25.5 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Qatar oo loo heshiiyey: War yaab leh oo ka soo baxay Donald Trump

Washington DC (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald J. Trump  ayaa ku tilmaamay dowladda Qatar in ay taaariikh u leedahay taageerada kooxaha argigixisada ah, waxa uuna ugu baaqay dowladaha khaliijka iyo kuwa deriska inay qaataan tallaabooyin dheeraad ah oo lagula dagaallamayo kooxaha argigixisad.

Hadalkaani ayaa Trump waxa uu sheegay ka dib markii uu shir jaraa’id uu ku qabtay aqalka cad isaga oo intaa raaciyay in dowladda Qatar ay-asal ahaan taariikh u leedahay inay maalgaliso kooxaha Islaamiyiinta ah waxa uuna ugu baaqay inay arrintaasi ay ka harto oo ay soo afjarto .

Dowladda Qatar ayaa waxay iska fogeysay eedeymaha loo soo jeediyay oo ah inay taageerto kooxaha Islaamiyiinta ah .

Qatar  waxaa ku yaallo saldhigga ugu weyn Mareykanka kaasi oo uu ku leeyahay bariga dhexe.

Jimcihii dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar waxaa ay soo saareen liis ay ku jiraan 59 qof iyo 12 hey’adood oo ay leeyihiin waxaa argigixiso, waxaana maalgelisa Qatar, arrintaas oo dalal badan iyo hey’ado Unka ah iska diideen.

Liiska Sacuudiga iyo Dadka Lala xiriirinayo Argigixisada:

  1. Khalifa Mohammed Turki  – Qatar
  2. Abdelmalek Mohammed Yousef Abdel Salam – Jordanian
  3. Ashraf Mohammed Yusuf Othman Abdel Salam – Jordanian
  4. Ibrahim Eissa Al-Hajji Mohammed Al-Baker – Qatar
  5. Abdulaziz bin Khalifa al-Attiyah – Qatar
  6. Salem Hassan Khalifa Rashid al-Kuwari – Qatar
  7. Abdullah Ghanem Muslim al-Khawar – Qatar
  8. Saad bin Saad Mohammed al-Kaabi – Qatar
  9. Abdullatif bin Abdullah al-Kuwari – Qatar
  10. Mohammed Saeed Bin Helwan al-Sakhtari – Qatar
  11. Abdul Rahman bin Omair al-Nuaimi – Qatar
  12. Abdul Wahab Mohammed Abdul Rahman al-Hmeikani – Yemeni
  13. Khalifa bin Mohammed al-Rabban – Qatar
  14. Abdullah Bin Khalid al-Thani – Qatar
  15. Abdul Rahim Ahmad al-Haram – Qatari
  16. Hajjaj bin Fahad Hajjaj Mohammed al-Ajmi – Kuwaiti
  17. Mubarak Mohammed al-Ajji – Qatar
  18. Jaber bin Nasser al-Marri – Qatar
  19. Yusuf Abdullah al-Qaradawi – Masaari
  20. Mohammed Jassim al-Sulaiti – Qatar
  21. Ali bin Abdullah al-Suwaidi – Qatar
  22. Hashem Saleh Abdullah al-Awadhi – Qatar
  23. Ali Mohammed Mohammed al-Salabi – Libya
  24. Abdelhakim Belhadj – Libya
  25. Mahdi Harati – Libya
  26. Ismail Muhammad Mohammed al-Salabi – Libya
  27. Al-Sadiq Abdulrahman Ali al-Ghuraini – Libya
  28. Hamad Abdullah Al-Futtais al-Marri – Qatar
  29. Mohamed Ahmed Shawky Islambouli – Masaari
  30. Tariq Abdelmagoud Ibrahim al-Zomor – Masaari
  31. Mohamed Abdelmaksoud Mohamed Afifi – Masaari
  32. Mohamed el-Saghir Abdel Rahim Mohamed – Masaari
  33. Wajdi Abdelhamid Mohamed Ghoneim – Masaari
  34. Hassan Ahmed Hassan Mohammed Al Dokki Al Houti – UAE
  35. Hakem al-Humaidi al-Mutairi – Saudi / Kuwaiti
  36. Abdullah Mohammed Sulaiman al-Moheiseni – Saudi
  37. Hamed Abdullah Ahmed al-Ali – Kuwaiti
  38. Ayman Ahmed Abdel Ghani Hassanein – Masaari
  39. Assem Abdel-Maged Mohamed Madi – Masaari
  40. Yahya Aqil Salman Aqeel – Masaari
  41. Mohamed Hamada el-Sayed Ibrahim – Masaari
  42. Abdel Rahman Mohamed Shokry Abdel Rahman – Masaari
  43. Hussein Mohamed Reza Ibrahim Youssef – Masaari
  44. Ahmed Abdelhafif Mahmoud Abdelhady – Masaari
  45. Muslim Fouad Tafran – Masaari
  46. Ayman Mahmoud Sadeq Rifat – Masaari
  47. Mohamed Saad Abdel-Naim Ahmed – Masaari
  48. Mohamed Saad Abdel Muttalib Abdo Al-Razaki – Masaari
  49. Ahmed Fouad Ahmed Gad Beltagy – Masaari
  50. Ahmed Ragab Ragab Soliman – Masaari
  51. Karim Mohamed Mohamed Abdel Aziz – Masaari
  52. Ali Zaki Mohammed Ali – Masaari
  53. Naji Ibrahim Ezzouli – Masaari
  54. Shehata Fathi Hafez Mohammed Suleiman – Masaari
  55. Muhammad Muharram Fahmi Abu Zeid – Masaari
  56. Amr Abdel Nasser Abdelhak Abdel-Barry – Masaari
  57. Ali Hassan Ibrahim Abdel-Zaher – Masaari
  58. Murtada Majeed al-Sindi – Bahraini
  59. Ahmed Al-Hassan al-Daski – Bahraini

Liiska Hey’adaha:

  1. Qatar Volunteer Center – Qatar
  2. Doha Apple Company (Internet and Technology Support Company) – Qatar
  3. Qatar Charity – Qatar
  4. Sheikh Eid al-Thani Charity Foundation (Eid Charity) – Qatar
  5. Sheikh Thani Bin Abdullah Foundation for Humanitarian Services – Qatar
  6. Saraya Defend Benghazi – Libya
  7. Saraya al-Ashtar – Bahrain
  8. February 14 Coalition – Bahrain
  9. The Resistance Brigades – Bahrain
  10. Hezbollah Bahrain – Bahrain
  11. Saraya al-Mukhtar – Bahrain
  12. Harakat Ahrar Bahrain – Bahrain Movement

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

DF oo qorsho cusub ka damacsan ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa wada qorsho cusub oo lagu howlgalinaayo ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Qorshaha ay wado dowlada ayaa la sheegay inuu yahay mid magaalada Muqdisho looga saarayo ciidamada AMISOM.

