26.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Xog: Safarka Xasan Sheekh uu ku tegayo Dhuusomareeb oo ka kooban afar qorshe

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isku diyaarinaya safar uu ku tagi doono magaalada Dhuusamareeb, xarunta dowlad-goboleedka Galmudug.

Magaalada ayaa haatan looga diyaar-garoobayaa soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha, iyadoo qorshuhu yahay in uu yimaado Isniinta ama Talaadada, haddii aan wax isbeddel ah ku imaan jadwalka socdaalka. Safarka madaxweynaha ayaa lagu sheegay mid ku saabsan dardargelinta hawlgalka ka dhanka ah Al Shabaab, arrimaha doorashooyinka iyo kormeerka mashaariicda horumarineed ee halkaasi laga fulinayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa in uu xarigga ka jaro xarumo cusub oo laga hirgeliyay magaalada, sida xarunta baarlamaanka Galmudug. Sidoo kale, waxa uu kormeeri doonaa mashaariicda kale ee horumarineed ee socda, oo ay ku jiraan dhismaha waddooyinka iyo garoonka diyaaradaha.

Madaxweynaha oo riixaya dardargelinta hawlgalka dib-u-xoreynta dalka ayaa dadka deegaanka kala hadli doona doorkooda kaga aaddan la dagaallanka Al Shabaab. Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in madaxweynuhu doonayo in dib loo soo nooleeyo iskaashiga ciidamada iyo shacabka, si dadka reer Galmudug ay ugaalin muuqata uga qaataan dagaalka Shabaab.

Ma cadda in Madaxweyne Xasan Sheekh uu booqan doono jiidda hore, balse qorshihiisa ayaa qeyb ka ah inuu kormeero xarunta taliska qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka ee Dhuusamareeb.

Inta uu ku sugan yahay magaalada, madaxweynaha ayaa kulamo gooni-gooni ah la yeelan doona madaxda Galmudug, bulshada qeybaheeda kala duwan oo ay ku jiraan odayaasha iyo waxgaradka deegaanka, iyo sidoo kale saraakiisha milatariga, si uu uga dhageysto aragtidooda iyo taageeradooda ku aaddan hawlgalka socda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaan weli la ogeyn in uu Dhuusamareeb ka dhigan doono saldhig uu kala socdo hawlgalka la qorsheynayo in Al Shabaab lagaga saaro gobollada dhexe.

Xusuus ahaan, bartamihii sanadkii 2023 ayuu madaxweynuhu saldhig ka sameystay magaalada Dhuusamareeb, markaas oo ciidamadu ay wadeen guluf ballaaran oo ka dhan ah Al Shabaab ee Galmudug iyo Hirshabelle.

Ciidamada ayaa daba-yaaqadii 2022 iyo sanadkii 2023 ku guuleystay in ay Shabaab ka saaraan inta badan deegaanada labada maamul, hase yeeshee hakad ku yimid hawlgallada ayaa keenay in Shabaabku dib u qabsadaan dhul badan oo laga saaray.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Galmudug ayaa imanaya toddobaadyo ka dib, markii kooxda Al Shabaab ay qabsadeen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, oo ah marin muhiim ah oo isku xira deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

R/W Xamza oo si rasmi ah u bilaabay isla xisaabtanka – Maxaa dhacay maanta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay hannaanka la xisaabtanka Golaha Wasiirrada.

Isla xisaabtankan ayaa ku qotoma waxyaabihii u qabsoomay wasaaradaha sanadkii la soo dhaafay, iyada oo laga duulayo howlaha horutabinta u leh xukuumadda Dan-Qaran, si sare loogu qaado tayada nolosha iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed.

Isla-xisaabtanka oo lagu bilaabay wasaaradaha ku mideysan Tiirka Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa waxa ay soo bandhigeen guulaha ay xaqiijiyeen iyo qorsheyaashooda ku aaddan horumarinta dalka, iyada oo la raacayo yoolalka qorshaha isbeddelka Qaranka iyo ballanqaadyadii Waxqabad ee ay horey u wada galeen Ra’iisul Wasaaraha.

Wasaaradahan ayaa soo bandhigay waxqabadyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin; kobaca dakhliga gudaha iyo hirgelinta nidaam casri ah oo maaliyadeed, fududeynta ganacsiga iyo dhiirrigelinta warshadaha, qorsheynta maalgashiyo caalami ah, horumarinta wax-soosaarka beeraha iyo nidaamyada waraabka, ilaalinta iyo maareynta kheyraadka badda, dib-u-dhiska iyo casriyeynta kaabeyaasha gaadiidka hawada, dekadaha iyo waddooyinka, barnaamijyo shaqo abuur bulsho oo lagu garab istaagayo dhallinyarada iyo bulshada ku wooda nugul.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wasaaradaha waxa uu su’aallo ka weydiiyey qorshayaashooda qaranka, si loo hubiyo in ay xaqiijiyeen barnaamijyadii iyo ballan-qaadkii ay horey u saxiixeen.

Sidoo kale waxa uu kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda iyo qorshayaasha u dagsan, laguna xisaabtamayo wasaarad walba shaqada ay hayso, si bulshada Soomaaliyeed loola wadaago horumarrada la gaaray.

Xukuumadda Xamza ayaa muddadii saddexda sano ahayd ee ay jirtay waxa ay xaqiijisay guulo wax-ku ool ah iyo yoolal muhiim u ah qaranka, kuwaas oo horseeday kobac dhaqaale, horumar amni, dib-u-dhiska dalkeenna, adkaynta midnimada, iyo fududeynta adeegyada dowladda oo loo dhaweeyay shacabka, si loo gaaro horumar taabbo-gal ah.

Dagaal-yahannada ka soo goosanaya kooxda Shabaab oo sii kordhaya + Sababta

0

Xudur (Caasimada Online) – Waxaa marba marka ka dambeysa sii kordhaya tirada dhalinyarada kasoo baxsaneysa kooxda Al-Shabaab, sababo la xiriira culeyska haatan soo wajahay kooxda, kadib markii lasii kordhiyay dagaalka tooska ah iyo duqeymaha lagu hayo.

Tirada ugu badneyd ayaa isa soo dhiibay maalmihii lasoo dhaafay, waxaana ugu dambeeyay 4 dhalinyaro ah oo maanta isku soo dhiibay ciidamada Nabadsugidda ee ka howlgala magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool e koonfurta Soomaaliya.

Sida ay sheegtay hay’adda NISA, ragga isa soo dhiibay ayaa waxa ay kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaayeen waxa ay ugu yeeraan Jabhadaha iyo Dabagalka, dhammaantoodna waa wada dhalinyaro, sida laga dheehan karo muuqaalka iyo sawirrada ay baahisay NISA

Dhammaan isa soo dhiibayaashaan ayaa waxay sheegeen inay u dulqaadan waayeen oo ay ku adkaatay nolosha adag ee Khaawaarijta  iyo weerarrada ay kala kulmayaan Ciidamada Qaranka, isla markaana ay go’aansadeen in bulshadooda ay dib ugu soo laabtaan.

Dhalinyaradan ayaa waxaa soo dhaweeyay saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Xudur, waxaana la marsiin doonaa habraaca isa soo dhiibayaasha maleeshiyada Shabaab.

Maalin kahor ayay ahayd markii sidaan oo kale afar xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab lagu soo bandhigay Baydhaba, kuwaas oo isku soo dhiibay ciidamada, waxayna sheegeen inay isaga soo tageen kooxda, markii ay ku dhex dhibaatoodeen.

Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana mararka qaar falal argagixiso ay ka fulisaa deegaanada maamulkaasi, inkastoo haatan deegaanada qaar laga fuliyay howlgallo lagu cuuryaamiyey maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka scoda gulufka ka dhanka ah kooxaha argagixsada, kaas oo uu ujeedkiisu yahay in gebi ahaan looga xoreeyo dalka oo dhan.

