28.1 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Xog ku saabsan ciidanka ku sugan banaanka Baydhaba iyo waxa ay damacsan yihiin

Baydhaba (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa hoos u dhigay cabsi laga muujiyey ciidamada iyo gaadiidka dagaalka ee ku sugan duleedka Baydhabo, isaga oo sheegay in ciidamadu aysan ahayn kuwo fallaagoobay, balse loo dhigay sugidda amniga hareeraha magaalada kadib dagaalkii ka dhacay gudaha Baydhaba.

Kadib markii xilka laga tuuray madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, waxaa jiray warar sheegaya in ay banaanka Baydhaba joogaan ciidan taabacsan oo fallaago ah.

Hase yeeshee, afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, ayaa wareysi uu siiyey BBC-da ku sheegay in ciidamadaasi looga fogeeyey gudaha magaalada si looga hortago in qalalaase amni uu ka dhasho aagga bannaanka Baydhaba, maadaama magaalada gudaheeda lagu dagaallamay.

“Ciidamadu waxay sugayaan amniga, maadaama gudaha lagu dagaallamay amniga bannaankana meesha ka bixi karo oo halis geli karo, marka sidaas ayay bannaanka u joogaan,” ayuu yiri afhayeenka.

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo weli ay taagan yihiin su’aalo la xiriira tallaabooyinka xiga ee maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii madaxweynihii hore ee maamulkaas Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen uu shaaciyey inuu iska casilay xilkii madaxweynaha.

Qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook ayuu Laftagareen ku sheegay inuu xilka iska casilay laga bilaabo 30-ka March 2026.

“Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 30 March 2026, waxaan iska casilay xilka Madaxweynaha DGKS anigoo ah Md Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen,” ayaa lagu yiri qoraalkaas.

Tan iyo markii uu ku dhawaaqay is-casilaaddiisa, waxaa isa soo tarayey hadal-heyn ku saabsan in xaaladda siyaasadeed ee Baydhaba ay sidaas ku soo afjarmayso iyo in weli ay jiri karaan isbedello kale oo soo socda.

Afhayeenka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dagaalkii Isniintii ka dhacay Baydhaba, kaas oo dhexmaray ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka, uu ahaa mid nasiib darro ah balse laga sii saadaalin karayey.

Waxa uu sheegay in dhinacooda ay go’aan ku gaareen inay kala badbaadiyaan ciidamada, arrintaasina ay qeyb ka ahayd sababihii keenay in Laftagareen uu isaga baxo Baydhaba, una duulo Nairobi, halkaas oo uu hadda ku sugan yahay.

Dhanka kale, waxaa soo baxay warar sheegaya in Laftagareen uu weli ku adkeysanayo inuu yahay madaxweynaha Koonfur Galbeed, isla markaana aanu ku qanacsanayn sida dowladda federaalku u wajahday maamulkiisii.

Hase yeeshee, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa ka gaabsaday inuu si toos ah uga hadlo arrintaas, isaga oo sheegay in go’aannadaas ay yihiin kuwo u gaar ah Laftagareen, islamarkaana uu isagu waqtiga ku habboon ka hadli doono qorshihiisa.

Sidoo kale, markii la weydiiyey in Laftagareen uu ka laabtay go’aankii is-casilaadda iyo in kale, afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed mar kale wuu ka gaabsaday inuu jawaab cad ka bixiyo, isaga oo ku adkeystay inuusan bixin karin xog faah-faahsan oo ku saabsan go’aanka iyo qorshaha madaxweynihii hore ee maamulkaas.

Mahad Salaad oo ku biiray dhaq-dhaqaaqyada ka socda magaalada Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo uu ku sugan yahay madaxweyne Xasan Sheekh.

Mahad Salaad oo saaka ka baxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinayo saraakiil ka tirsan NISA, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Mahad Salaad ayaa ku biiraya mas’uuliyiinta dowladda ee ku sugan Baydhaba, kuna howlan dhismaha maamulka cusub ee Koonfur Galbeed, maadaama meesha laga saaray madaxweynihii hore ee maamulkaasi Lafta-gareen.

Horay waxaa Baydhaba ugu sugnaa Taliyeyaasha Xoogga Dalka, Booliska iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo horay ula kulmay ciidamada dowladda ee ku sugan magaaladaas, si looga digo inay ku lug yeeshaan dhibaato ama aargoosi ka dhaca halkaasi.

Tagista Mahad Salaad ee Baydhaba ayaa la filayaa in wax badan ka bedasho dhaq-dhaqaaqyada ka socda magaalada, iyadoo horay ciidamada NISA ay ula wareegeen amniga guud ee madaxweynaha oo haatan ku sugan halkaasi.

Dadaallada socda ayaa waxaa ugu muhiimsan hirgelinta qorshaha dowladda ee la xiriira sidii doorasho qof iyo cod ah uga dhici lahayd Koonfur Galbeed, loona soo dooran lahaa goleyaasha deegaanka, baarlamaanka iyo madaxweyne cusub.

Tan iyo markii uu ku dhawaaqay is-casilaadda Lafta-gareen, waxaa isa soo tarayey hadal-heyn ku saabsan in xaaladda siyaasadeed ee Baydhaba ay sidaas ku soo afjarmayso iyo in weli ay jiri karaan isbedello kale oo soo socda.

Qarax ay soo abaabuleen Al-Shabaab oo laga hortegay

0

Xudur (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal guuleystay oo ay maanta ciidamada Booliska ka sameeyeen degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, kaas oo lagu fashiliyay weerar qaraxyo ah.

Ciidamada oo helay macluumaad ayaa ka hortegay miino ay Al-Shabaab doonayeen in ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah, iyadoo la fashiliyay ka hor inta aysan qarxin.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska degmada Xudur ayaa lagu sheegay in si taxadar ah looga hortegay qaraxa, isla markaana uu haatan socdo baaritaan dheeraad ah oo ay wadaan laamaha amniga.

“Booliska degmada Xuddur oo gudanaya waajibaadkooda shaqo ayaa gacanta ku dhigay walxo qarxa oo ay Khawaarijtu u maleegeen shacabka Soomaaliyeed, si ay ugu dhibaateeyaan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale taliyaha saldhigga Booliiska degmada Xuddur, Aadan Wardheere ayaa dhankiisa shacabka uga mahadceliyay wada shaqeynta wanaagsan ee ay la leeyihiin Booliska.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in ay si wadi doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka, si looga hortego weerarrada kooxda Al-Shabaab.

Xudur ayaa kamid ah degmooyinkii ay Koonfur Galbeed kala wareegtay Dowladda Federaalka, kadib markii maamulka degmadaas iyo kan gobolka uu toos ula saftay Villa Soomaaliya oo ugu dambeyn meesha ka saartay maamulkii hore ee uu hoggaaminayay madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.

Si kastaba, waxaana haatan ka socda qorshaha dhismaha maamul cusub, iyadoo barbar socdaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga oo ay wadaan ciidamadii dowladda ee horay loogu daabulay deegaannada maamulkaasi.

Xogta duqeyn culus oo ka dhacday duleedka Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo xalay ka dhacday banaanka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, taas oo lala beegsaday Al-Shabaab.

Duqeynta oo ahayd bartilmaameed ayaa si gaar ah uga dhacday inta u dhexeysa Baydhaba iyo Daynuunaay, iyadoo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo isku uruursanayay halkaasi.

Diyaaradaha dagaalka ee saaxibada caalamiga ah oo fuliyay duqeynta ayaa dhowr gantaal ku dhuftay goobta ay ku sugnaayeen maleeshiyada kooxda.

Ujeedka Al-Shabaab ayaa la sheegay inuu ahaa inay carqaladeeyaan amniga Baydhaba, balse xog la helay kadib ayaa lagu duqeeyay isla goobta.

Sidoo kale, waxaa lasoo wariyay in khasaare culus uu soo gaaray Khawaarijta, isla markaana dhimasho iyo dhaawac badan loo gaystay, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Xaaladda weli cakiran, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka magaalada, oo ay isku fidiyeen ciidamada dowladda oo dhawaan howlgal ku gaaray magaaladaas.

