25.4 C
Mogadishu
Thursday, August 21, 2025

Sawirro qurxoon: DFS oo soo bandhigtay ciidamo cusub oo ka tayo badan kuwii hore (Tirada + Qorshaha)

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia lagu soo bandhigay ciidamo cusub oo la sheegay in loo soo xiray tababar muddo u socday.

Ciidamadan oo iminka qalinjabiyay ayaa waxaa lagu soo bandhigay Xerada cusub ee dhawaan uu Turkiga ka furay duleedka magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo dhan waliba ka diyaarsan ayaa tababarka ku qaatay Xeradda Ciidamada Turkiga ee lagu Magacaabo Turksom ee Magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ugu khudbeeyay mas’uuliyiin iyo Saraakiil.

Saraakiisha Turkida ee tababarka soo xiray ayaa dowlada Somalia u sheegay in ciidamadaani ay ku filnaan karaan howlaha muhiimka, isla markaana ay u diyaarsan yihiin difaaca xarumaha muhiimka ah iyo Madaxda Qaranka.

Saraakiisha Turkida waxa ay cadeeyen in ciidamadaasi lasoo bandhigay ay ka tayo badan yihiin ciidamada kale ee ku sugan dalka, sidaa aawgeed la doonaayo in dowlada Somalia ay ka faa’iideysato dhalinyaradeeda.

Munaasabad lagu soo xirayay tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh , Taliyaha Ciidamada xoogga Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod iyo Wasiirka Difaaca.

Ciidamadaan oo da’yar ayaa waxaa muddo tababar siinaayay saraakiil turki ah, tiradda Ciidamada Tababarka loo soo xiray ayaa ah 47.

Ciidamadan ayaa lagu wadaa in lagu biiriyo ciidamada sida gaarka ah u ilaaliya Madaxda ugu sareysa dalka maadaama ay mareen tababaro ka adag kuwii hore.

Mas’uliyiintii goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyay dowladda Turkiga dadaallada ay ku xoojinayso dhismaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Saddex qodob oo soo dedejin kara in uu RW Abiy Ahmed ku guuldarreysto talada Itoobiya

0

Raisul Wasaaraha da’da yare ee Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxa uu talada hayaa muddo afar bilood ah, muddadaas kooban waxa uu ku sameeyey guulo iyo go’aanno siyaasadeed oo aad u xawaare sarreeya oo ay adkeyd in la suureysto inta aan la magacaabin kahor.

Hase ahaatee, waxaa soo food saaray caqabado waa weyn oo u baahan in uu xaliyo si uu u gaaro himilooyinka uu ku taamayo balse haddii xal u heli waayo waxa ay soo dedejin doontaa guuldarradiisa. Caqabadaha ugu waa weyn ee uu wajahayo waxaa ka mid ah qoomiyadda uu isaga ka soo jeedo ee Oromada kuwaas oo collaada ay ka wadaan xadka ay la wadaagaan Soomaalida sabab u noqon karaa fashalkiisa, Tigreeda ayaa iyaguna ah caqabad hortaagan hoggaankiisa oo aan wali ka samrin xukuknkii ay 30-ka sano ku dhawaad hayeen iyo dimuqraadiyeenta Itoobiya oo uu haleeli waayo dhabbaheeda ugu saxan.

QOOMIYADDA OROMADA

Caqabadda kowaad ee uu Raisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed wajahayo ayaa ah sidii uu ku dejin lahaa Qoomiyadda Oromada ah ee uu isagu ka soo jeedo. Tan iyo markii uu talada la wareegay Oromada waxa ay sii xoojisay dagaaladii Qoymiga ahaa ee kala dhexeeyey Qoomiyadaha kale ee la dagan. Waxaa ugu daran oo maalinba maalinta ka dambeeysa sii xumaanaya dagaalada ay kula jiraan Soomaalida ilaa heer uu gaaray in dadka labada dhinac ku noolaa u qaxaan meelaha ay dadkooda ku nool yihiin Oromada oo boqolkiiba in ka badan afartan (40%+) lagu qisaayo in ay ka yihiin dadka Itoobiya haddii ay sii wadaan dagaalada waxa ay hoos u dhigi kartaa kalsoonidii lagu qabay Raisul Wasaaraha taas oo dhabbaha u xaari karta la midkoo-.

Marka hore waxaa si fudud marmarsiinyo uga dhigan kara Tigreega kuwaas oo ku doodi kara in uu xakameyn waayey dagaalada Qoomiga ah ee ka socda dalka, hormuudna ay ka yihiin Qoomiyadda uu isaga ka soo jeedo. Midda labaad waxa ay noqon kartaa in Soomaalida iyo Oromada inta uu dagaalkooda xoogeysto uu ku fido Qoomiyadaha kale sidaasna ay ku lunto kala dambeyntii dalka, tacaddiyo bandanna ay geystaan ciidamada Federal-ka ah oo ay dhici karto in ay la saftaan Oromada. Taas waxaa ka dhalan kara in Jabhadaha ay ku biiraan dagaalkaas oo ay xaaladdu xumaato.

TIKREEDA

Tigreeda oo soo haysay awoodda Itoobiya tan iyo markii uu dhacay xukunkii Derg-ga ee Mingisyu Hailamariam waxa ay ka yihiin dadka Itoobiya boqolkii lix (6.1%). Hase ahaatee, waxaa gacanta u galay mudaddii 30-ka sano ku dhaweyd ee ay xukunka hayeen hubkii, ilihii dhaqaalaha Itoobiya iyo hay’adaha amaanka. Taas waxa ay muujineysaa in wali ay saameyn weyn ku leeyihiin talada dalka. Markii xisbiga EPRDF ee bah wadaagta ah balse Tigreeda ku awoodda badantahay ay u Abiy Ahmed u doorteen xilka Raisul Wasaaraha waxa uu qaaday dhabbihii ay filayeen mid ka duwan, markii hore ujeedka ay u doorteen waxa uu ahaa dejinta kacdoonkii Oromada ay wadayn oo loo maaro waayey isaguna noqdo maqaarsaar balse muddo kooban ayuu xilkii uga qaaday saraakiishii laamaha amaanka, la heshiiyey Eritrea isaga oo ogolaaday magaalo ay Tigreega dagaan oo ay ku muransanaayeen.

Taas iyaga oo ka duulaya, Tigreedu waxa ay ka faa’iideysan doonaan qaladaadka ka dhacaya Abiy Ahmed si ay fursad uga helaan riddidiisa. Waxaa taas dheer, haddii uu xal waara u heli waayo caqabadaha waa weyn ee loo adeegsan karo waxaa ku dhalan kara isbahaysi ay yeeshaan labada Qoomiyadood ee waligood talada soo hayn jiray (Abyssinian Stock) – Axmaarada iyo Tigreega.

Dimuraadiyeenta Itoobiya.

Itoobiya waa wadamada ugu adag in laga dhaqan galiyo dimuqraadiyadda oo ay sabab u tahay nidaamkii maamul ee inta ay jirtay lagu soo hagayey. Nidaamka ay hadda ku dhisan tahay Itoobiya, Federal Qoomiyad ku saleysan waa mid ka horimaanaya in si sahlan looga dhaqan galiyo dimuqradiyadda.

RW Abiy Ahmed haddii uu galo qaladaadka midka ugu yar inta uu ku guda jiro dimuqraadiyeenta Itoobiya waxaa tusbax furtay ku noqon doona caqabaddo badan oo ay ku adag tahay in uu maaro u leh. Marka hore, wax uu loolan adag kala kulmi doonaa is waafajinta jabhadihii hubeysaa ee uu dalka ku soo fasaxay si ay qeyb uga qaataan dowladnnimada dalka, ururaddii siyaasadda ee dibed joogga ahayd, siyaasiyiintii uu xabsiga ka sii daayey iyo waaqiga ka jira Itoobiya.

Dimuqraadiyadda waa mid ku timaadda biseyl, dulqaad una baahan in loo huro waxyaabo badan, waxa ay su’aal ka taagan tahay sidii xisbiga EPRDF oo markii hore ahaa jabhado isu tagay taladana hayey sodon sano ku dhawaad, jabhadihiii la dagaalamayey, ururada dibedda ka yimi iyo siyaasiyiinta uu xabsiga ka sii daayey sidii ugu heshiin lahaayeen dowladd ku timaadda rabitaanka shacabka oo leh muuqaal dimuqraadiyadeed.

Gunaanad, Raisul Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed, caqabadaha uu wajihi doono kuma koobna saddex qodob ee aan kor ku soo sharraxay, dabcan waxaa jiri doonaa kuwo kale oo uga furma mandiqadda Geeska Africa iyo siyaasadeheeda iska soo horjeeda (Geopolitics) sida xiisadda u dhexeysa Jibuuti iyo Eritrea, siyaasadda aan degeneyn ee Soomaaliya. Hase ahaatee, si uu uga dabbaasho dhammaan mushaakilaadkaas waxaa qasab ku ah in sida ugu dhaqsiyaha badan nabad uga dhexdhaliyo Oromada iyo Soomaalida dagaalu u dhexeeyo, qaado tallaabooyin siyaasadeed oo ka fiirsasho iyo dagaaan badan kuwii uu intii uu talada hayey ku dhaqaaqay, haddii ay taasi dhici weyso, dhibaatada ugu sahlan ee uu Itoobiya hoggaamintiisa uu goobjoogga u noqon doono waa in uu taladiisa ku waayo kuwii markii horeba kula qaldamay, waa sida ay iyagu qabaan, Tigreega saameynta ku leh xisbiga EPDRF.

W/Q: Mohamed Muse Aden (Mohamed Kaafi)

Email: [email protected]

 

Jabuuti oo dadkeeda ka soo daad gureysay Magalada Diridhaba

0

Dirir-Dhabe (Caasimadda online) – Muwaadiniinta udhashay dalka Jabuuti oo dhibaato kala kulmay Oromada ayaa maanta dowladoodu waxa ay billowday in ay kasoo saarto Magaalada Diri-dhabe ee Kilinka Shanaad ku taalla.

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay udirtay dadka Jabuutiyaanka ah ee xilligan jooga Diri-dhabe diyaarad gaar ah, oo la doonayo in lagu soo daadgureeyo.

Jabuuti ayaa Maanta magaalada Diridhaba  ka soo daad guraysay ugu yaraan labo boqol oo ruux oo dalxiis u joogay magaalada Diridhaba, halkaas oo ay ka jiraan rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dhawaan ayay aheyd markii 9-ruux oo jabuuti kasoo jeeda ay kooxaha Oramada ku dileen Diri-dhabe.

Rabshadaha Diridhaba ayaa ku salaysan qoymiyado waxaana magaaladaas ku dagaalamay Soomaali iyo Oromo.

Caasimada Online
Xafiiska Dirir-Dhabe
[email protected]

Ciidamada Itoobiya oo gacanta ku dhigey Madaxweynihii hore ee DDS Itoobiya

0

Warar aan ka heleeyno dowlad deegaanka gaar ahaan magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in ay wateen Milatariga Itoobiya Madaxweynihii iscasilay Cabdi Maxamuud Cumar.

Cabdi ayaa laga qabtay magaalada Jigjiga walina lama oga halka rasmiga ah ee ay la aadeen ciidamadii kaxeeystay.

Inta badan Magaalada Jigjiga waxaa gacanta ku haya ciidamada Federaalka Itoobiya, magaaladana maanta xaalad degenaan ah ayaa laga soo sheegayaa, inkasta oo meelaha qaar ay wax ka dhaceen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in loo kaxeeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, halkaasi oo horey looga yeeray islamarkaana uu ka dhago adeegay inuu tago.

Cabdi Maxamuud, ayaa la rumeysan yahay inuu waday qorshe ka dhan ah dowlad federaalka Ethiopia, waxaana uu  kasoo horjeeday qeybta qoondo ahaan Soomaalida kaga soo aadayso dhaqaalaha shidaalka laga helay DDSI.

Shalay ayay ahayd markii madaxweynahii dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu xilka iska casilay,isla markaana madaxweynaha cusub loo magacaabay Axmed Cabdi Sheikh Maxamed.

Daawo: Muuqaalkan ma muujinayaa in siyaasi CC Shakuur qabo cuqdad Qabiil?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) –Siyaasiga sida weyn u dhaliila dowladda Federal-ka ah ee Cabdiraxmaan Cabishakuur Warsame ayaa dhawaan booqasho ku tagay magaalada Soomaalida ku badan tahay ee Mareykanka, Minnesota ee gobolka Minneapolis.

Safarka uu Mareykanka ku tagay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qeyb ka socdaalo uu ku marayey wadamada ay Soomaalida Qurba joogta ah ku nooshay halkaas oo kula hadlo kuna dhaliilo dowladda Federal-ka ah.

Hase ahaatee, markii uu ka dagay Minnesota waxaa soo dhaweyey qaar ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada  kuwaas oo laga duubay muuqaalkan hoose.

Dadkii soo dhaweeyey ee loo dhiibay cod baahiyaha ayaa dhammaan ka sinnaa in ay sheegaan halka ay ka soo jeedaan si looga dhandhansado in aysan isku hayb ahayn Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dad badani aaminsan yihiin in ay xafladaha u soo cabiraan reerkiisa.

Hadaba muxuu muqaalkaas muujinayaa?

Muuqaalkan oo la soo dhigay boggiisa Facebook waxaa soo dhaweyntiisa ka hadlay dhawr qofood oo dhammaantood carabka ku dhuftay in Siyaasiga aysan soo dhaweyn hal reer balse ay Soomaali qeybeheeda kala duwan ka kooban yihiin.

Hase ahaatee, inta hadashay oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa isku koobay in ay ka soo kala jeedaan Puntland, Soomaali Galbeed, Jubbaland iyo deegano kale.

Maxaa kenay in ay sidaas dhacdo, sawir ceynkee ah ayuu bixinayaa?

Waxaa si fudud looga fahmi karaa in Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur walaac ka qabo dadka soo dhaweeya ee agaasimaha xafladaha uu ka khudbadeeyo!  Iyo waliba Cuqdad uu ka qaaday eedamaha loogu jeediyo dhigaalada Facebook-ga eek u dhaliila in dadka soo dhaweeya ee uu la hadlo yihiin reerkiisa!

 

 

Hal Maamul Goboleed oo hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Soomaalida Itoobiya

0

Kismaayo (Caasimadda Online) – Hal maamul Goboleed oo ka tirsan Maamulada ka jiro dalka Soomaaliya ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Dowlad Deegaanka Somaaliya Itoobiya.

Dowld Goboleedka Jubbaland ayaa hambalyo u dirtay Madaxweynaha cusub ee Dowlad Deegaanka Somaaliya Itoobiya Mudane Axmed Cabdi Maxamed oo ay isku jufo yihiin Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan (Madoobe).

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jubaland Mudane Abshir Coloow ayaa bartiisa Facebook ku qoray hambalyo ku aadan madaxweynaha cusub ee deegaanka Soomaalida Itoobiya loo magacaabay kadib markii uu is casilay Cabdi Iley.

“Waxaan soo dhoweynayaa una hambalyaynayaa Madaxweynaha cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Axmed Cabdi Maxamed. Sidoo kale, waxaan ugu mahad naqayaa Madaxweynihii hore, Mudane Cabdi Maxamuud Cumar wanaagii iyo wax-qabadkii weynaa ee uu qabtay mudadii uu xilka hayey.”

Waa dowld goboleedkii ugu horreeyay ee soo dhaweeya magacaabista Madaxweynaha cusub mana jiro ilaa hadda Maamul kale oo hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Magacaabista madaxweynaha cusub ayaa timaaday kadib maalmo Khalalaaso ah oo soo maray qeybo kamid ah deegaanada maamulkaas oo ay ugu horeysay Jigjiga oo dhiig badan lagu daadiyey.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Cabdi Maxamuud Iley oo weli majaraha u haya dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya

0

Jigjiga (Caasimadda Online) – Waxaa xilka madaxweynenimada dowlad deegaanka Itoobiya iska casilay Cabdi Maxamuud Cumar oo xilkaas soo hayay 8deedii sano ee lasoo dhaafay, haddaba halkee ayuu ku dambeeyaa Cabdi?.

Ninka badalay Cabdi oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Maxamed oo BBC-da la hadalnay ayaan weeydiinay su’aashaasi, wuxuuna sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar uu weli majaraha u hayo siyaasadda dowlad deegaanka Itoobiya, waxa kaliya ee uu baneeyayna ay tahay xilkii madaxweynenimada si loo abuuro jawi wadahadal.

Madaxweynaha cusub ayaa yiri “Waa uu fiicanyahay, waxa uu joogaa Jig Jiga, welina waa guddoomiyaha xisbiga, booskaas isaga ayaa jooga, aniguna waxaan ahay madaxweynihii dowlad deegaanka Itoobiya, ahna guddoomiye ku xigeenka xisbiga,anagu xisbi baan ahayn, weli dowladdii iyo nidaamkii waa sidiisii, booskii madaxweynenimada ayuunbaa is badalay”.

Mar aan wax ka weeydiinay waxa laga filan karo Cabdi Maxamuud Cumar iyo meesha uu ku dambeyn doono ayuu madaxweynaha cusub yiri “Madaxweyne hore, ixtiraam badane ay bulshada u hayso, dadkuna wax waa isku qaban karaan, Soomaalida dad anaga wax naga tabanaya waa ay jiraan, waa qof Itoobiyaan ah oo dalkiisa iyo dadkiisa dhex jooga, Addis Ababa ayuu tagi karaa, Jig Jiga ayuu joogi karaa, gobolada ayuu ku noolaan karaa”.

Madaxweynaha cusub oo aysan weli baarlamaanka dowlad deegaanka ansixin, balse uu xilka ku wareejiyay madaxweynihii hore iyo xisbiga talada haya, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay bedalaan dhaqan siyaasadeedkii hore ee ay ku shaqaynayeen, wuxuuna yiri “Waqtigan laga bilaabo aniga iyo dowladeyduba waxaan diyaar u nahay in aan ka shaqayno midnimada, iyo isku duubnida shacabka Soomaalida Itoobiya, fariimihii Ra’isulwasaaraha ee ahaa aan is cafino, aan wada shaqayno ayaan hirgalinay”.

BBC-du waxa ay fahamsantahay in ay socdaan wadahalo dhinacyo kala duwan ah oo lagu xalinayo xasilooni darada siyaasadeed ee ka jira dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, balse lama oga illaa heerka uu qeyb ka yahay madaxweynihii hore oo ay balse weli muuqato saamayntiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
[email protected]

 

Xog: Dalxa oo loo magacaabay Xil uu waligiis heyn jiray iyo nashqad yaab leh oo loo adeegsaday kiiskiisa

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Caasimadda Online Professor Maxamed Cumar Dalxa ayaa Xalay si rasmi ah loogu magacaabay xil uu waligiis heyn jiray balse muddo ka hor laga qaaday.

Dalxa ayaa loo magacaabay u qaabilsanaha Baarlamaanka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta waxaana arrintiisa loo adeegsaday nashqad yaab leh.

Xil ka qaadistii Jawaari:

Intii ay socotay ololihii meesha looga saarayey Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari ayaa xildhibaanadii arrintaa waday waxaa loo ballan qaaday  ballanqaadyo kala duwan oo isugu jiray Xilal iyo lacago.

Prof. Dalxa wuxuu kamid ahaa XIldhibaanadii loo ballan qaaday in la siin doono xil gaar ahaan xilkii uu waligiis jeclaa isla markaasna uu ka sameyn jiray faa’ido badan oo ahaa u qaabilsan Baarlamaanka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta.

Prof. Dalxa ayaa kamid ahaa xildhibaanadii sida weyn uga shaqeeyey in meesha laga saaro guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Prof. Jawaari, wuxuuna dagaalkaas waqtiga badan qaatay u galayey sidii uu u heli lahaa xilkaas.

Yaa horey u hayey Xilkaan ?

Xilka loo magacaabay Prof. Dalxa ayaa horey waxaa u hayey Saqar Ibrahim Abdalla oo deegaan ahaan kasoo jeedo Jubbaland.

Sidee u dhacday nashqadda?

Si Prof. Dalxa loo geeyo xilkaas, dowladda Soomaaliya ayaa adeegsatay nashqadda ah in Saqar xil ka qaadis lagu sameeyo isla markaasna waxaa loo magacaabay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo uu horey u hayey  Xil. Cabdicasiis Saalax Carmaan.

Maxaa laga fahmayaa arrintaan?

Arintaan ay isticmaashay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa laga dareemayaa in magacaabista iyo xil ka qaadista dowladda ay ku dhisan tahay nin jecleysi iyo dan siyaasadeed balse aysan aheyn raadinta danta Guud iyo horumarka dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Cali Xaaji oo ka hadlay dil qorsheysan oo laga soo abaabulay Madaxtooyada Puntland oo sababay khilaaf beeleedyo

0

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Siyaasiga reer Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa walaac ka muujiyey xiisad dagaal oo ka dhex qaraxda laba beelood ee Cumar Maxamuud ku wada abtirsada ee Reer Cabdille iyo reer Mahad.

Collaadan ayaa daba la gali karta dilkii Gaalkacyo loogu geystay 28-kii bishii hore Korneel Cabdirashiid Xasan Xaashi Gabi-Gabi.

Gabi-Gabi ayaa soo noqday taliyihii ciidamada Birmadka ee Gobolka Mudug.

Dilka waxaa geystay kooxo hubeysan oo aan haybtooda la aqoo,hase ahaatee, warbixin lagu soo dhigay qeybo kamid ah warbaahinada Puntland ayaa lagu sheegay in dilka Korneel Gabi-Gabi laga soo abaabulay Madaxtooyada Puntland.

Warbaahinadaas  ayaa ku sheegay in baaris ay sameeyeen ku ogaadeen in dilkaas uu ka dambeeyo Cabdifataax Indha Balac iyo Caano Maraaci oo beelo hoose la kala ah Cabdiwali Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey.

Hadaba, durbadiiba waxaa ka falceliyey arintan Cali Xaaji Warsame oo ah murashax Madaxweyne ee Puntland waxa uuna walaac ka muujiyey in arintaas ay walaac dhalin karto.

Cali Xaaji ayaa aaminsan in haddii ay arrintaas ku caddaato in Madaxtooyada laga soo abaabulay dilka Korneel Gabi-Gabi ay collaad ka dhex abuuri karto beelaha Cumar Maxamuud ku wada abtirsada ee kala ah reer Mahad iyo reer Cabdille oo uu ka soo jeedo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

Madaxweynaha cusub ee DDSI oo sheegay halka uu ku danbeyn doono Cabdi Iley

Jigjiga (Caasimada Online)-Maalinimadii shalay waxaa xilka madaxweynenimada dowlad deegaanka Itoobiya iska casilay Cabdi Maxamuud Cumar oo xilkaas soo hayay 8-dii sano ee lasoo dhaafay, haddaba halkee ayuu ku dambeeyaa Cabdi?.

Madaxweynaha cusub ee badalay Cabdi Iley oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Maxamed oo u waramaayay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar uu weli majaraha u hayo siyaasadda dowlad deegaanka Itoobiya, waxa kaliya ee uu baneeyayna ay tahay xilkii madaxweynenimada si loo abuuro jawi wadahadal.

Isaga oo Madaxweynaha cusub arrintaasi ka hadlaayay ayaa yiri “Waa uu fiicanyahay, waxa uu joogaa Jig Jiga, welina waa guddoomiyaha xisbiga, booskaas isaga ayaa jooga, aniguna waxaan ahay madaxweynihii dowlad deegaanka Itoobiya, ahna guddoomiye ku xigeenka xisbiga,anagu xisbi baan ahayn, weli dowladdii iyo nidaamkii waa sidiisii, booskii madaxweynenimada ayuunbaa is badalay”.

Mar wax laga weeydiiyay Madaxweynaha cusub waxa laga filan karo Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) iyo meesha uu ku dambeyn doono ayuu yiri “Madaxweyne hore, ixtiraam badan ay bulshada u hayso, dadkuna wax waa isku qaban karaan, Soomaalida dad anaga wax naga tabanaya waa ay jiraan, waa qof Itoobiyaan ah oo dalkiisa iyo dadkiisa dhex jooga, Addis Ababa ayuu tagi karaa, Jig Jiga ayuu joogi karaa, gobolada ayuu ku noolaan karaa”.

Madaxweynaha cusub oo aysan weli baarlamaanka dowlad deegaanka ansixin, balse uu xilka ku wareejiyay madaxweynihii hore iyo xisbiga talada haya, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay bedalaan dhaqan siyaasadeedkii hore ee ay ku shaqaynayeen, wuxuuna yiri “Waqtigan laga bilaabo aniga iyo dowladeyduba waxaan diyaar u nahay in aan ka shaqayno midnimada, iyo isku duubnida shacabka Soomaalida Itoobiya, fariimihii Ra’isul wasaaraha ee ahaa aan is cafino, aan wada shaqayno ayaan hirgalinay”.

Dhinaca kale, magaalada Jigjiga waxaa ka socda wadahalo dhinacyo kala duwan ah oo lagu xalinayo xasilooni darada siyaasadeed ee ka jira dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, balse lama oga illaa heerka uu qeyb ka yahay madaxweynihii hore oo ay balse weli muuqato saamayntiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Jigjiga

[email protected]

Rasaas laga maqlaayo magaalada Jigjigo & Shirar xasaasi ah oo ka socda magaalada

Addis Ababa (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in rasaas goos goos ah laga maqlaayo Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Ethiopia.

Rasaasta goos gooska ah ee laga maqlaayo magaalada ayaa u dhaxeysa Ciidamada Milatariga Ethiopia iyo Kooxo careysan oo ah ciidanka Liyuu Boolis  oo taageersan dadka aan Soomaalida aheyn ee la dhacay.

Rasaasta dhaceysa ayaa qaarkood khasaaro u geysanaaya dadka shacabka iyo dhinacyada ay rasaasta u dhexeyso ee Militeriga iyo kuwa Liyuu Booliska.

Xaafaddaha aysan degneyn dadka aan Soomaalida aheyn ee Magaalda Jigjiga ayaa waxaa ka socda Banabaxyo ay kaga soo horjeeddaan Bililiqadii loo geystay Sabtidii.

Labada xaafadood ee ay dadka aan Soomaalida ahayn ku badan yihiin ee shanaad iyo lixaad ayaan wali si buuxda u xasilin.

Inta badan waddooyinka Magaalada Jigjiga iyo qeybaha kale ayaa wali ah kuwo u xiran ciidamada Miliyeriga Ethiopia.

Xarunta Madaxtooyada maamulka ayaa waxaa hadda ka socda shirar ay leeyihiin maamulka iyo cuqaasha magaalada oo ka arrinsanaya sidii loo dajin lahaa xiisadda, waxaana lasoo sheegayaa in shirka socda ay qeyb ka yihiin Saraakiil ka tirsan Militeriga Ethiopia.

Dhinaca kale, waxaan la ogeyn sida uu xaalku noqon doono waxaana aad looga cabsi qabaa in rasaasta ka dhaceysa gudaha magaalada ay isku bedesho dagaal toos ah.

Caasimada Online

Xafiiska Addis Ababa

[email protected]

Xaakimka Dubai oo weerar afka ah ku qaaday Amiirka Sheekh Maxamed Bin Zayed

0

Dubai (Caasimadda Online) – Xaakimka Dubai oo isla markaana ah Madaxweyne Kuxigeenka dalka Imaaraadka ayaa si dadban u dhaliilay siyaasadda arrimaha dibedda maamulka Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka hoggaanka u haya.

Qoraallo isdabajoog ah oo uu Sheekh Maxamed Bin Rashid Al-makhtuum soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu ku caddeeyey sida uu uga xun yahay in uu dalkiisu gacan ku yeesho khilaafyada iyo dagaallada gobolka ka socda, halkii ay ahayd in hoggaanka waddanku uu xoogga saaro arrimaha gudaha ee dalka.

Qoraallada uu bartiisa soo geliyey Sheekh Maxamed ayaa dad badani u fasirteen dhalleecayn dadban oo ku wajahan siyaasadaha Abu Dhabi.

“Noloshu waxa ay i bartay in lug ku yeelashada siyaasadda  caalamka Carabtu tahay wakhti lumis, micno darro iyo hanti lumis…haddii qofku doonayo in uu wax u qabto dadkiisa, waa in uu xoogga saaraa danta dalka…taariikhda ayaa taas ka marag kacaysa. Waana labo mid uun: in qofku sameeyo waxqabad la taaban karo ama in uu la soo taagnaado hadal maran, bogag iyo weedho bilaa qiimo ah,”

“Siyaasiyiinta caalamka Carabtu waa buux, waxase yar dadka aqoonta u leh maamulka iyo maaraynta. Dhibaatadeennu waa maamul la’aan ee ma aha khayraad la’aan…u fiirso dalalka Alle ku mannaystay saliidda, gaaska, biyaha iyo dadka laakiin aan fursadda u helin horumarka, isla markaana aan awood u lahayn inay dadkooda u suurtageliyaan adeegyada asaasiga ah sida waddooyinka iyo korontada.”

“Caalamkeenna Carbeed, siyaasigu waa kan maamula dhaqaalaha, waxbarashada, warbaahinta iyo ciyaaraha, wallow ay shaqada saxda ah ee siyaasigu tahay in uu dhaqaaleyahanka, aqoonyahanka, ganacsadaha iyo qofka xirfadda warbaahineed leh u suurtageliyo nolol tii hore ka fudud oo dhaanta.”

Caasimada Online
Xafiiska Dubai
[email protected]

Xog: DFS oo maamulka Jubbaland u wada mas’uul horay dalka uga soo noqday Ra’isul wasaare

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay wado qorsho ay kursiga uga laaleyso Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo wakhtiga uu kasii dhamaanayo.

Dowlada ayaa la sheegayaa in kursigaasi oo dhawaan loo gali doono doorasho ay u wadato musharax cusub oo horay xil uga soo qabtay dowladii hore.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in musharaxa ay wadato dowlada Somalia uu yahay Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cabdiweli Sheekh Axmed oo xiriir wanaagsan uu kala dhexeeyo Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia.

Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa lasoo warinayaa in lagu cadaadinaayo xukunka maamulka Jubbaland, waxa ayna dowladu wadaa qorsho ay isbedel ugu sameyneyso Hoggaamiyayaasha maamulada oo iyagu caqabad ku ah howlaha dowlada.

Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa la filayaa in ololihiisa uu ka bilowdo magaalada Muqdisho oo dhawaan lagu wado inuu soo gaaro, sida aan xogta ku heleyno.

Sidoo kale, dowlada Federaalka ayaa gadaal ka riixeysa musharaxiin kale oo iyaguna u taagan tartanka xukunka maamulada Puntland iyo Koonfur galbeed oo iyaguna la filaayo in doorashadoodu ay dhacdo dhawaan.

Ma cadda musharaxiinta kale oo dowlada Federaalka ay u wadato maamulada Puntland iyo Koonfur galbeed,inkastoo la xaqiijiyay inay garbineyso mid laba musharax maamulkiiba.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xasan Shiikh oo lagu wado inuu Berri  kasoo dago Muqdisho iyo ujeedkiisa oo la ogaaday

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si weyn uga socdo qabanqaabada soo dhaweynta madaxweynihii hore  ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo la filayo inuu  Berri kasoo dago garoonka Aadan Cadde.

Xasan Shiikh Maxamuud oo muddooyinkii u dambeeyey daganaa Magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiga ayaa Berri imaan doono Magaalada  Muqdisho iyadoo ay soo baxayaan warar kala duwan oo ku aadan ujeedka safarkiisa.

Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan guddiga qabanqaabada soo dhaweynta, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Muqdisho u imaan doono sidii uu wadatashi ula sameyn lahaa qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xasan Shiikh ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato madaxda ugu sareyso dowladda Soomaaliya iyagoo iska wareysan doono xaaladaha siyaasadeed ee uu dalku ku jiro.

Wararka qaar oo aan la hubin ayaa sheegayo inuu Xasan Shiikh Maxamuud si rasmi ah ugu soo guurayo Magaalada Muqdisho oo u noqon doonto saldhig.

Xasan Shiikh ayaa dalka ka tagay markii looga guuleystay doorashadii Soomaaliya ka dhacday 08 February 2017 markaas uu Farmaajo la wareegay xukunka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Akhriso: Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo ka hor yimid xil ka qaadista Xoghayaha Joogtada W. Arrimaha Dibadda

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga Shaqaallaha rayidka ah ayaa kasoo horjeestay xilka ka qaadis dhawaan uu ku sameeyay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad xoghayaha Joogtadada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda.

Muran badan ayaa ka dhashay xilka ka qaadista Cali Maxamed Cali oo ahaa xoghayaha Joogtadada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda, waxaana ugu dambeyntii soo faragalay Guddiga shaqaallaha rayidka ah.

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka dowladda Federaalka ayaa waraaq u qoray 5-tii bishan Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa lagu sheegay habka xil ka qaadistii uu ku sameeyay Xoghayaha Joogtada taariikhda marka ay aheyd 26-kii bishii July uu si cad uga hor imaaneyso wareegtadii ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha bishii May ee sanadkan oo lagu joojiyay xil ka qaadista iyo shaqo joojinta Agaasimayaasha Guud iyo Xoghayeyaasha Joogtada.

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka dowladda ayaa si rasmi ah uga horyimid xil ka qaadistii lagu sameeyey xogyahaya waxayna arrintaas ku tilmaameyn inay tahay mid ka baxsan sharciga iyo qaanuunka dowladda u yaalo.

Wuxuu guddiga sheegay in xoghayaha xilka laga qaaday uu markii hore ku imaaday magacaabis Ra’isulwasaare haddana loo baahan yahay inuu Ra’isulwasaaraha xilka ka qaado.

Guddiga ayaa ku dooday inaysan ansax aheyn xil ka qaadistii lagu sameeyey xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Debadda  maadaama aan loo marin sida ay sheegeyn wadadii saxneyd isla markaasna aysan jirin sababo kale oo keeni karo inuu xilkiisa ku waayo.

Guddiga ayaa ugu dambeyn Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya ka codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan xilkiisa loogu soo celiyo xoghayihii joogatada ahaa ee Wasaaradaas Cali Maxamed Cali.

26-ka Bishii July ayey aheyd markii xilka laga qaaday Cali Maxamed waxyana wasaaradda xilkaas u magacowday Danjire Saciid Xaaji Maxamuud.

Sidoo kale xoghayihii xilka laga qaaday ayaa isna loo magacaabay waqtigaas La Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debadda.

Akhriso: Warqaddii xilka looga qaaday Xoghayaha Joogtada ah 

Waraaqda Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka dowladda

Dagaalka dowlada ee musuqa oo maraya meel xun & Hay’adaha amaanka oo digniin loo diray

Muqdisho (Caasimada Online)-Hanti dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali Afgooye, ayaa shaaca ka qaaday in isla xisaabtan adag ay wajihi doonaan dhamaan dhinacyada lagu tuhmaayo Hantida Qaranka.

Hanti dhowre Afgooye, waxa uu sheegay inay jiraan shaqsiyaad badan oo ku jira liiska musuqa, hase yeeshee ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku horgeyn doonaan Maxkamada.

Waxa uu sheegay in qorshaha horyaal uu yahay in muddo seddex sano ka yar ay ku ciribtiraan musuqa ka jira dalka oo uu sheegay inuu saameeyay dhan waliba.

Hanti dhowraha Guud ee qaranka oo ka hadlaayay  kulan lagu soo bandhigaayay waxqabadka xafiiskiisa ayaa sheegay in la dagaalanka kuwa musuqa wada ay u adeegsan doonaan sharciyo adag oo ciqaab ku filan u noqon doona kuwa ku sifoobay musuqa.

Waxa uu xusay in xafiiskiisa uu hirgaliyay System cusub, kaas oo fudeeyay in lala xisaabtamo hay’ado waaweyn oo ka tirsan dowladda, sida Talisyada Nabadsugida (NISA), Xooga dalka iyo Booliska oo uu sheegay in waxa ka dhex socda uu yahay mid aan loo dulqaadan Karin.

Waxa uu madaxda Hay’adaha amaanka iyo kuwa kale ee dowlada uga digay inay gamcaha kula sii jiraan musuqa iyo boobka Hantida Qaranka.

“System-ka aan ku shaqeyn doono waxa uu waddo toosan kusoo dhigi doonaa Hay’adaha amaanka oo waxa ka dhex socda aan la amaanin iyo kuwa kale ee dowlada oo iyaguna aan la amaanin, sidii ka hor imaadana waxa ay wajaheysaa ciqaabta uu mudankooda noqon doono”

Waxa uu sheegay in ujeedka loo dhaariyay isla markaana shaqada loogu dhiibtay ay tahay dhowrista hantida qaranka ee umadda Sooaaliyeed iyo isla xisaabtanka.

Waxa uu tilmaamay in howsha ay qabanayaan ay u mari doonaan 3 waddo oo kala ah:-

1-Habka maamulka maaliyadda iyo sida loo isticmaalay.

2-Dib u eegista hayadaha qaran wajibaadka loo idmaday sida ay u gutaan shaqooyinkii loo qorsheeyay.

3-Baaris gaar ah oo lagu dabagalo qaladaadka ay soo gudbiyaan qeybaha bulshada, taasoo loo saxo sidii loogu talagalay.

Sidoo kale, Hanti dhowraha ayaa u digay mas’uuliyiin waaweyn oo uu sheegay inay dhaqan ka dhigteen musuqa kuwaasi oo ka tirsan Hay’adaha amaanka iyo xarumaha kale ee dowlada.

Haddalka Hanti dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali Afgooye, ayaa imaanaya iyadoo dhaqanka ka jira Hay’adaha amaanka iyo xarumaha dowlada uu yahay ku xadgudubka xuquuqda ciidamada iyo shaqaalaha kale.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maxaad ka taqaanaa Madaxweynaha cusub ee Soomaalida Itoobiya..?

0

Jigjiga (Caasimadda Online) – Madaxweynaha cusub ee loo magacaabay Is-maamulka Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed (Ilka-case) ayaa ah wiil dhalinyaro ah oo saaxiib dhow la ah madaxweynaha xilka banneeyay.

Axmed Cabdi Maxamed waa 32 sano jir isagoo dhashay sanadkii 1986, wuxuuna kasopo jeeda Beesha Ogaadeen, gaar ahaan reer Cabdulle; waxaana loo magacaabay xilka markii uu is casilay madaxweynihii DDSI Cabdi Maxamuud Cumar oo cadaadis ba’an uu saarnaa muddooyinkii ugu danbeeyay.

Madaxweynaha cusub ayaa hore u ahaa wasiirka Maaliyadda, wuxuuna si weyn ugu dhowaa madaxweynaha xilka banneeyay ee Cabdi Iley, isagoo wareysigii ugu horeeyay ee uu bixiyey ku sheegay inuu ku socon doono isbedello ballaaran oo uu hore ugu dhawaaqay Cabdi Iley.

Ninka dhalinyarada ah ee noqday madaxweynaha maamulka DDSI Axmed Cabdi Maxamed wuxuu sanadkii 1986 ku dhashay degmada Garbo ee Gobolk Fiiq, wuxuuna wax ku bartay jaamacadaha Diridhaba iyo Bahardar, isagoo markii ugu horeysay magaalada Godey ka noqday madaxa Maaliyadda.

Axmed Cabdi Maxamed wuxuu kaloo soo noqday duqa magaalada Qabri-dahare, isagoo xubin ka ah xisbiga ESPDP ee ka taliyaha dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya, wuxuuna xilligan ahaa wasiirka Maaliyadda ee DDSI, iyadoo xilka madaxweynaha loogu magacaabay si KMG ah.

Cabdi Iley ayaa la sheegay in heshiiska uu la galay madaxda Itoobiya uu xilka uga degay, laakiin wuxuu sii joogi doonaa magaalada Jigjiga, isagoo sii ahaanaya guddoomiyaha xisbiga talada haya ee Somali People’s Democratic Party.

JABUUTI oo war cad kasoo saartay xasuuqa muwaadiniinteeda ee Gobolka Soomaalida

Jigjiga (Caasimada Online)-Dowlada Jabuuti ayaa markii ugu horeysay ka hadashay muwaadiniin dalkeeda u dhashay oo lagu xasuuqay gudaha Magalada Diridhaba ee dhulka dowlad deegaanada Soomaalida Ethiopia.

Dowlada Jabuuti ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay in muwaadiniin kuweeda oo aan waxba galabsan lagu dilo Magalada Diridhaba.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’isul wasaaraha dalkaasi Jabuuti ayaa waxaa lagu sheegay in dhiiga muwaadiniinteeda ay ku xisaabtami doonaan.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in nasiib darro ay u arki doonaan in muwadiniin sifo sharci ah ku jooga dhulka dowlad deegaanka si maalaayacni ah loo kharijiyo.

Nuqul kamid ah qoraalka Ra’isul wasaaraha ayaa ahaa “Xukuumadda Jabuuti waxa ay ka xun tahay in dhibaato intaa la’eg loo geysto muwaadiniinteena u xagaay baxay Diridhaba”

“Madaxda Dowladda Jabuuti waxay ay la xiriirtay madaxda dalkaas si loo xaqiijiyo amniga muwaadiniintena ku sugan dalkaas, waxaanu isla garanay inaan dhiiga daatay si toosa uga wadahadalno”.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in wax saameyn ah aysan ku yeelan doonin xiriirka labada dal rabshadaha ka soo cusboonaaday Magaalooyinka Waaweyn ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, hase yeeshee ay kuwada xisaabtami doonaan dhibaatooyin waliba oo dhaca.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Jabuuti ayaa ku wargelisay muwaadiniinteeda ku sugan magalada diridhabe in ay ka fogaadan goobaha ay rabshadaha ka dhacayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Jigjiga

[email protected]

Muxuu ahaa Wiilkii dhallinyarada ahaa ee isku gowracay Magaalada Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay Shabakadda Caasimadda Online u xaqiijiyeen dadka degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir wiil dhallinyaro ah ayaa isku dilay halkaas.

Wiilkaan dhallinayarad ah ayaa isku gowracay xaafadiisa oo ku taalo degmada Dharkeynley sida uu Idaacadaha Muqdisho u sheegay mid kamid ah qoyska wiilkaas.

Wiilkaan ayaa la sheegay inuu is gowracay kadib markii uu dhuunta isaga jaray Toorrey.

Wiilkaan ayaana durba dhintay maadaama uu dhuunta isaga jaray Toorrey waxaana laga war helay isagoo meyd ah.

Ninka dhalinyarada ah ee isdilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Saciid Maxamed Yabaroow, waxa ayna qoyskiisu xaqiijiyen in maalmihii ugu danbeeyay uu xaalad isku buuqa ku jiray.

Wiilkaan ayaa lasoo sheegayaa inuusan jiifan habeenadii u dambeysay iyadoo laga dareemay dhibaato iyo xanuun ku kalifayey inuusan jiifan.

Soomaaliya waxaa kusoo badanaya falalka isdilka ah, ama in ay dhibaato isu geystaan xubnaha hal qoys oo kali ah.

Dhawaan ayey aheyd markii wiil dhallinyaro ah uu isku daldalay Xaafada Kaaraan oo ka tirsan Magaalada Muqdisho, isagoo kalana waxaa isna is daldalay oday kale oo ku noolaa Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

ONLF oo war kasoo saartay Madaxweynaha cusub ee loo doortay deegaanka Soomaalida Itoobiya

0

Jigjiga (Caasimadda Online) – Iyada oo galinkii danbe ee shalay uu iscasilay madaxweynihii Dowlad deegaanka Soomaalida mudane Cabdi Maxamed Cumar loona magacaabay madaxweynaha Cusub Axmed Cabdi Maxamed,oo ahaa wasiirkii maaliyadda ee nidaamkii Cabdi Maxamed Cumar, ayaa dhaliilo lasoo jeedinayaa.

Isbadalka ka dhacay dowlad deegaanka waxaa ka hadlay Jabhadda ONLF, Cadaani Hiirmooge oo ah Afhayeenka Jabhaddaa ayaa arrintaas kala hadlay qaar kamid ah Idaacadah Muqdisho isagoo dhaliilo u jeediyey Madaxweynaha cusub .

Afhayeenka Jabhada ONLF Cabduqaadir Xasan Hirmooge (Cadaani) ayaa sheegay in Madaxweynaha Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya uusan wax isbedel ah ku soo kordhin doonin dhibaatooyinka ka jira dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed uu leeyahay dhaqankii Cabdi Maxamuud Cumar,isla markaana uu sidoo kale ku shaqeeyo fikirka ka yimaada madaxweynihii ka horeeyey ee Cabdi Maxamuud Cumar.

Marka laga soo tago hadalka Afhayeenka Jabhada ONLF Cabduqaadir Xasan Hirmooge(Cadaani) ayaa hadana waxaa baraha bulshada lagu dhaliilayey Madaxweynaha Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida,iyada oo lagu tilmaamay in uu yahay nin dhibaateeya Soomaalida.

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
[email protected]