Ciidamada AMISOM ee laga saarayo magaalada Muqdisho ayaa la geyn doonaa xuduudaha laga soo galo magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Ciidamada dowlada ee hadda ku sugan xuduudaha ayaa lagu dari doonaa ciidamada amaanka ee ka howlgala magaalada Muqdisho, maadaama la xoojinaayo amaanka magaalada.

Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in ciidamada AMISOM ay la shaqeyn doonaan ciidamo dhowr ah oo ka tirsan dowlada si ay uga caawiyaan baaritaanada gaadiidka soo galaaya magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, qorshahaani lagu howlgalinaayo ciidamada AMISOM ee fadhiidka ah ayaa waxaa hogaaminaaya Hay’adaha amaanka dowlada ee u xil saaran xaqiijinta amniga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muuqaal: Erdogan oo si qiiro leh uga hadlay khilaafka Carabta xilli uu farriin adag u diray Sacuudiga

Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Rajeb Tayyip Erdogan ayaa mar kale ka hadlay xiisada ka taagan dalalka Khaliijka gaar ahaan Sacuudiga, Qatar, Bahreyn, Masar iyo Imaaraadka.

Madaxweynaha oo ka qeyb galay xaflad afur ah oo xubnaha xisbigiisa AK ka qeyb galeen ayaa sheegay in sacuudiga uu ka codsanayo inay si deg deg ah xayiraada uga qaado dowladda Qatar isla markaasna ay fiiriso walaaltinimada iyo Islaamka.

Madaxweyne Rajab ayaa tilmaamay in go’doomin lagu sameeyo Qatar aysan xal u noqon karin khilaafka dowladaha Carabta isla markaasna loo baahan yahay is wax kasta lagu dhameeyo wadahadal iyo xasilooni.

Wuxuu ka codsaday inay Sacuudiga ka shaqeyso midnimada Muslimiinta sidoo kalana ay ku sifowdo inay tahay dowlad ugu tunka weyn Khaliijka isla markaasna laf dhabar u ah Muslimiinta.

“ Waxaan idin kugu yeernaa u adeegayaasha Xaramka, waxaa la idinka rabaa inaad walaalnimo ku shaqeysaan ee aadan ka shaqeyn cadownimo, Dhabarka uma jeedin doono walalaalaheen Qatar waa inaad xayiraada ka qaad,  waa inaad ka shaqeysaan inaan walaalaha isu keentaan, sidaan ayaan ka fileynaa Sacudiga, u adeegayaasha labada Xaram” ayuu yiri Rejab.

Hadalka Erdogan ayaa kusoo aadayo xilli ay meel xun sii mareyso xaaladda khilaafka ah ee u dhaxeyso dowladaha dalalka Khaliijka.

Cosoble oo kala diray madaxdii maamulka Hiiraan iyo kuwa cusub oo la magacaabay

Beledweyne (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa kala diray maamulkii Gobolka Hiiraan.

Wasiir Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Hirshabeelle Mahad Xasan Cusmaan ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/llahi Cosoble uu kala diray Maamulkii Gobalka Hiiraan ee Soomaaliya.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle  ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Amniga Axmed Inji iyo xubno kale oo ka mid ah maamulka gobolka Hiiraan.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in xilka looga qaaday Gudoomiyaha Maamulka Gobalka Hiiraan iyo Gudoomiye Ku Xigeynka Dhinaca Amniga Axmed Inji iyo qaar kale oo xubnaha Maamulka ka mid ah.

lama oga ilaa hadda Sababta keentay Xil ka qaadista Maamulka Gobalka Hiiraan  Balse arintaan ayaa ku soo aadeyso iyadoo Gobalka Hiiraan ay ka jirto Dagaal beeleed ragaadiyay Magaalooyinka Gobalka Qaarkood.

Gudoomiyaha gobalka ayaa loo magacaabay mudane Cumar Ibraahim Aadan Baadiyow

Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasasa mudane Maslax Maxamed Cismaan

Gudoomiye ku xigeenka maamulka mudane Cabdirashiid Sheekh Cali

Gudoomiye ku xigeenka maaliyada mudane Khaalid Bashiir

Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Sheekh Xuseen

Xoghayaha gobalka Cabdulledule Nuur Guure

Gudoomiyaha dagmada mudane Aadan Axmed Xeyfe

Duqa magaalada baladwayne cali dhuux mahadlale

Gudoomiye ku xigeenka Matabaan Mudane Faarax Nuur

Xoogaa kadib ayaan Inshaa Allah idinla wadaagi doonaa Degreetada kasoo baxday Madaxweynaha Hirshabelle Cosoble.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne 
[email protected]

Muxuu ka dhigan yahay qodobka uu Gen. Cirfiid ku xalaaleynayo dhiiga militeriga hubka wata?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Taliska Ciidanka Xoogga Somalia ayaa soo saaray amaro culus oo la xiriira shaqsiyaadka ku labista Direyska Ciidanka ee aan ka tirsaneen Ciidanka Xoogga dalka Somaliyed.

Taliyaha Ciiidanka Xoogga dalka Soomaliya General Maxamed Axmed Jimacaale, ayaa sheegay in kaalinta ciidamada Militeriga ay ka dhexmuuqan doonto howlaha ka socda magaalada Muqdisho.

Waxa uuna iska fogeeyay inuu mas’uul ka noqdo Askari dhagaha ka fureystay amarada kasoo baxay kulanka Hay’adaha amniga.

Gen.Cirfiid ayaa digniin adag u diray Mas’uuliyiinta ay ilaalada u yihiin Ragga ku labisan Direyska Ciidanka Xoogga ee aan ka tirsaneen Ciidamada.

Gen. Cirfiid wuxuu ku goodiyey in tallaabo adag laga qaadi doono cidii lagu arko darees aan sharci u aheyn.

Wuxuuna sidoo kale ka digay Taliye Cirfiid in Gaadiidka Ciidanka Xoogga dalka lagu arko Wadooyinka Magaalada Muqdisho iyaga oo aan haysan Ruqsad.

Waxa uu sheegay inaanu mas’uul ka noqon doonin wixii ku dhaca Askarigii aan ka tirsaneyn Xasilinta magaalada Muqdisho ee Hubka isku dhajiya.

”Askarigii Militery ah wataa qori ee lagu qabto howlgalka waxaan uga digayaa inuu isku dhajiyo Hubka, haddii ay dhacdo in loo dilo madaxa adeegiisa isaga ayaa mas’uuliyada qaadi doona”

Gen.Cirfiid, waxa uu sheegay inuu banaan yahay dhiiga Askarigii isku dhajiya qoriga, waxa ayna tani suuragalinkartaa in ciidamada ay wada galaan dagaal ama dil aano ah.

Amarka lagu fududeeyay dilka Askarigii isku dhajiya Hubka ayaa waxa uu soo dadajin karaa in dalka uu dib u galo xaalad aano khabiil iyo ciidamada Hub ka dhigista oo ugaarsada kuwa kale.