Maalmo kahor ayay ahayd markii Al-Shabaab iyo milatariga Soomaaliya ay isku fara saareen deegaanka Daynuunaay, halkaas oo lagu jabiyay Khawaarijta, waxaana kadib ciidamada ay soo galeen magaalada Baydhaba.

Howlgalladan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan magaalada uu ku sugan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku howlan dhismaha maamulka cusub ee Koonfur Galbeed, kadib markii la riday madaxweyne Lafta-gareen.

Villa Somalia oo xog cusub ka bixisay qorshaha Xasan Sheekh ee Koonfur Galbeed

Baydhaba (Caasimada Online) – Magaalada Baydhaba oo ah xarunta kumeel-gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed waxaa ku sugan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka, kadib markii ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka ay dhammaadkii bishii Maarso la wareegeen magaalada, kaddib dagaal halkaas ku dhexmaray dhinacyadii iska hor yimid.

Masuuliyiinta gaaray Baydhaba waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka iyo siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdiraxmaan Aadan Xadaana, ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh, oo maalintii saddexaad ku sugan Baydhaba, uu halkaas kulamo kula qaatay masuuliyiin dowladda ka tirsan, odayaal dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

“Ujeedka ugu weyn wuxuu ahaa in la xoojiyo ammaanka Baydhaba. Sidoo kale waxaa muhiim ahaa in bulshada la wacyi-geliyo, isla markaana la dardargeliyo hanaanka doorashada la qorsheynayo, maadaama tii ugu horreysay lagu qabtay Muqdisho, tan xigtana la doonayo in laga hirgeliyo Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Xadaana.

Dowladda federaalka ayaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, u magacowday hoggaamiyaha kumeel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed, isagoo xilka hayn doona inta laga qabanayo doorasho toos ah oo ay dowladda federaalku qorsheyneyso.

Afhayeenka Madaxweynaha ayaa sheegay in magacaabista maamulka kumeel-gaarka ah ay timid kadib markii uu meesha ka baxay hoggaankii hore ee maamulka, taasoo abuurtay baahi loo qabo maamul fududeeya geeddi-socodka kala guurka.

“Runtii maamulka kumeel-gaarka ah waxaa loo baahday markii uu meesha ka baxay maamulkii hore. Waxaa loo baahan yahay cid ka shaqeysa amniga, cid fududeysa howlaha doorashada iyo arrimaha maamulka inta lagu guda jiro kala guurka. Waa maamul kumeel-gaar ah oo loogu talagalay in dadka lagu gaarsiiyo hannaan ay si dhab ah ugu doortaan cidda ay doonayaan. Ma aha maamul sii jiri doona muddo dheer ama sanado badan,” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada.

Mar la weydiiyay xaaladda amni ee magaalada iyo falalkii amni darrada ahaa ee dhawaan laga soo sheegay, Xadaana wuxuu sheegay in Baydhaba markii hore ahayd magaalo amni ah, balse kooxo uu ku tilmaamay dhagar-qabayaal ay ka faa’iideysteen firaaqii ka dhashay markii nidaamkii hore meesha ka baxay.

“Baydhaba markii horeba amni ayay ahayd. Maalmihii u dambeeyey, markii nidaamku meesha ka baxay, kooxo dhagar-qabayaal ah ayaa ka faa’iideystay firaaqaasi. Laakiin ciidamada ammaanka ayaa arrintaas ka shaqeeyey, waxayna soo qabqabteen dadkii ku lugta lahaa xad-gudubyadaas,” ayuu yiri afhayeenku.

 

DF oo damacsan warshad soo saarta hubka casriga ah

0

Ankara (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sii xoojinaya iskaashiga dhinaca difaaca iyo soo saarka hubka, kaasi oo Ankara gacan ka siinayso Soomaaliya.

Iskaashigan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dhisayo ciidan Soomaaliyeed oo awood leh isla markaana isku filan. Labada dal ayaa horey u wada gaaray heshiisyo la xiriira tababarka ciidamada, qalabayntooda, sare u qaadista amniga iyo horumarinta tayada awoodda wax-soo-saarka qalabka ciidamada.

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu kamid yahay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa booqasho ku tegay mid kamid ah warshadaha waaweyn ee Turkiga u soo saara hubka iyo qalabka ciidamada, taas oo la aas-aasay sanadkii 1453-kii.

Booqashada wafdiga Soomaaliya ayaa la xiriirtay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca warshadaha hubka, loona sahmin lahaa suurtagalnimada in Soomaaliya ay mustaqbalka yeelato awood ay ku soo saarto qaar kamid ah qalabka ciidamada.

Mas’uuliyiinta wafdiga ayaa warbixino ka dhageystay maamulka warshadda, iyagoo soo bandhigay qorshayaasha la xiriira horumarinta ciidamada Soomaaliya.

Iskaashiga labada dowladood ayaa durba dhaliyay horumar muuqda oo laga sameeyay dhinaca tayeynta iyo qalabaynta ciidamada Soomaaliya, iyadoo Turkiga uu Soomaaliya keenay diyaarado casri ah, gaadiid ciidan iyo qalab kale oo militari oo lagu farsameeyay dalkaas.

Sidoo kale, Turkiga ayaa door weyn ka qaatay tababarka ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya, oo ay kamid yihiin kumaandooska Gorgor iyo ciidanka booliska gaarka ah ee Haramcad, kuwaas oo hadda ka mid ah ciidamada ugu tayada wanaagsan Soomaaliya, isla markaana adeegsada hub iyo qalab ciidan oo ay soo saareen warshadaha Turkiga.

Iskaashigan ayaa sidoo kale ku fiday dhinacyada ciidamada badda iyo cirka, iyadoo Turkiga uu Soomaaliya ka taageerayo tababarka ciidamo awood u leh inay ka howlgalaan maraakiibta dagaalka iyo diyaaradaha militari, si dib loogu soo celiyo awooddii ciidan ee Soomaaliya ay ku lahayd badda iyo cirka.

Mas’uuliyiinta warshadda hubka ee Turkiga ayaa sheegay in ay sii xoojin doonaan iskaashiga ay la leeyihiin dhiggooda Soomaaliya, iyagoo xusay in hadafka ugu weyn uu yahay in Soomaaliya ay mustaqbalka yeelato awood ay ku soo saarto qayb kamid ah hubka iyo qalabka ciidamada, taas oo ka dhigi karta dal si weyn ugu horumara dhinaca difaaca.

Iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa noqday mid si isa soo taraya u kobcaya sanadihii la soo dhaafay, waxaana la rumeysan yahay in haddii uu sidaan ku sii socdo uu Soomaaliya ka caawin karo dib u dhiska awoodda ciidamadeeda iyo in ay gaarto isku filnaansho dhinaca qalabka iyo tiknoolajiyadda ciidamada.

Somalia arms new recruits in Galmudug ahead of vote push

Dhusamareb, Somalia – Somalia’s federal government airlifted military supplies into the central town of Dhusamareb on Saturday to arm about 1,000 newly trained troops, local sources said, underscoring Mogadishu’s twin push to fight militants and secure upcoming elections.

The weapons arrived in the Galmudug state capital for recruits who recently completed training on the outskirts of the town.

Sources told Somalia Today that officials were preparing the force to reinforce security across Galmudug and support operations in areas where Al-Qaeda-linked militants still retain a foothold.

The deployment comes as federal authorities and Somalia’s electoral bodies continue to build the machinery for direct voting.

Galmudug has already launched voter registration in Dhusamareb, which election officials have presented as a key step towards “one-person, one-vote” polls.

Election drive

The federal government has increasingly framed a return to direct elections in 2026 as a central political goal, seeking to replace decades of indirect, clan-based arrangements.

Somalia has not held broad direct national elections since 1969, before the coup led by Mohamed Siad Barre.

