25 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Kenyatta: Isfahamka DFS iyo Ethiopia waxa ay noo fureysaa albaab naga xiran

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyaatta oo aqalka dalkaasi looga arimiyo kulan kula qaatay qaar kamid ah Golaha Wasiirada dalkiisa ayaa ka hadlay Heshiiska magaalada Muqdisho ku dhexmaray Dowlada Somalia iyo Ethiopia.

Kulanka oo ahaa mid lagu daraaseynaayay howlaha Xukuumada ayaa waxa uu Kenyaartta soo hadalqaaday isbedelada ka jira dalka Somalia.

Madaxweyne Kenyaatta waxa uu sheegay in Heshiiska ay dowlada Somalia la gashay Ethiopia uu muujinaayo in Somalia ay kasii baxeyso dowladaha burburka ku caanbaxay.

Waxa uu tilmaamay in Heshiiska Somalia iyo Ethiopia uu albaabo xiran u furi doono dalka Kenya oo uu sheegay in ciidamo Kenyaan ah ku sugan yihiin.

‘’Kenya wey taageereysaa heshiiska labada dal, waxa ay anaguna noo noqon doontaa mid albaabada noo fura waayo xariir derisnimo ayaa nagala dhexeeya Somalia waa inaan ka faa’iideysanaa si lamid ah Ethiopia’’

Kenyaatta waxa uu sheegay in Somalia ay gali karto Heshiis heer caalami ah, maadaama dhulkeeda uu yahay mid kheyraad leh.

Wasiirada uu la kulmaayay ayuu Uhurro Kenyaatta u sheegay inay xoojiyaan wada shaqeynta Kenya kala dhexeysa Somalia, si buu yiri meesha looga saaro mugdiga.

Waxa uu Kenyaatta sidoo kale Wasiiradiisa ku amray inay ilaaliyaan Qaranimada Kenya, waxa uuna u cadeeyay inay jiraan culeysyo kaga imaanaya dhanka xagjiriinta oo iyagu doonaya inay kala dhantaalan qaranimada Kenya.

Sidoo kale, Amniga Kenya ayuu sheegay inuu soo hagaagayo wallow xagjiriin badan ay maleegayaan amni darro hadana Hay’adaha amaanka waxa uu ku amaanay taxadarkooda.

Dhinaca kale, Kenyaatta ayaa Wasiirada uu la kulmay u muujiyay in Kenya qudheeda ay dhici karto inay heshiis la gasho Somalia, hase yeeshee waxa uuna farta ku goday inay ka fiirsan doonaan nooca Heshiiska ay la galayaan Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Natiijada rasmiga ah ee doorashada madaxweyne ee Turkiga oo soo baxday

Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashada madaxweynaha Turkiga, isaga oo ilaa iyo hadda haysta 53% codadka la tiriyey.

Erdogan ayaa haysta 53% codadka ilaa hadda la dhiibtay, halka ninka ugu dhow ee Muharrem Ince uu haysto 30.2%, waxaana la tiriyey 90% codadka, sida warbaahintan dowladda ay ku warrantay.

Codadka haray, ayaanay ku filneyn xitaa haddii uusan helin Erdogan, inay ka hor-istaagto guusha, sidaa darteedna waxaa la shaaciyey inuu hantay guusha.

Erdogan ayaa u baahnaa inuu ku guuleysto wax ka badan 50% codadka, waxa ayna taasi meesha ka saartay in wareeg labaad oo doorasho ah la galo sideedda bisha July.

Ka sokow doorashada, waxaa dadka codkooda ay ka dhiibteen doorashada baarlamanka, waxaana hoggaaminaya xisbiga madaxweyne Erdogan ee AKP, oo haysta 43% codadka illaa iyo hadda la dhiibtay.

Doorashada ayaa waxaa codkooda ka dhiibtayb 87% dadkii sharciga u lahaa inay codeeyaan.

Doorashada oo la qorsheeyey inay dhacdo bisha November ee sanadda 2019, ayaa waxaa soo hormariyey madaxweyne Erdogan.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
[email protected]

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo go’aan culus ka qaatay askarta QAADKA cuna

Muqdisho (Caasimadda Online) – Jen. C/weli Jaamac Gorod oo ah Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa soo saaray go’aan culus oo ka dhan ah Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Taliyaha ayaa si cad ugu sheegay ciidamada in laga mamnuucay isticmaalka waxyaabaha maanka dooriyo taasoo ay isticmaalaan inta ugu badan ciidamada dowladda.

Taliyaha ayaa ciidamada dowladda si gaar ah uga mamnuucay qaadka xilliyada lagu guda jiro waabijaadka qaranka.

“Dhamaan Ciidamada waa ka mamnuuc Qaadka, wixii Qaadka cuna ee Villa Somalia ku jira albaabka ayay ka baxayaan, Tuutaha iyo Qoriga ayaa laga reebayaa”ayuu yiri Taliye Gorod.

Taliyaha ayaa wax aan la aqbali doonin ku tilmaamay inay Askara isticmaalaan qaadka waqtiyada ay shaqada ku jiraan, isagoo arrintaas ku sheegay inay tahay Mas’uuliyad darro iyo mid ka baxsan nidaamka ciidamada dowladda.

Hadalka uu taliyaha kaga mamnuucay ciidamada inay isticmaalaan qaadka ayuu ka jeediyay tababar loo furay illaa 100 askari oo ka mid noqonaya Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada ee loo yaqaano Koofiyo gaduudda.

Inta ugu badan ciidamada dowladda ayaa isticmaalo qaadka, waana aaladda kaliya ay aaminsan yihiin inay ciidan ku ahaan karaan, waxaana la arkaa iyagoo jidadka iyo meelaha koontaroolada ah ku cunayo qaadka taasoo ah mid aan waafaqsaneyn shuruucda ciidamada iyo Anshaxa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

R/W Kheyre oo hanjabaad culus hawada u mariyey siyaasiyiinta mucaaradka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra`iisul Wasaaraha xukumadda fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta ka qeyb galay munaasabad loogu dabaal dagayay la soo wareegitaanka Hawada Soomaaliya oo muddo badan laga maamulayay dalka dibadiisa ayaa sheegay in ay ka midtahay horomarada socda ee dowlada ay ku talaabsaneyso, la soo wareegitaan Hawada.

