25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Markab Imaaraadka laga leeyahay oo kusoo xirtay dekedda KISMAAYO iyo waxa saaran oo la ogaaday

Kismaayo (Caasimadda Online) – Markabka laga leeyahay dalka isu taga Imaaraadka Carabta, islamarkAana sidA shixnad gargaar Raashin ah ayaa maanta ku soo xirtay Dekadda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hooe.

Markabkani oo ka soo shiraacday magaalada Abu Dubai ee xarunta dalkaasi ayaa la sheegay in uu  sido 824 Raashin gargaar ah, kaas oo ay dolwadda Imaaraadku ugu deeqday maamulka Jubbaland.

Ilo rasmi ah oo ka tirsan Hay’adda Samafalka ee Khalifa Bin Zayid Al-nahyan Fondation ayaa sheegtay in Kaalmadda cuntada loo qeybin doono dadka aadka u baahan ee ay saamaysay Abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah Goballadda Jubbooyinka

Markabkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ay dowladda Imaaraadka u soo dirto Soomaaliya, tan iyo markii uu xumaaday xiriirka labada dal, kaas oo ka dhashay go’aankii dhex dhexaadnimada ahaa oo ay DFS ka qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka.

Balse tallaabadani ayaa u muuqata mid Imaaraadka uu doonayo in uu ku sii kala fogeeyo xiriirka u dhaxeeya dowladad dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, kaas oo hada caga buuran aan ku taagneyn.

Caasimada Online
Xafiiska KIsmaayo
[email protected]

Daawo: Kala cararka ka dhashay qaraxii maanta lala eegtay madaxweynaha…

Nairobi (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Qarax xooggan ayaa lala eegtay Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa.

Emmerson Mnangagwa, ayaa Qaraxa lala eegtay xili uu ku sugnaa garoonka kubadda Cagta Bulawayo halkaasi oo uu ka jeedinaayay Khudbad.

Qaraxa oo aad u xooganaa ayaa ka dhacay meel u dhow halkii uu taagnaa Madaxweynaha Zimbabwe, waxaana la sheegay in Madaxweynaha uu badbaaday oo aysan waxyeelo soo gaarin.

Khasaaraha ka dhashay Qaraxa ayaa la sheegay inuu ku kooban yahay taageerayaasha Madaxweyne Emmerson Mnangagwa.

Dhaawacyada ayaa la xaqiijiyay inay kor u dhaafayaan ilaa Lix kuwaa oo kamid ahaa taageerayaasha Madaxweynaha.

Qaraxan ayaa sidoo kale ku soo aadayo xilli maanta qarax uu ka dhacay Goob uu hadal ka jeedinaayey Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Aqri: Hoggaamiye kale oo African ah oo ka badbaaday qarax lagu khaarijin rabay

Qarax ayaa laga maqlay goob uu ka socday isu soo bax olole doorasho ah oo uu ka qeyb galayay Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa magaalada Bulawayo.

Warbaahinta ayaa soo tabineysa in Madaxweynaha aanay waxyeelo ka soo gaarin qaraxa, isla markaana si degdeg ah looga saaray garoonka White City Stadium oo uu ka socday isu soo baxa.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow meeshii uu taagnaa Madaxweynaha Zimbabwe, waxaana la sheegay in Madaxweynaha uu badbaaday oo aysan waxyeelo soo gaarin.

“Madaxwayne Mnangagwa lama dhaawicin waxaa uu ku sugan yahay  Aqalka Madaxtooyada Bulawayo,” afhayeenka madaxweyne George Charamba ayaa wargeyska u sheegay.

“Baaritaannada ayaa socda oo faahfaahin dheeraad ah ayaa la siin doonaa dadweynaha” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Mnangagwa ayaa talada dalka la wareegay bishii November ee sanadkii hore, kaddib xukunka ka degay Robert Mugabe oo muddo soo xukumayay dalkaas

30-ka bisha July ayaa la filayaa inay ka dhacdo Zimbabwe doorasho, taasoo noqoneysa markii u horeysay oo aanu Mugabe xukunka aheyn tan iyo 1980-kii markii madax banaanida uu qaatay dalkaas.

Qaraxaan ayaa kusoo aadayo xilli saacado ka hor la qarxiyey barxad uu ka khudbeenayey Ra’isulwasaaraha Itoobiya, iyadoo wararka laga helayo Adis Ababa ay sheegayaan inay dhinteen ilaa 4 qof halka in ka badan 100 kale ay ku dhaawacmeyn.

War ka cusub xaaladda caafimaad ee gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maalmihii dambe ku jiray xaalad Caafimaad oo aan wanaagsaneyn ayaa lasoo sheegayaa inuu hadda sidii hore ka fiican yahay.

Gudodomiye Cabdi Xaashi ayaa dhawr jeer oo xiriir ah debadda ugu baxay arrimo caafimaad kadib markii ay lasoo daristay caafimaad darro iyo xanuun joogto ah.

Xaaladda Caafimaad ee Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo hagaageysa sida ay sheegeen xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare oo la hadlay Shabakadda Caasimadda Online.

Xildhibaanadaas ayaa xaqiijiyey in  Xaaladdiisa Caafimaad ay hadda wanaagsan tahay,islamarkaana dhawaan uu dalka dib ugu soo laaban doono.

Ciidamada AMISOM ayaa dhawaan Guddoomiyaha aqalka sare  u diideen inuu ciidamadiisa iyo gawaarida la galo gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana arrintaas ka dhashay muran aad u weyn kaasoo ugu dambeyn keenay inay soo kala dhex galaan ciidamada Booliska ee saldhigga ku leh garoonka diyaaradaha.

Ciidamada AMISOM ayaa ku dooday inaysan heysan fasax ku aadan in Guddoomiyaha aqalka sare uu garoonka la geli karo ilaalo, waxayna sheegeen inay kaliya fasax u heystaan Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isulwasaaraha Soomaalya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wararkii ugu dambeeyey qaraxii ka dhacay Itoobiya iyo khasaaraha + Sawirro

Ugu yaraan 4 qof oo Itoobiyaan ah ayaa ku dhimatay, halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen ka dib qarax lala eegtay dibad bax uu ka Khudbeynayay Ra’iisulwasaaraha Itoobiya ee caasimadda Adis.

Wararka Qaraxa kasoo baxayo ayaa ah kuwa is khilaafsan, Ra’iisal wasaaraha Abiy Ahmed ayaa TV-ga dalkaasi ka sheegay qaraxa kadib in dhowr qof ay ku dhinteen, laakiin madaxa xafiiska Ra’iisal wasaaraha Fitsum Arega ayaa sheegay inaysan jirin cid ku dhimatay qaraxa balse ay jiraan dhaawacyo gaaraya 83 oo 6 ka mida ay xaaladoodu liidato.

