26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Sawiro: Wax badan ka ogow xaqiiqda kulankii Gaas iyo Peter De Clercq

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliyeed ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Salaasa ah waxa uu madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay wafdi uu hogaamineyey ku-xigeenka xog-hayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Peter De Clercq.

Weftigan balaaran ee uu hogaaminayey Peter De Clercq ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxa xafiiska (OCHA) Mr. Justin Brady iyo Agaasimaha ROLSIG (UNSOM) Mr. Staffa Tillander iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan Unsom iyo UNDP.

War ka soo baxay xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in kulankan maanta uu Madaxweynaha Puntland la yeeshay Mr. Peter De Clercq ayaa waxaa uu ku saabsanaa arimaha bani’aadanimda iyo xuquuqda dadka tabaalaysan ee roobabka duufaanada wata iyo abaaruhu aafeeyeen, kuwaas oo roobabkii dabaylaha watay ee ku dhuftay soomaaliya iyo wadamo badan oo deriska ah barakac baahsan iyo waxyeelo u geysteen.

Mr. Peter De Clercq ayaa dhankiisa sheegay inuu soo maray gobolada waqooyiga Soomaaliya oo iyagana duufaanadii iyo roobabkii ka da’ay todobaadkii lasoo dhaafay khasaare baaxad leh oo naf iyo maal ahba u geysteen.

Sidoo kale Peter De Clercg ayaa sheegay inuu haatana Puntland u yimi sidii ay ugu kuudh geli lahaayeen xaalada dadka reer guuraaga ah iyo kuwa ku teedsan dhul xeebadka Puntland ee duufaanadii iyo roobabkii sanadku halakeeyeen, isla mar’ahaantaanaa ay wax uga ogaan lahaayeen xaalada bai’aadanimo iyo raadkii abaarahu ka tageen.

Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in guddigan ka socdey Qaramada Midoobey ay labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland kala hadleen xaaladda Tuakaraq, sidii xabbad joojhin loo sameyn lahaa si dadka baahan loo gaarsiiyo gargaarka ay u baahan yihiin.

 

Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda Sare oo la dhaariyay xilli kii hore uu…

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeybgalay munaasabad lagu dhaarinayay Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaanta koowaad siinayso dib-u-habeynta garsoorka dalka.

“Muddooyinkii la soo dhaafay dadkeennu waxa ay ka hadlaayeen caddaalad darro dhinac walba ah oo baahsan. Waxaan ku samaynaynay daraasad meesha dhibku ka taagan yahay iyo xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalka. Waxaa noo soo baxday in loo baahan yahay dib-u-habayn, dib-u-habayntaasina maanta ayay bilaabatay, waxaana noogu xigi doona in aan dhisno Golaha Adeegga Garsoorka.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda xilka culus ee uu u magacaaabay, isaga oo ka codsaday laamaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba in ay gacan ku siiyaan sidii uu u gudan lahaa xilka culus ee loo igmaday.

Guddoomiye Baashe oo hadal kooban jeediyay dhaarinta kaddib ayaa yiri: “Helitaanka garsoor hufan, madax-bannaan, dhexdhexaad ah, ummadda Soomaaliyeedna ugu adeega caddaalad, waxa uu aasaas u yahay in la helo caddaalad oo iyaduna saldhig u ah wax kasta oo saameeya nolosha bini’aadamka.”

“Haddii ay noqoto horumar, haddii ay noqoto amni iyo haddii ay noqoto kor-u-kac dhaqaale dhammaantood waxaa aasaas u ah in la helo caddaalad, helitaanka caddaaladduna waa masuuliyad wadareed saaran qof kasta oo muwaadin ah oo Soomaaliyeed, aniguna waxaan ahay qofka masuuliyadda koowaad ay ka saaran tahay.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu duceeyay Guddoomiyaha cusub inuu Alle u fududeeyo xilka, wuxuuna faray goleyaasha dowladda in ay soo dhameystiraan dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka oo wax weyn ka taraya dib-u-habeynta iyo hufnaanta garsoorka dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in uu magacabaayo Guddiga Dib-u-eegista Dacwadaha iyo Cabashooyinka oo si dhaw ula shaqeynaya Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare. Guddigan oo ka kooban sharci yaqaanno iyo culumada diinta ayaa dib u dhegeysanaya dacwadaha lagu muransan yahay iyo xukunnada ay sida khaldan u rideen hay’daha Garsoorka dalka.

Munaasabadda lagu dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxaa kale oo goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan, Guddoomiye K/Xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Ra’iisul Wasaare K/Xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Wasiirka Caddaalada Mudane Xasan Xaaji, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Saalax Axmed Jaamac, Garsooreyaasha Maxkamadda Sare, Xeer-ilaaliye K/Xigeenka Qaranka iyo Taliyeyaasha Booliiska iyo Asluubta.

.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ma loo dul-qaadan karaa wixii ay xildhibaanada BF sameeyeen 3 bil ee tagay?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaannada Golaha shacabka Soomaaliya ayaa shalay galay fasax gaaban oo ay qaadanayaan inta ka dhiman Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Saddexdii Bilood ee la soo dhaafay, waxaa ay Xildhibaannada Golaha shacabka yeesheen 11; kulan oo kaliya iyada oo inta bandanna XIldhibaannada ay kulamada ka maqnaayeen.

Kulankii ay tirada ugu badan xaadireen waxaa uu ahaa kii dhacay 30kii April 2018,kaas oo lagu dooranayay Guddoomiyaha Golaha shacabka.

Kulankaas waxaa xaadirtay 266; XIldhibaan oo ka mid ah Golaha shacabka,waxana ka maqnaa kaliya 9; xildhibaan oo aan ka qeybgelin doorashada Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan.

Golaha shacabka ayey tahay in ay Todobaadkiiba kulmaan saddex maalmood oo kala ah, Sabti,Isniin iyo Arboco,haddii aanay jirin kulamo deg deg ah,waxaana ay Bishii noqoneysaa 12 Kulan.

Taas waxaa ay ka dhigan tahay in saddexdii bilood ee la soo dhaafay aanay xitaa gaarin kulamadii laga rabay bil kaliya,waxaana mooshin billowday 13kii March uu dhamaaday Dhamaadkii April.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dagaalka Tukaraq: Labo nin oo bidaar leh oo shanlo ku dagaalamaysa!

Abaahay waa reer Garoowe, Hooyaday waa reer Laascaanood, Saaxiibaday waa reer Hargaisa, Xamar ayaan ku koray, Sinjigaygu waa Soomaali , Diintayduna waa Islaam…..

Sidaa awgeed, dagaalka Tukaraq ka socda dhinac kasta saamayn toos ah ayuu aniga iyo maalaayiin kale ee Soomaaliyeedba ku leeyahay oo durba waxaaba la iisoo sheegay inaadayrkay oo aad u d’a yar in lagu dilay dagaalkii shalay dhacay.  Runtii aad ayay ii xanuujisay iyadoo bil Ramadaan ah oo Alle uu xidhxidhay shayaandiitii waaweynayd , albaabada raxmada iyo toobadana furay  in ummadii Soomaaliyeed (gaar ahaan Puntland iyo Somaliland) oo labaduba ah dad soo arkay xanuunka iyo cawaqib-xumada ka dhalan karta colaad inay maanta isugu goodiyaan colaad iyo dhiig cusub oo la daadsho… Shayaadiinta insi ee colaadaas huriyay , waxaa ka sii xun wax-magaratada Social Media ugu kala difoosaynaya (kala taageeraya) labada garab, ku soo bandhigaya dad dhintay, sii hurinayana colaad aan cidina ku xamdinayn iyo walaalo isdilaya.