President Hassan Sheikh Mohamud’s administration has cast the push to restore universal suffrage as a defining step in rebuilding the state.

However, the electoral drive has also opened new political fault lines.

Recent constitutional changes approved by parliament have fuelled sharp debate over the timing and framework of the next elections.

In a country where power-sharing disputes between Mogadishu and federal member states have repeatedly triggered crises, opposition figures fear the process could deepen instability.

Strategic hub

In Galmudug, the political and military tracks now appear to be converging.

Galmudug President Ahmed Abdi Kariye, better known as Qoor Qoor, is expected in Mogadishu this wekk, according to informed sources.

He has long been seen as one of the regional leaders uneasy with the speed and shape of Villa Somalia’s election plans, though his current position remains unclear.

Against that backdrop, the arrival of new weapons and troops in Dhusamareb is being seen not only as a military move but also as part of a wider federal government effort to strengthen its influence in a strategically important state.

Dhusamareb has for years served as both a political meeting ground and a military staging post in central Somalia.

Federal and state leaders have frequently used the town for high-level talks on elections and security, while Mohamud has previously made the city a key wartime hub during offensives against Al-Shabaab.

The city hosts the command of the Somali National Army’s 21st Division and has long served as a centre for troop training and military co-ordination in central Somalia.

The African Union mission adds to its wider importance. Djiboutian troops have long helped secure Dhusamareb and key installations, including the Ugaas Nuur airport.

Although the AU Transition Mission in Somalia (ATMIS) formally gave way to the new AUSSOM framework at the start of 2025, the city’s role in the regional security architecture has remained unchanged.

Security pressure

The military significance of the region has only grown as Somalia’s war against Al-Shabaab enters a more difficult phase.

The group suffered major setbacks during government-backed offensives in 2022 and 2023, particularly in central Somalia, where local clan militias joined the fight.

But the militants have since shown they can regroup, mount counter-attacks, and exploit weaknesses in supply lines.

In recent months, insurgents have continued to launch operations, underscoring the vulnerability of those gains.

Large rural areas remain outside state control, and the militants still have the capacity to strike key positions and pressure roads linking Mogadishu to the central regions.

The shipment also comes at a time of growing federal pressure in contested regional states.

Less than a week ago, federal troops entered Baidoa, prompting the resignation of South West state leader Abdiaziz Hassan Mohamed after a bitter dispute over election plans.

That episode showed how quickly Somalia’s electoral disputes can reshape local power balances.

In Galmudug, officials appear keen to avoid a similar crisis by backing political plans with hard security on the ground.

The delivery also comes after the UN Security Council in December 2023 lifted the long-standing general arms embargo on the Somali government, giving Mogadishu far greater room to equip its regular forces, while sanctions targeting Al-Shabaab remained in place.

Odayaasha Koonfur Galbeed oo qeyb ka noqday qorshaha Xasan – Maxaa cusub?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed, Jibriil C/rashiid Xaaji ayaa kulan la qaatay odayaasha dhaqanka guud ee maamulka Koonfur Galbeed.

Kulanka madaxweynaha iyo hoggaanka guud ee dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa looga hadlay xoojinta nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada, iyo dardargelinta geeddi socodka dimuqraadiyeynta dalka, gaar ahaan doorashooyinka maamulka.

Sidoo kale, kulanka ayaa diirada lagu saaray xoojinta hay’adaha dowliga ah ee Koonfur Galbeed, gurmadka abaaraha iyo kaalinta ddayaasha dhaqanka ee dowlad-dhiska iyo la-dagaallanka argagixisada.

Xasan Sheekh ayaa odayaasha dhaqanka la wadaagay muhiimadda ay leedahay in ay door firfircoon ka qaataan dadaallada dalka looga hirgalinayo doorashooyinka qof iyo cod, si shacabka Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan in ay doortaan hoggaankooda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale odayaasha ku bogaadiyey doorkooda togan ee ilaalinta midnimada iyo wadajirka bulshada, xalinta khilaafaadka iyo taageerada dowlad-dhiska dalka.

Dhankooda, odayaasha dhaqanka ayaa madaxweynaha ugu mahad-celiyay booqashadiisa Koonfur Galbeed waqtigan kala guurka ah ayaa si buuxda u taageeray qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod.

Odayaasha dhaqanka guud ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo muujiyey diyaar-garowgooda ku aaddan wacyigelinta bulshada iyo ka qayb qaadashada xaqiijinta in talada dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed.

Forgotten behind bars: Two fishermen lost at sea, then lost in justice

0

Abdi Mohamed Umar carried no weapon, boarded no vessel, and harmed no one. Sixteen years later, he is serving life plus 80 years in an American prison — and only his people can bring him home.

HUMANITARIAN CRISIS · WRONGFUL CONVICTION · DIPLOMATIC DUTY

By Sacdiyo M. Aw’Cali & Abukar M. Ibrahim · Edited by Ismail D. Osman

On the morning of April 1, 2010, a Somali fisherman named Abdi Mohamed Umar set out to sea along the northeastern coastline of Bari, Somalia. His engine failed. Ocean currents carried him and his partner, Abdi Mohamed Gurewardher, far from shore — two men with no navigation, no radio, and no means of return. When a large warship appeared through the morning haze, they did what any desperate human being would do: they waved their arms and called for help.

That plea for rescue became the beginning of a nightmare that continues to this day.

The Evidence Never Matched the Sentence

When U.S. Navy personnel boarded their small vessel, they found no weapons. They found no piracy equipment. They found food and fuel — the ordinary provisions of fishermen. Abdi and his partner had not fired a shot. They had not attempted to board any vessel. They had not threatened anyone. The ship’s captain himself confirmed in court testimony that what was on their boat was food and fuel, nothing more.

Three other Somali men had been apprehended separately, approximately six hours earlier, following an armed exchange with the USS Nicholas. Those three men openly stated in court that they did not know Abdi or his partner. The five men were strangers to one another.

Yet the U.S. government chose to try all five men together as co-defendants — bundling two unarmed, adrift fishermen with three individuals accused of a serious armed attack on a Navy warship.

“I did not kill anybody. I did not rob anybody. I did not attack anybody. I’d like to be told the reason I am found guilty in this case.” — Abdi Mohamed Umar, sentencing hearing, March 14, 2011

A Conviction Built on Unrecorded Words

At the heart of the prosecution’s case against Abdi was a single claim: that all five defendants had verbally admitted to piracy while aboard the USS Nicholas. That claim rested entirely on the testimony of two witnesses — the ship’s interpreter and its captain. What those two men said in court, and what they could not say, tells a story that should trouble anyone who values the integrity of a criminal conviction.

What the Interpreter Testified — and What He Could Not

The interpreter from the warship was called to the stand and asked to perform a basic task: identify each of the five defendants by name and face. He failed. He confused identities and could not tell the men apart. The U.S. attorney objected. Following a private recess with the judge, the identical question was asked again — and this time, without any explanation offered to the court, the interpreter identified all five defendants correctly.

He then testified that all five men, including Abdi, had admitted to being pirates during their time aboard the ship. Abdi has stated unequivocally, across sixteen years, that he made no such admission. He told the interpreter clearly who he was: a fisherman who had committed no crime.

What the Captain Testified — and What He Confirmed Was Never Recorded

The ship’s captain testified that all five defendants had been interviewed separately and had each admitted to piracy — a charge carrying a mandatory sentence of life imprisonment. When asked whether these critical interviews had been recorded, the captain confirmed they had not, despite recording equipment being present and available on the vessel.

The captain also described how Abdi and his partner came to be detained: he had spotted a flashlight in the water during the night — not their boat, as they had no flashlight — pursued it, lost it, and the following morning located their vessel and took them into custody. He did not testify that Abdi carried weapons. He did not testify that Abdi was on the attacking skiff. He confirmed that what their boat carried was food and fuel.

In summary, the entire basis for Abdi’s conviction rests on verbal admissions that were never recorded, attributed by an interpreter who initially could not identify the men he was testifying against, and corroborated by a captain whose own account of how Abdi was found contained no evidence of criminal conduct.