R/W Kheyre oo khudbad ka jeediyay munaasabada ayaa ka hadlay arimo badan wuxuuna RW Kheyre carabka uu ku dhuftay in dowlada Soomaaliya ay ka go`antay in ay dib ay usoo ciliso waxyaabaha ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed ee ka maqan.

Xasan Cali Kheyre ayaa amaanay Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista hawada ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Oomaar, kaas oo uu sheegay in uu ka qeyb qaatay dadaaladaan la gaaray.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in waqtiagan dalka Soomaaliya uu dhinac walba ka gaaray horumar,isla markaana taasi ay sabab u tahay shaqa adag oo ay sameeyeen madaxda dalka.

Waxa uu sheegay in dalkeena guulaha uu gaarey ay ka mid yihiin dhinacyada dhaqaalaha,Amniga,Siyaasada loo dhan yahay,dhinaca xiriirka Caalamiga ah iyo la-dagaalanka musuq maasuqa,isla markaana cid allaala cidii isku-dayda in dalka dib ay u celiso aan loo dul qaadan doonin.

Ra’isulwasaare Kheyre ayaa yiri “Guul walba oo dalkeena uu gaaro waxay ku timaadaa dadaal badan oo la sameeyey,laakin waxaa jira kuwa ay dhibeyso mar walba in kobac dhaqaale iyo in horumar la gaaro laakin waxan leeyahay wuu dhamaaday waqtigii la’idiin dulqaadan jiray”

“Inkasta oo ay tahay in loo dabbaal dego horumar walba oo aan gaarno waxa aan aaminsanahay in aysan dhameyn wax loo dabaal dego hase yeeshee in magaalada Muqdisho laga maamulo hawada Soomaaliyeed ay tahay tilaabo bilaaw ah oo ku aadan dariiqa saxda ah oo aan u socono”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre.

“Hadafkiinnu haka weynaado guusha aad gaarteen oo ha ahaado Soomaali Airlines aduunyada la tartami karta sidee loo helaa? Sharafta iyo karaamada ummada Soomaaliyeed sidee loo adkeyn karaa? inta yar ee aad qabateen ha idiin noqoto tusaala ah inta leydinka rabo in aad qabataan iyo inta aad qaban kartaan hase yeeshee marnba haku qancina sabata oo ah hadii aad ku qanacdaan waad is dhiganeysaan”, ayuu raaciyay Ra’iisul Wasaare Khayre.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa December 28, 2017 daah-furay maamulka hawada oo dib ugu soo laabtay gacanta Soomaaliya, March 28, 2018 shaqaalihii maamulka hawda Soomaaliya ee saldhiggoodu ahaa Nairobi ayaa Muqdisho la keenay si ay ugu shaqeeyaan, iyada oo 18-kii Bishaan June si dhameestiran maamulku ugu soo wareegay Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

FIQI oo weerar ku qaaday DF iyo maamulada (Ethiopia ayaa laga jecel yahay S/L)

Muqdishxo (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada mucaaradka ku ah dowladda dhexe isla markaasna aan ku qanacsaneyn siyaasadda dalka lagu maamulayo ayaa weerar culus ku qaaday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada.

Axmed Macalin Fiqi ayaa ugu horeyn sheegay inuusan la yaabaneyn go’aanka ay qaateen madaxda Maamul Goboleedyada isagoo ku tilmaamay inay yihiin xoolo doono.

Balse wuxuu sheegay inuu la yaaban yahay dowladda dhexe taasoo uu ku sheegay inay ku shaqeeneyso caqli fooraro oo aan Saliim aheyn.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay inay dowladda Soomaaliya heshiis la gasho dalka Itoobiya isla markaasna ay is hor istaag ku sameyso deeqo ay dowlado shisheeye siiyaan Maamulka Somaliland taasoo uu ku sheegay inay tahay tallaabo sii fogeeneyso inay midoobaan Somalia iyo Somailand.

Hadda halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Axmed Macalin Fiqi soo dhigay bartiisa Facebook:

Somaliland waa tan Dawladii dhexe iyo dawlad goboleedyadii ay halka mawqif ka wada istaageen in qorshe gaar ah beesha caalamku u samayso sidii Somaliland qeybteeda uga heli lahayd deeqaha beesha caalamku bixiso.

Dawlad goboleedyada lama yaabani, oo laftoodu waa wax doon, laakin dawladda dhexe oo maalmo ka hor dekedahii Soomaaliya ugu deeqaysay dal kale, sababta ku qabsaysa in deeqo Dalal kale ka imaanaya in loo diido walaalaha Somaliland. Mise walaalnimadii Soomaaliyeed tan Itoobiya ayaa noo bedeshay!

Arrintani waxay sii fogaynaysaa Somaliland, mana mudna in deeqo Dalal kale ay bixinayaan laga hor istaago dadkaas Soomaaliyeed, waxayna muujinaysaa mas’uuliyad darrada madaxda Villa Somalia iyo qeyb ka qaadashada sii kala fogaanshaha umadda.

Itoobiya walalaayso oo Somaliland colaadi waa caqli foorara oo ka fog garashada saliimka ah, waa in go’aankaas wax laga bedelaa, oo caqli kaas ka duwan lala yimaadaa.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

[email protected]

Wargeysyada galbeedka oo xoogga saarayo in Erdogan aan la dooran + Sababta

Ankara (Caasimadda Online) – Saxaafadda Reer Galbeedka ayaa weerar culus ku qaaday madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ee ku jira ololaha uu doonayo in dib loogu doorto, waxaana wargeysyada caanka ah ee dalalkaasi ay dadka Turkiga ugu baaqeen inay ridaan Erdogan.

