25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Mucaaradka DF oo maalintii labaad shirsan iyo dhinac cusub oo ku biiray shirka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalintii labaad shir ku leh magaalada Muqdisho, iyaga oo kulammo wadatashi ah la qaadanaya qaybaha kala duwan ee bulshada.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha taagan. Maalintii labaad ee shirka, hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa kulan gaar ah la leh madaxda warbaahinta madaxa-bannaan ee ka howlgasha caasimadda.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa in la is dhaafsado xogaha la xiriira doorashooyinka, amniga dalka, iyo doorka warbaahinta ee dhinaca wacyigelinta iyo tebinta wararka.

Wararka laga helayo kulanka ayaa tilmaamaya in mucaaradku ay warbaahinta kala hadleen baahida loo qabo in si hufan oo dhexdhexaad ah loo tebiyo arrimaha siyaasadda, isla markaana la dhowro xorriyadda saxaafadda oo qeyb ka ah tiirarka dowlad-dimoqraadiyadeed.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa kulanka maanta ka sheegay inuu aad uga xun yahay sida warbaahinta madaxa-bannaan uu mararka qaar cadaadis uga imaanayo laanta fulinta ee dowladda. Wuxuu xusay in arrimaha noocaas ah aysan kor u qaadeyn hanaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Shariif Sheekh Axmed wuxuu hoosta ka xarriiqay in warbaahinta xor ah ay tahay mid lagama maarmaan u ah bulsho furan oo ka hadli karta arrimaheeda siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale iyo wax kasta oo taabanaya noloshooda. Waxa uu ku baaqay in la ixtiraamo kaalinta saxafiyiinta iyo doorkooda muhiimka ah.

Dhankiisa, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah hogaamiyeyaasha mucaaradka, ayaa sheegay in kulammada socda ay yihiin wadatashi la xiriira xaaladda dalka, gaar ahaan marxaladda kala guurka.

“Bahda warbaahinta ayaan iska waraysanay xaalka dalka iyo sida xal loogu heli karo ismaandhaafka siyaasadeed,” ayuu yiri Xildhibaan Warsame.

Maxaa looga hadlay kulanka golaha wasiirrada ee maanta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah oo muhiim u ah xasiloonida iyo horumarka dalka.

Kulanka waxaa guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre. Qodobka ugu horreeya ee kulanka lagu lafa guray wuxuu ahaa amniga guud ee dalka.

Golaha ayaa warbixin dhameystiran ka dhageystay hay’adaha amniga oo ka warbixiyay guulaha laga gaaray howl-gallada socda ee lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada. Waxaa la xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ay ku guuleysteen in ay fuliyaan hawl-gallo wax ku ool ah oo wax ka beddelay xaaladda amniga.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo la xiriira badqabka diyaaradaha ka howl-gala gudaha dalka. Golaha ayaa ka dooday caqabadaha jira iyo sida ugu habboon ee xal loogu heli karo, si loo sugo badqabka shacabka iyo shaqaalaha la xiriira howlaha duulista hawada.

Doodda Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ku saabsanayd fulinta Siyaasadda Jaangoynta Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda. Waxaa la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in nidaamkaas loo fuliyo si hufan, si kor loogu qaado hannaanka shaqo ee dowladda iyo dhiirrigelinta shaqaalaha.

Dhinaca kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey dallacsiinta Axmed Jaamac Cumar oo la siiyay darajada Safiir. Go’aankan ayaa lagu saleeyey aqoonta iyo waayo-aragnimada uu u leeyahay howlaha diblumaasiyadda iyo adeegga dowladda.

Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa ugu dambeyntiina lagu muujiyay sida ay Xukuumaddu ugu heelan tahay sugidda amniga, hagaajinta adeegyada dowladeed, iyo horumarinta siyaasadaha lagu tayeynayo shaqaalaha. Waxaana la isla qaatay in laga wada shaqeeyo hirgelinta qorshayaashaas si dalka loogu horseedo horumar iyo xasillooni waarta.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay magacaabista guddoomiye MUUNGAAB

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay magacaabista guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadr, ahna duqa Muqdisho Jeneral Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo uu xalay soo magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku saleeyey magacaabistan aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqo ee uu leeyahay Guddoomiye Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo horey xilkan u soo qabtay, door wanaagsanna ka soo qaatay dib u dhiska magaalada Muqdisho iyo guud ahaan horumarinta adeegyada uu bixiyo maamulka gobolka Banaadir.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub in uu mudnaan siiyo harumarunta caasimadda, dib u heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta laamaha ammaanka iyo bulshada Gobolka Baanaadir, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga, kuwaas oo dhammaantood hortabin u leh dowladda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Muungaab ayaa xilkan horay usoo qabtay waxaana xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho loo magacaabay sannadkii 2014, isaga oo intii uu hayay ku guuleystay hirgelinta qorsheyaal dib-u-habeyn ah oo lagu hagaajinayay maamul-wanaagga, nadaafadda magaalada, iyo amniga Muqdisho.

Waxaa kale oo uu horay usoo noqday guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo xilligaas caan ku noqday adkeynta sharciga iyo la dagaalanka dambiyada la xiriira amniga qaranka.

Haddaba, sidee looga fal-celiyay magacaabista Jeneral Xasan Muungaab?

Cumar Naaji Aadan: “Hambalyo Muungaab waa nin gobolka Banaadir wax badan ka fahamsan Abuu khaliifa ayaad ku wareeriseen shacabkii gobolka”.

Zakariye Cabdifitaax: “Eebe sw ha ku asturo xilka culus ee loo magacaabay, kana dhigo kii dadkiisa la dareen ah insha allah”

Nuur Xasan: ayaa isna fal-celintiisa ku yiri “Shirka mucaradka ay qabsadeen ayaa lagu daminayaa”.

Qaali Curre: “Soo dhawoow waxaan rajaynayaa in aad magaalada isbeddel ku samayso wasaqda iyo burburka waddooyinka”.

Sayid-Cali Jimcaale: “Dowlad warkeedu suuqa sii yaallo oo la sii ogyahay tan ka hor ma arag”.

Abuu Xaniifa iyo xubno kale oo maanta lagu dilay dagaal

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada Dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay weerar culus ku qaadeen gudaha deegaanka Aboorey ee gobolkaasi, kadibna ay dagaal la galeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay fariisin ay weerareen ciidamada huwanta oo ay ku sugnaayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay dagaalameen labada dhinac, iyada oo khasaae culus la gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka lagu dilay horjooge sare oo magaciisa lagu soo koobay Abuu Xaniifa iyo maleeshiyaad kale oo tiradoodu la shaacin.

Abuu Xaniifa ayaa la sheegay inuu ahaa sarkaalkii hoggaaminayay xubnaha Al-Shabaab ee gacanta ku hayo deegaanka Aboorey oo hoostaga degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana lasoo warinayaa in ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka ay haatan ku sugan yihiin afaafka hore ee deegaanka Aboorey, iyaga oo qorshahoodu yahay in gebi ahaan deegaankaasi ay ka xoreeyaan argagixisada.