Haddalka Gen.Cirfiid, ayaa ka dhigan mid lagu sahlaayo kala sareysiinta ciidamada Militeriga iyo in la toogan karo xiliyada qaar, taa oo shaki galin doonta xaqiiqda jirta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Sacuudiga oo soo ceyriyey wafdigii DF kadib markii la isku fahmi waayey in xiirka loo jaro Qadar

Riyaadh (Caasimadda Online) – Wafdi heer-Wasiir ah oo ka socda Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan gaaray magaalada Riyaadh ee caasimadda boqortooyada Sacuudi Carabiya kuwaas oo raadinayey dhaqaale malaayiin dollar ah oo horay Xukuumada Riyaadh ay u balan qaaday in ay siineyso DF Soomaaliya.

Wafdigan oo ay hogaaminayaan ugu yaraan lix wasiir oo ka tirsan Xukuumada Soomaaliya ayaa markii ay gaareen magaalada Riyadh waxaa halkaas ku soo dhaweeyey wafdi heer-hoose ah oo ka socday gobolka Riyaadh iyo xubno ka tirsan sirdoonka Xukuumada Aala-Sacuud sida lagasoo xigtay Masaadir Sacuudiyaan ah.

Soo dhaweyn kadib, Saraakiisha Xukuumada Aala-Sacuud ayaa wafdiga DF Soomaaliya ka dalbaday in ay xiriirka u jaraan dowlada Qadar oo waayadii dambe wajaheysay cadaadis xoogan oo kaga imaanayey dowladaha Khaliifka ee Sacuudiga uu hogaamiyo.

Wararka ayaa sheegaya in wafdiga uu dalbaday in marka hore lasiiyo dhaqaalihii loo balanqaaday kadibna ay qaadan doonaan go’aaanka xiriirka loogu jarayo dowlada Qadar, Sababtoo ah ilaa hadda waxaa dowlada Sacuudiga aysan bixin ugu yaraan 50 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah oo ay u balan qaaday Soomaaliya markii xulifada Sacuudiga ay xiriirka u jarayeen dowladda shiicada iiraan bishii Janaayo sanaddii 2016.

Sidaas darteed wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya wuxuu dalbaday in marka hore lagusoo wareejiyo dhaqaalaha, go’aanka xiriirka loogu jarayo dowlada Qadarna ay qaadan doonaan marka ay dib ugu noqdaan wadanka.

Arintan ayaa la sheegay in loo celiyey boqorka Xukuumada Aala-Sacuud kaas oo lagu wargeliyey in wafdigu ay diyaar u yihiin in ay xiriirka jaraan balse ay doonayaan in lacagta lagu soo wareejiyo, Boqor Salmaanka Aala-Sacuud ayaa gaashaanka u duruuray arrintaas, islamarkaana sheegay in aanan hal dollar lasiin doonin wafdiga dowladda ilaa xiriirka kaga jarayaan Qadar taas oo ku adkaatay wafdigii Dowladda Farmaajo madax ka yahay,

Tani waxay keentay in wafdiga DF Soomaaliya ay dib ugu soo noqdaan wadanka ka dib markii ay waji-gabax kala soo kulmeen Xukuumada Aala-Sacuud, lamana oga haddii ay go’aankooda wax ka badali doonaan iyo haddii ay mowqifkooda ku taagnaan doonaan.

Nin lagu magacaabo Ghaanim Ad-Dowsari oo ah nin Mucaaradka Aala-Sacuud ka mid ah oo ku nool dalka Ingiriiska ayaa sheegay in Xukuumada Aala-Sacuud ay soo ceyrisay wafdigii Dowlada Soomaaliya, ayna u diiday wax dhaqaale ah illaa ay xiriirka kaga jaraan Qadar.

“Sacuudi Carabiya waxay Dowlada Soomaaliya u diiday in ay siiso taageero dhaqaale ilaa ay ka jareyso xiriirkeeda Qadar” ayuu ku yiri qoraal uu ku soo qoray bartiisa Twitterka. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Sacuudi Carabiya waxay wafdigii Soomaaliya ku tiri: Xiriirka u jara Qadar, waan idiin siineynaa wax waliba oo aad dooneysaan”.

Waxaa xusid mudan in dowladda Qatar ayaa kaalin weyn ku laheyd doorashadii Max’med Cabdullaahi Farmaajo oo ay lacago malaayiin dollar ah ku bixisay waxaana arrimaha Soomaaliya wakiil uga ah nin lagu magacaabo Fahad Yaasiin oo dhowaan loo magacaabay Agaasimaha guud ee Villa Somalia.

Qadar ayaa marwalba galaangal ku leh siyaasadda Soomaaliya waxaa laxusuustaa kaalinteedii maamulkii Xasan Gurguurte heer ay codsan jirtay in siyaasiyiin iyada ka wakiil ah wasiiro laga dhigo.

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
[email protected]

Aqriso: Damu-jadiid oo go’aan adag qaadatay iyo maqaal uu qoray Mahad Salaad

Waxaan halkaan idinkugu soo gudbinayaa maqaal aan ugu talo galay inaan ku iftiimiyo qayb kamid ah qaladaadka joogtada ah ee qaar kamid ah Madaxda Qaranku ka galayaan Dalkii iyo Dadkii ay mas’uuliyada uhayeen. Si loo saxo, Dowladuna aysan dhumin kalsoonidii Shacabka Soomaaliyeed u muujiyeen Doorashadii Madaxweynaha, Magacaabistii Ra’iisul Wasaaraha iyo Dhismihii Xukuumada. Kalsoonidaas oo hadii aan la’dabo qaban ay suurtogal tahay in ay noqoto LA MOOD NOQONSE WEYDAY!

Waxa igu abuuray inaan maqaalkaan soo qoro, kadib markii aan arkay guuxa baaxadda leh ee ay qabaan Dadka Soomaaliyeed ee ku aadan sidii ay filayeen iyo si-u-dhow midna inaysan wax u soconin. Kadib markii aan yaqiinsaday in Madaxweynaha iyo qoloda ku xeeran aysan dareensaneyn in ay jiraanba wax qaldan. Anigoo ka duulaya qaladaad dhowr ah oo horay usoo dhacay ayna suuragal tahay hadii laga aamuso in ay Soomaaliya ku dhacdo mar labaad godkii mugdiga ahaa ee ay ku dhacday 27 sano kahor.