Faragelinta qaawan ee gaartay saxaafadda lagu tilmaamo inay xor tahay ee dalalka Ingiriiska, Jarmalka, Faransiiska iyo kuwo kale waxay caddeyn u tahay in reer Galbeedku aysan ogoleyn hoggaamiye islaami ah oo horumar gaarsiiyey dalkiisa, isla markaana la tartamaya dalalka reer Galbeedka xitaa haddii uu doorasho ku soo baxayo.

Jariirada TIMES ayaa qoraal ay doorashada Turkiga ka qortay ugu baaqday dadka Turkiga inay heystaan fursad ay xukunka uga ridi karaan hoggaamiyaha kelitaliska ah ee ay ugu yeertay SULDAAN si dalkaasi loogu soo celiyo dimoqraadiyad.

Wargeyska caanka ah ee Economist oo isna ingiriiska laga leayahay wuxuuna gaaray heer uu dadka codeynaya ee Turkiga u sheego inay Erdogan tusaan albaabkii uu ka bixi lahaa, si aysan awoodda ugu ururin hal shaqsi, dalkaasina looga badbaadiyo kelitalis.

Wargeyska Guardian wuxuu qoray maqaal cinwaan looga dhigay: Erdogan wuxuu halis ku yahay Turkiga iyo Caalamka; waxaana qoraha maqaalkan uu ku doodayaa in hadda la gaaray xilligii Erdogan gurigiisa loo diri lahaa.

Wargeyska Le point ee Faransiiska ayaa hore madaxweyne Erdogan ugu tilmaamay inuu yahay keligii taliye isku koobay awoodda daka Turkiga, una socdo inuu wada qabsado awoodda dalkaasi.

Wargeyska caanka ah ee Jarmalka Der speigel ayaa isna raacay jidkaaasi isagoo Madaxweyanha Turkiga ku tilmaamaya keligii taliye dhibaato ku haya shacabka dalkiisa oo dadka Turkiga laga doonayo inay codkooda ku ridaan.

Arrimahan oo dhan waxay caddeynayaan in reer Galbeedku caddow ku yahay cid kasta oo aan iyaga kaba-qaad u ahayn inay kasoo baxdo dalalka Islaamka, haba ku timaado si dimoqraadi ah.

Caasimada Online

Xafiiska aNKARA

[email protected]

Wararkii ugu dambeeyey dorashada Turkey: Erdogan oo wajahaya tartan adag iyo fursadaha uu heysto

Ankara (Caasimadda Online) – Cod bixiyayaasha dalka Turkiga ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta ee lagu dooranayo madaxwaynaha iyo gudoonka baarlamaanka oo waqtigeedii laga soo hormariyay, waxaana loo arkaa in ay tahay doorashadii ugu adkeed ee soo marta dalkaasi Turkiga.

Haddii uusan ku guulaysan codad ku filan waxa uu wareeg labaad la gaali doonaa Muharrem Ince, oo ah musharaxa midigta dhexe.

Dowladda xisbiga talada haya ee AK ayaa sidoo kale lumen karta aqlabiyadii ay baarlamaanka ku lahaayeen.

Waa doorashadii ugu horeysay ee Turkiga ka dhacda tan iyo intii uu dalkaasi ka dhacay afgombigii dhicisoobay.

Marnaba taariikhdiisa casriga ah waddanka Turkigu sidaan oo kale doorasho uguma kala qaybsamin. Recep Dayip Erdogan-na weligii dagaal doorasho oo sidan u adag lama aanu kulmin.

Hoggaamiyihii taariikhda waddanka Turkiga ugu awoodda badnaa wixii ka dambeeyay aabbihii aasaasay Turkiga ee Ataturk, waxaa uu noqon lahaa mid weli ka awood badan haddii uu doorashada ku guulaysto, isagoo baabi’inaya jagada Ra’iisal Wasaaraha, awoodda baarlamaankana ka dhigaya mid daciif ah.

Laakiin haddii uu gaari waayo 50% codadka doorashada madaxweynaha, waxaa uu wajahayaa wareeg 2aad in la galo oo ay isku noqdaan isaga iyo Muxarram Inje, oo ah musharrax xoog leh ee siyaasadda bidix-dhexe, oo isagu ololaha doorasha mid kulul ka dhigay.

Codbixinta baarlamaanka, mucaarad mideysan ayaa rajeynaya inay Mr Erdogan kala wareegaan aqlabiyadda baarlamaanka.

Madaxweyne Erdogan waxaa uu haatan isu-haystaa nin ay taageerayaashiisu aad u jecel yihiin, mucaaradkiisuna ay aad u neceb yihiin. Cidina ma sheegi karto dhinaca ay doorashadani u dhici doonto.

xigasho: BBC Somali

Caasimada Online

Xafiiska Ankara

[email protected]

Dhageyso: Xuseen Ceydiid oo bannaanka soo dhigay arrin Itoobiya u qoran ayna ka dooneyso Soomaaliya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo ay weli taagan tahay doodad ku aadan heshiiskii ay kala saxiixdeen dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa waxaa arrintaas ka hadlay Siyaasi Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid oo mar soo noqday Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha xilligii dowladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf.

Xuseen Caydiid ayaa tilmaamay inay tahay wax aan ku cusbeyn Soomaalida inay Itoobiya dooneyso sidii ay ula wareegi laheyd Dekadaha Soomaaliya isla markaasna ay arrintaas isku dayday dhawr jeer sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Xuseen Caydiid ayaa tilmaamay in hadalkii uu waqti hore sheegay ee ahaa inay Soomaaliya iyo Itoobiya hal dal noqonayaan uu ahaa farriin uu u dirayey Shacabka Soomaaliya isla markaasna uu tusinayey in la qasbaday lana doonayo in dalka iyo Dekadaha lala wareegayo.

“Hadalka aan iri ee Itoobiya iyo anaga haldal ayaan noqonaynaa Waxaan soomali ku Tusinayay in nala Qabsaday islamarkiina Waan is casilay,  Waxaana kad agay Casmara, balse Soomaalidii Shalay joogtay Markaan la hadlay way garowsadeen wayna difaacdeen dalkooda, kuwaanse Maanta iyagaa laga rabaa in dalkooda difaacdaan”.

Mar uu ka hadlayey qorshaha dowladda Itoobiya ku dooneyso inay kula wareegto Dekado kamid ah Soomaaliya ayuu Xuseen Caydiid sheegay inay Itoobiya ka go’an tahay isla markaasna ay u qoran tahay sidii ay ula wareegi laheyd Dekadaha Soomaaliya maadaama aysan laheyn wax dekad ah.

“ Itoobiya way u qoran tahay sidii ay ula wareegi laheyd Dekadaha Soomaaliya” ayuu yiri.

Xuseen Caydiid ayaa dhawr sano ka hor sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya la isku dari doono hadalkaas oo xilligaas guux badan ka dhex dhaliyey Shacabka Soomaaliyeed balse Siyaasigaan ayaa tilmaamay inuu hadalkaas ahaa farriin uu shacabka ugu baaqayey inay is difaacaan oo ay ka hor tagaan Itoobiya.

Hadalka Xuseen Caydiid ayaa imaanayo xilli uu dhawaan Magaalada Muqdisho imaaday Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed kaasoo heshiis ka koobnaa 16 qodob la galay Madaxweyne Farmaajo , waxaana heshiiskaas qeyb ka ahaa inay Itoobiya maalgashi ku sameysato ilaa 4 Dekadood oo ku yaal Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Xuseen Caydiid

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maamul goboleedyada oo go’aan ka gaaray qorshe deeqaha looga jarayo S/L

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxda Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa ka hor yimid hab-macaamilka gaarka ah ee deeqaha lagu siiyo maamulka Somaliland, iyagoo si buuxda ula saftay dowladda Federaalka Somalia oo dhowaan diiday in la cusbooneysiiyo habkii “Special arrangments” ee deeqadaha lagu siin jiray Somaliland.

Qoraal ay soo saareen Golaha Iskaashiga maamul Goboleedyada oo ay ku saxiixan yihiin shanta madaxweyne ee maamullada Puntland, Hirshabelle, Jubbaland, K/Galbeed iyo Galmudug ayaa loo diray beesha caalamka iyadoo lagu caddeeyay in nidaamka gaarka ah ee Somaliland loogu qoondeeyo deeqaha Soomaaliya ka dhaxeeya uu yahay mid halis ku ah qaranimada Somalia, isla markaana looga eexanayo maamullada kale ee dalka ka jira.

Qoraalka ayaa lagu cambaareeyay deeq bixiyayaasha qaarkood oo u ololeynayo inuu sii jiro nidaamka gaarka ahaa ee Somaliland u sed burinaya, waxaana looga digay in ka fiirsan doonaan ka sii mid ahaanshaha nidaamka deeq bixiyeyaasha.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso go’aanka maamul Goboleedyada kasoo baxay

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

‘Puntland oo xoog ku soo furatay maxaabiis u xirney Somaliland kadib dagaal’

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa faah-faahin ka bixiyey dagaal xalay saqdhii dhexe billowday oo u dhaxeeyey ciidamada maamulada Puntland iyo Somaliland.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay  magalada Laascaanood, halkaasi oo ay ciidamada Puntland weerareen, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Sool ee Puntland Abuubakar Cabdi Geelle.

Guddoomiyaha waxa uu sidoo kale sheegay in Ciidamada Puntland ay qabsadeen laba Saldhig oo fariisin u aheyd Ciidamada Somaliland, isla markaana ay xoog kusoo furteen maxaabiis u xirneyd Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Maamulka Somaliland dhankooda wax jawaab ah weli kama bixin hadalka ka soo yeeray Maamulka Puntland ee ku aadan in Puntland ay xoog kusii deysay dad u xirnaa Somaliland. Sidoo kale si madax banaan looma xaqiijin karo sheegashada Puntland.

Arrintan ayaa imaneysan ayada oo Somaliland ay maanta ka jawaabtay hadal shalay kasoo yeeray Cabdi Weli Gaas oo uu ku hanjabayn in Laascaanood aysan sii haysan doonin Somaliland.

Labada maamul ayaa waxaa dhowaanahan ka dhex-oogan nxiisad dagaal, ayaga oo dhowr mar ku dagaalamay tuulada Tukaraq, ee gobolka Sool, oo labada dhinacba ay ku baratamayaan gacan ku haynteed.

Hoos ka dhageyso codka guddoomiyaha gobolka Sool ee Puntland.

Caasimada Onlione
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Shan qodob oo ay tahay in aad ka ogaato doorashada maanta ka socota Turkey

Istanbul (Caasimada Online) – Cod-bixiyeyaasha dalka Turkiga ayaa saaka oo axad ah u dareeray goobaha cod-bixinta si ay u doortaan golaha shacabka iyo madaxweynaha jamhuuriyadda Turkiga.

Dadka codkooda dhiibanaya waxaa lagu qiyaasay 56,322, 632, halka sanaadiiqda codka lagu shubayo ay gaarayaan 180,64 sanduuq.

5 Arrin Oo Ay Tahay Inaad Ka Ogaato Doorashada Turkiga:

1. Nidaam Madaxweyne: Dalka waxaa uu nidaamkiisa maamul u wareegayaa gebi ahaanba mid awoodda ay gacanta ugu jiro madaxweynaha kadib markii sidaas lagu ogolaaday afti-dadweyne oo dhacday April 2017.

2. Xulufeysi: In kasta oo doorashada lagu galayo nidaamka xulufeysiga waxaa ka qeyb galaya 10 xisbi, 2bada xulufo ee ugu muhiimsan waa (1) Shacabka oo ay ku jiraan xisbiga xuriyadda iyo horumarinta, dhaq-dhaqaada Qowmiga ah iyo midnimada weyn (2) Isbaheysiga umadda waa ku jira: Shacabka Jamhuuriga, xisbiga iyi, Sacaada iyo Dimoqoraadiga. Waxaa kale oo jira 3 xisbi oo kale sida: dalka, Huda iyo Shucuubta Dimoqoraadiga ah.

3. Baarlamaanka: Axsaabta yar yar waxaa ay kuraas ku yeelan-doonaan baarlamaanka haddii uu ku guuleysto isbaheysiga ay ku jiraan wax ka badan 10% codadka guud ee doorashada.

4. Tartanka Madaxtinnimada: Madaxtinnimada dalkaasi Turkiga waxaa ku tartamaya 6 murashax oo kala ah: Recep Tayyip Erdoğan oo ah murshaxa isbaheysiga shacabka, Muxaram Ince oo ah xisbiga shacabka jamhuuriga ah, Meral Aksener oo ah xisbiga iyi,Selahattin Dimitas oo ka socda xisbiga shucuubka Dimoqoraadiga ah, Tamel Karamollaglu oo ah xisbiga Farxadda iyo Dogu Princek isna matalaya xisbiga dalka.

5. Nidaamka labada Wareeg: Qofka doorashada ku soo baxaya waa inuu helaa 50%+1 oo ah codadka guud ee la dhiibto, haddii taasi dhici-weyso waxaa la aadayaa wareegga 2aad.

Somaliland: “Gaas wuxuu ceeb aanay geyin dusha u saaray dadka reer Sool ee Sheekh iyo shariifba leh”

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa si kulul uga jawaabay haddal kasoo yeeray maamulka Puntland kaa oo ku saleysnaa dagaalka ka socda gobolka Sool.

Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in C/weli Gaas uu ololinaayo colaada Sool, waxa ayna ku tilmaameen mid colaad u joog ah.

Xukuumada Somaliland waxa ay tilmaantay in C/weli Gaas uu u gafay jiritaanka dadka Gobolka Sool, isagoo meel uga dhac ku sameeyay culimada iyo dadka kale.

AKHRISO WARBIXINTA AY SOMALILAND KASOO SAARTAY HADALKA GAAS

Maamul goboleedka Soomaaliya ee Garoowe ee uu ka taliyo Cabdiweli Cali Gaas, ayaa ka hor xaqiijiyey Baarlamaanka gobolkiisa inay ka go’an tahay inuu si sharciga ka baxsan oo xad-gudub ah duullaan ugu qaado gobollo ka mid ah dhulka Somaliland ee ku suntan xuduudaha caalamiga ah ee uu ka tagey isticmaarku, isla markaana hore u ayideen ururka midnimada afrika shirkoodii ka dhacay Qaahira 1964kii, isagoo ku andacoonaya xuduud ku dhisan reernimo, taasi oo haddii si heer caalamiya iyo mid goboleedba wax laga qaban waayo daandaansiga iyo gardarada Cabdiweli ay horseedi doonto in xuduudaha dalalka Afrika aanay ahaan doonin sida ay maanta yihiin, gaar ahaanna kuwa mandaqada Geeska Afrika.

Cabdiweli Gaas wuxuu fadeexadeeyey oo ceeb aanay geyin dusha u saaray dadka reer Sool ee Sheekh iyo shariifba leh, isagoo ku tilmaamay inay yihiin dad mushahar ku beddesha masiirkooda, iyadoo marka dib loo dhugto taariikhda ay dadka reer Sool yihiin kuwo door shariif ah kaga jira sooyaalka taariikheed ee xornimo u dirirkii Soomaalida, gaar ahaan Somaliland iyagoo taas mid la mid ah ka qaatay halgankii dib u dhiska qaranimo iyo difaaca JSL.

Sidaas awgeed, waxaanu leenahay dadka xurmada iyo sharafta leh ee reer Sool xaal ka sii deelqaafkaaga joogtada ah, sidoo kale sidaad ku sheegtay maaha dad ciil qabayaal ah ee waa dad gob ah oo aan weligood yeelin wax cid kale ku sandullayso.

Waxa kale oo aanu u sheegaynaa Cabdiweli Gaas in Laascaanood aanay noqonaynin waqooyiga Gaalkacayo, Buuhoodlena noqonayn Qardho, sidaas darteed waxaa u habboon inuu dadkiisa ka daayo beenta iyo beerlaxowsiga uu kursigiisa ku xejisanayo ama uu ku sallaxanayo muddo korodhsi ku salaysan marmarsiiyo colaadeed oo ah dagaalka uu kaga dhawaaqay maanta baarlamaanka Garoowe hortiisa.

Riyada beenta ah ee maamul-goboleedka Garoowe, waxaanu kor iyo hoosba ugu bayaaminaynaa, uguna celcelinaynaa in gobollada uu sida gardarada ah ugu taamayaa ay ka mid yihiin, kana mid ahaan doonaan waligood dhulka JSL, Cabdiweli iyo cid kale oo wax ka beddeli karta xuduudahayagana aanay jirin, annagoo ciidan iyo shacbiba heegan u ah inaanu dacar leefsiino cid kasta oo nagu soo xadgudubta.

Ugu dambayn, waxaanu xasuusinaynaa maamulka Garoowe in Somaliland ay marwalba diyaar u tahay in wada-hadal nabadeed lagu dhammeeyo arrinta u dhexaysa Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo la raacayo qoddobadii hore labada dhinac ugu heshiiyeen ee ka soo baxay shirkii London ee Feberwari 2012kii, qoddobadaasi oo ka fuli waayey dhinaca Soomaaliya, sida “in wadahadallada labada dhinac xuduudahoodu noqdaan sidii labadii dal ee ay kala xukumi jireen Ingiriiska iyo Talyaanigu.” Wixii ka horreeyey 26kii June 1960kii.”

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

[email protected]

Hailemariam: Ethiopia waxa ay eersaneysaa dadkeeda waa in indhaha la furaa

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’isul wasaarihii hore ee Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa sheegay in Seddexdii sano ee ugu danbeysay ay Ethiopia lasoo baxeysay muuqaalo argagixiso.

Hailemariam Desalegn, waxa uu sheegay inaanu suuragal aheyn in Ethiopia ay marti galiso Qaraxyo aan dhaqan u aheyn dadka waxa uuna si caro leh u sheegay in dadka shacabka ah laga doonayo inay kala furan dhahooda.

“Maaha in dhaqanka Ethiopia ee nabadda ahaa loo bedelo mid argagixiso, dhibaatadu waa dhexdeena yaanan lagu marmarsiyoonin dad banaanka nooga imaaday”

“Ethiopia looma adeegsanaayo cadow banaanka ka imaaday waa inaanu garanaa xaqiiqda oo aan beegsanaa kuwa lacagta ku qaadanaaya burburka dalkooda”

Hailemariam Desalegn, waxa uu sheegay in Ethiopia iyada leysu adeegsanaayo, taasina ay dhabaha wanaagsan ka weecineyso Ethiopia.

Hailemariam Desalegn, waxa uu carab dhabay in dhibaatooyinka amni daro ay horboodayaan kuwo uu ku sheegay inay ka luntay diirada Nabadda, waxa uuna tilmaamay in dhibaatooyinkaas aan laga soo maleegin banaanka.

Sidoo kale, Jihooyinka qaar ayuu ku dhaliilay inay kasoo horjeedan isbedelada ay ku talaabeyso Ethiopia, hase yeeshee waxa uu ka digay in Ethiopia lala meel dhigo Somalia, Liibya, Syria iyo wadamo kale oo ay ka jirto amni darro.

Haddalka Hailemariam Desalegn ayaa muujinaaya tuhun la xiriira in Qaraxyada dhifka ah ee kadhaca Addis ababa ay geystaan qowmiyadaha Ethiopia ee kasoo horjeeda Nabadda.

Caasimada Online
Xafiiska Addis ababa
[email protected]

Is-afgaradka Somalia iyo Itoobiya kadib maxaa laga fursan doonin oo muhiima?

Ka aqoonyahan ahaan wax dhib ah uma arko in wixii dhacay (somaliya iyo itooboiya dhexdooda) 100 kii sano ee ugu dambeysay laga heshiiyo si hore loogu socdo oo adduunka wax loola qabsado, Laakiin waa in lagu dhiso xiriirka cusb hab isu dheeli tiran oo aan markale cidna u saamaxeyn in ay ku xadgudubto cidda kale.

Waxaa jira waxyaabo badan oo ay dhici karto in laga wada shaqeyn waayo taasoo ka imaaneyso in aan isfahamku caddeyn oo mugdi badan ku jiro, waxyaabo badan oo muhiim ahna aan qoraalka lagu muujin, ayna tahay in marka la kala saxiixanayo heshiisyada ugu dambeeya ee is afgaradkaan la caddeeyo mugdigana laga saaro, loona gudbiyo golayaasha qaran ee sharci dejjinta. Waxaa ka mid noqon karo wax yaabaha qarsan kow iyo tobanka shey ee soo socota iyo kuwa kale:

  1. In sida Itobiya u difaacaneyso midnimadeeda somaliyana u difaacato, ayna Itobiya caddeyso mowqifkeeda ku aadan soomaliya midnimadeeda iyo sifada joogitaankeeda iyo xafiisyada ay hadda ku leedhay meela badan oo somaliya ka mid ah, marka laga reebo ciidamada qaybta ka ah nabad ilaalinta somaaliya ee AMISOM.
  2. Itoobiya in ay boqol milyan ka badan tahay shacab ahaan xaq ma u siineyso in ay hesho sami ka badan ka soomaliya heleyso, marka wax la wada qaybsanayo ama maalgashi dhacayo. Maxaayeelay dhulka Somaaliyaa iska leh ciddi maalgashi sameysato waqti ayaa loo qabanayaa uu ku soo dhamaanayo maalgashigeedu taasi waa arin muhiim ah.
  3. Soomaaliya shuruuc maalgashi shisheeye ma’u diyaarsan tahay oo gorgortan ma gelikartaa ay ku guuleysan karto, jawaab ayey u baahan tahay, haddii jawaabtu maya noqoto heshiiska waa in dib loo dhigo si aan dalkaan khatar loo gelin.
  4. Waxaa iyaduna aad muhiim u ah in adduunka isbeddel xoog leh ee xagga technolojiyada uu ka socdo, sidaas aawgeed hishiisyada muddada dheer aad ayey mustaqbalka khatar u yihiin, waana in la xusaa heshiis kasta waqtigiisa oo lasoo gaabiyey, lana cusbooneysiinkaro.
  5. Haddii Itoobiya bad u baahan tahay Somaliya bad uma heyso Itoobia waxaysa u dhib yareyn kartaa in ay si sahlan wax ula soo degto ama u dhoofsato, taas oo ah maslaxad laba geesood ah.
  6. Waxaa Soomaliya u muhiim ah in ay heshiis kasta oo ay Itobiya la geleyso lagu caddaayo xaqa soomaliya u leedahay biyaha webiyada Jubba iyo shabeelle oo hadda dhib ka jiro ayna waddo (ITOOBIYA) barnaamijyo biyahooda lagu kontroolayo, waa in heshiiska lagu caddeeyo in aan Soomaliaya Biyaha lagu ciriiryin oo siyaasadda laga saaro, is fahamkii dhacay kama muuqan arrintaani.
  7. Arrinka khatarta badan leh ee is fahamka ku jira waa kan lagula gelayo Itoobiya in ay magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya qunsuliyado ka furato, taas oo u muuqata baahi aan jirin laakin dan qaas ah laga leeyahay, una baahan in laga digtoonaado.
  8. Waxaa dowladda Nabad iyo Nolol kula tali lahaa in ay ka fiirsato arrimaha khuseeya amniga dalka iyo amniga wax soosaarka.
  9. Ganacsiga ka dhexeeynaaya labada waddan waa in uu noqdo mid isku miisaaman, haddii kale waxa la weyn doonaa Soomaali wax soo saara, taas oo lagu heli karo kaliya in waxa la’isu dhoofo la’isu miisaamo liisna lagu qoro, lagana fogaado waxa soomaalidu soo saarto in la ragaadiyo oo suuqa laga saaro.
  10. Dowladda waxa la sugayaa in ay maalgashi iyadu raadsato ee aan laga maamulin daaha gadaashiisa, ciddii aan ferderalka soo marinna aan aqoonsi la siin, si qarannimadeenu u nabadgasho.
  11. Dhulka waxa iska leh jiilal aan dhalan, kuwa hadda jooga ka hor, waa in looga tago dhaxal aan muran ku jirin.

GUNNAANAD

Dowladda waxa looga fadhiyaa in ay la timaado siyaasad isu dheeli tiran oo ka tarjumeysa midnimada qaran u madax bannaan danaha dadkiisa dalkiisa iyo diintiisa, oo aan loo yeerin waxa uu u baahan yahay dalkoodu. Dhulkeennu waa qani waana heli karnaa maalgeshadayaal aan qarankeenna duulaan ku aheyn.

W/ Q. Dr. Inj. Axmed Cumar Calasow

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

CC Shakuur oo qoraal ka diyaariyey siyaasiyiinta Soomaalida iyo Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga mucaaradka ah C/raxmaan C/shakuur ayaa qoraal ku muujiyay sida uu uga soo horjeedo dowlada Ethiopia oo heshiis la gashay Somalia, isla markaana saaxiib isaga dhigta Somalia.

C/raxmaan C/shakuur waxa uu sheegay in Ethiopia ay tahay dowlad cadow ah waxa uuna tusaale usoo qaadanayaa cadeymo uu horay usoo arkay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKIISA OO DHAMEYSTIRAN.

Siyaasigga Soomaaliyeed markii uu mucaaradka yahay, Itoobiya waa cadow soo jireen ah oo aan ogolayn in ay Soomaaliya lugaheeda ku istaagto, waa dawlad Kirishtaan ah oo rabta in ay aduunka afhayeen inooga noqoto, laakiin markii uu xukunka helo, Itoobiya waa deris lama huraan ah,waa walaal, waa dal Muslinku badanyahay, waa bog cusub, waa taariikhi. Sababta durbadii soo muuqata waa kursi xajisasho iyo xukun jacayl, laakiin mid kale oo aan ka dhicin ayaa jirta.

Professor Eritrean ah oo Jaamacada London wax ka dhiga oo aan dhowr iyo toban sano hoteed sheeko wadaag ahayn, aadna u daneeya siyaasada Geeska Afrika, ayaa maalin maalmaha ka mid ah wuxuu i waydiiyey, imisa xarun cilmi baaris ayaa Soomaaliya ku taala oo Arrimaha Itoobiya lagu derso? waxaan ku iri fili maayo in ay hal xarun xitaa jirto. Dagaaladii ka horna ayuu I yiri ? Ma maqal meel Arrimaha Itoobiya lagu derso ayaan ugu jawaabay. Inta uu aad u yaabay ayuu yiri oo hadaba sideed Itoobiya u fahamtaan? Waxa dagaal idin dhexmaray, xiriirka nabad iyo colaadba leh muxuu ku salaysanaa?. Waxaan ugu jawaabay, xaallada xiligaa taagan iyo wixii Ilaaheey naga garadsiiyo.

Wuxuu igu yiri Cabdiyow, sidaan caqli gal maaha ee Itoobiya waa dal aad deris tihiin shar iyo kheyrba waa in aad derastaan Itoobiya oo aad si fiican u fahamtaan. Maalintaas ka dib waxaan shakhsi ahaan si aad ah isugu hawlay in aqriyo, lana socdo arrimaha Itoobiya iyo dhacdooyinka siyaasadeed ee dalkaas.

Itoobiya si fiican ayey inoo taqaaan, laakiin inagu ma naqaan. Shucuubta Geeska Afrika waxay dani ugu jirtaa nabad ku wada noolaasho, is ixtiraam iyo is qadarin, taasina ma dhici karto inta go’aanka siyaasiga uu ku dhisanyahay dantiisa gaarka ah, caadhifad iyo aqoon la’aan. Haddaba, waxaan u soo jeedinayaa bahda Akadeemiyada Soomaaliyeed meel kasta oo joogaan in ay arrinkaas gacan ka gaystaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Lacagta Sacuudiga uu ka helo xajka oo loogu maal geliyo dagaallada (Aqri)

Tunis (Caasimada Online) – Golaha midowga Imaamyada dalka Tuunisa ayaa ugu baaqay muftiga weyn ee dalkaas, inuu dadka ku dhiiri-geliyo inaysan sanadkan xajka aadin, sababo la xiriira qiimaha sare iyo xaqiiqda ah in lacagta xajka loo adeegsado dagaallada Sacuudiga uu ka wado dalal badan oo muslim ah.

Warbahainta dalka Tunisia ayaa ku warramay in xogahayaha guud ee golaha Imaamyada Fadhel Ashour uu yiri “Waxaa wanaagsan in lacagta lagu bixiyo in lagu hormariyo xaaladda nololeed ee dadka Tunisia”.

“Sacuudiga waxay lacagta ay ka helaan xajka u isticmaalaan gardarrada ka dhanka ah dalalka Islaamka sida Syria iyo Yemen, taasi oo ka hor-imaneysa shareecada islaamka” ayuu yiri.

Wasiirka arrimaha diinta dalka Tunisia, Ahmed Adhoum ayaa horey u sheegay in sanadkan ay xajka soo codsadeen 236,000 oo qof, hase yeeshee ay bixi doonaan kaliya 10,892 qof.

Sacuudiga ayaa faro-gelin xooggan ku haya dalal badan oo islam ah sida, Falastiin, Soomaaliya, Lubnaan, Yemen, Qatar iyo Suuriya.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected]

Soomaaliya oo billowday dhoofinta malayga markii ugu horreysay 30 sano

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa waxaa ay dib u bilowday dhoofinta Malayga 30 sano burburkii xukuumaddii dhexe J.D ee Soomaaliya.

Ganacsatada gudaha Soomaaliya ayaa bilaabay in ay malayga u dhoofiyaan dalka aan dariska nahay ee Kenya, arrintan ayaa waxaa timid sidoo kale markii ay yaraatay burcad badeeddii xeebaha.

