25.5 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Daawo: Nin Soomaali ah oo weerar ku qaaday masjid oo lagu toogtay Cape Town

Cape Town (Caasimada Online) – Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa nin Somali ah oo weerar loo adeegsaday Mindi ku qaaday Maasjid ku yaalla Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Khasaaraha ka dhashay weerarkan ayay Boolisku ku sheegeen in ay ku dhinteen laba qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen ilaa Saddex ruux oo la dhigay mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla magaalada Cape Town.

Saraakiisha Booliska oo arrintan baaritaano ku haya ayaa waxa ay sheegeen in falkan uu dhacay waxyar kadib Salaada Tahjudka, waxay kaloo Boolisku tilmaameen ninka weerarka geystay in madaxa looga jiray ama uu qabay xanuunka dhimirka.

Ninka Somaliga ayaa la sheegay in uu muddo ku noolaa dalkaasi, islamarkaana mar uu ka mid ahaan jiray Ganacsatadda Somaliyed ee halkaasi ku nool.

Ciidamada Booliska ayaa markii dambe toogtay ninka ku hubeysnaa tooreyda, kaddib markii uu isku dayay inuu soo weeraro.

Dhacdadan ayaa waxaa aad u hadal haya jaaliyadda Somaliyed ee ku nool dalkaasi, waxayna tilmaameen in arrintan ay ku noqotay layaab.

Caasimada Online
Xafiiska Cape Town
[email protected] 

XOG cusub oo laga helay gabadhii Jarmalka ahayd ee lagu afduubay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Sonja Nientiet, oo ah haweenayda u dhalatay dalka Jarmalka oo Muqdisho laga afduubtay ayaa la sheegay in lagu haysto Gobolka Mudug ee Bartamaha Soomaaliya, sida laga soo xigtay qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Haweenaydaan ayaa wararka waxa ay sheegayaan in dableyda hubaysan ay ku haystaan deegaan 5 KM u jira Degmada Hobyo.

Nin ka mid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabo Cali Aadan ayaa Warbaahinta u sheegay dableyda hubaysan oo gaaraya illaa 10 ruux inay haystaan haweenaydaan.

Wuxuu sheegay meel godad iyo buuro dhexdooda ah inay ku haystaan haweenayda islamarkaana halkaasi ay ka dhisteen teendhooyin.

Ragga afduubtay haweenaydaan ayaa la sheegay inay yihiin qaar ka mid ah illaalo ka diiwaangashnaa xarunta ICRC ay ku leedahay laamiyaraha Zoobe.

Kooxaha hubaysan ee haweenaydaan afdubtay ayaa la sheegayaa inay doonayaan lacag madax furasho ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Aqri: Markab dagaal oo uu leeyahay Imaaraadka oo gantaal lagu burburiyay

Sanca (Caasimada Online) – Sida ay qoreen wargeysyada kasoo baxa dalka Yemen waxaa la weeraray Markab dagaal oo ay leedahay dowlada Imaaraadka carabta kaa oo maraayay meel ka baxsan Xeebta magaalladda Xudeydah ee Galbeedka Yemen.

Markabkaani oo nooca dagaalka ah ayaa waxaa weerar xoogan la sheegay inay ku qaaden Maleeshiyadda Xuutiyiinta Yemen ee garabka ka hela dowladda iran.

Xuutiyiinta Yemen, ayaa markabka ku weeraray gantaalo dhowr ah, iyadoo qasdiga weerarka uu ahaa in la gubo gabi ahaan Markabka.

Wargeysyada qaar ayaa qoray in Xuutiyiinta Yemen ay sheegteen inay khasaaro u geysteen Markabka balse aan wali la cayimin tirada Saraakiisha iyo shaqaalaha la socday.

Wargeysyada oo xiganaaya illo wareedyo ayaa sheegay in Markabka uu gaaray khasaaro xoog leh, isla markaana uu gubanaayo.

Saraakiil ka tirsan Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in Markabka uu ka kacay dab ka dhashay Gantaalada ku dhacay, waxa ayna intaa raaciyeen inay la socdeen dhaqdhaqaaqa Markabka.

Saraakiisha Maraykanka ayaa iyagana xaqiijiyay in ay Markabkaasi weerareen Maleeshiyadda Xuutiyiinta, isla markaana uu soo gaaray burbur ballaaran.

Warbaahinta Wararka ee Almasdar News ayaa iyadana qortay inuu Markabkaasi haatan Badda quusay.

Weerarka ay Xuutiyiinta ku weerareen Markabka Dagaalka ee Imaaraadka waxa uu ku soo beegmay, iyadoo 4 Askari oo Imaaraadka u dhashay shalay lagu dilay duleedka magaalladda Xudeydah ee dalka Yemen.

Geesta kale, Dowlada Imaaraadka ayaan weli ka hadal gubashada iyo quuska Markabka sababsaday Gantaalo dhowr ah oo ay ku rideen Xuutiyiinta Yemen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DAGAAL ka dhex-qarxay Soomaalida iyo Oromada iyo 40 qof oo ku dhimatay

Jigjioga (Caasimada Online) – Ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhintay dagaal qaraar oo dib uga dhex qarxay qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee dalka Ethiopia, oo dhowaanahan ay ka dhaxeysay xiisad colaadeed.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya laba jufo oo ka soo kala jeeda Soomaalida iyo Orommada, kuwaasoo uu iska hor imaad ku dhex maray meel aan ka fogeyn Tulli Guuleed oo qiyaastii 50 – 60 KM waqooyiga kaga beegan magaalada jigjiga.Deegaankaas ayaa xad la leh dhulka buuraleyda ah ee Harar, gaar ahaan degmada Jiracsaney ee ay Orommadu degto.

Wararku waxay sheegayaan in ugu yaraan 40 qof oo labada dhinac ka kala tirsan ay ku dhinteen seddexdii usbuuc ee u dambaysay oo dagaalladu ay dib u soo cusboonaadeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in bilihii u dambeeyey ay deegaankaas ku sugnaayeen milateriga dawladda Itoobiya, balse ay dagaalladu soconayeen, kuwaasoo sii xoogaystay dhowrkii maalmood ee u dambeeyey.

Warar ayaa sheegaya in ay jiraan dad ka qaxay tuulooyin u dhow halka lagu dagaallamay, ayadoo dadka dagaalladaas ku dhaawacmayna loo kala qaaday Tulli Guuleed iyo Jiracsaney.

Weli labada maamul ee Soomaalida iyo Orommada, iyo dawladda Federaalka ee Itoobiya kama aysan hadlin dagaalladaas.

Inkastoo ay labada jufo dagaallami jireen tan iyo 1980-meeyadii, misna dadka la socda arrimaha ku saabsan khilaafka u dhaxeeya Soomaalida iyo Orommada waxay sheegayaan in uu markan salka ku hayo xiisadda guud ee u dhaxaysa labadaas qabiil.

Isha: BBC Somali

Maamulka PUNTLAND oo qaaday talaab kale oo lid ku ah maamulka Somaliland

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa amar ku bixiyay in hawada laga saaro Tv-ga maamulka Somaliland ee laga daawado gudaha deegaanada maamulka Puntland.