Shabaab oo weerar culus ku qaaday duleedka Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahhino dheeri ah ayaa kasoo baxaya weerar xooggan oo xalay maleeshiyad ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin dueedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay ragga weerarka qaaday iyo ciidamada ku sugnaa saldhigga la weeraray oo ku yaalla deegaanka Burjeed oo u dhexeeya magaalada Baydhaba iyo deegaanka Deynuunaay.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa, taas oo cabsi ku beertay shacabka ku dhaqan aagga lagu dagaalamay.

Saraakiil u hadashay ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab, isla markaana haatan ay si buuxda gacanta ugu hayaan goobaha lagu dagaalamay oo weli ciidamada ay ka wadaan howlgallo baaritaanno ah.

Dhanka kale, Al-Shabaab oo iyaguna wa soo saaray waxay baraha bulshada ku sheegteen inay khasaare culus oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiiyeen ciidamada dowlada iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ee ku sugan bannaanka magaalada Baydhaba. Ma cadda cid madax banaan oo xaqiijin karta sheegashada labad dhinac ee ku aadan daagalka.

Weerarka iyo dagaalka xigay waxaa ka horreeyay dagaallo kale oo horay uga dhacay Burjeed, kuwaas oo lagu jaabiyay Khawaarijta, sidoo kale  khasaare culus lagu gaarsiiyay xubno badan oo ka tirsanaa kooxda.

Maydadka xubnaha kooxda Al-Shabaab oo xilligaas la laayay aya la geeyay gudaha magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, iyada oo lagu soo bandhigay fagaaraha afar irdoodka ee magaaladaas oo ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah.

Kadib dhacdadaasi, waxaa xaalad kacsanaan ah laga dareemay qaybo badan oo kamid ah gobollada Baay iyo Bakool oo ay weli ku xooggan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab oo deegaanno badan ka haysta gobolladaasi.

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa hadda isku diyaarineyso qaadista guluf oo ka dhan ah argagixisada si la’isugu furo, go’doonkana looga qaado deegaannada maamulkaasi.

Ciidamada PUNTLAND oo deegaanno muhiim ah kala wareegay kooxda Daacish

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ee weli howlgallada ka wada aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa maanta deegaanno muhiim ah ka saaray maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya buuraha hoostooda.

Qoraal kasoo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal culus oo ay qaadeen ciidamada lagu xoreeyay degaannada Dhaban-qooxle, Cas-caso, Ceelka Dul&Darayle iyo Ceelka Gambarre oo dhammaantood ku teedsan tagga weyn ee Baallade.

Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in weli ciidamadu ay sii baacsanayaan firxadka maleeshiyaadka kooxda Daacish, ujeedkana uu yahay in laga saaro dhulkaasi.

”Guutada 1-aad ee Ciidamada Difaaca Puntland oo gulufyo jiho walba ah kaga jira Buuraha Calmiskaad ayaa hawlgallo qorshaysan ka fuliyey Dhaban-qooxle, Cas-caso, Ceelka Dul iyo Darayle iyo Ceelka Gambarre, kuwaasi oo ku teedsan tog weynaha Baallade.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Ciidamada Puntland.

Howlgalka ayaa haatan galay wajigiisa 4-aad, waana cir iyo dhul, iyada oo Puntland ay ka sheegatay guullo waawayn oo wax ku ool ah.

“Wejiga 4-aad ee Hawlgalka Hilaac oo lagu ciribtirayo firxadka Daacish ayaa si quwad iyo xawli ah kusocda, iyadoo laga fulinaayo Dhul, Cir iyo Badba, waxaana laga-gaaray intii uu socdey natiijo wanaagsan” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee ka qayb-qaadanaya dagaalka Puntland ee ka dhanka ah kooxda Daacish, si looga saaro dhulka buuraleyda ah ee Bari, wuxuuna dhanka hawada ka taageeraa ciidamada Puntland ee dagaalka ka wada halkaas.

Waxaa sidoo kale dagaalkan ku jira Isu Tegga Imaaraadka, oo isna duqeymo ku taageeraya ciidamada Puntland ee sii koraya buuraha ay ku dhuumaaleysanayaan xubnaha Daacish.

Somali govt tightens Gedo grip amid tense Jubaland feud

BELED-HAWO, Somalia – Somalia’s federal government is rapidly consolidating control over the strategic Gedo region, actively recruiting local forces and ousting troops loyal to the semi-autonomous Jubaland state in a major escalation of a long-simmering political dispute.

The move, triggered by deadly clashes last month, threatens to destabilize southern Somalia further and unravel the country’s fragile federal structure. It effectively reverses a year-old policy and places the central government in direct opposition to Jubaland’s President, Ahmed Madobe, whose recent re-election, Mogadishu has refused to recognize.

Following a significant battle in the border town of Beled-Xaawo on July 22, the Federal Government of Somalia (FGS) launched an aggressive recruitment drive. These new federally-backed forces, composed of clan militias and defectors from Jubaland’s security apparatus, pushed regional troops out of Beled-Xaawo on July 30 and the nearby area of Tuulo Amiin on August 11.

Federal military presence in Beled-Xaawo alone has swelled to an estimated 500 soldiers, with recruitment and training ongoing. The government’s strategy hinges on “nationalizing” local forces — integrating them into the federal command structure with the promise of regular salaries and equipment.

High-profile defections

In a significant blow to the Jubaland administration, the recruitment effort is being spearheaded by Abdirashid Hassan Abdinur, better known as Abdirashid Janan. Janan, a controversial figure who was, until recently, Jubaland’s security chief for the Gedo region, has a complex history that includes accusations of serious human rights violations, according to Human Rights Watch. His switch of allegiance provides the federal government with a crucial and influential operative in the region.

“The plan to nationalize these forces is progressing well,” stated Colonel Aadan Axmed Xirsi, a Somali National Army (SNA) officer in Gedo.

Officials in Mogadishu are reportedly spending significant sums to persuade local commanders and district officials to abandon the Jubaland administration. The effort is part of a broader political campaign to erode support for President Madobe among Gedo’s clans and political leaders.

Amid the tensions, Somali President Hassan Sheikh Mohamud issued a public appeal on Tuesday to Jubaland forces that had crossed into neighboring Kenya to retreat, promising them amnesty. “No one will be punished,” a presidential statement read, guaranteeing their “safety and security.”

While the federal government has successfully integrated forces in the districts of Garbaharey and Buurdhuubo, it faces resistance. A formidable contingent of over 2,000 Jubaland Darawish forces, under the command of General Cabaas Ibraahim Gurey, remains in the southern Gedo districts of Ceelwaaq and Baardheere. General Gurey, known for his loyalty to the Jubaland leadership, has so far remained silent on the federal government’s overtures.

Furthermore, Mohamed Hussein Abdi, the district commissioner of Doolow, remains a staunch holdout, refusing to sever ties with Jubaland. This contrasts with several other district commissioners who have already aligned with Mogadishu. The federal government’s ability to win over these remaining pockets of resistance will be critical to its success.

Deep-rooted political conflict

The struggle for Gedo is central to the power contest between Mogadishu and the federal member states, a core challenge in Somalia’s state-building efforts. The region holds significant political weight and is often a flashpoint during election cycles.

The current crisis stems directly from Jubaland’s presidential election on November 25, 2024, which saw Ahmed Madobe secure a controversial third term. President Hassan Sheikh Mohamud and Prime Minister Hamza Abdi Barre declared the election illegal, referring to Madobe as the “former leader.”