Hadaba bal si aan idiin dareensiiyo aragtidayda shaqsi, Soomalinimo iyo Islaanimo ee ku aaday colaadaan waxaan rabaa inaan idin la wadaago qodobo dhowr ah kuwaas oon uga gonleeyahay inaan ku soo bandhigo aragti ka duwan mida social media ay dadka wax-magaratada ahi ku soo bandhigaan, bal si codka kuwa weli caqligoodu shaqaynayo, nabada, wada jirta iyo walaalnimaduna uga weyn tahay hurinta colaada iyo burburka loo maqlo loona dhiirigeliyo.

Safarkaygii Puntland iyo Somaliland:        

Laba sanno ka hor ayaan safar ku tagay Soomaaliya.  Waxaan labo asbuuc ku sugnaa Garoowe, kadib ayaa aniga iyo koox aan saaxiibo nahay oo ila socotay ku heshiinay inaan Hargeisa tagno.  Gobolada Waqooyi waxaa iigu danbaysay beri hore oo aan Warshada Sibirka ee Berbera ka shaqayn jiray.  Safar dhulka ah ayaanan ku marnay inta u dhaxaysa Garoowe ilaa Hargaisa.  Xiligu wuxuu ahaa G’u , roobab mahiigaan ahina ay ka da’ayeen inta u dhaxaysa Sool iyo Hargaysa.   Intii aan jidka ku sii jirnay kolba tuulo ayaan istaagaynay anagoo la sheekaysanaynay dadka deegaamadaasi, kafta iyo qosol si walaalnimo ay ku jirto ayayna sheeko iswaydaarsigu u dhacayeen.   Waxaan Hargaisa tagnay xili galabnimo ah oo barje loo fadhiyo, qofkii aan barjaynina nasasho (ama qayluulo yar qaadanayo), isku socodka magaaladuna ay aad u yareyd.

Waxaan Hargaisa joognay asbuuc, si gobanimo iyo hospitality gii ama soo dhawayntii Duriyada Sheekh Isxaaq lagu yiqiinay ayayna axsaab iyo ehel badan oon halkaas ku lahaa igu soo dhaweeyeen.  Casumaadaha magaalada dhexdeeda waxaa ii dheeraa dalxiis iyo buuro fuulis (Hiking) la ii geeyay deegaanka Abaarsay (Abaarso) iyo Xeebta Batalaale oo la igu casumay balse wakhtigu ii saamixi waayay inaan tago,   Waxaa airport nagu sii sagootiyay xubin Baarlamaanka Somaliland ku jira oo aan ehel hoose nahay, waxaanan kasoo tegay halkaasi anigoo weli xiiso u qaba inaan sii joogo, saaxiibadii aan horay ugu lahaa iyo kuwo aan ku soo bartayna ilaa maanta ayaan is wacnaa iyagoo ileh “goormaad nasoo gaadhi?”.

Dagaalka Tukaraq kolkaan maqlay, waxaa iga daadagi weyday sababta goobtaasi loogu dagaalamo loona burburinayo wanaaga iyo walaalnimada labada bulsho ka dhexeeya,  iyadoo weliba bil Ramadaan ahna loo banaysanayo daadinta dhiig walaalo Muslim ah.   Waxaan dib u milicsaday waxyaalihii aan ku soo arkay safarkaygii 2016 bal si aan asbaab ugu helo ama u garowsado waxa kelifi kara in dagaal halkaasi ka dhaco.

Waxyaalihii aan soo arkay:

Puntland iyo Somaliland:

  • In dadka Puntland iyo Somaliland labaduba isku taariikh yihiin, dhibaatooyin gaar ahna ay soo wada arkeen.
  • In waxa ka dhexeeya labadaasi bulsho iyo deegaan ay ka badan yihiin waxa kala qaybiya,
  • In xiriir bulsho, mid dhaqaale iyo mid deegaanba ka dhexeeyo labada bulsho,
  • In labadaas deegaan ay ka jirto maamul iyo xasilooni la isku halayn karo,
  • In dadka deegaamadaasi ay ka gudbeed marxaladihii dagaalada Sokeeye una gudbeen mid horumarineed iyo maamul wanaag.

Sool (Khaatumo):

  • In deegaamadaani ay ka jirto horumar daro baahsan iyo maqnaansho maamul oo ay dadka deegaanku raalina isaga yihiin,
  • In laga bilaabo Tukaraq ilaa Oog aan ku soo arkay rag wada hubaysan oo nin iyo qori ah, halka Puntland iyo Somaliland dhulka ay ka taliyaana aadan ku arkay qof qori wata ciidan mooyee.
  • In kantaroolada Gobolka Sool askarta iyo saraakhiisha joogta ay u badnaayeen dad aan deegaamada u dhalan,
  • Iyo in deegaamadaani ay hardinayaan (front) goob dagaalna ay u tahay labada maamul ee hareeraha ka xiga.

Maqaalkani maaha mid aan ku soo koobi karo dhamaan xaqiiqada iyo arimaha halkaasi ka jira, sidaa awgeed , waxaan diirada saaraynaa waxyaalaha aan isleenahay way kelifeen ama kelifi kara in halkaasi colaadi kasoo cusboonaayo iyo xalku waxa uu ku jiro.

Qodobada la isla wada qirsan yahay inay aasaas u yihiin colaada Tukaraq waa:

  1. Somaliland oo istustay hadii Sool iyo Sanaag loo aqoonsado inay ka mid yihiin Puntland, aysan gaari doonin hadafkooda goosasho, sidaa awgeed maadaama shacabka reer Sool, Cayn iyo Sanaag aysan kalsooni ka haysan inay awood ciidan u adeegsato.
  2. Puntland oo aaminsan in Masuuliyad ay ka saaran tahay difaaca deegaamadan maadaama dadka deegaamadaani ay wax ka dhisteen Puntland kuna hayb yihiin, dhulka la qabsadayna aan laga qabsan beel balse laga qabsaday Maamulka Puntland.
  3. Shidaalka Ceelka Hol-Hol oo Somaliland ay heshiisyo kula gashay shirkado Scandinavian ah, taasina ay ku keliftay inay bixin dhaqaale iyo adeegsi ciidanba u isticmaasho sidii uu gacantooda u soo geli lahaa
  4. Muuse Biixi oo isku arka Hogaamiye adag oo gaari kara wixii madaxdii ka horaysay ay ka gaabiyeen taas oo ah inuu soo xiro xuduudihii guumaysigu dhigay, dagaalkana u isticmaalo inuu ku mideeyo beeshiisa maadaama ay jiraan beelo uusan kalsooni ka haysan sida Garxajis (Habar Yoonis) oo kale. (war instigated by a country’s leader in order to distract its population from their own domestic strife).
  5. Puntland oo u arkay ihaano in ciidan la soo duldhigo Caasimadoodii, aaminsana inay dulqaad badan muujiyeen kadib markii Provocations (daandaansi) badan oo hore lagu sameeyay, qabsashada Tukaraqna ay ka dhigan tahay khadkii casaaso in la soo dhaafay.

Waxaa kale oo jira qodoba dhashay dagaalka ka hor iyo ka dib oo iyaguna sii huriyay colaada sida:

  1. Reer Sool oo aaminsanaa in maamulka Puntland ay gabtay difaacii iyo hiilkii ay ka filayeen, laakiin kadib markii dagaalkii bilowdayna si aan kala har lahayn u taageeray colaadaasi kuna soo biiray dhinaca Puntland.
  2. Hadalada dareenka qabyaaladeed xanbaarsan, goodinta iyo xusuusinta taariikh hore ee ka soo baxayay Muuse Biixi iyo Faisal Cali Waraabe afkooda oo (rally point) ama wax ay ka dhiidhiyeen ama mideeyay Reer Puntland iyo inta dareenka wada dhalasho la qabta noqday.
  3. Dilal loo gaystay dad reer Sool ah sida Nabadoonkii Jaamac Siyaad ee gaadhiga lagu marsiiyay Hargaisa oo iyaduna sii hurisay colaada.
  4. Cabdiweli Gaas oo mudo lix bilood ah diidadanaa inuu ciidanka Puntland u ogolaado dagaal oo aakhrikii si cadho iyo caadifad leh u oglaaday una arka in dagaalkani mid xaq ah yahay. (lagana yaabee in latayiyaashiisu ku qanciyaan inuu sii wado colaada si dalka uu xaalad degdeg ah ugeliyo, taasina kalifto doorashadii Puntland inay dib u dhacdo sidaana uu mudo korarsi ku helo).

Maxaa xal ah:

  • Waxaa hubaal ah in dagaalkaani uusan noqonayn mid sahal lagu kala adkaado maadaama aysan Soomaalidu dhaqan iyo taariikhba u lahayn in qolo gaar ah laga adkaado, walow dagaalkani xiiso iyo xamaasad gaar ah uu dadka qaar u leeyahay oo hadii beesha Dhulbahante gebi ahaanba taageerto dhinac Puntland uu dagaalkani waji kale yeelan doono.
  • Sidoo kale dagaalkani masii socon doono maadaama aysan labada maamul heli karin saad, sahay iyo saanad ay kusii wadi karaan colaadaa daba dheeraata, (walow ay jiraan qolooyin labada dhinacba isku soo hubeeyay oo midkasta saanad soo siiya , saaxiibna ay u haystaan balse ula jeedadodu tahay Soomaali isku jebi)….!
  • Duruufaha dhaqaale ee ka jira labada maamul oo aan iyaduna u saamixi doonin sii hurinta colaadan. Dagaal waa marshuuc lagalo kan ugu qaalisan nimaan aqoon ayaana ku degdega: (bal eeg Saudi Arabia iyo Imaaraadka, dagaalkii Yemen dhibaatada dhaqaale xumo oo uu dhaxalsiiyay, waataa maanta ay canshuur ku soo rogeen shacabkodii, dadkii investment (maalgashiga) ku samaysan jirayna ka yaaceen).
  • Labada maamul oo midba midka kale uusan ka maarmin, isku socodka dadka iyo hantida ka helo dhaqaale badan oo hadii uu Meesha ka baxo labada dekadood ee Boosaaso iyo Berbera dhib u soo jiidi kara. (Bagaashka, Qudaarta, iyo Xoolaha Puntland ka yimaadaan ama soo maraan waxay tagaan Somaliland, halka Raashinka iyo badeecadaha kale ee Somaliland ka yimaadana loo iib geeyo Puntland ama ay maraan Puntland una sii gudbaan Koonfurta dalka).

Sidaa awgeed, waxaa loo baahan yahay in codka saliimka ee saaxiga ah (voice of reason) la maqlo, si loo caburiyo codka caadifada, caqli xumada iyo colaada xambaarsan, waxaa loo baahan yahay in la helo dadka taliya maslaxada, nabada iyo wada noolaanshaha si looga hortago kuwa saacadahoodu istaageen ee ku qafilan colaadihii sokeeye ee (1981,1988, 1991 and 2006) kuwaasoo markii wax dhacaanba usugu goodiya taariikhahaasi xusuusintooda.

Talo-gelinta reer Sool iyo u saamixida inay masiirkooda ka tashadaan.

Dagaaladu kolkay ka dheceen Muqdishu 1991 ayaa islaan waayeel ah waxay ehelkeedii ku tiri “Maandhooyinow anigu waayeel baan ahay oo cidi wax ugu falimayso cidina dhib iima gaysanaysee idinku naftiina badbaadiya, gurigana anigaa sii joogaya oo ilaalinayee, markii dagaalku dhamaado oo la isku soo noqdanba meesha iigu imaada” …. Islaantii mudo kadib markii dagaalkii joogsan waayay weji qabiilna yeeshay ayaa maalin aqalkii waxaa ugu soo dhacay labo kooxood oo midba rabaan gurigaan weyn oo iska xidhan inay bililiqaystaan… Qoladii daaqada ka soo gashay iyo kuwii derbiga ka soo booday ayaa isku qabsaday “Wadaayoow anagaa idinka hor taabsanahaye naga qaleeye, iyo mayee anagaa idinka soo horaynay ee Meesha isaga huleeya yaynaan isku ceeboobine!.  Dood dheer kadib ayay arkeen islaan waayeel ah oo sali ku fadhina iskana wardinaysa, waxaa lagu heshiiyay in islaanta markhaanti loo qabsado si u kala saarto.  Waxaa ladhahay “Eedo ilaahaan kugu dhaarinee labadayada yaa soo horeeyay”… Duqdii xariifad ayay ahayd doodana way maqlaysay, filinkana way la fahamtay labada kooxood, markaas ayay tiri “Maandhooyinow, hadii soo kala horayn wax lagu kala helayo labadiinaba anigaa idinka soo horeeyay”.

Haatan iyo dan, hadii la rabo in maslaxo waarta laga gaaro colaadaan Sool, waxaan laga fursanayn in talada wax laga siiyo dadka labada kooxood ee meesha isku hardinaya uga soo horeeyay dhulkana leh, waa in loo saamaxo reer Sool, Sanaag iyo Cayn inay masiirkooda ka tashadaan, ciday wax ku darsanayaan iyo haday gooni istaagayaana go’aan ka qaadashadeena loo madax baneeyo faragelinta sandareerto iyo ciidana laga daayo.

Nin ayaa la waydiiyay war hebel colaada Tukaraq ka waran maxayse salka ku haysaa? Kolkaa ayuu yiri: “Colaada Tukaraq waxay la mid tahay labo nin oo bidaar leh oo shanlo ku dagaalamaysa,  kii ku guulaystaa muxuu ku samayn, xaguuse gayn ilayn timoba malahe”.

Somaliland waa inay isticmaashaa caqli, oo dhibkii ay ka cabanayeen in loo gaystay mid la mid ah aysan kudayin reer Sool iyagoo u dowladaynaya, ogaadaana in dadka reer Sool aysan ka raali ahayn gooni isutaag.

Puntandna waa inaysan uga dhaganaan Dhulbahantaa Puntland wax ka dhistay waana nala haybe, waa inay garowsadaan in Dhulbahante saluugay Maamulka Puntland, magac mooyee wax mashaariic horumarineed ee  lataabankarona aysan ka helin kuna haysan Puntland.

Waxaan mahad gaar ah u soo jeedinayaa Culimadda, aqoonyahanka iyo Cuqaasha Somaliland iyo Puntland ee arintaan ka hadlay kuna baaqay nabad, dadkana hoga-tusaaleeyay waxa labada umadood isku yihiin inay ka weyn tahay kana muhiimsan tahay waxa kala qaybiya.

W/Q: Farah Aw-Osman
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

 Agaasimaha Fulinta Dallada SAFE oo ka warbixiyey Imtixaanaadkii Sannadka 2017-2018 ee ay qaadeen

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa  la soo Gabagabeeyey Imitixaanaadkii Sannad Dugsiyeedka 2017-2018 ee Shahaadada Dugsiyada Dhexe ee Dallada Waxbarashada ee SAFE, waxaana Sannadkaan Imtixaanaadkii u Fariistey Ardeydii ugu Badneyd oo isugu jirta Wiilal iyo Gabadho sida uu noo sheegey Agaasimaha Fulinta ee Dallada SAFE  Keyse  Mayow Abuu Xuseen

“Tirada Guud  ee ardeyda Imtixaanka u Fariisatey waa 15,770 oo Kun, waxaa Wiilal ah 9,305 Kun, Gabdhaha waa 6.485 oo Kun Waana Fasalka Sideedaad , waxayna  Imtixaanadaan  ay ahaayeen kuwa lagu  qaadayey Muqdisho iyo Gobolada dalka”  sidaa Waxaa yiri Agaasimaha Fulinta ee Dallada Keyse  Mayow Abuu Xuseen oo sheegey in Dallada ay Hoos yimaadaan ilaa 297 Dugsi  wuxuu intaa Raaciyey

“Dhamaan Goobaha imtixaanada ka dhacayeen waxaan u Diyaariney Wixii Tashiilaad ahaa oo ay u baahnaayeen sida Macalimiin, Kormeerayaal iyo Dhaqaale, waxayna Imtixaanadaas ay Bilaabeen 26  waxayna ku ekaayeen 29 Bishaan May 2018 waxaa uu sheegey Agaasimaha in Muddo ku dhow 18 Sannoo oo Xiriir ay qadayeen Imtixaanada Dugsiyada Shahaadada Dugsiga Dhexe”

Agaasimaha Fulinta ee Dallada Mudane Keyse oo Warbixintaan nagu siinayey Xafiiska Dallada SAFE ee Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegey  in ardeyda Dhameysatey  Dugsiyada Dhexe ay u Diyaariyeen habkii ay u sii Wadan lahaayeen Waxbarashadooda ee Dugsiyada Sare

“Ardeyda Kaalimaha Koowaad, Labaad  iyo Sadexaad  galey  ee Dugsiyada Dhexe in ay Dallada gu talagashey in ay si lacag la’aan ugu dhigtaan Dugsiyada Sare ee Dallada Hoos yimaada sidoo kale waxaa sheegey in  Ardeydaas Dallada SAFE ugu talagashey in ay siiyaan Abaalmarino ku aadan Darajada sare ay keeneen ” sidaa waxaa sheegey Agaasimaha Fulinta ee Dallada Keyse  Mayow

Dalada SAFE  waxay ka mid tahay Daladaha Waxbarashada ee ka  jira Dalka waxayna Mudadii dheereyd  ee ay   jirtey  ay ku soo shaqeysey Xaalad adag sidoo kale Dallada SAFE waxaa wax ka barta in in ka badan Saddex Boqol  Kun oo ardey   kuwaa oo ku sugan Dhamaan Gobolada Soomaaliya iyo Magaalada Muqdisho.

 

Maxaa ka jira in Pakistan ay gacan ka gaysatay dilkii Sheekh Usama Bin Laden?

Hay’adda sirdoonka dalka Pakistan ayaa baaritaan ku furtay madixii hore ee hay’addan awoodda badan ninka lagu magacaabo Jeneraal Asad Durrani, kadib markii uu buug la qoray ninkii dhiggiisa ahaa ee dalka Hindiya.

Sheeko taxane ah oo dhexmartay labada nin ayaa waxaa buug ka qoray wariye u dhashay dalka Hindiya, waxaana ka mid ah moowduucyo aad xasaasi u ah.

Jeneraal Asad ayaa waxa uu buugga ku sheegay in sirdoonka Pakistan ay Maraykanka gacan ka siiyeen sidii loo dilli lahaa ama loo dhiibi lahaa hoggaamiyihii Alqaacidda Usama Bin Laden, kaas oo la sheegay in hawlgal ciidan lagu dilay.

Dowladda Pakistan ayaa carro ka muujisay hawlgalkaas, waxayna sheegtaa in aysan waxbo kala soconin dilkii Usama Bin Laden.

Jeneraalka hawlgabka ayaa hadda xitaa laga mamnuucay in uu dalkaas dibedda uga boxo, waxaana ku socda baaritaan.

Haddii buugga uu qori lahaa hoggaamiye rayid ah, waxa ay ahaan lahayd qiyaamo qaran. Tusaale dhawaan markii Ra’isulwasaarihii hore ee Pakistan Nawaz Sharif uu sheegay in militariga dalkaas ay gabbaad siiyaan kooxo xagjir ah, kuwaas oo ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday hotel Taj Mahal ee magaalada Mumbai ee dalka Hindiya sanadkii 2008-dii. Hadalkaas kadib ayaa waxaa Shariif looga yeeray xarunta guddiga amniga qaranka, halkaas oo su’aalo lagu weeydiiyay, welina lagu heysto hadaladaas.

Haatan Shariif waxa uu codsanayaa in sidii isaga looga falceliyay hadalkiisa oo kale la yeelo hadalka Jeneraal Asad.

Buugga la qoray ayaa lagu magacaabaa Spy Chronicles, waxayna wada qoreen madaxii hore ee sirdoonka Hindiya Jeneraal AS Dulat.

Prof. Samatar oo shaaciyey sir la xiriirta gudoomiyaha cusub ee maxkamada sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdillahi Farmaajo uu Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee dalka u magacaabay Baashe Yuusuf Axmed, ayaa waxaa magacaabidaasi ka hadlay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, oo ka hadlaayay aragtidiisa ku aadan magacaabida ayaa sheegay in magacaabidaasi ay tahay Jariimo laga galay Garsoorka Somalia.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, waxa uu tilmaamay in lagu tuntay Garsoorka Somalia, isla markaana aan magacaabida Guddoomiyaha cusub loo cuskan sharciyada loo maro magacaabida Guddoomiyaha cusub.

Wuxuu sheegay in magacaabida Guddoomiyaha Maxkamada ay aad uga duwan tahay magacaabid kale, sidaa aawgeed waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan taageersaneen hanaanka magacaabida loo maray.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, waxa uu dhaliilo badan oo dhinaca Garsoorka ah u jeediyay Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada Sare, waxa uuna cadeeyay in Guddoomiyaha magacaaban uusan waligii ka shaqeyn Maxkamad.

Waxa uu Prof. Cabdi Ismaaciil yiri ‘’Anigu garan mayo halka Baashe Yuusuf uu uga soo shaqeeyay Maxkamad ama uu ka keenay khibrada, wey ii dhiman tahay Garsoor ceynkiisu yahay kan maanta ka jira Somalia, waxaanu leeyahay ha lagu labto magacaabida Baashe’’

“Ma arag halka uu uga soo shaqeeyay howlo Maxkamadeed, xitaa waxaan ku sameeyay baaritaan iima soo muuqan khibrada uu arrimaha Garsoorka u leeyahay Baashe”

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay in lagu tuntay Garsoorka Somalia, isla markaana Garsoorka laga galay khaladweyn oo sii kordhin doona cabashooyinka iminka laga qabo cadaalada ka jirta Somalia.

“Nin aan waligii maxkamada kasoo shaqeyn kasoo booti oo dusha kaga tuur Maxkamada Qaran waaye arrintaan loomana fiirin dhinacyo latashi iyo mid aragtib”

Sidoo kale, Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ugu baaqay inuu dib u sameeyo la tashi si buu yiri loo saxo khaladaadka jira.

Haddalka Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo Garsoorayaasha Maxkamada ay aad usoo dhaweeyen Xil ka qaadista lagu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Maxkamada Ibraahim Iidle Suleymaan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Qorshaha madaxda mamul goboledyada ee Galmudug oo digniin laga bixiyey!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) oo horboodaya garab ka mid ah madaxda maamulka ee uu Khilaafka ka dhexeeyo ayaa sheegay in Khilaafka maamulka uusan waxba ka khuseyn maamul Goboleedyada kale.

Carabeey oo ku sugan magaalada Cadaado ayaa sheegay in xaaraan ay tahay in Hogaamiyayaasha maamulada ka jira dalk ay faragalin kusoo sameeyan Khilaafka Galmudug.

Waxa uu Carabeey, tilmaamay haddii ay dhacdo in Hogaamiyayaasha ay ka maarmi waayan faragalin inay noqdaan kuwo dhexdhexaad ah, haddii la waayo ay iminkaba muhiim tahay inay banaanka ka joogan khilaafka.

Waxa uu cadeeyay Carabeey in Hogaamiyayaasha qaar ay isku dayayaan inay la saftaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf, hase ahaatee Deegaanada maamulka ay ka mamnuuci doonaan Maamul Goboleedyada waa haddii ay Khilaafka kusoo sameeyan faragalin aan  dhexdhexaadnimo laheyn.

Carabeey ayaa yiri “Waxaan rabaa inaan u digo Madaxda dowlad goboleedyada oo maalmahan laga dhiganayay garab, Galmudug hal nin malahan, mana ahan inaad garab ka mid ah taageertaan’’

Waxa uu intaa ku daray ‘’Waxaan idinka codsaneynaa Madaxda dowlad goboleedyada inaad dhammaantiina taageertaan mowqifka Galmudug, hadii aad arrintan soo faragelineysaan si dhexdhexaadnimo ah ku soo gala.”

Waxa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan qof walba oo dhexdhexaadinaya xaalada Galmudug, wuxuuna dowladda federaalka iyo Beesha Caalamka ka dalbaday in ay arrintan soo farageliyaan, si daaqada looga saaro mad madowga jira.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga cabsi qabaa inuu sii xoogeysto Khilaafka oo weli taagan waxa ayna Madaxda maamulka u kala jabeen laba garab oo ay kala hogaaminayaan Xaaf iyo Carabeey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Camey oo shaaciyay war culus oo la xiriira dagaalka Somaliland iyo Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar “Camey”, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka dhiiga badan ku daatay ee ka socda deeganka Tukaraq ee gobolka Sool.

Camey ayaa sheegay in dagaalka uu yahay mid sii socon doona oo aan ka joogsan doonin deegaanka Tukaraq, sida uu hadalka u dhigay.

Camey, waxa uu sheegay in joogsiga dagaalka uu yahay mid ku xiran Somaliland oo ka baxdaa deegaanka Tukaraq waxaana hadalkiisa kamid ahaa ‘’Dagaalka ma joogsan doono inta Somaliland ay ku sugan tahay Tukaraq iyo nawaaxigeeda’’

Cameey, oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay “Laba dagaal ayaa dhacday, wey adag tahay in dagaalka uu joogsado, waxaan qabaa hadii caalamka uu isku yimaado xaqiiqada marna Puntland kama leexan doonto, xaqiiqadana waxa weeye inta Somaliland ay heysato taako ka mid ah dhulka Puntland dagaalka ma is taagi doono,”

Waxa uu sidoo kale Mr Cameey ugu baaqay saaxiibada Caalamka in ay yimaadaan gobolka Sool, si ay u qiimeeyaan xaalada, wuxuuna Somaliland ku eedeeyay inay xabsiyada dhigto dadka jilicsan oo ay ugu horeeyaan haweenka.

Haddalka Cameey ayaa u muuqanaaya mid sii fogeynaaya colaada ka taagan deegaanka Tukaraq, isagoo deegaankaasi ku sheegay mid lama taabtaan u ah Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Qoraal uu Raage Oomaar ku qoray bogiisa Twitter-ka oo qalqal amni abuuray

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska Maalinlaha ee Mail, kana soo baxa magaalladda London ayaa qoray in Saxafigaasi uu isku qalday Daryan weyn oo maalmo ka hor laga maqlay Deegaanka Westberkshire ee England ee dalka Britain.

Wargeysku waxa uu muujiyey inuu Saxafiga Raage Oomaar uu bartiisa Twitter-ka ku shaaciyey in Qarax weyn laga maqlay Deegaanka Westberkshire, inkastoo uu markii dambe qoray in Dayanka la maqlay uu ahaa dhawaaqa  Biriq soo dhacday.

Arrintan ayaa soo baxday, kadib, markii uu Saxafigaasi Heerka Calaami Fiidnimadii Sabtida ee la soo dhaafay oo ay taariikhdu ahayd 26-kii May  soo dhigay bartiisa Twitter-ka War ku adaan inuu Qarax weyn ka dhacay Deegaanka westberkshire  oo u dhow magaalladda Taariikhiga ee Newbury oo ka tirsan Gobalka Berkshire ee England.

Saxafiga oo Tifaftiraha Arrimaha Caalamka ka ah Telefishinka ITV ee dalka UK waxa uu Macaamiishiisa Twitter-ka oo dhan 86,000 oo qof ka raalli-geliyey Warkii uu ku sheegay inuu qarax weyn ka dhacay Deegaanka westberkshire  oo u dhow magaalladda Newbury.

Saxafiga waxa uu 5 daqiiqo kadib warkaasi waxa uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka inay Xaaskiisa u sheegtay isaga inuu qaraxaasi ahaa Gugaca Biriqda.

Waxa kale oo uu qoray inuusan ku baraarugsanayn Duufaanta ilaa uu xumbo weyn ka arko bannaanka daaqada iyo inuu sekeno kadib uu maqlay qarax.

Raage Oomaar oo 50-jir ah waxa uu u soo shaqeeyey Idaacadda BBC World , wuxuuna aad ugu soo caan baxay wararka uu ka soo diri jirey goobaha Dagaalka ee dalka Ciraaq iyo isagoo Wareysi la yeeshay Madaxweynihii dalkaasi, Saddaam Xuseen.

Waxa kale oo uu ka soo shaqeeyey Telefishinka Al-jazeera English oo uu ka tebin jirey Barnaamijka Taxanaha ee Witness.

Haatan waxa uu Tifaftiraha Caalamka ka yahay Telefishinka ITV, isagoo War-akhriye ka ah

ITV Lunchtime News. The ITV News London Lunchtime Bulletin  iyo The ITV Evening News

Raage Oomaar oo ah Saxafi iyo Qoraa waa Xaasle 3 carruur leh, wuxuuna deggan yahay Galbeedka London.

Xigasho: http://www.dailymail.co.uk
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dagaalka daahsoon ee daljoog iyo dibedjoog

Dabayaaqadii Sideetamaadkii Dalka waxaa ka bilowday ururro Siyaasadeed qabiileysan oo dhammaantood kawada shanqaraysay magaca (S) (ururka….Soomaaliyeed..) doodooduna ku salaysneyd in dalku isbedel u baahanyahay iyaguna yihiin cidda mudan,waloow dhammaantood aysan ka marneyn gacmo shisheeye.Ujeedooyin kastaa halahaadeen ururadaase xeeldheerayaashu waxay ku sababeeyaan samaysankoodii:

1-Waddanka oo lahaa hal xisbi(One Party rule)

2-Bur-burkii Hanti wadaag  iyo sare u kicii hanti goosad

3-Dowladdii dhexe oo sii wiiqantay xag siyaasadeed iyo xag dhaqaaleba

Qodobadaas dhan markay is biirsadeen waxay sababtay in ay dowladdii dhexe kabaxdo meesha,dalkana la wareegaan jabhadihii hubaysnaa ee kala hadafka ahaa taasna ugu danbeyntii dhaxalsiisay ummadda soomaaliyeed dowlad la,aan,27 sano ah.

Intaas kadib dadkii soomaaliyeed waxay u qeybsameen labo qeybdood:

B-In dibadahaas u firxatay

T-In dalka ku hartay dan kastaaba ha reebtee

1-Dibad jog:

Haddaba sanadihii u danbeeyay waxaa dalka kusoo badanaya soolaabashada dadkeenii dibadda aaday,ayagoona layimid fikrado,aqoon,iyo maalgashi oo runtii wax badan kabadashay dalka guud ahaan shaqooyin badanna u abuuray dhalinyarada soomaaliyeed.

Waxaa Intaas u weheliyay waxay si toos ah ula wareegeen xukunkii dalka heer dowlad dhexe ilaa dowladihii hoose,maamul goboleedyada iyo gobolka banaadir.

Tusaalle gaaban haddan soo qaato magaalada xamar caasimadda dalka ah laga soo bilaabo madaxweyne ilaa guddoomiye degmo waa dibad jog haddan si kale u dhigo halbeeggii shaqaaleysiinta iyo magacaabidda dowladdu wuxuu si toos ah u noqday waddankee ka timid? Baasaboorkee wadataa? iyo Waxaan isla ahayn reer (UK,USA,CANADA…IWM.).

Halbeegyadaas waxaa dheer qeybo kamid ah dadkaas loo dhiibay masuuliyadahaas kala duwan umalahan aqoon iyo waayo aragnimo ay ku hantaan shaqooyinkaas,Intaas waxaa sii dheer qeybo kamid ah tixgelin gaar ah uma hayaan mana siiyaan ummadda dhaqankeeda,qiyamkeeda iyo akhlaaqdeeda ee waxay iska doon doonaan badanaana ku saleeyaan go,aamadooda “meeshan ka imid sidaas baa la yeeli jiray” hadduu rabo go,aankaas ha ahaado mid Diin ah e.

2-Daljoog:

Qeybta labaad waa daljoog in badan waxay usoo samreen dhibaatooyinkii dalka soomaray,waxay wax kusoo barteen,kusoo ganacsadeen,kuna soo dhaqmeen duruufahaas  ad-adag e qof kastaa oo soomaali ah ka dheragsanyahay.

Intaas waxaa soo qalin jabinaayay ardo heerarka kala duwan ee waxbarasho ha ahaato dugsiyo dhexe,sare iyo jaamacado gudaha ah.Qeyba kallena waxay waxbarasho sare u aadeen wadamo ku kala yaala qaaradaha  Africa iyo Asia:

Africa: 1 – Kenya, 2 – Uganda, 3 – Itoobiya, 4 – Sudan…..Iwm.

Asia: – Pakistan, 2 – Hindiya , 3 – Bangladesh, 4 – Malaysia, 5 – Thailand, 6 – Yemen, 7 -Turkey…iwm.

Wadamadaas kala duwan ardayda dal joogta ah waxay kusoo kala diyaarsheen culuumta kala duwan iyo heerar kooda kala duwan laga soo bilaabo shahaadada 1aad ee  Bachelor ta ilaa PhD.

Xisbiga talada dalka haya ee Dibadjog tixgalin masiinin ardaydaas ee sidaan kor kusoo sheegayba wuxuu doorbidaa Baasaboor,iyo waddankaas baa isla joognay.

Haddaba ujeedka qoraalkayga wuxuu kusaleysanyahay waxaa aad usoo badanaya sanadahaan shaqo la,aanta dhalinyarada dalka joogtay,ayagoo aqoon iyo waayo aragnimoba u leh howlahaas,waliba waxay la dheeryihiin waayo aragnimada dalka ayagoo si hoose u og dareemayana  waaqiciga dhabta ah ee ummadda.

Madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaare Kheyre khudbooyinkoodu musharaxnimada iyo balanqaadyadoodii biloowgii markii xaafiisyada qabanayeen in badan oo kamid ah ardayda wadamadaas aan soo sheegay wax kusoo bartay dib ayay dalka oogu soo laabteen,waxayna badaleen niyaddoodii ahayd dibad sii aad iyo tahriib,waxayna meel iska dhigeen quustii  ay ka qabeen dalkooda,mana jirto ilaa hadda isbedel weyn ay helaan shaqaaleysiinta dowladda.

Talo soojeedin:

1-Madaxweyne Farmaajo

2-Raysalwsaare Kheyre

3-Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha

4-Gobolka banaadir iyo Maamul goboleedyada.

Waxaan ku talin lahaa sidan:

B-In dib u eegis lagu sameeyo qaabka shaqaaleysiinta shaqaalaha dowladda

T-In halbeegyadaas sharciga silloon noqday la laalo si daah furnaan ahna loogu tartamo shaqooyinka dowladda.

J-In guddiga shaqaalaha rayidka ah la tayeeyo

X-In lasameeyo guddi ladagaalanka musuq maasuqa si looga hor tago nin dooran doorta.

Kh-In laxaqiijiyo xuquuqda qofka muwaadinka ah uu u leeyahay qabasho jago ama shaqo si sinnaan ah oo aan lookala saarin dibad joog iyo waa daljoog toona.

D-In il gaar ah lagu hayyo shaqooyinka ay qaban karaan muwaadiniinta soomaaliyeed  ay hayyaan ajaanibta joogta dalka Sida(Xalane,xarumaha UN ka Safaaradaha,Amisom  iyo Hotelladda).

R-In dowladda dhexe ay latimaado siyaasad cad oo ku wajahan shaqaaleysiinta muwaaadinka soomaaliyeed,diidona dowlahada lacagaha baxsha shuruudna ooga dhiga in lagu shaqaaleysiiyo oo kaliya dadka dalkooda kasoo laabta.

Haddaysan intaas suurtoobin waxaa dhici doonta:

1-In qofkastaa oo dhalinyaro ah dadaal u galo tahriibna ha ahaate soo hellidda baasaboor ajaanib ah waddankana sidaas lagu cidleeyo.

2-Inuu dhaco dagaal hor leh oo kusalaysan kooxeysi (dibadjog Vs.Daljoog).

F.G: Qoraalkaan waxaa igu dhaliyay kadib Daraasad dheer aan sameeyay ayaan ogaaday dhammaan culays yadaas aan kor kusoo sheegay,go,aan sadayna inaan idiinla wadaago kuna daabaco baraha bulshada, si uu u gaaro codka dhalinyarada soomaaliyeed ee shaqadoonka ah masuuliyiinta dowladda iyo cidda ay quseysoba.…Wabillahi Towfiiq…

W/D:Faarax Cabdi Cismaan (BBA,MBA Holder)
1-Cilmi baare dhanka Arrimaha bulshada,iyo Ganacsiga
2-Bare Jaamacadeed.
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya.

Mid ka mid ah dowladaha Africa oo loogu deeqay 10 dameer oo aad u fool xun

Bujumbura (Caasimada Online) – Dowlada Faransiiska ayaa shaacisay in 10 dameer nooca la dhaqdo ay ugu deeqday Dowlada Burundi oo ay wadaagan xiriir saaxiibtinimo iyo mid Siyaasadeed.

Faransiiska, ayaa dameeradan ugu tallo gashay in loogu deeqo  dadka saboolka ah ee ku dhaqan Tuullo ku taalla Bartamaha dalkaasi.

Dowlada Faransa ayaa dameerahaasi kasoo iibisay dalka Tanzania, waxa uuna ujeedku yahay in dadka degan Gobalka Gitega, ay u adeegsadaan ku rarashada wax soo saarka Beeraha, Biyaha iyo qoryaha wax lagu karsado.

Faransa oo u muuqat mid si jees-jees ah dameeraha ugu deeqday Dowlada Burundi, ayaa sheegtay in deeqdan ay  qeyb ka tahay Mashruuc ay Hay’ad NGO oo Deegaanka ah ku taageerayso Haweenka iyo carruurta.

Wasaarada  Beeraha ee dalka Burundi oo aad uga carootay talaabadaasi ayaa amartay in meel gaar ah lagu karantiilo10-ka dameer oo ay Faransiiska ugu soo deeqeen Tuullo ku taalla Bartamaha dalkaasi.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska mid kamid ah la-taliyayaasha Madaxtooyada dalkaasi ayaa waxa lagu sheegay in Mashruucaasi iyo Deeqda Dameeraha ay tahay mid loogu gafaayo Dowlada Burundi.

Waxa uu qoraalka ku sheegay in deeqda ceynkaasi ah ay tahay Aflagaado lid ku ah Qaranka Burundi, sidaa aawgeed aysan qaadan doonin deeqda dameeraha.

Waxaa sidoo kale, qoraalka lagu cadeeyay in xitaa Dameeraha ay yihiin kuwo aad u madoow, isla markaana lasoo xulay nooca ugu foosha xun.

Gabby Bugaga oo ah Afhayenka Aqalka Senedka ee dalka Burundi, ayaa sidoo kale bartiisa Twitter-ka ku qoray inay Faransiiska qaadan doonaan Dameeraha, isla markaana Burundi ay ka maaranto deeq ceynkaasi ah.

Dhinaca kale, Dowlada Burundi ayaa dhaqankaani xun ku sheegtay mid ka dhalatay hoos u dhac ku yimid xiriirka labada dal, kadib markii ay Siyaasada ku kala fogaaden wixii ka danbeysay dhaliisha ay Faransa ka muujisay aftidii isbedelka Dastuurka ee bishan ka dhacday dalka Burundi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Wasiirka amniga iyo taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)– Wasiirka amniga gudaha iyo taliyeyaasha ciidamada asluubta, booliska iyo laamaha kale ee amniga ayaa kormeer ku tegay baraha kontorool ee laga soo gala magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo isku dhaf ah.

Wasiirka amniga, Maxamed Abuukar Islow iyo taliyayaasha ayaa ciidanka ammaanka waxa ay gaarsiiyeen Afur iyo dharka qabowga laga xirto,maadaama ay ku sugan yihiin daafaha Magaaalda, isla markaana qaboow farabadan uu jiro.

Taliyaaysha iyo Wasiirka Amniga ayaa Ciidamada waxa ay ku boggaadiyeen sida hagar la’aanta ah ay u gudanayaan waajibaadka shaqo ee Qaranka uu u idmaday.

Kormeerkaan ay Wasiirka Amniga iyo taliyayaasha Ciidamada ku tageen baraha Koontorool ee laga soo galo Muqdisho ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir ay dilal qorsheysan ka dhaceen.

Maxaa ka jira in Maxamed Bin Salman lagu dhuftay laba xabbad oo uu dhintay?

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa shalay mar kale u dhaqaaqday inay beeniso wararka sheegaya in dhaxal-sugaha dalkaas Maxamed Bin Salaman la dilay, xilli muddo ka badan bil aan lagu arag goobaha dadweynaha iyo warbaahinta.

Wargeyska Arab News ayaa shalay daabacay sawirka cayaartoyda xulka Sacuudiga ee koobka adduunka, oo uu kasoo dhex muuqday Bin Salman, inkasta oo aan la xaqiijin karin xilliga sawirkaas la qaaday, balse la sheegay inuu isla shalay ahaa. Tallaabadan ayaa loo arkay mid lagu leeyahay “Dhaxal-sugaha ma dhiman”

Markii ugu dambeysay ee la arko Maxamed Bin Salman ayaa ahayd 12-kii April, markaasi oo uu la kulmay qosyka boqortooyada dalka Spain.

21-kii April ayaa rasaas culus laga maqlay aqalka boqortooyada dalka Sacuudiga ee magaalada Riyadh. Inkasta oo Sacuudiga sheegeen in lasoo riday diyaarad Drone oo dul mareysay aqalka.

Si kastaba warbaahinta qaarkeed iyo dadka Sacuudiga ayaa is-weydiiyey haddii rasaastu ahayd isku day afgambi oo la doonayo in xukunka looga tuuro boqor Salman, oo ay fuliyeen qaar ka mid isla boqortooyada Sacuudiga.

Toddobaadkii tagey, wargeyska Iran ee Kayhan ayaa ku warramay in Maxamed Bin Salman ay ku dhaceen laba xabbad intii uu weerarka socday, lagana yaabo inuu dhintay. Waxay soo xigteen sirdoonka dal kale oo Carbeed, oo arrintan loo sheegay, sida ay yiraahdeen.

Shakigan ayaa taagnaan doonta, inta Maxamed Bin Salman si rasmi ah looga arki doono goobaha dadweynaha, ama uu kasoo muuqdo muuqaal taleefishin.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected]

Sawirro: Halkuu marayaa dhismaha ku socda xarunta baarlamanka Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli socda dhismaha xarunta Golaha Shacabka ee baarlamaanka Somalia, kadib markii guud ahaan lagu bilaabay dayactir.

Dhismaha oo weli socda ayaa waxaa la sheegayaa inuu maraayo heer bilow, iyadoo dayactirka kadib la filaayo in Xafiisyada lagu sameeyo dib u qalabeen.

Dayactirka ayaa waxaa ka qeybqaadanaaya shaqaale badan kuwaa oo sameynaaya dhaawacyada ku yaalla dhismaha oo aan dib u hagaajin helin.

Dhaqaale xoogan ayaa ku baxaaya dhismaha lagu cusbooneysiinaaya Xarunta baarlamaanka Somalia, waxaana xusid mudan in dhaqaalaha ku baxay ay dib usoo celin doonto sumcada BFS ee hadda jira.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta kormeer ku tegay goobaha uu ka socdo dhismaha, waxaana wehlinaayay Xildhibaano dhowr ah.

Waxaa kamid ahaa mas’uuliyiinta wehlineysay guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibraahim Muudeey iyo xildhibaano kale.

Dib u dayactirka Xarunta ayaa bilowday laba cisho kadib markii la doortay guddoomiyaha Baarlamaanka, waxa ayna Xildhibaano badan sheegeen in guddoomiyayaashii soo maray Baarlamaanka aysan ku guuleysan in ay dhisaan.

Xaakimiinta maxkamadda sare oo go’aan ka gaaray xil ka-qaadistii Suleymaan

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shir ay maanta yeesheen Garsooreyaasha Maxkamadda Sare ee dalka ayay soo dhaweeyeen magacaabista Guddoomiyaha cusub iyo xil ka qaadista Guddoomiyihii hore.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa dhammaan lixda Garsoore ee Maxkamadda Sare oo kala;

1. Maxamed Maxamuud Maxamed, Guddoomiye K/Xigeenka 1aad ee Maxkamadda sare.

2. Maxamuud Axmed Faarax, Lataliyaha Maxkamadda Sare.

3. Axmed Maxamed Sheekh Ibraahim “Baardheere”, La taliyaha Maxkamadda Sare.

4. Dr. Cabdinaasir Seeraar Axmed, La taliyaha Maxkamadda Sare.

5. Dr. Cumar Aadan Maxamed, La Taliyaha Maxkamadda Sare.

6. Sheekh Abuukar Cismaan M. Daahir, La Taliyaha Maxakamadda Sare.

Garsoore Axmed Maxamed Sheekh Ibraahim oo ku hadlayay afka garsooreyaasha Maxkamadda sare ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan tallaabada Madaxweynaha oo timid xilli loo baahnaa in isbadal dhab ah lagu sameeyo garsoorka.

Garsooraha ayaa intaas ku daray in lasoo dadajiyo dhismaha xubanaha ka dhiman Golaha Adeegga Garsoorka oo wax wayn ka badali doonaa nidaamka garsoorka dalka.

Dr. Cabdinaasir Seeraar oo kulanka keddib hadlay ayaa sheegay in maadaama Garyaan Ibraahim Iidle uu hore u magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh, haatanna aysan jirin Gole adeeg, waxaa lagama maarmaan ah in hannaankii lagu magacaabay mid lamid ah lagu baddali karo.

Gaari ay shaqaalaha DF la socdeen oo la weeraray iyo xubin ka tirsan shaqaalaha BF Soomaaliya oo la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in caawa xiliga Maqribka halkaa lagu weeraray gaari ay la socdeen dhalinyaro ka tirsan shaqaalaha Dowlada.

Dhalinyaradaan oo ka koobneyd ilaa Afar oo midi ay aheyd Haweeneey ayaa waxaa lagu weeraray Waaxda Horseed ee degmada Waaberi, waxaana weerarka ku dhintay Cumar Dalxa Maxamuud oo ka mid ah shaqaalaha Golaha Shacabka, gaar ahaan qeybta Qasnajiga.

Weerarka oo ahaa mid ay fuliyeen dhalinyaro ku hubeysnaa bastoolado ayaa waxa ay goobjoogayaashu sheegayaan in looga soo baxay laba jiho isla markaana lagu huwiyay rasaasta.

Waxaa sidoo kale weerarka ku dhaawacmay qof kale oo magaciisa lagu sheegay Cali C/laahi Cabdi oo ilaa hadda aanan sida uu xaalkiisu yahay.

Weerarka ayaa waxaa ka badbaaday Haweeneyda iyo Darawalka gaariga oo aanay khasaare gaarsiin rasaasta.

Weerarkaan ayaa waxaan weli ka hadal Maamulka Degmada iyo Masuuliyiinta golaha shacabka maadaama ruuxa geeriyooday uu ka tirsana shaqaalaha Golaha shacabka.

Dhanka kale wararka aan ka heleyno degmada Shibis gaar ahaan isgoyska Maana-booliyo waxa ay sheegayaan in casir liiqii maanta halkaasi lagu dilay mid ka mid ah Ciidanka ilaalada wadooyinka, kaasi oo ay dileen dabley hubeysan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Wasiirka waxbarashada oo lagu haysto inuu iibsaday iskuul dowladdu leedahay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Dr C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa lagu eedeeyay inuu Iibsaday/Gatay Iskuul Dugsi Hoose iyo dhexe ka kooban oo ay Leedahay Dowladda Soomaaliya, kaas oo ku yaalo degmada Waabari ee gobalka Banaadir.

Guddiga  Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbixin ay u gudbiyeen Golaha Shacabka waxay ku sheegeen in Wasiirka nin ay Saaxiibo yihiin oo ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada oo lagu magacaabo C/naasir Maxamed uu ka Iibiyay Iskuulka 20 December ee degmada Waabri sida ay hadalka u dhigeen.

Gudiga Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka ayaa sidoo kale soo Bandhigay Warqad Cabasho ah oo ay la soo wadaageen Waaldiinta, Maamulka iyo Macalimiinta Iskuulka la sheegay in la Iibsaday.

Wasiirka ayaa ka badbaaday qorshe ay wateen Guddiga Adeegga Bulshada ee Baarlamaanka oo ku saabsanaa in Golaha Baarlamaanka hortiisa lagu weydiiyo su’aalo ku saabsan eedeyn lagu soo oogay.

Kulankii Baarlamaanka ee 11aad ee kalfadhiga saddexaad ayaa ugu horeyn Guddiga Addeegga Bulshada uu qeybiyey qoraalka ajendaha iyo eedaha loogu yeeray Wasiirka Waxbarashada oo ay ka mid ahayd inuu dhibaatooyin ku hayo dugsiyada Waxbarashada dowladda iyo deeqo waxbarasho oo loo heystay Wasaaradiisa.

Xildhibaanno badan ayaa ka hor yimid u yeerista iyo su’aalo weydiinta Wasiirka Waxbarashada oo fadhiga Baarlamaanka ku sugnaa, waxaana markii danbe cod loo qaaday in Gole joojinta Wasiirka, iyadoo 116 xildhibaan ay diideen in Wasiirka su’aalo la weydiiyo, halka 21 xildhibaan ay ogolaaday ajendaha, waxaana ka aamusay 3 xildhibaan.

Wasiirka markaas kadib la fasaxay, waxaana Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh uu ku dhawaaqay in Baarlamaanka uu gelayo fasax KMG ah, iyadoo aan waqti loo qaban xilliga uu dib isugu soo laaban doono.

Casir iyo Carabey oo loo diiday inay madaxtooyada Cadaado galaan iyo xiisad halkaas ka taagan

Cadaado (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabeey ayaa maanta isku dayay in aay galaan xaruntii uu fadhiyay maamulka Galmudug ee Cadaado, hase ahaatee waa loo diiday in ay galaan.

Wararka laga helayo Magaalada Cadaado ayaa sheegayo inay madaxtooyada Cadaado u diideen madaxdaan garab taageersan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf.

Cali Gacal Casir iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabeey oo maalin ka hor Cadaado tagay ayaa dagan guri caadi ah, waxaana laga hor istaagay inay ku shaqeeyaan Madaxtooyada.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa arrintaas, waxaana Xarunta Madaxtooyada Cadaado ka socdo dhaq dhaqaaq ay wadaan ciidamada halkaas ka taliyo oo la sheegayo inay hoos tagaan Madaxweynaha Galmudug Xaaf.

Khilaafka Galmudug ayaa mar kale soo cusboonaaday kadib markii Ahlu Sunna Baarlamaanka Galmudug loogu daray ilaa 89 Xildhibaan.

Qaar ka tirsan madaxda Galmudug ayaa ka hor imaaday qaabka Xildhibaanada loogu qeybiyey beelaha daga Deegaanada Maamulkaas, waxaana arrintaas ka dhalatay khilaaf weyn oo saameyn ku yeeshay.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]