Warbaahinta kale ee Itoobiya ayaa hore u shaaciyey in 4 qof ay ku dhimatay qaraxa dad ku dhow 100 ay ku dhaawacmeen, iyadoo 16 ka mida ay xaaladoodu halis tahay, waxaana weli taagan jahawareer ka taagan qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka.

Wararka is-khilaafsan ee Ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo xafiiskiisa ayaa muujinaya inay xaaladu ay tahay mid isku qasan, kadib weerar uu Abiy Ahmed ku tilmaamay mid si weyn loo soo qorsheeyay.

Abiy Waxaa uu cambaareeyay dhacdadaan isagoo ku tilmaamay mid Fulinnimo ah oo lagu waxyeeleynayo nabadda iyo midnimada dalka Itoobiya.

Ra’iisul wasaaraha ayaan sheegay in qaraxa ay ka dambeeyeen “Dad kasoo horjeeda midnimada daka Ethiopia”

Hadalkiisa ayaa loo fasirtay in qarax ay ku lug leeyihiin dad dhowaanahan kacdoon ka waday dalka Ethiopia, taasi oo magacaabistiisa sabab u ahayd.

“Jaceylka ayaa mar walba guuleysta, dilka dadka kale waa guul-darro. Kuwa isku dayaya inay na kala qeybiyaan, waxaan doonayaa inaan u sheego, ma guuleysan doontaan” ayuu yiri Abiy Ahmed.

Qaraxa ayaa dhacay xilli Abiy uu u Khudbeynayay taageereyaashiisa waxaana goobta kala cararay ciidamada ammaanka.

Gaas “Muuse Biixi waxaan leeyahay haddii Ingiriis dhul ku siinayo Laascaanood LONDON ma ahan”

Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas  ayaa Maanta oo Sabti ah waxa uu furay kal-fadhiga 41aad ee baarlamaanka Maamulkaas,kulankaas oo ahaa  kii ugu dambeeyey sida uu qabo Dastuurka Maamulkaas.

Madaxweyne Gaas oo Khudbad dheer kajeediyay ayaa  hadlay Waxqabadka Maamulkiisa xiisadaha Siyaasadeed ee ka jira waqtigaan deegaanada maamulka Puntland iyo Arrimo kale.

Madaxweyne Gaas waxaa uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in ay dib u celiso degaanada ka maqan ee ku yaalla gobolka Sool.

Gaas ayaa sidoo kale tilmaamay in ay u diyaar garoobeen dagaal ka dhan ah Somaliland,maadaama uu sheegay in degaanada Puntland lagu soo xadgudbay.

Waxaa uu ku eedeeyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi in uu waddo dood ah in dowladda Ingariiska ay siisay gobolka Sool, taasina aysan aheyn wax soconkara.

“Muuse Biixi waxaan leeyahay haddii Ingiriis dhul ku siinayo Laascaanood London ma ahan, Taleex ma ahan Birmingham, Xudunna ma ahan Cardiff” ayuu yiri Gaas

Gaas ayaa sidoo kale tilmaamay in Xildhibaanada looga baahan yahay in ay ka qeyb  qaataan doorkooda ku aadan sidii gacanta Puntland loogu soo celin lahaaa Magaalada Laascaanood.

Isaga oo siiwata khudbadiisa ayuu sheegay in Puntland xilligaan ay wajaheyso dagaalo dhinacyo badan sida uu hadalka u dhigay.

“Walaalayaal waxaan ku jirnaa dagaal ka duwan dagaaladii hore,waa mid saameyn ku leh diinteena,dalkeena,jiritaankeena iyo dowladnimadena,waa dagaal dhaafahy anshaxa suuban ee soomalida lagu yaqaanay waa mid salka ku haya been iyo isir naceyb,Sool ma ahan meel la aqoon waayey cida iska leh,mana ahan mid inta shandad lagu qaatao ictiraaf lagu raadado ayuu yiri Madaxweyne Cabduweli Gaas.

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa bilihii lasoo dhaafay dagaal culus waxaa uu ku dhexmaray degaano ka tirsan gobolka Sool sidda degaanka Tukaraq.

Halkaan hoose ka akhriso khudbadiisa oo dhameystiran

Mudanayaal, Maanta waxaan ku jirnaa dagaal mana aha dagaalkaan la ina kusoo qaaday mid la mid ah kuwii aan horey ku geli-jirnay, waa mid saameyn ku leh diinteena, dalkeena, jiritaankeena iyo Dawladnimadeena, waa dagaal dhaafay Anshaxa suuban, Soomaalinimada iyo jaarnimadii Soomaalida lagu yiqiin, waa dagaal salka ku haya been,Argagixiso iyo Isir-nacayb.

Mudanayaal, Gobolka Sool maaha meel kawada dhaxaysa SL iyo PL, Gobolka Sool maaha gobol aan la garanayn cida iska leh oo qolo walba markeeda sheeganayso, Gobolka Sool maaha weel lagu dawarsado oo Hargeyso Mushaar looga raadsado, Gobolka Sool maaha meel uu ilaahay u qoray in shacabkeedu ilmadu gobo’leyso oo aduunku daawado, Gobolka Sool maaha Shandadd inta diyaarad lala raaco Ictiraaf lagu raadsado oo lagu baryo-tago, Gobolka Sool Dhul iyo Dad-ba waa reer Puntland waxaana laga xoreynaa cadowgu dulhoganaya, waxaana u sheegayaa Shacabka Gobolka Sool kuma noolaan doontaan colaad, ciilqab iyo xabsiga Maamulka Hargeysa haddii Alle idmo.

Sidoo kale waxaan u sheegayaa shacabweynaha Puntland, Tan iyo markii Laascaanood la qabsaday reer Sool waxay ku jireen dulinimo, caga-jugleyn, isku dir iyo dil joogto ah, maantana waxaa loogu daray cuburin, xabsi joogto ah iyo in la yiraahdo dalka malihidin ee iska guura, sidaa darteed waxaa la idin ka doonayaa inaad garab istaagtaan qorshaha soo celin Gobolka Sool ee ay Dawladdu wado.

Shacabka Puntland waxay Dawladdu u sheegaysaa inaad u hiilisaan walaalihiin reer Sool, lana garab istaagtaan Naf iyo Maal-ba, sidoo kale waa inaad ogaataan Abaalka aad maanta dhigataan inuu noqon-doono kayd idiin yaal kumanaan sanno oo socda.

Muuse Biixi waxaan leeyahay, “ Xaashaa lilaahiye beenta waa, laga xishoodaa“ wada-hadal ayaan Federaal la galayaa intaan Puntland soo weeraro, xuduud ayaan soo xirayaa, Ictiraaf –baan doonayaa horaa loo yiri “ Afkaa jeexan baa loo hadlaa iyo saa iriye, Kala aragnay tuugaa ordaayiyo eeda kii falaye”.

