalkeedu yaallo Galmudug dhexdeeda.

Talo Jeedin:

Waxaan kula talinaynaa mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Dowlad Goboleedka Galmudug in aanay ku mashquulin sidii Galmudug dhibaato hor leh looga abuuri lahaa ee ay ku mashquulaan howsha dhabta ee loo igmaday oo ah in ay kala shaqeeyaan Dowlad Goboleedka dhinaca horumarinta iyo xoraynta degaanada cadawgu haysto, sidoo kale ay Dowladda Federaalka Soomaaliya hay’adeheeda kala duwan ugala xisaabtamaan xallinta baahiyaha ka jira degaanada Galmudug.

Baaq

Dowlad Goboleedka Galmudug waxay baaq u diraysaa dhammaan Dowladda Federaalka, Madaxda Dowlad Goboleedyada, Beesha Caalamka iyo Dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya in ay fiiro gaar ah u yeeshaan dhawaqyada ka yeeraya danleyda kala duwan oo lagu wax yeelaynayo horumarka loo qaaday dhinaca nabadaynta iyo xasilinta siyaasadeed ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Dhammaad

Xafiiska Wasaaradda Warfaafinta Hanuunita Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Galmudug

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maamul goboleedyada oo soo faro-geliyey khilaafka Galmudug + qorshe socda

Dhuusa Mareeb (Caasimadda Online) – Waxaa mar kale meeshii ugu sareysay gaaray Khilaafka u dhaxeeyo madaxda Maamul Galmudug kaasoo keenay inay istaagto shaqadii maamulkaas oo markii horeba aheyd mid aad u liidato.

Khilaafka cusub ayaa ka dhashay heshiiskii lala galay Ahlu Sunna ee loogu soo daray maamulka Galmudug iyo sida loo fidiyey, waxaana mar kale dhinac isku raacay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Carabey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Casir.

Haddaba Caasimadda Online ayaa heshay xog ku aadan inuu jiro dadaal ku aadan sidii loo heshiisiin lahaa Madaxda uu khilaafka ka dhaxeeyo.

Dadaalkaan lagu heshiisiinayo madaxda Galmudug ayaa waxaa wado Gollaha Iskaashiga maamulada dalka oo uu hoggaamiye u yahay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas.

Sida xogta sheegeyso hogaanka Gollaha Iskaashiga Dowlad goboleedyadda ay xiriiro la sameeyeen dhinacyadda isku haya Galmudug, islamarkaana ay u sheegeen inay doonayaan inay soo kala dhex-galaan.

maalmaha soo socdo ayaa la filayaa in madaxda is khilaafsan la isugu keeno midkood Magaalooyinka Kismaayo ama Garoowe si khilaafkooda loogu dhameeyo miiska korkiisa isla markaasna ay koox kasta sheegato waxa ay tabaneyso.

Madaxweynaha ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa lasoo sheegaa inuu diidan yahay ka qeybgalka kulankaas isagoo horeyna ugu digay Maamul Goboleedyada inay soo farageliyaan Khilaafka ka dhaxeeyo Madaxda Galmudug.

madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa aqbalay waanwaanta ay wadaan madaxda maamul Goboleedyada  sida ay illo wareedyo ku dhow Xaaf u xaqiijiyeen Caasimadda Online.

Sababta uu Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Carabey u diidan yahay wadahadalkaan ayaa ah inuusan ku qanacsaneyn dhex dhexaadinta madaxda Maamul Goboleedyada maadaama uu u arko inay yihiin kuwa la safan madaxweyne Xaaf.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa  ic-laamisay dhawaan shir ay ku dhex-dhexaadinayso Xaaf iyo dhinaca kasoo horjeeda, kaasi oo lagu wadey inuu Shalay  ka furmo Muqdisho.

Maamulka Galmudg ayaa tan iyo markii la abuuray wuxuu ka shaqeyn waayey khilaaf soo kala dhexgalo madaxda Maamulkaas, wuxuuna noqday Maamulka shaqo ahaan ugu liito Maamul Goboleedyada ka jiro dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Baadari Mareykan ah oo la yaab dhigay “Alle ayaa igu armray in aad ii iibisaan…”

Washington (Caasimadda Online) – Wadanka Mareykanka waxaa laga hadal hayaa qisada Baadari tuug ah oo lacag malaayiin dollar ah ka dalbaday taageerayaashiisa.

