25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Dhageyso: Saddex wiil oo walaalo ahaa oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Saddex qof oo dhammaantood ahaa rag isla dhashay, ayaa xalay lagu dilay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, dhacdadan oo naxdin iyo aragagax ku reebtay magaalada.

Falkan ayaa ka dhacay garaash ku yaalla xaafada Gumareey ama Al-Cadaala oo ka tirsan degamda Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxana la sheegay in ninka wax dilay uu goobta ka baxsaday.

Ehelladas addexda Ruux ee la dilay ayaa idaacadda Dalsan ee Muqdisho ku taalla waxay u sheegeen in ninka dilka geystay uu ka mid ahaa askarta ciidamada dowladda Soomaaliya, isla markaana ay qaraabo dhow ahaayeen saddexda ragga ah ee uu dilay.

Qof ka mid ah ehelka dadka la dilay ayaa waxa uu sheegay in ninka askariga ah ee dilka geystay iyo saddexda ruux ee la dilay ay ahaayeen dad Ilmo adeer ah, Isla markaana arrintan loo sababeynayo mid la xiriirta isqabqasbi dhul.

Sidoo kale waxa uu sheegay in markii uu dilka geystay uu baxasaday, haatana ay weli baadi goob ku hayaan askarigaas laamaha amniga Soomaaliya.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in meydadka saddexda ruux haatan lagu haayo Xarunta Dambi barista CID-da ee Muqdisho.

Dhacdadan weli kama aysan hadlin maamulka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, balse xiriir aan la sameynay nooma suurta-gelin. إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ‎

Hoos ka dhageyso codka mid ka mid ah ehellada dadka la dilay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Maxaa ka jira in Dahabshiil ay maal-geliso dagaalka ka socda xaafada Tukaraq?

Boosaaso (Caasimada Online) – Shirkadda Dahabshiil ayaa gaashaanka u daruurtey eedeyn uga timid mid kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Puntland oo lagu magacaabo Saadiq Abshir Garaad.

Maamulaha Dahabshiil ee qeybta Boosaso Yaasiin Beeldaaje ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalka Xildhibaanka ee ah in Shirkadda ay Somaliland ku taageerto dagaalka ay kula jirto Puntland.

Yaasiin oo warbaahinta kula hadlay maanta Xafiiskiisa Boosaaso ayaa caddeeyay in Dahabshiil ay tahay Shirkad Ganacsi oo sharciyeysan, islamarkaana ka madaxbanaan siyaasadda, kana howlgasha dalal badan oo caalamka ah.

Maamulaha ayaa ugu Gudiga Anshaxa ee Baarlamaanka Puntland inuu xasaanadda ka qaado Xildhibaan Saadiq, maadama uu ku baaqay in la dhaco hanta shacab, aflagadana u geystay shirkada ganacsi.

Yaasiin Beeldaaje ayaa hadalka Xildhibaanka ku tilmaamay mid ku saleysan kicin dadweyne, oo naceyb iyo heeb-sooc xambaarsan, kaasi oo ka hor-imaanaya qodobo kamid ah Dastuurka dowladda Puntland.

Xildhibaan Saadiq, oo ah Gudoomiyaha Gudiga difaaca Baarlamaanka Puntland, ayaa dhawaan ku eedeeyay Shirkadda Dahabshiil inay Somaliland ku taageerto dagaalka ay kula jirto Puntland.

Lama oga jawaabta Baarlamaanka Puntland uu ka bixin doono hadalka Saadiq oo ah mudane kasoo jeeda gobollada Sool iyo Sanaag, kaasi oo dhawaan sheegay in Dababshiil qeyb ka tahay colaadda Sool, oo dhaqaale siiso mamaulka Muuse Biixi.

Dahabshiil oo ah Shirkad ka shaqeysa dhinaca xawilaadda lacagaha in ka badan 140 dal, ayaa waxaa iska leh Ganacsade reer Somaliland ah, iyadoo eedeynta loo jeediyay noqoneyso mid culus, oo lid ku ah sumcadeeda.

Xigasho: Garowe Online

Daacishta Soomaaliya oo sheegatay qarax xooggan oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Daacishta Somalia ayaa sheegatay mas’uuliyada Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Qaraxa ay sheegteen Daacish ayaa ka dhacay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, kaa oo lala eegtay ciidamo ka tirsan dowlada.

Qaraxa ayey sheegtay inay ku dileen ilaa Afar askari, halka ay ku dhaawaceen askar kale oo la soctay kuwa ku geeriyooday Qaraxa.

Qoraal lagu baahiyay beejka maleeshiyada Daacishta Somalia ay ku faafiyaan wararkooda ee ‘’Amaq news’’ ayaa lagu sheegay in weerarka ay fuliyeen ciidamada khaaska ah ee Daacish.

Qaraxa ayaa dhacay Jimcihii lasoo dhaafay, hase ahaa maleeshiyada oo baaritaano waday ayaa iminka sheegtay khasaaraha Qaraxa.

Sidoo kale, Hay’adaha amaanka ayaan haddal ka daba keenin sheegashada Daacishta Somalia ee weerarka Dayniile.