Maamulka ayaa sheegay in Tv-ga Somaliland uusan muteysan inay daawadan shacabka ku nool Gobolada Puntland, maadaama uu dagaal ka dhexeeyo labada dhinac.

Amarka hawada looga saarayo Tv-ga ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu bixiyay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta maamulka Puntland Cabdi Xersi Cali (Qarjab).

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka ayaa waxaa Shirkadaha baahiya muuqaalada Tv-yada lagu amray inay hawada ka saran Tv-ga Somaliland.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa shirkadaha ku amray in muddo kooban hawada looga saaro Tv-ga iyadoo shirkada ka dhaga adeegta amarkaasi laga qaadi doono talaabo sharci ah.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Puntland ayaa waxa uu dagaal kala dhexeeya maamulka jaarka la ah ee Somaliland, kaa oo gaaray heerkii ugu xumaa.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Qisada: Soomaali afduub lagu eedeeyey oo xeelad cajiib lagu geeyey Canada

Qeybtii 3-aad, Halkan kala soco qeybtii horeKulankan oo laba saacadood socday, Intaas oo keliya Cali lagalama hadlin, balse sarkaalka booliiska dharcadda ah ee ‘Chris’ waxa kale oo uu kala sheekaystay suurtagalnimada in mustaqbalka ay galaan heshiisyo buugaag kale oo uu qoro Cali iyo weliba in filim dhukumanteri ah ay ka sameeyaan qisada afduubkii Amanda Lindhout.

Markii wadaxajoodka mucdiisii dhammaatay, dhammaan qodobbadii heshiiskana la isla gartay, ayaa intii aanay Cali iyo Chris (Sarkaalkii dharcadda ahaa ee iska dhigayey masuulka shirkadda daabacista), saxeexin heshiiska. Chris waxa uu Cali u sheegay in uu ku faraxsan yahay heshiiskan iyo in ay daabacaan buuggan, laakiin warwarka ugu weyn ee tan iyo bilowgiiba ay shirkaddiisu qabtay uu yahay kaalinta uu Cali ku lahaa afduubkii labada warfidiyeen. Waxa uu sheegay in haddii warkaasi soo baxo, ay khatar ku tahay sumcadda shirkaddiisa.

Chris waxa uu Cali ka dalbaday bal in uu si faahfaahsan ugu sharraxo kaalinta runta ah ee uu ku lahaa afduubkaas. Taas oo uu ku andacooday in ay ka caawin doonto in imika ay shirkaddiisu ka diyaargarowdo ceeb kasta oo kaga iman karta kaalinta uu Cali ka qaatay afduubkaas. Isla markaana ay imika u sii diyaarsan doonaan waxa ay isku difaacayaan.

In Chris uu su’aashan Cali weydiiyaa waxa ay ahayd arrin hore u sii diyaarsan. Waa isku daygii ugu dambeeyey ee uu booliiska Kanada ku doonayey in uu Cali kala baxo hadallo marag ku noqon kara marka ay maxkamadda geeyaan.

Intii aanu kulanku bilaabmin waxaa isku sii yara horreeyey Cali iyo AK, oo isla eegay arrimaha ay kala hadlayaan ‘Chris’ iyo sida oo kale jawaabaha habboon ee ay tahay in ay u diyaarsadaan su’aalaha kuwani ka midka yihiin ee Chris weydiin karo. “Soo diyaar uma tihid in aad xiise geliso masuulka shirkadda daabacaadda” ayaa uu AK ku yidh Cali, ilbidhiqsiyo ka hor intii aanu qolka soo gelin Chris. Fiidyoow ay kamaradaha qolka ku qarsoonaa ka duubeen kulankan, oo maxkamadda la horkeenay ayaa laga arkayey AK oo Cali ku dhiirigelinaya in marka kulanku bilowdo uu ku dadaalo sidii uu xiise iyo xamaasad ugu abuuri lahaa masuulka shirkadda daabicista ee u soo socda, si uu ugu qanco heshiiska.

Waxa ay ahayd xeelad kale oo la doonayey in Cali uu furfurmo oo isaga oo is leh yaanu heshiiskani kaa fashilmin, uu ku qasbanaado in uu wax badan oo uu qarin lahaa sheego. “Waa heshiis aad u weyn. Shan sano ayaa ay innagu qaadatay in aynu halkan soo gaadhsiinno” ayaa uu AK ku odhanayaa Cali.

Isla cajaladda maxkamadda lagu soo bandhigay waxaa laga daawaday AK oo markii uu kulanku bilowday hadalka furaya isaga oo isbaraya Chris iyo Cali, weliba isaga oo si uu kalsooni ugu abuuro Cali aad u ammaanaya. Markii uu agaasimaha shirkadda daabicista ee beenta ahaa soo galay qolka ayaa AK inta uu ku jeestay Cali oo dhoolla caddaynaya waxa uu Chris ku yidhi, “Waa kan xiddigaygii, Cali”

Qodob ka mid ah heshiiskan oo uu Chris aad u sharraxay, ayaa ahaa ka sirta ugu weyni ku jirto. Waxa uu qodobkani dhigayey in Cali Cumar Adeer laga rabo in uu sheego xog kasta oo haddii dib ay ka soo baxdo, sumcad darro ku keeni karta shirkadda daabicista iyo guud ahaan heshiiska, ama uu ka dhalan karo qalad sharci in lagu qaado isaga ama shirkadda daabicista. “Waxa aynu u fadhinaa waa heshiis, ay wadartiisa guud ku kacayso lacag dhan hal milyan oo doolarka Maraykanka ah, ma fahmaysaa?” ayaa uu AK ku yidhi Cali, isaga oo u sharraxaya sida ay waajib u tahay in uu ka fikiro si kasta oo shirkaddiisa iyo ta daabicistaba looga ilaalin karo sumcad darro iyo gef sharci.  AK waa uu ku sii socday dadaalkii uu doonayey in uu Cali ku riixo in uu ka warramo xaqiiqada sheekada afduubka ee Soomaaliya ka dhacday. Isaga oo ereyadiisa dhiirrigelinta ah sii wada ayaa uu yidhi, “Waxa aynu joognaa fursaddii ugu dambaysay, ee haddii aad Chris runta uga sheegto saamayntii iyo gacantii aad ku lahady afduubka, ay taasi ka caawin doonto in uu imika sii diyaarsado hubkii sharci ee uu isku difaaci lahaa, isuna diyaariyo in uu adiga iyo shirkaddiisaba idinka ilaaliyo dacwad la idinku soo oogo, marka ay soo baxdo in ninka buugga qoray uu qisadaas afduubka xidhiidh la leeyahay” AK ayaa hadalka mar kale ku sii adkeeyey, “Waxa ay ka hadlayaan, ee ay doonayaan in ay ogaadaan waa xidhiidhka aynu la leenahay dhacdadii Amanda”

Cajaladda maxkamadda lagu soo bandhigay, ayaa laga arkayaa Cali oo inta uu hadalladan u soo dabco, si aad u faahfaahsan u sharraxaya dhacdadii afduubka iyo kaalinta uu ku lahaa. Waxa uu sheegayaa in isaga oo maqaaxi Muqdisho ku taalla fadhiya, uu taleefanka kala soo hadlay nin ay isgaranayaan oo ballan ka doonaya, isaga oo u sheegay in uu shaqo u hayo.