Gibsi Doblantis  oo ah Baadari Mareykan ah ayaa dadka isaga raacsan ka codsaday in ay u iibiyaan diyaarad afaraad si uu ugu adeegsado safarrada gaarka ah balse wuxuu helidda lacagta lagu iibinayo diyaaradda u adeegsaday dhagar ka yaabisay kumanaan qof Kirishtaan ah oo Kaniisaddiisa ku xiran

isagoo hadlayay ayuu  yiri “Alle ayaa igu armray in aad ii iibisaan diyaarad nuuceedu yahay Falcon7X”.

Ninkan beenaalaha ah oo iska dhigayay in uu yahay Nabi ayaa isagoo qiil uraadsanaya in loo iibiyo diyaaradda wuxuu hadalkiisa sii raaciyay “alle wuxuu ifaray in aad iga bixisaan lacag 54 Milyan oo dollar ah markii hore waan ka labalabeynayay in aan diyaarad iibsado balse amarka alle ayaa ii yimid”!

Dad badan oo American ah ayaa durbadiiba bilaabay in ay lacago iska aruuriyaan balse qaar kamid ah taageerayaasha Baadari Gibsi Doblantis ayaa baraha bulshada ku faafiyay jawaab celinno jees jees ah oo ay ku sheegayaan in Ninkan uu yahay tuug doonaya in uu hanti badan ka dhurto dadka isaga indha la’aanta ah u taageersan.

Baadarigan ayaa sanaddii 2015 Baraha bulshada ku faafiyay Video isagoo hareer taagan  mid kamida diyaaradahiisa oo gaboowday wuxuuna ku safridda gawaarida,tareennada iyo diyaaradaha ganacsiga ku sifeeyay “Tubbooyinka sheydaanka”.

Baadariyaal badan oo Mareykanka kunool ayaa dadka iyaga raacsan qaab indha sarcaad ah lacago uga qaata balse tani waxay noqotay beentii ugu yaabka badneed waayahan ee gudaha dalka Mareykanka laga hadal haayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Qisooyin qarracan leh oo ay ka sheekeeyeen dhalinyaro laga soo celiyay Liibiya

Muqdisho (Caasimadda Online) – In ka badan 150 qof oo muhaajiriin Soomaali ah oo ku xayirnaa gudaha dalka Liibiya ayaa waxaa dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho.

Dadka Muqdisho dib ugu soo laabtay ayaa dhammaantood ah dhallinyaro waxaana ka muuqanayay diif iyo daal badan.

Dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaysa Hay’adda Caalamiga ah ee Sodcaalka ayey u suuragashay inay dalka dib ugu soo celiso boqolaal qof oo ka mid ah Soomaalida ku go’doomay dalka Liibiya, kuwaasi oo qaar ka mid ah sidii adoontii la kala iibsaday.

Dadkan Soomaaliyeed ee lagu soo celiyay magalaada Muqdisho ayaa ah dhalinyaro in mudo ah ku dhibaateesnaa gudaha Liibiya, Iyagoona wajiyadooda ay ka muuqdeen duruuftii adkeyd oo ay kala soo kulmeen Liibiya, sida uu ku soo warramay weriyaha BBC-da ee magaalada Muqdisho.

Dadkan ayaa waxaa la geeyay xarun si gaar ah loo dejiyo dadka dib ugu soo laabanaya dalka oo ay maamusho dowladda Soomaaliya.

Weriye ka tirsan BBC oo booqday xaruntaasi ayaa sheegaya in saaka keliya xaruntaasi la geeyay 157 qof oo dhammaantood ay rag yihiin.

” Waxaan ka tahribay magaalada Boosaaso safar dheer kaddibna waxaan gaaray Liibiya, balse dhibaatooyin badan ayaan kala kulmay dalkaasi, waxaana ka mid ah jirdil, in koronto lagu qabto dadka iyo in la kala iibsado dadka kaddib marka laga qaato lacagaha madaxfurashada ah”, ayuu yiri cabdullaahi Iidile oo ka mid ah dhallinyarada dib ugu laabtay Muqdisho.

