25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Daawo: Sida cajiibka ah ee ABIY AHMED naanta loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Ethiopia Dr. Abiy Axmed Cali ayaa haatan kasoo degay Garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa intaa kadib salaan sharaf ka qaatay Ciidamada waxaana loo galbiyay qeybta VIP Garoonka ee madaxda lagu soo dhaweeyo.

Abiy Axmed oo loo galbinaayo Villa Somalia ayaa kulan khaasa si wada jira ula qaadan doona Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Xasan Kheyre, iyadoo laga wada hadli doono xiriirka labada dal.

Xog: Go’aan laga gaaray ka qeyb galka shirka Brussels ee madaxda maamullada

Brussels (Caasimada Online) – Shirka arrimaha Soomaaliya ee Belgium-ka, oo lagu wado inuu 25 ama 26-ka June ka furmo Brussels, ayaa waxaa ka qeybgali doona dhamaan madaxda maamuladda.

Shirkaan ayaa daba socda mid uu bishii lasoo dhaafay Brussels uga soo qeybgalay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, kaasoo diiradda lagu saaray amaanka Soomaaliya, bixitaanka AMISOM iyo dib u dhiska ciidanka xooga Soomaaliya.

Illo xog ogaal ah, ayaa sheegay in Khayre ay dowladaha Beesha Caalamka ku wargeliyeen inay muhiim tahay in qorshaha Amniga Soomaaliya uu noqdo mid loo dhan yahay, oo Madaxda maamulada iyo dowladda Federaalka ay ku raacsan yihiin.

Wararka ayaa sheegaya in intii uu socday shirkii Baydhabo ay isku deyday xukuumada FS inay ku qanciso madaxda maamulada, laakiin ay ku raaci waayeen fekerkaasi, kadibna la isla meel dhigay in si wadajir ah looga wada qeybgalo shirka Brussels.

Madaxda dowladda Federaalka ayaa ogolaaday dalabkaas, waxayna noqoneysaa markii labaad oo madaxda maamulada dalka ku wehliyaa dowladda hadda jirta shir dibada ka dhacaya kadib midkii ka dhacay Ingiriiska sanadkii hore.

Tan iyo markii la doortey Farmaajo bishii Febuary 8, 2017, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka shaqeynayay in dowladda Dhexe ay dalka ku matasho shirarka dibadda ee arrimaha Soomaaliya looga hadlayo. Lama oga hadda waxa isbedelay.

Kawada qeyb-galka Shirka Brussels ayaa ka dhigan in wax isbedal ah uusan ku imaan siyaasadihi hore ee madaxda maamullada ku wehliyaan kuwa dowladda Federaalka shirarka caalamiga ah.

Dalalka dhaqaalaha ku bixiya dhismaha ciidanka xoogda dalka Soomaaliyeed ayaa waxay ka muujiyeen niyad jab wayn, sida hadda u socdaan howlaha dhisitaanka ciidanka xooga Soomaaliyeed, iyagoo ka “aaminaad baxay”.

Saaxiibadda Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa shaki gelinaya sida ciidamada xoogga dalka ugu guuleysan karaan amniga, xilli ay soo baxayaan eedeymo Mareykanka u jeediyay oo ah la musuq-maasuqo deeqaha dhaqaale ee Ciidanka.

Shirka Brussels hadda laga sugayo hogaamiyaasha Soomaaliya oo dhan iyo qorsho ay ku mideysan yihiin, iyadoo Dowladda Federaalka ka shaqeynaysay in deeqbixiyaasha ay u gacan-geliyaan dhaqaalaha ay ugu tala-galeen qorshaha amniga dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa todobaadkan warqadihii aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay Safiir cusub oo dowladda Belgium usoo magacawday Soomaaliya.

Xigasho: Garowe Online

Soomaaliya kaliya maaha: Imaaraadka oo arrin yaab leh ka sameeyey Tunisia

Tunis (Caasimada Online) – Dibadbaxyo waa weyn ayaa ka dhacay magaalada Tunis ee caasimadda dalka Tunisia, si dadka ay u cambaareeyaan isku day afgmabi oo fashilmay, oo ay ka dambeysay dowladda Imaaraadka Carabta, kaasi oo uu kashifay wargeys Faransiis ah.

Kooxaha u dhaqaaqa danaha dalka ayaa ku baaqay in la joojiyo faro-gelinta shisheeyaha ay ku hayaan arrimaha dalkaas, islamarkaana la ceyriyo safiirka Imaaraadka Carabta, sababo la xiriira ficillada dowladdiisa.

Horaantii toddobaadkan, wargeyska Le Monde Afrique ayaa shaaca ka qaaday in wasiirkii arrimaha gudaha Tunisia ee la ceyriyey, Lofti Brahem uu qorsheeyey afgambi, isaga oo gacan ka helaya sirdoonka Imaaraadka Carabta.

Tifaftiraha wargeyska, Nocolas Beau ayaa qoray in Brahem uu qalad weyn sameeyey kadib markii uu isku halleeyey saaxiibadiisa cusub ee Imaaraatiga, isaga oo aaminsan inuu noqonayo hoggaamiyaha cusub ee Tunisia.

Talaadadii ayaa dadka Tunisia ay isugu horbaxeen wasaaradda arrimaha gudaha ayaga oo cambaareynaya isku dayga afgambi ee Imaaraadka ay taageerayeen.

Dibadbaxayaasha ayaa dalbaday in dalkaas laga ceyriyo safiirka Imaaraadka, islamarkaana Brahem lagula xisaabtamo ficilladiisa, kadib markii uu halis ku noqday amniga iyo xasiloonada dalka.

Dalka Imaaraadka ayaa sanadihii dhowaa faro-gelin ba’an ku hayey arrimaha gudaha ee dalal badan sida; Soomaaliya, Yemen, Libya iyo kuwo kale.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected] 

Beentii AW-MURIIDI iyo gantaalkii nukliyeerka ee Imaaraadka Carabta

Aw-Muriidi subaxaa waxaa uu ka soo toosay xaafadda Cadeyga ee degmada Xamar/weyne isagoo intuu dib u laabtay soo dhexmaray suuqyaraha koodka ee cariiriga ah ee isla x aafadaasi si uu indhaha ugu soo nuursado bajiyaha. Dhangalowga, isbaandheeska , leefleefowga iyo kalluunka.

Wuxuu ka soo leexday dhinaca masjidka ———- wuxuuna ku soo beegmay luuqyada cabdalla shideeya iyo hooshaanka oo uu kaga soo dhacay hotel Maleyka iyo dukaamada , harqaamada iyo goobaha jumlada.

“Shib shib waaye magaalada”..maanta yaa ka roon ayuu hoos iskula hadlay wuxuuna sii raaciyey “ Maanta mala fool baxsanin” oo ahaa eray uu kuu isticmaali jiray maalmaha degan ee aan magaalada wax qarax ah ka dhicin.

Wuxuu markii dambe ku leexday dawaarlaha Qalloocow oo uu maamulayey nin ay saaxiib ahaayeen.

