26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Siyaasi sheegay inuu yahay madaxweyne Somaliland + C/Weli Gaas oo casuumay

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland uu gaaro Siyaasi sheegtay inuu yahay Hoggaamiyaha rasmiga ah ee maamulka Somaliland.

Siyaasigan oo kasoo jeeda deegaanada maamulka Somaliland ayaa sheegay inuu yahay Hoggaamiyaha Somaliland, waxa uuna Garoowe u aadi doona howlo shaqo, sida uu sheegay.

Siyaasigan oo lagu magacaabo Mustafe Maartin ayaa kasoo safri doona dalka Mareykanka,waxana marti galiyay maamulka Puntland.

Hoggaamiyaha Puntland Cabdiweli Gaas, ayaa marti galinta u sameeyay Mustafe Maartin, waxaana lagu wadaa inay kuwada kulmi doonaan Madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale, Mustafe Maartin, ayaa ku dhawaaqay in uu yahay Hoggaamiyaha rasmiga ah ee maamulka Somaliland, waxa uuna tilmaamay in Hoggaanka hadda ka jira Somaliland uu yahay mid ay hareereysay cadaalad darro, sida uu sheegay.

Dhinaca kale, sheegashada Mustafe Maartin ee hoggaanka maamulka ayaa kusoo beegmeysa iyadoo Hoggaamiyaha saxda ee Somaliland Muuse Biixi uu la kulmaayo mowjado mucaarad oo ay u abuureyso Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Xasan Sheekh oo 5 qodob oo xasaasi ah ku sheegay xalka dagaalka TUKARAQ

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Somalia, ayaa qoraal dheer uga hadlay colaada dhiiga badan ku daatay ee u dhexeeya maamulada Somaliland iyo Puntland, taa oo ka taagan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh ayaa qoraalkiisa diirada ku saaray colaada iyo dhibaatooyinka ka dhashay, waxa uuna baaq nabadeed u jeediyay labada maamul.

Xasan Sheekh, ayaa qoraalkiisa oo uu soo dhigay bartiisa Facebook kusoo koobay 5 qodob oo uu culeyska ku saarayo dhibta dagaalka iyo dheefta ay leedahay nabadda.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XASAN SHEEKH EE 5 QODOB KA KOOBAN

Iyadoo Soomaalidu ay duruufo gaar la tacaaleyso billowga qarniga 21aad, ayaa haddane degaannadu xaalkoodu kala duwan yahay.

Duruufaha dadka Soomaalida ay la tacaalayaan waxaa ka mid ah Abaaro, fatahaad iyo colaado, hase yeeshe gundhigga dhibaatooyinka oo dhan waxay ka soo butaacayaan hal il oo ah dowlad xooggan oo ralli laga wada yahay lana wada aqbalsan yahay oo meesha ka maqan.

Si kastaba ha ahaate, dhibaatooyinkaas aan kore ku so xusay iyo kuwa kaleba waxay CAQABAD ku yihiin badbaadada shacabka ay daashadeen colaaduhu kuwa hore iyo kuwa dambaba haddaba hoggaamiyayaasha maanta ee heer kasta leh ha qaateen hana tixgeliyeen mabda’a ah “HA UGA DARIN HADDII AADAN DAWYN KARIN”

Qormadaan kooban waxaan rabaa inaan uga hadlo arrinta XANUUNKA badan ee ka socota tuulada yar ee TUKARRAQ.

In ka badan 30 sano waayo aragnimo ah ayaan u leenahay in khilaafyada lagu xalliyo CUDUB CIIDAN lagumana soo guuleysan mar qura. Haddaba, walaalaha isfaham waagu u dhaxeeyo waxaan ugu baaqayaa qodobada soo socda:

1-Xabbad joojin degdeg ah iney ku dhawaaqaan oo ay NABADDA ku dhiirradaan.

2-In ciidamada ay kala qaadaan si fursad lagu wada hadlo u abuuranto.

3-Ka dibne la billaabo wada hadal dhexdooda ah oo ay hoggaaminayaan dhexdhexaadiyaal iyo fududeeyaal Soomaali ah oo ka dhaca TUKARRAQ lafteeda

4-Waxaan si gaar ah farta ugu fiiqayaa isimada, culumaa’uddiinka iyo ganacsatada iney si gaar ah ugu istaagaan arrinka isna doontaan iyagu oo waxaan leeyahay magaciin ha jiro e berri NABADDA YAAN DIBADDA LAGA JIRIN

5-Inta dadaalladu socdaan, dhinacyadu waa iney joojiyaan hadallada XANAFTA leh ee danqinayo boogihii hore laguna baddalo hadallo ka tarjumayo Soomaalinimada.

Waxaan ku soo gabagabeynayaa qormadaan kooban:

“WALAALAYAAL WAXA AAN ISKU NAHAY AYAA AAD UGA BADAN WAXA AAN KALA NAHAY EE CAQLIGU HA TALIYO”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

4 sabab oo keentay inay DF dalbato in dhaqaalaha laga joojiyo SOMALILAND

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa codsatay in dhaqaalaha laga joojiyo Somaliland, sida laga soo xigtay qoraal uu Wasiirka Qorsheynta, Jamaal Maxamed Xasan u qoray Deeqbixiyaasha Beesha Calaamka.

Nidaamkan oo loogu magac daray (Special Arrangement) ayaa la bilaabay sanadkii 2013, xilligaasoo lagu saxiixay shirkii New Deal-ka ee ka dhacay magaalada Brussels.

Qoraal ka soo baxay Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka caalamiga Jamaal Xasan Maxamed ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka aysan cusbooneysin karin nidaamka gaarka ah ee Beesha Caalamka ku taageeri jiray Somaliland.

Sida laga soo xigtay qoraalka, heshiiskaas oo la saxiixay 2013-kii, dhaceyna 2017-dii, wuxuu dhigayey in Somaliland ay saami lamid ah maamulada kale ee dalka ku yeelaneyso Deeqaha caalamka laga helo.