This marks a dramatic policy reversal for Mohamud’s administration. In July 2023, his government returned Gedo to Jubaland’s control after it had been managed directly from Mogadishu under the previous federal administration of Mohamed Abdullahi Farmaajo. Farmaajo had seized control of Gedo in 2020 after rejecting Madobe’s 2019 election victory.

With control of Gedo now primarily in federal hands once more, Villa Somalia aims to cement its authority over the entire region, a move widely seen as positioning for the next national presidential election. The ongoing military and political maneuvers underscore the deep-seated tensions over resources, power, and the future of Somalia’s federal system.

Future recognition is the death of Great Somalia?

Changing the U.S. Position on Somaliland — Who Is Behind? The UAE’s Role in Shaping Washington’s Shifting Posture.

Somaliland has been in the grey area of international politics for 30 years, living as a de facto state without proper recognition. Presenting itself as a stable democracy in an unstable area, it has maintained its own political institutions, army, currency, and foreign policy since its independence in 1991. Due to Somalia’s and the African Union’s (AU) steadfast adherence to the concept of territorial integrity within colonial boundaries, no UN member has officially acknowledged it.

But that story is starting to change. The period of automatic U.S. commitment to the “One Somalia” concept may be coming to an end, according to recent events in Washington, including declarations from U.S. legislators, discreet diplomatic contacts, and, most importantly, military interest in the port of Berbera. Optimism is on the rise in Somaliland’s capital, Hargeisa. Head of State Abdirahman “Irro” Abdullahi of Somaliland has even forecast that his country would gain global renown by the year 2028.

However, a geopolitical game far more intricate exists underlying these optimistic indications. Recognising Somaliland is about more than just democracy and stability; that is its essence. This is a game of ports, bases, and great power rivalry, and the UAE has been instrumental in subtly shifting Somaliland to the centre of the geostrategic struggle in the Horn of Africa.

The now-glaring issue is whether the concept of a “Great Somalia” would die out if the United States moves towards Somaliland. Why has President Hassan Sheikh Mohamud’s Somali Federal Government (FGS) not taken strong action to counter the United Arab Emirates’ (UAE) overt meddling in Somaliland?

Somaliland and the long wait for recognition

Historical and legal grounds support Somaliland’s independence claim. It was once a British protectorate and had a short stint of independence in June 1960 before becoming the Somali Republic after combining with Italian Somalia. Supporters of Somaliland’s independence contend that the union was entirely consensual and that the 1991 declaration of independence, after the fall of the Somali state, was just a return to sovereignty.

Statehood without recognition is something that Somaliland has really accomplished, which is something that very few African post-colonial separatist efforts have been able to do. Unlike the persistent instability in southern Somalia, it has managed to hold a number of competitive elections, peacefully transfer power between competing political parties, and keep things relatively stable.

Their leaders claim that stability is unjustly punishing them. We are not requesting donations. An interview with a Somaliland minister revealed that the country’s leaders are pleading for the world to take reality into account.

But for a long time, the rest of the world has been reluctant, worried that recognising Somaliland might set off a chain reaction. As an example, separatist movements in Senegal and Biafra in Nigeria may look to Somaliland. The AU has long held that maintaining boundaries established under colonial rule is essential to the concept of post-independence states.

Like Somalia, Washington has stood firm, saying that the country’s territorial integrity and sovereignty are non-negotiable.

Signs of a U.S. shift

Maybe that will change. U.S. signals since 2024 imply that Somaliland is becoming tougher to disregard.

A break with long-standing US policy, recognition of Somaliland was being considered by the Trump administration, according to recent remarks made by former president Donald Trump. Conservative lawmakers like Senator Ted Cruz have been vocal in their calls for Somaliland’s recognition, painting the country as a democratic partner in the fight against China. Go a step further; Rep. Scott Perry introduced a bill to officially acknowledge Somaliland’s independence.

Engagement on a Strategic Level: In June 2025, AFRICOM commander Gen. Michael Langley examined the Berbera runway on his visit to Hargeisa, which caused some concern in Mogadishu. The very presence of a U.S. general on Somaliland territory suggested strategic calculation, even if it was not formal acknowledgement.

Consideration of China: In a move that directly ties the importance of Somaliland to the United States’ rivalry with Beijing, the House Select Committee on China recommended that the State Department establish an office in Hargeisa.

These developments point to Somaliland’s emergence in the United States’ strategic thinking as a real player in the great power competition, rather than only a moral issue of self-determination.

Why Berbera matters

The port of Berbera is essential to Somaliland’s recent rise to prominence. With the help of Emirati investment, the formerly Cold War outpost Berbera is today one of the most important strategic assets in the Horn of Africa.

New container terminals, increased port capacity, and modern roadways connecting Berbera to Ethiopia were all part of the $442 million investment by the UAE via DP World. Foreign companies have started flocking to a neighbouring economic zone.

Washington sees Berbera as a kind of insurance. Camp Lemonnier, located in Djibouti, is the only permanent U.S. military installation in Africa at the moment. On the other hand, China established its first overseas military post in Djibouti in 2017. Because they are so close to each other, the two bases pose a threat of conflict.

The risks of depending only on Djibouti were highlighted in 2018 by a laser strike on American pilots that was believed to have been carried out by China. In contrast, Berbera provides an alternate base of operations, allowing the United States to have “strategic depth” in the area.

Thus, whereas Somaliland presents recognition as an ethical dilemma, Washington views it as an issue of military preparedness and counter-China strategy. 

The UAE’s hidden hand

The United Arab Emirates has played a more significant role than any other player in the rise of Somaliland. Abu Dhabi has made Somaliland an integral part of its Horn of Africa strategy for the last decade.

The UAE’s state-linked logistics powerhouse, DP World Investment, was instrumental in turning Berbera port into a world-class centre. Somaliland is becoming a major player in global commerce and logistics because of this investment.

Military Implications: The United Arab Emirates has long considered Berbera as a possible base for its naval and air logistical operations in the area, especially in Yemen. During the height of the Yemen conflict, Emirati soldiers reportedly exploited Berbera facilities.

The United Arab Emirates has used diplomatic leverage to get Washington and other capitals to see Hargeisa as an ally by bringing Somaliland into high-level geopolitical talks.

It is crucial to note that Mogadishu has not put up significant opposition to the influence of the UAE. 

Where is the Somali Federal government?

Under President Hassan Sheikh Mohamud’s leadership, the Somali Federal Government (FGS) has been vocal in its opposition to Ethiopia’s 2024 pact with Somaliland, which provided recognition in return for coastline access, but has been noticeably quiet over the UAE’s ongoing involvement.

Hassan Sheikh has not done anything against the UAE, so why not? There are a number of possible reasons:

Gulf States Dependency: Gulf players continue to have a great deal of influence on Somalia’s politics and economy. Mogadishu finds it difficult to turn off the UAE’s financial help, political backing, and diaspora networks. Challenging one another head-on could deplete vital resources.

The FGS has a hard enough time establishing its control over the other member states of the federal government without having to worry about Somaliland completely. Mogadishu does not possess the united political will necessary to confront the UAE.

Maintaining Neutrality in the Gulf Rivalry Between the UAE and Saudi Arabia and Qatar and Turkey is an Axis that Hassan Sheikh has sought to balance diplomatically. Attacking Abu Dhabi’s Somaliland initiative head-on might make Somalia even more reliant on Doha and Ankara, a delicate balance he does not seem prepared to give up.

The FGS focuses on counterinsurgency and security stabilisation since Al-Shabab is still dominating large parts of southern Somalia. Priorities in the battle against terrorism take precedence over concerns over Somaliland recognition.

People who disagree with Hassan Sheikh say that his leadership has been characterised by short-term survival rather than long-term strategy. His lack of political will and regional connections makes it unlikely that he will be able to successfully challenge the UAE.