Mid ka mid ah kuraasta fadhiga ayuu ku fariistay..waxaaa hore u joogay shariif Cali oo loo yaqaano Shariif Maamow oo ay isku da’ahaayeen.

“Duqii waa baxay lee ma ahoo “ ayuu Maamow ku yiri Aw-Muriidi, kolkaas ayuu Muriidi ku jawaaabay “Wax la suubiyey ayaa o ghee…lacag maa la bixiyey ..yaa og….Duqa waa jiitay lee maqalnay”.

Sheekadii markii ay muddo socotay Aw-Muriidi sidii caadada u aheyd isagoo fadhiya ayuu is gashaday…waa kan hurday ..oo quuriyey.

Shariif Maamow yaab ayaa ka soo haray isagoo leh “Muriidi saan lee maas ahaay…meeshiis tagabo ma ku hurdaa lee …ayaan dhaweyd Masjidka marwaas aas ku hurday…maalin kale dukaanka Deqqow ee via Rooma, meel walbo ma lagu quurinaa…horta usuga habeenkii ma hurdo miyaa”.

Intii wiilka harqaanka joogay iyo shariifka ay hadalka hayeen ayuu misana Aw-Muriidi qeyliyey markii uu riyooday.

Wuxuu ku riyooday isagoo joogay garoonka diyaardaha Aaden Cadde oo ay ka ambabaxeysay diyaarad ay raacayyeen sakaakiil Imaaraadka ah oo u socday dalkooda …
Muran baa dhacay saraakiisha garoonka iyo kuwa imaaradka waxaana ay saraakiisha soomaalida ku adkeysteen in ay baaraan diyaardda intia aaney duulin ka hor.

Diyaaradda waxaa saaran gantaal Nukliyeer ah oo ay Imaaraadku hore qarsoodi dalka u keeneen hadana ay la noqonayaan….yaab baa dhacay.

Askarigii ugu horreeyey markii u diyaaradda madaxa galiyey ayuu sarkaal imaaraadka ah oo gudaha ku sugnaa gantaalkii keebka u qabtay oo qarxiyey…

Mar qura ayaa wixii oo dhan qiiq iyo olol isu rogeen ..Aw-Muriidi oo ka mid ahaa dadkii agagaarka ka dhowaa wax holcaya ayaa ku dhegay.

Aw-Muriidi waa galgashay isagoo holcaya oo qeylinaya ….” Waa dhintay…..iga fujiya” ayuu ku qeyliyey.

Shariifka yaab ayaa ka soo haray “Maxaa ku dheggan waaba hurdooyaaye…..maskiin cabsi lee miyaa waxaas “ ayuu yiri ka dibna wuxuu bilaabay in uu toosiyo “Muriidi ka kacbo….hana murjinine..yaa kuugu dhegan” ayuuna weydiiyey.

Aw- Mudiiri isagoo neeftuuraya ayuu hurdo-fadhigii ka toosay wuxuu yiri isagoo riyadiisa ka beensheegay “Waxaan ku riyooday anigoo jooga Warta-Nabadda..oo faraxsan oo iska lugeynaayo..amba iska lugeeyee meel fiican ma mareynin ..luuq luuq aas ahaay…waqti labo saac habeen camal eh…meel dameero badan joogaan aan soo maray…..waa naxay ..mugdi ay aheyd ..laakiin waa iska tawakalay ..yacni waa iska sii socday….lamo dameer ayaa isoo dabo kacday…gadaalba ma iska fiirinin…..mid hortey ayuu markii dambe socday midna gadaal aas iga xigay..kii horteyda socdi haraanti lees igu bilaabay..markii boodayna kii kale aa haraati igu qaadqaaday waa isu key dhiidhiibeen…dhulkaan ku dhacay waa igu joogjoogsadeen”

W/Q: Mohamed Shiil

Sababta iyo qorshaha ka dambeeya ciidamada ay Ethiopia dhiseyso ee badda

Markii ay Eritrea ay xornimada qaadatay sanadkii 1993-kii, Itoobiya waxa ay noqotay dal aanan lahayn xeeb iyo bad toona, waxayna qaadday talaabadii la filan karay oo ahayd in la kala diro ciidammadii badda.

Balse hadda dib ayay uga fiirsanaysaa go’aankaas, waxaana muuqata saansaan ah in ay raadinayso saldhig baddeed oo laga doonayo dalalka dariska la ah.

Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhawaan taleefishinka dalkaasi ka yiri “Waxaan dhisaynaa ciidammo xoog badan oo baddeed, kuwaas oo ugu xoog badan Afrika”.

Maxaa kalifay tallaabadan?

Wakaaladda wararka ee Fana ayaa Ra’isulwasaare Abiy kasoo xigatay in uu yiri in ciidammada ay la jaanqaadayaan waxyaabaha kasoo kordhay adduunka, islamarkaasna sameeyaan isbadalada loo baahanyahay.

Markii Itoobiya iyo Eritrea ay dagaalameen, waxaa dhacday in Itoobiya aysan isticmaali karin dekada Eritrea si la mid ah sidii horey loo samayn jiray, sidaasi awgeed, Itoobiya waxa ay raadsatay wax ay ku badalato.

Dhawaan waxa ay Itoobiya heshiis la saxiixatay Jabuuti, kaas oo ay ku heshay saami ka mid ah dekad halkaas ku taala.

Dekadaha Jabuuti waxaa hadda kasoo dega 95% waxa ay Itoobiya soo degsato ama dhoofiso.

Waxaa jira qad tareen oo isku xira labada dal kaas oo dhan 759 km, kaas oo sahlay in badeecooyinka iskaga kala gooshaan labada dhinac.

Balse Itoobiya kuma qanacsana sida ay Jabuuti wax uga jiraan, tusaale Roba Megerssa Akawak oo ah madaxa wakaaladda Xamuulka iyo adeegyada daabulaadda Itoobiya ee ESLSE ayaa wargeyska Blooomberg u sheegay in Itoobiya ay ka walwalsantahay saldhigyada ciidammada shisheeye ee Jabuuti ku yaala.

“Waxaan ka cabsanaynaa in Jabuuti xitaa ay go’aan ku yeelan weyso waxa ka dhacaya gudaha dalkeeda, oo lagala wareego awoodda, tanina waa halis soo foodsaartay Itoobiya” ayuu yiri Roba.

Mar uu ka hadlay ciidammada badda ee la samaynayo, ayuu sheegay in ay difaaci doonaan 11-ka markab ee ganacsiga ah ee Itoobiya leedahay, kuwaas oo ka shaqeeya badda cas. Waxa uu sheegay in ay jiraan dano siyaasadeed oo is diidan.

Maraakiibtaan ayaa waxa ay baroorsinka dhigtaan Jabuuti, iyaga oo u kala goosha qaaradaha adduunka.

Itoobiya waxa ay sidoo kale leedahay mac-had lagu tabobar xirfadlayaasha badda, waxaana sanad kasta kasoo baxa 500 qof oo leh xirfado kala duwan, waxaana la qorsheynayaa in tiradaas la gaarsiiyo 1,000.

