25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Akhriso: Madaxtooyada HirShabelle oo agaasimihii seddexaad yeelatay

Jowhar (Caasimad Online) – Hoggaamiyaha maamulka HirShabelle
Maxamed Cabdi Ware, ayaa isbedel ku sameeyay maamulka Madaxtooyada HirShabeele.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Hoggaamiyaha ayaa waxaa xilka looga qaday Agaasimaha Madaxtooyada Md. Xasan Cumar Axmed  (Xasan Mahdi).

Wareegtada ayaa waxaa xilka Agaasinimo ee heer Madaxtooyo loogu magacaabay Md. Cabdishakur Abukar Xasan.

Agaasimaha xilka laga qaaday ayaa noqonaaya kii Seddexaad oo xilka laga qaado muddo 9 bilood gudahood.

Daawo wareysi xiiso leh oo lala yeeshay gabar Somali ah iyo wiil Mareykan ah oo isku guursaday Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka dhacay xafladda arooska Marwo Ramla Cabdi Cali oo ah gabar reer Puntland ah iyo Mudane Yaasiin Brandon Clem oo ah muwaadin Maraykan ah.

Lamaanahan ayaa guukooda kadib ku aqal galay isla magaalada Garoowe, hase yeeshee waxaa hareeyey warar iyo weeraro lagu qaaday, oo aad u qabsaday baraha bulshada, ayada oo si aad ah loo weeraray ninka Mareykanka.

Ramlo iyo Yaasiin ayaa ka jawaabay eedaymaha ay dadka qaar ku soo qoreen baraha bulshada oo ku saabsan in wiilka gabadha guursaday uu yahay qof aan wanaagsanayn ama soo galay dembiyo mudo sanado ah ka hor.

Haddaba wareysi xasaasi ah oo ay kaga jawaabeen eedeymaha loo jeediyey hoos ka daawo.

3 arrimood oo DF Somalia ay ku diidan tahay in gaar loola macamilo Somaliland

Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa qiratay in ay sax tahay warqad deeqbixiyeyaasha looga codsanayey in aan dib loo cusboonaysiin macaamilka gaarka ah ee beesha caalamku siiso jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, sida ku xusan heshiiska “new deal”.

Warqadda oo ka soo baxday xafiiska wasiirka qorshaynta ee Soomaaliya, 9kii Juun, ayaa lagu sheegay in heshiisku uu muhiim yahay, tan iyo 2013-na la gaaray guulo wax ku ool ah, balse weli ay jiraan tiro caqabado ah.

Kaalmada oo si is le’eg loo qaybsado

Caqabadaha ayaa la sheegay in ay ku jiraan sidii xukuumadda federaalka iyo dawlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka ay u wada dhisi lahaayeen qaab lagu wada shaqeeyo oo waxtar leh, una ogolaanaya dawlad goboleedyada inay yeeshaan awood wax soo saar iyo mid ay adeegyo ku fidiyaan, si uu u adkaado iskaashiga kala dhaxeeya dawladda, halkii uu ka wiiqmi lahaa.

“Waxaan rumaysannahay in taageerada dhanka horumarka, ee aan loo eegayn dawlad goboleedkee baa taageero helaya, loo qaybiyo si haboon oo daahfuran, lana xaqiijiyo in dadweynaha oo dhan ay ka faa’iidaan, kaalmadana loo adeegsado horumarin, ee aan arrimo kale loo adeegsan” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska wasiirka Soomaaliya.

Kala qoqobnaansho dheeraad ah

Sida qoraalka lagu xusay, xukuumadda Federaalka waxay ka walaacsan tahay in hal dawlad goboleed ama gobol oo loo asteeyo macaamil gaar ah ay saamayn aad u daran ku yeelanayso dadaallada dhidibbada loogu aasayo nidaamka federaalka, iyo qaran-dhiska Soomaaliya.

“Dawlad goboleedyada kale ee federaalka waxay si furan u muujiyeen in haddii ay sii socoto la macaamilidda gaarka ah ee Somaliland, in iyaguna ay xiriir noocaas ah ka raadsan doonaan deeq-bixiyeyaasha, taasoo saamayn kala jajabnaan ah ku yeelan karta isku xirka deeqaha Soomaaliya, wiiqina karta jiritaanka federaalka, siina murjin karta isu dheellitir la’aanta dhaqaale” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxbanaanida dalka

Dawladda Federaalka ee Soomaaliya waxay qoraalka ku sheegtay in ay soo dhoweynayso talooyinka aan “gorgortanka ka galayn madaxbanaanida dalka”, isla marakaana aan “si kas ama kama’ ah u galinayn maqaam faa’iido la’aan ah mid ka mid ah dawlad goboleedyadooda”.

BBC waxay la xiriirtay wasaaradda qorshaynta ee Soomaaliya si ay macluumaad intaa dhaafsiisan uga hesho, laakin mas’uuliyiintii aan la xiriirnay way ka gaabsadeen in ay faahafaahin na siiyaan, waxayse noo xaqiijiyeen in warqaddu ay tahay mid sax ah oo ka soo baxday xafiiska wasiirka.

Halkan ka fiiri warqadda oo ku qoran af-Ingiriis

Aqriso: Warqad xasaasi ah oo ka dhan ah Keating oo uu Muuse Biixi u diray QM

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa Warqad cabasho ah u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres taasoo ku saabsan Baaqii uu Ergayga QM ee Soomaaliya, Michael Keating kasoo saarey Dagaalka Tukaraq.

Warqadan oo kaso baxday Xafiiska Madaxweyne Muuse Biixi 18-kii bishan June ayaa lagu wargeliyay António Guterres in Somaliland aysan ku faraxsanayn hadalka Keating, oo ay u aragto inuu ahaa mid dhinac-jira, oo aan ka tarjumeynin xaqiiqda colaada gobolka Sool.

Somaliland ayaa ka carootey inuu Keating la barbar dhigay Puntland, oo uu ku sheegay baaqii uu kasoo saarey xaaladda gobolka Sool in labada maamul looga baahan yahay inay kawada shaqeeyaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya iyo inay ka qeyb noqdaan hanaanka dowlad-dhisida dalka.

Michael Keating ayaa qoraalkii uu kasoo saarey dagaalka Tukaraq 10-kii June ugu baaqay Somaliland iyo Puntland inay joojiyaan colaadda, islamarkaana labada dhinac ay wadahadal ku dhameeyaan khilaafka keenay gacan-ka hadalka.