Abdi has maintained — consistently, across sixteen years — that he made no such admission. There is no tape. There is no transcript. There is only the word of a single interpreter whose credibility was directly called into question on the witness stand.

On November 14, 2010, the jury returned a guilty verdict. On March 14, 2011, Abdi Mohamed Umar was sentenced to life in prison plus 80 years — among the longest sentences ever handed to a piracy defendant in an American court.

Two nearly identical cases. Two judges. Two dramatically different outcomes. Judge Jackson concluded that life imprisonment for piracy without injury would be constitutionally disproportionate. Judge Davis did not. Abdi — who carried no weapon and was not even present on the attacking skiff — received the harsher sentence.

A Family That Mourned Him Twice

When Abdi vanished without a word that April morning, his family searched and waited. Weeks passed. The sea returned no answer. They did what grieving families do — they held funeral prayers in his name and tried to make peace with his absence. He was presumed dead.

It was not until a year and a half later, after the verdict had been delivered, that Abdi was able to reach his family by phone. His mother had buried her son once already. She heard his voice again from inside an American prison cell thousands of miles away.

No mother should have to bury her child twice.

Somalia Has Done This Before

This is not an impossible ask. Somalia has secured the return of its people from foreign prisons when it chose to act with diplomatic purpose.

In 2012, Somalia worked with the Seychelles to transfer 19 Somali nationals convicted of piracy to serve their sentences on home soil — demonstrating that formal prisoner transfer arrangements between Somalia and foreign governments are not merely theoretical.

In 2018, the Somali government secured the repatriation of 120 Somali nationals imprisoned in India on piracy-related charges through a formal prisoner transfer agreement. The final group landed at Mogadishu’s international airport, where Somalia’s Deputy Prime Minister and senior officials were present to welcome them home — many dropping to their knees to kiss their homeland’s earth.

Tragically, two of those men did not survive to see that day, having died in Indian custody. Time is never on the side of those forgotten behind foreign walls.

The Moment to Act Is Now

The current U.S. administration has made the return of foreign nationals to their home countries a stated policy priority, framing it as both a security interest and a cost-saving measure. Abdi Mohamed Umar is a Somali national who has served sixteen years, carries no record of violence or terrorism, and has maintained a spotless disciplinary record throughout his entire incarceration. He has completed fifteen educational and rehabilitation programs — including conflict resolution, self-management, and English as a second language. He is, by any measure, exactly the profile this policy was designed to address.

The call for repatriation is not new — it was raised at the very moment of conviction. Immediately after the November 2010 verdict, Omar Jamal, Somalia’s First Secretary to the United Nations mission, publicly stated that those convicted should be returned to Somalia to serve their terms. The U.S. government acknowledged the request but declined to act on it at the time, citing Somalia’s lack of a functioning central government as the principal obstacle. Somalia now has a functioning government. That obstacle no longer exists — and the request has never been more legitimate or more urgent.

Returning him home costs the United States a significant annual expense. It costs Somalia the effort of a formal diplomatic request — a mechanism the government has used successfully before. And it brings an innocent man, a son of this nation, back to the people who love him.

Gratitude — and a Plea for Honest Reflection

It must be acknowledged that throughout sixteen years of imprisonment, Abdi has not been left entirely without support. He has been housed, given access to educational programs, and afforded at least the structure of a functioning legal system — one that, whatever its failures in his case, remains a system governed by rules. For that, there is genuine appreciation.

The request to the United States is not made in anger. It is made in the spirit of the very principle upon which that nation was founded: fairness. The evidence presented at trial showed a man who carried no weapon, who was not aboard the attacking vessel, and whose alleged admission was never recorded and cannot be independently verified. A co-defendant in an identical case before a different judge received a sentence less than half as long. These are not accusations — they are facts in the public record, and they deserve honest examination.

Abdi Mohamed Umar went out to fish one morning in April 2010 with a broken engine and never came home. His parents have grown old waiting. His community has mourned and remembered. Sixteen years have passed.

Somalia brought 120 sons home from India. It worked with the Seychelles to bring 19 more. There is one more son — calling out from across the ocean, asking his people not to forget him.

The sea did not take him. Do not let silence keep him.

Abdi Mohamed Umar is currently incarcerated in the United States federal prison system. His case number and legal status are matters of public record. Advocates, journalists, and government officials seeking further documentation may contact the authors directly.

You can watch an interview with Abdi Mohamed Umar’s brothers.

References: The Guardian (Nov. 25, 2010) · CBS News / Associated Press (Nov. 24, 2010) — Omar Jamal, Somalia’s First Secretary to the UN, called for the convicted men to be returned to Somalia to serve their terms; U.S. Attorney MacBride confirmed the request but said repatriation was unlikely · NBC News (Mar. 15, 2011) · U.S. Department of Justice, Eastern District of Virginia — Sentencing press release (Mar. 14, 2011) · Middle East Monitor (Mar. 5, 2018) · Seychelles News Agency (Aug. 2, 2019) · NBC News / Katherine Doyle (Jan. 28, 2025). Full citations are available upon request.

DF oo soo saartay amar Baydhaba looga mamnuucayo…

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta soo saaray amar cusub oo ku saabsan amniga magaalada Baydhaba, kaas oo si cad u mamnuucaya in hub lagu dhex qaato gudaha magaalada

Ciidanka amniga ee loo igmaday sugidda nabad-gelyada iyo madaxda dowladda ee keliya loo ogol yahay inay hub mu dhex qaadan karaannmagaalada, sida lagu xusay amarkan cusub oo kasoo baxay kulan muhiim ah oo ka dhacay Baydhaba.

Kulankan ayuu Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi uu magaalada Baydhaba kula qaatay dhammaan saraakiisha ciidanka booliska ee ka howlgala caasimadda KMG ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda guud ee amniga, iyadoo la falanqeeyay isbeddelladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaannada Koonfur Galbeed iyo saameynta ay ku yeelan karaan nabadgelyada caasimadda, oo ah xarun muhiim u ah maamulka.

Taliyaha ciidanka booliska ayaa saraakiisha faray in la kordhiyo feejignaanta amni, lana xoojiyo howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga, si looga hortago falal amni-darro oo suurtagal ah, xilli magaalada ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Taliye Asad Diyaano ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta ka dhaxeysa laamaha kala duwan ee amniga, sida booliska, nabad-sugidda iyo ciidanka xoogga dalka, si loo helo isku xirnaan amni oo wax ku ool ah.

Amarka lagu mamnuucay in hub lagu dhex qaato magaalada ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay qorshe ballaaran oo lagu adkeynayo amniga Baydhaba, gaar ahaan xilligan ay magaalada ka socdaan kulamo siyaasadeed oo muhiim ah.

Ugu dambeyn, Taliska ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Baydhaba inay la shaqeeyaan ciidamada amniga, isla markaana ay ka fogaadaan qaadashada hubka sharci darrada ah, si loo xaqiijiyo nabadgelyada, xasiloonida iyo kala dambeynta magaalada Baydhaba.

Go’aankan cusub ayaa ku soo beegmaya xilli Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ay safar shaqo ku joogaan magaalada Baydhaba, halkaas oo ay ka wadaan kulamo la xiriira xaaladda kala guurka ee maamulka iyo arrimaha doorashada Koonfur Galbeed.

Maxay Fiqi iyo Cali Xoosh ku soo arkeen qeybo ka mid ah Baydhaba? + Sawirro

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa booqasho ku tegay qaybo ka mid ah magaalada Baydhaba.

Wasiirrada ayaa halkaas kula kulmay shacabka iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, iyagoo kormeeray xaaladda amniga iyo horumarka laga sameeyay sugidda xasilloonida.

Booqashadan ayaa muujinaysa dadaalka joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku bixineyso xoojinta amniga, kobcinta kalsoonida shacabka, iyo adkeynta xiriirka u dhexeeya dowladdu iyo bulshada.