Arrintaani ayaa kusoo aadeysa iyadoo bishii ramadaan ay magaalada Muqdisho ka dhaceen dilal ay geysteen Daacishta Somalia kuwaa oo lala eegtay ciidamo iyo shaqaale dowladeed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Halka uu ka dhici doono shirka Midowga Afrika iyo goorta oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay baahiyeen wargeysyada kasoo baxa dalka Mauritania Xukuumadda dalkaasi ayaa hoggaamin doonta shir Madaxeedka Midowga Afrika oo ka qabsoomi doona magaalada Nouakchott.

Wargeysyadu waxa ay qoreen in Xukuumadu ay xaqiijisay in shirka ay kasoo qeybgali doonaan hoggaamiyeyaasha 30 dal ee qaaradda Afrika.

Xukuumadu waxa ay sheegtay in shirkaasi lagu qabanayo 30-ka bishan June magaalada Nouakchott ee xarunta dalka Mauritania.

Maxamed Amiin oo ah Afhayeen u hadlay xukuumadda ayaa sheegay in madaxweynayaasha 30 dal ee Afrika ay tilmaameen inay ka soo qeyb-galayaan shir madaxeedka Afrika.

Maxamed Amiin, waxa uu tilmaamay in Xukuumada Mauritania ay bixisay warqadaha casuumadaha si Madaxda Africa ay usii ilaaliyaan xiliga shirka, kaasi oo lagu wado in lagu qabto caasimadda Nouakchott dhamaadka bishan.

Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in shir madaxeedka Nouakchott ay ka soo qeyb gali doonaan madax kala duwan oo ka imaanaya qaaradaha dunida oo uu ka mid yahay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, kaasi oo Marti sharaf ahaan uga soo qeybgalaya shirka ay martigelineyso Nouakchott.

Sidoo kale, Xukuumada oo arrinta shirka si hordhac ah uga hadashay ayaa sheegtay in ajendayaasha ay ka midka yihiin xaaladda amni ee gobolka xeeba Afrika, Xaaladda amni ee wadanka Afrikada dhexe iyo Dadaalladii lagu soo celin lahaa deganaashaha dalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Shir madaxeedkan qaaradda Afrika oo 30-ka bishan June lagu qaban doono magaalada Nouakchott, ayaa waxaa Khudbado ka jeedin doona Madaxda lagu marti qaday shirka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

La-yaabka dunida: Wariye Maraykan ah oo lagu rakibay cod aaladeed kuna hadlay

Wariye ka shaqeeya raadiya ku yaala dalka Maraykanka oo lumiyay codkiisa labo sano ka hor ayaa dib u bilaabaya shaqadiisa, kadib markii lagu rakibay cod aaladeed oo ku shaqeeya waxa loo yaqaano Garaadka Macmalka ah.

Jamie Dupree, 54 jir ah ayaa ka hawlgala Cox Media Group, waxaana ku dhacay xanuun dhif iyo naadir ah oo ku dhaca neerfaha, kaas oo keenay in uu codka ka lumo.

Shirkadda CereProc oo laga leeyahay Scotland ayaa usoo saartay qalab codka qofka kasoo saara oo ku shaqeeya Garaadka Macmalka ah, waxayna taas u suurtogalisay wariyahan in uu shaqadiisa dib ugu laabto labo sano kadib.

Ninkan ayaa codkiisii hore la baray aalada, taas oo u abuurtay kayd dhan oo hadal ah, kaas oo ay ku dhisi karto hadba hadalka uu soo hinqado.

Waa barnaamij aad qaali u ah, wuxuuna halkii cod joogaa kumanaan kun oo doolar.

Seynisyahano badan oo xaga kumbuyuutarka ah ayaa meelo ka mid ah adduunka isku dayaya in ay maskaxda bini’aadamka ku guuriyaan ama ku raraan aaladaha casriga ah oo la doonayo in ay sidii maskaxda ama u dhow u shaqeyn karaan.

Mr Dupree ayaa arrimaha siyaasadda Maraykanka ka faaloon jirey 35tii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna barnaamijyo iyo warar usoo saarayay illaa 6 idaacadood, codkiisana waxa uu udub dhexaad u ahaa shaqadiisa.

Sanadkii 2016-kii ayuu bilaabay in uu codkiisa lumiyo, balse waxbo kama aysan qaldanayn dhuuntiisa, dhamxanaga iyo waliba xididaha codka qaada.

Baaritaano kala duwan kadib, waxaa markii dambe laga heley cudur ku dhaca carrabka oo dhif iyo naadir ah. Waxaa dhacaysa in uu carrabka banaanka usoo boxo, dhuuntana ay is xirto, taas oo aanan suurtogal ka dhigaynin in la maqlo codkiisa.

Halkii uu shaqadiisa joojin lahaa, waxa uu door bidey in uu su’aalaha ku diyaarsado taleefoonka weyn ee Tablet, kadibna iyada oo qoraal ah uu hor dhigo siyaasiyiinta, wuxuuna markaas duubi jiray jawaabaha ay bixiyaan, sidaasna raadiyaha uga siideyn jiray.

Inkasta oo uu shaqadiisa watay, haddane hawada ayuu ka baxay gabi ahaanba, maadaamaa uusan hadli karayn.