Somaliland ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso Baaqa Keating ee ah in dagaalka la joojiyo, la wadahadlo, islamarkaana kaalmooyinka bini’aanimo loo ogolaado inay gaaraan dadka ku dhibaateysan deegaanada ay colaadda ka taagan tahay.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in Keating uu la wadaagey aragtida Somaliland ee ku aadan Tukaraq markii uu booqashada ku tagey Hargeysa, kuna kulmeen Madaxtooyadda 14-kii May ee sanadkan, xilligaasi oo ku wargeliyeen in cida ay dagaalka kula jiraan aysan ahayn Puntland.

Qoraalka uu u diray António Guterres ayuu Muuse Biixi ku sheegay in Somaliland ay nabad ahayd 27-kii sano ee lasoo dhaafay, sidoo kalena nabad kula noolayd deriskeeda, kana soo horjeeday colaad ka dhacda gobolka iyo argagaxisada.

“Marka laga hadlayo dagaalka Somaliland iyo Somalia ee Tukaraq, waxaan rabaa inaan sheego in Somaliland ay 70-KM u jirto xuduuda Somalia ee la sameeyay 1894 xilligii gumeysiga,” ayuu ku yiri Muuse Biixi qoraalka uu u diray Guterres.

Somaliland ayaa ku celisay in cida ay kula dagaalamayso Tukaraq ay tahay dowladda Federaalka, hadii ay timaado in la wadahadlana ay kaliya kala fariisanayaan arintan Xukuumadda Muqdisho, iyagoo meesha ka saarey Puntland.

HOOS KA AKHRI WARQADDA SOMALILAND:

 

Xigasho: Garowe Online

Soomaaliya iyo siyaasiyiinta waratada ah ee fikradaha ku dhacda ah gadda!!

Wax badan ayaan filayaa in aad cagta marisay ama ka adeegatay suuqyada waratada ee gayigeena Soomaaliyeed caanka ku ahaa, kaas oo inta badan loogu haggaagi jiray  xaraash iyo xoolo jaban. Suuqayadaa marka aad gudaha u gashid waxaa ku dawaqinaya dhawaaqa gadislayda ku dadaalaya calafkooda  maalintaas in ay ku dhacsadaan sir iyo saaqba.

Kuwa ugu caansan gadislaydaas waxaa ka mid ah kuwa gada dharka ku dhacda ama Huudhayda loo yaqaan, ee laga soo waaridi jiray wadamada reer Galbeedka. Mujtamaca dunida saddexaad Soomaaliduna ugu horeyso  oo u badan kuwo aan awoodin iibsiga dharka qaaliga ayaa ku dadaala sidii ay arad xumida uga bixi lahaayeen, ayagoo aan kala jaclayn cidda lahayd ee ama laga soo waariday dharka uu u quurayo oogadiisa in uu ku arad baxo.

Qolladaaas gadislayda ah si ay quutul daruuriga maalintaas u helaan waa in ay been, dhaar, baroor, qaylo iyo halkudhigyo ay ku soo jiidanayaan dhagaha shacabka ku luqeeyaan, waxa ay abuuraan marxalad ay rabaan kor iyo hoosba in ay ku maacaashaan, dadka qaar ayaaba ku sifeeya in ay yihiin qalinshubato, mana ahan kuwo xeerinaya nidaamka iyo sharciga gadislayda, barkood waxa ay gadaanba waa wax la soo xadday. Waase jiri karaan in badan oo xalaal quudato ah kuna jira ganacsigan.

Sababta aan u xusayo gadislayda waratada ah, ayaa waxa ay tahay markaan arkay dhaqankaas rag leh sifaha nimankaas jadiinkooda wax ay mariyaan uun ka fakaraya, ayagoo kolkaan waxa uu suuqa waratada la soo galay ay noqotay sidii CIIDDA iyo CALANKA Soomaaliyeed  uu u xaraashi lahaa, tanoo ah sababta ay u soo buuxiyeen gidaaradii waratada, waxaa dadkaan ku jira kuwo aysan baahiye u gaynin in ay siyaasadu warato la gasho, waxaa ku jira kuwo aqoon yahan sheeganaya, lagana yaabo in ay barreyaal waawaynba yihiin, dhalinyaro aad fursado ka fiican ayayba helilahaayeen is lahayd, culumo aad is weydiinaysid ayana hadmay kutubadii xooreen, Odayaal aad ka filaysay in ay waayo soo noolaayeen, wax uunbayna xeerinayaan aad is lahayd waxa ay ku jiraan.

Waxa ay dagaal kula jiraa Dowladnimada Soomaaliya, oo ay aaminsanyihiin in ay hayso dantii ummada iyo dib u yagleelida Qarrannimada Soomaaliya, waana tan ku qasbaysa fikradaha aan asalka iyo raadka lahayn in uu sidii ku dhacda ugu qalaado har iyo habeen, asagoo ka faa’idaysanaya shacabkaaa baahida qaba, dibindaabyaduna la hartay 28 sano ee la soo dhaafay.

Waxa ay xaladeeyaan fikradaha raqiiska ah, una xiraan dhar xariir ah, oo laga soohay dunta midabbada badan ee QABYAALLADDA. Marka aad mid ku diidid isla ayadii oo midab kale leh ayuu inta kugu soo tuuro ku leeyahay lafihii iska celi, inta uu todoba iyo toban dhaar oo uu macal ku godgalinaya asaga iyo waxii awlaad ahaa ee uu dhalay, waalidiintiis oo hore u dhintayna ku leeyahay illaahow hadda iga qaad, mar marka qaarkoodna waaba la is oohinayaa. Shacabka masaakiinta ah ayaga oo madaxoodii mijo loo rogay, cagajiidna ah ayaa wax walba inta laga furto laga dhaqaaqaa. Waa qalin shubato sir iyo saaqba raba in ay wax kugu shubtaan, ayagoo biyodhacoodu yahay wax uu jadiinka mariyo,asagoo aan dal iyo dadba eegayn.