Laakiin, qoraalkaan uu Wasiir Jamaal uqoray Beesha Caalamka, waxaa si cad loogu codsaday inay joojiyaan guud ahaan taageeradda dhinac walba leh oo ay siiyaan Maamulka Hargeysa, sababo badan darteeda.

Sida laga soo xigtay qoraalka, heshiiskaas oo la saxiixay 2013-kii, dhaceyna 2017-dii, wuxuu dhigayey in Somaliland ay saami lamid ah maamulada kale ee dalka ku yeelaneyso Deeqaha caalamka laga helo.

Laakiin, qoraalkaan uu Wasiir Jamaal uqoray Beesha Caalamka, waxaa si cad loogu codsaday inay joojiyaan guud ahaan taageeradda dhinac walba leh oo ay siiyaan Maamulka Hargeysa, sababo badan darteeda.

Sababaha ayaa waxaa qeyb ka ah:

  • inay wiiqeyso wiiqayo in Soomaaliya laga hir-geliyo nidaamka Federaalka
  • in waxyaabo kale oo loo adeegsado
  • iyo Somaliland ku dhiiro gelineyso inay kasii go’ado dalka.
  • Maamulada ka jiro dalka oo dalbaday in Somaliland ay lamid noqoto Maamul Goboleedyada, haddii kale ay iyagana Beesha caalamka la xiriir doonaan.

Arrintan ayaa cirka ku sii shareereysa xiriirka cakiran ee dowladda Federaalka kala dhaxeeya Somaliland, isla markaana ay horseedi karto in Somaliland ay sii fogaato.

Halkaan hoose ka akhriso waraaqaha uu diray Wasiir Jamaal

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Daawo: Prof. Samatar oo 2 arrin midkood ku sheegay hadalkii ABIY ee mideynta Soomaaliya iyo ETHIOPIA

Hargeysa (Caasimada Online) – Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Heshiiska ay Dowlada Somalia la gashay Dowlada Ethiopia.

Aqoonyahan Prof Cabdi Ismaaciil Samatar waxa uu sheegay in Heshiiska uu yahay mid wanaagsan balse uu kasoo horjeedo mideynta Somalia iyo Ethiopia.

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar, waxa uu sheegay in Heshiiska uu waxbadan ka bedeli doono mandiqada Geeska, waxa uuna shaki galiyay in Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed uu kasoo fagtay erayga mideynta Somalia iyo Ethiopia.

‘’Laba arrin mid bey noqon doontaa in Ra’isul wasaaraha Ethiopia uu carabka ka dafay erayga mideynta Somalia iyo Ethiopia ama in uu ka damacsanaa inuu sii jeexo jidka leysugu dari lahaa labada dal’’

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar, waxa uu sheegay in haddalka Ra’isul wasaare Abiy uu wanaagsanaa balse uu ku cayaaray erayga danbe ee ah in labada dal la mideynaayo.

Waxa uu tilmaamay inaanu wax dhiba uusan ka imaan doonin Heshiiska waa haddii loo wajaho qaabka lagu heshiiyay, waxa uuna shaki galiyay in Heshiiska uu kusii ekaan karo si uu u dhacay.

Waxa uu Prof Cabdi Ismaaciil Samatar yiri ‘’waxaan ogahay in dowlada Muqdisho ay tiri waxaas wax kama jiraan taasina ay tahay in waxyaabo badan oo laga hadlay ay yihiin kuwo aan xidido laheyn’’

Sidoo kale, Prof Cabdi Ismaaciil Samatar, waxa uu sheegay inay banaanka usoo bixi doonaan waxyaabo badan oo iminka qarsoon, balse ay mudan tahay in laga dhowr sugo.

4 qeyb oo lacagta cusub ee Soomaaliya ay ka kooban tahay oo la shaaciyey!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Mudane Bashiir Ciise Cali oo maanta la hadlay Warbaahinta, ayaa ka warbixiyey Lacagta cusub ee Shillin Soomaaliga ah ee dalka loo soo daabacayo iyo hawlaha lagu horumarinayo Bankiga dhexe ee dalka.

Ugu horeyn guddoomiyaha, ayaa sheegay in Lacagta cusub ee dalka loo soo daabacayo ay ka kooban tahay qeybo badan, isaggoo tilmaamay in lacacagtaasi ay tahay mid ay adag tahay in Copy laga sameeyo oo lagu been abuurto.

“Lacagta Cusub waxay ka kooban tahay Afar qeybood oo kale ah  1,000 Sh.so, 2,000 Sh.so, 5,000 Sh.so iyo 10,000 Sh.so, Lacagta Cadadka ugu badan ee lasoo daabacayo waa 1,000 Sh.so (Kun Shillin Soomaali), waxaa ku xigga 2,000 Sh.so (Labo Kun Shillin Soomaali), waxaa ugu cadad yar  5,000 Sh.so iyo 10,000 Sh.so (Shan Kun iyo Toban Kun oo  Shillin Soomaali ah), Marka ugu horreeysa afartaas qeyb ayaa lasoo saari doonaa” ayuu yiri Guddoomiyaha Bankiga dhexe.

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Mudane Bashiir Ciise Cali, ayaa dhanka kale sheegay in muddadii dib loo howl galiyey Bankiga dhexe ay kasoo wareegtay Toban sano, ayna muddaasi u qabsoontay waxyaabo badan oo horumar ah, isaggoo carabaabay in hadda ay ku guda jiraan Casriyeenta habka shaqo ee Bankiga, si shaqada loo sii dardar geliyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Daawo: Falastiiniyiinta oo madaafiic Yahuuda ay la yaabeen soo farsameeyey

Gaza (Caasimada Online) – Dhalinyaro kasoo jeeda Falastiin ayaa weerar loo adeegsaday ‘’Aabiteey’’ ku qaaday Askar Yahuud ah, kadib markii ay ku rakibeen madfac gacan ku sameys ah.

Dhalinyaradan oo inta badan noloshooda Yahuuda kula dagaalameysat dhagxaan, ayaa iminka u gudbay inay ku dagaalaman madaafiic.