Sidaas daraadeed, aniga oo ka duulaya arimaha aan soo sheegay ayaa waxaan go’aansaday inaan idinla wadaago qoraalkaan aan ku cabirayo dareenkeyga iyo midka malaayiin Soomaali ah ee aaminsan in Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo uusan ka dhabeynin balanqaadyadii uu kahor jeediyay Shacabka Soomaaliyeed. Aniga oo aaminsan in aysan jirin niyad xumi Madaxweynaha dhankiisa ah ayaa hadana waxaan aaminsanahay qaladaadka jira in ay sabab u yihiin dhowr arimood oo isbiirsaday, sida:

Madaxweynaha oo shaqadu ku culustahay, walina aad moodo inuu ku gudo jiro ololihii doorashada ee soo dhamaaday 8 Feebaraayo 2017, walina uusan usoo jeesan meel marinta balan qaadyadii lagu doortay. Madaxweynaha oo aan wali helin dad ehel u ah oo warbixin ka siiya waxa dalka kajira, talooyin wax ku’ool ahna siiya. Taasoo sida muuqata iskaba daay waxa Dalka kajiree xitaa ay kari waayeen saaxiibadiis in ay warbixino waafi ah ka siiyaan waxa xaafiiskiisa ka-dhex-jira. Tusaale hadaan usoo qaato:

– Wareysi uu la yeeshay horaantii asbuucii tagay Madaxweynaha wargeyska Sharq-Alawsat ee London ka soo baxa ee afka Carabiga lagu qoro, ayaa waxaa la su’aalay Madaxweynaha: Markii aad Mareykanka joogtay mushaarkaaga waxa uu ahaa $84,000 sanadkii, hadda oo aad tahay madaxweynaha Soomaaliya mushaarkaaga muxuu la egyahay? Madaxweynuhu waxa uu ku jawaabay: Ilaa markii la i doortay ilaa hadda, wax mushaar ah ma qaadan oo malihi, dowladda ayaa go’aansan doonto in ay ii qoondeyso mushaar madaxeed laakiin, intuu la ekaan doono ma garanayo.

– Hadaba si aad u ogaatid aqristow jawaabta saxda ah. Miisaaniyada Xaafiiska Madaxweynaha waa 4milyan iyo dhowr boqol kun oo dollar. Mushaarkiisuna waa $96,000 dollar sanadkii. Afartii sano ee la soo dhaafayna isla sidaas uyuu u qornaa. Barlamaanka hada jirana si KMG ah ayuu u ansixiyay bishii April ee isla sanadkaan inta Miisaaniyad cusub laga sameynayo. Waa wax laga xumaado in Madaxweynaha Qaranka uusan ogeyn miisaaniyada Xaafiiskiisa iyo mushaarkiisa inta uu yahay oo ku qorneed miisaaniyada Dowlada afartii sano ee lasoo dhaafay! Waa suurtogal Madaxweynuhu inuusan baahi u qabin mushaar! Laakiin danta Dalka iyo Dadka ayaa kujirta inuu ogaado qof waliba waxa uu Qaranka ku leeyahay ee xuquuq ah oo isagu ugu horeeyo si waajibaadka saarana lagula xisaabtamo!

Dabci ka sameysan degdeg oo ku badan hab dhaqanka siyaasadeed ee Madaxweynaha, taasoo ah wax ku cusub masraxa siyaasada Soomaaliya. Degdegaas oo mararka qaar u horseedaya inuu qaato go’aamo aan laga fiirsan. Kuwaas oo keeni kara xasilooni daro Amni iyo mid Siyaasadeed oo Dalka u horseeda burbur horleh meeshii laga sugayay deganaansho Siyaasadeed iyo horumar lagu diirsado. Tusaale hadaan usoo qaato:

– Madaxweynuhu waxa uu baalmaray Qaraarkii Golaha Shacabka soo saaray 30 April 2017 ee ku saabsanaa dib-u-habaynta iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya. Isagoo qaatay go’aamadii kasoo baxay shirkii Madaxda Qaranka iyo Madaxweyne yaasha Dowlad Goboleedyada ee Muqdisho lagu qabtay 16 April 2017. Shirkaas oo Golaha Shacabka dhaliil aad u xoogan ugu soo jeediyeen Madaxdii go’aankaas gaartay. Kuna sheegeen go’aamadaas kuwa ay soo gaareen Dowlado Shisheeye laguna xalaaleysanayo gacmo Soomaaliyeed. Kadibna Madaxweynuhu waxa uu geeyay go’aamadaas Shirkii London si Beesha Caalamka oo markii hore lahayd soo jeedinta go’aamadaas markale looga meelmariyo. Bilaabayna dhaqan gelinta go’aamadaas isagoo og in uu jiro Qaraar Baarlamaani ah oo arintaas kahor imaanaya. Taasoo meesha ka saareysa doorkii Barlamaanka ee kor-joogtaynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowlada. Si cadna waxa uu ugu tumanayaa Madaxweynuhu Qaraar Dastuuri ah oo kasoo baxay Hay’adii Dalka ugu sareysay ee kalsoonideeda uu kursiga Madaxweyne nimo kula fadhiyo.

– Sida Madaxweynuhu dhowr jeer Warbaahinta ka sheegay Dalka Sacuudiga inuu u balan qaaday Soomaaliya taageero maaliyadeed oo gaaraysa 4bilyan dollar, ayna Dalka ka fulin doonaan mashaariic dhinacyo badan leh oo ay kamid yihiin: dib u dhiska ciidanka, la dagaallanka argagixisada, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo kabka miisaaniyadda Dowlada oo loo balan qaaday 50 milyan oo deg deg ah in qasnada Dowlada lagu soo shubi doono. Waxaa intaas dheer oo Madaxweyne Farmaajo ku sheegay wareysigii wargeyska Sharq-Alawsat uu siiyay in markii uu la hadlayay Boqorka Sacuudiga, uu dareemay inuu yahay walaalka weyn Soomaaliya oo diyaar u ah inuu caawiyo. Waxa uuna sheegay in ammaanka boqortooyada uu ku xiran yahay ammaanka Soomaaliya oo aanan aqbaleynin in la xumeeyo. Hadaba aqristow maxaa dhacay?

– Maalin dhaweyd waxaa magaalada Muqdisho yimid La’taliyaha Boqorka Sacuudiga si Soomaaliya ay u taageerto mowqifka Sacuudigu ka qaadatey dalka Qadar. Kadibna Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay inay Soomaali dhex-dhexaad ka noqonayso khilaafka Sacuudiga kala dhaxeeya Qadar. Mowqifkaas oo la mid ah midkii Iran ay ka qaadatay go’doominta dalka Qadar. Marka la fiiriyo go’aanka Dowlad Soomaaliya qaatay waxa ay martay dhanka xulafada Qadar. Waxaase intaas ka daran wafdigii loo deyriyay ee Sacuudiga ka socday diyaaradii ay wateen inay horay usii raacaan 6 Wasiir oo Xukuumada Soomaaliya katirsan oo doonaya lacagtii la balan qaaday iyo mashaariic kale ee Sacuudigu balan qaaday inay Soomaaliya ka hirgelinayso. Markii wafdigii Soomaalida tageena waxaa loo soo diray agaasimeyaal. Waxaana lagu wargeliyay hadii ay lacag rabaan inay mowqifkooda badalaan, taageeraana xulafada Sacuudigu hugaaminayo! Sacuudigu waa Dal dhaqaale ahaan ay Soomaaliya ku xirantahay, sanadkii 2015 waxaa Soomaaliya Dalka Sacuudiga u iib geysay 5million neef oo xoolo ah. Mana jiro Dal Carbeed oo xiriir ganacsi oo intaas la’eg Soomaaliga kala dhaxeeyo. Carqalad ku timaada xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudigana waxay taabaneysaa nolosha muwaadinka Soomaaliga ah ee reer guuraaga ah.