Bishii Diseembar, xubin ka mid ah Aqalka Congresska Maraykanka ayaa hadal ninkan ku saabsan ka jeediyay gudaha Aqalka, taas oo keentay in shirkadda uu u shaqeeyo ay cusboonaysiisay dadaak codkiisa loogu soo celinayo.

Marka la gaaro 25 bishan June, Mr Dupree hawada ayuu ku laaban doona, waxaana dhagaysan doona dhagaystayaasha Raadiyaha WSB ee Atlanta, iyo raadiyeyaal kale oo ku kala yaala Orlando, Jacksonville, Dayton iyo Tulsa.

Haddii erey ama labo u shaqayn waayeen, waxa uu riixayaa batoon, oo uu ku badalanayo erey la micno ah ama u micno dhow, sidaasna wuxuu ku heli karaa codkiisa oo dhamaystiran.

Mr Dupree waxa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu codkiisa usoo laabto inkasta oo uu fahamsanyahay in uusan ahayn kiisii rasmiga ahaa.

ISHA BBC Somali

Sawirro: Oday Somaliland ah oo maanta arrin cajiib ah ka sameeyey Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Magalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal Puntland, waxaa maanta gaaray waxgarad ka mid ah odayaasha dhaqanka deegaanada Maamulka Somaliland, ayada oo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyey.

Waxgaradkaas oo ka tegay deegaano ka tirsan gobolka Awdal ayaa waxaa hoggaaminaya Suldaan Cabdi Gahayr Maxamud oo ka mid ah ddayaasha dhaqanka ee ugu caansan deegaanada Maamulka Somaliland.

In kastoo uusan faah faahin ka bixin sababta ka dambeysay safarkiisa ayaa hadana wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in uu doonayo xalinta xiisada dagaal ee u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland taas oo ka taagan deegaanada Tukaraq.

Arrinta cajiibka ayaa ahayd in in Suldaan Cabdi oo garoonka Garoowe kala degay calan cad, taasi oo dad badan ay aad usoo dhaweysay.

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu kulamo kala duwan uu la qaato waxgaradka magaalada Garoowe si xiisadaas loo qaboojiyo, isla markaana ciidamada loo kala qaado.

Fiqi oo shaaciyey arrin uu Abiy u sheegay dadkiisa kadib safarkii Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya ayaa qoraal uu soo dhigay facebook uga hadlay arrin uu sheegay in ra’iisul wasaraaha Ethiopia, Abiy Ahmed uu u sheegay dadkiisa kadib booqashadii Muqdisho. Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi.

“Raysulwasaaraha Itoobiya asagoo sidii nin soo guulaystay u warramaya ayuu dadkiisa u sharraxay faa’idadii uu kala soo noqday booqashadiisii saacadaha kooban qaadatay ee Soomaaliya ku tagay, wuxuuna hadalkiisa ku daray sida dadka luqada amxaarada yaqaana ay noo sheegeen in la isla gaaray in uu kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya sidii labada dal la isugu dari lahaa mustaqbalka dhow.!!!

Si la mid ah sidaan bishii August 2017 markii Qalbi dhagax madaxda Villa Somalia ay dhiibeen, wasiir Itoobiyaan ah ayaa noo sheegay in Qalbi Dhagax lagu soo wareejiyey, taasoo keentay toban casho ka dib in xukuumaddu war aan maangal ahayn ay arintaas ka soo saarto.!!!

Soomaalida ayaa ku maahmaahda “ Xaglo geel wax gunti lagu qariyo ka weyn”, madaxweynaha waxaa xaq loogu leeyahay inuu umadda u faahfaahiyo weliba si aan mugdi ku jirin heshiis ku sheegga shalay uu la gaaray Abiy Axmed, kaasoo u muuqda mid ka hooseeya hankii Soomaaliya, taariikh kumanaan sano soo socotayna 4 saacadood oo kaliya lagu soo gabagabeeyey.

Abiy Axmed wuxuu la yimid fikirkii Mingisto Haille Mariam uu bartamihii todobaataneeyadii uu soo bandhigay ee ahaa in Somalia iyo Ethiopia ay midoobaan oo hal dal ay noqdaan, laakin fikirkaas ma noqon mid laga soo dhoweeyo taliskii mileteriga ee Dalka u talinayay, waxaana jawaabtii noqotay in dagaalkii 77 dii uu qarxo .. balse hogaanka dalka oo ay ku dhib tahay In uu nabad ka dhigo gobolka Banaadir oo xukunkiisu ku eg yahay weliba dadkii Muqdisho Cadaab wadareed ay kala kulmayaan maamulka villada, waa la yaab awoodda uu ku bixin karo dekedo isla markaana uu ku gali karo wadahadal in Ethiopia lala midoobo halka ay ka imaanayso waa wax mudan in la is weydiiyo..

Taariikhda dalka iyo dawladnimadiisu ma ahan mid hal ruux marti looga yahay, heshiis kasta oo cid kale lala galana waa in la horkeenaa hey’adaha sharci-dejinta..”

DF oo ka digtay arrin halis ah oo khasaare xooggan ka geysan karta dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Bada Somalia ayaa Digniin kasoo saartay isticmaalka Badda xili lagu guda jiro bad xiranka.