Daqiiqado yar kaddib, ayaa uu ninkaasi u yimi, una sheegay in rag uu garanayaa ay afduubeen dad shisheeye ah, oo uu doonayaan ruux u kala turjuma. Waxa uu Cali sheegay in ninkaasi u sheegay in haddii uu u kala afceliyo afduubeyaasha iyo lahaystayaasha, ay abaalmarintiisu noqon doonto in uu la qaybsado lacagta madaxfurashada ah ee dadkan laga qaadi doono. Cali waxa uu qirtay in uu heshiiskaas ogolaaday. Inta uu Cali hadlayey waxaa dhowr jeer laga dareemay in uu xogta badh qarinayo, marar badanna hadalka dib u celinayo, mararka qaarkoodna xogo is burinaya ayaa uu sheegayaa.

Cali waxa uu mar kale sheegayaa in saddexdii bilood ee u horreeyey oo keliya uu xidhiidh la’ lahaa lahaystayaasha. Sidaa awgeed aanu wax war ah ka haynin in Amanda Lindhout la jidh dilay iyo in la kufsaday midna. Waxa uu sheegay in markii uu dhexdhexaadiyey afduubayaasha iyo la haystayaasha ee lacagtii madaxfurashada la soo diray, in aanay afduubayaashu siinin lacagtii uu filyay. Toban kun oo doolar oo keliya in ay siiyeen ayaa uu sheegay, lacagtaas oo uu sheegay in ay aad ugu yarayd, marka la eego hawsha uu u qabtay. “Lacag intaas ka badan ayaa aan ka filayey” ayaa uu Cali Cumar ku yidhi labada sarkaal ee booliiska Kanada ka socday ee isugu sheegay AK iyo Chris.

Ugu dambayntii markii labada sarkaal ay arkeen in Cali uu sheegay wixii uu sheegi lahaa oo dhan, ayaa ay hordhigeen heshiiskii daabicista buugga ee beenta ahaa oo uu saxeexay.

Markii shirkoodii dhammaadayna, Cali waxaa kadinka ku sugayey saraakiil ka tirsan booliiska dalka Kanada oo labbisan, halkaas ayaana ay ku qabteen, oo ay xabsiga u taxaabeen.

Juun 11, 2015 kii: ayaa ay ahayd markii Cali si rasmi ah xabsiga loogu taxaabay. Xeerilaalinta Kanada ayaa ku soo oogtay dacwad ah in uu meel ka baxsan dalka Kanada ku afduub muwaadin u dhashay Kanada. Waxa aana xukunkiisa loo adeegsaday xeer ciqaabeedka Kanada oo ogol in maxkamadaheedu ay qaadi karaan dembiyada la xidhiidha arrimaha bani’aadamka ama muwaadiniintooda khuseeya, xitaa haddii ay ka dhacaan meelo ka baxsan xuduudaha Kanada. Xeerilaalintu waxa ay dacwaddeeda ku salaysay xogta uu booliisku ka ururiyey Cali oo isugu jirta qoraal iyo muuqaallo fiidyow ah. Kaalinta ay xeer ilaalintu u aqoonsatay in Cali uu dembiga dhacay ku lahaana, waa in uu masuul ka ahaa hawsha dhexdhexaadinta Afduubayaasha iyo qoysaska la haystayaasha, iyo in uu ahaa ruuxa u kala afcelinayey labada dhinac, taleefanka lagu xidhiidhayana isagu hayey. Waxa dacwadda lagu xusay in intii wada xaajoodka madaxfurashadu socday si cad ay u muuqatay in uu Cali kaalin masuuliyadeed iyo hoggamaineed ku lahaa isuduwidda iyo maamulka dembiga dhacay.

Si kastaba ha ahaato ee eeddaas Cali si adag ayaa uu u diiday. Waxa uu maxkamadda horteeda kaga dooday in aanu kiiskan qabin. Laakiin waxa uu ku dacwiyey war ka duwan kii uu marka hore u sheegay saraakiishii booliiska ee u dhuuntay. Cali waxa uu mar kale ku dooday in uu isaga qudhiisu afduubnaa. Waxa uu sheegay in isaga oo shaqadiisa fasax kaga jira ay kooxda afduubku suuqa ka qafaalatay, kuna qasbeen in uu hawshan dhexdhexaadinta iyo turjumaadda ka caawiyo. “Muddo toddoba bilood ah ayaa ay afduub igu haysteen, iyaga ayaana madaxa qori igaga hayey marka aan wadaxaajoodka ku jiro, oo igu qasbayey waxa aan ku odhanayo qoysaska la haystayaasha” ayaa uu ku dooday. Waxa uu ku dacwooday in isaga qudhiisa la garaacay. Iyo in mar uu ka baxsaday kooxda, inta ay u weydaarteen qoyskiisa ay afduub u qabsadeen, uguna hanjabeen haddii aanu ku soo noqon in ay dili doonaan xubnaha qoyska.

Cali waxa kale oo uu maxkamadda u sheegay in xiisaha uu u qabay daabicista buugga iyo dhammaystirka heshiiskani ay ku kalliftay in uu been sheego oo uu iska dhigo nin ku lug lahaa hawsha afduubka. Inkasta oo qareenka difaacaya Cali laftiisu maxkamadda ka hor qiray in hadalkan dambe ee uu Cali jeediyey uu burinayo hadalkii uu hore uga hor yidhi maxkamadda ama isaga oo duuban la keenay.

Trevor Brown, oo isna ka mid ah qareennada Cali Cumar ayaa maxkamadda horteeda kaga dooday suurtagalnimada in Cali la afduubay isaga oo ka sheekeeyey xaaladda ay Soomaaliya ku sugnayd sannadkii 2009 ka oo ahayd xaalad wax kastaa suurtagal ahaayeen. Dhinaca kalana Dacwad oogaha oo magaciisu ahaa Croft Michaelson, ayaa isagu arrintan kaga jawaabay in Cali Cumar Adeer uu beeno aan islahayn isku tolayo. Waxa hadallada uu maxkamadda ka dhex yidhi Croft Michaelson ka mid ahaa, “Ma jirto sabab ku kallifta in uu iska sheegto been ah in uu ku lug lahaa afduubka. Waayo, xitaa ma’ uu jirin wax uu ismoodsiin karo in uu beentaas ka faa’iidayo”

Iskudaygii baxsiga

Amanda Linhout iyo Nigel Brennan waa ay mar isku dayeen in ay ka baxsadaan gacanta afduubayaasha. Waxa ay ahayd markii ay shan bilood oo keliya gacanta ugu jireen. Amenda iyo Nigel waa ay ku guulaysteen wejigii hore ee baxsashada. Nigel Brennan oo arrintaas ka warramaya ayaa sheegay in inkasta oo ay laba qol oo isku dheggen ku kala xidhnaayeen, haddana ay isku dayi jireen in ay xidhiidhaan. Tusaale ahaan, waxa uu sheegay in gidaarka ay isu garaaci jireen iyo in suuliga oo mid keliyi ka dhexeeyo ay calaamado afgarasho ah oo aan la fahmayn isu dhigi jireen.