Xeeladan cusub oo ay ku dagaalamayaan dhalinyarada cusub ayaa ka danbeysay kadib markii ay cadaadis xoog leh kala kulmeen askarta Yahuuda oo toogasho ku raadisa.

Xeeladn cusub oo ka hirgashay Falastiin ayaa waxaa lagu qarxiyay tirro Askar ah, kuwaa oo aabiteey ku rakibay madfac fudud kadibna ku qarxiyay askarta.

Dhalinyarada ayaa Abiteyda ku xiraan dhalooyin ololaya, suuf iyo isbuunyo iyo dhalooyin ay Baasiin ka buuxiyeen, kadibna ay u sii daayaan dhinaca dhulka Yuhuudda.

Saraakiisha ciidamada Yahuuda ayaa sheegay in madfaca gacan ku sameyska ah xitaa lagu weeraray xerooyin ciidan kuwaa oo geystay khasaaro.

Qaraxyada madfaca ayaa xitaa sameyn ku yeeshay beeraaleyda Yahuud waxaana dhacdadaasi la kulmay Oday Yuhuudi ah oo ka mid ah Beeraleyda deggan Deegaanka Kibbutz Nir Am.

Oday Itzik Ebbo,waxa uu Suxufiyiinta u sheegay inay waxyeello soo gaareen Abuurki ku beernaa beerahooda, isla markaana ay jiraan dhul-kaymeed badaan oo lala beegsaday Abiteyda ololaysa ee ay dadka Falastiin ugu dagaalamaan sidii Diyaaradaha Dagaalka.

DF Somalia oo madaxda GAL-MUDUG uga yeertay magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Somalia ayaa bilowday dadaalo lagu dhex dhexaadinaayo Madaxda maamulka Galmudug ee isku khilaafsan hanaanka kuraas  qeybsiga iyo hoggaanka.

Xukuumada ayaa la xaqiijiyay inay xiriiro kala duwan la sameysay Hoggaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf oo saldhigtay magalada dhuusamareeb iyo Ku-xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha baarlamaanka oo iyaguna ku sugan magaalada Cadaado.

Mas’uuliyiinta uu khilaafka u dhexeeyo ayaa waxaa iminka magaalada Muqdisho ugu yeeray Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia oo labada garab u kala diray warqado.

Wasiirka ayaa warqadihiisa labada dhinac ku  codsaday in ay Muqdisho isugu yimaadan shir lagu xalinaayo khilaafka.

Mas’uuliyiinta uu Khilaafka u dhexeeyo ayaa la sheegay inay aqbaleen codsiga Wasiirka Arrimaha gudaha, waxaana lagu wadaa inay soo gaaran magaalada Muqdisho.

Shirka lagu dhex dhexaadinaayo ayaa waxaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre, iyadoo Mdaxweyne Farmaajo uu labada garab la qaadan doono kulamo caadi ah.

Geesta kale, waxan la ogeyn natiijada kasoo bixi doonta shirka la doonayo in lagu heshiisiiyo Madaxda labada garab ee kawada tirsan maamulka Galmudug.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Goormee ayey Kenya jawaabta dacwada badda u gudbineysaa ICJ?

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa daboolka ka qaaday inay Maxkamadda Caalamiga ICJ u gudbineyso gal dacwadeed ku saleysan cadaymaha lahaanshaha xuduud badeedka kala dhexeeya Somalia.

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in Maxkamada ICJ ay sugeyso Jawaabta dacwada, hayeeshee ay ku gudbin doonto sida ugu dhaqsiyaha badan.

Githu Muigai, oo ah Xeer ilaaliyaha guud ee dowlada Kenya, ayaa sheegay in qoraal cusub u gudbin doonaan Maxkamadda ICJ bisha December 18-da ee sannadkan 2018-ka.

Waxa uu Mr Githu Muigai sheegay in Kenya aysan ka dib dhici doonin mudada loo qabtay, waxa uuna cadeeyay inay kaamileen dhammaan qoraalkooda khuseeya kiiska.

Githu Muigai,waxa uu sheegay in Kenya ay cariirsan doonto lahaanshiyaha xadkeeda waxa uuna carab dhabay inay doonayaan in dib loo calaamadeeyo Xuduud-baddeedka, iyadoo la waafijinayo Xuduudka dhulka ee ay Somalia la leeyihiin.

Sidoo kale, Dowlada Somalia waxay horey u sheegtay inay sharci darro tahay Dhaqdhaqaaqa Kenya ee ay ku sahminayso Xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay.

Dhinaca kale, murankaan ayaa soo taagnaa tan iyo sannadkii 1964-kii, hal sanno kadib, markii ay Kenya xorriyadda heshay bishii December ee sannadkii 1963-kii.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

R/W Abiy Axmad oo ka fal celiyay ficil uu durbo ku dhaqaaqay Isaias Afewerki

Ra’iisalwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmad ayaa soo dhaweeyay uguna hambalyeeyay madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki aqbalaadda uu aqabalay baaqii Itoobiya ee ahaa in la dhammeeyo murankii dhanka xadka labada waddan ku saabsanaa ee mudada dher soo jiitamayay.

Arrintan ayaa ka dambaysay markii madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki uu sheegay in uu wafdi u dirayo magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya si loo sii wado baaqii nabadda iyo Itoobiya oo ogolaatay go’aankii guddiga Qaramada Midoobey uu ka gaaray murankii xadka labada dal.

Dagaal labadanmi dal dhex maray intii u dhaxeysay sanaddadii 1998 iyo 2000 ayaa la sheegayaa in Itoobiya ay uga dhinteen qiyaastii 50,000 oo qof halka Eritrea ay uga dhinteen qiyaastii 20,000 oo qof.

Bishan horaanteedii ayaa isbahaysiga Itoobiya xukuma ee EPRDF wuxuu aqbalay go’aankii 2002 uu gaaray guddigii Qaramada Midoobey ay u saartay muranka xadka labadani dal oo siiyey Eritrea dhulkii la isku haystay.