Wasaaradu waxa ay sheegtay in Kaluumeysatada ay suura galtahay inay dhibaatooyin kala kulmaan gudaha bada.

Wasaaradda ayaa uga digtay Dhammaan kaluumeysatadda Soomaaliyeed in ay badda galaan inta lagu guda jiro bad xiranka.

Wasaaradu waxa ay dhalinyarada ku amartay inay ka feejignaadan tagida meelaha fog-fog ee Bada gudaheeda.

Wasaaradda ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in Kalluumeysatadda Soomaaliyeed aysan heysan qalab ku filan sidaasi darteed in laga doonaayo in ay muujiyaan feejignaan.

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in inta lagu guda jiro xiliga Bad xeranka ay kaluumeysatada Soomaaliyeed la kulmaan qasarooyin isugu jira Naf iyo Maal.

Waxaa lagu sheegay in hada gudaha Bada lagu waaysanyahay 3 Doomood iyo dhamaanba dadkii saarnaa oo tira ahaan lagu qiyaasay 10 ruux.

Dhinaca kale, Digniinta Wasaarada ayaa kusoo beegmeysa xili dowlada Somalia ay tuhun ka muujineyso dhameystir la’aanta qalabka kaluumeysatada oo aan ka bixi Karin tagida meelo fog fog.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Duqeymo xooggan oo lala beegsaday shacab oo ka dhacay gobolka GEDO

Ceel-Cadde (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya ay duqeyn ka geysteen deegaankaasi.

Diyaaradahan ayaa dhowr madfac ku tuuray deegaankan waxaana wararka ay sheegayaan in waxyeello aysoo gaartay dad shacab ah, oo aan waxba galabsan.

Inta la hubo ugu yaraan Saddex qof ayaa dhaawaca kasoo gaartay duqeyntan, iyadoo sidoo kalena ay jirto waxyeello soo gaartay xoolo u badan ari.

Lama oga sababta ka dambeysay duqeyntan, waxayna dadka deegaanka ay sheegeen in meelaha gantaalada ku dhaceen ay shacab ku sugnaayeen.

Dowladda Kenya weli wax war ah kama aanay soo saarin duqeyntan ay ka fulisay Gedo.

Sawirro: Muxuu yahay qorshaha socdaalka R/W Kheyre ee dalka Norway?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa goordhow ka Ambabaxay Magaalada Muqdisho, waxaana ay kusii jeeddaan dalka Norway sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Kheyre iyo Wafdigiisa ayaa waxa ay ka qeyb gali doonaan Shir looga hadlaayo Arrimaha Maaliyadda, kasoo ka furmaya dalka Norway, loona yaqaan Osolo Forum ama Madasha Oslo.

“Maanta waxaan safar shaqo u raacey Reysulwasaare Mudane Xasan Ali Kheyre waxaan u soconaa sida aan aduunka ugu qanci laheyn isbedelka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha wadanka mudada ay jirtey xukuumada ” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle oo qeyb ka ah Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha.

Shirka ayaa la filayaa inay ka qeyb-galaan madax ka socota dalalka deeqda bixiya, waxaana sida ay Caasimada Online xogta ku heshay ay dowladda qorsheyneysaa inay u bandhigto hindisayaal ku saabsan sidii ay u caawin lahaayeen Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay waday dadaallo kala duwan oo lagu horumarinaayo Kaabayeyaasha dhaqaallaha, waxaana dowladda ay qarka u saaran tahay in laga Cafiyo deymaha lagu leeyahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Darawalkii Sheikh Osama Bin Laden oo gacanta lagu dhigay + Taariikhdiisa

Derna (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo milatari ayaa u sheegay taleefishinka Al-Arabiya in ciidamada dalka Libya ay maanta xiraan Abu Sufyan bin Qamu kadib weerar lagu qaaday xaafad ay ku xooggan yihiin mintidiinta oo ku taalla magaalada Derna.

Sarkaalka milatari ayaa sheegay in Abu Sufyan Bin Qamu la xiray kadib markii kooxdiisa ay rasaasta ka dhammaatay dagaal culus kadib.

Abu Sufyan bin Qamu oo 59 jir ah ayaa ka mid ah hogaamiyayaasha ugu caansan Al-Qacida, wuxuuna dalka Libya ka tagey sanadihii sideetamaadkii.

Waxa uu dalka Afghanistan tagey kadib markii uu soo maray Sudan, wuxuuna tababar ku qaatay xerooyinka Al-Qacida ka hor inta uusan noqon mid ka mid ah xubnaha sare ee kooxda.

Xilligii Osama Bin Laden ee Sudan, Abu Sufyan waxa uu ahaa darawalka gaarka ah ee hoggaamiyaha Al-Qacida, ka hor inta aysan qaban ciiamada Mareykanka oo aysan ku xirin Guantanamo Bay. Waxaa dalka Libya loo masaafuriyey sanadii 2007, halkaasi oo uu ku galay xabsiga Abu Salim.