Ganacsatada Kismaayo ayaa warbaahinta u sheegaya in daggaallada sokeeye iyo warshado la’aan ay markii hore ka hor istaageen dhoofinta balse hadda ay heleen warshado cusub, qaboojiyeyaal iyo qalabkii loo baahnaa si ay malayga u dhoofiyaan.

Soomaaliya malayga caan ku ah waxaa ka mid ah Kingfish iyo tuna, taasi oo haddii dib loo bilaabo suuq badan yeelan-doonta.

Kenya waxaa ay bilowday dhowaan inay malayga ka keensato dalka Shiinaha, kadib markii ay wax ku tari waayeen malayga uga yimaada xeebteeda iyo Lake Victoria. Ganacsatada Soomaalida ayaa helay fursad qaali ah oo malayga ku geyn karaan gudaha Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Madaxweyne FARMAAJO oo awoodda ciidamada qaranka Somalia ku faanay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa ay xiligaan ka maarmi karto ciidamo shisheeye oo qeyb ka noqda amniga dalka.

Farmaajo waxa uu sheegay in dowladiisu ay leedahay ciidamo u diyaarsan in ay dalka ka xoreeyaan cid kasta oo cadaw ku ah Qaranimada Somalia.

Waxa uu tilmaamay Farmaajo in ciidamada Somalia ay ka duwan yihiin kuwa kale ee Afrika waxa uuna meesha ka saaray in si buuxda ay usoo kabteen ciidanka.

“Cidii rumeysneyd Somalia ciidamadeedu wey burbureen waxaan hadda u sheegayaa in Somalia ay dhisatay ciidankeeda”

“Waxaanu heysanaa ciidamo aad looga amaanay africa waa inaanu ka faa’iideysanaa si aan u gaarno amni iyo xasilooni”

Farmaajo waxa uu sheegay in ciidamada qalabka sida ay kaalin weyn ka qaateen sugida amniga dalka, iyaga oo weli ay heystaan duruufo adag.

Farmaajo waxa uu ugu baaqay ciidamada meel kasta oo ay dalka ka joogaan in ay u diyaar garoobaan howlgallo qorsheysan oo lagu doonayo in lagula wareego deegaanada ka maqan Gacanta dowladda.

Sidoo kale, waxa uu Madaxweynuhu qiray in dowladaha Afrika qaarkood ay ka ciidan fiican yihiin, balse ay iska jirto duruufooyin ku xeeran dowlada.

Hadalkaan ayaa madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay xilli uu boqolaal askari kula hadlayey Dugsiga tababarka Janeraal golden oo ay ku jiraan Guutada loogu magic daray 14-ka Octoober.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawir: Mas’uul xilkiisa ku waayay qaraxii ka dhacay Ethiopia + Saraakiil la xiray

Addis abab (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa shaqada ka erisay Sarkaal sare oo ka tirsan Taliska Booliska dalkeeda kadib markii lagu eedeeyay Qaraxii lagu weeraray Ra’isul wasaare Abiy Axmed.

Sarkaalka xilka laga qaaday ayaa la sheegay inuu ahaa Taliye ku-xigeenkii ciidanka booliska Ethiopia Girma Kaasa.

Girma Kaasa, oo xiliga Qaraxa loo xushay amniga guud ee goobta uu ka qudbeynaayay Ra’isul wasaare Abiy ayaa lagu eedeeyay inuu dayacay amniga.

Girma Kaasa, ayaa xil ka qaadista kadib saacadihii ugu danbeeyay lagala baxay hooyga uu degan yahay waxaana la xaqiijiyay in Xabsi la dhigay.

Dowladu waxa ay sidoo kale jeelka dhigtay 9 ka mid ah Saraakiisha ciidamada amaanka kuwaa oo loo heysto inay ka hortagi waayen weerarkan qaraxa ka hor intuusan dhicin.

Goobta qaraxa waxa joogay Ra’isul wasaare Abiyi Axmad oo la hadlayay dad ku dhow 4 milyan oo ku nool Addis Ababa iyo agagaarka u dhow.

Waxaa hawada laga saaray dhowr TV oo gudaha ah waxaana dhacay howlgalo sugid amni ah.

Dhinaca kale Ra’isul wasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed ayaa booqdey Isbitaalada la geeyey tobonaan dad ah oo dhaawacyo kala duwan qabo oo 15 ka mid ah ay liitaan.

Caasimada Online

Xafiiska Addis abab

[email protected]

Sawir: Haweeney mas’uul ah oo Turmp aawgii looga eryay maqaaxi ay ku jirtay

Haweenayda ah afhayeenka Aqalka Cad Sarah Sanders ayaa lagu wargaliyay in ay isaga baxdo maqaayad ku taala magaalada Washingtong, sababtuna waxa ay ahayd siyaasadaha qalabsan ee madaxweyne Trump ee ka dhanka ah kala soocista carruurta iyo waalidkooda sharci darada kusoo galay Maraykanka.

Stephanie Wilkinson oo ka mid ah mulkiilayaasha maqaayadda ayaa wargeyska Washington Post u sheegtay in ay aaminsanyihiin in Sarah ay u shaqayso maamul xuquuqda aadanaha ku tuntay, sidaas darteedna ay ku wargaliyeen in ay meesha isaga baxdo.

Mar sii horeysay xoghayaha aarrimaha gudaha ee Maraykanka Kirstien Nielsen ayaa iyadana lagu hooriyay ama lagu qeyliyay mar ay gashay maqaayad ay leeyihiin dad Mexican ah.

Bogga Facebook ee maqaayadda Red Hen ayay dad aad u badan kasoo dhiibteen faalooyin ay ku amaanayaan go’aanka ay gaareen, waxayna xitaa maqaayadda ku abaalmariyeen qiimeynta shanta xiddigood.

Haweenaydan aabaheed oo horey u ahaan jiray barasaabka gobolka Arkansas Mike Huckabee ayaa go’aanka maqaayadda ku tilmaamay mid fool xun.

ISHA BBC