By remaining silent, Mogadishu effectively allowed Abu Dhabi to fill the void, much to Somaliland’s advantage. 

Risks of recognition

There would be far-reaching effects for Somalia and the rest of the Horn of Africa if the US officially recognised Somaliland.

The “Great Somalia” Collapse Forever lost would be the long-sought goal of Somali unity, which would include the entire Somali diaspora in Ethiopia and Kenya as well as the cities of Mogadishu and Hargeisa. As a symbol, recognition would put a stop to Somali irredentism.

The precedent set by recognition might provide a boost to separatist groups all throughout Africa, from Biafra to Cabinda. This snowball effect is the exact reason the African Union has always been against Somaliland’s cause.

The political instability in Somalia would worsen as a result of international recognition. There is a risk that the already precarious federalism may fall apart, giving areas like Puntland and Jubaland the confidence to seek independence.

Conflicts in the Horn of Africa might break out as a result of regional instability, as shown in Ethiopia’s recognition-for-access arrangement with Somaliland.

The advances made in the fight against terrorism might be undermined if the Somali state were to become weaker due to internal strife over recognition, giving Al-Shabab more autonomy.

Between symbolism and strategy

After decades of marginalisation, Somaliland would finally feel vindicated with U.S. recognition. It would strengthen its position in the global system and accelerate its economic aspirations.

On the other hand, Washington sees recognition as more of a strategic tool to resist China, increase redundancy outside Djibouti, and reward a “democracy partner”. Rather than an ideal about concepts.

But abandoning the AU and further destabilising Somalia would come at a high price. U.S. officials will likely maintain their current approach of ambiguity, strengthening informal links with Somaliland without formally recognising the country.

Conclusion: The death of “Great Somalia”?

The idea of Somaliland being recognised is no longer just a thought. Somaliland has been relentlessly campaigning for this for the past three decades, and the confluence of strategic interests in the United States, funding from the Emiratis, and other factors has pushed it closer than ever before.

But this course of action poses an existential threat to Somalia. Acknowledgement would do double damage: it would put an end to dreams of a “Great Somalia” and further isolate Mogadishu from its own region.

It is clear that Somalia’s diplomacy and sovereignty are weak since President Hassan Sheikh Mohamud has failed to challenge the UAE’s move. Mogadishu has enabled Somaliland’s recognition movement to gain unstoppable speed by putting foreign assistance needs and short-term survival ahead of strategic aggressiveness.

The symbolic transition is already in motion, regardless of whether the United States legally recognises Somaliland. As a “passport to the globe”, Hargeisa’s port of Berbera shines. Silence and reluctance are more powerful than outright opposition in Mogadishu.

So, we still do not know whether future recognition would be greeted with joy as a victory for self-determination or with sadness as the end of Great Somalia. 

Mohamed Hirsi Salad: Senior Security & Peace and Conflict Consultant to the Horn of Africa, a Security analyst, Counterterrorism Strategist & secretary of former President of Somalia Dr Abdikasim Salad Hassan (TNG)

[email protected]
Twitter: @Mhirsisalad

Sawirro: R/W Xamza oo soo bandhigay qorshe culus oo seddax sano socday

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta daah-furay isla xisaabtanka iyo qiimeynta waxyaabihii ka qabsoomay “Qorshaha Xukuumadda DanQaran” muddadii ay shaqeynaysay.

Kulan balaaran oo Galaha Wasiirrada ay isugu yimaadeen maanta ayaa lagu soo bandhigay qorshahaas oo ku saleysan baahida bulshada iyo horumarinta dalka, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska Xamse.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in isla-xisaabtakani uu muujinayo ballanqaadkiisii ku aaddanaa dowlad wanaagga.

Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in saddexdii sano ee la soo dhaafay ay Xukuumaddu xaqiijisay horumarro muuqda oo dhinacyo badan leh.

“Waxaan rabnaa in aan iskula xisaabtanno wixii ka hirgalay qorsheyaashii aan shacabka Soomaaliyeed la wadaagnay, caqabadaha yimid iyo waxa inala gudboon,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Wuxuu intaas ku sii daray, “saddex sano ayaan soo dhammaynay waxaan galnay sanadkii afaraad, waxaan hubaa waddanka in aad shaqo wayn ka qabateen dhinac kasta marka laga fiiriyo.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la wadaagay shacabka Soomaaliyeed sida hufnaanta iyo masuuliyadda leh ee Xukuumaddu ay mudnaanta u siisay ka shaqeynta fulintii barnaamijyadii hortabinta u lahaa, ee ku qotomay, horumarinta arrimaha bulshada, dib-u-xoreynta, sugidda amniga, caddaaladda, garsoor madax-bannaan, isku filnaansho dhaqaale iyo Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la’ah.

Jubaland oo qeylo dhaan ka soo saartay qorshaha DF ee Gedo “War is difaaca”

0

Garbahaarey (Caasimada Online) –Maamulka Jubaland ayaa ku eedeyay dowladda federaalka Soomaaliya, in magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo, ay ka waddo abaabul ay maamul ugu sameynayso deegaannada Jubaland, maadama dowladdu aaney aqoonsaneyn maamulka hadda jira Kismaayo ee Axmed Madoobe, uu hoggaamiyo.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa sheegay in Garbahaarey ay joogaan howl-wadeenno ay dowladdu u soo dirtay, kuwaas magaalada ku dhejinaya boorar ka tarjumaya maamulka la doonayo in halkaas laga yagleelo.

“Waxaan ka digeynaa waxa ka socda magaalada Garbahaarey oo xad gudub ku ah jiritaanka Jubbaland, waxaan marqaati kaga dhigeynaa caalamka in cawaaqib xun oo xidida dheer yeelan doona uu ka dhalan doono duulaanka ay jiritaanka Jubaland ku soo qaaday dowladda dhexe, ma jirto wax aan reeba doono, umadda reer Jubbaland waa is difaaceysaa,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Jubaland.

Maxamuud Sayid oo la hadlay Idaacadda BBC, ayaa sheegay in dowladda federaalka ay caddeysatay qorshaheeda oo uusan qarsooneyn, isagoo ka digay cawaaqib uu ku hanjabay inuu daba-dheeraa doono oo ka dhalan doona waxa ka socda Garbagaarey.

Maxamuud Sayid Aadan, ayaa hoosta ka xariiqay in meeshii u dambeysay la marsiinayo Jubbaland oo wax kasta loo geystay jiritaankooda, isagoo caddeeyey in aysan gacmaha ka laaba doonin arrinta gobolka Gedo.

“Halkaan dowlad dhisan oo dastuur leh ayaa ka jirta, wax kasta oo dowladnimo ah ayaa u dhameystiran Jubbaland, mana ogalaa doono in wax kale laga gees dhiso, waana ka hortegeynaa waxa socda, inagoo qaadi doona tallaabooyin cad cad,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Maxamuud Sayid Aadan.

Markii la weydiiyey waxa ay sameyn karaan? Wuxuu sheegay in ugu horeyn ay bulshada deegaanka la hadli doonaan oo dhihi doonaan ka jooga, hadii ay diidaana ay is difaaci doonaan.

“Ka jooga qaladkaan aad dalka ku heysaan ayaan dhaheynaa, hadda waan hadleynaa, hadii hadalka la diido waxaa ka dhalanaya ficil, waxaa naga go’an in gobolkaas aan difaacano, Xasan Sheekh anaga kursiga naguma sii joogi karo, dadkaan uu sida qaldan u adeegsanayana waan iska qabaneynaa,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan oo Gedo ka soo jeeda, ku xigeenna u ah Axmed Madoobe.

PUNTLAND oo shaqada ka joojisay hay’ad la shaqeysa Dowladda Soomaaliya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xukuumadda Puntland ayaa joojisay dhammaan shaqooyinkii ay gudaha maamulka ka waday hay’adda Horn of Africa Consultants Firm (HACOF), oo ka howl gasha qaar ka mid ah dalalka Geeska Afrika.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen cabashooyin laga keenay habka shaqada ee hay’adda gudaha Puntland, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Qorshaynta.

Cabashooyinkan waxaa soo gudbiyay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland iyo Duqa degmada Carmo, kuwaasoo tilmaamay in howlihii HACOF ay u baahan yihiin dib u eegis iyo hakad ku meel gaar ah.

Wasaaradda Qorshaynta ayaa intaa ku dartay in HACOF ay ku xadgudubtay shuruucda ururada NGO-yada Puntland, islamarkaana ay sameysay ururin xog aan sharciga waafaqsaneyn, taasoo jabinaysa xeerarka tirakoobka Puntland.

Si loo xaqiijiyo eedeymahan, Hantidhawrka Guud ee Puntland ayaa laga dalbaday inuu sameeyo baaritaan dhameystiran oo ku saabsan hawlihii iyo habdhaqankii hay’adda.

HACOF ayaa hore gudaha Puntland uga fulisay shaqooyin ay matalaysay Dowladda Federaalka iyo hay’adda WFP, gaar ahaan ururinta xogta dadkii ka faa’iidaystay mashruucii Baxnaano.

Go’aanka Puntland ayaa imanaya xilli ay kasii dareyso xiisadda siyaasadeed ee kala dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay Muqdisho si buuxda u taageertay SSC oo dhashay maamulka cusub Waqooyi Bari Soomaaliya.

Sawirro: Xildhibaannada maamulka Waqooyi Bari oo la dhaariyay iyo doorashada oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Laascaanood shahaadada xildhibaannimo lagu guddoonsiiyay xubnaha Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Liiska xildhibaannadan oo saaka la shaaciyay ayaa ka kooban illaa 83 mudane oo loo kala qaybiyay beelaha ku midoobay maamulka cusub, waxaana ka mid noqday 4 gabdhood, halka 79 kalena ay yihiin rag.

Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkmadda Sare ee Waqooyi Bari, Maxamed Yuusuf Warsame ayaa sidoo kale isla maanta si rasmi ah u dhaariyay xildhibaannada cusub.

Xildhibaannada ayaa 37 kamid ah waxaa laga soo xulay Sanaag, halka Sool laga keenay 30 mudane, sidoo kale 16 mudane ayaa waxaa laga keenay gobolka Togdheer.

Kadib dhaarinta xildhibaannada ayaa waxaa si toos ah loo guda geli doonaa doorashada guud ee hoggaanka maamulka, taas oo ay ku loolami doonaan musharixiin uu ku jiro hoggaamiyaha hadda tallada haya Cabdulqaadir Firdhiye, oo la rumeysan yahay inuu taageero ka helayo dowladda dhexe.

Xildhibaannada cusub ee maamulka Waqooyi Bari ayaa lagu wadaa in kulankooda ugu horreeya ay kusoo doortaan hoggaan KMG ah, inta laga gaarayo doorashada guddoonka baarlamaanka. Markaasna ay guda galaan doorashada guud.

Hanaanka doorasho ee maamulkan cusub ayaa waxaa galaangal xooggan ku laheyd Dowladda Federaalka Soomaaliya oo door weyn ka qaadatay dhismaha maamulka, waxaana halkaasi ku sugan mas’uuliyiin sare oo ka socda dowladda, oo ugu horreeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Si kastaba, Maamulkan cusub ayaa ah natiijo toos ah oo ka dhalatay colaad dhiig badani ku daatay, taas oo marxaladdo kala duwan soo martay, ugu dambeyntiina dhashay maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Horjooge sare oo xilal dhowr ah ka soo qabtay Al-Shabaab oo la dilay + Magaciisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Xooga Dalka ayaa ku guuleystay inay howl-gal qorsheysan ku dilaan horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu magacaabo Xuseen Macallin Xasan, sida ay shaacisay Dowladda Soomaaliya.

Howl-galkan ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Buurdhuxunle oo 17km waqooyi kaga beegan magaalada Waajid ee gobolka Bakool.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD), oo ku duulaya xog sirdoon iyo raad-joogis dheer, ayaa xalay howlgal qorsheysan ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, kaas oo lagu magacaabi jiray Xuseen Macallin Xasan (Magaalabeen),” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Horjoogahan la dilay ayaa kooxda ku jiray muddo ka badan 15 sano, wuxuuna ka mid ahaa madaxda sare ee sida weyn loo raadinayay.

Intii uu ka tirsanaa Al-Shabaab waxa uu ahaa maskaxdii ka dambeysay falal argagixiso oo lagu dhibaateeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe, Shabeellada Hoose, Mudug, Galgaduud, Baay, Bakool iyo Gedo.

Ninkan la khaarajiyay (Magaalabeen) ayaa kooxda ka soo qabtay jagooyin kala duwan, oo ay ka mid yihiin:

  • Madaxa howlgelinta dagaalka ee Gobollada Baay, Bakool iyo Gedo.
  • Madaxa baadda xoolaha ee gobolka Bakool
  • Madaxa sirdoonka kooxda ee gobollada labada Shabeelle iyo Hiiraan.
  • Sidoo kale waxaa uu soo noqday ku-xigeenkii Fu’aad Maxamed Shongole ee marin-habaabinta iyo faafinta afkaaraha xagjirka ah.

Dowladda ayaa sheegtay in ninkaan uu ka dambeeyay dagaallo ka dhacay qeybo badan oo ka mid ah dalka, isagoo qorsheeyay dhagarta iyo miinooyinka lagu dhibaateeyay shacabka.

“Dilkiisu ayaa caddeyn u ah sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu go’an tahay ciribtirka kooxda Khawaarijta, ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka guud ee dalka,” ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasaaradda waxay bogaadineysaa howl-gallada ciidanka xoogga dalka, iyadoo xaqiijisah in howl-gallada noocan oo kale ah ay si joogto ah u socon doonaan, si loo bartilmaameedsado horjoogeyaasha kooxda meelkasta oo ay joogaan, isla markaana la ilaalinayo badqabka shacabka iyo amniga qaranka.

Shariif oo si adag uga digay qorshe ay dowladda Xasan ku dooneyso inay ku xirto…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay qorshe uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso in ay ku xirto xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay (UNSOM).

Qorshahan ayuu sheegay in uu khatar ku yahay hufnaanta doorashooyinka soo socda, isla markaana abuuri karta kala qaybsanaan qaran.

Shariif ayaa hoosta ka xarriiqay in dhimista doorka iyo kormeerka beesha caalamka ay fursad siin karto musuq-maasuq lagu maamulo doorashooyinka, taas oo u adeegta danaha dowladda talada haysa ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Iska fogeynta bahwadaagta caalamiga ah, gaar ahaan waqtigan xasaasiga ah, waxay dhaawici kartaa kalsoonida shacabka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda ee ay Soomaalidu hiigsanayaan,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed

Sidoo kale wuxuu adkeeyay sii socoshada shaqada xafiiskan, isagoo dowladda Xasan Sheekh ku booriyay inay sii wadaan wada-shaqeynta ay la leedahay QM iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah, si loo xaqiijiyo doorasho xor iyo caddaalad ah oo ay ka qayb-galaan dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa horraanta sanadkii hore ka dalbatau Qaramada Midoobay joojinta shaqada xafiiska UNSOM ee Soomaaliya, iyadoo markaas sheegtay in la gaaray waqtigii ay Soomaalia u madax banaanaan lahayd howlaheeda gaarka ah.