Dhibbaatooyinka hortaagan dowladnimada Soomaaliyana waxaa kow ka ah Siyaasiyiintaas waratada ah, waana kuwo usoo jiiday ama damaca gashay quwadaha aduunka si ay xaraashka iyo yabooha Siyaasiyiinta waratada qayb uga noqdaan. Waxa ay shacabka ku baqagashaan waa nala qabsanayaa iyo waa baaba’aynaa hadaynan dal hebel iyo dal hebel kabaha u qaadin.

DFS waxaan kula talin lahaa in Siyaasiyiinta Waratada ah iyo fikradahooda ku dhacda ah, ay indhaha ku hayso, aysanna siinin fursado ay dhaar beennaad ku maraan iyo baroor aan jirin oo ay bulshada kula dhex madiixaan, marka ay waayaan gidaar ay dabada la gaalan, waa marka Dowladnimadu Soomaali taam u noqonayso.

W/Q Muxyadiin Xusseen Ciid
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Maxaa ka jiro in Itoobiya ay dhex dhexaadineyso DF iyo Imaaraadka Carabta?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay illo wareedyo ku dhow dhow Madaxtooyada Villa Somalia u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimadda Online waxaa socdo dadaal lagu doonayo in lagu dajiyo xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeyso dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta taasoo gaartay meeshii ugu sareysay.

Dadaalka lagu doonayo in lagu xaliyo xiisadaan ayaa waxaa hor boodayo Ra’isulwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed kaasoo dhawaan dalkiisa ku qaabilay Dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta Maxamed Bin Zayed oo booqasho aan lasii shaacin ku tagay Adis Ababa.

Dadaalada xalka diblomaasiyadeed ee Itoobiya u raadineyso inay dib u soo celiso xiriirkii Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa isugu afgartay kulankii dhex maray Maxamed Bin Zayed iyo Dr. Abiy Ahmed.

Kulankaas kadib ayuu Dr. Abiy Ahmed safar deg deg ah ku yimid Magaalada Muqdisho isagoo kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna labada dowladood isla gaareen heshiis dhigayo inay Itoobiya maalgashi ku sameysato ilaa afar Dekadood oo Soomaaliya ku yaal kuwaas oo aan la magacaabin.

Sida xogta lagu helayo tallaabada ugu horeyso ee la qaadayo ayaa noqon doonto inay is arkaan Diblomaasiyiin ka kala socda Soomaaliya iyo Imaaraadka kuwaas oo ka wada hadli doono sidii loo soo celin lahaa xiriirka labada dowladood isla markaasna meesha looga saari lahaa Khilaafka jiro.

Kulamadaas markay dhacaan kadib ayaa la filayaa inuu wada hadalku gaaro ilaa heer madaxeed, iyadoo uu qorshuhu yahay inuu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre safar ku tago dalka Imaaraadka Carabta si uu halkaas kulamo ula yeesho madaxda ugu sareyso dalkaas.

Imaaraadka Carabta ayaa dowladda Itoobiya u aragtay inay tahay wada kaliya ee loo mari karo dowladda Soomaaliya, waxaana labada dowladood ka dhaxeeyo xiriir aad u fiican kaasoo gaaray inay Imaaradka Carabta siiso lacag gaareysa illaa saddex bilyan oo deyn ah, kaddib markii lacagta Shisheeye ay ka yaraatay Bankiga Dhexe ee Addis Ababa.

Imaaraadka Carabta iyo Dowladda Itoobiya ayaa horey heshiiska Berbera la galay Maamulka Somaliland, waxaana dowladda Itoobiya laga siiyey Dekaddaas saami gaarayo ilaa 19%, waxaana heshiiskaas meesha ka saaray oo laalay Baarlamaanka Soomaaliya inkastoo weli uusan saxiixin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa meel xun gaaray kadib markii ay dowladda Somaaliya la wareegtay lacag Malaayiin Dollar ah oo ay Imaaraadka kasoo dajisay garoonka Muqdisho xilli ay taagneyd xiisaddii siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinkii laga keenay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.

Imaaraadka Carabta oo tallaabadaas ka xumaatay ayaa bilo ka hor joojiyay howshii tababarida iyo taageerida Ciidamada Soomaaliya, waxaana Muqdisho uu ka rartay qalabkii iyo agabkii uu u isticmaali jiray agabyadiisa iyadoo xeradii lagu tababari jiray ciidamada ay la wareegtay dowladda Soomaaliya oo halkaas geysay ciidamo cusub.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa culeys weyn saartay dowladda Soomaaliya, waxayna Imaaraadka garab ka heshay Madaxda Maamul Goboleedyada kuwaas oo si cad uga hor yimid go’aankii dhex dhexaadnimada ahaa oo ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay Khilaafka dowladaha Khaliijka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog-warran: Maxaa sabab u ah Isbaddalka waddanka Itoobiya ka socda (Aqri)

Siduu u yimid raysulwasaare Abiy, dalka Itoobiya waxaa ka socdo isbaddaal xawaare dheereeyo ku socdo. Isbaddalka uu wado mudane Abiy waxaa ka mid ah kuwo aanan la filayn saamayn weyna ku yeelan karo guud ahaan Geeska Afrika. Tusaale, go’aanka uu ka qaatay qadiyadda Baadhame oo ay Eritareeya isku hayeen. Haddaba maxaa keenay isbaddalkaan dad badan ula muuqdo qar iska-tuur qaarna ula muuqdo mid aad loogu baahi qabay?
Labo arrimood ayaa sabab u ah isbaddalka mudane Abiy: Culaysyo siyaasadeed oo gudaha ah iyo mid dhaqaale oo soo foodsaaray.
 
