26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Daawo: Maamul goboleed ku yaboohay mid ka mid ah dekadaha ay rabto Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Somalia iyo Ethiopia ayaa maalinta labaad ee ciida Heshiis heer Qaran ku kala saxiixday magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Heshiiska ayaa waxaa dowlada Ethiopia u saxiixay Ra’isul wasaaraha dalkaasi, halka Somalia uu u saxiixay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo uu barbar fadhiyay Ra’isul wasaaraha Somalia Xasan Kheyre.

Heshiiska ayaa ku saabsanaa dhinacyada iskaashiga amniga, diblomaasiyadda, iyo arrimo kale.

Heshiiskan ayaa waxaa dhanka maamul Goboleedyada markii ugu horeysay taageeray Hoggaamiyaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare.

Waare oo ka hadlaayay Heshiiska ayaa sheegay in heshiiskaas uu yahay mid ay dan weyn ugu jirto maamulkiisa,isla markaana uu rajeynayo in Ganacsiga Ethiopia iyo HirShabeelle uu noqdo mid isku furma.

Waxa uu Waare sheegay in Heshiiska uu yahay mid ahmiyad gaara u leh Somalia, waxa uuna meesha ka saaray wararka sheegaya in Heshiiska uu dhibaato uga imaanayo Somalia.

Waare oo ka hadlaayay qodobka maalgashiga Dekadaha ayaa sheegay in afarta Dekadood ee miiska saran ay kamid tahay degmada Cadale oo la dhisaayo taasina ay tahay tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday, sida uu hadalka u dhigay

“Aad ayaan u soo dhaweyneynaa  Heshiiskaas, waayo annaga xuduud ayaa ku xignaa, in la furo Kastamka Feer Feer meeshaas ay noqoto meel laga ganacsado intii xero milateri ku ooli laheyd, maalintii ay isu gudbaan boqol baabuur, dadka is dhex maro, dadka ka yimaada Mustaxiil ay yimaadaan Beledweyn, Godey iyo Beledweyn la isu maro, jidadka la sameeyo”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Hoggaamiye Waare waxa uu sheegay in Dowlada Somalia ay ku amaanan tahay Heshiiska ay la gashay dowlad Ethiopia, waxa uuna cadeeyay in ka maamul ahaan ay ka faa’iideysan doonaan Heshiiska.

“Waxaa aaminsanahay in Dekedda Cadale laga dhisayo ay noqoto afarta dekeda ugu horeysa, Dekedaas ay noqoto deked Lojisticik, in jid laga bixiyo, Jid Tareen laga bixiyo, anaga Hirshabeelle ahaan waxa anoo muuqda horumar weyn”ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle.

Geesta kale, Waare ayaa ku baaqay in Ganacsatada HirShabeelle ay qudhooda ka faa’iideysan doonaan fursada Heshiiska.

Maamulka Somaliland oo ku wareersan heshiiska ay Ethiopia ku gashay Xamar

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibada maamulka Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay Heshiiska dhexmaray Dowladaha Somalia iyo Ethiopia.

Wasiir Sacad, ayaa marka hore sheegay in socdaalka Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy ee Muqdisho uu lamid yahay socdaalka maalmahaani uu ku gaarayay Kenya, Jabuuti, Ugandha iyo wadamo kale oo dhowr ah.

Wasiir Sacad, oo wax laga weydiiyay Heshiiska ayaa waxa uu sheegay in labada dal ay xaq u leeyihiin inay is booqdan isla markaana heshiis wada galaan.

Sacad, waxa uu sheegay in Somaliland ay xaq u leedahay inay ka gaashamato wixii khuseeya oo faragalin lagu hayo, hase ahaatee uusan iminka u jeedin wax faragalin oo muuqda.

Waxa uu tilmaamay inuu jiro xiriir xoogan oo Somaliland kala dhexeeya Ethiopia, hase ahaatee uusan fileynin in Ethiopia ay kusoo xadgudbeyso Somaliland.

‘’Anigu ma oranaayo maxay u heshiiyeen labada dal waayo xaq bey u leeyihiin inay hormariyaan heshiisyadooda’’

‘’Somaliland iyo Ethiopia kama aysan wadahadal arrinta Heshiiska balse waxaa jira fursado wixii intaa ka danbeeya un’baa arrimahaani kala hadli karnaa saxaafada’’

Wasiir Sacad, oo wax laga weydiiyay sababta ay xiriir ula sameyn waayen Ethiopia tan iyo markii uu imaaday Ra’isul wasaaraha cusub Abiy Axmed, ayaa waxa uu sheegay inaysan weli isku helin fursad, isagoo tusaale usoo qaatay safarada joogtada ah ee maalmahaani uu Ra’isul wasaaraha ku maraayay qaar kamid ah wadamada Africa.

Wasiir Sacad, waxa uu sheegay in Ethiopia ay kala hadli doonaan Heshiiska ay la galeen Dowlada Somalia, balse waxa uu meesha ka saaray inuu jiro degdeg.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Heshiiska DF Somalia iyo Ethiopia oo tuhun galiyay mucaaradka Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Iyadoo dowladaha Somalia iyo Ethiopia ay kala saxiixdeen Heshiisyo ka kooban 16 qodob oo dhigaaya maalgashiga Dekadaha ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Xisbiga Mucaaradka Waddani ee Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Waddani ee maamulka Somaliland Cdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in Heshiiskaasi uu halis ku yahay Somaliland.

Cirro, waxa uu sheegay in maamulka Kulmiye ee haya talada Somaliland laga doonaayo in Heshiiska Somalia iyo Ethiopia uu ka jaahil bixiyo Siyaasiyiinta iyo shacabka.

Cirro waxa uu tilmaamay inay ka warheleen warar sheegaya in Dekaddaha ay labada dhinac ku heshiiyeen ay qeyb ka tahay Dekadda Berbera ee maamulka Somaliland.

‘’Muuse Biixi waa inuu ka jawaaba in Heshiiska Somalia iyo Ethiopia uu saameyn ku yeelanaayo Dekadda Berbera, waxaanu maqalnay inaanu ku jirno Heshiiska taasi jaahil bixinteeda waxaan uga fadhinaa Biixi’’

Cirro, waxa uu sheegay in nasiib darro ay tahay  haddii ay dhacdo in Dekadda Berbera ay ku heshiiyaan Somalia iyo Ethiopia, waxa uuna Heshiiska noocaasi ku sheegay mid muujinaaya in Somaliland ay hoostagto Somalia.

Cirro, waxa uu sheegay in Somaliland ay hoos uga dhacday maqaamkii ay ka taagneyd dhanka Beesha Caalamka, waxa uuna dusha ka saaray xisbiga Kulmiye oo haya talada Somaliland.

‘’Waa sax in Somaliland ay hoos uga dhacday halkii ay horay u taagneyd, waxaa talada haya shaqsiyaad aan u caabooneen isbedel waa inaanu helnaa talaabo aan ku xajisankarno maqaamkeena’’

‘’Waxaan dareemayaa in Somaliland aysan ku baraarugin Heshiiska Somalia iyo Ethiopia, waa inaanu helnaa xaqiiqda Heshiiska suuragal maaha in Dekadda Berbera lala baalmaro Somaliland’’

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa Hoggaamiye Muuse Biixi ugu baaqay inuu ka jawaabo Heshiiska, isagoo jawaab la’aanta ku micneeyay raali ka ahaanshiyaha Heshiiska.

Dhinaca kale, Heshiiska labada dal ayaa waxaa kamid ahaa maalgashiga afar Dekadood oo ku jirta gacanta dowlada Somalia, kuwaa oo aan weli la micneen.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Soomaalaay maanta ayay talo kula gudboontahaye, ushaada u dhiibo nin aad berito ka qaadan karto!!