– Waxaa xusid mudan afartii sano ee la soo dhaafay Dowlada Qadar Safiir uma soo magacaabin dalka Soomaliya ilaa hadana waxaa u jooga wakiil (Charge de affair). Dowladda Soomaaliya waxay siisay DHUL muhiim ah oo ku yaal Faras magaalaha Muqdisho si ay uga dhisato Safaarad ilaa hadana dhagax lama dhigin! Inkasta oo Dowladihii isxigxigay ee Soomaaliya ay Qadar weydiisteen kaalmo dib u dhis, madax badanina ay booqdeen, haddane mashruuc lataaban karo oo ay Qadar ka fulisay Dalka ma jiro. Halka Dowlada Imaaraadka oo dal ahaan ay isku dhigmaan Qadar, Safaarad ku leedahay Soomaaliya, Safiir rasmi ahna u joogo, Dalkana ay ka fulisay mashaariic waaweyn oo la taaban karo sida Isbitaalka Shiikh Zaayid, Xarunta Tababarka Ciidamada, Xarummo Waxbarasho iyo kuwa Maamul oo ay ka dhiseen Gobollo kala duwan ee Dalka.

– Go’aamada nuucaan oo kale ah waxay u baahnaayeen qiimayn iyo aragti fog ee uma baahneed go’aan aan laga fiirsan oo Dal iyo Dad midina aysan dani ugu jirin. SIYAASADDU WAA KA SHAQEYNTA DANAHA DALKA IYO DADKA EE MA AHAN DANAHA DALAL KALE AMA DANAHA SHAQSIYAAD GAAR AH!

Siyaasiinta ku xeeran Madaxweynaha oo aan ogeyn amaba aan dan ka laheyn caqabadaha baaxada leh ee Soomaaliya ku horgudban iyo shaqada laga sugayo, una arka fursada kaliya ee ay xukunka kusii joogi karaan kasoo muuqashada Warbaahinta, abuurista propaganda iyo iidhehyo wax micno ah oo ay sameynayaan aysan jirin oo aan ka ahayn hantidii Umadda inlagu dhumiyo. Tusaale ahaan:

– Wasiiro, Agaasime yaal, Gudoomiye yaal Degmo inta loo yeero Warbaahinta inla yiraahdo igu sawira! Farshaxano inta la kireysto cartoons nalugu amaanayo dad siyaasiin ahna lagu ceynayo noo soo sameeya la yiraahdo!

– Intaas waxaa sii dheer oo Dalka horay aan uga dhicin ayaa ah: in dadka qabiil qabiil iyo jufo jufo la isku diro. Ajaanibtana inta loo dhuunto lala xanto mas’uuliyiin dalkaan xil kasoo qabtay ama kuwa hada haya. Laguna dacweeyo oo la yiraahdo u yeera ee handada si aysan noogu mashquulin!

Ugu danbeyntii Mudane Madaxweyne xiligii ololaha doorashada waa dhamaaday, waxqabad dhab ah ayaana lagaa sugayaa. Umadda Soomaaliyeedna khilaaf cusub iyo dib udhac waa kasoo daashay, waxa aan soo sheegay oo dhan waxaan uga gol leeyahay inaan ku dareensiino inay jiraan wax qaldan sixidna ubaahan. Gacmo na wadajir ayay wax ku qabtaan. Sidii shalay aan kuu taageernay ayaan kuu taageersanahay maanta ee hala saxo waxa qaldan.

Mahadsanid
Xildhibaan: Mahad Salad

Maxaa kala socotaa tirada ciidamada Qadar ee lagu daadiyay xadka ay la wadaagto Sacuudiga

Doha (Caasimada Online) – Warbaahinta caalamka ayaa baahisay in Dowlada Qadar ay ciidamo dheeri ah geysay Xadka ay la wadaagto dowlada Sacuudiga.

Ciidamada la geeyay xadka ayaa la sheegay in tirro ahaan ay gaarayaan ilaa 3,700 kuwaa oo la sheegay in lagu amray xaqiijinta amniga xadka kala beyra dowladaha Qadar iyo Sacuudiga.

Ciidamada militeriga Qadar ee la geeyay xadka ayaa laga soo saaray keydka Ciidamada dowlada Qadar, kuwaa oo la howlgaliyo xiliyada uu qalqal amni dareemo dalka Qadar.

Dowlada Qadar oo dafireysa ciidamada la geeyay xadka ayaa sheegtay in ciidamadaasi ay yihiin kuwo ku shaqo leh gaafmeerka xuduudaha dalka.

Dowlada Qadar waxa ay sidoo kale beenisay ciidamada la geeyay xadka waxa ayna tilmaantay inaanu jirin sabab ay xiligaani ciidamo u geyso Xadkeeda.

Dhinaca kale, Dowlada Turkiga ayaa sheegtay inay kordhineyso ciidamada ay u direyso dalka Qadar, ee ka qeybqaadan doona xasilinta xiisada taagan.

CaasimadaOnline
Xafiiska Abu Dhabi 
[email protected]

Maxay teleefanka uga wada hadleen Donald Trump iyo amiirka dalka Qadar?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald John Trump ayaa xiriir dhanka Teleefanka ah la sameeyay Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, kadib markii ay sii fogaatay xiisada kala dhexeysa Sacuudiga.

Donald John Trump, ayaa amiirka kala hadlay Xiisada dalkiisa kala dhexeysa Sacuudiga, waxa uuna aad u dhaliilay sida ay Qadar u muujineyso colaada ba’an ee kala dhexeysa Sacuudiga.

Donald John Trump, ayaa amiirka ku amray inuu qaboojiyo xiisada, waxa uuna taa bedelkeeda u sheegay in dowlada Mareykanka ay dooneyso midowga wadamada Khaliijka.

Donald John Trump, waxa uu Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, usoo bandhigay inay qirtaan waxyaabaha dhaliyay xiisada, waxa uuna sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in la helo midowga wadamada Khaliijka.

Sidoo kale, Trump waxa uu Amiirka ku wargaliyay inay doonayaan in dowladaha uu khilaafka ka dhexeeyo u heshiiyaan si shuruud la’aan ah, iyadoo la tixgalinaayo xiriirkii hore ee soo jireenka ah.

