25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Qisooyin qarracan leh oo ay ka sheekeeyeen dhalinyaro laga soo celiyay Liibiya

Muqdisho (Caasimadda Online) – In ka badan 150 qof oo muhaajiriin Soomaali ah oo ku xayirnaa gudaha dalka Liibiya ayaa waxaa dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho.

Dadka Muqdisho dib ugu soo laabtay ayaa dhammaantood ah dhallinyaro waxaana ka muuqanayay diif iyo daal badan.

Dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaysa Hay’adda Caalamiga ah ee Sodcaalka ayey u suuragashay inay dalka dib ugu soo celiso boqolaal qof oo ka mid ah Soomaalida ku go’doomay dalka Liibiya, kuwaasi oo qaar ka mid ah sidii adoontii la kala iibsaday.

Dadkan Soomaaliyeed ee lagu soo celiyay magalaada Muqdisho ayaa ah dhalinyaro in mudo ah ku dhibaateesnaa gudaha Liibiya, Iyagoona wajiyadooda ay ka muuqdeen duruuftii adkeyd oo ay kala soo kulmeen Liibiya, sida uu ku soo warramay weriyaha BBC-da ee magaalada Muqdisho.

Dadkan ayaa waxaa la geeyay xarun si gaar ah loo dejiyo dadka dib ugu soo laabanaya dalka oo ay maamusho dowladda Soomaaliya.

Weriye ka tirsan BBC oo booqday xaruntaasi ayaa sheegaya in saaka keliya xaruntaasi la geeyay 157 qof oo dhammaantood ay rag yihiin.

” Waxaan ka tahribay magaalada Boosaaso safar dheer kaddibna waxaan gaaray Liibiya, balse dhibaatooyin badan ayaan kala kulmay dalkaasi, waxaana ka mid ah jirdil, in koronto lagu qabto dadka iyo in la kala iibsado dadka kaddib marka laga qaato lacagaha madaxfurashada ah”, ayuu yiri cabdullaahi Iidile oo ka mid ah dhallinyarada dib ugu laabtay Muqdisho.

Tahriibayaal badan ayaa la kulma tacaddiyo jir ahaan iyo maskax ahaanba loogu geysto Liibiya inta ay ku jiraan safarkooda.

Dadaaalka dowladda

Maryam Yaasiin Xaaji Yuusuf, oo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u qaabilsan xuquuqda carruurta iyo tahriibayaasha kana mid ah mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ay u xilsaartay dib u soo celinta dhalinyarada ku xiran xabsiyada Liibiya, ayaa sheegtay inay jiraan dhallinyaro badan oo wali ku harsan liibiya.

”Waxaan baaq u dirayaa dhalinyarada Soomaaliyeed tahriibka halistiisa aad ayuu u badan yahay, marka intii Magafe iyo dhibaato kale waddan kale kugu qabsan lahaayeen, dalkaada hooyo inaa joogto ayaa roon” ayay tiri Maryam.

Dowladda Soomaaliya ayaa waddo dadaalada ay ku dooneyso inay dalka dib ugu soo celiso dhalinyarada ku xiran xabsiyada dalal badan oo caalamka ah gaar ahaan kuwa ku dhibaateysan xabsiyada Liibiya.

Safarka Yurub

Haseyeeshee, boqolaal Soomaali ah ayaa weli ku xirxiran dalka Libya, oo qaarkood ku jira xabsiyo kala duwan oo ku yaalla magaalooyinka dalkaasi oo ay gacanta ku hayaan qaarkood kooxo hubeysan oo maleeshiyaad ah.

Soomaali badan oo tahriibayaal ah ayaa sanad walba uga sii gudba Liibiya Talyaaniga iyo dalalka Yurub, kuwaasi oo laga buuxiyo doomo jileec ah aadna u qafiif ah.

Tahriibka sharci darrada ah ee dhalinyarada Soomaalida ah iyo kuwa kale ee galbeedka Afrika ka yimaada ee dhanka badda Liibiya laga soo galayo ayaa caqabad ku noqday Talyaaniga.

Wuxuu dalkaasi qaabbilay in ka badan lixdan iyo shan kun oo muhaajiriin ah lix bil oo kaliya sanadkii 2017, tiradaas oo boqolkiiba siddeed iyo toban ka badan tirada ay qaabbishay muddadan oo kale sanadkii hore.

Dadaallo lagu doonayo in wax looga qabto qulqulka dadka muhaajiriinta ah ayay dowladdu Talyaanigu amartay balse si weyn uma aysan mirro dhalin, oo wali muhaajiriinta Soomaalidu ka mid tahay ayaa kusii qulqulaya dalkaasi.

Dhanka kale, Dowlada Soomaaliya ayaa wafdi u dirtay dalka Liibiya kuwaasi oo ka shaqeenayay qaabkii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu soo celin lahaa dalkooda, waxaana la filayaa in dhalinyarro kale oo badan laga soo cein doono Liibiya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muxuu ku saabsan yahay shirka cusub ee u furmaya maamul goboleedyada?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo uu cirka isku sii shareeray Khilaafka u dhaxeeyo madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa waxaa la filayaa inuu asbuuca soo socdo dhaco kulan xasaasi ah oo ku dhex mari doono  Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda Madaxweyne Farmaajo uu hoggaamiyo.

Shirkaan ayaa ah shirkii Golaha Amniga Qaranka ee Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada kaasoo uu wajiyadiisii hore ka dhacay Magaalada Muqdisho laguna balamay inuu ka dhaco Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed.

Shirkaan oo la filayey inuu mar hore ka dhaco Magaalada Baydhabo ayaa u baaqday Khilaafka xogga leh ee ka dhex bilowday mar labaad dowladda iyo Maamul Goboleedyada.