Bilowgii Sanadkii 1896-dii ayuu Mr. Theodor Herzl oo loo aqoonsanyahay in uu yahay Aabaha Siyaasadda Yuhuudda casrigaan wuxuu qoray buugga Der-Judenstaat(dowladda Yuhuudda), oo uu uga hadlay sidii ay Yuhuuddu oo ku kala firfirsaneed caalamka u noqan laheed dowlad iskeed u taagan oo leh dhul, xuquuq iyo aqoonsi caalami ah.
Bartamihii Sanadkii 1896-dii ayuu Theodor Herzl u diray Suldaan Cabdixamiid oo ahaa Madaxweyinihii dowladdii Cusmaaniyiinta oo xiligaas ka ariminaysay caalamka Islaamka warqad uu ku leeyahay: “Madaxweyne, waxaan kaa codsaneynaa in aad noo ogolaato in aan soo degno Falasdiin, aadna naga qaadataan £20 Milyan oo Pound oo canshuur ah, waxaan rabnaa in aan dalka ka wada shaqeysanno, nabad-gelyo ku wada joogno, sida aan dalkaan uga wada shaqeysan karnana waxaan uga hadleynaa shir aan ku qabsan doonno magaalada Qusdandiiniyah(oo maanta loo yaqaan Istanbul, Turkiya)”.
Madaxweynihii dowladdii Cuthmaaniyiinta Suldaan Cabdixamiid ayaa Mr. Theodor Herzlow ugu jawaab-celiyay: “waxaan kaaga digayaa in aad kusoo dhiirato in aad igala hadasho dhulka Falasdiin. Diyaar uma ihi in aan ka tanaasulo taako kamid ah, waayo anigu gaar uma lihi ee waxay ka dhexeysaa Umadda Islaamka oo wiilasheedii ku waysay halgankii aan usoo galnay dalkaan, mana rabo in uu dhiiggoodii noqdo tabac-qasaaray. Marnaba ma aqbalyo in aad nooga faa’iideysataan baahida dhaqaale ee na heysa, ee Yuhuuddu ha iska heysato Lacagteeda hana iska sugato inta ay ka dhimaneyso awooddeennu, markaas ayaad Falasdiin ku qaadan doontaan si free ah adinka oo aan Lacag bixin, balse maanta lagama yaabo in aan gorgortan ka galno taako kamid ah Falasdiin”.
Sanado kadib, Yuhuudda oo ka faa’iideysanaya dacfi ku yimid dowladdii Cusmaaniyiinta ayaa bilaawday in iyada oo badda kusoo tahriibaysa ay si qarsoodi ah ugu qulqusho Fasaldiin, maanta waxay ka badantahay xoogna ku qabsatay dadkii reer Falasdiin, waxayna dhowaan iclaamisay in Qudus oo ah caasimadda Falasdiiniyiinta oo ay caasimad u tahay Yuhuudda.
Soomaaliyey waxaan ka cabsanayaa in maanta adiga oo raali ka ah lagaa qaniino godkii shalay iyada oo aan raali ka aheyn laga qaniinay walaashaa Falasdiin. Waxaan ka cabsi qabaa in Itoobiya oo boqol iyo dhowr Milyan ah ay qarniyo kadib si fudud u yeelato Soomaaliya sida ay Yuhuudda oo dhowr iyo Toban Milyan ah ay Falasdiin ugu qabsatay boqol sano gudahood. Waxaan ka walwalsanahay saameynta uu jiilka soo socda ka dhaxli doono heshiiska aad maanta halka maalin ku saxiixday adiga oo fiirinaya dano dhow, oo aan ka fekerin mustaqbalka fog. Waxaan isweydiinayaa waxa ay dhihi doonaan Madaxdooda mustaqbalka haddiiba ay madaxdooda maanta sheegayaan in aan nahay hal dal oo dan-wadaag ah.
Waa sax in aad dekadahaan fadhiidka ah u dhiibato qolo hormarisa, ka shaqeysiisa, waxna kasoo saarta balse yay tahay cidda aad Soomaaliyey wax u dhiibatay?
Waa itoobiya oo ay kaala dhexeyso dhiillo iyo cadawtooyo gaamurtay. waa Itoobiya oo kaa agoomeysay carruur badan, kaa garoobbeysay dumar badan, kaa leysay kaana naafeysay rag badan, waligeedna caqabad ku ahed midnimada Soomaaliya.
Waa Itoobiya oo Faqri ah, deris kula ah, kaa tiro badan, kaa xoog badan, kaa taageero badan, maantana xoog ku heysata qeyb kamid ah dhulkaaga, qaar kamid ah wiilashaaduna ay ku jiraan xabsiyadeeda, ayna adagtahay in aad berito nabad uga qaadato usha aad maanta sida fudud ugu dhiibatay, ee hadda ayay talo gudboontahaye si fiican uga fiirso cidda aad wax ku darsaneyso.
Qalinkii: Eng. Hussain Sabrie
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Sida ay isku shabahaan Soomaaliland iyo qisadii “dharka cusub ee boqorka”

Waxaa jirtay qiso uu waa horey qoray nin dalka Danmark u dhashay oo loogu magac daray ”dharka cusub ee boqorka”.  Qisada ayaa sida tan aheyd.

Waa waxaa jiray nin boqor ah oo dadkiisa u darnaa oo ku cabiidin jiray in ay isaga jeclaadaan, wax kasta oo u sheegana ciddii ka hor imaata ay cinqaab adag la kulmi jirtay. Ugu dambayn boqorkii waxa uu ku guuleystay dadkiisa in uu ka dhigo dad ka dambeeya oo wax kasta uu sheego aan laga dabo hadlin.

Balse maalin ayaa labo nin oo khaa’iniin ah oo dal kale ka yimid waxa ay go’aansadeen boqorka in ay dhaqaalo ka khiyaamaan. Nimankii waxay u yimaadeen ra’iidalwasaarahii boqorka oo ay ku yiraahdeen ”waxaa noo geysaa boqorka waxaan u wadnaaye wax uu aad iyo aad uga helayo oo uusan diidi karin marnee” ra’iisalwasaarahii waa uu ka yeelay oo waxa uuna u geeyey boqorkii. Markii ay u tagen boqorkii ayey ku yiraahdeen ”boqorow waxaan soo marnay dhulka aad ka talisid oo dhan waxaana na cajabisay sida ay dadkaagu kuu jecel-yahiin oo ay kaaga dambeeyaan balse waxaa maanta kuu wadnaa arrin ay dadkaagu inta ay hadda ku jecel-yaahiin labo jirbaarkeed kugu sii jeclaan karaan”. Boqorkii ereyadaas markuu maqlay xiiso ayaa gelay. Intuu horey kursigii uu ku fadhiyey uga soo kacay ayuu yeri ”haye, ii wada warka”. Nimankii waxay yiraahdeen ”waxaa soo dhow toban guuraadii markii laguu caleemo saaray boqornimada. Madaama aad u dabaal-degi doontid waxaan kuu sameyn karnaa maro aad ku labisatid maalintaas. Maradas hadaad gashatid dadkaaga inta ay hadda ku jecel-yahiin oo ay kaa dambeeyaan labo jirbaarkeed ayey ku jeclaanayaan oo kaa dambeyn doonaan. Boqorkii sheekadii ragga ayuu la dhacay ileen waa kaligii taliye cabiidiye ahe. ”Laakiin” ayey yiraahdeen labadii nin ”maradas waa maro qofka waxmataraha ah uusan arki karin oo uu u malaynayo in aad qaawan tahay oo aadan dharqabin, taas oo sahli doonta in dadka noocaas ah dadka laga dhex aqoonsado”. Intaas markii u maqlay boqorkii waa qancay oo waxa uu ka dalbaday in ay u soo sameeyaan marada ay sheegayaan. Labadii nin boqorkii waxay u sheegeen in marada dunta laga sameeyo ay aad qaali u tahay oo qarash faro badan ku baxahayo. Balse boqorkii ayaa horey ka furay qasnadii dowladda oo soo cantoobiyey dahab tiradii ka batay, amarna ku siiyey ra’iisalwasaarahiisa in uu labada nin ku wareejiyo goob warshad ah oo ay marada ku sameeyaan iyo wax alle waxii kale oo ay u baahan yahiin. Labadii nin markii ay boqorkii ka soo tageen waa malaysan wayeen gusha ay ka soo hooyeen shaxdii khiyaano ee ay degeen iyo dahabka tirada badan ee ay ku heeleen. Markii la geeyey halkii ay marada ku sameyn lahayeen waxay galeen tumasho iyo baalshaal inleen waa ragga maalin ku taajiraye. Waqti markii laga soo wareegay goortii lagu ballamay in ay soo dhameeyaan sameyska marada oo aan waxba laga haynin nimankii ayuu welwel ku abuurmay ra’iisalwasaarahii wayo waqti gaaban ayaa ka dhiman dabaal-degga toban guurada boqorka, marana gacan lagu mahayo. Ra’iisalwasaarahii ayaa go’aansaday bal in uu soo fiiriyo raggii lala ballamay halka ay wax marsiinayaan. Waxuu tagay warshadii ay ku farsameynayeen marada. Markii uu goobtii soo istaagay ayuu arki waayey wax shaqo ah oo goobta ka socoto iyo maro diyaar ah, balse badelkeeda waxuu arkay rag tumasho iyo damaashad iskaga jira. Ra’iisalwasaarahii ayaa labadii nin weydiiyey ”war aaway maradii boqorka u tolayseen”. Labadii nin mid ka mid ayaa hawo cidlo inta laacay yeri waa tan”, kii kalena inta dafta ku dhagay maradii malo awaalka aheyd buu yeri, ”bal fiiri quruxdeeda iyo sida ay u dhaalayso iyo weliba sida ay u jilicsan tahay”. Ra’iisalwasaarahii ayaa yaabay oo hoos isku weydiiyey ”raggu ma igu ciyaarayaan”? Wajagii ra’iisalwasaraha carro ayaa ku soo rugmatay oo waxa uu damcay nimankii in uu canaanto una hanjabo balse inta uusan afka furin ayuu is qabtay oo xasuustay warkii ahaa in waxmatarahu ah uusan arki karin marada. Waxuu yaqiinsaday in shax khiyaano ah ay meesha ka socoto. Laakiin ma uusan dooneyn in asaga farta lagu fiiqo oo lagu sheego waxmatare oo uu sidaas xilkiisa ku waayo. Halkii buu asna maradii malo awaalka aheyd dhinac ka qabsaday oo faaniyey. ”Haa, waa maro aad iyo aad u qurux badan, sida u dhal-dhalaayso oo u jilicsan tahay baan ka helay. Waan hubaa buqurkana in uu ka heli doono, shacabkana ay jeceyl xaf dhaaf u qaadi doonaan boqorkoodu marka ay arkaan maradaan. Goorma ayey diyaar noqonaysoo” ayuu weydii labadii khiyaanoole? ”Wax yar oo sharaxaad iyo qurxin ah unbaa u dhiman maalmo ka dib waa diyaar” ayey ugu jawaabeen raggii khiyaanada watay.