Muuse Biixi wuxuu ku doodayaa Ingiriis ayaa Gobolka Sool nasiiyay, waxaan u sheegaynaa Ingiriis dhulkaan malaha, wuxuu ahaa gumeyste maalmo joogay oo aan iska xoreynay, kumanaan Daraawiish ah iyo Soomaali kale ayaa dhiigooda u huray Naftoodana u hibeeyey si ay iskaga xoreeyaan heeryadaas gumeysiga.

Haddaba, Muuse Biixi waxaan leeyahay haddii Ingiriis uu dhul kusiinayo Laascaanood maaha London, Xuduna maaha Birmingham, Taleex-na maaha Cardiff Shacabka Soomaaliland Dawladda Puntland waxay u caddeynaysaa inay ula diyaar nahay walaaltinimo, daris wanaag iyo wada-noolaasho buuxda, waxaana na-farax gelinaya sharaftiina iyo karaamadiina, Shacabka Soomaaliland waxaan u sheegaynaa Muuse Biixi Puntland dhibaato kuma hayo, laakiin dibindaabyada uu Soomaaliland ku hayo ha laka badbaadiyo horaa loo yiri “ Doqoni walaalkeed ayey u daab weyn tahay”, ee dhibaatada uu idinku hayo iska badbaadiya.

Ugu Danbeyntii: Dawladda Puntland waxay aqoonsan tahay xuduudii ay Dawladdii Soomaaliya u kala sameysay Gobolada Togdheer iyo Sool, haddii ay wax ka qaldan yihiin waxaan kala hadlaynaa cidkasta oo samadoon ah, laakiin Gobolka Sool iyo Gobolka Nugaal 6/23/2018 Akhriso khudbadii madaxweyne Gaas uu kaga hadlay arrimaha gobolka Sool dhexdooda cidii wadahadal ka doonaysa dee waxaan ku leenahay “ Af aadan lahayn aamus lama yiraahdo” beentaas yaan waqti la iskaga qaadin Laascaanood iyo Garoowe xuduud Makala yeelan-doonaan taa hala ogaado.

Mudane Guddoomiye iyo Mudanayaal. Waxaan u Mahadcelinyaa dhammaan Golaha Wakiilada, waxaanna u rajeynayaa in kalfadhigaan uu noqdo mid meel mariya Agendeyaasha iyo shaqooyinka horyaalla kuna dhamaada guul, waxaana si rasmiya ugu dhawaaqayaa in kal-fadhigii 41-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland uu furan yahay.

Allaa Mahad leh

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Madaxweynaha Dawladda Puntland

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Shirka Joogteynta Iskaashiga ee Qaaradda Afrika iyo Shiinaha oo Bisha July ka furmi doono Jabuuti

Jabuuti (Caasimadda Online) – Waxaaa Dalka Jabuuti Bisha July 3-7 ee Sannadka  2018 ka Furmi doona Shir Balaaran oo ay wada yeelan doonaan Wadamada Afrika iyo Shiinaha, waxaana Shirkaas ka qayb gali doona Madax ka tirsan Dowladaha Afrika iyo Shiinaha.

Madashaan ayaa waxaa Diiradda lagu saari doonaa sidii loo sii Xoojin lahaa  ma loo joogteyn lahaa Xiriirka  Iskaashi ee Wadamada Afrika iyo Shiinaha   gaar ahaan Dhinaca Dhaqaalaha  maadaama Dowlada Shiinaha waayadaan dambe aya galangal dhinaca Maaligelinta iyo Dhaqaalaha ay ku yeelaneysa Wadamada Afrika,

Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa ka qayb geli doon Ganacsato ka socda Dallka Afrika iyi Shiinaha , waxayna Labada Dhinac uga hadli doonaa sidii Dalka Shiinaha uu Maalgelin Balaaran ugu sameyn lahaa Kaabayaasha dhaqaalaha ee Qaarada Afrika

Sidoo kale waxaa Shirkaas lagu marti qaadey Shirkado waaweyn oo ka socdo Wadamada Yurub , Mareykanka,, Afrika, Carabta iyo Aasiya, si ay wax badan ugu ogaadaan  habka Shiinaha uu u Maalgelinyo Qaaradda Afrika  iyo Xiriirka sii Xoogeysanaya ee Afrika iyo Shiinaha

Ma aha markii ugu horeysey oo Kulan u dhexmaro Shiinaha iyo Afrika waxaana Sanadahaan dambe Dowladda Shiinaha hore u dhaqaajisey sidii Qaarada afrika ugu yeelan lahayd Saldhig Dhinaca dhaqaalaha waxayna  Dowladda Shiinaha ka hormareen Wadamada kale ka dib markii Bulshada Qaarada afrika ay aamineen  sida ShIinaha   ay uga go’an tahay Horumarka Qaarada Afrika

THE BEGINNING OF JULY DJIBOUTI SHOULD HOST CHINA-AFRICAN CONFERENCE FOR COOPERATION 

The 3rd to 7th July 2018 should open big conference CHINA-AFRICAN CONFERENCE FOR SUSTANTAINABLE COOPERATION ON ECONOMIC COOPERATION STRUCTURAL TRANSFORMATION should participate officials from China and Africa.

.This conference should focus the mechanism to reinforce and sustainable cooperation between china and Africa especially economic though china government lastly engaging investment and cooperation to Africa countries.

. It is not first time to convene China and Africa and these last year’s Chinese government boost how African continent should have economic base and china become more engaged than others while African people trust the Chinese strategy that to develop African continent..

This meeting also would attend business personal from Africa and china and the two sides would discuss how the Chinese government should invest largely infrastructure of African continent..

 As well as this meeting invited big companies from Europe, USA Africa Arab Countries and Asia in order to aware more the system of Chinese investment African continent and strong cooperation between China and Africa

Daawo: QARAX ka dhacay goob uu ka hadlayey ra’iisul wasaare ABIY AHMED

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Qarax ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay meel u dhow goob uu ku sugnaa Ra’isul wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Axmed, halkaas oo uu kula hadlayay dadweyne aad u farobadan oo isugu soo baxay si ay u taageeraan qorshayaashii isbadalka.

Warbaahinta Itoobiya iyo Ra’isul wasaaraha laftiisa ayaa xaqiijiyay qaraxa, waxaana la xaqiijiyay dhimashada iyo dhaawaca dad kala duwan. Dadka inta badan waxa ay ku dhaawacmeen isbuurasho dadka ay sameeyeen.

Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa markiiba meesha lagala cararay, wuxuuna markii dambe hadal ka jeediyay xafiiskiisa, hadalkaas oo toos looga baahiyay taleefishinka qaranka Itoobiya.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed waxa uu sheegay in dhowr qof ay ku dhinteen qaraxa kuwa kalena ay ku dhinteen.