Siyaasadda gudaha
Mudane Abiy wuxuu ka dhashay qowmiyadda Oromada oo ah tiro ahaan kuwa ugu badan dalka Itoobiya laakiin waligood aan hanan hoggaanka dalkaas. In la doorto waxaa keenay kacdoonno waaweyn oo uu qabiilkiisu sameeyay kuna dalbanayeen xuquuq siyaasadeed iyo mid xorriyad. Imaanshaha mudane Abiy waxay ahayd guul usoo hoyatay Oromo iyo musiibo u billaabatay Tikre iyo kuwa saaxiibka la ah.
Tikre oo hastay xukunka muddo 30 sano ku dhow, waqti aad u dheerna guumaysan jiray qowmiyadaha dalkaas ayaan qaadan karin inay ku hoos noolaadaan xukun Oromo. Sidoo kale, Axmaaro oo ah qabiil aad u ballaaran muddo badanna ka talin jiray dalkas ayaa iyaguna rabo inay boos helaan ay markale dalka madax ooga noqdaan.
Dhammaan qabaa’illada aan soo sheegay waxay hoosta ka wadaan tallaabooyin lagu minjo-xaabinayo Abiy iyo diyaar garow ay ku doonayaan inay xukunka ooga qaaataan. Tusaale, asbuucii hore waxaa magaalada Bahar-Dar ee gobalka Axmaraada looga dhawaaqay urur siyaasadeed ay ku midaysan yihiin Axmaaarada dal iyo dibadba. Ururkaan ayaa loo yakleelay siduu u raadin lahaa xuquuda Axmaarada ka maqan sida ayqabaan. Ururkaan waxaa hoggaminayo rag xag-jir ah oo aaminsan sarraynta Amxaarada iyo dowlad dhexe oo qur sidaas maamul-goboleedyada meesha looga saaro.
Tikreegu waa la mid oo waxaa u muuqdo inay ka bixi doonaan daaqadda maadaama ay yihiin qabiil yar haddii aysan hadda ka hor tagin inta aysan Oromo xididaysan. Soomaalida uu Cabdi Illeey horjoogaha u yahay waxay aaminsanyihiin in  Oromo oo dalka haysato ay la mid tahay iyadoo lala wareegay dhulka Soomaliyeed waxayna si toos ah ula shaqaynayaan guumaystaha Tikree oo ay isu xulufaysanayaan sidi ay u ridi lahaayeen Abiy.
Mudane Abiy waxaa uu ogyahay weerarrada iyo dhibaatooyinka bilowga ah ee kusoo socdo. Wuxuu ka dharagsan yahay inuusan nabad kusii joogi doonin haddii uusan hadda qaadin tallaabooyin u ogaalanayo inuu waddanka hanto.
Tallaabooyin usoo baxay ayaa ah inuu iska soo xiro colaadaha kala dhaxeeyo waddamada dariska ah si uu ugu firaaqo noqdo kuwa gudaha. Wuxuu ka tanaasulay kuwa ugu daran ee u baahnaan lahaa ilaalin joogta ah sida Baadhame iyo wabiga Niil oo Masar ay isku hayaan.
Lama saadaalin karo sida ay u shaqayn doonto ballaan-qaaduadiisa maadaama dalka ay hasytaan rag kusoo naaxay dhibaataynta dalalka dariska laakiin haddii uu ka dhabeeyo waxay u badan tahay in Geeska Afrika nabad looga noolaado. Waxaa suuragal ah in xukunka laga tuuro isagoon meel gaarin.
Arrimaha Dhaqaalaha.
Dhaqaalaha Itoobiya waxay ka heshaan labo dhinac marki laga reebo canshuurta yar ee ay qaaddo dadkeeda saboolka ah. Dhinaca koowaad waa deeqda badan ee ay ku hesho waxa lagu sheegay la dagaallan argagixisada oo ahayd laynta Soomaalida iyo burburinta dalkeeda.
Laga soo billaabo qarixii sarahi Maraykanka, Itoobiya waxay helaysay deeq ballaaran oo uu siiyo Maraykanka. Intii u dhaxaysay 1999-2001-di, Itoobiya waxay Mararkanka ka heshay $928000 (sagaal boqol iyo labaatan iyo siddeed kun) oo kaliya. Qarixi ka dib lacagtaas waxay u sara kacday si aan caadi ahayn. Inti u dhaxaysay 2001-2004-ti waxay Maraykanka ka heshay $16.7 milyan. Sanadki 2005-ti kaligiis wuxuu Maraykanku siiyay $7 milyan oo doolar oo deeq militiri ah. Xasuuso wixii dhacay sanadki kaas ka danbeeyay!
Galiddii Somaaliya ka dib, xisaabta kor ayay usii socotay waxayna helaysay dhaqaale xad dhaaf ah oo ku filnaa ciidamadeeda joogo Soomaaliya, kuwa gudaha iyo waliba kuwa furinta ooga jiro Baadhame. Xisaabta Maraykanka mid aan wax badan ka yarayn waxaa siinayay Yurub oo ilaa iyo qarnigi lix iyo tobnaad taageero la garab taagnaa.
Hadda waxaa bilowday joojinta lacagtaas. Ree Galbeedku intii uu mashquulsanaa dagaalka muslimiinta waxaa gacantooda baxay hoggaanki adduunka. Waxay arkeen Shiine iyo Ruush oo dhaqaale ahaan dhaafi rabo cudud ahaanna ku dhow. Waxaa u muuqatay inaysan ku wada jiri karin laba dagaal oo dhinac ay kula jiraan wiilal yar-yar oo wax ka lumayaa aysan jirin dhimashana aan dan ka lahayn, dhinacna ay kula jiraan dowlado awood badan.
Taraam maamulkisa ayaa garawsaday inay khalad ahayd waqtigii iyo dhaqaalihii ku baxay dagaalka muslimiinta ee aan laga guul-gaari karin. Wuxuu ku dhaqaaqay yaraynta lacagti halkaas loo qoondayn jiray. Wuxuu qaaday tallabaooyin lagu dhimayo ciidamada Maraykanka ee joogo dhammaan waddamada Afrika oo ay Soomaliya ku jirto.
Sida aad u dareensantihiinba idaacadaha reer Galbeedku waxay billeebeen joojinta isticmaalka erayga ‘argagixiso’ iyo hadal haynti joogatada ahayd ee ay kaga hadli jireen Islaamka iyo Muslimiinta. Dhowr sano gudahooda si buuxdo ayuu u istaagi doonaa dagaalki argagixisada ee awalba ahaa mid siyaasadeed. Waxaa furmay mid qabow lagana yaabo inuu mid kulul isu baddalo.
Isbaddalkaas wuxuu walwal dhaqaale ku keenay Itoobiya oo xaqiiqsatay inaysan heli doonin lacagti uu bixin jiray Maraykan waqti dhow. Lacagtaas oo istaagto waxay ka dhigan tahay ciidanka oo dhaqaale waayo sidaas darteedna laguma hayno karo waddamo kale dhexdooda iyo furimo colaadeed.
Dhinaca labaad ee uu dhaqaalaha itoobiya ka imaan jiray wuxuu ahaa deyn maalgashi oo uu bixin jiray Shiinaha. Itoobiya waxay heli jirtay maalgashiga ugu badan ee Shiinahu ku bixiyo waddamada saxaraha ka hooseeyo. Inti u dhaxaysay 2006-2015, wuxuu Shiinihu daymiyay Itoobiya adduun gaarayo $13 bilyan oo doolar.
Horranti bishaan ayuu Shiine ku dhawaaqay inuu joojinayo maalgashigi uu ka waday Itoobiya. Labo arrimood ayaa keenay joojinta. Tan hore deynti oo xaddhaaf noqotay oo gaartay heer aysan Itoobiya awoodin inay bixiso waana sababta rasmiga ah ee uu Shiinahu sheegay. Laakiin mid kale ayaa jirto oo ah in Shiine naftiisu culays dhaqaale soo food saartay inuu dib u fakerana ku qasabtay.
Dagaalkan qabow ee ka dhex bilowday Shiine iyo Maraykan wuxuu ku bilowday mid dhaqaale wuuna sii ballaaran doonaa. Asbuucaan ayay ahayd markuu Maraykan sheegay inuu canshuur badan saari doono badceeco badan oo Shiine laga keeno. Jawaabti Shiine bixiyay ayaa marka kale Maraykan ka caraysiiyay wuxuuna sheegay inuu badeeco qiimaheedu gaarayo 200 oo bilyan oo doolar oo Shiine laga keeno uu saari doono canshuur badan.
Taas waxay ka dhigan tahay in Shiine ku cuslaato dhoofinta alaabaha lagu sameeyo dalkiisa, taasoo dhaawac weyn u gaysan doonto dhaqalihiisa. Sidaas darteed inuu ka faekero meelaha uu maalgashanayo ayaa qasab noqotay. Dal Itoobiya oo kale ah oo aan haysan wuxu dayn isaga bixiyo suuragal uma aha inuu ku sii wado.
Arrimaha dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee horyaallo mudane Abiy ayaa keenay isbaddalka saaran Xiin-faniin. Meeluu caga-dhigan doono lama oga laakiin waa mid hadda lasoo dhaweeyay.
Maxaa Soomaalida la gudboon?
Qof nabad iyo wanaag kuugu yeeray xumaan looguma jawaabo. farriinta nabadeed ee kasoo yeertay mudane Abiy waxay mudan tahay in lasoo dhaweeyo. Laakiin waa inaan niyadda ku hayno dhowr arrimood. Kow, nabaddu waxay u badan tahay inay tahay mid ku meelgaar ah oo lagu doonayo in lagu badbaado inta uu xididdaysanayo. Sidaa darteed iyadoo nabadda lasoo dhaweeyay waa in tuhun lagu jiifaa loona diyaar-garoobaa sidii looga hortagi lahaa weerarrada ka imaan doono marki uu sal dhigto.
Ogow in Mena Zanaawi Soomaaliya laga abuubulay iyadoo la filayay inuu ka fiicnaan doono Mingiiste, waadna wada ogtihiin abaalkeenni inuu ka dhigay guumaysi iyo layn.
Sidoo kale, mashquul siyaasadeed oo Itoobiya muddo ka socdo dan weyn ayaa Soomaaliya oogu jirto. waayo iyagaa isku mashquuli intay nagu mashquulsanaan jireen, inta uu mashquulkaas socdana waxaan helaynaa fursad aan ku kabanno. Sidaas darteed iyadoo nabadda la qaadanayo haddana waa inaan loo fududayn soo afjarridda muranka siyaasadeed ee gudaha ah.
Ugu danbayn, waa inaan ku jiifnaa in aan maanta nahay dal tabar daran oo aan ilaashan karin xudduudihiisa, gali karin gorgortan adag, la xisaabtami karin waddamada dariska ah sidaa darteed innagoo nabadda qaadanayno waa inaan ku dhahnaa kuwa na leh wax nala qaybsada ma joogno waqti aan wax inukla qaybsanno ee na suga intaan dhismayno.
W/Q: Ibrahim Aden Shire
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Xasan Kheyre: Dugsiyada qur’aanka ayaan baaritan ku sameyn sababtoo ah…