Dhinaca kale, Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, ayaa Trump u cadeeyay in xiisada ay tahay mid uu isaga horboodayo, waxa uuna dhankiisa ka sheegay in Qadar ay diyaar u tahay wadahadal, balse ay doonayaan inaan dib loo soo faagin xiisada, iyadoo Dowlada Mareykanka ay ka shaqeyn doonto xalinta xiisada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Hormuud Telecom Foundation oo deeq raashiin iyo dhar ah gaarsiisay xabsiga dhexe iyo Isbitaalka martiini

Muqdisho (Caasimadda Online) – Deeqda la gaarsiiyay xabsiga dhexe ayaa isugu jirtay raashiin, dhar iyo shan halaad oo geel ah taas oo loogu talagalay in lagu afuriyo maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe, iyada oo sidoo kale la gaarsiiyay dhar loogu talagalay in ay ku ciidaan maxaabiista.

 C/llaahi Nuur Cismaan Madaxa hey’adda Hormuud Foundation ayaa saxaafadda u faahfaahiyey Deeqdan iyo waxa ay ka koobantahay, “waxaan maanta halkan ku wareejineynaa Raashi ka kooban; 200 loor Bariis ah, 100 Bur ah, 100 Sokor ah, 5 jawaan oo caleen Shaah ah, 10 Kartoon oo Cabitaan ah & dharkii ay ku ciidi lahaayeen dhammaan maxaabiista ku jirta Xabsiga dhexe oo isugu jira Rag & Dumarba”.

Taliyaha ciidamada asluubta ayaa General Xuseen Xasan Cismaan ayaa aad u bogaadiyay deeqdan ka timid shirkadda isgaarsiinta Hormuud, iyaga oo ku ammaanay garab istaagga had iyo goor ay shirkaddu u sameyso maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe.

 Xoghaya joogtada ah ee wasaarada caddaalada Dr. Ismaaciil Jimcaale oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii guddoontay deeqdaasi ayaa u mahadceliyay shirkadda isgaarsiinta Hormuud isaga oo tilmaamay in deeqdan lasoo gaarsiiyay xabsiga dhexe ay tahay mid ay ugu baahnaayeen maxaabiista ku xiran xabsiga.

 Sidoo kale hay’adda Hormuud Telecom Foundation, waxa ay timir iyo deeq lacageed gaarsiisay qoysaska naafada ciidamada xoogga dalka ee ku nool isbitaal martiini ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka naafada ciidamada xoogga dalka Sheekh C/llaahi ayaa ka mahadnaqay deeqdan shirkadda Hormuud ay maanta soo gaarsiisay.

 Deeqdan Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ay gaarsiisay xabsiga dhexe iyo isbitaalka martiini ayaa qeyb ka ah deeqa shirkaddu ugu talagashay in bisha Ramadaan ay ku taageerto dadka u baahan caawinta ee bulshada Soomaaliyeed.

 

Wasiirka amniga oo hanjabaad u diray shaqsiyaadka hubeysan ee ku sugan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya, ayaa ka hadlay qorshaha dowlada Federaalka ay ku nabadeyneyso magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in qorshaha cusub uu yahay in magaalada Muqdisho lagu nabadeeyo muddo dhan 3bil oo hadda fooda nagu soo heysa.

Wasiir Ducaale, waxa uu tilmaamay in Hay’adaha amniga ay si rasmi ah u fulin doonaan dhammaan awaamirtii kasoo baxday Xukuumada.

Wasiir Ducaale waxa uu ku hanjabay in talaabo sharci ah laga qaadi doono cidii is hortaag ku sameynaa Howlgalka Hub ka dhigista ee hadda socda.

Waxa uu intaa ku daray inaan la aqbali doonin in waddooyinka Muqdisho ay isticmaalan baabuur tikniko ah oo warqad fasax ah aan wadan, isagoo xusay in askari hubeysan iyo dareys aan lagu wadan karin magaalada.

Isagoo arrintaasi ka hadlaayay ayuu yiri ”qofka askariga ama Milateri ha ahaado, Boolis iyo Nabadsugid hala soo xiriiro taliyihiisa warqad cadeyn haka keensado, hadii la arko askari kaligiis iska socda hubka waa lagala wareegayaa, isagana xabsi ayaa la dhigayaa waa go’aan guud illaa Madaxweynaha ka soo baxay”

Sidoo kale, waxa uu Wasiirka Amniga ku hanjabay inuu ka shaleyn doono Askarigii dagaal kala hor imaada ciidamada Hub ka dhigista waxa uuna cadeeyay in wixii lagu fulin lahaa ay tahay mid cad.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka ayaa u digay Saraakiisha iyo Ciidamada dowlada ee Gaadiidka dagaal ku dhex isticmaala magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sambaloolshe oo cadeeyay Mowqifka NISA ee Hub ka dhigista ka socota Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa ka hadlay howlgalada ay ciidamada Xasilinta kawadaan magaalada Muqdisho.

Sambaloolshe waxa uu sheegay in Howlgalka uu yahay mid bilow ah isla markaana uu sii xoogeysan doono maalmaha soo socda.

Waxa uu Sambaloolshe tilmaamay inaan loo dulqaadan doonin shaqsi waliba ha ahaado Mas’uu ama Ciidan, waxa uuna cadeeyay in howlgalka uu saameyn doono cid waliba.

Waxa uu intaa raaciyay in aysan jiri doonin Shaqsiyaad ku gambada Madaxda Dowladda , waxa uu xusay in cid walbo si siman loogu qaadi doono talaabo hadii ay ka hor yimaadaan howlgalada socda.

Waxa uu cadeeyay in aysan raali ka noqon doonin in la Carqaladeeyo Ciidamada Howlgalada ka wada Muqdisho.

Dadka kasoo horjeeda howlgalka socda ayuu sheegay inay dusha saaran doonaan wixii mas’uuliyad ah waxa uuna ku celcelshay in isla xisaabtanka uu intaa kasii badan doono.

Si kastaba ha ahaatee, Sambaloolshe ayaa ka digay in la hor istaago howlaha lagu xasilinaayo magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muqdisho oo laga furayo xafiis lagu hubinayo Ilaalada wasiirada iyo xildhibaanada

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdixakiin Daahir Saciid, Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in gudaha Bishaani magaalada Muqdisho laga furi doono Xafiis lagu diiwaan galinaayo dhammaan Ilaalada gaarka ah ee la socta Madaxda Dowlada.

Taliyaha ayaa sheegay in Xafiiskaasi lagu diiwaan galin doono Ilaalada Wasiirada, Xildhibaanada, Siyaasiyiinta iyo dhinacyada kale ee Ilaalada iyo Hubka wata.