Faahfaahin lagama bixin cidda ka dambeysay qaraxa, balse walwalka laga qabo amniga horey ayay usii muuqatay, waxaana la arkayay Ra’isulwasaare Abiy oo ka hadlayay meel lagu xeendaabay difaac qaruurad ka samaysan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Abiy oo u faanay 2-da gole ee Ethiopia kadib 3 arrin oo uu ku qanciyay Farmaajo

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed oo kulamo khaasa la qaatay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee dalkiisa ayaa shaaca ka qaaday in Ethiopia ay ku talaabtay isbedel bilow ah.

Abiy Axmed, oo sharaxaad ka bixinaayay Heshiiska uu la galay Somalia ayaa waxa uu sheegay inuu u garabsaday dowlado kale oo kaga faradhuuban Somalia.

Waxa uu sheegay in Heshiiska ka hor ay adeegsadeen Diplumaasiyiin aad ugu dhow Madaxweynaha Somalia, kadibna ay sidaa ku marti galiyeen Ra’isul wasaaraha Somalia iyo madax kale oo ay usoo bandhigeen qorshaha maalgashiga oo muddo taagnaa.

Abiy Axmed, waxa uu Wasiirada iyo Xildhibaanada u sheegay inay muhiim tahay in mar waliba la isticmaalo maskax degan oo dhaqan galinkarta riyada, waxa uuna kulankaasi ka sheegay inay ka mirro dhaliyeen qorshahooda sanadaha badan qaatay.

‘’Waa in la muujiyaa dulqaad maalin qurax waxba kuma hagaagi karaan, sidaa aawgeed guusha waxa ayn ku timid isbedelka aan ku doonaayo inaan ka dhaqan galiyo Ethiopia’’

Abiy Axmed, waxa uu kalanka ka cadeeyay in Heshiiska uu la galay Madaxweyne Farmaajo lagu gaaray 3 arrimood oo kala ah:

1-In ka Abiy Axmed ahaan uu Madaxweynaha Somalia ka dhaadhiciyay qorshaha uu ka leeyahay wada noolaanshaha Somalia iyo Ethiopia.

2-In Madaxweynaha Somalia uu sharaxaad kooban ka siiyay in la joogo wakhtiga ay Africa isku soo dhawaan laheyd, isla markaana Somalia ay guusha ku gaari laheyd ganacsi iyo maalgashi furan.

3-Kala qorashada Heshiis ku saleysan xaqiiqda iyo tixgalinta midnimada labada dhan, iska caawinta amniga iyo in Somalia la geeyo halka ay mudan tahay.

Sidoo kale, Abiy Axmed, waxa uu kulanka ka balanqaaday inuu ka dhabeyn doono riyada Ethiopia oo uu sheegay dhaqaale ka abuurista Dekadaha Somalia iyo in Ethiopia ay ka baxdo faqriga.

Dhinaca kale, Abiy Axmed, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in labada Gole uu kala tashto wixii talaabo ah oo horay loo qaadayo, isagoo meesha ka saaray dib u dhac.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Dowlad qas amni iyo mid dhaqaale ku heysa DF oo markab u gadaysa Ethiopia

Addis-Abababa(Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dowlada Ethiopia ay dhawaan iibsaneyso Markab ganacsi oo ka howlgali doona Dekadaha Somalia.

Ethiopia ayaa dhawaan Heshiis dhanka maalgashiga Dekadaha la gashay Somalia waxaana lagu wadaa in iibinta Markabka ay ka caawineyso Dowlada Imaaraadka carabta.

Dowlada Ethiopia ayaa sheegtay in Markabka loo iibinayo uu saldhig u noqon doono Dekadaha Muqdisho iyo Berbera oo amni ahaan ka wanaagsan Dekadaha kale.

Dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta ahna ku- xigeenkaTaliyaha ciidamada dalkaasi Sheekh Maxamed Bin Zayed, ayaa Heshiiska 16-kii Bishan ay Muqdisho ku kala saxiixdeen dowladaha Somalia iyo Ethiopia kadib sheegay in Imaaraadka carabta ay gacan ka geysan doonto sida Ethiopia ay ku maalgashan laheyd Dekadaha Somalia.

Sheekh Maxamed Bin Zayed, waxa uu qiray in garabka koowaad oo ay siinayaan Ethiopia uu noqon doono u iibinta Markab Ganacsi, si ay ugu sahlanaato ka mirro dhalinta maalgashiga Afarta Dekadood.

Dowlada Imaaraadka carabta ayaa la rumeysan yahay in dhibaato dhan amni iyo mid dhaqaale ay ku heyso Somalia, sababo la xiriira in Somalia ay kasii kabaneyso burburka.

Sidoo kale, Sababta ugu weyn ee uu Imaaraadka u garab istaagayo Ethiopia ayaa ah ka macaashida Kheyraadka Somalia, iyadoo ay rajadaasi u rumeysay dowlada Somalia oo 16-kii Bishan u saxiixday maalgashiga afar Dekadood.

Docda kale, Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa sheegay in xooga ay saari doonaan iibsashada Doonyaha Ganacsiga ah ee dheereeya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Akhri: Xildhibaannadii ugu horreeyey oo heshiiska DF iyo Ethiopia ka hadlay

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa ka digay in qaab khaldan loo dhigo Siyaasada ay dowlada Somalia ku hormarineyso Heshiisyada ay la galeyso dowladaha saaxiibada la’ ah Somalia.

Xildhibaanada oo kulamo ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowlada Somalia ay awood u leedahay in heshiis ay la gasho dowlada Ethiopia iyo dowladaha kale.

Xildhibaanadan waxa ay sheegen in dowladu aysan gali karin Heshiis aan maslaxad ugu jirin dalka, sidaa aawgeed mas’uuliyada dalka looga danbeeyo madaxda Qaranka.

Xildhibaanada ka digaya in aan la siyaasadeen heshiiskaas waxaa ka mid ah Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo sheegay inay jiraan Xildhibaano ka macaasha arbushaada dalka.

Dalxa waxa uu sheegay in Heshiiskaasi uu ahaa mid wakhtigiisa dhacay, maadaama ay Somalia xiligaan hiigsaneyso horumar.

‘’Waa ayaan darro in Xildhibaano matalaaya shacabka ay ka shaqeeyan arbushaad dalka, adeer cida gashay heshiiska waa kuwa aad shalay soo doorateen waana inaad uga danbeysaan talada dalka’’

‘’Dowladu ma aysan la dhuuman Heshiiska ay la gashay Ethiopia, goob cad ayey ku gashay waxa ayna baahisay warmurtiyeedka heshiiska, marka maaha in loo taagnaado iska hadal’’

Xildhibaanka oo ka qeyb galayey dood ayaa sheegay in cid kasto oo dalka Soomaaliya ka sameyneysa maalgashi dan ugu jirto dadka Soomaaliyeed ay soo dhaweyneyso Dowlada Somalia.