Intii ay ku sugnaayeen Baydhaba, Wasiirrada ayaa si weyn u adkeeyay muhiimadda ay leedahay in amniga iyo is-dhexgalka bulshada la isku xiro, maadaama nabad waarta lagu gaari karo oo keliya marka ay shacabka iyo hay’adaha amniga si dhow u wada shaqeeyaan.

Waxay tilmaameen in shacabka ay laf-dhabar u yihiin amniga, isla markaana ay door muuqda ku leeyihiin ka hortagga iyo la dagaallanka khataraha amni.

Sidoo kale, Wasiir Fiqi iyo Cali Xoosh ayaa ku ammaanay shacabka magaalada Baydhabo doorkooda firfircoon ee nabadeynta iyo la-dagaallanka argagixisada.

Ugu dambeyntiina, wasiirrada ayaa caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dardargelinta howlgalada lagu ciribtirayo kooxaha amni-darrada wada, iyo xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa shacabka iyo ciidamada qalabka sida.

Dhaq-dhaqaaqyo ka socda aagga degmada Buurhakaba – Maxaa dhacay maanta?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wada gobolka Baay ayaa maanta howl-gallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoos yimaada degmada Buurhakaba ee gobolkaasi.

Howl-galladan oo ahaa kuwo qorsheysan ayaa lagu xaqiijinayay amniga deegaannadaasi, si looga hortago falal amni darro oo ay maleegayeen kooxda Al-Shabaab. Howl-gallada ayaa si gaar ah looga fuliyay deegaannada kala ah Bansoole, Balow, Urka Shinbiroow iyo Abowle.

Deegaannadan ayaa la sheegay in mararka qaar si dhuumaaleysi ah ay kusoo geli jireen xubno ka tirsan argagixisada, kuwaas oo dhibaatooyin kala duwan u geysan jiray dadka shacabka ah. Kooxahan ayaa mararka qaar sameyn jiray falal cabsi gelin, baad iyo weerarro gaadmo ah.

Saraakiisha hoggaamineysay howl-galka ayaa sheegay in ujeeddada ugu weyn ay ahayd xaqiijinta amniga, la-dagaallanka Khawaarijta iyo in shacabka laga dulqaado culeyska ay ku hayaan maleeshiyaadkaasi.

Waxay sidoo kale tilmaameen in ciidamadu ay sii wadi doonaan howl-gallada noocaan ah ilaa laga xaqiijinayo amniga guud ee deegaannada hoos yimaada Buurhakaba.

Intii ay socdeen howl-gallada, ciidamada kumaandooska Danab ayaa baaritaanno ku sameeyay goobo lagu tuhmayay inay gabaad ka dhiganayeen xubno ka tirsan argagixisada, iyagoo sidoo kale la kulmay bulshada deegaannadaasi si ay uga xog wareystaan xaaladda amni iyo dhaq-dhaqaaqyada laga shakisan yahay.

Bulshada ku dhaqan deegaannada laga fuliyay howl-gallada ayaa si weyn u soo dhaweeyay ciidanka Danab, iyagoo muujiyay inay si dhow ula shaqeyn doonaan ciidamada, si loo xoojiyo amniga deegaannadaasi.

Dhawaan ciidanka xoogga dalka ayaa dib u furay waddada muhiimka ah ee xiriirisa gobollada Shabeellaha Hoose iyo Bay, kaddib markii halkaas laga sifeeyay Shabaab-kii ku sugnaa, taas oo sahashay isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga.

Caydiid oo isagoo ilmeynaya xilka wareejiyay + Video

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirkii hore wasaaradda warfaafinta Puntand Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta si rasmi ah xilka u wareejiyay, ayaa la arkay isagoo ilmeynaya intii ay socotay munaasabadda xil wareejinta.

Caydiid ayaa xilka ku wareejiyay wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta iyo is-gaarsiinta Mudane Farxaan Cali Xirsi, wuxuuna khudbadda jeediyay isagoo ilmeynaya, sida laga arki karo muuqaal si wayn ugu baahay baraha bulshada.

Maxamuud Caydiid ayaa la dardaarmay wasiirka cusub iyo shaqaalaha wasaaradda, wuxuuna tilmaamay in u taallo shaqo adag, maadaama warfaafinta ay tahay halka lagala socdo xogaha dowladda, lagana difaaco.

“Wasaaraddan shaqadeedu waa xasaasi Star Wars ayaa ka dhaca xiligaa soo jeedo ayay ku xiran tahay iyo sida aad ula socoto xaaladaha” ayuu yiri Caydiid.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaan rajeynayaa wasiirrada in aad la shaqeyn doontaan, wasiirraduna halkaa kala qabsan doonaan, soo jeedkaa iyo feejignaantaas”.

Wasiir Caydiid waxaa saameeyay isbeddelkii uu dhawaan sameeyay madaxweyne Saciid Deni, waxaana la geeyay wasaaradda dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska, iyadoo lagu xasuusan doono dagaalkii afka ee uu la galay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wareegtada Deni waxaa kale oo ay saameysay wasiiro waa wayn, sida wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Saciid (Juxa), Wasiirka Cadaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab iyo xubno kale oo si weyn u difaaci jiray xukuumadda Deni

Xog: DF oo diyaarado hub sida ka dejisay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Sabtidii saanad ciidan ka dejisay magaalada Dhuusamareeb, sida ay sheegeen ilo wareedyo deegaanka ah, iyadoo hubkaas la sheegay in loogu talagalay ciidamo cusub oo dhawaan tababar loogu soo gabagabeeyey duleedka magaalada.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in ciidamadan ay gaarayaan ku dhowaad 1,000 askari, kuwaas oo loo diyaarinayo inay xoojiyaan amniga iyo howl-gallada ka socda deegaannada Galmudug. Dhaqdhaqaaqan cusub wuxuu kusoo beegmayaa xilli Muqdisho ay dardar gelinayso qorsheyaal amni iyo kuwo siyaasadeed oo si isku mar ah uga socda maamulkaas.

Labada qorshe ee dowladda ayaa ah; in ciidamadan ay xoojiyaan amniga doorashooyinka qof iyo cod, iyo in la ballaariyo dagaalka ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, oo laga saaro meelaha yar ee ay uga harsan yihiin deegaanada Galmaudug.

Guddiga doorashooyinka qaran ee Soomaaliya ayaa Galmudug waxa ay ka wadaan diyaargarow la xiriira doorashooyinka qof iyo cod ah ee la doonayo in laga hirgeliyo qaybo ka mid ah dalka.

Galmudug waxay hore u billowday ololaha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, iyadoo madaxda maamulkaasi ay si rasmi ah u daah-fureen qorshahaas, halka dowladda federaalkuna ay si sii kordheysa u muujinayso inay rabto in doorashada 2026 loo raro hannaan toos ah.

Arrintan ayaa imanaysa iyadoo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, la filayo inuu gaaro Muqdisho saacadaha soo socda ama berri, sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah.

Qoor Qoor ayaa hore loogu tirinayey madaxda aan si buuxda ugu qanacsanayn sida Villa Somalia u riixayso qorshaha doorashooyinka isku sidkan, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo ogeyn mowqifka uu hadda ka qaadan doono isbeddellada socda.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in awooddii siyaasadeed iyo tan amni ee ka hor istaagi kartay hirgelinta qorshaha dowladda federaalka ee Galmudug ay sii yaraanayso, taas oo muujinaysa in maamulkaasi uu galay marxalad kala guur ah oo ay is barbar socdaan dib-u-habeyn ciidan, cadaadis siyaasadeed iyo loollan ku saabsan qaabka doorashada.

Dhinaca kale, Dhuusamareeb ayaa muddooyinkii u dambeeyey sii yeelanaysay miisaan amni iyo mid siyaasadeed oo aad u weyn. Garoonka Ugaas Nuur iyo xarumaha kale ee muhiimka ah waxaa muddo ilaalinayey ciidamada Jabuuti ee howlgalka Midowga Afrika, halka howlgalka ATMIS si rasmi ah loogu beddelay AUSSOM bilowgii 2025, taas oo sii adkaysay kaalinta ay magaaladaasi ku leedahay qorshaha amniga ee bartamaha dalka.