Taliyaha waxa uu tilmaamay in furitaanka Xafiiska uu noqon doono mid lasoo dadajiyo, si loo sahlo la socodka Ciidamada Hubeysan.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in Astaan iyo dhar gaar ah loo sameyn doono Ilaalada ay wataan Madaxda dowladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo Ammaanka.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in aan magaalada Muqdisho lagu arki Karin Ciidamo aan wadan warqad Aqoonsi marka laga reebo Ciidamada Xasilinta Caasimadda.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda Howlgalo lagu ugaarsanaayo shaqsiyaadka Hubeysan kuwaa oo lagu eedeeyay in Hubkooda ay u isticmaalan qaab khaldan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Bahrain oo kashiftay kaalinta uu Erdogan ku lahaa xiisada Sacuudiga iyo Qadar

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Bahrain ayaa shaki galisay in Madaxweynaha Turkiga Rajap Dayib Erdogan ay daacad ka tahay dhex dhexaadinta xiisada Sacuudiga iyo Qadar.

Bahrain waxa ay sheegtay in Madaxweynaha Turkiga uu waxbadan ka ogaa bilowga xiisada, isla markaana arrinkaasi ay horay uga wadahadleen Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Wasiirka arrimaha Dibadda Bahrain oo la hadlay saxaafada maxaliga ayaa sheegay in ujeedka booqashada Erdogan ee dalka Mareykanka ay aheyd mid la xiriirtay xiisada uu abaabulaayay Donald Trump.

Wasiirka waxa uu sheegay in dowlada Erdogan aysan dhex dhexaad ka aheyn xiisada Sacuudiga iyo Qadar, waxa uuna cadeeyay in Turkiga ay u janjeerto dhanka Qadar.

Nuqul kamid ah ayaa waxaa lagu yiri ”Waxaa muuqaneysa in dowlada Turkiga ay ku dhex luudeyso xalinta labada dal, waxaan aragnaa inay u janjeeran Qadar oo ku eedeysan argagixiso taageernimo”

Dowlada Bahrain waxa ay sidoo kale ka digtay in dowlada Turkiga ay siyaabo kala uga faa’iideysato xiisada jirta, waxa ayna bidhaamisay inaanu jirin sabab xiligaani Qadar loogu diro ciidamo Turkian ah.

Dhinaca kale, waxaa sii xoogeysanaaya xiisada ka dhex aloosan Sacuudiga iyo Qadar oo u muuqata mid laga sii deyrinaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Qatar oo si cajiib ah uga jawaabtay liiskii yaabka lahaa ee kasoo baxay Sacuudiga

Doha (Caasimada Online) – Qatar ayaa gaashaanka u daruurtay kuna tilmaantay mid aan sal laheyn liis cusub oo argagixiso oo ay shaaciyeen afar dal oo Carab ah oo xiriirka dalkaasi ugu jaray eedo ah inay taageerto kooxaha xagjirka ah.

Sucuudi Carabiya, Isutagga Imaaraadka Carabta, Masar iyo Baxrayn ayaa 60 qof oo cusub iyo 12 hay’adood ku daray liiska kooxaha xiriirka la leh Qatar.

Hasayeeshee Qatar ayaa sheegaysa in mowqifkeeda ladagaalanka argagixisada uu ka xooggan yahay qaar ka mid ah afartaas dal.

Bayaan ay soo saartay dowladda Qatar ayaa lagu sheegay in ay cambaaraynayso nooc walba oo argagixiso ah ayna gobolka ku hogaamiso dagaalka xidida loogu siibayo dhibaatada, sida in ay shaqooyin abuurtay iyo inay waxbarasho siisay kumannaan qaxootiga Suuriyiin ah.

Goor sii horreysay, Masar ayaa ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu baaro eedaha ah in Qatar ay ilaa iyo hal bilyan oo doolar ay siisay kooxo xagjir ah oo ay ku soo furatay xubno ka tirsan qoyska boqortooyada, kuwaas oo la qabsaday iyagoo ugaarsi u joogay dalka Ciraaq.

Dadka listigan ku jira waxaa kamid ah wadaadka caanka ah ee Yusuf Al Qardaawi oo isagu kunool dalka Qatar. Al Qardaawi wuxuu leeyahay urur samafal ah oo ay maalgeliso dowlada Qatar.

Shaqsiyaadka xayiraada la saaray ayaa waxaa ku jira 18 qof oo kasoo jeeda dalka Qatar kuwaasi oo ay ku jiraan ganacsato waaweyn, siyaasiyiin iyo waliba qaar kamid ah qoyska Boqortooyada Qatar.

Listiga Sacuudiga iyo xulafadiisa ayaa waxaa si weyn u cambaareeyey ururada Carabta ee u dooda Xuquuqul insaanka ee loo yaqaan (AOHR).

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected]

Siyaasada qabiilku ee Soomaaliya ma xal baa mise waa xaq? 

Laga soo bilaabo 1960kii Somalia waxay ku dhisnayd halbeeg qabiil u eke ah si gaar ah, waxaa arinka xoojiyay dowladihii burburka kadib taas oo si rasmi ah u soo shaac baxday doorashadii Madaxwayne Cabdilahi Yuusuf ee lagu sameeyay 4.5
Mudadii intaas ka danbaysay waxaa hal beega ama saamiga siyaasada Somalia ahaa qabiil, tusaale 4-ta beelood ee u waawayn waxay kala haystaan Madaxwaynaha, Gudoonka Baarlamaanka, Ra’iisul wasaaraha iyo gudoonka maxkamada sare oo aan saas shaqo gal u ahayn. Si lamid ah waxaa golaha wasiirada, xildhibanaada, agaasimayaasha iyo safiirada lagu qaybiyaa qabiil. Beesha la nusqaamiyay ayadu waa dulmane duudsi iyo boob u joog ah.
Hadaba, marka la qiimeeyo loolanka ka dhaxeeya beelaha Somalia ee awood ahaanshaha siyaasada , Somalia hormarkeedu kuma jiro in qaab qabiileedkaan kusii socoto xal iyo xaqtoona ma ahan,  tusaale cadna waxaa u ah dagaaladii sokeeye ee qabiilada iyo qabqablayaashu wadeen. Bahdilka iyo quursiga beelaha qaarna waxay sii siyaadinaysaa nacayb ay inta kale u qaadaan.
Dowlada Madaxwayne Farmaajo iyo RW khayre waxaa muhiim ah ayagoo kaashanaya golayaasha wasiirada, aqalka shacabka (baarlamaanka) iyo aqalka sare in ay sameeyaan siyaasad cad oo ku aadan ka bixida nidaamkaan qabiilka. Afar sano way ku adkaan kartaa in nidaamka axsaabta loogu wareego sababo amaan, dhaqaale iyo midnimo siyaasadeedba balse waxaa muhiim ah in lasii bilaabo qorshe looga baxayo qabiilka.
Dowlada cusub waa in ay taariikhda wax ka bartaa oo sidii xiligii madaxwayne Xasan Sheikh ay kusoo baraarugin xili wakhti iyo kharashba dhamaaday.
W/Q: Abdiwali Sheekh Farah
Afeef: Aragtida qoraalkan waxay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]

Maxaa dalka Kuwait ka qabsaday isku dayga xalinta xiisada Sacuudiga iyo Qadar

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta Sacuudiga ayaa qoray in Boqor Salmaanka Sucuudiga uu diiday in dowlada Kuwait ay ku fogaato xal u helida xiisada kala dhexeysa Qadar.