Aboorey ayaa ah deegaan muhiim u ah isku socodka kooxda ee gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galmudug, halkaas oo dagaalamayaal kale ay uga go’doonsan yihiin, taas oo keentay in dagaalka ka scoda deegaankan oo qaato muddo aad u dheer.

Dagaalka maanta ayaa daba socda howlgallo culus oo maalmihii lasoo dhaafacay ciidamada Macawiisleyda Hiiraan ay ka wadeen xadka gobolkaas uu la wadaago Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo khasaaraha ugu badan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Dagaalkii ugu khasaaraha badnaa oo dhowaan ka dhacay soohdinta labada gobol ayaa waxaa lagu laayay Al-Shabaabkii ugu badnaa, waxaana muuqaalo laga soo duubay meydadkooda oo daadsan hulka howdka ah iyo dhiigooda oo meel kasta yaalla.

Waxaa kale oo loo daatay talisyadoodii oo dhiigga iyo meydadku is dhexyaallaan, waxaana loo gudbay dhanka Aadan-yabaal oo duleedkeeda aydifaac uga jiraan ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka.

SHARIIF oo arrin xasaasi ah ku eedeeyey Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo khudbad ka jeediyay shirweynaha mucaaradka ee ka socda hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho ayaa eedeyn culus oo la xiriirta ciidamada iyo dagaalka Al-Shabaab u jeediyay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Shariif ayaa Xasan ku eedeeyay hoggaan xumo, wuxuuna tilmaamay in ciidamadu ay furimaha dagaalka uga soo baxeen musuq-maasuq dartiis, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan aad uga xunahay hoggaan xumada iyo musuq-maasuqa keenay ciidanku inay niyad jabaan oo furimaha ay kasoo cararaan iyagoo aan hubno inay diyaar u ahaayeen inay difaacaan dalkooda” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay hoggaanka dalka inay talada dhexda soo dhigaan, isla markaana ay soo fariistaan miiska wada-hadalka, si loo badbaadiyo dalka.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa xusay in dagaalka looga horeeyay Xasan Sheekh, ayna haboon tahay in talo uu waydiisto dadka, si argagixisada looga ciribtiro dalka.

“Waa u deynay shaqadoodii, waana kasoo bixi waayeen waxay bilaaben inay eed tamaan oo darbiyada madaxa ku dhuftaan waxaan leenahay taas waxaa idinkaga fudud miiska soo fariista diyaar ayaa la’idin yahay, waa la’idinkaga horeeyay dagaalka” ayuu mar kale yiri.

Dhinaca kale, wuxuu boggaadiyay Macawiisleyda Xawaadle ee dagaalka adag kula jira kooxda Al-Shabaab, isaga oo u tacsiyeeyay askarta ka dhimatay, kuwa dhaawac ahna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Shariifka ayaa xusay in loo baahan yahay in lagu daydo reer Hiiraan, isla markaana loo midoobo dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan rabaa inaan si gaar ah u xuso qabaa’ilka daga Hiiraan ee runtii u dhabar adeegay la dagaallanka Al-Shabaab inaan ku hambalyeeyo dadka dhintana allaha u naxariisto kuwa dhaawac ahna alle ha caafiyo” ayuu yiri isaga oo ka hadlay halganka ay ku jiraan reer Hiiraan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan Al-Shabaab ay dib u qabsatay deegaanno iyo degmooyin muhiim ah oo dhaca gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay isaga soo baxeen ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda

Xogta weerar lagu qaaday xabsiga dhexe ee Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay saaka maleeshiyaad hubeysan ku qaadeen xabsi ay maamusho Puntland oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana xigay dagaal toos ah.

Maleeshiyaadka ayaa beegsaday xabsiga oo ay ku xiran yihiin maxaabiis xukuman iyo kuwa kale oo xukun sugayaal ah, waxaana kadib iska caabin ay kala kulmeen ciidamada ammaanka ee Punland.

Wararka ayaa sheegaya in ujeedka kooxda weerarka qaaday uu ahaa inay xoog kusoo furtaan nin ku xiran xabsigaasi oo dil lagu xukumay xukumay, kadib markii lagu helay inuu horay dil uga gaystay deegaanka lagu magacaabi Daarul Salaam ee gobolka Mudug .

Ilo deegaanka ahaa ayaa inoo sheegay in dagaalka uu qaatay muddo ku dho hal saac oo xiriir ah waxaana jira khasaare kala duwan, inkastoo aan la caddeyn karin inta uu la’eg yahay.

Dhanka kale, ma jio wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammanka Puntland iyo mas’uuliyiinta waqooyiga Gaalkacyo ee ku aadan weerarka lagu qaaday xabsiga dhexe.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana lasoo wariyay in ciidamo dheeraad ah ay Puntland gaysay aagga lagu dagaalamay, si u xoojiyaan ilaalada xabsiga la weeraray.

Horay ayaa sidaan oo kale loo weeray xabsigan, waxaana taas ay keentay inay baxsadeen qaar kamid ah dadkii ku xirnaa oo ay ku jiraan xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo qaarkood ay ku xukumanaayeen dil toogasho ah.

Ragga baxsaday ee ka tirsanaa Al-Shabaab waxaa kamid ahaa Cabdiqani Saleebaan Jaamac (Sayloor) oo muddo kadib dhowaan uun laga soo qabtay aagga magaalada Camaara ee gobolka Mudug, kadibna lagu wareejiyay ciidamada ammaanka ee Puntland.

“Howlgal si taxadar leh loo qorsheeyay oo ay si wadajir ah u u fuliyeen Ciidamada Booliska,  shacabka ku dhaqan deegaanada Wisil iyo Bacaadwayne ayaa lagu soo qabtay xukumanaha, kaasi oo muddo ku dhuumaaleysanayey gudaha Gobolka Mudug” ayay tiri Puntland oo faah-faahin dheeraad ah horay uga bixisay howlgalka lagu soo qabtay Sayloor.

Waxaa kale oo lasoo raaciyay “Xukumane Cabdiqani Saleebaan Jaamac (Sayloor) ayaa ka tirsanaa shabakad falal dilal qorsheysan ah ka geysatay magaalada Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda, waxaana uu horey uga baxsaday gacanta Dawladda”.

Xiddigihii hore ee K/Cagta Afrika oo ka dukaameystay Hayat Market + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Halyeeyadii hore ee kubadda cagta Afrika ee ka soo ciyaaray horyaalada qaaradda Yurub iyo tartamada caalamiga ah, ayaa booqasho taariikhi ah ku jooga magaalada Muqdisho, iyaga oo sidoo kale booqday islamarkaana ka soo dukaameystay suuqa casriga ah ee Hayat Market, oo ah suuqa ugu weyn uguna casrisan Soomaaliya.

Xiddigii hore ee kooxda Barcelona, haatanna ah madaxa xiriirka kubadda cagta Cameroon, Samuel Eto’o, halyeeygii xulka qaranka Nigeria Jay-Jay Okocha, iyo weeraryahankii hore ee xulka qaranka dalka Togo Emmanuel Adebayor, ayaa ka soo dukaameystay qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Suuqa Hayat Market.