Sidoo kale, Xildhibaan Dalxa ayaa ku baaqay inaan dhibaato iyo burbur bilow ah loo horseedin dalka oo uu sheegay in xiligaan uusan u wanaagsaneyn khilaaf iyo dhaliil.

Haddalka Xildhibaanka ayaa kusoo beegmaaya iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay taagneed dhaliilo ku aadan heshiiskii 16-kii Bishaan ay Muqdisho ku kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Musharaxiinta madaxweyne ee Puntland oo Cabdi Weli Gaas u diray digniin culus

Garoowe (Caasimada Online) – Musharaxiinta madaxweynaha Puntland, oo ku midoobay urur loogu magac daray Puntland Focus Group, ayaa soo saaray digniin culus oo ku wajahan inaysan aqbali karin isku day ay sheegeen inuu socdo, oo la doonayo in dib loogu dhigo doorashada madaxweynaha maamulkaas. Haddaba hoos ka aqriso qoraalka kooxdan:

Kadib markii ay Puntland Focus Group ka soo gaartey qaybo ka mid ah waxgaradka Puntland in ay jirto isku dayo lagu doonayo in dib loo dhigo xiliga doorashada Puntland waxaan goosanay in aan ogaysiino Dawladda Puntland, Shacabka reer Puntland, Nabadoonada reer Puntland, Isimadda reer Puntland iyo weliba Bulshadda Caalamka arimaha soo socda.

1. Puntland Focus Group waxaa ay aaminsan tahay in doorashada soo socota dhacdo, wakhtiga Dastuurku qabo ee ku astaysan 8da January 2019.

2. Waxaan uga digeynaa Madaxweynaha iyo Xukuumaddisa in ayan isku dayi xili kororsi sharcidaro ah oo baalmarsan Dastuurka Puntland.

3. Xildhibaanada Dawladda Puntland xil gooni ah ayaa ka saran ilaalinta iyo ku dhaqanka Dastuurka Dawladda Puntland iyo habsami u socodka hab dhaqanka dawladnimo iyo habraaca dastuuriga ah ee doorashooyinka Puntland. Waxaan Parlamaanka Puntland ka fileynaa in ay meel mariyaan himilooyinka shacabka Puntland dhowraana Dastuurka Dawladda Puntland.

4. Isku daygan  wakhti kororsigu waa mid wiiqi kara dadaalka ay dadka Puntland ugu jiraan in Gobolka Sool gacanta Puntland lagu soo celiyo, wuxuuna shaki gelinkaraa dadaalka aan kala harka lahayn ee ay wadaan dhamaan dadweynaha reer Puntland. Sidaas darteed waxaan soo jeedineynaa in aan waddanka loo horseedin khilaaf siyaasadeed oo aan loo baahnayn oo Puntland gudeheeda ka bilaaba fadqalalooyin.

5. Madaxweynaha iyo xukuumadiisa waxaan xasuusineynaa muuhimadda ay leedahay ilaalinta amniga iyo shuruucda Puntland. Dagaal ayaa lagu jiraana marna cudurdaar uma noqon karto in Dastuurka iyo shuruucda dalka la laalo amaba la baalmaro.

6. Isimadda, nabadoonadda, wax garadka iyo ururadda bulshadu waa in ay ka qayb qaatan in Xukuumadda Puntland aaney baal marin Dastuurka Puntland, oo aan Puntland loo horseedin fadqalala siyaasadeed oo gudeheeda ka bilowdo, wakhti lagu jiro difaaca dalka. Sidaas oo kale, shacabka Puntland waa in ay gacana kaga qayb qaataan difaac, gacanta kalena ku hasytaan shurrucda Puntland ku dhisan tahay.

Xubnaha Puntland Focus Group: 

Cabdi Faarax Saciid (Juxaa)
Cabdirisaaq Cabdulahi Jaamac (Janogale)
Cali Xaaji Warsame
Faarax Cali Shire
Jamiila Saciid Muuse
Xaji Maxamed Yaasin Ismaaciil
Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)
Khalif Ciise Mudan
Maxamud Axmad Xasan (Dhagaweyne)
Saciid Cabdullahi Deni
Dr Maxamed Salaad Qoryooley

Warar dheeraad ah la xiriir;

Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)
Af-Hayeenka Puntland Focus Group,
Email: [email protected]

Telka Gacanta: (Australia) +61416547736.

– DHAMAAD –

Xog: Somaliland oo go’aan aan la fileyn ka qaadatay shika Brussels ee Somalia

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa qaadacday inay ka qayb gasho shir la filayay inuu bishan 26 June-28 ka furmo magaalada Brussless ee wadanka Beljamka, kaas oo ku saabsan Soomaalida oo loogu qoondaynayay dhaqaale ay deeq bixiyayaashu ku yabooheen.

Warar aan helnay ayaa sheegay in Somaliland lagu soo martiqaaday shirkaas, laakiin ay dawladda Somaliland go’aansatay inaanay ka qayb gelin shirkaas. Shirka ayaa la sheegay inuu dib u dhac ku yimid, waxaana la qorsheeyay inuu qabsoomo 16 Julay-17.

Lama hayo faahfaahin ku saabsan sababta ay xukuumadda Somaliland u qaadacday ka qayb galka shirkaas. Laakiin xukuumadii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ayaa sidan oo kale diiday inay ka qayb gasho shir noocan oo kale ahaa oo dhaqaale loogu ururinayay Soomaalida oo sannadkii 2014 lagu qabtay dalka Denmark.

Sidoo kale shir 2013 ka dhacay dalka Beljamka oo isna dhaqaale ururin ahaa ayay xukuumadii Siilaanyo isagana diiday inay ka qayb gasho. Waxaanu go’aankan xukuumadda Somaliland ee xiligani noqonayaa markii saddexaad ee ay Somaliland diido inay shirkaas ka  qayb gasho.

Inkastoo aanay xukuumadda Madaxweyne Biixi weli ka hadal shirkaas iyo wararkiisa toona, haddana xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo waxay diidmadeeda shirarkaas hore ku salaysay ka dib markii ay dawladii Soomaaliya ee Xasan Sheekh shirkaas ku soo martiqaaday.

Laakiin go’aanka xukuumadda xilligan ayaa ku soo beegmaya iyadoo bishan ay dawladda Farmaajo dalalka deeq bixiyayaasha ah ku gacan saydhay in Somaliland loo cusboonaysiiyo hab-macaamilka gaarka ah ee loo dejiyay in la soo mariyo mucaawinooyinka Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected] 

Mucaaradka Ethiopia ugu adag oo go’aan culus ku dhawaaqay kadib markii…

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Mucaaradka dalka Ethiopia ee dibad jooga ah ayaa shaaca ka qaaday inay dib ugu laabanayaan dalkooda.

