28.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Daawo wareysi xasaasi ah: Prof. Samatar iyo heshiiska Soomaaliya iyo Ethiopia

Aqoonyahan Prof Abdi Ismail Samatar oo wareysi gaar ah siiyey Tv-ga Universal xaruntiisa Maraykanka ayaa kaga hadlay is afgaradkii dhawaan ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya kaasi oo uu ku tilmaamay mid aanan la qaadan karin.

Prof Samatar ayaa aad u dhaliilay siyaasada Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre kuwaasi oo uu ku sheegay in aysan u diyaar garoobin heshiiskii ay la galeen Reysul wasaaraha itoobiya Dr Abey Ahmed, markii arintaasi ka hadlayey “ iminka waxaa arkaysaa Reysul Wasaaraha Itoobiya waa nin himilo dheer leh oo dardar ku socda, nin nasanaya ma ahan oo waxaa u muuqda in uu horseed ka noqdo itoobiya ka duwan tii hore balse waxaa is leeyahay qolooyina Xamar joogo meel uma muuqato oo waxaa u muuqda madaxnimadooda, halka Dr Abey ay u muuqato in Itoobiya laga maamulo gobolka oo dhan,

Mar uu ka hadlayey in Itoobiya ay leedahay hanti ay ku maal gashan karto Soomaaliya ayaa waxa uu yiri “Itoobiya 100 Milyan ayey ku dhaw yihiin laakiin 80 Milyan oo ka mid ah waa fuqaro sidaasi daraadeed Dr Ahmed wuxuu shaqo u raadinayaa dadkaasi oo Oromo u badan.

Dhanka kale mar uu ka hadlayey Baarlamaanka Soomaaliya ayuu sheegay in si deg deg ah ay arintani u joojiyaan, “ Baarlamaanka laba uun bay mid noqon doontaa, dad jeebka la gashaday oo inta shilimaad loo tuuray oo sida la doonayo laga yeesho, waxay ahayd in Afhayeenka Baarlamaanka uu warqad deg deg ah u qoro baarlamaanka arintaasi laga shiro.

Dhageyso: Salad Cali Jeelle oo si cajiib ah uga hadlay heshiiska DF iyo ETHIOPIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir jaraa’id oo maanta ku qabtay magalada Muqdisho, ayaa siyaasiga Salaad Cali Jeelle waxa uu marka hore kaga hadlay, kuna soo dhoweeyey heshiiskii sabtidii ay Muqdisho ku kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Itoobiya.

Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in uu yahay heshiiskaas mid wanaagsan, oo loo baahan yahay in la taageero maadaama dowladda hadda jirta ay tahay mid horey u socota.

“Waxaa muhiim ah in heshiisyada ay galeyso dowladda la taageero, la iskana daayo dadka si kale wax u dhigaya oo argagaxisada u shaqeeya, annaga haddii aan nahay siyaasiyinta iyo shacabka intaba waxaa nagala rabaa in aan farta ku fiiqno dadka diidan dowladnimada Soomaaliya” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Heshiiskii ay wada saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa qeyb ka ahaa in dowladda Itoobiya ay maagashato 4 ka mid ah dekadaha Soomaaliya, taas oo ay dhaliileen qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo shacabka intaba.

Hoos ka dhageyso codka Salaad Cali Jeelle

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Qarax culus oo ka dhacay magaalada MUQDISHO iyo khasaare ka dhashay!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu goordhow ka dhacay wadada Makka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa la xaqiijiyay in gaariga loogu xiray wiil dhalinyaro ah oo la sheegay inuu ahaa arday, kaa oo ku dhaawacmay Qaraxa.

Qaraxa ayaa dhacay xili uu gaariga maraayay agagaarka isgooska xaaji baasto ee wadada Makka Al-Mukarama,waxaana la sheegay inay ku dhaawacmeen laba ruux oo uu ku jiray wadaha gaariga.

Gaariga oo afafka hore looga xiray Qaraxa ayaa waxaa soo gaaray burbur xoogan, waxaana sida caadaduba aheyd Qaraxa kadib goobta gaaray ciidamada amnaanka.

Sidoo kale, Gaariga ay wateen ayaa ahaa nooca Raaxada ee loo yaqaano isbaashiyo,iyada oo dhaawaca Gabadha iyo Wiilka la geeyey Isbitaalka Daaru Shifaa ee Magalada Muqdisho si loogu daweeyo.

Qaraxaani ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay oo magaalada Muqdisho ka dhaca tan iyo markii la galay Bisha Ramadaan ilaa iyo hadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Daawo: Muxuu Faysal Cali Waraabe ka yiri heshiiska 4-ta dekad ee Soomaaliya?

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka UCID ee maamulka Somaliland Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Heshiiska magaalada Muqdisho ku dhexmaray Dowladaha  Somalia iyo Ethiopia.

Eng. Feysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in Heshiiskaasi uu yahay mid ku ek keliya Somalia, isla markaana Somaliland ay tahay mid ka madaxbanaan.

‘’Somaliland waa gaar inagu Madaxweynaheenu iyo Hay’adaheenu waa kuwo noo gaar ah Ethiopia jaar ayey nala tahay’’

‘’Somaliland heshiis seddex geesood ah ayey la gashay Ethiopia oo Dakadaheena ah, hadaba heshiiskaasi waxa uu u gaaryahay Somalia, anagu Somaliland ayaa nala yiraa’’

‘’Madaxweynaheenu waa Muuse Biixi, kan Somalia waxaa la yiraa Farmaajo yaan leysku khaldin lama magacaabin afarta Dekadood ee lagula heshiiyay Ethiopia’’

‘’Somalia xaq bey u leedahay inay gasho heshiis laakiin kuma jirto Somaliland, adduunku wuu isku soo dhawaanayaa heshiisna waa la kala gali karaa’’

Waxa uu Eng. Feysal Cali Waraabe sheegay in Social Media-yaha ay wareegayaan warar uu ku sheegay in Ethiopia ay tahay cadowga Somalia, waxa uuna ku baaqay in meesha laga saaro Uqdada maadaama uu yiri Somalia ay ku baxsatay Ethiopia.

Eng. Feysal Cali Waraabe, waxa uu ku celceliyay in Somalia ay dan ugu jirto wada shaqeyn ay la yeeshan Ethiopia, si buu yiri loo gaaro nabad iyo kala danbeyn.