Inkastoo markii dambe uu hakad galay qorshahan oo guddiyo farsamo loo saaray, haddana waxaa muuqata in Dowladda Soomaaliya aysan weli ka harin xiritaanka xafiiskan, oo door weyn ka qaata xal u raadinta is-diidooyinka siyaasadeed ee gudaha dalka.

Xasan Sheekh oo ku wajahan Dhuusamareeb + Qorshihiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in ay u safraan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, halkaas oo laga dareemaayo soo dhaweyntiisa.

Xasan Sheekh iyo xubno kamid ah dowladda ayaa maalmaha soo socda ka bixi doono Muqdisho, iyaga oo gaari doono deegaannada Galmudug, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow Villa Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu xarrig jaraya garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur oo dhowaan dib u dhis lagu sameeyay, iyada oo la filayo in munaasabad wayn lagu qabto halkaasi.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dardargelin doono howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada dhexe ee dalka, isaga oo la kulmi doono saraakiisha ciidanka dowladda iyo madaxda dowlad-goboleedka Galmudug oo uu kala hadli doono qorshaha dagaalka.

Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu la kulmi doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada caasimada Dhuusamareeb, isaga oo kala hadli doono qorshihiisa la xiriira dagaalka Al-Shabaab iyo doorashooyinka qof iyo codka ah ee la filayo inay ka dhacaan dalka.

Dhuusamareeb ayaa kamid ah magaalooyinka ay ka socdaan ololaha diiwaangelinta dadweynaha ee doorashooyinka qof iyo codka ah, waxaana Madaxweyne Qoor Qoor oo shalay hadlay uu sheegay inay u diyaar garoobeen qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan dood culus oo ku aadan hannaanka doorashooyinka dalka, waxaana weli tabasho qaba xubnaha mucaaradka dalka.

Daawo: Shacabka Muqdisho oo xalay wacdaro cajiib ah ka dhigay caasimadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah dadweynaha ku nool Muqdisho aya xalay isugu soo baxay bartamaha caasimada, gaar ahaan isgoyska Taleex, iyaga oo u dabaal-degay guusha wayn ee laga gaaray diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah.

Shacabka oo isaga kala yimid 20 degmo ee gobolka Banaadir ayaa xalay dhigay wacdaro cajiib ah, waxaana isu soo baxa kala qayb-galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo goobta kula hadlay dadweynaha ayaa tilmaamay inay ku faraxsan yihiin in hal milyan qof ay iska diiwaangelisay magaalada Muqdisho, si ay u doortaan hoggaankooda.

Sidoo kale, wuxuu soo dhaweeyay go’aanka kasoo baxay guddiga doorashada oo sheegay in dhawaan la qaban doono doorashada golayaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka.

“Halkan waa isgoyska Taleex waxaa u jeediin in shacabka gobolka Banaadir oo dhan ay isugu yimaadeen ku baashaalayaan, iyaga oo aad iyo aad ugu faraxsan natiijadii ka dhalatay isdiiwaangelinta, waxay ku faraxsan yihiin in dadka gobolka Banaadir hal milyan oo qof ay isdiiwaangelisay, ayna soo dooranayaan golayaasha deegaanka” ayuu yiri Yabooh.

Waxaa kale oo uu raaciyay “30-ka bisha October in la shaaciyay in la galo doorashada golaha deegaanka, farxad wayn ayay noo tahay, muddo dheerna waa sugaayeen shacabka gobolka Banaadir”.

Dhankeeda guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo hadal siisay warbaahinta ayaa sheegtay in laga gudbay doorashadii dadbaneyd, isla markaana dadka Soomaaliyeed ay si cadaalad haatan wax kusoo dooran doonaan.

“Caawa waxay nooga dhigan tahay habeenka aan dhalanay oo kale waayo waxaan ka gudbeynaa dadban, waxaana u gudbeyna doorasho cadaalad ah oo qof iyo cod ah,” ayay tiri Jawaahir Baarqab.

Shalay ayaa guddiga doorashooyinka qaranka oo soo gabagabeeyay diiwaangelintii ka socotay Muqdisho, wuxuuna sheegay in la diiwaangaliyay ku dhawaad 1 milyan oo qof, kuna nool caasimada, kuwaas oo  ka qayb-geli doono doorashooyinka guud ee dalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhowaan la qaban doono doorashada Muqdisho, gaar ahaan golayaasha deegaanka oo ay ka qayb-geli doonaan dadweynaha Soomaaliyeed.

“Duqa Magaalada Muqdisho iyo golaha deegaanka waxaa la dooran doona 30 bisha October, waxaana loo dareeri doona codbixin” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashada.

TAIWAN oo ka hadashay arrinta kasoo cusboonaatay aqoonsiga Somaliland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Taiwan ayaa si weyn u taageertay dadaallada aqoonsi raadinta Somaliland ee ka socda Mareykanka, iyadoo si gaar ah u sheegtay inay ku faraxsan tahay baaqii uu jeediyay Senator Ted Cruz, guddoomiyaha guddiga arrimaha Afrika ee Senate-ka Maraykanka.

Xafiiska Taiwan ee Somaliland ayaa sheegtay in aqoonsiga Somaliland ay dan qaran ugu jirto Mareykanka, iyadoo xafiisku xusay in Taiwan ay hore ula yeelatay wada-hadallo iyo is-faham la xiriira aqoonsiga Somaliland dalal iyo saaxiibo ay isku fikrad yihiin, iyadoo rajaynaysa in taageeradaasi sii ballaadhato.

Xafiiska Somaliland ee Taiwan ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland aanay u liici doonin cadaadiska Shiinaha, balse ay sii wadi doonto wada-shaqeynta ay la leedahay cid kasta oo ay isku aragti yihiin, sida Taiwan iyo Mareykanka.

Taiwan ayaa caddeysay in aysan qayb ka ahayn Shiinaha. Sida qoraalka lagu sheegay, xiriirka Taiwan iyo Somaliland wuxuu ku dhisan yahay qiyamka dimuqraadiyadda ee ay wadaagaan, waxaana ay Taiwan rajaynaysaa in taageero dheeraad ah uga timaaddo caalamka.

Taiwan ayaa intaas ku dartay in aanay waligeed ka mid noqon Shiinaha, isla markaana sheegashada Beijing ay tahay mid aan sal lahayn. “Shiinaha iyo Taiwan midna midka kale ma xukumo, Shiinuhuna waligiis hal ilbidhiqsi ma xukumin Taiwan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhankiisa, Shiinaha ayaa si deg-deg ah uga jawaabay hadalka Taiwan, isagoo ku adkaystay in Beijing ay tahay dowlada kaliya ee sharci ah ee mas’uul ka ah Taiwan, isla markaana hadallada Taiwan ay yihiin marin habaabin.

Dowladda Soomaaliya iyo Shiinaha oo dhinac wada taagan, ayaa si weyn uga soo horjeeda xiriirka Somaliland iyo Taiwan, halka labada dhinac ee Taiwan iyo Somaliland ay dadaal ugu jiraan dhismaha xiriir caalami ah.

Aqris: Liiska xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Waqooyi Bari oo la shaaciyay

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Waxaa saaka lagu dhawaaqay liiska xidhibaannada cusub ee baarlamaanka dowlad goboleedka Waqooyi Bari oo indhowaanahaan lagu howlanaa, maadaama maamul cusub ay yeesheen gobollada Sool, Sanaag iyo Tohdheer.

Liiska soo baxay ayaa ka kooban illaa 83 mudane oo loo kala qaybiyay beelaha ku midoobay maamulkan, waxaana ka mid noqday 4 gabdhood, halka 79 kalena ay yihiin rag.