Tahriibayaal badan ayaa la kulma tacaddiyo jir ahaan iyo maskax ahaanba loogu geysto Liibiya inta ay ku jiraan safarkooda.

Dadaaalka dowladda

Maryam Yaasiin Xaaji Yuusuf, oo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u qaabilsan xuquuqda carruurta iyo tahriibayaasha kana mid ah mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ay u xilsaartay dib u soo celinta dhalinyarada ku xiran xabsiyada Liibiya, ayaa sheegtay inay jiraan dhallinyaro badan oo wali ku harsan liibiya.

”Waxaan baaq u dirayaa dhalinyarada Soomaaliyeed tahriibka halistiisa aad ayuu u badan yahay, marka intii Magafe iyo dhibaato kale waddan kale kugu qabsan lahaayeen, dalkaada hooyo inaa joogto ayaa roon” ayay tiri Maryam.

Dowladda Soomaaliya ayaa waddo dadaalada ay ku dooneyso inay dalka dib ugu soo celiso dhalinyarada ku xiran xabsiyada dalal badan oo caalamka ah gaar ahaan kuwa ku dhibaateysan xabsiyada Liibiya.

Safarka Yurub

Haseyeeshee, boqolaal Soomaali ah ayaa weli ku xirxiran dalka Libya, oo qaarkood ku jira xabsiyo kala duwan oo ku yaalla magaalooyinka dalkaasi oo ay gacanta ku hayaan qaarkood kooxo hubeysan oo maleeshiyaad ah.

Soomaali badan oo tahriibayaal ah ayaa sanad walba uga sii gudba Liibiya Talyaaniga iyo dalalka Yurub, kuwaasi oo laga buuxiyo doomo jileec ah aadna u qafiif ah.

Tahriibka sharci darrada ah ee dhalinyarada Soomaalida ah iyo kuwa kale ee galbeedka Afrika ka yimaada ee dhanka badda Liibiya laga soo galayo ayaa caqabad ku noqday Talyaaniga.

Wuxuu dalkaasi qaabbilay in ka badan lixdan iyo shan kun oo muhaajiriin ah lix bil oo kaliya sanadkii 2017, tiradaas oo boqolkiiba siddeed iyo toban ka badan tirada ay qaabbishay muddadan oo kale sanadkii hore.

Dadaallo lagu doonayo in wax looga qabto qulqulka dadka muhaajiriinta ah ayay dowladdu Talyaanigu amartay balse si weyn uma aysan mirro dhalin, oo wali muhaajiriinta Soomaalidu ka mid tahay ayaa kusii qulqulaya dalkaasi.

Dhanka kale, Dowlada Soomaaliya ayaa wafdi u dirtay dalka Liibiya kuwaasi oo ka shaqeenayay qaabkii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu soo celin lahaa dalkooda, waxaana la filayaa in dhalinyarro kale oo badan laga soo cein doono Liibiya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muxuu ku saabsan yahay shirka cusub ee u furmaya maamul goboleedyada?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo uu cirka isku sii shareeray Khilaafka u dhaxeeyo madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa waxaa la filayaa inuu asbuuca soo socdo dhaco kulan xasaasi ah oo ku dhex mari doono  Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda Madaxweyne Farmaajo uu hoggaamiyo.

Shirkaan ayaa ah shirkii Golaha Amniga Qaranka ee Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada kaasoo uu wajiyadiisii hore ka dhacay Magaalada Muqdisho laguna balamay inuu ka dhaco Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed.

Shirkaan oo la filayey inuu mar hore ka dhaco Magaalada Baydhabo ayaa u baaqday Khilaafka xogga leh ee ka dhex bilowday mar labaad dowladda iyo Maamul Goboleedyada.

Dowladda Soomaaliya ayaa waday qorsho ku aadan sidii shirkaan loogu soo weecin lahaa Magaalada Muqdisho balse waxay  mucaaradnimo kala kulantay madaxda Maamul Goboleedyada oo iyagu ku adkeystay inuu shirkaas ka dhici doono Baydhabo sidii markii horeba loo qorsheeyey.