In ciidammo meel eber ah laga soo dhiso, gaar ahaan kuwa bad waa shaqo aad u culus, una baahan dhaqaale baddan.

Itoobiya waxa ay heshiisyo la saxiixatay Suudaan iyo waliba maamulka jamhuuriyada iskeed gooni isu taagga ugu dhawaaqday ee Somaliland, halkaas oo dekada Berbera ay Itoobiya ku leedahay 19% saamiga.

Dib uga fiirsashada Eritrea

Mr Abiy waxa uu sidoo kale ka shanqariyay in uu wadahadal la furayo dowladda Eritrea oo ay muddo dheer dagaashanaayeen, isaga oo sheegay in xitaa uu xiriir dhiig ka dhaxeeyo.

Hadalkiisa ayuu ka dhabeeyay kadib markii uu ogolaaday go’aankii guddiga dhexdhexaadinta labada dal, kaas oo ahaa in Itoobiya ay ka baxdo magaalada Badme.

Balse si kasta oo uu u hagaago xiriirka labada dal, ma muuqato saansaan ah in ay soo dhowdahay in Itoobiya ay dekada Casmara ugu ugu tiirsanaan karto sidii hore oo kale.

Diblumaasi hore oo Itoobiyaan ah Birhanesmeskel Abebe ayaa sheegay in Itoobiya ay xaq u leedahay in ay isticmaasho biyaha caalamiga ah, taasna ay keeneyso in ay yeelato meel u noqota saldhig ciidammada badda.

Waxa uu intaas ku daray in Jabuuti, Kenya ama Somaliland ay ka midyihiin meelaha suurtagalka ah ee saldhigaas laga samayn karo.

Mr Birhanemeskel ayaa yiri “Waa in dalalka geeska Afrika loo mideeyaa qaab dhaqaale, ciidammo badna mashruucaas ayuu qeyb ka yahay”.

Suurtagal ma tahay in la hirgaliyo qorshahan?

Timothy Walker oo ka tirsan mac-hadla ISS ayaa qaba in Itoobiya ay tobonaan sano ku qaadan karto in ay dhisato ciidammo badeed, balse wuxuu qirey in ay samayn karaan laamo yaryar oo xagga badda ah.

Waxa uu xusay in dalalka Afrika badankood aysan lahayn saldhigyo ciidan bad oo ku filan, kuwa lehna ay yihiin dalalka shisheeye ee xoogga baddan soo dul dhigay gobolkan.

Sidaas oo ay tahay, Itoobiya waxa ay u muuqataa in ay ka go’antahay in ay dhisato ciidamo bad.

Isha: BBC Somali

Daawo Video: Cabdi Weli Gaas oo arrin aad u xun ku tilmaamay MUUSE BIIXI

Garoowe Online (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa mar kale ka hadlay xiisadda taagan ee u dhexeysa Somaliland iyo Puntland.

Madaxweyne C/Weli Gaas ayaa farriin u diray shacabka Somaliland isagoo sheegay in Puntland aysan kusoo duulin Somaliland isla markaana dagaal aysan usoo aadin.

Gaas ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi in marka laga soo tago Puntland iyo gobolka Sool inuu sidoo kale halis ku yahay shacabka Somaliland sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu la yimid dhibaato hor leh isla markaana loo baahanyahay in la qabto.

Gaas ayaa ku tilmaamay Muuse Biixi Nin waalan, waxana uu shacabka Somaliland ugu baaqay inay iska qabtaan si shacabka Somaliland ay umadda ugula noolaadaan daris wanaag.

Xiisadda u dhexeysa maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa maalinba maalinta ka dambeysa cirka isku sii shareereysa iyadoo ay sii kordhayaan hadallada dacaayadda ah ee ay hawada isku marinayaan mas’uuliyiinta labada maamul xilli ciidamada maamulladaasi ay isku horfadhiyaan deegaanka Tukaraq.

Qisada: Soomaali afduub lagu eedeeyey oo xeelad cajiib lagu geeyey Canada

Qeybtii 4-aad, Halkan kala soco qeybtii hore – 

Maxkamadda Gudaheeda iyo Maraggii dacwadda

Arrinta xiisaha lihi waxa ay ahayd in maxkamadda gudaheeda ay markii ugu horreysay dib ugu kulmeen Cali iyo Lindhout, muddo ku dhowaad toddoba sano ah kaddib, afduubkii ay isku soo barteen xaalad aad uga duwan tan ay hadda isku arkeen. Lix sano ka hor ay Amanda maxbuus ayaa ay u ahayd koox uu Cali ka mid yahay ama ugu yaraan la shaqaynayey, maanta isagii ayaa maxbuus u ah maxkamad ka shaqaynaysa in ay soo celiso sharafta Amanda oo ay tusto in meel ka dhici lagu sameeyey garsoor helayo.

Amanda Lindhout waxa ay taagnayd meel dhowr tallaabo oo keliya u jirta edegga eedaysanaha ee maxkamadda gudaheeda. Waxa aanay ka sheekaysay wixii ku qabsaday duleedka Muqdisho iyo kaalinta ay iyadu ku doodayso in uu Cali Cumar Adeer ku lahaa waxa dhacay.

Amanda waxa ay ugu horreynba caddaysay in ay si fiican u garanayso eedaysanaha, oo aanay aqoon garasho ahi isugu laabnayn, laakiin magaca Cali Cumar Adeer aanay hadda ka hor maqlin. Waxa uu magaciisa ku sheegi, oo ay u taqaanna Aadam. Amanda Lindhout waxa ay sheegtay in, si ka duwan sida uu sheegtay, aanu Cai ahayn nin goobtii afduubka marti ku ahaa ama qasab ku joogay oo afduubnaa. Balse uu ahaa taliyaha hoggaaminayey kooxda afduubka. Afduubayaasha oo dhamina si ixtiraam iyo ka dambayn leh ayaa ay ula dhaqmayeen Aadam.

Amanda waxa kale oo ay meesha ka saartay doodda Cali ee ahayd in aanu isagu ogeyn in la jidh dilay ama la kufsaday gabadhan, waxa aanay hoosta ka xariiqday in isaga laftiisu uu ka mid ahaa dadka ciqaabaya, iyada oo si gaar ah u xustay mar uu ugu hanjabay in qafaalashadeedu ay tahay ficil diini ah, “Allaah ayaa I faray in aan madaxfurasho ka qaato Lindhout iyo Brennan.” Ayaa sheegtay in uu ku yidhi.