Madaxweynaha Eritrea Issaias Afwerki oo Tv dalkiisa ka hadlay oo ka jawaabaya baqii nabadda ethiopia wuxuu yiri.

Madaxweyne Afawerki wuxuu ka hadlay wixii hore u kala qabsaday lada dal, wuxuuse yiri marka la eego sida xaalku yahay iyo wixii ay ka sheegeen baraha bulshadu ku wada xiriirto iyo warbaahinta waxaan wafdi u direynaa Addis Ababa si ay u soo fahmaan xaaladda.

ISHA BBC

Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan magaalada Addis Ababa + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta uu u amba baxo magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Madaxweynaha safarkan waxaa ku wehlin doona xubno ka kala tirsan labada Gole oo Wasiiro iyo Xildhibaanaba leh, kuwaa oo qeyb ka noqon doona shirka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa uga qeybgalayo shir aan caadi ahayn oo madaxda waddamada IGAD ay isugu imaanayaan.

Shirka IGAD ayaa waxaa looga doodi doonaa arrimo dhowr ah oo ka taagan Africa, gaar ahaan colaadaha kasoo cusboonaanaya South Sudan oo loo arko qatar xoog leh.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda kale ayaa shirka ka jeedin doona khudbado ay ku cabirayaan dareenkooda ku aadan colaada South Sudan.

Farmaajo inta uu joogo magaalada Addis ababa waxa uu halkaa kula kulmi doonaa Madaxda kale ee qeybta ka ah Somalia, si ay uga wada hadlaan xaalada dalkiisa.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa loo badinayaa inuu la kulmo Soomaalida ku nool magaalada Addis ababa si uu ugu booriyo inay kusoo laabtan dalkooda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Rasmi: Caasimada Online oo xaqiijisay 4-ta dekad ee Ethiopia maal-gashaneyso

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa dhawaan kala saxiixday heshiisyo dhawr ah kadib kulan saacado qaatay oo  Magaalada Muqdisho ku dhex maray  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Qodobka ugu muhiimsanaa ee lagu heshiiyey ayaa ahaa inay dowladda Itoobiya maalgelin ku sameysato ilaa 4 Dekadood oo ku yaal dalka Soomaaliya.

Labada dowladood midna si rasmi ah uma sheegin magacyada afarta Dekad oo ay Itoobiya maalgelineyso si ay ganacsi ahaan ugu isticmaasho.

Haddaba Shabakadda Caasimadda Online oo dabagal weyn ku sameysay Dekadaha lagu heshiiyey inay Itoobiya maalgelin ku sameysato ayaa soo ogaatay kuwa rasmiga ah oo ay yihiin.

Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen xubno aad ugu dhow madaxweyne Farmaajo isla markaasna ka war hayo heshiiska dhex maray labada dowladood ayaa tilmaamay inay Dekadaha kala yihiin:

  1. Dekadda Muqdisho
  2. Dekadda Boosaaso
  3. Dekadda Berbera
  4. Iyo Dekadda Kismaayo

Afartaan Dekad ayaa ah kuwa ugu muhiimsan Soomaaliya, waxaana heshiiska kamid ah inay dowladda Itoobiya maalgelin ku sameysato isla markaasna ay kusoo xirtaan Maraakiibta ganacsiga.

Dowladda Itoobiya ayaa mashaariicda ay Dekadahaan ku hormarineyso ka heli doonto dowlado waaweyn oo ay ugu horreeyaan Shiinaha, Mareykanka iyo Yurub.

Afarta Dekad ee Itoobiya maalgelinta ku sameysan doonto ayaa waxaa kasoo dhex muuqatay midda Berbera oo uu muran badan ka taagnaa  markii dowladda Itoobiya laga siiyey 19% faa’idada laga helayo kadib heshiis seddex geesood ah oo dhex maray Itoobiya, Maamulka Somaliland iyo Shirkadda DP Word ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, lamana garanayo nooca heshiis oo ay arrintaan ka gaareen dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Xalay ka hadlay heshiiska Dekadaha ee dhexmaray dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sheegay inaysan jirin Dekad Itoobiya la siiyey balse uu jiro heshiis dhigayo inay Itoobiya maalgelin ku sameysato Dekadaha Soomaaliya si ay labada dal u kala faa’idaan maadaama aysan Itoobiya laheyn Bad Soomaaliyana aysan heysan lacag ay Dekadaheeda ku maalgashato.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inay muqadas tahay madax banaanidada Soomaaliya isla markaasna ay qaranimada Soomaaliya aas aas u tahay heshiiska Itoobiya iyo Soomaaliya.

Caasimada Onlne

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Axmed Fiqi oo weerar ku qaaday Farmaajo kadib wareysigii saameynta lahaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Madaxeynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareysi uu bixiyay kaga hadlay qorsheyaasha horumarineed ay ku tallaabsatay DFS muddadii la soo dhaafay.

Waxa uu wareysigiisa kaga hadlay caqabadaha jira, xiriirka laamaha dowladda iyo arrimaha ay muhiimka tahay in loo iftiimiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan heshiiskii dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in uu waxqabadkiisa ku saleeyey dhaqan siyaasadeed oo mideynaya shacabka Soomaaliyeed kaas oo ka madax bannaan dano shakhsiyadeed, eex iyo qabyaaladda oo uu sheegay in ay yihiin cudurrada wiiqay dowladnimada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu adkeeyey Madaxbannaanida iyo ilaalinta qarannimada Soomaaliya, isagoona sheegay in xiriir iyo heshiis kasta ay la galeen caalamka uu ku salaysnaa soo celinta magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo sare u qaadista maqaamka ay ku leedahay dunida.

Wareysiga Madaxweynaha oo aad u dheeraa ayaa waxaa siyaabo kala duwan u dhaliilay Xildhibaan iyo Siyaasiyiin ka tirsan Dowlada kuwaa oo aragtiyo is dhaafsan ka bixiyay haddalka Madaxweynaha.

Xildhibaan Axmed Fiqi ayaa kamid ah Xildhibaanada dhaliisha ka muujiyay Wareysiga Madaxweynaha isagoo cabiraaya aragtidiisa ayaa waxa uu ka qoray qoraal dheer.