Dowladda Soomaaliya ayaa waday qorsho ku aadan sidii shirkaan loogu soo weecin lahaa Magaalada Muqdisho balse waxay  mucaaradnimo kala kulantay madaxda Maamul Goboleedyada oo iyagu ku adkeystay inuu shirkaas ka dhici doono Baydhabo sidii markii horeba loo qorsheeyey.

Shirkaan ayaa la filaa in looga hadli doono arrimo badan oo ku aadan siyaasadda, ammaanka, nooca doorasho ee dalka ka dhici doona sanadka 2020 iyo sidoo kale khilaafka soo cusboonaaday ee ka dhaxeeyo dowladda dhexe iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo ka dhashay sida laga yeelayo xiriirka dowladda Imaaraadka Carabta.

Shirka Golaha Amniga Qaranka ee lagu wado in todobaadka soo socda uu ka furmo Baydhabo ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu jiro mad madow siyaasadeed oo u dhaxeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Dhawaan ayey aheyd markii Madaxda Maamul Goboleedyada ay  shir ku yeeshay baydhabo, kaasoo ay ka soo saareen war murtiyeed ay dhaliilo badan ugu jeediyeen dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu shir guddoomiyo kulanka Baydhabo ka dhici doono haddii aysan wax iska badalin jadwalka loo qorsheeyey.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadda ku sugan dalka Kenya, waxaana la filayaa inuu Maanta gelinka dambe dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, sidoo kalana qaar ka tirsan madaxda maamul Goboleedyada ayaa ku sugan Magaalada Nairobi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Waare: “Waxaan joogaa Nairobi, dambina maahan inaan tago Imaaraadka”

Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in tegista dalka Imaaraadka Carabta aanay denbi ahayn, balse isagu uu hadda joogo dalka Kenya.

Mudane Waare ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya inuu tegay Imaaraadka Carabta, isagoo inuu arrimo gaara u joogo magaalada Nairobi, balse aanay dembi aheyn in la tago Imaaraadka Carabta oo ka mida dalalka dunida Jaamacadda Carabta.

“In Imaaraadka la tago dambi ma ahan, laakiin waxaa ku suganahay magaalada Nairobi oo aan maalmahan howlo gaar ah aan u joogay, maalinta jimcaha ayaa Muqdisho tagayaa oo aan uga gudbayaa shirka Amniga ee Baydhabo ka dhacaya”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Qaar ka mid ah Warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa saacadihii la soo dhaafay qabsaday in Madaxweynaha Hirshabeelle uu u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, kaddib markii ay sheegeen in loo yeeray.

Magaalada Nairobi ayaa waxaa ku wada sugan Madaxweynayaasha maamulada Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Jubbaland, waxaana socdaalkooda ahaa kuwo kala gaar ahaa oo marba Mas’uul uu tagay magaaladaas

Wuxuu caddeeyay Madaxweynaha Hirshabelle inuu Jimcaha dib ugu laaban doono Magaalada Muqdisho, kadibna uga sii gudbi doono Magaalada Baydhabo oo uu ka dhacayo Shirka Golaha AMniga Qaranka.

Magaalada Nairbo, waxaa ku wada sugan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Koofur Galbeed, Jubaland iyo Hirshabelle, iyadoo warar isqilaafsan ka soo baxayaan Ujeedka Socdaalkooda.

Xogta ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegeyso inuu Madaxweyne Waare u safri doono dalka Imaaraadka Carabta halkaas oo uu kulamo ku qaadan doono madaxda ugu sareyso dalkaas.

Imaaraadka Carabta ayaa xiriir dhow la leh maamul goboleedyada qaar, waxaana muddooyinkii u dambeeyay ay faragelin toos ku heysay arrimaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Magacaabida gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka iyo xaaladaha ku meersan

Doraad ayaa loo dhaariyay xilka Godoomiyaha Maxkamada sare Baashe Yusuf Axmed oo Madaxweyne Farmaajo u magacaabay xilkaas.

Waxaana labadan beri hareeyay Saxaafadda hadal-hayntiisa dhaliilo iyo ammaan loo wada jeedinayo talaabadaan uu Madaxwaynahu ka qaatay dhanka Garsoorka dalka.

Nuxurka dhaliilaha waxaa ugu waynaa:

Baashe waa kuma? Da’diisa? Khibradiisa? Haybtiisa? Somalinimadiisa? Hannaanka loo maray magacaabistiisa? Xilliga lagu aadiyay ? Xiriirka isaga iyo RW ku xigeenka? Iwm.

Halka dadka ku amaanaya Madaxwaynaha magacaabistiisa-na ay xusayaan:

In xilli hore laga sugayay Madaxwaynaha Isbedel Garsoor, loona baahnaa dhalinyaro aan horay loogu baran Musuq iyo Cadaalad-daro? Lana ilaaliyo awood-qaybsiga beelaha! Ahal iyo qaraabana ay wada yihiin Siyaasiyiinta ku sugan Hargaysa iyo kuwa jooga Muqdisho, welina uusan jirin Sharci kala saarayo, Somaliland-nimaduna aysan aheen Mabda’ kala gayn kara Somalinimada ee ay tahay dano yaryar iyo duruufo waqti kooban kala geeyay Siyaasiyiinta, iskana dhammaan-doona? Hannaanka loo marayna waa wadadii loo maray kuwii isaga ka horreeyay, mar haddii Dastuurku siinayo Madaxwaynaha awooda Magacaabista Garsoorka lkn ay ka dhimantahay soo jeedintii Gudiga Adeega Garsoorka, ma burrinayso Awooda Madaxwaynaha qaybta ka maqan ee aan dalka weli ka jirin?