Maalmo kadib markii la gaaray maalintii dabaal-degga toban guurada boqorka, waa tan labadii nin Oo dhinacyada ka sida boorso weyn ay yimaadeen qalcaddii boqortooyada. Boqorkii oo faraxsan bay u yimadeen. Waxay ku yiraahdeen ”maradii waa kuu wadnaa. Waa maro aad iyo aad u fudud oo marka aad gashatid aad dareemeyso sida in aadan wax dhar ah qabin fudeyd daraaded”. Waxay ka dalbadeen boqorkii in uu muraayad hor istaago dharkana laga siibo si loogu geliyo maradii uu dalbatay. Boqorkii waa ajiibay. Kadib waxay ka dalbadeen in uu kor fiiri si ay u sahlanaato marada in loo geliyo. Boqorkii ayaa yeelay warkooda. ”Qacanta inta geli, gacanta kalena inta geli, lugta kor u qaad oo halkaan geli, midda kalena halkan, dhexda u xir” waxay nimankii yiraahdaanba waa dhameeyey howlshii. Waxay ka dalbadeen muraayadda in uu isku fiiriyo ”haye, hadda fiiri, ka waran, soo maro wanaagsan ma ahan”?

Boqorkii ayaa muraayadii isku fiiriyey, mise maxaa ii dhiibatay, waa nin qaawan. Boqorkii ayaa waxaa ku soo degtay yaxyax iyo xishood balse waxuu xasuustay warkii ahaa ”waxmataraha ma arki doono marada oo sidaas baa lagu aqoonsan”. Maadaame uusan boqorku dooneynin in waxmatare loo aqoonsado waxuu go’aansaday ciyaarta in uu halkeeda ka jilo. Markaas buu inta hadba dhinac iska fiiriyey yeri ”waa maro wanaagsan oo aad ii cajabisay, waan hubaa dadkeyga in aad maanta iila dhaci doonaan”. Sidii ayaa boqorkii lagu saaray qabtii dambe gaari-fariskii lagu soo wareejin lahaa barxadda dabaal-deegga ee ay shacabka badan ku sugayeen.

Horay ayaa Shacabka lagu sii sheegay in boqorku soo xiranayo maro dhawaan loo soo tulay oo cajaa’ib ah, aysana horey caalamka uga dhacin boqor kale oo maradaan oo kale soo xirtay dabaal-deggisa, ayna shacab ahaan aad ula dhaci doonaan. Maradaan na dadka kuwooda waxmataraysha iyo doqonada ah aysan arki karin lana aqoonsan doono kuwa noocaas ah.

Boqorkii oo gadaal ka taagan gaari fardo dhowr ah oo is ku xiran jiidayaan ayaa goobtii barxadda aheyd soo galay. Dadkii mashxarad iyo sacab bay hal mar ku wado dhufteen, boqorkiina halkii ayuu gacan haatin salaan ah ka bilaabay isaga oo dhextaagan gaarigii fardahu jiidayeen. Dadka boqorka way arkaan in uu qaawan yahay balse yaa doonayo in loo aqoonsado waxmatare doqon ah? Halkii ayuu qof weliba dhankiisa ka camiray beentii la wado aaminay. ”Allah boqorkeena maanta qurux badnaa, boqor la imad ah nama soo marin namana soo mari doono” ayuu mid weliba goonidiisa ugu dhawaaqay markuu halka uu faylka ka taagan yahay fardaha boqorka soo maraan. Illaa ay fardahii soo ag mareen ilmo yar oo hadalka markaa bartay. Cunugii yaraa intuu horey hal tillaabo u soo qaaday dhankii ay marayeen fardahii siday boqorka oo farta ku fiiqay dhankas isaga oo dadka dib u soo eegayo ayuu hal mar ku qaliyey ”wardayaay, boqorku waa qaawan yahay, war allah dayaay waa qaawan yahay boqorku. Halmar ayaa waxii qalqi goobta joogay qosal afka furteen oo lugta ku rafteen. Illeen cid welibaa waa ogtahaye in ilmaha yariye aysan beenta aqoonine. Boqorkiina waa tan ceebi ka raacday meeshii.

Sheekadaan dheer waxay ay miitaal u tahay xaaladda ka taagan Soomaaliland.

Muddo ku dhow 27 sanno ayey kooxda deegaanadas ka talisa isku qancinaysay been cid weliba ogtahay in ay tahay been cad balse run laga dhigtay. Intaas waxay dadka ku qufulayeen waxaan nahay jamhuuriyad madax banaan saas oo ay tahayna ma jirto jamhuuriyad aan Soomaaliya aheyn oo cid kale caalamka ah ay aqoonsan tahay. Wax badan waxa ay dadka u sheegayeen ictiraafkii waan kan, dhawaan buu cirka ka soo dhacahayaa balse wax soo socdaa ma jirto. Kaaga darane waxaa soo martay fursad ah Soomaaliya oo aysan jirin muddo toban sanno ku dhow wax dowlad ah oo calankeeda dhulka yaalay oo cid golayaasha caalamka ku matashaa aysan jirin. Ma dal aan dowlad laheyn intaad tiri ”iskey baan uga go’ay oo Jamhuuriyad baan noqday” hadana aadan aqoonsiga aad toosh ku raadinaysay ku helin baa filaysaa in aad heli kartad iyadoo ay jirto dowlad matasha dalkas haba iska tabar yaraatee. 27 sanno ayey ku faanayeen in soomaalida ka xigaan dalka Itoobiya, dalkasna uu yahay dal jecel oo aqoonsi siin doona goor ay ahaataba. Hadana kii wadankas xukumayey ayaa la soo taagan ”waxaan aqoonsanahay midnimada iyo wado jirta jamhuuriyadda Soomaaliya oo aan xusmeyneynaa.

Waxgaradkiii waxa laga dhigay mid xiran, mid iskiis iskaga aamusay iyo mid danahiisa gaarka raacday. Caamadiina waxaa lagu qufulay been run laga dhigay iyo xagjirnimo xargo goosatay.

Balse laga yaabe in uu weli idiin ku harsan yahay mid run sheege ah saqiirna ha ahaadee oo farta inta idiin kugu fiiqa kooxda idiin marin habaabisay oo idiin yiraahda”war dayaay, war waa qaawan yahiineey”. Kadib qosol la rafatiin, ayaganu halkas ku ceeboobaan.

W/Q: Warsame Elmi
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Taliye ku-xigeen saldhiga oo si fool-xun loo dilay iyo DF Somalia oo aan ka hadal

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in halkaa lagu dilay taliye ku-xigeenkii Saldhiga Booliska deegaanka Ceelasha Biyaha.

Taliye ku-xigeenka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mahad Ibraahim Cumar Weydow, waxaana dilkiisa ka danbeeyay mid kamid ah ilaaladiisa.

Askariga dilay Taliye ku-xigeenka ayaa la sheegay in sidoo kale ay qaraabo ahaayen marxuumka, waxaana la sheegay inuu kala dhexeeyay muran muddo qaatay.

Mid kamid ah ilaalada Taliye ku-xigeenka la dilay ayaa yiri ‘’Dilkiisa waxaa ka danbeeyay askari ay qaraabo ahaayen xiliyada qaarna la socon jiray waxaana  ka dhaxeeyay muran ku dhawaad bil socday’’

‘’Dilka kadib waxa uu askariga la baxay gaari iyo qori uu lahaa taliye ku-xigeenka lamina oga halka uu la aaday gaariga iyo qoriga dilka kadib’’

Sidoo kale, waxa uu sheegay in rasaasta looga dhuftay madaxa iyo wadnaha, waxa uuna cadeeyay in dilka Taliye ku-xigeenka uu ahaa mid si foolxun loo geystay.

Muranka sababay dilka Taliye ku-xigeenka ayaa ku saleysnaa lacag marxuumka kala dhexeysay Askariga dilka geystay, sida laga soo xigtay Saraakiisha Saldhiga Ceelasha biyaha.

Dhinaca kale, dilka taliye ku xigeenka ayaa kusoo beegmay xili la filaayay in isbedel lagu sameeyo Saraakiisha ka howlgasha Saldhiga Ceelasha biyaha, waxaana xusid mudan in DFS aysan weli ka hadal dilka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Is-mari waaga MADAXDA maamulka GALMUDUG iyo saddex arrin oo laga filayo

Xog: Maxaad kala socotaa qodobada shirka Oslo lagu saari doono diiradda? (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta oo talaado ah uu magaalada Oslo ee dalka Norway ka furmo shirka sanadlaha ah ee madasha Oslo.

Shirka ayaa waxaa marti gelineyso Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Norway, waxaana diirada lagu saari doonaa arrimo muhiim ah.

Shirkan oo ahmiyad gaara leh ayaa waxaa Somalia ku metelaya wafdi uu hoggaaminayo Ra’isul wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre oo maalin un ka hor gaaray madasha Oslo.

Shirkan oo socon doona 19-20 June, ayaa ah madal sanadkiiba mar la qabto loogana hadlo xallinta khilaafaadka kaas oo ay isugu yimaadaan Madax ka kala socota adduunka.

Sanadkan waxaa Madasha ka qeyb galaya Ra’isul wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre, Ra’isul wasaaraha dalka Norway, Erna Solberg, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, Xoghayaha Guud ee Hey’adda ammaanka iyo wada shaqeynta Yurub, Thomas Greminger, U qaabishana Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay ee arimaha Siyaasadda, Rosemary A. DiCarlo iyo wasiirrada arimaha dibadda ee dalalka Algeria, Jordan, Cummaan iyo Tanzania.

Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa shirka ka jeedin doona Khudbad khuseysa xallinta khilaafaadka iyo arrimaha Somalia.

Shirka waxaa sidoo kale diirada lagu saari doonaa caqabadaha ku hor gudban dadaallada Nabad dhalinta iyo sida ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadahaas.