Sanadii 2011 ayuu xabsiga ka baxsaday kadib markii ay burburtay dowladdii Qadafi, wuxuuna ku laabtay magaaladiisa Derna, halkaasi oo uu ka aas-aasay kooxda Ansar Al-Sharica.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected]

War ka cusub muranka ka dhex-oogan DP World iyo Jabuuti ee dekada Doraleh

Dubai (Caasimada Online) – Shirkadda fadhigeedu yahay Dubai ee DP World ayaa beenisay warar sheegaya inay isku dayeyso inay dowladda Jabuuti heshiis ka baxsan maxkamadda kala gaarto muranka la xiriirra maamulka dekadda Doraleh.

DP World ayaa Jabuuti la kortay maxkamad, kadib markii ay ka baxday heshiis ay horey ula gashay shirkaddan Imaaraatiga ah oo la xiriira maamulka dekadda Doraleh.

“Waxaa wararka qaar lagu sheegay in DP World ay ka fakareyso in heshiis ka baxsan maxkamadda ay Jabuuti kala gaarto, go’aankii sharci-darrada ahaa ee ay kula wareegtay maamulka Doraleh” ayaa lagu yiri hadal qoraal ah oo kasoo baxay DP World.

Afhayeen u hadlay DP World ayaa sheegay in heshiiska ogolaansho uu weli meel yaallo, islamarkaana tallaabooyinka ay qaadday dowladda Jabuuti la geeyey maxkamadda caalamiga ah ee dhexdhaaxdinta ee London.

“Waxaan sugeynaa natiijada ka dhalata arrintan, waxaana naga go’aan inaan ka howlgalno dekadda Doraleh sida ku cad heshiiska, mana sameyn doonno wax taas ka baxsan” ayuu yiri afhayeenka DP World.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa horey u sheegay inuu heshiiska ka baxay kadib markii uu ogaady in DP World aysan daacad ka ahayn horumarinta dekadda Doraleh, balse ay dooneyso inay wiiqdo, ayada oo u daneyneysa dekadda Jabal Ali ee Dubai. Halkan ka aqri warkaas iyo sirta dekadaha Imaaraatka ee uu kashifay Geelle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

‘Abiy Ahmed wuxuu Xamar ku saxay qaladkii heshiiska saamiga dekeda Berbera’

Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi ayaa qoray faallo uu ku sheegay in qodobka 7-aad ee heshiiskii ay shalay kala saxiixdeen Ethiopia iyo Somalia ee dhigaya in si wada-jir ah loo maal-gashado dekedaha, loo arki karo tallaabo uu Abiy Ahmed ku sharciyeeyey heshiiskii dekedda Berbera ee xukuumadda Muqdisho ay su’aalaha ka keentay.

Inkasta oo heshiiska aan lagu magacaabin afarta dekad ee la maal-gashanayo, ayaa haddana wargeyska wuxuu leeyahay, tallaabadii ugu dambeysay ee Ethiopia waxaa loo arki karaa mid lagu saxayo murankii ka abuurmay heshiiska dekadda Berbera ee maamulka Somaliland.

Heshiiskaasi ayaa dhigaya in Ethiopia ay 19% ku yeelato dekadda Berbera, oo ay iibsatay shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta, hase yeeshee waxaa diiday baarlamanka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dalbata in dhammaan heshiisyada ay dalalka shisheeye la saxiixdeen Somaliland iyo Puntland ay qasab tahay inay taageerto xukuumadda Muqdisho.

Ethiopia ayaa 95% adeegyadeeda kasoo dhoofsata dekadda Jabuuti, waxaana tallaabada Abiy Ahmed ee Muqdisho loo arkaa mid uu ku doonayo inuu ku badiyo dekadaha ay Ethiopia isticmaasho, oo aysan hal kaliya isku haleyn.

Si kastaba, wargeyska wuxuu leeyahay, inkasta oo uu jiro heshiiska dekadaha, haddana waxay labada hoggaamiye ay isku raaceen in midba midka kale uu xushmeeyo madaxbannaanida labada dal.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Xog: Sidee ayuu ku dhacay safarkii Abiy ee Muqdisho? + Go’aankii FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaraaha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa shalay booqasho ku yimid Muqdisho, halkaasi oo uu kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, heshiisna ay ku kala saxiixdeen.

Socdaalka Abiy Ahmed, oo dhowaan loo doortay ra’iisul wasaaraha Ethiopia, ayaa yimid isaga oo dhowaan booqasho ku bixiyey dhammaan dalalka deriska la ah dalka Ethiopia.

Sida aan xogta ku helnay, Abiy ayaa marka uu soo dhameystay socdaalkiisa dalalka gobolka, wuxuu madaxweyne Farmaajo ka codsaday inuu yimado magaalada Addis-Ababa, hase yeeshee madaxweynaha Soomaaliya ayaa qabay fikir taas ka duwan.

Ilo lagu kalsoon yahay waxay Caasimada Online u sheegeen in Farmaajo uu Abiy Ahmed u sheegay inay caddaalad darro tahay inuu booqday dhammaan dalalka gobolka, balse uu Somalia u sheego inay asaga soo booqdaan, taasna aysan wanaagsaneyn.

Abiy Ahmed, oo markii hore sababo amni uga cabsi qabay imaanshaha Muqdisho, ayaa la sheegay in Farmaajo uu u damaanad qaaday amnigiisa, ugu dambeynna uu aqbalay inuu soo booqdo caasimadda Soomaaliya.