Doodahaas Mucaaradka iyo Muxaafidka hadii aan ku daro aragtidayda:

1-Baashe laguma eedayn karo Da’diisa ayaa yar waxaan aragnay madax iyo hogaamiyaal ka da’ yar ama la da’ ah oo laga markhaati kacay hogaamintooda sida; Raisalwasaaraha Canada, Madaxwayna France iwm.

2-Khibrad yari; xilkaan laftiisa waxaa soo qabtay Odayaal khibrad iyo da’ aysan u dhinayn lagumana qancin Cadaaladooda iyo Maamulkooda! Hadii aan dib u milicsano; Madaxwayne C/qaasim ayaa halku dheg ka dhigtay; qof aan soo marin Wasiir, Genaraal, Safiir iwm Xil looma dhiibi karo, waxa ayna noqotay dawladiisii tii ugu tabarta darneed oo ka adkaa waysay, lana heshiin waysay hogaamiye kooxeedyadii xilligaas, kadibna isagii iyo Cali Khaliif oo mudo dheer soo ahaa Wasiiro ayaa is khilaafay.

3-Somaliland-nimo; si loo abuuro kalsooni iyo is dhexgal Siyaasadeed, mid bulsho waaba jirtaahe, loogana saaro madawga iyo mugdiga Maamulka Somaliland iyo Fedaraalka waxaa haboon in Albaabada la wada furo sida; In Gudoomiye Iidle shaqadiisii Xeer ilaaliyaha Somaliland ku laabto, Gudoomiye Faysalna Xamar wax looga raadiyo inta doorashada danbe laga gaarayo.

4-Dastuurka iyo Shuruucda noo qoran waxaa ka horeeya kana awood badan awood qeybsiga beelaha hadii runta laga sheego ama waaqica wax lagu qiimeeyo, si loo gaaro in la isku qiimeeyo ama la isku magacaabo aqoon iyo khibrad waa in meesha laga saaro 4.5.

5-Isbedelka Garsoorku waa in uusan ku joogsan Baashe kaliya ee la dhamaystiro.

6-Dhismaha Gudiga Adeega Garsoorka Madaxwaynaha kaliya malaha ee waxa uu ka dhexeeyaa Golayaasha Wasiirada, Aqalka sare iyo Golaha Shacabka, waana in aan la siyaadayn sidii ku dhacday Madaxwayne Xasan Sheakh oo markiii uu isku dayay in uu dhisho Garsoorka uu Barlamaankii 9aad ka ciideeyay.

7-In Madaxwayne Farmaajo ka dhabeeyo balanqaadkiisii ahaa in uu dhisayo Garsoor Hufan, kana faa’iidaysto inta uu haysto aqlabiyadda Golayaasha Fefaraalka.

Ugu danbayn waxaan Gudoomiye Baashe u rajaynayaa Guul iyo Horumar iyo in uu Tusaale fiican u noqdo dhallinyarada Somaaliyeed iyo Maamul-wanaag!.

W/Q. Mohamed Gacal (Dr. Gacal)

Sawirro: Farmaajo iyo Uhuru oo kulmay iyo Farmaajo oo aqbalay arrin ay Kenya usoo bandhigtay

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta wada-hadallo la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkaas.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay arrimo u badan dhanka amniga, oo ay ka mid tahay taageerada howlgalka Amisom, oo Kenya ay qeyb ka tahay, iyo sidii gacan looga gaysan lahaa xasiloonida dalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya inay isla soo qaadeen darbiga Kenya ay ka dhiseyso xuduudda, oo dowladda Soomaaliya ay kasoo horjeedo, inkasta oo aan la ogeyn go’aanadii ay ka gaareen.

Kenyatta ayaa dhinaca kale usoo bandhigay madaxweyne Farmaajo in Somalia ay taageerto dadaal ay Kenya ku dooneyso inay ka mid noqoto xubnaha joogtada ah ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay si buuxda u taageereyso in Kenay ay ka mid noqoto golaha ammaanka, sida ay shaaciyeen warbaahinta Kenya.

Wada-hadallada labada mas’uul ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto, iyo hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamanka Kenya, Aadan Barre Ducaale.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Sawirro: DF Somalia oo ansixisay sharciyo muhiim ah oo muddo la sugaayay

Shirka Golloha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Muadane Xasan Cali Khayre, ayaa lagu ansixiyay Hindise Sharciyeedka Dambiyadda Kufsiga iyo Hindise Sharciyeedka Nakhshadeynta Magaalooyinka Soomaaliya. Sidoo kalana waxaa warbixino kala duwan laga dhagaystay qaar kamid ah gollaha wasiiradda iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Ugu horeyn, Wasiirka amniga Gudaha Mudane Maxmed Abuukar Islow Ducaale, ayaa ka war bixiyay amniga guud ee dalka iyo dar-dar gelintiisa, guulaha laga gaaray iyo qorshayaasha hor-tebinta leh ee khuseeya sare u qaadidda amaanka si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan nabad ay isku haleyn karaan.

Gollaha Wasiiradda ayaa dood iyo falaqeyn dheer ka dib waxay isla garteen in la ansixiyay Sharciga Dambiyada Kufsiga oo ay golaha hor keentay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuq Insaanka Soomaaliya, sidoo kalena waxay meelmariyeen ansixita Sharciga Nakhshadeynta Magaalooyinka oo kulankii hore ay soo gudbisay wasaaradda Hawlaha Guud iyo dib u dhiska, waxayna sheegeen golluhu in sharicahn uu baahi badan dalku haatan u qabo.

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed S.G. Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, oo ka qeyb galay shirka ayaa mudanayaasha uga warbixiyay Qorshaha Suggidda Amniga Caasimadda, ee (SAMA), isaga oo sheegay in ay meel wanaagsan marsiinayaan, tallaabooyin wanaagsanna ay qaadeen tan iyo markii la bilaabay dar-dar gelinta Sugidda Amniga Caasimadda.