0

Ra’iisul wasaaraha Somalia oo ku sugan dalka Norway ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay baaritaan ku sameyn doonto caruurta Soomaaliyeed ee dhigta dugsiyada qur’aanka, kuwaasi oo dowladda Norway ay sheegtay in jirdil loogu geysto iskuulada diiniga ah ee qur’aanka lagu baro.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa hadalkaan ka sheegay telefishinka NRK xili uu ay barbar fadhiyeen xoghayaha qaramada midoobay António Guterres iyo wasiirka arrimaba dibada Norway Ine Marie Eriksen Søreide, isagoo tilmaamay in dowladdiisa xoogga saari doonto baaritaan dhab ah oo arrintaasi ku saabsan. Telefshinka ayaa sidoo kale sheegay in caruur fara badan oo Soomaaliyeed oo laga celiyay Norway jirdil loogu geystay dugsiyada qur’aanka.

Xasan Cali Kheyre oo dhalasho ka haysto dalka Norway ayaa sheegay in wixii kasoo baxa baaritaankaasi ay la wadaagi doonaan Norway oo uu tilmaamay in markii hore ay kusoo wargeliyeen hase ahaatee uu isagu tilmaamay in wax badan uusan kala socon eedaasi balse baaritaanka kadib la ogaan doono.

Wasiirka arrimaba dibada Norway Ine Marie Eriksen Søreide, Xoghayaha qaramada midoobay António Guterres iyo RW Kheyre

“Waxaan bilownay baaritaan ku saabsan kiiskaan markii dowlada Norway nala soo xariirtay, waxaana sameyn doonaa wax kasta oo loo baahan yahay si caruurtu ay u helaan Xuquuqdooda Somalia iyo Norwayba” ayuu yiri RW Kheyre.

“Waxaan ra’iisul wasaare u ahay dal u baaahan in wax badan dareen loo yeesho oo 24 saac aysan kugu filneyn, sidaas darteed wax badan kalama socdo, laakin intaan ka ogahay waxaan ka helay dowlada Norway oo wada shaqayn fiican naga dhexayso , sidaas Darteed Waan hubi doonaa Arinkaan Anagoo u marayna Wadada Saxda ah”

Telefishinka dalka Norwey ee  NRK ayaa horay usoo ban dhigay Caruur lagu celiyay Soomaaliya oo qaarkood sheegeen in lagu jir dilay Xarumihii lagu baraayay Qaraanka ee gudaha Soomaaliya.