Biixi oo galaya safaradii ugu halista badnaa ee uu galo tan iyo doorashadiisa

Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu wadaa in maalmaha fooda nagu soo heysa uu gaaro degaanada maamulka ee  colaadu ka jirto.

Muuse Biixi, ayaa safarkiisa ugu horeeya ugu bixi doona magalada Burco, waxa uuna isku mari doonaa ilaa Seddex deegaan oo ay ka jiraan colaado uu dhiig ku daatay.

Biixi ayaa deegaanada ay colaadu ka jiraan ku gaari doona safar dhinaca dhulka ah, waxaana ku wehlin doona mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee uu ka kooban yahay maamulka.

Illo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa xaqiijiyay in safarka Hoggaamiyaha uu qaadan doono maalmo kooban.

Deegaanada la filaayo inuu ku nagaado ayaa waxaa kamid ah deegaanka Ceel-afweyn oo ay weli ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa laba beelood oo dagaal uu dhexmaray.

Warar madax-banaan ayaa sheegaya in Hoggaamiye Biixi uu socdaal qarsoodi ah ku tagi doono qeybo kamid ah Gobolka Sool oo ay isku horfadhiyaan ciidamada ciidamada Somaliland iyo Puntland, waxa uuna ka booqan doonaa qeybaha ay ku sugan yihiin ciidamada maamulkiisa, sida aan xogta ku heleyno.

Sidoo kale, wafdi hordhac u ah safarka Hoggaamiye Muuse Biixi ayaa lagu wadaa inay gaaran deegaanada uu ku wajahan yahay Hoggaamiyaha.

Safarka Biixi ee deegaanada ay colaada ka jirto ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay ee uu ku baxo tan iyo markii loo dhaariyay xilka.

Dhinaca kale, Safarka Biixi ee deegaanada ay colaadu ka jirto ayaa noqonaaya kan ugu halista badan, waxaana xusid mudan in walwal laga qabo socdaalkiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

[email protected]

Mucaaradka Somaliland sidee u arkaan go’aanka DF ku maamuleyso hawada?

Hargeysa (Caasimada Online) – Iyadoo ay Hay’adda ICAO ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Hawada ay shaaca ka qaaday in maamulka Hawada Somalia si toosa loogu wareejiyay DFS, ayaa waxaa taasi ka hor imaaday Xisbiyada mucaaradka maamulka Somaliland.

Go’aanka ay Hay’adda ICAO Dowlada Somalia ugu wareejisay Hawada ayaa waxaa qaadacay Guddoomiyayaasha Xisbiyada mucaaradka UCID iyo Waddani ee maamulka Somaliland.

Guddoomiyayaasha ayaa sheegay inaan loo dulqaadan doonin in Hawada Somalia laga maamulo magaalada Muqdisho, waxa ayna arrin khaldan ku tilmaameen go’aanka ICAO.

Xisbiyada ayaa sheegay in go’aanka ICAO uu ka dhigan yahay in Somaliland laga maamulo magaalada Xamar, waxa ayna Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi ay ku tilmaameen mid ku fashilmay Siyaasada gooni isu taaga Somaliland.

Xoghayaha guud ee Xisbiga mucaradka ah ee UCID Eng. Axmed Xirsi Ducaale oo la hadlay warbaahinta ayaa isna sheegay in maamulka Muuse Biixi uu luminaayo Siyaasada Somaliland ay ku hiigsan laheyd gooni isutaaga.

Waxa uu sheegay in ka xisbi ahaan ay aad uga soo horjeedan go’aanka ICAO, waxa uuna Biixi ugu baaqay inuu qaado talaabo ama uu xilka baneeyo.

Sidoo kale, hay’adda ICAO ayey ku eedeeyen inay ku degdegtay go’aanka ay Hawada ugu wareejiyeen Dowlada Somalia.

Haddalka Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa kusoo beegmaaya iyadoo ay hay’adda ICAO soo idleysay qorshaha hawadda loogu wareejin lahaa Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Xalka G/AFRIKA: Nabad, horumar iyo is-kaashi

Faa’iidooyinka Qaabka Is-kaashi & is-faham 

Geeska Afrika wuxuu ka mid yahay goobaha xagga istiraatijiyadda caalamka ugu muhiimsan maadaama ay maraan marinnada ganacsi ee isku xira qaaradaha Yurub, Aasiya, iyo Afrika. Gobolku wuxuu leeyahay khayraad dabiici ah oo aan weli laga faa’iidaysan, iyadoo waddamada gobolku yihiin kuwa ugu faqrisan caalamka, uguna nabadgelyo xun. Ka hor imaatinkii guumaystayaashii reer Yurub, gobolka Geeska Afrika dadkiisu waxay ku noolaayeen nolol degan, isku-filaansho xagga dhaqaalaha iyo sancada, ay ka jirto nabadgelyo buuxda, iyadoo jawiga hawadu iyo degaankuba ay ahaayeen isla kuwa ay maanta ku nool yihiin. Kaddib imaatinkii guumaystayaashii reer Yurub gobolku wuxuu isu rogay goob colaadeed, faqri, iyo dhaqaale xumo joogto ahi haraysay. Waxay guumaystayaashii burburiyeen dhammaan qaababkii dhaqan-dhaqaale, bulsho-horumarineed, wada-deganaansho iyo walaaltinnimo ee soo jireenka ahaa. Waxayna kala qoqobeen qoysas iyo caa’ilooyin, iyagoo xuduudyo beeneedyo u sameeyay, halkaasna ilaa maanta gobolku uu ku jiro nolol-xumada ugu daran caalamka.

Haddaba, waddamada Geeska Afrika waxay ku soo ceshan karaan karaamadoodii, noloshoodii, xoriyadoodii, kulana qabsan karaan waddamada horumaray ee qarnigan 21-aad waa iyagoo iska kaashada xag dhaqaale, ganacsi, iyo bulsho, iskuna fura xuduudyo beeneedyada.  

* Soomaaliya:     baaxadda dhul:     637,657 sq km; Tirada dadka: qiyaas 12 milyan

* Ethiopia:          baaxadda dhul: 1,127,127 sq km; Tirada dadka: 107 milyan

* Kenya:              baaxadda dhul:     582,650 sq km; Tirada dadka: 48 milyan

* Eriteria:           baaxadda dhul:     121,320 sq km; Tirada dadka:  6 milyan

* Djibouti:          baaxadda dhul:       23,000 sq km; dadka: 1 Milyan 

*waa qiyaasta Juulaay 2017, The World Fact Book.