Mucaaradkan oo la magacbaxay (Ginbot 7), oo saldhig u ah magaalada Asmara ee dalka Eriteria ayaa daboolka ka qaaday inay ku laabanayaan Ethiopia, isla markaana soo dhaweynayaan isbedelada Xukuumada cusub ee Addis ababa.

Tadesse Biru oo ah afhayeenka Kooxda mucaaradka Ginbot 7, ayaa sheegay inay muujinayaan isbedel dhanka mucaaradnimada ah, waxa uuna cadeeyay in isbedelkaasi uu imaaday kadib markii Ra’isul wasaare Abiy Ahmed uu ku dhawaaqay wadahadalka Eriteria.

Tadesse Biru oo u waramaayay BBC-da qeybteeda ku hadasha afka amxaariga, ayaa sheegay inay aad usoo dhaweynayaan Siyaasada cusub ee Ra’isul wasaare Abiy Axmed.

Tadesse Biru ayaa yiri ‘’Koox ahaan waxaanu ka duwanahay kuwa kale ee mucaaradka, anagu ma ridno rasaas, haddii ay dhacdo inaan ridno waxa ay aheyd mid aan ku difaaceynay Siyaasadeena’’

Sidoo kale, Kooxda mucaaradka Ginbot 7, ayaa dhaqaale ka hesha Dowlada Eriteria oo colaad daba dheeraatay ay kala dhexeyso Dowlada Ethiopia, hase yeeshee waxa ay arrintu iminka u muuqataa mid jaanrogtay Siyaasada Abiy Axmed.

Talaabada ay isugu soo dhawaaden Dowlada Ethiopia iyo Kooxda Ginbot 7, ayaa imaaneysa kadib markii Ra’isul wasaare Abiy Axmed uu ku dhawaaqay inay la heshiinayaan dowlada Eriteria oo jaar la’ah.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]

Dooodda Soomaalilaand ee xudduuddii isticmaarka dow ma aha + Sababta

Markii ay burburtay dawladdii dhexe ee militerigu hoggaaminayeen ee Soomaaliya bishii koowaad ee sanadkii 1991-dii, Soomaalilaand ayaa bishii shanaad ee isla sanadkaas waxa ay ku dhawaaqday iney ka go’day Soomaaliya.

Soomaalilaand waxa ay gooni isu taaggeeda sabab uga dhigtay, in aysan ku faa’iidin midowgii 1960-kii ee labadii gobol ee Ingiriiska iyo Talyaanigu kala gumeysanayeen, waxa aan iyana meesha ka marneyn, caro dadka halkaas deggan ay ka qaadeen dagaalladii dawladdii kacaanka ciidankeedu la galeen ciidamadii jabhaddii SNM iyo wixii burbur, dhimasho iyo barakac ahaa ee arrinkaas ka dhashay, gaar ahaan, magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.

Dhinaca koofurta Soomaaliya, dawladihii soo maray wixii ka dambeeyey burburkii qaranka, ma aysan oggolaan in Soomaalilaand ay ka go’do dalka intiisa kale, isla markaas na si dhab ah labada dhinac ugama aysan wada hadlin in Soomaalilaand ay noqoto dal gaar u taagan oo ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale.

Bishii sideeddaad ee sanadkii 1998-ddii ayaa waxa magaalada Garoowe lagu dhisay maamulka Buntlaand, iyadoo isimada iyo waxgaradka Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle ay ka mid ahaayeen dadkii wax ka dhisay maamulka Buntlaand, deegaannadaas oo Soomaalilaand dhinaceeda ay ku doodeysay iney ka mid yihiin dhulka ay ka goyneyso Soomaaliya inteeda kale.

Wixii intaas ka dambeeyey labada dhinac (Soomaalilaand iyo Buntlaand) ayaa gobolladaas ku muransanaa, marar aan yarenna waxaa ka dhacay dagaallo dad badan ay ku dhinteen, kuwaas oo salka ku hayey ku-muransanaanta gobollada Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle.

Tan iyo intii ay soo laba kacleysey xiisaddii ugu dambeysay ee u dhexeysa Soomaalilaand iyo Buntlaand ee gacan ku haynta gobolka Sool, waxa ay Soomaalilaand soo celcelineysay in dhulka lagu dagaalamayo uu yahay dhul Soomaalilaand ay ku heshay xariiqimihii gumeystihii reer Yurub ku qeybiyeen qaaradda afrika, gaar ahaan dhulka Soomaalidu ka degto geeska afrikada bari.

Taariikh Kooban

Markii gumeystihii reer Yurub ay qeybsadeen dalalkii afrikaanka ahaa, Soomaalida dhulkii ay degganeyd waxaa loo qeybiyey shan qeybood. Saddex ka mid ah shantaas qeybood waxaa haystay Ingiriiska, waxa uuna laba ka mid ah ku daray dalalka Itoobiya iyo Kiinya. Qeybtii saddexaad waxa ay ahayd Soomaalilaand oo Ingiriisku uu madax banaani siiyey 26-kii bishii lixaad ee sanadkii 1960-kii.

Soomaalilaand waxa ay ahayd markii ay madax banaanida qaadatay laba gobol oo kala ahaa; Waqooyi Galbeed oo ay Hargeysa magaalo madax u ahayd iyo Togdheer oo Burco laga xukumay. (Dawladdii kacaanka ayaa saddex gobol ku dartay oo kala ah, Sanaag, Sool iyo Awdal). Bishii toddobaad kowdeedii sanadkii 1960-kii Soomaaliland waxa ay la midowday koofurtii Soomaaliya ee Talyaanigu gumeysanayey oo markaas ka koobnaa lix gobol.

Midowgaas ayaa soo afjaray oo meesha ka saaray xudduuddii gumeystayaashu kala xariiqdeen, waxaana Soomaalidii midowday ay galeen baadigoobka waaxyihii (qeybo) ka maqnaa ee lagu kala daray Itoobiya iyo Kiinya. In kasta oo Soomaalidu ay isku dayday in dhulalkii ka maqnaa ay la soo laabato, haddana kuma aysan guuleysan.