Ugu danbeyntii, Wasiirka Qorsheynta XFS Jamal Maxamed Xasan, ayaa ka war bixiyay qorshaha soo ka bashada abaaraha iyo Fatahaadaha. Wuxuuna ku dheeraaday soo bandhigidda dhibaatooyinka laga dhaxli karo abaaraha soo noq-noqda iyo sidoo kale duufaantii dhawaan ku dhufatay qeybo kamid ah dalka.

Puntland oo qoraal carro leh ka soo saartay arrinta ka taagan Laascaanood

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa war-murtiyeed uu soo saaray ku sheegay in shacabka magaaladda laascaanood ay ku sugan yihiin xaalad aad u qalafsan oo ah tacadi bani’aadannimada ka baxsan.

Qoraalkan, oo carro xooggan ay ka muuqato ayaa lagu sheegay in ciidamada laga keenay Hargeysa, sida qoraalki lee yahay, ay shacabka u gaysanayaan dhibaatooyin isugu jira xarig, jirdil, handadaad iyo caburin fikir.

Puntland ayaa sheegtay in waxa Laascaanood ka socda ay yihiin xasuuq ay gaysanayaan ciidamo uusoo diray madaxweyne Muuse Biixi.

Sabab yaab leh oo keentay in dowladda Turkmenistan ay baarto musqulaha

Booliiska dalka Turkmenistan ayaa baarayaal u xil saaray in ay waardiye ka hayaan musqulaha shacabka kadib markii sida la sheegay ay shacabka bilaabeen fal dowladda iyo madaxweynaha aad uga caraysiiyay.

Dadka oo ka jawaabaya go’aan dowladda ay dadka ugu qasabtay in ay ku iibsadaan wargeysyada dowladda leedahay ee dalkaas kasoo baxa, ayaa waxa ay bilaabeen in ay saxarada isaga bi’iyaan xaanshiyaha wargeysyada oo inta badan uu ku sawiranyahay madaxweynaha dalkaas Gurbanguly Berdimuhanmedov.

Ma jiro wargeys kasoo baxa dalkaas oo uusan ku xardhanayn sawirka madaxweynaha maalin kasta, taas oo kaaga darane shacabka lagu qasbay in ay iibsadaan.

Booliiska waxa ay sheegeen in qofkii lagu qabta la ciqaabi doono.

Waxa kale oo ay booliiska baarayaan goobaha qashinqubka, halkaas oo haddii laga helo wargeys uu ku yaalo sawirka madaxweynaha qofka keenay qashinkaas la qabsan doono.

Kaliya ma ahan in dadka ay ka mudaaharaadayaan waregsyada iibsigooda lagu qasbay, ee maadaamaa dalkaas yahay dal faqri ah, ma awoodaan in ay iibsadaan waraaqaha saxarada la’iskaga tirtiryo.

Waxaa xitaa jira carruur loo xirxiray in ay garaafeeyeen sawirka madaxweynaha.

Madaxweynaha HirShabelle oo laga wacay Imaaraadka + Amar yaab leh oo la siiyey

Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu wadaa in dhawaan uu gaari magaalada Abu-Dubai ee Dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta kadib markii la sheegay iney xariireyn Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Imaaraadka.

Arrintan ayaa ka danbeysay xiriir dhex maray Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho, wuxuuna noqonayaa madaxweynihii saddexaad ee maamul Goboleedyada dalka hoggaaminaya oo taga Imaaraadka, kadib khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhex oogmay dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Madaxweyne Waare oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ee dalka , isagoo ku sii jeeda magaalada Abu Dubai ee dalka Imaaraadka, waxaana la sheegay in xubno la socday oo ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga Hirshabeelle iyo laba oo qof kale ay dib ugu laabteen magaalada Muqdisho, kadib markii safarka madaxweynaha uu noqday mid keligiis lagu casuumay.

Wararka la helayo ayaa sheegaya In Imaaraadka Madaxweynaha Hirshabeelle ka dalbadeen inuu Yimaado Abu-Dubai iyadoo aan qofna la socon arintaasna uu aqbalay Madaxweyne Waare.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa raaci doono wadadii ay mareen Madaxweynayaashii kale ee Maamul Gobaleedyada ee ku aadan go’aankii laga qaatay Khilaafka Khaliijka.

Sawirro: DF Somalia oo 165 dhallinyaro ah ka soo bad-baadisay dalka Libya

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kasoo degtay Diyaarad siday 165 dhalinyaro Soomaaliyed oo ku xirnaa xabsiyada ku yaalla dalka Libya.

Maxaabiistaan ayaa waxaa ka muuqday rafaad iyo dhibaatooyin dhanka nololeed, waxa ayna doorbideen inay dib ugu soo laabtaan dalkooda.

Dhalinyaradan ayaa sheegay in dhibaatooyin kala duwan ay ku qabsatay gudaha dalka Libya, taasina ay ku khasabtay inay dib ugu soo laabtaan Somalia.

Waxa ay sheegeen mar ay u waramayeen warbaahinta gudaha ayey sheegen dhalinyaradan inay aad ugu faraxsan yihiin dib ugu soo laabashada Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalkoodii hooyo.

Amb. Cali Siciid Fiqi, oo ah Safiirka Somaliya ee Yurub ayaa sheegay dhalinyaradan inay yihiin kuwa ku jiray xabsiyo kala duwan oo ku yaalay gudaha dalka Libya.

Ambasadoorka waxa uu sheegay inaysan ka  daali doonin soo saarida Soomaalida kale ee ku dhibaateysan dunida dacaladeeda.