Sida ka muuqato iiska, 37 kamid ah xildhibaannada waxaa laga soo xulay Sanaag, halka Sool laga keenay 30 Mudane, sidoo kale 16 ayaa waxaa laga keenay gobolka Togdheer.

Waxaa liiskan oo rasmi ah soo saaray guddiga hubinta iyo ansixinta golaha wakiilada, waxaana la filayaa in kulankooda ugu horreeya ay kusoo doortaan hoggaan KMG ah, inta laga gaarayo doorashada guddoonka baarlamaanka.

Xildhibaannada cusub ayaa durbadiiba si weyn loo soo dhaweeyay, waxaana si aad loogu baahiyay baraha bulshada ee Internet-ka oo ay qabsatay hambalyada xildhibaannada.

Sidoo kale waxaa maalmaha soo socda la guda geli doonaa howlaha kale ee maamulka, waxaana ugu horreeyo doorashada guud oo dhowaan ka dhaceysa gudaha magaalada Laascaanood, taas oo ay ku loolami doonaan musharixiin uu ku jiro madaxweynaha hadda talada haya Cabdulqaadir Firdhiye oo maamulkan kasoo gudbiyay marxaladdii adkeyd.

Si kastaba, Abuuritaanka maamulkan cusub waa natiijo toos ah oo ka dhalatay colaad dhiig badani ku daatay oo ka qaraxday magaalada Laascaanood, oo ah xarunta gobolka Sool, dabayaaqadii 2022. Dibadbaxyo looga soo horjeeday dilal is-daba-joog ah oo loo geystay shakhsiyaad deegaanka caan ka ahaa ayaa isku beddelay halgan hubeysan oo ballaaran bishii Febraayo 2023, kaas oo dhex maray ciidamada ammaanka ee Somaliland iyo ciidamadii cusbaa ee SSC-Khaatumo.

Aas-aaska maamulka Waqooyi-Bari Soomaaliya ayaa looga gol leeyahay in lagu rasmiyeeyo heerkiisa Dowlad-Goboleed ka tirsan Federaalka, isagoo si toos ah ula shaqaynaya dawladda dhexe ee magaalada Muqdisho, isla markaana caqabad ku noqonaya sheegashada dhuleed ee derisyadiisa awoodda leh ee Somaliland iyo Puntland.

Qorshe ay maleeshiyada Al-Shabaab ku layn laheyd shacab badan oo la fashiliyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa nin hubeysan oo waday walxaha qarxa oo xalay lagu qabtay agagaarka isgoyska Taleex ee degmada Hodan, halkaas oo ay ku sugnaayeen boqolaal shacab ah oo u dabaal-dagayay guusha wayn ee laga gaaray ololaha isdiiwaangelinta ee maalmahan ka socday caasimada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ninkan ayaa si qarsoodi ah ku tegay goobta, balse waxaa dhaq-dhaqaaqiisa ka shakiyay ciidanka goobta joogay oo durbadiiba gacanta ku dhigay.

Saraakiil ka tiran laamaha ammaanka ayaa laga soo xigtay in ninka la qabtay uu watay bambaanooyin, uuna doonayay in goobta uu ka fuliyo weerar qorsheysan, balse laga hortegay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in la xiray eedeysanaha, isla markaana ay haatan baaritaanno dheeraad ah ay ku hayaan ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Goobta uu weerarka ka gaysan rabay ninkan ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin dowladeed iyo shacab fara badan oo isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, balse ka hor qorshihiisa ayaa waxaa qabtay ciidanka amniga oo iyagana goobta ka waday howlgal culus.

Ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha amniga  Soomaaliya oo ku aadan qabashada ninkan, waxaase weli ku socda baaritaanno dheeraad ah.

Muqdisho ayaa indhowaanahan dagneyd, waxaana heerkii ugu wanaagsanaa gaaray amniga, kadib markii ay wax badan ka qabatay dowladda Soomaaliya oo la timid qorshe gaar ah oo lagu sugayo amniga caasimada, wax badana ka beddala nabad-gelyada guud.

Qorshe sir ah oo SUURIYA loogu kala qeybinayo laba dal

Dimishiq (Caasimada Online) – Qorshe sir ah oo la sheegay inay ka dambeeyaan Mareykanka iyo Israel ayaa ka curanaya galbeedka dalka Syria, iyadoo dadka naqdiya qorshahani ay ka digayaan inuu ujeedkiisu yahay in la kala dhantaalo dalkan dagaalladu ragaadiyeen, iyadoo lagu gambanayo ilaalinta beelaha diimaha laga tirada badan yahay.

Istaraatiijiyaddan, oo loogu magac daray mashruuca “Galbeedka Syria,” waxay ka faa’iideysanaysaa welwelka iyo cabsida soo food saartay bulshooyinka Calawiyiinta, Kirishtaanka, iyo Druze-ka ee ku hoos nool xukuumadda cusub ee ku-meelgaarka ah.

Sida ay warinayaan ilo-wareedyo amni oo gobolka ah iyo warbixinno soo ifbaxaya, qorshahani wuxuu isugu jiraa ololeyn siyaasadeed (lobbying) oo ka socota Washington, isku-dubarid militari oo qarsoodi ah, iyo kicinta iska-hor-imaadyo mad-habi ah oo si ula kac ah loo abaabulay.

Hadafka ugu dambeeya, sida uu sheegay ilo-wareed la hadlay warbaahinta The Cradle, waa in la kala dhantaalo midnimada dhuleed ee Syria, si loogu adeego danaha istaraatiijiyadeed ee Israel.

Qorshe lagu qaabeeyey Washington

Asalka qorshahan wuxuu si cad uga soo muuqday hadallo ay jeediyeen sharci-dejiyeyaal sare oo Mareykan ah. Dhageysi uu yeeshay Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka 13-kii Febraayo, ayuu Senator James Risch, oo ah xubin sare oo Jamhuuri ah, wuxuu ku taliyay in diiradda la saaro galbeedka dalka.

“Marka aad eegto khariidadda Syria, waxay u muuqataa sidii halxiraale isku dhex yaacsan oo kale (Rubik’s cube) marka la eego sida uu dalku u kala qaybsan yahay,” ayuu yiri Risch. “Fikraddeydu waxay tahay inaan diiradda saarno qaybtan galbeed… haddii aan meeshan gacanta lagu dhigin, inta kale ee dalka gacanta laguma dhigi karo.”

Aragtidan waxaa si la mid ah u muujiyay Michael Singh oo ka tirsan Machadka Washington ee Siyaasadda Bariga Dhexe (Washington Institute for Near East Policy), oo ah xarun daraasaad oo magac leh, kaasoo sheegay in Mareykanku uu “xoogga saari karo waxa ka socda galbeedka Syria.”

Doodahan ayaa haatan isu rogay ololeyn la taaban karo. Agoosto 5, shirkadda la-talinta ee fadhigeedu yahay Washington ee Tiger Hill Partners ayaa shaacisay inay matali doonto hay’adda cusub ee loo bixiyay “Mu’asasada Horumarinta Galbeedka Syria.”

Sida lagu shaaciyay diiwaannada dadweynaha u furan, qandaraaskan oo ah hal sano oo ku kacaya $1 milyan, ayaa ujeedkiisu yahay in loo doodo xuquuqda dadka laga tirada badan yahay ee Syria iyo in saameyn lagu yeesho siyaasadda Mareykanka ee ku wajahan kala-guurka siyaasadeed.

Israel ayaa lagu warramayaa inay hagayso dhinacyada qarsoon ee qorshaha, iyadoo ah “maskaxda ka dambaysa,” sida ay sheegtay warbixinta The Cradle. Isku-xirkan ayaa la sheegay inuu hirgalay bishii Luuliyo, kaddib labo kulan oo albaabadu u xirnaayeen oo ka dhacay Tel Aviv.