Nigel oo 45 jir ahi waxa uu sheegay in ay ku guulaysteen in qolka ay dalooliyaan oo midhadh jaajuur ah inta ay ka saareen ay halkaas ka dhacaan, kaddibna isku dayaan in ay baxsadaan, laakiin ay ku fashilmeen. Waxa ay galeen masaajid ku yaallay meel aan ka fogeyn guriga ay ku xidhnaayeen, laakin si dhaqso ah ayaa loo ogaaday baxsigooda, dib ayaana loo soo qabtay. Intaa wixii ka dambaysay illaa markii la sii deynayey silsilado ayaa lagu xidhi jiray si aanay mar dambe u baxsan.

Marka kale waxa ay Amanda sheegtay in ay ku sigatay in ay kelideed ku hadho gacanta afduubayaasha, laakiin uu Nigel Brennan diiday in uu kelideed kaga tago. Waxa ay ahayd markii qoyska Nigel uu soo bixiyey lacagtii kaga soo hagaagtay madaxfurashada, laakiin ay Amanda hooyadeed awoodi kari weyday in ay sidaa dhaqsaha ah u bixiso.

Amanda hooyadeed waxa ay ka shaqayn jirtay moofo, aabaheedna waxa uu ahaa naafo aan ka kicis lahayn. Sidaa awgeed qoyskoodu waa uu awoodi kari waayey in uu sidaa dhaqsaha ah u soo bixiyo lacag dhan 300 oo kun oo doolarka Maraykanka ah. Haddii ay dawladda ka codsan lahaayeen in laga caawiyo bixinta madaxfurashada lagu soo deynayo muwaadinaddan qoyskeedu faqiirka yihiin, ceebta taagani waxa ay ahayd in sharciga dalka Kanada aanu ogolayn in madaxfurasho la bixiyo.

Arrintani waxa ay Amanda Lindhout ku ridday quus, ay gaadhay in ay afduubayaasha ka dalbato in ay dilaan. Laakliin Cali Cumar ayaa u sheegay in aanay dilayn. In kasta oo ay sheegtay in mar uu si hanjabaad ah ugu yidhi, “In aad dhimato diyaar ma u tahay?” haddana waxa ay sheegtay in uu u caddeeyey in aanu dilayn. Taas beddelkeedana waxa uu ku celcelin jiray in uu doonayo in uu guursado. La soco qaybta xigta…

W/Q: Kamaal A. Cali

Somaliland oo shaacisay 4 qodob oo beesha caalamka ay usoo bandhigtay (Aqri)

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay afar qodob oo Qaramada midoobay ay doonayaan inay ku dhamiyaan colaada Tuka-raq, isaga oo dagaalkaas ku tilmaamay mid abaabulan oo hor seedi karo dhibaato baaxad weyn leh.

Waxa uu wasiika arimaha dibadu sida oo kale ka hadlay isbadalada ka socda dalka Itoobiya oo doortay raysal wasaare cusub, waxaanu arimahan  kala hadlay waraysi uu siiyay Maxamed Xasan Daacad oo ka mid ah tilifishanka Saab, waxaana ugu horayntii isaga oo ka hadlaayay xaalada Tuka-raq uu yidhi “Dedaalka uu caalamku wado sidii arinka loogu soo afjari lahaa si nabad ah, waxa ay soo jeediyeen afar waxa ugu horeeya in xabada la joojiyo, xidhiidh la wada yeesho oo madaxda ciidanku ay wada xidhiidhaan, in maxaabiista laga wada hadlo daryeelkooda iyo isku celintoodaba iyo in wada hadalkii dib loo bilaabo, inagu intaba waynu ku qanacsanahay waana jidka loo maraayo sidii arinka nabad loogu soo afjari lahaa.”

Wasiir Sacad waxa uu gobalka Sool ku tilmaamay mid aan qaadi karin dagaal iyo colaad”Gobalka Sool dagaal uma baahna, iska hor imaad uma baahna waxa uu u baahan yahay horumar iyo nabad, nabada ayaa lagu caano maalaa colaada laguma caano maalo, wadan waliba xaq ayuu u leeyahay inuu xadkiisa gaadho intaad dalkaaga gudihiisa joogto ma jirto cid kula dagaalamaysa gaadhstiisa, arinku waa dad kale oo dibada ah oo xadkeena ka baxsan oo ku duulaan ah dalkeena iyo dadkeena laakiin Somaliland uma baahana inay dadkeeda jiidh jiidho oo muquuniso oo xoog xadka ku gaadho, waa dad reer Somaliland ah dad meel kale ah toona maaha.”

Wasiirka arimaha dibada Somaliland waxa uu ku tilmaamay dagaalka Tuka-raq mid baaxad leh oo abaabulan”Way jiraan dhawr jeer oo aanu isku dhacnay laakiin isku dhacyo ayay ahaayeen, laakiin dagaal lixaadkan leh oo sidan u aloosan oo u abaabulan oo qaylodhaan leh runtii kani waa kii inoogu horeeyay, waana jid aan wanaagsanayn jidka uu ina marinayaa waana dagaal ka weyn habka uu u abaabulan yahay Puntland oo kaliyaata  oo loo dhan yahay oo meelo badan laga hurinaayo, waxaanu ka waaninaynaa dadka xaga danbe ka hurinaaya dagaalka inay joojiyaan.”

Ugu danbayntii Dr.Sacad Cali Shire wasiirka arimaha dibada Somaliland waxa uu ka hadlay isbadalada is daba jooga ah ee ka socda Itoobiya”Inaga cilaaqaadka inaga dhaxeeya Itoobiya waa cilaaqaad taariikhi ah, waa mid jaarnimo waa mid daneed  markaas inuu sii adkaado oo uu sii wanaagsanaado mooyaane fili mayno inuu hoos uga dhaco halka uu joogo, dhaqdhaqaaqan faraha badan leh ee uu samaynaayo raysalwasaaraha cusubi oo inta badan ku salaysan siduu u damin lahaa iska hor imaadka ka taagan wadankiisa ama isku dhaca ka dhaxeeyay isaga iyo wadamada jaarka ah, waanu soo dhawaynaynaa dhaqdhaqaaq kasta oo ku saabsan sidii nabad loo heli lahaa, waxaan filayaa ujeedada ugu weyn ee raysal wasaaraha cusubi inay tahay  inuu iska damiyo waxii dab ah ee ka dhacaaya wadanka gudihiisa iyo hareerihiisaba, dabadeedna uu isha saaro dhaqaalaha, waxay ila tahay waa tub siyaasadeed oo wanaagsan istaraatijiyad ahaan.”

Daawo: Amniga koobka adduunka 2018 oo qaab cajiib ah loo sugayo !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ruushka ayaa daboolka ka qaaday inay diyaarineysa ciidamo khaasa oo sugi doona amaanka garoonka uu ka dhici doono ciyaaraha Koobka Aduunka.