Waxa kale oo ay maxkamadda ka hor sheegtay in Cali uu marar badan u iman jiray isaga oo u sheegaya in uu doonayo in uu guursado. “Sida hanti yar oo ay leeyihiin ayaa ay ii arkayeen” Ayaa ay ku calaacashay Amanda. Oo iyada oo aad u ooyeysa maxkamadda u sheegtay in muddadii ay kooxdan gacanta ugu jirtay ay kula kaceen garaacis iyo kufsi aanay u kala hadhin. Xaalad silic iyo uskag ahna ay ku hayeen. Marka ay saxariirkaas ka sheekaynaysayna waxa ay tusaale u soo qaadatay in qolalka lagu xidhayey ay ahaayeen kuwo qudhun ah oo jiir ka buuxo, illaa xad uu xitaa jidhkeeda dul yaaci jiray, badnida awgeed. Amanda buuggeeda ‘A House in the Sky’ oo ay wada qareen Sara Corbett waxa ay ku sheegtay in Aadam uu u sheegay in uu marka hore macallin ahaan jiray, ‘Ka hor inta aanu ku lug yeelan jihaadka’ ayaa ay tidhi. Waxa uu ahaa aabe dhalay laba carruur ah, waxa aanu inta badan ka shaqayn jiray meelaha ka baxsan Muqdisho.

Intii uu socday dhegeysiga dacwadda Cali Cumar Adeer, waxa ay maxkamaddu marag ahaan ugu yeedhay, Nigel Brennan, oo ah ninkii Amanda la’ la afduubay ee reer Ustareeliya. Kaas oo isaguna sheegay in isla maalintii la afduubayba uu Cali u yimi oo is baray. Nigel waxa uu sheegay in uu u arkayey nin waxoogaa waxbarasho ah leh, oo aanay xaaladdiisa nololeed xumayn. Waxa uu afka ingiriisiga ugu hadlayey si ka fiican dhammaan raggii kale ee afduubka u haysay. Ayaa uu sheegay.

Sawirqaade Nigel intii uu gacanta ugu jiray kooxda afduubtay waxa uu aqbalay in uu muslim noqdo, isaga oo arrintaas ka warramayana waxa uu sheegay in Muslimnimadaasi ay naftiisa badbaadisay, waayo waxa ay ka caawisay in uu la qabsado duruufta ku xeeran. Islaamnimadaas ayaa ka caawisay in uu yeesho jadwal maalmeed habaysan, oo maalintii shan jeer uu tukado, hawlihiisana shantaas jeer ku kala qorsheeyo. Waxa kale oo uu ka faa’iiday in ay intii hore isaga soo dhowaadaan afduubayaasha, iskagana faham fiicnaadaan. Nigel waxa uu sheegay in kooxda afduubku ay siisay kitaabka Qur’aanka Kariimka ah o oafka Ingiriisiga ku macnaysan, isaga oo ka hadlaya waxa uu ka faa’iiday kitaabkaasna waxa uu yidhi, “In aan helo Kitaabka Qur’aanku waxa ay ii ahayd awood aanay wax loo dhigaa jirin. Waxa aan ka helay aqoon la xidhiidha diinta Islaamka iyo in aan fahmo dadka aan la macaamilayey” ayaa uu yidhi Nigel Brennan. Isaga oo sababta uu u muslimay ka sheekaynayana waxa uu ku andacooday in uu doonayey, “In ay afduubayaashu u arkaan in uu bani’aadam yahay, iyo in ay ku adkaato in ay dilaan, maadaama oo uu muslim yahay, dilkiisuna xaaraan ka noqonayo” Kooxda afduubku waxa ay keeneen kitaab keliya oo ah Qur’aan lagu hoos qoray macnihiisa oo afingiriisi ah, kaas ayaa labada maxbuus marba mid loo geyn jiray.

Amanda iyo Nigel kitaabkan in ay akhriskiisa waqtiga isku dhaafiyaan, aqoonna kala baxaan oo keliya kama ay faa’iidin. Waxaa u dheeraa in ay ka dhigteen aalad ay ku xidhiidhaan, oo sida uu Nigel sheegay, mid kastaa marka kitaabka loo geeyo, waxa uu hoosta ka xariiqi jiray ereyada ingiriisiga ah ee ku jira macnaha Qur’aanka ee la midka ah waxa ay doonayaan in ay isu sheegaan. Ka kale marka uu soo arko, ee fahmo isna ujeedka ereyadan calaamadsan, jawaabta waxa uu isna ka dhigi jiray in uu calaamadiyo kelmado filqan oo ujeedkiisa gudbin kara. Mid kastaa ereyada uu isticmaalay bogagga ay ku yaallaan tiradooda ayaa uu ku qori jiray jaldiga hore ee buugga, si ka kale uu u raadsado.

Si kastaba ha ahaato ee, oo marka hore ahaan jiray kiristaan aan ku camal falin diintiisu, imika marka la weydiiyo, waa uu ka gaabsaday in uu caddeeyo in uu weli muslimnimadii haysto iyo in markii la soo daayey uu ka noqday. Waxa se’ uu caddeeyey in uu cafiyey afduubayaashii, oo aanu doonayn in Cali loo xukumo dembiga uu isaga Nigel ahaan ka galay. “Cafisku waa habka ugu sarreeya ee lagu cabbiri karo jacaylka, waxa aanu bulshada ka dhigaa mid horusocod ah.” ayaa uu Nigel sheegay. Isaga oo mar kale Cali ugu cudur daaraya duruufaha Soomaaliya ka jirana waxa uu yidhi, “Waxaa dhici karta in aniguba haddii aan duruuftaas nololeed oo kale ku jiri lahaa, oo qoys biil iyo nolol iga sugaya aan ku dhex haysan lahaa dal sidan u qasan, aniga oo aan wax lacag ah xoogsan karin, ay dhici karto in aan sidooda oo kale yeeli lahaa” ayaa uu yidhi Nigel.

Nigel Brennan oo sannadkii 2011 soo saaray buug uu u bixiyey, ‘The Price of Life’ waxa uu sheegay in markii uu afduubnaa aanu sidan u fikirayn oo uu ku hammiyi jiray in uu mar uun arko kooxdan oo dhammaantood dhintay, oo weliba si silic ah u dhimanaya. Laakiin hadda waa uu isbeddelay.

Nin Soomaali ah oo Cali ku marag furay

Intii dhegeysiga dacwaddu socday, waxaa kiiska soo galay nin Soomaali ah oo isagu deggen Kanada, ninkaas waxaa sheekada soo geliyey Amenda Lindhout hooyadeed, oo ka codsatay in uu soo dhexgalo iyada iyo ninka Soomaaliya ka soo hadlaya ee Aadam (Cali Cumar). Amande hooyadeed waxa ay ku fikirtay in ninkan Soomaaliga ahi uu iyada kaga fiicnaan doono la xaajoodka afduubayaasha, maadaama oo uu afkooda kula hadlayo, lagana yaabo in dhaqanka uu garanayaa ka caawiyo in uu waxbadan ka fahmo nimankan iyo waxa laga yaabo in uu u qarsoon yahay.