Ra’isul Wasaare Kheyre oo ka qayb galaya madasha Oslo ( Oslo Forum) ayaa sidoo kale u sheegay TV NRK in Dowladiisu ay Sameysay hormar ay kamid tahay Deganaasho Siyaasadeed iyo in dhaqaalaha dalka ay kor usoo qaaday.

“Ma aqbali doonno falkii foosha xumaa ee lagu sameeyey haweenkeena”

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka ayaa sheegay in ciidamada dowlada ay xadgudub kula kacaan dadka shacabka ah.

Xildhibaanka ayaa sheegay in bishan June gudaheeda ay ciidamo ka tirsan dowlada kufsadeen 19 gabdhood, oo 11 ka mid ah gabdhahaasi hal maalin la kufsaday, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Afaraale, waxa uu sheegay in dhacdooyinkan foosha xun ay la wadaagen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka waxa uuna xaqiijiyay inay ka dhacday wadada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo Baydhabo.

‘’Maaha mid la aqbali karo in ciidamo loogu tallo galay difaaca shacabka ay dib ugu soo laabtan dadka shacabka ah, arrintaasi nagama dhaadhaceyso inaan aqbalno waxaanu u aragnaa fal aad u fool-xun’’

‘’Wey nagu adag tahay inaan afka ka qabsano dhibaateynta Gabdho Soomaaliyeed, waa in Wasaarada difaac ay la imaada talaabo cad oo looga jawaabayo falalka ay geysteen ciidamadooda’’

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa cadeeyay in falalka ceynkaan ah bilihii ugu danbeysay laga roonaa hase yeeshee ay dib usoo bilaabaneyso.

Haddalka Afaraale, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo inta badan ciidamada dowlada ay caado ka dhigteen faraxumeynta haweenka Soomaaliyeed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Yuu sabasaday horumarkii ay Somalia ku tallaabsatay todobaatameeyadii?

Website cusub oo cajiib ah oo hawada soo galay (Booqo oo ka boqo hadda)

Waxaa hawada soo galay website cusub, oo cajiib ah, Islamarkaana dad badan ay aad u hadal hayaan. Webkan ayaa waxaa lagu magacaabaa hadalsame.com.

Warsidaha Hadalsame.com waa web wareed cusub oo kaa haqabtiraya warar miisaaman oo dhexdhexaad ah, macluumaad iyo madadaalooyin kala duwan oo dhinac kasta ah. Fadlan haddaba booqo!

Si aad u booqato halkan click sii. WWW.HADALSAME.COM 

Ama Like saar boggiisa Facebook oo ah: https://www.facebook.com/HadalsameNews/

Sawiro: Maxaa kasoo baxay safarkii uu Farmaajo ku tagey Addis-Ababa?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeybgalay Shirka 32aad ee Madaxda Urur Goboleedka IGAD kaasoo lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada isku haya South Sudan.

Shirkan aan caadiga ahayn oo dib loogu soo nooleynayo wada hadallada Madaxweynaha South Sudan Mudane Salva Kiir Mayardit iyo Madaxweyne K/Xigeenkiisa hore Mudane Riek Machar ayaa Madaxda IGAD waxa ay dadaal dheeri ku bixinayaan sidii looga mira dhalin lahaa.

Madaxweynaha oo shirka keddib kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa South Sudan Mudane Salva Kiir Mayardit ayaa ku bogaadiyay labada dhinac sida ay u aqbaleen in ay soo fariistaan miiska wada hadallada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay in Dowladda Soomaaliya ay garab taagantahay walaalaha South Sudan sidii ay uga bixi lahaayeen kala qeybsanaanta iyo dagaallada, wuxuuna kula dardaarmay in ay labada dhinac fursaddan uga faa’iideeystaan sidii dalkooda uu uga bixi lahaa dagaallada sokeeye.

“Waxaan idin kula dardaarmayaa inaad ka fa’iideysataan khibradda aan ka barannay Soomaaliya oo dowlad la’aantii iyo colaadihii aan uga gudubnay isu tanaasul, wada hadal iyo is qancin. Waxaan rajaynayaa inaad idinkana jidkaas oo kale qaadaan oo aad dib ugu soo celisaan South Sudan xasillooni, wadajir iyo horumar.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Kiir ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka muuqda ee ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku tallaabsatay iyo xasilloonida siyaasadeed ee haatan ka jirta Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in ay dowladdiisu xoojineyso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya.

Dhanke kale, Madaxweyneyaasha Suudaan iyo Kenya Cumar Xasan Al Bashiir iyo Uhuru Kenyatta ayaa loo xil saaray in ay sii dardargeliyaan wada hadallada, waxaana dhammaadka bishan kulan kale oo loogu kala dab qaadayo dhinacyadan lagu qabanayaa magaalada Khartuum ee dalka Sudan.

Farax Macallin oo sheegay fashil Imaaraadka ku iman doona haddii Soomaaliya ay hala arrin ku guuleysato

Nairobi (Caasimada Online) – Faarax Macallin oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida Kenya ayaa ka hadlay muhiimadda dekadaha Soomaaliya ay u leeyihiin gobolka Geeska Afrika, iyo sida dalal badan ay dhibaato ugu noqon doonaan haddii la hormariyo.

Faarax Macallin waxa uu si gaar ah u sheegay in Imaaraadka uu lumin doono ganacsi badan haddii Soomaaliya ay dekadaheeda si wanaagsan u howl galiso.

“Dekadda Dubai waxaa sanad kasta yimaada 64 milyan oo konteenar, islamarkaana 99% ayaga ka mid ah ayaa ah kuwa usii gudba dalal kale” ayuu yiri Faarax Macallin oo qoraal soo dhigay twitter-ka.

“Marka ay Soomaaliya horumariso dekadaheeda xeebaha bari, kaliya 5% alaabta xamuulka ayaa kasoo degi doona dalalka deriska ah, inta kalena waxaa qaadan doonta Soomaaliya” ayuu yiri

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ku taallo goob muhiim u ah marinada badda ee dunida oo idil, sidaas darteedna aysan u baahneyn in dal kale ay kula shirkowdo dekadaheeda.