Hoos ka akhri qoraalka Xildhibaan Axmed Fiqi uu ka sameeyay Wareysiga dheeraa ee Madaxweyne Farmaajo

Waxaan daawaday waraysigii madaxweynaha si buuxda, inkastoo uu u muuqday mid su’aalo uu soo xushay is-weydiiynayey haddana isaga jawaabayey, balse waxey dhaantay aamusnaantii dhici jirtay marka xaalado sidaan oo kale ah dalku galo, waxaa uu hadalkiisu intiisa badan uu ahaa marin-habaabin u badan is-xayaysiin iyo is-faanin u muuqaal eg tii ololaha doorashada uu ku galay oo kale ah, gaar ahaan marka uu ka hadlyayey musuqmaasuqa, kooxaysiga, amniga & siyaasadda arrimaha dibadda iyo dhaqaalaha oo sida uu uga hadlay caksigeeda u jirta, caddaymaheeda la hayo.

Madaxweynaha waxaa laga dhowrayay in uu umadda ka dharjiyo heshiiskii degdegta ahaa ee shakiga badan uu ku hareersanaa ee uu la galay walaalkiis Abiy Axmed raysulwasaaraha cusub ee Itoobiya, oo uu ku soo koobay in dekeduhu dhaqaale u baahan yihiin, dhaqaalahaasna aan Soomaaliya iyo Itoobiya midna haysan oo qolo saddexaad laga dhowrayo, oo ah hadal u fasirmaya shirkad ay wada samaysanayaan laba qof oo sabool ah oo qolo kale lacagteeda ku tashanaya.

Mudane madaxweyne, Soomaaliya waa la gartay sabool ha ahaato, laakin badda dekedaha laga samaynayo ayey leedahay, Itoobiya oo aad rumaysan tahay in aysan haysan dhaqaale ay dekado ku maalgashatana heshiis ayaad arrinkaas kala gashay, isla markaana aad ku tilmaantay aragtidaas dhaqankii siyaasadeed ee dalka ka jiray oo aad bedeshay, mudane, haddii siyaasadda Soomaaliya lagu eedeynayey Itoobiya in labaatankii sano ee la soo dhaafay ay jahwareerisay, faragalinna ku haysay, aragtidaadu (vision) ma in dhaqaalihii Soomaaliyana iyo dekedaheediina loogu daraa.

Aragtidaada cusub iyo dhaqanka siyaasadeed ee aad bedeshay ma in magaalooyinka Soomaaliya qunsuliyado Itoobiya leedahay aad fasaxdaa in laga furo, xataa haddii magaalooyinkaas uusan ku sugnayn hal muwaadin oo Itoobiyaan, mase arrinta midaynta labada dal ayey qeyb ka yihiin oo waxay siinayaan dadka Soomaaliyeed ee deegaanadaas ku nool dokumintiyada iyo kaararka waddaninimo ee Itoobiya.

Waxaa lala yaabay mar madaxweynuhu uu ku faanayey in bishii Ramaadaan aan hal qarax dhicin, waa wax fiican, umaddana Allaha ka haayo, ciidankeenuna waa mahadsan yihiin, laakin waxaa muuqata madaxweynuhu inuu dhibaato ku qabay oo malaha hurdada ay ka qasi jireen qaraxyadu ee aysan u muuqan boqolaalka qoys ee reer Muqdisho ee dadkoodii ay jeclaayeen la laayey bishii Ramadaan oo uusan xitaa u quurin inuu u tacsiyadeeyo.

Abiy Axmed markii uu Adis Ababa ku noqday waxa uu sheegay in taariikhda colaadaha ka dhexjira Soomaaliyaa iyo Itoobya uu eedeeda dusha uga tuuray hogaamiyaashii hore ee labadaas dal ee kala ahaa AUN Siyaad Barre iyo Mingisto, ayadoo aad moodid kooxaha sax weeye iyo been ma sheegayaasha villa Somalia in ay arintaas buunbuuninayaan, laakin arrimaha labada dal ka dhexjira waa ay ka qoto-dheer yihiin intaas, tusaale ahaan; dagaalkii 77 -78 tirakoobka khasaarihii nafeed ee ka dhashay sida uu u qorayo buugga dagaaladii Soomaaliya iyo Itoobiya ee uu qoray Prof. Faarax Qare, dhimashada Itoobiya 6,133 qof, dhaawaca 10,563, qabasho/lumis 3867, dhanka Soomaaliya: dhimasho 6,453, Dhaawac 2,409, Qabasho/lumis 275.

Haddaba haddii taariikhdaas hore ay sidaas tahay, Abiy Axmed xisbiga uu ka tirsan yahay ee Raysulwasaaraha ka dhigtay ee la yiraa: Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF) intii uu dalkaas ka talinayey wuxuu Soomaaliya ku soo qaaday duulaankii 2006 -2008, khasaaraha nafeed iyo dhibka ay ka geysteen Soomaaliya wuxuu ku shan jibaarmaa midka 77 -78 dhacay, oo waxaa dhimashada lagu qiyaasaa in ay u dhexeysay 20 – 25kun oo qof, dhaawac aan intaas ka yarayn iyo dad ka badan hal malyan iyo bar oo ku barakacay, welina dhibkaas raadkiis waa jiraa, Muqdisho oo aad maanta ku walaalaysanayso hogaamiyaha xisbigii dadkaas xasuuqay ayuuna dhibka ugu badan gaaray, dhibkaas umadda gaaray iyo kuwii ka horeeyeyba kuma soo gabagaboobayo walaal oo aad tiraahdo kuwii ka danbeeyey, ee waxaa lagaaga baahan yahay aragti hogaamineed oo ka turjumaysa dareenka dadka Soomaaliyeed, wadahadal intaas ka qoto dheer iyo ka xisaabtan wixii dhacay!!

Hon. Axmed Macalin Fiqi

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Magacyada: Taliyayaasha booliska gobolka Banaadir oo la isku shaandheeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyed Gen,Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko,ayaa isbedel iyo isku-shandheyn waxa uu ku sameeyey taliyayaashii saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir.