Ninkan Soomaali-Kanadiyaanka ah oo aanay ii suurtagelin in aan magaciisa helo ayaa marka uu Cali iyo kooxda afduubka la soo hadlo, waxa duubi jiray hadallada ay isweydaarsadaan. Markii dambe ee maxkamaddu hadalladaas dib u dhegeysatayna waxaa soo baxay in Cali aanu sida uu sheegayo afduubnayn, balse runtu tahay tii uu markii hore sheegay ee ah in uu kaalin fiican ku lahaa go’aamada iyo qorsheyaasha ay ku socdaan kooxda afduubku. Isaga oo mararka qaarkood ninkan Soomaaliga ah u muujinaya in aanu kooxda afduubka ka mid ahayn, balse uu saamayn awood badan ku leeyahay, ayaa waxa uu isticmaalayey ereyo uu ku muujinayo in uu isagu qolada afduubka cadaadis saaray, intii awooddiisa ah. “Waa ay I maqlaan aniga … Marmarka qaarkood waa aan ku qayliyaa, oo aan u sheegaa in ay waqti i yara siiyaan, si aan fursad ugu helo wadaxaajoodka aan kula jiro qoysaska lahaystayaasha oo aan heshiis la gaadho.” Ayaa ka mid ahaa hadallada uu Cali ninka Soomaaliga ah ku yidhi, ee marka dambe maxkamadda lagu dhegeystay.

Hadalka taleefanka uu Cali kagala soo hadlay ninka Soomaaliga ah ee caawinayey qoyska Amanda Lindhout, ayaa waxa kale oo ku jira Cali oo leh, “Mar hore oo caawa ahayd, waa aan la hadlay, [Afduubayaasha] oo weliba aan ku qayliyey. Xitaa qayladayda awgeed waa ay xanaaqeen oo ay igu yidhaahdeen, xaq uma lihid in aad nagu qayliso, adiga oo aan lacagtii madaxfurashada ahayd noo haynin” Hadalladan ayaa ahaa kuwo Cali uu doonayey in uu ninka Soomaaliga ah iyo qoyska uu wakiilka ka yahay ku dhiirrigeliyo in ay dhaqso hawsha bixinta madaxfurashada u soo dhammaystiraan.

Isdiidooyinka ku jira hadallada Cali waxa kale oo aad loo dareemay, mar maxkamadda dhexdeeda su’aalo talantaalli ah lagu boobay, kaddibna uu sheegay hadallo burinaya kuwii uu hore u sheegay. Inkasta oo marka hore uu sheegay in qori caaradii uu kula soo hadli jiray qoysaska afduubayaasha, waxa uu odhanayaana ahaayeen waxa ay u sheegaan oo keliya, haddana markan dambe waxa uu qirtay in aanu ahayn maxbuus u xidhan nimankan.

Waxa kale oo uu sheegay in aanu meel la deggenayn afduubayaasha, iyo haddana mar kale in ay fasixi jireen marka uu maqaaxiyaha ka soo cuntaynayo, iyo xitaa marka uu ka soo shaqaynayo xafiiskiisa oo ahaa xafiis wakaalad socdaal oo tigidhada diyaaradaha jara.

Maxkamadda

Horraantii bishii Laba iyo tobnaad ee 2017 ka ayaa ay maxkamaddu soo gabgabaysay dhegeysiga dacwadda ka dhanka ah Cali Cumar Adeer. Dacwaddaasi waxa ay khusaysay dembiga laga galay Amande Lindhout oo keliya, maadaama oo aanu ninka reer Ustareeliya ee Nigel Brennan isagu soo dacwoon. Waxa aanay maxkamaddu sheegtay in Cali ay ku heshay dembiga loo haystay oo ah in uu kaalin weyn ku lahaa afduubka Amanda sidaa awgeed uu qaadayo dembiga wixii afduubkaas ka dhashay oo dhan, oo uu ugu horreeyo jidh dilka iyo kufsiga gabadhan lagula kacay. Dacwadda waxaa qaadday maxkamadda sare ee caddaaladda ee dalka Kanada, waxa uu dhegeysigeedu qaatay 10 fadhi, waxa aanu garsooraha dacwaddu ahaa Robert Smith. La soco qeybta xigta insha allah…

W/Q: Kamaal A. Cali

‘Kiiska isirka ee Puntland ay ka hadleyso, caalamku marnaba ma fahmayaan’

Hargeysa (Caasimada Online) – Prof:Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland iyo Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, ayaa sheegay in wax aad loola yaabo tahay in Somaliland oo xadkeedii joogto in haddana laga dhigo inay Puntland ku tacadiiday, kuna xad gudubtay, waxaanu xusay inay Somaliland xaq u leedahay inay xadkeeda gaadho, isagoo soo jeediyey in xaalada ka taagan Gobolka Sool, gaar ahaan Tuko-raq, inay Somaliland iyo Somaliya ay ka wada hadlaan.

Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay dhoofka xoolaha ee uu u Sucuudigu furay, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Somaliland waxay leedahay xadkaygii baan doonayaa in aan gaadho, Puntland waxay ku doodaysaa abtirsiimo, waana laba arimood oo aan is liqi karayn, arimahaas oo kalena ma wanaagsana inay noqdaan mindi mindi ku taag, waxaana wanaagsan in si degan arintan loo galo, Somaliland xaq bay u leedahay inay xuduudeeda gaadho, wax loo baahan yahay maaha in Somaliland oo xuduudeedii ku jirta in laga dhigo inay Puntland ku soo tacadiday, kiiska ay Puntland ka hadlaysana waxaan u arkaa inuu yahay kiis aanu Caalamku fahmi karayn, waxayna ila tahay in arinkan ay Somaliland iyo Somaliya ka wada hadlaan iyadoo cid dhex joogto”.

Mar uu ka hadlaayey sida uu u arko dhoofka xoolaha ee uu Sucuudigu furay ayuu yidhi “Waa loo baahan yahay oo xoog baynu ugu baahan nahay in dhoofka xoolaha la inoo furo, waana in laga faa’iidaystaa, waana in la hubsadaa in xoolaha inaga dhoofayaa inay yihiin xoolo tayo leh, oo caafimaad qaba, waayo dhaqaalaheenii oo dhan baa ku xidhan, oo sicir bararka baa ku xidhan, dakhliga dawladda ayaa ku xidhan, waana in la joojiyo wax alaale wixii dhibaato ku ah dhoofka xoolaheena”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected] 

Midowga Yurub oo siinaya dowladda Somalia lacag ay hub ku soo iibsato!!!

Brussels (Caasimada Online) – Midowga Europe waxay shalay shaaciyeen Kaalmo Dhaqaale oo cusub oo lagu maalgelinayo sidii Nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya iyo dalalka kale ee ay colaadaha ka jiraan.

Hadal-qoraal oo shalay ka soo baxay Xarunta EU-da ee magaalladda Brussels ee dalka Belgium aya lagu sheegay inay EU-da ku kharaj garanayso lacag dhan 10.5 Billion oo EURO oo u dhiganta 12.4 Billion ee  Dollar-ka Maraykanka sidii Qalab Milliteri oo ay ku jiraan Hub loogu iibin lahaa dalalka ay wada shaqeynta leeyihiin  ee ku yaalla Deegaanadda ay Colaaduhu halakeeyaan ee ay ka mid yihiin dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika.