Hadalkiisa ayaa yimid ayada oo dhowaan Soomaaliya iyo Ethiopia ay isla-meel dhigeen in ay si wada jir ah u maal-gashtaan afar ka mid ah dekadaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

 

Sawirro: Arrin cabsi badan abuurtay oo maanta lagu arkay xeebta Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Hantaani oo aad u weyn ayaa kusoo caarisay xeebta sugunta liido degmada Cabdi Casiis ee Gobolka Banaadir.

Hanta oo gabi ahaan qufulan ayaa ayaa waxaa laga cabsi qabaa inay ku jiraan waxyaabo Kiimiko ah oo halis galinkara xaalada caafimaad ee dadka deegaanka.

Dadka qaar ee u damaashad tagay xeebta sugunta liido ayaa sheegay inay baqdin ka muujinayaan Hanta oo halkaa taala maalmo.

Dadku waxa ay saacadihii ugu danbeeyay bilaabeen inay ka cararaan haantaas oo loo badinaayo inay ku jiraan waxyaabo kiimiko ah.

Dadka kaluumeysatada oo cabsi ka muujiyay haanta ayaa wargaliyay Hay’adaha amaanka, hase ahaatee waxaan jirin ilaa iyo hadda cid ka jawaab celisay.

Sidoo kale, Maamulka degmada Cabdi Casiis ee Gobolka Banaadir, ayaan qudhiisa kawarheyn hanta iyo waxa ku jira.

Dhageyso: FARMAAJO oo shaaciyey qorshaha DF ee doorashada Somalia 2021

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wareysi dheer siiyey TV-ga qaranka Soomaaliya ayaa kaga hadlay guud ahaan xaaladaha ka taagan dalka Soomaaliya.

Intiinii la socotay Shabakadda Caasimadda Online ayaa waday qoraalo kala duwan oo ay ka sameeneyso wareysigaan, waxaana markaan soo qaadaneynaa rajada uu Madaxweyne Farmaajo ka qabo inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2021.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tibaaxay inay dowladiisa xilli hore bilowday shaqooyin lagu doonayo in dalka lagu gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna tilmaamay inuu aaminsan yahay haddii ay wax walba sidaan kusii socdaan inay dalka ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah sanadka 2021.

“ Shaqooyink aan hadda bilownay runtii waqti fiican ayaan bilownay, wax kasta aan qorsheyn karno, dadka aan la tashan karno, aqoonyahanada aan ka qeyb gelin karno howshaan, hadii ay noqon laheyd qaabka ay doorashada u dhici karto iyo dhameystirka dastuurka, haddii sidaan aan hadda ku wadno kusii wadno waxaan aaminsanahay inaan  dalka gaarsiin karno doorasho qof iyo cod ah” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inay Shacabka Soomaaliyeed gaarsiin doonaan awood buuxda oo ay ku doortaan cidda ay doonayaan isla markaasna aysan mar dambe dhihin waxbaa nagala haleeyey maadaama ay iyaga dooranayaan cidda ay doonayaan, wuxuuna yiri:

“ Shacabka Soomaaliyeed ayaa talada dib ugu celin doonaa, mar kale aysan sheegan karin in wax laga haleeyey, maxaa yeelay iyagaa iska leh go’aanka, iyagaa dooran doonaan cidda ay rabaan, marka in aan gaarsino awoodaas shacabka ayaan rabnaa ayna keensadaan qof ay is leeyihiin waa qof wadaninimadiisa ay fiican tahay, amaanada adkeeyo, Masuuliyadda na saaran waa inaan keeno qaabka ugu fiican, waxaana arrintaas lagala tashan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada” .

Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo aadayo xilli dhawaan ay dowladda dhexe iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ku heshiiyeen inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2021 kadib shirkii ka dhacay Magaalada Baydhabo oo qaatay ku dhawaad Asbuucc.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Madaxweyne

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Turkiga oo congresska USA ka guuleystay, maanta heli doona diyaaradaha F-35

Washington DC (Caasimada Online) – Inkasta oo ay jirto diidmada congress-ka Mareykanka, ayaa Turkiga waxa ay heli doonaan toddobaadkan qeybtii ugu horreysay ee diyaaradaha dagaalka F-35 ee Mareykanka, sida saraakiil ka tirsan pentagon-ka iyo socdaalka ay sheegeen.

Shirkadda Lockheed Martin ee sameysa diyaaradaha F-35 ayaa maanta waxa ay xaflad arrintaas ku saabsan, oo diyaaradaha loogu wareejinayo Turkiga ku qaban doontaa magaalada Fort Worth ee gobolka Texas, sida uu sheegay afhayeen u hadlay shirkadda.

Sharciga ansixinta difaaca qaranka ee NDAA ayaa labadiisa qeyb ee aqalada wakiilada iyo senate-ka Mareykanka waxaa ku jira xanibaado diidaya in Turkey ay qeyb ka noqoto barnaamijka F-35.

Sharci dejiyayaasha Mareykanka ayaa ka walaacsan xariga Ankara ay kula kacday baadari Mareykan ah iyo qorshaha ay kusoo iibsaneyso barnaamijka difaaca gantaalaha Ruushka ee S-400.

Si kastaba, sharciga NDAA ayaa dhaqan-geli doona kaliya marka ay ansixiyaan labada aqal ee congress-ka Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Waqtiga rasmiga ah oo ay Amisom Stadium Muqdisho ka baxayaan oo la sheegay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda federaalka ah ayaa qorsheyneysa in AMISOM ka guurto tuulada cayaaraha ee Mogadishu Stadium inta u dhaxeysa January -June ee sanadka soo socda.

La-taliyaha amniga ee madaxweyne Farmaajo Cabdi Saciid ayaa sheegaya in arrintan ay qeyb ka tahay qorshaha amniga qaranka wajigiisa 1aad oo lagu wado inuu ka koobnaado:

  1. Ka Bixitaanka AMISOM ee Mogadishu Stadium, 2. Isu furista jidka Xamar ilaa Baydhabo iyo 3. la wareegista Leego.

Dhinaca kale, waxaa uu Saciid ka hadlay inay diyaar yihiin mashaariic lagu dhisayo Mogadishu Stadium iyo jidadka u dhow kuwaas oo ay diyaarisay dowladda federaalka ah.