Waa tallaabo kale oo muhiim ah oo muujineysa isbeddalada siyaasadeed ee Soomaaliya ka dhacay tan iyo markii xukuumadda cusub tallada la wareegtay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxweyne Farmaajo oo laba arriin oo muhiim ah ku muujiyey socdaalkii Abiy

Abiy Ahmed, wuxuu madax ka yahay dal 100 milyan oo muwaaddin leh, wax soo saarkiisa (GDP) gaaray 72.37 bilyan USD (2016), kobociisa sannadkii 2016 gaaray heer sare 7.6%, dakhliga qarankiisa gaaray 177 bilyan oo dollars (2016), awood siyaasadeed iyo mid ciidanba ku leh Africa. Wuxuu booqday dalal muhiim, oo dowlado xasilloon, oo balan iyo heshiis la isku halleyn karo lala gali karo, oo Afrika ku yaalla oo Kenya, Djibouti iyo Masarba ay ku jiraan.

Soomaaliya, waa 12 milyan oo muwaaddin (1/10 meel hal meel marka loo barbardhigo Itoobiya), 6.217 bilyan USD (2016) (1/10 wax soo saarka Itoobiya), dal rubuc qarni qalalaase ku jira, dowladd dhexe oo aan heshiis lala galay weli si isku haleyn leh fulin karin, sida Masar, Djibouti, iyo Kenya, oo si sahal ah loo garab mari karo, oo laga yaabo in madaxweynaheeda uu Ugaas beeleed ka awood badan yahay, haddanna RW Itoobiya Abiy Ahmed Ali, wuxuu yimid Muqdisho, taas oo ka dhigan in Soomaaliya ay ayadoo weli tabar darran tahay, ay markaan qaadan karin wax ka yar ixtiraam dowladnimo.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu muujiyay laba arrimood oo muhiim ah:

1- In Soomaaliya ay diyaar u la tahay dowlad walba maalgashi iyo ganacsi heerar kale duwan,

2- In Soomaaliya, haba tabar darnaatee, ay tahay dal ugu yaraan muujin kara in aysan la macaamili karin shisheeya aan madax bannaanideeda iyo gobanimadeeda ixtiraamin.

Qodobka labaad ayaa shardi u ah in kan koowaad la isla gaaro. Sida ka muuqata heshiiska 16 qodob ah ee maanta ay isla madaxweyne Farmaajo iyo RW Itoobiya, waxaa cad in

1- Sida ku cad qodobka 1, 2, 4, 9,12 ee heshiiska, Itoobiya ay oggolaatay ixtiraamka madaxbannaanida Soomaaliya iyo awoodda dastuureed ee dowladda dhexe.

2- Soomaaliyana ay ogolaatay kala faa’ideysi ganacsi iyo maalgashi hantideeda (qodobka 5- in fursadaha maalgashiga ganacsiga la furo, qodobka 6- xallinta caqabadaha ganacsiga, 7- maalgashiga 4 dekeddood iyo waddooyinka).

Itoobiya iyo Soomaaliya, cadaawad taariikheed waa ka dhaxaysaa, balse waa laba dal oo barwaaqo wada gaari kara sida Japan iyo China.

Japan, boqortooyadii ka dhisneyd, waxay kummannaan sannadood gumaadaysay dadka iyo dowladda China. Dagaalkii 2-aad ee adduunka, Japan waxay xasuuqeen 20 milyan oo China u dhashay. Japan weli waxay xoog ku heystaan jasiiradaha Senkaku, waxay weli taageero koowaad u yihiin jamhuuriyadda gooni u goosadka ah ee Taiwan.

Cadaawadda gaamurtay ee ka dhaxaysay waxaa bedelay dhaqaale is weydaarsi, China waa suuqa ugu weyn ee Japan, kala bar shirkadaha China waxay deggan yihiin China. China, Japan wuxuu u yahay suuqa labaad, Maraykan kaddib.

Waxaa muhiim ah foojignaan. Sida dhabta ah lama gaarin waqti Itoobiya la aamini karo, niyad wannaagna lagu qaabili karo. Aragtidayga qodobka ugu halista badan ee heshiiska ma aha qodobka 7-aad ee ka hadlaya dekedaha, ee waa qodobka 3- aad dhigaya:

“Labada mas’uul waxay soo dhaweeyeen dhismaha guddi ka shaqeeya iskashiga labada dal oo horey loogu heshiiyay,kaasi oo ah heer wasiiro,kaasi oo ka shaqeyndoona horumarinta ilaaqaadka diblomaasiyadeed iyo midka ganacsi ee labada dhinacaba leh”.

Wasiiro 4.5 ku yimid, ama kuwo u bisil musuq iyo laaluush, oo aan inta badan lahayn xirfad ah in ay xildhibaano beeshooda u soo doortay, in mas’uuliyadda noocaan ah gacanta loo geliyo waa halis weyn.