Waxaa xiddigahan caalamiga ah booqashadooda Suuqa ku wehliyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Maxamed Cabdiqaadir Cali, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Mudane Cali Cabdi Maxamed (Shiino), iyo xubno kale. Waxaa sidoo kale halkaas si diirran ugu soo dhaweeyay howlwadeennada Hayat Market.

Halyeeyadii hore ee kubadda cagta Afrika ayaa si weyn ula dhacay tayada iyo baaxadda Suuqa Hayat Market, iyagoo sheegay inaysan filayn in noociisa oo kale laga heli karo dal sida Soomaaliya oo kale ah oo ka soo kabanaya burbur iyo dagaallo. Waxay xuseen in uu yahay suuq casri ah oo la mid ah kana tartami kara suuqyada waaweyn ee qaaradda Yurub.

Xiddigaha Afrika ayaa ku bogaadiyay ganacsatada Soomaaliyeed horumarka ay ku tallaabsadeen iyo sida ay u aamineen una maalgasheen dalkooda hooyo. Waxay sheegeen in arrintaasi ay ka tarjumeyso waddaniyadooda iyo sida ay uga go’an tahay inay u adeegaan bulshadooda. Waxayna Soomaaliya u rajeeyeen horumar ka sii wanaagsan kan hadda jira.

Xiddigahan ayaa qeyb ka ahaa wafdi ka socda xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA, kuwaas oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo qiimeynaya xaaladda amniga iyo sida ay Soomaaliya diyaar ugu tahay in ay marti-geliso tartamada caalamiga ah.

Dilka 40 qof oo Soomaali ah oo la shaaciyey, xilli Turkida ay ku sii fidayaan Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 40 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay duqeymo ay Soomaaliya ka fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkey tan iyo dabayaaqadii 2022, sida ay ku warramay The Washington Post oo soo xigatay dad goob-joogayaal ah — warkaas oo horseeday in si weyn dib loogu eego doorka sii ballaaranaya ee milatari ee Ankara ku leedahay Geeska Afrika.

Mid ka mid ah weeraradii ugu dhimashada badnaa ayaa dhacay Janaayo 2023, markii diyaarad aan duuliye lahayn ay ku dhufatay dad hoos fadhiya geed ku yaalla deegaanka Quracley, halkaasoo ay ku dhinteen toddobo qof oo rayid ah, oo uu ku jiray ilmo 8 sano jir ah.

“Xitaa iima aysan suurtagelin in aan carruurteyda sida Islaamka ah u mayro,” ayuu yiri Maxamed Nuur Axmed, oo 50 jir ah kana baxeen saddex wiil iyo wiil uu adeer u ahaa. “Jirkooda ayaa ahaa jeex-jeex aan la isu keeni karin.”

9-kii September 2022, weerar kale oo ka dhacay magaalada Mubaarak oo ay gacanta ku hayaan al-Shabaab ayaa lagu dilay siddeed qof — badankoodna waxay ahaayeen darawallo iyo ganacsato waddooyinka taagan — sida uu sheegay dhakhtar maxalli ah. Bishii Maarso 2025, laba weerar oo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkey ka fuliyeen waqooyi-bari ee Muqdisho ayaa dilay 23 rayid ah, intooda badanna way afurayeen ayadoo ay aheyd bisha Ramadaan.

Khasaaraha dadka rayidka ah ayaa sare u kacay, ilaa heer uu Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) — oo horey loogu dhaliilay duqeymihiisa — bilaabay inuu si cad u shaaciyo howlgal walba oo uu ka fuliyo Soomaaliya si loo kala garto weeraradooda iyo kuwa Turkey.

Iyadoo ololaha duqeymaha Ankara uu sii xoogeysanayo, diblomaasiyiin iyo falanqeeyayaal ayaa ka digaya in khasaare rayid oo kordha uu si aan ula kac ahayn uga faa’iideyn karo al-Shabaab, iyada oo kor u qaadaysa qorashadooda dagaal-yahanada.

“Soomaalidu waxay Turkiga ka dalbanayaan in uu Muqdisho badbaadiyo si kasta oo ay ku kacayso,” ayuu yiri diblomaasi reer Galbeed ah oo la hadlay The Washington Post. “Taasina waxay si lama huraan ah u keeni doontaa khasaare rayid oo hor leh, oo ay al-Shabaab si buuxda uga faa’iideysan karto.”

Saameynta sii fidaya ee Ankara

Joogitaanka Turkey ee Soomaaliya wuxuu ku bilowday sidii hawl-gal bani’aadanimo xilligii abaartii daran ee 2011, taas oo dishay in ka badan 260,000 qof. Balse tan iyo markaas, xiriirkaas wuxuu isu beddelay iskaashi istaraatiiji ah iyo mid dhaqaale oo qoto dheer oo ay Ankara la yeelatay dowladda Soomaaliya.

Tan iyo 2011, Turkey waxay:

  • Dayactirtay mid ka mid ah isbitaallada ugu waaweyn Muqdisho,
  • La wareegtay maamulka garoonka diyaaradaha iyo dekedda caasimadda,
  • Dhistay saldhiggeeda milatari ee ugu weyn ee dibedda dalka ka baxsan, kuna yaalla Muqdisho,
  • Tababartay ku dhowaad 6,000 askari Soomaaliyeed oo u kala baxa laba guuto,
  • Sidoo kale aasaastay dugsi sare oo tababar ciidan ah.

Saameynta Ankara hadda waxay si weyn ugu tiirsan tahay joogitaanka milatari ee sii xoogeysanaya. Duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn — oo lagu fuliyo codsi ka yimaada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka — ayaa noqday tiir muhiim ah oo ka mid ah istiraatiijiyaddeeda.

Bil kahor, Ankara waxay Soomaaliya siisay laba diyaaradood oo nooca Akinci ah, kuwaas oo leh awood rarka iyo duulimaad ka sarreeya noocyadii hore. Sidoo kale, bishii la soo dhaafay waxaa Muqdisho la geeyay 400 askari oo Turkish ah — tiradaas oo ah joogitaanka milatari ee ugu weyn ee Turkey weligeed ka hirgeliso gudaha dalka.

Inkasta oo iskaashi dhow uu ka dhex jiro Ankara iyo dowladda Soomaaliya, saraakiil caalami ah ayaa sheegaya in marar badan aysan helin wax xog ah oo la xiriirta weerarada cirka ee Turkey. “Mararka qaar, bartilmaameedyo ayaa dul socda diyaarado badan oo aan duuliye lahayn,” ayuu yiri diblomaasi ku sugan Muqdisho oo la hadlay The Washington Post.

“Markii quwadihii dhaqameed ay dib uga gurteen qaar kamid ah dalalka Afrika, Ankara waxay aragtay fursad ay ku buuxiso boos banaan,” ayuu yiri Berkay Mandıracı, falanqeeye sare oo ka tirsan International Crisis Group. “Soomaaliya waxay Ankara u leedahay muhiimad istaraatiiji ah oo ku saleysan goobta ay kaga taallo marin-biyoodka muhiimka ah iyo wadiiqooyinka ganacsi ee istiraatiijiga ah.”