Taliyayaasha uu magacaabay Taliyaha Booliska Soomaaliyed ayaa waxaa ka dhexmuuqda Dumar kuwaa oo booska kala baxay Saraakiil rag ah.

HOOS KA AKHRISO QAABKA AY U DHACDAY MAGACAABIDA

1-Gaashaanle Xabad, waxaa loo magacaabay Taliyaha cusub ee degmada Waaberi.

2-Kabtan Raxma Salaad, waxaa loo magacaabay Taliyaha cusub ee degmada Shangaani.

3-Gaashaanle Dhexe Macalin Daahir, waxaa loo magacaabay Taliyaha cusub ee degmada Shibis.

4-Kabtan Saciid oo ahaa Taliyihii Booliska degmada Shangaani, waxaa loo magacaabay Taliyaha cusub ee degmada Boondheere.

5- Gaashaanle Canjeex oo ahaa Taliyihii Booliska degmada Wartanabadda, waxaa loo magacaabay Taliyaha cusub ee degmada kaaraan.

6- Gaashaanle Jimcaale, waxaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Xamar Jajab.

7- Kabtan Axmed Baashane ayaa loo magacaabay Taliyihii Booliska degmada C/casiis.

8.Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Xamar Weyne ayaa waxaa loo magacaabay Kabtan Maxamed.

Taliyeyaashan cusub ee loo magacaabay qaar ka tirsan saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxa ay u badan yihiin dhalinyaradii wax baratay ee ku biiray Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Imaaraadka oo billaabay hab cusub oo amniga dalka Soomaaliya lagu wiiqayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka carabta ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan Soomaaliya, maadaama weli amnigu yahay mid khatar ah.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in digniintaasi ay tahay mid si toosa ugu socta dhammaan Muwaadiniinta kuwa heysta dhalashada, waxaana la sheegay in digniintaani ay tahay mid la cusbooneysiiyey oo la xiriirta dhinaca Socdaalka iyo Amniga.

Wasaarada arrimaha dibadda ayaa u sheegtay dadkeeda, haddii ay Somalia tagaan inaysan heli karin Amni iyo Socdaal ku filan maadaama ay weli jiraan Xiisado Siyaasadeed iyo Caafimaad darro baahsan, waa sida hadalka loo dhigay.

Muwaadiniinta ayaa lagu wargaliyay inaysan heli doonin caawinaaddii ay u baahnaayeen marka ay dhibaato la kulmaan, sidaa aawgeed looga digaayo inay ka feejignaadan u socdaalida dalal ay kaalinta koowaad kaga jirto Somalia.

Digniintan ayaa lagu sheegay in weli xaaladda amniga Soomaaliya uusan ahayn mid xasillan maadama ay weli weerarro soo qaadayaan ururrada argagixisada, isla markaana ay jiraan cabsiyo joogta ah.

Sidoo kale, Wasaarada arrimaha dibadda Imaaraadka  ayaa muwaadiniinteeda uga digtay u socdaalida dalal ay kamid yihiin Qatar, Brazil, Lubnaan, Syria, Afganistan, Pakistan, Yukrayn, Nigera, Koonfurta Suudaan iyo  Madagaskar.

Dowlada Imaaraadka oo waayadan la hadal hayay inay kaalin weyn ka qaadato amni darada sida Qaraxyada ayaa digniinteeda kusii xoojineysa shakiga amni darro ee laga qabay, maadaama al sheegay inay garab u tahay Al-Qacida.

Sidoo kale, digniinta Imaaraadka ayaa u muuqneysa arbushaad iyo qalqal galin amni oo ay dowlada Imaaraadka ku heyso Somalia, iyadoo loo maraayo saxafada.

Talaabadan ay dowlada Imaaraadka muwaadiniinteeda uga digtay u socdaalida Somalia ayaa ku soo beegmeysa xili uu meel xun gaarsiisan yahay Khilaaf Siyaasadeedka Somalia iyo Imaaraadka oo xalintiisa lagu fashilmay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Go’aano muhiim ah oo kasoo baxay kulankii Kheyre iyo Erna Solberg

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, oo ku sugan magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalkaasi, Erna Solberg.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa kawada hadlay adkeynta Xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Norway, horumarka, maal-gashiga, kobcinta dhaqaalaha, iyo taageerada hay’adaha amniga Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa u sheegay dhiggiisa dalka Norway, Erna Solberg in Dawladda Soomaaliya ay horumar ka sameysay siyaasadda, dhaqaalaha, la dagaallanka musuq-maasuqa isaga oo ka codsaday dawladda Norway in taageero ballaaran ay la garab istaagto Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Erna Solberg ayaa soo dhaweysay horumarrada Baaxadda leh ee Soomaaliya ay ku tilaabsaneyso, waxa ayna shaaca ka qaaday in Norway ay ka go’antahay garab istaagga Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa dhanka kale kulan la qaatay wasiirka horumarinta caalamiga ah ee dalka Norway Nikolai Astrup isaga oo kulamo looga hadlay qorshayaal muhiim u ah shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed horay ula yeeshay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Wasiirka arrimaha dibadda Norway iyo agaasimaha Xarunta Wadatashiga arimaha Bini’aadninimada.