Kharajka cusub ee EU-da ee Tas-hiilaadka Nabadda ( The new European Peace Facility (EPF) waxa loo baahan yahay sidii Hawlgallo Tababar looga fulin lahaa 4 dal oo Afrikaan, si ay awood ugu  yeeshaan inay gacan ka geystaan dadaalka Nabad-ilaalinta ee meel kasta o oka mid ah Caalamka.

Madaxa Arrimaha Siyaasadda Dibedda ee Midowga Europe, Federica Mogherini waxay difaacday Kharajka Cusub ee la siinayo dalalka Somalia, Maali iyo Afrikada Dhexe, kadib, markii laga digay in Hubkaasi siyaabo kale loo adeegsado, gaar ahaan dalalka ay Xiisadaha Siyaasadeed iyo Tacadiyadad Xuquuqda Aadanah ka jiraan.

Federica Mogherini waxay sheegtay in Kharajkaasi Cusub  ee Adeegga Nabadda (EPF) oo u baahan inay  mar hore ansixiyaan dhamaan dalalka xubnaha ka ah Ururka Midowga Europe waxa uu aad u sahli doonaa sidii Deganaansho loogu soo dabaali lahaa Waddamo ay ka mid yihiin dalalka Somalia, Mali iyo Afrikadda Dhexe.

Guddiga Garabka Fulinta ee Awoodda badan ee Golaha Europe  (European Commission) oo soo bandhigay Hindisaha Kharajka Cusub ee Nabadda waxay arki doonaan Taageeradda xooggan ee dalalka xubnaha ka ah EU-da siiyaan, iyadoo Deeqdaasi Cusub ku jiri karaan Hub.

Dalalka xubnaha ka ah EU-da waxay go’aan ka gaari karaan  sida loo kharj gareynayo Lacagta EPF, iyadoo loo sii marsiinayo Golaha Europe.

Dhinaca kale, Sarkaal ka tirsan EU-da oo la hadlay Wakaalladda Wararka AP waxa uu tilmaamay in Hubka qeyb ka yahay  Xirmadda la bixinayo ee dhinac socda Tababaradda, mana noqon doonto muhiimadda ugu weyn ee Kharajka Maalgelinta ee EPF.

Sarkaalku waxa uu rajo ka muujiyey in Maalgashigaasi xaqiijin doono guul laga gaaro Hawlgalladda Tababaradda ay EU-da ka wadaan gudaha Dalalka Afrika.

Sarkaalka waxa uu ugu dambeyntii hoosta ka xariiqay  in Hawlgalka Somalia ay jiraan Kiisas ku aadan Ciiddanka Maxaliga oo iyagu aan awoodi Karin inay ku hawl-galaan Tababaradii la siiyey, sababo la xiriira iyagoo aan haysanin Qalabka asaasiga, sida Kabaha Ciiddamadda ee Buutka.

Caasimada Online
Xafiiska Brussels
[email protected] 

Kulan khaas ah oo Villa Somalia uga socda Abiy Ahmed iyo Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in halkaa uu iminka kulan khaasa uga socdo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Kulanka Villa Somalia uga socda labada mas’uul ayaa lasoo sheegayaa inuu yahay mid uu albaabada u xiran yahay.

Weriyayaasha ku sugan Madaxtooyada ayaa banaan joog ka ah shirka labada mas’uul uga socda Villa Somalia, iyadoo hakat la galiyay isu socodka gudaha Villa Somalia.

Warar hoose ayaa sheegaya in kulanka labada mas’uul looga wada hadlaayo arrimo ay kamid yihiin Xiriirka labada dal, Amniga, Khilaafka Somalia kala dhexeeya Imaaraadka iyo In Somalia lagu caawiyo dhameystirka baahiyaheeda.

Qodobada sida gaarka ah kulanka diirada loogu saari doono ayaa waxaa kamid ah Khilaafka Imaaraadka iyo Somalia iyo In Ethiopia ay kaalin weyn ka qaadato horumarka Somalia.

Warar madax-banaan ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed uu socdaalkiisa Muqdisho yahay mid ku xeeran xiisada Siyaasadeed ee Somalia kala dhexeeya Imaaraadka kaa oo ka dhashay Khilaaf Siyaasadeedka dalalka Khaliijka.

Sidoo kale, Wasiiradda ka socda dowladda Ethiopia ee wehlinaaya Abiy Axmed ayaa kulamo kala duwan la leh Wasiiradda xukuumadda Somalia.

Wafddiga Ra’isul wasaaraha Ethiopia waxaa ka mid ah Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Ethiopia.

Ammaanka Xarunta Madaxtooyadda iyo Xayndaabkeeda ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana amniga iska kaashanaya ciidamada kala duwan ee dowladda.

Geesta kale, Kulanka labada mas’uul kadib ayaa lagu wadaa in labada Dowladood ay kala saxiixdan Heshiisyo hor leh oo kala xadidi doona labada dal.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Ra’isul wasaaraha Ethiopia oo goordhow kasoo degay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo dagay Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Ra’isul wasaare Abiy Axmed, ayaa waxaa Garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyay Mdaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaahi iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somalia.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa soo dhaweyn kadib u gudbay qeybta VIP Garoonka oo ay kuwada hadlayaan Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Abiy Axmed, ayaa waxaa socdaalkiisa Muqdisho ku wehlinaaya Mas’uuliyiin kale, waxaana lagu wadaa in Ra’isul wasaare Abiy Axmed iyo wafdigiisa loo gudbiyo Madaxtooyada Somalia.

Madxaweyne Farmaajo iyo Abiy Axmed ayaa kawada hadli doona arrimaha labada dal, Khilaafka Somalia iyo Imaaraadka iyo arrimo kale.

Sidoo kale, Abiy Axmed, ayaa la kulmi doona dhigiisa Somalia Xasan Cali Kheyre oo isagu lahaa casuumaada.

Waa markii ugu horeysay uu Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed kasoo dego magaalada Muqdisho, tan iyo markii la doortay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Wafdi uu hoggaaminayo R/Wasaaraha Ethiopia oo kusoo fool leh Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ee caasimada Somali uu soo gaaro wafdi uu hoggaaminaayo Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Wafdigaan ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre, waxa ayna u diyaar garowga soo dhaweentooda ay iminka ka soctaa Garoonka Aadan Cadde.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Federaalka ayaa waxaa lagu arkayaa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kuwaa oo u diyaarsan soo dhaweynta wafdiga.

Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxaa saaka lagu hardhay Calamada Somalia iyo Ethiopia, waxaana si weyn loo adkeeyay guud ahaan ammaaanka Muqdisho.

Sidoo kale, Ciidamada Ammaanka ayaa diiday in la furo xitaa Al-baabada dukaamada iyo Maqaayaddaha ku yaalla Wadada Makah Al-mukaramah.

Geesta kale, waxaa xiran dhammaan waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo qeybo kamid ah waddooyinka laga mamnuucay socodka lugta ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Kheyre oo Abiy Ahmed ka sagootiyay garoonka Aadan Cadde ee MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka dhoofay Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed Cali, kaddib booqasho hal maalin oo uu ku yimid Muqdisho.

Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed Cali, ayaa Garoonka Muqdisho uga dhoofay Diyaaradii keentay oo ku sugneyd garoonka, waxaana garoonka ku sii sagootiyay Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Farmaajo iyo Abiy Ahmed Cali, ayaa kulan khaasa ku yeeshay Madaxtooyada, waxaana ka soo baxay war murtiyeed qodobo badan ka koobaan.

Labada mas’uul oo Shir jaraa’id ku qabtay Villa Somalia, ayaa waxay ku caddeeyeen in xoojinayaan xiriirka labada dal u dhaxeeya, isla markaana uu haatan bog cusub u furmay.

Farmaajo ayaa ku ammaanay Ra’isul wasaare Abiy Ahmed Cali is bedelada iyo dib u habeynta uu ku sameeyay siyaasadda dalkiisa.

Dhinaca kale, booqashada Ra’isul wasaaraha Ethiopia uu ku yimid Muqdisho ayaa ka mid aheyd, socdaalo uu ku marayay dalalka deriska, sida Jabuuti, Kenya, Sudan iyo Uganda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Farmaajo oo maanta la ciiday bukaano jiifa Xarumo caafimaad

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeeray Isbitaallada Xoogga Dalka, Madiina iyo Rajab Dayib Erdogaan ayaa sheegay in dowladdu ay kaalin mug siineyso horumarinta iyo dib-u-habeynta goobaha iyo adeegyada caafimaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Madaxweynaha oo warbixinno ka dhageystay Agaasimeyaasha iyo dhakhaatiirta Isbitaallada uu booqday ayaa qalab caafimaad oo loogu tala galay gargaarka deg-degga ah iyo agabka wax lagu baaro waxa uu gaarsiiyay Isbitaalka Madiina.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku guda jiray kormeerkan waxa uu dul istaagay xaaladaha bukaannada iyo dhawaacayada ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo shacabka lagu dabiibayo Isbitaallada Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliiska Soomaaliyeed.

“Dhaawacyadani waxa ay idin soo gaareen idinka oo difaacaya qarankeenna, dadnimadeenna iyo sharafteenna, waana arrin ay idiin ogsoon yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo dowladduba. Sidaas darteed, waxaan idiin xaqiijinaya in aan markasta dadaal ugu jirno daryeelkiinna caafimaad.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo askar dhaawac ah kula hadlay Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha qalliinka, raajada, bukaan-jiifka iyo kaydka ee Isbitaallada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Madiina iyo Rajab Dayib Erdogaan, isagoona sidoo kale dul istaagay qeyb cusub oo dhawaan loo dhameystiray Isbitaalka Xoogga Dalka oo ay u idil yihiin agabyada qalliinka, bukaan-jiifka iyo daaweynta.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey dhakhaatiirtii uu kula kulmay Isbitaallada uu kormeerka ku tagay shaqada wanaagsan ee ay bulshada u hayaan, isagoona kula dardaarmay in ay sii dardargeliyaan daryeelka caafimaad ee ay u fidiyaan bukaannada.

Shacabka Muqdisho oo ku dhex ciidaya guryahooda & Waddooyinka oo xiran!

Muqdisho (Caasimada Online)-Noocyada kala duwan Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaan saakay isticmaali karin dhammaan Isgoyska Banaadir ee Muqdisho.

Ciidanka tuban waddooyinka ayaa gaadiidleyda ku amraya in ay isticmaalan waddooyinka kale.

Ciidanka ayaa gaadiidka ka celinaya isgoosyada Banaadir, Dabka, Faralonsa, Sanca, Shaqaalaha iyo dhammaan wadooyinka kale.

Dadka Muqdisho ayaa cagtooda maalaya maadama wax gaadiid ah aanu ka soo gudbi karin Isgoysyada aan soo sheegnay.

Ciidamada qaar ayaa lacago sharci darro ah ka qaadanaaya Mootooyinka ay la socdaan shacabka ciidaya ee u kala gooshaya waddooyinka xaafadaha ee u dhexeeya isgoosyada.

Dadka Muqdisho ayaan bisha ramadaan ilaa maanta oo ciid ah aan helin farxad ay ku caweeyan, waxa ayna dadka qaar tani ku sifeeyen caburin.

Madaxweynaha dowladda federaalka soomaaliya ayaa bartiisa Twitterka ku shaaciyay in si degdeg ah loo furo waddooyinka xiran oo shacabka loo daneeyo.

Xirnaashaha saakay ee waddooyinka qaar ayaan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa iyo waxa gadiidka aanan u isticmaali karin waddooyinka qaar.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Kheyre oo ka hadlay Munaasabadda Ciidul-Fidriga & Amniga Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Munaasabadda Ciidul-Firdiga ugu Hambalyeeyay dhammaan Muslimiinta gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed ee soo dhameystay bisha Barakeysan ee Ramadaan, isaga oo u rajeeyay in Allah uu ka aqbalo acmaasha Soonka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hambalyo taa lamid ah u diray ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed gaar ahaan ciidamada Sugayay amniga caasimadda ee suurageliyay in bisha Barakeysan ee Ramadaan si nabad ah looga soomo caasimadda dalka.

“Waxa aan Hambalyo u dirayaa Muslimiinta oo dhan gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed oo aan la wadaagayo farxadda Munaasabadda Ciidul-Firdiga. Waxa aan sidoo kale hambalyeynayaa una mahadcelinayaa ciidanka qalabka Sida ee Soomaaliyeed si gaar ah ciidanka sugidda amniga caasimadda oo suura geliyay in si nabad ah lagu dhameysto bisha Barakeysan ee Ramadaan”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed u rajeeyay in sanadka danbe ay ku gaaraan barwaaqo iyo horumar.

Bisha Ramadaan ee dhamaatay ayaa noqoneysa bishii ugu horeysay ee si nabad ah looga Soomo caasimadda Dalka Taariikhda dhaw, iyada oo arintaas amaanteeda ay leeyihiin laamaha amniga iyo shacabka Soomaaliyeed ee iska kaashaday sugidda amniga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

KHEYRE oo magacaabay guddi 10 xubnood ah iyo arrin culus oo loo xil saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta magacaabay guddi heer Qaran ah oo ka kooban Toban Xubnood.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre ayaa lagu magacaabay Guddiga kuwaa oo ka shaqeyn doona qaban qaabada Xuska todobaadka Maalmaha Xorriyadda, Midnimada iyo Madax-bannaanida Soomaaliya oo ku beegan Sanad guurada 58aad ee 26 Juun iyo 1 Luuliyo ee 2018.