Shirkaan ayaa la filaa in looga hadli doono arrimo badan oo ku aadan siyaasadda, ammaanka, nooca doorasho ee dalka ka dhici doona sanadka 2020 iyo sidoo kale khilaafka soo cusboonaaday ee ka dhaxeeyo dowladda dhexe iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo ka dhashay sida laga yeelayo xiriirka dowladda Imaaraadka Carabta.

Shirka Golaha Amniga Qaranka ee lagu wado in todobaadka soo socda uu ka furmo Baydhabo ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu jiro mad madow siyaasadeed oo u dhaxeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Dhawaan ayey aheyd markii Madaxda Maamul Goboleedyada ay  shir ku yeeshay baydhabo, kaasoo ay ka soo saareen war murtiyeed ay dhaliilo badan ugu jeediyeen dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu shir guddoomiyo kulanka Baydhabo ka dhici doono haddii aysan wax iska badalin jadwalka loo qorsheeyey.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadda ku sugan dalka Kenya, waxaana la filayaa inuu Maanta gelinka dambe dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, sidoo kalana qaar ka tirsan madaxda maamul Goboleedyada ayaa ku sugan Magaalada Nairobi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Waare: “Waxaan joogaa Nairobi, dambina maahan inaan tago Imaaraadka”

Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in tegista dalka Imaaraadka Carabta aanay denbi ahayn, balse isagu uu hadda joogo dalka Kenya.

Mudane Waare ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya inuu tegay Imaaraadka Carabta, isagoo inuu arrimo gaara u joogo magaalada Nairobi, balse aanay dembi aheyn in la tago Imaaraadka Carabta oo ka mida dalalka dunida Jaamacadda Carabta.

“In Imaaraadka la tago dambi ma ahan, laakiin waxaa ku suganahay magaalada Nairobi oo aan maalmahan howlo gaar ah aan u joogay, maalinta jimcaha ayaa Muqdisho tagayaa oo aan uga gudbayaa shirka Amniga ee Baydhabo ka dhacaya”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Qaar ka mid ah Warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa saacadihii la soo dhaafay qabsaday in Madaxweynaha Hirshabeelle uu u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, kaddib markii ay sheegeen in loo yeeray.

Magaalada Nairobi ayaa waxaa ku wada sugan Madaxweynayaasha maamulada Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Jubbaland, waxaana socdaalkooda ahaa kuwo kala gaar ahaa oo marba Mas’uul uu tagay magaaladaas

Wuxuu caddeeyay Madaxweynaha Hirshabelle inuu Jimcaha dib ugu laaban doono Magaalada Muqdisho, kadibna uga sii gudbi doono Magaalada Baydhabo oo uu ka dhacayo Shirka Golaha AMniga Qaranka.

Magaalada Nairbo, waxaa ku wada sugan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Koofur Galbeed, Jubaland iyo Hirshabelle, iyadoo warar isqilaafsan ka soo baxayaan Ujeedka Socdaalkooda.

Xogta ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegeyso inuu Madaxweyne Waare u safri doono dalka Imaaraadka Carabta halkaas oo uu kulamo ku qaadan doono madaxda ugu sareyso dalkaas.

Imaaraadka Carabta ayaa xiriir dhow la leh maamul goboleedyada qaar, waxaana muddooyinkii u dambeeyay ay faragelin toos ku heysay arrimaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Magacaabida gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka iyo xaaladaha ku meersan

Doraad ayaa loo dhaariyay xilka Godoomiyaha Maxkamada sare Baashe Yusuf Axmed oo Madaxweyne Farmaajo u magacaabay xilkaas.

Waxaana labadan beri hareeyay Saxaafadda hadal-hayntiisa dhaliilo iyo ammaan loo wada jeedinayo talaabadaan uu Madaxwaynahu ka qaatay dhanka Garsoorka dalka.

Nuxurka dhaliilaha waxaa ugu waynaa:

Baashe waa kuma? Da’diisa? Khibradiisa? Haybtiisa? Somalinimadiisa? Hannaanka loo maray magacaabistiisa? Xilliga lagu aadiyay ? Xiriirka isaga iyo RW ku xigeenka? Iwm.