Ruushka ayaa sheegay in ciidamada ilaalin doona Garoonka ay isticmaali doonaan aallado casri ah oo la doonaayo in looga hortago khatarta Kooxaha xagjirka ah.

Ciidamada la wareegi doona amniga amaanka Koobka aduunka ayaa isticmaali doona barashuut, iyadoo ujeedka ugu weyn lagu sheegay bad qabka Ciyaartooyda iyo daawadayaasha ciyarta.

Ciidamada khaaska ah ee loo xilsaaray xasilinta amniga Garoonka inta uu socdo Koobka ayaa baro laga koontaroolo amniga looga dhex sameeyay gudaha iyo banaanka Garoonka, waxaana la dkeyn doonaa amniga Garoonka galitaanka.

Waddooyinka iyo Isgoosyada ku dhow dhow Garaoonka lagu qaban doono cayaarta ayaa waxaa lagu hardhay Kaamirado casri ah kuwaa oo si nadiif ah u duubaya muuqaalka dadka.

Kooxda xagjirka ah ee Daacish ayaa muddo aan fogeyn ku goodisay in weeraro argagixiso ay ka fulin doonto Garoonka lagu qaban doono cayaaraha.

Xasan Kheyre oo sheegay qorshaha cad ee DF kaga aadan amniga Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadiisu ay wado qorshooyin badan oo lagu adkeynaayo amniga magaalada Muqdisho iyo guud ahaan kan Gobolada dalka.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay in ahmiyada koowaad ee Xukuumadiisu ay tahay mid lasiin doono amniga oo uu tilmaamay inay kula xisaabtami doonaan dhammaan shaqsiyaadka ku magacaaban Hay’adaha amniga.

Xukuumada Somalia ayuu sheegay in ahmiyad gaara ay u aragto xasilooni ka dhalata Somalia, si buu yiri shacabka Soomaaliyeed ay u helaan fursado ay uga nasankaraan Qaraxyada iyo wax waliba oo dhibaateynkara amniga.

‘’Xukuumadu waxa ay amniga ka leedahay qorshooyin cadcad, waxaanu wakhtiga ugu badan galin doonaa amniga, xasiloonida iyo in shacabka ay ka badqabaan dhac iyo boob’’

‘’Qorshaha aan damacsanahay wey adkaan doontaa inuu fulo, si uu u fulo waa in taageero joogta ah aan ka helnaa shacabka’’

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa dadka ka shaqeeya amni darada uga digay inay kusii dhiiradaan waxyaabaha ay ku hanweyn yihiin ee ah dhibaatada ay u maleegayaan shacabka.

Haddalka Xasan Kheyre ayaa u muuqanaaya mid ay xukuumada Somalia ku adkeyneyso xaalada amni ee dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Madaxweyne Farmaajo oo ciidda awgeed ka farxiyey naafada ciidanka xoogga

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Benaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa gaarsiiyey Naafada Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan cusbitalka Martiini ee magaalada Muqdisho hadiyado ciidsiin ah oo uu ugu talagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Tuulax ayaa hadal uu u jeediyey Ciidanka waxa uu ku sheegay in Ciidsiintan uu u sameeyey Madaxweynuhu ay ka tarjumayso sida uu markasta u xasuusanyahay, una daneynaayo farxaddooda iyo niyad wanaagooda.

“Hadiyaddan aan idiin keenay waxaa ii soo wakiishay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo runtii jeclaa in uu gacantiisa idin ku guddoonsiiyo, Waxaan ogsoonnahay in mushaharka aad qaadataan uu idiin bilaabay bur burka kaddib Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xilligii uu Raiisul Wasaaraha, markastana aad xiriir dhaw la leedihiin, hadaba dhammaan arrimahaan waxa ay ka tarjumayaan sida ay idiin xasuusan tahay DFS, gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo.”ayuu yiri Guddoomiye Tuulax

Sidoo kale, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Benaadir ayaa xaqiijiyey sida ay uga go’antahay Maamulka heer Gobol iyo heer Federaal in wax tar muuqda oo joogto ah ay u sameeyaan Naafada Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Cusbitalka Martiini, maadama ay naftooda u soo horeen dalkooda, haatanna la joogo xilligii ay guran laaheeyeen mirihii halgankii dheeraa ay u soo galeen dalkooda.

Saraakiisha iyo Ciidanka Naafada ah ee la guddoonsiiyey hadiyadaha uu ugu tala galay Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay dareenkooda farxadeed, iyagoona bogaadiyey maamuska iyo maqaamka uu u muujiyey Madaxweynaha Jamhuuriyaddu.

Maraykanka oo shuruud adag ku xiray qaadidda xayiraadda K/Waqooyi

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Mike Pompeo ayaa sheegay in cunaqabateynta saaran Kuuriyada Waqooyi aan lagaqaadi doonin ilaa iyo inta ay ka burburinayso hubka Nukliyeerka ah.

Pompeo oo magaalada Seoul ee dalka Kuuriyada koonfureed uu kula kulmay dhigiisa dalkaasi iyo Japan ayaa waxaa uu sheegay in xukuumadda Pyonyang ay ka go’antahay inay fuliso arrintaasi.

Xoghayaha arimaha dibedda ee Maraykanka, Mike Pompeo waxa uu u tegay Seoul oo ah caasimadda Kuuriyada Koonfureed si uu ugu qanciyo dalkaasi iyo Japan in heshiiska taariikhiga ahaa ee dhex maray Trump iyo Kim Jong-Un uu dan uu yahay dhinacyada oo dhan.

Waxa uu sheegay inuu rajaynayo inuu arko Kuuriyada Waqooyi oo gebi ahaanba burburisay hubkeeda khatarta ah marka la gaaro dhammaadka sanadka 2020-ka.

Dalal uu ka mid yahay Japan ayaa shaki ka muujiyay qaabka loo hirgelinayo heshiiska dhex maray Trump iyo Kim, waxaana ay sheegeen in aanay ku caddeyn heshiiskaasi xilli Pyongyang looga fadhiyo inay burburiso hubkeeda wax gumaada.

Balse Pompeo ayaa carrabka ku adkeeyay in aan Kuuriyada Waqooyi cunaqabateynta laga qaadi doonin ilaa iyo inta ay ka burburinayso hubkaasi.

Waxa uu intaas ku daray in Maraykanka, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ay ka go’an tahay xaqiijinta hub ka dhigidda xukuumadda Pyongyang.

Warbaahinta Kuuriyadda Waqooyi oo ka hadashay heshiiska ayaa sheegtay in la isla meel dhigay in tallaabo tallaabo loo fuliyo, oo si talantaali ah uu dhinacba markiisa uga soo baxo waxyaabaha looga baahan yahay, taasoo khilaafsan waxaa uu hadda sheegayo xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, Mike Pompeo.

ISHA BBC

Deeq ka timid Museveni oo loo qeybiyay qoysas ku sugan Shabellaha Hoose

Golweyn  (Caasimadda Online) – Ciidamada Uganda ee ku sugan deegaanka Golweyn ee Gobolka Sh/Hoose ayaa raashin gargaar ah waxa ay qeybiyeen qoysas dan yar ah oo deggan magaladaas.