Dano istiraatiiji ah iyo faa’iidooyin ganacsi

Doorka sii ballaaranaya ee Turkey kuma koobna awood ciidan iyo saameyn diblomaasiyadeed. Shirkado Turkish ah ayaa helay qandaraasyo waaweyn oo qiimo sare leh gudaha Soomaaliya. Maamulka dekedda iyo garoonka Muqdisho wuxuu dhalinayaa malaayiin doolar bil kasta.

Bishii April, The Washington Post waxay shaacisay heshiis baaritaan shidaal oo lagu murmay, kaas oo dhigaya in Soomaaliya ay helayso kaliya 5% wax-soosaarka — arrintaas oo caro ka dhalisay xildhibaanno mucaarad ah. Maraakiib Turkish ah ayaa hadda si firfircoon u baaraya ceelasha shidaalka ee xeebaha Soomaaliya.

“Soomaaliya waa dal hodan ku ah khayraadka dabiiciga ah, laakiin amni la’aantu waxay caqabad ku noqotay in la suuqgeeyo khayraadkaas,” ayuu yiri Donald Yamamoto, safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyay Soomaaliya. “Haddii aan iska dayno saaxiibadeen, cid kale ayaa beddeli doonta, waxayna ka faa’iideysan doontaa marka Soomaaliya gaarto nabad iyo barwaaqo.”

Iyadoo Ankara ay sii qoto-dheeraynayso joogitaankeeda Soomaaliya, saameynteeduna ay sii baahsanayso, haddana cawaaqibka ayaa iyaguna sii kordhaya. Khasaare rayid oo isa soo taraya, howlgal ciidan oo aan lagu wargelin beesha caalamka, iyo heshiisyo dhaqaale oo lagu dhaliilay dulmi ayaa keenaya su’aalo laga qabo in doorka sii fidaya ee Turkey uu sababi doono xasillooni waarta, mise uu sii murjin doono xasillooni darrida dalka.

Maxay ka dhigan tahay in Xasan Sheekh uu lumiyey kalsoonida Mareykanka?

Washington (Caasimada Online) – Hadalka sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad ee Maraykanka oo muujiyay walaac ku saabsan mudnaanta siyaasadeed ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa calaamad u ah isbeddel xasaasi ah oo ku yimid sida Maraykanku u arko saaxiibkiisa muddada dheer ee Geeska Afrika.

In kasta oo hadalku yahay mid diblomaasiyadeed oo si miyir leh loo dhigay, fariintu waa mid aan mugdi ku jirin: kalsoonidii Maraykanka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si tartiib tartiib ah ayey u sii lumaysaa.

Tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay xilka sannadkii 2022, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu isbeddel siyaasadeed ka dhigay tiirka ajendayaashiisa siyaasadeed, isaga oo xoogga saaray doorasho hal qof, hal cod ah. Qaar baa arrintan u arka tallaabo lagu xoojinayo dimoqraadiyadda, halka kuwa kalena ay u arkaan dadaal uu Madaxweynaha ku urursanayo awoodda, isagoo meesha ka saaraya doorarkii dawlad-goboleedyada.

Dadaallada dowladda ee ku aaddan wax-ka-beddelka dastuurka ayaa sii huriyay cabsi horey u jirtay, iyada oo khilaafyo ka dhex abuurtay dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada sida Puntland iyo Jubaland.

Hadda, saraakiil Maraykan ah ayaa ka digaya in is-hoosaysiinta siyaasadeed ay si weyn uga leexinayso feejignaanta dowladda ee khatarta ugu daran ee dalka — dib u soo kabashada kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida.

Maxay muhiim u tahay isbeddelkan Maraykanka ku yimid?

Maraykanku wuxuu muddo dheer ahaa saaxiibka amni ee ugu weyn ee Soomaaliya—wuxuu bixiyay taageero diyaarado aan duuliye lahayn, tababbaro ciidan, iyo garab diblomaasiyadeed.

Bilowgii xilkiisa, iskaashigaas wuxuu horseeday guulo laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, gaar ahaan bartamaha Soomaaliya. Laakiin markii khilaafaadkii siyaasadeed gudaha dalka ay kordheen, wada-shaqayntii u dhaxaysay dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada ayaa burburtay, taasoo hakad gelisay hawlgalladii militari.

Hadda, Al-Shabaab ayaa dib usoo ceshanaysa dhulkii ay horey u lumisay. Intii u dhaxaysay 2024 iyo bilowgii 2025, kooxda ayaa weerarro cusub ka qaaday Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose, iyo Hiiraan—waxayna bishii Maarso 2025 isku dayeen inay ku khaarijiyaan madaxweynaha weerar toos ah oo ka dhacay caasimadda.

Iyadoo hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS uu sii galayo marxalad kala guur ah loona wareegayo howlgalka cusub ee AUSSOM oo aan dhaqaale ku filan haysan, waxaa si weyn usii kordhaya baahida ah in dowladda Soomaaliya ay hoggaan u noqoto howlgallo mideysan oo amni.

Marka saraakiisha Maraykanka ay yiraahdaan Madaxweynaha wuxuu “carqalad ku yahay horumarka la-dagaalanka argagixisada” sababtoo ah diiradda uu saaray xaraynta awoodda, arrintu ma aha dhaliil keliya—waa calaamad muujinaysa in Washington ay dib u eegayso heerka ay ula jaanqaadi karto hoggaanka hadda jira ee Soomaaliya.

Maxaa laga fili karaa haddii xiriirka sii xumaado?

Xiriir daciifa oo u dhexeeya Maraykanka iyo Soomaaliya wuxuu keeni karaa saameyn ballaaran. Marka hore, waxaa hoos u dhici kara taageerada maaliyadeed iyo tan hawlgal ee la siiyo ciidamada amniga Soomaaliya—gaar ahaan cutubka Danab oo ah guutada khaaska ah ee ay Maraykanku tababarto.

Marka xigta, Soomaaliya waxay u leexan kartaa xulafo kale sida Turkiga iyo Qadar—waddamo durba xoojiyay joogitaankooda dhaqaale iyo militari ee dalka.

Gudaha dalka, dareenka ah in Madaxweynaha uu luminayo kalsoonida saaxiibada reer Galbeedka wuxuu dhiirrigelin karaa kooxaha mucaaradka ah, wuxuuna caqabad ku noqon karaa dadaallada lagu doonayo in lagu hirgeliyo doorasho qaran. Waxaa sidoo kale laga yaabaa in dawlad-goboleedyadu ay bilaabaan inay si madax-bannaan u dhaqmaan, taasoo dhaawici karta midnimada qaranka.

Arrinta ugu khatarta badan ayaa ah in hoos u dhaca iskaashigu uu abuuro firaaq amni oo ay Al-Shabaab ka faa’iideysan karto—arrin ay horey si joogto ah ugu sameeyeen gudaha Soomaaliya.

Si kooban: Hoos u dhaca kalsoonida Maraykanka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ma aha digniin diblomaasiyadeed oo keliya—waa xilli isbeddel istiraatiiji ah. Haddii hoggaanka Soomaaliya uusan dib ugu laabanin hannaan loo dhan yahay iyo feejignaan dhab ah oo lagula dagaallamo argagixisada, natiijadu waxay noqon kartaa mid qaraar: taageero sii yaraata, kala qaybsanaan siyaasadeed oo sii xumaanaysa, iyo firfircoonaan cusub oo ay helaan kooxaha xagjirka ah. Fursadda lagu sixi karo jihada ayaa si degdeg ah u xirmeysa.