Sidoo kale, Dhuusamareeb waxaa ka howlgala taliska Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, waana meel ay dowladda federaalku marar badan u adeegsato isku dubbaridka howl-gallada militari iyo dhaqdhaqaaqyada la xiriira dib-u-dhiska ciidamada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u booqday xarumaha militariga iyo garoonka magaalada, isagoo muujiyey muhiimadda istiraatiijiga ah ee ay u leedahay qorshaha dowladda ee amniga gudaha.

Saanadda maanta la geeyey Dhuusamareeb waxay kusoo beegmaysaa iyadoo Soomaaliya ay haysato awood sharciyeed oo ka ballaaran tii hore ee dhinaca hubka, kadib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu bishii Diseembar 2023 qaaday cunaqabateyntii guud ee hubka ee saarnayd dowladda Soomaaliya, inkasta oo xayiraadaha la xiriira Al-Shabaab ay weli jiraan. Taas ayaa dowladda siisay fursad weyn oo ay ku xoojin karto qalabaynta ciidamadeeda rasmiga ah.

Sawirro: Xasan oo qorshiisa kala hadlay odayaasha K/G

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan magaalada Baydhaba ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed, isaga oo kala hadlay qorshihiisa ku aadan maamulka, maadaama uu dhacay isbeddel wayn.

Madaxweyne Xasan ayaa si gaar ah odayaasha ugala hadlay hannaanka dhismaha maamulka cusub iyo sidii ay u qaadan lahaayeen doorkooda, maadaama la galayo doorasho, si loo helo baarlamaan iyo madaxweyne cusub.

Kulanka oo muhiim ahaa ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray xoojinta nabadda iyo dib u heshiisiinta bulshada, adkeynta geeddi socodka dimuqraadiyeynta, gurmadka abaaraha iyo horumarinta dowladnimada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa odayaasha ku bogaadiyey doorkooda taariikhiga ah ee ilaalinta midnimada iyo wadajirka bulshada, xalinta khilaafaadka iyo taageerada dowlad-dhiska dalka, isaga oo adkeeyey muhiimadda wada shaqeynta dowladda iyo hoggaanka dhaqanka si loo xaqiijiyo horumar iyo xasillooni waarta.

Dhankooda, qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed oo madasha ka hadlay ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada iyo dadaallada joogtada ah ee dowladda Federaalka ay ku bixinayso nabadeynta, dib u heshiisiinta iyo horumarinta deegaanada Koonfur galbeed, iyaga oo muujiyey garab istaagooda qorshayaasha Qaran ee lagu xoojinayo dowladnimada iyo dimuqraadiyadda dalka.

Kulamadan waxaa barbar socda kuwa kale oo ay wadaan hoggaamiyaha kumel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Jabriil Cabdirashiid Xaaji iyo xubnaha golaha wasiirada ee ku sugan Baydhaba, waxaana dhammaantood diiradda lagu saarayaa sidii looga gudbi lahaa xaaladda kala guurka ah ee maamulka.

Si kastaba ha’ahaatee magaalada Baydhaba waxay haatan martigelineysaa madax culus oo ay kamid yihiin madaxweyne Xasan Sheekh, guddoomiyaha baarlamaanka, xidhibaanno, wasiirro, saraakiil iyo ciidamo badan oo loo daad-gureeyay magaaladaas, waxaana haatan soconayo kulamo wada tashi ah.

 

War ka cusub duuliyihii Mareykan ee lagu la’aa Iiraan

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ciidamadooda ay soo badbaadiyeen duuliyihii diyaaraddii Iiraan soo riday, kaas oo la raadinayey muddo ku dhaw 48 saac, waxaana aroornimadii saakay la helay asagoo dhaawac halis ah uu soo gaaray.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo aamusnaa tan iyo markii diyaaradda la soo riday lana waayey laba duuliye ayaa soo hadlay, wuxuuna ku faanay in ciidanka gaarka ah ee Maraykanka ay soo badbaadiyeen duuliyihii labaad iyaga oo adeegsanaya awooddii ugu sarreysay ee ciidanka.

“Waxaa soo gaaray dhaawacyo, laakiin waa uun fiicnaan doonaa,” ayuu ku yiri Trump qoraal uu soo dhigay barta Truth Social.

Howlgalkan oo lagu tilmaamay mud “mucjiso ah” ayaa imaanaya ka dib markii shalay la soo badbaadiyay “ duuliye kale oo geesi ah”, kaasoo Trump uu yiri “ma aanan xaqiijin, sababtoo ah ma aanan dooneynin inaan halis galno howlgalkeenna labaad ee badbaadinta”.

Waxaa kale oo uu qoray: “WELIGEEN GADAAL UGAMA TAGEYNO DAGAAL-YAHAN AMERIKAAN AH!”

Iiraan ayaa dhankeeda sheegtay inay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn iyo diyaaradda xamuulka oo ah C-130 oo ka qayb qaadanayey soo badbaadinta duuliyaha laakiin Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay in laba diyaaradood oo nuuca xamuulka ee C-130 oo ku dagay gudaha Iiraan ay kici waayeen kadibna duqayn lagu burburiyey si aysan ciidanka Iiraan gacanta ugu dhigin.

Si kataba, ha’ahaatee ciidamada Maraykanka ayaa raadinta duuliyahaan u adeegsaday boqolaal ciidanka Kumaandoosta Maraykanka iyo tobanaan diyaaradaha gaarka ah, iyadoo madaxweyne Trump uu sheegay in howlgalkan uu ahaa kii ugu adkaa ebid ee lagu soo badbaadiyo askarta Maraykanka.

Daawo: DF Soomaaliya oo dalacsiisay ciidamadii qabtay magaalada Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dalacsiin u sameysay ciidamadii qaaday howlgalkii lagu qabtay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, kadib markii ay mareen waddada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhaba, sida uu sheegay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud oo ciidamada kula hadlay xero ku taala Baydhaba ayaa marka hore ugu hambalyeeyay guusha ay ka gaareen howlgalkaas, isaga oo xusay inay muujiyeen geesinimo wayn.

“Ummadda Soomaaliyeed mar kasta waxa ay ku seexataa dhiigiina iyo dhacaankiina nabad-gelyana ay ku joogtaa maanta tii ayaa muujiseen waddadaas dheer oo 2009-kii ugu dambeysay in lasoo maro oo ummadaan ay isbaaro ugu taallay nimankii” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka.

Sidoo kale, wuxuu ugu bishaareeyay ciidamadan in la dalacsiiyay min hal darajo oo ay ku muteysteen howlgalka ay fuliyeen, maadaama uu sheegay inay jab culus gaarsiiyeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu ballan qaad u sameeyay iyana saraakiishii iyo saraakiil xigeennaddii hoggaaminayay howlgalkaas ee gaaray magaalada Baydhaba.

“Waxaan rabaa inaan si qalbi ah oo niyad ah inaan idin-kaga mahadceliyo inta aan aniga karo horta mid hal darajo ayaa dalacdeen waana idin-kuugu bishaareynaa saraakiisha idin hoggaamineysay iyo saraakiil xigeenka iyagana ballantaas oo kale ayay qabaan” ayuu yiri taliye Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in la’isku furay waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhaba, isla markaana dagaallo ka dhacay waddadaas lagu jabiyay argagixisada, waxaana ugu dambeeyay dagaalkii ka dhacay deegaanka Daynuunaay ee gobolka Baay ee Koonfurta Soomaaliya.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ciidamada dowladda ayaa ballaariyay howlgallada ay ka wadaan qaybo badan oo kamid ah dalka, siiba gobollada Shabeellooyinka oo daris la ah magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Xildhibaanno qaylo dhaan soo saaray kadib xaalad ka soo korortay Koonfur Galbeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed oo soo saaray warsaxaafadeed ayaa qaylo dhaan ka muujiyay xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira maamulkaas.