Deeqdaas ayaa loogu talo galay dadka danta yar in ay ku afuraan,waxayna ka timid Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni,iyada oo  loo soo marsiiyay ciidamada Amisom ee ku sugan Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dadkii deeqdaas la gaarsiiyey ayaa dowladda Uganda uga mahad celiyey deeqdaas,iyaga oo sheegay in lagu soo beegay waqtigii loogu talo galay.

AMISOM ayaa dhowr jeer sidaan oo kale waxa ay deeq kala duwan gaarsiiyeen qoysas ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Daawo: Senator Mareykan ah oo dalbay in Mareykanka joojiyo lacagta uu siiyo DF

Washington DC (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Federaalka ee La-socodka Heshiisyadda iyo Maaraynta Gurmadka ee dalka Mareykanka, Senator Rand Paul  ayaa ku baaqay in la joojiyo lacagta Mareykanka uu siiyo ciidamada Soomaaliya.

Senator Rand Paul, oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, lagana soo doorto Gobalka Kentucky ee dalka Maraykanka waxa uu sheegay inay jiraan caddaymo muujinaya in Ciiddankaas qaarkood qeyb ka ahaayeen Ururka Al-Qaacida, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa jira in 920 carruur la askareeyey, laguna khasbo inay dagaalamaan, waxaana jira caddaymo muujinaya  inay qaar ka mid ah ciiddankaasi ka tirsan yihiin Al-Qaacida iyo kuwo aan waxba dhaamin burcadda taagan waddooyinka waa weyn” ayuu yiri Senator Rand Paul oo wareysi bixiyey Toddobaadkii la soo dhaafay.

Sidoo kale, Waxa uu ku nuuxnuuxsaday inaysan wax fiican ahayn in canshuurta dadka Maraykanka loo adeegsado lacagaha ciiddanka Somalia loogu iibiyo labiska iyo tan mushaar ahaan loo siiyo.

Senator Rand Paul, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, lagana soo doorto gobalka kentucky ee dalka maraykanka waxa uu tilmaamay in khasaaraha Maraykanka sannadkan gaari doono trillion dollars, wuxuuna is-weydiiyey halka ay lacagta ka imaanayso iyo xitaa waxa labiska iyo mushaarka looga dhigayey ciiddanka qaranka Somalia.

Halkan hoose ka daawo wareysiga

Puntland: Somaliland waa sida hasha geela cunta ee haddana cabaada (Maqal)

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta, isgaarsiinta, Hidaha,Dhaqanka & Boostada Puntand, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa ka hadlay xaaladda Tukaraq, afduubka dad shacab ah loogu gaystay degaanka Caynaba iyo hadalkii Faysal Cali Waraabe.

Wasiirku waxaa uu sheegay in aanay jirin wax wada hadal ah oo Puntland kala galayso Somaliland ee ku aadan arrimaha Gobolka Sool.

Mar la weydiiyey in ay jiraan dadaalo beesha caalamku ay wado oo la xiriira dhex dhaxaadin labada maamul ayuu yiri “Adeer Somaliland waa hasha geela cunta oo haddana cabaada, arrinta beesha caalamkana, ma jiraan cid aan wadan kayaga wada hadal kala galayno, cidii hadal rabtaa waa inay ciideedii tagtaa oo ka baxaan dhulka aanay lahayn”

Wasiir Qarjab waxaa uu sheegay in bulshada Soomaaliyeed gobol kasta haka yimadeene aan laga lahayn oo ay joogi karaan, iman karaan, wax ka baran karaan, ka ganacsan karaan Puntland, oo aysan jirin cid waxyeelaynaysa.

“Waxaan aaminsanahay in aan dhulka laga lahayn isu socodka bulshada aan cidna xanibaad u gaysan karin sida maammulka Soomaalidiidka ah oo dadka shacabka ah ee ku safraya wadada dhibaateeya” ayuu yiri.

Halkaan ka dhagayso codka Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

 

Sabab yaab leh oo keentay in Kim Jong musqul gaar usoo qaato kulankii Trump

Madaxweynaha  dalka Maraykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa ku kala saxiixay heshiis dhinaca amniga ah jasiirad ku taal dalka Singapore labo qalin oo kala duwan.

Markii la saxiixayay heshiiska ayaa waxaa soo if baxday in hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim uusan aaminaynin dowlada Maraykanka kadib markii uu diiday in uu heshiiska ku saxiixo qalinkii uu isticmaalay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Madaxweyne Trump ayuu dhigey qalinkii uu ku saxiixay qoraalka heshiiska  meel aan ka fogeyn hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi,hase yeeshee waxaa miiska si deg-deg ah ku yimid sarkaal ka tirsanaa wafdigii xukuumada Waqooyiga Kuuriya kaasoo gacmaha ay u duubnaayeen waxana uu si taxadar leh u qaaday qalinkii uu Trump isticmaalay, waxaana si dhaqso leh jeebka uga soo bixisay qalin gabadha ay walaalaha yihiin Kim Jong-un taasoo ka mid ahayd wafdigiisa isla markaana dhinac taagneyd marka uu saxiixayay heshiiska.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa la sheegay in uu aad isaga ilaalinayay in uu taabto shey wax u soo gudbin kara inkastoo uu si toos ah u gacan qaaday madaxweynaha Maraykanka markii uu gacanta u soo taagay daqiiqadii ugu horeysay ee kulanka.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo caafimaadkiisa isbedelayay sanadihii la soo dhaafay uu iska ilaalinayay in dhiigiisa ay Maraykanka ay aalad qarsoon ku qaadaan.

Kim ayaa la sheegay in markii uu yimid dalka Singapore oo martigeliyay kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Maraykanka uu hore u soo qaatay wax walba uu u baahnaan karo waxaana la sheegay in musqul gaar ah ay ka mid ahayd waxyaalaha uu ka soo qaatay dalkiisa taasoo uu isticmaalayay intii uu joogay dalka Singapore.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa waxaa la socday markii uu imanayay dalka Singapore ilaaladiisa gaarka ah iyo gaadiid u gaar ah oo uu marwalba isticmaalo isagoo ku yimid dalka Singapore diyaarad laga leeyahay dalka Shiinaha.

Maxaa kasoo baxay kulankii Kim iyo Trump?

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu sheegay in kulanka uu la qaatay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu ahaa mid wax ku ool ah oo kalsooni geliyay.

Trump wuxuu sheegay inuu joojinaya dhoolatuska militari halka Kim uu ballan qaaday inuu burburin doono goobaha lagu tijaabiyo Nukliyerka.

Sida ku cad heshiiska ay labada hogaamiye saxiixeen, waxaa ka go’an sidii Nukliyerka looga ciribtiri lahaa gacanka Kuuriya iyo ka shaqaynta nabadda gobolka.

Mareykanka ayaa ka codsaday Kuuriyada Waqooyi in si dhamaystiran ay u xaqiijiso burburinta Nukliyerka.