Dhinaca kale, dhalinyaradaan oo qaarkood ay ka muuqdan dhaawacyo ayaa mahadcelin usoo jeediyay Dowlada Somalia oo dhexda u xiratay soo deyntooda. 

Muuse Biixi oo sheegay in isaga iyo Cabdi Weli Gaas ay 3 qodob ku ballameen

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa saxaafadda u soo bandhigay saddex qodob oo ay Maraykanka iyo Qaramada Midoobay ku dhexdhexaadiyaan Somaliland iyo Puntland oo uu ka baxay hoggaamiyaha Puntland Cabdiweli Maxamed Gaas, sida uu sheegay.

Madaxweyne Biixi oo shalay saxaafadda kula hadlay Hargeysa, wuxuu Mr. Gaas ku eedeeyay inuu ka baxay qodobadii ay Maraykanka iyo Qaramada Midoobay ku dhexdhexaadisay oo uu subixii xigay ogolaanshaha heshiiskaas Somaliland ku soo qaaday dagaal.

Madaxweyne Biixi oo ka hadlaya qodobada iyo cidda dhexhexaadisay wuxuu yidhi  “Nimankaasi [beesha caalamka] Jeenawari markii hadalku bilaabmay, waxaa yidhaahdeen waxa wanaagsan inaad wada hadashaan Somaliya, waxaanu wada hadalnay ninka la yidhaahdo Farmaajo, Cabdiwali waa soo galay oo la  hadal ayaa isagana la yidhi waa ay khusaysaaye, isagana waanu wada hadalnay, tiraba saddex jeer oo ay khadka nagula jireen ka Maraykanka iyo ka kaleba ( safiirka maraykanka iyo Ergayga Qaramada midoobay) ayaanu wada hadalnay saddexda goorba Cabdiwali waxii uu yidhi waa uu ka baxay, kii ugu danbeeyay ayaan idiin sheegayaa waxa uu weerarkii ugu danbeeyay soo qaaday 24-kii Bishan, 23kii sagaalkii habeenimo waxa ila soo hadlay safiirka  Maraykanka ee Nayboobi jooga, waxa uu igu yidhi waxaan doonayaa saddexdii qodob ee Michael Keating  uu idiin keenay in la fuliyo baritoole oo meeshaas aanu dagaal ka dhicin, waar nabadaba anigaa kaa jecel waanan raacsanahay saddexdaas qodob, maxay yihiin saddexda qodob

1-Xabada hala joojiyo

2-Arimaha aadaminimada ha la ogolaado

 3-hala sameeyo qaab ay labada taliye ee ciidanku ku wada hadli karaan si aanay ciidamadu si kadis ah isugu dhicin oo aanay xabadi u bilaabmin.

Saddexdaba  waanu ogolnahay,safiirku waxa uu igu yidhi saddexdaas ayaan doonayaa inaan goob joog ka ahaado, Cabdiwali ayaa dhanka kale ku jira tilifoonka  ogol, saddexdaba hore ayaan u ogolaaday laakiin waxaan kuu sheegayaa safiirow ciidankiisii hadda waxay ii jiraan 500 mt, 7 Km na galabta ayuu ka soo guuray weerarna waa uu u dhan yahay ilaa hadda ayuu soo socdaa oo inuu shantaas boqol ka soo dhawaado ayuu doonayaa aroorta markay cadceedu soo baxdana weerar ayuu igu soo qaadayaa, aroorta haddii weerarkaas la waayo nabad ayuu wadaa haddii uu dhacana waa waxiisii ee maxaan ka dhagaystaa, shantii iyo badhkiibuu isagu soo bilaabay, kii kale ee ka horeeyay sidaas la mid ayay ahayd oo macaa Farmaajo waa uu ku jiray khadka lagu wada hadlaayay.

Halkaygaas soo dhaafi maayo xabadna soo ridi maayo laakiin baritoole waxay noo tahay 15-kayagii shalayna laba goobood ayuu iga soo weeraray oo waxa uu degaayay baraha uu bari iga soo weerari doono yaa balanqaad I siinaya anaga oo dabaal daga ku jirna in aanu isoo weerarayn, ma galaayo ayaa laygu yidhi waanad ogaydeen waxii ka dhacay, nin meel u jeeda xadhig ma xidhaayo, waxaanan arkayaa Puntland in aanay dani ugu jirin dagaalka, mid ah siyaasad oo Somaliland waa gobal ka mid ah oo caasi garoobay oo dib ayaan u muquuninayaa ah oo Xamar ka soo baxay oo la soo marinaayo Cabdiwali , markaas ninka wada hawsha ayaanu ka wada hadlaynaa, dhaawacii miyaanu diyaarad u soo dirin oo aanu Xamar u gayn, miyaanu Turkiga u qaadayn ciidankiisa dhaawaca ahaa, maaxaan miskiinkan Cabdiwali ee la isticmaalayo kala hadlayaa, haddii nabad la doonayo nabada nin baa dabada ka wada.”

Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay inay Hadaftimo rasaas ka rideen gaadiid dagaal oo uu Gaas soo diray si dadka deegaanka loo baqo galiyo “Afar gaadhi oo tigniko ah  oo ka yimi Garoowe waxay rasaas ka rideen Hadaaftimo oo ah xarunta suldaan Siciid  oo waxii Somaliya buuq ka dhacay aanay xabadi ka dhicin oo lagu yidhi Somaliland ayaad taageeraysaa, markaas ninkii oday ah ee siyaasi ah kii madaxdhaqameed ah, kii wax garad ah ee yidhaahda Somaliland ayaan ahay ama waa loo hanjabayaa ama danbibaad gashee maxkamad ayaa lagu gaynayaa ama waa lagu dilayaa, xanba maaha, idaacadaha ayaa laysula soo fadhiistay, hada waa dadkii deegaanka.”