Dalal badan oo Afrika ka mid ah ayaa markii ay madax banaanidooda qaateen, waxa ay isku qabsadeen dhul, waxaana markii dambe dalalkii afrikaanku ku heshiiyeen in xudduudihii gumeystuhu ka tagay sidoodii loo daayo, si meesha looga saaro is qabqabsiga xudduudaha ku saleysan. Waa dhab oo heshiiskaas waa jiraa, waana doodda ugu culus ee Soomaalilaand miiska soo saarto marka ay ka hadleyso gobollada Sool iyo Sanaag Bari, balse waxaa is weydiin mudan inaan is dul taagno qodobadan soo socda:

  1. Markii dalalka Afrika ay ku heshiinayeen in xudduudaha loo daayo sidii gumeysigu uga tagay, dalka Soomaaliya waxaa ka jirtay dawlad mid ah oo baabi’isay xudduuddii gumeystaha.
  2. Markii dalalka Afrika ay ku heshiinayeen in xudduudaha loo daayo sidii gumeysigu uga tagay, waxaa dalka ka jirey dastuur baabi’iyey xudduuddii gumeystaha, muranna kama jirin arrintaas.
  3. Dalalkii afrikaanka gumeysanayey ee xadadka u kala sameeyey, ma aqoonsana dal Soomaalilaand la yiraahdo oo hadda jira, waxa ay na Soomaaliya u yaqaanaan hal dal oo aan kala go’in.
  4. Labadii qeybood ee Soomaalida ee 1960-kii midoobay ee xadkii gumeysiga baabi’iyey, kuma aysan heshiin in xudduuddii isticmaarka la soo celiyo oo Soomaalilaand ay dal madax banaan noqoto.
  5. Dadka deggan dhulkii Ingiriisku gumeysan jirey (Soomaalilaand) iskuma raacsana in dib loo soo nooleeyo xadkaas oo laga laabto midowgii 1960-kii.
  6. Xadka Ingiriiska iyo Talyaaniga ay kala xariiqdeen waxa uu ahaa mid dheer oo kala qeybinayey gobollada Sanaag iyo Bari oo isku beegan iyo Sool iyo Nugaal oo isku began (gobollada Bari iyo Nugaal waxa ay isku ahaayeen hal gobol, halka gobollada Sool, Sanaag iyo Togdheer ay hal gobol isku ahaayeen) Xadkaas waxa uu in yar u jiraa, magaalooyinka Boosaaso, Qardho iyo Garoowe –Maxaa xadka yoocada ka duway xudduuddii kale?

Tusaalayaal Mudnaan Leh

  • Kolkii dalalka Afrika ku heshiiyeen in xudduudihii isticmaarku uga tagay Afrika ay sidoodii ahaadaan, dalka Suudaan waxa uu ahaa hal dal. Waxaa ka dambeeyey in sanadkii 2011-kii ay laba u kala go’een oo Koofurta Suudaan dal gaar ah dunidu u aqoonsatay. Dood wax ka soo qaad leh ma noqoneyso haddii lagu dooddo xudduuddii isticmaarku Afrika uga tagay, waayo, xadka labada Suudaan kala qeybiya ayaa ka dambeeyey oo dunidu aqoonsatay.
  • Kolkii dalalka Afrika ku heshiiyeen in xudduudihii isticmaarku uga tagay afrika ay sidoodii ahaadaan, Dalka Ereteriya waxa uu ka mid ahaa dalka Itoobiya, goor dambe oo sanadkii 1993-dii ayaa Ereteriya loo aqoonsaday dal gaar ah, ka dib markii Itoobiya ay sidaas ku heshiiyeen. Haddii lagu doodo jiritaanka xudduuddii isticmaarka, ma noqoneyso dood macno ku fadhida, waayo, dunida ayaa kala go’ii dambe (Itoobiya iyo Ereteriya) aqoonsatay.

Tusaalayaal Ka Baxsan Qaaradda Afrika

  • Dawladda Jarmalka oo ka mid ahayd dawladihii la gaga guuleystay dagaalkii labaad ee dunida (1939-1945) waxaa la kala dhexmariyey xad, iyada oo loo qeybiyey bari iyo galbeed. Muddo dheer ka dib, sanadkii 1990-kii ayaa labadii Jarmal ee galbeed iyo bari waxa ay ku heshiiyeen in ay midoobaan, wixii markaas ka dambeeyey na waxaa jiray hal dawlad oo Jarmalku leeyahay. Dunidu hadda waxa ay aqoonsan tahay hal dawlad oo Jarmal la yiraahdo, xudduuddii kala qeybineysay na waa ay baaba’day, oo midnimada ayaa meesha ka saartay.
  • Dalka Yeman oo saaran gacanka cadmeed ee badda cas, waxa uu ahaan jiray laba dal, oo Sanca iyo Cadan ay magaalo madaxyo u kala ahaayeen. Waxa ay midoobeen sanadkii 1990-kii. Dunidu maanta Yeman waxa ay u taqaanaa hal dal, xadkii u dhexeeyey labadii Yeman maanta taariikhda uun baa lagu sheegaa, ee ma aha xudduud dunidu aqoonsan tahay.

Marka la soo uruuriyo warka, xadka Soomaalilaand ku doodeyso, dalalkii xariiqay ma aqoonsana, dunida kalena ma aqoonsana. Astaamaha dawladnimo ee kale ayaa ka maangalsan in ay Soomaalilaand ku dadaasho sidii ay u heli lahayd, sida, Baasaboor la aqoonsan yahay, safaarado, in ay kursi ku yeelato golayaasha gobolka iyo kuwa dunida iyo in mashaariicda iyo deeqaha dunida si toos ah loogu keeno ee aan loo soo marin Soomaaliya, balse iyada oo intaas ba u daba fadhida dawaladda federaalka ee Soomaaliya, dow ilama aha in xad aan sharciyad haysan ay ku dooddo.

Maxamed Nuur Shire
Email:[email protected]

Hir-Shabelle: Mas’uuliyiin xilka laga xayuubiyey iyo kuwo la magacaabay

Jowhar (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa waxaa xilalkii looga qaaday Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan.

Wareegtada Wasiirka ayaa waxaa xilkii looga qaaday Duqii Magaalada Beledweyne iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo lagu magacaabay xubno kale.

Wasiirka ayaa xil ka qaadista iyo magacaabida ku sheegay inay timid kadib wadatashiyo uu la  sameeyey Xildhibaanada Federaalka ee ka  soo jeeda Hir-Shabeelle.

Wasiirka ayaa xilkii ka qaaday Duqii Magaalada Beledweyne, waxaana uu Magaacay xilkaasi Cali Cabdulqaadir Faarax.

Waxaa sidoo kale xilkii laga qaaday ku gudoomiye ku-xigeenkii Amniga iyo Siyaasadda gobolka Hiiraan, waxaana xilkaasi loo Magacaabay Xasan Ibraahim Cabdulle.

Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa sidoo kale xilkii ka qaaday gudoomiye ku-xigeenkii Arrimaha bulshadda Magaalada Beledweyne, waxaana uu xilkaasi u magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen.

Si kastaba ha ahaatee, Xil ka qaadista iyo magacaabida mas’uuliyiintaasi ayaa daba socta xil ka qaadis kale oo lagu sameeyay Agaasimihii Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Xasan Cumar Axmed (Xasan Mahdi),waxana xilkaas loo Magacaabay Cabdi Shakuur Abuukar Xasan.