Madaxweyne Trump wuxuu yiri “Waxaan filaya in labada dhinac ay ku farxi doonaan natiijada kulanka”

Kulanka kaddib hoggaamiyeyaasha waxay kala saxiixdeen dokumenti ku baaqayay in labda dal ay billowdaan xiriir cusub.

Kulanka Donald Trump iyo Kim Jong-un ayaa noqday kii ugu horreeyay ay abid qaataan madaxweyne Mareykan ah iyo hoggaamiye Kuuriyada Waqooyi ah.

Waxay isku salaameen hoteel loo dalxiis taga oo ku yaalla Jasiiradda Sentosa ee dalka Singapore ka hor inta ay u billaabanin wadahadallada.

Trump oo saaxibtinimo dhaw u muujinaya hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi wuxuu sheegay inuu Aqalka Cad ku marti qaadi doono Kim Jong-un.

Hoggaaamiyaha Kuuriyada Waqooyi wuxuu dhankiisa sheegay inay go’ansadeen in laiska illaawo wixii horay u dhacay, heshiiskaana ”uu adduunka u horseedi doono isbadello waaweyn.”

Dadka falaanqeeya siyaasadda gobolka ayaa ku kala aragti duwan qodobada ugu dambayn kasoo baxay kulanka, qaarkood waxay u arkaan kulan aan wax wayn soo kordhinayn, halka qaar kalena ay rumasan yihiin in kulanka uu noqon karo dhabbihii nabadda loo qaadi lahaa.

Heshiiska labada dhinac ay kala saxiixdeen ma ahaan mid faahfaahin ka bixiyay sida gacabka Kuuriya looga dhigi lahaa mid ka caagan niyukliyeer.

Mareykanku wuxuu sheegay inuu dammaanad qaadi doono ammaanka Kuuriyada Waqooyi inkastoo aanan la sheegin waxaa ay ka dhigantahay arrintaasi.

Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka waxay ballan qaadeen inay sii wadi doonaan wadahadallo kale oo looga hadlaya amniga gobolka.

Sawirka lasoo qaaday ayaa muujinaya labada hoggaamiye oo is salaamaya, waxay astaan u noqonaysaa in labada dal ay xiriir wanaagsan yeeshaan kuwaaso muddo 20 sanno ah ay cadowtinnimo ka dhexeysay.

Kulankii taariikhda galay

Trump iyo Kim Jung-un waxaa la socday oo kaliya ah markii ay kulmayeen labo qof oo u kala turjumo, waxayna hadleen in ka yar 40 daqiiqo, kaddibna waxaa kusoo biiray wufuud la taliyeyaal ah oo kulankooda qadada qeyb ka ahaa.

Waxaana ka mid ahaa mas’uliyiinta joogay kulanka xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo iyo la taliyaha ammaanka John Bolton, dhanka Kuuriyada Waqooyi waxaa joogay madaxii hore ee sirddoonka Kim Yong-chol iyo wasiirka arrimaha dibadda Kuuriyada Waqooyi Ri Yong-ho.

Kim iyo Trump ayaa ku qadeeyay cunnooyin isku dhaf ah oo laga keenay dalalka reer galbeedka iyo Kuuriya.

Muxuu uga dhigan yahay kulanka labada dal?

Kulanka taariikhiga ahwaxa alagu tilmaamay mid dan ugu jira labada dal inkastoo dhowr jeer oo hore uu qark u saarnaa inuu baaqdo.

Dad badan ayaa rumaysan in natiijada kasoo baxday kulanka aysan waxtar noqon doonin.

Inuu la kulmo Kim madaxweyne Mareykan waxay u tahay guul maadama aabihii iyo awoowgii aysan samaynin arrintaasi.

Mareykanka ayaa cadaadis ku hayay Kuuriyada Waqooyi oo ay kamid ahayd cunaqabataynta dhaqaale uu dalkaasi kusoo rogay.

?????????????????????????????????????????????

Somaliland iyo Puntland oo billaabay in shacabka ay kala afduubtaan (Warbixin)

Garoowe (Caasimada Online0 – Wararka naga soo gaaraya degaanada maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in saacaddihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen Afduubyo loo geystay dhalinyaro kasoo kala jeedda labada maamul.

Labo dhalinyaro ah oo kasoo jeedda degaanada maamulka Puntland ayaa lagu Afduubtay degmada Caynabo, waxaana sidoo kale la sheegay in meel u dhow degaanka Tukaraq lagu Afduubtay dhalinyaro kasoo jeedda maamulka Somaliland.

Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan gobolka Sool dhalinyaradda kasoo jeedda maamulka Somaliland ayaa kusoo jeeday Magaalada Garowe, waxaana ay doonaayeen in halkaasi ka qaataan Passapoorka Soomaaliga.

Sidoo kale dhalinyaradda kasoo jeedda degaanada maamulka Puntland ayaa ku sugnaa degmada Caynabo ayaa la sheegay in ay halkaasi u joogeen howlo shaqo.

Afduubka ayaa waxaa geystay Maleeshiyo Beeledyo sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Waxgaradka labada dhinac ayaa wadda dadaallo ay ku doonayaan in ay dib xoriyadooda ugu soo celiyaan dhalinyaradaasi.

Dhawaan ayay aheyd Markii Magaalada Garowe lagu Afduubtay dhalinyaro kasoo jeeda Somaliland,kuwaasoo markii dambe ay ku guuleysteen in ay soo daayaan waxgaradka labada dhinac.

Maareeye oo ku dhawaaqay mamnuucis waqtigeeda ka soo daahday laba bil (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa waxaa lagu mamnuucay in Ganacsatada ay soo dejiyaan Qalabka ay Carruurta ku Ciyaaraan Maalmaha Ciida.

Wasiirku waxa uu sheegay in qalabkaasi ay ka sameysan yihiin walxaha baaruuda ah ee Qaraxa sameeya kuwaa oo ka kooban Bustoolado iyo Qoryo dhammaantooda feeg ah.

Waxaa lagu sheegay wareegtada in qalabkaasi ay qalqal amni ku keeni karaan dadka shacabka, sidaa aawgeed ay Wasaaradu mamnuucday.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa muujineysa in Wasiirka uu gabay howlaha Wasaarada, waxaana xusid mudan in warqadaasi ay kusoo beegmeyso xili hal maalin ay ka harsan tahay Ciida.

Qalabka la mamnuucay ayaa magaalada Muqdisho soo galay ku dhawaad laba bil ka hor, hase yeeshee waxa uu Wasiirka iyo Wasaaradiisaba kusoo baraarugen xili qoysaska carruurta leh ay goor hore iibsadeen.

Dadka qaar ayaa wareegtada Wasiirka ku tilmaamay mid ifineysa howl xumo iyo ka warqab la’aan ka dhex jirta Wasaarada, iyagoo u sababeeyay soo daahista wareegtada.

Wareegtada ayaa looga digay Ganacsatada in ay soo dejiyaan Qalabkaas,oo Wasaaradu sheegtay in ay yihiin kuwo dhibaato amni u keenaya dalka,isla markaana Carruuta oo horay ugu dhashay Wadan amnidarro ka jirto sii dhiiragelinaya.

