28.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Gaari ay shaqaalaha DF la socdeen oo la weeraray iyo xubin ka tirsan shaqaalaha BF Soomaaliya oo la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in caawa xiliga Maqribka halkaa lagu weeraray gaari ay la socdeen dhalinyaro ka tirsan shaqaalaha Dowlada.

Dhalinyaradaan oo ka koobneyd ilaa Afar oo midi ay aheyd Haweeneey ayaa waxaa lagu weeraray Waaxda Horseed ee degmada Waaberi, waxaana weerarka ku dhintay Cumar Dalxa Maxamuud oo ka mid ah shaqaalaha Golaha Shacabka, gaar ahaan qeybta Qasnajiga.

Weerarka oo ahaa mid ay fuliyeen dhalinyaro ku hubeysnaa bastoolado ayaa waxa ay goobjoogayaashu sheegayaan in looga soo baxay laba jiho isla markaana lagu huwiyay rasaasta.

Waxaa sidoo kale weerarka ku dhaawacmay qof kale oo magaciisa lagu sheegay Cali C/laahi Cabdi oo ilaa hadda aanan sida uu xaalkiisu yahay.

Weerarka ayaa waxaa ka badbaaday Haweeneyda iyo Darawalka gaariga oo aanay khasaare gaarsiin rasaasta.

Weerarkaan ayaa waxaan weli ka hadal Maamulka Degmada iyo Masuuliyiinta golaha shacabka maadaama ruuxa geeriyooday uu ka tirsana shaqaalaha Golaha shacabka.

Dhanka kale wararka aan ka heleyno degmada Shibis gaar ahaan isgoyska Maana-booliyo waxa ay sheegayaan in casir liiqii maanta halkaasi lagu dilay mid ka mid ah Ciidanka ilaalada wadooyinka, kaasi oo ay dileen dabley hubeysan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Wasiirka waxbarashada oo lagu haysto inuu iibsaday iskuul dowladdu leedahay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Dr C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa lagu eedeeyay inuu Iibsaday/Gatay Iskuul Dugsi Hoose iyo dhexe ka kooban oo ay Leedahay Dowladda Soomaaliya, kaas oo ku yaalo degmada Waabari ee gobalka Banaadir.

Guddiga  Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbixin ay u gudbiyeen Golaha Shacabka waxay ku sheegeen in Wasiirka nin ay Saaxiibo yihiin oo ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada oo lagu magacaabo C/naasir Maxamed uu ka Iibiyay Iskuulka 20 December ee degmada Waabri sida ay hadalka u dhigeen.

Gudiga Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka ayaa sidoo kale soo Bandhigay Warqad Cabasho ah oo ay la soo wadaageen Waaldiinta, Maamulka iyo Macalimiinta Iskuulka la sheegay in la Iibsaday.

Wasiirka ayaa ka badbaaday qorshe ay wateen Guddiga Adeegga Bulshada ee Baarlamaanka oo ku saabsanaa in Golaha Baarlamaanka hortiisa lagu weydiiyo su’aalo ku saabsan eedeyn lagu soo oogay.

Kulankii Baarlamaanka ee 11aad ee kalfadhiga saddexaad ayaa ugu horeyn Guddiga Addeegga Bulshada uu qeybiyey qoraalka ajendaha iyo eedaha loogu yeeray Wasiirka Waxbarashada oo ay ka mid ahayd inuu dhibaatooyin ku hayo dugsiyada Waxbarashada dowladda iyo deeqo waxbarasho oo loo heystay Wasaaradiisa.

Xildhibaanno badan ayaa ka hor yimid u yeerista iyo su’aalo weydiinta Wasiirka Waxbarashada oo fadhiga Baarlamaanka ku sugnaa, waxaana markii danbe cod loo qaaday in Gole joojinta Wasiirka, iyadoo 116 xildhibaan ay diideen in Wasiirka su’aalo la weydiiyo, halka 21 xildhibaan ay ogolaaday ajendaha, waxaana ka aamusay 3 xildhibaan.

Wasiirka markaas kadib la fasaxay, waxaana Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh uu ku dhawaaqay in Baarlamaanka uu gelayo fasax KMG ah, iyadoo aan waqti loo qaban xilliga uu dib isugu soo laaban doono.

Casir iyo Carabey oo loo diiday inay madaxtooyada Cadaado galaan iyo xiisad halkaas ka taagan

Cadaado (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabeey ayaa maanta isku dayay in aay galaan xaruntii uu fadhiyay maamulka Galmudug ee Cadaado, hase ahaatee waa loo diiday in ay galaan.

Wararka laga helayo Magaalada Cadaado ayaa sheegayo inay madaxtooyada Cadaado u diideen madaxdaan garab taageersan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf.

Cali Gacal Casir iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabeey oo maalin ka hor Cadaado tagay ayaa dagan guri caadi ah, waxaana laga hor istaagay inay ku shaqeeyaan Madaxtooyada.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa arrintaas, waxaana Xarunta Madaxtooyada Cadaado ka socdo dhaq dhaqaaq ay wadaan ciidamada halkaas ka taliyo oo la sheegayo inay hoos tagaan Madaxweynaha Galmudug Xaaf.

Khilaafka Galmudug ayaa mar kale soo cusboonaaday kadib markii Ahlu Sunna Baarlamaanka Galmudug loogu daray ilaa 89 Xildhibaan.

Qaar ka tirsan madaxda Galmudug ayaa ka hor imaaday qaabka Xildhibaanada loogu qeybiyey beelaha daga Deegaanada Maamulkaas, waxaana arrintaas ka dhalatay khilaaf weyn oo saameyn ku yeeshay.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaanada laba aqal ee Galmudug kasoo jeedo oo go’aan culus shaaciyey

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaannada Golaha shacabka iyo aqalka sare ee laga soo doortay Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay war-saxaafadeed ka soo saareen khilaafka u dhaxeeya Madaxda Galmudug.

Xildhibaannada ayaa waxaa ay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay kulamo ku lahaayeen Magaalada Muqdisho,waxaana ay maanta soo saareen mowqif ay ku mideysanyihiin,waxaana uu u qornaa sidan:

JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

XILDHIBAANADA LABADA AQAL EE LAGA SOO DOORTO GALMUDUG 

MUQDISHO, 28 MAY 2018

Ujeeddo: Caddayn mawqifka Aqlabiyadda xildhibaanada & senetorada qaranka ee laga soo doorto a Dawlad goboleedka Galmudug ee ku aadan xaaladda khilaafka Galmudug.

Senetorada & Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka ah ee laga soo doorto deegaan doorashada DG GALMUDUG, kulamo taxane ah oo ay ka yeesheen xaaladda Galmudug ay ku sugan tahay, gaar ahaan kala qeybsanaanta madaxda sare ee maamulkaas & cabashooyinka ka soo baxayey bilihii la soo gudbey beelo ka mid ah reer Galmudug kuwaasoo ka dhashay qaabka loo hirgaliyey heshiiskii Jabuuti ay ku soo galeen Dawlad goboleedka Galmudug iyo maamulka ASWJ.

Xildhibaanada qaran ee labada aqal, waxey sameeyeen dhanka kale kulamo ay la qaateen; dhinacyadii iska soo horjeeday sida; madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Ducaale Xaaf, Madaxweyne ku xigeenka M.ne Maxamed Xaashi, iyo Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug M.ne Cali Gacal Casir, qaar ka mid ah beelaha cabashada qabey si xog dheeri ah iyo faham ku filan looga helo xajmiga khilaafka jira iyo qodobada keenay kala qeybsanka madaxda maamulka iyo tabashada beelaha, ayadoo ay noo soo baxdey in khilaafku uu salka ku hayo  :

  1. Qaabka loo hirgaliyey heshiiskii jabuuti in uusan ahayn mid waafaqsan qodobadii heshiiskaas ku xusnaa gaar ahaan qaabka la isugu daray labada barlamaan oo aan isku dheelitirnayn & inaan la tixgalin awood qeybsigii beelaha reer Galmudug ku heshiiyeen.
  2. Dastuur cusub oo lagu bedelay dastuurkii Galmudug lahayd, kaasoo si gaar ah looga tixgaliyey dhinac ka mid ah dhinacyadii heshiiska galay, laguna qoray qodobo ka hor-imaanaya dastuurka qaranka isla markaana noqday mid aan ka turjumayn maslaxadda beelihii Galmudug wada dhistay ama abuuraya xasilooni darro iyo muran aan dhammaad lahayn mustaqbalka fog.

Sidaas awgeed, Aqlabiyadda Xildhibaanada qaran ee labada aqal ee barlamaanka Federaalka shirar ay isugu yimaadeen 24 & 27 May 2018, markii ay si qoto dheer u eegeen cawaaqib xumada ka dhalan karta xaaladda Galmudug ka taagan haddii aan xal degdeg ah loo helin & in qodobada khilaafaadku salka ku hayo ay yihiin kuwo si weyn uga horjeeda heshiiskii Dawlad goboleedka Galmudug lagu dhisay ee ay dhigteen beelaha Galmudug wada dega oo ku heshiiyey laba qodob oo waaweyn oo kala ah; wadaagga maamul nidaamka awood qeybsigiisa cad yahay iyo dastuur ay ansixiyeen ergo beelahaas kala matalaysay oo sideed boqol ka badan oo markii danbana dhalay maamul danaha dadkaas & deegamadaas inuu ka shaqeeyo loo igmaday.

Go’aan iyo Mawqifka Xildhibaanada labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka.

Xildhibaanada qaran ee labada aqal ee barlamaanka Federaalka ah;

  1. Waxey soo dhoweynayaan heshiiskii Jabuuti ee dhexmaray DG Galmudug iyo ASWJ, waxeyna ku baaqayaan in heshiiskaas loo dhaqangaliyo qodobadiisa sidii loogu soo heshiiyey.
  2. Waxay caddaynayaan in mudada xil-haynta hey’adaha sharci-dejinta iyo fulintu ay ku kala eg tahay sida uu qabo dastuurka Galmudug bilaha Juun 2019 & July, 4 2019 sida ay u kala horeeyaan.
  3. Waxey hoosta ka xariiqayaan in ay tahay lama taabtaan ilaalinta nidaamka awood qeybsiga beelaha Galmudug wada dega oo ay saldhig u yihiin guurtida beeluhu inta laga gaarayo doorasho qof iyo cod ah.
  4. Waxay adkeynayaan in dastuurka Galmudug uu noqdo mid lagu saleeyo maslaxadda reer Galmudug, dadka diyaarinaya ama dib u eegista ku samaynaya ay noqdaan kuwo ka wada turjumaya reer Galmudug oo isugu jira aqoonayahan iyo sharci-yaqaannada Galmudug, lagana saxo dhammaan qodobada kiciyey dareenka reer Galmudug ee danaha gaarka ah laga leeyahay.
  5. Waxaan soo dhoweynaynaa kuna talinaynaa in loo dhaga-nuglaado dadaalka dawladda federaalka ah ay waddo gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dibuheshiisiinta iyo Federaalka ee xalka loogu raadinayo khilaafka madaxda maamulka iyo cabashada beelaha Galmudug ka soo yeeraysa.
  6. Waxaan madaxda DG Galmudug ugu baaqaynaa ilaalinta heshiiskii Galmudug lagu dhisay oo ay saldhigga u yihiin nidaamka awood qeybsiga iyo dastuurka ka wada dhexayn kara reer Galmudug, illaa inta laga saxayo arrimaha la isku qabtayna aan tallaabooyin kale oo wax kicin kara lagu dhaqaaqin.

Wabillaahi Tawfiiq

Xildhibaanada Baaqaan soo saaray waxey kala yihiin:

Senatarada Aqalka Sare:

  1. Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari)
  2. Mudane Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer)
  3. Mudane Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid)
  4. MudaneC/waaxid Cilmi Goonjeed
  5. Mudane Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey)
  6. Mudane Abuukar Axmed Xaashi
  7. Marwo Jawaahir Axmed Cilmi
  8. Marwo Samsam Daahir Maxamuud

Xildhibaanada Golaha Shacabka:

  1. Mudane Axmed Macallin Fiqi
  2. Mudane Zakariye Xasan Cali
  3. Marwo Nadiifo Faarax jaamac
  4. Mudane Maxamed C/lle Faarax
  5. MudaneXuseen Qaasim Yuusuf
  6. Mudane Warsame Maxamuud Xasan (Joodax)
  7. MudaneSaadaq C/kariim Xaaji Ibraahim
  8. Mudane C/saabir Nuur Shuuriye
  9. Mudane Faarax Cabdi Xasan
  10. Mudane Cali Axmed Shariif
  11. Marwo Sahro Cumar Maalin
  12. Mudane Mahad Maxamed Salaad
  13. Mudane Qaasim Maxamed Jaamac
  14. Marwo Duniyo Maxamed Cali
  15. Mudane Mustaf Sh. Cali Dhuxulow
  16. MudaneC/raxmaan Maxamed Xuseen
  17. Mudane Xasan Macallin Maxamuud
  18. Mudane Cabdi Shire Jaamac
  19. Marwo Ikraam Aadan Waasuge
  20. Mudane C/qaadir Gaafow Maxamuud
  21. Marwo Maryan Maxamed Xuseen
  22. Marwo Naciimo Maxamed Gacal
  23. Marwo Maryan Cabdi Geeddi
  24. Mudane C/weli Maxamed Qanyare
  25. Mudane C/shukuur Cali Mire
  26. Mudane Xirsi Aadan Rooble

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda Galmudug iyo xaaladda oo kasii dartay

Cadaado (Caasimadda Online) – Magaalada Cadaado waxaa ku sugan Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Madaxweyne ku xigeenka  Maxamed Xaashi Carabey iyo Xildhibaano aan badneen oo ka tirsan Galmudug,  waxay abaabulayaan shirar ka dhan ah Madaxweyne Xaaf iyo Madaxda Xukuumadda Sh/Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Xildhibaano ayaa ku sii qul qulaya magaalada Cadaado inkastoo aysan tiro badneen, warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in xildhibaanada qaar aysan wali gaarin Cadaado laakiin qorshuhuu uu yahay iney gaaraan maalmaha soo socda hadii aysan xaaladda isbadalin.

Dhinaca kale Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Madaxweyne Xaaf ayaa dhankooda shirar gaar gaar ah oo looga soo hor jeedo kulamada Cadaado waxay ka wadaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa u yeeray Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ee ku sugan Muqdisho iyo Cadaado, Xildhibaanada uu Xaaf u yeeray ayaa u badan kuwii hore ee Baarlamaanka Galmudug, sababtoo ah kuwa ka yimid dhinaca Ahlusunna Shiikh Shaakir iyo Madaxweyne Xaaf kama qabaan cabsi iyo iney ka soo hor jeesan doonaan.

Xaaladda Galmudug ayaa sii galeysa marxalad adag oo jahwareer ah lamana oga sida noqon doonto xaaladda siyaasadeed ee Galmudug, Dowladda Soomaaliya ayaa wado dadaalo xoog leh oo ay ku qaboojineyso Culeeska siyaasadeed ee ka taagan deegaanka Galmudug.

Shir deg deg ah oo ay yeesheen xildhibaano iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Galmudug ayaa waxa ay kaga hadleen khilaafka Cusub ee Madaxda Galmudug.

Xildhibaanada iyo Wasiirada shiray ayaa waxa ay sheegeen in hadalkii kasoo yeeray madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo guddoomiye Cali Gacal Casir uu yahay mid fowdo ah,isla markaana wax u dhimaya maamulka aan weli sal fadhiisan ee Galmudug.

Waxa ay sheegeen in labadooda aysan aheyn dad cusub,balse iyagu ay Galmudug waxka dhisaan xilligaana aan looga baahneyn in ay khilaaf Cusub abuuraan.

Ugu dambeyn waxa ay ku baaqeen in hadalkii kasoo yeeray guddoomiyaha iyo madaxweyne ku xigeenka ay ku mudan yihiin in loo maxkamadeeyo sida ay hadalka u dhigeen.

Hadalka kasoo baxay xildhibaanada iyo wasiirada galmudug ayaa dadka siyaasada indha indheeya waxa ay sheegeen in uu yahay mid sii xoojinaya khilaafka cusub ee madaxda Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sheekh Shaakir: Dowladda Soomaaliya waa ay u gaftay Maamulka GALMUDUG

Dhuusa Mareeb (Caasimadda Online) – Madaxa Xukuumadda  Maamulka Galmudug Sh. Shaakir Cali Xasan ayaa war saxaafadeed ka soo saaray go’aanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka soo saartay khilaafka ka dhextaagan madaxda Maamulka Galmudug.

Shiikh Shaakir ayaa sheegay in Hadalkii dhawaan ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya ay tahay Gaf iyo Qalad laga galay Maamulka Galmudug, isagoo sidoo kale ka hor yimid Baaqii Wasiirka ee ahaa iney si deg deg ah ku yimaadaan magaalada Muqdisho si loo xaliyo Khilaafka u dhaxeeyo Galmudug.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Hailemariam oo ka digay arrin ku saabsan khilaafka Somalia iyo Imaaraadka

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa ka digay in lasii fogeeyo Khilaaf Siyaasadeedka ka dhexeeya Dowladah Somalia iyo Imaaraadka Carabta.

Hailemariam Desalegn, waxa uu sheegay in Khilaafka laba dowladood uu yahay mid u baahan in lasiiyo wakhti badan, hasee ahaatee aanu ku xalismeynin maalmo kooban.

Khilaafka ayuu sheegay inaanu aheyn mid dhow, waxa uuna cadeeyay inay gacmaha kula jiraan dowlado Siyaasad ahaan khilaafsan labada dal.

Khilaafka ayuu carab dhabay mar uu Hailemariam Desalegn la hadlaayay warbaahinta maxaliga inuu yahay mid salka ku haya faragalin dhan Siyaasadeed iyo mid dhaqaale, sidaa aawgeed ay muhiim tahay in marka hore labada dal ay kawada hadlaan Khilaafkooda.

Dowlada Somalia ayuu sheegay Mr Hailemariam Desalegn inay xaq u leedahay inay difaacato Qaranimadeeda sidaa aawgeed ay ku baaqeyso in fursad lasiiyo Somalia oo Khilaafka xalkiisa ku jiro gacanteeda.

Hailemariam Desalegn, oo aan kusii fogaan arrimaha labada dal, ayaa ku taliyay in Dowladaha xalka u raadinaaya Khilaafka ay ka shaqeeyan sida marka hore leysku horfadhiisin lahaa labada dale e uu Khilaafka ka dhexeeyo ka hor inta aan laga hordhicin.

Sidoo kale, Dowlada Ethiopia ayuu sheegay inay kaalin weyn ka qaadan doonto dadaalka xalka loogu raadinaayo Dowladaha Somalia iyo Imaaraadka Carabta, si buu yiri loosii ambaqaado xiriirka labada dal.

Si kastaba ha ahaatee, Ethiopia oo marti galisay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre, ayaa waxaa marti galintooda kamid ahaa in xal loo raadiyo Khilaafka sii fogaaday, waxaana xusid mudan inay kamid tahay wadamada xalka raadinaaya, hadana qeyb ka ah Heshiiska Dekadda Berbera.

Caasimada Online

Xafiiska Addis Ababa

[email protected]

Madaxweyne Shariif oo soo jeediyey hab lagu dhameyn karo xiisadda Tukaraq

Muqdisho (Caasimada Online)  – Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed oo maalmahaani arimo caafimaad u joogay dalka India ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaal dhiiga ku daatay ee u dhexeeya maamulada Somaliland iyo Puntland.

Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo uu ku sifeeyay mid aan horay loo arag.

Waxa uu Shariif Sheekh Axmed, tilmaamay inaan loo dulqaadan Karin dagaalo soo laalaabtay oo lagu daadiyo dhiiga dhalinyaro Soomaaliyeed, iyadoo la helikara xalin.

Waxa uu intaa raaciyay in wax wanaagsan aysan aheyn iyada oo lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan in la daadiyo dhiiggga qofka muslimka sooman.

Waxa uu Shariif Sheekh Axmed soo jeediyay in hakinta dagaalka ay si wada jira u gaaran Hogaamiyayaasha maamulada Puntland iyo Somaliland oo uu sheegay in laga doonaayo inay eegan dhibta ay Shacabka ka dhexlayaan dagaalka.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Waxaan rabaa inaan halkan baaq nabadeed uga jeediyo walaalaha Puntland iyo Somaliland, dagaalada ku soo laab laabtay Tukaraq darteeda, oo ay ku dhinteen dad badan, waxaan joognaa bil Ramadaan, waxaan naha dad muslimiin ah, waxaa lagama maarmaan ah inaan fiirino in aysan habooneyn in dhiig muslim ah la daadiyo.”

Sidoo kale, dagaalkan ayaa waxaa horay uga hadlay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka iyadoo la fiirinaayo danaha shacabka.

Si kastaba ha ahaatee, hadalada kasoo yeeraaya madaxda ayaa kusoo beegmaaya iyadoo Hogaamiyayaasha Puntland iyo Somaliland ay hawada isku marinayaan hanjabaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Mustaf Dhuxulow oo afur u sameeyey wariyeyaashii lacagta u ururiyey xidigaha

Xildhibaan Mustaf Shiikh Ali Dhuxuloow ayaa xalay Afur mahad celin ah u sameeyay guddigii CaawinQaran oo ahaa wariyaal is abaabulay oo lacago iyo abaalmarino kale u aruuriyay xulka 17 jirrada Somalia.

Afurka oo ka dhacay Hotel-ka Jaziira ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeyb galay wariyaashii guddiga CaawinQaran, duqa Muqdisho Eng Yariisow, xubno ka socday bulshada rayidka ah iyo qeybaha dhaqanka.

Wariyaashu waxey bogaadiyeen cid walba oo gacan ka geysatay lacag aruurintaan oo xildhibaan Mustaf uu ka mid ahaa, waxeyna ka sheekeyeen caqbadihii ay la kulmeen intii ay howsha wadeen.

“Waxaan la kulanay culeesyo badan, waxaan aragnay dad saacad walba naqdiya howshaan wanaagsan, laakiin mar walba waxaan noo muuqatay inaan ka dhabeyno arrintaan, waxeyna aheyd waajib nasaaran ayuu yiri Burhaan Diini Faarax agaasimaha Radio Kulmiye oo ka tirsanaa guddiga CaawinQaran.

“Waxaa farxad ii ah inaan arko saxafiyiin ama dhallinyaro Soomaaliyeed oo dan guud isugu timid hadanna ka dhabeeyay, waxaan jecleystay inaan idin kaga mahad celiyo dadaalkiina iyo inaan idiin muujiyo kaalinta aad dalkaan ku lee dihiin, waxaan ku baaqaya in aadan kala tagin oo aad mar walba bulshada caawiseen ayuu yiri Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow.

Duqa Muqdisho Eng Yariisow oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in wariyaashu ay is badal dhab ah muujiyeen uuna bogaadinaayo, isagoo ka codsaday saxafiyiinta iney ka qeyb qaataan howlaha kale ee dalka.

Kulanka ayaa u badnaa isu mahad celin, is bogaadin iyo dar daaran.

Dhageyso: Guddoomiyihii maxkamadda sare oo qaadacay xil ka qaadistiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xilka looga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Guddoomiyihii xilka laga qaaday.

Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan oo wareysi siiyay Idaacada VOA-da ayaa sheegay in qaab khaldan loo maray xil ka qaadista lagu sameeyay ee xilka loogu magacaabay Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

Waxa uu sheegay inuu kasoo horjeedo xil ka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha Somalia, isla markaana aysan sharciga waafaqsaneyn xil-ka qaadistiisa.

Waxa uu Ibraahim Iidle sheegay in Dastuurka uu dhigayo kala qeybsanaanta awoodaha, garsoorkana uu ka madax banaan yahay laamaha kale ee dowladda.

Ibraahim waxa uu sidoo kale sheegay in xil ka qaadistiisa aanan loo marin sifo sharci ah, sidaasi darteedna uu wadan doono shaqadiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan, ayaa yiri ‘’Aniga oo ixtiraamaya Madaxweynaha, iyo Dastuurka KMG ah ee dalka, waxaan halkan ka cadeynayaa in Dastuurka uu dhigayo kala qeybsanaanta awoodaha, xilka qaadisteyda looma marin sifo sharci ah, sidaasi darteed shaqadeyda ayaan sii wadanayaa, Guddoomiyaha waxyaabaha uu xilkiisa kaga fariisan karo waxaa ka mid ah in da’diisa ay gaarto 65 sano.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in isaga iyo Madaxweynaha ay isugu dambeysay Khamiistii oo ay ka wada hadleen arrimo la xiriira garsoorka, wuxuuna tilmaamay in dhammaan laamaha garsoorka iyo shacabka Soomaaliyeed uu ogeysiinayo in inuu shaqada ay sideeda ku socon doonto.

‘’Guddoomiyaha saxda ah waa aniga maadaama qaab khaldan loo maray xil ka qaadisteyda waxaan shacabka ugu baaqayaa inay sii wataan shaqooyinka uga xiran Xafiiskeyga’’

Sidoo kale, diidmada xil ka qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa muujin karta inuu dhici karo khilaaf xoogan oo dhexmara isaga iyo Madaxtooyada.

Si kastaba ha ahaatee, xil ka qaadista Ibraahim Iidle ayaa timid kadib markii Madaxweynaha dalka uu raacay tallo soo jeedin iyo tixgalinta cabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed, garsoorayaasha, hawl-wadeennada garsoorka iyo xirfadleyaasha sharciga ee la xiriira in la helo garsoor hufan oo caddaalad ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Daawo: “Haddii ay sidaan ku socoto Daarood waxay qabsan doonaan Ethiopia”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-Indho) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida maamulka Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland ay weli dhowreyso baaqyada kasoo baxaaya Beesha Caalamka.

Xildhibaan Indho-Indho oo weriyayaasha la hadlay ayaa sheegay in Somaliland aysan ku adkeen in saacado kooban ay kula wareegto magaalada Garoowe, balse aysan qabin degdegtaasi.

Xildhibaanka waxa uu tilmaamay inay aad u dhibsanayaan dhiiga ku qubanaaya deegaanka Tukaraq, balse ay muhiim yahay in dhinaca ay la dagaalamayaan ay garwaaqsadaan dhibta dagaalka.

‘’Dadka deeganka ayaa cadeynaaya cida laga jooji la’ yahay ee soo qaada duulaanka, balse waxaan dooneynaa inaan leesa soo fagin’’

Xildhibaanka oo laga diyaariyay Muuqaal ayaa sheegay in xiisada noocai ah ay sababi karto xitaa in Qabiilka Daarood qabsadaan Ethiopia, waxa uuna uga digay Dowlada Ethiopia.

‘’Dowladaha Ethiopia, Kenya iyo Jabuuti waxaan uga baaqeynaa ka fiirsasho haddii Majeerteen uu leeyahay dhul-bahanto iyo warsangali waa qaba’iil, barina waxa ay Daaroodka qabsan doonaan Ethiopia’’

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA OO DHAMEYSTIRAN

Culimo Masaari ah oo sheegay in ay Puntland ka tirsaneyn Soomaaliya

Dhowr baare oo u dhashay dalka Masar ayaa soo saaray baaritaan cusub oo ay ku doodayaan in “Puntland” oo ah dhul uu xiriir ganacsi kala dhaxeyn jiray dalka Masar xilligii hore ee Faraaciinta aanay ku oolin Soomaaliya ee ay ku taallo dhulka Itoobiya.

Baare xagga raad-raaca shucuubta ah oo u dhalatay dalka Masar, laguna magacaabo Inaas Al-shaafici kuna fiican sida loo akhriyo fartii hore ee Masaariga qadiimta ah ee Hieroglyphics-ka iyo afafka kale carabiga iyo Talyaaniga ayaa arrintan ka sheegtay xarunta “Jimciyadda Taariikhda Masar” oo ah jimciyad la aasaasay 1945tii, shaqadeedana tahay inay baarto taariikhdii hore ee Masar.

Qoraaga maqaalkan shalay uun ku soo baxay wargeyska maalinlaha ah El Masri El Youm ee Wasiim Al-sisi  oo doodda gabadha soo qaatay, waxaa uu leeyahay sheekadan markii ugu horreysay waxaa soo shaac-bixiyay Dr. Cabdi Caziz Saalax, oo ku sheegay dhawaaqeeda saxda ah “Bo-Win-t”, xarfaheedana Hieroglyphics ahaan waxaa loo qoraa “B square ah” oo ujeedka yahay “xarun” iyo Weyn” oo micnaheedu yahay” xaalad ahaansho” iyo “T”-da oo ah shaqal wax suga marka la fiiriyo luqada ay isticmaali jireen Masaaridii hore ee Hieroglyphics-ka.

Marka erayga sida ay qoreen waa labo kelimad oo kala ah ‘Goob’ iyo fasiraad ah“3 buur”, aragtidan waxaa Dr. Cabdi Caziz Saalax la qabto gabadha Inaas Al-shaafici , waxaa ay ku doodayaan in Soomaaliya aaney buuro laheyn ee buuraha laga hadlayo ay ku yaalaan Itoobiya gaar ahaan  ’ Lake Tana” oo ah badyarta ay ka yimaadaan 80% biyaha Nile-ka ee Masar laga cabo.

Baaritaankan cusub waxaa ay culimada soo qaadanayaan in mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii boqor Psamtik oo isaga oo jooga “Puntland” u diray fariin boqorkiisa, sheegana in roobab badan ay ka da’ayaan buuraleyda “Punt”, oo daadad ka geysan kara gudaha Masar.

Qoraaga maqaalka wargeyska El Masri El Youm waxaa uu isweydiinaa haddii Soomaaliya ay ku yaallaan buuro daadadka ka baxa ay waxyeello u geysan karaan Masar? Sidaa darteed daraasaddan waxaa ay ku talineysaa in ergadii boqoradda Hatshepsut oo ka tirsaneed boqoraddii Faraaciinta aaney tagin Soomaaliya ee ay tageen dhulka Itoobiya halkaasna ay tahay Puntland.

Inta badan, qoraallada iyo baaritaannada arrintan la xiriira ee horay loo sameeyay waxaa ay lahaayeen Puntland waa dhul Soomaaliyeed, waxaana loo cuskan jiray xiriirka qotto dheraa ee Faraacina gaar ahaan boqoradda Hatshepsut oo ergo iyo ganacsi u soo diri jirtay kala dhxaeeyay geeska Afrika gaar ahaan Puntland. Lama oga waxa hadda ku soo beegay baaritaankan cusub, laakin waxaa muuqata in taariikhyannada Masar ay doonayaan isu soo dhowaanshiyo iyaga iyo Itoobiya ah, xataa haddii laga dib loo qoro taariikhda ama laga been sheego.

Akhriso: Maqaalka Oo Carabi Ah

Dagaalka maskaxaysan ee Kenya ay Soomaaliya ku hayso (Ma la socotaa?)

Asalaamu calaykum, Aqriste waa ku mahadsantahay aqrinta aad aqrinaysid Qormadaan marka xigta waxaan ku rajo weynahay inuu ku soo jiitay Cinwaanka laakiin waa arrin aad ila garwaaqsan doonto markaad wada qriso Qormada.

Marka hore, sug bal!

Inta aadan bilaabin aqrinta qoraalkaan /maqaalkaan, ka warran hadduu qoraalkaan si toos ah ama aan toos ahayn kuu saameeyo? Haddana intaad aqriso aadan dan ka galin waliba adoo awooda inaad ficil u badasho. Gar waaqsiga aad ila garwaaqsan doonto qoraalkaan. Waxaan hubaa in arrinta aan ka hadlaayo ay tahay mid adiga ku saameyn doonta, ama inta ku gu xeeran ee xigto iyo xigaal leh ay saameyn doonto.

Haddii ay ku samaayso oo aad tahay qof ku sugan Dagaalka maskaxaysan ee Kenya ku hayso Soomaaliya bal dib u fakar, waayo Dagaal-kaan wuxuu kaa saameyn doonaa 3-dex meelood oo ah, saddexda ugu muhiimsan noolaha Bani-Aadamka ah, waxayna kala yihiin: 1 Caafimaadka, 2 Waqtiga, 3 Dhaqaalaha.

Marka Saddexdaa lagaa weeraray waxaan hubaa inaan Dagaal kuu laaban uu san jirin ee bal dib u fakar, oo ka bilaw Naftaada, Xaafaddaada, Ehelkaaga iyo Asxaabtaada, waa hubaal Warbixin muhiim ah ayaa kuu soo bixi doonta markaad dib u xisaabiso Caafimaadka, lacagta iyo waqtiga lagaaga lumiyay inta ay le’egyihiin.

Haddii aad sameyn weydo intaas aan kor ku soo xusay aadna tahay dhibbanaha Dagaal kaan lagu haayo haddana Jecel inuusan xisaabtamin oo ka fal celin, waxaan ku leeyahay Allaha ku fahansiiyo goor ay ahaataba, waayo intaas aan kuu soo sheegay haddaad Dagaalka maskaxaysan ee lagula jiro aad ka badbaadin weydo, Soomaalida kalana Dagaalka lagu haayo ee maskaxaysan waxba ugama awoodid.

Waxaa lagayaabaa in badan marka ay arkaan cinwaanka oo uu ku jiro DAGAAL inay u qaataan Dagaalkii rasmiga ahaa oo madaafiicda inta la isku rakibto la isku dagaali jiray, kooxna guushu raaci jirtay, laakiin kani waa ka dugan yahay aan rabaa inaan ka hadlo, waa mid aan qarsan waayay markaan arkay sida Dalkaygi iyo dadkaygi loo dhagraayo/khayaanayo.

Bal aan tusaale u soo qaato Waddanka Shiinaha iyo Ingiriiska oo uu dhex maray dagaalkaan oo kale.

Waxaa jirtay xilli uu Shiinuhu isku filnaan ka gaaray Dunidda inteeda kale, inuusan waxba uga baahan, laakiin Dunidda inteeda kale ay u baahnaayeen Shiinaha gaar ahaan reer Yurub. Dhawr waddan oo ka mid ah Yurub iyo Aasiya, ayaa go’aan ku gaaray inay Shiine qeybsadaan waxaana ka mid ahaa waddamadaa Ingiriiska, Jarmalka iyo Jabbaan.

Ugu danbayntii Ingiriisku wuxuu la galay dagaal maskaxaysan Shiinaha, haddaba muxuu ahaa??

Ingiriis wuxuu go’aan saday inuu Shiine la dagaalamo kalana dagaalo dhinaca maskaxda wuxuuna ka iibiyay Daroogo loo yaqaan ”Opium.” Opium waa daawo loo yaqaan ”Afyuum” oo dajisa dadka kuna dajisa daroogo ahaan, una keenta qofka dhibaato aan baaxaddeeda 10-Qormo lagu soo koobi karin.

Ingiriisku wuxuu ka dal dashay wax Allaale iyo wixii uu ka rabay Dalka Shiinaha, wuxuuna ka gaaray dan kasta oo uu ka lahaa Shiinaha. Dadkii udhashay dalka Shiinaha waxa ay noqdeen darbiyo jiifyo, Guryo la’aan, hoy la’aan iyo dad ma shaqeystayaal ah, wax kastana ku badasha Opium.

Aan u soo dago dulucda Qormada! Kenya waxay ka iibisaa Soomaaliya Qaad/Jaad.

Aqristow adiga nafsad ahaantaada macuntaa Qaad? Ehelkaaga ma cunaan, tusaale-ahaan: carruurtaada, walaalahaaga iyo waalidkaaga? Saaxiibbadaa ama dadka aad macrifada tihiin ma cunaan? Waa hubaal qaar un kamid ah dadkaan kore inay cunaan Qaad!! Intaas ka dib bal xisaabi ama qiyaasba tallaabooyin kaan :-

1- Caafimaad darrida uu u keeno
2- Qarashka uga baxa
3- Waqtiga uga baxa!!

Waxaa kuu soo bixi doona Dagaalka maskaxeysan ee Kenya ay ku heyso Soomaaliya. Ma doonaayo inaan ka hadlo Qaad iyo dhibaatada uu leeyahay waxaana ka hadlay dad iiga cilmi badan oo Abwaanno leh, Waxgarad leh, Aqoonyahanno iyo bulsho kale oo badan.

Waxaana Qaadka lagu daray Daraagiska ugu dhibka badan Caalamka oo halligay Naf, Waqti iyo Maalba.

Bal kharashka uga baxa Soomaaliya ee Kenya ku dhaca, aan ka soo qaado xasuusin yar. Kharashka ka soo baxa Qaadka nuuca loo yaqaan Miirow-ga waxa uu si toos ah ugu xaroodaa dalka Kenya, Wasaarada Beeraha Kenya waxa ay caddaysay in wax-soo-saarka ugu badan ee dhinaca Beeraha uu ka soo galo Qaadka Mirrowga.

2011 waxaa la diyaariyay Warbixin lamagac baxday Untold Stories waxaana laga diyaariyay Qaadka loo yaqaan Mirrowga cadadka loo kala dhofiyaa waa sidaan:-

16 Tan! Garoonka loo yaqaan Wilson Airport iyo 4 Tan oo laga dhoofiyo Jomo Kenyata.

20-kaan Ton iyo ka badan oo si qal-qallooc ah lagu dhoofiyo waxay aadaan Soomaaliya, Qarashka maalin kasta Soomaaliya ka aada Kenya waxay warbixintu ku sheegaysaa 30 milyan oo lacagta Kenya ah, oo u dhiganta in ka badan $315,000 Doolar maalin kasta. Taa soo noqonaysa Bishii $9.450.000/Month (Sagaal milyan afar boqol iyo konton kun oo doolar) bil kasta! Sannadkii ma is weydiisay aqristow? Waa $113.400.000! (boqol, saddex iyo toban milyan iyo afar boqol oo kun, oo doolar.)

Haddaba markaan Sannakiiba $113.400.000 aan siinno Kenya oo aan ku badalano Caafimaad darro, Mustaqabal La’aan iyo Waqti lumin. Waa sidee Dadkeenni, Dalkeenni iyo Damiirkeenni?

Waad mahadsantihiin isku daya in fikir laga dhiibto Su’aalahaan Hoose.

Sidee looga hor tagi karaa Dagaalkaan Maskaxeysan? Oo lagu joojin karaa Qaadka?
Maxaa lagu xallin karaa dhibaatada intaa le’eg? Sideese loo xallin karaa dhibkaan ka yimaada Qaadka? Oo looga maaran siin karaa Hooyooyinka ilmaha ka biisha, ayadoo qasaaradiisu ka baaxad weyntahay, sida uu u la muuqdo, Hooyooyinka ilamaha ka biisha.
Ku soo Hagaaji Fikirkaaga: [email protected]

F.G: Qormadaan waxaa la qoray 2012-kii sarrifku hadda intaas wuu ka sii badanyahay.

W/Q: Cabdirashid Shiikh Cali Cilmi Yare

Sida laga yeelayo amniga xildhibaanada iyo xarunta BF oo laga wada hadlay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiyadda Arrimaha Gudaha iyo Difaaca ee Golaha Shacabka oo Kulan ku yeeshey magaalada Muqdisho ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamidka yihiin adkeynta ammaanka xarunta Golaha Shacabka.

Kulankaan oo ay si wadajir ah ushir guddoominayeen Guddoomiyayaasha labada Guddi ee Arrimaha Gudaha iyo Difaaca Mudane Xuseen Carab Ciise iyo Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh ayaa looga hadlay Amniga Xarumaha Golaha Shacabka uu ku shaqeeyo Iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka amaankooda sidii loo adkeyn lahaa.

Intii uu kulankaasi socday ayaa Guddiyada Wadajirka ah ee labada dhinac ayaa warbixino ku aadan ajandayaasha lag ahadlayay ka dhageystay guddoomiyaasha labadd aguddi,iyagoo isla gartay in muhiim ay tahay xoojinta amnigga xarunta uu ku shaqeeyo Golaah Shacabka.

Kulankaan ay yeesheen Guddiyadaan ayaa imaanaya Xili dhawaan Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga uu kulamao Xog-wareysi ah uu la qaatay Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha iyo Saraakiisha Ciidanka qeybahiisa kala Duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Somaliland oo war kasoo saartay wararka ah in DF lagu wareejiyay hawada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Horumarinta Jidadka iyo Gaadiidka maamulka Somaliland Cabdullaahi Abuukar Cismaan ayaa shaaca ka qaaday in Hawada Somalia aan weli laga maamulin magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo warbixin kooban siinaayay Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa beeniyay wararka sheegaya in guud ahaan Hawada Somalia xiligaan laga xakumo magaalada Muqdisho, waxa uuna tilmaamay in weli uu socdo Heshiiska la xiriira hawada.

Wuxuu sheegay inaan dowlada Somalia lagu wada wareejin Hawada, balse ka maamul ahaan ay u furan tahay inay dhacsadaan xuquuqdooda ku aadan Hawada Somalia, si qeybtooda looga maamulo magaalada Hargeysa.

‘’Ma jiraan wax la yiraahda hawada Somalia waxaa lagu wareejiyay dowlada Somalia, waxaa arrinteena ku mashquulsan Wasiirka arrimaha dibadda iyo Maareeyaha Garoonka maadaama aan anigu howlahaasi aan weli gacanta ku heyn’’

‘’Waxaan qirayaa in wafdi ka socda Somaliland ay dhawaan shir uga qeybgaleen Nairobi UN-kana waan u sheegnay qorshaheena la xiriira inaan helno maamulka Hawadeena marka waxaa weli socda dadaalka’’ ayuu yiri

Wasiirka waxa uu sidoo kale sheegay inuu wali socdo wadahadal kala dhexeeya Somalia oo ku saabsan Hawada iyo hanaanka loo maraayo maamulkiisa, taa oo uu ku micneeyay mid muhiim ah oo aan weli la’isku marin.

Sidoo kale, Cabdullaahi Abuukar Cismaan waxa uu intaa raaciyay in xitaa dowlada Somalia aan wali loo dhameystirin qalabka Hawada laga maamuli lahaa, sida uu hadalka u dhigay.

Haddalka Cabdullaahi Abuukar Cismaan, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo ay Dowlada Somalia ku adkeysaneyso in Somalia ay hal tahay isla markaana Hawadeeda laga maamulaayo caasimada dalka ee Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Shariif Xasan oo dacwad ka gudbiyay xildhibaano ka tirsan BF Soomaaliya

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay kulan gaara oo u dhexeeyay Hogaamiyaha maamulka iyo qaar kamid ah Odayaasha.

Shirkaan ayaa la soo sheegayaa inuu ahaa mid uu dacwad ku gudbinaayay Hogaamiye Shariif Xasan oo dacwad ka ah tirro Xildhibaano ka tirsan baarlamaaka Somalia.

Shariif Xasan ayaa Odayaasha u sheegay in laga doonaayo inay ka adkaadan Xildhibaanada ku matasha baarlamaanka oo uu sheegay in loo adeegsanaayo carqaladeynta maamulka Koonfur Galbeed.

Waxa uu Shariif Xasan u sheegay Odayaasha beelaha Koonfur Galbeed in Xildhibaanadii ay soo saaren ay ka weecdeen axdigii lagu soo doortay, sidaa aawgeeda loo baahan yahay in la xusuusiyo ballamihii lagu soo xulay.

Shariif Xasan waxa uu Odayaasha beelaha u sheegay inuusan aqbali doonin in burburka Koonfur Galbeed loo adeegsado Xildhibaanada ay usoo xusheen inay ku matalaan Dowlada.

Shariif Xasan waxa uu sidoo kale Odayaasha u sheegay inay muhiim tahay in Xildhibaanadaasi ay si hufan u gutaan howlahooda, isla markaana ay ka fogaadan inay hormuud u noqdaan kuwa doonaaya inay gacantooda ku burburiyaan maamulka.

Sidoo kale, waxa uu aad uga digay in Odayaasha dhaqanka ay garab u noqdaan Xildhibaanada laga soo doortay deegaanada maamulka ee u tafa-xeydaneysa burburinta maamulka.

Si kastaba ha ahaatee, shirka Shariif Xasan iyo Odayaasha beelaha Koonfur Galbeed, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo uu mugdi soo kala dhexgalay Hogaamiye Shariif iyo Xildhibaanada BF ee laga soo doortay deegaanada maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
[email protected]

Qaraxyo caawa lagu weeraray xarunta wasaarada gaashandhiga iyo khasaare ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Degmada Deyniile ee Gobolka Baanaadir ayaa sheegaya in caawa weerar lagu qaaday Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga.

Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa la xaqiijiyay in loo adeegsaday Qaraxyo ka dhashay Bamgacmeedyo dhowr ah kuwaa oo inta badan ku qarxay Kontoroolka laga galo irida Koowaad ee Wasaarada Gaashaandhiga.

Qaraxyada Bambaano kadib ayaa waxaa Wasaarada laga maqlaayay rasaas xoogan oo ay is weedarsanayeen ciidamada iyo Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday.

Goobjoogayaal ayaa qiray in Qaraxyada kadib ay xigeen rasaas ay isweydaarsadeen Ciidankii ku sugnaa Goobta iyo dableydii weerarka soo qaaday.

Sidoo kale, weerarka Qaraxyada iyo rasaasta ayaa waxaa ka dhashay Khasaare kala duwan inkastoo aan la xaqiijin heerka uu gaarayo khasaaraha.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa waayadaani degnaa Xarunta la weeraray ee Wasaarada Gaashaandhiga, inkastoo uu isaga soo guuray.

Geesta kale, Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ayaa ah meel amnigeeda aad loo ilaaliyo, hase yeeshee waxaa ku badan weerarada lagu qaado xiliyada Habbeenkii.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dagaalka Soomaalida iyo Oromada Ethiopia oo soo rogaal celiyay + Khasaraha

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Gobolka Oromada ee dalka Ethiopia ayaa sheegaya in mar kale uu dib u qarxay dagaalkii u dhexeeyay Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida Ethiopia ee deriska la ah.

Maamulka Oromada ayaa xaqiijiyay inuu soo rogaal celiyay dagaalka Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida, kadib markii ay sheegen inuu kasoo bilowday dhanka Soomaalida.

Maamulka Oromada ayaa intaa ku daray in dilka soo rogaal celiyay ay bilaabeen shaqsiyaad Soomaali ah oo gudaha bishaan dilay ilaa iyo afar qof, sida ay hadalka u dhigeen. Oromada la laayey ayuu maamulka sheegay inay deegaan ku ahaayen Sohdinta labada Maamul, iyadoo ay jiraan dad kale oo dhaawac loo dhigay goobaha caafimaadka.

Maamulka Oromada ayaa sheegay in sidoo kale Soomaalida ay dab qabadsiiyeen in kabadan 250 Guri oo ay lahaayeen dadka Oromada ah,waxaana ismaamulka arrintaas ku eedeeyeen Ciidanka Liyuu Boolis loo yaqaan ee hoostaga dowlad Degaanka Soomalida Ethiopia.

Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada maamulk Oromada.

Dagaalka soo rogaal celiyay ayaa sabab u noqday in al-baabada loo laabo ku dhawaad 30 Iskuul kaddib markii dadkii wax ka baranayay ay ka mid noqdeen Barakacayasha Oromada ee degaannadooda sohdina dhaca uga cararay colaadda Labada maamul u dhaxeysa.

Sidoo kale, Maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida ayaan dhankooda weli ka hadal eedeymaha uga imaanaya maamulka Oromada, waxaana lasoo sheegayaa inay qafaal u heystaan Oromo badan.

Dagaalkaan oo horay Dhiig uu ugu daatay ayaa qaboobay labadii bil ee ugu danbeysay, kdib markii Dowlada Ethiopia ay la imaaday isbedel xal u noqday colaada.

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
[email protected]

Aqri: Maxaad ka taqaanaa guddoomiyaha cusub ee maxkamada sare ee dalka?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee dalka, Mudane Ibraahim Iidle Suleymaan, waxaa uuna xilkaas u magacaabay Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

Haddaba maxaa ka taqaanaa Tariikhda Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda Sare?

Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed wuxuu shahaadada koowaad ee Jamacadda ka qaatay Jaamacadda Hargeysa, halka tan labaadna uu ka qaatay University of Hertfordshire, Hatfield oo ku taalla dalka Ingiriiska.

Garyaqaan Baashe waxa uu hore usoo noqday La-taliye sharci, Bare Jaamacad, qareen iyo cilmi baare sharci. Muddo 10 sano ka badan ayuu kusoo jiray hawlaha garsoorka iyo talo-bixinta sharciga.

Waxa ay wada shaqeyn dhexmartay hay’ado caalami ah oo ay kamid yihiin USAID, UNDP, UN WOMEN, IRI, Mercy Corps, UNICEF iyo Wasaarado ka tirsan dowladda federaalka ah oo ay kamid tahay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, hay’ado dowli ah iyo kuwa aan dowli ahayn oo ka dhisan Somaliland.

Waxa uu la taliye kasoo noqday Maxkamadda Sare ee Soomaaliya sanadkii 2016-kii, waxaa uu na sidoo kale muddo 8 sanadood ah xubin ka ahaa ururka isu-tagga qareennada ee Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Puntland: Muuse Biixi waa dagaal ooge dhibaato hore u geystay shacabkiisa

Garoowe (Caasimadda Online) – Warsaxaafdeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa Maanta looga hadlay xaalada deegaanka tukaraq iyo hadalo Saacadihii la soo dhaafay ka soo yeerayay Madaxweynaha Soomaaliland.

Madaxtooyada Maamulka Puntland oo War-saxaafadeed jawaab ah kasoo saaray hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inuu la leexday runtu waxay tahay taas oo ah in uu duulaan qaawan ku soo qaadey Puntland.

Warka ayaa sido kale lagu eedeeyay Muuse Biixi inuu dhegaha ka fureystey baaqyadii caalamku u jeediyey dhamaantood, waxayna ku tilmaantay inuu yahay dagaal ooge dhibaato horey ugu geystey shacabkiisa.

Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay:

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]