Illaa 37 xildhibaan oo soo saaray bayaankan ayaa sheegay in xaalado nololeed oo daran ay ka jiraan gobollada Koonfur Galbeed, ayna saameysay abaarta daran ee ka jira dalka.

Sidoo kale, xildhibaannada ayaa xusay in abaarta ay gaartay meeshii ugu xumeyd, ayna saameysay nolosha dadka iyo duunyada.

“Abaaraha daba dheeraaday iyo colaadaha soo noqnoqday ayaa si weyn u wiiqay nolosha bulshada, waxayna burburiyeen ilihii nololeed ee ay dadku ku tiirsanaayeen” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Bulshada ayaa la tacaaleysa cunto yari ba’an iyo biyo la’aan baahsan iyo hoos u dhac wayn oo ku yimid wax soo saarka beeraha iyo xoolaha”.

Baaqayn ayaa sidoo kale si gaar ah u muujinaya in carruurta, haweenka iyo barakacayaasha ay yihiin kuwa ugu nugul, isla markaana loo baahan yahay gurmad deg-deg ah si loo badbaadiyo noloshooda.

Ugu dambeyn waxay xidhibaannadu soo saareen baaq deg-deg ah oo ay ugu yeerayaan hay’adaha samafalka inay si dhaqso ah u gaarsiiyaan gargaar bini’aadannimo deegaannadaas, si ooga jawaabo baahida wayn ee jirta

Koonfur Galbeed ayaa waxaa haatan ka jira xaalado adag oo siyaasadeed, kuwa amni, iyadoo oo ay sii dheertahay arrimaha bani’aadanimada, maadaama deegaannada qaar laga soo warinayo abaaro aad u daran.

Xogta khasaaraha la qariyey ee weerarkii Iran ee safaarada Mareykanka ee Sacuudiga

Riyadh (Caasimada Online) – Weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan (drones) bishii hore ku qaadeen Safaaradda Mareykanka ee Sacuudi Carabiya ayaa gaystay khasaare ka ballaaran intii horay loo shaaciyay, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin Mareykan ah oo la hadlay wargeyska Wall Street Journal.

Weerarkan ayaa dhacay 3-dii bishii Maarso, markaas oo diyaarad drone ah oo Iiraan ay leedahay ay ka dhex-dustay nidaamyada difaaca hawada ee ilaaliya Xaafadda Diblomaasiyiinta ee Riyadh (Diplomatic Quarter), kahor inta aysan ku dhicin dhismaha safaaradda Mareykanka.

Hal daqiiqo kaddib, diyaarad labaad ayaa ka gashay daloolkii ay dhismaha ka sameysay diyaaraddii koowaad, iyadoo halkaas ku qaraxday, sida ay saraakiishu sheegeen.

Duqeymahan oo dhacay xilli habeen ah ayaa gaaray qayb ammaan adag leh oo ka tirsan safaaradda, halkaas oo caadiyan ay maalin kasta ka shaqeyn lahaayeen boqolaal qof, waxayna si weyn u burburiyeen saddex dabaq.

Xarunta Hay’adda Sirdoonka Dhexe ee Mareykanka (CIA) ee safaaradda dhexdeeda ayaa ka mid ahayd meelaha la duqeeyay, sida ay xaqiijiyeen dad xog-ogaal u ah arrintan.

In kasta oo Wasaaradda Difaaca ee Sacuudiga ay xilligaas sheegtay in weerarku uu sababay dab xaddidan iyo khasaare kooban, saraakiisha Mareykanka ayaa xaqiijiyay in xaaladdu ay intaas ka darnayd, iyadoo uu kacay dab socday muddo 12 saacadood ah.

Qaybo ka mid ah safaaradda ayaa waxaa soo gaaray burbur aan dib loo hagaajin karin, sida uu sheegay qof looga warbixiyay dhacdadan.

Diyaarado kale ayaa isla habeenkaas dhexda lagu burburiyay saacado kaddib, iyadoo haraadigooduna uu ku dhacay meel u dhow xarun xanaanada carruurta ah. Mid ka mid ah diyaaradahaas ayaa la rumeysan yahay inay bartilmaameedsanaysay guriga diblomaasiga ugu sarreeya Mareykanka ee Sacuudiga, kaas oo u jira safaaradda dhowr boqol oo tallaabo.

Weerarka safaaradda ayaa dhacay 1:30 habeenimo. Saraakiisha ayaa sheegay in haddii uu dhici lahaa xilliga shaqada, uu sababi lahaa dhimasho iyo dhaawac aad u badan. Balse, weerarku wuxuu diray farriin ah in Iiraan ay ku beegsan karto Mareykanka goobaha ay u haysteen inay ammaan yihiin.

“Iiraan waxay awoodday inay soo saarto hub ay iyadu farsameysay, kaas oo soo safray boqolaal mayl, ayna gelisay safaaradda cadowgeeda ugu weyn, taas oo la macno ah inay magaalada dhexdeeda ku dhufan kareen bartilmaameed kasta oo ay doonaan,” ayuu yiri Bernard Hudson, oo hore u ahaa madaxii la-dagaallanka argagixisada ee CIA, khibrad dheerna u leh waddamada Gacanka Khaliijka oo uu ku jiro Sacuudiga.

“Waxaa gabi ahaanba la qariyay xogta dhabta ah ee khasaaraha gaaray goobahan,” ayuu yiri isagoo ka hadlaya safaaradaha iyo saldhigyada Mareykanka. “Tani waxay xoojinaysaa shakiga ah in khasaare aad u badan uu dhab ahaan dhacay.”

Markii weerarkii 3-dii Maarso uu ku dhuftay xaafadda diblomaasiyiinta, qiiq ayaa ka istaagay safaaradda oo ku milmay mugdiga habeenka, waxaana la maqlayay dhawaqa rasaasta qoryaha darandoorriga u dhaca oo loo badinayo in lala beegsanayay shay hawada ku jiray, sida ka muuqatay muuqaal uu duubay qof deegaanka ah.

Farriin digniin ah oo xaalad degdeg ah oo lagu baahiyay luqadda Ingiriiska ayaa dadka ugu baaqday inay dadka ka fogaadaan daaqadaha oo ay gabbaad raadsadaan.

Iiraan ayaa mar kale caddaysay farriinteeda dabayaaqadii bishii Maarso, markaas oo ay si dhab ah u bartilmaameedsatay diyaarado Mareykan ah oo ku sugnaa Saldhigga Cirka ee Prince Sultan, oo ay ku jiraan diyaaradda raadaarka ee E-3 Awacs iyo diyaaradaha shidaalka qaada.

Qiyaastii toban askari ayaa ku dhaawacmay weerarkaas, oo laba ka mid ah ay xaaladdoodu liidato. Tani waxay ahayd ugu yaraan markii labaad ee Iiraan ay saldhiggaas ku beegsato diyaaradaha shidaalka qaada.

Safaaradda Mareykanka ee Riyadh, si la mid ah inta badan xarumaha Mareykanka ee daafaha caalamka, ma maamusho nidaam difaac hawo oo u gaar ah, balse waxay ilaalinta amniga iyo xakamaynta dabka ku tiirsan tahay dalka martida loo yahay.

Milateriga Sacuudiga ayaa qasri u dhow halkaas ku ilaaliya nidaamka difaaca hawada ee Patriot, kaas oo baaxaddiisu ay gaarto Xaafadda Diblomaasiyiinta, sida ay sheegeen saraakiil hore oo ka tirsan difaaca Mareykanka.

Weerarka Iiraan ee Riyadh ayaa carqaladeeyay degenaanshihii xaafaddan dhirta badan, taas oo hoy u ah inta badan safaaradaha shisheeye, iyo kumanaan qurbajoog ah iyo Sacuudiyaan isugu jira, oo ay ka mid yihiin madaxda shirkadaha ugu waaweyn, wasiirro, iyo xitaa xubno ka tirsan qoyska boqortooyada.

