26.5 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Maamul taabacsanaa Villa Somalia oo eedeyn culus oo la xiriirta dagaalka u jeediyay DF

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Maamulka HirShabelle oo kamid ah maamullada sida weyn u taabacsan Villa Soomaaliya ayaa dowladda dhexe ku eedeeyay inuu istaago dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dagaalkan oo muddo dheer dadka reer Hiiraan kula jireen kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ku cidlaysay dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh.

Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka HirShabelle, Cabdi Daahir Guure Karoore oo eedeyntan u jeediyay dowladda ayaa sheegay in ciidanka Macawiisleyda reer Hiiraan aysan dowladda dhexe ka helin taageeradii ay u baahnayeen.

Tan ayuu ku sababeeyay inay horseeday inuu hakad galo dagaalkii adkaa ee reer Hiiraan kula jireen kooxda Al-Shabaab. Dowladda Federaalka ayaa horey loogu eedeeyay inay arrimo siyaasadeed iyo dano shaqsi ah uga jeesatay xoreynta dalka.

“Dowladda Fedaraalka waxay si cad u dayacday Macawiisleyda oo markii hore ciidamada dowladda ee ku sugnaa Hiiraan awood ahaan ay ku tiirsanaayeen, markii la jabayna waxay ahayd in dowladda la jabtay,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha HirShabelle.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay wasiirku in Macawiisleyda reer Hiiraan ay si geesinimo leh u galeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayna sida qoraxda u muuqdeen guulihii ay ka gaareen dagaalka.

“Reer Hiiraan waa dad isku tashaday oo dhiig iyo maalba u huray difaaca deegaankooda, ma ahan dad caado u leh inay dawarsadaan, maanta waxay mudan yihiin taageero dhab ah oo garabkooda waxay ka waayeen dowladdii iyo dadkii kale ee Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Cabdi Karoore.

Eedeynta HirShabelle ayaa imanaysa xilli ay kooxda Al-Shabaab dib ula wareegtay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan, kuwaas oo naf iyo maalba loo huray xoreyntooda, balse hakadka ku yimid howl-galka uu markale kooxda u fududeeyay inay qabsato deegaanadii laga saaray.

Xasan Sheekh oo xil cusub u magacaabay Maxamed Maxamuud Maxamed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa si rasmi ah oo dhaqangal ah xilkaan ugu magacaabay Maxamed Maxamuud Maxamed (PHD), sida lagu yiri wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha.

Wareegtadan oo ay baahisay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo tixgalinaya khibaraddiisa qotoda dheer ee aqooneed iyo middiisa maamul u magacaabay xilkaan Dr. Maxamed, una rajeeyay inuu waajibaadkiisa u guto si xilkisnimo leh.

Madaxweynaha ayaa ku booriyay guddoomiyaha cusub se Jaamacadda Umadda inuu u guntado sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada socda ee lagu xoojinayo heerka tayada iyo hufnaanta tacliinta sare ee dalka.

Dr. Maxamed Maxamuud ayaa kamid ah aas-aasayaashii Jaamacadda Simad ee magaalada Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Saciid DENI oo lagu eedeyay inuu sameeyay saddex arrin oo halis ah kadib markii…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ah aqoonyahan ku nool gudaha magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, isla markaana falanqeeya arrimaha gobolka ayaa weerar culus oo dhanka afka ah wuxuu ku qaaday Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Deni, isaga oo u jeediyay eedeymo waa wayn

Prof. Cabdiwahaab oo wareysi gaar ah siiyay Universal Tv ayaa shaaca ka qaaday in Saciid Deni uu sameeyay saddex arrin oo halis ah, isla markaana qof Soomaali oo xukun haya aanu horay ugu dhiiran, wuxuuna soo bandhigay dhacdooyinkaas iyo waxa ay la xiriiraan.

Waxa uu tilmaamay in Deni uu ogolaaday in dalka Suudaan oo saaxib ah looga dhex duulo dhul Soomaaliyeed, isaga oo carrabka ku dhuftay in xittaa arrintaas aysan ku dhiiran Somaliland oo muddo dheer raadineysa ictiraaf iyo inay ka go’do Soomaaliya inteeda kale.

“Saddex shey oo uu nin siyaasi ah oo Soomaali ah sameynin ayuu Deni sameeyay, kuwaas oo aan horay u dhicin, waxaana hadda ku dhiiraday Deni. Mid waxaa weeyaan waa ninkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo xukun haya ee u ogolaaday dhul Soomaaliyeed inay yimaadaan koox calooshood u shaqeystayaal ah oo laga daabulo oo waddan kale oo Soomaaliya walaal la’ah ama saaxib la’ah la geeyo, taariikhda Soomaaliya ma dhcin, xittaa Somaliland ma ay sameynin” ayuu wareysiga ku yiri Prof C/wahaab Sheekh Cabdisamad.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in la sheegay in dhul Soomaaliyeed uu ku rakibay Raadaar ay leedahay Israel’ oo lagal soconayo dhaq-dhaqaaqa kooxda Xuutiyiinta Yemen.

Midda saddexaad waxa uu ku eedeeyay inuu fasaxay diyaarad ay dowladda Soomaaliya diiday inay soo gasho dalka, ayna arrintaas dhaawac ku tahay qaranka Soomaaliyeed.

“Sida ay sheegayaan warbaahinta dunida waa ninkii ugu horreeyay ee Raadaar ay leedahay Israel ku rakibay waddan Soomaaliyeed lagu monitor gareynayo xuutiyiinta, waa sida ay qorayaan wabaahinta dunida” ayuu sii raaciyay Prof Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.

“Sidoo kale waa ninkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo diyaarad aysan xukuumaddiisa u ogoleyn waddanka u fasaxay inay soo gasho, marka waxyaalaha aan Deni ku haysto waxyaabahaas waayay saddexdaas shey oo aysan ahayn inuu ku dhiirado qof Soomaali ah.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyay “”Waxaan leeyahay dadka siyaasiyiinta ee hadalkeyga xanafta u yeelay ee ku qarinaayo dhibaatada uu maamulka Puntland ka wado Suudaan taariikhda aya runtii garsoore noo noqon doonta iyada ayaa sheegi doonto in waxa ay sameynayaan ay yihiin wax ka baxsan qiyamka, akhlaaqda iyo sooyaalka Soomaaliya”.

Itoobiya oo ciidamadeeda u diyaarisay in ay gaaraan Badda Cas

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa marba marka ka dambeysay sii xoojineysa isku deyga ay ku dooneyso inay ku gaarto biyaha Badda Cas, waxaana ay haatan ay diyaarisay ciidamadeeda, si ay u fuliyaan qorshaheeda gaarka ah.

Taliyaha Kulliyadda Difaaca Itoobiya Jenaral Bulti Tadesse ayaa isaga oo la hadlayay ciidan cusub oo tababar loo soo xiray sheegay in ay ka go’an tahay sidii ay u gaari lahaayeen Badda Cas, ayna rumeyn doonaan riyada ay ku taamayaan shacabkooda ee gaaridda biyaha.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay ka mid noqon doonaan awoodaha baratamaya, isla markaana haddii lagu guul-dareysto nabad iyo is faham in lagu gaaro qorshaha socda, ay adeegsan doonaan awoodda aan laga maarmin, sida uu hadalka u dhigay.

Jenaral Bulti Tadesse ayaa sidoo kale farriin culus u diray dadkiisa, wuxuuna ugu baaqay in dhankooda ay is diyaariyaan, si looga miro dhaliyo dadaalka ay ku howlan tahay dowladda.

“Waxa aan diyaar u nahay Maskax iyo nafsad ahaan in aan gaarno Badda Cas, Hannaan diblumaasi, Nabad iyo Is faham waa ujeedkeenna, haddii loo baahdo in aan fulino amarka Dowladdeenna Mustaqbalka iyanna waa halkeeda” ayuu yiri Taliyuhu.

Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu isna goor sii horreysay jeediyay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo sheegay in ay tahay “arrin waqti uun naga xigo” inta aysan Itoobiya dib ula wareegin gacan ku haynta dekedda Casab ee Eritrea, isagoo sii wadaya dadaalka adag ee maamulkiisu ugu jiro sidii uu u heli lahaa marin badeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay waraysi uu toddobaadkan siiyay warbaahinta dawladda ee EBC, ka hor xarig-ka-jarka Biyo-xidheenka Weyn ee Dib-u-Curashada Itoobiya (GERD), isagoo ku nuuxnuuxsaday in “la gaaray xilligii la saxayay khaladaadkii hore.”

Isagoo fadhiya xeebaha harada weyn ee macmalka ah ee uu sameeyay biyo-xidheenka GERD, oo loogu magac daray ‘Nigat’, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku tilmaamay luminta marinkii dekedda Casab inay ahayd khalad dhacay soddon sano ka hor.

“Badda Cas waxay qayb ka ahayd Itoobiya soddon sano ka hor,” ayuu yidhi. “Khaladku shalay ayuu dhacay, berrina waa la sixi doonaa.” ayuu yiri ABiy Axmed.

Si kastaba ha ahaatee, raadinta marinka badeed ayaa durba xiisad ka dhalisay dalka deriska la ah ee Soomaaliya, halkaas oo heshiis is-afgarad hordhac ah oo lala galay Somaliland sanadkii 2024 uu sababay buuq iyo sawaxan weyn.

Liibaan Cali Yarow oo maanta qaaday tallaabo ay ku farxeen mucaaradka dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Liibaan Cali Yarow ayaa isaga oo la hadlayay cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda kala hadlay arrimo ku aadan siyaasadda, iyada oo haatan ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhex aloolsan madaxda sare ee dalka iyo sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka.

Liibaan ayaa uga digay dhammaan ciidamada ku milanka siyaasadda, wuxuuna sheegay in mamnuuc ay tahay in siyaasi ay taageeaan, ayna dhaawaceyso kalsoonida iyo sharafkooda.

“Waxaa si buuxda loo mamnuucay in askartu ku milmaan siyaasadda, Askari kasta oo raba inuu galo siyaasadda, waa inuu marka hore iska bixiyo dharka ciidanka, kuna dhawaaqaa in uusan ka mid ahayn ciidanka, markaas kadib ayuu geli karaa howlaha siyaasadeed ama mucaaradnimo.” ayuu yiri Liibaan Cali Yarow.

Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay ka fogaanshiyaha arrimo siyaasadeed oo wax u dhimi kara, isaga oo faray in ujeedkooda ciidanimo iyo howlgallada ay ku ekaadaan.

Jeneraalka aya sidoo kale ugu baaqay ciidamada inay diiradda saaraan waajibaadkooda qaran ee sugidda amniga dalka iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed.

Hadalka guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee ciidamada ayaa ah mid farxad gelinaya xubnaha mucaaradka oo muddooyinkaan ka digayay in ciidamada loo adeegsado dano siyaasadeed oo gaar ah, maadaama ay is hayaan hoggaanka sare ee Villa Soomaaliya.

Mucaaradka ayaa sidoo kale indhawaanahaan ku eedeynayay mas’uuliyiinta dowladda inay ciidamada kicinayaan, si ay ugu adeegsadaan ujeedooyin gaar ah, taas oo walaac abuurtay.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyada oo la’isku hayo hannaanka doorashooyinka oo weli tabasho ka qabaan xubno kamid ah mucaaradka dalka.

Somalia’s E-Visa humiliates Deni, strips his cash flow

MOGADISHU, Somalia – When Somalia’s federal government launched its new e-visa system on September 1, it presented the reform as a leap toward digital governance. But the rollout was more than a technical upgrade—it was a calculated political maneuver that struck at the heart of Puntland President Said Abdullahi Deni’s authority, humiliating him publicly while cutting off a key revenue stream.

For years, Puntland styled itself as Somalia’s pioneer of stability and self-rule, often portraying Mogadishu as ineffective. Deni’s rejection of the federal e-visa was meant to reinforce that image of autonomy. Instead, it left him looking defensive and isolated.

Scenes of diaspora Somalis forced to pay twice at Garowe Airport painted Puntland not as a bold defender of sovereignty but as a government exploiting its own people. Mogadishu, meanwhile, won international credit for embracing transparency, efficiency, and alignment with global standards.

The financial consequences may prove even more significant. Visa fees collected at Garowe and Bosaso airports have long been a dependable source of Puntland’s revenue. By shifting applications online and routing payments through the federal Ministry of Finance, Mogadishu redirected that income to its own coffers.

For Puntland, the $60 local visa now looks less like a principled stand and more like a desperate attempt to cling to lost revenue. Each extra charge deepens public resentment and strengthens the perception that the administration is prioritizing cash over citizens.

Mogadishu’s strategic advantage

The federal government has used the constitutional and legal terrain to full effect. Immigration authority lies squarely with Mogadishu, and airlines must comply with federal rules since national airspace is not subject to regional control.

This leaves Deni with no good options: either abide by the federal system and surrender a vital income stream, or double-charge arrivals and face growing anger from his own people.

It is a political trap designed to make Puntland’s defiance self-defeating.

The e-visa policy may not target Deni personally, but its effects go beyond Puntland. By centralising control of immigration and visa revenue, Mogadishu has also weakened Somaliland’s parallel system, undercutting one of the main levers of authority claimed by both regions.

In a single move, the federal government has demonstrated its ability to reassert control over two of Somalia’s most assertive states.

Somalia’s federal government has often struggled to project authority outside Mogadishu. But with the e-visa rollout, it has modernised a critical national function, captured new revenue streams, and imposed both political and financial costs on defiance.

For Deni, the fallout is stark. A reform he cannot block has humiliated him before his people, stripped him of revenue, and forced his administration to defend policies that appear unconstitutional and exploitative.

For Somaliland, the message is equally clear: Mogadishu is capable of bypassing regional systems and reclaiming sovereign functions once considered out of reach.

Somalia’s e-visa system is more than a technical reform—it is a masterstroke of centralisation. By asserting federal control over immigration and airspace, Mogadishu has weakened Puntland, undercut Somaliland, and left President Deni cornered.

What began as a digital upgrade has reshaped the balance of power, with the federal government scoring a rare—and possibly lasting—victory over its rivals.

Xasan Sheekh oo soo saaray amar culus oo ku socda shacabka deggan dhulka….

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay munaasabad ka dhacday xarunta Tiyaatarka Qaranka ayaa soo saaray amar culus la xiriira dhulka danta-guud ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Madaxweyne ayaa si buuxda Booliska Soomaaliyeed ugu amray inay shacabka ka saaraan dhulalka danta-guud, gaar ahaan kuwa dugsiyada ku yaal caasumada, si looga faa’iideysto.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in baahi wayn ay jirto, ayna tahay in laga fakiro mustaqbalka jiilka cusub, si ay u helaan waxbarasho tayo leh iyo goobo u gaar ah.

“Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee halkan jooga waxaan farayaa dugsiga magaalada Muqdisho in laga baxo waa dan-guud walaalaha deggan ee qoys qoys usoo dagay danta caamka ayaa la hagaajin karaa” ayuu yiri Madaxweynah Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ardeyda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay sanad dugsiyeedka cusub ee bilaabmay, wuxuuna u rajeeyay guul wacan.

“Sanad dugsiyeedka cusub ee 2025, 2026 isagana waa hambalyeyneynaa aad iyo aad ayaa u boggaadineynaa tirada ardeyda ee ka qalinjebisay dugsiyada sare” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale, waxa uu Madaxweynuhu si adag uga hadlay arrinta jaamacadaha, isaga oo tilmaamay inay jiraan kuwa badan oo aan tayo laheyn, lacagana ka aruursada ardeyda.

Guddiga Tacliinta Sare ee la dhisay ayuu faray inay arrintan il gaar ah u lahaadaan, ayna tallaabo ka qaadaan jaamacadahaasi, si loo helo ardey tayo leh oo waxtarta dalka.

“Jaamacad aan dad fiican soo saari karin ee dadka uun lacagta ka guraneyso ee aan u furneen qiyam in la waayo muwaadin wax waxbartay oo shahaadada uu wataa iyo waxa uu yaqaana ay isku dhigmaan in la helo ayaan rabnaa” ayuu mar kale yiri Madaxweynuhu.

Fadeexad lama filaan ah oo dhaawac culus gaarsiisay rajadii aqoonsi ee Somaliland

Minneapolis (Caasimada Online) – Dacwad ballaaran oo ku saabsan musuqmaasuq dhan $250 milyan oo ka socota gobolka Minnesota—taasoo xeer-ilaalinta Mareykanku ku qeexday lunsashadii ugu ballaarnayd ee la xiriirta gargaarkii COVID-19 ee dalka ka dhacda—ayaa waxay gilgil siyaasadeed oo lama filaan ah ku reebtay Geeska Afrika.

Xarigga Muna Wacays Fidhin, oo ah eedeysanaha 75-aad ee fadeexadda “Feeding Our Future”, ma aha oo kaliya kiis kale oo ku biiray diiwaanka maxkamadaha Mareykanka. Munan waa xaaska Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan—sidoo kalena waa shakhsiyad caan ah oo ka dhex muuqata siyaasadda qurba-joogta, iyadoo ah guddoomiyaha xisbiga talada haya ee Waddani ee qeybtiisa Mareykanka.

Eedeynta loo jeediyay shakhsiyaad xiriir dhow la leh xukuumadda Somaliland, oo ah jamhuuriyad iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida, ayaa kiis dambi oo gudaha Mareykanka ah u rogtay xiisad diblomaasiyadeed. Tani waxay halis gelinaysaa inay carqaladeyso dedaal soddon sano qaatay oo lagu raadinayay aqoonsi caalami ah, kaasoo si taxadar leh looga dhex waday xarumaha awoodda ee Washington, D.C bilihii dhowaa.

In ka badan 30 sano, Somaliland waxay dooddeeda madaxbannaanida ku dhisaysay aragti adag oo joogto ah: inay tahay ‘gacan nabadeed’ iyo dal dimoqraadi ah oo ka soocan dalalka kale ee gobolka rabshaduhu hareeyeen.

Xilli Soomaaliya ay la daalaa dhacaysay colaado iyo musuqmaasuq, Hargeysa waxay isku muujinaysay inay tahay saaxiib la isku halleyn karo, sharciga ilaaliya, oo qabta doorashooyin joogto ah, sugta amnigeeda, kuna dhaqanta sarreynta sharciga.

Aragtidan ku dhisan ka-duwanaanshaha ayaa tiir-dhexaad u noqotay olole xeeladaysan oo ololayn ah oo lala beegsanayay dalka Mareykanka.

Diblomaasiyiinta iyo u doodayaasha Somaliland waxay aqoonsiga u soo bandhigeen mid aan ahayn tabasho taariikheed, balse ah arrin istiraatiiji ah oo lama huraan u ah Washington—fursad ay ku heli karto meel ay kaga istaagto marin badeed oo muhiim ah, ayna iskaashi la yeelan karto saaxiib dimoqraadi ah si looga hortago saamaynta sii kordhaysa ee Shiinaha. Soo jeedintaasi, oo ay maal-gelinayaan Imaaraadka, waxay heshay dhego u furan, gaar ahaan xubno saameyn leh oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga.

Fadeexadda “Feeding Our Future” waxay si toos ah u wiiqaysaa aasaaskii dooddan. Eedeymaha ah in shakhsiyaad ku xiran madaxda siyaasadda Somaliland ay ka qaybqaateen qorshe lagu lunsaday lacagta canshuur-bixiyeyaasha Mareykanka—lacag loogu talagalay in lagu quudiyo carruur gaajeysan—iyo suurtagalnimada in lacagtaas la been xalaaleeyey, waxay si toos ah u duminayaan tiirkii ahaa ‘sharciga ilaaliya’ ee ay sumcaddeeda ku dhisatay.

Saameynta diblomaasiyadeed waa mid degdeg ah. Fadeexaddan waxay hub xooggan siinaysaa mucaaradka ka soo horjeeda madaxbannaanida Somaliland—oo ay ugu horreyso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadka u ololeeya—kuwaasoo hadda ku doodi kara in farqiga dhinaca maamul-wanaagga ee la sheego inuu u dhexeeyo Hargeysa iyo Muqdisho uu yahay mid la buunbuuniyay.

Dhanka xeer-ilaalinta Mareykanka iyo hay’adda FBI, kiiskan wuxuu ugu horreyn yahay arrin musuqmaasuq gudaha ah: lacag ayaa si khaldan loo isticmaalay, sharcigana waa inuu waddadiisa qaataa. Hase yeeshee, xiriirka uu la leeyahay xaaska diblomaasi shisheeye ayaa xaqiijinaya in dhacdadan saameynteedu ay ka gudbeyso maxkamadaha gobolka Minnesota.

Dhibaatadan waxay si toos ah u hortaallaa madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi “Cirro”, oo xilka la wareegay bishii Diseembar 2024. Cirro, oo ahaa hoggaamiye mucaarad, wuxuu isbeddel weyn ka yahay maamulkii ka horreeyay—kaasoo hagayay dedaallada caalamiga ah ee Somaliland. Jawaabta uu ka bixiyo fadeexaddan ayaa si dhow looga la socon doonaa Washington, taasoo lagu cabbiri doono sida ay uga go’an tahay inuu isbeddel sameeyo.

Wuxuu hadda wajahayaa xujo adag. Haddii uu qaato waddo daah-furnaan iyo iskaashi ku dhisan—taasoo laga yaabo inay ku kallifto in maamulkiisu iska fogeeyo wasiirka arrimaha dibadda—wuxuu halis u gelinayaa inuu ka caraysiiyo xulafadiisa awoodda badan ee beelaha iyo siyaasadda, taasoo keeni karta inay qalqal geliso siyaasadda gudaha.

Hase yeeshee, haddii uu qaato waddo is-difaacid ama inkiraad ah, waxay musiibo ku noqon doontaa sumcadda caalamiga ah ee Somaliland, iyadoo xaqiijinaysa tuhunnadii ugu xumaa ee ay qabeen dadka dhaliila, isla markaana meesha ka saaraysa rajadii aqoonsi laga helo Mareykanka.

Hab-dhaqanka dimoqraadiga ah ee Somaliland weli waa mid xooggan marka la barbardhigo dalalka kale ee gobolka, balse fadeexaddan waxay soo bandhigtay nuglaansho gudaha ah—oo ay muddo dheer ka digayeen dadka dhaliila—oo ay ka mid yihiin musuqmaasuqa hay’adaha iyo dhaqanka ciqaab la’aanta. Eedeynta Mareykanku ma abuurin dhibaatooyinkan, laakiin waxay ku soo bandhigtay indhaha caalamka qaabkii ugu waxyeellada badnaa.

Waddadii loo marayay dawlad-nimada, oo markii horeba adkayd, ayaa hadda sii adkaatay. Aragtidii fududeyd ee soo jiidashada lahayd ee Somaliland ay dhisaysay tobannaan sano ayaa hadda dillaacday.

Si loo billaabo dayactirka, maamulka Madaxweyne Cirro waa inuu sameeyaa wax ka badan inkiraad; waa inuu hadalka u beddelo ficil dib u xaqiijinaya sida ay uga go’an tahay sarreynta sharciga. Mustaqbalka himilada aqoonsi ee Somaliland waxaa laga yaabaa inay ku xirnaato jawaabta ay ka bixiso arrintan.

Deni oo laba lacag ku soo rogay shacabkiisa isagoo diidan nidaamka e-Visa ee DF

0

Garoowe (Caasimada Online) – Rakaabkii maalmihii dhowaa ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Garowe ayaa ku qasbanaaday inay laba jeer bixiyaan lacagta fiisaha, ka dib markii ay mas’uuliyiinta Puntland diideen inay aqbalaan nidaamka cusub ee fiisaha elektarooniga ah (e-visa) ee dowladda federaalka.

Sabtidii dad Soomaaliyeed oo sitay baasabooro shisheeye oo horey online-ka uga soo qaatay fiisaha elektarooniga ah ee rasmiga ah ee dowladda federaalka oo qiimihiisu ahaa $64, ayaa loo sheegay inay qasab ku tahay inay iibsadaan fiiso kale oo gaar ah oo ay bixiso Puntland, taasoo ku kacaysay $60.

Saraakiisha socdaalka ayaa diiday inay sharciyeeyaan dukumeentiga federaalka, taasoo dadkii safarka ahaa ku reebtay safaf dhaadheer, waxayna dhalisay caro ka dhex dhalatay dadkii lagu qasbay inay jeebkooda mar kale lacag ka bixiyaan.

Mid ka mid ah dadkaas, Maxamed Keynaan, ayaa ku tilmaamay falkaas mid ah “dhiig-miirasho” iyo mid dastuurka ka hor imanaya.

“Markii aan Garowe ka degay, laanta socdaalka waxay iga dalbatay $60 kale. Safaf dhaadheer oo rakaab ah—oo wareersan oo caraysan—ayaa lagu qasbay inay laba jeer lacag bixiyaan,” ayuu yiri.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa intaas ku daray in qoysaska ay ahaayeen kuwa dhibaatada ugu weyn ay soo gaartay, iyadoo qaar ka mid ah ay bixiyeen boqollaal doollar si ay garoonka uga abxaan. “Arrintani maaha wax caadi ah. Bulsho laguma dhiso. Waa dhiig-miirasho,” ayuu ku celiyay Keynaan, isagoo muujinaya dareen caro leh oo la mid ah kii dad badan oo kale.

Xudunta khilaafkan ayaa salka ku haysa isku dhac awoodeed. Dastuurka Soomaaliya wuxuu awoodaha socdaalka siinayaa dowladda federaalka. Si kastaba ha ahaatee, mowqifka Puntland wuxuu u abuuray laba nidaam oo iska soo horjeeda—mid qaran iyo mid gobol. Waqtigan xaadirka ah, waa dadka soo booqanaya ee caalamiga ah iyo Soomaalida qurbajoogta ah ee sita baasaboorada shisheeye kuwa qaadaya culeyska kharashkaas.

Murankan ayaa soo shaac baxay maalmo un ka dib markii ay Muqdisho si rasmi ah u daah-furtay nidaamkeeda cusub ee E-VISA/ETAS 1-dii Sebtembar, 2025. Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha (Immigration and Citizenship Agency) ayaa ku ammaantay nidaamkan dhijitaalka ah inay tahay “horumar taariikhi ah,” iyadoo ballan-qaaday inay casriyeyn doonto adeegyada, korna u qaadi doonto amniga, ayna xaqiijin doonto in dakhliga si hufan ugu soo xaroodo qasnadda dowladda federaalka.

Agaasimaha Guud, Mustafe Duxulow, ayaa sheegay in nidaamkani uu Soomaaliya la jaanqaadsiinayo heerarka caalamiga ah, halka Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, uu ku nuuxnuuxsaday in “dhammaan martida ajnabiga ah” ay qasab tahay inay hadda wixii ka dambeeya online-ka soo dalbadaan ka hor inta aysan imaan.

Laakiin Puntland ayaa si cad u diiday isbeddelkan. Dalabka Garowe ee ah fiiso gaar ah oo $60 ah marka la yimaado garoonka, kaliya kuma muujinayso inay maamusho xuduudaheeda, balse sidoo kale waxay calaamad u tahay diidmadeeda siyaasadeed ee ballaaran ee ay kaga horjeedo Muqdisho arrimaha la xiriira ismaamulka, wadaagga dakhliga, iyo awood-qaybsiga.

Hase yeeshee, dadka safarka ah, siyaasaddu muhiimad uma laha.

“Arrintu maaha cidda saxan iyo cidda khaldan,” ayuu yiri Keynaan. “Arrintu waxay ku saabsan tahay xuquuqda muwaadiniinta caadiga ah iyo qoysaska qurbajoogta, kuwaasoo si aan caddaalad ahayn lacag looga qaadayo sababo siyaasadeed awgood.”

Khilaafkan ayaa si gaar ah xasaasi u ah sababtoo ah inta badan rakaabka caalamiga ah ee Garowe yimaada waa reer Puntland oo ka soo laabanaya qurbaha. Halkii ay ka faa’iideysan lahaayeen nidaamka dhijitaalka ah ee casriga ah ee dowladda federaalka, waxay ku qasbanaadeen inay laba jeer lacag bixiyaan—mar fiisaha elektarooniga ah ee $64 ah, iyo mar kale ruqsadda maxalliga ah ee $60 ah.

Dad badan, arrintani waxay ula muuqataa canshuur aan caddaalad ahayn oo lagu saaray daacadnimadooda iyo xiriirka ay la leeyihiin dalkooda hooyo. Qoysaska bilooyin u soo keydsanayay lacag si ay u soo booqdaan eheladooda ayaa hadda waxaa lagu soo rogay kharashyo lama filaan ah iyo bahdilaad garoonka dhexdiisa ah.

Halkii ay mowqifkeeda ku xoojin lahayd, diidmada Puntland ee ah inay aqoonsato nidaamka federaalka waxay halis ugu jirtaa inay ka fogeyso dadkeeda—kuwaasoo lagu reebay inay qaadaan culeyska dhaqaale iyo midka dareen ee ka dhashay khilaafyada siyaasadeed ee u dhexeeya Garowe iyo Muqdisho.

Prof. Cabdiwahaab oo soo jawaabay kadib dalabkii soo qabasho ee Puntland

0

Nairobi (Caasimada Online) – Prof Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ah aqoonyahan ku nool magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, isla markaana falanqeeya arrimaha gobolka ayaa mar kale soo hadlay, isaga oo usoo jawaabay Puntland oo dhawaan laamaha ammaanka Kenya ka dalbatay inay soo qabtaan, si baaris dheeraad ah loogu sameeyo.

Puntland ayaa ku eedeysay Prof. Cabdiwahaab inuu taageeray argagixisada caalamiga ah ee Daacish, taas oo Puntland kula dagaallamayso buuraha gobolka Bari.

“Waxaan odhan lahaa laamaha ammaanka ee Kenya waa inay waydiiyaan Cabdiwahaab sababta uu Daacish u taageeray. Caalamku wuxuu isku raacsan yahay in Daacish tahay argagixiso caalami ah, qof kasta oo taageero siiyana shuruucda dawliga ah ee dalalka kala duwani si isku mid ah ayay maxkamadayn karaan,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir.

Intaas kadib waxaa soo hadlay Prof Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo sheegay in hadalkiisa ay siyaasadeen madaxda Puntland, waxaana uu tilmaamay inay ku qarinayaan xadgudubyo waa waayn oo uu sheegay inay ka gaysanayaan gudaha maamulkaasi.

“Waxaan leeyahay dadka siyaasiyiinta ah ee hadalkeyga xanafta u yeelay ee ku qarinaayo dhibaatada uu maamulka Puntland ka wado Suudaan taariikhda aya runtii garsoore noo noqon doonta iyada ayaa sheegi doonto in waxa ay sameynayaan ay yihiin wax ka baxsan qiyamka, akhlaaqiyaadka iyo sooyaalka Soomaaliya” ayuu yiri Prof Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo wareysi gaar ah siiyay telefishinka caalamiga ah ee Universal.

Sidoo kale wuxuu iska tiray eedda loo jeediyay ee ah inuu xiriir la leeyahay kooxda Daacish wuxuuna tilmaamay in lagu been abuurtay, isaga oo xusay inuu taageersanahay dagaalka ay ciidamada Puntland kula jiraan ajaaiibta kusoo duushay gudaha dalka.

“Midda ay leeyihiin Prof Cabdiwahaab wuxuu la saftay Daacish taa waa hadal been ah oo runtii la marin habaabiyay waxaan la hadlayaa saraakiisha iyo ciidamada, waxaana u caddeynayaa inaan garab taaganahay” ayuu mar kale yiri Prof Cabdiwahaab Sheekh.

Horay Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo wareysi bixiyay ayaa ku sheegay in dagaalka Puntland kula jirto kooxda Daacish uu yahay xayeysiis loo samaynayo madaxweyne Siciid Deni, oo ay riixayaan dalal shisheeye, hadalkaas oo dhaliyay caro xooggan, waxaase mar kale uu iftiimiyay hadalkiisa isaga oo caddeeyay in si khaldan loo dhigay, uuna ciidanka ku taageersanyahay dagaalka argagixisada ee ka socda Calmiskaad.

Askar ka tirsan ciidamada Puntland oo qarax lagu dilay

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax miino oo maanta lala beegsaday ciidan ka tirsan kuwa Puntland oo ka dhacay qaybo kamid ah Buuraha Calmiskaad oo ay weli ka socdaan howlgallo ka dhan ah kooxda Daacish.

Weerarka qaraxa ah ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Markadaan, oo u dhow halka loo yaqaano Turmusaale oo kamid ah meelihii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay Daacish.

Qaraxa ayaa haleelay gaari ambalaas ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Puntland, waxaana ku dhintay 3 askari oo uu ku jiro sarkaal sare, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale, waxaa qaraxa ku dhaawacmay askar kale oo la socotay baabuurka la beegsaday, iyada oo miinada loogu aasay waddada dhinaceeda.

Kooxda Daacish ayaa horay sidaan oo kale aagga Calmiskaad uga fulisay weerarro noocan oo kale ah, kuwaas oo sababay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac.

Weerarkan cusub ayaa sidoo kale muujinayo in weli Daacish ay awood u leedahay inay qaraxyo ka fuliso halkaasi, waxaana inta badan ay adeegsataa kooxo guur guura oo ka  dhuumaaleysanaya ciidamada, maadaama Daacish lagu jabiyay howlgallada haatan socda.

Saraakiisha laamaha amniga ayaa dhankooda sheegaya in ay jiraan dad deegaanka ah oo gacan saar la leh kooxda, una fududeeya weerarada balse ay ka hortagi doonaan, si tallaabo looga qaado maleeshiyaadka argagixisada ah iyo kuwa la shaqeeya intaba.

Si kastaba, Qaraxan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ciidamada ay sii baacsanayaan firxadka maleeshiyaadka kooxda Daacish, ujeedkana uu yahay in laga saaro dhulkaasi.

Howlgalka ayaa haatan galay wajigiisa 4-aad, waana cir iyo dhul, iyada oo Puntland ay ka sheegatay guullo waa wayn oo wax ku ool ah, maadaama la xoreeyay dhul ballaaran.

Sirta qorshaha Imaaraadka Carabta ee la-wareegista Marinka Gaza oo la kashifay

Gaza (Caasimada Online) – Xilli uu Marinka Gaza la daalaa dhacayo duqeyntii ugu dhimashada badnayd taariikhdiisa casriga ah iyo xasuuq, ayaa ilo diblomaasiyadeed oo Carbeed iyo kuwa Reer Galbeed ah sheegayaan in dalka Imaaraatka Carabta uu soo bandhigay qorshe dhigaya in deegaankaas la hoos geeyo maamul Mareykan ah, loona beddelo goob maalgashi oo aan lahayn wax iska-caabbin hubeysan ah iyo hoggaan siyaasadeed oo Falastiini ah.

Sida ay sheegeen ilahaasi, qorshahan ayaa saadaalinaya in la dhiso maamul ku-meelgaar ah oo uu Mareykanku taageerayo si uu u maamulo Gaza, iyadoo ay wehlinayso “hub-ka-dhigis” iyo “siyaasad-ka-saarid” adag.

Dib-u-dhiska waxaa maalgelin doona dhaqaale ka imanaya Imaaraatka iyo Sacuudiga, halka xeebta Gaza ee badda Mediterranean-ka loo suuq geyn doono sidii xarun dalxiis iyo maalgashi oo la qaab ah kuwa Khaliijka.

Hindisahan ayaa loo dhigayaa mid ah qorshe nabadeed oo dagaalka ka dambeeya, balse dadka dhaliila ayaa sheegaya inuu Falastiiniyiinta ka dhacayo awooddooda siyaasadeed, madax-bannaanidooda, iyo aqoonsiga xuquuqdooda taariikhiga ah.

Dowladda Washington, inkastoo ay si fagaare ah ugu baaqeyso hakad bani’aadannimo oo dagaalka lagu joojinayo, haddana waxay qiratay inay dib-u-eegis ku hayso “fikrado” uga yimid xulafadeeda gobolka oo ku saabsan mustaqbalka Gaza marka Xamaas awoodda laga tuuro.

Imaaraatka Carabta ayaa ka mid ah dalalka ololeynta ugu adag u sameynaya hannaan ku dhisan deganaansho dhaqaale oo lagu maalgeliyo raasamaal shisheeye, amnigiisana lagu sugo kormeer militari oo Mareykan ah.

Dadka u dooda xuquuqda aadanaha ayaa fikraddan ku tilmaamay nooc cusub oo gumeysi ah. Waxay ku doodayaan, in iyadoo burburka Gaza laga dhigayo aag siyaasadda ka maran oo loogu talagalay maalgashadayaasha, uu qorshahani ka hormarinayo danaha shisheeye baahiyaha dadka deegaanka u dhashay.

“Farriintu waa iska caddahay,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka u ololeeya. “Waa in Falastiiniyiintu ay meesha ka baxaan si loogu banneeyo ganacsiga.”

Ururada xuquuqda aadanaha iyo hay’adaha Falastiiniyiinta ayaa diiday hindisahan, iyagoo ka digay in ku soo rogidda qaab-dhismeedyo maamul oo aan haysan oggolaanshaha Falastiiniyiinta ay sii hurin doonto xasilooni-darro dheeraad ah, ayna sii adkeyn doonto qabsashada muddada dheer jirta.

Waxay hoosta ka xariiqeen in isku-day kasta oo lagu doonayo in lagu tirtiro aqoonsiga Falastiiniyiinta — ha ahaato mid lagu qaadayo olole militari ama qorshayaal dagaalka ka dambeeya — uu yahay mid guuldarreysan doona.

Sirdoonka Puntland oo ka hadlay dil lala xiriiriyay oo ka dhacay Hargeysa

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Puntland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dilka loo gaystay Axmed Caddib oo meydkiisa laga heley magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland kaas ‘oo la xiriiriyay sirdoonka Puntland’, sida lagu baahiyay baraha bulshada.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Maamulka Puntland ee PISA ayaa lagu sheegay in ay been abuur yihiin wararka la baahiyay ee ku aadan in iyagu ay ka dambeeyeen dilka loo gaystay Axmed Caddib oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaan jiray jabhaddii SNM, kaas oo illaa iyo hadda aan la garan ciddii ka dambeysay.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Dowladda Puntland waxay beeninaysaa wararka maanta lagu faafiyey baraha bulshada, ee lagu sheegay in muwaadin reer Somaliland ah oo ku dhintay Hargeysa ay ka dambaysay Hay’addu” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka PISA.

PISA aya sidoo kale qoraakeeda ku sheegtay in hay’addu aysan ka shaqeynin shirqool iyo khaarijin, ayna wada shaqeyn wanaagsan kala dhexeyso hay’adaha amniga Somaliland.

“Hay’adaha amniga ee Dowladda Puntland kama shaqeeyaan khaarajin iyo dilal qorshaysan. Taas beddelkeeda, waxay wada-shaqeyn dhow la leeyihiin hay’adaha amniga ee mandaqadda, oo ay ku jirto Somaliland. Sidaas darteed, ma jirto sabab ku kallifaysa xadgudub shaqsi ama mid maamul toona” ayuu lasii raaciyay warsaxaafadeedka Hay’adda.

Dilka Axmed Caddib ayaa dhaliyay shaki xooggan, mana jirto illaa iyo hadda faah-faahin rasmi ah oo laga bixiyay sababta ka dambeysay geeridiisa.

Somaliland ayaa haatan wadda baaris dheeraad ah oo ku aadan dhacdadan iyadoo laga war sugayo waxay hay’adaha amniga ka yiraahdaan dilka marxuumka iyo cidda ka dameysay.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa gudaha Hargeysa ka dhacayay falal liddi ku ah amniga, iyada oo siyaabo kala duwan magaaladaas loogu dhexe dilay dhowr qof oo ay ku jiraan shaqsiyaad ka tirsan laamaha amniga iyo dad kale oo shacab ah oo aan waxba galabsan.

Somaliland’s statehood dream jolted by U.S. fraud scandal

MINNEAPOLIS, USA – A sprawling $250 million fraud case in Minnesota—described by U.S. prosecutors as the nation’s largest pandemic-related theft—has sent an unexpected geopolitical shockwave to the Horn of Africa.

The arrest of Muna Wais Fidhin, the 75th defendant in the Feeding Our Future scandal, is more than another entry on a U.S. docket. Fidhin is the wife of Abdirahman Dahir Adan, Somaliland’s foreign minister — and a prominent diaspora political figure in her own right, having served as U.S. chairwoman of the opposition Waddani party.

The indictment of individuals with close ties to the government of Somaliland, a self-declared republic, has morphed a domestic U.S. crime story into a diplomatic crisis, threatening to derail a three-decade quest for international recognition that has been meticulously waged in the halls of Washington, D.C.

For over 30 years, Somaliland has built its case for sovereignty on a robust and consistent narrative: that it is an “oasis of stability” and a democratic exception in a volatile region.

While Somalia has been mired in conflict and corruption, Hargeisa has presented itself as a reliable, law-abiding partner that holds regular elections, maintains its own security, and upholds the rule of law.

This narrative of exceptionalism has underpinned a sophisticated lobbying campaign aimed at the United States.

Somaliland’s diplomats and advocates have framed recognition not as a historical grievance, but as a strategic imperative for Washington—a chance to gain a foothold in a vital shipping lane and partner with a democratic ally to counter China’s growing influence. That pitch found a receptive audience, particularly among influential Republicans.

The Feeding Our Future scandal strikes at the very foundation of this argument. The allegations that individuals connected to Somaliland’s political elite participated in a scheme to siphon U.S. taxpayer funds—money intended to feed hungry children—and potentially launder the proceeds, directly undermines the “law-abiding” pillar of its brand.

The diplomatic fallout is immediate. The scandal provides potent ammunition to opponents of Somaliland’s independence—chiefly the Federal Government of Somalia and its lobbyists—who can now argue that the purported governance gap between Hargeisa and Mogadishu is exaggerated.

For U.S. prosecutors and the FBI, the case is above all a domestic fraud matter: funds were misused, and the law must take its course. Yet the linkage to a foreign diplomat’s spouse ensures the incident resonates well beyond Minnesota’s courtrooms.

The crisis lands squarely on the desk of Somaliland’s newly elected president, Abdirahman Mohamed Abdullahi “Irro”, who assumed office in December 2024. Irro, a former opposition leader, presents a significant break with the previous administration—one that had steered the territory’s international efforts. His response to the fallout will be closely observed in Washington as a measure of his commitment to reform.

He now faces a fraught dilemma. A transparent and cooperative approach—which could require distancing the administration from the foreign minister—risks alienating powerful clan and political allies, potentially destabilizing domestic politics.

Yet a defensive or denial response would be catastrophic for Somaliland’s international standing, confirming critics’ worst suspicions and all but ending near-term prospects for recognition.

Somaliland’s democratic credentials remain comparatively strong, but the scandal exposes internal vulnerabilities—long flagged by critics—including institutional corruption and a culture of impunity. The U.S. indictment hasn’t created these issues, but it has thrust them into global view in the most damaging possible way.

The path to statehood, always steep, has become steeper. The simple, compelling narrative that Somaliland has cultivated for decades is now fractured.

To begin the repair, President Irro’s administration must do more than issue denials; it must translate rhetoric into action that reaffirms its commitment to the rule of law. The future of Somaliland’s aspiration for recognition may hinge on its response.

Anger in Garowe as Puntland rejects Somalia’s new e-Visa

0

GAROWE, Somalia – Passengers arriving at Garowe Airport this week found themselves paying for visas twice, after Puntland authorities refused to accept Somalia’s newly launched federal e-visa system—laying bare the deep political rifts between Mogadishu and the semi-autonomous region.

On Sunday, Somali travellers carrying foreign passports who had already secured the official $64 federal e-visa online were told they still had to buy a separate $60 visa issued by Puntland. Immigration officers declined to honor the federal document, leaving travellers in long queues and sparking outrage among those forced to dig into their wallets again.

One of them, Mohamed Keynan, described the experience as both “predatory” and unconstitutional.

“When I landed in Garowe, immigration demanded another $60. Long lines of passengers—confused and angry—were forced to pay twice,” he said.

Families were hit the hardest, witnesses added, with some spending hundreds of dollars just to come home. “This is not normal. This does not build society. It is predatory,” Keynan repeated, his frustration echoing that of many others.

At the heart of the dispute lies a clash of authority. The Somali constitution gives immigration powers to the federal government. However, Puntland’s stance has effectively created two competing systems—one national, one regional. For now, it is international visitors and diaspora Somalis with foreign passports who are bearing the cost.

The controversy erupted just days after Mogadishu officially rolled out its new E-VISA/ETAS system on September 1, 2025. The Immigration and Citizenship Agency hailed the digital platform as a “historic milestone,” promising it would modernise services, enhance security, and ensure revenues flow transparently into federal coffers.

Director General Mustafa Duhulow said the system put Somalia in line with global standards, while Interior Security Minister Abdullahi Sheikh Ismail Fartaag stressed that “all foreign visitors” must now apply online before arriving.

But Puntland has flatly rejected the change. By demanding a separate $60 visa on arrival, Garowe is not only asserting control over its own borders but also signalling its broader political defiance of Mogadishu on issues of autonomy, revenue, and power-sharing.

For travellers, though, politics is beside the point.

“This is not about who is right or wrong,” said Keynan. “The issue is the rights of ordinary citizens and diaspora families, who are being unfairly charged for political reasons.”

The row is particularly sensitive because most international passengers arriving in Garowe are Puntlanders returning from the diaspora. Instead of benefiting from the federal government’s modernised digital system, they find themselves paying twice—once for the $64 e-visa, and again for the $60 local permit.

For many, it feels like an unjust tax on their loyalty and ties to home. Families who have saved for months to visit loved ones are now burdened with unexpected costs and humiliation at the airport.

Rather than strengthening its hand, Puntland’s refusal to recognise the federal system risks alienating its own people—who are left carrying the financial and emotional weight of political disputes between Garowe and Mogadishu.

Why Abiy’s Assab rhetoric is a de-facto declaration of war

ADDIS ABABA, Ethiopia – In the high-stakes politics of the Horn of Africa, words can be as dangerous as weapons. Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed’s recent remarks on the Eritrean port of Assab are being interpreted by many observers not as mere saber-rattling, but as a de facto declaration of war—an existential challenge to the Eritrean state itself.

While Abiy insists Ethiopia seeks a peaceful resolution, the language he and his officials employ goes far beyond negotiation. By framing Ethiopia’s landlocked status as a historic “mistake” that must be “corrected tomorrow,” Abiy casts Eritrea’s 1993 UN-backed independence referendum—the foundation of its sovereignty—as illegitimate. This is not an appeal for commercial access but a rejection of Eritrea’s right to exist as it does today.

Ethiopia already enjoys reliable sea access through Djibouti. What Abiy demands, however, is sovereign control of a port and a corridor to the sea—an outright territorial transfer that international law explicitly forbids.

His government describes this as a matter of “national survival,” elevating what was once an economic debate into a national security imperative and preparing the public for the idea that “any price” is justified.

Senior Ethiopian officials have echoed the message. Brigadier General Teshome Gemechu has called Assab a “national objective” and dismissed the 1990s transitional government that recognized Eritrea’s independence as lacking the mandate to “hand over a sea gate.” Such rhetoric is not about lowering port fees—it is the language of an ultimatum.

For Eritrea, these statements cut to the core of its political identity. President Isaias Afwerki has long justified his authoritarian rule and indefinite military conscription by pointing to an existential Ethiopian threat.

Abiy’s words validate this narrative, leaving Asmara with no political space to concede sovereignty. Eritrea’s government has condemned the remarks as “reckless saber-rattling” and a “distortion of history,” while analysts warn they lay the groundwork for conflict.

The consequences are already destabilizing. By framing sea access as an existential issue, Abiy’s government is normalizing the idea of war, desensitizing both domestic and international audiences to what would be a blatant violation of the UN and African Union charters. Having built his credibility on correcting a “historic mistake,” Abiy risks boxing himself into a corner where backing down without a tangible victory may be politically impossible.

This escalation underscores the complete breakdown of the 2018 peace accord, which had ended two decades of “no war, no peace” after the bloody 1998–2000 conflict. That deal was less a true reconciliation than a tactical anti-TPLF alliance between Abiy and Isaias. The partnership unraveled after the 2022 Pretoria Agreement ended the Tigray War but left the TPLF politically intact—a betrayal for Isaias, who had sought its annihilation.

Having lost his most important regional ally, Abiy has embraced a disruptive foreign policy. In January 2024, he struck a controversial deal with Somaliland, offering potential recognition of the breakaway Somali region in exchange for a 50-year lease of a naval base.

The move infuriated Somalia and drew condemnation from the African Union, the Arab League, the United States, and the EU—leaving Ethiopia isolated and driving Somalia, Eritrea, and Egypt closer together in opposition.

Abiy’s urgency is also driven by domestic turmoil. His government is battling deadly insurgencies in Amhara and Oromia while struggling with crippling inflation and debt. Analysts see the Red Sea campaign as a classic “rally ’round the flag” strategy—a nationalist distraction from mounting failures at home.

Today, with troops reportedly massing on both sides of the border, Ethiopia and Eritrea are once again on a collision course. Neither side can concede without sacrificing its very legitimacy. In a region scarred by the memory of the 1998–2000 war, Abiy’s rhetoric sounds less like diplomacy and more like a precursor to conflict.

Without urgent international intervention, the Horn of Africa could be dragged into a catastrophic war—with consequences far beyond the region.

Muse Bihi concedes Somalia sunk Ethiopia sea deal

0

HARGEISA, Somaliland – Former Somaliland president Muse Bihi Abdi has, for the first time, acknowledged that Somalia’s diplomatic offensive forced the collapse of a landmark sea access deal with Ethiopia.

In his first major interview since leaving office, Bihi admitted Mogadishu had “defeated” both his administration and Addis Ababa on the world stage, leaving Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed with little choice but to abandon the agreement. The deal would have granted Ethiopia long-sought naval access to the Red Sea in return for recognizing Somaliland’s sovereignty.

“On our side, we were ready, but Ethiopia could not proceed,” Bihi said, attributing the breakdown to overwhelming external pressure on Abiy.

The rare admission offers a candid post-mortem on the Memorandum of Understanding (MoU) signed on January 1, 2024—a deal that rattled the Horn of Africa and was swiftly condemned by Somalia, which insists Somaliland remains part of its territory.

Bihi described how Somalia marshaled regional and global institutions to isolate Ethiopia, making the agreement politically impossible to sustain.

“The issue was taken up by the African Union, the Arab League, and the Organization of Islamic Cooperation—all sided with Somalia,” he said. He even revealed that Ethiopia faced a stark warning: the AU might relocate its headquarters from Addis Ababa, a threat that would have severely undercut Ethiopia’s diplomatic standing.

According to Bihi, Egypt spearheaded efforts within the Arab League, while the OIC unanimously declared Ethiopia at fault. “The Arab world, led by Egypt, applied immense pressure,” he said. “Even the Organization of Islamic Cooperation agreed Ethiopia was in the wrong, and that is what forced the agreement to be abandoned.”

This united push, Bihi confessed, blindsided both him and Abiy. “Neither I nor Abiy Ahmed expected it to unfold this way; it was never part of the plan,” he admitted.

A deal that shook the Horn

The shelved MoU envisioned leasing a 20-kilometer (12-mile) stretch of Somaliland’s coastline to Ethiopia for 50 years, enabling Addis Ababa to build a naval base and commercial port. In exchange, Ethiopia hinted that it would become the first nation to recognize Somaliland as an independent state formally.

Somaliland, a former British protectorate, broke away from Somalia in 1991 after a bloody civil war. It has since functioned as a self-governing democracy with its own currency and security forces, but has yet to gain international recognition. For Hargeisa, the deal seemed like a breakthrough in its decades-long quest for legitimacy.

Mogadishu, however, immediately denounced the pact as an “act of aggression” and a violation of Somali sovereignty, vowing to fight it on every front. The crisis quickly escalated, with Somalia recalling its ambassador from Addis Ababa and rallying support abroad. (For more on the initial fallout, see the International Crisis Group’s analysis.)

The collapse of the deal marks a clear diplomatic win for President Hassan Sheikh Mohamud, whose government leveraged alliances and international law to defend Somalia’s territorial integrity. It also underscores the region’s delicate balance, where competing ambitions can trigger broad geopolitical ripples.

Ethiopia’s search for sea access remains a defining priority for Abiy. Ever since Eritrea’s independence in 1993 left the country landlocked, Addis Ababa has relied almost exclusively on Djibouti’s ports—a dependency Abiy has described as a “geographical prison.”

Abiy Ahmed oo ku dhowaaqay qabsashada dekedda Casab ee Eritrea

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in ay tahay “arrin waqti uun naga xigo” inta aysan Itoobiya dib ula wareegin gacan ku haynta dekedda Casab ee Eritrea, isagoo sii wadaya dadaalka adag ee maamulkiisu ugu jiro sidii uu u heli lahaa marin badeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay waraysi uu toddobaadkan siiyay warbaahinta dawladda ee EBC, ka hor xarig-ka-jarka Biyo-xidheenka Weyn ee Dib-u-Curashada Itoobiya (GERD), isagoo ku nuuxnuuxsaday in “la gaaray xilligii la saxayay khaladaadkii hore.”

Isagoo fadhiya xeebaha harada weyn ee macmalka ah ee uu sameeyay biyo-xidheenka GERD, oo loogu magac daray ‘Nigat’, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku tilmaamay luminta marinkii dekedda Casab inay ahayd khalad dhacay soddon sano ka hor.

Wuxuu mashaariicda sida GERD ku sifeeyay kuwo “xaaladda weji kale u yeelaya” oo meesha ka saari kara culeysyo qarniyo soo jiitamayay oo dalka saarnaa, isagoo isku xirayay ka maqnaanshaha Itoobiya ee xeebta Badda Cas iyo silsilado “caqabado yaryar” ah oo muddo dheer dhib ku hayay qaranka.

“Badda Cas waxay qayb ka ahayd Itoobiya soddon sano ka hor,” ayuu yidhi. “Khaladku shalay ayuu dhacay, berrina waa la sixi doonaa.”

Abiy ayaa sidoo kale xusay in maamulkiisu uusan marnaba ka tanaasuli doonin danihiisa, isla markaana uusan si taban u saamayn doonin danaha dhinacyada kale.

Si kastaba ha ahaatee, raadinta marinka badeed ayaa durba xiisad ka dhalisay dalka deriska la ah ee Soomaaliya, halkaas oo heshiis is-afgarad hordhac ah oo lala galay Somaliland sanadkii 2024 uu sababay buuq iyo sawaxan weyn.

Dhawaanahan, Eritrea waxay cambaaraysay xiisaha Itoobiya ee Casab, iyadoo u aragta hanjabaad ka dhan ah madax-bannaanideeda.

Iyadoo ay taasi jirto, hamiga soo jireenka ah ee Addis Ababa ee ah in ay hesho marin badeed ayaa ka muuqda hadallada mas’uuliyiin kale oo sarsare oo ka tirsan xukuumadda.

Toddobaadkii hore, waraysi uu siiyay idaacad maxalli ah, Wasiiru Dawlaha Maaliyadda, Eyob Tekalign, ayaa sheegay in “danta qaran ee Itoobiya ay hadda ka qeexan tahay sidii ay ahayd soddon sano ka hor.”

Isagoo qiray in dhammaystirka biyo-xidheenka GERD uu yahay “marxalad isbeddel,” ayuu Eyob intaa ku daray in “ceebtii” ka dhalan jirtay doodda ku saabsan sheekada labada biyo ay soo afjarantay, isagoo carrabka ku adkeeyay in dareennadaas la xiriira ay kaliya jireen soddonkii sano ee la soo dhaafay.

“Maanta, dareennadaas oo kale way is beddeleen,” ayuu yiri Eyob, isagoo intaa ku daray in Itoobiya ay helitaanka Badda Cas ku dartay ajandaheeda istaraatiijiyadeed ee juquraafi-siyaasadeed. “Waxaan u shaqaynaynaa si xooggan, waxaana diyaar u nahay inaan si adag uga hortagno cid kasta oo ka soo horjeesata danta qaran ee dalka, ha noqoto dhinaca dhaqaalaha, diblomaasiyadda, iyo siyaasaddaba.”

Hadal kaas la mid ah, Sareeye Guuto Teshome Gemechu, oo ah agaasimaha guud ee xiriirka caalamiga ah iyo iskaashiga militari ee Wasaaradda Difaaca, ayaa sheegay in Itoobiya ay xaq “taariikhi ah” u leedahay marinka Badda Cas iyo lahaanshaha Dekedda Casab.

Wuxuu helitaanka badda ku tilmaamay arrin ku xidhan “badbaadada qaranka.”

“Anagoo ah ciidan qaran oo ku yaal Geeska Afrika, waxaa na saaran mas’uuliyadda ah inaan difaacno danta qarankeena madaxa-bannaan,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in Badda Cas iyo Casab ay mar ahaan jireen qayb ka mid ah Itoobiya. “Casab waxay ahayd dhulkeenna. Waxaan ku weynay sharci-darrada xukuumaddii ku-meelgaarka ahayd ee xilligaas.”

Agaasimaha guud ayaa sheegay in xal diblomaasiyadeed uu weli yahay mudnaanta koowaad ee Itoobiya.

Hase yeeshee, qoraal uu bartiisa bulshada soo dhigay September 3, 2025, Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa hadalladii u dambeeyay ee ka soo yeeray mas’uuliyiinta Itoobiya ku qeexay “soo noqoshada gooddiga dagaal ee aan miyirka ku dhisnayn” iyo “bahdil iyo qalloocin lagu hayo taariikhda Eritrea.”

Wuxuu ku tilmaamay hadallada noocan oo kale ah, oo ay ku jiraan kuwa ku saabsan aftidii Eritrea ee 1993, inay yihiin marin-habaabin siyaasadeed oo “aad u caajis badan oo aan sal lahayn oo aan u qalmin dood dhab ah.”

Wasiirku wuxuu ku celiyay waxa uu ugu yeerhay xaqiiqooyin taariikhi iyo sharci oo aasaasi ah, isagoo ku adkaystay in xaqa Eritrea u leedahay in ay gumaysiga iska xorayso ay ahayd “awood qaran oo siyaasadeed oo aan laga xayuubin karin cid kalena aan la wadaagin,” taasoo aanay diidmada qayaxan kala kulmi karin dal kale.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in aftidii 1993-kii lagu qabtay go’aan u gaar ah oo Eritrea keligeed iskeed u qaadatay, uuna sinaba “ugu xirnayn ogolaansho, taageero ama iftiin cagaaran oo hore uga yimid quwaddii gumaysanaysay.”

“Doodahan macno darrada ah—ama haddii si kale loo dhigo qashinka siyaasadeed—waa kuwo aad u caajis badan oo aan sal lahayn oo aan u qalmin dood dhab ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Yemane.

Mareykanka oo shaaciyey in ciidanka Danab ay yihiin kuwa ugu awoodda badan Afrika

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) General Dagvin R.M. Anderson, oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan howlgallada Soomaaliya iyo dhismaha ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa gaarka tababaraan ee Danab.

General Dagvin ayaa marka hore sheegay in dhismaha ciidanka kumaandooska Danab ay faa’iido weyn u tahay Soomaaliya, maadaama toban sano kaddib ay haystaan tababar sare iyo awood ciidan oo Afrika ka dhex muuqata, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamadan ay yihiin mid ka mid ah kuwa ugu awoodda badan ee Qaaradda Afrika, ayna tusaale u yihiin dhammaan ciidamada kale.

“Muddo toban sano ah ayaa dhiseynay Ciidanka Danab, waxaan ka dhignay mid kamid ah Ciidanka ugu awoodda badan Afrika, Danab waa tusaale fiican, waxa aan la leenahay taariikh iskaashi oo aan sii wadi doonno” ayuu yiri taliyaha cusub ee howlgalka AFRICOM.

Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay in ujeedka loo kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya ay tahay in meesha laga saaro, si xasilooni loogu soo dabaalo gobolka oo loo arko inay khatar ku yihiin kooxahan gacan saarka la leh argagixisada.

Taliyaha AFRICOM ayaa sidoo kale xusay in isku xiranka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta Yemen uu yahay ujeedka ugu weyn ee Maraykanka, balse ay burburin doonaan, si looga adkaado.

General Dagvin R.M. Anderson, oo maalin kahor la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad u muujiyay sida ay Washington uga go’an tahay inay taageerto Soomaaliya, si loo adkeeyo awoodda ciidamada qaranka.

Mareykanka ayaa qorsheynaya in taageeradiisa cusub ay ku jiraan hawl-gallo cirka ah oo lagu beegsanayo bartilmaameedyada kooxaha argagixisada, is-weydaarsi sirdoon, tababaro ciidan iyo caawimaad kale oo lagu dhisayo awoodda difaaca ee Soomaaliya.

Biixi oo shaaciyey xogta isku daygii Abiy Ahmed uu Farmaajo ku gayn rabay Hargeysa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka xog warramay arrimo xasaasi ah oo dhacay muddo xileedkiisii, inta uu ahaa madaxwenaha ayaa ka sheekeeyay arrin ku saabsan isku daygii Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ku doonayay inuu Hargeysa ku geeyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Biixi ayaa sheegay in Abiy Axmed uu mar isku dayay inuu heshiisiiyo isaga iyo Farmaajo, si ay uga wada shaqeeyaan arrimaha midnimada, si loo gaaro heshiis miro dhal ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo xilligaas saaxib la ahaa Farmaajo oo uu ku casuumay xafiiskiisa, isla markaana si lama filaan ugu soo hadal qaaday arrinta heshiiska, balse uu isagu ka biyo diiday, sida uu hadalka u dhigay.

“Abiy wuxuu noo yeedhay aniga iyo Farmaajo, markaasuu qudbad noo jeediyay, wuxuuna yidhi ‘heshiisiya’. Waxaan ku idhi: shacabka ayaa i doortay, shacabkuna fariinta kala go’a uun bay ii soo dhiibeen,” ayuu yidhi madaxweynihii hore ee maamulka Somaliland.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in mar kale uu Abiy isku dayay inuu Farmaajo geeyo magaalada Hargeysa si uu booqdo halkaasi, balse uu ka hor istaagay, maadaama ay iyagu ka go’an tahay ka gun-gaaridda arrinta ictiraafka iyo madax bannaani ay hesho Somaliland.

“Farmaajo ayaan toos ula hadlay, waxaanan ku idhi: ‘Maanad ahayn nin Soomaali ah? Haddaad doonayso inaad Hargeysa timaaddo si kale ayaad u imane, inagada.’ Isaguna wuxuu yidhi: ‘Waa hagaag.’ Hase ahaatee, Abiy ayaa dhabarka ka riixayay,” sidaa ayuu sheegay inuu ku joojiyay safarkii Farmaajo iyo Abiy ay ku tagi lahaayeen Hargeysa.

Madaxweynihii hore ee Somaliland ayaa sidoo kale soo hadal qaaday dhacdooyin kale oo xasaasi ah oo la xiriira heshiiskii badda ee Itoobiya iyo arrimaha diblomaasiyadda.

Muuse Biise qiray in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga adkaatay dhanka diplomaasiyadda, gaar ahaan heshiiskii badda ee ay la galeen dowladda Itoobiya, maadaama uu fuli waayey, kadib caqabado soo wajahay Hargeysa iyo Addis Ababa.

Waxa uu carrabka ku dhuftay in dhankooda ay diyaar u ahaayeen dhaqangelinta heshiiska, balse uu ka fuli waayay dhanka Itoobiya, sababo la xiriira culeys ay saartay Soomaaliya oo kasoo martay dowladaha gobolka iyo ururada caalamiga ah.

“Arintaas anaga dhankeena diyaar ayay ka ahayd, laakiin Itoobiya waa ay socodsiin weyday waxaa ku kacay wadamadda Afrika, Jaamacadda Carabta iyo ururka Iskaashiga islaam-ka oo Soomaaliya taageeray” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Itoobiya xitaa wadamada Afrika waxay ugu hanjabeen in xarunta midowga Afrika laga qaadayo, Carabta oo ay Masar hor kaceysana cadaadis wayn ayay saareen, xitaa urur ka Iskaashiga Islaam-ka ayaa isku raacay in Itoobiya qaldan tahay taas ayaana qasabtay in heshiiskii dhaqan gali waayo”.

Madaxweyne hore Muuse Biixi Cabdi ayaa xilligiisii hoggaaminta Somaliland lagu xasuustaa sida ay uga go’neyd fulinta heshiiska badda, wuxuuna mar kastaa dhaleeceyn jiray Muqdisho, balse markii dambe waxay sheekada kusoo dhammaatay in isagii meesha uu ka baxo, kadib doorashadii ka dhacday Somaliland, Itoobiyana ay heshiis la gasho Soomaaliya.