Sidoo kale, Kheyre iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Oslo ee dalka Norway kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxd dalkaasi iyo kuwa ka qeybqaadan doona shirka.

Geesta kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa si hordhac ah ula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Norway oo ay kawada hadleen arrimaha labada dal.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Akhriso Magacyada: Villa Somalia oo shaqada ka eryisay shaqaale badan

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in shaqo ka eryin lagu sameeyay inkabadan 50 ruux oo isugu jira rag iyo dumar kana mid ahaa shaqaalaha Madaxtooyada Somalia.

Shaqaalahaani ayaa la sheegay in lagu eryay tuhuno ay ka qabto Madaxtooyada Somalia, waxaana meeleentooda lagu amray Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumada Soomaaliya.

Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa waxaa la faray in dhammaan dhalinyarada laga eryay Villa Somalia ay u wareejiso Wasaarado iyo Hay’adaha kale ee DFS.

Shaqaalaha laga soo eryay Villa Somalia ayaa intooda badan kasoo shaqeeyay qeybaha Nadaafada, Raashiin kariska iyo Adeegyada hoose ee Madaxtooyada Somalia.

Shaqaalaha laga eryay Villa Somalia ayaa waxaa ku jira kuwo kasoo shaqeeyay inkabadan 10 sano, hase yeeshee si rasmi ah looma shaacin sababta ka danbeysay eryintooda.

Sidoo kale, warqad kasoo baxday xafiiska ku-xigeenka Agaasimaha Madaxtooyada Somalia ayaa waxaa shaqaalaha la eryay lagu amray in si deg deg ah ay ugu soo celshan aqoonsiga ay ka heysteen Villa Somalia.

Eryinta shaqaalahaani kabadan 50 ruux, ayaa daba socta shaqeele kale oo horay looga eryay Villa Somalia, tan iyo markii la doortay dowlada hadda jirta.

Xog ka cusub qorshaha maamulka hawada loogu wareejinayo Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa qorshaha lagu doonaayo in maamulka Hawada loogu gacan galiyo dowlada Somalia.

Qorshahan ayaa waxaa faahfaahino ka bixiyay Dowlada Somalia iyo maamulka Hey’adda ICAO ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Hawada.

Saraakiisha Hey’adda ICAO ee QM ayaa shaaciyay in hadawada Somalia oo sanadihii danbe laga maamulayay magaalada Nairobi ay maanta soo gabagabowday maamulida hawada Somalia.

Hey’adda ICAO, ayaa xaqiijisay in la filayo in Somalia ay si rasmi ah ula wareegto maamulka Hawada, isla markaana ay dhankooda uga dhamaatay.

Arrintan ayaa waxaa ay imaneysaa kadib heshiis ay horey u kala saxiixdeen DFS iyo QM, iyadoo ay tababar fiican heleen shaqaalaha Soomaalida ee maamulka hawada.

Dowladda Somalia ayaa sidoo kale waxaa ay sheegtay in hay’addo kale ay ka caawin doonaan maamulka hawada illaa laga tababarayo shaqaale Soomaaliyeed oo awood u leh in ay maamulaan hawadda dalka.

Si kastaba ha ahaatee, talaabadani ayaa imaaneysa iyadoo December 28, 2017 ay dowladda Somalia si rasmi ah ugu dhawaaqday inay la soo wareegeyso maamulka hawada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Goormee soo bilaabatay fikradda mideynta dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya?

Dhanka Soomaaliya waxaa muddo dheer soo jirtay fikradda mideynta shanta Soomaaliyeed oo kala ah Koonfurta, Waqooyiga, Jabuuti, Ogaden, iyo NFD.

Jabuuti waxay noqotay dal gaar ah, Ogaden waxaa lagu darey Itoobiya, NFD-na Kenya, halka labadii soo hartay ay Waqooyiga noqdeen jamhuuriyad iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaani.

Dagaalkii 1977-kii

Balse dhanka Itoobiya laga soo bilaabo xilligii boqor Haile Selassie, waxa ay doonayeen in dhulka Soomaalida la hoos geeyo xukunka Itoobiya, iyada oo qeyb ka mid ah dhul weynihii Soomaaliya uu Ingiriiska ku wareejiyay Itoobiya sanadihii 1950-naadkii.

Kadib hadalkii shalay kasoo baxay Ra’isulwasaaraha Itoobiya ee ahaa in labada dal laga dhigo ‘hal dal’, ayuu Prof Maxamed Ismaaciil Samatar oo ah falanqeeye siyaasadeed yiri “Waa fiicnaan lahay in dalalka Afrika isku yimaadaan oo ay noqdaan sidii Yurub oo kale, balse Itoobiya waxa ay rabtaa dhulal maxmiyad ay ku maamusho sidii Bantustanadii Koonfur Afrika”.

Muranka dhuleed ee u dhaxeeya labada dal waa uu sii xoogeystay, wuxuuna gaaray heer ay dagaal dhexmaraan horraantii 1960-naadkii.

Balse marka lasoo gaaray 1977-dii ayuu labada dal dhexmaray dagaalkii ugu weynaa inta taariikhda la xusuusto, iyada oo ciidamada Soomaalida ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalka, islamarkaasna qabsadeen dhulka Ogaden 90% wax ka badan.

Balse xulufadii Soofiyaadka ee uu Ruushka hoggaaminayay, kana mid ahaayeen ciidamo ka socday Cuba, Yemen iyo Liibiya ayaa dhabarjabin ku sameeyay Soomaaliya, kuna qasbay in ay kasoo baxdo dhulkii ay qabsatay.

Dagaalkaas waxa uu labada bulsho dhex dhigay caddaawad aad u tiro badan, taas oo illaa maanta oo 40 sano laga soo wareegay dagaalkaas.

Ra’isulwasaare Abiy Axmed oo taas tusaale usoo qaadanaya ayaa yiri “Ujeeddada ugu weyn ee wada hadallada ayaa waxay ahayd ilaa iyo goormaan taariikh ka sheekeyneynaa oo aan leennahay hebel hebel ayuu dilay oo aan sheekadaasi jiilal badan kaga hor istaageynaa iney hormar gaarin, oohinta soo naguma filno, korneel Mengistu iyo Siyaad Barre ayaa waxaa iyo waxaa sameeyey intaan ka sheekeyn lahayn oo aan labadan shacab oo walaalaha ah kala geyn lahayn, labada shacab tilaabba aan ku kulmineyno, aan isugu soo dhaweyneyno oo aan isdhexgal iyo midnima dhab ahba sidi aan isugu keeni lahayn waddo noocaasi soo ma abuuri karno ayaan guud ahaan ka wada hadalnay”.

Balse arrinta intaas waa ay ka xeeldheertahay, waxayna muhiimadda Itoobiya ka leedahay Soomaaliya aad usii korortay 1993-dii ay Eritrea ka go’dey Itoobiya, taas oo dalkaas gabi ahaanba ka dhigtay mid aanan lahayn bad, waxaana aad u kordhay baahida ay Itoobiya u qabto deked ay kala soo degto badeecadaha, waxna ka dhoofsato.

Heshiiska Dekedaha

Soomaaliya waxa ay leedahay xeebta labaad ee Afrika ugu dheer, iyo dhawr dekedood oo ku teedsan laga soo bilaabo badda cas oo Berbera ah illaa ciribka koonfureed oo Kismaayo ah.

Itoobiya waxa ay muddo dheer isticmaalaysay dekeda Berbera, balse sanadkii hore ayay wax kasta is badaleen kadib markii ay Itoobiya saami 19% ka heshay dekada Berbera kadib markii maamulka Somaliland ay heshiis la galeen shirkadda DP World, taas oo saamiga kasii iibisay Itoobiya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kasoo horjeedsatay heshiiskaas, balse markii uu todobaadkan Muqdisho tagay Ra’isulwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo kula heshiiyay in Itoobiya ay maalgashi ku samayso 4 dekedood oo Soomaaliya ku yaala, taasna waxa ay soo afjartay hubanti la’aantii ku hareereysneyd waxyaabaha labada dal ay heshiiska ku yihiin ee la taaban karo.

Ra’isulwaasaraha Itoobiya oo murti galinayay xikmadda ka dambeysa in dalkiisa uu isticmaalo xeebaha Soomaaliya ayaa yiri “Soomaaliya waa dal Juqraafi ahaan meel hal bowla ah ku yaalla, laakiin biyaha badda intaa le’eg ee Soomaaliya ku wareegsan maalinti inaan hal Markab lagu arkin ayuu noqday, biyahaasi badda intaa le’eg oo aan maalinti hal Markab xitaa lagu arkeyn, biyahana ay ahayn kuwa la cabbo dhulki wax lagu beeran lahaana biyahaasi uu dalku ka haystaan, anaguna aan dhahno dekad la’aan ayaan nahay oo aan dhibtoonno marka mustaqbalka fog laga eego aad ayey noo dhibeysaa waxyeella ayayna nagu haysaa”.

Wasiirka warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa u muuqday in uu ka garaabayo hadalka Dr Abiy ee biyaha ku saabsan, wuxuuna xusay in biyaha macaan ee Soomaaliya laga isticmaalo, gaar ahaan wabiyada ay ka yimaadaan Itoobiya, ayna tahay in labada dal ay wax badan is weeydaarsadaan.

Oraahdii Xuseen Caydiid iyo Meles Zanawi

Balse wasiirka waxa uu meesha ka saaray in labada dowladood ay ku wada heshiiyeen in ay noqdaan ‘hal dal’ sida uu shalay wareysi ku sheegay Ra’isulwasaare Abiy.