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected] 

Xog: Michael Keating oo xilka laga xayuubinayo (Yaa lagu beddelayaa?)

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterras, ayaa la filayaa inuu dhawaan beddelo ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya danjire Michael Keating.

Sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah, danjire Keating ayaa la filayaa inuu bisha November ee sannadkan ka tago shaqada Qaramada Midoobay ee uu wakiilka uga yahay Soomaaliya, waxaana u dhammaanay saddex sannadood oo uu ahaa ergayga Qaramada Midoobay.

Wararka ayaa sheegay in danjire Keating uu doonayay in Qaramada Midoobay ugu darto wakhti kale shaqada uu hayo, laakiin xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inuu go’aansaday in danjire Keating la bedelo marka uu dhammaysto saddexdiisa sannadood oo ku eeg bisha November ee sannadkan 2018.

Dawladda Soomaaliya ayaa horey danjire Keating ku eedaysay inuu xasarad siyaasadeed oo aan jirin ka abuuro Muqdisho, isagoo Mr. Keating caan ku ahaa inuu dhegaysto afkaarta siyaasadeed ee siyaasiyiinta Muqdisho ee mucaaradka ku ah dawladda. Laba goor oo kala duwan ayay dawladda Farmaajo ergaygan ka gudbisay dacwad ka dhan ah oo ay gaadhsiisay magaalada New york ee xarunta Qaramada Midoobay.

Warar aan helnay ayaa xaqiijiyay in la filayo in Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu ergaygiisa Soomaaliya u magacaabo diblomaasi Ingiriis ah oo Qaramada Midoobay wakiil uga ah dalka Koonfurta Suudaan. Diblomaasigan oo  lagu magacaabo danjire Nicholas Haysom ayaa sidoo kale haysta dhalashada dalka Koonfur Afrika, waxaana lagu tilmaamay inuu yahay diblomaasi sumcad ku leh Qaramada Midoobay dhexdeeda.

Waa markii saddexaad ee ay diblomaasiyiin Ingiriis ahi iskaga dambeeyaan xilkan Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaanay wakhtigooda ugu badan ku qaataan magaalada Muqdisho. Danjire Keating, waxa ka horeeyay Mr. Nicholas Kay oo isna Ingiriis ahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]  

Maxaad ka taqaanaa afarta degmo ee bisha Ramadan ugu halista badan Xamar?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa bishaani ramadaan marti galineysa Dilal iyo Qaraxyo nooca lagu xiro gaadiidka raaxada.

Dilalka ugu badan ee Bishaani Ramadaan ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga kala fuliyay Afar Degmo oo la rumeysan yahay inay ka jirto amni darro weyn.

Dilalka iyo Qaraxyada ayaa horseed u ah Dayacnaanta dhanka maamulka iyo ciidamada ka howlgala Degmooyinkaasi, waxaana xusid mudan inaanu jirin xitaa hadalo kasoo baxa maamulka Degmooyinkaasi xiliyada ay dhibtu dhacdo.

Degmooyinka ugu halista badan Bishaan ramadaan ayaa waxaa kamid ah Degmada Waabari, Boondheere, Dharkiinleey iyo Degmada Howlwadaag oo qeybteeda xigta bakaaraha ay ka dhacaan dilalka ugu badan.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa maalmo un ka hor ku goodiyay inaanu xilka sii heyn dooni Guddoomiye Degmo oo aan ka adkeyn amniga Degmadiisa.

Si kastaba ha ahaatee, amni darada kasoo ifbaxeysa afartaasi Degmo ayaa cudur daar u noqon doonta ka dhabeynta goodinta uu jeediyay Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Prof. Buubaa oo kashifay sir dadka ka qarsaneyd oo dagaalka Tukaraq ah

Hargeysa (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan ay Soomaalidu ku wareersan tahay dagaalka ka taagan Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa.

Buubaa, ayaa sheegay in dagaalka uu yahay mid ay gadaal ka riixayaan Shirkado Shisheeye oo uu sheegay inuu damac uga jiro Shidaalka ku jira Gobolka Sool.

Buubaa, oo u waramaayay warbaahinta magaalada Hargeysa ayaa yiri ‘’Dadku waxa ay arkaan keliya dagaalka Tukaraq, sheekadu wey ka weyn tahay dagaalka ee waxaa ololinaaya Shirkado shisheeye oo isku adeegsanaaya Puntland iyo Somaliland’’.

Waxa uu Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa sheegay in Shirkadahaasi ay adeegsanayaan maamulka Puntland oo uu sheegay inay dagaal cad kusoo qaaden ciidamada Somaliland ee ku sugnaa deegaanka Tukaraq, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu Siyaasigu sheegay in ujeedka dagaalka uu yahay keliya qabsashada deegaanka Holhol oo ku yaalla Gobolka Sool, isla markaana uu ka buuxo shidaal, sida uu yiri.

Buubaa waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa ‘’Waxaa jira shirkado shisheeye badan oo Puntland ku khasbaaya inay qabsadaan deegaanka Tukaraq iyo Holhol si ay uga faa’iideystaan shidaalka ku jira’’

Waxa uu intaa kusii daray ‘’Puntland iyada ayey dhibeysaa haddii ay dooneyso in Somaliland ay uga xagliso Shirkado Shisheeye oo doonaaya inay isku layaan labada ciidan’’

Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa, waxa uu cadeeyay in Tukaraq iyo guud ahaan Gobolka Sool ay hoostagto Somaliland waxa uuna sheegay inaan deegaankaasi looga hari doonin Puntland.