–DHAMMAAD–

Madaxweyne Farmaajo: 10 sano wax aan dhicin ayaa ramadaankii tagey dhacay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka dhawaajiyey inay dowladiisa ku guuleysatay inuusan wax qarax dhicin bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay taasoo uu ku sheegay inay ka dhigan tahay inay bishaas noqotay bishii Ramadaan ee ugu horeysay oo uusan qarax dhicin muddo 10 sano ah,

“ Bishii hadda  lasoo dhaafay oo noqotay 10 sano kadib Bishii Ramadaan ee ugu horeysay oo uusan qarax dhicin runtii maaheyn wax shil ah oo dhacay waa howl aad looga shaqeeyey iyo qorshe la dajiyey oo aan ku amaanayo ciidamadena amniga ,oo runtii si hufan oo wanaagsan oo karti badan u shaqeeyey, oo habeen iyo maalin usoo jeeday sidii ay shacabkooda uga difaaci lahaayeen qolooyinka hororka ah oo dhibaatada maalin kasta ku hayo umadda Soomaaliyeed” ayuu dhahay Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha oo ka hadlayey dhibaatada ay leedahay jidadka xiran ayaa sheegay inay arrintaas ka weyn tahay dhibaatada laga cararayo oo ah inay Magaalada ka dhacaan qaraxyo ay ku dhintaan shacab badan, wuxuuna yiri:

“ Waa xaqiiq dhibaato way iska jiri karaan, caqabado waa iska imaan karaan, culeysyo waa iska jarayaan oo isku socodka magaalada ah, Shacabka waa dulqaateen waa ku mahadsan yihiin inay gacmo buuxda siiyaan oo ay la shaqeeyaan ciidamada Amniga ayna u dulqaataan culeysyadaas faraha badan oo safaradooda uga  imaanayo haday ka daahaan shaqooyinka iyo waxbarashada, wax kalana maahan  waxaan ka taxadareynaa oo aan ka shaqeeneynaa sidii aysan u dhicin qaraxyo iyo dhibaatooyin ay ku la’daan dad badan oo hooyadii gurigeeda kasoo shaqo tagto, aabihii gurigiisa kasoo shaqo tago iyo ardaydii waxbarashada soo aaday ay guryahooda ugu noqdaan si nabad ah” ayuu yiri Farmaajo,

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii xusay in wax kasta ay ka qaalisan tahay nafta isla markaasna ay dadaalayaan inkastoo uu dhahay ay wax kasta ku xiran yihiin Alle:

“ Waa dhab waxaa laga yaabaa inay saacado jidka ku jiraan waxaase ka muhiimsan Ilaahaa nafta hayo  inaan taxadarno oo dhiigaas daadanayo la badbaadiyo” ayuu kusoo gabagabeeyey Madaxweyne Farmaajo.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Madaxweynaha

Caasimada Onlne

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

24 doon oo taagan dekada Kismaayo iyo qorsho halis ku ah deeganada Jubaland

Kismaayo (Caasimadda Online) – Maamulka uu hoggaamiye Axmed Madoobe ayaa xaalufintii ugu dambeysay ku hayo dhuxusha Soomaaliya kadib markii bilihii ugu dambeeyey laga daabulay Kismaayo Maraakiib  aad u waaweyn oo lagu raray dhuxul xad dhaaf ah.

Waqti xaadirkaan Dekadda Kismaayo waxaa taagan ilaa 24 doomood kuwaas oo lagu rarayo dhuxul iyadoo ay xusid mudan tahay in 5 kamid ah doomahaas lagu raray dhuxusha halka kuwa kalana la doonayo in Maanta ilaa Berri lagu soo dhameeyo.

Baabuurta Xamuulka ee dhuxusha lagu raro oo gaarayo ilaa 100 Gawaari ayaa loo kala diray labada Xiro ee Dhuxusho lagu sii keediyo ee ku yaal Duleedka Magaalada Kismaayo kuwaas oo kala ah:

  1. Via Afmadow camp
  2. Baar Caleen Camp.

Garaawidaan boqolka gaarayo ayaa lasoo sheegayaa inuu qorshuhu yahay in lagu soo raro dhuxusho isla markaasna Sagaalka galabnimo xilliga Soomaaliya la isugu keeno Xerada Marino iyagoo raran sidaas ay Shanta galabnimo ku galaan Dekadda Kismaayo.

Sidoo kale qorshaha ayaa ah in Shanta galabnimo ee Maanta ilaa Berri 5-ta aroornimo dhuxushaan lagu raro doomaha ku diyaarsan Dekadda Kismaayo.

Arrintaan ayaa dhibaato xoog leh ku noqon doonto dhuxusha Soomaaliya iyo geedaha oo lagu hayo xaalufin ba’an, waxaana arrintaan dhawr jeer ka digay Hey’adaha Qaramada Midoobay.

Cabdullaahi Nuur Xuseen oo kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inay xaalufintaan dhibaato weyn ku tahay deegaankooda isla markaasna wuxuu dowladda Soomaaliya ka codsaday inay soo farageliso xaalufinta iyo nabaad guurka lagu helayo Gobolka.

Howshaan xaalufinta ah ayaa waxaa iska kaashanayo shirkad ganacsi oo lasoo sheegayo inuu qeyb ka yahay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubno sar sare oo ka tirsan Maamulkiisa.

Caasimada Onlne

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Xildhibaan Hirshabelle oo ka badbaaday isku day dil

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan ka tirsan maamul goboleedka Hirshabelle ayaa maanta oo Arbaco ah ka badbaaday weerar lala eegtay gaarigiisa oo marayay gudaha magaalada Muqdisho.

Mahad Xaaji Indho oo ka mid ah xildhibanaada Hirshabelle ee matala beelaha laga tira badan yahay ayaa waxaa gaarigiisa rasaas ku ekeeyey rag hubeysan oo saarnaa mooto, sida uu boolisku sheegay.

Ma jirto cid wax ku noqotay weerarkaasi oo ka dhacay waddada caanka ku noqotay weerarada ee Makkah Mukaramah.

Mahad ayaa Caasimadda Online u sheegay inuu isagu waday gaariga markii uu dhacayay weerarka,  waxaana la socday walaalkii Bidik Haji Indho oo gadaal fadhiyay. Wuxuu sheegay inay ka war heleen laba nin oo mooto saaran misana gaarigooda ku daba jira.

“ Gaariga ayaanx awaareeyay, waxayna billaabeen inay rasaas nagu furaan, wadada weyn ayaan ka leexanay oo waxaan u leexanay bar koontorool oo mialatari”ayuu yiri Mahad.

Mahad wuxuu intaasi ku daray in walaalkii Bidik   oo  ah macallin bara luuqadda Ingriiska  ay  dhowr jeer u hanjabeen kooxaha Islaamiyiinta oo arko barista Ingiriiska inay tahay faafinta dhaqanka reer galbeedka.