Kulammadaas ayaa la sheegay inay isu keeneen saraakiil Israeli ah iyo shakhsiyaad masaafuris ku nool oo u dhashay Syria kana soo jeeda beelaha Calawiyiinta iyo Druze-ka. Kulamadaas kaddib, Eddy Cohen, oo ah saxafi Israeli ah oo caan ka ah warbaahinta Carabiga, ayaa ku dhawaaqay Agoosto 6 in “isbahaysi Calawiyiin iyo Druze ah” lagu dhisayo Mareykanka.

Wadahadalladan heerka sare ah ayaa ku soo beegmay xilli ay dhaceen dhacdooyin ammaan-darro oo is-xigxigay oo ka dhacay gobolka xeebta Syria, oo ah xudunta deegaanka Calawiyiinta.

Ciidamada amniga gudaha ee Syria ee magaalada Tartous ayaa shaaciyay inay fashiliyeen shirqool la doonayay in lagu weeraro Kaniisadda Mar Elias ee Maronite-ka ee ku taal Safita. Shaacintan, oo saddex toddobaad dib loo dhigay, ayaa dhalisay shaki ah inuu jiray isku day ula kac ah oo lagu abuurayo cabsi beelaha dhexdooda ah, si marmarsiiyo looga dhigto faragelin shisheeye oo lagu soo gabanayo ilaalinta dadka laga tirada badan yahay.

Isla mar ahaantaas, warbaahino gaar ah ayaa faafiyay bayaan aan la xaqiijin oo sheegayay in la aasaasay “Gole Millitari oo Kirishtaan ah.” Ujeedada lagu sheegay ee kooxdan ayaa ahayd in la mideeyo dagaalyahannada Kirishtaanka ah ee horay ula dagaallamay kooxaha mayalka adag sida Hayat Tahrir al-Sham (HTS)—kooxda hadda gacanta ku haysa hoggaanka ku-meelgaarka ah ee Syria—iyo in la xaqiijiyo in Kirishtaanku matalaad ku yeesho heshiis kasta oo siyaasadeed oo mustaqbalka la gaaro. Jiritaanka iyo sugnaanshaha golahan weli lama xaqiijin.

Suuriyada Assad kadib iyo cabsi baahday

Mashruuca “Galbeedka Syria” wuxuu higsanayaa inuu ka faa’iideysto firaaqa awoodeed iyo cabsida qotada dheer ee ka dhalatay burburkii kediska ahaa ee xukuumaddii Bashar al-Assad dabayaaqadii 2024. Hoggaanka cusub ee sida dhabta ah u taliya (de facto) waxaa gacanta ku haya Axmad al-Sharaa (oo hore loo yiqiin Abu Mohammad al-Julani), oo ah hoggaamiyaha HTS.

Inkastoo al-Sharaa uu si cad u ballanqaaday inuu ilaalin doono beelaha laga tirada badan yahay, haddana bulshooyin badan oo Calawiyiin, Kirishtaan, iyo Druze ah ayaa weli cabsi weyn ka qaba kooxdan Islaamiga ah, oo Mareykanku uu weli u aqoonsan yahay urur argagixiso. Jawigan hubanti la’aanta ahi wuxuu dhul-gogol u yahay dhinacyada shisheeye ee doonaya inay gobolka ka samaystaan aagag saameyn.

Qorshahan ayaa sidoo kale la sheegay inuu ku fidsan yahay dalka deriska la ah ee Lebanon, si hubka looga dhigo ururka Xizbullah ee ay Iran taageerto—oo ahaa xulufo weyn oo la lahaa nidaamkii hore ee Assad—iyo in dagaalyahannada Syria laga soo saaro Lebanon dibna loogu celiyo deegaanka xeebta ah ee la qorsheynayo.

“Ilo-wareed amni oo gobolka ah” oo uu soo xigtay The Cradle ayaa istaraatiijiyaddan ku qeexay mid ay Israel ku doonayso inay ku abuurto labo marin oo istaraatiiji ah. “Israel waxay doonaysaa inay ka faa’iideysato kala qaybsanaanta beelaha iyo qowmiyadaha Syria si ay dadka laga tirada badan yahay ugu adeegsato qalab siyaasadeed iyo mid militari, taasoo ka caawinaysa qorshaheeda ah kala qaybinta dalka,” ayuu yiri ilo-wareedka.

In kasta oo mashruucan uu u muuqdo mid dardar leh, haddana wuxuu wajahayaa iska-caabbin. Isla ilahaas ayaa sheegaya in jilayaal gudaha iyo dibadda ah, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan maamulka cusub ee Dimishiq, ay si xoog leh uga shaqeynayaan sidii ay u fashilin lahaayeen qorshahan, iyagoo horeyba ugu guuleystay inay hor-istaagaan weerarkii lala damacsanaa kaniisadda Safita.

Haddii uu sii ahaanayo olole qarsoodi ah iyo haddii uu isu beddelo siyaasad muuqata, mashruuca “Galbeedka Syria” wuxuu daah-furayaa weji cusub oo halis ah oo colaadda ka mid ah, isagoo halis ku ah inuu dalka si joogto ah ugu kala dillaaciyo saldhigyo mad-habi ah, taasoo danaheeda istaraatiijiyadeed ay leeyihiin quwadaha shisheeye.

Xog: Mucaaradka Soomaaliya iyo beesha caalamka oo yeelanaya kulan xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la filayaa in maanta kulan xasaasi ah ay la yeeshaan wakiilada beesha caalamka, iyaga oo kala hadli doono xaaladda cakiran ee dalka.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in mucaaradka ay si gaar ah beesha caalamka u gala hadli doonaan fashilka ku yimid wada-hadalladii ay la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh oo burburay, kadib markii ay labada dhinac ku gaari waayeen wax is faham ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, qorshaha mucaaradka ayaa ah in wakiilada ay la kulmi doonaan ay kala hadli doonaan tabashada ay weli ka qabaan cutubka 4-aad ee Dastuurka oo ay isku mari waayeen Madasha Samatabixinta iyo hoggaanka Villa Somalia, taas oo keentay in natiijo la’aan ay soo dhammaadeen wada-hadallo la’isla gaaray illaa 5 wareeg.

Kulankan ayaa la fiayaa in dhinacyadu uga wada-hadlaan sidii xal loogu heli lahaa xaaladda guud ee dalka, iskuna soo dhawaan lahaayeen dhinacyada isku haya siyaasadda dalka.

Wakiillada beesha caalamka ayaa dhawaan baaq furan u diray dowladda federaalka iyo mucaaradka, iyaga oo ugu baaqay in wada-hadal lagu dhammeeyo xiisadda dhexdooda ah, si looga fogaado wax weliba oo keeni kara dib u dhaca dalka.

Mucaaradka ayaa haatan sii xoojinayo dhaq-dhaqaaqiisa, waxaana soo dhammaaday kulamo gooni gooni ah oo dhexdooda ay yeesheen, iyaga oo kasoo saaray bayaan culus oo ay uga horyimadeen qorshaha uu damacsan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“9-ka bilood ee ka harsan muddo xileedka Madaxweynaha waa in xal laga gaaro doorasho toos ah oo loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay, dalkana u hoggaamisa qof iyo cod.” ayaa lagu yiri bayaankii u dambeeyay ee ay soo saareen xubnaha Madasha Samatabixinta.

Waxaa kale oo Madasha ay ku baaqday in dedeg loo joojiyo colaadda ay dowladu dalka ka hurrinayso, gaar ahaan gobolka Gedo. Sidoo kalena waxay Madaxweynaha ugu baaqday inuu hakiyo arrimaha dhulka danta guud ee dhalisay xasillooni darrida.