Boqorka ayaa sheegay in dowlada Qadar ay horay u abaabushay in colaad dhanka Argagixiso u abuurto dowladaha kale ee Khaliijka.

Boqor Salmaanka Sucuudiga, waxa uu dhigiisa Kuwait Amiir Sabah al-Ahmad al-Sabah u cadeeyay inaanu xasili doonin xiisada kala dhexeysa Qadar, waxa uuna meesha ka saaray in Kuwait ay xalinkarto xiisada jirta.

Boqor Salmaanka Sucuudiga, waxa uu dhigiisa Kuwait ugu baaqay in marka hore ay ku hormaraan Qadar oo ah dowlada amniga u diidan Khaliijka.

Boqor Salmaanka Sucuudiga, ayaa dhigiisa ka raali galiyay sida ay uga xun yihiin xiisada jirta waxa uuna ka dalbaday inaanu ku degdegin xalinta xiisada oo meel xun gaarsiisan.

Dalalka ururka Khaliijka kamid ahaa ee Kuwait iyo Cumaan ayaa iyagu diiday inay Sacuudiga iyo Imaaraadka ku taageeraan in go’adoon la geliyo dalka Qatar.

Qatar ayaa ku tilmaamtay xiisadan mid ay horey usii qorsheeyeen Sacuudiga iyo Imaaraatiga, isla markaana ay doonayaan inay uga aargutaan dalka Qatar oo ay dhanka siyaasada isku khilaafsan yihiin.

Dhinaca kale, Dowlada Sacuudiga ayaa aad uga didsan dowladaha kale ee carabta, waxa ayna cabsida ugu weyn ay tahay suuragalnimada inay u maleegan shirqoolo dhanka Siyaasada ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DF oo xalin la’ murunada Somalia maxey ka bedeli kartaa xiisada Sacuudiga iyo Qadar?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa dhawaan shaaca ka qaaday inay kaalin mug leh ka qaadan doonta xalinta xiisada u dhexeysa dowladaha Sacuudiga iyo Qadar.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Yuusuf Garaad ayaa sheegay in madaxda DF ay isla qaaten inaan dowladahaasi midkood lala safan isla markaana lala garab istaago keliya xalin iyo isku soo dhaweyn.

Wasiirka waxa uu cadeeyay inaanu jirin go’aan soo labeeya xalinta waxa uuna cod dheer ku sheegay in DF ay ka feejignaan doonto ku biirida xiisada taagan.

Madaxda ugu sareysa dowlada Federaalka, Baarlamaanka iyo Hogaamiye Goboleedyada ayaa inta badan waxaa kala dhex gala Khilaafyo loo cuskanaaya qodobo Dastuuri ah, waxaana lagu fashilmaa xalinta Khilaafkooda.

Dowlada Federaalka ayaa culeys miisaan leh kala kulanta xalinta xasarada kala dhexeysa maamul Goboleedyada iyo Siyaasiyiinta kale, waxa ayna su’aashu tahay mid dul-taagan sida ay u xalinkarto xiisada labada dal.

Dowlada Federaalka ayaan meel uga banaaneyn inay qeyb ka noqoto xiisada jirta iyo xalinteeda maada aysan xalinkarin khilaafkeeda.

Si kastaba ha ahaatee, dowladaha Sacuudiga iyo Qadar ayaa kamid ah dowladaha dhaqaalaha ugu badan ugu deeqa Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: CC Sharmaarke oo xalay kulan xasaasi ah ku qabtay Dubai iyo qorshe cusub oo socda

Dubai (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaalia Cumar Cabdirashiid ayaa xalay kulan xasaasi ah ku qabtay magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay laba wasiir oo ka socday Somaliland, laba wasiir oo ka socday Puntland, iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta, sida ay sheegeen ilo-wareedyada.

Sida aan xogta ku helnay waxaa kulanka looga hadlayey xiisadda ka dhex oogan dhowr dal oo carbeed iyo dalka Qatar, waxaana lagu dalbaday  sidii loo taageeri lahaa xulufada Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Waxaa kulanka lagu gooyey in magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Hargeysa ay ka dhacaan banaanbaxyo ka dhan ah dowladda Qatar, oo lagu eedeynayo inay taageerto argagixisada, ayada oo taa beddelkeedna Somaliland iyo Puntland dhaqaale badan loo ballan-qaaday, iyo sidoo kale Cumar Cabdirashiid oo kulanka dalaal ka ahaa.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Imaaraadka ay tallaabadan qaadeen kadib markii ay ku fahsilmeen in dowladda federaalka ay ka dhaadhiciyaan inay xiriirka u jarto Qatar, taa beddelkeedna ay marayaan maamul goboleedyada.

Imaaraadka ayaa xiriir wanaagsan la leh maamullada Somaliland iyo Puntland oo ay u dhisayaan dekedaha Berbera iyo Boosaaso.

Caasimada Online
Xafiiska Dubai
[email protected]

 

Maxaa ka jira wararka sheegaya in Farmaajo uu ka baaqsan doono Shirka IGAD

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in maalinta Isniinta ee fooda nagu soo heysa uu magaalada Addis Ababa ka furmi doono shir degdeg ah oo ay yeelan doonaan Madaxda dowladaha Africa.

Shir madaxeedka IGAD ee Isniinta la filaayo inuu furmo ayaa waxaa qeyb ka noqon doona dhammaan Hogaamiyayaasha dowladaha qeybta ka ah IGAD, iyadoo la sheegay in shirkaasi uu ka cudur daartay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha dalka uu xiriir la sameeyay Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn oo uu uga cudur daartay ka qeybgalka shirka, kadib markii ay ku kordheen Safarada uu uga maqan yahay dalka.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in Safarkaasi uu ku matali doono Ra’isul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre, waxaana shirka diirada lagu saari doonaa Xaalada cakiran ee ka jirta dalka Koofurta Sudan.

Ra’isul wasaaraha dalka ayaa lagu wadaa in maalinta Axada ah uu gaaro magaalada Addis Ababa, si uu qeyb uga noqdo shirka furmi doona maalinta Isniinta ah.

Sababta ugu weyn ee baaqashada Madaxweynaha ayaa lagu sheegay dhaliilaha aadka u farabadan ee uga imaanaya dhanka Bulshada, kadib markii uu galay 10 Safar oo qaarkood xiriir ahaa.

Si kastaba ha ahaatee, waxan la ogeyn waxa iska bedeli doona qorshaha Madaxweynaha, waxaana suuragal ah inay wax iska bedelaan oo uu ka qeybgalo shirka, isagoo daweynaaya xiriirka Diplumaasiyadeed ee kala dhexeeya Dowladaha ku bahoobay IGAD.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]