Xaafaddan ayaa muddo dheer tusaale u ahayd gabbaad ay reer Galbeedku ku noolaadaan, iyadoo bixisa naadiyo orod oo isku-dhaf ah (rag iyo dumar), helitaanka aalkolada oo muddo dheer ka mamnuuc ahayd bulshada dalkaas, iyo dareen ah in xeerarka adag ee boqortooyadu aysan halkaas ka shaqeyn.

Waddooyin dhaadheer oo loo naqshadeeyay orodka iyo baaskiilka ayaa bixiya goob ka duwan saxmadda magaalada ee ka baxsan irdaha xaafadda. Kirada guryaha xaafaddan ayaa ah midda ugu qaalisan dalka.

Dhowr sano ka hor, Xaafadda Diblomaasiyiinta ayaa si joogto ah waxaa loola beegsaday gantaallo ay soo rideen maleeshiyada Xuutiyiinta ee Yemen.

 

Muxuu dastuurka dalka ka leeyahay faro-gelinta ay DF ku sameysay Koonfur Galbeed?

Baydhaba (Caasimada Online) – La wareegista dowladda federaalka Soomaaliya ee magaalada Baydhaba iyo magacaabista maamul kumeel-gaar ah ee loo sameeyay Koonfur Galbeed ayaa dhaliyay doodo dastuuri ah oo xooggan, oo la xiriirta sharciyadda tallaabadaas.

Taageerayaasha dowladda ayaa ay daliilsanaya qodobbo dhowaan wax laga beddelay oo dastuurka ah, halka hoggaamiyeyaasha mucaaradkuna ay ku doodayaan in tallaabadani ay xadgudub ku tahay shuruucda federaalka iyo kuwa maamul-goboleedka labadaba.

Ciidamada dowladda federaalka, oo garab ka helaya ciidamo daacad u ah kooxaha mucaaradka Koonfur Galbeed, ayaa la wareegay gacan-ku-haynta Baydhaba kaddib dagaal ay la galeen ciidamada maamul-goboleedka.

Madaxweynihii Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa is-casilay 30-kii Maarso, wuxuuna markii dambe u safray Nairobi. Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa intaas kaddib u magacaabay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, inuu noqdo madaxa kumeel-gaarka ah ee maamulka.

Faragelintan ayaa dhalisay su’aalo aasaasi ah oo ku saabsan in dowladda federaalku ay awood sharci u leedahay inay la wareegto maamul-goboleed, soona magacawdo maamul ku meel-gaar ah.

Mukhtaar Maxamed Guuleed, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka oo taageersan faragelinta, ayaa u sheegay BBC Somali in qodobbada 73 iyo 75 ee dastuurka wax-ka-beddelka lagu sameeyay ay dowladda federaalka u oggolaanayaan inay tallaabo qaaddo xilliyada ay jiraan duruufo gaar ah.

“Dastuurka la beddelay, Qodobka 73-aad, Fiqradiisa Koowaad iyo Qodobka 75-aad, Fiqradiisa Koowaad, waxay u oggolaanayaan in dowladda federaalku ay faragelin sameyso haddii ay jirto halis ku wajahan amniga, badbaadada iyo madax-bannaanida dalka, iyo haddii la dareemo halis ku wajahan dadka deegaannadaas,” ayuu yiri.

Mukhtaar ayaa ku dooday in Koonfur Galbeed ay gashay xaalad xasillooni-darro ah, isagoo tusaale u soo qaatay goosashooyin ka dhacay heer degmo iyo isku-dhacyo hubeysan.

“Waxaa dhashay kacdoon siyaasadeed, mid madani ah iyo mid milateri,” ayuu yiri, isagoo tixraacaya dhacdooyinkii ka dhacay degmooyinka Buurhakaba, Qansaxdheere, Xudur, Waajid iyo Bardaale, oo ay xigeen dagaalladii ka dhacay Baydhaba.

Wuxuu sheegay in dhacdooyinkaasi ay abuureen xaalado keenay in maamulku uu ku dhawaaqo inuu xiriirka u jaray dowladda federaalka. Wuxuu intaas raaciyay in Qodobka 73-aad uu oggolaanayo in dowladdu tallaabo qaaddo marka amniga qaranka ama midnimada dhuleed ay halis ku jiraan, iyo marka maamul-goboleedku wajaho xaalado uusan isagu kaligiis xallin karin.

Balse dadka dhaliilsan tallaabadan ayaa su’aal gelinaya ku-dhaqanka iyo sharcinimada dastuurka wax-ka-beddelka lagu sameeyay ee kiiskan.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, oo ah xubin ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamanka, ayaa ku dooday in sharciyada aan dib loogu dabaqi karin mas’uuliyiin xilka la wareegay kahor inta aan la meel-marin wax-ka-beddelkaas.

“Marka sharci la meel-mariyo oo la beddelo, sharcigaas ma fulin karaan dad xilal hayay kahor maalintaas,” ayuu yiri. “Caalamka meelna kama oggola in ficillo dhacay kahor inta uusan sharci jirin lagu qaado sharcigaas cusub.”

Samatar ayaa sidoo kale dhaliilay in ciidamo federaal ah la geeyo Baydhaba, isagoo soo jeediyay in wada-tashi ballaaran oo lala yeesho wakiillada baarlamaanka, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobollada ay dhibaatadu saameysey, ay ka hortagi lahaayeen in xaaladdu sii xumaato.

Falanqeeyaha arrimaha siyaasadda Maxamed Mukhtaar Ibraahim ayaa qiray in dastuurka la beddelay uu ku jiro qodob oggolaanaya faragelinta federaalka, balse wuxuu sheegay in fulinta dhabta ah ee ficilka ay tahay mid lagu muransan yahay.

“Qodobku wuxuu ku jiraa dastuurka wax laga beddelay,” ayuu yiri. “Balse maamul-goboleedyada lama siin fursad ay dastuuryadooda kula jaanqaadsiiyaan.”

Wuxuu intaas ku daray in la-jaanqaadsiin la’aanta qaab-dhismeedyada sharciga ee federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyada ay halis u tahay in fulintu ay sii qoto-dheerayso khilaafka hay’adaha.

Xaaladda ayaa waxaa sii cakiraya madmadow ku jira dastuurka u gaarka ah Koonfur Galbeed. Wuxuu dhigayaa in madaxweyne ku xigeenku uu xilka la wareegayo haddii madaxweynuhu is-casilo, balse Koonfur Galbeed ma aysan lahayn madaxweyne ku xigeen xilka haya xilligii uu baxayay Laftagareen.

“Marka ay timaado Koonfur Galbeed, xilka madaxweyne ku xigeenka muu jirin,” ayuu yiri Ibraahim. “Maadaama madaxweynihii iyo guddoomiyihiiba ay xilka ka tageen, kala-guurka dastuuriga ah ma cadda.”

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa gabi ahaanba diiday faragelinta dowladda federaalka iyo dastuurka wax-ka-beddelka lagu sameeyay.

Madasha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa magacaabista hoggaamiyaha kumeel-gaarka ah ku tilmaantay mid aan dastuuri ahayn, waxayna ka digtay inay wiiqayso nidaamka federaalka.

Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in uusan jirin sal sharci oo maamul-goboleed loogu beddeli karo maamul ku meel-gaar ah oo laga hago Muqdisho.

Khilaafkan ayaa iftiiminaya jilicsanaanta nidaamka federaalka ee soo koraya ee Soomaaliya, halkaas oo wax-ka-beddelka dastuurka, ismaamulka gobollada iyo walaacyada amniga ay isku dhex-galayaan qaabab aan xal loo helin.

Maadaama fasiraadaha sharcigu ay kala duwan yihiin, kiiska Koonfur Galbeed wuxuu isku beddeli karaa tijaabada ugu weyn ee qeexaysa sida awoodda loogu dheellitiro Muqdisho iyo maamul-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka.