26.2 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Ganacsatada Gogoblka Banaadir oo Berri joojin doona shaqada Suuqa Bakaaraha

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shir jaraa’id oo ay maanta magaalada Muqdisho, gaar ahaan suuqa bakaaraha ay ku qabtayn qaar ka mid ah Ganacsatada gobalka Banaadir ayaa waxa ay sheegeen in ay joojiyeen Guud ahaan Ganacsigii suuqa Bakaaraha kadib cabashooyin ay sheegeen in wax laga qaban waayay oo ka yimid dhinaca Dowladda arintaas darteedna ay u joojinayaan ganacsigii suuqa weyn ee Bakaaraha ee maagalada Muqdisho.

Ganacsatada ayaa waxa ay sheegeen in dhowr mar cabashadooda wax laga qaban waayay sidaas darteedna ay ay joojinayaan Ganacsigii Suuqaweyn ee bakaraha wixii beri ka bilaawda.

Tallaabadaan shaqa joojinta ah ayaa waxa ay Ganacstadu ku sheegeen in ay ku keentay kadib markii ay xamili waayeen bixinta lacago dheeraad ah oo ay ku soo rogtay wasaaradda Maaliyadd Soomaaliya sida ay hadalka u dhigeen,iyaga oo madaxda Dowladda ugu baaqy in ay waxka qabato cabashadooda.

Ganacstada ayaa sheegay in ay xamili wayeen lacago dheeraad ah oo ay ku soo kordhisay Dowladda Soomaaliya iyagoo ugu baaqay madaxda Dowladda in ay wax ka qabtaan Cabashadooda ku saabsan canshuurta dheeraadka ah ee lagu soo rogay.

Halkaan hoose ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro:-Qaar ka mid ah dhalinyaro ka soo badbaaday Magafayaasha Libya oo Muqdisho soo gaaray

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – 10; ka mid ah dhallinyarada Maxaabiista ku ahaa dalka Liibiya ayaa maanta laga soo dejiyay Garoonka diyaaradah Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Dhallinyaradan waxaa Garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana ka mid ahaa Ra’isalwasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya.

Dhallinyarada maanta yimid Muqdisho waxaa ay ka mid ahaayeen dhallinyaro badan oo u xir xiran Magafayaasha iyo dowladda Liibiya,iyada oo dad badan oo Soomaali ah ay ku jiraan xabsiyada dalkaas.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiiro katirsan xukuumadda Soomaaliya iyo xildhibaano matalayey labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale masuuliyiin kale oo katirsan dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey muwaadiniintaan maanta dib uga soo laabtay dalka Liibiya oo muddo ay ku heystay dhibaatooyin xoogan.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ku bixisay sidii dalka dib loogu soo celin lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibanaa dalka Liibiya, iyadoo natiijada dadaalkaasi uu keenay in maanta qaarkood dalka dib loogu soo celiyo.

Maryan Yasiin  oo ah Ergayga gaarka ah ee Xukuumadda Soomaaliya u qaabilsan xuquuqda tahriibayaasha ayaa sheegtay in muwadiniinta maanta lagu soo celiyey dalka ay qabaan dhib badan oo ay u geesteen kooxaha arxanka daran ee Magafayaasha loo yaqaan.

Faahfaahin dheeraad ah oo laga helayo dowladda oo hub farabadan kala soo dagtay garoonka Aadan Caade

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Muqdiso ayaa sheegaya in Diyaarad hub sida ay Jimcihii shalay kasoo degtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Diyaaradan oo hubka ay siday u badnaa qoryaha fudud iyo saanad laga keenay Shiinaha. Ilo ku sugan garoonka ayaa sheegay in hubku u socday dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda Shiinaha ayaa la sheegay in qandaraas lagu siiyay in hubkan ay u geyso dowladda Soomaaliya.

Hubkan ayaa ah kii labaad oo Muqdisho la keeno, kaasoo ah mid Sacuudiga uu horay qandaraas  ugu siiyay Shiinaha.

Madaxtooyada ayaa wada qorshe la doonayo in hubkan lagu geeyo maamul goboleedyada, si loogu keydiyo, maadaama hubkan uu aad u badan yahay, suura galna aheyn in Muqdisho lagu haayo.

Dowladda Sacuudiga ayaa la sheegay inay bixisay dhaqaalaha Hubkan loogu soo iibiyey Shiinaha oo hubka iyo saanadda kale u soo daabulaya Soomaaliya. Waa markii labaad ee Hub iyo saanad noocan oo kale ah la keeno Muqdisho.

Hubkan ayaa la sheegay in lagu qalabeyn doono ciidamada Qaran ee dhowaan la isu keeni doono, kana kala imaan doona maamul Goboleedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Akhriso Magacyada & Beelaha ay kasoo jeedaan mas’uuliyiinta loo magacaabay Dakhliga ee G/Banaadir

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa isku shaandheyn ku sameeyay waaxda Dakhliyada dowladda Hoose ee Muqdisho, iyadoo kala bedel lagu sameeyay, isla markaana xubno hore dib loo soo celiyay.

Iyadoo muran weyn ka taagan yahay qaabka awood qeybsiga beelaha ee miisaanka ka dhex muuqda isbedelka uu sameeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ayaanu idin soo gudbiyneynaa mas’uuliyiinta loo magcaabay Dakhliyada G/banaadir iyo beelaha ay kasoo jeedaan.

HOOS KA AKHRISO LIISKA

  1. Xasan Xuseen C/llaahi -Agaasimaha Dakhliyada kala duwan [Abgaal / Daa’uud]
  2. Xamdi Cali Nuur – Agaasimaha Khasnadaha D/hoose ee Xamar [Murusade]
  3. Ayaan Cabdi Maxamed – Agaasimaah Canshuuraha [Murusade]
  4. Maxamed Macalin Dhicisow – Aagaasimaha Gaadiidka iyo Ganaaxyada [Xawaadle]
  5. C/raxmaan Muxyadiin Maxamed – Agaasimaha Suuqyada iyo Iibinta Xoolaha [Abgaal / Warsangeli]
  6. C/raxmaan Cismaan Ibraahim – Agaasimaha Miisaaniyadda [Reer Aw-Xasan]
  7. Xuseen Axmed Culusow – Aagaasimaha Adeegga & Khidmadaha [Saruur]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Kulan uu albaabada u xirnaa oo dhexmaray Farmaajo, Kheyre iyo Jawaari

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia ayaa sheegaya in kulan uu albaabada u xiran yahay uu dhexmaray Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi, Ra’isul wasaare Kheyre iyo Guddoomiyaha BF Jawaari.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa waxaa xal loogu raadinaayay Ra’isul wasaare Kheyre oo xiligaan la kulmaaya culeysyo kaga imaanaya dhanka xubno ka tirsan baarlamaanka Somalia.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in mudada uu kulanka socday uu Madaxweynaha Somalia Farmaajo ka dalbaday Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan in xal degdeg ah loo raadiyo is fahan darida Ra’isul wasaaraha kala dhexeysa baarlamaanka Somalia.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu Jawaari ka dalbaday in Ra’isul wasaaraha uu kala shaqeeyo xal u raadinta Xildhibaanada u tafaxeydanaaya inay carqaladeeyan Xukuumada kadib furitaanka Kalfadhiga.

Waxa uu Madaxweynuhu Guddoomiye Jawaari ka dalbaday in kulamo is arag ah uu ka dhex sameeyo Ra’isul wasaaraha iyo Xildhibaanada garabka kacdoonka wada, si buu yiri loo helo xasilooni Siyaasadeed.

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa la faray inuu ka shaqeeyo xasilinta kacdoonada ay wadaan Xildhibaanada mucaaradka, iyadoo laga duulaayo guuxa ka dhex aloosan Xukuumada iyo baarlamaanka.

Kheyre ayaa dhankiisa ka ballanqaaday inuu xooga saarayo xal u helida tabashooyinka baarlamaanka, waxa uuna dhankiisa ka qiray inay jiraan tabashooyin isbiirsaday oo ka imaanaya dhanka mudanayaasha dhaliilsan Siyaasada.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaare Kheyre iyo Jawaari ayaa gudaha asbuucaan bilaabi doona kulamo joogta ah oo ay la kala yeelanayaan Xildhibaanada, waxaana xusid mudan inay sii kordhayaan Xildhibaanada dhaliilsan Siyaasada Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Rar noocee ah ayuu wadaa Markabka weyn ee ku xirtay Dekadda Magaalada Baraawe?

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baraawe ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in halkaa uu ku xirtay Markab weyn.

Markabka ayaa la sheegay inuu wado shixnado kala duwan oo u badan qalabka dhismaha oo casri ah, kaa oo ay leedahay Koonfur Galbeed.

Shixnada saran Markabka ayaa la xaqiijiyay in lagu dhisi rabo Dekadda iyo Garoonka diyaaradaja magaalada Baraawe ee maamulka Koonfur Galbeed.

Shixnada uu sido Markabka ayaa waxaa qeyb ka ah Gaadiid kala duwan oo ay kamid yihiin noocyada dhismaha sida kuwa Cagafta iyo kuwa shiida Shamiindada.

Xuseen Bare oo ah Guddoomiyaha Baraawe ayaa sheegay in ay socdaan dadaallo kala duwan oo lagu horumarinaayo Magaalada Maadaama ay tahay Caasimadda Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhawaan la dhisi doono Dekadda iyo Garoonka magaalada Baraawe, si caasimada loogu raro Baraawe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DFS oo maanta Maxaabiis kasoo dajineysa Garoonka Aadan Cadde (Tirada)

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa maanta oo sabti ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay kasoo dajiso Maxaabiis Soomaaliyeed.

Maxaabiistan ayaa ku jiray gacanta magafayaasha dalka Libya, waxaana lasoo sheegayaa in qaarkood ay qabaan dhaawacyo.

Maxaabiistan ayaa tirro ahaan lagu sheegay inay gaarayaan ilaa 11 Maxaabiis, waxaana la xaqiijiyay in muddo farabadan ay ku jireen gacanta Magafayaasha dalka Libya oo u geestay dhabaatooyin kala duwan.

Mas’uul ka tirsan Safaarada Somalia ee dalka Libya ayaa sheegay in Maxaabiistan ay gacanta magafayaasha ku jireen muddo laba sanadood ah, balse iminka laga soo saaray.

Danjire Ali Siciid Fiqi oo ah Safiirka DFS u fadhiya Midowga Yurub, ayaa sheegay in juhdi badan ay ku bixiyeen sidii dhalinyaradaasi loo sii dayn lahaa.

Waxa uu Danjiraha sheegay in ka shaqeynta deysmada Maxaabiista uu u xil saaray Madaxweyne Farmaajo, hase ahaatee ay ku guuleysteen.

Mid ka mid ah Maxaabiista ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu u duulo Magaalada Muqdisho, kadib laba sano oo uu ku xirnaa dalka Libya.

Geesta kale, Madaxweyne Farmaajo, ayaa balan qaaday in dowladiisa ay dadaal badan ku bixin doonto sidii loo sii dayn lahaa maxaabiista Somaliyed ee ku xiran dalalka caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Safaarada Turkiga ee Somalia oo wada qorshe cusub oo dhiiri galin leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan xogta ku helnay Safaarada Turkiga ee Somalia ayaa wada qorsho ay ku howlgalineyso qaar kamid ah ciidamadii ay dhawaan tababarka ugu soo xireen Saldhiga Militery ee ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.

Safiirka Imaaraadka u fadhiya Somalia Ambassador Olgan Bekar, ayaa qorshahaan cusub la kaashanaaya Saraakiisha Turkida ee gacanta ku heysa Saldhiga.

Qorshaha Safiirka ayaa la sheegay inuu yahay in ciidamada Soomaalida ee tababarka loogu soo xiray Saldhiga lagu wareejiyo amniga Safaarada iyo Xarumaha kale oo ay maamusho Turkiga.

Qorshaha ayaa markiisa hore la xaqiijiyay inuu ahaa in dufcada koowaad lagu wareejiyo amniga Saldhiga, Safaarada iyo Isbitaalada ay maamulaan Turkida, hase ahaatee waxaa howshaasi dib u dhigay isku shaandheyn lagu sameynaayo ciidamada.

Dowlada Turkiga ayaa kaalmaha koowaad ugu jirta dowladaha garabtaagan Somalia, waxaana xusid mudan in dhammaan howlaha ay kawadaan Somalia ay maamulka u dhiibaan Soomaalida.

Dhinaca kale, qorshaha uu wado Ambassador Olgan Bekar, ayaa dib usoo celinkara mooraalka ciidamada dhawaan tababarka loogu soo xiray Saldhiga ee Soomaalida ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Wasiiro iyo xildhibaano jahwareer galiyey howshii xarunta gobolka Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in shaqooyinka halkaa ka socday ay qarka u saran yihiin inay galaan hakat, kadib Wasiiro iyo Xildhibaano Jahwareer galiyey howsha Gobolka Banaadir.

Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa la sheegayaa inay buux dhaafiyeen Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho C/raxmaan Cumar ‘’ Yariisow’’, oo la filaayo in dhawaan uu magacaabo Guddoomiyayaal Degmo.

Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa kala wata shaqsiyaad ay doonayaan in loogu magacaabo Guddoomiye Degmo, xili uu si hoose u socdo qorshaha lagu bedeli lahaa Guddoomiyayaashii uu horay u magacaabay Guddoomiyihii xilkiisa waayay Taabit.

Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa waxaa kaabaaya Siyaasiyiin ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka oo saaxiibo dhow la ah Guddoomiye Yariisow, kuwaa oo qudhooda damac ka qaba in Guddoomiyayaasha cusub ay ku yeeshaan hal iyo laba Guddoomiye, wallow talaabadaasi ay carqalad galinkarto kursiga Guddoomiyaha.

Guddoomiyaha Gobolka C/raxmaan Cumar “Yariisow’’, ayaa balamo u kala qabanaaya mas’uuliyiinta inkastoo ay xogtu sheegeyso in qaarkood uu ugu tago goobaha ay degan yihiin si uu uga fal celiyo dalabaadkooda.

Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyayaasha cusub ee Degmooyinka ayaa waxaa ka dhex muuqan doona xubno ay wataan Siyaasiyiin ka tirsan Mucaaradka dowlada oo xiriir hoose la leh Yariisow.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Matabaan ilaa Berbera – Taxanaha Maxaabbiistii 77 – Qaybta Siddeedaad

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Beled Weyne ayaan goor subax ah ka baxnay.  Waxaan tagnay barta ciidanku fadhiyo ee lagu baaro baabuurta ee loo yaqaan Centoquindice oo ah 115 oo af Talyaani ah, waxaa loola jeedaa in ay 115 km u jirto Buulo Burte.  Halkaas ayaan bidix u weecannay oo ku dhacnay waddada u socota Jihada feer feer oo ah soohdinta Ethiopia oo markaas noo jirta qiyaastii afartameeyo km.

Maaddaama Buulo Burte ay noo jirto 115 km, iyaduna ay Muqdisho u jirto 220 Km markaa waxaan caasimadda ka soo fogaannay masaafo dhan 335 km.

Waxaa na soo daba galay gaari Landcruiser ah nooca loo yaqaan hardtop.

Waxaa saaran dhowr nin oo dhar rayid ah lebbisan.  Waan ka shakinnay.

Ma badneyn laakiin gawaari la dhaco oo soohdinta lagala tallaabo ayaa jiray beryahaas.  Khatartaas oo ah mid mar walba nala deris ah marka laga billaabo Beled Weyne ilaa aan gaarno Boorame maaddaama ay waddadu inta badan la teedsan tahay soohdinta Ethiopia oo jabhada cartamayaa ay isku abaabulayaan kana soo duulaan marka ay karaan.  Dhanka Soomaaliyana ay intaa ka goosanayaan saraakiil sare oo militeri ah iyo rag ka baxsanaya in xabsiga la dhigo siyaasad ama fal dambiyeed awgood.

Raggaas u tallaabaya Ethiopia, haddii ay caasimadda ka soo baxayaan waa qarsoodi iyo dhuumasho. Laakiin marka halkaan la soo gaaro, waxaa laga yaabaa baabuur lagaa furtay in lagu sii jidmaro, taas oo laba sano ka dib ku dhicday ICRC.

Markii aan isku daynay in aan ka dheereeyno oo aan xawaaraheenna kordhinny, sidoo kale ayuu gaariga na daba socdaa sameeyay.

Markii aan isku dayno in aan aasheen u soconno si uu noo dhaafo, isaguna xawaaraha ayuu dhimay.

Runtii waxaa noo caddaatay in gaarigani uu annaga na daba joogo.

Laakiin ma ciidanka amniga oo annaga na hubinaya in aynaan Ethiopia u socon baa mise waa niman annaga nagu maqan oo weerar ah?

Annagu jihadeennii ayaan isaga soconnay.  Waddadii burbursanayd waxay ku dhammaatay Jawiil.  Tog weyn ayaa ag mara.  Waxaa keliya oo uu biyo leeyahay xilliga roobku ka da’o degaankaas ama buuraleyda Ethiopia ee uu ka soo billowday.  Waxaa dul saaran kaabad aad u dheer.

Waa kala-bayr saddex geesood ah.  Waxaa ku kala leexda waddada Muqdisho aadda, midda Feer Feer marta oo Ethiopia u gudubta.  Iyo waddada aan mari doonno oo xilligii Kacaanka uu Shiinuhu dhisay oo tagta Burco.

Waxaan halkaa iigu dhammaaday degaannada aan anigu hore u tegey ama ay gurigeenna si joogta ah u imaan jireen dad ka soo safray.

Matabaan ilaa Gaalkacyo

Waddada ugu dheer Soomaaliya, uguna dhismo iyo toosnaan wanaagsan ayaan cagta saarnay.

Markaan dhankaas u beyrnay ayaa noogu dambeysay gaarigii na daba socday.

Matabaan, Guriceel ayaan sii marnay ka dibna waxaan tagnay Dhuusa Marreeb.  Waxaa xarunta Qaybta 21aad ee Xooga Dalka Soomaaliyeed oo u xilsaaran Difaaca aagga soohdinta inta u dhexeysa Tiyeeglow ilaa Gaalkacyo, ciidankeeduna uu hoos u gaaro Buulo Burte oo guutooyin Taangiyo iyo madaafiicda goobta ahi ay u deggan yihiin.  Waa xarun ciidan iyo basaasiin badan. Xataa Jabhadda Soomaali Galbeed Xafiis ayay ku lahayd. Howlaha ugu badan ee magaalada ka socdaa waa howlaha ciidanka.

Waxaan xog badan ka helay muddo markaas laga joogo laba sano oo annaga oo arday iyo macallimiin Jaamacadda isugu jirna uu Taliyihii Qaybta 21aad ee xilligaas General Morgan uu nagu marti qaaday Qaybta. Taxanaha Doodaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo aad isla bartaan ka heleyso ayaad booqashadaas wixii aan ka qoray aad ka akhrisan kartaa.

Cadaado ilaa Gaalkacyo ayaan marba meel istaagnay si howsha samafalka ee aan wadno aan dadka ugu fasirno.  Gaalkacyo markii aan gaarnay oo aan dadka weydiinnay bal in ay yaqaannaan qoysaska waraaqaha loo soo diray ee degaankaas, ayaa markiiba la gartay hooyo Soomaaliyeed oo ninkeedii uu u soo diray waraaq.

Waa ay noo timid.  Bartii ayaan isku wareysannay, shaahna aan ku wada cabnay.

Markii ay waraaqda ka jawaabtay, waxay na weydiisay waxa ay u diri karto carruurteeda aabbahood.  Waxaan u sheegnay waraaq iyo sawirro qoyska ah oo keliya in la oggol yahay.  Dib ayay u noqotay waxayna keentay sawir iyada iyo carruurta ah.

Garowe

Halkaas ayaan uga gudubnay oo aan tagnay Garowe.  Waa magaalo markaas la leeyahay aad ayay u cammiran tahay.  Sababtu waxay ahayd sharikadda dhiseysa waddada Boosaaso oo keentay darawaliin iyo shaqaale kale oo badan.  Xero gaar ahna ajnebigu u deggan yahay.  Dad kale oo raba in ay shaqo ka raadsadaan sharikadda ama ay ganacsi u badan makhaayado ay abuuraan oo lacag ka sameeyaan shaqaalaha ayaa iyaguna ka mid ah dadka aan sharikadda u shaqeyn laakiin Garowe u yimid nolol raadis.

Inkasta oo dadka magaaladu ay markaas u arkayeen in ay aad u cammiran tahay, haddana waxay ahayd magaalo yar weliba marka loo fiiriyo inta ay hadda tahay.

Habeenkaas waxaan xarunta Hanuninta Dadweynaha ku daawaday riwaayad ka socotay halkaas.  Ujeeddadeydu waxay ahayd dhexgalka, fahamo isla markaana dareemo nolosha magaalada xilliga yar ee aan joogo.  Halkaas ayaan habeen ku hoyannay.

Laas Caanood iyo Caynaba

Subixii xigay waxaan tagnay Laas Caanood, xarunta Gobolka Sool. Isla howshii ayaan ka fulinnay.  Waxaa noo xigtay Caynaba. Magaalo kasta marka aan ka baxno waxaan eber geynayay saacadda mayltiriska ee baabuurka si aan u ogaado masaafada ay magaalooyinku isu jiraan.

Caynaba marka aan tagnay oo aan qortay inta ay u jirto Laas Caanood. Ayaan shaah u fariisannay cooshad yar.   Rag meesha taagtaagnaa qaarna fadhiyay oo marna gabadha ajnebiga ah eegaya marna annaga na eegaya ayaan weydiiyay tuuladan magaceeda.

Jawaabta la i siiyay ma ahayn mid aan marnaba filanayay.  “Waar degmaan nahaye ha noo gefin”  ayaa mid igu yiri.  Waxaaban mar u qaatay in ay i khaldayaan laakiin markii dambe waxaan ogaaday in ay tahay Degmo buuxda.

Burco

Burco ayaan uga gudbnay oo aan wakhti badan ku qaadannay.  Guddoomiyaha Gobolka Cali Xaayow ayaa xafiiskiisa nagu qaabbilay.  Mas’uuliyiin kale oo badan oo Gobolka Togdheer iyo Degmada Burco ka socda ayuu soo fariisiyay.  Halkaas ayaan ku kala warqaadannay.

Howshii aan wadnay ayaan ka warbixinnay.  Si wanaagsan ayuuna noo soo dhoweeyay Guddoomiyuhu iyo weliba mas’uuliyiintii kale ee halkaa joogay.

Waxay ahayd magaalo aad u dad badan oo cammiran marka la yiraahdo dadka dhex socda. Laakiin marka aan barbardhigo ra’yiga mala awaalka ah ee awal madaxeyga ku jiray, magaalnimo badani ka muuqan Burco.  Waa marka la eego xagga dhismayaasha, gawaarida iyo lebbiska dadka magaalada. Go’a garabka saaran, ulaha iyo budadka, dhawaaqa ka baxaya magaalada intuba waxay igu noqdeen wax aanan ka fileyn.

Burco oo ay iigu dambeysay 2002 waxaa ka muuqday horumar dhinacyo badan leh oo weyn marka aan barbar dhigo 1987.

Laga billaabo Caynaba, waxaa jiray cabsi ahayd SNM oo mar mar weerar gaadmo ah ka geysan jirtay waddada.  Waxaan xusuustaa sarkaal ay ehelkiisu in badan na soo weydiiyeen bal in uu maxaabbiista Ethiopia hayso uu ka mid yahay laakiin inta markaas ah aynaan magaciisa ka hayn Ethiopia.  Wuxuu ahaa Col. Bashiir oo ay SNM ka qabatay waddada, isaga oo la socda Bas uu Muqdisho ka soo raacay.

Shiikh

Waxaan Burco uga gudubnay Shiikh.  Waa magaalo marka dhanka Burco aad ka timaado aadan dareemeyn in aad dul joogto buur aad u dheer.   Magacyadii maxaabbiista ayaan la wadaagnay caa’ilada dariiqada iyo qolyo samafal ah oo ajnebi ah oo aan u maleynayo Help the Aged in ay ahaayeen.

Shiikh iyo Cammuud waa meesha macallimiin fara badan oo iskuulka wax igu soo baray ay ka soo baxeen, aadna ay noogu ammaaneen.  Waa laba goobood oo aan damacsan ahay in aan ka ogaado waxa aan ka maqlay oo aan ka aamminsan ahay in ka badan.  Qormooyinka soo laabadka safarkaan ayaan taas ku sii faahfaahin doonaa insha Allah.

Waxaan Burco uga gudubnay Shiikh.  Waa magaalo marka dhanka Burco aad ka timaado aadan dareemeyn in aad dul joogto buur aad u dheer.   Magacyadii maxaabbiista ayaan la wadaagnay caa’ilada dariiqada iyo qolyo samafal ah oo ajnebi ah oo aan u maleynayo Help the Aged in ay ahaayeen.

Shiikh iyo Cammuud waa meesha macallimiin fara badan oo iskuulka wax igu soo baray ay ka soo baxeen, aadna ay noogu ammaaneen.  Waa laba goobood oo aan damacsan ahay in aan ka ogaado waxa aan ka maqlay oo aan ka aamminsan ahay in ka badan.  Qormooyinka soo laabadka safarkaan ayaan taas ku sii faahfaahin doonaa insha Allah.

Gaariga waxaa wadda Beatrix oo ku adkeysatay in aan buur looga sheekeyneyn sida baabuur loo saaro ama looga dejiyo maaddaama ay Swiss tahay.  Waxay ku adkeysatay in ay iyadu ka dejineyso buurta.  Si xallad leh ayayna u sameysay.

Markii aan ka hoobannay Shiikh inkasta oo ay ahayd wax igu cusub, haddana waxaa ii soo baxday in khatarta ay darawaliintu ay ka hadlayeen ay tahay ka hor inta aan waddo laami ah aan kacaanku saarin buurta.

Waxaan tagnay meel niman militeri ahi ay bir ku gudbeen waddada oo u dhow Huddisa.

Waxay nagu yiraahdeen dib u noqda ma gudbeysaane.  In yar wadahadal ah iyo waraaqihii aan u soo bixinnay dartood wuu na fasaxay isla askarigii markii hore noo diiday waddada ka dib marka uu la tashaday qof ama ka badan aan indhaheennu qaban oo meel buush ah ku dhex jira.

Bandow

Waxaan markiiba gaarnay magaalada Berbera ee xeebta ah.  Waa bandow habeenkii.  Waxaan ku degnay Hotel Yaxye.

Berbera waxaa igu soo dhoweeyay saaxiibkeey Maxamed Siciid Warsame “Kuukaay” oo aan Radio Muqdisho ka wada shaqeynay loona magacaabay mas’uuliyad sare oo aan u maleynayo in uu ahaa ninka u sarreeya Canshuuraha Berbera.  Magacaabiddiisu waxay ka dambeysay markii uu shahaaddada MBA ee maamulka ka qaatay Machadka horumarinta Maamulka iyo Maareynta ee SIDAM oo shahaaddadaas ay wadajir u bixin jireen Jaamacad Mareykan ah.  SIDAM shaqaalaha Dowladda ayay tababbari jirtay, waxaana ay Jaamacad Mareykan ah la billowday waxbarasho qaarna Muqdisho lagu qaadanayo qaarna Mareykanka oo shahaaddada MBA laga qaato.

Maxamed Siciid wuxuu ii sahlay in madaxda Dowladda aan si fudud isu wada arragno iyo in xataa ayadoo Bandow ah naloo oggolaado dhaqdhaqaaq habeenkaas oo aan booqannay goobo iyo dad aan dooneynay in aan aragno.  Jawi cakiran oo cadow aan annaga noo muuqan la iska jiro ayaan Berbera ka dareemay.

Hal habeen ayaan seexannay.

Berri subax

Magaalada ugu culus xagga tirada dadka ku nool, xagga tirada hey’adaha Dowladda iyo kuwa ajnebiga ee ku howlan, xagga xamaasadda SNM ee hoosta ka kareysa iyo xagga tirada indhaha hey’adaha amniga ee eegaya dhaqdhaqaaq kasta iyo waxa looga dan leeyahay waa Hargeysa.   Waa magaalada ugu xasaasisan inta aan soo marnay.  In aan howsheenna ka fulinno ayaan rabnaa annaga oo bed qabna, isla markaana aan xorriyaddeenna iyo xorriyadda qof kale midna aan khatar gelin. Feker iyo farsamo ayay naga dooneysaa.

Inkasta oo aan Berbera seexannay, habeenkaas oo dhan waxaan ka fekerayay berri sida aan u wajihi doonno Hargeysa.

W/Q. Yuusuf Garaad

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Gobolka Sanaag: Xudunta isku xidha midnimada Soomaaliya

Hordhac:

1.    Sanaag

Gobolka Sanaag waa gobolka labaad ee ugu weyn Soomaaliya, wuxuuna u xuduud la leeyay Gobolada Waqooyi galbeed, Togdheer, Sool, Bari iyo Gacanka Cadmeed. Waxa ku nool dad ka badan nus malyuun qof (UNFPA 2014), wuxuuna leeyay cimilo iyo dabeecad kala gedisan, buura dhaadheer, xeebo banana, guban, iyo banaano fidsan.

Taariikh ahaan: sida ay tilmaamayan raadadka taariikheed ee ku duugan gobolka waxa ka jiri jirtay Ilbaxnimooyin fac weyn iyo xaddaarado qadiim ah, waxa kaloo ku yaal xabaalo ay ku asaasan yihiin awoowayaashii qabaa’ilka iyo beelaha Soomaliyeed badankood sida darted waxa loo yaqaan Dhulkii awoowayaasha .

Waxa gobolka muda fara badan ka talinaysay Boqortooyadii Morasaante (Warsangeli), waxana boqoradaas ugu caansanaa Suldaan Maxamuud Cali Shire oo isku xili ahayeen markii gumaysiga dalkeena yimi.

Waxa ka soo jeeda dad fara badan oo can ku ahaa halgankii xornima doonkii Soomaaliya, waxa ka loo jira Abwaano iyo gabyaa in badan midnimada iyo jiritanka Soomaliya maansooyin ka curiyey sida, Xaaji Aadan Afqalooc, ……. IWM.

2.     Deeganada iyo Awoodaha Maamul

Gobolka Sanaag waxa uu ka koobnaa Waqtigii Dowladii dhexe ee Soomaaliya  shan (5) degmo oo kala ah: 1. Degmada Laasqoray waxa dega Warsangeli, 2. Degmada Badhan waxa dega Warsangeli, 3, Dhahar Waxa dega warsangeli , 4. Degmada Ceergaabo waxa dega Warsangeli, Dhulbahante, Habarjeclo,  habar yoonis iyo gahayle. 5. Degmada Ceel-afweyn  waxa dega habar jeclo iyo Qayb sacad yoonis ah.

Degaan ahaan waxa dhulku u kala qayb san yahay 78% Warsangeli, 10% Habar jeclo, 6% Habar yoonis, 4% dhulbahante. 2% others. (Sanaag, P & P,2008).

Maamulada Puntland iyo Somaliland.

Ka mid noqashadii maamulada Puntland iyo Somaliland waxa keenay duruufo iyo bahidii xiliga jirtay oo ahayd inaanay jirin dowlad dhexe oo awood u leh hanashada iyo maamulka geyiga Soomaliyeed, sidaa darteed Bulshooyinka ku dhaqan Gobolka Sanaag waxay ku khasbanaayeen inay maamuladaas wax la qayb sadaan laakin waa ku hungoobeen waxayna kala kulmeen :

1.     In aragtida maamulka Waqooyi ku dhisan yahay ay tahay mid ka soo horjeeda Haybta iyo Midnimada Soomaliya oo ah mid ay shacabka reer Sanaag u soo halgameen muddo badan, wax kasatana kala weyn.

2.      Qadarin la’aan iyo xuquuqday ay ku lahayeen maamuladaas oo anay si toosa u helin.

 waxa kaloo cad in ay maamulada Somaliland iyo Puntland ay ku fashilmeen inay  soo gadhsiyaan gobolka horumar iyo nidaam maamul oo awood leh, waxa qudha ee ka jirin gobolkasna uu yahay nidaam taqliidiga ahee ay ka dhaxleen boqortoyooyinkii ka jiri jiriy, isgana lagu mareeyo duruufaha nololeed.

BULSHO DANAYNAYSA MIDNIMADA

Bulshada ku dhaqan Gobolka Sanaag aayaa ah mid aad u jecel oo danaynaysa midnimada iyo qaranimad Soomaaliya taasna waxa tusaale u ah:

1.     Gobolka Sanaag waxa uu gabaad iyo saldhig u ahaa kacdoonkii Sayid Maxamed C/leh Xasan iyo Daraawiishtiisi ee lagu doonayey xornimada iyo Midnimada Soomaaliaya, waxayna saldhigyo ka sameysteen deeganada Badhan, Jiidali, Midhisho, …… IWM, sabatuna waxay ahayd dadka deegaankaas oo ay xoriyada iyo midnimadu Soomaalidu ku wayntahay, halgamayaashaana u arkaayey niman wada halgan muqadas ah.

2.     Boqortooyooyinkii  Gobolka ka talin jirtay waxay ahayeen kuwo ay ku weyntahay Soomalinimadu kana hortaga faragelinta shisheeyaha, waxan tusaale u ah Boqor Maxamuud Cali Shire markuu diiday inuu u hogaan samo awaamirtii guumaysiga Ingriiska waxa loo masaafuriyey jasiirada Sishal (Seychelles) taariikhdu markay ahayd May 1920.

3.     Waxyaalaha lagu eedeeyo Xisbiga Wadani oo kamid ah xisbiyada ugu waaweyn Maamulka Somaliland iyo Hogaamiyihiisa C/raxmaan Ciro waxa kamid ah inuu yahay xisbi tageersan midnimad Soomaaliya; taasina waxa lagu sababeyn teegarada badan uu ku leeyahay qaybo kamid ah gobolka Sanaag oo ah bulsho jecel midnimad iyo is-haysadka Soomaalida.

4.     Dabaal degyadayada iyo soo dhaweynta loo sameye doorashadii Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo iyo sannad guuradii ka soo wareegtay doorashadiisa oo aan badi meel kale laga samayn wadanka, taasina waxay ka dhalatay iyaga oo ka aaminsan inuu yahay hogaamiye soo ceelin kara midnimadii Soomaalida, arinkaana ka midha dhalin kara.

Guud ahaan Gobolka Sanaag ayaa ah kaydka dhaxalka iyo hiddaha Soomaaliya, Bulshadiisuna waa mid ku abtirsata Soomali weyn, Sidaa darteed waxay u heelan yihiin in la helo Dowlad Soomaliyeed oo xoog badan oo soo gaadha Gobolka isla markaan ay ka helaan xuquuqdii ay lahayeen.

Mohamed Said Farah (MSF). Badhan- Sanaag

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Itoobiya oo xaalad deg deg ah lagu soo rogay

0

Golaha wasiirrada ee waddanka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in xaalad degdeg ah ay dalkaasi ku soo rogeen maalin kaddib markii uu is-casilaadisii gudbiyey Ra’iisul Wasaare Hailemariam Desalegn.

Desalegn ayaa sheegay in iscasilaaddiisa ay muhiim u tahay si wax looga qabto cabashooyinka dawladda lagaga soo horjeedo oo dad badan ay ku dhinteen, kuwa kale oo badanna ku dhaawacmeen.

Iscasilaadiisa ayaa ku soo beegmaysa kaddib muddo bilooyiin ah oo ay dalkaasi ka socdeen dibadbaxyo dowladda looga soo horjeedo.

Dibadbaxyada ayaa intooda badan ka socday gobollada Oramada iyo Amxaarada, iyadoo kuwii ugu dambeeyayna ay ku dhinteen 10 qof tira kaalana waa ay ku dhaawacmeen.

Dhanka kale, toddobaadkan waxyaabo badan ayaa ka dhacay dalka Itoobiya – oo ay ka mid ahaayeen siyaasiyiin mucaaradka oo xabsiga laga sii daayayiyo ballan qaad loo sameeyay boqollaal qof oo kale oo arrimaha qowmiyadaha u ololeeya in la sii deynayo.

Isbahaysiga dalka xukuma waxay kaloo ballan qaadeen wada hadallo si la isugu dayo in xal loo helo dhibaatooyinka siyaasadeed ee dalkaas ka taagan.

Xigasho: BBC

Muxuu ku qotomay kulanka khaaska ahaa ee Muqdisho ku dhexmaray Michael Keating & Al-Othmani

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay baahisay Wakaaladda wararka Imaaraadka ee WAM, waxaa magaalada Muqdisho ku kulmay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating iyo Safiirka Imaaraadka Carabta ee Somalia Maxamed Axmed Al-Othmani.

Waxa uu kulanka ka dhacay Xarunta Safaarada Imaaraadka ee magaalada Muqdisho, waxa ayna labada mas’uul kawada hadleen Xiriirka Imaaraadka kala dhexeeya DFS, Is garabtaaga dowlada Somalia, Wanaajinta xiriirka Somalia iyo in dib loo hagaajiyo xiriirka QM iyo Imaaraadka.

Waxa ay Michael Keating iyo Al-Othmani isla soo qaaden sidii loo kordhin lahaa shaqo abuurka loo sameynayo dhalalnyarada Soomaaliyeed, ammaanka dalka, xasiloonida, Horumarka, iyo sidoo kale xaaladda bini’aadanimo.

Mr Michael Keating, ayaa ammaanay dadaalka dowlada Imaaraadka Carabta, taageerada joogtada ah ee Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan iyo kaalinteeda ugu weyn ee horumarinta dalka.

Sidoo kale, Safiirka Imaaraadka Carabta ee Somalia Maxamed Axmed Al-Othmani, ayaa ka mahadceliyay is araga Michael Keating isagoo muujiyay sida uu u xoojiyay xiriirka iskaashiga ah ee u dhaxeeya Safaaradda Imaaraadka iyo Xafiiska QM.

Geesta kale, qoraalka wakaaladda ayaa waxaa lagu sheegay in Michael Keating iyo Al-Othmani ay kulankooda ku kala saxiixdeen qodobo dhowr ah oo ku xeeran xiriirka QM iyo Imaaraadka ee ku aadan hanaanka wada shaqeyneed.

Caasimada Online

Xafiisk Muqdisho

[email protected]

Xog: RW Kheyre oo marti qaad ka helay dal qalalaaso Siyaasadeed ka dhex dhaliyay DF iyo Maamulada

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka helay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dhawaan Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre uu booqan doono dalka Imaaraadka Carabta.

Ilo wareedka aan  xogtaan ka helnay ayaa sheegaya in Ra’isul wasaare Kheyre uu warqada Casuumaada ka gudoomay Danjiraha dalka Imaaraadka u fadhiya Somalia Maxamed Axmed Othman Al Hammadi, oo ay wada kulmeen.

Casuumaada loo sameeyay Ra’isul wasaare Kheyre ayaa salka ku heysa wadahadal laga galaayo xiisada ay dowlada Imaaraadka ka dhex abuurtay dowlada Somalia iyo Madaxda maamul Goboleedyada oo aan weli loo helin xal rasmi ah.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa inta uu ku guda jiro gudashada casuumaadiisa kulamo la qaadan doona Madaxda ugu sareysa dowlada Isutaga Imaaraadka Carabta oo ay kawada hadli doonaan faragalinta ay weli Imaaraadka ku heyso Somalia, Weerarkii Senetar Qeybdiid iyo in dowlada Imaaraadka ay Somalia ula dhaqanto sida dal u madaxbanaan Siyaasadiisa.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa dhawaan Xafiiskii magaalada Muqdisho kula kulmay Danjire Maxamed Axmed Othman Al Hammadi oo ku wareejinaayay warqada casuumaada.

Dhinaca kale, casuumaada loo sameeyay Kheyre ayaa kusoo aadeysa xili uusan wanaagsaneyn xiriirka dowlada Somalia iyo Imaaraadka, waxaana la filayaa in socdaalka Kheyre uu noqdo maalmaha soo socda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Daawo: Wasiir Cawed oo xog ka bixiyay Khilaafyada ka dhex aloosan DF, UAE , Qadar & Maamulada dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ee Somalia Axmed Ciise Cawed, ayaa wareysi gaara oo uu uga hadlaayay arrimaha Somalia siiyay Idaacada VOA laanteeda af Soomaaliga.

Wasiir Cawed, ayaa wareysigiisa ku difaacay dowlada Federaalka ah ee Somalia, waxa uuna sheegay in dowladu ay u taagan tahay xalinta dhibaatooyinka gudaha iyo dibadda.

Falastiin Axmed Iimaan, oo wareysiga la yeelatay Wasiir Cawed ayaa wax ka weydiisay arrimo dhowr ah oo u muuqday inay ahaayen kuwo mugdi ku jiray waxaana kamid ahaa Khilaaf Siyaasadeedka DF iyo maamul Goboleedyada ee ka dhashay kala taageerida Qadar iyo Imaaraadka Carabta, Kulmada Muqdisho ku dhexmaray Ra’isul wasaare Kheyre, Safiirka Imaaraadka ee Somalia iyo Wasiir Cawed qudhiisa.

Wasiir Cawed waxa uu sheegay in laga soo gudbay khilaafka dowlada Federaalka iyo maamulada ee ka dhashay Siyaasadaha isdiidan ee Qadar iyo Imaaraatka, waxa uuna sidoo kale sheegay in talada dalka looga danbeeyo dowlada Federaalka, sidaa aawgeedna xiisada ka dhexeysa Qadar iyo Imaaraadka ay horay go’aan cad uga gaartay dowlada Somalia kaana uu yahay kan socondoona.

Sidoo kale, Wasiir Cawed waxa uu difaacay kulamada Muqdisho ku dhexmaray RW Kheyre, Safiirka Imaaraadka Maxamed Al Hammadi iyo kulankii uu isaga la qaatay isla Safiirka, waxa uuna sheegay in kulamadaasi ay kamid tahay dadaalada lagu xoojinaayo xiriirka labada dal.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Dowlada Somalia ay aad usoo dhaweyneyso wadahadalka magaalada Nairobi uga socda Ethiopia iyo ONLF.

HOOS KA DAAWO WAREYSIGA WASIIR AXMED CIISE CAWED

Maxaa kasoo cusboonaaday wadahadalka Ethiopia & Jabhada ONLF

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa weli magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ka socda wadahadalka dowlada Ethiopia iyo Jabhada xoriyadoonka ah ee ONLF.

Wadahadalkaan socda ayaa lagu doonayay in lagu dhammeeyo khilaafka mudada dheer socday ee labada dhinac ka dhaxeeya.

Wadahadalka oo intiisa badan soo idlaaday ayaa waxaa iminka leysu fahmi la’ yahay qodobo gaara oo ay kala wataan labada dhinac.

Qodobada gaarka ah ee la isku fahmi la’ yahay ayaa waxaa kamid ah Qoondada ONLF ay ku yeelanayaan maamulka DDSI iyo tirada Kuraasto laga siindoona oo aan weli la isku fahmin.

Qodobada la isku fahmi la’ yahay ayaa waxaa sidoo kale kamid ah Hanaanka loo ciidameynaayo dagaalamayaasha Jabhada ee sababta u ah wadahadalka heerkan soo gaaray iyo qodobo kale oo aan weli la carab dhabin.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in saacadihii ugu danbeeyay ay Iscasilaada Ra’isul wasaarihii Ethiopia Mr Hailemariam  iyo xiisada kasoo cusboonaatay deegaanada ay degaan Oromada.

Xubnaha dowlada Ethiopia u matalaayay wadahadalka ayaa la sheegay inay dalbadeen in wadahadalka la galiyo hakat gaaban waxaana soo baxeysa inay ku baxeen xiisadaha soo cusboonaaday iyo saameyn Siyaasadeed oo ka dhalatay iscasilaada Mr Hailemariam.

Sidoo kale, Afhayeenka ONLF C/qaadir Xasan Hirmooge oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu hakad galay shirka.

Waxa uu sheegay in hakatka uu yahay mid sabab u ah xiisadaha sii ololaaya ee ka tagaan Ethiopia, isagoo cadeeyay in dib leysaga soo laaban doono.

Waxa uu yiri “Wufuuda Ethiopia ka socotay qaarkood way baxeen, qaarkoodna way joogaan, wadankana rabshado ayaa ka bilowday, waxaa hakatka shirka loo sababeynayaa iscasilaada Ra’isul wasaaraha iyo xiisadaha soo cusboonaaday’’

Dhinaca kale, Xubnaha ONLF u matalaaya wadahadalka ayaa sheegay inay fursad ballaaran ay u arkaan iscasilaada Hailemariam iyo xiisada soo cusboonaatay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Wasiir Beyle dalka ha laga qabto

0

Tallaabooyinka uu qaadayo Wasiir Beyle ee ku saabsan canshuuraha waa kuwo ow ugu tala galay laba arrimood: midda hore in magaalada Xamar ay ka qaxaan wixi ganacsato beedacad keeni lahaa iyo in dadka ku nool magaalada ay iibsan waayaan cuntada daruuriga ah sicir barar awgiis.  Siyaasadda dhaqaale uu Beyle wato ma ahan mid ay wax ka ogyihiin labada qof ee dalka ugu sareysa oo ah Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Kheyre oon waxba kala socon waxa uu sameynaayo Wasiir Beyle oo ah canshuur xad-dhaaf ah oo cid bixin kartaa aysan jirin.  WAANA SABABTA DEKEDA XAMAR U XIRAN TAHAY SAGAAL MAALMOOD SABAB LA’AAN.

R/Wasaare Kheyre oo isku dayay inuu arrinta xalliyo waxaa horjoogsaday Beyle oo yiri lacagta waa inaan ka qadnaa wax kasta oo dhaca. Tani waxay tilmaam cad u tahay in dalkaan aysan ka jirin siyaasad maamul balse ay tahay KU-TAKRI-FAL AWOOD ( absolute abuse of power) oo u gaara Wasiir Beyle!!!

Canshuurta uu soo rogay waxay ka badan tahay qiimaha lagu soo iibiyay badeeca dalka la keenay, taasina waxay horseedi doontaa in ganacsatada ay u guuraan meelo ka baxsan Xamar oo noqotay bahalo galeen Beyle ku galgashay oo danahiisa ka fushada…cid daba gasha ama radisa AMA IS-WEYDIISA in canshuuraha uu soo rogay ay yihiin kuwo macquul ah oo dal Somaliya oo kale ah lagu dabaqi karo!!!

Wasiir Beyle ma loo sheegay meesha uu ku nool yahay inay tahay tuulo ka mida Somaliya oo la yiraahdo Xamar.  Tirada ku nool Xamar waxaa lagu qiyasay inay yihiin seddax malyan oo ruux…laba malyan oo ka mid ahna aysan heli karin quutul yowmka daruuriga u ah nolosha…laakin Wasiir Beyle oo weli ku nool noloshi New York wuxuu soo rogay canshuur laga qaado qofki koob shaaha caba oo laga rabo inuu bixiyo rubac doolar canshuur ah oo lagu kordhiyo qiimaha koobka shaaha!!!

Wasiir Beylöe wuxuu rabaa inay dadka ganacsiga yar-yar ku heysta magaalada Muqdisho ay bixiyaan canshuur loo kaashado deynta lagu leeyahay dalka taasoo horseedi doonta, sida uu qabo Beyle, in nagala cafiyo balaayiin doolar oo dowladda Somaliya laga rabo.  Deynta yaa gudaaya yaase laga cafinaa ma dadka Xamar ku nool bes ayaa wakiil ka ah dalka oo dhan mase waa canshuur loo adeegsanaayo ujeedooyin aan weli lagu dhawaaqin.

Mashaariicda uu Madaxweyne Farmaajo soo ballanqaaday inuu ka fulinaayo gobollada Puntland & Galmudug uu maal- gelin doono isagoo adeegsanaya canshuurta ay bixiyaan dadka Xamar deggan.  Dowladda dadka meeshaan ku nool maxay ugu qabataa canshuuraha ay bixiyaan? Sida uu sheegay wasiir Beyle boqolkiiba sideetan (80%) kharajka dowladda wuxuu ka yimaadaa Xamar waana ku qadsan yihiin mashaariicda ka socota gobollada kale. Ma jiraan wax khidmad ah oo ay dowladdu ka fulisay Muqdisho oo dadweynaha ay ka faaiideen.

Ma heystaan waxbarasho, daaweyn, biyo nadiif ah iyo biiad ay ku noolaadaan haddii hantida laga qaado loo adeegsan lahaa horumarka magaalada dadku raalli ayey ka ahaan lahaayeen.

Wax alla wixi ay shaqeystaana waxaa looga qaataa si baad ah oo lagu magacaabayo canshuur taas oo la siiyo xildhibannada barlamaanka, aqal sare oon wax loo sameeyay cidna aqaanin, casuumado iyo xaflado waaweyn oo oo usbuucii 4 ilaa 5 jeer la qabto laguna bixiyo kharaj fara badan oo cunto u badan, dadka Xamar deganna nus-ka-nus waa baahan yihiin.

Waxaan ku tali lahayn in canshuurta laga dhaafo cuntada dalka soo gasha oo dhan ama tan dibadda laga keeno, siiba bariiska, baastada, saliida, burka, galleyda, mesegada, sisinta, caanaha iyo  wax alla wuxu dadku quuto, si nolosha ay u noqoto mid qof waliba uu higsan karo ama raadi karo si uu uga badbaado sicir bararka uu soo wado Wasiir Beyle oo berrri markuu xisaabtiisa aruursado dib ugu noqonaaya meeshuu ka yimid sida asaxaabtiisa kale oo dhan.

Waa in la sameeyaa guddi ka kooban khubaro dhaqaale oo dib ugu sameeya baaritaan iyo qiimeyn canshuuraha dadka laga qaado.Madaxda dowladda war kama haayaan sida loogu nool yahay magaalada, wasiir Beylana weli ma garan in canshuurta oo la kordhiyo waxay dhaawac weyn ku tahay masaakinta dalkaan meel ay ka aadaan aan heysan, ganacasatadana wax dhibaato ah kuma qabaan oo waxa bi’ doona waa danyarta aan heli Karin meel uu ka shaqeeyo iyo wax ow cuno… WASIIR BEYLE HA LAGA QABTO DALKAAN INTEY GOORI GOOR TAHAY!! MA JIRAAN DADWEYNE DAREEMI KARA WAXA KU SOO SOCDA!!!

W/Q: Axmad Calasow

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Xog-warran: Maxaa xiga is-casilaadda ra’iisal wasaaraha Ethiopia?

0

Raysalwasaarihii Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa maanta warqaddiisii iscasilaadda gudbiyey. Iscasilaaddan la yaab ka ah ee Raysalwasaaraha Ethiopia ayaa ku soo beegmaysa xilli uu waddanku wajahayo buuq iyo jahwareer siyaasadeed.

Dowladda Ethiopia ayaa dhowaan xabsiga ka sii daysey boqolaal maxaabiis siyaasadeed ah oo ay ku jiraan qaar amid ah mucaaradka waddanka ugu caansan. Siideyntan siyaasiyiinta iyo weriyayaasha oo ay badankoodu ka soo jeedaan qowmiyadda Oromada ee dalkaas ugu badan ayaa lagu soo dhaweeyey dabbaaldeg iyo farxad.

Maxaa uu Raysalwasaaruhu isku casiley?

Iscasilaadda Raysalwasaare Hailemariam Desalegn oo dad badan amakaag ku noqotay waxa sabab u ah dibadbaxyada iyo xasilooni la’aanta siyaasadeed ee waddanka Ethiopia hareeyey muddooyinkii la soo dhaafay.

Boqolaal qof ayaa ku dhintay muddaharaadyo gacan-ka-hadal isku beddelayey oo Ethiopia ka bilaabmay sannadkii 2015. Sababta dibadbaxyadani u bilaabmeen waa in dawladda Ethiopia qorshaysay inay fidiso xuduudda magaalada Addis Ababa iyada oo khatar gelisey dhulka Oramadu ku nooshahay. Qoymiyadda Oromada oo isdareensiisay inay dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba ku dulman tahay nidaamka Ethiopia iyada oo haddana ah tan ugu tirada badan waddanka ayaa bilawday dibadbaxyada dawladda lagaga soo horjeedo. Ka dib, qowmiyadda Amxaaradda ayaa iyana ku xigtey oo bilawday inay ka soo horjeesato xukuumadda hadda jirta.

Raysalwasaaraha Ethiopia oo maanta shacabka reer Ethiopia la hadlayey ayaa yiri “deganaansho la’aanta iyo dhibaatooyinka siyaasadeed [ee waddanka ka jira] ayaa sababay dhimashada dad badan iyo barakaca qaar kale”, waxa uu Raysalwasaaruhu intaas ku daray “Iscasilaaddayda waxa aan u arkaa mid muhiim u ah dedaalka loogu jiro in la sameeyo dibuhabaynno badan oo keeni doona nabad iyo dimuqraadiyad waarta.”

Raysalwasaaruhu waxa kale oo uu sheegay in uu si kumeelgaar ah xilka u sii hayn doono inta Xisbigiisa iyo Baarlamaanka dalku ay ka aqbalaan iscasilaaddiisa, Raysalwasaare cusubna u soo dooranayaan.

isku soo duub oo waxa muuqata in sababta uu Raysalwasaaruhu isku casiley ay tahay buuqa siyaasadeed ee waddankiisa beryihii ugu danbeeyey ka jirey kaas oo mugdi geliyey mustaqbalka waddanka Ethiopia oo ah waddanka labaad ee Africa ugu tirada badan iyo weliba mid kamid waddamada ugu dhaqaale koboca badan qaaradda.   

Maxaa xiga iscasilaadda Raysalwasaaraha?

Sida aan kor ku soo sheegnay Ethiopia waxa ay sannadihii ugu danbeeyey wajahaysey culays siyaasadeed iyo deganaansho la’aan. Labada qowmiyadood ee waddanka ugu badan, Oromada iyo Amxaarada, ayaa dawladda ku kacay iyaga oo u arkayey mid u shaqaysa qowmiyadda Tigreega ee tirada yar. Raysalwasaaraha hadda iska casiley kursiga Raysalwasaaraha waxa badi dadweynaha reer Ethiopia u arkayeen mid ay ku şhaqayştaan Tigreegu oo danahooda ku fushadaan isla markaana aan itaal sidaa u sii buuran lahayn.

Sida muuqata, Xisbul-xaakimka talada Ethiopia gacanta ku haya iyo weliba ruugcaddaaga siyaasadeed ee daaha dabadiisa ka taliya waxa ay arkeen inaanay xoog ku maquunin karayn isla markaana ku aamusin karayn dadka mucaaradka ku ah siyaasaddeeda. Sidaasi awgeed, waxa ay bilaabeen inay siyaasaddoodii adadayga badnayd wax ka beddelaan.

Dawladda Ethiopia iyada oo isbeddelkan hirgelinaysa isla markaana siyaasad ahaan soo debcaysa ayay ku dhawaaqday in ay sii deyn doonto maxaabiista siyaasadeed ee kumanaanka dhaafaya, ballanqaadkaasna waa ay fulisey ka dib markii Oromadu ay aad u muddaharaadeen iyaga oo dalbanaya siideynta maxaabiista siyaasadeed ee qowmiyaddooda ka soo jeeda. Waxa sidoo kale ayaamihii la soo dhaafay waddanka Kenya wadahadal uga socdey jabhadda ONLF ee xoraynta Ogadenia iyo Xukuumadda Federaalka Ethiopia. Wadahadalkan ayaa la sheegay in xukuumadda Ethiopia ay ku doonayso soo xeragelinta jabhaddan in muddo ah dagaalka kula jirtey.

Ugu danbayntii, iscasilaadda Raysalwasaaruhuna waxa ay sida la filayo qayb ka bahay qorshe ay dawladda Ethiopia ku doonayso inay ku xalliso dhibaatooyinka siyaasadeed ee dalka ka jira.

Muddooyinkii la soo dhaafay waxa dalka Ethiopia gudihiisa la isla dhexmarayey in Raysalwasaare cusub oo qowmiyadda Oromada ka soo jeeda loo dooran doono jagada Raysalwasaaraha iyada oo looga gonleeyahay in qowmiyaddaas lagu dejiyo. Haddii ay tani run noqoto, oo isbeddel dhab ah uu ka dhaco xisbiga talada haya dhexdiisa, waxa la saadaalinayaa in siyaasadda Ethiopia ay ugu yaraan degi doonto. Haddiise jagada Raysalwasaaraha lagu buuxiyo qof u shaqeeya qowmiyadda Tigreega oo aan awood fiican lahayn, isla markaana waddanka aan laga samayn isbeddel siyaasadeed oo ballaadhan isla markaana dhab ah, lana xallin waxyaabaha tirada badan ee mucaaradku ka cabanayo, waxa mugdi geli doona mustaqbalka Ethiopia iyada oo xaaladda waddanku gacanta ka bixi karto ayna adkaan doonto xal-u-helidda dhibaatada siyaasadeed ee dalkaas.

Isku soo duub oo xalka waddanka Ethiopia iyo mustaqbalkiisa siyaasadeed waxa uu hadda ku jiraa iyada oo uu dhaco isbeddel kor ilaa hoos ah oo meesha lagaga saarayo nidaamka adadag ee hadda ka jira dalkaas, iyada oo la unkayo nidaam cusub oo ilaalinaya xuquuqda aadamaha, mucaaraddada iyo xorriyatul-qowlka.

Dekadda Muqdisho oo maalintii 10-aad u xiran hal sabab darteed

0

Waxaa weli xiran shaqadii Dakadda Magaalada Muqdisho maalintii tobanaad, iyadoo amuurtaasi ay sabab u tahay koror xooggan oo Canshuur ah oo ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda Somaliya, iyadoo ganacsatada ay ka biyo diidan yihiin qiimaha canshurta lagu kordhiyay.

Badeecadaha kala duwanaa ee Dakadda laga soo dajin jiray, ayaa waxa ay ku xaniban yihiin dalka Isu taga Imaaraadka Carabta, maadaama ganacsatada ay diideen inay bixiyaan qarashka faraha badan ee Wasaaradda Maaliyadda ay ku soo rogtay.

Qaar ka mid ah ganacsatada Dakadda Muqdisho agabka kala duwan kala soo daga ayaa waxa ay sheegeen in Kartoonka Bagaashka ah lagu canshuuro Dakadda lacag dhan $16.5, lacagtaasina ay tahay mid aad u badan oo ganacsatada aysan ka bixi Karin.

Ganacsatada ayaa waxa ay sheegeen Dakadda Magaalada Boosaaso Kartoonka Bagaashka in lagu canshuuro lacag dhan 0.8 oo ka yar hal doolar, waxaana muuqata farqi wayn oo u dhaxeeya lacagta Canshurta dakadda Muqdisho iyo Dakadda Boosaaso.

Dowladda Somaliya ayaa ku fashilantay kordhinta canshuurtaan ay Dakadda ku soo rogtay, waxayna illaa hadda maaro u la’dahay sida ay ku socod siin karto canshuurta, maadaama ganacsatada ay diideen.

Rugta Ganacsatada Somaliyed ayaa waxa ay wadaa dadaalo ku aadan sidii loo xalin lahaa dhibaatada ka dhex taagan ganacsatada Somaliyed iyo Dowladda, waxaana masuuliyiinta Rugta ganacsiga kulamo kala duwan ay la qaateen madaxda dowladda.

Shalay oo ugu dambeysay Muqdisho waxaa ka dhacay kulankii 11-aad oo ay isugu yimaadeen dowladda Federalka Somaliya iyo Ganacsatada, Masuuliyiinta dowladda ayaa madasha ka sheegay in dowladda uu saaran yahay culeys dhaqaale oo mushaarka ciidanka iyo Shaqaalaha rayidka ay bixiso, sidaasi awgeedna lama huraan ay noqotay in la kordhiyo canshuurta Dakadda Muqdisho.

Ganacsatada ayaa u sheegay madaxda dowladda haddii culeys dhaqaale uu haysto dowladda Somaliya, taasi macnaheeda uusan aheyn in culeys la saaro ganacsatada Somaliyed oo duruufo kala duwan ku shaqeeya, nidaamka canshuurta dalkana bixiya, balse iska diiday kaliya kordhinta faraha badan ee canshuurta hal mar lagu sameeyay.

Ganacsatada Somaliyed ayaa waxa ay sheegeen inaysan u dulqaadaneyn in qarash fara badan la saarto, iyadoo laga duulaayo culeys dhaqaale oo dowladda Somaliya soo wajahay.

Hal sabab oo Hailemariam ku qasabtay inuu is casilo iyo dhibaatada ka dhallan karto haddii ay wiiqmato awooda Itoobiya!

0

Adis Ababa (Caasimadda Online) _ Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa iscasilay, sida laga baahiyay telefishinka qaranka Itoobiya.

Ilaa iyo haatan lama sheegin sababta ka dambaysa is casilaadiisa.

Hailemariam Desalegn ayaa sidoo kale la sheegay in uu iska casilay gudoomiyanimadii xisbiga haya talada dalkaasi ee People’s Revolutionary Democratic Front.

Iscasilaadiisa ayaa ku soo beegmaysa ka dib muddo bilooyiin ah oo ay dalkaasi ka socdeen dibadbaxyo dowladda looga soo horjeeday.

Dibadbaxyada ayaa intooda badan ka socday gobolada Oramada iyo Amxaarada.

Dibadbaxyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa ku dhintay 10 qof tira kaalana waay ku dhaawacmeen.

Wariyaha BBC Emmanuel Igunza, oo ku sugan caasimadda Addis Ababa, ayaa sheegaya in toddobadyadii ugu dambeeyay dowladda ay xabsiyada ka siidaysay kumannaan ah taageerayaasah mucaaradka , balse ay wali dibadbaxyada ay sii socdaan.

Dalka Itoobiya ayaa tan iyo 2015 waxaa ka socday dibadbaxyo ay dadka ku dalbanayeen isbadalo siyaasadeed iyo mid dhaqaale iyo in la soo afjaro musuqmaasuqa.

Xisbiga haya taladda dalka Itoobiya ayaa ku kala qaybsamay qaabka loo wajahayo dibadbaxyada socda., sida ay sheegayso tafaftiraha BBC ee Afrika Mary Harper.

Qaar ka mid ah hogaamiyayaasha Itoobiya ayaa u arkayay rai’sul wasaaraha mid jilicsan oo jahwareersan, ayay intaa ku dartay, waxaana arrintaas loo arkaa sababta ka dambeysay inuu xilka iska casilo.

Itoobiya oo wiiqanta islamarkana ay xasilooni daro ay soo wajahdo ayaa waxay halis ku tahay guud ahaan gobolka geeska Afrka sida ay wariyahayaga ku waramayso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]