Dhinaca kale, waxa uu saaxiibada caalamka ugu baaqay inay hakiyaan colaada ku daadaneysa dhiiga shacabka ku dhaqan Gobolka Sool.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Farmaajo oo bidhaamiyay waxyaabaha ku khasbay isbedelka garsoorka dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay qiray in Somalia ay daashatay cadaalad darro baahsan oo uu sheegay inay cuuryaamisay sinaanta.

Madaxweynaha oo ka hadlayey dhibaatooyinka dalka ka jira ayaa sheegay in dadka Soomaliyeed waayihii u dambeeyey ay ka cabanayeen cadaalad darro baahsan, waxa uuna ta ku tilmaamay arrinta keliya ee caqabada ku ah shacabka.

Madaxweynuhu waxa uu cadeeyay in cadaaladu ay tahay qeyb kamid ah nolosha qof bani aadam ah, sidaa aawgeed ay muhiim tahay in la helo isbedel dhanka Garsoorka ah.

Farmaajo waxa uu yiri ‘’Aasaaska nolosha waa inaan helnaa cadaalad iyo sinaan, dowladu wey ku khasban tahay inay raali galiso shacabkeeda’’

Waxa uu intaa raaciyay ‘’Waxaa xaqiiqo ah in mudooyinkii la soo dhaafay ay dadkeenu ka hadlayeen cadaalad darro dhinac walba ah oo baahsan anagana waxan ku taameynay oo aan ku sameyneynay daraasad meesha uu dhibka ka taagan yahay’’

‘’Daraasadaas kadib waxaa noo soo baxday in aan sameyno dib u habeyn dhinaca garsoorka ah. waxa ayna ku dhacday sida aan ugu tallo galnay’’

Madaxweyne Farmaajo waxa uu cadeeyay in qorshaha hadda socdaa uu yahay in si dhaqsi ah lagu sameeyo Golaha adeega Garsoorka si cadaalada ay u noqoto garab Saddexaad oo la siman Golaha fulinta iyo sharcidejinta dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha waxa uu dhankiisa ka ballanqaday inay ka dhabeyn doonaan riyooyinkooda ku aadan in xal loo helo cabashooyinka dhanka Garsoorka ah.

Si kastaba ha ahaatee, haddalka Farmaajo ayaa ku soo beegmaaya xilli wixii ka dambeeyey burburkii dalka  Shacabka Soomaaliyeed ay ka cabanayeen cadaalada darro ka jirta dhinaca garsoorka dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Aqriso: Liiska madaxda DF ee ka qeyb galay xuskii maalinta qaranka Itoobiya  

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xus loo sameeyay Maalinta Xuska Qaranka Itoobiya ee markii xukunka laga tuuray Mingiste Haile mariam ayaa xalay ka dhacay safaaradda Itoobiya ku leedahay magaalada Muqdisho, waxaana la yaab lahayd inay ka qeyb galeen madax fara badan oo dowladda ka mida ayna ku jiraan saraakiisha ciidamada.

Dad badan ayaa is weydiiyay sababta madaxda Soomaalida ugu qasban yihiin inay ka qeyb galaan xuskaasi oo la qabto 28-ka May, inkastoo ay jirto caado ka mid noqotay dhaqamada madaxda dowladda oo ah inay xaflad kasta ka soo muuqdaan.

28-ka May sanad walba ayaa Itoobiya looga aqoonsan yahay maalinta qaranka Itoobiya, xiligaasi oo ku beegan 28-kii May 1991-kii, bila tirsiga Itoobiyana uu ahaa 20-kii Ginbot 1983-kii markii jabhaddii Dimoqraadiga Kacaanka dadka Itoobiya ee EPRDF oo markaasi ay si rasmi ah ula wareegeen talada xukunka Itoobiya ee uu hoggaaminayay Meles Zenawi.

Liiska madaxda xafladda Maalinta Qaranka Itoobiya -Ginbot- ka qeyb gashay waxaa ka mida:

  1. Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya
  2. Ra’iisal Wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya
  3. Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya
  4. Wasiirka Howlaha Guud ee xukuuumadda Soomaaliya
  5. Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya
  6. Wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga Soomaaliya
  7. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir
  8. Taliyaha Ciidamada Booliska
  9. Taliyaha Ciidamada Nabadsugidda
  10. In ka badan 25 Xildhibannada labada aqal

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Weerar culus iyo dilal mar kale ka dhacay magaalada Muqdisho (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Caawa weerar lagu qaaday ciidamo ka tirsan dowlada oo ku sugnaa nawaaxiga carwo Iidka oo ku dhaw isgoyska Baar-ubax.

Weerarkan ayaa lagu qaaday ciidamada Xasilinta oo halkaa kawaday baaritaano, waxaana lasoo sheegayaa in lagu weeraray dhowr Bam gacmeedyo.

Weerarka ayaa la sheegay inay geysteen maleeshiyaad dhinacyada kasoo maray ciidamada, kuwaa oo Qaraxyada Bamka kadib rasaas ooda uga qaaday ciidamada. Weerarka oo gaadmo ahaa ayaa waxaa ku dhaawacmay askari.

Hay’adaha amaanka Dowlada Somalia ayaan weli ka hadal heerka uu gaarsiisan yahay Khasaaraha ka dhashay weerarka, inkastoo lasoo warinaayo inuu kooban yahay khasaraha.

Dhanka kale Maqribkii ka dib ayaa degmada Waaberi waxaa lagu dilay ah qof rayid waxaana goobta ka baxsaday kooxihii dilka geystay.

Amniga magaalada oo mas’uuliyaddiisa lagu wareejiyay maamulka gobolka Banaadir ayaa liita, tan iyo markii gobolka Banaadir lagu wareejiyay amniga caasimadda waxaa la dilay dad badan oo rayid ah mana jirto ilaa iyo hadda tallaabo uu qaaday gobolka oo looga hortagayo dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wargeys kasoo baxa dalka Sweden oo shaaciyey sirta dagaalka Tukaraq!!