Guddigaan, ayaa hawshooda waxay ku eg tahay marka Munaasabadaha ay dhammaadaan, waxayna magacyadooda ay kala yihiin:-

1-Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta.                                   Guddoomiye

2-Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Ganacsiga.                           Xubin

3-C/raxmaan Ducale Beyle  , Wasiirka Maaliyadda.                                   Xubin

4- Xasan Cali Maxamed  ,     Wasiirka Gaashaandhigga.                             Xubin

5-Maxamed Abuukar Islow,  Wasiirka Amniga gudaha.                                Xubin

6-Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Dhalinyaradda.                                 Xubin

7- Deeqa Yaasiin X. Yuusuf , Wasiirka Haweenka.                                       Xubin

8-Saalax Axmed Jaamac , Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha.                       Xubin

9-C/raxmaan Cumar Cismaan, Guddoomiyaha G/Banaadir.                          Xubin

10-Bashiir Axmed Cusmaan , Ag. Gol. was. iyo Xiriirka Baarlam.                Xoghaye guud

Shaqada laga rabo guddigaan

1-Inay qaban qaabiyaan Xuska maalmaha Xorriyadda 26-ka Juun iyo 1-da Luuliyo.

2- In ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha qeybta ku leh qaban-qaabada maalmaha Xoriyadda iyo Midnimada Soomaaliyeed.

3-In ay jaan-gooyaan Kharashaadka ku baxaya xuska Maalmaha xorriyadda.

4-In ay magacaabaan guddi-hoosaadka farsamo ee abaabulka maalmaha Xoriyadda.

5-In ay sugaan Amniga goobaha kala duwan ee lagu qabanayo munaasabadaha 26-ka Juun iyo 1-da Luuliyo ee 2018-ka.

6-In ay kormeeraan sida ay u socdaan hawlaha guddi-hoosaadka farsamo ee abaabulka iyo munaasabadaha Qaran.

Abaanduulihii hore ee ciidamada xoogga dalka Somalia oo geeriyooday

London (Caasimada Online) – Abaanduulihii hore ee ciidamada Xoogga dalka Somaliya Gen. Cali Baashi Maxamed Cumar, ayaa la xaqiijiyay inuu geeriyooday Magaalada London ee dalka UK.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa xaqiijiyay geerida Abaanduulihii hore ee ciidamada Xoogga dalka oo ku xanuunsanaayay dalkaasi.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya Generaal Cabdi Wali Jaamac Gorod, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid abaanduulihii hore ee ciidamada Xoogga dalka Somaliya.

Sidoo kale Taliyeyaasha Ciidamada Somaliya ayaa dhambaal tacsi ah u diray Abaanduulihii hore ee ciidamada Xoogga dalka Somaliya eheladiisa.

Abaanduulihii hore ee Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa la sheegay in muddooyinkii dambe ku xanuunsanaayay dalka UK.

‘Imaaraadka oo iibsanaya guryaha Qudus si uu ugu wareejiyo taliska Yahuuda’

Qudus (Caasimada Online) – Sheekh Kamal Khadiib oo ah ku-xigeenka madaxa ururka Xamaas ee magaaladda Qudus ayaa sheegay in nin ganacsade ah oo reer Qudus oo ay isku dhow yihiin Maxammed Daxlaan oo kal hore  laga saaray ururka Fatax in uu  ku hawlan yahay iibsashada aqalada duuga ah ee kuyaala qaybtii hore ee Magaaladda Qudus waxaana uu wakiil uga yahay Maalqabeeno u dhashay dalka Imaaraadka Carabta

Waxa sheekh Khadiib oo arrinka ka hadlaya uu ku qoray boggiisa uu ku leeyahay Facebook,ga in nin ganacsade ah oo Imaaraatka u dhashay oo  ah kuwa aad ugu dhow in amiirka imaaradda Abu Dhabi Maxammed bin Zayed uu ka shaqaynayo sidii uu iibsan lahaa aqalada iyo daaraha ku dhagan Masjidka Al-Aqsa gaar ahaan,isagoo la kaashanayo ganacsade reer Qudus ah oo ay isku dhow yihiin Maxamada Daxlaan.

Al-Khadiib ayaa tilmaamay in qof deggan mid kamid ah aqaladan Qudus loo soo bandhigay in laga siisanayo qiime gaaraya $ 5 million oo dollar aqalkiisa ku dhagan masjidka,laakiinse iska diiday qiimaha loo soo bandhigay in lagaga iibsado.

Waxa sheekh Khadiib uu intaa raaciyay in markii uu ka diiday codsigooga kor loo qaaday qiimahan oo laga dhigay $ 20 million oo dollar, laakiin isku daygooga inay kusoo jiitaan isaga uu guuldareystay.

Sheekh Khadiib ayaa ka digay in dhaqdhaqaaqyadan ay dadka soo xasuusinayaan “kaalintii taliska Maxammed bin Zayed” uu kulahaa iibsiga aqalo markii dambe gacanta laga galiyay hay’adaha qaabilsan degaamaynta Yuhuuda ee degmooyinka Silwan iyo Wadi Xilwa ee magaaladda Qudus sidii dhacday 2014.

Sheikh Kamal Khatib oo wareysi siiayay televishanka “al-Qudus” sanadkii 2015,ayaa sheegay in dadka ka tirsan Imaaraadka Carabta ay khiyaameen dadkii lahaa aqalo kuyaala Qudus iyaga oo u sheegay in ay yihiin dadka iibsanaya iyo maalgashadayaal Carab ah oo damacsan inay dib u dhisaan magaalada Qudus,laakiinse markii dambe la ogaaday in aqaladan laga iibiyey Yuhuuda lagu deegaameeyo dhulka Falastiin,waxana Qudus tii hore qaybo kamid ah ay isku badishay deegaan Yuhuud leedahay.

By: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)
E-Mail: [email protected]
Xigasho: Middle East Monitor Halkan ka Aqriso

 

Kashifaad: DF oo Denmark la gashay heshiis qarsoodi oo ka dhan ah Soomaalida

Copenhagen (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa heshiis qarsoodi ah kula gashay dowladda Denmark in shaqsiyaad Soomaali ah oo dalka Denmark laga soo masaafurinayo dib loogu soo celiyo Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa dhigaya in Denmark ay sanadkiiba 12 qof oo Soomaali ah dib ugu celiso Soomaaliya, sida uu qoray wargeyskan Politiken, hase yeeshe heshiiskan ayaan si rasmi ah loo shaacin, lagamana hayo wax faahfaahin.

Wasaaradda warfaafinta iyo is-dhexgalka Denmark, ayaa sheegtay in heshiiska Denmark iyo Soomaaliya uu yahay mid sir ah, oo aan wax xog ah laga bixin karin.

“Denmark waxay muddo mas’uuliiinta Soomaaliya kala shaqeyneysay sameynta xiriir muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu masaafurinayo dalkooda. Arrintan waa mid ay dowladda Soomaaliya codsatay inay sir ahaato, sidaas darteed wasaaradda kama hadli karto” ayaa lagu yiri qoraal wasaaradda ay u gudbisay talefishinka TV2.

Dokumenti ay warbaahinta Denmark heleen ayaa ku cad in heshiiska uu dhigayo in Soomaaliya lagu celiyo dadka Soomaalida ah ee aan sharciga ku haysan Denmark.

Xildhibaan ka tirsan xisbiga Red-Green Alliance (Enhedslisten) ee Denmark, Nikolaj Villumsen ayaa ku baaqay in la caddeeyo nooca heshiiska labada dowladood ay galeen.

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]