Waddamada Soomaaliya, Ethiopia, Kenya, Djibouti, iyo Eriteria waxay ku fadhiyaan dhul baaxaddiisa lagu qiyaasay 2,491,754 sq km, iyadoo ay ku nool yihiin dad lagu qiyaasay 174 milyan, tiradaas oo ku dhow midda dadka Ingiriiska, Jarmalka iyo Faransiiska. Khayraadka waddamada Geeska Afrika waa mid ku filan, amaba ka badan haddii laga faa’iidaysto. Waxaa laga helaa macdamaha qaaliga ah sida Gold, Uranium, Platinium, Copper, Natural Gas, oil reserves, iyo waliba khayraadka beeraha iyo xoolaha, iyadoo gobolka ay ku nool yihiin xoolaha ugu badan Afrika. Gobolku wuxuu leeyahay badaha iyo wabiyada ugu muhiimsan Afrika xag wax soo saar iyo xag ganacsiba.

Waxaase nasiib-daro ah in caalamku ku tilmaamo sannad walba in ay dadkiisu u dhimanayaan gaajo iyo cudurro, gurmad deg-deg ahna loo sameeyo. Is-kaashiga Gobolku wuxuu ka hortagayaa, xalna u helayaa dhaqaale-xumida iyo faqriga hareeyay dadkiisa.

Haddii aan soo qaadanno Soomaaliya maxaa faa’iido ugu jira is-kaashigan?

Waxaa dhici karta in lala yaabo fakarkan oo la yiraahdo sidee is-kaashi noo dhex mari karaa cadowgeenii soo jireenka ahaa, nagana haysta weli dhul Soomaaliyeed. Waa arrin gar ah in xal loo helana u baahan. Soomaaliya waa dal muslim ah 100%, iyadoo tirada dadka ku nool lagu qiyaasay 12 milyan oo kuwa qurbaha iyo qaxootigu ku jiraan. Shacabkaasi waxay halgan dheer oo taariikhi ah ugu jireen sidii ay diintooda u difaacan lahaayeen, tan iyo markii Islaamku soo gaaray. Waxaa colaad fogaatay dhextiil/taalaa kuwa Ethiopia oo maamulayaashoodu ay diinta kiristaanka haysteen/taan. Hase Yeeshee maanta Ethiopia waxaa ku nool dad lagu qiyaasay 107 milyan. Tiradaas waxaa muslim ah in ka badan 43 milyan. Dadkaas muslimiinta ah waxay la qiimo iyo sharaf yihiin kuwa Soomaaliya, iyagoo waliba tira ahaan aad uga badan Soomaaliya. Intaas waxaa dheer iyadoo dadkaasi ku nool yihiin nolol aad u liidata marka loo eego shacabka kale ee Ethiopia, gaar ahaan kuwa Amxaarada iyo Tigreega.

Is-kaashiga Geeska Afrika wuxuu keenayaa in tiro lagu qiyaasay 65.5 milyan muslimiin ah ay isu furmaan. Shucuubtaas Islaamka ah waxay ku nool yihiin xeebaha iyo dekadaha Geeska Afrika, taasoo u suurto gelinaysa inay hoggaamiyaan dhaqaalaha iyo ganacsiga Geeska Afrika. Arrintaasi waxay faa’iido wayn ugu jirtaa ummadda Soomaaliyeed oo ah dad aad u fir-fircoon, kartina u yeelan kara inay hoggaamiyaan awoodda dhaqaale ee Geeska Afrika. Tusaale ahaan Kenya Soomaalidu waxay ku leedahay ganacsi xooggan, kaasoo u gudba bariga iyo bartamaha Afrika. Kenya waxaa ku nool dad lagu qiyaasay 48 milyan, iyadoo 7.5 milyan ay muslimiin yihiin. Hase yeeshee tirada dad ee muslimiinta ah ee Ethiopia waxay wax badan ka badan yihiin kuwa kale ee Geeska Afrika. Kenya oo sida la ogyahay haysata dhul Soomaaliyeed ayaa ka faa’iidaysatay fir-fircoonida Soomaalida una furtay suuqeeda. Waxaa hubaal ah haddii Ethiopia suuqeeda furto, kana qayb qaadato is-kaashiga Geeska Afrika in Soomaalidu si fir-fircoon uga faa’iidaysanayaan suuqaas wayn, iyagoo walaalahooda muslimiinta ahna u furaya indhaha. Taasi waxay keenaysaa iskaashi dhexmara shacabka faraha badan ee Ethiopia iyo kuwa Soomaaliya.

Fikraddan, oo laga yaabo inay hadda curdan tahay, waxay badeli kartaa qaabkii hore ee labada waddan u wada dhaqmi jireen, iyadoo Soomaalidu si dagaal la’aan ah ku soo ceshan karto dhulkii ka maqnaa, saaxiibbana ka dhex samaysan karta shacabka Itoobiya. Is-kaashiga Geeska Afrika wuxuu meesha ka saarayaa xoogga iyo caburinta ay Amxaarada iyo Tigreegu ku hayaan inta badan ee kale ee shacabka Itoobiya. Marka la soo koobo faa’iidooyinka uu is-kaashigan u leeyahay Soomaaliya waa mid aad u wayn xag dhaqaale, ganacsi iyo bulsho-horumarineed wuxuuna keenayaa:

  1. In diinta Islaamku fido xag dad iyo aqoonba;
  2. In Soomaalidu xag ganacsi iyo dhaqaaleba la wareegto Geeska Afrika;
  3. In Soomaalida Geeska Afrika ay midoobaan, kaddib marka shucuubta Geeska Afrika la is fahmo;
  4. In Soomaalidu ka faa’iidaysato xag xadaarad, wadanninimo iyo wada noolaansho shucuubta kale ee Geeska Afrika;
  5. In Soomaalidu is jeclaato, illowdana colaadda dhexdeeda ah, maadaama ay la dhaqmayaan dadyoow kale, halkii ay ayagu isu muuqan lahaayeen;
  6. In magaalooyinka Soomaaliyeed ay noqdaan xarumo ganacsi oo isku xira Afrika iyo Aasiya;
  7. In aqoonta la isku gudbiyo, aqoonyahanka Geeska Afrika ee dunida kale jiraana ku soo laabtaan gobolka;
  8. In maalgashiga shirkadaha shisheeye uu gobolku xarun u noqdo; iyo
  9. In nabadgelyo waarta ay ka dhalato Gobolka Geeska Afrika.

Gabagabadii, Gobolka Geeska Afrika fikraddani waa ka suurtoobi kartaa haddii dadka gobolka laga kala qaado caqabadaha horyaalla iyo xuduudyo-beeneedyada. Waxaa aad uga faa’iidaya ummadda Soomaaliyeed iyo muslimiinta Geeska Afrika. Waxaana habboon in Soomaalidu noqoto kuwa hoggaamiya fikraddan, una ol-oleeya sidii loo heli lahaa is-kaashi ah xag-dhaqaale, ganacsi, iyo bulsho, loona jihayn lahaa fallaarta colaadeed ee Soomaali dhexdeeda ku jihaysan.

Xigasho Buugga: Maxaa Hortaagan Dawladnimada Soomaaliya? Geeska Afrika iyo Danaha Is-diidan.

(1999),  Qoraa: Abdiweli Hassan Mohamed (ISBN: 9966-05-189-9 ama 978 9966 05 189 9

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya oo soo saaray go’aan culus

Kulan ay maanta isugu yimaadeen Shirkadaha bixiya adeegyada Isgaarsiinta iyo Internet-ka, kana dhacay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa gabagabadii kulanka ka soo baxay Bayaan ka kooban qodobadan hoos ku xusan:

  1. Dhamaan Shirkadaha bixiya adeega Isgaarsiinta & Internet-ka ee kor ku xusan waxay cadeynayaan in aysan qeyb ka aheyn, lagana talo gelin habraacii loo maray xulashada xubnaha Hay`adda Isgaarsiinta Qaranka ku matalaya Qeybaha Isgaarsiinta Dalka.
  2. Waxaa ayaandaro ah in xubnaha Guddiga Isgaarsiinta Qaranka ee ka imaanaya Qeybaha Isgaarsiinta uu Wasiirka Wasaaradda u magacaabay xubno ka tirsan Shirkado bah-wadaag ah. Haddaba haddii xubanaha Guddigii Isgaarsiinta 75% ay ka yimaadeen hal Koox/Shirkad (Ex- Barakaat), waxay ka dhigeysaa Hay`adii la rabay in ay ilaaliso isku dheelitirka Ganacsiga Xorta ah mid u gacangashay Shirkado gaar ah, isla markaana xoojineysa habka loo yaqaan “Monoboliga”. Taas oo ka hor imaaneysa Dastuurka Dalka, Sharciga Isgaarsiinta iyo Habraacii lagu heshiiyay.
  3. Shirkadaha Isgaarsiinta waxay cadeynayaan in magacaabistani ay si toos ah uga hor imaneysaa Sharciga Isgaarsiinta sida ku cad Qod. 10aad iyo Qod. 34aad “Iska-hor imaadka Danaha Is-diidan” (Conflict of Interest) ee cadeynaya in ruux xil ka haya ama si toos ah uga tirsan Shirkad Isgaarsiin ah uusan ka mid noqon karin Guddiga iyo Maamulka Hay`adda.
  4. Shirkadaha Isgaarsiinta waxay baaq u dirayaan Xukuumadda Somaaliyeed, iyo Hay’adaha caalamiga ah ee muddada badan ka soo shaqeynayey in laga hortago in la marin habaabiyo hadafkii sharciga ee ahaa in la helo nidaam Isgaarsiin iyo sharci hufan.
  5. Shirkaduhu waxay cadeynayaan in Wasiirku uu mas`uul ka yahay qallooca galay sharciga iyo wixii caqabado ah ee ka dhashay xulashada Xubnaha Isgaarsiinta ee lamarin habaabiyay, waxayna dalbanayaan si loo xaqiijiyo xalaal-noqoshada Hay`adda iyo ilaalinta danta guud in dib loogu noqdo magacaabista Xubnaha Hay`adda, loona maro habraacii sharcigu farayey .

DHAMAAD

Daawo: Farmaajo oo si cad uga hadlay waxa uu yahay heshiiska dhex maray isaga iyo Itoobiya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wareysi dheer siiyey TV-ga qaranka ayaa kaga hadlay waxyaabo badan oo ay ugu muhiimsaneyd heshiiskii is afgaradka ahaa ee dhex maray isaga iyo Ra’isulwasaaraha Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu horeyn sheegay inay Ra’isulwasaaraha Itoobiya ka wada hadleyn sidii loo hagaajin lahaa xiriirka labada dal isla markaasna ay meesha u imaan laheyd iskaashi iyo wada shaqeyn labada dhinac ah.

Madaxweynaha ayaa qiray in aasaaska wada hadalka laba dowladood uuba ka bilawday sidii mid kasta uu u ilaalin lahaa madax banaanida mid kale, wuxuuna sheegay inaysan jirin dowlad diyaar u ah inay dalkeeda ka tanaasusho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay inay Soomaaliya ka gudubtay inay dowladaha kale kala hadasho amni iyo ciidan isla markaasna uu dalka hadda marayo in laga wada hadlo Iskaashi iyo isku socodka dhaqaalaha.

Wuxuu sheeay inay dowladaha shisheeyey markii hore naga aaminsanayeen inaan gaarin heer nagala hadlo dhaqaale balse uu hadda dalka marayo meel aad u wanaagsan ayna tahay in dadka Soomaaliyeed looga faa’ideeyo kheyraadka dalka ka buuxo oo leh nooc kasta.

Wuxuu sheegay inay isaga iyo Ra’isulwsaaraha Itoobiya is fahmeyn, heshiiska is afgradka ahna uu yahay mid bilow ah ayna arrintaas kala mid yihiin dowladaha Jabuuti, Suudaan Kenya iyo kuwa kale oo tartan ugu jira sidii looga faa’ideysan lahaa Itoobiya oo aan bad laheyn sida uu Madaxweyne hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay inaysan jirin heshiis hadda la saxiixay, balse ay jirto fikrado la isku afgartay oo loo saari doono guddi soo dharaandhiriyo markii ay howsha soo dhamaatana la hor keeno doono Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Mar la waydiiyey madaxweyne Farmaajo inuu Itoobiya u saxiixay inay lahaato Dekadaha Soomaaliya, ayuu Madaxweynaha kaga jawaabay inaysan jirin Dekad la bixiyey, Dakadahana ay leedahay Soomaaliya balse maalgashi lagu sameynayo.

Wuxuu tilmaamay inuu jeclaan lahaa xataa in Dekadaha la maalgashanayo ay ka bataan afar xabo maadaama uu sheegay inuu dalka leeyahay Xeeb aad u dheer oo uu Alle na siiyey.

Madaxweynaha ayaa dooda heshiiskaan laga keenay iyo shakiga dadka lagu abuuray dusha uga tuuray inay ka dambeeyaan Siyaasiyiin uu sheegay inaysan rabin horumarka dalka iyo inay Soomaaliya ka dhaqaaqdo meesha ay hadda joogto, isagoo xusay inaan loo hakan doonin.

Ugu dambeyntii madaxweynaha ayaa sheegay inay Soomaaliya tartan adag kula jirto dowladaha Africa  kaasoo ah sidii looga faa’ideysan lahaa 100-ka Malyan ee Itoobiyanka ah ee aan heysan Bad isla markaasna heli karo dowlado waaweyn oo maalgelin u sameyn karo.

Wuxuu sheegay inaysan Itoobiya lacag heysan, Soomaaliyana aysan heysan balse meesha lacagta laga helayo ay tahay dadka tirade badan ee Itoonbiyaanka ah ee aan heysan bad kuwaas oo awoodo inay helaan dowlado lacag leh oo maalgashta si looga dhex abuurto ganacsi.

 

Daawo: Farmaajo oo qiray in madaxda Somaliland ay si toos u wada hadlaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa daboolka ka qaaday in si joogta ah ay u wada hadlaan Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Biixi uu kala hadlay sida xal loogu heli lahaa dagaalka Gobolka Sool, taa oo uu sheegay inay u hirgashay.

‘’Arrintooda waan dhexgalay waana la hadlaa waxbadan ayaa nooga hirgalay’’

Madaxweyne Farmaajo oo wareysi siinaayay Telefeshinka Qaranka ayaa sheegay in Muuse Biixi uu kala hadlay xitaa sida lagu qaboojin lahaa colaada ka aloosan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, balse ay isla fahmeen.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay kaalin weyn ka qaadatay sida lagu joojin lahaa dhiiga ku qubanaaya deegaanka Tukaraq, waxa uuna cadeeyay in dowladu ay diyaar u tahay inay sii wado dadaalkeeda.

HOOS KA DAAWO WAREYSI GAABAN OO LALA YEESHAY FARMAAJO

 

Xildhibaano Mahad Cawad uu ku jiro oo lagu bah-dilay garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad loo diiday in uu galo garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho.

Mahad Cabdalla Cawad, ayaa waxaa Garoonka u diiday ciidamo ka tirsan AMISOM, kadib markii ay u diideen inuu ka dhoofo Garoonka xili la sheegay inuu watay boorsooyinkiisa.

Mahad Cabdalla Cawad, ayaa waxaa sidoo kale la socday Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia oo ay is hortaag ku sameeyen ciidamada AMISOM.

Mahad Cabdalla Cawad, ayaa sheegay in uu ka baaqday Safar dibadda ah oo uu u socday, kadib markii ay si xun ula dhaqmeen ciidamada AMISOM oo uu sheegay inay ka baxeen xadkii loo jideeyay.

Waxa uu Mahad Cabdalla Cawad sheegay in loo diiday inuu  ka dhoofo Garoonka isaga iyo wafdigiisa, hase yeeshee uusan ogeyn sababta rasmiga ah.

Diidmada Mahad Cabdalla Cawad loo diiday inuu ka dhoofo Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa kusoo aadeysa xili si taa lamida ka dhoofida Garoonka loogu diiday Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo ku-xigeenkiisa Koowaad oo Saacado badan lagu xanibay garoonka Aadan Cadde.

Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaan weli ka hadal sababta dhoofka loogu diiday Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo ku-xigeenkiisa Koowaad iyo Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawa.

Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayaan qudheeda ka hadal haddii ay wax kala socto go’aanka lagu celshay mas’uuliyiintaas iyo in kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xukun ku dhacay askarigii xaaskiisa uurka laheyd ku dilay Kismaayo (Aqri)

Kismaayo (Caasimada Online)-Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee maamulka Jubbaland ayaa xukun dil toogasho ah ku xukuntay gacan ku dhiigle Cabdullaahi Aasad oo ka tirsanaa Ciidamada Jubbaland.

Cabdullaahi Asad wuxuu katirsanaa Ciidamada Darawiishta gaar ahaan Xafiiska bixinta Mushaaradka Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbaland.

Askarigan ayaa horay u dilay Xaaskiisa waxaana xiliga uu xukunka dhacaayay Maxkamada ku sugnaa ehelada qaar kamid ah gabadha la dilay ee xaaska aheyd.

Askarigan ayaa gabadha ku dilay xaafada Calanley ee Magaalada Ksimaayo, xilli habeen ah saacadu marka ay aheyd 08:00 fiidnimo, sida ay xirtay Maxkamada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed ayaa sheegay in Maxkamadda Ciidamada ay horay u dhageysatay kiiska, ugu dambeyna ay maanta ku xukuntay dil toogasho ah.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ciddii aan ku qanacsanayn xukunka Maxkamadda ay u furan tahay inay qaadato racfaan si mar kale loo xaqiijiyo.

Dhinaca kale, ehelka marxuumada ayaa soo dhaweysay go’aanka ay Maxkamada ku riday xukunka dilka toogashada ah.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Baaris: Yaa ka dambeeyey dilki ugu badnaa ee askarta Somalia ee sanadii 1978

Muqdisho (Caasimada Online) – Horraantii sannadkii 1978-kii ciidamada Soomaaliya ayaa waxay gudaha ugu jireen weerarkooda ay horey ugu sii socdeen Itoobiya, oo markaas dagaal uu kala dhaxeeyey Soomaaliya.

Dhinaca kale adawladda Itoobiya oo ay taageerayaan xulafadii Ruushka, Cuba, Yemen iyo waddamo kale waxay weerarro ku qaadayeen fadhiisimada safka hore ay ku leeyihiin ciidamada Soomaaliya.

Ciidamada cirka ee Itoobiya ayaa duqeeyey saldhig ku yaalla meel ku dhow Jigjiga, iyagoo waxyeello culus gaarsiiyay ciidankii iyo taangiyo ay Soomaaliya lahayd.

Intii uu dagaalkan socday waxa dhacay fal ay saraakiisha sare ee ciidamada dawladda Soomaaliya ku khaarajiyeen askartii ugu badnayd ee Soomaali ah ee hal mar lagu laayo goob keliya.

Haddaba sideed ayuu ku dhacay dilkaas. Yaa ka dambeeyey? Maxaa askarta loo dilay baaritaan arrintaas ku saabsan waxaa lagu fallanqeeyey barnaamijka Galka Baarista ee idaacadda VOA, oo uu soo jeediyo Haaruun Macruuf.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Farmaajo oo khamiista u dhoofaya Addis Ababa iyo ujeedka oo la ogaaday.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 21-ka bishan Magaaladda Addis-ababa uga qeybgalaya shir aan caadi ahayn oo madaxda waddamada IGAD ay isugu imaanayaan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in casuumaaddii shirka ay soo gaartay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana la filayaa in wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo ay gaaraan Addis-ababa 21 bisha.

Shirkan IGAD oo ka baxsan shirarkoodii caadiga ahaa ayaa waxaa madaxda ururku ay uga hadli doonaan xaaladda amni ee Koofurta Suudaan oo ay kasoo korortay xaalad amni xumo, kadib markii ay markale is faham la’aan soo dhex gashay dowladda South Sudan iyo kooxaha mucaaradka ku ah.

Madaxda urur goboleedka IGAD ayaa qatar xoog leh u arka xaaladda hadda ka taagan koofurta suudaan oo haddii la xalin waayo keeni karta dagaalo cusub oo dalkaas ka dhaca, si taas looga hortago ayaa shirkan waxaa la rajeynayaa in ay kasoo baxaan qodobo muhiim u ah oo lagu heshiisiinayo mucaaradka iyo dowladda South Sudan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mid ah madaxda sida gaarka ah dadaalka ugu bixinaya in la baajiyo dagaal ka dhacay Koofurta Suudaan, maadaama Soomaali badan ay ganacsi ku leeyihiin dalkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Gudoomiyaha Aqalka Sare oo loo diiday inuu garoonka Aadan-Cadde ka dhoofo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa saacado lagu xayiray garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, kadib markii ay hor istaageen ciidamada AMISOM.

Wararka laga helayo Garoonka Ade Cadde ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ee ilaalada garoonka ay muddo saacaddo ah xayireen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo Garoonka u tegay inuu dalka ka dhoofo.

Guddoomiyaha iyo Xubno la socday ayaa doonayay in ay aadaan dalka Kenya balse xilli ay marayeen afaafka laga soo galo Garoonka gaar ahaan Madiino Geyd ay celiyeen Ciidamo ka tirsan AMISOM oo halkaasi ilaalo ka haya,iyaga oo u diiday in ay garoonka galaan.

Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin dadaal u galay arrintan ayaa markii danbe ku guuleystay inay fasaxaan guddoomiyaha Aqalka sare.

Arrintaan ayaa dhalisay inay si weyn uga caroodaan xildhibaannda aqalka sare oo kulan degdeg yeeshay, iyagoo cambareeyay falka lagula kacay guddoomiyaha Aqalka sare.

Guddoomiye ku xigeenka labaad  ee Aqalka sare Mowliid Xuseen Guhaad ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay u sheegeen in ay yihiin masuuliyiinta Golaha Aqalka Sare,isla markaana ay doonayaan in ay galaan Gudaha Garonka balse ay u diideen.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in halkaasi ay ku xayirnaayeen mudo 50 Daqiiqo ah oo hal saac ku dhow,hayeeshee AMISOM uu sheegay in maanta falka ay ku kacday aysan aheyn mid loo dul qaadan karo, isaga oo Xubnaha Aqalka Sare ugu baaqay in ay jawaab cad ka bixiyaan.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa ka dalbaday ciidamada AMISOM in ay jawaab degdeg ah ay ka bixiyaan falka tacadiga ah oo lagu xanibay Gudoomiyaha Aqalka Sare.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Xaaf oo galay xaalad wareer ah iyo Sh. Shakir oo awood dheeri lasoo baxay

Dhuusa Mareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku jiro xaalad wareer ah oo ku saabsan magacaabista wasiiro cusub iyo isku shaadheyn la filayo in lagu sameeyo golaha Wasiirada.

Sida qorshuhu ahaa Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa laga sugayey inuu magacaabo Gole wasiiro kuwaasi oo qaarkood lagu bedelaayo wasiiradda hada Shaqeeya Hase’yeeshee waxaa lagu kala aragti duwan yahay qaabka loo maraayo sida aynu xogta ku helnay.

Sida xogta ay ku heshay Caasimadda Online waxaa banaanka usoo baxay khilaaf xoog leh oo u dhaxeeyo Madaxweyne Xaaf iyo Madaxda xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ku saleysan sida loo magacaabayo wasiirada iyo cidda go’aanka iska leh.

Madaxweynaha Galmudug ayaa doonayo inuu kaligiis magacaabo golaha Wasiirada isla markaasna aysan wax talo ah ku lahaan Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxda Xukuumadda Shiikh Maxamed Shaakir.

Arrintaas ayaa waxaa si weyn uga hor imaaday Shiikh Maxamed Shaakir  oo xil ahaan ku fadhiyo qeyb kamid ah awoodda Madaxweyne Xaaf kadib markii lagu heshiiyey sidaas ka hor inta aan labada maamul la isku darin.

Shiikh Maxamed Shaakir ayaa dalbaday inuu qeyb ka noqdo go’aanada lagu soo magaaabayo Golaha Wasiirada isla markaasna laga siiyo saami, waxaana arrintaas gaashaanka u daruuray Madaxweyne Xaaf oo u arko inuu awoodda magacaabista golaha Wasiirada uu isaga kaligiis leeyahay.

Khilaafkaan ayaa keenay in dhawr jeer dib loo dhigo magaabista golaha Golaha, waxaana hadda muuqato inay kala fogaanayo Madaxweyne Xaaf iyo Sh. Shaakir oo maalmihii dambe ahaa laba mas’uul oo isku xir isla markaasna ay wax kasta isugu toosan yihiin.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku jiro xaalad wareer ah waxaana hadda hor taalo laba daran mid dooro, maadaama uusan heshiis la aheyn madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlaamanka oo iyagoo careysan ku shaqeeyo guri ku yaalo Magaalada Cadaado kadib markii loo diiday Madaxtooyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Israel oo ku dhawaaqday go’aan naxdin leh oo ku saabsan Daanta Galbeed

Daanta Galbeed  (Caasimadda Online) – Deegaanada Daanta Galbeed iyo dhammaan dhulalka sida sharci darada ah loo dagay ayaa noqon doono qeyb kamid dhulka Israa’iil sida uu sheegay hoggaamiyaha xisbiga talada hayo isla markaasna ah wasiirka Waxbarashada ee Israa’iil Naftali Bennett, sida uu qoray wargeyska Hebrew news site 0404.

Hadalka kasoo baxay hogaamiyaha xisbiga talada hayo ayaa imaaday kadib markii ciidamada Israa’iil ay burburiyeen ilaa 15 guri kuwaas oo ku yaalay Netiv HaAvot oo ah buur ay lahaayeen dadka Falastiin isla markaasna hoos tagto xaafadda Al-Khader ee Galbeedka Bethlehem ee xoogga lagu heysto.

Naftali Benneta ayaa si rasmi ah u sheegay inay Israa’iil isku raacday in deegaanadaas lagu daro dhulalka ay xoog ku heystaan isla markaasna laga dhigo buurta korkeeda xaafad aad u weyn oo la dajinayo dadka Reer Is’raaiil.

Burburintaan ayaa imaaneyso kadib ku dhawaad laba sano oo kasoo wareegtay markii Maxkamadda Cadaaladda Israa’iil ay xukmisay in guryahaas laga dhisay dhul ay lahaayeen Shakhsiyaad Falastiiniyiin ah, waxayna amartay in la dumiyo 8 Bishii Marso ee sanadkaan, balse waxaa loo qabtay 3 bil gudahood in dadka halkaas dagan loogu diyaariyo meel ay dagaan.

Dhammaan guryaha ay Israa’iil ka dhisatay Daanta Galbeed ee xoogga lagu heysto iyo Bariga Magaalada Barakeysan ee Qudus ayaa loo arkaa inay yihiin shari darro sida ku caad sharciyada adduunka.

Dowladda Israa’iil ayaa weli wado dhismooyin ay ka dhiseyso Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus waxayna arrintaas sii xoogeysatay markii uu guuldaro kusoo dhamaaday wadahaladii u dhaxeeyey Israa’iil iyo Falastiin.

Hadalka kasoo yeeray Wasiirka waxbarashada ayaa dhibaato ku noqon doono dadka Reer Falastiin maadaama maalin kasta la boobayo dhulkooda, wuxuuna ninkaan si cad u sheegay qorshaha ay ku damacsan yihiin inay ku boobaan dhulalka Falastiin.

Caasimada Online

Xafiiska Qudus

[email protected]

Somaligii afduubay Amanda Lindhout oo lagu xukumay 15 sano kadib markii xeelad cajiiba lagu geeyey Canada

Ottawa (Caasimadda Online) – Cali Cumar Adeer oo ah muwaadin Soomaaliyeed isla markaasna si qiyaano ah lagu geeyey dalka Canada ayaa Maxkamad ku taalla magaalada Ottowa waxa ay ku xukuntay xabsi gaarayo ilaa 15 sano kadib markii lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa afduub meel u dhaw Muqdisho loogu geystay gabar Wariye aheyd sanadkii 2008.

Ninkaan Soomaaliga ah ayaa dhawr jeer kasoo muuqday Maxkamadaas isagoo mar kasta ku adkeysanayey inuu ahaa kaliya turjumaan isla markaasna uusan wax lug ah ku laheyn afduubka, waxayna qaaadatay maxkamadeyntiisa muddo badan.

Arrinta ugu weyn ee loo cuksaday xukunkiisa ayaa ah markii Maxkamadda horteeda lagu soo bandhigay caddeyno isugu jiray codad laga duubay xilligii uu wada hadalka ku jiray hooyada dhashay gabadha wariyaha ah ee Amanda Lindhout iyo qoraalo iyo wada hadal dhex maray isaga iyo ciidamo dhar cad ah oo ka tirsan dowladda Canada kuwaas oo isaga dhigay dad qandaraas usoo dhameenayo.

Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in Cali Adeer lagu xukumay muddo 15 sano oo xabsi ah, wuxuuna qaadiga maxkamadda ee go’aanka soo saaray tilmaamay inuu Cali u qalmo xukunka lagu riday isla markaasna uu kiiskiisa sidaas kusoo xirmay.

Cali Adeer ayaa si qiyaano ah lagu geeyey dalka Canada kadib markii ay heshiis been ah oo ku saabsanaa daabacaada buug uu qorsheynayay qoridiisa uu la galay dharcad ka tirsan dowladda Canada oo uu isaga u heystay inay ahaayeen dad caadi ah oo caawinayo maadaama si mala awaal ah loogu sheegay inuu buugaas ka heli doono lacag waali ah.

Qaadiga Maxkamadda ayaa sheegay in xukunka 15 sano ah ee Cali Cumar Adeer lagu riday laga jari doono mudada ay socotay maxkamadeyntiisa markaas oo uu ku jiray xabsi, waxaana laga jari doono ilaa 3 sano, taasoo ka dhigan inay u dhiman tahay ilaa 12 sano oo kale.

Kiiska ninkaan Soomaaliga ah lagu heysto ayaa ahaa afduub sanadkii 2008 dalka Soomaaliya loogu geystay Amanda Lindhout oo ah wariye u dhalatay dalka Canada iyo sawir qaade u dhashay wadanka Australia kuwaas oo gacanta afduubayaasha ku jiray  460 maalmood.

Nimanka afuudbka u geystay labadaan qof ayaa ugu dambeyntii Gabadha Canada kasoo jeeday ka qaatay 600,000$ oo madax furasho ah oo ay bixiyeen qoyskeeda, waxaana afduubayaasha iyo qoyska u kala turjumayey Cali Adeer oo ah ninka hadda lagu xukumay xabsi waqti dheer.

Halkan ka aqriso xeeladda cajiibka ah ee Cali Adeer lagu geeyey Canada 

Caasimada Online
Xafiiska Ottawa
[email protected]

 

Toban qodob oo aan laga fahmin booqashadii uu Abiy Ahmed ku tagey Muqdisho?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maalmahan baraha bulshada la isla dhex marayay aragtiyo kala duwan oo laga bixinayo booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed uu ku yimid Muqdisho iyo war-murtiyeedkii ka soo baxay. Haddaba qodobadan kooban waxaan ku eegeynaa 10 qodob oo aan laga fahmin booqashadaas iyo natiijadii ka soo baxdayba.

  1. Heshiis mise war-murtiyeed: Kulanka madaxweyne Farmaajo iyo RW Abiy Axmed waxaa gabagabadiisa ka soo baxay war-murtiyeed (communiqué) ee ma ahayn heshiis la kala saxiixday. War-murtiyeed wuxuu soo koobaa qodobadii laga wada hadlay.
  2. Guddiyo: Waxay labada mas’uul ka wada hadleen in guddiyo heer wasiir ah loo saari doono inay sii wadaan wadahadallada, markaas oo faahfaahinta qodobadaas loo tagi doono. Waxaa dhici karta in lagu heshiiyo ama lagu heshiin waayo. Heshiisyadaas oo marka ay dhacayaan la hor geyn doono goleyaasha Baarlamaanka.
  3. Heshiisyadii Berbera/Boosaaso iyo war-murtiyeedka Muqdisho: Xukuumaddu hore ayay uga hadashay inaysan diidaneyn in maalgashi shisheeye lagu sameeyo dakadaha Soomaaliya, balse waxaa Imaaraadka lagu diidanaa inay arrimo qaran kala hadlaan dawlad-goboleedyo.
  4. Suuqa Itoobiya: Dalalka Geeska Afrika ayaa ku tartamaya suuqa 100ka milyan ee Itoobiya. Dhammaan dalalkii uu booqday RW Abiy Axmed waxaa Itoobiya loo ballanqaaday inay saami ku yeelato dekadaha si loo soo jiito inay halkaas ku soo xirmaan.
  5. Hal albaab: Waxaa guul ah in Itoobiya oggolaato inay Muqdisho kala macaamisho dhammaan wixii arrimaha Soomaaliya khuseeya, halkii ay markii hore dawlad-goboleedyada mid mid ula macaamili jirtay. Waa horumar la soo gaaray maanta, isla markaana sii xoojin doonta midnimada iyo madax bannaanida dalka.
  6. Fursadaha maalgashi: Waxaa war-murtiyeedka lagu sheegay in labada dhinacba ay ka furan yihiin fursado maal-gashi. Haddii Itoobiya ay dekedaheena nagula shirkoobeyso si ay suuqaas noogu soo leexiso, waxaan annagana saami ku yeelan karnaa isgaarsiinta iyo korontada Itoobiya. Waxay sidaas oo kale kula heshiisay Jabuuti.
  7. Suuqyo kale: Itoobiya waxay ka mid tahay suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika ee COMESA. Soomaaliya waxay qorsheyneysaa inay suuqaas ku biirto. Haddii labada dal ay isku suuqa galaan waxaa qabanaya shuruucda isu-socodka ee suuqaas. Haddii xitaa labada dal aysan gooni uga heshiinin arrimaha ganacsiga waxaa isku-furkooda khasab ka dhigi doona suuqyo kale oo ay xubno ka yihiin.
  8. Diblomaasiyaddu waa laba dhinac: Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa isaga xiran waxyaabo badan oo aan dekedaha kaliya ahayn. Tusaale ahaan sida loo qeybsanayo biyaha wabiyada Jubba iyo Shabeelle waa inay labada dal ka xaajoodaan oo aysan Itobiya ka sameysan biyo-xireennadii ay doonto oo saameyn ku yeelan doona beeraheena. Danaha labada dal ay iska leeyihiin way sii kordhi doonaan mar kastaba.
  9. Hadalka Abiy: Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya wuxuu sheegay in aragti ahaan uusan aaminsaneyn cadaawaddii hore, aysan isku baahan yihiin labada dal. Arrintaas waa aragtidiisaa fog ee ma ahayn wax laga wada hadleysay ama lagu heshiiyay. Qofka siyaasi ahna wuu lahaan karaa aragtidaas.
  10. Soomaalida iyo Geeska Afrika: Khabiirka reer Suudaan ayaa sheegay in Soomaalida sanadaha soo socda ka talin doonto Geeska Afrika marka la eego heerka ay kaga jiraan dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya. Soomaaliya ma aha dad looga baqayo in la liqo ee haddii ay helaan fursado waxay si sahlan ugu guuleysan karaan madaxnimada dalalka gobolka oo dhan. Heer Soomaalidu jagooyin sare ka qabanayaan Yurub iyo Waqooyiga Ameerika, wax weyn lama aha inay hoggaamiyaan gobolka haddii ay helaan fursado xor ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso Buubaa “Faa’iido weyn baa ku jirta heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya”

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Ismaaciil Hurrre Buubaa ayaa wareysi uu siiyey idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho, wuxuu kaga hadlay heshiiskii dhowaan ay magaalada Muqdisho ku gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxa uu sheegay Buubaa in heshiiskaasi uu yahay mid micno weyn ku fadhiya, islamarkaana heshiiska dekadaha yahay mid isbedallo ka hirgelin kara guud ahaan dhulka Soomaalida.

Buubaa ayaa dhanka kale sheegay in hadda kaliya un la heshiiyey balse la sugayo qaabka heshiiskaasi uu ku dhaqangalayo iyo faah-faahinta dheeriga ah.

Buubaa ayaa sheegay in haddii Ethiopia ay maal-gashaneyso dekadaha Soomaaliya ee aan cidna daryeelin ay taas faa’iido weyn u tahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, ayna tahay in la soo dhaweeyo.

Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa Sabtidii lasoo dhaafay ku heshiiyey arrimo la xiriira horumarinta dekadaha iyo iskaashiga dhaqaalaha.

Halkaan hoose ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]