Elon Musk oo iska casilay xilkii uu u magacaabay Trump

Washington (Caasimada Online) –  Bilyaneerka caanka ah ee Elon Musk ayaa bartiisa bulshada ee X ee hore oo oran jiray Twitter kaga dhawaaqay inuu ka tagay shaqadii uu u magacaabay madaxweyne Donald Trump, oo ah xubinamada guddiga kharashka dhimmista ee madaxweynaha.

Musk ayaa sheegay in waqtigii loo qorsheeyay ee ahaa in uu ahaa shaqaale dowladeed oo gaar ah uu dhamaaday, waxaana uu uga mahadceliyay Trump fursadda uu siiyay.

Waxaa uu gacan weyn ka geystay olole ballaaran oo lagu dhimayo baaxadda tirada shaqaalaha ee dowladda Mareykanka sla markaana kumanaan ka tirsan shaqaalaha dowladda shaqada laga ceyriyay.

Intii uu xilkan hayay, Musk waxaa la xiray Hay’addo ay kamid tahay USAID, iyada oo la dhimmay shaqaale faro badan.

“Aad baan ugu mahadcelinayaa Madaxweyne Trump fursaddii uu i siiyay inaan u adeego dalka. Waa waayo-aragnimo adag, laakiin wax badan aan ka bartay.” ayuu ku yiri qoraal uu ku baahiyay X.

Tegistiisa ma aha mid lama filaan ah, waxayna ku soo beegantay maalin uun ka dib markii uu Elon dhaleeceeyay gundhigga sharci dejinta ee agendaha Trump.

Waxaa uu ninkan kaalin weyn ka qaatay isbedellada uu maamulka Trump ka waday gudaha dalka Mareykanka.

Si kastaba, Elon Musk ayaa sidoo kale la filayaa in haatan diiradda uu saaro hawlihiisa ganacsi ee tiknoolojiyadda sare iyo sahaminta cirka.

Trump oo Netanyahu uga digay arrin uu damacsan yahay

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Arbacadii sheegay inuu toddobaadkii hore uga digay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu in uu qaado tallaabooyin wax u dhimi kara wadahadallada nukliyeerka ee lala leeyahay Iran.

“Waxaan u sheegay in ay hadda tahay mid aan habboonayn in la sameeyo, maadaama aan aad ugu dhow nahay in xal laga gaaro arrintan,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha ku sugnaa Xafiiska Oval. “Xaaladduna waxay is beddeli kartaa daqiiqad kasta.”

Israa’iil ayaa hore u beenisay war uu daabacay The New York Times oo sheegayay in Netanyahu uu hanjabaad ku muujiyay inuu carqaladayn doono wadahadallada Maraykanka iyo Iran ee ku saabsan heshiiska nukliyeerka, isagoo qorsheynaya inuu weerar ku qaado xarumaha ugu muhiimsan Iran ee kobcinta nukliyeerka.

Wargeysku wuxuu soo xigtay saraakiil xog-ogaal u ah arrimahaas kuwaasoo sheegay in Israa’iil ay ka walaacsan tahay in Trump uu aad ugu nugul yahay gaarista heshiis, xataa haddii taas micnaheedu yahay in Iran loo oggolaado in ay sii waddo kobcinta nukliyeerka—tani oo ah arrin Israa’iil u aragto khad cas (red line).

The New York Times ayaa sidoo kale sheegay in Israa’iil si gaar ah uga baqeyso in la gaaro heshiis ku-meel-gaar ah oo oggolaanaya Iran in ay muddo bilooyin ama xitaa sanado ah sii wado howlaha nukliyeerka, iyadoo la sugayo heshiis rasmi ah.

Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa sidoo kale muujiyay walaac ah in Israa’iil ay si lama filaan ah u weerari karto Iran, waxaana warbixinta lagu xusay in sirdoonka Maraykanku qiyaasay in Israa’iil ay weerar ku qaadi karto Iran toddoba saacadood gudahood.

Xafiiska Netanyahu ayaa kasoo saaray bayaan kooban oo lagu sheegay: “Warkaasi waa been abuur.”

Wargeyska The New York Times ayaa difaacay warbixintiisa, isagoo sheegay in ay salka ku hayso ilo xog ogaal ah.

“Warbixinta The New York Times waxay ku saleysan tahay xog dhamaystiran iyo wadahadallo lala yeeshay dad si toos ah ugu lug leh arrintan. Waxaan weli ku kalsoonahay wixii aan daabacnay,” ayuu yiri afhayeen u hadlay wargeyska oo email ku bixiyay jawaabta.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in Wasiirka Arrimaha Istiraatiijiga Israa’iil, Ron Dermer, iyo madaxa hay’adda sirdoonka dibadda ee Mossad, David Barnea, ay Jimcihii magaalada Rome kula kulmeen ergayga gaarka ah ee Trump, Steve Witkoff.

Labada mas’uul ayaa kadib ugu safray Washington, halkaas oo ay Isniintii kula kulmeen Agaasimaha CIA, John Ratcliffe, iyadoo Dermer uu Talaadadii mar kale la kulmay Witkoff.

Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan wadahadallada Maraykanka iyo Iran ayaa ah shuruudda Maraykanku ku xirayo in Iran gebi ahaanba joojiso kobcinta nukliyeerka—dalab ay Tehran si cad u diidday.

Isniintii, Wasiirka Amniga Gudaha ee Maraykanka, Kristi Noem, ayaa sheegtay in ay “wadahadal furan” la yeelatay Netanyahu oo ku saabsanaa wadahadallada Iran.

Waxay sheegtay in ay u gudbisay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil fariin uu Trump u dhiibay, taasoo ahayd in “ay aad muhiim u tahay in aynu mideysnaano oo aan fursad siino geeddi-socodkan inuu dhammaado.”

Trump ayaa bishan ka baaqsaday in uu Israa’iil booqdo intii uu ku sugnaa Bariga Dhexe, wuxuuna sameeyay bayaano siyaasadeed oo wiiqay kalsoonidii Israa’iil ay ku qabtay xiriirka kala dhexeeya Maraykanka.

Netanyahu ayaa iska fogeeyay wararka sheegaya inuu khilaaf ka dhex taagan yahay isaga iyo maamulka Maraykanka, halka Trump isna uu meesha ka saaray sheegashooyinka ah in xiriirkoodu xumaaday.

How Turkey’s expanding role in Somalia is costing lives?

MOGADISHU, Somalia – At least 40 Somali civilians have been killed by Turkish drone strikes since late 2022, according to witness accounts reported by The Washington Post — a revelation that is drawing renewed scrutiny of Ankara’s expanding military role in the Horn of Africa.

One of the deadliest strikes occurred in January 2023, when a drone attack on a gathering under a tree in the town of Quracley killed seven civilians, including an 8-year-old child. “I couldn’t even wash my children’s bodies according to the Islamic custom,” said Mohamed Nur Ahmed, 50, who lost three sons and a nephew in the blast, “because they were ripped to pieces.”