Dadka dhahaya Itoobiya dad bay ka leedahay dekedaha, waa run, laakiin anaga dan ma kala leenahay dekedaha? Taasi waxba kama duwana Erdogan dan buu naga leeyahay dadka dhaha, oo ku qeylinayay maxaa Aden Adde Airport, dekedda, xaruumaha caafimaadka Turkey loogu wajeejiyay. Eega garoonka inuu xirnaa 20 sanno, oo hal doollar laga helin, dekedda in ay xirneyn, oo madfac liif ah saarnaa, isbitaalka Digfeer in ari carbeed uu joogay, dhufeys ciidan wax dila ahaa.

Baddaas dheer ee lagu faanno, iyo wax walba oo uu dalkaan leeyahay, anaga dan kama lihinee, Allahayow wax dan ka leh noo keen.

W/Q: Hassan Adam Hossow

FIQI “Farmaajo waxa uu ETHIOPIA ciid mubaarak ahaan u siiyey afar dekad”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah xildhibaannada mucaaradka ah ee Soomaaliya ayaa dhaliilay qodob ka mid ah heshiiskii ay shalay Muqdisho ku saxiixdeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed.

Qodobkaas oo ahaa qodobka 7-aad ee heshiiskii ay shalay kala saxiixdeen Ethiopi iyo Somalia ayaa dhigayey in si wada-jir ah loo maal-gashado afar dekad oo ka mid ah kuwa Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook, ayuu Fiqi ku sheegay in madaxweyne Farmaajo uu Ethiopia ciid mubaarak ahaan u siiyey afar ka mid ah dekadaha Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Fiqi ayaa qoraalkiisa ku yiri “Abiy Axmed oo booqashadiisa ku soo aadiyey maalintii labaad ee ciidda barakaysan ayaa Madaxwaynaheena oo deeqsi ah Ciid Mubaarak ahaan u siiyey 4 dekedood iyo magaalooyinka Waaweyne ee Soomaaliya in Itoobiya qunsuliyadahooda ay ka furan karto si ay arrimaha deegaanadaas ka jira ay ula socoto ama xafiisyadeedaasi ay u noqdaan kuwa laga xukumo goboladaas..

Madaxweynaha haddii uu sidaas deeqsi u yahay muxuu imaaraatka halka deked ugu diiday?? Mase ciidda barakaysan farxadeedii ayaa lagu gaaday odoga!!”

Si kastaba, inkasta oo uu jiro heshiiska dekadaha, haddana waxay labada hoggaamiye ay isku raaceen in midba midka kale uu xushmeeyo madaxbannaanida labada dal, sida ku cad qodobo badan oo heshiiska ka mid ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dhageyso: Puntland “Hal maamul ayaa Gaalkacyo xukumi doona dhowaan”

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa markii horreysay waxa uu sheegay in magalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug uu maamuli doono hal maamul, kaas oo ka shaqeyn doono sugida amniga.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Xasan Maxamed Abgaalow ayaa sheegay in Gaalkacyo ay haatan amnigeeda ay ka wada shaqeeyaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa isku-dhafka ah ee loo sameeyey, islamarkaana ay wax ka beddeleen amniga magalada.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in haatan uu socdo qorshe lagu doonayo in hal maamul loogu sameeyo magalada Gaalkacyo si uu u xukumo, kaas oo uusan shaacin Puntland iyo Galmudug maamulka uu noqonayo.

Gabagabadii waxa uu ugu baaqay shacabka ku nool magalada Gaalkacyo in sugida amniga ay kala shaqeeyeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa isku-dhafka ah ee magaalada loo sameeyey.

Hadalkan weli wax jawaab ah dhankooda kama soo bixin maamulka Galmudug oo maamula Koonfurta Magalada Gaalkacyo.

Hoos ka dhageyso hadalka guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

AXMED MADOOBE oo ka hadlay dagaalka u dhaxeya Somaliland iyo Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka ka socda deeganka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Axmed Madoobe, waxa uu sheegay inuu daba dheeraaday dagaalka isla markaana uu aad uga xun yahay in dad isku dal ah ay qubaan dhiiga shacabka.

Axmed Madoobe, waxa uu sheegay inaanu jirin sabab uu dagaal uga dhaco Tukaraq, kaliya dadka waxyeelada kasoo gaareysana ay yihiin dadka deegaanka.

Madoobe, waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in dagaalka Tukaraq ee u dhexeeya Somaliland iyo Puntland lagu xaliyo wadahadal, waxa uuna cadeeyay inuu aad uga xunyahay dhiiga qubanaaya.

‘’Waa arrin aad u fool xun iyaga un’baa labada maamul is ficlaaya anagu wey noo siman yihiin waxaanu ka dalbaneynaa in shacabka laga dulqaado ciidanka’

Madoobe waxa uu ugu baaqay mas’uuliyiinta labada maamul iyo waxgaradka kasoo jeeda Tukaraq in ay xiisaddan colaadeed xal ka gaaraan.

Dhinaca kale, hadalka Axmed Madoobe ayaa kusoo aadaya xilli dhowr jeer oo hore ay dagaalo ku dhexmareen ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sidee hooyada dhashay amiirka Boko Xaraam u aragtaa xasuuqa wiilkeeda?