Stockholm (Caasimada Online) – Wargeyska Aftonbladet ee ka soo baxa dalka Sweden, ahna wargeyska ugu afka dheer dalkaas, ayaa horey uga hadlay dagaalka u dhexeeya maamulada Somaliland iyo Puntland waxa uu lugta ku hayo….

Arrintaan Sannadkii 2014-kii ayuu qoray wargeyska la yiraahdo Aftonbladet waxaana uu sheegay in shirkada Lundin-oil oo dalka Swedan laga leeyahay iyo mid iyaduna laga leeyahay dalka Norwey ah oo la yiraahdo DNO International ay heshiisyo la saxiixdeen maamulada Somaliland iyo Puntland. Waxeyna doonayaan in ay dadka bara kiciyaan sidii horey loogu sameeyay shacabka u dhashay dalka Suudaanta Koonfureed.

Lundin-Oil waxaa saami weyn ku leh Ra’iisul wasaarihii hore ee Sweden Carl Bildt. Waxaana horay loo shaaciyay in shirkadaasi ay shidaal ka baareysay Killilka shanaad oo dad badani ay ka qaxeen kuna guryo beeleen.

Hada waxaa loo socdaa waa Ceelka weyn ee HOLHOL. Labadaan shirkadood oo dhaqaale xoogan ku bixiyay sidii ay ceelkaasi iyo kuwo kaleba u heli lahaayeen ayaa waxaa hada soo baxeysa in dadkii ay dagaalo dartood degaankoodii ka qaxayaan waana sida ay rabaan shirkadahaasi.

Halkan ka akhriso maqaalkii Ku soo baxay Jariirada Aftonbladet

Xigasho: Sheiknor Abucar Qassim

Galmudug oo si jees-jees ah uga jawaabtay hadalkii xildhibaannada BF

Cadaado (Caasimada Online)-Maamulka Galmudug ayaa si kulul uga jawaabay haddal saacadihii ugu danbeysay kasoo baxay Xildhibaanada ka tirsan baarlamaka ee laga soo doortay deegaanada maamulka Galmudug.

Maamulka oo ka jawaabaya haddalkaasi ayaa sheegay in Xildhibaanada baarlamaanka laga doonaayo inay gutaan howlaha loo igmaday ka hor inta aysan ka hadlin arrimaha maamulka.

Maxamuud Xasan Masagaway, oo ah Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay in Xildhibaanada Dowladda ay dayaceen howlihii laga sugaayay, sida uu hadalka u dhigay.

Masagaway, waxaa uu sheegay in warkii shalay kasoo baxay Xildhibaanada uu ahaa mid aan xiligiisa la joogin isla markaana u muuqday mid baalmarsan Sharciga maamulka Galmudug.

‘’Waa ayaan darro in Xildhibaan howlihiisa dayacay uu ka hadlo mid aan isaga khuseyn, waxaan leenahay guta waajibaadka idinsaaran ee aad dayacdeen’’

Sidoo kale, Wasiir Masagaway, waxa uu ugu baaqay dowladda Dhexe , Beesha  Caalamka iyo dowlad goboleedyadda in aan lasoo faragelin howlaha dib u heshiisiinta ee ka socota Magaalada Dhuusmareeb.

Si kastaba ha ahatee hadalkaan ayaa kusoo beegmaya xilli shalay xildhibaanada dowladda Dhexe ee laga soo doorto degaanada Galmudug ay sheegeen in ay kasoo horjeeddaan qaabkii loo maray dib u heshiisiinta Galmudug iyo Ahlusunna.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

[email protected]

Sawiro: Wax badan ka ogow xaqiiqda kulankii Gaas iyo Peter De Clercq

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliyeed ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Salaasa ah waxa uu madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay wafdi uu hogaamineyey ku-xigeenka xog-hayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Peter De Clercq.

Weftigan balaaran ee uu hogaaminayey Peter De Clercq ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxa xafiiska (OCHA) Mr. Justin Brady iyo Agaasimaha ROLSIG (UNSOM) Mr. Staffa Tillander iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan Unsom iyo UNDP.

War ka soo baxay xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in kulankan maanta uu Madaxweynaha Puntland la yeeshay Mr. Peter De Clercq ayaa waxaa uu ku saabsanaa arimaha bani’aadanimda iyo xuquuqda dadka tabaalaysan ee roobabka duufaanada wata iyo abaaruhu aafeeyeen, kuwaas oo roobabkii dabaylaha watay ee ku dhuftay soomaaliya iyo wadamo badan oo deriska ah barakac baahsan iyo waxyeelo u geysteen.

Mr. Peter De Clercq ayaa dhankiisa sheegay inuu soo maray gobolada waqooyiga Soomaaliya oo iyagana duufaanadii iyo roobabkii ka da’ay todobaadkii lasoo dhaafay khasaare baaxad leh oo naf iyo maal ahba u geysteen.

Sidoo kale Peter De Clercg ayaa sheegay inuu haatana Puntland u yimi sidii ay ugu kuudh geli lahaayeen xaalada dadka reer guuraaga ah iyo kuwa ku teedsan dhul xeebadka Puntland ee duufaanadii iyo roobabkii sanadku halakeeyeen, isla mar’ahaantaanaa ay wax uga ogaan lahaayeen xaalada bai’aadanimo iyo raadkii abaarahu ka tageen.

Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in guddigan ka socdey Qaramada Midoobey ay labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland kala hadleen xaaladda Tuakaraq, sidii xabbad joojhin loo sameyn lahaa si dadka baahan loo gaarsiiyo gargaarka ay u baahan yihiin.