Earlier, on September 9, 2022, a strike in the al-Shabab-controlled town of Mubarak killed eight people — mostly drivers and street vendors — according to a local doctor. And in March 2025, two Turkish drone strikes northeast of Mogadishu killed 23 civilians, many of them children, as they broke their Ramadan fast.

The civilian toll has grown so concerning that U.S. Africa Command (AFRICOM), once criticized for its airstrikes, began publicly announcing every U.S. operation in Somalia to distinguish them from Turkish strikes.

As Turkey’s drone campaign intensifies, diplomats and analysts warn that the mounting civilian casualties may inadvertently strengthen al-Shabab’s recruitment efforts. “You’ve got the Somalis telling the Turks to … save Mogadishu at all costs,” one Western diplomat told The Post. “This will inevitably lead to further civilian casualties, which al-Shabab can exploit.”

Ankara’s expanding influence

Turkey’s presence in Somalia began as a humanitarian mission during the devastating 2011 famine, which killed more than 260,000 people. However, that mission has since grown into a deep strategic and economic partnership with the Somali government.

Since 2011, Turkey has:

  • Rehabilitated one of Mogadishu’s main hospitals,
  • Taken over the management of the capital’s airport and port,
  • Built its largest foreign military base in Mogadishu,
  • Trained around 6,000 Somali soldiers across two brigades,
  • And established a military training academy.

Much of Turkey’s influence now rests on its growing military presence. Drone strikes — conducted at the request of Somalia’s National Intelligence and Security Agency — have become a key feature of its strategy. Earlier this month, Ankara delivered two Akinci drones to Somalia, offering greater range and payload capacity than its earlier models. The deployment of 400 Turkish soldiers to Mogadishu last month marked Turkey’s largest military presence in the country to date.

Despite this close coordination with Somali authorities, other international partners say they are often left in the dark about Turkish air operations. “At times, you had multiple UAVs over a target,” one Mogadishu-based diplomat told The Post, referring to unmanned aerial vehicles.

“With traditional powers retreating from parts of Africa, Ankara sees an opportunity to step in,” said Berkay Mandiraci, a senior analyst on Turkey at the International Crisis Group. “Somalia holds strategic value for Ankara, sitting astride key shipping lanes and vital trade routes.”

Strategic stakes and commercial gains

Turkey’s growing role is not limited to military and diplomatic influence. Turkish companies have secured several high-value contracts in Somalia. The operation of Mogadishu’s airport and port generates millions in monthly revenue.

In April, The Washington Post reported on a controversial oil exploration agreement in which Somalia would receive only 5 percent of production — a deal that sparked outrage among opposition lawmakers. Turkish survey ships are now actively exploring offshore oil fields.

“Somalia is resource-rich, but insecurity has prevented the commercialization of those resources,” said Donald Yamamoto, the former U.S. ambassador to Somalia. “If we desert our partners, then others will replace us and reap the rewards when Somalia establishes peace and prosperity.”

As Ankara deepens its presence in Somalia, its influence continues to grow — but so do the consequences. Civilian casualties, opaque military operations, and exploitative business deals are casting doubt on whether Turkey’s expanding role will bring long-term stability or deepen the country’s fragility.

What the U.S. doubts about Somalia’s president reveal?

WASHINGTON, USA — Recent remarks by a senior White House official expressing concern over Somali President Hassan Sheikh Mohamud’s political priorities mark a troubling shift in Washington’s perception of its longtime ally in the Horn of Africa.

While the diplomatic language remains measured, the message is unmistakable: U.S. confidence in President Mohamud is waning.

Since returning to office in 2022, Mohamud has placed political reform at the center of his agenda—notably, a transition to one-person, one-vote elections. While some see the initiative as a step toward democratic normalization, others view it as a means of consolidating presidential power and marginalizing Somalia’s federal states.

His administration’s push for constitutional amendments has deepened these fears, prompting tensions with regional authorities such as Puntland and Jubaland.

These political maneuvers, U.S. officials now warn, are diverting focus from Somalia’s most pressing threat: the resurgence of the al-Qaeda-linked militant group al-Shabab.

Why does this shift in U.S. posture matter?

The United States has long been Somalia’s most significant security partner—providing drone support, military training, and diplomatic backing.

In the early phase of Mohamud’s presidency, this partnership contributed to battlefield successes against al-Shabab in central Somalia. However, as internal disputes escalated and federal-regional cooperation broke down, military coordination began to stall.

Now, al-Shabab is regaining ground. In 2024 and early 2025, the group launched renewed offensives in Middle Shabelle, Lower Shabelle, and Hiraan and even attempted to assassinate Mohamud in a brazen March 2025 attack.

With the African Union’s ATMIS mission transitioning to the underfunded AUSSOM, the Somali government’s ability to lead a unified response is more critical than ever.

When U.S. officials say Mohamud’s emphasis on political centralization is “hindering progress on counterterrorism,” it’s not just a critique—it’s a signal that Washington is reevaluating how closely it can align with Somalia’s current leadership.

What could the consequences be?

A fraying relationship with the United States could have wide-ranging implications. First, it may weaken financial and operational support for Somalia’s security forces, particularly the elite U.S.-trained Danab Brigade.

Second, it could push Somalia to deepen its ties with alternative partners like Turkey and Qatar—states that have already expanded their military and economic presence in the country.

Domestically, the perception that President Mohamud is losing the confidence of key Western backers could embolden opposition groups and further complicate the already fraught effort to implement national elections. It may also encourage federal states to act independently, eroding national unity.

Most dangerously, this loss of alignment risks creating a security vacuum that al-Shabab could exploit—something the group has done repeatedly in Somalia’s recent past.

In short, the United States’ loss of confidence in President Hassan Sheikh Mohamud is not just a diplomatic warning—it’s a strategic inflection point. If Somalia’s leadership cannot realign its focus toward inclusive governance and effective counterterrorism, the consequences could be dire: diminished support, increased political fragmentation, and a resurgence of extremist violence. The window to course-correct is narrowing.

DF oo dagaal yaab leh ku bilowday saameynta mucaaradka iyo Rooble oo tallaabo culus qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Villa Somalia, ayaa markii ugu horreysay maanta fahantay saameynta Media, waxayna burburisay ama lumisay saameyntii Shireynaha Mucaaradka uga furmay magaalada Muqdisho, iyadoo la magacaabay Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Kooxdii Farmaajo ee Nabad iyo Nolol ayaa caan ku aheyd in warka ugu weyn dalka ee raali aysan ka aheyn ay ku bedelaan war kale oo saameyn leh.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo xog ogaal ah, Villa Somalia ayaa hadda mar kale ka fekereysa dhacdo kale oo weyn oo lagu dili karo warka ka soo bixi doona natiijada shirweynaha mucaaradka dowladda uga socda Muqdisho.

Maxamed Amiir oo galabta la bedelay ayaa noqday guddoomiyihii ugu muddo xileedka yaraa ee soo maray gobolka Banaadir, wuxuuna xafiiska joogay muddo lix bilood ah, waxaana la sheegay inuu sababsaday shaqo gudasho la’aan.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa noqday Murashaxii ugu horreeyay booqday Ciidamada Macawisleyda ee ku jira Isbitaalka Martiini.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Macawiisleyda beesha Xawaadle ee dhaawacyada ah u geeyey daawooyin iyo lacago, taas oo aad ay uga mahadceliyeen.