Halka dadka ku amaanaya Madaxwaynaha magacaabistiisa-na ay xusayaan:

In xilli hore laga sugayay Madaxwaynaha Isbedel Garsoor, loona baahnaa dhalinyaro aan horay loogu baran Musuq iyo Cadaalad-daro? Lana ilaaliyo awood-qaybsiga beelaha! Ahal iyo qaraabana ay wada yihiin Siyaasiyiinta ku sugan Hargaysa iyo kuwa jooga Muqdisho, welina uusan jirin Sharci kala saarayo, Somaliland-nimaduna aysan aheen Mabda’ kala gayn kara Somalinimada ee ay tahay dano yaryar iyo duruufo waqti kooban kala geeyay Siyaasiyiinta, iskana dhammaan-doona? Hannaanka loo marayna waa wadadii loo maray kuwii isaga ka horreeyay, mar haddii Dastuurku siinayo Madaxwaynaha awooda Magacaabista Garsoorka lkn ay ka dhimantahay soo jeedintii Gudiga Adeega Garsoorka, ma burrinayso Awooda Madaxwaynaha qaybta ka maqan ee aan dalka weli ka jirin?

Doodahaas Mucaaradka iyo Muxaafidka hadii aan ku daro aragtidayda:

1-Baashe laguma eedayn karo Da’diisa ayaa yar waxaan aragnay madax iyo hogaamiyaal ka da’ yar ama la da’ ah oo laga markhaati kacay hogaamintooda sida; Raisalwasaaraha Canada, Madaxwayna France iwm.

2-Khibrad yari; xilkaan laftiisa waxaa soo qabtay Odayaal khibrad iyo da’ aysan u dhinayn lagumana qancin Cadaaladooda iyo Maamulkooda! Hadii aan dib u milicsano; Madaxwayne C/qaasim ayaa halku dheg ka dhigtay; qof aan soo marin Wasiir, Genaraal, Safiir iwm Xil looma dhiibi karo, waxa ayna noqotay dawladiisii tii ugu tabarta darneed oo ka adkaa waysay, lana heshiin waysay hogaamiye kooxeedyadii xilligaas, kadibna isagii iyo Cali Khaliif oo mudo dheer soo ahaa Wasiiro ayaa is khilaafay.

3-Somaliland-nimo; si loo abuuro kalsooni iyo is dhexgal Siyaasadeed, mid bulsho waaba jirtaahe, loogana saaro madawga iyo mugdiga Maamulka Somaliland iyo Fedaraalka waxaa haboon in Albaabada la wada furo sida; In Gudoomiye Iidle shaqadiisii Xeer ilaaliyaha Somaliland ku laabto, Gudoomiye Faysalna Xamar wax looga raadiyo inta doorashada danbe laga gaarayo.

4-Dastuurka iyo Shuruucda noo qoran waxaa ka horeeya kana awood badan awood qeybsiga beelaha hadii runta laga sheego ama waaqica wax lagu qiimeeyo, si loo gaaro in la isku qiimeeyo ama la isku magacaabo aqoon iyo khibrad waa in meesha laga saaro 4.5.

5-Isbedelka Garsoorku waa in uusan ku joogsan Baashe kaliya ee la dhamaystiro.

6-Dhismaha Gudiga Adeega Garsoorka Madaxwaynaha kaliya malaha ee waxa uu ka dhexeeyaa Golayaasha Wasiirada, Aqalka sare iyo Golaha Shacabka, waana in aan la siyaadayn sidii ku dhacday Madaxwayne Xasan Sheakh oo markiii uu isku dayay in uu dhisho Garsoorka uu Barlamaankii 9aad ka ciideeyay.

7-In Madaxwayne Farmaajo ka dhabeeyo balanqaadkiisii ahaa in uu dhisayo Garsoor Hufan, kana faa’iidaysto inta uu haysto aqlabiyadda Golayaasha Fefaraalka.

Ugu danbayn waxaan Gudoomiye Baashe u rajaynayaa Guul iyo Horumar iyo in uu Tusaale fiican u noqdo dhallinyarada Somaaliyeed iyo Maamul-wanaag!.

W/Q. Mohamed Gacal (Dr. Gacal)