Oraahda ah in labada dal ay noqonayaan ‘hal dal’ ma ahan mid cusub, horey ayayna caro weyn uga dhalatay markii ra’isulwasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya, ahaana wasiirkii arrimaha gudaha Xuseen Maxamed Caydiid uu sheegay in xudduudaha labada dal la’isku furayo, hal baasaboorna ay wadayeelanayaan.

Waxay arrintan xaqiiqo u dhawaatay markii ciidamada Itoobiya ay galeen magaalada Muqdisho sanadkii 2007-dii markii ugu horeysay taariikhda, balse lagala hor yimid wax iska caabbin hubeysan, illaa markii dambe ay isaga baxaan magaalada sanado kadib.

Ra’isulwasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zanawi oo Muqdisho tagay sanadkii 2008-dii, ayaa odayaal uu la kulmay u sheegay in labada dal aysan kala maarmin, wiilasha geesiyaalka ahna aysan isaga dhamaynin dagaal ujeedo la’aan ah maadaamaa ay Afrika u baahantahay, sida aan ka xigtay qof lagu kalsoonyahay oo kulankaas joogay.

Safarkii xigay ee Ra’isulwasaare Itoobiya ah ku tago Muqdisho waa kan Dr abiy, isaga waxa uu madaxda ugu saraysa dowladda Soomaaliya la saxiixday heshiis dhaqaale ahaan lagu mideynayo labada dal, waxyaabo aad u bandanna lagu wadaagayo sida ku cad war murtiyeed kasoo baxay shir ay yeesheen madaxda.

Balse hadalkii uu yiri Dr Abiy markii uu ku laabtay Addis Ababa ee ahaa in labada dal mustaqbalka laga dhigayo ‘ hal dal’ ayaa ahaa mid dad badan ka yaabiyay, dowladda Soomaaliyana ay ku qasbanaatay in ay ka jawaabto.

Daahir Maxamuud Geelle oo ah wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa tusaale usoo qaatay warmurtiyeedkii kasoo baxay kulankii labada hoggaamiye, kaas oo ahaa in dalalka midba midka kale uu ixtiraamo qaranimada, dhulka iyo madaxbanaanida siyaasadeed ee uu mid kasta leeyahay.

Balse Prof Maxamed Ismaaciil Samatar oo ah falanqeeye siyaasadeed ayaa sheegay in aysan suurtogal ahayn in labada dal ay midoobaan, xagga iskaashigana waxa uu Cabdi Ismaaciil Samatar sheegay in marka hore ay tahay in ay ka heshiiyaan waxyaabihii dhex maray, lana dhiso kalsooni.

“Waxaa muuqda nin soo diyaargaroobay oo saaran faraskii Sayidka ee Xiin Finiin iyo qolo dhankeena ah oo baqalo saaran” ayuu yiri Cabdi Ismaaciil Samatar oo dhaliilay heshiiskii ay gaareen labada dal, balse qirey in ay jirto baahi weyn oo loo qabo in labada dal ay sameeyaan iskaashi dhaqaale.

Si kastaba ha ahaatee, baraha bulshada ayaa loogu faaqidayaa hadalka Dr Abiy iyo heshiiskii uu la saxiixday madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Aragti ahaane aad ayaa loogu kala qeybsanyahay waxa socda.

Soomaaliya oo gudbisay jawaabta gal dacwadeed ee muranka la xiriira badda

Ergo ka socda dowladda Somaliya ayaa ku sugan gudaha Maxkamadda Calaamiga ee Garsoorka (ICJ) ee magaalada Hague, Eerga ka socda Dowladda Somaliya ayaa waxaa ay gudbiyeen jawaabta gal dacwadeedka muranka badda ee Somaliya iyo Kenya.

Ergadan waxaa hoggaaminaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, waxaana qeyb ka ah qareenno ay garwadeen ka tahay Dr. Muna Al Sharman iyo Danjiraha Somaliya ee Midowga Yurub Dr. Cali Said Faqi.

Waxaa sidoo kale Maxkamadda dhankooda gaaray Ergo ka socota dowladda Kenya, oo gudbiyay Gal dacwadeed, Maxkamadda ICJ ayaa go’aamisay sanadkii hore in ay qaadi doonto Muranka Badda ee ka dhaxeeya Somaliya iyo Kenya.

Dalka Kenya ayaa ku doodaya lahaanshiyaha dhul badeed lagu qiyaasay ilaa 100,000-KM oo ku dhaw berriga Somaaliya, halka Somaliyana ay isla dhulkaas sheeganeyso in ay biyaheeda ka mid yihiin.

Dhulkan la isku heysto ayaa la sheegay in ay ku jiraan Gaas iyo Saliid, dowladda Kenya ayaa dhulkaas heshiis kula gashay shirkado shisheeye in ay ka baaraan shidaal, ilaa 44 jeer ayaa Gaas iyo Saliid laga baaray goobtaas lagu murnasan yahay, shirkadaha baaritaanka ka sameeyay ee Kenya ay heshiiska la gashay waxaa ka mid ah Total, Eni iyo PanContinental.

Akhriso Xaqiiqada hadalka Abiy Axmed  ee Midowga Soomaaliya iyo Itoobiya  

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Waxaa si weyn loo qaadaa-dhigay hadal uu Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ka jeediyay Telefishanka Itoobiya markii uu ku laabtay dalkiisa kadib booqasho uu ku yimid magaalada Muqdisho oo ay heshiis is-afgarad ku gaareen isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Ra’isul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed oo ka hadlayay safarkii uu ku tagay Muqdisho iyo heshiiskii uu la gaaray madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in mustaqbalka la mideynayo labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya.

Arrintan ayaa noqotay qodobka ugu weyn ee lagu hadal hayo baraha bulshada, waxayna dadku u qeybsameen koox difaaceysa madaxda dowladda iyo qolo ku doodeysa in adduunyadii gadoontay oo weerar ku ah madaxda dalka, laakiin haddii si weyn loo dhuuxo hadalka Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, waxaan soo qaadan karaa qeybtan laga tarjumay hadalkiisii:

“Ujeeddada ugu weyn ee wada hadallada ayaa waxay ahayd ilaa iyo goormaan taariikh ka sheekeyneynaa oo aan leennahay hebel hebel ayuu dilay oo aan sheekadaasi jiilal badan kaga hor istaageynaa iney hormar gaarin, oohinta soo naguma filno, korneel Mengistu iyo Siyaad Barre ayaa waxaa iyo waxaa sameeyey intaan ka sheekeyn lahayn oo aan labadan shacab oo walaalaha ah kala geyn lahayn, labada shacab tilaabba aan ku kulmineyno, aan isugu soo dhaweyneyno oo aan isdhexgal iyo midnima dhab ahba sidi aan isugu keeni lahayn waddo noocaasi soo ma abuuri karno ayaan guud ahaan ka wada hadalnay…

Waxaan ku heshiinnay wadahadalladi na dhexmaray waa arrimo rajo badan na geliyey, si ku meel gaar ah inaan iskaashi dhaqaale oo dhammeystiran aan yeelanno, mustaqbalkana annaga oo shacabka mideyneyno inaa hal dal oo dhammeystiran aan iisu beddelno. In dekad la kireeyo ama inaan annaguna bun halkaa ka dirno oo keli ah iyadoo aysan ahayn kheyraadka baahsan ee gobolka ka jiro iyo kheyraadka shacab ee ka jiraba in la iisu geeyo waxaa lagu abuuri karaa gobol dakado badan leh, kheyraad badan leh, shacab tira bandanna leh oo suuq weyn noqda”.

Abiy Ahmed wuu sii hadlay oo wuxuu sheegay in Itoobiya ay bad la’aan tahay, halka Soomaaliya ay bad ku wareegsan tahay, wuxuuna daba dhigay “Taas micnaheedu waa maxay? soomaaliya waa dal Juqraafi ahaan meel halbowle ah ku yaalla, laakiin biyaha badda intaa le’eg ee Soomaaliya ku wareegsan maalinti inaan hal Markab lagu arkin ayuu noqday, biyahaasi badda intaa le’eg oo aan maalinti hal Markab xitaa lagu arkeyn, biyahana ay ahayn kuwa la cabbo dhulki wax lagu beeran lahaana biyahaasi uu dalku ka haystaan, anaguna aan dhahno dekad la’aan ayaan nahay oo aan dhibtoonno marka mustaqbalka fog laga eego aad ayey noo dhibeysaa waxyeella ayayna nagu haysaa”.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo qaba feker ah in dalalka Bariga Afrika ay midoobaan dhqaale ahaan wuxuu soo qaatay usoo qaatay dalalka adduunka qaarkoodsida Imaaraatka iyo Maraykanka, wuxuuna ka yiri “waddamada geeska Africa ka jira haddii ay u suuragasho iney noqdaan hal dal oo mideysan sida Dubai, ama sida Mareykan amaba Yurub oo kale ay noqdaan, intaan ka baxno waxyaabaha yaryar oo aan kireyno inta aan ku noolaan leheyn waxaan heli karnaa faa’idooyin ballaaran ayaan heli karnaa, caalamkana waxaan ku yeelan karnaa awood aan ku gorgortanno taa ayaan ku wada hadalnay”

Marka la isku soo duubo hadalka dheer ee Ra’iisal wasaaraha Abiy Ahmed iyo fekerkiisa midnimada ma ah mid ku kooban Soomaaliya iyo Itoobiya sida dadka qaarkiis ay dhinac ula cararreen, laakiin waxaa muuqata inuu ka guda-weyn yahay oo uu aamisan yahay falsafad ah in gobolka Geeska Afrika oo dhan la mideyn karo, lana gaarsiin karo barwaaqo sooran.

Waxaan ugu danbeyn fekerkiisa ka arki kartaa ereyadan oo ka mid ahaa isla khudbadiisa: “Soomaliya, Kenya, Jabuuti iyo Eretiriyaba, waxaan noqoneynaa umad tiradoodu gaareyso kala badh iyo ka badan shacabka Mareykanka..”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muxuu heshiiska Somalia iyo Itoobiya kaga duwan yahay kuwii Itoobiya ay la gashay Jabuuti iyo Kenya?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kala saxiixday heshiis ka kooban ilaa 16 qodob oo la filayo inay ka wada faa’ideystaan labada dal.

Heshiiska labada dal dhex maray ayaa dood badan ka dhaliyey baraha Bulshada ee isticmaasho Soomaalida, taasoo badankeeda ay kiciyeen siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya.

Sida laga war qabo Ra’isulwasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed ayaa wado olole uu ku doonayo inuu ganacsiyo dhanka badda kula galo dowladaha Africa, gaar ahaan kuwa darisk la ah Itoobiyda oo ay ugu horeeyaan Jabuuti, Kenya iyo Somalia.

Itoobiya oo saami dhaqaale ku yeelaneyso dekadda Dooraale ee Jabuuti

Ra’isulwasaaraha Itoobiya ayaa heshiis lasoo galay dowladda Jabuuti, wuxuuna heshiiskaas si cad u sheegayey in Itoobiya wax laga siiyo Dekado ku yaalo dalkaas

Heshiiskaan oo dhigaayo in dowladda Itoobiya saami ku yeelato dekadda Dooraale ee laga ceyriyay Imaaraadka Carabta in maalgashi ay ku sameeyaan shirkaddaha ganacsi ee dalka Itoobiya.

Booqashadii ra’iisul wasaaraha Itoobiya  Abiy Ahmed uu ku tagat dhawaan Jabuuti ayaa heshiisyadii uu saxiixay qeybta ugu weyn ay tahay, waxaana dhanka Jabuuti u saxiixay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Telefishinka Itoobiya oo laga baahiyay heshiiskaan ayaa waxaa la filayaa in sida ugu dhaqsaha badan u dhaqan galo si loo bilaabo maagashiga balaran ee Itoobiya balan qaaday.

Marka aad fiiriso heshiiskaas, ma waxa uu ka dhigan yahay in la isku darayo Jabuuti iyo Itoobiya? Ma madax banaanida Jabuuti ayaa gashay halis? Ma shacabka Jabuuti ayaa u arkay heshiiskaas mid Itoobiya kula wareegeyso badeeda? Jawaabta waa maya, ujeedka heshiiskaasna waa inay Jabuuti hesho maalgashi ballaaraan isla markaasna ay Itoobiya kaga faa’ideysato bad la’aanta heyso.

Itoobiya iyo Kenya Oo Galay Heshiisyo Ay Ku Jiraan In Adis Ababa Dekad Ka Dhisato Lamu

Ra’isul wasaaraha Itoobiya  Abiy Axmed Cali oo dhawaan tagay dalka Kenya ayaa heshiisyo la galay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Heshiisyada labada dhinac kala saxiixdeen waxaa ka mid ah waddo tareen  oo isku xeri-doonta Adis ilaa Nairobi iyo waddo kale oo isku xiri-doonta  Laamu ilaa Adis Ababa.

Arrimaha kale ee Abiy iyo Kenyatta ka heshiisyeen waxaa ka mid ah: Dhul Dekad  ah oo Itoobiya laga siiyo  Lamu si ay u dhistaan iyada oo duuliimaad gaar ah oo diyaaradda itoobiya Air ah loogu sameeyay Mombasa.

Arrimaha biyaha mar la soo qaaday waxaa ay ka wada hadleen sidii loo qeybsan lahaa biyaha webiga Omo, Lake Turkana  iyo webiga Daua.

Marka aad fiiriso heshiiskaas, ma waxa uu ka dhigan yahay in la isku darayo Kenya iyo Itoobiya? Ma madax banaanida Kenya ayaa gashay halis? Ma shacabka Kenya ayaa u arkay heshiiskaas mid Itoobiya kula wareegeyso badeeda iyo dhulkeeda? Jawaabta waa maya, ujeedka heshiiskaasna waa inay labada dowladood kala helaan faa’ido isdhaafsi iyo iskaashi dhanka dhaqaalaha ah.

Soomaaliya iyo Itoobiya (Itoobiya oo maalgashaneysa Afar Dekadood)

Kaddib safar qaatay saacado oo uu ku yimid magaalada Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxaa kulan albaabada u xirnaa ay wada qaateen Madaxweyne Farmaajo, waxaana ay ku heshiiyeen qodobo dhowr ah.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir u qabteen ayaa waxay ku sheegeen in labada dal uu dhex marayo iskaashi dhinacyo badan, oo qeyb ka ah ganacsiga, dhaqaalaha, is dhex galka bulshada labada dal iyo sameynta suuq ganacsi oo xor ah.

War murtiyeedka ka soo baxay waxaa lagu sheegay in la xoojiyo xiriirka labada dal iyo dhqan-gelinta heshiisyada horay u jiray, in la hormariyo dekadaha Soomaaliya si ay uga faa’ideystaan Itoobiya iyo dalalka kale, in la dhiso jidad Soomaaliya ku xira Itoobiya, Ganacsiga la fududeeyo, maalgeshi labada dhinac ah, isu socodka, in Itoobiya taageerto nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya iyo in mushkilada Afrika ay xaliyaan Afrikaanka dhexdooda.

Labada hoggaamiye, waxaa ay isku afgarteen in la hormariyo kaabayaasha dhaqaale sida horumarinta dekadaha iyo waddooyinka muhiimka ah ee isku xira labada dal, sidoo kale labada hoggaamiye waxaa isku waafaqeen in la maalgeshto adeegyada Lojistikada iyo la sameeyo adeegyo u gaar ah dekado u shaqeyn kara badweynta Hindiya iyo badda cas

Maxaa Heshiiska Somalia iyo Itoobiya ka duway heshiisyadaan?

Inkastoo ay jirto cadaawad soo jireen ah oo u dhaxeyso Somalia iyo Itoobiya, haddana adduunyada dhan hadda way ka gudubtay dagaal, wax kastana waxaa lagu xaliyaa heshiis iyo wada noolaansho, ma jiro wax dhib ah oo ku jiro inay heshiisyaan dowladaha Somalia iyo Itoobiya isla markaasna ay iska kaashadaan dhinac kasta amni, dhaqaale iyo siyaasad ahaanba.

Haddii Ay labada dowladood heshiiyaan kama dhigno ina la isku darayo Itoobiya iyo Somalia, sababtoo ah waa laba dal oo ka wada tirsan Qaramada Midoobay wuxuuna heshiiskaan la galeyno lamid yahay midda ay dowladaha Jabuuti iyo Kenya la galeyn.

Kaliya farqiga u dhaxeeyo heshiiska Somalia iyo Itoobiya iyo midda Itoobiya la gashay Kenya iyo Jabuuti waa Shacabka Soomaaliyeed oo aan weli iloobin cadaawada ka dhaxeyso labada dal iyo suuq geyn been abuur ah oo ay sameenayaan Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo dano siyaasadeed iyo kursi doon ah!.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

‘Heshiiska Ethiopia waxaa ku jira qodobo dhaawacaya madax bannaanida dalka”

Muqdisho (Caasimadda Online) – War Murtiyeed ay si wada jirka ah u soo saareen hogaamiyaasha labada dal ee Soomaaliya iyo Etiboobiya ayay ku heshiiyeen qodobo ay ka mid ahaayeen maalgelinta 4 dekadood, furashada qunsuliyado iyo sii wadista heshiisyadii hore ee jiray.

Hadaba maxay yihiin heshiisyada jiray oo lagu xusay war murtiyeedka, maxay ka dhigantahay maalgahsiga dekadaha iyo furashada qunsuliyado – su’aalahaas ayaa VOA weydiisay Dr Axmed Maxamed Kheyre oo shahaada PHD ka haysta Qawaaniinta Caalamiga ah.

Dr. Axmed Maxamed ayaa ugu horeyn sheegay in heshiiska labada dowladood qodobada uu ka koobnaa ay jiraan qodobo u baahnaa in la fasiro lana caddeeyo ujeedka laga leeyahay, isagoo sii raaciyey inay jiraan kuwa kale oo dhalinayo su’aalo badan,

Sidoo kale Dr. ayaa sheegay inay isaga la tahay inay heshiiskaas ku jiraan qodobo kale oo qatar ku noqon kara Madaxbanaanida Soomaaliya isla markaasa uu mid mid u kor istaagayo.

Ugu horreyntii wuxuu sheegay in heshiisyada hadda la kala saxiixday ay daba socdaan safar hore oo uu   Farmaajo ku tagay Adis Ababa 3- 5 Bishii March sanadkii 2017, kulankaas waxaa laga soo saaray war murtiyeed, war murtiyeedkaas waxaa kamid ahaa inay labada dal isku raaceen in la hirgeliyo heshiisyadii hore ee la saxiixday, lana dardargeliyo nidaamyadii iskaashiga ay jiray.

Dr. Axmed ayaa tilmaamay inaan la caddeyn heshiisyadaas cidda lala galay isagoo yiri “ Ma heshiisyadii dowladihii hore galeenaa, ma heshiisyo Maamul Goboleedyada galeenaa, mise waa heshiisyo ay galeen hoggaamiye kooxeedyadii lama caddeyn, marka laga hadlayo arrimaha caalamiga waxaa muhiim in la caddeyo waxa laga hadlayo iyo waxa laga heshiinayo, iyadoo aan intaas la caddeyn ayaana la sameeyey guddi heer sare ah labada dhinac ah oo heshiisyada dhameystira.

Dr. Axmed oo sii hadlayey ayaa yiri “ marka aad u timaado, war muriyeedka ay labada hoggaamiye soo sareen, waxaa ku jiro qodob arrintaas xoojinayo ama daba socdo, tusaale ahaan qodobka seddedxaad ee heshiiska ku jiro ayaa ah  3 – Labada mas’uul waxay soo dhaweeyeen dhismaha guddi ka shaqeeya iskashiga labada dal oo horey loogu heshiiyay, kaasi oo ah heer wasiiro, kaasi oo ka shaqeyndoona horumarinta ilaaqaadka diblomaasiyadeed iyo midka ganacsi ee labada dhinacaba leh. Marka midda in la caddeeyo u baahan waa heshiisyadaas waxa ay yihiin iyo cidda lala galay”

Dr. Axmed ayaa dowladda iyo Baarlamaanka ugu baaqay inay dib ugu noqdaan heshiisyadaas waxa ay yihiin iyo cidda lala galay si looga fiirsado go’aanada ay qaadanayaan labadada guddii ee la sameeyey si looga fogaado in la saxiixo heshiisyo dalka wax dhimayo.

Wuxuu ka digay inay soo bixi karaan heshiisyo halis ah oo ay saxiixeen hoggaamiye kooxeedyadii, Maamul Goboleedyada iyo dowladihii hore ee midaan madaxweyne Farmaajo kaga horreeyey xukunka.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso Wargeysigiisa oo dhameystiran

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wiil FALASTIINI ah oo ay dhacdo xanuun badan ku qabsatay xabsiga Yahuuda

Ramallah (Caasimadda Online) – Israa’iil ayaa xabsiga kasii deysay wiil Falastiini ah oo lagu magacaabo Hassan Tamimi kaasoo daryeel xumo caafimaad darteed indhihiisa waayey intii uu xabsiga ku jiray.

Abdunnasir Tamimi oo ah adeerka wiilkaan ayaa Anadolu Agency u sheegay in wiilkiisa la xiray Bishii April isla markaasna uu ahaa nin xanuunsan.

Hassan oo ah wiilka ay soo deysay Israaiil ayaa ka cabanayey dhibaatooyin dhanka Beerka iyo Killiyaha ah, waxaana cuduradaas ku riday nafaqo darro ku dhacday taniyo carruurnimadiisa hore, wuxuuna sheegay adeerkiisa inuu wiilkiisa u baahnaa daryeel caafimaad iyo nafaqeyn, isagoo Israa’iil ku eedeeyey inaysan ogolaan in wiilkiisa uu xabsiga ku helo waxyaabihii uu u baahnaa taasina ay sababtay inuu waayo aragga indhihiisa.

” Israa’iisha dhulkeena xoogga ku heysato mar kasta waan u gudbineynay xaaladda Caafimaad ee uu wiilkeena ku jiro, balse xaqiiqda ayaa ah inay iska indhatireysay wax walba, taasoo ugu dambeyn keentay inuu wiilka xanuun dartiis aragiisa ku waayo” ayuu yiri Abdunnasir Tamimi .

Xasan Tamimii ayaa la xiray kadib markii lagu eedeeyey inuu dhagxaan ku tuuray askarta Israa’iil 7 April ee sanadkaan,  waxaana markaas loo gudbiyey xabsiga ciidamada Israa’iil ee ku yaal Galbeedka Ramallah, iyadpp lasoo taagi rabay maxkamad bisha July ee soo socoto, inkastoo hadda lasii daayey kadib markii uu daryeel la’aan caafimaad ku waayey aragiisa.

Jimciyadda qaabilsan Maxaabiista Falastiin ee loo yaqaan The Palestinian Prisoners Society (PPS) oo war saxaafadeed soo saartay ayaa tilmaamtay in wiilkaan uu indhiisa u waayey daryeel la’aan caafimaad oo ku qabsatay xabsiga dhexdiisa.

Ista’iil oo xoog lagu dajiyey dhulka Reer Falastiin ayaa dhibaato xoog leh iyo xasuuq ku wado shacabka Masaakiinta ee dhulkooda la boobay.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected]

XOG-WARRAN: Heshiiskii SOOMAALIYA – ITOOBIYA iyo wadaniyadda taban..!!

Maalin axad ah, taariikhduna ku beegneyd 16-ka bisha Juunyo, Ciidul Fidrigana ay laba ahayd waxaa booqasho rasmi ah oo aan hore loo shaacin Soomaaliya ku yimi Raisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

Marka laga soo tago in ay lama filaan ku noqotay dhammaan umadda Soomaaliyeed hadana waxa ay abuurtay dareen wanaagsan maadama booqashadani tusaale u ahayd halka uu dalkeenu gaaray tan iyo markii uu bilaabay dib u soo kabashadiisa.

Raisul Wasaare Dr Abiy Ahmed waxa uu noqday mas’uul dal madax ka ah kii ugu horreeyey ee booqasho rasmi ah ku yimaadda dalka tan iyo qaran jabkii dalku galay marka laga reebo Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Walow ay booqasho maalin qura ahayd, siiba saacado kooban, hadana labada dowladood waxa ay kala saxiixdeen heshiis dhinacyo badan taabanaya oo ku qotomay ishkaashi dhaqan –dhaqaale iyo in laga wada shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa amniga mandiqadda iyo guud ahaan qaaradda.

Heshiiska qodob ka mida waxa uu dhigayey in labada dowladood ay wada maalgashadaan afar dekedood oo aan lagu xusin heshiiska kuwa ay noqonayaan.

Waxaa xusid mudan in dalka Itoobiya bad lahayn “Landlocked”, waa sababta keenta in walaaca ugu weyn ee ay dhinaca dhaqaalaha ka qabaan noqdo sidii ay ku heli lahaayeen dekeddo ay wax kala soo dagaan kana dhoofiyaan wax soo saarkooda ay dibedda u iibgeeyaan.

Hase ahaatee, qodobkaas waxa uu wadaniyad taban ku abuuray qeybo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed iyo walia qaar ka mid ah mudeneyaasha golaha shacabka oo dowladda ku dhaliilay gelidda heshiiskaas.

Hagaag, weydiinta ay dadka indheer garadka ah qabeen ayaa ah, maxaa ku jabnaa qodobkaas, oo sababay in ay qeylo-dhaan iyo waa waawareey is qabsato goobaha ay bulshadu ku kulanto?

Jawaabta weydiintaas waa Wadaniyad Taban ama waxa afka qalaad lagu yiraahdo “Negative Nationalism”.

Marka hore aan eegno macaha ereyadan; Wadaniyad (Nationalism), Wadaniyad Togan (Positive Nationalism), Wadaniyad Taban (Negative Nationalism), Markaa kaddib waxaan fahmi doonnaa sida ay bulshadeennu hadhkooda uga cararayaan “Being Paranoid).

Wadaniyad  – Waxaa lagu micneeyaa dareenka ay dadku u hayaan sida jaceylka dalalkooda oo ay badanaa weheliso aaminaadda ah in uu ka fiican yahay kana muhiimsan yahay dalalka kale.

Wadaniyad Togan – Waa iyada oo darreenka ka dhasha wadaniyadda loo adeegsado dhinaca san..

Wadaniyad Taban – Waa iyada oo dareenka ka dhasha wadaniyadda loo adeegsado sida xun.

Dheefta/Faa’iidada Wadaniyadda Togan

Sida kor ku xusan haddii dareenka ka dhasha wadaniyadda loo isticmaalo sida ugu habboon ee saxda ah waxa uu dalka ka dhaxli karaa horumar dhinac walba ah iyada oo laga faa’iideysanayo xoogga iyo kartida muwaadiniinta, waxaa tusaale u ah sidii ay bulshada Soomaaliyeed uga qeyb qaateen horumarintii reer Miiga ee farta Soomaliga lagu bareyey iyo samata bixintii Umadda markii ay ku habsatay abaartii daba dheer iyo waliba masiibaddii ka dhalatay qaraxii Zoobe.

Khasaaraha  Wadaniyadda Taban

Wadaniyadda Taban waxa ay horseedi kartaa dhibaato badan sida in ay bulshadu kala qeybsanto iyada oo laga faa’ideysanayo caadifadda kala sarreynta “Dalkeygaa ugu fiican”, waxa ay dalka ka dhiggi kartaa mid go’doosan oo aan dunida kale xidhiidh la yeelan karin waxa uuna caqabad ku noqon karaa gelidda heshiisyo caalami ah taas oo hoos u dhigeysa dhoofinta wax soo saarka dalka iyo maalgashiga dalka lagu sameyn lahaa. Sidoo kale waxa uu horseedi karaa dagaal.

Waxaa taas, dheer, wadaniyadda waxaa loo bedeli karaa mid maxalli ah oo waxaa isu adeegsan kara bulshada kuwada nool isla hal wadan oo qabaa’illo isu cunsuriyadeen kara! (Wadankeena waa tusaalaha kowaad).

Cawaaqib xumada ay dunida ku reebtay wadaniyadda taban

Wadaniyadda caadifadeysan waxaa lagu xasuustaa in ay ahayd sababtii kowaad ee uu ku dillaacay dalaakii kowaad ee dunida.