“La wareegitaanka Mogadishu Stadium waxa wehliya dhismaha waddooyin, waxaa soo dhan waa diyaar, dhammaan hey’adihii ka shaqeyn lahaa iyo lacagihii” sidaasi waxa yiri la-taliyaha madaxweynaha.

Mashaariicdan waxaa qeyb ka ah: hey’adaha iyo dalalka deeqda bixiya, wasaarado ay ku jirto midda cayaaraha, gobolka Banaadir iyo hey’ado kale.

Mogadishu Stadium waxaa muddo 10 sano uu dhufeys u ahaa AMISOM, qorshaha waxaa uu yahay in laga dhigo sidii uu ahaa iyo meel ay dhalinyarada ku cayaari karaan.

Dowladda federaalka ah qorshayaasheeda waxaa ka mid ah inay Hoteello iyo goobo lagu nasto ka hirgeliso aagga Mogadishu Stadium.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muxuu yahay ujeedka uu FARMAAJO maanta u tagey magaalada ADDIS-ABABA?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa magaalada Addis Ababa ugu qeybgalayo shir aan caadi aheyn oo madaxda urur goboleedka IGAD ka yeelanayaan Colaada dalka Koofurta Sudan.

Shirka IGAD ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo dhowr ah oo ka taagan Africa, gaar ahaan colaadaha kasoo cusboonaanaya South Sudan oo loo arko qatar xoog leh.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda kale ayaa shirka ka jeedin doona khudbado ay ku cabirayaan dareenkooda ku aadan colaada South Sudan.

Farmaajo inta uu joogo magaalada Addis Ababa waxa uu halkaa kula kulmi doonaa Madaxda kale ee qeybta ka ah Somalia, si ay uga wada hadlaan xaalada dalkiisa.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa loo badinayaa inuu la kulmo Soomaalida ku nool magaalada Addis Ababa si uu ugu booriyo inay kusoo laabtan dalkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DF oo war cad kasoo saartay in hawada Somalia laga maamulo MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa xaqiijisay in si rasmi ah ay ula wareegtay maamulka Hawadeeda, kadib markii Somalia loo aqoonsaday dal maamulan kara hawadiisa.

Dowladu waxa ay sheegtay in marnaba aan la aqbali doonin in hawadda Somalia ay si khaldan usoo gasho diyaarad aan fasax ka heysan laanta hay’adda Duulista Hawadda

Yuusuf Cabdi Cabdulle ‘’Yuusuf Jaalle’’, oo ah Maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Somalia ayaa sheegay in DFS ay xaqiiqsatay in Hawadeeda ay maamusho.

Waxa uu Yuusuf Jaalle, sheegay in howsha la soo wareegida Maamulka Hawada uu soo bilowday mar hore ilaa bishii December sanadkii 2017 oo Madaxweyne Farmaajo uu daah furay qalabka lagu maamulayo hawada.

Yuusuf Jaalle ayaa sheegay in labada Xafiis ee Muqdisho iyo Nairobi ay wixii mudadaas ka dambeeyay ay iska garab shaqeynayeen, isla markaana ay socotay qeyb shaqaalaha lagu tababarayay.

Waxaa uu sheegay in xafiiska Nairobi shaqada ka soo dhamaatay, lana soo xiray 18-kii bishan June, isagoo xusay in Muqdisho hadda ka socdaan howsha, isla markaana shaqaalihii Nairobi joogay ee ay maamuleysay ICAO ay u soo guureen Muqdisho.

Dhinaca kale, Yuusuf Jaalle ayaa meesha ka saaray inay jiraan jihooyin kale oo Somalia xiligaan la maamula Hawadeeda, balse ay Somalia dib u hanatay maamulkeeda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Isbaddel laga dareemayo Muqdisho iyo maamulka oo fariin u diray dhalinyarada

Isbadalka xagga ammaanka ah ee laga dareemayo magaalada Muqdisho ayaa ah mid ku yimaaday qorshaha hagaagsan ee xagga ammaanka ah ee uu la yimid maamulka Gobalka Banaadir oo kaashanaya laamaha ammaanka ee dowladda.

Mudane Maxamed C/laahi Tuulah Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee maamulka gobalka Banaadir ayaa saraakiisha ammaanka ee gobalka iyo kuwa degmooyinka aad iyo aad ugu ammaanay dadaalka badan oo ay ku bixiyeen Sugidda amniga caasimadda.

Dhanka kale Guddoomiye ku xigeenka Dhinaca amniga ee maamulka Gobalka Banaadir ayaa fariin aad u muhiim ah u diray dhalinyarada Muqdisho, isagoo sheegay in loo baahanyahay in dhalinyarada ay u kacaan sugidda ammaanka magaaladooda sidoo kalana ay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka.

Waxaa cajiib ahaa Bishii Ramadaan ee la soo dhaafay oo dhan wax Qarax ah ama dhibaato ah aysan ka dhicin magaalada Muqdisho, taas oo ku Alle ka sakow dadaalka badan ee la galiyay amniga magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka dhawaajiyey asna inay wax lagu farxo ay tahay in magaalada Muqdisho haatan isbadal wayn oo xagga amaanka ah laga dareemayo.

“Bishii hadda lasoo dhaafay oo noqotay 10 sano kadib Bishii Ramadaan ee ugu horeysay oo uusan qarax dhicin runtii maaheyn wax shil ah oo dhacay waa howl aad looga shaqeeyey iyo qorshe la dajiyey oo aan ku amaanayo ciidamadena amniga ,oo runtii si hufan oo wanaagsan oo karti badan u shaqeeyey, oo habeen iyo maalin usoo jeeday sidii ay shacabkooda uga difaaci lahaayeen qolooyinka hororka ah oo dhibaatada maalin kasta ku hayo umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Maamulka Gobalka Banaadir ee hadda shaqeeya ayaa ah maamulkii ugu horeeyay ee ku guulaysta in maamulka ciidanka ammaanka heer degmo loo daadajiyo, isla markaana Guddoomiye kasta loo xilsaaranyahay ammaanka degmadaasi, kaas oo ku yimid dadaalka badan oo maalin iyo habeen ammaanka caasimadda uu ugu jiro Guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobalka Mudane Maxamed C/laahi Tuulah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]