Sidoo kale, Rooble ayaa mid mid u dul istaagay kana xaal wareystay noloshooda ciidamadaan dhaawacyada ah ee cashirka furimaha dagaalka ee gobolka Hiiraan ugu soo dhigay Khawaarijta, ugu dambeyntiina ku soo dhaawacmay.

Mucaaradka kale oo shirweyne uu Muqdisho uga socdo ayaan weli booqan dhaawacyada ciidamada, waxaana xusid mudan in toddobaadkii hore uu Ra’iisul

wasaare Xamsa ku eedeeyey in uusan mucaaradka ku jirin hal qof oo soo booqday dhaawacyada ama wax taray ciidanka dagaalka kula jira Khawaarijta.

Waa kuma Gen. Muungaab – Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir?

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fiidkii hore ee caawa fiidkii hore mar kale Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) u magacaabay xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho.

Guddoomiye Mungaab ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda Soomaaliya, isagoo soo noqday Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda.

Xasan Maxamed Xuseen ayaa sidoo kale muddo dheer wuxuu ka soo shaqeeyay Hay’adaha Garsoorka Dalka iyo Safaarada Soomaaliya ee magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.

Dhanka waxbarashada, waa sharci yaqaan shahaadada sare ee PHD ka qaatay Jaamacadda Omdurman ee dalka Suudaan, iyadoo sidoo kale dhammaan heerar kala ee jaamacadahana uu ku qaatay isla dalkaasi Suudaan.

Mungaab wuxuu sidoo kale muddo dheer ka tirsanaa bahda waxbarashada, isagoo qayb ku lahaa dib u soo noolaynta waxbarashada dalka burburkii kadib.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Mungaab ayaa lagu xasuustaa inuu shaqooyin badan oo wax ku ool ah uu ka soo qabtay Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida iyo Gobalka Banaadir oo meel hoose laga soo bilaabay, maadaama uu dalku ka soo kabanayey burburkii baahsanaa ee dowlad la’aanta.

Xamza oo war ka soo saaray geerida Jeneraal Moorgan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo galabtay ku geeriyooday dalka Kenya.

“Waxaan uga tacsiyeeynayaa qoyska, Qaranka iyo guud ahaan Ciidanka  qalab-sida geerida naxdinta leh ee ku timid Alle u naxariistee Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo ahaa sarkaal ku tilmaaman karti iyo geesinimo, kaalin weynna ka soo qaatay dhismaha iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Xamsa ayaa sheegay in Marxuumku kamid ahaa saraakiishii laf-dhabarta u ahayd xilligii dowladdi dhexe Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

“waxaa lagu xasuustaa doorkii uu ka qaatay difaaca dalka,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Moorgan soo qabtay xilal kala duwan oo isugu jira Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo qeybo kala duwan oo kamid ahaa hoggaankii ciidanka.

“Waxaan Alle uga baryayaa marxuumka in uu ka waraabiyo naxariistiisa Janno, ehelka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo, ” ayaa lagu yiri qoraalka Ra’iisul Wasaaraha.

Marxuumka ayaa muddooyinkii u dambeeyey xanuunsanaa, waxaana la sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay sii darsatay kadib markii uu xanuun degdeg ah caloosha kaga soo booday xilli uu ku sugnaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Intaa kadib, waxaa loo qaaday magaalada Nairobi si loogu dabiibo, balse nasiib darro wuu u adkeysan waayey.

Gen. Moorgan waxa uu ku dhashay magaalada Qardho sanadkii 1949. Tababaro sare oo ciidan ayuu ku soo qaatay dalalka Maraykanka iyo Talyaaniga, isagoo ka mid noqday saraakiishii ugu aqoonta sarreysay ee ciidamadii qalabka sida ee Soomaaliya. Waxa uu caan ku noqday doorkii uu ka qaatay dagaalkii 1977 ee Soomaaliya iyo Itoobiya ku dhexmaray gobolka Soomaali Galbeed.

Guddoomiye Amiir oo xilka laga qaaday, iyo Muungaab oo loo magacaabay gobolka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Banaadir, ahaana duqa Muqdisho Maxamed Axmed Amiir, isaga oo ku beddelay Jeneral Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta XFS ayaa u magacaabay Mudane DR. XASSAN MAXAMED XUSEEN MUUNGAAB, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho”

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku saleeyey magacaabistan aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqo ee uu leeyahay Guddoomiye DR. XASSAN MAXAMED XUSEEN MUUNGAAB oo horey xilkan u soo qabtay, door wanaagsanna ka soo qaatay dib u dhiska magaalads Muqdisho iyo guud ahaan horumarinta adeegyada uu bixiyo maamulka Gobolka Banaadir.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub in uu mudnaan siiyo harumarunta caasimadda, dib u heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta laamaha ammaanka iyo bulshada Gobolka Baanaadir, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga, kuwaas oo dhammaantood hortabin u leh dowladda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, in Eebe uu u fududeeyo masuuliyaddan culus, isagoo ku adkeeyey dhammaan hay’adaha dowladda ee ay shaqo wadaagta yihiin in ay si dhow ula shaqeeyaan Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir.”

Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Mudane DR. XASSAN MAXAMED XUSEEN MUUNGAAB ayaa dhaqan galay, maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Arbaco, 28-da May, 2025.

Somalia oo xoojineysa xiriirka militari ee dal kale xilli uu Mareykanka hoos u dhigay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixinaysa xoojinta iskaashiga milatari iyo amni ee ay la leedahay dowladda Turkiga, iyadoo qorshahaasi uu yahay mid lagu dardargelinayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Tallaabadan ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay istiraatiijiyad cusub oo lagu dhisayo awood ciidan oo gudaha dalka ka dhalata, loogana kaaftoomayo dibedda.

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinaca milatariga ayaa si gaar ah u sii xoogeysanaya, iyadoo ay muuqato in Dowladda Federaalka ay u jiheysanayso iskaashi fogaan dheer ah oo dhinacyo badan leh. Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Mareykanka uu hoos u dhigay doorkiisii gudaha Afrika, gaar ahaan dhanka taageerada dhaqaalaha ee la siin jiray dalalka qaaradda.

Soomaaliya, oo muddo dheer ka faa’iideysan jirtay taageerada milatari ee Mareykanka, ayaa hadda u muuqata mid si buuxda ugu leexatay dhanka Turkiga. Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska Washington Post, isbeddelka siyaasadeed ee ka dhacay Mareykanka tan iyo 2024 ayaa hoos u dhigay taageeradii dhaqaalaha ee lagu bixin jiray howl-galka AUSSOM.

Turkiga ayaa horey uga hirgaliyay magaalada Muqdisho saldhig ciidan oo muhiim ah, kaas oo lagu tababaro kumannaan askari oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Saldhiggan ayaa noqday tiir muhiim ah oo dowladda Soomaaliya ay ku tiirsan tahay dhismaha ciidan qaran oo leh karti iyo awood ku filan la tacaalida kooxaha hubeysan.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale codsi rasmi ah u dirtay Turkiga, kaas oo ay ku dalbatay in la keeno tababarayaal dheeraad ah iyo ciidamo si ay gacan uga geystaan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Isbeddelladan ayaa muujinaya in Soomaaliya ay dib u qaabeyn ku sameyneyso siyaasaddeeda amni ee dibadda, iyadoo ay muuqato in dowladda ay doorbideyso iskaashi joogto ah oo lagu dhisayo awood ciidan oo xooggan, si loo dardar geliyo dagaalka kooxaha argagixisada ah.

Si kastaba, Turkiga ayaa hadda loo arkaa saaxiibka ugu dhow ee ka jawaabaya baahida amni ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo geeriyooday

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday wasiirkii hore ee gaashaandhigga dowladdii Kacaanka Soomaaliya, General Maxamed Siciid Xirsi “Moorgan”, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa.

Marxuumka ayaa muddooyinkii u dambeeyey xanuunsanaa, waxaana la sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay sii darsatay kadib markii uu xanuun degdeg ah caloosha kaga soo booday xilli uu ku sugnaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Intaa kadib, waxaa loo qaaday magaalada Nairobi si loogu dabiibo, balse nasiib darro wuu u adkeysan waayey.

Gen. Moorgan waxa uu ku dhashay magaalada Qardho sanadkii 1949. Tababaro sare oo ciidan ayuu ku soo qaatay dalalka Maraykanka iyo Talyaaniga, isagoo ka mid noqday saraakiishii ugu aqoonta sarreysay ee ciidamadii qalabka sida ee Soomaaliya. Waxa uu caan ku noqday doorkii uu ka qaatay dagaalkii 1977 ee Soomaaliya iyo Itoobiya ku dhexmaray gobolka Soomaali Galbeed.

Kadibna, Moorgan waxa uu noqday taliyaha ciidanka “Koofiyo Cas” — guuto ciidan oo si gaar ah u tababaranayd — taasoo kaalin muhiim ah ka qaadatay caburinta kacdoonkii ay sameeyeen jabhadda SSDF ee ka dhisanayd beelaha majeerteen sannadkii 1982.

Laga bilaabo 1986 ilaa 1988, waxa uu ahaa taliyaha milatari ee Sektor 26aad, oo ah dhulka hadda loo yaqaan Somaliland. Sannadkii 1990, waxa uu noqday wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya isla markaana loo magacaabay ku-simaha madaxweynaha xilligii uu maamulku jilcay.

Markii uu burburay xukunkii Kacaanka 1991, Moorgan waxa uu hoggaamiyey jabhaddii taageersanayd kaligii-taliyihii xukunka laga tuuray, Maxamed Siyaad Barre, taasoo loo yaqaanay Somali National Front (SNF).

Intii u dhaxaysay 1991 ilaa 2003, jabhaddan oo uu Moorgan u ahaa hoggaamiye ciidan, ayaa lagu eedeeyey tacaddiyo ba’an oo lagula kacay shacabka ku dhaqan inta u dhaxeysa wabiyada Shabeelle iyo Jubba, gaar ahaan beelaha Digil iyo Mirifle.

Tacaddiyadaas waxaa ka mid ahaa dilal, kufsiyo, burburinta nidaamyadii waraabka, iyo boobka raashinkii bakaarada lagu keydin jiray, taasoo ugu dambeyn horseeday abaar ba’an oo loo yaqaanay “Cagabarar” sannadkii 1992 — abaar lagu tilmaamo tii ugu dhimashada badnayd ee Soomaaliya ku dhufata, iyadoo in ka badan 300,000 qof ay u dhinteen gaajo iyo cudurro.

Waxaa sidoo kale la xasuustaa muuqaal uu si dadban u shaaciyey Moorgan xilligii dagaalladaasi socdeen, isagoo si cad u sheegay in maleeshiyaadkiisu ay “ku nool yihiin bakhaaradii laga boobay shacabka Raxanweyn,” si uu u dhiirrigeliyo hoggaamiyaasha beesha uu ka soo jeedo in ay taageeraan maleeshiyaadka.

Sidoo kale, Moorgan waxa uu muddo kooban soo noqday wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta intii u dhaxaysay 1990-1991, kahor burburkii dowladdii dhexe.

Sanadihii dambe ee noloshiisa, General Moorgan waxa uu degganaa magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaas oo uu ka noqday la-taliye sare oo dhanka ciidamada ah u qaabilsanaa Madaxweynaha Puntland. Waxa uu si muuqata uga qeyb qaatay arrimaha amniga iyo dib-u-dhiska maamulkaasi.

 

Goorta uu joogsanayo dagaalka ay ku jirto beesha Xawaadle oo la shaaciyay

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye ayaa si adag u sheegay in dadka gobolkaasi aysan jirin meel ay uga laabtaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

Wuxuu caddeeyay in dagaalka ay ku jiraan uu joogsan doono marka ay Al-Shabaab ka adkaadan ama iyaga ay ka adkaato kooxdu midkooda. Taas oo ka dhigan in dagaalka Xawaadle uu ku jiro uusan joogsan doonin illaa kooxda laga ciribtiro Hiiraan iyo guud ahaan dalka.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in shacabka Hiiraan ay si buuxda uga go’an tahay in ay sii wadaan dagaalka, isla markaana aysan marnaba oggolaan doonin in ay kooxda Al-Shabaab ku sii sugnaato deegaanadooda. Wuxuu ku nuux-nuuxsaday in dagaalkaas uu yahay mid natiijo wax ku ool ah laga filayo.

“Anagu dagaalka kama noqonayno ilaa aan guul gaarno ama la naga adkaado, xabadeena ma istaagayso, hal ku dhiggeenuna waa guul ama geeri,” ayuu yiri Muuse Salaad. Wuxuu intaas ku daray in rajo weyn laga qabo in guushu ay u soo hoyato shacabka, isagoo ku booriyay Soomaalida kale inay ku daydaan dagaalka ay wadaan dadka Hiiraan.

Muuse Salaad wuxuu sidoo kale iftiimiyay in Al-Shabaab ay culays xoogan saareen gobolka Hiiraan, isagoo xusay in Hiiraan ay tahay meelaha ugu badan ee xabbaddu kaga socoto kooxda. Taas oo uu sheegay inay muujinayso sida kooxda ay ugu aragto gobolka mid muhiim ah oo la isku hayo.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in istiraatiijiyadda dagaalka ay tahay in xoogga la isugu geeyo halka uu dagaalku ka culus yahay, si guul laga gaaro. Sidaas darteed ayuu sheegay in dadka deegaanka iyo ciidamada difaaca ay si buuxda xooggooda ugu wajahaan halkaas, taasoo ay kooxda Al-Shabaab ugu dambeyn kaga adkaan doonaan.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo maalmahan dambe ay gobolka Hiiraan ka socdeen dagaallo culus oo u dhexeeya kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda oo garab ka helaya ciidanka xoogga dalka, iyadoo shacabka iyo maamulka Hiiraan ay muujinayaan go’aan adag oo aan dib uga noqosho lahayn.