Weerar noocan oo kale ah ayaa lagu qaaday xildhibaan ka tirsan maamul goboleedyada isbuucii hore halka laba bilood ka horna lagu dhaawacay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka.

Booliska ayaa sheegay inay ku raad joogaan kuwii ka dambeeyay weerakan u dambeeyay, balse ilaa iyo hadda ma jirto cid loo soo qabtay weerarkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dhageyso: FARMAAJO oo jawaab yaab leh ka bixiyey sababta uu mar kasta uga hadlin arrimaha xasaasiga

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay qaab la yaab leh uga jawaabay sababta uusan mar kasta uga hadlin Xasaradaha dalka ka jiro kadib wareysi dhinacyo badan taabanayey oo uu siiyey telefishinka Qaranka SNTV.

Madaxweyne oo jawaabayo Su’aashaas ayaa sheegay inuu isaga yahay qofka leh go’aanka ugu dambeeyo isla markaasna saxo qaladaadka ay sameyso xukuumadda, balse aysan macquul aheyn inay isaga wax kasta ka bilowdaan.

Madaxweynaha ayaa is waydiiyey su’aal aheyd haddii isaga uu wax kasta bilaabo cidda saxeyso qaladaadka dhaco iyo waxyaabaha la isku qabto.

“Madaxweynuhu wax kasta kama billowdaan ee waa ay ku dhammaadaan. Madaxweynuhu ma hor-ordi karo shaqada, maxaa yeelay haddii asaga wax walba uu hor ordo oo ay wax halaabaan xaggee lagu noqonayaa, macnaheeda waxay tahay madaxweynuhui wuxuu leeyahay oo ah halka ay wax ka bilowdaan magacaabista Ra’isulwasaaraha, taas macnaheeda waa Ra’isulwasaaraha ayaa iska leh Mas’uuliyadda xukuumadda?” ayuu yiri Madaxweynaha.

“ Ra’sulwasaaraha waxaa la shaqeeyo Wasiiro oo loo baahan yahay in shaqada lafteeda lagula xisaabtamo oo iyagu howsha ka xigsadaan, wasiirada waxaa la rabaa inay agaasimayaasha guud ka xigsadaan ilaa meesha ugu hooseyso qeybta oo ay howshu ka bilaabato, marka waa dhaqan cusub oo aan dhaqan siyaaasadeedka Soomaaliya horey looga baran, laakiin waa sida saxda ah Madaxweynuhu waa meesha ugu dambeysa oo la tagayo, macnaheeda waxay tahay inaan aruuriyo xog , inaan xaqiiqda ogaado, meesha wax ka qaldan yihiin iyo meesha loo baahan yahay in wax laga saxo oo aan talo badan geliyo kadib iyadoo la diyaarsan yahay aan aniga xalkii keeno”

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay Ra’isulwasaare Kheyre isla markaasna uu aaminsan yahay inuu yahay Ra’isulwasaare wanaagsan wuxuuna yiri isagoo arrintaas ka hadlayo

“ Al Xamdullilaah, Ra’isulwasaare wanaagsan oo aan ku kalsoonahay ayaa shaqeeya, isagana wuxuu keenay wasiiro, qof walba waxaa laga rabaa shaqadiisa ee loo xilsaaray inay gutaan”.

Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo aadayo xilli ay taagneyd su’aalo badan oo la iska waydiinayey heshiiskii ay kala saxiixdeen isaga iyo Ra’isulwasaaraha Itoobiya kaasoo ay tashuus iyo marin habaabin ka sameeyeen shakhsiyaad mucaarad ku ah dowladda Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Madaxweynaha 

Caasimada Onlne

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Mahad Salad oo 3 arrin ku weeraray xubnihii loo diiday inay ka dhoofaan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah mudanayaasha Golaha shacabka baarlamaanka Somalia ayaa ka hadlay dhacdadii shalay Garoonka Aadan cadde ku qabsatay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Somalia Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Gudoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo loo diiday inay ka dhoofan garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Mahad Salaad, waxa uu taageray go’aanka ay ciidamada AMISOM ku celsheen mas’uuliyiintaas oo doonayay inay ka dhoofan Garoonka.

Mahad Salaad waxa uu tilmaamay in ficilka lagula kacay Guddoomiyaha Aqalka sare iyo Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka uu yahay mid munaasib ku ah mas’uuliyiinta.

Waxa uu tilmaamay in mas’uuliyiintaas horay looga waayay la xisaabtanka ciidamada AMISOM oo uu sheegay inay ka gudbeen xadka loogu tallo galay.

Hoos ka akhriso qoraalka kooban ee Xildhibaan Mahad Salaad uu ku taageray ficilka AMISOM:

Gudoonka Goleyaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya (Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka) maanta in ay ka hadlaan tacadiyada Amisom ceeb ayay ku tahay ee ha iska aamuseen, sababtoo ah:

1-Shalay markii baabuurta Amisom dadka shacabka ah ku dardarayeen dariiqyada magaalada Mogadishu ee aan laga hadleyn mararka qaarna iyaga qaarkood cudurdaarka u sameynayeen tacadiyadooda Amisom ma saxneyd?!

2-Shalay markii ciidamada Amisom ay ku laynayeen KM4 ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya (NISA) ee cid ka hadasha iska dhaafe xitaa cid usoo tacsiyeyday aysan jirin Amisom ma saxneyd?!

3-Shalay markii Xildhibaanadii u doortay iyaga gudoon in ay u noqdaan inta baabuurta laga dajiyo iyaga iyo baabuurtoodaba eeyada lagu baarayay Amisom ma saxneyd?!

Maanta in ay ka hadlaan wadada ayaa naloo diiday iyo askartii ayaa nalaga reebay ceeb ayay ku tahay ee ha iska aamuseen.

Sababtoo ah iyaga ayaa shalay ka gaabiyay in ay sharciyada ilaaliyaan. Amisom na lala xisaabtamo!

Hon. Mahad Salad