Sidoo kale Ganacsatada ayaa loogu baaqay in Maalmaha Ciida kale ee soo socota in ay dalka keenaan Qalab kan ka duwan kaas oo Carruurta baraya waxyaabaha wanagsan.

Puntland oo beenisay war kasoo baxay Somaliland oo ku saabsan gobolka Sool

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa beeniyey war kasoo baxay Somaliland oo ah in wadahadallo la leeyihiin maamulkaasi, lagana wadahadlayo arrimaha gobolka Sool.

C/laahi Jaamac Quraan Jecel oo ah afhayeenka Puntland ayaa sheegay in warka kasoo baxay wasiirka arrimaha dibadda maamulkaasi aanu waxbo ka jirin, islamarkaana Puntland ay ka go’an tahay iney la wareegto gobolka Sool.

“Waan maqlay warkaa kasoo yeeray wasiir Sacad Cali Shire oo uu leeyahay waxaa inoo socda annaga iyo Puntland wadahadallo, warkaasi waa mid aan waxbo ka jirin waa war siyaasi…Laascaano iyo gobolka Sool waa la xoreynayaa waa arrin dastuuri ah, haddii in muddo ah Somaliland ay dhex socotay micnaheedu ma ahan iney leedahay” ayuu yiri afhayeenka.

Dhanka kale, Afhayeen Quraan Jecel oo hadalkiisa si wata ayaa sheegay in aanu jirin wax lagu wadahadlo oo meesha yaalla, sababtuna wuxuu ku sheegay in Sool ay ka tirsan tahay Puntland.

Lama oga sida ay wax ku dambeyn doonaan, waxaana jirin illaa hadda dedaal rasmi ah oo muuqda misane lagu kala dhexgalay dhinacyadan.

TAABIT CABDI: “Xamar xuquuq la’aan iyo xorriyad la’aan ma wada qabato”

Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa si adag uga hadlay xayiraada la saaray shacabka Muqdisho iyo dilalka isi soo taraya ee lagu hayo dhallinyarada ku xamaalata gaadiidka Bajaajta.

Maalmihii lasoo dhaafay, Muqdisho waxey aheyd magaalo kala xiran waxaana intaas dheer dilal ay ciidanka Dowladu ku hayaan shacabka. Wuxuu Taabit Cabdi Dowladda ka codsaday in ay cadaalad helaan qoysaska caruurtooda la laayay.

Gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir ayaa qaba in Muqdisho oo aan heysan mataalad siyaasadeed in aaney xamili karin caburin joogto ah isagoo yiri “Xamar Xuquuq la’aan iyo Xorriyad la’aan ma wada qabato”.

Hoos ka Aqriso qoraal uu Taabit soo dhigay boggiisa rasmiga ah ee Facebook.

Xaaladda shacabka Muqdisho waa sii adkaaneysa maalinba maalinka xiga. Jidadka xiran waxaa ku biiray dilalka joogtada ah ee wiilasha dhallinyarada ah ee Bajaajta ku xamaasha. Aad baan uga murugoonayaa aqbaarta nuucaas ah.

Bajaajleydu dhaqaale ayey magaalada u yihiin, waxay sahlaan isu-socodka bulshada, waxayna u badan yihiin dhallinyaro. Sidaa darteed waa inaan la dabar jarin jiilka Caasimadda. Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay dilalka lagu hayo Bajaajleyda wuu batay mana jirto sabab cad oo loo aaneyn karo iyo wax ay galabsadeen toona.

Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan qoysaskii ay ka baxeen dhallinyaradaas gardarada lagu dilay. Dowladda waxaan ka codsanaya in ay cadaalad helaan ehelada marxuumintaas iyo in talaabo adag laga qaado askarta dhaqankaas caadeysatay.

Waxaa fooda inagu soo heysa Ciidul-Fidrigii, weli Muqdisho waa kala xiran tahay, waxaana jira ganacsato badan oo aan weli suuq u helin agabkii ay u keeneen Ciida awgeed, sidoo kale waalidiin iyo caruur badan ayaan weli helin fursad ay ku tagaan goobaha ganacsiga jidadka xiran awgood.

Dowladdu waa iney fududeysa isu-socodka magaalada, waa in ay raadisaa xal fudud oo amniga lagu sugi karo, bulshada Muqdishana ay ku ganacsan karto kuna noolan karto bilaa caburin. Xamar Xuquuq la’aan iyo Xorriyad la’aan ma wada qabato!

Mahad-badan 
Thaabit Cabdi Maxamed

Mahad Salaad “Waa in na loo cadeeya in Muqdisho ay yeelatay laba madaxweyne”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ay dadka shacabka ah ku qabaan xirnaanshiyaha waddooyinka magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Mahad ayaa xernaanshiyada daba dheeraaday ku eedeeyay Dowlada Somalia, gaar ahaan madaxda ugu sareysa.

Xildhibaan Mahad Salaad oo arrintaan ku cabiray qoraal uu kusoo daabacay boggiisa Facebook, ayaa su’aal ka keenay sababta ay Hay’adaha amniga u dhaqan galin la’yihiin amarka kasoo baxay Madaxweynaha dalka.

Waxa uu sheegay inay garan la’yihiin waxa u sababta ah in amarka Madaxweynaha dalka ahna Taliyaha Guud ee ciidamada Qalabka sida uu ka dhaqan gali la’yahay keliya magaalada Muqdisho.

Mahad waxa uu qoraalkiisa ku sheegay inuu garan la’ yahay in dalka uu leeyahay laba Madaxweyne oo talooyinkooda siyaabo kala duwan u fula.

Hoos ka akhriso qoraalka mahad salaad:

Madaxweyne Farmaajo maalintii Sabtiga qoraal uu soo dhigay bogiisa Twitter ka waxa uu ku sheegay “in uu farayo hay’adaha amniga inay shacabka u sahlaan isu socodka magaalada, jidadka xiranna loo furo”.

Ilaa hada magaaladu sidii ayay ciriiri ugu jirtaa, cabashada shacabkana waa sii labo jibaarantay!

Sida ku cad Qodobka 90aad, Farqadiisa (b, c) ee Dastuurka KMG, Madaxweynahu waa Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida. Wuxuuna magacaabaa Taliyeyaasha Ciidammada Heer Federaal xilkana waa ka qaadaa.

Haddaba, hadii Madaxweynuhu amray in la furo wadooyinka xiran, waa su’aale:

– Yey u xiranyihiin wadooyinka magaalada Mogadishu ilaa hada?

– Hadiise Madaxweynuhu amar bixiyay maxay u fuli la’yihiin amaradiisu?

– Mise magaaladii Mogadishu ayaa labo Madaxweyne yeelatay oo jidadka la gooyay Dowlad kale ayaa ka talisa?!

Mudane Madaxweyne bil Ramadaan ayaa lagu jiraa, maalmihii ciidana afka ayay nagu soo hayaan ee dadka shacabka ah ciqaabta Ciidammada Amnigu ku hayaan halaga dul qaado.

Mahadsanid.

Hon. Mahad Salad