Hooyada dhashay ninka ah hoggaamiyaha kooxda Boko Xaraam Abubakar Shekau ayaa ka hadashay dhibaatooyinka wiilkeeda uu ka wado dalka Nigeria, waxayna sheegtay in dhibaatooyin badan uu ka geystay dalkaas.

Falmata Abuubakar oo idaacadda VOA la hadashay ayaa sheegtay in muddo 15 sano ah aysan indho saarin wiilkeeda, waxayna intaas ku dartay “Waxaan rajaynayaa in uu Alle soo hanuuniyo”.

“Haa waa wiilkayga, hooyo kastana wiilkeeda waa jeceshahay, balse waxaan leenahay dabeecado kala duwan, runtii dhibaatooyin badan ayuu horseeday” ayay intaas ku dartay.

“Ma ahan dhaqankii iyo tarbiyaddii aan aniga baray, ma garanayo waxa ay yihiin waxa uu samaynayo, Alle hasoo hanuuniyo ” ayay tiri.

Kooxda Boko Xaraam oo micnaheedu yahay ‘waxbarashada reer galbeedka waa xaaraam’ ayaa weeraro ka bilowday dalka Nigeria sanadkii 2009-kii, iyada oo sheegtay in khilaafo islaami ah ay ka samaynayso Waqooyiga Afrika.

Illaa 20 kun qof ayaa ku dhimatay rabshadahan, 2 milyan oo kalena waa ay ku barokaceen sida la sheegay.

Sanadkii 2015-kii ayay ku dhawaaqeen in ay ku biireen kooxda Daacish, balse 2016-kii ayay kala go’een kadib markii Daacish ay sheegtay in la badalay Abubakar, laguna badalay nin kale oo lagu magacaabo Abu Musab Al-Barnawi.

Balse Abuubakar ayaa beeniyay, sheegeyna in wali uu isaga hoggaanka hayo.

Mama Falmata waxa ay sheegtay in aysan ka warhaynin in uu noolyahay iyo in kale.

ISHA BBC Somali

Daawo sawirrada: Dadkii ugu badnaa oo ku ciiday xaafadda Daaru Salaam

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaar badan oo kamid ah Shacabka magaalada Muqdisho ayaa Munaasabada Ciida owgeyd waxa ay Labadii maalin ee Ciidda ugu horeysay Damaashaad iyo Dalxiis u tageen Xaafada Casriga ah ee Daaru Salaam , xaafadan ayaana ah deegaan qurxoon oo indhaha booqdayaasha soo jiidanaysa.

Inta badan shacabka magaalada Muqdisho ayaa Labadii maalin ee Ciidda ugu horeysay  si weyn ugu ciideesanayay Xaafada Daaru Salaam, waxa ayna goobtan noqotay halka ugu badan ee u ciideesteen kuna soo damaashaadeen shacabka Muqdisho.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo iyo Madax kale oo katirsan dowlada Soomaaliya ayaa kamid ahaa dadkii kala duwanaa ee kusoo ciideestay kuna damaashaaday Xaafada Daaru Salaam.

Xaafada Daaru Salaam oo ah xaafad si casri ah loo dhisay ayaa sidoo kale laga hirgaliyay goobo lagu nasto, meelo caruurtu ay ku cayaaraan oo qalab kala duwan yaalaan, iyo goobo kale oo uroon indhaha dadka damaashaadka u taga xaafadaasi.

Kumannaan qof oo ka kala yimid Degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir ayaa isugu tagay xaafada Daaru Salaam, Gaar ahaan Beerta Nasiinada loo diyaariyey ee Daaru Salaam, waxaana xaafadaasi noqotay goob madadaalo oo caruurta ay si weyn u jecleesteen.

Maamulaha adeega guud Daaru Salaam Maxamed Maxamuud Cali ayaa sheegay in ay hirgaliyeen goobo badan oo loogu tala galay in caruurta iyo dadka kalaba ku madadaalaan iyo sidoo kale goobo ay dadku ku nastaan waqti qurux badana ku qaataan.

“Daaru Saalaam waa meel loogu talagalay in caruurtu ay ku ciyaarto,si caruurta maskaxdooda ay u korto, islamarkaana ay isla qabsadaan caruurta iyo waalidiintooda, waxaa yaalaa qalab farabadan oo loogu talagalay in caruurtaasi maskaxdoodi lagu koriyo, marka waxaan rabnaa in caruurta si farxad leh ay wax ku bartaan, maadaama maskaxdooda ay dhismayso,bulshada Soomaaliyeedna waan uga mahadcelinaynaa sida ay uga qeyb qaadanayan damaashaadka beerta Daaruslaam”. Ayuu yiri Maxamed Maxamuud Cali.

Xaafada Daaru Salaam ayaa sidoo kale lagu diyaariyay maqaayado casri ah oo laga helo cunooyinka nuucyadooda kala duwan, waxaa sidoo kale sanadkan Daaru Salaam lagu soo kordhiyay qolal qurux badan oo asxaabta booqata isku marti qaadi karaan.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaana aad u jecel in damaashaad u aadan Xaafada Daaru Salaam xiliyada ciida iyo sidoo kale maalmaha kale ee fasaxa sida jimcaha iyo Khamiista, waxa ayna goobtan noqotay meel sare u qaaday horumarka magaalada Muqdisho.