Caasimada Online

Xafiiska Jowhar

[email protected]

R/W Kheyre “Yaan mugdi la galin cida ay dusha ka saaran tahay midnimada”

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Somalia Xasan Cali Khayre oo shir muhiima uga qeybgalay magaalada Oslo ayaa sheegay in Somalia ay u bisishahay Nabadda iyo horumarka.

Ra’isul wasaare Kheyre, waxa uu sheegay in Somalia ay kasoo gudubtay kala bar waayihii xumaa, iminkana ay u xuub siibaneyso inay ka dhabeyso himilooyinkeeda.

Waxa uu Kheyre tilmaamay in dowlada Somalia ay awooda ugu badan galineyso sida Umadda Soomaaliyeed looga kaabi lahaa midnimada iyo wax wada qabsiga, waxa uuna meesha ka saaray in dowladu ay u kala soocan tahay dadka ku nool min Muqdisho ilaa Gobolada dalka.

‘’Waxaanu xooga saarnay sida ay isku aqoonsan lahaayen umadda Soomaaliyeed,wixii burburka ka danbeeyay waxaa cagta la galnay is aqoonsi la’aan waanu ku guuleysanay inaan isku geyno shacabka oo aan tusno wanaaga galgacalnimo’’

‘’ Cid waliba oo Soomaali ah ayey dusha ka saaran tahay badbaadinta Qaranka dowlada oo kaliya dusha lagama saari karo waa in loo istaaga badbaadinta Qaranka’’

Ra’isul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Somalia Xasan Cali Khayre,waxa uu sheegay in Soomaalidu ay ka dhabeyneyso riyadii aheyd ‘’wax wada qabsi iyo is cafis’’ waxa uuna arrinta ceynkaasi ah ku sheegay wadada lagu gaaray isbedelka hadda ka jira Somali.

Kheyre waxa uu ku baaqay in si wada jira loogu istaago dhidiba u taagida Qaranka Somalia, si buu yiri looga gudbo xadadka kala xiray Soomaalida ee ka dhashay burburka ku dhacay dalka.

Geesta kale, Ra’isul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Somalia Xasan Cali Khayre, ayaa ballanqaaday in mudada ay jirto xukuumadiisa ay ka shaqeyn doonaan sida ugu dhow oo ay ku mideyn lahaayen Soomaalida min caasimad ilaa Gobol.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Aqri: Beesha caalamka oo ka jawaabtay qoraalkii ay DF ku dalbatay in laga jaro Somaliland dhaqaalaha

Nairobi (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa ka jawaabtay qoraal ay usoo gudbisay dowladda Soomaaliya oo ay ku dalbaneysay in la joojiyo la-macaamilka gaarka ah ee maamulka Somaliland.

Qoraalkaas ayaa waxa ay dowladda federaalka ku dalbaneysay in dhaqaalaha beesha caalamka ay siiso Somaliland lasoo marsiiyo dowladda Soomaaliya, si la mid ah maamullada kale ee dalka jira.

Si kastaba, qoraalka jawaabta ah ee beesha caalamka ayaa lagu xasuusiyey dowladda Soomaaliya in heshiis ay gashay 2013 ay ku ogolaatay in Somaliland si gaar ah loo siiyo deeqaha.

Beesha caalamka waxa ay sidoo kale sheegtay inaysan suurta-gal ahayn in Somaliland loola macaamilo sida Puntland oo kale. Sidaas darteed ayaa lagu yiri qoraalka, waxaa beesha caalamka ay codsaneysaa in dowladda ogolaato in sida ay hadda wax yihiin ay ku socdaan.

Hoos ka aqriso qoraalka.

 

Wakaaladda wararka AP oo shaacisay arrin fool-xun oo ay Imaaraatka ku kaceen

Dubai (Caasimada Online) – Ciidamada Imaaraadka Carabta waxay xad-gudub galmo kula kaceen maxaabiista xabsiyada dalka Yemen, waxaa sidaas shaaca ka qaaday wakaaladda wararka AP ee dalka Mareykanka.

Maxaabiistan oo la hayo dacwo la’aan ayaa waxaa lagula kacay kufsi, galmo afka looga sameeyey iyo dharka oo laga bixiyey, sida ay sheegtay warbixinta AP.

Mid ka mid ah dhacdooyinka oo ka dhacday xabsiga Beir Ahmed ee Cadan, bishii March, boqolaal maxaabiis ah ayaa waxaa lagu sameeyey xadgudub ayaga, oo dabadooda la baaray.

“Dharka ayey kaa dhigayaan, gacmaha ayay kaa xirayaa, kadibna qasab ayay kuugu galmoonayaan” Waxaa sidaas u sheegay AP mid ka mid ah maxaabiista.

Ilaalada maxaabiista ee Imaaraatka ah ayaa la sheegay inay maxaamiibsta u sheegay inay raadinayaan mobile ay ku qariyeen dabadooda, kadibna sidaas u qaawiyaan, oo ay galmo qasab ah ugu sameeyaan.

Dowladda Mareykanka oo taageerta isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ee dalka Yemen dagaalka ka wada, ayaa sheegtay naysan ka war-hayn xadgudubyadan galmo ee ciidamada Imaaraatka lagu eedeeyey.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected]

 

Weerar lagu gubay gaadiid dagaal oo caawa dhacay iyo khasaare ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in caawa halkaa uu ka dhacay weerar xoogan oo lagu gubay gaadiid dagaal.

Weerarka ayaa la sheegay in lagu qaaday Gaadiid dagaal oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowlada kuwaa oo loo galay wadada xili ay habbeenimadaan ka baxeen Saldhig ay ku lahaayen Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle ee G/Shabeellaha Hoose.

Ciidamadan oo watay ku dhawaad Sagaal gaari nooca dagaalka ayaa waxa uu weerarka ku qabsaday duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan deegaan dhanka Walaweyn ka xiga 7KM.

Mas’uuliyiinta Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ciidamadu ay la kulmeen maleeshiyaad dhexda u gashay, isla markaana laga gubay 3 kamid ah gaadiidka ay wateen.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ciidamadaas ay ka yimaadeen Saldhiga ay ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle ee G/Shabeellaha Hoose,isla markaana Saddex Gaadiid ah la gubay, waxaana sidoo kale jira khasaaro kale oo labada dhinac ah.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac inuu kor u dhaafayo 11 oo labada dhinac ah.

Khasaaraha ugu badan ayaa la xaqiijiyay inuu soo gaaray ciidamada dowlada oo iyagu si kadis ah ula kulmay weerarka.

Ma cadda in ciidamadu ay heleen gurmad iyo inkale waxaana xusid mudan in ciidamadu ay weerarka la kulmeen xili habeen ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]