Waxaa ka abuurmay dhaq dhaqaaqii siyaasadeed ee hoggaamiyihii Jarmalka Adolf Hilter oo lagu xasuusto hadaladdiisii wadaniyadda cadiifadeysanaa ee uu ku kicin jiray dadka reer Jarmal:

Mustaqbalkeennu waa Jarmal. Maantayadu waa Jarmal. Tagtadayadu waa Jarmal. Caawa aan wacad marno, saacad walba, maalin walba, in aynu ka fekerno Jarmalka, qarankeena, dadkeena reer Jarmal. Daacad darro uma muujin kartid shay ku yeelay dareen iyo macno ku saabsan jiritaankaaga oo dhan.

Dagaalkaas,kii kowaad ee dunida, baaris ay sameysay waaxda cadaaladda Mareykanka waxa ay ku sheegtay in 8 Milyan ay ku dhinteen halka 37 Milyan ay waxyeelo ka soo gaadhay.

Heshiiskii Soomaaliya iyo Itooiya…..

Soomaaliya waa dal madax banaanidiisa iyo qarannimadiisa aan muran ku jirin, taas waxa ay ka dhigan tahay in uu heshiis la geli karo wadan walba oo dunida ka tirsan.

Heshiiskii dowladda Federal-ka ay la gashay dowladda Itoobiya axaddii waxa uu ahaa mid taarikhi ah oo furay albaab cusub oo is kaashi, wax wada qabsi ku dhisan,  is ixtiraam ku jaan go’an xaaladda maanta ka jirta i

W/Q: Mohamed Muse Aden (Mohamed Kaafi)
Email [email protected].

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Abiy Ahmed oo golihiisa ugu bishaareeyay 4 arrin kadib heshiiskii Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu weli kasoo baxayaa Heshiis magaalada Muqdisho ay maalin ka hor ku kala saxiixdeen dowladaha Somalia iyo Ethiopia kaa oo ka koobnaa 16 qodob oo muhiim ah.

Ra’isul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Ahmed oo saacadihii ugu danbeeyay kulamo gaar gaara la qaatay Wasiirada Xukumadii iyo qaar kamid ah baarlamaanka dalkaasi ayaa sheegay in Heshiiska ay la galeen Somalia uu meesha ka saari doono baahida (Badda) ee heysata Ehiopia.

Wax uu Dr Abiy Wasiirada iyo tirada Xildhibaanada ee saacado ka hor uu la kulmay u xaqiijiyay in Ethiopia ay si dhaqsi ah uga faa’iideysan doonto Heshiiska ay la gashay Somalia, waxa uuna xaqiijiyay in Ethiopia ay cagta saartay dhabaha horumarka.

Qodobka maalgashiga Dekaddaha ayuu sheegay inuu yahay qodobka ugu muhiimsan Heshiiska, kaa oo uu ku sheegay in Ethiopia ay uga gudbi doonto baahiyaha ka heysta dhanka Badda.

Image result for dr abiy ahmed and parliament

Dr Abiy, waxa uu Wasiirada iyo Xildhibaanada u xaqiijiyay 3 arrimood oo uu sheegay in Ethiopia ay ugu jirto maslaxad waxa ayna kala yihiin:-

1-In Heshiiska maalgashiga Dekadaha Somalia uu noqon doono mid waligii taagnaada, isla markaana ay Ethiopia ka shaqeyn doonto cusbooneysiinta Heshiiska, maadaama aysan heli doonin fursad lamid ah kan Heshiiska.

2-In ficilada Ethiopia ee Dekadaha Somalia ay ku saleysnaan doonto baahiyaha gaarka ah ee Dowlada iyo shacabka Ethiopia.

3-Ka faa’iideysiga kheyraadka Badda Somalia iyo yagleelida Shirkado dowladeed oo soo saara kaluunka, iyadoo laga faa’iideysanaaya fursada Heshiiska.

4- Abiy waxa uu sheegay in Heshiiska uu albaabo u furi doono in dhalinyaro badan oo Ethiopian ah ay u shaqo tagaan Dekadaha Somalia.

Ra’isul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Ahmed, waxa uu sidoo kale kulamada gaar gaarka ah ku xaqiijiyay in Dowladiisa ay Somalia la gali doonto Heshiisyo kale oo ku saleysnaan doona baahiyaha gaarka ah ee Ethiopia.

Sidoo kale, Ra’isul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy waxa uu ballanqaday in dhexgal dhinacyada Siyaasada ah ay ku sameyn doonaan Somalia, waxa uuna cadeeyay inay hiigsan doonaan wadada ganacsiga.

Haddalka Ra’isul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy, ayaa u muuqanaaya mid ifinaaya damaca Ethiopia ee ku aadan Dekadaha iyo kaabayaasha dhaqaale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DF: Waxba kama ay jiraan ETHIOPIA iyo SOOMAALIYA ayaa hal dal isku noqonaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Daahir Maxamuud Geelle, ayaa ka hadlay heshiis maalin ka hor Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy.

Wasiir Daahir Geelle, ayaa sheegay in Heshiiskaasi uu waxbadan ka bedeli karo xaalada Somalia, waxa uuna farta ku goday inuu ka kooban yahay iskaashiga amniga, la-dagaalanka argagixisada, diblomaasiyadda, iyo arrimo kale.

Wasiir Daahir Geelle, waxa uu sheegay in heshiiskaasi uu ka koobnaa 16 qodob oo dhammaantooda ka dhexeeya labada dal, waxa uuna tilmaamay in Heshiiska uu micno gaara u leeyahay labada dalka ee Somalia iyo Ethiopia.

Wasiirku waxa uu meesha ka saaray in Heshiiska uu yahay mid hadda cusub, balse waxa uu cadeeyay inuu ahaa mid diyaarintiisa kasoo bilowday xiliga dowladihii ka horeeyay tan iminka jirta, ayuu yiri isagoo la hadlaayay Idaacada BBC.

‘’Heshiiskan ma aheyn mid hadda cusub waxa uu kasoo bilowday dowladii ka horeysay tan hadda jirta marka waxaanu qabnaa in labada dal ay faa’iidooyin ugu jirto 16 qodob ee la kala saxiixday’’

Wasiir Daahir Geele, ayaa wax laga weydiiyay haddal uu Ra’isul wasaaraha Ethiopia la wadaagay madaxda dalkiisa kadib laabashadiisa kaa oo ahaa in labada wadan laga dhigay hal wadan oo wax walba wada qeybsada, waxa uuna Wasiirku sheegay in labada dal ay kala madax banaan yihiin keliya ay wada galeen heshiis ku dhisan wax is dhaafsi.

‘’Ma jirto wax labada dal laga dhigay hal wadan wey kala madax banaan yihiin keliya waxaa Ethiopia nagala dhexeeya heshiis ku dhisan wax is dhaafsi’’

Waxa uu Wasiir Geele intaa raaciyay haddalkiisa “Mar walba waxaa laga duulayay laba dowladood oo deris ah, waxaan kuu sheegi karaa in ay wada hadleen laba dal oo kala madax banaan, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia wixii uu ka hadlay waa wax dalkiisa quseeya.”

Wasiir Geele waxa uu sheegay in Somalia ay ilaalin doonto keliya wixii ka khuseeya Heshiiska, halka waxa ay wadato Ethiopia uu yahay mid iyada u gaar ah oo aan waxba ka khuseyn Somalia.

Somalia ayuu sheegay inay garaneyso sida ay u wajahdo rabitaankeeda, sidaa aawgeed ay lama huraan tahay in marnaba aan laga weecan 16-ka Heshiis ee dhacay.

Sidoo kale,Wasiir Geele waxa uu talaabo wanaagsan ku sheegay booqashadii uu Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia ku yimid Somalia, waxa uuna ku sifeeyay Somalia oo hiigsaneysa halkii laga rabay.

Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayuu sheegay inay diyaar u tahay muujinta dadaalka ay ugu jirto xoojinta xiriirka dhinaca diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya dowladaha caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

BF Somalia oo looga digay heshiiska dekadaha ee Soomaaliya Iyo Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin horay uga tirsanaa dowladii hore ayaa ka digay in Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ay meel mariyaan Heshiiska16-ka qodob ka kooban ee dhexmaray Somalia iyo Ethiopia.

Cabdi Barre Jibriil, oo kamid ahaa Xildhibaanadii hore ayaa sheegay in Heshiiskaasi uu yahay mid xaaran ah, isla markaana lagu sii qaribaayo Somalia.

Isagoo ka hadlaayay dhibta ka dhalankarta Heshiiska ayaa waxa uu sheegay Cabdi Barre in xilligaan aanay habooneyn in Somalia dekadaheeda ay kula heshiiso Ethiopia oo uu tilmaamay in xilligaan aan wax dan ah ugu jirin dalka.

‘’Adeer anigu halis baan u arkaa Heshiiska labada dal, waxaanu jirin baahi gaara xiligaan Somalia ku qasbeysa in dekadaheeda ay u gacan galiso Ethiopia’’

Cabdi Barre, ayaa Xildhibaanada golaha shacabka ka dalbaday ineysan aqbalin heshiiska lala galay dowladda Ethiopia oo uu ku sheegay halis hor leh oo kusoo fool leh Somalia.

Sidoo kale, Cabdi Barre ayaa tilmaamay in heshiiskan aan loo gelin dan Soomaaliyeed balse ay jirto baqdin waa sida uu hadalka u dhigaye.

Haddalka Cabdi Barre, ayaa u muuqda mid ku foorara dowlada Somalia, wallow Xildhibaanada baarlamaanka qudhooda ay ku kala aragti duwan yihiin Heshiiska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]